Wararka

GUJI DHAMMAAN WARARKA DALKA

WARARKA MAANTA 30ka Maay 2022  Su’aalaha Maanta: Yaa Raysal Wasaare noqon doona ma qof nadiif ah mise qof dembiile ah? Yaa maanta ka mudan dhallinyaradda waxbaratay sida Xaaji Dr. Badal W. Kaariye “Janno-Gale” inuu noqdo Raysal Wasaaraha cusub ee #Soomaaliya? Madaxweyne Mudane assan Shiikh Maxamuud ma magaaci doonaa qof dhallinyaro aqoon-yahan ah? Yaa maanta #Shacabka #Soomaaliyeed runta ka qarin kara? Yaa soo xiri doona Fahad Yaasiin Iyo raggii dilay Marxuumad Ikraam Taxaliil? Ha wiqleyso!   Muqdisho 30ka May 2022 Munaasabad ka dhacday Dugsiga Tababarka Booliska Qaranka ee magaalada Muqdisho, ayaa Sarreeye Guuto Katungi lagu guddoonsiiyay shahaado sharaf uu ku muteystay doorkii uu ka qaatay amniga doorashada. Shahaadada ayaa waxaa ku wareejiyay wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha, Fahim Mohammad Ali. Gen Keith Katungi waxa uu sheegay in guushaasi ay ku timid wada shaqeyn dhexmartay ciidanka Booliiska Soomaaliya iyo Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM iyo, ka hor iyo inta lagu guda jiray doorashada. Ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS islamarkaana ah ciidamada ugu badan ee dalka ku sugan ayaa waxaa loo xilsaaray sugidda amniga gobolada Banaadir iyo Shabeellaha Hoose. Muqdisho 30ka May 2022 Guddoomiyihii guddiga doorashooyinka Dadban ee Soomaaliya Muuse Geelle Yusuf ayaa soo dhoweeyay go’aankii raysal wasaaraha Soomaaliya uu xalay ku kala diray guddigii dooashada dad banaa.Muuse Geelle oo BBC Soomaali la hadlayay wuxuu sheegay in guddigooda uusan jirin wax shaqo ah oo haatan u harsanaa, isagoo tilmaamay in waqtigoodu uu ku ekaa markii ay dhammaatay doorashadii xildhibaannada golaha shacabka. Mar wax laga weydiiyay kala diristooda kahor in ay damacsanaayeen fasaxida kursiga hop86, wuxuu sheegay in aysan arrintaas waxba ka jirin islamarkaana wuxuu caddeeyay in kursigaas reerka iska leh ay ka tashanayaan sida laga yeelayo. Wuxuu kaloo caddeeyay in kursigaas uu maridoono dariiqa ay mareen kuraas doorashadooda dib uga dhacay waqtigooda iyo kuwa baaqday, iyaguna aysan haba yaraatee wax shaqo ah ku lahayn. Muqdisho 30ka May 2022 Wasiirka Warfaafinta ee dowlad degaanka Soomaalida Cabdulqaadir Rashiid oo Warbaahinta la hadlay, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedaymo ay mucaaradka degaanku usoo jeediyeen xukuumadda, oo la xiriira arrimaha Sicir bararka ee ka jira degaanka Soomaalida. Wasiirku waxa uu beeniyay hadallada kasoo yeeraya mucaaradka ee ah in lacago la lunsaday, oo lacago laga bixiyay degaanka, wuxuuna yiri ” Cidda sheegaysa in musuq jiro, in lacago degaanka laga tallaabiyay oo gawaadhi lagu qaaday waa dacaayadaad aan sal iyo raad toona lahayn”. Waxa kale oo uu Wasiirku sheegay in mucaaradku ay si kale u fasirteen hadal hadda ka hor xukuumadda degaanka kasoo baxay, oo la xiriiray xakamaynta Sicir bararka oo loo dhigay in si guud xukuumaddu aysan waxba uga qaban karin Sicir bararka, balse ay ahayd dowladdu asbaabta keentay Sicir bararka waxba kama qaban karto. “Dollarku inuu kaco maxakamayn karno oo gacanta kuma hayno, in Shidaalku qaaliyoobo gacanta kuma hayno, laakiin sababaha keenay Sicir bararka anagoon xakamayn karin ayaa waxaan ku dadaalaynaa inaan bulshadayada u gurmano, anagoo mar walba ku jirna la tacaalidda hab nololeedka bulshada, si loogu saleeyo jawi ku haboon nolosha” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta DDS C/qaadir Rashiid. Dhinaca kale Wasiirku waxa uu beeniyay wararka sheegaya in shirkii lagaga hadlayay Sicir bararka, loo diiday Warbaahinta madaxa banaan inay ka qayb galaan oo ay shirka soo tabiyaan, wuxuuna sheegay in shirkaas loo fasaxay Warbaahinta madaxa banaan, aysana jirin warbaahin si gaar ah loogu diiday inay shirka ka qayb galaan oo ay soo tabiyaan. Ugu dambayn Wasiirku waxa uu sheegay in degaanka Soomaalidu uusan lahayn wax soosaar dhulka lagala soo baxo, dadkuna ay ku tiirsan yihiin waxa dibadda uga yimaadda oo mar walba saamayn kuleh Sicir bararka, waana midda keentay ayuu yiri Wasiirku in degaanku uu Itooboyada kale kaga duwanaado dhinaca Sicir bararka, maadaama degaannada kale ee Itoobiya ay isticmaalaan dadkoodu wax soosaarka beeraha sida Daafida iyo wixii lamid ah. Degaanka Soomaalida ayaa muddooyinkii u dambeeyay waxaa ka jiray Sicir barar qof walba halkiisa ugu tagay, iyadoo xukuumadduna ay dhankeeda ka waddo dadaallo wax lagaga qabanayo saamaynta ka dhalan karta Sicir bararka. Muqdisho 30ka May 2022 Wararka laga helayo Hargeysa ayaa sheegaya in ay sii xooganeyso xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Somaliland, taas oo ka dhalatay muranka hareeyey doorashada guud ee maamulkaas oo ay isku hayaan mucaaradka & xukuumadda. Saddexda Xisbi ee kala ah Wadani, Ucid iyo midka talada haya ee Kulmiye ayaa isku hardinaya doorashada hoggaanka Somaliland, iyada mucaaradka ay dood xoogan ka keeneen, sida ay wax ku wado xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi. Dooda mucaaradka ayaa ah in doorashada waqtigeeda lagu qabto, taas oo ku beegan 13-ka November 2022, waxayna ku eedeeyeen Biixi inuu ku howlan yahay muddo kororsi. Xukuumadda ayaa dhankeeda sheegtay in la joogo waqtigii la kordhin lahaa Axsaabta siyaasadda oo ku kooban Kulmiye oo talada haya, Waddani iyo Uicd oo mucaaradka ah. Sidoo kale waxaa xiisadda uga sii daray markii garabka mucaaradka uu shaaciyey inay qabanayaan dibad-bax weyn oo looga soo horjeedo Madaxweynaha, balse waxaa diiday qorshahaasi xukuumadda oo ka hortimid, iyada oo sheegtay in dano gaar ah laga leeyahay. Wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed oo u warramay Wariyeyaasha ayaa sheegay in aysan ogolaan doonin qabashada banaan-bax aan fasax loo heysanin, wuxuuna tilmaamay in wixii mas’uuliyad darro ah ee ka yimaada ay qaadi doonaan mucaaradka. Cirro uu ku baaqday isu bax ka dhan ah Madaxweynaha Somaliland, isaga oo farriin u diray taageerayaasha xisbiga iyo guud ahaan shacabka, gaar ahaan dhalinyarada Somaliland. “Dhalinyarada waxaan leeyahay, haddii ciidanku rasaas sharci darro ah idinku soo ridaan isku dhiga” ayuu yiri Cabdiaxmaan Ciro oo ka hadlayey dibad-baxa ay qorsheynayaan. Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan balse xaaladda Somaliland ayaa u muuqata mid sii cakiremeysa, waxaana fashil kusoo dhamaaday wada-hadalladii u socday xisbiyada mucaaradka iyo xukuumadda, iyada oo kulankii ugu dambeeyey lagu kala kacay. Muqdisho 30ka May 2022 Agaasimihii xafiiska hanti-dhowrka ee maamulka gobolka Banaadir Mudane Maxamed Maxamuud Gaboose oo ka mid ah mas’uuliyiintii ku dhaawacmay qaraxii lagu dilay Allaha u naxariistee duqii hore ee Muqdisho Eng. Cabdiraxmaan Yariisow ayaa bixiyey faah faahin iyo xog ku aadan Ikraan Tahliil Faarax. Dhibane Gaboose oo weerarkaasi ku waayey lug iyo gacan is xiga ayaa wareysi dheer oo uu siiyey Idaacadda Kulmiye wuxuu kaga hadlay arrimo dhowr ah, waxaana sidoo kale wax looga weydiiyey aqoontii uu u lahaa Ikraan Tahliil oo la waayey, kadib dilkii Eng. Yariisow. Agaasimaha ayaa sheegay in Ikraan Tahliil Faarax ay aheyd gabar yar oo deggan, afgaaban, misana adaab leh, sida uu ku sheegay qaybta labaad wareysiga uu bixiyey. Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in inta badan aysan joogi jirin xafiiskeeda, balse ay agfdhiisan jirtay guddoomiyihii la dilay ee Marxuum Eng. Cabdiraxmaan Cismaan Yariisow oo ay si dhow ula shaqeyneysay mudadii uu joogay xafiiska. “Ikraan Tahliil waxaan ka xasuustaa gabar yaroo afgaaban oo idaab badan marka iyadu xafiiskeeda inta badan ma joogi jirin waxay joogi jirtay xafiiska guddoomiyaha oo guddoomiyaha ayey agfadhin jirtay inta badan,” ayuu yiri Maxamed Maxamuud Gaboose. Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo shaki weyn uu ka dhashay kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo la rumeysan yahay in loo beegsaday xog ay ka heysay qaraxii gobolka Banaadir, walow arrinteeda ay dhalisay xiisad xoogan oo hareysay dowladda Soomaaliya. Ikraan oo aheyd xubin ka tirsan Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-Sugidda Qaranka (HSNQ) ayaa warkeeda la waayey June 26 2021, markaas oo xilli habeen ah lagu watay baabuur ka qaaday gurigeeda magaaladaMuqdisho, balse 2 September ee 2021 ayaa hay’adda NISA waxa ay sheegtay inay u gacan gashay kooxda Al-Shabaab kadibna sidaas lagu khaarijiyey. Afgooye 30ka May 2022 Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda Soomalaiya iyo kooxda Al-Shabaab oo xalay saq-dhexe ka dhacay gudaha degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii ay xoogag ka tirsan Al-Shabaab weerar toos ah ku qaadeen fariisin ciidamada dowladda ay ku leeyihiin Buundada Afgooye, halkaas oo uu ka dhacay iska hor imaad la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Ilo dadka deegaanka ah ayaa u sheegay Caasimada Online inay mar qura ku soo baraarugeen dhawaqa rasaas ka dhaceyso degmada iyo dagaal xoogan oo socdo. Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkan ku dhintay ugu yaraan hal qof, iyada oo ay ku dhaawacmeen 2 kale, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka ee aan la xiriirnay. Ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa milatariga Soomaaliya ee la weeraray ayaa lagu soo warramayaa in dagaalka, kadib ay howlgallo ka sameeyeen qaybo ka mid ah Afgooye. Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay labada dhinac oo ku aadan dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey, waxaana haatan xaaladdu ay tahay mid deggan. Afgooye oo hoostagta Koonfur Galbeed ayaa waxaa inta badan ka dhaca dagaallo iyo weeraro ay kusoo qaado kooxda Al-Shabaab oo ku xoogan gobolka Shabeelaha Hoose. Sacuudiga 30ka May 2022 Maamulka maqaayad laga leeyahay dalka Faransiiska oo ku taalla magaalo xeebeedka Jeddah ee dalka Sacuudi Carabiya ayaa mamnuucay inay maqaayada soo galaan haweenka xiran xijaabka ama indha shareerka Islaamka, taas oo kicisay carro badan oo ka timid macaamiisha maqaayadda iyo muwaadiniinta boqortooyada Sacuudi Carabiya. Bagatelle Jeddah, oo ah laan ka mid ah silsiladda makhaayadda caanka ah ee Faransiiska, ayaa la sheegay todobaadkii hore iyo horraantii toddobaadkan inay diiday inay soo galaan dumarka xiran xijaabka iyo cabaayadaha. Sidoo kale, maqaayadda ayaa la diiday inay soo galaan haweenka xiran cabaayadda dabacsan oo ay xirtaan hweenka boqorootyada ingiriiska. Sidoo kalana waxaa maqaayadda loo diiday inay soo galaan ragga ku labisan dharka hiddaha iyo dhaqanka ee Sacuudiga. Kadib markii ay warbixinada sheegaya arrintaan soo bandhigeen wargeysyada iyo boggaga internet-ka, waxaa bilowday durba kacdoon ay dadka Sacuudiyaanka ah uga hor tagayaan arrintaa, waxaana baraha bulshada lagu soo qoray warbixino iyo hadalo adag oo arrintaan looga jawaabayo Koofur Galbeed 30ka May 2022 Wasiirkii hore wasaaradda warfaafinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Ugaas Xasan Cabdi Maxamed oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa jawaab kulul ka bixiyey hadalkii dhowaan ka soo yeeray xildhibaan Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo loo yaqaano (Taliye Shub), kaas oo dhowaan shaaciyey inay jiraan siyaasiyiin mucaarad ah oo ku howlan duminta Koonfur Galbeed. Ugaas Xasan oo u warramay Shabelle TV ayaa shaaca ka qaaday in Taliye Shub markiisii hore lagu yaqaanay hadallada kicinta ah iyo handadaada, balse wuxuu tilmaamay in haatan looga baahan yahay inuu garto mas’uuliyada saaran maadaama uu yahay xildhibaan Qaran. “Horta Jenaraal Mahad inta aan ogahay, inkastuu ahaa nin ciidan ah markiisii hore, laakiin maanta xeyndaabkii ciidanka iyo handadaada waa kasoo gudbay waa xildhibaan Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Ugaas Xasan. Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray Ugaas Xasan “Waxaan ka sugeynaa Jenaraal Mahad hadalladii lagu yaqaanay kicinta iyo colaadaha inuu iska daayo oo garto mas’uuliyadda saaran inay ka weyn tahay midii waagu ciidanka ahaa in wax la dilo kaliya aheyd,”. Wasiirkii hore ee warfaafinta Koonfur Galbeed oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in aysan aheyn siyaasiyiinta la eedeeyey kuwa duminayo Koonfur Galbeed, balse ay yihiin kuwii soo dhisay, ayna ka shaqeynayaan horumarka iyo in la ilaaliyo dastuurka lagu heshiiyey. “Koonfur Galbeed dadkii duminaayey ma nihin dadkii shalay soo dhisay, maantana jiritaankeeda ogol, berina inay wanaagsanaato ayaan rabnaa, haddii uu Alle idmo,”. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo horey xildhibaan Mahad uu weerar afka ah ugu qaaday siyaasiyiinta mucaaradka ee kasoo horjeedo Madaxweyne Lafta Gareen oo uu ku eedeeyey in ay wadaan qorshe lagu burburinayo Koonfur Galbeed, siduu hadalka u dhigay. “Madaxweynaha haddii la doortay dad annaga naga mid ah Digil iyo Mirifle ka mid ah ayaa system waxay wadaan inay burburiyaan maamulka inta ka jira maamul la burburiyeyna waxa uu leeyahay waa kaseynaa dhibaatuu leeyahay,” ayuu yiri Mahad Cabdiraxmaan. Koonfur Galbeed ayaa haatan wajaheyso xaalado siyaasadeed oo horleh, waxaana la isku hayaa muddada xil heynta Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta Gareen oo ay siyaasiyiinta kasoo horjeedo ku eedeynayaan inuu wado qorshe uu ku kororsanayo xilka. https://www.youtube.com/watch?v=HoNk9jFU1ro WARARKA MAANTA 29ka May 2022 Su’aalaha Maanta: Yaa u qalma Raysal Wasaaraha Soomaaliya  2022? Yaa loo soo magacaawi rabaa Raysal Wasaare cusub? Maxaase ka taqaanaa taariikh nololeedka Raysal Wasaaraha cusub ee la soo magacaabi rabo AL-Xaaji  Dr. Badal Kaariye “Janno-gale”? Meeqo afaf ama luuqadood ayuu ku hadlaa raysal wasaaraha soo socda? Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh Iyo Raysal Wasaaraha soo socda dib ma u baarin doonaan dilalkii iyo dembiyadii ay gashay Hay’adda Nabad-Sugida Iyo hoggaankeeda? Yaa runta qarin kara mar haddii agaasimihii hore ee Madaxtooyadda kashifay in Madaxtooyadda deyn lagu leeyahay? Meeqo deyn ah ayaa lagu leeyahay Madatooyadda? Yaa kamid ah xilalka saraakiisha ee la badeli doona? Ha wiqleys! Muqdisho 29ka Abriil 2022 Ra’iisal wasaaraha xilka ka sii degaya Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu eedeeyay inuu raadinayo qaab sharci ahaan lagu aqbali karo heshiis uu wasiirka batroolka Soomaaliya horaantii sanadkan la galay shirkad laga leeyahay dalka Mareykanka. Shirkaddan ayaa haddii loo ansixiyo heshiiska waxay xaq yeelan doontaa in afarta sano ee soo socota ay Soomaaliya ka sameyso Sahaminta Shidaalka iyo Gaaska, sida ay saddex ilo-wareed oo Soomaali ah u sheegeen wargeyska The Somalia Star. Raysal wasaare Rooble waxa kaliya oo uu u baahan yahay ayaa ah inuu qoro warqad rasmi ah oo uu ku aqbalayo heshiiskii aadka loogu dhaliilay Wasiirka Batroolka Cabdirashiid Maxamed Axmed. “Ra’iisul Wasaare Rooble waa in uu si nadiif ah uga soo baxaa eedeymahan foosha xun, una sheego shacabka Soomaaliyeed sababta uu wadahadalo qarsoodi ah ula galay shirkad uu cid kasta oo uu isagu ka mid yahay uu heshiiska u diiday,” ayuu yiri Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo la hadlay The Star. Xildhibaan Jeesow ayaa ugu baaqay xildhibaannada inay kor u qaadaan qeyladooda ay ku muujinayaan diidmada heshiiska, jawaabna ka dalbadaan Rooble.” Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi, ayaa madaxweyne Xasan Sheikh ugu baaqay inuu si deg deg ah raysal wasaaraha iyo xukuumadiisa kaga mamnuuco inay heshiisyo cusub la galaan dalal iyo ururro shisheeye ama ay aqbalaan ama wax ka beddelaan heshiisyo ay horay u diidday dowladdii hore. “Madaxweyne, kama aamusi kartid isku daygan uu Rooble ku doonayo inuu kaga faa’iidaysto xilliga kala guurka si uu laaluush badan uga helo shirkado iyo dalal shisheeye,” ayuu yiri Cali Geeddi oo la hadlay wargeyska The Star Muqdisho 29ka Abriil 2022 Agaasimihii xafiiska hanti-dhowrka ee maamulka gobolka Banaadir Maxamed Maxamuud Gaboose oo ka mid ahaa masuuliyiintii lixaadkooda ku waayey qaraxii lagu dilay Allaha u naxariistee duqii hore ee Muqdisho Eng. Cabdiraxmaan Yariisow iyo qaar ka mid ah masuuliyiintii la shaqeyneysay ayaa ka sheekeeyey wixii ku dhacay. Agaasime Gaboose oo wareysi siiyey Idaacadda Kulmiye ayaa sharaxaad dheer ka bixiyey qaabkii uu u dhacay qaraxii lagula beegsaday xarunta maamulka gobolka Banaadir, xilli ay shir isugu yimaadeen masuuliyiintii la laayey ee maamulka gobolka. Wuxuu ka mid ahaa dadkii ay dhaawacyada halista ah ka soo gaareen qaraxaas, sidoo kale Agaasime Gaboose wuxuu ka mid ahaa masuuliyiintii dhaawacyadooda dalka Qatar loola qaaday Guddoomiye Yariisow oo Dooxa ku dhintay. Gaboose hadda wuxuu ka go’anyahay lug iyo gacan is xiga, sidoo kale waxaa ka dhacay labada indhood, intii uu ku guda jiray wareysigaan wuxuu soo bandhigay walaac uu ka qabo in loo badbaadi karay lugtii iyo gacantii looga jaray Isbitaalka Digfeer. Muqdisho 29ka Abriil 2022 Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar dhabagal ah oo dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ku socdaalayey duleedka magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose. Weerarka oo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa waxaa xigay iska hor imaad toos ah oo u dhexeeyey labada dhinac, kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan Dagaalka iyo weerarka ka horreeyey ayaa si gaar ah uga dhacay inta u dhexeysa degaannada Janaale iyo Buufo ee gobolka Shabeelaha Hoose. Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkan ku dhintay ugu yaraan 2 askari, halka uu ku dhaawacmay 1 askari oo kale. Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in haatan xaaladdu ay tahay mid deggan, waxaana ciidamada la weeraray ay sii wateen socdaalkooda, iyaga oo gaaray magaallo xeebeedka Marka. Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo kaeoo baxay saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan weerarkaasi iyo dagaalka xigay intaba. Muqdisho 29ka Abriil 2022 Afhayeenka cusub ee Madaxtooyada Villa Soomaaliya, Mudane Cabdikariin Cali Kaar oo u warramay Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ee SNTV ayaa ka hadlay qorshaha dowlada cusub, dhismaha xukuumadda iyo shaqo abuurka dhalinyarada. Kaar oo wareysigan intiisa badan uga hadlay arrimo xasaasi ah ayaa sheegay in qorshaha shaqo abuurka ee uu ku dhawaaqay Madaxweyne Xasan Sheekh la gaarsiin doono dalka oo dhan, wuxuuna meesha ka saaray inuu jiri doono nin jecleyso ama kala doorasho. Afhayeenka ayaa sidoo kale ka hadlay tallaabooyinkii ugu dambeeyey ee uu qaaday Madaxweynaha cusub, isaga oo meesha ka saaray eedeymaha culus ee loo jeediyey ee ku aadan magacaabida xilalka sare ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, kadib markii xubnaha la magacaabay ay kasoo muuqdeen saaxibadii ku dhowaa Madaxweynaha. “Tareenkii muu dhaqaaqin wuu taagan yahay weli waa la rarayaa,” ayuu yiri afhayeenka cusub ee madaxtooyada Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray inay dhiman tahay dhismaha xukuumadda oo ay ugu horreyso magacaabista ra’iisul wasaaraha, halkaasi oo uu tilmaamay inay ka jirto fursad muhiim ah. “Ra’iisul wasaarihii weli lama magacaabin, xukuumaddii lama dhisin intaas marka ay dhacdo fursado badan ayaa abuurmi doono,” ayuu sii raaciyey. Dhinaca kale wuxuu afhayeenku beeniyey in dowladda cusub ay ku howlan tahay in ay howl-galiso dhalinyaro baraha bulshada ka difaaca Villa Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in arrintaas ay aflagaado ku tahay odeytinimada iyo dulqaadka Madaxweyne Xasan Sheekh. “Waa been arrintaas ma jirto waxaana kuu sheegayaa arrintaasi waxay aflagaado ku tahay odeynimada akhiyaarnimada, dulqaadkii, dimuquraadiyaddii uu Madaxweyne Xasan Sheekh ololaha ku galay” ayuu markale yiri Mudane Cabdikariin Cali Kaar afhayeenka Villa Somalia. Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo la filayo in isbeddalo ballaaran uu sameeyo Madaxweynaha mar labaad la doortay ee Xasan Sheekh Maxamuud, kuwaas oo saameyn doono madax kala duwan iyo shaqsiyaadkii ku dhowaa Madaxweynihii hore ee dalka.   Muqdisho 29ka Abriil 2022 Agaasimihii hore ee Villa Somalia Maxamed Cabdullaahi Ciise, oo xalay xilkaas wareejiyey ayaa shaaca ka qaaday in deyn lagu leeyahay xarunta dalka looga arrimiyo. Maxamed Cabdullaahi Ciise, oo khudbad ka jeediyey munaasabaddii uu xalay xilka ugu wareejiyey agaasimaha cusub Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in liiska uu wareejiyay ay kamid yihiin shaqaale rayid ah, ciidan, shaqaale is xilqaan u shaqeenayey iyo xubno uu horay usii watay Madaxweyne Farmaajo iyo deyn kooban. “Liiska aan wareejinayo waxaa kamid ah shaqaalaha rayidka ahaa ee Madaxtooyada, Shaqaalaha KMG ah ee Madaxtooyada, Shaqaale la yiraahdo is xilqaan oo madaxtooyada ka tirsan, deyn kooban oo madaxtooyada lagu leeyahay, dukumiinti profile ah oo waaxyaha dhan ay ku qoran yihiin oo aan ku wareejinay Electronic, Liiska Hantida Madaxtooyada ay heysato oo dhammaan way lambareysan yihiin & Shaqaale raacay Madaxweyne hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo si dadban Madaxtooyada uga tirsanaanayo,” ayuu yiri Maxamed Cabdullaahi Ciise agaasimihii hore ee Madaxtooyada. Maxamed Cabdullaahi ma sheegin ama faha-faahin kama bixin waxa ay tahay deynta lagu leeyahay madaxtooyada. Warka kasoo yeeray agaasimihii hore ee madaxtooyada ee ah in deyn lagu leeyahay Villa Somalia ayaa hadal heyn badan ka abuurtay baraha bulshada waxayna dadka qaar shaki geliyeen sheegashadii madaxweynihii hore ee Farmaajo ee aheyd in dowladiisa ay si weyn ula dagaalantay musuq-maasuqa, isla markaasna ay ku dadaashay bixinta xuquuqda lagu leeyahay. Madaxtooyada Soomaaliya waxaa hadda maamulkeeda la wareegay Xuseen Sheekh Maxamuud oo ah agaasime iyo ku xigeenkiisa Maxamed Amiin Sheekh Cismaan kuwaas oo uu dhawaan magacaabay madaxweynaha cusub ee Soomaaiya Xasan Sheekh Maxamuud, ayagaana laga doonayo inay xog dheeri ah ka bixiyaan waxa ay tahay deyntan. Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Soomaaliya Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa hoosta ka xarriiqay in aan qofna lagu dulmi doonin shaqada, wuxuuna xusay in howlwadeennadu ay abaalmarinno ku muteysan doonaan dadaalkooda. Munaasabadda xil wareejinta waxaa goobjoog ka ahaa Mas’uuliyiin ka socday Xafiiska Hanti-dhowraha guud ee dalka.   https://www.youtube.com/watch?v=5C-7lfkPa5Y WARARKA MAANTA 28ka May 2022 Su’aalaha Maanta: Yaa loo soo magacaawi rabaa Raysal Wasaare cusub? Maxaase ka taqaanaa taariikh nololeedka Raysal Wasaaraha cusub ee la soo magacaabi rabo Haaji Dr. Badal Kaariye “Janno-gale”? Maxaad ka ogtihiin horumarka iyo mashaariicda uu ka wada gudaha dalka iyo dibadda? Yaa noqon doona raysal wasaare ku-xigeen? Goorma ayaa lagu dhawaaqi doonaa Raysal Wasaaraha cusub iyo ku-xigeenka?  Muqdisho 28ka Abriil 2022 Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay dileen 7 ka tirsan kooxda Al-Shabaab, ayna gacanta ku dhigeen labo kale, kadib howlgal ay ciidamadu ka sameeyeen gobolka Shabeeladda dhexe. Odowaa Yuusuf Raage, Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka ayaa sheegay in howlgalkii ay ka sameeyeen agagaarka deegaanka War-ciise ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaasi oo ay ciidamadu ku qabsadeen gaadiid dagaal iyo qalab ay wateen Al-Shabaab. Odowaa oo la hadlay Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ee SNTV ayaa sheegay in howlgalkaasi lagu soo furtay hub iyo lacag ay kooxaha Alshabaab ka qaadan jireen dadka deegaanka. “Ujeedka howlgalkan ayaa ahaa mid looga hortagayo falalka argagixisanimo ee ka dhanka ah shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Taliyaha oo intaa ku daray in la burburiyay saldhigyo dhowr ah oo ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaankaasi iyo sidoo kale maxkamado guurguura oo taliyuhu sheegay inay  ahaayeen kuwa sharci darro ah oo ay shacabka ku dhibaateyn jireen. Kooxda Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada inkastoo ciidamada dowladda ay bilihii la soo dhaafay howlgallo ka dhan ah kooxaha Alshabaab  ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobalada dhexe iyo koonfurta. Muqdisho 28ka Abriil 2022 Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil qorsheysan oo xalay koox hubeysan ay ka geysatay gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Dilka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in loo geystay Allaha u naxariistee Nabadoon Cali Macalin Maxamuud (Cali Dheere) oo ka mid ahaa waxgaradka deegaanka. Wararka ayaa sheegaya in rag ku hubeysan bistoolado ay toogteen marxuumka, xilli uu kusii jeeday gurigiisa oo ku yaalla xaafadda Xaawo-Taako ee magaalada Beledweyne. Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in kooxda dilka fulisay ay goobta isaga baxsatay  waxaana meesha ay wax ka dhaceen gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya. AUN Nabadoon Cali Dheere ayaa ka mid ahaa ergadii dhowaan wax kasoo dooratay xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya. Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo maamulka Beledweyne oo ku aadan dhacdadaasi iyo howlgallada ay kadib sameeyeen ciidamada ammaanka. Beledweyne oo xarun u ah gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa inta badan ka dhaca weeraro qaraxyo iyo dilal qorsheysay oo ay fuliso kooxda Al-Shabaab. Muqdisho 28ka Abriil 2022 Madaxii hore ee amniga garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho Cabdiweli Maxamed Macow ayaa isbitaal ku geeriyooday lix sano kadib markii loo xiray kiis caalamka oo idil gaaray, sida ay ogaatay Caasimada Online.  Cabdiweli ayaa waxaa lagu helay dambi ah inuu gacan ka gaystay dusinta bam lagu soo dhex-qariyey Laptop kaasi oo ku qarxay diyaaradda Daallo Airlines, balse aan gaysan waxyeelo aad u weyn. Cabdiweli ayaa waxa uu qaadanayey xabsi daa’in lagu xukumay, hase yeeshee waxaa isbitaal la geeyey kadib markii uu aad ugu xanuunsaday xabsiga, sida ay ogaatay Caasimada Online.  Weerarkii diyaaradda Daalllo Airlines oo dhacay labadii Febraayo 2016 ayaa aad u qabsatay warbaahinta caalamka, wuxuuna kashiftay mid ka mid ah xeeladaha ugu weyn ee loo adeegsan karo in lagu qarxiyo diyaardaaha. Laptop-ka ayaa qarxay 20 daqiiqo kadib markii ay kacday diyaaradda Daallo oo ku socotay magaalada Jabuuti, waxaana ku dhintay hal qof oo la tuhunsan yahay inuu ahaa qofkii waday ee fuliyey qaraxa. Diyaaradda ayaanay gaarin waxyeello badan waxayna awood u yeelatay inay dib ugu soo laabato garoonka Aadan Cadde. Maxamed Ibraahim Yaasiin Colaad oo ahaa madaxda shirkadda Daallo xilligaas ayaa sheegay in qofka qaraxa fuliyey iyo rakaabka diyaaradda saarnaaba ay ku qornaayeen inay raacaan diyaaradda Turkish Airlines, balse cimilada oo xun darteed ay soo gaari weysay Muqdisho. Sidaas darteed diyaaradda Daallo Airlines ayaa laga codsaday inay shacabka gayso Jabuuti, si ay diyaaradda Turkish Airlines halkaas uga qaado. Kooxda Al-Shabaab ayaa muddo 11 maalmood kadib ah sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, ayada oo sheegtay inay beegsaneysay diyaaradda Turkish Airlines, sababtuna ay tahay in Turkey ay xubin ka tahay gaashaanbuurta NATO ee reer galbeedka. Wixii markaas ka dambeeyey Turkish-ka ayaa aad u adkeeyey baaritaanka dadka raacaya diyaaraddooda Muqdisho, ooh adda ay baaraan dad Turkish ah, ayaga oo aan aaminin Soomaalida. Muqdisho 28ka Abriil 2022 Xubno ka socday Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka ayaa maanta la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda, Cabdisaciid Muuse Cali ee dhawaan shaqada uu ka joojiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa hore ugu eedeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ku takrifal awoodeed markii uu ku sameynayay shaqo joojinta Kulanka Cabdisaciid iyo xubnaha ka socday Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka ayaa yimid kadib markii uu Ra’iisul Wasaaraha dalbaday in Hanti-dhawrka iyo Hay’addaha amnigu ay baaritaan ku sameeyan tallaabooyinka Wasiirka, gaar ahaan fasaxida Markab siday dhuxul sharci daro ah. Wasiirka shaqada laga joojiyay ayaa dhankiisa xaqiijiyay kulankaan, isaga oo qoraal uu soo saaray ku yiri “Maanta waxaan kulanay xubno ka socda Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka. Waxaa ka wada-hadalnay sida ay wax u jiraan. Waxaana ka warsugaynaa wixii ka soo baxa.” 24-kii bishaan ayay aheyd markii uu Ra’iisul Wasaar Rooble shaqo joojin ku sameeyay Wasiirka Arrimaha Dibedda, sidoo kalena uu baabi’iyey warqad wasaaradda Arrimaha dibadda ay ku fasaxday Markab waday dhuxul sharci daro ah oo ku xirnaa xeebaha dalka Cumaan. Arrimahaan ayaa imanaya kadib markii uu Rooble sharci darro ku tilmaamay shaqaalaha Wasaaradda ee la bedelay ama shaqada laga qaaday laga soo bilaabo kowdii Janaayo 2022, uuna amray in shaqaalahaas dib loogu fasaxo howlahooda, dibna loogu celiyo goobihii iyo xafiisyadii ay ka shaqeynayeen Muqdisho 28ka Abriil 2022 Soomaaliya oo leh xeeb dhirirkeedu le’eg tahay 3,333 kilomitir kuna fadhida aag dhaqaale u gaar ah (EEZ, exclusive economic zone) oo ka badan hal malyan kilomitir oo isku wareeg ah ayaa ka mid ah goobaha ugu qanisan kalluumaysiga adduunka oo aan weliba si weyn looga faa’iideysan.  Aaggan badda usii galaya ilaa 370 km dal shisheeye kalama bixi karo khayraad nooc kastya ha ahaado iyadoon ogayn Soomaaliya. Haseyeeshee, tan iyo burburkii nidaamkii kelitaliska waxaa fara ba’an ku hayay xaalufinta kalluumaysiga sharcidarrada ah oo had iyo jeer ka baxsada baaritaannada siina kordhay wixii ka dambeyay hoos u dhacay burcad-badeedda. Blue Marine Foundation ayaa May 20, 2022 sheegtay in dalalka Midowga Yurub ay u fasaxeen maraakiibtooda inay si sharcidarro ah uga kalluumaystaan biyaha Soomaaliya. Hay’adda OceanMind ayaa soo bandhigtay dhaqdhaqaaq kalluumeysi oo ay wadeen maraakiib Isbayn (Spain) iyo Faransiiska leeyihiin.  Kalluumaysigan oo qawaaniinta adduunka oo idil khilaafsan wuxuu si daran u xaalufiyaa tabdin (Tuunada) nooca loo yaqaan “Bluefin ama albacore” (Tuna alalunga) oo aad loo jecelyahay. Soomaaliya ayaa dhibaato ku hayaan maraakiibta kalluumeysiga Midowga Yurub oo ciidamada badda “Atlanta” hoos yimaadaan kuwaasoo ku cadaadinayo Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) inay siiso muddo kordhin dhan sagaal bilood, balse marnaba iska xil saarin inay wax ka qabataan xaalufinta sharcidarrada ah. Maraakiibta Giriiga, Talyaaniga, Portugal, Isbyn, iyo Fransiiska ayaa taariikh kalluumaysi sharcidarro ah ku leh Galbeedka Afrika, taasoo caddaynaysa in Midowga Yurub uu hagoogayo xaalufinta biyaha Soomaaliya. Waxaa daliil ka ah in aqoonyahannada daraasadka samayay markay kala hadleen xaalufinta badda Soomaaliya ay ugu jawaabeen: haddeer kuma tala jirno inaanu yareeyno. Sawirro dayax-gacmeedka qaaday ayaa muujinaya maraakiib Yurub oo sanduuqyo ku gurayo kalluun noocyada aan la nidaamin oo ay ka jilaabteen aagagga mamnuuca ah (marine reserve area), taasoo kor u qaadday walwalka laga qabo saamaynta xun ee ay ku yeelan karaan kaydka kalluunka iyo hab-nololeedyada badda – marine ecosystems. Daraasadka waxay kaloo sheegtay in 2020 uu ahaa sannadkii ugu darnaa oo badda laga xalufiyay saddex dalool  labo oo lagu qiyaasay inuu kalluunkaas ahaa “Tabadin” oo ay ka qaadanayso 10 (toban) sano si uu isusoo taro. Maraakiibtaas waxay kalluumaysan karaan muddo dheer iyagoo ku rogaya tacabkooda maraakiibta qaboojiyeyaasha oo ku sugan cirifka biyaha caalamiga ah ee aaga dhaqaalaha u gaarka ah dalka (EEZ). Soomaaliya ma laha awood ay ku mamnuucdo amaseba kaga xannibto soo gelitaanka biyaheeda. Marka laga reebo, ganacsiga maandooriyayaasha iyo hubka, kalluumaysiga sharcidarrada ah waa fal dambiyeedka saddexaad ee ugu ribix badan caalamka. Dowladda Soomaaliya wuxuu xil weyn ka saran yahay badbaadada khayraadka dalka. Dalku waxuu leeyahay ilaa 604 nooc oo kalluun ah, kuwaasoo 420 ka mid ah ay yihiin kuwo ganacsi gal ah. Balse, maraakiibta kalluumeysiga ee dalalka Yurub iyo Aashiya ee loo soo jiheeya badda Soomaaliya waxaa u sabab ah “tuunada” oo aad u qiimo badan. Warbixinta waxay kaloo muujisay in maraakiibtani, gaar ahaan kuwa dalka Isbayn (Spain) ay demiyaan qalabka loo yaqaan (AIS, automatic identification system) oo khasab ku ah maraakiibta waaweyn oo idil kaasoo sheegaya goobta uu markabku kaga sugan yahay si uusan markab kale ugu dhicin. Sidaas daraaddeed, DFS waxaa waajib ku ah inay wadahadallo diblomaasiyadeed la yeelato Midowga Yurub si ay ugala xaajooto dhaqdhaqaaqyada maraakiibtooda si ay u joojiyaan ku xadgudbka madaxbanaanida qaranka Soomaaliyeed islamarkaasna loo hubiyo inaanay ku lug lahayn tahriibka hubka sharcidarrada ah. Baarlamaanka (BFS) waxaa isna waajib ku ah inuu dhammaystiro sharuucda badda si kuwa ku xadguba loo marsiiyo qaanuunka. Masar 28ka Abriil 2022 Dacwad-oogaha guud ee Masar ayaa Jimchii amray in lasii daayo gabadha Soomaalida ah ee dishay nin Masri ah oo bajaaj ku waday kadib markii isku dayey inuu kufsado. Go’aanka dacwad-oogaha oo ah mid jiri doona illaa baaritaanka laga soo geba-gabeeyo ayaa yimid kadib markii booliska iyo dhaqaatiir sameeyey tijaabo caafimaad ay xaqiijiyeen inay sax tahay doodda gabadha ee ah inay is-difaaceysay kadib markii bajaalaha uu isku dayey inuu kufsado. Sida uu sheegay xafiiska dacwad-oogaha, wuxuu 17-kii May helay warbixin sheegeysay in meydka Bajaajle laga helay waddo ku taalla banaanka xaafadda 6-da October ee Giza.  Waxyar kadib gabadha Soomaalida oo markii hore da’deeda lagu sheegay 16 jir, balse hadda la sheegay inay tahay 15 jir, ayaa booliska isku soo dhiibtay ayada oo timid saldhiiga booliska Giza, islamarkaana ku wargelisay inay dishay bajaajle. Gabadha Soomaalida, oo aan magaceeda la shaacin, ayaa sheegtay in ninka uu ula soo baxay mindi, iskuna dayey inuu kufsado, balse ay iska caabisay ayada oo dhaawac uu ka gaaray faraha balse ugu dambeyn ku guuleysatay inay mindida kala wareegto kadibna isaga ku disho. Waxay intaas ku dartay in qorshaheeda uu ahaa kaliya inay ninka dhaawacdo, si ay uga badbaado, balse nasiib-darro uu geeriyooday “Waxaan doonayey kaliya inaan sharafteeda dhowro, oo aan is-difaaco, mana damacsaneyn inaan dilo balse wuu dhintay,” ayey tiri gabadha sida uu kasoo xigtay wargeyska Al-Ahram ee Qaahira.  Dacwad-oogaha ayaa sheegay in booliska iyo dhaqaatiirta caafimaadba ay muujiyeen in sida ay gabadha wax u sheegeyso la rumeysan karo.   Sidoo kale, baaritaan lagu sameeyey meydka Bajaajle-ha ayaa muujiyey in habka uu u dhintay iyo sida ay wax u sheegtay gabadha ay is-waafaqayaan. Sheekada gabadha Soomaalida ah ayaa aad u qabsatay baraha bulshada Masar, ayada oo heshay taageero badan oo lagu difaacayo, waxaana dad badan ay ku baaqayaan in qareenada ugu caansan Masar iyo Golaha Qaran ee Haweenka Masar ay u istaagaan inay difaacaan. HRW 28ka Abriil 2022Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Right Watch ayaa warbixin cusub kasoo saartay xasuuqii laba sano ka hor ka dhacay deegaanka Gololey ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo lagu dilay illaa sideed qof oo ahaa shaqaale caafimaad. Hay’adda ayaa ugu baaqday Madaxweynaha cusub Mudane Xasan Sheekh Maxamuud in uu dib u eegis ku sameeyo dhacdadaasi, si loogu sameeyo baaris dheeraad ah. “Waxa uu ku bilaabi karaa in uu amar ku bixiyo in dib u eegis lagu sameeyo baaritaanada dowladda federaalka ah ee wali la sugayo ee ku saabsan dhacdooyinka halista ah ee lagu weeraray dadka rayidka ah,” ayaa lagu yiri warbixinta Hay’adda Human Right Watch. Halkan hoose ka aqriso:- Labo sano ka hor, tuulada Gololey ee gobolka Shabeellaha Dhexe ee Soomaaliya waxaa ka dhacay xasuuq ba’an oo lagu xasuuqay siddeed ka mid ah shaqaalaha caafimaadka. Gelinkii dambe ee Maajo 27, 2020, shan nin oo wejiyada soo duubtay – afar la sheegay inay wateen dareeska dawladda – ayaa toddoba nin oo shaqaale caafimaad ah ka afduubay xarun caafimaad oo ay maamusho hay’ad aan dowli ahayn. Waxa kale oo ay kaxeysteen nin farmashi ka ag dhawaa xarunta iibinayay dawooyinka. Dableyda ayaa sideedii qof u soo dhaqaaqay, iyagoo indhaha ka xiray, waxayna ka tageen dumarkii ay isla shaqeynayeen. Muddo 24 saac ku dhow ayay bulshadu isku dayday inay soo hesho raggaas. Gelinkii dambe ee 28-kii May, ayaa meydadkooda oo rasaastu ka dhacday laga helay meel ka baxsan tuulada. Dilalkaasi waxa ay halakeeyeen bulshada ku nool deegaanka Gololey, kuwaas oo ka qiirooday geerida dadkooda. Dhallinyaro badan oo ay qaraabadoodu ugu yeereen rajada ugu weyn ayaa reerkooda u hiiliyay.Dilkan ayaa sidoo kale argagax geliyay guud ahaan dalka. Labada maamul ee gobolka iyo kuwa dowladda ee Muqdisho jooga ayaa billaabay baaritaanno. Balse labo sano ka dib, ma jirto wax ka soo baxay baaritaannadaas. Madaxwaynihii Dowlad goboleedka Hirshabele ee xiligaasi waxa uu sameeyay guddi baaris ah, waxa uuna balan qaaday in 30 cisho gudahood ay ku soo saari doonaan natiijada baaritaanada. Laakiin tani weligeed ma dhicin. Sidoo kale ma jiro wax natiijo ah oo ka soo baxay baaritaanka ay wadeen Waaxda Dambi baarista Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee CID-da. Ehelada iyo asxaabta todobada qof ee shaqaalaha caafimaadka ayaa si isdaba joog ah ugu baaqay cadaalad. Dhawr ka mid ah asxaabtooda oo goob-joog ka ahaa afduubka ayaa u markhaati furay baarayaasha duruufo adag. Mid ka mid ah dumarkii aanu wada shaqaynaynay ayaa wakhtigaas noo sheegtay: “Waxa aan culays igu hayay muddo dheer. Waad fahmi kartaa sida ay dareemeyso inaad u xiistay asxaabtaada kula shaqeyneysay; waxaan rajeyneynaa in maalin uun ay heli doonaan cadaalad.” Dhacdadan naxdinta leh ka sokow, baaritaanno kale oo lagu sameeyay dilalkii iyo waayitaankii dadka rayidka ahaa sannadihii u dambeeyay ayaan sidoo kale la soo gabagabeyn, taasoo u oggolaanaysa in isla xisaabtan la’aanta ay sii jirto oo ay ehelada wax jawaab ah waayeen. Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ballan qaaday inuu mudnaanta koowaad siinayo dib u habeynta sharciga iyo garsoorka. Waxa uu ku bilaabi karaa in uu amar ku bixiyo in dib u eegis lagu sameeyo baaritaanada dowladda federaalka ah ee wali la sugayo ee ku saabsan dhacdooyinka halista ah ee lagu weeraray dadka rayidka ah. Iyo eheladii iyo asxaabtii badnaa ee lagu xasuuqay Gololey waxay mudan yihiin baaritaan cusub. https://www.youtube.com/watch?v=oXhGxlnp0zo WARARKA MAANTA 5ta May 2022 Su’aalaha Maanta: Yaa xaq u leh maanta inuu maamulo laamaha amniga iyo hoggaanka dalka? Maxaa ka khaldan Madaxweynihii hore ee xilka ka dhammaaday  musharax Farmaajo “Been-Hawaas”” oo xaqiiqsaday inaysan mar dembe golaha shacabka iyo Ummadda Soomaaliyeed ku dooran doonin been iyo huuhaa 4 dekadood loogu yabooho #Ethiopia? Yaa maanta diidi kara inuu Farmaajo ka dhigay #Soomaaliya dalka ugu musuqmaasuqa badan 5 sanno ee la soo dhaafay xitaa xildhibaanadii matalayey deegaankiisa waxuu dhex dabaalsiiyey musuqmaasuq iyo jah-wareerin? Ha Wiqleyso! Muqdisho 5ta Abriil 2022 Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi  Farmaajo ayaa joojiyey dhammaan go’aammada ku saabsan isbeddelada maamul iyo shaqaale ee Hay’adaha Dowladda, inta lagu guda jiro dhammeystirka doorashooyinka.Madaxweyne Farmaajo isagoo ka amba qaadaya xeerkaan ayaa wuxuu wax kama jiraan ku tilmaamay magacaabis iyo xil ka qaadis ay xukuumada raysal wasaare Rooble ku sameeysay agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo shaqada laga joojiyay, magacaabidda ku simaha Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, iyo agaasimaha Hay’adda Tayo Dhawrka Qaranka. Qoraal kasoo baxay madaxtooyada ayaa lagu sheegay in la baabi’yay dhammaan wixii magacaabis iyo go’aan maamul ah oo taabanaya wax ka beddelka Hay’adaha gudaha ee dowladda iyo shaqaalaha Rayidka ah, laga soo bilaabo maalintii la dhaariyey Xildhibaannada Baarlamaanka ee 14-ka Abriil 2022. Madaxweyne Farmaajo ayaa faray  hay’adaha Dowladda inay ka fogaadaan in xilalka iyo hantida dadweynaha looga faa’iideysto dano gaar ah iyo si aan u adeegayn danta guud ee dalka, isagoo sheegay in qof walba lagula xisaabtamayo ku takrifalka hantida iyo awoodda qaranka. Tallaabada madaxweyne Farmaajo ayaa kusoo beegmatay waxyar kadib markii baraha bulshada lagu faafiyay wareegtooyin magacaabis iyo xil ka qaadis ah oo kasoo baxay xukuumada raysal wasaare Rooble. Muqdisho 5ta Abriil 2022 Muqdisho 5t Guddoomiyaha aqalka sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta magacaabay guddi ka kooban 6 xubnood oo ah guddiga doorashada madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya. Barlamaanka aqalka sare ayaa sidoo kale guddigan meel mariyay sida lagu sheegay war-saxafaddeed kasoo baxay aqalka sare, kadib kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho. Lixdan xubnood ee guddiga doorashada, ayaa matalaya shanta dowlad goboleed, Somaliland iyo gobolka Banaadir, waxaana mid walba matalaya xubin katirsan senatarada aqalka sare. Muqdisho 5ta Abriil 2022 Xildhibaan Cabdicaziz Cilmi Cali oo kamid ahaa xildhibaanada kasoo jeedo Galmudug ee kuraastooda dad kale la siiyey haddana kamid ah Golaha badbaadada Galmudug ayaa eedeyn culus usoo jeediyey madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor). “Waxaan halkaan isugu nimid anagoo mataleyno Galmudug, maadaama aan la baxnay oo aan u istaagnay howshaan runtii u baahan in loo istaago oo badbaadada Galmudug ah, waxaan isugu imaanay wixii nagu soo kordhay iyo wixii naga halaabayba inaan Bulshadeena la wadaagno,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdicaziz Cilmi Cali. Cabdicasiis ayaa madaxweynaha Galmudug ku eedeyey inuu dayacay shaqadii iyo mas’uuliyadii loo dhibtay isla markaasna uu ku fashilmay sugidda amniga, isagoo Shacabka ugu baaqay inay tashadaan. “Bulshadeena Galmudug waxaan dareensanahay in Abaaro ba’an weli hayaan Alle haka dul qaadee, sidoo kalana har iyo habeen ayaa waxaa ku socdo weerar, waxaana muuqata in maamulka Galmudug uusan diyaarin ciidamadii amniga sugi lahaa, waxaana ku baaqeynaa in Bulshada Galmudug ay isku tashadaan si ay ammaankooda u sugtaan garabna u siiyaan walaalahooda tabaaleysan,” ayuu sii raaciyey hadalkiisa. Sidoo kale Cabdicasiis ayaa ugu baaqay xildhibaanada baarlamaanka Galmudug inay si sax ah ula xisaabtamaan madaxweyne Qoor Qoor oo uu ku eedeeyey inuu Muqdisho ka wado ololaha dib usoo doorashada Farmaajo xilli deegaanada uu madaxda u yahay ay halis uga imaaneyso kooxda Al-Shabaab. “Xildhibaanada maamul Goboleedka Galmudug waa inay la xisaabtamaan madaxda talada heysa oo uu Axmed Qoor Qoor ugu hooreeyo kaasoo kaambeyn u fadhiyo Xamar, iyadoo ay bulshadiisa dayacan tahay, waxaa nasiib darr ah runtii oo wax taariikhdu qoreyso ah in Abaarta jirta iyo amni darada jirta aysan xanuun iyo kuluul midna ku heyn madaxweynaha Galmudug, xanuunka ugu badan ee Maanta hayo waa Ahlu Sunna markii loo sheego in Al-Shabaab soo weerartay deegaanada wuxuu ku jawaabayaa amaa Bohol laga soo dhaqaaqay,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey. Ugu dambeybti xildhibaan Cabdicasiis ayaa yiri “ Waxaa sidoo kale siyaasiyan khasaaro ku ah ummadda kasoo jeedo Galmudug inaysan heysan madaxweyne ka fakaraya aayahooda waxaana taas tusaale kuugu filan in Galmudug ay weysay hoggaanka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya. Muqdisho 5ta Abriil 2022  Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa soo saaray qoraal uu ku jebinayo go’aano horay uga soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble. Sidoo kale qoraalka Farmaajo ayaa u muuqda mid jawaab u ah tallaabadii uu galabta qaaday guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Madoobe oo taliyayaasha ciidamada amray inay hadda kadib isaga ka amar qaataan. Farmaajo ayaa qoraalkiisa ku xusay laba Agaasime wasaaradeed oo dhawaan xilalka laga qaaday, kuwaas oo xil ka qaadistooda uu waxaba kama jiraan kasoo qaaday. Hoos ka akhriso qoraalkaan ka soo baxay xafiiska Farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hortagaya ku takri-falka awoodda dowladnimada, musuqmaasuqa maamul iyo xadgudubka ka dhanka ah shaqaalaha qaranka; Madaxweynaha oo tixraacaya Xeerarka jiheynayey maamul wanaagga iyo ilaalinta danta guud ee uu soo saaray 18-kii Janaayo, 2018 iyo 7dii Ogoosto 2021; Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ka duulaya cabashooyinka iyo khilaafaadka ka taagan isku dayada in isbeddel maamul iyo shaqaale lagu sameeyo qaar ka mid ah Hay’adaha dowladda, iyada oo la ogsoon yahay xaaladda doorasho ee uu dalku ku jiro; Waxa uu soo saaray Xeerkan;
  1. Waxaa Xeer Madaxweyne lagu joojiyey dhammaan go’aammada ku saabsan isbeddelada maamul iyo shaqaale ee Hay’adaha Dowladda, inta lagu guda jiro dhammeystirka doorashooyinka.
  2. Madaxweynuhu waxa uu baabi’iyey dhammaan wixii magacaabis iyo go’aan maamul ah oo taabanaya wax ka beddelka Hay’adaha gudaha ee dowladda iyo shaqaalaha Rayidka ah, laga soo bilaabo maalintii la dhaariyey Xildhibaannada Baarlamaanka ee 14-ka Abriil 2022.
  3. Xeerkan Madaxweyne wuxuu baabi’inayaa isbeddelada maamul ee lagu sameeyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Ku-simaha Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo Hay’adda Tayo Dhawrka Qaranka.
  4. Madaxweynuhu wuxuu mar kale farayaa dhammaan hay’adaha Dowladda inay ka fogaadaan xilligan xaasaasiga ah in xilalka iyo hantida dadweynaha looga faa’iideysto dano gaar ah iyo si aan u adeegayn danta guud ee dalka, qof walbana lagula xisaabtamayo ku takrifalka hantida iyo awoodda qaran.
  5. Madaxweynuhu wuxuu adkaynayaa in hay’adaha dowladda ay ka fogaadaan tallaabo kasta oo dhaawici karta sumacadda dowladda iyo hay’adaheeda.
DHAMMAAD Muqdisho 5ta Abriil 2022  Safiirkii Safaradda Soomaaliya ee dalka Talyaaniga Cabdiraxmaan Sheekh Ciise ayaa soo saaray war-saxaafadeed uu ku sharaxayo sababta uu ku yimid khilaafka u dhaxeeya asaga iyo wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali, oo sheegay inuu xilka ka qaaday, wuxuuna Safiirku eedeymo culus u soo jeediyey wasiirka. Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka Danjire Cabdiraxmaan Sheekh Ciise KA JAWAABID WARSAXAAFADEEKA WASAARADDA ARRIMAHA DIBADDA JFS EE 1da MAY 2022 Waxaan warbaahinta maxaliga ee dalka Soomaliya ka akhristay War-Saxaafadeed ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga (WADIC) J.F.S. soo saartay 1da May 2022 oo ay ku cambaareynayeen Danjire Cabdiraxmaan Sheikh Ciise, Safiirka Ambabaxaya (Out-going Ambassador) ee Safaaradda Soomaaliya ee fadhigeedu yahay Rome ee dalka Talyaaniga. Waxaa nasiib darro ah in War-Saxaafadeedka Wasaaradda, oo dabcan lagu soo saaray amarka Wasiirka, Mdn. Cabdisaciid Muuse Cali, lagu dafiray in War saxaafadeedkaasi lagu xusi waayo dhacdadii foosha-xumayd ee sumcadda Qaranka Soomaaliyeed meel looga dhacay. Waxaa xaqiiqo ah in xoog kula wareegidda Safaaradda uu dhacay habeenimada 7da April, 2022, waxaana hormuud ka ahaa Sii-Hayaha Safaaradda Magacaaban (The Designated Charge Affairs) Mdn. Axmed Cabdiraxmaan Sheikh Nuur, isagoo kaashanaaya seddax diblomasiyiin kale. Waxa aroornimada April 8, 2022 ay beddeleen furooyinka xafiisyada safaaradda, waxayna hore u qaateena furooyinka Baabuurta Safaaradda lahayd. Waxaa kaloo xaqiiqo dhab ah in anigoo ah safiirkii hore ee Safaradda Talyaaniga aanay jirin meel aan xilkii safaaradda si rasmi ah ugu wareejiyay Mdn. Axmed Cabdiraxmaan Sheikh Nuur. Arrintaas oo wali taagan waxeyna caddayn u tahay in safaaradda sifo aan sharci ahayn loola wareegay eraybixinti la doono haloo fasirtee (inqilab, xoog kula wareegid, iwm). Isla markii ay sidaasi wax u dhaceen, waxaan warbixin qoraal ah u diyaariyay una diray Wasiirka Arrimaha Dibadda, Wasiir-Ku-xigenka iyo Wasiiru-Dowlahaba, Ogeysiisna u siiyay Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha JFS. (Eeg warqadda Sumadeedu tahay Prot: SER/I/50/2022 ee April 11, 2022,) Arrinta la xiriita u yeerista safiirka, waxey aheyd u yeerid wadareed oo lix Diblomaasiyiin oo ka tirsan Safaaradda Rome loogu yeeray iney hal mar soo wada galaan Muqdisho 25-ka December 2021. Safiirka, wuxuu talo qoraal ah u gudbiyay Wasaaradda, maadaama soo gelitaanka wadareed ay kalifeyso in Safaaradda la xiro, lagana yaabo inay abuurto mushkilo firaaq u adeegidda bulshada iyo tuhun ka dhalan kara cilaaqaadka Talyaaniga iyo Somaliya. (Eeg Warqadda Prot: SER/I/149/2021 ee 13/12/2021). 1 Waxaa kalo xusid mudan, in habeenimada 13-ka April 2022 inuu Madaxweynaha JFS, Mdn. Maxamed Cabdulaahi Maxamed uu ila soo xiriiray isagoo muujiyay in uu aad ula fajacay sida ay wax u dhaceen iyo isbeddelka Safaradda lagu sameeyay. Wuxuuna igu yiri “Waa arrin fool-xun dib ayaa lagaala soo xiriiri doonaa”. Wax yar kadib, waxaa teleefoon igu soo wacay Wasiir Cabdisaciid Muuse oo markale si faahfaahsan aan sharaxaad waafi ah uga siiyay nuxurka warbixintii qoraalka aan horay ugu diray taariikhda April 11, 2022, haseyeeshee uu doorbiday in aanu ka soo jawaabin arrinta la xiriirta Xoog kula wareegidda safaaradda. Waxa aan aad ugu dadaalay in arrintaasi aanay faraha ka bixin, sidaas darteed waxaa si aan mugdi ku jirin, isku afgaranay aniga (Safiirka) iyo Wasiir Cabdisaciid Muuse, qoraal noqda raad-raac (memorandum) oo ku qoran qodobada muhiimka ee soo socda: (1) In sida ugu dhaqsi badan Safaaradda loogu soo celiyo jawigii caadiga ahaa ay ku howlgeli jirtay; (2) Furooyinka Safaaradda dib loogu soo celiyo Abukar Gacal oo ahaa ilaaliyaha safaaradda muddo 30 sano; (3) In Safiirku dib ugu soo laabto Safaaradda, si uu xilka u wareejiyo; (4) In Danjiraha Cabdiraxmaan Sheikh Ciisa uu ambabaxayo marka uu xilka wareejiyo; (5) In Mushaharadii Saddexbiloodlaha 2022 (Jan-Feb-Mar) oo Wasiirku hore u Joojiyay loo soo diro Safiirka. (Eeg Warqadda Prot: SER/I/87/2022 ee 14 April 2022). Waxaase nasiib darro ah in Wasiir Cabdisaciid Muuse uu doorbiday isagoo marin- habaabinaya dadweynaha Soomaaliyeed inuu Warsaxaafadeeka uu soo saaray cinwaan uga dhigay in: “Safaaradda Soomaliya aanu afgembi ka dhacin”. Isagoo og in safaaradda xoog lagula wareegay. Waa dhab in Wasiirku soo magacaabay Sii-Hayaha Safaaradda, isla markaana uu danjarahii horena la beddelay. Sidaas darteed, waxaa lama huraan ah, in labada shaqsi ay Xil-wareejin damestiran ku kala qaataan Amanaada Qaranka oo maamulkeeda loo xilsaaray. Nasiib darase, taasi ma dhicin maadaama Sii-Hayaha Safaaradda uu si aan leex-leexad lahayn xoog kula waregay Safaaradda, xilwareejina diiday. Waxaan ku dadaalay in bulshadii aan u adeegi jirnay oo ka carootay sida wax u dhaceen inaan dejiyo, una sheego in isbedelkuna uu meerto yahay. Waxa dhab ah in Wasiir Cabdisaciid uu ilaa hadda uu ka gaabiyay xilkii kaga aadanaa xalinta mushkiladaas. Dareenkeyga shaqsiga ah iyo xogta jirta waxay muujinaysaa in Wasiir Cabdisaciid Muuse uu dabada ka riixayay in xoog lagula wareego safaaradda. 2 Arrinta ku sabsan ku takrifal awoodeed iyo maamulka safaaradda waa wax kama jiraan. Shantii sano iyo bar oon Safaaradda Rome aan mas’uul ka ahaa, kama dhicin wax dhaliil ah, waxaana isoo martay shan Wasiir Arrimo Dibadeed. Sidaas darteed, arrinta uu wasiirka hadda lasoo booday waa wax kama jiraan. Waxaase looga fadhiyaa inuu Wasiirku uu marag-muujin cad inuu kasoo bandhigo. Haseyeeshee, maamulka u bahan in la saxo waa dhibta ka taagan Wasaaradda oo ugu horeyso xulashada iyo magacaabidda diblomaasiyiinta, taasoo Wasaaradda ay ka gaabisay inay mudnaanta siiso aqoonta guud iyo midda xirfadeedka shaqsiga, kartida, waayo aragnimada iyo hufnaanta shaqsiga. Safaaradda Rome, waxaa hadda ku sugan Diblomaasiyiin aan shaqeyn karin, oon laheyna hab dhaqan-shaqo (work ethics), balse aaminsan iney Safaaradda ku joogaan 4.5. Arrintaas oo markuu bishii December 2021 uu Wasiir Cabdisaciid Muuse booqasho ku yimid Talyaaniga uu indhahiisa ku arkay kadib kulankii uu la yeeshay Diblomaasiyiinta Safaaradda Rome. Waxaa kulankaasi wasiirka ku weheliyay, goob joog iyo marqaatina ka ahaa Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Mudane Cabdulaahi Abukar Xaaji. Gunaanadkeena waxuu yahay, sida kor lagu soo xusay, fekerka ay Wasaaradda dooneyso iney shicibka usoo gudbiso waa mid aan sal laheyn. Anigu waxaan shaqsi ahaan Qaranka Soomaaliyed usoo shaqeynayay muddo aad u dheer, waxaan waayo aragnimo u leeyahay: dad-wadeednimo (leadership), qancin, samir, hal-abuur, maamul iyo maareyn wanaag iyo dishiblin, taasoo marqaati buuxda ka yihiin intii aan la soo shaqeeyay. Sidaas darteed, waxaan ka codsanayaa Madaxweynaha JFS iyo Ra’isul Wasaaraha JFS, iney tilmaan cad iga soo siiyaan wixii aan ka yeeli lahaa Xilwareejinta la diiday. Siiba, mas’uuliyadda hantida Safaaradda ku leedahay dalka Talyaaniga oo ah hanti Qaran oo qeymo leh.   ———— DHAMAAD ———— Muqdisho 5ta Abriil 2022  Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa weli kulamo ka wada magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kuwaas oo looga hadlayo dhammeystirka doorashada. Aadan Madoobe ayaa xalay qaabilay madax kala duwan oo uu ka mid yahay  madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Qoor Qoor oo booqasho ugu tegay. Kulanka wuxuu ujeedkiisu ahaa salaan iyo hambalyo, waxaana uu Eebbe uga baryey in uu u fududeeyo xilka culus ee loo doortay. Sidoo kale Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa hoygiisa ku qaabilay ku-xigeenka Ra’iisul Wasaaraha dalka mudane Xildhibaan Mahdi Maxamed Guleed.Labada mas’uul ayaa waxa ay ka wada hadlay marxaladda kala guurka ah ee doorashada dalka. Raiisul Wasaare ku xigeen, Xildhibaan Mahdi Guleed oo u hambalyeeyay Guddoonka Baarlamaanka 11-aad ayaa waxa uu sidoo kale bogaadiyay dadaalada socda ee looga gol leeyahay dhameystirka doorashooyinka iyo soo af-jaridda marxaladda kala guurka. Muqdisho 5ta Abriil 2022 Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulamo kala gooni gooni ah oo ay Maanta yeesheen waxaa ay iska soo xuleen guddiga qaban qaabada doorashada madaxweynaha Soomaaliya. Guddiga oo ka kooban 17 xubnood ayaa 10 ka mid ah waxaa iska soo dhex xulay Xildhibaannada Golaha Shacabka, halka 6 xubnood ay soo xuleen xildhibaannada Aqalka Sare, halka Xubinta 17-aad uu magacaabay Guddoomiyaha Golaha Shacabka. Xubnaha Guddigan ayaa waxaa ay diyaarin doonaan qorshihii lagu dooran lahaa Madaxweynaha muddo kooban, waxaana magacyada 17 Xubnood ee guddiga ka kooban yahay ay kala yihiin. Xubnaha ka socda Golaha Shacabka ayaa waxaa ay yihiin 1- Cali Maxamuud Gacal (Koonfur Galbeed) 2- Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar (Somaliland) 3- Cabdiqani Geelle Maxamed (Puntland) 4- Farxaan Cali Maxamuud (Galmudug) 5- Ibraahim Awgaab Cusmaan (Jubbaland) #Somalia #Soomaaliya #Wararka #Warar #warka #News https://www.youtube.com/watch?v=Jql2LDNgx7c
WARARKA MAANTA 26ka Abriil 2022
Su’aalaha Maanta: Yaa maray in la khaarajiyo Guddoomiaha Ku-Mel-Gaarka Goalaha Shacabka Mudane Dhabanacad? Yaase qabqabtay askartii Hay’adda Nabad-Sugida Iyo Sirdoonka Qaranka #NISA ee khaarajin rabtay Guddoomiaha Ku-Mel-Gaarka Goalaha Shacabka Mudane Dhabanacad? Yaa noqon doona Madaxweynaha Soomaaliya 2022? Ma waxaa madaxweyne loo dooran karaa Deni oo ishii dhaqaalaha Dowladda #Puntland si ula kac ah u burburiyey asgaoo kumanaan ka qixiyey #Boosaaso? Mise waxaan madaxweyne u dooranaa Xassan Shiikh Maxamuud oo dhulkii hantida dadweynaha ku takrifalay oo ka iibeyey shirkaddo qaarkood ku caddeeyey heshiiska looga iibeyey dhulalkaas hantida dadweynaha ah inaysan qof Soomaali ah ka dhex shaqayn karin? Mise Ma waxaan dooraan Madaxweyne Farmaajo “Been-Hawaas” oo aan waxba qaban muddadii uu xilka hayey asagoo 4 dekadood ugu siiyey Ethiopia? Ha wiqleyso!
Muqdisho 26ka Abriil 2022 Guddoomiyaha KMG ah ee golaha shacabka Cabdisalaan Axmed Dhabancad ayaa faahfaahin ka bixiyey sababta uu xalay u dhaariyey xildhibaanadii lagu soo doortay magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.
16-ka xildhibaan ee lagu soo doortay Ceelwaaq, goobjoogna ay ahaayeen xubno ka socda guddiga heer federaal ee FEIT, waxaa barbar socday doorashada 16 kale oo kooxda Farmaajo ay ku soo dhistay Garbahaarey, kuwaas oo doonaya in lagu biiriyo baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.
Gudoomiye Dhabancad ayaa sheegay in sababta xildhibaanada Ceelwaaq uu u dhaariyey ay tahay inay siteen shahaadooyinkii rasmiga ahaa ee guddiga doorashooyinka heer federaal ee FEIT.
“Xildhibaanada aan dhaariyey waxaan ku dhaariyey cadeymahooda oo waxay wataan shahaadadii saxda aheyd ee guddoomiyaha guddiga FEIT Muuse Geelle uu soo siiyey, waaxay lamid tahay shahaadadii aniga la i siiyey oo la igu dhaariyey, la iguna aqoonsaday,” ayuu yiri Guddoomiye Cabdisalaan Dhabancad.
Sidoo kale wuxuu sheegay in ninkii shahaadadaas wata hadii uu u diido baarlamaanka aysan tiisu sax ahaa doonin, “Waxaan rumeystay inay wataan saxiixii Muuse Geelle Yuusuf, gudoomiyaha FEIT,” ayuu yiri.
Guddoomiye Dhabancad ayaa sheegay in xildhibaanada ay fasax u diideen iyadoo lagu jiro 10-ka dambe ee Ramadaan, si loo dedejiyo doorashadaan labada sano jiitameysay.
“Go’aankeenu wuxuu ahaa in 8-cisho aan doorashada ku soo koobno oo baarlamaanka ku wareejino guddoon rasmi ah, si xildhibaaanada dhiman aan u dhaaro waxaa nalo diiday meelo badan, waxaana noo diiday saraakiisha Booliska,” ayuu hadalkiisa ku sii daray guddoomiyaha KMG ah ee golaha shacabka.
Guddoomiye Cabdisalaan Dhabancad oo sii hadlayey wuxuu yiri, “Markii ugu dambeysay ee aan Hotelka tagnay xabad ayaa lagala daalay goobtii aan ku sugneyn, ma garano ninkii hotelka lahaa cid u gudi doonta burburkii loo geystay, waxaas oo dhan waxaa loo sameynayaa yaan dowlad la dhisin, waxaan moodayey in la bislaaday, laakiin dhibku waa sii badanayaa.”
Sidoo kale guddoomiye Dhabancad ayaa wacad ku maray in weerarrada iyo jid gooyada loo dhigayo doorashada aysan cabsi geli doonin oo doorashooyinka dalka ay deg deg u dhameystiri doonaan, si maalmaha soo socda uu dalku u yeesho baarlamaan rasmi ah oo guddoonkiisa lasoo doortay.
Jubbaland 26ka Abriil 2022 Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa nasiib darro ku tilmaamay qorshayaasha Madaxweynaha xilkiisu dhamaaday uu ku carqaladaynayo doorashooyinka dalka.
Axmed Madoobe ayaa sheegay in ficilladaas uu u dambeeyey weerarkii xalay lagu qaaday Gudoomiyaha KMG ah ee golaha shacabka Cabdisalaan Dhabancad oo ka qeyb-galayay munaasabada dhaarinta Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka oo laga soo doortay Jubbaland.
Sidoo kale Madaxweynaha Jubbaland ayaa ku goodiyey in lagula xisaabtami doono sarakiisha amniga ee fulinaya amarada sharci darada ah ee kasoo baxaya Madaxweynaha xilku ka dhamaaday, kuwaas oo lagu fashilinayo doorashooyinka gaba gabada maraya.
Madaxweynaha ayaa ku amaanay gudoonka KMG ah ee golaha shacabka sida naf hurnimada leh ee ay u gudanayaan waajibaadka ka saaran socod siinta howlaha doorashooyinka.
“Madaxweynuhu wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay garab istaagan Xildhibaanada baarlamanaka iyo gudoonkooda KMG ah si dalka looga saaro marxaladan adag isla markana ay indhaha ku hayaan qorshayaasha lagu curyaaminayo in dalka ay ka dhacdo doorashooyinka gaba gabada maraya taas oo masuuliyadeeda ay qaadayaan saraakiisha ciidamada iyo Madaxweynaha xilku ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Axmed Madoobe.
Sida ay ogaatay Caasimada Online waxaa la qabtay askar weerartay oo dooneysay inay dilaan guddoomiyaha KMG ah ee golaha shacabka Cabdisalaan Dhabancad, xilli uu ku howlanaa dhaarinta xildhibaanadii lagu soo doortay magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo
 
Muqdisho 26ka Abriil 2022 Sida ay ogaatay Caasimada Online waxaa la qabtay askar sida la sheegay dooneysay inay dilaan guddoomiyaha KMG ah ee golaha shacabka Cabdisalaan Dhabancad, xilli uu caawa ku howlanaa dhaarinta xildhibaanadii lagu soo doortay magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.
Ciidankaas waxay ka tirsan yihiin NISA, waxaana la sheegay inay gacanta ku dhigeen ciidamada ilaalada u ah guddoomiye Dhabancad iyo kuwa Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo xilligaas Hotelka ku sugnaa.
Dhaarinta xildhibaanadaan waxay ka dhacday Airport Hotel oo xiligaas uu shir uga socday Madaxweyne Deni iyo Safiirka UK ee Soomaaliya, taasina waxay sahashay in ciidamada ilaalada Dhabancad iyo Saciid Deni oo si kaashanaya ay gacanta ku dhigaan ragii weerarka soo qaaday.
Weerarka kadib waxaa la sheegay inay goobta tageen Wasiirka Amniga Cabdullahi Maxamed Nuur iyo Taliyaha saldhigga booliska ee garoonka Aadan Cadde Cabdifitaax, halkaas oo laga soo kaxeeyey guddoomiye Dhabancad iyo masuuliyiintii kale ee golaha shacabka.
Waxaa caawa aad baraha bulshada loogu baahiyey muuqaallada ragii la qabtay oo indhaha ka xiran, waxaana la sheegay in lagu wareejiyey ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS, kuwaas oo xabsiga u taxaabay.
Guddoomiye Dhabancad oo warbaahinta la hadlay dhaarinta xildhibaanada iyo weerarkaas kadib wuxuu sheegay in galabta goobo badan uu ka hor istaagay taliska booliska Soomaaliya, iyadoo ugu dambeyntiina lagu weeraray Hotel gaar loo leeyahay oo ay xildhibaanada ku dhaarinayeen.
Muqdisho 26ka Abriil 2022 Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Karaash ayaa jawaab ka bixiyey qoraalkii xalay kasoo baxay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ee uu ku sheegay inaysan dhaqangal aheyn wareegto kasta oo uu soo saaray ku-xigeenkiisa.
Hoos ka aqriso qoraalka Axmed Karaash
Waxaan shacabweynaha Puntland ku bogaadinayaa fahamkooda qotada-dheer ee ay u leeyihiin Dastuurka Puntland. Hadaba, anigoo dhawraya kuna dhaqmaya Dastuurka Dawladda Puntland iyo Qawaaniinta Dalka, waxaan shacabka sharafta badan ee reer Puntland la wadagayaa:
1. In qoraalka ka soo baxay Madaxweynaha Dawladda Puntland uusan waafaqsanayn Dastuurka iyo Qawaaniinta Dawladda Puntland maadaama uusan Madaxweynuhu hadda ku sugnayn Dhulka iyo Sohdimaha Dawladda Puntland sida ku cad Qodobka 7-aad farqadiisa 1-aad ee Dastuurka Dowladda Puntland oo dhigan sidan “ Dhulka Puntland waxa uu ka kooban yahay gobollada Bari, Nugaal, Sool, Cayn, Karkaar, Mudug, Heylaan, Sanaag” iyo Gobolka Gardafuu oo lagu ansixiyey lifaaq gaar ah” taas oo lagu soo koobay Dadka Puntland, Dhulka Puntland iyo Sohdimihiisa.
2. Dastuurka Dawladda Puntland wuxuu Dal ku qeexayaa gudaha dhulka iyo sohdimaha Puntland sida ku cad Qodobadiisa kala ah, qodobka 9-aad, farqadiisa 2-aad, qodobka 103-aad, farqadiisa 4-aad, qodobka 105-aad, farqiisa 2-aad xarafka (b). Hadaba, mas’uul kasta oo Puntland ka haya xil dawladeed kuna dhaartay dhaarta dastuuriga ah ee ku cad qodobka 132-aad oo aan ku sugnayn dhulka iyo sohdimaha Dawladda Puntland, sida uu qabo Dastuurku qodobkiisa 7-aad ma dabakhi karo awoodaha iyo mas’uuliyadaha uu Dastuurku farayo maadaama uusan ku sugnayn Dhulka iyo Sohdimaha Puntland.
3. Si la mid ah qodobada kor ku xusan, qodobka 132-aad wuxuu si cad u qeexayaa Dhaarta rasmiga ah ee Masuuliyiinta Dawladda sida Madaxweynaha iyo Madaxweynaha Kuxigeenka lagu dhaariyo, dhaartaas oo ah midda aan la’aanteed masuul xil qaban, gudanna karin, kana dhigan in masuul kasta oo lagu dhaariyo uu ilaaliyo, tixgaliyo isla markaasna ku dhaqmo oo dhawro dhartaas oo u dhigan sidan. “Waxaan ku dhaaranayaa magaca Illaahay, in aan ku dhaqmo Diinta Islaamka, Dastuurka dalka Puntland iyo qawaaniintiisa dhawro, xilka la ii dhiibay daacadnimo u guto, dalka iyo dadkiisana Lillaahi ugu adeego”.
4. Hadaba, qeexitaanada qodobada dastuuriga ah iyo ku-dhaqanka waajibaadka iyo awoodaha Dastuuriga ah ma aha kuwo sidii la doono loo fasiran karo. Sidaas awgeed, Magacaabistii Ma’suuliyiinta iyo Hawl-wadeenada Shaqaalaha Rayidka ah waxaan u maray nidaam sax ah oo waafaqsan Dastuurka iyo Qawaaniinta Dawladda Puntland si gaar ah Qodobka 81-aad farqadiisa 1-aad iyo Qodobka 37-aad, farqadiisa 1-aad. Hadaba diidmada uu samayeey Madaxweynaha ka maqan dhulka iyo sohdimaha Puntland ma leh awood sharci waxayna baalmarsantahay Dastuurka iyo Qawaaniinta Dawladda Puntland. Sidaas darteed Masuuliyiinta iyo Shaqaalaha magacaaban waxay leeyihiin xaquuq sharci oo dastuuri ah.
5. Ugu danbayntii; Waxaan farayaa dhammaan Hay’adaha Dawladda ay khusayso in ay u hoggaansamaan fulinta iyo dhaqangalinta digreetada sharciga waafaqsan, isla markaana ay gutaan waajibaadka ka saaran.
Wabillahi Tawfiiq.
Muqdisho 26ka Abriil 2022 Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magaalada Geneva kula kulmay ergayga gaarka ah ee Dowladda UK u qaabilsan Geeska Afrika iyo Badda Cas Danjire Philip Parham.
Kulankaan ayaa Ra’iisul Wasaaraha iyo Ergayga dhex maray ka hor shirka heerkiisu sarreeyo ee looga hadlayo abaaraha ka jira Geeska Afrika, kaas oo berri ka furmaya Geneva Switzerland.
Ra’iisul Wasaaraha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xiriirka iyo horumarinta iskaashiga xooggan ee labada dal iyo xaaladda abaarta ba’an ee ka jirta Soomaaliya.
Danjire Philip Parham ayaa carrabka ku adkeeyay sida ay dowladda UK uga go’an tahay sii wadista taageerada iyo garab istaagga Soomaaliya.
 
Muqdisho 26ka Abriil 2022 Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa lagu wadaa in maanta ay ka dhacdo doorashada guddoomiyaha cusub ee Golaha Aqalka Sare iyo labadiisa ku xigeen, taas oo lagu qabanayo Teedhada Afisyoone oo ku dhex taalla xerada Xalane.
Doorashada ayaa goordhow billaaban doonta, waxaana haatan socda qaban qaabadii ugu dambeysay, iyada oo si weyn loo adkeeyey ammaanka xaruntaasi iyo waddooyinka gala.
Hoolka lagu qabanayo doorashada ayaa sidoo kale la diyaariyey, sida ay muujinayaan sawirro lagu baahiyey baraha bulshada ee Internetka.
Marti sharaf kala duwan iyo mas’uuliyiin ayaa sidoo kale ka qaybgalaya doorashada, si ay goobjoog uga noqdaan doorashada guddoonka Golaha Aqalka Sare.
Xilka guddoomiyaha waxaa isku soo taagay illaa 3 musharrax oo kala ah:- 1-Cabdi Xaashi Cabdillaahi ,2-Senator Saalax Axmed Jaamac 3-Senator Cusmaan Abuukar Dubbe oo dhammaantood kasoo jeeda Gobollada Waqooyi
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare waxaa sidoo kale ku tartamaya laba musharrax oo kala ah:- 1- Senator Cabdixakiin Macalin Axmed oo laga soo doortay Galmudug 2-Senator Cali Shacbaan Ibraahim oo laga soo doortay HirShabelle.
Sidoo kale guddoomiye ku xigeenka labaad ayaa waxaa isku soo sharraxay ilaa 7 musharax oo kala ah:- 1-Cabdullaahi Xersi (Timacadde), 2-Senator Cabdi Cusmaan Xareed, 3-Senator Ilyaas Badel Gaboose, 4- Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), 5-Senator Xasan Xuseen Xaaji, 6-Senator Cabdiweli Maxamed Ibraahim (Xaabsade), 7-Senator Sareedo Maxamed Xasan Jeyte.
Beri oo ku beegan 27 April ayaa sidoo kale la qaban doonaa doorashada guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliya, walow khilaaf xoogan uu weli ka taagan yahay kuraasta gobolka Gedo.
 
#Somalia #Soomaaliya #Wararka #Warar #warka #News
 
https://www.youtube.com/watch?v=ElYTDoa46Uo
 
 
WARARKA MAANTA 19ka Abriil 2022 Su’aalaha Maanta: Ma ogtihiin inay suurtagal tahay inuu Mudan Maaxay noqon doonaa Madaxweynaha #Soomaaliya 2022? Maxaadse ka taqaanaan Musharax Madaxweyne Maaxay? Yaa #Soomaaliya madaxweyne u dooran doona Madaweynaha Maamul Gobaleed #Puntland ku fashilmay Saciid Deni? Maxaadse ka ogtihiin khasaaraha iyo burburka uu ka sameeyey magaalada Boosaaso ee dakhliga dowladda Puntland 96% bixisa iyo intii uu dad ka qixiyey?  Ha wiqleyso! Muqdisho 19ka Abriil 2022 Waxaa Maanta oo Talaado ah lagu wadaa iney si toos ah magaalada Muqdisho uga bilaabato diiwaan gelinta Musharaxiinta dooneysa iney u tartamaan guddoonada Aqalka sare iyo kan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Fedaraal Soomaaliya. Sida ku cad jadwalkii shalay ay soo saareen guddiyada qaban qaabada doorashada labada gole oo aheyd in 19-ka bishaan April ay bilaabaneyso diiwaan gelinta Musharaxiinta dooneysa u tartamida guddoonada labada Aqal iyo labadiisa ku xigeen. Tiro Xildhibaano ah oo ka tirsan Aqalka sare iyo Aqalka Hoose ayaa durba si rasmi ah u shaaciyay iney u taagan yihiin u tartamida guddoonka Aqalka sare ee Baarlamaanka 11-aad ee dalka. Doorashada guddoonka labadada gole ayaa loo asteeyay in la qabto maalmaha Talaadada iyo Arbacada ee todobaadka soo socda oo taariiqdu tahay 26 iyo 27 bishaan Apriil ee 2022. Muqdisho 19ka Abriil 2022  Madaxweynaha Puntland oo ay wehliyaan xildhibaanno katirsan labada aqal ee barlamaanka oo deegaan doorashadoodu tahay Puntland, ayaa gaaray magaalada Muqdisho.Madaxweyne Deni oo u sharraxan xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa xalay kulan macsalaamayn la qaatay barlamaanka Puntland iyo madaxweyne ku xigeenkiisa. Deni ayaa Muqdisho u aaday si uu olalihiisa doorashada halkaas uga bilaabo, lamana oga muddada uu Muqdisho ku sugnaan doono, iyadoo doorashada madaxweynaha aan weli la cayimin. Madaxweyne Deni ayaa tartanka doorashada ka qeyb galidoona isagoo ah madaxweynaha Puntland, wuxuuna dhag jalaq usiinin baaqyo kasoo baxayay siyaasiyiin, kuwaas oo ka dalbanayay inuu xilka iska casilo kuna wareejiyo ku xigeenkiisa. Wasiirka maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal oo ah saaxiibada ee dhow Deni, ayaa sheegay haddii u Deni guulaysan waayo xilka Soomaaliya inuu kusoo laaban doono Puntland. Deni ayaa maalmihii ugu dambeeyay socdaalo ku marayay dalal dibadda ah, waxaana socdaalkiisa uu salka ku hayay arrimo la xiriira doorashada madaxweynaha Soomaaliya. Muqdisho 19ka Abriil 2022Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna murashax madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa Axadii shalay dib ugu soo laabtay magaaladaMuqdisho kadib markii maalmihii lasoo dhaafay uu ku sugnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Soo laabashada Shariif oo kusoo beegantay seddax maalin kadib dhaarinta xildhibaanada cusub ayaa kadib waxaa xalay hoyga uu ka degan yahay Muqdisho ka billowday dhaqdhaqaaq iyo olole ay qeyb ka ahaayeen xildhibaanada cusub ee dhawaan la dhaariyay, kuwasi oo u diyaar garoobayo doorashada guddoonka baarlamaanka. Sheekh Shariif ayaa hoygiisa afur ugu sameeyay tiro xildhibaano ah, waxaana ay xildhibaanada la shiray Shariifka ay isku raaceen inay u midoobaan sidii ay u siin lahaayeen murashaxa ay Sheekh Shariif iyo mucaaradka wadaan ee Sheekh Aadan Madoobe. Shariif iyo xubno ka tirsan mucaaradka waxay ka mideysan yihiin inay ku taageeraan codkooda Sheekh Aadan Madoobe oo u sharaxan guddoomiyaha golaha shacabka, islamarkaana xilkan horey usoo qabtay iyo Cabdi Xaashi oo AqalDhinaca kale, kulamadaasi ayaa waxaa barbar socday ololaha murashaxnimada Shariifka ee madaxweynaha soo socda. Xildhibaanada isugu tegay hoyga Shariifka ayaa qaarkood loo badinayay inay u janjeeraan dhinaca Villa Somalia, kuwaasi oo qaarkood deegaan doorashadooda aheyd Koonfur Galbeed, Galmudug iyo HirShabeelle oo Shariifka lagu tiriyo badankooda. ka Sare ay la doonayaan mucaaradka iyo ra’iisul wasaare Rooble. Muqdisho 19ka Abriil 2022  G/Sare Cabdullahi Aadan Warfaa oo ah taliyaha ciidamada guutada Gedo ee militeriga Soomaaliya ayaa ka jawaabay eedeymihii uga yimid guddoomiyihii hore ee gobolka Gedo Cusmaan Nuur Xaaji Macalimuu. Guddoomiye Macalimuu ayaa sheegay in xalay gurigiisa ay ku soo weerareen ciidamo Farmaajo ku beel ah oo Taliye Warfaa uu u soo diray, balse uu iska difaacay. Sidoo kale guddoomiye Macalimuu ayaa sheegay in ciidamadaas ay tiro ahaan gaarayeen 50 askari, sababta loo soo weerarayna wuxuu ku sheegay in siyaasad ahaan uu taageeray maamulka Jubaland, taasna ay ka xumaadeen maamulka iyo saraakiisha ciidamada ee ku sugan gobolka Gedo. Gaashaanle Sare Cabdullahi Aadan Warfaa oo BBC la hadlay ayaa iska fogeeyey eedeynta ah in xalay uu gurigiisa ku wareeray guddoomiye Ma“Macalimuu nin sarkaal ah waaye oo ciidanka aan madaxda u ahay ayuu ka tirsan yahay, marka cidna ma weerarin ee taleefan hala iigu geeyo ayaan iri, si aan ula hadlo,” ayuu yiri, Taliyaha ciidmaada guutada 10-aad ee gobolka Gedo. Taliye Warfaa ayaa intaas ku sii daray in Macalimuu uu kala hadli rabay arrimaha siyaasadda ee uu Facebook-giisa ku qoro, maadaama uu yahay sarkaal ciidan, ciidankana ay mamnuuc ka tahay ka hadalka siyaasadda calimuu, balse wuxuu qirtay inuu xubno saraakiil ah u diray.“War siyaasadda maxaa ku geliyey nin ciidan ah ayaa tahaye inaan dhaho ayaan rabay, seddax sarkaal ayaan u diray, kadib markii aan talefankiisa waayey, sarkaal aan ku kalsoonahay ayuuna ahaa, hadii la weerarayna dhimasho iyo dhaawac ayaa meesha ka dhici lahaa, balse warkaas waa been,” ayuu yiri Taliye Cabdullahi Warfaa. Mar la weydiiyey qoraalka ay dhibsadeen ee Macalimuu uu soo dhigay wuxuu ku jawaabay, “Horta anagu amniga gobolkaan ayaan qaabilsanahay Macalimuu wuxuu soo qoray in hadii Gedo doorasho lagu qabanaayo inuu dib ula wareegi doono xafiisyadii uu maamuli jiray, arrintaasna hadda inuu ka hadlo kuma haboona, ninkaan guddoomiye ayuu soo ahaa jiray dadkan waa ka tarxiili jiray gobolkaan cidii ka hor imaata.” Muqdisho 19ka Abriil 2022  Madaxweynaha mudo xileedku ka dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyey geerida Allaha u naxariistee, Abwaan Beddel Jaamac Xirsi oo caawa lagu dilay degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho. Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale caafimaad degdeg u rajeeyey muwaadiniinta uu dhaawacu ka soo gaaray weerarkii hoobiyaha loo adeegsaday ee maanta lala beegsaday xarunta baarlamaanka ee Villa Hargeysa, kuwaas oo labo ka mid ah ilaalada Cabdiraxmaan Cabdishakuur ay ku jireen. Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay in Marxuum Beddel Jaamac Xirsi uu ahaa abwaan iyo nabaddoon lagu yiqiin samadoonnimo, waddaniyad iyo dal jacayl, isaga oo door lama illaawaan ah ka qaadan jirey wacyigelinta bulshada, nabadaynta, dowlad-dhiska dalka. “Alle ha u naxariistee Marxuum Beddel Jaamac Xirsi waxaa uu ahaa haldoor, abwaan iyo nabaddoon bulshada ka wacyi gelin jirey aafada qabyaaladda, kalatagga iyo aayo-xumada colaadaha, waxaana uu mar walba ku baraarujin jirey taageerada dowladnimada, midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed. Waxaan xanuunka tacsida la qaybsanayaa ehelka Marxuumka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray xafiiska Farmaajo. Muqdisho 19ka Abriil 2022 Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgallo qorsheysan oo ciidamada Xoogga dalka dalka, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran Danab ay ka sameeyeen deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Mudug. Howlgalladaan ayaa waxaa lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen xoogag ka tirsan Al-Shabaab, sida ay shaaciyeen saraakiil ka tirsan Xoogga dalka. Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay inay burburiyeen fariisimo ay kooxda Al-Shabaab ku laheyd halkaasi, ayna la wareegeen deegaanada Qaraarow, Kalaxiran, Goryaale, Dhuumaale, Caad, Gabdhaale, Waable, Xawal Xasan Cadde, Hareeri Dheere iyo  Gaade. Ujeedka howlgalladan ayey saraakiisha ciidamada Danab ku sheegeen in looga hortegayo weeraro ay had iyo jeer Al-Shabaab kasoo abaabulaan deegaanada ay ka joogaan Mudug Muqdisho 19ka Abriil 2022 Xildhibaan Khadiija Maxamed Diiriye ayaa shaacisay inay tahay murashax u taagan kuriga guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka baarlamanka federaalka Soomaaliya. Kursiga xildhibaanad Khadiija ay ku dhawaaqday inay u tartameyso ayaa waxa la rumeysan yahay inuu yahay midka uu sida aadka ah u doonayo Fahad Yaasiin oo weli aanu helin shahaadada xildhibaannimo. Khadiija Maxamed Diiriye ayaa qoraal ay soo saartay boggeeda Facebook waxay ku shaacisay murashaxnimadeeda, iyadoo tiri “Kadib markaan talo soo jeedinta saaxiibadeeyda siyaasadda aan ku tolloownay anigoo dareensan in hore loo dhaqaajiyay doorashada golaha shacabka BJFS waxaa lacaga bilaabo caawo soo bandhigayaa murashaxnimadayda guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee golaha shacabka baarlamaanka 11-aad”. Khadiija iyo Fahad Yaasiin ayaa aad isugu dhow, waxaana la ogeyn in tallaabada ay ku shaacisay murashaxnimadeeda inay tahay siyaasad iyo in Fahad ka quustay inuu helo kursiga laga hakiyey, sidaasi darteedna uu u arkay in Khadiija Maxamed Diiriye booskii uu banneeyay inay buuxiso. Xildhibaan Khadiija Maxamed Diiriye ayaa caan ku ah is rog-rogga siyaasadeed waana sababta keentay inay shan jeer soo gasho baarlamaanka, iyadoo xiligaan ay ka mid tahay taageerayaasha Villa Somalia. Doorashadii baarlamaanka 11-aad ayey sidoo kale waxay ka mid aheyd murashaxiintii aadka loogu saadaalinayay guddoomiye ku-xigeenka koowaad, iyadoo cododkii ay heshay ugu shubtay Cabdiweli Ibraahim Muudeey. Dhinaca kale, waxaa xilkaan isu soo taagay Xildhibaan Maxamuud Cabdulqaadir Jeego iyo Xildhibaan Maxamed Cali Cumar (Caana-Nuug), kuwaasi oo shaaciyay inay u taagan yihiin tartanka guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka.   Muqdisho 19ka Abriil 2022 Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu aasay Marxuum Abwaan Beddel Jaamac Xirsi oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee Soomaaliyeed, kaas oo xalay lagu dilay degmada Kaxda ee gobolka Banaadir. Marxuumka ayaa waxaa toogasho ku dilay rag ku hubeysnaa Bistoolado, kuwaas oo goobta ka baxsaday, xilli ay ku beegneyd afurkii, gaar ahaan mar laga soo baxay Salaaddii Maqrib. Guddoomiyaha maamulka degmada Kaxda Maxamed Yuusuf oo ka qayb-galay Aaska ayaa ka hadlay dilka Abwaanka, wuxuuna tacsi u diray ehellada iyo Ummadda Soomaaliyeed. “Runtii waa geeri aad u xanuun badan, waana uga tacsiyeyneynaa qaraabada, ehellada iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri guddoomiye Maxamed Yuusuf. Muqdisho 19ka Abriil 2022 Maxkamadda sare ee dalka ayaa maanta si rasmi ah u guda gashay dhageysiga dacwadda uu u gudbiyey la-taliyaha amniga qaranka Fahad Yaasiin, taas oo la xiriirta kursiga loo doortay ee HOP086, kadib markii uu hakiyey FEIT. Dooda ayaa goordhow bilaabatay, waxaana haatan socota dhageysiga dooda u dhexeyso labada dhinac, iyada oo la filayo in kadib maxkamaddu ay soo saarto go’aankeeda. Hoolka ay ka socoto dooda ayaa ah mid firaaqo ah, waxaana la xadiday dadka ka qeyb-galaya dhageysiga dacwddaan oo ah mid xasaasi ah, marka laga reebo qareennada difaacaya Fahad, kuwa u doodaya guddiga FIET iyo guddoonka maxkamadda sare ee dalka. Guddoomiyaha maxkamadda sare Baashe Yuusuf Axmed ayaa soo xiray fadhigga maanta, wuxuuna sheegay inay maxkamaddu dib ka soo saari doonto qaraar ku aadan kursigaasi “Maxkamaddu qaraarbey kasoo saari doontaa, Insha Allaahu Tacaalaa, haddana maxkamadda waa ay innoo xiran tahay,” ayuu yiri guddoomiyuhu. Maxkamadda Sare ayaa 10-kii bishaan April xaqiijisay inay qabatay gal-dacwadeed uu soo gudbiyey la taliyaha dhanka amniga ee Farmaajo, Fahad Daahir Axmed (Fahad Yaasiin). Fahad ayaa ka dacwoonaya guddiga doorashooyinka heer federaal ee FEIT oo sharci darro ku tilmaamay doorashadii kursiga uu Fahad ka soo qaatay Beledweyne ee HOP086. Maxkamadaan waxaa guddoomiye ka ah Baashe Yuusuf Axmed oo ah nin aad ugu dhow nidaamka Farmaajo, siyaasiyiin badan oo kiiskaan isha ku haya ayaa qaba tuhun ah in Maxkamaddu fasixi doonto kursigaas. Hase yeeshee Garyaqaanka guud ee dowladda oo xilligaas qabsaday maalmo dheeraad ah, si uu u soo xaqiijiyo hanaankii loo maray doorashada kursiga Fahad Yaasiin ayaa Sabtidii shalay Maxkamadda ku jawaab celiyey. Qoraalkii xafiiska Garyaqaanka guud ee dowladda uu u diray Maxkamadda Sare waxaa lagu sheegay inuu aaminsanyahay in Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ay hakinta kursiga HOP086 u mareen habraacii saxda ahaa ee loogu talagalay habraaca fulinta doorashada dadban. Xafiiska ayaa sidoo kale difaacay awoodda iyo sharciyadda guddiga doorashada, wuxuuna sheegay in gudidga ay awooddiisu tahay inuu mas’uul ka yahay guud ahaan kormeerka hannaanka doorashada iyo xaqiijinta inay si isku mid ah u dhacdo hannaanka doorashadu iyo dabagalka fulinta hannaankii lagu heshiiyay ee qabsoomidda doorashooyinka Somalia.   #Somalia #Soomaaliya #Wararka #Warar #warka #News https://www.youtube.com/watch?v=5HsXuf0UOp0 WARARKA MAANTA 18ka Abriil 2022 Su’aalaha Maanta: Yaa manta amray in foodo iyo qas laga dhex abuuro barlaamaanka cusub “Farmaajo Been-Hawaas”? Yuu Raysal Wasaare Mudane Maxamed Xuseen Rooble u magacaabi rabaa taliyaha cusub ee Hay’adda Nabad-Sugida #NISA? Yaa madaxweyne ka noqon doona #Soomaaliya Raysla Wasaarihii horeMudane Xassan Cali Kheyre ama Madaxweyniii hore Mudane Xassan Shiikh Maxamuud? Maxaa ka cusub #Soomaaliya? Maxaadka ogtihiin inuu soo noqon rabo Madaxweynihii hore Mudane Xassan Shiikh Maxamuud “Garguurte”? Maxayse rabtaa inay madaxtooyadda #Soomaaliya samayso?  Ha wiqleyso! Muqdisho 18ka Abriil 2022 Labada aqal ee barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya Kulan wadajir ah oo looga arrinsanayo ansaxinta wax ka badelka Habraaca ku-meel-gaark ah ee Doorashooyinka Guddoonka labada Gole iyo Madaxweynaha.Guddiyada qabanqaabada doorashada guddoonka ayaa shalay yeeshay kulankii ugu horreeyay oo ay kaga wada hadleen xeerka doorashooyinka guddoonka labada gole iyo madaxweynaha. Guddiyada ayaa go’aamiyay in xeerka lagu ansixiyo fadhi wadajir ah oo ay labada Gole ee barlamaanka maanta oo isniin ah isugu yimaadaan. Dhinaca kale, xildhibaannada katirsan barlamaanka ayaa sheegay in madaxtooyadu Soomaaliya ay wado qorshe dib loogu dhigayo doorashada guddoonka barlamaanka, illaa lagasoo dhameystirayo xildhibaanadda aan weli dooran. Xildhibaan Mahad Salaad oo katirsan barlamaanka  ayaa sheegay inuu socdo abaabul xildhibaan oo ku aadan in dib loo dhigo doorashada guddoonka barlamaanka oo uu loolan adag ka taagan yahay. Muqdisho 18ka Abriil 2022 Taliska ciidanka Booliiska Degmada Dharkenleey ee gobolka Banaadir ayaa howlgalo ay ka sameyeen gudaha xaafadaha degmadaasi oo lagu bartilmaameedsanaayay ciyaal weero dhibaato xoogan ku haya shacabka degan xaafadaha degmada Dharkenley.Taliska ciidanka Booliiska Degmada Dharkenleey ee gobolka Banaadir ayaa howlgalo ay ka sameyeen gudaha xaafadaha degmadaasi oo lagu bartilmaameedsanaayay ciyaal weero dhibaato xoogan ku haya shacabka degan xaafadaha degmada Dharkenley. Muqdisho 18ka Abriil 2022  Allaha u naxariistee waxaa magaalada Muqdisho lagu dilay Daa’uud Cadar Cilmi oo ahaa wiil dhalinyaro ah, kuna shaqeysanayey mootada nooca Bajajta, kadib markii uu rasaas ku furay askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya. Marxuumka ayaa waxaa xilliga Afurka ee shalay gelinkii dambe lagu dilay Aargada Dayniile, isaga oo Sooman isla-markaana socday xaafaddiisa, si uu uga soo afuro. Daa’uud Cadar ayaa korinayey sideed caruur ah oo isagu dhalay iyo sideed kale oo uu maalmo ka hor ka geeryooday Aabihiis, sida ay sheegtay Hooyada dhashay marxuumka. “Daa’uud Aabihiis bil-buu duugan yahay hadda dhow ayuu dhintay aniga hadda Asaay ayaa ii saaran. Sideed caruur ah oo isugu dhalay iyo sideed kale oo aan aniga dhalay oo isagu u dhaq-dhaqaaqayey ayaa ku nool meeshaan marka xaq darro ayaaSidoo kale Hooyadan oo ay ka muuqatay tiiraanyo ayaa baaq u diray dowladda, gaar ahaan ra’iisul wasaaraha, madaxweynaha iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir, waxayna ka codsatay in cadaalad loo helo wiilkeeda, maadaama uu baxsaday askarigii dilay. Hooyadan ayaa sidoo kale shaacisay in wiilkeeda Daa’uud Cadar Cilmi uu ahaa qofka kaliya ee u dhaq-dhaqaaqayey qoyska, kuna tiirsaneyd noloshooda.  lagu dilay,”ayey tiri “Waxaan codsaneynaa ninkaas dadkii xaq darrada ku dilay dadka ay quseysay oo ra’iisul wasaaraha leh oo madaxweyne leh oo guddoomiye leh inaan cadaalad helno. Cadaalad ayaan u baahanahay dad maras ah ayaa nahay isagaa noo dhaq-dhaqaaqayey aniga waayeel ayaan ahay” ayey markale tiri Hooyada dhashay Marxuum Daa’uud Cadar Cilmi. Dhacdadan murugada leh ayaa qayb ka noqoneyso dhibaatooyinka ka dhashay dilalka ay askarta ciidamada dowladda ka geystaan Muqdisho oo sii kordhayey maalmahaan dambe. Muqdisho 18ka Abriil 2022 Taliyaha ku-meel gaarka ah ee hay’adda NISA Yaasiin Farey ayaa la filayaa inuu xilka ka dego marka uu maro dhaarta xildhibaan, waxaana xog aan helnay ay sheegeysaa in lagu beddeli doono sarkaal ka tirsan NISA oo beel ahaan kasoo jeeda beesha Absame Warar ay heshay Caasimadda ayaa sheegaya in magacaabista Taliyaha NISA todobaadkii hore dib loo dhigay iyo in Yaasiin Farey uu xilka wareejiyo sababo la xiriira cabsi laga qabay diidmo iyo khilaaf hor leh inuu ka dhex abuuro Villa Somalia iyo ra’iisul wasaare Rooble. Sida aan xogta ku helnay, Rooble ayaa lagu tijaabiyay xil wareejinta taliyaha ciidamada Asluubta Taliye Shub oo awood qeybsi ahaan kasoo jeeda Digil iyo Mirifle, taasi oo wax fal celin ahna uusan ka sameyn Rooble. Taliyaha cusub ee Asluubta Jen. Cabdikariin Cali Afrax oo aan ku beel aheyn Taliyihii hore ayaa wado cusub u furay xilalka awood qeybsiga ku dhisan, waxaana la filayaa in taliyaha cusub ee NISA loo magacaabi doono Taliyaha hoggaanka IT Eng. Cabaas oo kasoo jeeda beesha Weyteen Absame. Madaxweyne Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ayaa ahmiyad gaar ah siinaya qofka noqon doona taliyaha NISA inuu yahay qof ay hubaan oo la shaqeyn kara. Hay’adda NISA ayaa ku eedeysan falal tacadiyo ah oo ugu horeyso kiiska Ikraan Tahliil oo ka mid aheyd shaqaalihii ku dhowaa Fahad Yaasiin, waana sababta dhalisay khilaafka ay ku kala guureen ra’iisul wasaare Rooble iyo madaxweynaha xafiiska sii jooga ee Farmaajo. Ma cadda xilka ay heli doonta beesha shanaad, oo awood qeybsiga beelaha ay tahay inay hesho mid ka mid ah shanta taliye ee ciidamada, ayada oo markii hore u uku fadhiyey Fahad, balse sidii xilka looga qaaday uu hayey Yaasiin Farey oo kasoo jeeda Abglaa/Hawiye.  Muqdisho 18ka Abriil 2022 Ilo wareedyo xog ogaal ah oo ku dhow Villa Somalia ayaa Caasimadda u xaqiijiyey in maalinta Talaadada ah ee 19-ka bishaan ay Maxkamadda Sare ee dalka qaadi doonto dacwadda kiiska kursiga Fahad Yaasiin. Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa 10-kii bishaan April xaqiijisay inay qabatay gal-dacwadeed uu soo gudbiyey la taliyaha dhanka amniga ee Madaxweyne Farmaajo, Fahad Daahir Axmed (Fahad Yaasiin). Fahad ayaa ka dacwoonaya guddiga doorashooyinka heer federaal ee FEIT oo sharci darro ku tilmaamay doorashadii kursiga uu Fahad ka soo qaatay Beledweyne ee HOP086. Maxkamadaan waxaa guddoomiye ka ah Baashe Yuusuf Axmed oo ah nin aad ugu dhow nidaamka Farmaajo, siyaasiyiin badan oo kiiskaan isha ku haya ayaa qaba tuhun ah in Maxkamaddu fasixi doonto kursigaas. Maadaama uu guddoomiye Baashe saaxiib dhow la yahay kooxda Villa Somalia, shaki badan lagama qabo in Maxkamadda Sare ay soo saari doonto go’aan ay ku fasaxeyso kursiga Fahad, hadii ay u fariisato kiiskaan. Todoba maalmood ka hor Maxkamadda Sare ayaa soo saartay qoraal ay ku wargelisay Garyaqaanka guud ee dowladda inuu muddo laba maalmood gudahood ah kaga soo jawaabo gal-dacwadeedkan laga soo gudbiyey guddida doorashada ee heer federaa Muqdisho 18ka Abriil 2022 – La-taliyaha amniga Qaranka madaxweyne Farmaajo, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa farriin adag oo diidmo ah kala kulmay garyaqaanka guud ee dowladda Soomaaliya, kaasoo la filayey inuu dhankiisa ka riixi doono in la guda galo dacwada kursiga HOP#086. Fahad Yaasiin ayaa asbuucii hore qabsaday qareen dacwad ka gudbiya guddiga doorashada ee FEIT kaas oo kursigiisa ka reebay kuraastii la doortay ee Golaha Shacabka. Fahad wuxuu aaminsanaa inuu dhinaca sharciga ku xoog badan yahay halkaasna uu kursigiisa fasax deg deg ah kasoo heli doono, laakiin waxaa muuqata in dhinaca ay is hayaan ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha inay shaqo adag ka qabteen dhanka garyaqaanka guud. Xafiiska garyaqaanka guud ee dowladda federaalka ee Soomaaliya oo Sabtidii qoraal u diray maxkamadda sare ee dalka ayaa ayiday hakinta lagu sameeyey kursiga HOP#086 ee Fahad Yaasiin Xaaji Daahir kaas oo uu hakiyey guddiga doorashada ee FEIT. Xafiiska garyaqaanka guud ee dowladda ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in guddiga hirgelinta doorashooyinka ee heer federal inay hakinta kursiga HOP#086 u mareen habraacii saxda ahaa ee loogu talagalay fulinta doorashada. Garyaqaanka guud ee Dowladda ayaa sidoo kale difaacay awoodda iyo sharciga guddiga doorashada, wuxuuna sheegay in guddiga ay awoodiisu tahay inuu mas’uul ka yahay guud ahaan kormeerka iyo xaqiijinta hannaanka doorashada. Muqdisho 18ka Abriil 2022 Sida ay Caasimada Online u sheegeen xubno ka tirsan xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Soomaaliya, waxaa la filayaa in maanta ay fowdo ka dhacdo xarunta baarlamanka federaalka, ayada oo ay isku hayaan xildhibaano iska soo horjeeda. Kulankan wadajirka ah oo ay maanta xarunta Villa Hargeysa ku yeelanayaan xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Senatorrada Aqalka Sare ayaa lagu ansixinayaan jadwalka doorashada guddoonka labada Aqal oo la qorsheynayo in bishan gudaheeda lasoo gabagabeeyo. Kooxda Rooble ayaa isku dayeysa inay dedejiso kulamada baarlamanka, si deg deg loogu doorto guddoonka, ayada oo ujeedaduna ay tahay in Fahad Yaasiin la dhaafiyo guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka. Kursiga Fahad ayaa weli xayiran, balse waxaa jirta xog sheegeysa in Maxkamadda Sare ay fasixi doonto, taasi oo kooxda Rooble iyo guddiga doorashada ku qasbeysa inay si cad u diidaan go’aanka Maxkamadda ama fasaxaan kursiga. Kooxda Fahad ayaa ayagana wada dadaal ay uga hortagayaan qorshahan, si dib loogu dhigo guddoonka doorashada, taasi oo waqti dheeri ah siineysa Fahad. Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah mucaaradka ayaa xaqiijiyey abaabulka socda ee ah in xildhibaano loogu tala-galay inay fowdo ka kiciyaan kulanka maanta lagu ansixinayo xeerka doorashada guddoonka labada Aqal. “Farmaajo ayaa abaabulaya Xildhibaano beri fowdeeya kulanka Barlamaanka, si doorashada guddoonka barlamaanka dib ugu dhacdo. Waa qar-iskatuurnimo iyo isqarxin siyaasadeed. Waan hubaa inuu ku fashilmi doono siduu horay ugu fashilmay iskudayo nuucaan oo kale ah!” ayuu yiri Mahad Salaad. Kooxda Rooble ayaa dhankoodana ku doodaya inaysan beegsaneyn Fahad, balse ay ka cabsi qabaan in Soomaaliya laga jarto dhaqaalaha caalamka. Haddii bishan April dhexdeeda la doorto guddoonka labada Aqal waxaa yaraa doona cabsidii laga qabay in bartamaha bisha soo socota ee May – dalka laga jarto taageeradii dhaqaale ee kabka miisaaniyadda. Sidoo kale dib u dhac dambe oo ku yimaada jadwallada doorashooyinka dalka ayaa halis galin kara nidaamka dib u habeynta deyn cafinta Soomaaliya. Hase yeeshee waxaa jira dadaallo culus oo ay wado Villa Somalia, kuwaas oo xoogga lagu saaro in dib loo dhigo doorashada guddoonka baarlamnaaka, ilaa inta xal laga gaarayo diidmada natiijada doorashadii kursiga Fahad Yaasiin. Fahad oo aad u doonaya inuu u tartamo kursiga guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha shacabka ayaa xoogiisa isugu geeyey sidii loo fasixi lahaa kursigiisa, inta aan la gaarin doorashada guddoonka oo la qabanayo 27-ka bishaan. Sida ay ogaatay Caasimadda Online Maxkamadda Sare ayaa maalinta Talaadada ah ee 19-ka bishaan, waxay qaadi doontaa dacwadda kiiska kursiga Fahad Yaasiin, iyadoo loo badinayo inay soo saarto go’aan ay ku fasaxeyso, maadaama guddoomiyaha maamula uu aad ugu dhowyahay nidaamka Farmaajo. Balse khuburada sida dhow u darsa siyaasadda Soomaaliya waxay qabaan in go’aanka Maxkamadda Sare oo la sii saadaalinayo in aysan dhexdhexaad aheyn, uusan wax badan u soo kordhineyn qorshaha la hor istaagay ee Fahad Yaasiin. Guddigga loo xil-saaray qabanqaabada doorashada guddoonka golaha shacabka iyo xafiiska Rooble oo hoggaanka u haya doorashooyinka, dagaal xuna uu kala dhaxeeyo Fahad Yaasiin iyo guud ahaan garabka Farmaajo ayaa dedejinaya doorashada guddoonka oo dhaceysa inta aysan dhamaan bishaan April, sida la qorsheeyey. Xubnaha guddiga loo xil-saaray qabanqaabada doorashada guddoonka golaha shacabka ayaa shalay guddoomiye u doortay Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo ka tirsan xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh, taasina waxay sii xumeysay rajadii tartanka guddoomiye ku xigeen ee Fahad Yaasiin.

 

#Somalia #Soomaaliya #Wararka #Warar #warka #News

 

https://www.youtube.com/watch?v=tW4pHcLDukE  
WARARKA MAANTA 16ka Abriil 2022 Su’aalaha Maanta: Maxaad ka ogtihin fashilka Madaxtooyadda #Soomaaliya kajira? Maxay tahay sababta uu Madaxweynihii hore Mudane Farmaajo u diiday inuu ka soo qaybgalo dhaartii xildhibaanada cusub? Yaa beenta iyo fashilka Madaxweynihii hore Mudane  Farmaajo qarin doona? Yaa #Soomaaliya Madaxweyne ka noqon doona Raysal Wasaare Mudane Maxamed Xuseen Rooble ama Madaaxweyne Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo “Been-Hawaas”? Maxaa fashilay in uusan dhicin wax afgabi ah? Yaase masuul ka noqon doona doorashada iyo qabashadeeda? Yaa tanaasuli doona oo masuul ka noqon doona fashilka iyo hoggaan xummada ka dhex jirta dowladda wakhtiga ku dhammaatay Madaxweyne Farmaajo? Ha wiqleyso! Muqdisho 16ka Abriil 2022 Ruushka ayaa dalkiisa ka mamnuucay Ra’iisul Wasaare Boris Johnson iyo wasiirro kale inay soo galaan Moscow, sababo la xiriira mowqifka UK ee dagaalka Ukraine. Xoghayaha Arimaha Dibada Liz Truss, Xoghayaha Difaaca Ben Wallace iyo 10 kale oo siyaasiyiin sare ah – oo u badan xubno ka tirsan Golaha Wasiirada – ayaa sidoo kale laga mamnuucay inay galaan dalka Ruushka. Moscow ayaa sheegtay in go’aankan uu ahaa mid looga aargoosanayay cunaqabateynta UK ay saartay tan iyo markii ay gudaha u gashay Ukraine. Bishii Maarso, Moscow waxay sidoo kale dalkeeda ka mamnuucday madaxweynaha Mareykanka Joe Biden. Dhanka kale, Ruushka ayaa si rasmi ah ugu digay Maraykanka iyo xulafadiisa hubka ku taageera Ukraine. Muqdisho 16ka Abriil 2022 Soomaaliya ayaa loo doortay in ay noqoto Guddoomiyaha Ururka Horumarinta Beeraha Carabta ee Jaamacadda Carabta labada sano ee soo socota. Wasiirka beeraha iyo waraabka Soomaaliya, Siciid Xuseen Ciid, ayaa Soomaaaliya ku matalayay Shirweynaha 37aad ee lagu doortay oo lagu qabtay magaalada Nouakchott ee dalka Mauritania. Ururka Carabta ee Horumarinta Beeraha (AOAD) waa urur xiriir la leh ururka Jaamacadda Carabta oo shaqadiisa bilaabay 1972, xaruntiisuna tahay magaalada Khartoum ee dalka Suudaan. Ururkan ayaa waxa uu gacan ka geystaa abuurista iyo horumarinta xiriirka ka dhexeeya wadamada Carabta iyo isku dubaridka iskaashiga ka dhexeeya dhinacyada kala duwan iyo hawlaha beeraha. Ujeeddada guud ee loo aas aasay waa in kor loo qaado awoodda dadyowga Carbeed si ay u ilaashadaan una joogteeyaan kheyraadkooda dabiiciga ah una ilaashadaan madax-banaanidooda, gaar ahaan dalalka ay saameeyeen colaadaha. Muqdisho 16ka Abriil 2022 Xildhibaanada cusub ee labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa inay kulankooda ugu horreeya ku yeeshaan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kaas oo looga hadlayo arrimo dhowr ah. Xildhibaanada cusub ayaa waxaa loo diray fariimo wargelin ah oo ku aadan inay soo xaadiraan kulanka oo maanta oo ka dhacaya xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa iyo tan ay ku shiraan xubnaha Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya. Kulankan ayaa waxaa warbixn lagu siin doonaa xildhibaanada cusub, howlaha horyaala iyo qeybinta xeer hoosaadka u gaarka ah doorashooyinka gudoomiyeyaasha & madaxweynaha. Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka, Cabdisalaan Dhabancad oo ka hadlay kulanka ay maanta yeelanayaan ayaa sheegay inay dadajin doonaan howlaha shaqo ee hor yaalla Muqdisho 16ka Abriil 2022 Ururka Midowga Afrika ayaa haatan ku howlan sidii loo beddali lahaa Wakiilka Ururkaas u qaabilsan Soomaaliya, Francisco Madeira oo uu dhowaan dalka ka ceyriyey ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya. Wargeysa The East African oo soo xiganayo ilo diblomaasiyadeed ayaa shaaciyey in maalmaha soo socda la beddalayo Madeira, kadib markii uu xumaaday xiriirka kala dhexeeya xukuumadda Soomaaliya ee hoggaamiyo Mudane Maxamed Xuseen Rooble. Wararka ayaa intaasi ku daraya in wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya si weyn loogu cadaadinayo inuu xilka iska casilo, si aysan ugu ekaan in shaqada laga eryay. Ujeedka ayaa lagu sheegay in Midowga Afrika uu doonayo, sidii hoos loogu dhigi lahaa xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay eryidda Danjirahooda u qaabilsanaa SoomaaliWarbixinta ayaa sidoo kale muujineysa in ninkan lagu beddalayo Maman Sambo Sidikou oo u dhashay dalka Niger. Francisco Madeira oo loo jaray warqad aan dalka looga baahneyn, ayaa waxaa horey loogu eedeeyey inuu farageliyey arrimo aan shaqadiisa aheyn iyo inuu ku kacay hadallo gef ku ah Rooble, madaxweynayaashii hore ee dalka iyo qaar ka mid ah madaxda goboleedyada. Hargaysa 16ka Abriil 2022 Magaalada Hargeysa waxaa maalintii afaraad ku xiran illaa 13 Wariye oo ay dhowaan xabsiga dhigeen ciidamada Booliska Somaliland, kadib dhacdadii xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa. Wariyeyaashan oo ka howl-gala warbaahinta qaybaheeda kala duwan, sida Telefishinno iyo Idaacado ay ka mid ah BBC-da ayaa saaka kasoo muuqday maxkamadda Hargeysa. Wararka ayaa sheegaya in maxkamaddu ay amar kasoo saartay xarigga Wariyeyaashaasi, isla-markaana ay amartay xabsiga lagu sii heyn doono illaa 5 cisho oo dheeraad ah. Booliska ayaa doonaya in 5-taasi maalmood uu kusoo dhammeystiro caddeymahooda, si maxkamaddu ay go’aan rasmi ah uga soo saarto xariga Suxufiyiintaasi. Maxkamadda ayaa sidoo kale ku amartay saraakiisha Booliska in dhaqtar la geeyo Wariye Maxamed Ilig oo ka mid ah Wariyeyaasha xiran, kadib xaalad caafimaad oo soo wajahday. Sidoo kale Wariyayaashan ayaa waxaa la filayaa in shantaasi maalmood ka dib lagu soo celiyo maxkamada, si loo dhammeystiro dacwadda loo heesto. Arrintan ayaa Somaliland waxa ay kala kulantay cabmbaareyn xoogan oo ka timid Ururka Suxufiyiinta  iyo xisbiyada mucaaradka ee ka jira maamulkaasi. Si kastaba, Somaliland ayaa waxaa caadi ka noqday xariga lagula kaco Wariyeyaasha, Fanaaniinta, Siyaasiyiinta iyo cid kasta oo kasoo horjeesata xukuumadda maamulkaasi Muqdisho 16ka Abriil 2022 Guddoomiyaha ku meel gaarka ah ee Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdisalaan Axmed Dhabancad ayaa magacaabay Guddiga qaban qaabada doorashada Guddoonka Golaha Shacabka oo ka kooban 10 xubnood oo ka soo kala jeeda shanta beelood, kuwaasoo kala ah: 1- Cabdullaahi Rooble- kasoo jeeda Puntland (Daarood) 2- Mohamed Hussein Hadi- Kasoo jeeda Somaliland (Dir) 3- Cabdirisaaq Cumar- kasoo jeeda Hirshabeelle. (Hawiye) 4- Xuseen Maxamed Nuur- kasoo jeeda Galmudug (Hawiye) 5- Xaaji Cali Max’ed Nuur- Kasoo jeeda Koonfur Galbeed (Digil iyo Mirifle) 6- Maxamed Abukar- Kasoo jeeda Koonfur Galbeed (Digil iyo Mirifle) 7- Dahabo Suusow Maxamud- Kasoo jeeda Hirshabeelle (Beesha 5aad) 8- Qaasim Cilmi Seed- kasoo jeeda Galmudug (Daarood) 9- Cumar Sharif Jeeg- kasoo jeeda Banaadir (Beesha 5aad) 10- Nasro Mahdi Caraale- kasoo jeeda Jubbaland (DIR). Guddigan ayaa maalinta Berri yeelanaya kulankoodii u horreeyay oo ay uga arrinsanayaan howlaha qaban qaabada doorashada Guddoonka. #Somalia #Soomaaliya #Wararka #Warar #warka #News https://www.youtube.com/watch?v=Szn6Sne21rE
WARARKA MAANTA 14ka Abriil 2022 Su’aalaha Maanta: Maxaa ka fahanteen dhaarinta Baarlamaanka 11naad ee maanta lagu dhaariyey #Muqdiso maanta? Maxaad ka ogtahay inay si deg deg ah u soo dooran doonaan guddoonka barlamaanka iyo madaxweyne cusub?  Yaa beenta iyo fashilka Madaxweyne Farmaajo qarin doona? Yaa #Soomaaliya Madaxweyne ka noqon doona Raysal Wasaare Mudane Maxamed Xuseen Rooble ama Madaaxweyne Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo “Been-Hawaas”? Maxaa fashilay in uusan dhicin wax afgabi ah? Yaase masuul ka noqon doona doorashada iyo qabashadeeda? Yaa tanaasuli doona oo masuul ka noqon doona fashilka iyo hoggaan xummada ka dhex jirta dowladda wakhtiga ku dhammaatay Madaxweyne Farmaajo? Ha wiqleyso! Muqdisho 14ka Abriil 2022 Xildhibaanada diiday inay shahaadaqaataan kuma koobna kaliya kuwa maamulka Koonfur Galbeed, oo uu ka hor-istaagay madaxweyne goboleedkooda Cabdicasiis Lafta-gareen. Waxaa jira xildhibaanno kale oo si iskood ah u go’aansaday inaysan shahaadada qaadan, waxaana xildhibaanadaas ka mid ah kuwa loo yaqaan kutlada NISA, oo horey u ahaa saraakiil ka tirsan sirdoonka balse hadda isu rogay xildhibaano.  Xildhibaanadaas ayaa waxaa ugu caansan taliyaha NISA eek u-meel gaarka ah Yaasiin Farey iyo Cabdullaahi Aadan Kulane oo loo yaqaanno Kulane Jiis, iyo saraakiil kale oo xilal hoose haya. Haddaba maxaa sabab u ah go’aankooda?  Cabdisalaan Guuleed, oo ah taliye ku-xigeenkii hore ee hay’adda NISA kana faallooda arrimaha amniga, ayaa sheegay in arintaas siyaabo kala duwan loo fasiran karo, balse tan ugu weyn ee laga eegi karo ay tahay ina la duubteen Fahad Yaasin oo sida uu sheegay gacan weyn ku lahaa inay baarlamaanka ka mid noqdaan.  “Maaddaama isagu uu sababta ugu weyn ee xildhibaannimadooda lahaa, haddii ay noqoto kharash, garab iyo soo xulistoodaba, waa wax la filan karo inay la xanaaqsanaadaan amaba la xannibnaadaan, lagana yaababa inaysan xor u ahayn inay shahaadada qataaan,” ayuu yiri.  Muqdisho 14ka Abriil 2022 Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka baarlamaankii 11-aad, Cabdikariim Cabdi Buux ayaa caawa soo saaray fariin war-gelin ah oo ku socota xildhibaanada cusub ee baarlamaanka 11-aad. Fariintaan ayaa xildhibaanada loogu sheegay inay 9:30 AM oo barqanimo isugu yimaadaan dugsiga tababarrada ciidanka booliska Soomaaliyeed ee Jeneraal Kaahiye. “Beri hadii ilaahay yiraahdo xildhibaanka oo wata aqoonsigiisaa waxuu imaanayaa  akadamiyada tababarka Ciidanka Booliska ee Generaal Kaahiye (police academy) saacadu markay tahay 9:30 aroornimo.” Xildhibaanada ayaa lagu war-geliyey in halkaas basas looga qaadayo, si loo geeyo teendhada Afisyooni oo dhaarintu ay ka dhaceyso, sidoo kale gaadiidka iyo ilaalada ayaa loo sheegay xildhibaanada inay uga taganayaan gudaha Jeneraal Kaahiye. “Halkaa ayaa basas looga qaadayaa Xildhibaanada oo lagu geynayaa Teendhada Afasiyooni oo ah goobta xaflada dhaarintu ka dhacayso. Baabuurtiina iyo askartiin waxaa uga tageysaan barxada Dusiga tababarka Booliska ee Genaral Kaahiye,” ayaa lagu yiri war-gelintaan. Sidoo kale xildhibaanada degan gudaha garoonka Aadan Cadde ayaa lagu war-geliyey in saacadaas ay yimaadaan saldhiga garoonka, halkaas oo ayagana loogu diyaariyey gaadiidkii qaadi lahaa oo lagu geyn lahaa xarunta ay dhaarintu ka dhaceyso ee Afisyooni. Muqdisho 14ka Abriil 2022 Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa xalay fasaxay kuraasta kala ah HOP204 iyo HOP103, oo laga soo doortay deegaanada Koonfur Galbeed, sida lagu shaaciyey shir jaraa’id oo Baydhaba ay ku qabteen xubnihii guddiga ee maanta tegay. Sidoo kale, guddiga ayaa go’aamiyey in lagu noqdo doorashada kursiga HOP154 oo ka mid ahaa 3-dii kursi ee Koonfur Galbeed lagu diiday natiijada doorashadooda.  Go’aankan ayaa ka dhigan in kursiga Fahad Yaasiin ee HOP086 uu weli xayiran yahay, ayada oo la filayo in maanta Muqdisho lagu dhaariyo xildhibaanada cusub ee labada Aqal ee baarlamanka Soomaaliya. Guddiga doorashada waxay sheegeen in habkii lagu doortay kursiga HOP086 ay khaladaad ka buuxeen, hase yeeshee kursigaas waxba kama duwan nidaamka musuq-maasuqa ah ee kuraasta baarlamanka lagu soo doortay 95%. Dadka qaar ayaa sidoo kale rumeysan in kursigaas loo xayiray kiiska Ikraan Tahliil oo aheyd gabar ka tirsaneyn NISA oo la tuhunsan yahay inay dileen xubno ka tirsan hay’adda darteed.  Hase yeeshee agaasime ku-xigeenkii hore ee hay’adda NISA Cabdisalaan Guuleed ayaa sheegay in sababta loo heysto kursigaasi ay tahay mid siyaasadeed, isaga oo soo bandhigay tusaale muujinaya inaanu shaqo ku laheyn kursiga Ikraan.“Fahad wuxuu la mid yahay, haddii lagu eedeynayo kiiskii Ikraan Tahliil iyo eedeymaha kale oo ay dad badan ku soo oogeen, wuxuu la mid yahay Yaasiin Farey oo ah ku simaha taliyaha NISA, wuxuu la mid yahay Kulane Jiis, dad badan oo waxaa jira ah eedeysanayaal ay kiisas ka yaallaan maxkamadda, oo aan ilaa iyo hadda la beri yeelin. Marka haddii ay arrintaas la xiriirto kuwan laftigooda ma aysan ahayn inay soo gudbaana” ayuu yiri Cabdisalaan. Wuxuu Cabdisalaan intaas ku daran in laba arrinba ay suurto gal tahay, oo ah; in laga gudbo khilaafka kursigan oo xal loo helo iyo in Fahad uu noqon waayo xildhibaan. Rajada Fahad oo markii hore ay saacideysay inay isku qaanad ahaayeen kuraas ka badan 70 oo laga soo doorto Koonfur Galbeed ayaa hadda hoos u dhacday kadib markii Lafta-gareen uu xalay heshiis la galay guddiga doorashada. Beledweyne 14ka Abriil 2022 Allaha ha u naxariistee waxaa caawa magaalada Beledweyne lagu dilay guddoomiyihii hore ee waxbarashada maamulka gobolka Hiiraan Cusmaan Caato. Dilka Marxuumka ayaa ka dhacay xaafadda Dhagaxjebis ee magaalada Beledweyne, waxaana goobta isaga baxsaday kooxdii bistooladaha ku hubeysneed ee dishay guddoomiyaha. Ciidamada ammaanka ee ka howlgala magaalada Beledweyne ayaa caawa xaafado badan oo ka tirsan magaalada ka bilaabay howlgallo lagu baacsanayo kooxdii dilka geysatay. Allaha u naxariistee Cusmaan Caato ayaa seddax bilood ka hor laga qaaday xilkii guddoomiyaha waxbarashada ee maamulka gobolka Hiiraan. Sidoo kale dadka yaqaanay Cusmaan waxay ku tilmaameen inuu ahaa nin aqoonyahan ah oo caan ka ahaa gobolka Hiiraan, waxayna mudooyinkaan dadka reer Beledweyne dareemayaan amni darro xoog leh. Muqdisho 14ka Abriil 2022 Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa caawa fasaxay kuraasta kala ah HOP204 iyo HOP103, oo laga soo doortay deegaanada Koonfur Galbeed, sida lagu shaaciyey shir jaraa’id oo Baydhaba ay ku qabteen xubnihii guddiga ee maanta tegay. Sidoo kale guddiga ayaa go’aamiyey in lagu noqdo doorashada kursiga HOP154 oo ka mid ahaa 3-dii kursi ee Koonfur Galbeed lagu diiday natiijada doorashadooda.  “Waxaan umadda Soomaaliyeed u sheegeynaa in xubnaha baarlamaanka ka soo galay Koonfur Galbeed ay toos u tegi doonaan Muqdisho iyo goobta dhaarinta, kadib markii ay qaataan shahaadooyinka xubinimada,” ayaa lagu yiri warbixintii guddiga. Xubnaha guddiga ayaa sheegay in markii ay maanta Baydhaba tageen ay bilaabeen maaritaanka hanaankii lagu soo doortay labada kursi ee caawa ay fasaxeen, sidoo kalena kursiga kale ay go’aamiyeen in doorashadiisa lagu noqdo. Xubno ka tirsan guddiga doorashooyinka oo guddoomiye Muuse Gelle uu hoggaaminayo iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor ayaa Baydhaba u tegay xal u helida khilaafkii ka dhashay natiijada kuraastaas. Muqdisho 14ka Abriil 2022 Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta ka dhacayesa munaasabadda dhaarinta xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, taas oo soo martay is jiid jiid dheer iyo murano soo kala dhexgalay guddiga FEIT iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka. Munaasabadda ayaa lagu wadaa in goordhow ay ka bilaabato Teendhada Afisyooni, halkaas oo ay isugu tegi doonaan xildhibaanada cusub. Ammaanka ayaa aad loo adkeeyey, iyada oo la xiray dhammaan waddooyinka gala Dugsiga Tababarka Booliska Soomaaliyeed illaa iyo Afisyooni oo la dhigay ciidamo dheeraad ah. Illaa iyo hadda waxaa shahaadada qaatay in ka badan 200 oo xildhibaan, kuwaas oo si wadajir ah loogu dhaarinayo baarlamaanka 11-aad ee dalka. Sidoo kale waxaa xal laga gaaray tabashadii Koonfur Galbeed, kadib markii guddiga FEIT uu fasaxay kuraastii laga hakiyey maamulkaasi, waxaana xildhibaanada kasoo baxay Koonfur Galbeed ay qayb ka noqon doonaan dhaarinta. Ra’iisul wasaare Rooble iyo FEIT oo garab ka helaya Beesha Caalamka ayaa ku adkeystay qabashada munaasabadda dhaarinta xildhibaanada labada aqal, si looga gudbo xaaladda adag ee kala guurka ah.Si kastaba, munaasabaddan ayaa muhiim u ah dhammeystirka doorashooyinkanSoomaaliya oo marar badan dib u dhacday, taas oo qaadatay muddo ka badan sanad dheeraad.   #Somalia #Soomaaliya #Wararka #Warar #warka #News   https://www.youtube.com/watch?v=0UIWz17mQvM