Wararka 2019

WARARKA MAANTA 28ka Diseembar 2019 Sir Culus!
Su’aallaha Maanta: Yaa qarxinaaya #Muqdisho? Maxaase loo qarxin karin magaalooyinka kale? Maxaa loo qarxiyey Ex- Kontrool? Meeqo qof ayaa ku dhintay ama dhaawacmay? Maxuuse Taliyaha Booliska ugu diiday inay Warbaahinta si xor ah uga hadasho qaraxa Ex- Kontrool? Yaa dalka #Soomaaliya ka dhigay waddanka adduunka ugu musuqmaasuqa badan? Yaa dhacaya canshuurta #Muqdisho? Maxay Dowladda nabar iyo Naxdin muddo 3 sanno shilin Soomaali u isticmaali karin? Yaa Madaxweyne ka noqon doona #Soomaaliya kadib fashilka 4ta sanno ee Madaxweyne Mudane Farmaajo “Been-Hawaas” Iyo Raysal Wasaare Mudane Mudane Kheyre? Maxay beesha caalamka u diiday inay xukuummadda fashilantay ku darsato 2 sanno oo dheeraad ah? Maxay Dowladda Nabar Iyo Naxdin maalinta Arbacada wax u fulisaa? Yaa dhaca canshuur caasimadda #Muqdisho? Maxay weli wadooyinka/jidadka Muqdisho u xirxiran yihiin? Yaa waddanka #Soomaaliya ka dhigay waddanka adduunka ugu musuqmaasuqa badan Madaxweyne Farmaajo “Been-Hawaas”?
Muqdisho 28ka Diseembar 2019 Xildhibaannada Golaha Shacab-ka ayaa maanta oo Sabti ah kulankoodii caadiga ah isugu uga dooddi doona sharciga Doorashooyinka Qaran ee dhawaan loo gudbiyay. Xildhibaannada ayaa sharcigan siweyn ugu kala aragti-duwan sharcigan oo qaarkood ay ku tilmaameen in uu yahay mid hal dhinac oo kale u daneynaya, laakiin aan ku qotomin rabitaa shacabka ee ah awood doorasho dib gacantooda loogu celiyo.
Balse waxaa dhinaca kale jira xildhibaanno iyaguna difaaca sharcigan oo u arka in uu yahay mid ay tahay sidiisa loo ansixiyo.
Madaxda ugu sarreysa dalka ayaa iyagu dhankoda u muuqda kuwo kalsooni badan ku qaba sharcigan hor yaala Baarlamaanka iyaga oo ugu baaqay xildhibaannada in waajibkooda ka gutaan kaddibna la galiyo codka kalsoonida.
Muqdisho 28ka Diseembar 2019 Wasiirkii hore ee amniga gudaha, Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed, haatana ah xildhibaan ka tirsan golaha shacabka ayaa ka hadlay qaraxii saaka ka dhacay isgoyska Ex-koonyarool Afgooye ee magaalada Muqdisho.
Xildhibaanka oo qoraal kooban soo dhigay barta fariimaha gaagaaban ee Twitter-ka ayaa shaaciyey in qaraxaasi ay ku dhinteen dad kor u dgaafaya 90 qof oo badan rayid.
Wasiirkii hore ee amniga ayaa sidoo kale kala saaray tirada dadka dhintay, wuxuu tilmaamay 73 qof ay haayeen shacab, halka 17 ay ka tirsanaayeen ciidanka Booliska.
Sidoo kale wuuxuu intaasi in qaraxii saaka ay ku dhinteen illaa afar ajaaniib ahaa, inkastoo uusan sheegin dalka ay ka soo jeedaan. Weli dowladda Soomaaliya ma shaacin khasaaraha ka dhashay weerarkaan ismiidaamiinta ahaa, balse guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, Cumar Filish ayaa sheegay in khasaaraha dhimashada iyo midka dhaawaca uu aad u badan yahay .
Sidoo kale Duqa Muqdisho ayaa xusay in weerarkaan la damacsanaa in laga fuliyo Caasimada, si loola beegsado xarumo iyo mas’uuliyiin muhuum ah.
Xaaladda ayaa haatan ah mid degan, iyadoona uu burbur xoogan soo gaaray dhismayaashii ku yaallay halkaasi.
Muqdisho 28ka Diseembar 2019 Qaar ka mid ah xildhibaannada Madasha Xisbiyada Qaran ayaa shir xasaasi ah oo looga arrinsanaayo sharciga doorashooyinka iyo xaaladda kala guurka ah ee dalka maanta ku yeeshay xaruntooda KMG ah ee Muqdisho.
Kulankan ayaa waxaa shir guddoomiyey madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, oo ah hoggaamiyaha Madasha, waxaana sidoo kale ka qeyb galay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo hadda ah guddoomiyaha xisbiga UPD.
Madasha Xisbiyada Qaran ayaa walaac ka muujiyey islamarkaana aad uga soo horjeeda qodobka 53-aad ee sharciga doorashooyinka qaranka, kaasi oo muddo kordhin siin karo xildhibaanada, haddii la ansixiyo.
Qodobkaas, ayaa waxaa ku qoran in haddii ay keenaan duruufo, sida amni darro baahsan oo dalka ka dhacda, uu baarlamanka waqtiga kororsano karo muddo lix bilood ah. Madasha Xisbiyada Qaran ayaa dooneysa in qodobkaas laga saaro sharciga doorashooyinka, waxaana ay qorsheynayaan inay mooshin ka keenaan, sida xubno ka mid ah ay u sheegeen Warbaahinta.
addaba maxaa ku qoran qodobka 53-aad ee sharciga doorahsooyinka:
Qodobka 53-aad: Dib-u-dhaca Doorashooyinka
1. Muddada xilhaynta Goleyaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo madaxda la doortay wuxuu shacabku u idmaday muddo cayiman oo ku xadiddan Qodobbada 60aad iyo 91aad ee Dastuurka;
2. Muddada qabashada doorashooyinka heer federaal waxay dib ugu dhici kartaa oo keliya haddii ay jiraan daruufo adag oo saameeya dalka oo dhan ama kala bar oo aan suurtagal ka dhigayn in doorasho la qabto;
Daruufaha adag ee ku xusan faqradda 2aad ee qodobkan waxaa ka mid ah:
a. Nabadgelyo-darro baahsan oo dalka dhan ka dhacdo;
b. Aafooyinka dabiiciga ah sida dhulgariirka, cudurada faafa, abaarro, fatahaado wabiyada, daadad xoog badan iyo duufaanno; iyo
c. Arrimo farsamo oo aan la’aantood doorashada qabsoomi karin. Xaaladaha lagu soo sheegay faqaradda 3aad ee qodobkan haddii ay ku kooban tahay hal degmo, gobol ama dowlad goboleed iyo wax ka yar kala bar dalka, dib-u-dhaca doorashadu wuxuu saameynayaa keliya goobaha lagu xusay faqraddan. GMDQ marka ay qiimeeyaan daruufaha ku xusan faqradda 3aad ee qodobkan iyo muddada uga degdegsan ee lagaga bixi karo, waxay warbixintooda oo sababeysan kuna caddahay baaxadda ay duraafaha saameeyeen oo jadwal-shaqana leh u soo gudbinayaan Goleyaasha Baarlamaanka Federaalka si ay go’aan uga gaaraan. GMDQ waxay BFS ka codsan karaan muddada cusub ee doorashadu ku qabsoomi karto oo aan ka badnayn Lix (6) Bilood; Haddii xaaladaha ku xusan faqradda 3aad aan lagu xallin muddada ku xusan faqradda 6aad oo GMDQ caddeeyo ineysan doorashadu muddadaas ku qabsoomi karayn, xubnaha Goleyaasha 24 Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sii wadaya waajibaadkooda Dastuuriga ah ilaa doorashada laga qabto.
Muqdisho 28ka Diseembar 2019 Kooxo hubeysan ayaa saacadihii la soo dhaafay sarkaal la sheegay inuu ka tirsanaa ciidamada Booliska Soomaaliyeed ku dilay qeybo ka mid ah degmada Heliwaa ee gobobolka Banaadir.
Dilka oo ay fuliyeen rag ku hubeysnaa bistoolado ayaa waxaa uu ka dhacay xaafadda Suuqa Xoolaha ee maagaalada Muqdisho, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.
Al-Shabaab ayaa durbo sheegatay masuuliyadda dilka sarkaalkaasi, waxaana ay tilmaamtay in xoogagii fuliyey ay si aayar ah uga baxsadeen goobta.
Sidoo kale warka ka soo baxay kooxda Al-Shabaab lagu sheegay in sarkaalkaasi lagu magacaabi jiray Muxamed Isxaaq, islamarkaana uu ka howlgalayey xerada Iskuul Boliisiya, sida ay hadalka u dhigtay. Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca sarakiisha ciidamada ammanaka, gaar ahaan kuwa Booliska oo ku aadan dilkaasi.
Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro gaadma ah ku qaada askarta dowladda ee ku sugan magaalada Muqdisho, iyadoo u geysata dilal qorsheysan.
Dhowaan ayey aheyd markii labo askari ay ku dishay xaafadda Suuq Bacaad oo ka tirsan degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.
Muqdisho 28ka Diseembar 2019 Waxaa isa soo taraya khasaaraha rasmiga ee ka dhashay qaraxii ismiimaadiinta ahaa ee saaka aroortii hore ka dhacay isgoyska Ex-Koontarool Afgooye ee duleedka magaalada Muqdisho.
Qaraxa oo loo adeegsaday gaari nooca raaxada ah oo laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 20 qof, siday warbaahinta u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay.
Dadka dhintay ayaa waxaa ka mid ah labo Injineer oo Turki ah iyo seddex askari oo ilaalo u aheyd, kuwaas oo la socday gaari nooca aan xabada karin oo marayey halkaasi.
Wararka ayaa sheegaya in bartilmaameedka weerarka uu ahaa iyagu, waxaana sidoo kale meesha ka agdhow xarun canshuuraha looga qaado gaadiidka isaga kala goosha waddada xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. Sidoo kale waxaa la xaqiijiyey in qaraxaasi ay ku dhinteen saddex askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda, kuwaas oo goobta ku sugnaa.
Khasaaraha ugu badan ayaa wuxuu soo gaaray dad shacab ahaa oo isugu jiray arday jaamacadeed oo la socday gaari Bus- ah iyo kuwa kale oo qaraxa la kulmay.
Weli saraakiisha ammaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya kama hadlin qaraxaan, waxaana goobta ku sugan ciidamo fara badan oo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliyeed.
Tan iyo markii la bilaabay dhismaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye waxaa waddadaan ka dhacay weeraro kala duwan oo lagu qaaday Injineerada dhisaya waxaana sheegatay kooxda Al-Shabaab oo marar isku dayday inay is hortaagto dhismaha jidkaasi.
Muqdisho 28ka Diseembar 2019 Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Cumar Maxamed Maxamed (Filish) oo tegay isgoyska Ex-Koontarool Afgooye ayaa ka warbixiyey qaraxii xooganaa ee saaka dhacay halkaasi.
Duqa Muqdisho ayaa sheegay in khasaara badan uu geystay qaraxa, islamarkaana ay weli socdaan baaritaano dheeraad ah oo ku aadan tirakoobka dadka ku waxyeeloobay.
Sidoo kale wuxuu sheegay in dhaawaca uu ka badan yahay 90 qof oo u badan dad rayid ah oo ka agdhawaa meesha uu ka dhacay qaraxaasi oo ahaa mid ismiidaamin ah.
Cumar Filish ayaa sidoo kale xaqiijiyey in dadka waxyeelada soo gaartay ay ka mid ahaayeen Injineero Ajnabi ah iyo arday badan oo la socotay gaari Bus ah. Ugu dambeyn wuxuu carabka ku dhuftay in ismiidaamiyaha uu damacsanaa inuu gudaha u soo galo magaalada Muqdisho, si uu u beegsado xarumo iyo mas’uuliyiin muhiim ah, balse ay ka hortageen ciidamada ammaanka oo uu u mahadceliyey guddoomiyuhu.
“Waxaan rabaa inaan halkaan uga mahadceliyo Ciidamadii amniga ee shafka u dhigay, dhagarbayaashu hagar daamada ay soo abaabuleen in ay u gudubto magaalada, waxaa ay doonayeen in uu u gudbo magaalada si goobo muhiim ah iyo mas’uuliyii muhiim ah loogu baabi’iyo.” ayuu yiru guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, Cumar Filish.
Dhinaca kale isbitaallada Muqdisho, gaar ahaan midka Madiina ayaa waxaa la dhigay dhaawacyada ugu badan, waxaana isbitaalkaasi buux dhaafiyey shacab badan.
Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana uu burbur xoogan soo gaaray dhismayaashii ku yaallay halkaasi.

WARARKA MAANTA 27ka Diseembar 2019 Sir Culus!
Su’aallaha Maanta: Yaa dalka #Soomaaliya ka dhigay waddanka adduunka ugu musuqmaasuqa badan? Yaa dhacaya canshuurta #Muqdisho? Maxay Dowladda nabar iyo Naxdin muddo 3 sanno shilin Soomaali u isticmaali karin? Yaa Madaxweyne ka noqon doona #Soomaaliya kadib fashilka 4ta sanno ee Madaxweyne Mudane Farmaajo “Been-Hawaas” Iyo Raysal Wasaare Mudane Mudane Kheyre? Maxay beesha caalamka u diiday inay xukuummadda fashilantay ku darsato 2 sanno oo dheeraad ah? Maxay Dowladda Nabar Iyo Naxdin maalinta Arbacada wax u fulisaa? Yaa dhaca canshuur caasimadda #Muqdisho? Maxay weli wadooyinka/jidadka Muqdisho u xirxiran yihiin? Yaa waddanka #Soomaaliya ka dhigay waddanka adduunka ugu musuqmaasuqa badan Madaxweyne Farmaajo “Been-Hawaas”?
Hargaysa 27ka Diseembar 2019 Xoghayaha arrimaha gudaha ee xisbiga UCID Maxamuud Cali Ramaax ayaa xabsiga loo taxaabay ka dib markii lagu eedeeyey in uu aflagaadeeyey gudoomiyaha golaha Wakiiladda Somaliland.
 
Ramaax oo inta aan la xidhin warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in baryahanba uu hanjabaado iyo cabsi galin lagu hayey, islamarkaana aanu xadhiga u arkeen wax weyn.
 
Taliyaha dambi baadhista ciidanka Booliska Faysal Xiis ayaa isna cadeeyey xadhiga Ramaax inuu jiro,isla markaana waxa uu xusay inuu ka soo dacwooday gudoomiyaha golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax oo uu u gaystay ceebeen iyo aflagaadeen.
 
“Maxamuud Cali Ramaax waxa lagu eedeeyey inuu aflagaadeen iyo ceebeen u gaystay gudoomiyaha golaha Wakiiladda Baashe Maxamed Faarax, waxanu ku yidhi gudoomiye Baashe waxa uu xidhiidh la leeyahay dad cadow ku ah Somaliland, gudoomiyaha Baarlamaankuna taas ayuu ka soo dacwooday isagoo shakhsi ah oo soo maray sifihii sharciga ahaa”ayuu yidhi Faysal Xiis.
 
Maamulka Dowladda Puntland 27ka Diseembar 2019 Puntland ayaa si rasmi ah ugu eedeysay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya inay mamaulkaas kusoo qaadday “dagaal dhinaca waxbarahsada.”
 
Afhayeenka Puntland, Jaamac Yuusuf Dabaraani oo ka warbixinayay shirka todobaadalaha ah ee Golaha Xukuumada Puntland ayaa sheegay in dawladda federaalka Soomaaliya ay weli waddo “dagaal ka dhan ah “oo la xiriira xagga waxbarashada.
 
Dabaraani ayaa sheegay in dawladda ay diiday inay shahaadooyinka siiso ardayda reer Puntland ee dhameysta dugsiyada sare.
 
“Meelihii ay wada-shaqaynta xagga waxbarashada la lahayd ayey dowladda u dirtay warqado ay ku hor istaagayaan ardayda Puntland, waxaana ka mid ah dalka Masar, dhawaana arinkaas darteed halkaas waxaa u tagay wasiirka waxbarashada Puntland, si arimahaas wax looga qabto, dhaqamada noocaas ah waa kuwa muujinaya in lala dirirayo Puntland dhinaca horumarka waxbarshada” Ayuu yiri Dabaraani.
 
Afhayeenku ayaa sidoo kale xusay in qodobadaas ay yihiin “kuwa baalmarsan” dastuurka Soomaaliya iyo heeshiisyadda ay horay u gaareen dawlafda dhexe iyo maamulada, waxa uuna tilmaamey in cawaaqib xumadda ka dhalata ay qaadan doonaan hogaanka dowladda federaalka
 
Xiisadda labada dhinac ayaa kasoo billaabatay markii Puntland ay diiday inay qeyb ka noqoto imtixaanka shahaadiga ah ee ay dejisay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.
 
Si kastaba, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, islamarkaana laga soo doortay degaanada Puntland, ayaa 7-dii September sheegay khilaafka labada dhinac kadib markii ay la kulmeen Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya.
 
“Waxaa maanta xafiiskeyga kulan kula qaatay xildhibaanada ugu muhiimsan ee kasoo jeeda deegaanada Puntland…Waxaan kawada hadalnay sidii ardayda Puntland ee sannad dugsiyeedkii 2018/2019 imtixaankoodii la siyaasadeeyay ay u heli lahaayeen shahaadada Dowladda Federaalka Soomaaliya. Waxaa farxad ii ah in ugu danbeyntii aan isla garannay xal oo aan dib idinkala wadaagi doono.” ayuu yiri wasiir Goodax oo hadlay kadib kulankaas.
 
Maamulka Dowladda Galmudug 27ka Diseembar 2019 Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug waxaa goor dhaw gaaray wafdi hordhac u ah booqasho la filayo in Ra’iisul Wasaare Kheyre uu ku tago magaalada Dhuusamareeb.
 
Wafdiga gaaray Dhuusamareeb ayaa iskugu jira xubno ka tirsan shaqaalaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo ilaalada gaarka u ah Ra’iisul Wasaare Kheyre.
 
Ammaanka garoonka diyaaradaha iyo guud ahaan ammaanka magaalada Dhuusamareeb ayaa siweyn loo adkeeyay, waxaana sugida amniga iska kaashanaya ciidanka dowladda federaalka iyo kuwa AMISOM ee ku sugan gudaha iyo daafaha magaalada.
 
Waxaan wali si rasmi ah loo shaacin booqashada uu Ra’iisul wasaare Kheyre ku tagayo Dhuusamareeb, waxayna ku soo aadeysaa iyadoo khilaaf badani uu ka taaganyahay aqbalaadda 20-kii xildhibaan ee dowladdu u qoondeysay Ahlu-Sunna.
 
Jadwal ay hore u shaaciyeen guddiga farsamada doorashada Galmudug ayaa dib u dhac ku yimid iyadoo jadwal labaad oo ay dhowaan soo saareen uu u muuqdo mid aan ku hirgeli karin sidii loo qorsheeyay.
 
Waxaa jira weli cabasho ay muujinayaan qaar kamid ah beelaha Galmudug, taas oo ku aadan qaabka ay Ahlu-Sunna u soo xushay xubnihii laga siiyey baarlamaanka Galmudug.
 
Muqdisho 27ka Diseembar 2019 Wasiirkii hore ee batroolka Soomaaliya Maxamed Mukhtaar Ibraahim ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook kusoo bandhigay taariikho is-diidan oo la xiriira xilliga bixinta shatiyada shidaalka Soomaaliya, kuwaas oo lagu arkay qorshaha 9-aad ee Horumarinta Qaranka ee dhowaan lasoo bandhigay.
 
Waxaan u hambalyaynayaa Wasaaradda Qorsheynta iyo dhamaan intii ka so shaqeysay diyaarinta Qorshaha 9-aad ee Horumarinta Qaranka.
 
Qorshaha oo ka kooban 400-bog, inta uu dhaxeysa bogga 226 – 228 waxaa looga hadlayaa arimaha shidaalka. Qoraalka waxaa ku jiro taariikho iska hor imaanaya, haddii aanan si fiican looga fikirina Soomaaliya u keeni karo culeys. Bogga 226, faqradiisa 10.1 waxa uu lee yahay “Dowladdu waxay qorsheyneysaa inay bixiso 15 xermo (blocks) 6-da bilood ee soo socota ka dibna kuwa kale loo bixiyo si joogto ah. Dowladda waxay haminaysaa inay bilowdo shati siinta sahaminta batroolka iyo macdantaka hor Maarso 2020.”
 
Sidoo kale qoraalka bogga 228, faqradiisa 10.3, xarafkiisa (ii) waxa uu lee yahay “Qabyo qoraalka sharciga Shidaalka waxaa la filayaa inuu diyaar noqdo ka hor Juun 2020.”
Xermooyin shidaal ama heshiis shidaal lama geli karo ayada oo aanu soo dhamaystirmin Sharciga Shidaalka, sida daraadeed waxaa loo baahan yahay in labadaan taariikh la is waafajiyo.
 
Isla qoraalka bogga 228, faqradiisa 10.3, sadarka ugu danbeeyo waxa uu lee yahay “Soomaaliya waxay sidoo kale qorsheyneysaa inay dhisto Hay’adda Batroolka Soomaaliya iyo Shirkadda Batroolka Qaranka Soomaaliyeed, Hay’adda Macdanta Soomaaliya iyo Shirkadda Macdanta Soomaaliyeed hal sano kadib sharciga batroolka marka la ansixiyo.”
Qabyo qoraalka Sharciga Shidaalka waxa uu sheegayaa in Hay’adda Batroolka Soomaaliya iyo Shirkadda Batroolka Qaranka Soomaaliyeed la sameeyo sanad gudahood marka sharciga la ansixiyo ee ma ah sanad kadib marka sharciga la ansixiyo.
 
Mida kale Qorshaha Qaranka waxa uu sheegayaa inay dowladda qorsheynayso inay bixiso shatiga sahminta shidaalka ka hor Maarso 2020 taas oo macnaheedu yahay in dowladdu bixin doonto shatiyo ka hor inta aanan la dhisin Hay’adda Batroolka Soomaaliya iyo Shirkadda Batroolka Qaranka Soomaaliyeed.
 
Waxaan rajaynayaa in qoraalka Qoshaha Qaran iyo qaab maamulka kheyraadka noo saxmaan.
 
Maamulka Dowladda Puntland 27ka Diseembar 2019 Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Dani ayaa caawa shacabka magaalada Garowe la qaatay kulan ay ku weydiinayeen su’aalaha ay qabaan kuwaas oo si toos ah uu uga jawaabayey Madaxweyne Dani.
 
Su’aalaha ay dadku weydiinayeen Madaxweyne Dani ayaa u badnaa arimaha doorashooyinka dalka tan dowladda dhexe iyo tan Puntland-ba iyo sidoo kale waxa uu salka ku hayo khilaafka Puntland kala dhexeeya dowladda federaalka, kaas oo xoogiisu soo jiray intii uu xaafiiska joogay Madaxweyne Dani.
 
Saciid Dani ayaa mid mid uga jawaabayey su’aalaha ay dadku weydiinayeen waxuuna sheegay in dowladda federaalku ay meel iska dhigtay wax wada guddoomin, isla markaana ay wax walba qasanyihiin, hadii ay ahaan laheyd qabya tirka dastuurka dalka, nuuca doorasho ee dalku aadayo oo aan wali cadeyn, wada shaqeyntii dowladda iyo dowladaha xubnaha ka ah iyo arimo kale.
 
Dani ayaa mar uu si gaar ah u dul istaagay waxa uu kala socdo arimaha doorashooyinka waxa uu yiri, “Doorashada federaalka diyaar garowga ugu badan waxaa laga rabaa Puntland ma ahan in laga rabo dowladda federaalka oo kaliya, mana jirto nidaam gaar ah oo aan hada leenahay waa inay ku dhacdaa doorashudu, sida madaxda qaar oo lahaa waa lagama maarmaan inay noqoto 4.5, anagu waxaan leenahay mudada yar ee aan heysano aan ka wada tashano sidii ay wax noogu hagaagi lahaayeen”.
 
Madaxweyne Dani ayaa la weydiiyey halka uu ku danbeeyey balan qaadkiisii ahaa inuu heshiisii doono Axmed Madoobe iyo madaxda dowladda federaalka, waxuuna ku jawaabay in dhawaan uu qorsheynayey inuu arintaas darteed Xamar u aado, balse uu ka baaqday kadib markii ay dowladdu shirkii wasiirrada maaliyadda dalka gogoshiisa dhigtay magaalada Kismaayo, halkaas oo Axmed Madoobe uu shirkaas ka furay, taas oo sida uu sheegay asaga ula muuqato inay Axmed Madoobe aqoonsatay dowladdu.
 
Mar wax laga weydiiyey arimaha waxbarashada Puntland ayuu yiri, “Arrinta waxbarashada dadka cabsida ka qaba maahi shahaadadii ayaa ardayda loo diiday anigu aqoon gooni ah ayaan u leeyahay, hadii qof Xamar jooga uu diido waxaa qabanaya qodob dastuuri ah, sidii loola xisaabtami lahaana Puntland ayey u taallaa, sharciga xaalad mastuur kama galeyno dad badan ayaa igula taliya ciyaalka u daney oo shahaadada ku raadi xaalad mastuur, taasna ma dhaceyso cid sharciga ka weyn ma jirto”
 
Hadalkan ayaa ku soo aadaya iyadoo kulankii maanta ee golaha wasiirrada Puntland laga sheeciyey in dowladda federaalku ay shahaadooyinkii dugsiyada sare u diiday ardayda deegaanada Puntland, sidoo kalena ay dowladda federaalku is hortaag ku sameysay deeqo waxbarasho oo Puntland ay ka heshay qaar ka mid ah dalalka caalamka.
 
https://www.transparency.org/country/SOM
#Dalka #Soomaaliya iyo Xukuummadda Nabad iyo Nolol oo galay waddanka adduunka ugu musuqmaasuqa baddan sannadkii 3xaad sida Hay’adda Musuqmaasuqa Adduunka ee Transparancy International kashiftay?
#Somalia is the most extremely corrupt country in the world for 3rd years exposed and reported by the Transparency International (TI).
Musuqmaasuqa Nabadda Iyo Nolol Amam Nabar Iyo Naxdin oo ay dunidda oo dhan la yaabtay
Akhriso.
 
https://tradingeconomics.com/somalia/corruption-rank
WARARKA MAANTA 25ka Diseembar 2019 Sir Culus!
Su’aallaha Maanta: Maxay Dowladda nabar iyo Naxdin muddo 3 sanno shilin Soomaali u isticmaali karin? Yaa Madaxweyne ka noqon doona #Soomaaliya kadib fashilka 4ta sanno ee Madaxweyne Mudane Farmaajo “Been-Hawaas” Iyo Raysal Wasaare Mudane Mudane Kheyre? Maxay beesha caalamka u diiday inay xukuummadda fashilantay ku darsato 2 sanno oo dheeraad ah? Maxay Dowladda Nabar Iyo Naxdin maalinta Arbacada wax u fulisaa? Yaa dhaca canshuur caasimadda #Muqdisho? Maxay weli wadooyinka/jidadka Muqdisho u xirxiran yihiin? Yaa waddanka #Soomaaliya ka dhigay waddanka adduunka ugu musuqmaasuqa badan Madaxweyne Farmaajo “Been-Hawaas”?
 
Boosaaso Diseembar 25, 2019 Faah faahinno kala duwan ayaa ka soo baxaya dil qorsheysnaa oo xalay ka dhacay gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
 
Dilkaan oo ay fuliyeen rag ku hubeysnaa Bistoolado ayaa waxaa loo geystay nabadoon lagu magacaabi jiray Cismaan Axmed Askar, kaas oo si weyn looga yaqiinay degmadaasi.
 
Nabadoonka ayaa la toogtay xilli uu ku sugnaa afaafka hore hoygiisa oo ku yaalla xaafadda New Boosaaso, sida ay Warbaahinta u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.
 
Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in raggii ka dambeeyey dilkiisa ay goobta isaga baxsadeen dhacdada kadib, waxaana Meydka halkaasi ka qaaday dad rayid ah.
 
Ciidamo ka tirsan kuwa amniga ayaa sidoo kale gaaray meesha ay wax ka dhaceen, balse ma jirto cid ay gacanta ku soo dhigeen.
 
Muddooyinkii dambe amniga Boosaaso ayaa faraha ka sii baxayey, waxaana ka dhacayey falal liddi ku ah nabad gelyada.
 
Arrimahaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo weli ay halkeeda tahay xiisada u dhexeysa xukuumadda Puntland ee uu hoggaamiyo Deni iyo waxgaradka
 
Hiiraan Diseembar 25, 2019 Ugaas Xassan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo ka mid ah duubabka dhaqanka Soomaaliyeed ayaa maanta munaasabad qado sharaf soo dhaweyn ah ugu sameeyay magaalada Beledweye Guddiga Gurmadka Somaliland ee Fatahaadda oo maalintii shalay magaalada soo gaaray.
 
Ugaas Xassan ayaa sheegay in guddiga ku soo dhaweynayaan magaalada isaga oo uga mahad celiyay jawaabta ay ka bixiyeen ka qeybqaadayasha Gurmadka loo fidinayo dadka ay saameynta weyn ku yeesheen Daadadkii dhawaan ku ku fatahay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
 
”Waan ka mahad celineynaa gurmadka aad noo fidiseen iyo is garab taaga aan noo muujinseen, Soomaali waa walaalo, waana Hal, waxaa is weydiin mudan yaa is diidan ma siyaasiyiinta mise Dhaqanka ayuu yiri” Ugaas Xassan oo sheegay in Soomaali marnaba is diidaneyn.
 
Guddoomiyaha Guddiga Gurmadka Somaliland Jamaal Ceydiid Xassan ayaa dhankiisa uga mahad celiyay Ugaas Xassan kulanka qado sharafta ah ee uu u sameeyay, isaga oo sheegay in tallaabada ay qaadeen aheyd mid waajib ah.
 
Wafdigan oo maalintii shala ysoo gaaray magaalada ayaa sheegay in lacag dhan $600,000 oo dollar oo ka timid bulshada reer Somaliland u sitaa dadka ay saameynta adag ee dhinaca nolasha ah ku yeesheen Fatahaadihii ugu danbeeyay ee ku dhuftay gobolka gaar ahaan magaalada Beledweyne.
 
Muqdisho Diseembar 25, 2019 Taliye ku xigeenka Ciidanka xoogga dalka Sareeyo Guuto Maxamed Cali Bariise ayaa booqasho ku tagay Tuulada Xaaji Cali ee gobolka Shabellada dhexe.
 
Taliyaha ayaa halkaas kula hadlay dhallinyarada macawiisleyda deegaanka ee isu taagay si ay ula dagaalamaan Al-Shabaab.
 
Taliyaha oo ay garab taagnaayeen saraakiil kale ayaa sheegay in dowladda federaalka ay garab taagan tahay dhalinyarada Macaawiisleey, isla markaana la qarmeyn doono.
 
“Awal kaligiin ayaa dagaalami jiray soo maahan, hadda garab ayaad heysataan, waxaadna heli doontaa taageero buuxda oo idinkaga timaado Dowladda Dhexe” ayuu yiri Taliye Bariise.
 
Sidoo kale, taliye Bariise ayaa amray taliska qeybta 27-aad ee ciidamada Xoogga dalka inay garab siiyaan dhallinyarada Macaawiisleeyda.
 
“Waxaan amrayaa taliyaha qeybta 27-aad inay garab idiin siiyaan, oo qalabkooda iyo raashiinkooda wax idinka siiyaan inta ay Dowladda Soomaaliya ka diyaarineyso qorshihii lagu qarameyn lahaa” ayuu sii raaciyey.
 
Taliyaha ayaa ugu dambeyntii ciidamada Macawiisleyda uga mahadceliyey halgankii ay u galeen sidii deegaanadooda ay uga sifeyn lahaayeen Al-Shabaab.
 
Maamulka Galmudug Diseembar 25, 2019 Hoggaanka sare ee Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa si weyn uga horyimid shuruudihii uu xalay soo bandhigay guddiga farsamada maamul u dhisida Galmudug, kuwaas oo la xariiray ka mid noqoshada baarlamaanka.
 
War ka soo baxay Ahlu Sunna ayaa lagu sheegay in shuruudaha guddiga aysan quseyn 20-ka xubnood ee ay dhowaan soo xushay.
 
Sidoo kale Ahlu Sunna ayaa shaacisay inay xor u tahay xubnaha laga siiyey baarlamaanka labaad ee Galmudug, taasina ay ku cadahay heshiiskii ay la gashay dowladda federaalka oo uu garwadeen ka ahaa Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.
 
Qoraalka ka soo baxay Ahlu Sunna ayaa sidoo kale lagu sheegay in guddiga doorashada Galmudug ee ay magacawday wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya aysan weli aqoonsaneyn, islamarkaana aysan ku laheyn wax matalaad ah.
 
Ugu dambeyn waxa ay Ahlu Sunna ugu baaqday dowladda dhexe inay ilaaliso heshiiska labada dhinac, iyada oo tilmaamtay in dhankeeda ay sidiisii u fulisay.
 
Arrintaan ayaa ku soo beegmeysa, iyadoo xalay guddiga farsamada uu soo saaray 11 qodob oo laga doonayo qofka noqonaya Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Galmudug, iyadoo qodobadaasi ay saamaynayan dhammaan 89-ka Xildhibaan ee Baarlamaanka Galmudug.
 
Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa waxaa haatan ka socota soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka cusub Galmudug, waxaana sharuudahan la soo saaray, xilli aanay horey u kala cadayn qofka noqon kara Mudane Baarlamaanka Galmudug
 
Muqdisho Diseembar 25, 2019 Waxaa soo ifbaxaya khilaaf iyo xiisad bilow ah oo ka dhex oogan madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ergeyga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, sida ay ogaatay Caasimada Online.
 
Madaxweynaha ayaa la sheegay in uusan la dhacsaneen dhaq dhaqaaqyada siyaasadeed ee uu dalka ka wado James Swan.
 
Swan ayaa si xowli ah u wada wadatashayada ku aadan nuuca doorasho ee dalka ka dhici karto, isagoo la qaadanaya masuuliyiinta maamul gobaleedyada, xisbiyada mucaaradka iyo ururada bulshada rayidka, kuwaas oo dhamaantood aan ku aragti aheyn Madaxweyne Farmaajo.
 
Kulan ka dhacay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa looga hadlay wadatashiyada James Swan iyo saameynta ay ku yeelan karto rabitaanka nuuca doorasho ee dalka ka dhacaysa ee uu doonayo madaxweyne Farmaajo, waxaana la sheegay in arintaasi ay muhiim tahay in lagala hadlo Swan.
 
Swan ayaa la kumay ra’iisul wasaaraha, afhayeenada baarlamanka, madaxda maamul goboleedyada iyo madaxda xisbiyada, balse weli lama kulmin madaxweynaha, waxaana la sheegay in madaxweynaha uu ka meer-meerayo kulanka.
 
Farmaajo ayaa rumeysan in dalka ay maamusho dowladda, ayna tahay inay ayaga go’aan ka gaaraan doorashada, halak Swan uu rumeysan yahay in talada dalka ay wada leeyihiin dowladda, mucaaradka iyo maamul goboleedyada.
 
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed iyo koox kale oo ku xiran Xafiiska madaxweynaha ayaa doonaya in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, oo aysan dadka oo dhan ka qeyb-gelin balse tiro yar oo dadka oo dhan wakiilka ka noqonaya, la iskuna keenayo Muqdisho.
 
Dhinaca kale, Xisbiyada, madaxda Maamul Gobaleedyada, Baarlamaanka iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa qaba in aysan suurtagal in dhowr kun ay ka wakil noqdaan dhowr milyan, sidaas darteedna maadaama aan dalka oo dhan doorasho qof iyo cod ah laga hir-gelin karin, ay tahay in la helo nidaam kale.
 
Su’aasha taagan ayaa ah James Swan ma mari doonaa wadadii Nicholas Heysom oo ah wakiilkii ka horeeyay?
 
Muqdisho Diseembar 25, 2019 Caadiyan madaxda Soomaalida ayaa siyaasada ku kala fogaada markii uu soo dhawyahay waqtiga kala guurka, waxaana hada soo if baxaya khilaaf dhowrkii bil ee ugu dambeysay la hadal hayay, kaas oo u dhaxeeyo mas’uuliyiinta Soomaaliya.
 
Madaxda ayaa isku khilaafsan nooca doorashada dalka ka dhaceysa 2020 iyo habka loo wajahayo, waxaana ay tani horseeday in laba dhinac kala noqdaan, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online.
 
Khilaafkan ma ahan mid shaqada kale ee dowladda saameyn ku leh, wuxuuna ku kooban yahay kaliya arrinta doorashooyinka.
 
Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal, ku-xigeenkiisa Cabdi Weli Muudey, iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali ay isku dhinac yihiin.
 
https://www.youtube.com/watch?v=7QTk23tgWlA
WARARKA MAANTA 24ka Diseembar 2019 Sir Culus!
Su’aallaha Maanta: Yaa Madaxweyne ka noqon doona #Soomaaliya kadib fashilka 4ta sanno ee Madaxweyne Mudane Farmaajo “Been-hawaas” Iyo Raysal Wasaare mudane Mudane Kheyre oo rabaan inay jaggadda Madaxweynaha #Soomaaliya u wada tartamaan? Ma oga miyaa Madaxweyne Farmaajo “Been-Hawaas” “Mooge” inay #Shacabka #Soomaaliyeed iska-qabteen Adeerkiisii kaligii-taliska ahaa Madaxweyne Mudane Maxamed Siyaad Barre oo asagoo xaqoodi ah ku dhintay dalka Nigeria? Maxay beesha caalamka u diiday inay xukuummadda fashilantay ku darsato 2 sanno oo dheeraad ah? Maxay Dowladda Nabar Iyo Naxdin maalinta Arbacada wax u fulisaa? Yaa dhaca canshuur caasimadda #Muqdisho? Maxay weli wadooyinka/jidadka Muqdisho u xirxiran yihiin? Yaa waddanka #Soomaaliya ka dhigay waddanka adduunka ugu musuqmaasuqa badan Madaxweyne Farmaajo “Been-Hawaas”?
 
Turkiga 24ka Diseembar Dowladda Turkiga ayaa walaac badan ka muujisay qaxootiga badan ee ku soo qul-qulaya dalkeeda, kaasi oo gaaray tiradii ugu badneyd ee dhanka qaxootiga caalamka.
 
Madaxweynaha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa si cad u sheegay in uusan dalkiisu awoodin in uu aqbalo qaxooti cusub, midaasi oo uu ku sababeeyay tirada xad-dhaafka ah ee qaxootiga dalkaasi hore ugu sugnaa.
 
Madaxweyne Erdogan oo maalintii Axadii ka qeyb galay munaasibad lagu qabtay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, ayaa waxa uu sheegay in xuduudka dalkiisa ay ku sugan yihiin in ka badan Sideetan kun (80,000) oo qaxooti ah.
 
Erdogan ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inay qaxootigaasi ka soo qaxeen dhanka Idlib ee dalka Suuriya, isagoona xusay haddii aan la joojin weerarada lagu hayo Idlib ay kor u sii kacayaan dadka ka soo barakacaya.
 
“Haddii aanan la joojinin weerarada lagu hayo dadka Idlib, tirada dadkan kor ayey u sii kacaysaa, Turkigana ma xamili karo culayska intaas dhan” ayuu yiri Madaxweynaha Turkigu, Recep Tayyip Erdogan.
 
Dowladda Turkiga ayaa hore waxay u marti-gelisay qaxooti Suuriyan ah oo gaadhaya 3.5-milyan, midaasi oo Turkiga ka dhigeysa inuu marti-geliyay tiradii ugu badneyd ee qaxootiga caalamka.
 
Muqdisho 24ka Diseembar 2019 Hodon, Kaaraan iyo Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ayaa sheegay inay dhibaato dil, dhac iyo cabsigelin isugu jirta ay kala kulmayaan tuugo ku hubeysan hubka fudud, sida qoryaha AK47, bastoolado iyo hubka cad, sida tooreyda ama abley. Muqdisho 24ka Diseembar
 
Degmada Hodon koox hubeysan ayaa xalay ku dilay nin dhallinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Faarax Xiirey. Kooxda hubeysan ayaa Cabdullaahi ku dhex dishay gaari uu watay.
 
Sidaas oo kale, waxaa degmadan ka taagan tuugo abaabulan oo dadka shacabka dhibaato ku haya laga billaabo salaadda maqrib illaa fiidka hore ee 10:00 pm.
 
Degmada Hodon waxaa dhibaatadan la qaba degmooyinka Kaaraan iyo Yaaqshiid oo illaa hadda dadweyne ku nool ay sheegayaan in rag qoriga AK47 sita oo la soo hugtay dhar ay isku qarinayaan ay dadweynaha ku dhacayaan jidadka laga billaabo 5:00pm illaa10:00pm.
 
Degmada Kaaraan, xaafadaha qaarkood maalinta cad ayaa tuugadu waxa ay dadweynaha uga qaadataa taleefanada gacanta iyo wixii kale ee qalab ah oo ay wataan, iyada oo ay jiraan dhowr qof oo dil iyo dhaawac ay gaarsiiyeen tuugadan oo ku hubaysan hub uu ka mid yahay qoriga AK47 iyo bastoolado.
 
Shacabka halkaas ku nool ayaa sheegay in cadaadiskii saarnaa tuugada iyo dableyda dhaca geysata uu yaraaday saddexdii bil ee ugu dambeysay, sidaas awgeedna ay hadda bannaanka u soo baxeen iyaga oo halkii ay Mooto Bajaajka wax ku dhici jireen ay hadda iyaga oo laba-laba u socda jidadka ku dhacayaan dadweynaha.
 
Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Finish ayaa markii xilka loo magacaabay waxa uu sheegay in uu muhiimad gaar ahaaneed siinayo nabadgelyada, hase yeeshee weli maamulka gobolka Banaadir kuma guuleysan xal u helidda iyo kahortegidda dhibaatada gaarta dadweynaha ku nool caasimadda.
 
Isha: Mustaqbal Radio
 
Muqdisho 24ka Diseembar 2019 Weerarkii lagu qaaday hotel SYL oo u dhow madaxtooyada Soomaaliya ayaa u muuqda inuu shaki iyo cabsi xooggan geliyey madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cadbullaahi Farmaajo.
 
Weerarkaas, oo ay fuliyeen Shabaab ku labisan dharka ciidamada, ayaa horseeday in madaxweynuhu xitaa aamini waayo xildhibaanada iyo wasiirada dowladda, isaga oo amray inaysan ilaaladooda la iman karin madaxtooyada.
 
Kadib wuxuu madaxweynaha maalinkii sabtida ka baaqday xuska maalinta ciidamada booliska oo lagu qabtay garoonka Injineer Yariisow, kadib markii uu soo food saaray walaac amni iyo shaki ku saabsan in falal ay ka dhici karaan garoonka.
 
Madaxweynaya ayaa mar kale shakiyey, isaga oo halkii uu tegi lahaa wasaarada Qorshaynta, uu madaxtooyada qaybta deeganka ah isugu yeeray inta badan Golihii Wasiirada, si uu uga hadlo xaflad lagu daahfurayey qorshaha qaranka, sida uu sheegay Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo hoggaamiyaha xisbiga Wadajir.
 
Madaxweynaha ma waxaa soo food saaray cabsi amni iyo shaki?
 
Waxaa sidaas qaba Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo tixraacayey dhammaan tallaabooyinka taxaddar ee madaxweynaha uu qaaday dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay.
 
“Madaxwaynaha waxaa ka muuqda cabsi nafsi ah iyo shaki badan. Waxaase fajaciso kale ah in goobtaas [Villa Somalia] laga leeyahay doorasho qof iyo cod ah ayaan dalka ka qabanaynaa.” Ayuu yiri Cabdiraxmaan.
 
Waxa uu intaas ku daray “Ruux cabsi iyo baqdin intaa la egi hayso, kuwa agjoogana ay u sacaba tumayaan, runtana aysan kula dhiirran karin, ma kula tahay in ay sidan hogaan ugu sii ahaan karaan dal la doonayo in cadaw argagexiso laga xoreeyo, dadkiisana colaad sokeeye laga saaro?”
 
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale cabsida tirada badan ee madaxweynaha ku qeexay mid aan tusaale wanaagsan u ahayn ciidanka.
 
“Madaxwaynuhu waa taliyaha ciidanka qalabka sida. Waa in awoodiisa hogaan uu inta kale tusaale ugu noqdo dhinaca dhiirranaanta, naf hurka geesinimada iyo tawaaduca.” Ayuu yiri Cabdiraxmaan.
 
Ilo-wareedyo ku dhow Villa Somalia ayaa Caasimada Online u sheegay in weerarkii hotel SYL uu aad u gil-gilay madaxweynaha, kuna noqday lama filaan in Shabaab sidaas ugu soo dhowaato Villa Somalia, taasi oo loo sababeyn karo cabsida xooggan ee maalmahan ka muuqatay.
 
Muqdisho 24ka Diseembar 2019 Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa mar kale ku adkeystay in Soomaaliya ay ka dhici karto doorasho qof iyo cod ah.
 
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo hadal ka jeedinayey Munaasabad ka dhacday Madaxtooyada ayaa sheegay inay Dowladda Soomaaliya ku dadaaleyso sidii umadda Soomaaliyeed dib loogu soo celin lahaa talada, si ay u doortaan cidda ay rabaan.
 
Mahdi Guuleed ayaa ku faanay inay dalka ka hirgelin karaan doorasho qof iyo cod ah, haddii ay suurta geliyaan dib u habeynta amniga iyo nidaamka maaliyadda maadaama dhowaan la filayo in deymaha laga cafiyo Soomaaliya.
 
“Ummadda Soomaaliyeed waxay naga sugeysaa in aanu u hirgelino doorasho qof iyo cod, oo aan talada dib ugu celino, Waxaan rabnaa Ummadda Soomaaliyeed taladeeda inay qaataan oo ciddii ay rabaan doortaan, haddii aynu tartameyno oo dib ay noo dooranayaan oo shan sanadoodoo dambe oo halkii aan gaarsiinay meel kasii fog aynu gaarsiineyno ummadda Soomaaliyeed bay u taallaa, laaakiin waa muhiim in dalka doorasho qof iyo cod ah ay ka dhacdo oo nidaamka xisbiyadu hirgalo” ayuu yiri Mahdi Guuleed.
 
Wuxuu intaas kusoo daray in madaxweyne Farmaajo uu dalka dhaxal ahaan uga tagi doono inay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, ayna ka qeybgalaan dhammaan xisbiyada dalka ka jiro.
 
Hadalka kasoo yeeray Ra’isul wasaare ku xigeenka dalka ayaa kusoo aadayo xilli Baarlamaanka Soomaaliya uusan weli go’aan ka gaarin sharciga doorashooyinka, iyadoo weli ay socoto dood kulul oo u dhaxeyso Xildhibaanada.
 
Inta badan Xildhibaanadii ka hadlay akhrinta koowaad iyo midda labaad ee sharciga doorashooyinka ee hor yaalo baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku dooday inaysan dalka ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah maadaama aan weli la heyn tirkoob saax ah sidoo kalana ay gacanta dowladda ka maqan tahay deegaano badan oo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.
 
Boorame 24ka Diseembar 2019 Suldaan Abuubakar Cilmi Wabar, oo hogaamiya Jabhad si weyn uga soo horjeeda xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa waxa uu si adag uga hadlay xarigii ay dhowaan Xukuumada Biixi kula kacday Suldaan Abshir Maxamed Ducaale.
 
Suldaan Abubakar Wabar ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay xariga Suldaan Abshir, kaasi oo hadda muddo todobo cisho ka badan u xiran Xukuumada Muuse Biixi, isagoona xusay in Suldaankaasi xabsiga loo dhigay kadib markii uu ka damqaday macdanta gobolkaasi laga guranayo.
 
Wabar ayaa xariga Suldaan Abshir ku micneeyay mid gardaro ah oo la iska xirtay Suldaanka isagoona wax gaf ah galin, isla markaana laga dhago adeygay bulshada iyo salaadiintii kale ee isku deyday inay soo deyso Suldaankaasi.
 
Suldaan Abubakar Wabar oo luuqad adag kula hadlayey xukuumada Muuse Biixi, ayaa waxa uu muddo dhan saddex cisho u qabtay in Suldaan Abshir xoriyadiisa dib loogu soo celiyo, haddii kale ay ciidamadiisu ay soo xidhi doonaan Mas’uuliyiin ka tirsan xukuumada Biixi oo u dhigma Suldaanka, waa sida uu hadalka u dhigaye.
 
Waxaan leeyahay Nimanka xidhayow Saddex cisho gudahood hadaad ku soo deyn waydaan, aniguna waxaan amrayaa in rag la xidho oo u dhigma Suldaankaasi, hadaad soo deyn waydaan Suldaanka” ayuu yiri Suldaan Abuubakar Cilmi Wabar.
 
Xariga Suldaan Abshir Maxamed Ducaale ayaa dhowaan waxa uu magaalada Boorama ee gobolka Awdal ka dhaliyay xiisad hor leh, iyadoona bulshada reer Boorama ay qaarkood dhigeen banaanbax ay kaga soo horjeedaan xariga Suldaanka, iyadoo banaan-baxaasina lagu dhaawacay hal qof oo wiil dhalinyaro ahaa
 
Muqdisho 24ka Diseembar 2019 Xeyndaabka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku sugan shirkado iyo shaqaale badan oo ajnabi ah kuwaasi oo howlo kala duwan ka haya halkaasi.
 
Waxaa muddo badan shaki ku jiray tirada Shaqaalaha anaajibta ah ee ka howlgala gala gudaha xarunta Xalane iyo qaabka ay u shaqeeyaan, waxaana arrintaan ka jawaabay Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha Gaarka ah iyo Ajaanibta ee Wasaarada Shaqada iyo Arimaha Bulshada Cabdirisaaq Macallin Cilmi.
 
Agaasime Cabdirisaaq ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya la socoto shaqaalaha ku sugan Xerada Xalane iyo guud ahaan Magaalada Muqdisho.
 
Agaasimaha ayaa sheegay inay Magaalada Muqdisho shaqo ahaan u joogaan ajaanib badan oo tiradooda gaarayo ilaa 4670 Shakhsi oo u shaqeeyo shirkadaha iyo hey’ado kala duwan.
 
Agaasimaha ayaa sheegay inay baaritaan ku sameeyeen shaqada ka socoto Xalane iyo Shaqaalaha ku sugan isla markaasna ay ogaadeen waxyaabaha aysan horey uga war qabin, isagoo tilmaamay inay u gudbiyeen natiijada baaritaanka Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyadoo dhawaan la filayo in lasoo saaro go’aamo.
 
Agaasimaha ayaa sidoo kale sheegay waxyaabo badan oo ku saabsan shaqaalaha ajaanibta ah ee ku sugan Xalane oo uu qaarkood sheegay inay si sharci ah ah uga shaqeeyaan Xeradaas.
 
Muqdsho 24ka Diseembar 2019 sids ay warbaahinta ayaa ogaatay in wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye, ay xafiis gurigeeda ku yaalla ku shaqeyso 3-dii sano ee la soo dhaafay, kaas oo u dhaw Villa Somalia.
 
Wasiir Khadiija ayaa marna xaadirin xafiiska wasaaradda oo ku yaalla agagaarka taalada Daljirka Daahsoon, waxayna ka door biday ku shaqeenta gurigeeda oo ku yaalla ka soo horjeedka dhismaha Wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, sidoo kalane kaabiga ku haayo taliska Booliska Soomaaliya.
 
Xubno ka tirsan Wasaaradda Dhalinyarada ayaa sheegay in uu aad u bur bursan yahay dhismihii wasaaradda islamarkaana ay ka muuqato nadaafad darro iyo dayac maadaama aysan ka socon shaqo weyn.
 
Dhismaha wasaaradda ayaa waxaa bur bur aan badneyn uu ka soo gaaray qarax ka dhacay meel u dhaw Taalada Daljirka, kaas oo ay ka soo wareegatay muddo aad u fog.
 
Qalab xafiiseed, qalabka shaqada sida tiimbaraha saxiixa iyo agabyo kale oo muhiim u ah shaqada ayaa yaalla gurigeeda, waxaana u jooga dhalinyarada kuwaas oo u dirsato meelaha aan muhiimka aheyn.
 
Dhawaan ayaa wasiirka ku xigeenka wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha waxa uu sheegay in wasaaradda ay curyaamisay wasiirka Khadiijo Maxamed Diiriye oo xukuumadda ka tirsan 3-dii sano ee la soo dhaafay.
 
Axmed Cumar Islow waxa kale oo uu sheegay in wasaaradda noqotay mid fadhiid ah, oo saddex sano aan waxba qaban, isaga oo sheegay in wasiirka ay hor-istaagtay dadkii wax qaban lahaa.
 
Somaliland 24ka Diseembar 2019 Marwo Adna Aadan Ismaaciil oo Somaliland u qaabilsan dhanka wadahadalka Soomaaliya oo la hadleysay warbaahinta ayaa eedeymo culus u jeedisay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
 
Marwo Adna Aadan Ismaaciil oo Somaliland u qaabilsan dhanka wadahadalka Soomaaliya oo la hadleysay warbaahinta ayaa eedeymo culus u jeedisay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
 
Adna ayaa sheegtay in Madaxweynaha Soomaaliya uu burburiyey dhammaan qodobadii lagu heshiiyey ee ay horay u saxiixeen Madaxweynayaashii isaga ka horreeyey, sida ay hadalka u dhigtay.
 
Sidoo kale waxa ay tilmaamtay inuu Farmaajo doonayo in hadda dib loo bilaabo wadahadallo cusub, taasina aysan u qalmin Somaliland.
 
“In la wadahadlo waan soo dhaweyneynaa. Wadahadalladu halkii ay marayeen laga soo billaabo kii koowaad ilaa kii lixaad, waxaa dhacayay isu soo dhawaansho, ummaddu way isu soo dhawaaneysay, waxaase nasiib darro noqotay in Madaxweyne Farmaajo uu wada buriyo qodobbadii horay loogu heshiiyay oo dhan, oo intuu maalin soo toosay uu yiri saxiixyadii madaxweyneyaashii hore waxba kama jiraan, oo uu yiri diyaaradaha hallaga maamulo Muqdisho.” ayey tiri Marwo Adna Aadan Ismaaciil.
 
Marwo Adna Aadan Ismaaciil oo Somaliland u qaabilsan dhanka wadahadalka Soomaaliya oo la hadleysay warbaahinta ayaa eedeymo culus u jeedisay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
 
Adna ayaa sheegtay in Madaxweynaha Soomaaliya uu burburiyey dhammaan qodobadii lagu heshiiyey ee ay horay u saxiixeen Madaxweynayaashii isaga ka horreeyey, sida ay hadalka u dhigtay.
 
Sidoo kale waxa ay tilmaamtay inuu Farmaajo doonayo in hadda dib loo bilaabo wadahadallo cusub, taasina aysan u qalmin Somaliland.
 
“In la wadahadlo waan soo dhaweyneynaa. Wadahadalladu halkii ay marayeen laga soo billaabo kii koowaad ilaa kii lixaad, waxaa dhacayay isu soo dhawaansho, ummaddu way isu soo dhawaaneysay, waxaase nasiib darro noqotay in Madaxweyne Farmaajo uu wada buriyo qodobbadii horay loogu heshiiyay oo dhan, oo intuu maalin soo toosay uu yiri saxiixyadii madaxweyneyaashii hore waxba kama jiraan, oo uu yiri diyaaradaha hallaga maamulo Muqdisho.” ayey tiri Marwo Adna Aadan Ismaaciil.
 
Marwo Adna Aadan Ismaaciil oo Somaliland u qaabilsan dhanka wadahadalka Soomaaliya oo la hadleysay warbaahinta ayaa eedeymo culus u jeedisay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
 
Adna ayaa sheegtay in Madaxweynaha Soomaaliya uu burburiyey dhammaan qodobadii lagu heshiiyey ee ay horay u saxiixeen Madaxweynayaashii isaga ka horreeyey, sida ay hadalka u dhigtay.
 
Sidoo kale waxa ay tilmaamtay inuu Farmaajo doonayo in hadda dib loo bilaabo wadahadallo cusub, taasina aysan u qalmin Somaliland.
 
“In la wadahadlo waan soo dhaweyneynaa. Wadahadalladu halkii ay marayeen laga soo billaabo kii koowaad ilaa kii lixaad, waxaa dhacayay isu soo dhawaansho, ummaddu way isu soo dhawaaneysay, waxaase nasiib darro noqotay in Madaxweyne Farmaajo uu wada buriyo qodobbadii horay loogu heshiiyay oo dhan, oo intuu maalin soo toosay uu yiri saxiixyadii madaxweyneyaashii hore waxba kama jiraan, oo uu yiri diyaaradaha hallaga maamulo Muqdisho.” ayey tiri Marwo Adna Aadan Ismaaciil.
 
Galgaduud 24ka Diseembar 2019 Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ciidamo fara badan oo Itoobiyaan ah ay gudaha u soo galeen deegaano dhaca xadka Soomaaliya.
 
Ciidamadaan oo aan qeyb ka aheyn howlgalka AMISOM ayaa la sheegay inay ka yimaadeen dhanka magaalada Jigjiga, islamarkaana ay fariisimo cusub ka sameysteen halkaasi.
 
Wararka ayaa sheegaya in ciidamadaasi ay gudaha u galeen deegaanadii ay dhowaan ku dagaalameen ciidanka Liyuu Boolis iyo maleeshiyaad deegaanka ah.
 
Sidoo kale waxaa deegaanadaasi ku sugan ciidamo ka tirsan kuwa milatariga Soomaaliya, gaar ahaan qeybta 21-aad ee ciidanka Xoogga dalka, kuwaas oo labada dhinac u kala wareejiyey maxaabistii lagu kala qabsaday dagaalladii uu dambeeyey/
 
Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Caasimada Online ay sheegeen in ciidanka Itoobiya ay dhaq dhaqaaqyo ka bilaabeen xadka labada dal, gaar ahaan G/ Galgaduud.
 
Lama oga sida uu xaalku noqon doono, balse dhaq dhaqaaqyadaani cusub ayaa saameyn ku yeeshay xadka Soomaaliya iyo Itoobiya.
https://www.youtube.com/watch?v=HjYg9MAByMw

WARARKA MAANTA 22ka Diseembar 2019 Sir Culus!
Su’aallaha Maanta: Yaa Madaxweyne ka noqon doona #Soomaaliya? Ma oga miyaa Madaxweyne Farmaajo “Been-Hawaas” “Mooge” inay #Shacabka #Soomaaliyeed iska-qabteen Adeerkiisii kaligii-taliska ahaa Madaxweyne Mudane Maxamed Siyaad Barre oo asagoo xaqoodi ah ku dhintay dalka Nigeria? Maxay beesha caalamka u diiday inay xukuummadda fashilantay ku darsato 2 sanno oo dheeraad ah? Maxay Dowladda Nabar Iyo Naxdin maalinta Arbacada wax u fulisaa? Yaa dhaca canshuur caasimadda #Muqdisho? Maxay weli wadooyinka/jidadka Muqdisho u xirxiran yihiin? Yaa waddanka #Soomaaliya ka dhigay waddanka adduunka ugu musuqmaasuqa badan Madaxweyne Farmaajo “Been-Hawaas”?

Muqdisho 22ka Diseembar 2019 Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa maanta Axad ah su’aalo weydiinaya Labo Wasiir oo ka tirsan xukuumadda Soomaaliya, iyadoo maalmihii ugu danbeeyayba xildhibaannadu su’aalo la xiriira howlahooda shaqo weydiinayeen Wasiirradda ku jira xukuumadda. Wasiirradda maanta hortagaya xildhibaannada ayaa kala ah Wasiirka Wasaarradda Gargaarka Xamza Saciid Xamza iyo Wasiirka Caafimaadka Fowziya Abiikar Nuur.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa Labada Wasiir waxaa ay weeydiin doonaan s’uulo la xiriira,xaalada Caafimaad ee dalka iyo Isbitaalada ay Wasaaradda Caafimadka la wareegtay iyo sidoo kale Fatahaadaha dalka ka dhacay iyo sida loogu gurmaday oo Wasiirka Gargaarka la weeydiin doono.

Wasiirrada ilaa iyo hadda xildhibaannada hortagay ee su’aalaha la weydiiyay ayaa waxaa ka mid ah Wasiirrada Amniga, Gaashaandhigga, Warfaafinta, Gaadiidka iyo Duulista Hawadda iyo taliyayaasha ciidamada Booliiska, Militariga iyo saraakiisha hay’addaha duulista hawadda.

Ethioppia 22ka Diseembar 2019 Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa cambaareeyey rabshadaha diineed ee dalkaas kadib markii weeraro lagu qaaday dhowr masaajid oo ku yaalla gobolka Amxaarada.

Warbaahinta dowladda ku xiran ee Fana ayaa sabtidii werisay in dhowr masjid la weeraray, sidoo kalena hanti lagu burburiyey magaalada Mota, oo 350km waqooyi kaga beegan magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa.

“Isku dayada ay xagjiriinta ku donayaan inay ku buburiyaan taariikhdeenna hodonka ee isku dul-qaadka diimeed iyo wadajir, wax kaalin ah kuma lahan Itoobiyada cusub,” ayuu Abiy Ahmed ku yiri bayaan lagu soo qoray barihiisa facebook iyo twitter.

“Waan caamberynayaa ficillada fuleynimada ah, waxaana ugu baaqay dhammaan dadka Itoobiya ee nabadda jecel inay adeegsadaan garashadeenna qotada dheer ee wada jirka iyo is-xushmeynta.”

Fana waxay sidoo kale sheegtay in hal kaniisad la weeraray.

Ma cadda xilliga ay dhaceen rabashadahan, waxa sababay, cidda ka dambeysay, iyo haddii ay jiraan dad ku dhaawacmay ama ku dhintay.

Saraakiisha gobolka Amxaarada Itoobiya weli kama aysan hadlin dhacdooyinkan.

Inkasta oo rabshadaha qowmiyadaha ku saleysan ay jireen tan iyo markii uu xukunka yimid Abiy Ahmed, ayaa kuwii u dambeeyey waxay u muuqdeen kuwa ku saleysan diin.

Rabashado bishii October ka dhacay gobolka Oromia ayaa lagu dilay 80 qof, waxaana la weeraray masaajido iyo kaniisado halkaas ku yaalla.

Masulimiinta Itoobiya ayaa ah 40% guud ahaan shacabka, sida lagu sheegay tirakoobkii dowladda ee 2007.

Muqdisho 22ka Diseembar 2019 Gudoomiyihii hore ee Golaha Shacabka ahna Xildhibaan Golaha Shacabka ka tirsan Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in aanay dalka ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah.

Beesha Caalamka ayaa waxay Khamiistii soo saartay qodobo dhawr ah oo uu ku jiro qodob oranaya waa inay Somaliya ka dhacdaa 2020/2021 doorasho qof iyo cod ah.

Beesha Caalamka ayaa qabta in doorasho qof iyo cod ah ay Somaliya ka qabsoomi karto sanadka soo socda, maadaama ay horey uga dhacday, sida ay ku andacoonayan dalalka Ciraaq iyo Afghanistan.

Xildhibaan Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa war waxba kama jiraan ah ku sheegay in doorasho qof iyo cod ah ay horey uga qabsoomeen Ciraaq iyo Afghanistan.

“Doorasho qof iyo cod ah ma dhici karto, yaan laguugu sheekeynin waxaan. Afghanistan ayay ka dhacday, Ciraaq ayaan ku sameynay, kulligood waa kalaam faaruq ah.” Ayuu yiri Proj. Jawaari.

Jawaari ayaa qaba inaad Somaliya madax ka noqoto ay ka fududahay America oo aad madax ka noqotit, waxaana hadalkiisa loo fasirtay in Mareykanka uu ka amni wanaagsan yahay Somaliya.

“Somaliya in madax aad ka noqoto iyo America in aad madax ka noqoto, America ayaa fudud in aad madax ka noqoto.” Ayuu yiri Gudoomiyihii hore Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya.

Xildhibaan Jawaari ayaa wuxuu warkan ku sheegay wareysi uu maaanta siiyay Telefishinka Dalsan ee fadhigiisu yahay Magaalada Muqdisho.

Maamulka Koonfur Galbeed 22ka Diseembar 2019Askari ka tirsan Ilaalada madaxtooyada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa xalay gudaha xurunta madaxtooyada maamulkaas ku dhex toogtay gabar askari aheyd oo lagu magacaabo Layla Abukar, sidoo kalena ka mid ahayd ciidamada Ilaalada madaxtooyada.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in uu marun dhex maray xaaska askariga dil ka gaystay iyo marxuumad Layla, kadibna uu ku soo baxay askariga wax dilay, kaas oo sida la xaqiijyay wadnaha xabadda uga dhaftay gabadha geeriyootay.

Illaa iyo hadda lama yaqaan waxa uu ahaa muranka dhex maray marxuumad Layla iyo xaaska askariga dilka ka geystay.

Wararka ayaa intaas ku daraya in askariga wax dilay uu goobta ka baxsaday, lamana yaqaan illaa iyo hadda halka uu ku sugan yahay, ayada oo ay taas ka dhalatay su’aalo ku saabsan sida uu ku baxsan karo qof madaxtooyada dhexdeeda wax ku dilay. Ma jiro Illaa hadda wax war ah oo kasoo baxay maamulka Koofur Galbeed oo ku aadan dhacdadan.

Muqdisho 22ka Diseembar 2019 Doodda xoogeeda ayaa bilaabatay kadib markii magaaladda Baydhabo lagu qabtay munaasabad lagu xusayay muddo sanad ah oo kas oo wareegtay markii la doortay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen.

Madaxweyne Lafta gareen ayaa sheegay in lagu cel-celiyo dad lagu dilay magaalada Baydhabo xilligii doorashadiisa balse aan la soo hadal qaadin 11 qof ee reer koonfur Galbeed ah oo mar qura lagu laayay magaaladda Gaalkacyo.

“Maalin maalmaha ka mid ah ayaa 11 qof oo reer koonfur Galbeed hal subax meel lagu laayay. Xasuuq kaas ka weyn miyaa jira? Weligiin wax sheegaya ma maqasheen? . Dadka sheegaya oo Baydhabo ayaa xasuuq ka dhacay leh waa dadkii meeshaas (Gaalkacyo) ka yimid, anagii nala xasuqay ayaa xishooneeyna” ayuu yiri Madaxweyne Laftagareen.

Madaxweynaha koonfur-Galbeed ayaa hadalkaan sheegay isaga oo u qudbeynaya marti sharaftii ka qayb gashay sanadguuradii 1aad ee madaxtinimadiisa.

Ka sokow martida kale, goobta waxaa fadhiyay Taliyaha Ciidanka Asluubta General Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo si gaar ah loogu eedeeyay in uu ka dambeeyay dad ku dhintay Baydhabo kadib markii ay dhaceen dibadbaxyo lagu diidanaa xarigga Mukhtaar Rooboow. General Mahad waxaa uu sanad ka hor ahaa Taliyihii Booliiska Koonfur-Galbeed.

Hadalka uu magaaladda Baydhabo ka jeediyay Madaxweynaha Koonfur-Galbeed waxaa ka jawaabay Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya wuxuuna sheegay in dadkii 11 qof ku dilay magaaladda Gaalkacyo aysan ahayn cid gaar ah, balse haddii lala xiriiriyo cid gaar ah ay shabaabka dadka ku laaya Muqdishana noqonayaan cid gaar ah.

Mahad Salaad ayaa qormadiisa waxaa uu cinwaan uga dhigay “Mooryaanka iyo Alshabaabka dhiigya cabka ah isku qaanad ayay ku jiraan ee yaan la qabiilayn ama qolo waliba midka ku abtirsada xumaantiisa ha qaado”!

“Waxaan kuu sheegayaa Madaxweynow, hadii mooryaanka Gaalkacyo dadka ku laayay qabiil ahaan aad noo xijinayso adigana midka Alshabaabka ah ee maalin walba dadkeena ku xasuuqaya magaalada Muqdisho isku qabiil ayaad tihiin ee mas’uuliyadiisa adiguna qaado” ayuu qoraalkiisa ku daray Xildhibaan mahad Salaad.

Qoraalka Xildhibaanka waxaa ka falceliyay Xildhibaano ka soo jeeda Koonfur-Galbeed waxayna ku eedeeyeen in Mahad uu Al-shabaabnimo ku xukumay bulshada reer koonfur Galbeed iyo in uu dadka farayo in dadkaas laga aar-guto hadii ay Al-shabaab waxyeelo geystaan.

Xildhibaan Cabdifitax Ibraahin Geeseey oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku hanjabay in haddii uusan raali gelin bixin Mahad Salaad uu Mowshin ka geyn doono golaha isla markaana la hor geyn doono guddiga anshaxa golaha.

“Xildhibaanka haduu raali gelin deg deg ah ka bixin waayo isla hada waxaa subaxa Berito ah fadhiga baarlaman ka ka gudbin doonaa moshin ka dhan ah kadibna guddiga anshaxa ayaa la marinayaa si waafaqsan sharciga iyo xeer hoosadka golaha shacabka si looga qaado talaabo waafaqsan dembiga uu galay” ayuu Xildhibaan Geeseey ku soo qoray bartiisa Facebook.

Mahad Salaad oo durba hadalka Geeseey ka jawaabaya ayaa sheegay in sharcigu uu dadka u simanyahay isla markaana uusan cid gaar ah gacmaha ugu jirin.

Senator Xuseen Sheekh Maxamuud oo ka tirsan golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya kana soo jeeda Koonfur-galbeed ayaa dhankiisa arrinta ka hadlay, waxaa uu sheegay in laga dawoobay dadkii lagu laayay Gaalkacyo.

Dhanka kale Senator-ka ayaa Xildhibaan Mahad Salaad ku eedeeyay in uu taageersanyahay ficilkii dadka rayidka ah loogu xasuuqay Gaalkacyo, waxaana uu weydiiyay su’aal ah “soo ma aadan fasixin in qofkii Shabaab Muqdisho ku disho loo laayo dadka ka soojeeda Koonfur Galbeed”?

“Hadaba Xildhibaan waxaad ogaataa in qofkii Muqdisho wax ku gaareen oo ka soo jeeda KG aad mas’uul ka tahay, qoraalka aad bartaada Facebook soo dhigteyna cadeyn buuxda u yahay” ayuu qoraalkiisa ku daray Senator Xuseen Sheekh Maxamuud.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo isna ataagayey Madaxweyne Lafta-Gareen ayaa weydiiyey su’aalo dhowr ah oo ku saabsanaa khudbadii uu habeen ka hor ka jeediyey Baydhabo, balse waxaan su’aalahaas ka soo qaadaneynaa Seddaxdan.

“Marka koowaad ma jirin qof waxgarta oo reer Galmudug ah oo aan dhacdadaas foosha xumeyd ka hadlin ka hadal kaliya kuma ekayne waxaan tagney goobtii wax ka dhaceen waxaana labo todobaad ka dib arintaas looga heshiiyey si mugleh, Qodobka labaad, dadka la diley 11 ma dhammeyn mana wada ahayn reer koofur Galbeed, taasna waa qalad kale oo hadalka laftagareen uu xambaarsanaa! Midda saddexaad, waxaa la is-weydiin karaa sababta madaxweyne Laftagareen isugu xirey siyaasiinta reer Galmudug ee ka hadasha dalka waxa ka dhaca, tan aan is leeyahay waa ka gudbteyna ay tahay ka hadalka wixii ka dhacey Baydhabo sanadkii hore dabayaaqadiisii” ayuu yiri Xildhibaan Fiqi.

Qoraaladda Xildhibaanadda iyo hadalka Madaxweyne Cabdicasiis ayaa u muuqda in ay abuureen qabyaalad siyaasi ah taasi oo bulshada xasuusineeysa dhaawacyadii qalbiga ku yaalay ee ay masuulka ka yihiin Al-shabaab iyo raggii shacabka aan waxaba galabsan ku laayay magaaladda Gaalkacyo.

Doodaan ayaa waxay si gaar ah u taabaneeysaa dhibaneyaasha iyo ehelkooda ay kala dhantaaleen rasaas ay rideen ciidanka Booliiska ee magaaladda Baydhabo, weerarada Al-Shabaab iyo dil-wadareedkii ka kala dhacay habeeno gudahood magaalooyinka Gaalkacyo iyo duleedka Dhuusamareeb.

Marka loo eego sida ay dad badan uga falceliyeen waxaa hubaal ah in qoraaladda isdiidan ee xildhibaanaddu ay abuuren kala qaybsanaan hor leh isla markaana ay sii kala fogeynayaan bulshada Soomaaliyeed ee ka soo daashay dilka, dagaalka iyo dhiig daadinta oo ay ku soo jireen sanado badan.

Balse waxaa isweydiin leh, saameyn intee la eg ayey bulshada u geysaneysaa kala qaybsanaanta qabyaaladeysan ee ka dhex aloosan xildhibaanadii ay wakiisheen?

Hargaysa Diseembar 22la 2019 Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland, Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa si adag ugu digay Wafdigii Beesha Caalamka ee dhowaan yimid magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.

Guddoomiye Saleebaan ayaa Wafdigaasi Beesha Caalamka uga digay inay sameeyaan fara-gelin ka dhan ah Guddiga doorashooyinka Somaliland, oo muran badan ka taagan yahay, isla markaana ay Xisbiyada mucaaridku hore uga hor-yimaadeen.

Saleebaan ayaa si cad Beesha Caalamka ugu sheegay in uusan jirin sharci fasaxaya in la kala diro Guddiga cusub doorashooyinka, midaasi oo ay hore u soo jeediyeen Guddigii dhex-dhexaadineysay Mucaaridka iyo Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Muuse Biixi.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida ayaa Wafdigaasi Beesha Caalamka ku eedeyay inay isku dayayaan in ay wiiqaan Hay’adaha Dastuuriga ah ee Somaliland, xili ay Beesha caalamku ay wado dadaalo lagu soo afjarayo khilaafka labada dhinac, si ay u qabsoomaan doorashooyinka muddo dhaafay.

Guddoomiye Saleebaan oo u muuqda mid uga jawaabaya fariimihii adkaa ee Beesha caalamka ay ku dalbaneysay in xal laga gaaro khilaafaadka soo noq-noqday ee Doorashooyinka Somaliland iyo dib u dhacyada caadad u noqday, ayaa waxa uu yiri “Somaliland wey isku filan tahay weyna iska bixin kartaa kharashka doorashooyinka ee ay ka bixiso Beesha caalamku”.

Dalalka Beesha Caalamka ee Somaliland ka taageera arrimaha doorashooyinka ayaa muddooyinkii u dambeeyay soo saarayey baaqyo kala duwan iyo fariimo ay ku dalbanayeen in la xaliyo khilaafka Mucaaridka iyo Muuse Biixi, iyagoon ka deyriyay doorashooyinka Somaliland ee muddo dhaafay.

Muqdisho 22ka Diseembar 2019 Waxaa maanta si lama filaan ah xil ka qaadis loogu sameeyay Maareeyihii Golaha Murtida Mudane Maxamed Abuukar Ma’da, waxaana xilkaas loo magacaabay Abwaan Cabdulqaadir Cabdi Shube.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Ma’da loo yeeray xilli wasiirku uu safar u ahaa Sucuudiga si uu uga qeyb galo Shir ku saabsan Dalxiiska.

Sida ilo-wareedyadan oo ku dhow wasiir Maareeye, ay Warbaahinta u sheegeen, Maareyaha ayaa lagu wargaliyay in amarka madaxweyne Farmaajo lagu baddalay, wuxuuna uga tacsiyeeyay inuu isagu yahay shakhsi wanaagsan balse uusan waxba ka qaban karin.

“Madaxweynaha iyo Xafiiskiisa ayaa igu khasbay ee qof iimaan leh ayaa tahay, una qolmo xilkaan”, sidaa waxaa yiri Wasiir Maareeye oo ku maslaxayay Maareeyaha la casilay.

Abwaan Cabdulqaadir Cabdi Shube oo haatan la magacaabay ayaa saaxiib dhaw la ahaa Madaxtooyada balse lama oga sida uu hawsha uga soo dhalaali karo maadaama caqabado badan ku hareeraysan yihiin shaqadiisa cusub.

Caasimadda Online weli ma helin xog ku saabsan inuu madaxweyne Farmaajo lahaa amarka lagu badalay Maareeyaha Waxaase la yaab noqotay in Wasiir Maareeye weerar ku qaado Madaxtooyada maadaama shaqo ka cayrinta iyo magacaabista labaduba ay yihiin shaqo wasiirka u taalla.

Hadalka Wasiir Maareeye uu u sheegay Maareeyihii xilka laga qaaday ayaa kusoo aadayo xilli la tuhunsan yahay in wasiir Maareeye uu ku jiro wasiirada kasoo horjeeda siyaasadda Madaxweynaha kuwaas oo si adag u diidan hannaanka doorashada ee uu riixayo Madaxweynaha.

Galmudug 22ka Diseembar 2019 Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf ayaa u tacsiyeeyay dadkii ay waxyeeladu ka soo gaartay qaraxii caawa ka dhacay koonfurta magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Qaraxa oo ahaa gaari waxyaaba qarxa laga soo buuxiyey oo lagu dhuftay gaari ciidan ayaa ka dhacay banaanka hore ee hotel ay ku sugnaayeen saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka oo ay ku jireen taliyaha ciidanka dhulka iyo taliyaha qeybta 21aad ee ciidanka xoogga dalka.

Inta la xaqiijiyey lix ruux oo iskugu jiray askar iyo dad shacab ah ayaa ku geeriyootay qaraxaas tiro intaasi ka badana dhaawacyo ayaa ka soo gaaray.

Qoraal uu goor dhaw soo saaray Madaxweyne Xaaf ayuu ku yiri, “Waxaan Tacsi u diray Ciidamada Amniga iyo dadkii shacabka ahaa ee dhaawaca iyo dhimashadu kasoo gaartay Qaraxa caawa ka dhacay hotel Five Star ee Magaalada Gaalkacyo”. “Samir iyo iimaan ha inaga wada siiyo eebe ha inaga diiyo wiilasha iyo hooyinka ku naf waayay musiibada ay caawa geysteen kooxa arxan laawayaasha ah ee caado ka dhibtay in ay markasta dhibaateeyaan dadka maatada ah iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed waxa aan ugu baaqayaa in reer Gaalkacyo fadhiga ka kacaan oo ay meel uga soo wada jeestaan Cadowga lana shaqeeyaan ciidamada Amniga si looga hor tago falalka guracan ee Cadowgu Geesanayaan” Ayuu qoraalkiisa sii raaciyey Madaxweyne Xaaf.

WARARKA MAANTA 21ka Diseembar 2019 Sir Culus!
Su’aallaha Maanta: Yaa dhaca Canshuurta magaalada #Muqdisho? Maxaa ka jira inay Dowladda Nabar Iyo Naxdin aqoonsatay Maamulka Dowladda #Jubbaland? Maxay beesha caalamka u diiday inay xukuummadda fashilantay ku darsato 2 sanno oo dheeraad ah? Maxay Dowladda Nabar Iyo Naxdin maalinta Arbacada wax u fulisaa? Yaa dhaca canshuur caasimadda #Muqdisho? Maxay weli wadooyinka/jidadka Muqdisho u xirxiran yihiin? Yaa waddanka #Soomaaliya ka dhigay waddanka adduunka ugu musuqmaasuqa badan Madaxweyne Farmaajo “Been-Hawaas”

Hargaysa 21ka Diseembar 2019 waxaa daqiiqado ka hor garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa ka soo ambabaxay wafdi ka socda maamulka gooni isu taaga ah ee Somaliland, kuwaas oo ku soo jeeda magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Wafdigan ayaa sida gargaar bani’aadanimo oo loogu talagalay dadka ay saameeyeen fatahaadihii dhowaan ku dhuftay qeybo ka mid ah Soomaaliya.

Deeqdan oo ah mid lacageed ayaa dhan 600,000 oo Dollerka Mareykan ah, taas oo ay soo uruuriyeen qaar ka mid ah shacabka iyo culimada ku dhaqan Somaliland.

Xubnaha wafdiga oo uu ka mid yahay Sheekh Maxamed Cali Geedi ayaa lacagtaasi ku wareejin doono dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan guddiga gurmadka fatahaadaha ee uu horay ugu dhawaaqay Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.

Gargaarkaan ayaa qeyb ka noqonayo kaalmo gudaha oo horay dadka Soomaaliyeed uga soo urooriyeey meelo badan, si dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan loogu caawiyo.

Tallaabadan ayaa muujineysa, sida ay dadka Soomaaliyeed isugu gurman karaa marka ay yimaadaan dhibaatooyinka noocaan oo kale ah, halkii wax laga sugii lahaa wadamo shisheeye ama hay’ado leh dano gaar ah oo wax ku soo qaata magaca Soomaaliya.

Somaliland ayaa waxaa lagu xasuustaa sidii ay uga qeyb qaadatay gurmadkii loo fidiyey dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen abaarihii horay ugu dhuftay koonfurta Soomaaliya

Kismaayo 21ka Diseembar 2019 Magaalada Kismaayo ayaa lagu wadaa in uu maanta ka furmo shir looga hadlayo hannaanka Maaliyada dalka iyo qorshaha deyn cafinta Soomaaliya iyadoo shirkan ay goob joog ka noqonayaan dhamaanba Wasiirradda Maaliyada heer Federaal iyo heer Dowlad gobolleed.

Wasiirka Maaliyada Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo maalintii shalay gaaray magaalada Kismaayo ayaa lagu wadaa in shirkan ay si wada jir ah u furan isago madaxda dowald gobolleedka Jubbaland ee martida loo yahay.

Iyada oo uu socdo qorshaha deyn cafinta Soomaaliya ayaa dowladda Federaalka ah waxaa ay dadaal ugu jirtaa mideynta Canshuuraha dalka.

Miisaaniyadda Soomaaliya ee sanadka 2020 ayaa aad uga badan tii 2019,waxaana dowladda inta badan miisaaniyaddeeda ku saleysay dakhliga gudaha dalka kaas oo ka dhalanaya Cashuur kordhin ay dowladdu sameyneyso.

Shirka Wasiirrada Maaliyadda ee maanta ka furmaya Magaalada Kismaayo ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee ay magaaladaas marti geliso kaddib doorashadii muranka dhalisay ee 22kii August ka dhacday Kismaayo.Dowladda Soomaaliya ayaan ilaa waqtigan cadeyn mowqifkeeda dib u doorashadii Axmed Madoobe oo ay siweyn uga hortimid.

Shirkan ayaa sidoo kale imanaya xili labada dhinac dowladda dhexe ee Federaalka iyo maamulka Jubbaland warbaahinta isku mariyeen eedeymo culus dhinaca kalana magaalada Muqdisho uu wali ku xiran yahay Wasiirkii Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janaan oo ay dowladdu sheegtay in loo heysto eedeymo la xiriira dilal iyo ku takrifal awoodeed.

Maamulka Dowladda Jubbaland 21ka Diseembar 2019 Wafdi uu hogaaminayo wasiirka maaliyadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaalle Bayle, oo ay wehliyaan xubno kale ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta Jubaland.

Wasiirka wasaaradda maaliyadda Jubbaland Cabdirashiid Jire Qalinle iyo xubno kale oo gollaha wasiiradda Jubbaland ka tirsan ayaa si diiran garoonka diyaaradaha Kismaayo wafdigan ugu soo dhaweeyay.

Wafdigan ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah wasiirro ka socda dowlad goboleedyada dalka gaar ahaan wasaaradaha maaliyada.

Maalinta berri ah ayaa lagu wadaa in magaalada Kismaayo uu ka furmo shir looga hadlayo arrimaha maaliyadda Soomaaliya, kaas oo ay dhammaan goob joog yihiin wasaaradaha maaliyada Dowlad Goboleedyada dalka iyo wasaaradda maaliyada Soomaaliya/

Waxyaabaha ugu muhiimsan ee shirkan looga hadlayo ayaa waxaa ka mid ah sidii loo hagaajin lahaa nidaamka maaliyadda maamul goboleedyada dalka, taasi oo qeyb ka ah shuruudaha deyn-cafinta Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaan wax xiriir ah la lahayn maamulka Jubaland, ayada oo madaxweyne Farmaajo uusan aqoonsaneyn madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa rajeyneysa in bisha Febraayo ee 2020 laga cafiyo deymaha lagu leeyahay, waxaana si taas ay u dhacdo qasab ah inay arrimaha maaliyadda ka wada-shaqeeyaan dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.

Maamulka Koonfur Galbeed 21ka Diseembar 2019 Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, C/Casiis Xasan Maxamed [Lafta-Gareen] ayaa qarxiyay dagaal siyaasadeed qabyaaladeysan, to kaasoo ka socda baraha bulshada [Social Media].

Lafta-Gareen ayaa khudbad uu habeenkii Khamiista [December 19] ka jeediyay munaasabad lagu xusayay sanad-guuradii 1aad ee kasoo wareegatay doorashadiisa kaga hadlay shacab Koonfur Galbeed kasoo jeeda oo lagu dilay Gaalkacyo.

Madaxweyne Lafta-Gareen ayaa ku eedeeyay Siyaasiyiinta Mucaaradka ee kasoo jeeda Gobollada Dhexe in si ay u daboolaan dadkiil lagu dilay Gaalkacyo ay warar been abuur ah ka faafiyaan maamulka uu hogaamiyo.

Wuxuu xusay in Siyaasiyiinta mucaaradka ay hadal-qabsi ka dhigteen “xasuuq baa ka dhacay Baydhabo”, iyagoo doonaya inay ku xumeeyaan dowladda Federaalka, oo kaalin ku lahayd dhismaha maamulka hadda ka jira Koonfur Galbeed.

“Iyagoon Baydhabo imaan ayay been ka sheegaan, ujeedada laga leeyahay waa inay dowladda ku xumeeyaan, waxaana ku jira dadkaasi kuwa kasoo jeeda degaanno lagu dilay dad u dhashay Koonfur Galbeed, mana xishoonayaan oo waxay qarinayaan dhiiga dadkii maalinta cad lagu xasuuqay Gaalkacyo,” ayuu yiri Lafta-Gareen.

Hadalka Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa waxaa ka falceliyay siyaasiyiin iyo Xildhibaanno ay kamid yihiin Mahad Salaad iyo C/raxmaan Cabdishakuur Warsame, oo kasoo jeeda degaanada Galmudug.

“Madaxweyne Lafta Gareen mooryaantii Gaalkacyo dadka ku laayay ee dhamaanteen aan ka wada dhiidhinay. Si Ehelnimo, Islaamnimo iyo Soomaalinimo ahna aan uga samafalnay hadii maanta uu nagu eedaynayo uuna leeyahay qabiil ayay ahaayeen waa nasiib daro aad u wayn. Gafna ku ah dadkeena,” ayuu Mahad Salaad ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Mahad Salaad waxaa si kulul ugu soo jawaabey C/fitaax Geesey, oo kasoo jeeda Koonfur Galbeedka, islamarkaana ay kawada tirsan yihiin Gollaha Shacabka, ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

“Xildhiban Mahad Salaad waan arkay wuxuu qoray laakin waan wacay si Mar kale aan u hubiyo wuxuu qoray iyo siduu iila hadlay waa is lahaayen xildhiban ka haduu raali gelin deg deg ah ka bixin waayo Isla hada waxaa subaxa Berito ah fadhiga baarlaman ka ka gudbin doonaa moshin ka dhan ah kadibna guddiga anshaxa ayaa la marinayaa si waafaqsan sharciga iyo xeer hoosadka golaha shacabka si looga qaado talaabo waafaqsan dembiga uu galay. Fiiro Gaar waxaan ka dalbanayaa dhamaan xubnaha KG ee baarlaman ka iyo inta samaha jecel ee soomaaliyed iney meel kaga soo wada jeestan arrintan,” ayuu yiri Geesey.

Dagaalka baraha Bulshada ka socda, waxaa sidoo kale kusoo biiray Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Aadan Isxaaq oo wax laga xumaado ku tilmaamay hadalka Mahad Salaad.

“Ma garan karo xaasidnimo iyo uur xumo ka wayn inay jirto in bulsho soomaaliyeed lagu tilmaamo in ay dhamaantooda argagixiso yihiin, inagoo og sida arxan darada ah ay argagixisada shabab u xasuuqeen ummada soomaaliyeed iyagoo aanan u kala saarin saqiir iyo ciroole,” ayuu isna ku yiri qoraal uu Facebook soo dhigay.

Siyaasiga C/raxmaan Cabdishakuur ayaa isna jawaab ka bixiyay hadalka Lafta-Gareen, isagoo sheegay in falkii ka dhacay Gaalkacyo ay geysteen mooryaan beeleed, islamarkaana uu ahaa “fal danbiyeed waxshinimo leh”.

“Dadkii lagu laayey 13-kii December 2018 Baydhabo waxaa ka qayb qaatay ciidanka Itoobiya iyo kuwa Federaalka ah. Amarkana waxaa bixiyey Madaxweyne Farmaajo. Sidoo kale Roobow iyo dadkii kale ee la xiray amarka xoriyadda looga qaaday waxaa lahaa Farmaajo,” ayuu yiri C/raxmaan Cabdishakuur.

Wuxuu intaasi raaciyay: “Walaalkey C/casiis Lafta-Gareen, xilligaas xil ma haynin, isaguna amarka dadka lagu laayey ma dhiibin, laakiin kursi dhiig leh ayuu meesha ka qaatay. Ma aha in uu daboolo ama dafiro shacabkii la xasuuqay iyo kuwa xorriyadda laga qaaday ee xabsiga ku jira, ee waa in uu ka shaqeeyaa mag dhaw, dib u heshiisiin, iyo in uu xoriyaddooda u soo celiyo dadka xiran”.

Dadka qaar ayaa ku tilmaamay hadalada xanafta leh ee baraha bulshada isku dhaafsanayaan siyaasiyiinta, qaarkood xilal qaran haya mid damqinaya boogo hore, oo bogsanayay, ayna ahayd inay ka fogaadaan adeegsiga qabiilka xilligan oo dalku kasoo kabanayo dagaal sokeeye.

Xigasho: Garowe Online

Uganada21ka Diseembar 2019 Dowladda Uganda ayaa Gen. Richard Otto u soo magacowday inuu noqdo taliyaha cusub ciidamada ka jooga gudaha dalka Soomaaliya, kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka nabad ilaalinta ururka Midowga Africa ee AMISOM.

Taliyaha cusub oo xilka la wareegay, kadib munaasabad ka dhacday xarunta Xalane ayaa bedalay, Michael Kabango oo sanadihii la soo dhaafay hayey xilkaasi.

Gen. Richard Otto oo leh khibarado kala duwan ayaa 2013-kiia soo noqday madaxa howlgallada ee xarunta dhexe ee ciidamada Midowga Africa ee AMISOM.

Sidoo kale wuxuu wax ku soo bartay dalka Ruushka, isaga oo ku qaatay tababar aad u sarreeya oo dhinaca milatariga iyo ciidamada.

Gen. Otto oo ka hadlay xafladda uu xilka kula wareegay ayaa sheegay in halkeeda uu ka sii wadi doono shaqada, islamarkaana uu xoojin doono dagaalka Al-Shabaab.

Uganda ayaa ah dalka ugu badan oo ciidamo ay ka joogaan Soomaaliya, kuwaas oo tiradoodu tahay illaa 6,000 oo askari oo qeyb ka ah howlgalka nabad ilaalinta ee AMISOM

WARARKA MAANTA 20ka Diseembar 2019 Sir Culus!
Su’aallaha Maanta: Maxay beesha caalamka u diiday inay xukuummadda fashilantay ku darsato 2 sanno oo dheeraad ah? Maxay Dowladda Nabar Iyo Naxdin maalinta Arbacada wax u fulisaa? Yaa dhaca canshuur caasimadda #Muqdisho? Maxay weli wadooyinka/jidadka Muqdisho u xirxiran yihiin? Yaa waddanka #Soomaaliya ka dhigay waddanka adduunka ugu musuqmaasuqa badan Madaxweyne Farmaajo “Been-Hawaas” mise Raysal Wasaare Kheye “Bakhti-Raam-Sade”? Ma Madaxweyne aan qoyskiisa heshiisiin karin ayaa #Muqdisho iyo Ummadda Soomaaliyeed ku lugoynaaya ayadoo xitaa hadda uu keenay inuu inuu culimadii iska-horkeeno? Maxayse laba aqal u diidan yihiin inay si sharciga waafaqsan ula xisaamtamaan xukuummadda fashilantay ee Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raam-Sade”? Yaa ciidamo #thiopia dalbaday in lagu weeraro Jubbaland State? Ha wiqleyso!
Muqdisho 20ka Diseembar 2019 Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley wafdi ka socda beesha caalamka oo uu hoggaaminayo safiirka midowga yurub Amb. Nicolas Belanga Martinez.
Waxaana kulankaasi lagaga wada hadlay arrimo dhawra oo ay ka mid yihiin qabsoomidda doorashooyinka golayaasha wakiillada iyo deegaanka, xallinta khilaafka guddida doorashooyinka qaranka iyo taageerada ay beesha caalamku ka geysato horumarka arrimaha bulshada, doorashooyinka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa qoondada dhaqaale ee ay ku taageeraan Somaliland.
Ugu danbayn Madaxweyne Biixi wuxuu u sheegay wafdiga inay xukuumadda ka go’an tahay qabsoomidda doorashooyinku marka ay axsaabta qaranku isla meel dhigaan suurta-galnimada doorashooyinka farsamo ahaan iyo sharci ahaan, sidoo kale madaxweynuhu wuxuu sheegay in gogoshii uu u fidiyey labada xisbi mucaarid ay halkeedii taallo.
Waxaana Madaxweyne Biixi ku wehlinayay kulankaasi Madaxweyne kuxigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Saylici, shir-guddoonka guurtida iyo wakiillada iyo ku xigeenadooda, Wasiirka horumarinta maaliyadda, Wasiir kuxigeenka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah, La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha dhaqaalaha iyo La taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Doorashooyinka.
Halka dhinaca Wafdigana Safiirka midawga yurub, Amb Nicolas Berlanga Martinez, waxa ku wehelinayey Safiirka Talyaaniga Amb. Alberto Vecchi, Safiirka Jarmalka Amb. Annett Guenther iyo masuuliyiin ka socday Netherlands, Finland, Poland, Austria, IGAD iyo Denmark.
Wafdigan ka socda Beesha caalamka ayaa shalay soo gaaray magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, kuwaasi oo kulamo la yeeshay guddigii dhex-dhexaadineysay khilaafkii baahsana ee ka aloosna Xisbiya mucaaridka iyo Xukuumadfa Muuse Biixi.
Wakiiladan Beesha caalamka ayaa talaabada lagu soo afjarayo khilaafka ka aloosan doorashooyinku ku tilmaamtay mid tusaale fiican u noqon karta qaabka ay uga howl-galeen guddida dhex-dhexaadintu.
Waxa sidoo kale ay bogaadiyeen Wafdigan oo kulan la qaatay guddiga dhex-dhexaadinta, sidii ay xisbiyada Somaliland uga jawaab celiyeen go’aankii ay soo saareen guddidaasi oo looga gol lahaa sidii loo damin lahaa xiisada ka dhexd aloosan Muuse Biixi iyo Mucaaridka Somaliland.
Guddiga dhex-dhexaadinta oo warbaahinta uga warbixisay kulankaasi ayaa sheegay inay Wafdigan uga warbixiyeen go’aamada ay ka soo saareen xalinta khilaafkaasi, oo ku qotomay daminta xiisada ka dhalatay muddo kordhinta golaha wakiilada iyo Komishanka cusub ee loo dhaariyay xilka.
Guddida ayaa sidoo kale waxa ay mahad celin balaadhan u jeediyeen saddexda xisbi iyo xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi sidii ay u aqbaleen go’aamadii ay ka soo saareen daminta xiisada ka dhalatay doorashooyinka.
Go’aamada ay guddiga dhex-dhexaadintu dhowaan ka soo sareen daminta xiisada Mucaaridka iyo xukuumada Muuse Biixi, ayaa waxa kamid ahaa kala dirida Komishanka cusub ee la wareegay xilka, iyo soo celinta komishankii hore, taasi oo xukuumada Biixi sheegtay inay tahay arrin sharci oo aan laga go’aan qaadan karin, halka xisbiyada mucaaridku aqbaleen kala diridooda.
Muqdisho 20ka Diseembar 2019 Wasiirk ku-xigeenka dhallinyarada iyo cayaaraha Soomaaliya Axmed Cumar Islow oo goor-dhow ka hadlay magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in wasaaradda aysan waxba u qaban shacabka, ayna la degtay wasiir Khadiija Maxamed Diiriye.
Axmed Cumar Islow ayaa wasiirka wasaaradda Khadiija Maxamed Diiriye ay caqabad ku noqotay in lagu hormariyo cayaaraha dhallinyarada, oo aysan jirin wax waxtar leh oo dhallinyarada dalka loo qabtay, taasi oo sababteeda uu ku sheegay inay tahay wasiirka.
Waxa uu sheegay in muddo saddex sano ah miisaaniyaddii wasaaradda aan waxba loogu qaban dhallinyarada oo xitaa aan hal dollar laga siin, lacagtaasna aan la ogeyn meesha ay jirto.
“Muddo saddex sano ah, waxaa cayaaraha dalka hormariyey kaliay xiriirada, ee wasaaraddu waxba ma qaban. Anaga inaan hormarino cayaaraha diyaar ayaan u nahay balse waxaa na hortaagan wasiirka.” Ayuu yiri.
Wasiir ku-xigeenka ayaa sheegay inuu muddo ka aamusnaa arrintan, balse uusan qarin karin wixii intan ka badan.
Waxa uu sheegay in wasiir Khadiija ay ku mashquulsan tahay arrimo siyaasadeed islamarkaana ay illowday howsheeda iyo shaqadii wasaaradda.
Waxa uu baaq u diray ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre iyo madaxda dalka kana codsaday inay wax ka qabtaan arrimahan islamarkaana wasaaradda laga dhigo mid shaqeysa.
“Haddii ay xasaanad xildhibaannimo xil wasiir ku heshay maahan inay dhallinyarada ku baabi’iso iyo in madaxda ay facebook ay ku amaanto dalkana caddaalad darro ku baabi’iso, wasaaradduna ma ahan wasaarad siyaasadeed” ayuu yiri.
“Ra’iisul wasaare waxba tari meyso in mar kasta lagu amaano oo uu hal qof ku amaano, balse waxaa wax taraya oo lagugu xusuusanaa wixii aad u qabatay dhallinyarada dalka” ayuu yiri Wasiirk ku-xigeenka dhallinyarada iyo cayaaraha Soomaaliya Axmed Cumar Islow, oo madaxda dalka ku eedeeyey inay la weyn tahay ammaanta wasiir Khadiija.
Axmed Cumar Islow ayaa ka codsaday ra’iisul wasaare Kheyre inuu qof dhallinyaro ah u magacaabo wasaaradda.
Wasiir Khadiija weli kama jawaabin eedeynta culus ee kaga timid ku-xigeenkeeda.

Muqdisho 20ka Diseembar 2019 Saaxiibada Caalamka ee Soomaaliya ayaa soo saaray qoraal ku saabsan doorashada Soomaaliya ee 2020/21, ayaga oo sheegay inay muhiim tahay in doorashadu noqoto mid wax ku ool ah, oo ku dhacda waqtigii loogu talo-galay.
Qoraalkan, oo dad badan ay ku macneeyeen mid lagu amrayo dowladda Soomaaliya, ayaa saaxiibada caalamka ee Soomaaliya ku sheegeen in ay qasab tahay in la xaqiijiyo inaan wax muddo kordhin ah loo sameyn baarlamanka iyo xukuumaddaba.
Xubnaha saaxiibada caalamka ee Soomaaliya ayaa waxay kusoo bandhigeen qoraalkooda 11 qodob oo ku dalbadeen in laga helo hanaanka doorashada 2020/21, waxayna ay yiraahdeen “si waafaqsan ballan-qaadyadii ay sameeyeen dowladda federaalka iyo dhammaan saamileyda siyaasadda Soomaaliya, waxay saaxiibadu boorinayaan in hanaanka doorashada mustaqbalka uu noqdaa mid:-
1 – Dhowraya dastuurka
2 – Xaqiijinaya in dhammaan doorashooyinka federaalka lagu qabto waqtigooda ah dhammaadka 2020 iyo horraanta 2021, ayada oo aan muddo kordhin loo sameyn baarlamanka ama xukuumadda.
3 – Xaqiijinaya in dhammaan bulshooyinka Soomaalida ay helaan metelaad caddaalad ah.
4 – Siinaya dadka Soomaaliyeed fursad ay wakiilada matalaya ugu doortaan hab “qof-iyo-cod ah”.
5 – Ku daraya kaalinta xisbiyada siyaasadda ee doorashooyinka.
6 – Damaanad qaadaya in haweenka ay 30% ku yeeshaan xildhibaanada baarlamanka.
7 – Xaqiijinaya ka qeyb-galka ugu ballaaran uguna macquulsan, oo ay ku jiraan dadka gudaha dalka ku barakacay.
8 – Haysta taageerada dhammaan saamileyda siyaasadda dalka.
9 – Doorashada loo qaban karo si hufan oo nabad ah oo soo jiidan karta taageerada dhaqaale si loo fuliyo qodobadan.
10 – Natiijada ka dhaataa, noqotaa doorashada hogaamiyeyaal sharciyad haystaa, iyo mid
11 – Ilaalinaya muddo xileedka Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka.
Saaxiibada caalamka ayaa ugu baaqay labada aqal ee baarlamaanka inay ka hor dhammaadka 2019 meel-mariyaan sharciga doorashooyinka iyo kan xisbiyada.
Saaxiibada caalamka ee Soomaaliya ayaa sheegay inay ka go’an tahay inay dowladda Soomaaliya ka taageeraan dowladda wanaagga iyo taabo-gelinta dhamaman qodobada kor ku xusan.
Bayaankan ayaa waxaaa si wadajir ah usoo saaray Amisom Canada, Denmark, Ethiopia, Midowga Yurub, Finland, France, Germany, IGAD, Italy, Kenya, Norway, Sweden, Switzerland, UK, QM and Mareykanka.
Muqdisho 20ka Diseembar 2019 Rag looga shakisan yahay dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa afar qof waxaa ay ka afdubteen duleedka Magaalada Wajeer ee Gobolka Waqooyi Bari Dalka Kenya, sida uu daabacay Wargeyska Daily Nation.
Afarta qof ee la afduubtay ayaa la sheegay in ay ahaayeen shaqaale dhisme oo howlgalayay magaalada Wajeer, sida uu sheegay Guddoomiye ku xigeenka Bariga Wajeer Cumar Bijaa.
Guddoomiye ku xigeenka Bariga Wajeer ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday in shaqaalaha dhismaha ay wateen gaari dul banaan ah, islamarkaana ay dhisme ka wadeen waddada isku xirta Riba iyo Konton oo hoos taga Magaalada Wajeer.
Sidoo kale, Guddoomiye ku xigeenka Bariga ayaa sheegay in darawalkii Gaariga uu ka baxsaday ragga afduubka geystay kaddib markii uu iska dhigay Nin Taleefan ku hadlaya kaddibna cagaha wac ka dayay. Mas’uuliyiinta u hadlay maamulka Wajeer ma sheegin in dadka la afduubtay ay ajaanib ku jirto ama Kenyaan kaliya yihiin.
Dhaq dhaqaaqa Al-shabaab ayaa iyaguna sheegtay in ay qafaasheen shaqaale Kenyaan ah iyo laba gaari oo midi Cagaf tahay kuwaas oo ay la galeen gudaha Soomaaliya.
Maraykanka 20ka Diseembar 2019Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ku howlan cadaadis xooggan oo ay sharc-dejiyayaasha congress-ka mudanayaasha Mareykanka ku saareyso in cunaqabateyn rasmi ah lagu soo rogo dalka Turkiga, sida ku cad qoraallo Email oo la helay
Wakaaladda wararka ee Anadolu, ayaa heshay qoraalo dhanka Email-ka ah oo muujinaya sida dowladda Imaaraadku ugu howlan tahay in Mareykanka uu xayiraado saaro Turkiga.
Email-daasi ayaa waxa ka dhex muuqday magaca shirkada ‘Akin Gump’ oo ah shirkad ka shaqeysa dhanka ololeyna siyaasadda, oo fadhigeeduna yahay Washington, DC, taasi oo ay qoraal ugu dirtay Senator-ada Conngaress-ka kadib markii Aqalka Wakiiladu uu qaatay qaraar ka dhan ah dowladda Turkiga.
Shirkadan oo wakiil toos ah ka aheyd Safaarada dowladda Imaaraadka ee Washington ayaa waxay Email u kala dirtay 7-November qaar kamid ah Senator-ada Congaressika, kuwaasi oo qeyb ka ah cadaadis xoogan oo la rabo in Mareykanku uu cunaqabteyn ku soo rogo Turkiga, sababo la xidhiidha howl-galadii Milateri ee uu ka fuliyay Suuriya.
Email-daasi ayaa sidoo kale waxa laga dheehan karayey cambaareynta tooska ah ee Dowladda Imaaraadku ugu jeedinayso Turkiga geedi socodka nabada ee waqooyiga Suuriya, iyo weliba in uu Imaaraadku taageerayo cunaqabateynta ka dhan ah Turkiga, kaasi oo ah go’aan qabyo ah oo ay meel-marinayaan golaha wakiilada Mareykanku.
“Andrew iyo Matt – Waxaan idinla soo xiriirayaa aniga oo wakil ka ah safaaradda Imaaraadka ee Washington si aan u muujino cambaareynta Imaaraadka ee gardarrada Turkiga ee Syria, una taageerno cunaqabateyn ka dhan ah,” waxaa sidaas email-ka ku diray Charles Johnson oo ka tirsan shirkadda Akin Gump.
Waxa sidoo kale qoraalka Email-daasi loo kala diray Senator-ada Congaress-ka lagu xusay in dowladad Qatar ay ka caawiso dowladda Ankara ee Turkiga howlgalkii ‘Guga nabada’ ee Suuriya.
“Waxaan rajeynaynaa in macluumadkani idinka caawin doono maadama uu Mareykanku sii wado la socodka arrimaha Suuriya, maadaama xubnaha golaha senate-ka ay ka fakarayaan in cunaqabateyn lagu soo rogo dowladda Turkiga” ayaa lagu yiri qeyb kamid ah qoraalada Email-kaasi.
Lamana shaacin ilaa hadda magacyada Senator-ada loo kala direy Email-daasi ay dowladda Imaaraadku ku rabto in cunaqabateyn rasmi ah lagu soo rogo Turkiga oo muddooyinkii dambe saaxiib dhow la noqday dowladda Qatar
Muqdisho 20ka Diseembar 2019 Dowladda federaalka ayaa war ka soo saartay howlgal ay ciidamada xoogga dalku ka fuliyeen deegaanada Baarsanguuni iyo Kaban oo hoos taga dagmada Jamaame ee gobalka Jubbada Hoose.
War-saxaafadeed ka soo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in howlgalkaas lagu dilay 15 nin oo iskugu hiray amiirro iyo dagaalyahano ka tirsanaa Al-Shabaab, halka dhaawacana lagu sheegay sided kale.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in howlgalkaasi uu yimid kadib markii taliska guutada 11-aad qeybta 43-aad Militeriga Soomaaliya ay ka war heleen weerarro uga soo wajahnaa Al-Shabaab, kadibna sidaas ay ku weerareen goobo ay isku urursanayeen.
Weerarka ay qorsheeyanayeen Al-Shabaab ayaa la sheegay inuu ku wajahnaa saldhig ay ciidamada xooggu ku leeyihiin degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose, sida lagu sheegay warka caawa ka soo baxay dowladda Soomaaliya.
Baydhabo 20ka Diseembar 2019 Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa sheegay in maalin walba uu maqlo dad caadeystay inay been ka sheegaan Maamulka Koonfur Galbeed, isla markaana sheegaya in uu xasuuq ka dhacay Magaalada Baydhabo.
Waxaa uu sheegay in maalin walba Siyaasiyiinta mucaaradka ah sida Xisbiyada ay ku mashquulaan Arrimaha Koonfur Galbeed, isla markaana dad aan la dilin ka been sheegaan,iyaga oo ku xumeynaya Dowladda Soomaaliya.
“Siyaasiyiinta mucaaradka ,iyaga oo aan imaan Baydhabo ayay been ka sheegaan, waxana u jeedada ugu weyn ee laga leeyahay ay tahay inay dowladda ku xumeeyaan, waxaa ku jira dadkaas kuwa kasoo jeeda deegaano lagu dilay dad reer koonfur Galbeed ah gaar ahaan Gaalkacyo mana ahan kuwa xishoonaayo ayuu yiri” Laftagareen.
Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in Siyaasiyiinta ku sugan Magaalada Muqdisho ee hadaladaas maalin walba sheega aysan u dul qaadan doonin kana aqbaleyn, iyaga oo qarinaya dadkii Reer Koonfur Galbeed oo Maalin cad lagu diley Gaalkacyo.
Hadalkaan ayaa Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) waxaa uu ka sheegay munaasabad loogu dabaal degayay sanad-guuradii 1aad ee markii loo doortay Madaxweynaha Maamulkaas oo lagu qabtay Baydhabo
Dhusamareeb 20ka Diseembar 2019 Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye oo Xalay ka qeybgalay xaflad soo dhaweyn ah oo uu guddiga farsamada Maamul u dhisidda Galmudug u sameeyey odayaasha soo xulayo Xildhibaanada Maamulkaas ayaa codsi u gudbiyey odayaasha.
Wasiir Sabriye ayaa odayaasha hortooda ka caddeeyey inay Dowladda Soomaaliya 20 Xildhibaan siisay maamulka Ahlu Sunna si loo soo afjaro khilaaf muddo badan hareeyey dhismaha Maamulka Galmudug.
Wasiirka ayaa odayaasha soo xulayo Xildhibaanada Galmudug u sheegay inay xisaabta ku darsadaan 20-ka XIldhibaan ee la siiyey Ahlu Sunna taasoo la ogeysiiyey Beesha Caalamka sida uu hadalka u dhigay.
“Odayaasha Saxiixayaasha Galmudug ha saxiixaan 20 Xildhibaan ee Ahlusunna,yeysan idin eersanin ka hor wareega dalabkaas waa idinka codsaneynaaye” ayuu yiri Wasiir Sabriye.
Hadalka Wasiirka ayaa kusoo aadayo xilli Xalay lasoo saaray jadwalka hanaanka Doorashada Galmudug, iyadoo 9-ka January ee sanadka cusub loo asteeyey inay dhacdo doorashada madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa halka 4-ta January ay dhici doonto Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka.
Waraaq dhawaan kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya ayaa lagu xaqiijiyey inay Dowladda Soomaaliya Ahlu Sunna siisay 20 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Galmudug si meesha looga saaro tabashada Ahlu Sunna oo sabab u aheyd in Al-Shabaab laga xoreeyo Dhuusamareeb iyo Guriceel.

WARARKA MAANTA 18ka Diseembar 2019 Sir Culus!
Su’aallaha Maanta:Yaa Yaa #Soomaaliya Madaxweyne ka noqon doona fashilka Madaxweyne Farmaajo “Been-Hawaas” Mise Raysal Wasaare Kheyre “Bakhti-Raam-Sade”? Goor ma ayaa shaqada laga eryayaa/cayrinayaa Rasal Wasaare Mudane Kheyre? Yaa waddanka #Soomaaliya ka dhigay waddanka adduunka ugu musuqmaasuqa badan Madaxweyne Farmaajo “Been-Hawaas” mise Raysal Wasaare Kheye “Bakhti-Raam-Sade”? Madaxweyne aan qoyskiisa heshiisiin karin ayaa #Muqdisho iyo Ummadda Soomaaliyeed ku lugoynaaya ayadoo xitaa hadda uu keenay inuu inuu culimadii iska-horkeeno? Maxayse laba aqal u diidan yihiin inay si sharciga waafaqsan ula xisaamtamaan xukuummadda fashilantay ee Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raam-Sade”? Yaa ciidamo #thiopia dalbaday in lagu weeraro Jubbaland State? Ha wiqleyso!
Maraykanka 18ka Diseembar 2019 Aqalka Congress ka dalka Mareykanka ayaa maanta oo Arbaca ah dood ka yeelanaya islamarkaana cod u qaadi doona xil ka xayuubinta madaxweyne Donald Trump iyo in kale. Kulan ay ku yeelan doonaan xarunta Aqalka Wakiilada ee magaalada Washington. DC ayeey dhamaan xubnaha Aqalka Wakiilada cod u qaadi doonaan laba qodob oo dastuuri ah oo ay u kucsanayaan xil-ka-xayuubinta madaxweynaha.
Lama oga tallaabadan ay qaadi doonaan xubnaha Aqalka Wakiilada kaddib marka ay maanta doodaan arintan, hasse ahaatee waxaa jirta hadal heyn weyn oo ku saabsan tallaabada uu Congress –ku qaadi doono.
Maraykanka 18ka Diseembar 2019Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa meel-mariyey miisaaniyad ay ku jirto deyn-cafinta Soomaaliya, sida ay shaaca ka qaaday Ilhaan Cumar oo ka tirsan aqalkaas.
War-saxaafadeed ay soo saartay ayey Ilhaan Cumar ku sheegtay in miisaaniuyadda Aqalka Wakiilada ee lambarkeedu yahay H.R 1158 lagu xaqiijiyey deyn cafinta Soomaaliya.
“Waxaan ku faraxsanahay inaan maanta xaqiijinay deyn cafinta Soomaaliya. Soomaaliya waxaa dul-saaran deyn dhulka la gashay, taasi oo dib u dhigaty dhaqaalihii islamarkaana malaayiin Soomaali ah ka dhigtay sabool.” Ayey ku tiri Ilhaan Cumar qoraalka ay soo saratay.
“Tani ma saameyneyso kaliya Soomaalida ku nool Soomaaliya, balse sidoo kale kumanaan Soomaali Mareykan ah oo ku nool degmada aan matalo, sidoo kalena ay ehel ka joogaan gobolka” ayey tiri Ilhaan.
“Xermadan deyn cafinta waa tallaabo aad u weyn oo caddeyneysa horumarka wanaagsan ee Soomaaliya ay sameysay sanadihii tagay. Tani ma ahan in loo arko dhammaad, balse waa inay bilow u noqotaa soo cusbooneysiinta xiriir diblomaasiyeed oo lala yeesho Soomaaliya.
“Waa in wax badan oo dheeri ah la sameeyaa marka ay noqoto adkeynta dimoqraadiyadda, dhowrista xuquuqda aadanaha, iyo xiriirka ka dhaxeeya Villa Somalia, dowlad goboleedyada iyo shacabka. Mareykanka kaalin ayuu ka qaadan karaa dhammaan arrimahan.” Ayey tiri Ilhaan.
Waxay intaas ku dartay “Deyn cafinta waa tallaabo loo qaaday jihada saxan, waxaana sii wadi doonnaa inaan ka shaqeeyo helista Soomaaliya xor ah, nabad ah, oo dimoqraadi ah oo dhammaanteen aan dooneyno inaan aragno.”
Warka kasoo baxay Ilhaan ayaa imanaya ayada oo dhowaan wargeyska Foreign Policy, uu qoray in wasaaradda arrimaha dibedda iyo tan maaliyadda Mareykanka, in lacagta lagu taageerayo deyn cafinta Soomaaliya lagu daro miisaaniyadda 2020 ee uu dhowaan diyaariyey congress-ka.
Khaladkaas ayaa u muuqday mid meesha ka saarayeyin Soomaaliya ay hesho deyn-cafin sanadka 2020, maadaama barnaamijka deyn cafinta Bankiga Adduunka iyo IMF ee HIPC uu u baahan in dhammaan dalalka daymaha bixiya, oo Mareykanka uu ku jiro, ay deyn cafinta Soomaaliya wada ansixiyaan mar qura.
Si kastaba, miisaaniyaddii uu horey u ansixiyey Aqalka Wakiilada, ayaa wxaaa dib usoo celiyey aqalka Senate-ka, taasi oo Aqalka Wakiilada siisay fursad labaad oo deyn cafinta Soomaaliya loogu daro miisaaniyadda.
Bilaha hore ee sanada 2020 ayaa la filayaa in IMF iyo Bankiga Adduunka ay si rasmiga ah deynta uga cafiyaan Soomaaliya, kadib marka ay isku wada raacaan dhammaan dalalka deymaha ku leh Soomaaliya. Ka hor Mareykanka, dalal badan ayaa horey sidaas u ballan-qaaday.
Muqdisho 18ka Diseembar 2019 Qaar kamid ah dadka araga naafada ah ee ku nool magaalada Muqdisho ayaa guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho ku eedeeyay in uu ka joojiyay lacag la siin jiray Iskuulka, si loo kaabo macalimiinta iyo shaqaalaha Iskuulka.
Nin kamid ah masuuliyiinta urur ay Indhoolayaasha leeyihiin oo magaciisa aan ku soo koobnay Yuusuf, ayaa Warbaahinta u sheegay in 4-tii bil ee ugu dambeysay aysan qaadan lacag dhowr kun ah oo si tabarucaad ah loo siin jiray Iskuul ku yaala magaalada Muqdisho oo si lacag la’aan dadka wax loogu baro.
“Laga soo bilaabo Taabid ilaa Marxuum Yariisow waxaan heli jirnay lacag taakuleen ah oo bil walba ah laakiin mudo dheer ma helin markii aan raadinayne waxaa nagala xirtay albaabka” ayuu yiri Yuusuf oo ka tirsan dadka araga naafada ah ee ku nool Muqdisho.
Yuusuf ayaa go’aanka lagu joojiyay bixinta lacagtaan ku tilmaamay mid ka soo baxay duqa Muqdisho ahna guddoomiyaha gobalka Banaadir Cumar Filish.
“Waa amar ka soo baxay duqa caasimada ayaa nala dhahay markii aan raadinay” ayuu yiri masuulkaan la hadlay Warbaahinta
Xiriiro aan la sameynay guddoomiyaha gobalka iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Hoose ayaa heli weynay si aan arintaan wax uga weydiino, mana jirto cid faah faahin ka bixisay arrintaan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Agaasimihii hore ee naafada gobolka Banaadir, Basiira Cabdi oo ahayd gabar aragga la’, ayaa fulisay qaraxii ka dhacay xarunta gobolka ee ay ku dhinteen Injineer Yariisow iyo mas’uulyiin kale.
Minneapolis 18ka Diseembar 2019 Dowladda Soomaaliya ayaa qorsheyneysa in ay qunsulyaddo ka furato qaar kamid ah magaalooyinka Mareykanka, sidda uu ka dhawaajiyey safiirka waddanka u fadhiya Washington.
Danjire Cali Shariif oo ka hadlayey xaflad ka dhacday gobolka ay Soomaalidu ku badan tahay ee Minnesota ayaa tilmaamay in qorshahaas uu u gudbiyey madaxda sarre ee xukuumadda Muqdisho.
Soomaaliya ayaa bishii September, 2019, dhisme u iibisay safaaradeeda Washington. Dhismaha oo ku yaala degaanka Wyomin waxaa 4.3 milyan oo Doolar laga siiyey Colombia. Lacagta waxaa bixisay Qadar.
Soomaalida oo kamid ah dadyowga qaxooti ahaan ku galay gudaha Mareykanka ayaa waxay safka hore kaga jiraan Jaaliyadaha ugu tiradda badan.
“Waxay kaloo safaaradda ay ku talajirtaa, talana aan ku siinay madaxda-yadii, maadaama ay Jaaliyadu balaaran tahay waddankana [Mareykanka] meelo kala duwan ay ka joogto in adeega loosoo dhaweeyo oo qunsul-yaddo laga furo meelaha ay dadka ku badan yihiin si adeega ay Washington DC ugu imaan lahaayeen ay uga helaan meeshooda wixii suurtogal ah,” ayuu yiri.
Sidda laga soo xigtay Cali Shariif, arrintaan ayaa kamida qorsheyaasha safaaradda ku talajirto in ay fuliso sanadka dambe ee 2020-ka.
“Dhib kasta ha jiro, waxaan rajeynaynaa in sanadka 2020-ka, qarnigaas in uu noqdo qarnigii Soomaalida,” ayuu hoosta ka xariiqay.
Dhinaca kale, safiirka oo ku celiyey in dowladdu taageersan tahay murashaxnimadda Jabuuti ee kursiga aan joogtada ahayn ee Qaramadda Midoobay ayaa Soomaalida ku booriyey in ay garab-istaagaan.
Ugu dambeyntii, danjiraha oo si lamid ah Soomaalida ku tartarsiiyey in ay xoojiyaan wadajirkooda ayaa ku waaniyey in ay kaalin ka cayaaraan sidii dalka looga saari lahaa liiska wadamada uu xayiraada saarey Trump.
Riyaad 18ka Diseembar 2019 Wafdiga Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda ee uu hoggaaminayo Wasiirka, Mudane Eng Cabdi Cashuur Xasan oo booqasho ku jooga dalka Sacuudi Carabiya ayaa waxa ay kulamo la qaateen Masuuliyiinta Ururka Dayax-gacmeedka Carbeed ee loo yaqaan ARABSAT oo saldhigiisu yahay magaalada Riyaad.
Madaxweynaha ahna Agaasimaha Guud ee ARABSAT Mudane Eng. Khalid A. Balkheyour oo ku soo dhoweeyey wafdiga xarunta Ururka ayaa waxa uu sheegay in ay soo dhoweynayaan ka qeybqaadashada firfircoon ee soomaaliya ee howlaha Ururka ARABSAT maadaama dalkeenu uu ka midyahay saamileydii asaastay Ururka, kulamadan labada dhinaca oo ku soo dhammaadey is-afgarad ayaa waxaa sidoo kale looga hadlay sidii dowladda Soomaaliya uga faa’iideysan lahayd adeegyada ARABSAT iyo sidii dalkeena loogu caawin lahaa kaalmo farsamo oo la xiriirka dhinaca horumarinta Isgaarsiinta.
“waxaa naga go’an in aan si firfircoon uga qeybqaadano dhammaan howlaha Guddiyada, Hay’addaha iyo Urrurada Gobol, Qaaradeed iyo Caalami ee isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda, kuwaas oo aannan badankood ka dhex muuqan muddo, taasna waxa ay muhiim u tahay wadaagista khibradaha iyo mideynta dadaalada,” ayuu yiri wasiir Cashuur oo intaasi ku daray “iskaashiga iyo isku-xirnaanshaha adduunka gaar ahaan dhinaca tiknolojiyadda waxa uu marayaa maanta heer aysan suurto-gal ahayn in aan gooni u socono, daddaaladan dhamaantoodna waxa ay leeyihiin hal ujeedo oo ku saabsan fulinta qeybaha kala duwan ee Siyaasada iyo Istaraatiijiyadda Qaran ee Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda’’ ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay wasiirku.
Sidoo kale wafdiga Wasiirka Boostada Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ayaa waxa ay booqasho ku tageen xarunta safaaradda dalkeena ee Magaalada Riyaad halkaas oo ay kula kulmeen diblomaasiyiinta ka howlgesha safaaradda, Wasiirka ayaa waxa uu warbixin ka siiyey diblomaasiyiinta xaaladda dalka, howlaha Tubta horumarinta dhaqaalaha dalka gaar ahaan howlaha ay sida gaarka ah ugu xilsaarantahay Wasaaradda. Wafdiga Wasaaradda oo uu ka mid yahay Maareeyaha Hay’adda isgaarsiinta Qaranka Mudane Cabdi Sheekh Axmed ayaa muddada ay joogaan dalka Sacuudigaa waxa ay ka qeybgali doonaan Shirka Wasiirrada Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda dalalka carbta, waxa ayna sidoo kale kulamo gaar ah la yeelan doonaan masuuliyiinta Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda dalka Sacuudi carabiya.
Muqdisho 18ka Diseembar 2019 Cabdullaahi Nuur Xaashi oo ah Sarkaal hore oo ka tirsanaa hay’addii nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka ee NISA, ayaa ka digay qatar ku soo wajahan Kaamirooyinka lagu xiray wadooyinka Muqdisho.
Mr Xaashi ayaa amaanay talaabada lagu xiray kaamirooyinka isagoo ku taliyay in dhinaca wanaagsan looga faa’ideesto islamarkaana la gaarsiiyo inta badan wadooyinka muhiimka ah ee gobalka Banaadir.
Cabdullaahi Nuur Xaashi ayaa sheegay in ay qatar ku soo food leedahay Kaamirooyinka, taas oo ka imaan karta Al-shabaab iyo kooxo kale.
“Al-Shabaab waxay ku fikirayaan sidii ay isaga leexin lahaayeen kaamirooyinka, haddii ay jaanis helaan waxay ku xirayaan qaraxyo sidii baalooyinkii cad ceeda ku shaqeeya, sidoo kale tuugo ayaa furan karta hadii aan la ilaalin” ayuu yiri Cabdullaahi Nuur Xaashi oo la hadlay Radio Kulmiye.
“Waxaan ku talinayaa in loo sameeyo askar ilaalisa 5-tii xabo ee Kaamiro ah ama waxaa imaan doonto in la qarxiyo” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Mr Xaashi.
Al-Shabaab ayaa hore u qarxiyay qaar kamid ah baalooyinkii magaalada Muqdisho ee dhalin jiray leerarka cad ceeda ku shaqeeya kadib markii ay qaraxyo ku xireen.
Si kastaba, goobaha hadda la suray kaamirooyinkan ayaa ah goobo amingooda aad u wanaagsan yahay, waxaana adag inay Al-Shabaab yimaadaan oo ay ficillo ka gaystaan.
Muqdisho 18ka Diseembar 2019 Taliyaha xabsiga dhexe ee Xamar ayaa ka jawaabay muuqaal lasoo dhigay baraha bulshada oo muujinayey isaga oo isbitaal si xoog ah ugala soo baxay ruux bukaan ahaa kaasi oo kadib dhintay.
Taliyaha ayaa beeniyey in arrinta ay u dhacday sida loo baahiyey, waxaana uu faah-faahin ka bixiyey sida ay wax u dhaceen.
Jeneraal Maxamed Sheekh Cumar Xirsiile oo ah taliyaha xabsiga dhexe ayaa sheegay in ruuxaas, oo ku xukunaa 8-sano oo xabsi ah, si qaldan looga saaray isbitaal ku yaalla xabsiga dhexe, isla markaana la geeyey isbitaal si gaar ah loo leeyahay, halkaas oo wax ka yar 40 daqiiqo uu sheegay inuu uga dabatagay.
Taliyaha ayaa sheegay in markii uu ninkaas ka soo qaaday isbitaalkii ay geysteen ehelkiisa, uu toos u geeyey isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho, isagoo labo maalin kad“Waxa la faafinaayo waa waxaan looga xishoonayn qaranimada, dadnimada iyo damiirka, ninkaas dhintay waxaa markii hore isbitaalka lagu geeyey si qalad ah, waxaa lagala baxsaday xabsiga, iyadoo nin dhakhtara oo ciidanka Asluubta ah la adeegsanaayo, kadibna markaan ogaaday waan ka daba tagay, iyadoo ciidanka gacantiisa laga baxshay, oo aan u fahmay in lala baxsa rabay, waayo reerka ninkaas in badan ayey horay iskugu dayeen inay la baxsadaan waxuuna ahaa nin loo heysto burcadnimo, waxayna horay maxkamadaha uga raadiyeen oo ka waayeen sidii ay ula bixi lahaayeen ninkaas” ayuu yiri Taliyaha xabsiga dhexe oo isagu ka soo muuqday warbaahinta bulshada isagoo isbitaalka xoog uga soo saaraya nin xanuunsan kadibna xanuunkaas u dhintay.
Taliyuhu waxa uu sheegay in markii uu uga daba tagay isbitaalka la geeyey ee uu weydiiyey ehelkiisa sababta looga soo saaray isbitaalkii uu ku ogaa ee dowladdu maamuleysay, uu ka waayey jawaab uu ku qanco, taasina ay ku kaliftay inuu ku soo celiyo isbitaalka ay dowladdu maamusho ee Martiini, halkaas oo uu sheegay in maalinkii hore uu soo hagaagey caafimaadkiisu, balse xanuun ku soo booday maalinkii labaad uu u geeriyooday.
Ninka dhintay oo lagu magacaabi jiray Xasan Kurtun Calasow ayuu sheegay Taliyuhu inuu qabay xanuunka macaanka ama sonkorta oo kaliya, isla markaana uu hayo cadeynta warqadihii caafimaadka oo ay ku qoranyihiin xilliga uu geeyey isbitaalka Martiini oo ah isbtitaalka sharciga ah ee lagu daweeyo maxaabiista ku xanuunsata xabsiga dhexe.
Eheladda marxuumka dhintay ayaa iyaguna madaxda ugu sareysa dowladda ka dalbaday inuu cadaalad helo Xasan Kurtun Calasow oo ay sheegeen inuu u dhintay daryeel la’aan caafimaad oo uu sabab u ahaa taliya xabsiga dhexe sida ay hadalka u dhigeen.ib halkaas ku geeriyooday.
https://www.youtube.com/watch?v=XP4ZEIhzjUI

WARARKA MAANTA 14ka Diseembar 2019 Sir Culus! 

Su’aallaha Maanta: Maxay beesha caalamka u diiday in deynta laga dhaafo #Soomaaliya? Dowladdee sababtay in aan wax deyn ah laga cafin #Soomaaliya? Yaa dhaca canshuuraha #Muqdisho? Yaa #Soomaaliya Madaxweyne ka noqon doona fashilka Madaxweyne Farmaajo “Been-Hawaas” kadib sida ay Wasiirka Isbootiga kashiftay? Goor ma ayaa shaqada laga eryayaa/cayrinayaa Rasal Wasaare Mudane Kheyre? Yaa waddanka #Soomaaliya ka dhigay waddanka adduunka ugu musuqmaasuqa badan Madaxweyne Farmaajo “Been-Hawaas” mise Raysal Wasaare Kheye “Bakhti-Raam-Sade”? Madaxweyne aan qoyskiisa heshiisiin karin ayaa #Muqdisho iyo Ummadda Soomaaliyeed ku lugoynaaya ayadoo xitaa hadda uu keenay inuu inuu culimadii iska-horkeeno? Maxayse laba aqal u diidan yihiin inay si sharciga waafaqsan ula xisaamtamaan xukuummadda fashilantay ee Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raam-Sade”? Yaa ciidamo #thiopia dalbaday in lagu weeraro Jubbaland State? Ha wiqleyso!

Muqdisho 14ka Diseembar 2019 Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta yeelanaya mid ka mid ah kulamadoodii caadiga ahaa ayaa la filayaa in ay su’aalo weydiiyaan guddiga madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka.

Maalmihii ugu danbeeyayba xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa dood adag ka yeelanayay warbixin guddiga Doorashooyinka ay u gudbiyeen Golaha, waxaana dooddaasi ay dhalisay in xildhibaannada qaar dhaliil xoog leh u jeediyaan guddiga soo diyaariyay warbixinta.

Xildhibaannad Khadiijo Maxamed Diiriye oo dhinaca kale ah Wasiir ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in dalkan marnaba aysan ka dhici karin doorasho Qof Cod ah iyadoo la eegayo daruufaha ku harreereysay qabsoomada doorasho noocaa oo kale ah.

Xildhibaananada Golaha Shacabka ayaa xalay lagu wargeliyay in maanta oo Sabti ah uu jiro kulanka Baarlamaanka,isla markaana ay soo xaadiraan .

Dowladda Soomaaliya ayaa wajaheysa cadaadis uga imanaya beesha caalamka oo ku wargaliyay in looga fadhiyo diyaarinta sharciga Doorashooyinka Qaranka ka hor inta uusan dhamaan muddo xileedka xukuumadda hadda jirta.

Muqdisho 14ka Diseembar 2019 Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa waxay maanta kala eryeen dad Muqdisho ku xusayay sanad-guuradii koowaad ee dadkii lagu laayey Baydhaba, islamarkaana dalbanaayay in la sii daayo Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur).

Dadkan oo maanta isugu yimid mid ka mid ah Hoteelada Magaalada Muqdisho, oo ay xafaladda ku dhiganayeen, ayaa waxaa u yimid ciidamo ku socda laba gaari, kuna war-geliyey inaanay qaban karin kulan ceynkaasi oo kala ah, ciddii amarkaasi jebisana ay tallaabo adag ka qaadayaan.

Ciidamada ayaa sidoo kale amar siiyey maamulka Hoteelka, una sheegay in la joojiyo xafladda, waxaana kadib goobtii ku kala tagay dadkii isugu yimid.

Sidoo kale, saddex taleefishin oo muuqaallo ka duubay goobta ayaa waxaa mamaulkooda la xiriiray maamulka Koonfur Galbeed, una sheegay inaysan muuqallada sii dayn, ayaga oo u ballan-qaaday lacag taasi oo ay ogolaadeen.

Maanta oo kale 13-kii bishii December ee sanadkii hore ayay ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya waxay ay Madaxtooyada Baydhabo ka dhex qabteen Abuu Mansuur, iyagoona saacad gudaheed ugu soo gudbiyay Magaalada Muqdisho.

Abuu Mansuur oo sideed bilood ku xirnaa Xarunta Hay’adda Nabad Suggida ee Habar Khadiijo ayaa afartii bilood ee ugu dambeysay xabsi guri ku ahaa guri ku yaala agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya.

Villa Somalia ayaa la rumeysan yahay in ay Abuu Mansuur u arkeysay ninka keliya ee jegada ku ciriiran karay Madaxweynaha haataan ka arrimiya Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen).

Ka dib soo qabashadii Abuu Mansuur ayaa waxaa Magaalada Baydhabo ka dhacay rabshado dad lagu dilay, kuwo kalena lagu dhaawacay.

Nairobi 14ka Diseembar 2019 Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay magaalada Nairobi kula kulmay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Islaam Madoobe.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xisbiga uu hoggaamiyo Sheekh Shariif ee Himilo Qaran, ayaa lagu sheegay in kulanka uu ku dhacay hoyga Sheekh Shariif oo Axmed Madoobe uu soo booqday.

Sida qoraalka lagu sheegay, kulanka waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo hannaanka loo maraayo doorashada 20/21, waxaana kulanka qayb ka ahaa Senator Ilyaas Cali Xassan oo ah xoghayaha Arrimaha dibadda ee Xisbiga Himilo Qaran iyo madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, oo hadda ah guddoomiyaha xisbiga Horusocod Qaran.

Wax faahfaahin ah oo intaas dheer lagama bixin kulanka.

Sheekh Shariif iyo Axmed Madoobe ayaa isku siyaasad ka ah xaaladda dalka ee iminka, ayaga oo kasoo horjeeda qaabka ay dowladda wax u waddo.

Dowladda ayaa horey u diiday islamarkaana sharci darro ku tilmaamtay doorashadii Axmed Madoobe, halka Sheekh Shariif uu aqoonsaday kana qeyb-galay caleemo saarkiisa.

Labadooda iyo Shariif Xasan ayaa sidoo kale isku aragti ka ah nooca doorashada dalka ka dhaceysa 2020, oo ay rumeysan yihiin inaysan noqon karin qof-iyo-cod marka la eego xaaladda dalka, waxayna ka digeen in ku dhegnaanta arrintaas ee dowladda ay tahay xeelad waqtiga lagu kororsanayo.

Muqdisho 14ka Diseembar 2019 Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta dalka ka dhoofay ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Dooxa ee xarunta dalka Qatar.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa oo ay kamid yihiin guddoomiyaha Gobolka Banaadir, wasiirka arrimaha dastuurka iyo mas’uuliyiin kale ayaa Dooxa uga qayb gelaya madasha Dooxa.

Madasha Dooxa oo ay ka qeyb gelayaan madax ka socota qaar kamid ah dowladaha caalamka iyo hey’ado caalami ah, sanadkaanna looga hadlayo ajandayaal ay kamid yihiin amniga, teknoolojiyadda, dhaqanka iyo ganacsiga ayaa soconeysa Deseembar 14-15, 2019.

Waa markii saddexaad ee Kheyre uu ka qeyb-galayo Madasha Dooxa. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa madasha Dooxa ka qayb galay sanadihii 2018 iyo 2017

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa inta uu joogo Dooxa waxa uu kulamo doceedyo la yeelanayaa madaxda Qatar iyo qaar kamid ah madaxda kale ee ka qayb geleysa madasha Dooxa.

Wxaana sidoo kale xog ku helnay inuu kulamo kale oo gooni ah la qaadan doono mas’uuliyiinta Qatar, oo uu kala hadli doono arrimaha Soomaaliya.

Muqdisho 14ka Diseembar 2019 Beesha Caalamka ayaa soo dhoweysay heshiiska ay gaareen dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo ururka Ahlu-Sunna Waljamaaca ee ku saleysan dowladda cusub ee loo dhisayo Galmudug.

Heshiiska ayaa dhigaya in Ahlu-Sunna la siiyo 20 ka mid ah 89-ka xildhibaan ee Golaha Wakiilada lasoo dhisayo ee Galmudug, taasi oo macnaheed yahay in Ahlu-Sunna ay soo xuli doonto 20 xildhibaan, halka 69-ka kale ay soo xuli doonaan odayaasha qabaa’ilka.

Qoraal kasoo baxay saaxiibada Soomaaliya ee caalamka ayaa lagu yiri “Waxaan soo dhoweeneynaa dadaallada aan joogsiga lahayn ee ay sameeyaan hoggaanka dowladda iyo Ahlu-Sunna, iyo saamileyda kale ee ay arrintan quseyso, si qodobadii la isku hayey loogu xaliyo wada-hadal iyo isu-tanaasul.”

Qoraalka ayaa intaas ku daray in beesha caalamka rumeysan tahay in tani ay tahay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhisidda maamul lagu mideysan yahay oo xasiloon oo Galmudug ay yeelato, kaasi oo muhiim u noqon doona dhaqaajinta ahmiyadaha qaranka ee 2020.

Dhinaca kale, beesha caalamka ayaa dhinacyada ay quseyso arrinta Galmudug ugu baaqay inay sii wadaan dadaalladooda, islamarkaana la xaqiijiyo hanaan ka tarjumaya hadafyada dhammaan bulshooyinka Galmudug.

“Hanaankan [doorashada] waa in natiijadiisu noqotaa mid caddaalad ah, la isku haleyn karo, oo cad, kaasi oo ay aqbali karaan dhammaan shacabka Galmudug.” ayaa lagu soo geba gebeeyey qoraalka.

Qoraalkan ayaa waxaa si wadajir ah usoo saaray; AMISOM, Canada, Denmark, Midowga Yurub, Ethiopia, Finland, Germany, Italy, IGAD, Kenya, Netherlands, Norway, Sweden, Turkey, Uganda, United Kingdom, QM iyo Mareykanka.

Muqdisho 14ka Diseembar 2019 Dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaada inay waddo qorshe lagu ballaarinayo Garoonka Caalamiga ah ee Adan Cabdulle Cismaan Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar ayaa sheegay in bishan gudaheed uu billaabanayo qorshe lagu balaarinayo garoonka Aadan Cadde.

“Nabadda oo sii kororta, Diyaaradihii oo sii batay, dhaqaalihii oo batay, garoonkana in uu sii weynaado ayay ahayd, runtii meel aan ku sii weyneyno oo badan ma jirto, laakiin  waxaa jira heshiis aan la galnay shirkadda garoonka maamusha, taaso oo balaarin doonto garoonka.” Ayuu yiri wasiir Oomaar.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in maadaama dhul ku filan oo banaan oo garoonka lagu ballaariyo uusan jirin oo uu badda ku teedsan yahay, inay dhanka badda u ballaarin doonaan garoonka qyeb ahaan.

“Dhulka aan heysano iyo qeyb ka mid ah dhanka badda la duugo oo carro lagu shubo ayaan ballaarinta u adeegsan doonnaa, balse mustaqbalka runtii garoonka wuu yaraanayaa, waxaana loo baahan doonaa in la dhiso garoon kan ka casrisan kana baalaran Insha Allah” ayuu yiri Wasiir Oomaar.

Horey waxaa u jiray qorshe ay isku raaceen dowladda Soomaaliya iyo dowladda Turkiga, oo xukuumadda ay garoonka cusub uga dhisey dhanka waqooyiga Muqdisho ee xadka gobolka Shabeellaha Dhexe, balse illaa iyo hadda lama shaacin halka uu ku dambeeyey qorshahaas.

Wasiirka Oomaar ayaa bishii October sheegay in wasaarddiisu ay diyaarisay Enjineeradii dhisi lahaa garoonka cusub, islamarkaana qorshaha dhismaha garoonka cusub ay soo gaba-gabaynayaan inta lagu guda jiro sanadkaan 2019-ka.

Hase yeeshee, hadalkan cusub ee uu ku sheegay ballaarinta garoonka Aadan Cadde, ayaa muujinaya inay u eg tahay in qorshihii garoonka cusub uusan hir-gelin.

Muqdisho 14ka Diseembar 2019 Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) oo ku sugan magaalada Addis Ababa ayaa kulamo siyaasadeed ka bilaabay gudaha magaaladaasi.

Deni ayaa kulan gaar ah la qaatay xubno uu ka mid yahay wasiirka wasaaradda maaliyadda ee Itoobiya, Axmed Shide, iyagoo ka wada hadlay arrimo dhowr ah.

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxa ay labada mas’uul ku soo hadal qaadeen iskaashiga labada dhinac ee arrimaha ganacsiga, amniga iyo horumarka Puntland.

Madaxweynah Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in Puntland ay ka go’an tahay inay sare loo qaado wadashaqeynta ay la leedahay Itoobiya, isagoo oo u rajeeyey shacabka iyo dowladda amni iyo horumar ballaaran.

Dhankiisa Axmed Shide ayaa sheegay in ka dowlad ahaan ay diyaar u yihiin inay dardar geliyaan arrimaha kala dhexeeya maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Putland.

Kulankaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii la soo dhaafay guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Puntland, Cabdixakiin Dhoobo Daareed oo ku sugnaa Addis Abab uu ka waday abaabul siyaasadeed oo looga soo horjeedo xukuumadda Siciid C/laahi (Deni).

Dagaalka labada mas’uul oo weli taagan ayaa waxa uu sababay in xildhibaanadii laga xayuubiyo Dhoobo Daareed, kadib kulan ay todobaadkii hore mudanayaasha golaha wakiilada Puntland ku yeesheen magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Nairobi 14ka Diseembar 2019 Ciidamada ammaanka ee dalka Kenya ayaa gacanta ku dhigay illaa shan dhalinyaro ah oo la sheegay inay ku biiri rabeen kooxda Al-Shabaab.

Gudoomiyaha Ismaamulka Siaya, Michael ole Tialal, oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dhalinyaradaan ay qorsheynayeen inay ka gudbaan xadka, si uga mid noqdaan dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya iyo Kenya.

Michael ole Tialal ayaa tilmaamay in ciidamada ammaanku ay heleen xog ku aadan raggaasi, islamarkaana ay ka hortageen qorashahaasi.

Sidoo kal wuxuu tilmaamay in dhalinyaradaasi uu qorayey nin ka mid ah dadka deegaanka, islamarkaana ay haatan ku socdaan baaritaano dheeraad ah.

Guddoomiyaha ayaa intaasi ku daray in ninkaan uu sanado ka hor qaatay Diinta Islaamka, sidoo kalena uu ku soo tababartay gudaha Soomaaliya.

“Ninka la tuhmayo in uu Al-Shabaab Dhallinyarada uga qoro degaankaas ayaa sanado ka hor qaatay Diinta Islaamka,waxaa uu tababar u aaday Soomaaliya kaddibna dib uyuu ugu laabtay Kenya, isaga oo qaabilsan qoridda dhallinyarada” ayuu yiri Mar Tialal.

Al-Shabaab ayaa muddooyinkii dambe sare u qaaday dhaq dhaqaaqyada ay ka wado deegaanada xadka labada dal, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Dhowaan ayey sidoo kale aheyd markii weerar khasaaro geystay ay ku qaadeen gaari Bus-ah oo ay la socdeen dad shacab ah iyo saraakiil ka tirsanaa Booliska dalkaasi

Maraykanka 14ka Diseembar 2019 Guddi hoosaad ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka ee ay maamulaan dimoqraadiga ayaa maanta ansixiyey eedeymaha ku saabsan ku-xadgudubka awoodda iyo is-hortaagga ee ka dhanka ah madaxweyne Donald Trump.

Tallaabadan ayaa xaqiijin doonta in Trump, oo Jamhuuri ah, uu noqdo madaxweynahii saddexaad ee taariikhda Mareykanka ee xil-ka-xayuubintiisa la dalbo.

Guddi hoosaadka garsoorka ayaa maanta codkan ku meel-mariyey, ayaga oo ay isku wada raaceen dimqoraadiga, halka Jamhuuriguna diideen.

Eedeymaha ku saabsan ku xad-gudubka awoodda ee ka dhanka ah Trump ayaa la xiriira inuu ku cadaadiyey dalka Ukraine inay baaritaan ku sameeyaan Joe Biden, oo ah dimoqraadi ay suurta-gal tahay inuu Trump kula loolamo doorashada 2020.

Guddiga ayaa sidoo kale ansixiyey qodob labaad oo lagu eedeeyey Trump, oo ah inuu is-hortaag ku sameeyey baaritaanka congress-ka uu ku sameynayey fadeexadda.

Aqalka Wakiilada oo dhan, halkaasi oo dimqoraadiga ay aqlabiyad ku leeyihiin, ayaa la filayaa inay toddobaadka soo socda ansixiyaan eedeymaha ka dhanka ah Trump, taasi oo soo geba-gebeyn doonta hanaanka xil-ka-xayuubinta, una diri doonta Trump inuu hor-tago maxkamadeynta Senate-ka, toddobaadyo gudahood.

Si kastaba, Senate-ka oo ay maamulaan Jamhuuriga, ayaan la fileyn inay madaxweynaha ku helaan dambiyada lagu eedeeyey kana saaraan xafiiska.

Xigasho: VOA + Reuters

Maraykanka 14ka Diseembar 2019 Dadaalka caalamiga ah ee la doonayo in deynta looga cafiyo Soomaaliya ayaa waxaa burburin kara khalad maamul oo ka dhacay dowladda Mareykanka, taasi oo wiiqi doonta isku dayada muddo lagu doonayey in xasilooni loogu soo dabbaalo Soomaaliya.

Khaladkan ayaa aad uga yaabiyey qaar ka mid ah saraakiisha Mareykanka, waxaana carrada ka dhalatay ka mid ah in safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto uu ka fakarayo inuu is-casilo, waxaa sidaas wargeyska Foreign Policy u sheegay saraakiil hadda ka tirsan dowladda Mareykanka iyo kuwa hore.

Dadaallo dhowr ah oo ay sameysay xukuumadda Kheyre oo wax looga qabanayey musuq-maasuqa laguna saxayey hannaanka maaliyadeed ee dalka, ayaa Soomaaliya siiyey fursad ay ku hesho in horaanta sanadda 2020 looga cafiyo daymaha, ayada oo ka faa’iieysanaysa barnaamijka Bankinga Adduunka iyo IMF ee HIPS (Heavily Indebted Poor Country ) – Dal Sabool ah oo Deyn Culus ay Saaran tahay.

Hase yeeshee barnaamijka HIPC ayaa u baahan in dhammaan dalalka daymaha bixiya, oo Mareykanka uu ku jiro, ay deyn cafinta Soomaaliya wada ansixiyaan mar qura, haddii aysan sidaa dhicinna ma shaqeynayo.

“Haddii dowladda Mareykanka aysan wax ku tabarucin, heshiiska oo dhan ayaa burburaya,” waxaa sidaas yiri kaaliya ka tirsan Aqalka Senate-ka oo arrintan la socda.

Ayada oo xaqiijinta in deynta laga cafiyo Soomaaliya ay muddo ahmiyad siyaasadeed oo weyn u ahayd Mareykanka, ayaa qorshahaas waxaa hadda burburin kara khalad ka dhacay wasaaradda arrimaha dibedda iyo tan maaliyadda Mareykanka, sababta oo ah kuma aysan wargelin sharci-dejiyayaasha, si deyn cafinta loogu daro miisaaniyadda 2020 ee uu dhowaan diyaariyey congress-ka, waxaa sidaas u sheegay wargeyska Foreign Policy, lix sarkaal oo isugu jira kuwa hadda xilal haya iyo kuwa hore.

Saraakiisha qaar ayaa rumaysan in arrintan ay ka hoos baxday wasaaradda arrimaha dibedda oo ku mashquulsaneyd inay kala hormariso ahmiyadaheeda miisaaniyadda.

“Illaa iyo hadda waan rumeysan la’ahay in Soomaaliya oo qarash iyo waqti badan naga galay, ay dadaalladeenii ku burburaan khalad sidan u yar,” ayuu yiri sarkaal.

Wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka waa ay diiday inay jawaab ka bixiso arrintan, sidoo kalena wasaaradda maaliyadda kama aysan soo jawaabin codsi loo diray.

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa si hoose uga fakaraya inuu is-caislo, haddii dowladda Mareykanka aysan xal u helin arrintan, sida ay sheegeen saraakiil xog-ogaal ah.

Ayada oo la marayo farsamooyin jahwareer badan, ayaa Mareykanka waxa uu tirtir karaa deynta uu ku leeyahay Soomaaliya oo gaaraysa hal bilyan oo dollar. Xeeladdan ayaa ah in wasaaradda arrimaha dibedda ay wasaaradda maaliyadda siiso 35 milyan oo dollar, ayada oo ka wakiil ah Soomaaliya, taasi oo deynta oo dhan meesha ka saaraysa.

Hase yeeshee arrintan ayaa u baahan in congress-ka uu ku daro miisaaniyadda dowladda – Balse cid ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda iyo wasaaradda maaliyadda lama xiriirin sharci-dejiyayaasha, si ay ugu war-geliyaan in 35-ka milyan lagu daro miisaaniyadda 2020, ka hor inta aan la diyaarin, sida ay sheegeen kaaliyayaal ka tirsan congress-ka.

Saraakiisha iyo kaaliyayaasha ayaa hadda isku dayaya inay xal kale helaan, hase yeeshee ilaa iyo hadda cid ka tirsan maamulka Trump kuma war-gelin in deyn cafinta Soomaaliya ay tahay ahmiyad weyn, sababtoo ah ahmiyado kale oo muhiim u ah ayaa suurta gal in miisaaniyad loo waayo, iskaba daa Afrika’e.

“Tani waxay ahayd culeys ka fudud dhibaatooyinka kale ee ka jira Afrika, hase yeeshee maamulka kuma bixin dareen wanaagsan si loogu war-geliyo congress-ka,” waxaa sidaas yiri kaaliya ka tirsan congress-ka.

Ayada oo qof kasta uu u muuqo inuu taageersan yahay deyn cafinta Soomaaliya – Ha noqoto wasaaradda arrimaha dibedda, wasaaradda maaliyadda, iyo congress-ka – Haddana ma muuqato in ficil la qaadayo si dib loogu furo miisaaniyadda, looguna daro deyn-cafinta.

Sidoo kale, wasaaradda arrimaha dibedda ma aysan muujin inay 35-ka milyan kasoo goyn doonto meelo kale, una weecin doonto dhanka Soomaaliya, sida ay sheegeen saraakiisha.

Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale riixi karta deyn cafinta Soomaaliya, ayada oo la diyaarinayo sharci gooni ah, hase yeeshee taas waa wax aad u adag marka loo eego in lacagta lagu daro miisaaniyadda guud ee dowladda, sababtoo ah maamulka Trump oo ay horey uga go’neyd in la yareeyo gargaarka la siiyo dalalka dibedda.

Dalal dhowr ah ayaa horey u ballan-qaaday inay deynta ka cafinayaan Soomaaliya. Horaantii sanadkan kadib markii ay ku qal-qaalisay wasaaradda maaliyadad Mareykanka, Midowga Yurub, UK iyo Qatar ayaa ogolaaday inay bixiyaan $150 milyan oo ka mid ah $330-ka milyan ee IMF ay ku leedahay Soomaaliya. Sidoo kale, Norway ayaa ogalaatay inay Soomaaliya ka bixiso $360-ka milyan ee uu ku leeyahay Bankiga Adduunka.

Si kastaba, dhammaan dadaalladaas ayaa burburi doona, haddii Mareykanka aanu xal u helin khaldkii ka dhacay, sababtoo ah barnaamijka HIPC ayaa u baahan in dhammaan dalalka daymaha bixiya, oo Mareykanka uu ku jiro, ay deyn cafinta Soomaaliya wada ansixiyaan mar qura, haddii aysan sidaa dhicinna ma shaqeynayo.

https://www.youtube.com/watch?v=VmgxOwBWbh4

WARARKA MAANTA 10ka Diseembar 2019 Sir Culus! 

Su’aallaha Maanta: Yaa diinta Islaamka u gaf kugu yiri? Meeqo qeybood ayeey isku haystaan culimadda Soomaaliyeed? Yaa dhaca canshuuraha #Muqdisho? Yaa #Soomaaliya Madaxweyne ka noqon doona fashilka Madaxweyne Farmaajo “Been-Hawaas” kadib? Goor ma ayaa shaqada laga eryayaa/cayrinayaa Rasal Wasaare Mudane Kheyre? Yaa waddanka #Soomaaliya ka dhigay waddanka adduunka ugu musuqmaasuqa badan Madaxweyne Farmaajo “Been-Hawaas” mise Raysal Wasaare Kheye “Bakhti-Raam-Sade”? Madaxweyne aan qoyskiisa heshiisiin karin ayaa #Muqdisho iyo Ummadda Soomaaliyeed ku lugoynaaya ayadoo xitaa hadda uu keenay inuu inuu culimadii iska-horkeeno? Maxayse laba aqal u diidan yihiin inay si sharciga waafaqsan ula xisaamtamaan xukuummadda fashilantay ee Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raam-Sade”? Yaa ciidamo #thiopia dalbaday in lagu weeraro Jubbaland State? Ha wiqleyso!

Muqdisho 10ka Diseembar 2019 Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa ugu baaqay dhalinyarada Soomaaliya inay sii amba-qaadaan horumarka la gaaray ilaa iyo hadda ee lagu dhowrayo xuquuqul insaanka oo  bulshadooda u ah asaas muhiim ah.“Kor-u-qaadista iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha waa arrin muhiim u ah geeddiga uu dalku ugu jiro gaarista nabad iyo xasillooni. Soomaaliya horumar ayey ka sameysay dhankaas. Iyadoo dhalinyaradu ay yihiin dadka ugu tirada badan dalka, waxaa mas’uuliyad ka saarantahay inay xaqiijiyaan in bulshada Soomaaliyeed ay ku socoto tubtaas,“ ayuu yiri Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee QM u Qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

“Waxaan ku dhiiri-gelinayaa dhalinyarada inay u doodaan xuquuqdooda iyo xuquuqda dadka kale. Waxaan rajaynaynaa in — iyagoo kaashanaya dadka Soomaaliyeed ee leh da’ kasta iyo qaab nololeed kasta – ay dhisi karaan mustaqbal wanaagsan, “ ayuu raaciyay.

Sida ay sheegeyso qiyaasta, dadka da’doodu ka yartahay 30 sano ayaa u dhigma saddex meelood laba meel kabadan ee dadka Soomaaliyeed – taas oo Soomaaliya ka dhigeysa mid kamid ah deegaanada ugu dhalinyarada badan aduunka.

Dunida oo dhan ayaa maanta looga dabaal-degayaa maalinta Xuquuqul Insaanka, waxaana xuskeeda uu bilowday sanadkii 1948, kadib markii golaha loo Dhanyahay ee Qaramada Midoobay uu ansixiyay Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka.

Hal-kudhigga dabaal-degga sanadkan ayaa ah ‘Dhalinyaro u Taagan Difaaca Xuquuqul Insaanka.’ Waxaa ujeeddadu tahay in lagu iftiimiyo awooda ay dhalinyaradu u leeyihiin inay noqdaan qakiilo wax dhisa oo is-bedel keena, [waxaa kale oo loola jeedaa] in lagu xoojiyo codadkooda.

Qaramada Midoobay ayaa dhiiri-gelisay tallaabooyinka ay qaaday Dowladda Federaalka ah sanadkan ee ay ku kordhinayso difaaca xuquuqul insaanka ayna ku ilaalinayso waajibaadka caalamiga ah ee saaran.

 

Tilaabooyinkaas waxaa ka mid ah dib-ula-hawlgellida ay Dowladdu dib ula hawl-gashay hay’adaha iyo hababka caalamiga ah ee xuquuqul insaanka sida Golaha Xuquuqul Insaanka, ansixinta Heshiiska Xuquuqda Dadka Baahiyaha Gaarka ah qaba, iyo meel marintii Axdiga Haweenka ee Soomaaliya.

Maamulka Dowladda Puntland 10ka Diseembar 2019 Madaxtooyada Puntland ayaa markale si kulul uga hadashay colaad beeleedyada dib uga soo cusboonaaday bariga gobolka Mudug.

War qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada ayaa lagu sheegay inay Puntland aad uga xun tahay dagaallada ka socda deegaanka Towfiiq ee gobolkaasi.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in Puntland ay cidkasta uga digeyso ka qeyb qaadashada hurinta colaadaasi.

Ugu dambeyn warsaxaafadeedkaan ayaa loogu baaqay dhinacyada dagaalamaya inay xabadda joojiyaan wax welibana ay ku dhameeyaan wadahadal iyo deganaan.

Shalay ayey aheyd markii wasiirka arrimaha gudaha maamulkaasi, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad uu dagaalkaasi ku eedeeyey inay soo qaaday Galmudug.

Dhabancad ayaa tilmaamay in mas’uuliyiinta Galmuudug ay hurinayaan xiisada, islamarkaana ay gaadiid dagaal u soo direen halkaasi, sida uu hadalka u dhigay.

Dagaal beeleedka ka socda deegaanada Towfiiq iyo Afbarwaaqo ayaa waxa ay u dhexeeyaan labo maleeshiyo oo ka soo kala jeeda maamullada Galmudug iyo Puntland.

Xiisada ayaa weli ka taagan bariga gobolka Mudug, waxaana isa soo taraya baaqyada nabadeed ee loo dirayo maleeshiyaadka labada dhinac ee ku dagaalamaya halkaasi.

Africom 10ka Diseembar 2019 Sida lagu baahiyey warbaahinta dowladda ciidamada Mareykanka iyo kuwa xoogga dalka ee Danab ayaa maanta duqeyn ka fuliyey  gobolka Jubbada Dhexe ee koonfurta Soomaaliya.

Bartilmaameedka duqeyntaas ayaa la sheegay inay aheyd sarkaal sare oo ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-Shabaab, kaas oo marayey xilliga la duqeeyey duleedka degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe.

Duqeynta oo dhacday galinkii danbe ee maanta ayaa la sheegay in lagu dilay sarkaalkaas Shabaab-ka ah, wallow warka ka soo baxay dowladda aan lagu shaacin magaca sarkaalkaas ay diyaaraduhu bartilmaameedsadeen.

Ciidamada dowladda Maraykanka ee Africom iyo kuwa ay tababareen ee Danab ayaa inta badan Al-Shabaab ku qaada weerarro u badan duqayn diyaaradeed.

Africom ayaa kor dhisay sanadkan duqeymaha ka dhanka ah dagaalamayaasha Al-Shabaab iyo Daacish oo ka howlgala qeybo badan oo ka mid ah gobolada dalka, waxayna sanadkan gudihiisa diyaaradaha Mareykanku Soomaaliya ka fuliyeen 59 duqeyn oo ka dhan ah Ururada ka soo hor jeeda dowladda ee ka dagaalama dalka.

Muqdisho 10ka Diseembar 2019 Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa olole ka dhex billaabay xildhibaanada baarlamanka, isaga oo isku dayaya inuu ka hortago in la ansixiyo sharciga doorashooyinka dalka oo horyaalla baarlamanka.

Xildhibaano dhowr ah oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in madaxweynaha uu doonayo in la ansixiyo sharcigii ay golaha wasiirada ansixiyeen bishii May, kaasi oo ogolaanaya in madaxweynaha waqtiga loo kordhin karo, haddii doorasho la qaban waayo. Sharcigaas ayaa waxaa wax ka beddel ku sameeyey guddi hoosaad uu baarlamanka u xil saaray.

Waxay sidoo kale sheegeen inay aad ula yaabaan nooca doorashada ee madaxweynuhu doonayo oo ah doorasho qof-iyo-cod ah laakin si kale loo dhigay.

Doorashadan ayaa ah mid aan ka dhaceyn dalka oo dhan balse lagu qabanayo Muqdisho kaliya. Sidoo kale kama qeyb-galayaan shacabka oo dhan balse waxaa codeynaya kaliya ergo ka mid ah shacabka oo meel la isugu keenayo.

Ergada la isugu keenayo Muqdisho ayaa wakiil ka noqonaya shacabka oo dhan, waxaana tuhun laga qabaa in intooda badan laga soo xulo taageerayaasha madaxweynaha, taasi oo dib u doorasho fudud siin karta madaxweynaha.

“Waxaan illaa iyo hadda la yaabanahay oo maskaxdayda qaadan la’ sida madaxweynaha ugu fakaray arrintan oo kale, xitaa caqliga saliimka ah ayaa diidadaya dhowr boqol oo qof ama kun ayaa shacabka dhan matalaya” waxaa sidaas yiri xildhibaan ka tirsan baarlamanka iyo xisbiga UPD oo la hadlay Caasimada Online.

Madaxweynaha ayaa sida aan xogta ku helnay waxa uu dhowaanaha kulamo la qaadanayey qaar ka mid ah xildhibaanada, isaga oo ka dhaadhicinaya inay sharciga horyaalla baarlamanka ansixin.

Guddoomiye Mursal ayaa u sheegay Farmaajo in qodobka 89-aad ee dastuurku qorayo in madaxweynaha ay doortaan baarlamanka, islamarkaana talooyinkii ay soo aruuriyeen ee mucaaradka iyo maamul gobaleedyada ay diideen in lagu jebiyo dastuurka suurta galna aheyn qorshaha madaxweynaha, oo aan dastuuri ahayn, islamarkaana aysan jirin cid kale oo ku raacsan.

Sidoo kale Kheyre ayaa taageeray guddoomiyaha Golaha Shacabka, isagoo madaxweynaha u sheegay in aduunyada iyo Soomaalida intuba ka aqbali karin doorasho qof iyo cod ah markii loo eego xaaladda Soomaaliya, sidaasna uusan dastuurka dhigeyn.

Muqdisho 10ka Diseembar 2019 Boqolaal ka mid ah ciidamada militeriga Soomaaliya oo aan wali qaadan mushaarkii ay ku lahaayeen dowladda Soomaaliya ayaa ku hanjabay in ay ka soo bixi doonaan difaacyada hore ee dagaalka.

Ciidankaan oo xoogooda ku sugan gobalka Shabeelada Hoose ayaa sheegay in wali aysan helin mushaarkii ay ku shaqeynayeen ee bishan December, halka qaarkoodna ay dhowr bil ka maqan tahay.

Mushaharka ayaa inta badan la bixin jiray 28-ka bisha dhammaadka ah ee ka horeysay bisha ay tahay in kowdeeda la qaato mushaharka, hase yeeshee bishan December oo mareysa 7 ayaan weli qaar badan oo shaqaalaha ka mid ah iyo ciidamada la siin mushaharkooda.

“Waxaan ku suganahay furinta dagaalka ee degmada Awdheegle habeen kasta waxaan marti geliyaa weerarka Al-Shabaab walina ma helin xaquuqdeyda” ayuu yiri Askari ka tirsan Milateriga Soomaaliya oo lasoo xiriiray Warbaahinta.

Muqdisho 10ka Diseembar 2019Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u muuqda inuu ku guul darreystay dhammaan qorsheyaashii uu ugu talo-galay in uu ku dejiyo qorshe doorasho oo u suurta galinaya inuu kaga guuleysto musharaxiinta kale ee tartanka doorashada madaxtinimada la-galaya 2021-ka.

Fashilinta qorshaha ayaa loo aanaynayaa xogta kasoo dusta xafiiska madaxweynaha iyo la-taliyeyaasha aadka ugu dhow, islamarkaana la wadaaga saxaafadda si ay u baahiyaan, kadibna usii gudbta mucaaradka.

Madaxweynaha ayaa ku baraarugay dabinka uu ku socday kadib markii ay u suurta gali waysay in uu hor istaago sharciga doorashada ee baarlamaanka federaalka ka doodayo, kaasi oo u muuqda in la ansixin doono.

Xildhibaanada ugu saameynta badan baarlamanka ayaa xiriir fiican la leh Ra’iisul wasaare Kheyre, halka Madaxweyne Farmaajo uu albaabada ka xirtay xildhibaanada badankooda, waxaana hadda soo baxday in xildhibaano badan oo Farmaajo rumeysnaa inay daacad u yihiin dowladda ay noqdeen kuwa daacad u ah Kheyre kaliya. Arirntan ayaa soo shaac baxday markii xildhibaano badan oo Farmaajo rumeysnaa inay ku aragti yihiin ay dooddii baarlamanka ku taageereen sharciga doorashooyinka ee isugu uu diidan yahay, ayaga oo ku aragti noqday Kheyre. Kheyre wuxuu rumeysan yahay in doorasho qof iyo cod ah aysan dhici karin, si ka duwan Farmaajo.

Siyaasiyiinta ku bahoobay talada iyo xilalka ayaa caado u ah in ay kala tagaan ama ay isku khilaafaan qorshaha kusoo noqoshada talada dalka, balse waxaa muuqata in xildhibaanada muxaafadka ay ku qanceen fursadaha soo laabashada uu Farmaajo kaga dhaw yahay Ra’iisul wasaare Kheyre.

Waxaan la qiyaasi karin heerka dhaawaca siyaasadda soo gaaray Madaxweyne Farmaajo balse waa markii ugu horreysay ee uu waayay taageerada xildhibaanada ku qoran liiska Kheyre ag yaalla, waxaana iska cad in awoodda dowladda siyaasadda ay fariisatay xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

Dib usoo celinta saameynta siyaasadda madaxweynaha ayaa u baahan istaraatiijiyad ka qota dheer tan lagu hurdisiiyay 3-dii sano ee lasoo dhaafay, waxaana taas usii dheer in beesha caalamka ay ku caadinayso Madaxweynaha iyo baarlamaankaba in ay ansixiyaan sharciga doorashooyinka, sidoo kalena ay jiraan caqabadaha kaga imaanaya maamul goboleedyada ay ku curyaaminayaan qorshihiisa gaarka ah.

Mustaqbalka siyaasadda Madaxweyne Farmaajo ayaa galay mugdi iyo jahawareer, waxaana hadda uu madaxweynahu ku qasbanaaday in uu helo waqti ku filan oo uu kaga kabsado madadaaladii uu ku jiray, isla markaana dib u unkado howlwadeeno uu ku kalsoon yahay oo fulin kara qorshahiisa soo noqoshada.

Muddada ku habboon dib u yagleelidda koox u carbisan halganka siyaasadda adag ee wejiya badanka ah ayaa ka badan waqtiga ka harsan qabashada tartanka doorashada ee 2020/20121-ka. Halista ugu weyn ayaa kaga imaanaysa diyaarinta istaraatiijiyad cusub iyo taageereyaal dhab ah ee lagu jaangooyo waqtiga yar ee ka harsan muddo xilleedka madaxweynaha. Wuxuu u baahan yahay inuu hadda iyo kow helo xildhibaano daacad ah oo isaga un ku xiran, ayada oo ay caddahay in madaxweynaha xiga ay soo dooran doonaan xildhibaano. Xildhibaanada hadda jooga ayey u badan tahay inay soo laabtaan ugu yaraan 70%.

Si uu waqti dheeri ah u helo, oo uu isugu diyaariyo dib ugu soo noqoshada talada dalka isla markaana uu ku kala barto xildhibaanada u dhaga nugul aragtidiisa iyo kuwa muxaafadka iska dhigaya ee ah mucaaradka qarsoon ah, madaxweyne Farmaajo ayaa ku qasban in uu hor istaago ansixinta sharciga doorashada.

Codka loo qaadayo ansixinta sharciga doorashada wuxuu ka ogaanaya heerka taageerada uu ku dhexleeyahay golaha shacabka.  Ogaanshiyaha awoodda siyaasadda Madxwenaha heli karo ayaa aasaas u ah qorshe walba oo uu ugu talogalay in kaga qaybgalo loolanka hoggaanka dalka sanadda 2021. Madaxweynaha ayay u muuqataa halis isla eg oo kaga soo wajahan mucaaradka muuqda iyo mucaaradka qarsoon.

Natiijada codka xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka ay u qaadayaan ansixinta sharciga doorashada ayaa noqonaysa labadan arrin midkood.

1 – Haddii sida uu doonayo wax u dhacaan oo sharciga la diido, inkasta oo aysan muuqan, codka diidmada ah waxay u noqonaysa madaxweynaha fursad hor leh, iyo in uu eedda ka timaada diidmada dusha kaga tuuro baarlamaanka, waqtigana korarsado.

2 –  Codka ansixinta oo ay u badan tahay inuu dhaco, waxay caddeyn u noqonaysa tabaryarida Madaxweynaha ee awooddiisa siyaasadda xilligan iyo rajo-beelka jiritaankiisa mustaqbalka siyaasadda ee dib ugu soo laabashada xilka madaxweynenimada. Farmaajo mar walba wuu rumeysnaa in haddii xildhibaano ay codeeyaan uusan dib usoo laabaneyn, balse in sharciga uu kasoo horjeedo la ansixiyo waxay u caddeyn doontaa tuhunkiisa. Balse sidoo kale waxay abuuri kartaa dhibaato hor leh iyo inuu aqaado tallaabooyin uu ku hor-istaagayo in doorasho la qabto, taasi oo dalka gelin doonta qal-qal siyaasadeed.

WARARKA MAANTA 9ka Diseembar 2019 Sir Culus! 

Su’aallaha Maanta: Yaa argagixiso ah? Yaa maalgeliya argagixsadda Soomaaliya? Yaa dhaca canshuuraha #Muqdisho? Yaa #Soomaaliya Madaxweyne ka noqon doona fashilka Madaxweyne Farmaajo “Been-Hawaas” kadib? Goor ma ayaa shaqada laga eryayaa/cayrinayaa Rasal Wasaare Mudane Kheyre? Yaa waddanka #Soomaaliya ka dhigay waddanka adduunka ugu musuqmaasuqa badan Madaxweyne Farmaajo “Been-Hawaas” mise Raysal Wasaare Kheye “Bakhti-Raam-Sade”? Madaxweyne aan qoyskiisa heshiisiin karin ayaa #Muqdisho iyo Ummadda Soomaaliyeed ku lugoynaaya ayadoo xitaa hadda uu keenay inuu inuu culimadii iska-horkeeno? 

Maxayse laba aqal u diidan yihiin inay si sharciga waafaqsan ula xisaamtamaan xukuummadda fashilantay ee Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raam-Sade”? Yaa ciidamo #thiopia dalbaday in lagu weeraro Jubbaland State? Ha wiqleyso!

https://www.youtube.com/watch?v=nuKaxa7Ry-w

Muqdisho 9ka Diseembar 2019Kulan u dhexeeya midawga Yurub iyo dowladda federaalka Soomaaliya oo looga hadlay ajandayaal muhiim ah ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho. Shirka ayaa looga hadlay kobcinta dhaqaalaha, xaqiijinta guulaha laga gaaray deyn cafinta iyo maal gelinta dib-u-habeynta amniga, si guul looga gaaro qorshaha dib-u-habeynta amniga, ciidamada qarankuna ay awood ugu yeeshaan la wareegidda amniga dalka.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wasiirrada Maaliyadda, Dastuurka iyo haweenka ayaa ka qayb galay shirka, dhanka midawga Yurub, wafuudda ka qayb galeysay oo safiirro ay qayb ka ahaayeen ayaa waxaa hoggaaminayay safiirka midawga Yurub ee Soomaaliya, Nicolas Berlanga.

Kulanka oo qayb ka ahaa shirarka joogtada ah ee looga hadlo horumarinta wadashaqeynta ka dhexeysa dowladda federaalka Soomaaliya iyo Midawga Yurub ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay dimuquraadiyadda, federaaleynta, doorashooyinka, xuquuqda Aadanaha iyo dowrka haweenka ee ka qayb galka siyaasadda.

Muqdisho 9ka Diseembar 2019 Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhintay 2 kalena waa ay ku dhaawacmeen, kadib markii xalay weerar qorsheysan uu ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Weerarka oo ahaa mid gaadmo ah ayaa waxaa lagu qaaday gaari ay la socdeen askar ka tirsan kuwa daraawiishta maamulkaasi, xilli ay marayeen bartamaha magaalaadaasi.

Rag hubeysan oo aan weli la garan heybtooda ayaa la sheegay in weerarka ay fuliyeen, kuwaas oo goobta isaga baxsaday falka kadib, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo Puntland ay ka soo saartay weerarkaasi ka dhacay Boosaaso oo aysan jirin cid sheegatay masuuliyaddiisa

Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana howlgallo lagu baadi goobayo kooxihii ka dambeeyey falkaasi ciidamada amnigu haatan ka wadaan halkaasi.

Boosaaso oo ka mid ah magaalooyinka waa weyn ee hoostaga Puntland ayaa waxaa mararka qaar weeraro xoogan iyo dilal qorsheysan ka fulisa kooxda Al-Shabaab.

Muddooyinkii dambe ayaase amnigu waxa uu ahaa mid degan, marka laga tago xiisado u dhexeeya waxgaradka deegaanka iyo xukuumadda Siciid Deni oo ka taagan halkaasi.

Muqdisho 9ka Diseembar 2019 Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka hadlay kulankii shalay su’aala weydiinta ahaa ee fadhiga golaha shacabka ay ku hor tageen wasiirrada amniga iyo duulista hawada ayaa warbaahinta Qaranka ku eedeeyey inaysan sidii wax u jireen u soo tabin, maadaama iyaga oo kaliya warbaahinta looga ogolaa kulanka.

Fiqi oo u waramayey Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay faaf reeb lagu sameeyey su’aalihii ku wajahnaa wasiirrada iyo sidoo kale jawaabihii ay bixinayeen, isagoo xusay in xildhibaanadii muxaafidka ahaa oo kaliya  su’aalahoodii la baahiyey intii kalena la iska reebay, waxuuna ku goodiyey inay taas kula xisaabtami doonaan.

“Kulan adag oo taariikhi ah ayuu ahaa oo sidaa ogtihiinba loogu yeeray wasiirada amniga iyo duulista hawada oo lagu weydiinayey su’aalo tira badan oo shacabku ay qabaan oo howlahooda la xariira.

“Waxaa la weydiiyey xubnahaas su’aallo badan oo shacabka Soomaaliyeed ka dhex guuxayey, gaar ahaa cuna qabateyntii Kismaayo, madaxweynayaashii safaradooda laga celiyey iyo howlaha amniga oo dhan, sida dilka guddomiyihii gobolka iyo kii gabadhii Almaas Elman ayaa la weydiinayey, waxaana ayaan darro ah in warbaahintii qaranka oo ku shaqeynaysa canshuurtii shacabka aysan maanta baahin kulankaas muhiimka ah” ayuu yiri Xildhibaan Fiqi.

Xildhibaanka oo sii hadlayey ayaa yiri, “Dhacadadii maanta oo dhamaan ay dadku dameynayeen in warbaahintii dowladda ay soo baahi weyso nuxurka dhacdadii ka dhacday hey’addii ugu weyneed dowladda, waxay tirmaan muuqata u tahay sida dalkan uu gacanta ugu galay kaligii talis”.

Xildhibaan Fiqi ayaa sheegay in weriyaha uusan waajib ka saareyn inuu faaf reeb ku sameeyo hadalka xildhibaanka, maadaama hadii dhib ka yimaado uusan shaqo ku laheyn weriyuhu ee qofkii yiri uu ka jawaabayo khalad ka dhaco, isagoo sheegay in warbaahinta madaxa banaanba aysan kala reebin hadalada masuuliyiinta wax dhiba oo uga yimaadana aysan jirin.

Ugu danbeyntii Fiqi ayaa sheegay in isaga iyo xildhibaano kale ay dacwad ka gudbi doonaan warbaahinta dowladda, sidoo kalena ay baarlamaanka hor geynayaan maadaama ay ku shaqeeyaan canshuurta shacabka laga qaado.

“Aniga iyo xildhibaano kale waxaan dareen weyn ka qabnaa arintaas waxaana gudbi doonaa dacwad ka dhan ah warbaahinta dowladda, sababta aan u dacweynayno oo golahana aan u hor geynayno waxay tahay  canshuurta shacabka ayey ku shaqeysaa inay ugu adeegto ayeyna aheyd, laakiin madaxda kaliya inay u adeegaan oo wararka u fiican kaliya tabiyaan ka yeeli mayno waana la xisaabtami doonaa” ayuu yiri Xildhibaan Fiqi.

Muqdisho 9ka Diseembar 2019 Diyaaradaha shirkadaha Soomaaliya oo qaarkood ay u adeegayeen umadda Soomaaliyeed 30 sano muddo ku dhow tan iyo burburkii dowladdii dhexe 1991-dii, ayaa haatan qarka u saaran in ay hawada ka baxaan, sababtuna ay tahay xukuumadda Soomaaliya, gaar ahaan wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka oo halkay ka ilaalin lahayd xuquuqda shirkadaha Soomaalida u fasaxday shirkado ajnabi ah in ay dalka Soomaaliya dhammaantiis ay meeshay doonaan ka shaqaystaan.

Tusaale ahaan, diyaaradda Ethiopian Airlines ayaa wasaaradda Gaadiidku u ogolaatay in ay sameyso shan duulimaad maalintii,  iyadoo aysan jirin wax diyaarad oo soomaalidu leedahay oo loo fasaxay in ay ka shaqaystaan deegaan ka mida dalka itoobiya.

Ma jiro sharci u ogolaanayaa diyaaradda Itoobiya in duulimaad sidaan oo kale ah ay ku samayso Soomaaliya. Waxaa jira oo kaliya heshiis dhexmaray Dowladdii Soomaaliya iyo Itoobiya 1988 oo dhigayaa labada dal diyaaradahoodu is dhaafsadaan duulimaadyo isu dhigma. Heshiis aan caddayn oo suuq madow ah ayaa arrintaan salka ku haysaa.

Dhibaatada kale ee haysata shirkadaha diyaaradaha Soomaaliya ayaa waxay tahay, in hay’adda caalamiga ah ee arrimaha duulimaadyada qaabilsan ICAO-IATA (ICH ) laga yaabo in ay galiso  diyaaradaha Soomaaliya liis looga mamnuucayo duulimaadyada, kaddib markii ay sheegtay in ayna bixin lacagihii IATA ay khidmad ahaan ugu lahayd ee duulimaadyada hawada, iyadoo diyaaraduhuna ay caddeeeyeen in ay bixiyeen lacagahaas oo ay ka qaadday shirkadda maamusha garoonka diyaaradaha ee Mogadishu Favori.

Shirkadda Favori ee laga leeyahay dalka Turkiga, waxay iyaduna dhankeeda xaqiijisay in Wasaaradda Gaadiidka cirka iyo dhulka ay u xilsaartay in ay ka uruuriyaan diyaaradaha lacagihii khidmadda duulista hawada.

Haatan dhibka ugu weyn ee taagan ayaa ah, in IATA iyo FAVORI ay leedahay mid walba Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka ayaa noo fasaxday in aan qaadno lacagaha duulimaadyada.

Waxaa IATA haatan ka dooneysaa oo ay ku soo dallacday shirkadaha Soomaalida lacag kor u dhaafeysa 20 milyan oo Dollar, uruurtayna muddo lix sano ah.

Arrimaha kale ee xusidda mudan ayaa waxaa ka mid ah in Garoonka diyaaradaha Mugadishu uu aad u dayacanyahay, shirkadda FAVORI oo maamushana aysan in muddo ah ka qaban shaqo micno leh.

Tusaale ahaan, markii la furay Terminalka cusub 2013-ka, duulimaadyada diyaaradaha isticmaalayey waxay gaarayeen 3000 oo duulimaad sanadkii, haatan waxay duulimaadyada garoonku gaarayaan 30000 kun oo duulimaad sanadkii. Waxaa dhacda in diyaaradaha degaya iyo kuwa duulaya ay in ka badan 40 daqiiqo sugaan. Waddada ay ku duulaan diyaaraduhuna madayactirna. Wuxuu garoonka Mugadishu halis ugu jiraa in daad badda ka yimid qaado amaba shilal diyaaradeed ka dhacaan haddii aan si deg deg ah wax looga qaban.

Runtii, majirto cid laxisaabtanta shirkadda maareysa Garoonka ee FAVORI. Waxaa lagaarey xilligii lala xisaabtami lahaa FAVORI iyo Wasiirka Wasaarada oo ku tuntay xuquuqdii muwaadiniinta uu wasiirka u yahay iyo qeynuunka duulista hawada Somalia iyo caalamka.

Wax yaabaha lala yaabo ee garoonka Mugadishu ka dhaca ayaa waxaa kamida, in bartii ay dadka safarka ah gaadiidka ka raaci lahaayeen ama ay uga degi lahaayeen markay dhoofayaan laga dhigay Parkin baabuur oo gaar loo leeyahay, oo ay lacag ka gurtaan dad la siiyey. Shirkado ajnabi iyo kuwa Soomaali ah oo aan wax la taaban karo oo  shaqo ah ka haynin garoonka ayaa iska maamusha.

Guddiga Adeegga Diyaaradaha Soomaaliya ayaa si deg deg ah ku taliyey in wax looga qabto dhibaatooyinka iyo khataraha soo food saaray shirkadaha diyaaradaha Soomaaliya iyo garoonka diyaaradaha Muqdishu.

Waa laga maarmaan ah,  in la soo bandhigo heshiisyada qarsoon ee wasiirku la galay shirkadaha ajnabiga ah ee loo fasaxay in ay Soomaaliya uga shaqaystaan siday doonaan.

Waxaa sidoo kale lagama maarmaan ah in lacaddeeyo xuquuqda shirkadaha duulimaadyada Soomaaliya oo ah canshuur bixiyeyaal ay ka shaqeystaan kumannaan Soomaali ah.

Maraykanka 9ka Diseembar 2019 Wargayska The National Interest ee kasoo baxa dalka Mareykanka ayaa daabacay maqaal dheer uu kaga waramayo sida siyaasadda arimaha dibadda Mareykanka ugu guul dareesatay ladagaalanka kooxda Al-Shabaab oo kamid kooxaha ugu xooggan ee ka dagaalama Qaaradda Afrika.

Wargayska ayaa soo qaatay muuqaal uu iska soo duubay Bishii November hogaamiyaha kooxda oo warar hore ay sheegayeen in uu dhintay balse muuqaalkiisa ka tarjumayay awooda kooxda iyo wali sida ay baaqi usii tahay.

Kadib muuqaalkaas Al-Shabaab ayaa qaaday weeraro dhawr ah oo qaarkood ka dhacay qaybo kamid ah dhulka Somalliland oo aanan horay looga baranin Al-Shabaab in ay weeraro ka gaystaan.

Siyaasiyiinta qaar uu wargeysku wareesatay ayaa leh Al-Shabaab waxa ay si daah furan canshuur kaga qaadaan ganacsatada, kaliyana maahan in ay canshuuraan ganacasatada leh xarumaha sida gaarka ah looleeyahay ee xitaa waxa ay canshuuraan xubno ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Dhibaatada sii baaheysa kali ah maahan musuq maasuq ee waa in aysan jirin siyaasad wax hagta ayuu yiri Donald Yamamoto, oo ah safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya.

Maqaalka wargeyska ayaa aad u dhaliilay istaatiijiyadda ay saafaradda Mareykanka ee Soomaaliya ku wajahdo dagaalka Al-Shabaab oo sii baahaya.

Qubarada maqaalkan qoray ayaa sidoo kale sheegaya in Dowladda Faderaalka ah ee uu hogaamiyo madaxwayne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ay xooga saartay la dagaalanka mucaaradka halka ay awoodeeda iskugu geyn laheed ladagaalanka Al-Shabaab.

Markii uu ugu horeysay tan iyo burburkii dowladda Mareykanka ayaa dib uga furatay safaaradeeda Soomaaliya waxa ayna ahayd in ay xooga saarto ladagaalanka al-Shabaab balse siyaasada arimaha Mareykanka oo aad u liidato ayaa keentay in ay sii kordhaan weerarada al-Shabaab ayaa lagu yiri maqaalka wargayska oo aad u dheeraa.

Maamulka Dowladda Galmudug 9ka Diseembar 2019Wararka laga helao magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in markale uu dib u dhac ku yimid soo xulista xildhibaanada baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedka Galmudug.

Qorshaha ayaa ahaa in 9-ka bishaan oo maanta ku beegan la shaaciyo liiska xubnaha cusub ee baarlamaanka maamulkaasi.

Arrintaan ayaa dib u sii dhigeysa doorashada oo horay guddiga farsamadu uu soo saaray jadwalkeeda, waxaana la filayey in maanta la shaaciyo baarlamaanka, berina ay u guda galaan howlaha shaqo ee loo igmaday.

Wararka ayaa sheegaya in qaar ka mid ah xubnaha guddiga farsamada looga yeeray magaalada Muqdisho, islamarkaana la hakiyey howlaha doorashada maamulkaasi.

Lama oga sababta ka dambeysa arrintaan, balse waxaa weli jira is faham waa u dhexeeya dowladda federaalka iyo hoggaanka sare ee Ahlu Sunna Waljamaaca.

Xaaladda ayaa u muuqata mid sii cakirmeysa marba marka ka dambeyso, iyadoo ay soo baxayaan daloolo cusub oo sii adkeynaya dhismaha loogu jiro Galmudug oo mid ah.

Sida uu shaaciyey guddiga farsamada guddoonka baarlamaanka Galmudug ayaa waxaa la dooran doonaa 13-illaa 16-ka bishaan December, halka Madaxweynaha cusub iyo ku xigeenkiisa la dooran doono 17-la bishaan ee 2019-ka, balse waxa ay u muuqataa in uusan dhaqan geli karo jadwalkaasi marka la fiiriyo, sida ay hadda wax u socdaan.

Galmudug waxa ay tan aas aas-keedii wajaheysaa khilaafaad lugaha qabtay maamulkaasi, kaas oo cuuryaamiyey horumarka gobollada Galgaduud iyo Mudug.

Khilafaadkaas ayaa sidoo kale sababay in Galmudug ay noqoto maamul liita, marka loo eego maamullada kale ee ka jira dalka.

Maamulka Dowladda Puntland 9ka Diseembar 2019 Wasiirka arrimaha gudaha federaalka iyo Dimuquradiyeynta dowlad goboleedka Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa si kulul uga hadlay colaadda ka soo cusboonaatay bariga gobolka Mudug.

Wasiir Dhabancad oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ayaa sheegay in ay Puntland ka xun tahay dagaalladaasi, wuxuuna ugu baaqay maleeshiyaadka dagaalamaya inay xabada joojiyaan, wadahalna ay galaan.

Sidoo kale wuxuu sheegay in dagaalkii saaka dib uga qarxay deegaanka Towfiiq ee gobolka Mudug ay soo qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Galmudug.

Dhabancad ayaa ku eedeeyey mas’uuliyiinta Galmuudug in ay horinayaan xiisada, islamarkaana ay gaadiid dagaal u soo direen halkaasi, sida uu hadalka u dhigay.

“Degmada Towfiiq ee Puntland waxaa saakay soo weeraray ciidamo ka socda Galmudug, waxaana ugu baaqaynaa in dagaalkaas la joojiyo, mana doonayno in la jebiyo nabad muddo lagasoo shaqeynayay.” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Puntland.

Dagaal beeleedka ka socda deegaanada Towfiiq iyo Afbarwaaqo ayaa waxa ay u dhexeeyaan labo maleeshiyo oo ka soo kala jeeda maamullada Galmudug iyo Puntland.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka maamulka Galmudug oo ku aadan dagaalladaasi iyo eedeynta loo jeediyey, iyadoona xaaladdu haatan ay tahay mid kacsan.

Labadaan maamul oo daris ah ayaa marar badan isku dhacay, waxana shirar looga hadlayo xaaladda gobolka Mudug iyo heshiisyo ay ku gaareen magaalada Gaalkacyo.

Xiisada ayaa hadda dib u soo laabatay, waxaana isa soo taraya baaqyada loo dirayo maleeshiyaadka labada dhinac ee dagaalamaya, si loo qaboojiyo dagaalladaasi.

Qaramadda Midooway 9ka Diseembar 2019 Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa dowladda federaalka ku amaanay labo arrin oo ay sameysay oo kala ah xoojinta sarreynta sharciga iyo dhisida hay’ado daah-furan.

James Swan ayaa sheegay in tani ay suura-gelineyso in Soomaaliya ay degdeg ku gaarto horumarka ay hiigsaneyso, isagoona ku baaqay in la adkeeyo dadaalladaasi.

Sidoo kale warka ka soo baxay xafiiska, James Swan ayaa waxaa looga hadlay maalinta musuq-maasuqa oo maanta ku beegan, wuxuuna madaxda dowladda ku boggaadiyey, sida ay uga go’an tahay la dagaalanka wax is dabarinta iyo sidoo kale cadaalad darrada.

Ergeyga ayaa sheegay in musuq-maasuqa uu dhibaato weyn ku yahay horumarka iyo daadaallada dhisida dowladnimada. “Musuq-maasuqa wuxuu caqabad weyn ku yahay horumarka. Wuxuu wiiqaa dadaallada ku aaddan dowlad dhisidda, nabadaynta iyo dib-u-heshiisiinta. Wuxuu baabi’iyaa kalsoonida dadweynaha wuxuuna daciifiyaa awoodda hay’adaha dowladeed ee wax u qabashada dadweynaha,” ayii yiri wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Qaramada Midoobay ay dhiiro-gelineyso saxiixii uu dhowaan Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ku meel mariyey hindise-sharciyeedka dhismaha guddiga la-dagaallanka musuq-maasuqa.

“Iyadoo taa ka duulaysa, ayaa Qaramada Midoobay waxaa aad u dhiiri-geliyay saxiixii uu dhowaan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi ‘Farmaajo’ uu saxiixay hindise-sharciyeedkii dhismaha guddiga la-dagaallanka musuq-maasuqa iyo diyaarinta Istiraatiijiyadda Qaran ee La-dagaallanka Musuq-maasuqa.” ayuu markale yiri James Swan.

Ugu dambeyn wuxuu tilmaamay in Soomaaliya ay cagta saartay dhabihii horumarka “Kuwani waa tallaabooyin amaan mudan oo Soomaaliya ay horay u qaadday.” ayuu sii raaciyey hadalkiisa.

Dhowaan ayey aheyd markii warbixin ka soo baxday hay’adda Transparency International lagu sheegay in Soomaaliya ay markale kaalinta koowaad ka gashay wadamada ugu musuq-maasuqa badan Caalamka, islamarkaana cabirka maamul-wanaagga ay ka heshay kaliya 10%.

Transparency International ayaa warbixinteeda sanadlaha ah ku sheegtay in weli Soomaaliya ay safka hore uga jirto wadamada uu la degay musuqa, inkastoo weli dowladda federaalka, gaar ahaan wasaaradda maaliyada aysan ka hadlin warbixintaasi

 

WARARKA MAANTA 6da Diseembar 2019 Sir Culus! 

Su’aallaha Maanta: Goor ayaa shaqada laga eryayaa/cayrinayaa Rasal Wasaare Mudane Kheyre? Yaa waddanka #Soomaaliya ka dhigay waddanka adduunka ugu musuqmaasuqa badan Madaxweyne Farmaajo “Been-Hawaas” mise Raysal Wasaare Kheye “Bakhti-Raam-Sade”? Madaxweyne aan qoskiisa heshiisiin karin ayaa #Muqdisho iyo Ummadda Soomaaliyeed ku lugoynaaya ayadoo xitaa hadda uu keenay inuu inuu culimadii iska-horkeeno? 

Maxayse laba aqal u diidan yihiin inay si sharciga waafaqsan ula xisaamtamaan xukuummadda fashilantay ee Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raam-Sade”? Yaa ciidamo #thiopia dalbaday in lagu weeraro Jubbaland State? Ha wiqleyso!

https://www.youtube.com/watch?v=Ov9ds8Kadn4

Denmark 6da Diseembar 2019 Dowladda Denmark ayaa si weyn uga deyrisay dib u dhaca ku yimid doorashooyinkii Somaliland iyo talaabooyinkii u dambeeyay ee ay ku kacday xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi.

Denmark ayaa walaac weyn ka qabta cabudhinta ay inta badan xukuumada Muuse Biixi kula kacdo siyaasiyiinta mucaaridka ah ee dhaliila, midaasi oo baalmarsan xoriyada fikirka iyo hadalka, sida ay sheegtay Mette Knudsen.

Danjire Mette Knudsen, oo ah safiirka Denmark u qaabilsan wadamo badan oo bariga Afrika, oo ayna kamid yihiin Soomaaliya, Seychelles, Kenya iyo Eritrea ayaa iyadu barteeda Twitter-ka ku muujisay sida ay dowladeedu ula dhacsaneyn talaabooyinka Biixi.

Mette Knudsen ayaa sheegtay in Denmark ay niyad jab weyn ka qaaday dib u dhaca xidhiidhka ah ee u ku imanaya doorashooyinka Somaliland, ee Golaha wakiilada iyo kuwa deegaankaba.

Danjire Knudsen ayaa sidoo kale waxay sheegtay in dowladeedu ay si weyn uga soo horjeedo xariga iyo caburinta lagula kaco siyaasiyiinta ka aragtida duwan xukuumada Biixi ee inta badan dhaliila hanaankeeda hogaamineed.

Denmark ayaa iyaduna ku soo biireysa wadamada Somaliland ka taageera doorashooyinka iyo horumarinteeda, qeybna ka ah wadamada ku jirra Sanduuq DF ee sida weyn uga hor-yimid dib u dhaca ku yimid doorashooyinka Somaliland.

Dowladda Denmark ayaa la filayaa in ay qaadi doonto talaabo ka dhan Somaliland, midaasi oo saameyn ku yeelan doonta taageeradii ay siin jirtay, maadama ay sheegtay in dowladoodu aysan la dhacsaneyn hogaaminta Biixi iyo dib u dhaca doorashooyinka.

Ilaa iyo hadda ma jirto wax war ah oo ka soo baxay xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Muuse Biixi, oo ku aadan baaqyadii kala gedisnaa ee uga imanaayey beesha caalamka iyo dalalka sida gaar ah u taageera maamulkooda ee ka deyrinayey dib u dhaca doorashooyinka iyo xoriyatul qolka Somaliland.

Muqdisho 6da Diseembar 2019 Dowladda Soomaaliya ayaa u adeegsaneysa Sheekh Xasan Daahir Aweys inay ku weerarto xubnaha ayada kasoo horjeeda, waxaa sidaas ku eedeeyey aqoonyahanno iyo mucaaradka.

Dhamaadka sanadkii hore iyo bilaawgii sanadkaan ayey dowladda federaalka Soomaaliya Internate-ka ka joojisay Sheekh Xasan Daahir Aweys kadib markii uu markaas ka hadlayay xarigga Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, basle waxay hadda muuqata in dib loogu fasaxay bilooyinkii u dambeeyey.

Xasan Daahir Aweys ayaa waxa uu kadib soo duubay dhowr muuqaal oo uu ku weeraray shakhsiyaad ay ka mid yihiin Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo  Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo u dambeeyey.

“Maxaa moobeelada loogu ogolaaday markii uu caynayay Sheekh Shariif iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame sababtoo ah hore ayaa loogu diiday inuu Facebook soo galo” ayuu yiri Cabdullaahi Xuseen Aadan oo ka mid ah aqoonyahanada Muqdisho oo la hadlay Caasimada Online.

“Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa u muuqdo mid loo adeegsanayo siyaasiinta mucaaradka ah ee ka aragtida duwan madaxda dowladda federaalka Soomaaliya” ayuu yiri Cabdullaahi.

Cabdullaahi ayaa sheegay in xaqiiqda ah in taageerayaasha dowladda ay si aad ah baraha bulshada u wareejinayaan muuqaallada Xasan Daahir ay caddeyn u tahay in dowladda ay ka dambeyso arrintan.

“Markii loo diidayay Isticmaalka Facebook ee Live-ka Sheekh Xasna Daahir Aweys waxa uu ku dhaganaa dowladda Soomaaliya, halka maanta uu u muuqdo mid ka soo horjeeda Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.” Ayuu yiri.

Dhinaca kale, xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraal uu soo saarey shalay ku ku eedeeyey in dowladda Federaalka Soomaaliya ay “fursad u siisaye rag ka tirsan Al-Shabaab inay baneystaan dilka” siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo xisbigan hoggaamiya.

“Xasan Daahir Aweys waa maxbuus u xiran argagaxisanimo, waxaana ilaaliya oo ammaankiisa suga ciidamo ka tirsan Nabad-Sugida Soomaaliya mana heli karo fursad uu farriin kusoo diro, haddii aysan dowladdu gacan ka siin.” ayaa lagu yiri qoraalka Wadajir.

Muqdisho 6da Diseembar 2019  Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay waxaa magaalada Muqdisho ka socda kulamo siyaasadeed oo xoog leh, kuwaas oo ay wadaan xubno ka tirsan Madasha Xisbiyada Qaran.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa todobaadkii la soo dhaafay sameeyay saddex kulan oo mihiim ah, kuwaas oo qal qal geliyay saraakiil ka tirsan Villa Somalia, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in mas’uuliyiin ka tirsan madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ay su’aalo iska weydiiyeen waxa ka dhalan kara kulamada Sheekh Shariif la qaatay madaxweynaha dalka Jabtuuti, safiirka Mareykanka ee Soomaaliya iyo kulankii shalay ee wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Sheekh shariif ayaa kulankii James Swan kala hadlay arrimaha doorashooyinka, siyaasadda iyo faragelinta Itoobiya waana waxa keenay walaaca masuuliyiinta dowladda Soomaaliya.

Madaxda dowladda ayaa dareensan in hogaamiyaha madasha Xisbiyada uu gudbiyay dacwad ka dhan ciidamada Itoobiya iyo hab dhaqan kale oo siyaasadeed oo dalka ka jira, kaas oo sababi kara guul darrooyin amni iyo mid daganaansho siyaasadeed ah sida ay sheegeen siyaasiin badan.

Sheekh Shariif ayaa sidoo kale la rumeysan yahay inuu kulamad inta badan kaga digay isku dayada Villa Somalia ku dooneyso in madaxweyne Farmaajo waqtiga loogu kordhiyo.

Sheekh Shariif ayaa la rumeysan yahay inuu yahay musharaxa ay Villa Somalia rumeysan tahay inuu loolanka ugu adag uga iman doono doorashada soo socota.

Muqdisho 6da Diseembar 2019 Waxaa hada soo dhamaatay cayaartii fiinaalka ee degmooyinka gobolka Banaadir, taas oo garoonka kubadda cagta ee Injineer Yariisow caawa ku dhex martay degmooyinka Waaberi iyo Dharkenley.

Cayaartaan ayaa 90-kii daqiiqo ee loogu tala galay la isku mari waayey eber iyo eber, balse wixii intaas ka danbeeyay ayaa Rigoore la’aaday.

Cayaartoyda degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir ayaa ugu danbeyntii koobka qaaday, kadib markii ay cayaartoydii u dheeleysay degmada Waaberi  ay uga guuleysteen goolkii ugu dambeeyay ee Rigooraha.

Guusha caawa ay soo hooyeen cayaartoyda degmada Dharkenley ayaa ka dhigan 8-sano kadib markii ugu horeysay ee degmada Dharkenley ay koobka qaado, waxaana xusid mudan in 5-tii sano ee lasoo dhaafay ay si isdaba joog ah koobkaan ugu guuleysanayeen cayaartoyda degmada Waaberi, kuwaas oo caawa hal gool oo Rigoore ah koobka looga qaaday.

Labadan degmo oo iskugu soo haray fiinaalka ayey dhawr mar horay u baaqatay cayaartooda, kadib markii uu khilaaf xoog leh soo kala dhex galay guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish iyo wasiirka cayaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye.

Khilaafkaas oo sababay in mudo todobaadyo ah aysan dhicin cayaartaas ayaa dhawaan xal laga gaaray, iyadoo ay taasi sahashay in caawa ay dhacdo cayaartu.

Muqdisho 6da Diseembar 2019 Mas’uuliyiin ka kala socda Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa maanta ku kulmay magaalada Muqdisho xilli xiriirka labada dal uu aad u xun yahay

Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, Axmed Ciise Cawad ayaa saaka aqalkiisa Muqdisho quraac sharafeed ugu sameeyay safiirka Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta ee Soomaaliya Mohammed Ahmed Osman Al Hammadi, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda.

Qoraalka ayaaa lagu sheegay in labada dhinac ay ka wada hadleen xiriirka laba geesoodka iyo horumarinta iskaashiga labada dal, taasi “oo ka qeybqaadanaysa kor u qaadida heerka xiriirka labada dal ee walaalaha ah oo dhinacyo kala duwan leh si loogu dhaqaaqo wax wadaag sal ballaaran leh.”

Xiriirka labadii dal oo markii hore ku xumaaday xiisadda Khaliijka kadib markii ay Soomaaliya ka diiday Sacuudiga iyo Imaaraadka inay xiriirka u jarto Qatar, ayaa kasii daray markii dowladda Soomaaliya ay 8-dii April qabatay lacag ku dhow 10 milyan oo dollar oo Imaaraadka ay kasoo dejiyeen garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Toddobaad kadib, 15-kii April 2018, dowladda Imaaraadka Carabta ayaa joojisey tababarkii ay siin jirtay ciidamada Soomaaliya, ayada oo ka jawaabeysa lacagta ay qabsatay dowladda Soomaaliya.

Tan iyo mudadaas ma jirin wax xiriir muquda ah oo ka dhaxeeya Soomaaliya Iyo Imaaraadka Carabta.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa sidoo kale weli aqbali la’a safiirka cusub ee Soomaaliya ay u magacowday dalkaas Xasan Xundubey Jimcaale.

Dowladda federaalka, oo ka digtoon in laga faa’ideysto mas’iiuliyiinta hore ee safaaradda Abu Dhabi, oo ay aad isugu dhowaayeen dowladda Imaaraadka Carabta, ayaa 6 bilood ka hor u magacawday Danjire Xasan Xundubeey Jimcaale inuu hoggaamiyo rrgada Soomaaliya ku matali doonto Imaaraadka.

Hase yeeshee, Imaaraadka Carabta ayaan weli aqbalin danjiraha cusub, sidoo kalena aan si rasmi ah u diidin, ayada oo laga gudbay muddada 90-ka maalmood ee sharciga diblomaasiyadda ee ay tahay inay ku aqbasho ama ku diiddo.

Safiirka Imaaraadka Carabta u qaabilsan Soomaaliya Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi oo muddo aan lagu arag saaxadda siyaasadda Soomaaliya, ayaa labadii bishan ka soo muuqday munaasabaddii xarigga looga jarayay Machadka Diblomaasiyadda Soomaaliya oo ka dhacday Muqdisho.

Muqdisho 6da Diseembar 2019 Waxaa lagu guuleestay in la soo geba-gebeeyo khilaaf culus oo maalmihii la soo dhaafay ka dhax taagnaa taliye ku-xigeenada Booliiska Soomaaliya, kaas oo ku saabsanaa qaabka shaqada Booliska.

Taliye ku-xigeenka koowaad ee Booliiska Cusmaan Maxamed Kaniif, ayaa la wareegay xoogga shaqada booliska iyo socodsiinteeda halka wadista shaqada booliska laga jooyey Janaraal Zakiye Xuseen inta uu dalka joogo ku-xigeenka koowaad marka laga reebo shaqooyinka uu isaga u dirsado.

Sidoo kale waxaa dood adag la geliyay in la kobciyo ama sare loo qaado Akoonada Facebook iyo Twitter ay ku leeyihiin ciidanka booliska Soomaaliya si loo joojiyo baahinta wararka booliisla ee Akoonada gaarka ah sida kan Jeneral Zakiya.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in wixii ka dambeeya heshiiska dhinacyada kadib la isla ogaado wararka ay boggeeda ku daabacdo Jeneral Zakiya ee la xiriira howlaha booliska islamarkaana ay ka talageliso taliyaha iyo ku xigeenka koowaad si loo baahiyo wax la isku ogyahay. Hadda ma jiro khilaaf dhinacyada u dhaxeeya balse waxaa dhowr maalmood ka hor lagu guuleestay in la xaliyo khilaafkaas oo muddo dheer soo taagnaa, sida ay noo sheegeen xubno ka tirsan Saraakiisha Booliiska Soomaaliya.

Maraykanka 6da Diseembar 2019 Afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka Nancy Pelosi ayaa ku amartay hogaamiyayaasha xisbiga dimqoraadiga “inay guda galaan qodobada xil ka-xayuubinta” madaxweyne Trump, ayada oo shaaca ka qaaday “inuu ku xadgudubay awooddii xafiiskiisa.” Pelosi ayaa sheegtay in madaxweyne Trump, oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, uu meel ku xooray hab-dhaqankii caadiga ahaa ee madaxweynenimo, kuna xadgudbay waajibkii uu ku dheertay ee ilaalinta dastuurka Mareykanka.

Waxay ku eedeysay inuu Ukraine weydiistay inay baaritaan ku sameyso mid ka mid ah musharaxiinta dimoqraadiga ee doonaya inay kula loolamaan doorashada 2020, kaasi oo ah madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Mareykanka Joe Biden, si taasi ay isaga uga caawiso inuu ka adkaado.

“Xaqiiqoyinka lama diidi karo,” ayey tiri Pelosi. “Madaxweynaha wuxuu ku xadgudbay awooddiisa, si danihiisa siyaasadeed ee shakhsiga ah uu uga hormariyo amnigii qaranka.”

Pelosi ayaa ku amartay Jerrold Nadler, oo ah guddoomiyaha Guddiga Cadaaladda ee Aqalka Wakiilada, halkaasi oo arbacadii ay ka billaabatay dhageysiga xil ka-xayuubinta, iyo guddoonka dimoqraadiga inay diyaariyaan qodobada xil ka-xayuubinta.

Inkasta oo Pelosi aysan waqti qaban, haddana Aqalka Wakiilada ee ay maamulaan Dimoqraadiga ayaa u codeyn kara maamuus ka xayuubinta Trump ka hor ciidda kirismaska ee dhammaadka bishan.

Mudug 6da Diseembar 2019 Waxaa saakay deggan deegaannadii shalay lagu dagaalamay ee gobolka Mudug oo ay ku dhinteen ku dhawaad 15 ruux tiro kale oo intaa ka badanna ku dhaawacmeen.

Dagaalka oo gaar ahaan ka dhacay deegaan hoostaga degmada Afbarwaaqo ee gobolka Mudug ayaa noqonayaa kii ugu cuslaa ee waayadan soo mara deegaanka, waxaana marka laga soo tago dhimashada iyo dhaawaca uu sababay sidoo kale ka barakacay dadkii degganaa Aaga lagu dagaalamay.

Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad  oo baaq kazoo saaray dagaalka ayaa yiri “Dagaalka ka soo cusboonaaday Afbarwaaqo waa arrin aan la aqbali karin”. Guddiga  Nabadeynta iyo ciidanka xasilinta ee isku dhafka ah waa inay si degdeg ah u kala dhex galaan dadka walaalaha ah ee colaadu dhex martay.

Waxaa sidoo kale isna dagaalkan ka hadlay  Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo ah  Musharax u taagan xilka Madaxtinimada Galmudug oo ugu baaqay labada dhinac in ay dagaalka joojiyaan..

“Waxaan baaq nabadeed u dirayaa dadka ahalka ah ee dagaaladu ku dhax mareen deegaanada Afbarwaaqo iyo Towfiiq.Waxaan xasuusinayaa in colaadda aan ciduna ka faaideeyn, oo aan ku wada khasaareyno, Maamulada u dhaw iyo dadka deegaankaba waxaan ugu baaqayaa in dhibkaas lagu baxo lana qaboojiyo” ayuu yiri Xildhibaan Odawaa.

Gobolka Mudug waxaa marar badan oo hore sidan oo kale waxaa ku soo noqnoqday dagaalka u dhaxeeya beelaha wadda dega gobolka  oo salka ku haya dad horay leysaga dilay iyo lahaanshaha deegaannada lagu dagaallamo. 

Muqdisho 6da Diseembar 2019 Qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ayaa dalbaday in laba xubnood ay iska casilaan Guddiga Qaran ee Dhab-u-heshiisiinta iyo Wada-hadallada Dowladda Federaalka iyo Somaliland ee uu bisii July magacaabay madaxweyne Farmaajo.

Labada xubnood ee la diidan yahay ayaa kala ah Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade) iyo Jeneral Axmed Jaamac Muuse.

Xildhibaan Cabdifataax Daahir Ismaaciil, oo kasoo jeeda gobollada waqooyi ee Somaliland kana tirsan guddiga joogtada ee golaha shacabka oo shalay la kulmay guddigan qaabilsan wada-hadallada, ayaa sheegay inay muhiim tahay in labada xubnood laga saaro guddiga, si meesha ay uga baxdo aragtida aan waanagsaneyn ee guddiga laga qabo.

“Maanta waxaan si rasmi ah ugala hortagay labada jeneral ee howl-gabka ah ee Cabdiraxmaan Guulwade iyo Axmed Jaamac inay iska casilaan Guddiga Qaran ee Dib u Heshiisiinta Somaliland. Tani waxay dhabbaha u xaari doontaa in la beddelo mowqfika aan wanaagsaneyn ee dadku ka qabaan guddiggan” ayuu xildhibaanka ku yiri qoraal uu soo dhigay twitter.

Aragtida xildhibaan Cabdifataax ayaa waxaa sidoo kale qaba xildhibaano kale oo kasoo jeeda gobollada waqooyi oo marar badan ku dhaliilay madaxweynaha go’aanka uu ku magacaabay xubnahan.

Cabdiraxmaan Guulwade iyo Axmed Jaamac ayaa lagu haystaa inay jagooyin sare ka hayeen dowladdii Maxamed Siyaad Barre markii ay xasuuqa ka gaysatay gobollada Waqooyi, inkasta oo si toos ah aan loogu caddeyn inay ku lug lahaayeen.

Cabdiraxmaan Guulwade waxa uu soo noqday taliyaha guul-wadeyaasha, iyo taliyaha booliiska Soomaaliyeed, waxaana uu sidoo kale uu qabay gabadhii Maxamed Siyaad Barre. Waxa uu aad ugu dhowaa Maxamed Siyaad Barre, la-taliyana u ahaa.

Axmed Jaamac Muuse oo kasoo jeeda gobollada Waqooyi waxa uu 1987-dii noqday taliyaha booliiska Soomaaliyeed isaga oo ugu horeeyey Guulwade, waxaana xilligii uu xasuuqu dhacayey uu hayey jagadan.

https://www.youtube.com/watch?v=Ov9ds8Kadn4

WARARKA MAANTA 1da Diseembar 2019 Sir Culus! 

Su’aallaha Maanta:Yaa runta qarin kara? Maxay Ciidanka #Ethiopia si sharci-darro ah ugu soo galeen Dhusamareeb? Ma ogtihiin in Madaxweyne Farmaajo soo wado ciidan #Ethiopia oo uu rabo waddanka sidii kaligii-talisnimo ah xoog ugu haysto #Soomaaliya fashilkiisa baahsan? Yaa madaxweyne ka noqon doona #Soomaaliya? Ma Madaxweyne qoyskiisa heshiisiin karin ayaa horumar ka sugaynaa? Yaa xukumma xeradda Xalane? Yaa dhaca canshuurta #Muqdisho? Yaa dhaca canshuurta #Muqdisho? Yaa Soomaliya ka dhigay waddanka adduunka ugu musuqmaasuqa badan? Maxuu Argagixiye Maal-Galiye Taliyaha Hay’adda Nabad-Sugidda Iyo Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin u codsanayaa inuu si qarsoodi ah ula kulmo Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Madoobe oo Nairobi jooga? Yaa madaxweyne ka noqon doona #Soomaaliya? Maxayse laba aqal u diidan yihiin inay si sharciga waafaqsan ula xisaamtamaan xukuummadda fashilantay ee Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raam-Sade”? Ha wiqleyso!

https://www.youtube.com/watch?v=_l0h26hJgCE

Dhusamareeb 1da Diseembar 2019 Wararka ka imanaya degmada Dhuusa-Mareeb ee xarunta u ah dowlad gobolleedka Galmudug, ayaa sheegaya in uu socdo qorshe mar kale dib loogu soo nooleynayo wadahadalladii Dowladda Federaalka iyo Ahlu Sunna Waljameeca, kaddib markii uu xoogeystay khilaafka ka dhashay habka ay dowladdu maamuleyso dhismaha Galmudug cusub oo loo dhan yahay. Ahlu Sunna ayaa ka biyo diiday guddi Dowladda Federaalka u saartay dhismaha Galmudug iyo habka loo soo xulayo Baarlamaanka cusub, hasse ahaatee dhinaca Dowladda ayaa wali ku adkeysanaya in howlaha Guddigu u socdaan sidii loogu tala-galay.

Balse wararkii ugu danbeeyay ee ka imanaya Dhuusa-Mareeb ayaa sheegaya in muddo kooban dib loo dhigay howlaha dhismaha Galmudug taa badalkeedana mar kale wada hadallo lalal furayo hoggaanka sare ee Ahlu Sunna si looga qanciyo tabashadooda.

Khilaafka ugu weyn ee labada dhinac ayaa salka ku haya in hoggaanka Ahlu Sunna ay doonayaan in Baarlamaanka cusub ee Galmudug laga siiyo 35 xubnood, balse Dowladda Soomaaliya ay u cuntami weysay,waxaana Warar soo baxaya ay sheegeen in Dowladda ay dooneyso in Ahlu Sunna Baarlamaanka laga siiyo 15 xubnood oo kaliya.

Dhuusa-Mareeb waxaa dhawaan gaaray wafdi uu horkacayo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dib-u-heshiisiinta Dowladda Federaalka Cabdi Maxamed Sabriye oo sheegay in la dardar-galiyo dhismaha maamulka oo cidna loo joojin doonin.

Muqdisho 1da Diseembar 2019 Waxay faah faahin ka soo baxeysaa dilkii gelinkii dambe ee maanta Jeneraal Yuusuf Cali Qasaaye (Yuuuf Cagey) loogu gaystay Magaalada Muqdisho.

Dilkan ayaa wuxuu ka dhacay xaafadda Warshadda Caanaha ee Degmada Hodan, gaar ahaan hoygii uu xaafadaasi ka deganaa Jeneraal Yuusuf Cali Qasaaye oo ka tirsanaa Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka.

Warar kala duwan ayaa waxay ka soo baxayan cidda dhabta ahi ee dilka gaysatay. Wararka qaar waxay sheegayan in uu gaystay Sarkaal kale oo Ciidanka Xoogga Dalka ka tirsan, halka warar kalena ay sheegayan in dilka uu gaystay nin qurbajoogaha ka soo laabtay, horeyna uga tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka.

Ninkan dilka gaystay ayaa waxaa albaabka guriga ka furtay gabar shaqaale ahayd, taasoo dilka ka dib la sheegay in ay goobtaasi ka carartay.

Ciidanka Xoogga Dalka oo hoygaasi ka ag-dhawaa ayaa waxay dilka ka dib ku guuleysteen inay gacanta ku soo dhigaan ninkii wax dilay, kaasoo iminka lagu hayo Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Jeneraal Yuusuf Cagey iyo dembiilaha uu muddooyinkii ugu dambeeyay ka dhaxeeyay murun la xiriira lahaanshiyaha dhuleed.

Muuse Ameerikaan ayaa wuxuu damacsanaa in uu goobtaasi ka baxsado dilka ka dib, balse ay Ciidanka Xoogga Dalka ku cadaadiyeen in uu sharciga isu soo dhiibo, sidaasinta ay gacanta ugu soo dhigeen isagoo badqaba.

Ciidamada Booliska ee Degmada Hodan oo dalbaday in dembiilaha lagu soo wareejiyo ayaa waxaa ka biyo diiday Ciidanka Xoogga Dalka, iyagoona ballanqaaday inay sharciga horkeeni doonaan.

Ma jirto wax war ah oo Saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo Maamulka Gobolka Banaadir ay ka soo saareen dilka Jeneraal Cagey loogu gaystay Magaalada Muqdisho.

London 1da Diseembar 2019 Kooxda Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkii dhimashada lahaa ee uu Jimcihii magaalada London ka fuliyey nin ku hubeysnaa mindi, kaasi oo booliiska ay dileen.

Daacish ayaa mas’uuliyadda weerarkan ku sheegatay wakaaladdeeda wararka ee Amaq News.

“Qofka fuliyey weerarkii London…waxa uu ahaa dagaal yahan ka tirsan kooxda Daacish, wuxuuna u fuliyey isaga oo uga jawaabaya shacabka ay dalalka xulufada ah beegsanayaan,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay kooxda, oo dalalka isbahaysiga ula jeeda kuwa weerarada duqeymaha la beegsada dagaalyahanada kooxdan ee dalalka Iraq iyo Syria.

Booliska Britain ayaa sabtidii sheegay in weli “aysan jirin wax caddeymo ah” oo soo jeedinaya in cid aan ka ahayn ninka weerarka fuliyey ee la dilay ay ku lug lahayd, inkasta oo baaritaanka uu weli socdo.

Booliska ayaa rumeysan in weerarka uu fuliyey 28 jir lagu magacaabo Usman Khan, kaasi oo toogasho ay ku dileen booliska. Ninkan ayaa horey waxaa loogu xiray “dambiyo” argagixisanimo.

Khan oo xirnaa jaakad qaraxda oo been abuur ah ayaa mindida la dhacay dad marayey Buundada London, waxaana uu dilay laba qof, ayada oo saddex kale ay dhaawacmeen, ka hor inta aysan booliska isaga toogan.

Khan ayaa waxaa sanaddii 2012 lagu xukumay sideed sano oo xabsi ah kadib markii lagu helay dambi inuu ku lug lahaa shirqool lagu qarxin lahaa Suuq Is-waydaarsiga Samiiyada ee London.

 

Turkey 1da Diseembar 2019 Recep Tayyip Erdogan, Madaxweynaha Turkiga ayaa si adag u weeraray dhigiisa dalka Faransiiska, Emmanuel Macron, kaasi oo ku tilmaamay mid la il daran xanuunka dila maskaxda.

Erdogan ayaa Macron ugu baaqay in uu arko dhakhtar si wax looga qabto jirada maskaxeed, kadib markii uu shalay Erdogan ka jawaab celiyay hadalo dhowaan ka soo yeeray Macron oo ku aadanaa kasii mid ahaanshaha Turkiga ee Isbaheysiga NATO.

Madaxweyne Erdogan ayaa khudbad uu ka jeedinayay Jimcihii Jaamacada Marmara ee magaalada Istanbul, wuxuuu si toos ah u abaaray madaxweynaha Faransiiska, Macron, wuxuuna yiri “Mudane Macron, fiiri hadda waxan ka hadlayaa Turkiga, waxaan sidoo kale hadalkan ka dhihi doona NATO, waa inaad ugu horeynta soo baarta maskaxdaada dhimatay!”.

“Wax ka galay miyaa jirra arrimaha ka saarida Turkiga ee NATO, ama ka sii mid noqoshadeeda?, Awoodna ma u leedahay in aad ka go’aan gaarto go’aamadaasi oo kale?” ayuu yiri Erdogan, isagoo su’aal toos ah u diraya Macron.

Wuxuuna intaas kusii daray Erdogan “Faransiisku wuxuu iska indho tirayaa wel-welka uu ka qabo Turkiga ee Suuriya, isagoo isku dayaya in uu raad ku yeesho wadankaasi”.

Madaxweyne Erdogan ayaa si adag ugu dhaliilay Emmanuel Marco inuu wado faan cidlo ah, xili uu gabay dalkiisu dhamaan waajibaadkii uu uga baahnaa Isbaaheysiga NATO.

“Adigu (Macron) ma gudatid waajibaadka lagaaga baahanyahay ee ka saaran Isbaheysiga, Mana bixisid lacagta kugu waajibtay ee NATO, ugu dambeyntiina waad faaneysa!” ayuu yiri Madaxweyne Erdogan.

Hadalkan Madaxweyne Erdogan ayaa waxa uu jawaab adag u noqonayaa hadalkii khamiistii uu Macron ku dhaleeceyay howlgaladii Millater ee Turkigu ka fuliyay bishii la soo dhaafay waqooyiga barri ee dalka Suuriya, iyo soo jeedintiisi ku aadaneyd in Turkiga laga saaro NATO.

Galmudug State 1da Diseembar 2019 Xog ay heshay Warbaahinta Dalka  ayaa sheegaysa in mudo todobaad ah oo ka soo bilaabatay maanta la hakiyey howlihii dhismaha maamulka Galmudug, oo balanku ahaa in la guda galo toddobaadkan.

Hakinta howshii dhismaha maamulka Galmudug ayaa waxaa la sheegay in looga gol leeyahay in mudadaas todobaadka ah lagu soo af-jaro khilaafka Ahlu-Sunna iyo dowladda federaalka oo ka dhashay qaabka ay dowladdu u rabto in loo dhiso maamulka iyo qoondo ay rabto Ahlu-Sunna inay ku yeelato maamulka cusub ee loo dhisayo Galmudug.

Xubno ka tirsan wasaaradda arimaha gudaha ayaa Warbaahinta Dalka  u sheegay in Muqdisho laga wacay Cabdisamad Macalin Maxamuud, wasiirkii hore ee arrimaha gudaha, kaas oo isku xire u ahaa dowladda federaalka iyo Ahlu-Sunna.

Cabdisamad ayaa la sheegay inay dowladdu ka dalbatay inuu ka qeyb qaato xalinta tabashada hoggaanka Ahlu-Sunna oo uu ugu horeeyo Aabihii Macalin Maxamuud Sheekh Xasan.

Ahlu-Sunna ayaa horay dowladda federaalka ugu eedeysay inay uga baxday heshiis ay ku wada gaareen magaalada Dhuusamareeb, waxayna haatan ku howlantahay dhismaha maamul ka madax banaan kan ay gar wadeenka ka tahay dowladda federaalka.

Arrintaan ayaa ku soo aadeysa iyadoo maanta ay wasaaradda arimaha gudaha liiska 44 oday oo soo xulaya baarlamaanka cusub ee maamulka Galmudug ay ku wareejisay guddiga farsamada maamul dhisidda Galmudug.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in caawa ay kulamo xal looga gaarayo khilaafkaas ay dowladda iyo hoggaanka Ahlu-Sunna uga bilaawdeen magaalada Dhuusamareeb, gaar ahaan xarunta INJI oo uu ku shaqeeyo Sheekh Maxmed Shaakir oo ka mid ah hoggaanka Ahlu-Sunna.

Nairobi 1da Diseembar 2019 Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo dib ugu laabtay magaalada Nairobi ayaa si faahfaahsan u sharaxay sababata loo baajiyay muxaadaradii uu ku qaban lahaa magaalada Muqdisho, taasi oo markii danbe uu go’aansaday in la joojiyo ka dib markii ay mudaharaad kala hor yimaadeen culimada Suufiyada.

Sheekh Umal ayaa sheegay in baaqashada muxaadardaas ay isku baheysteen una midoobeen inay ka hor yimaadeen afar koox oo kala duwan.

” Soomaali Shiicawday, qolyo mawjadii kacdaba fuusha oo kursi ka dhex raadiya, daddana Al-Shabaab iyo Suufiyo isu yimid, oo kuligood dagaal ku hayaan calashaan muxadaraasi yaysan dhicin, maxaa ka dhaxeeya bal adiggu is waydii? wax kale oo ay isuggu yimaadaan ma jirto.

Sheek Umal oo si dadban ugu jawaabay siyaasiyiin ka falceliayy muxaadariisa ayaa sheeegay in uu ka xun yahay in wax aysan wax ka ogayn ay soo dhe“Qaar badan oo siyaasiyiin ah soo maydaan arag, oo dagaalka qayb ka ah, war siyaasiyoow muxaadaro la dhigayo maxaa ka galay, waxaas oo dhan baa yacni isu kaashanaya barnaamijka halaga tago.” Ayuu yiri Sheekh Umal.

Gabagabadii Sheekh Umal ayaa ka sheekeeyay dhibaatada baraha bulshadu keeneen, iyo dadka badan ee Soomaaliyeed ee sida qaldan wixii lasoo geliyo u qaata, waxaana uu sheegay in dhowr waxyoobood oo dhacay mudadii uu joogay magaalada Muqdisho laga been sheegay.

 

Muqdisho 1da Diseembar 2019 Saqda dhexe ee habeenkii Arbacada ee todobaadkii hore waxaa kulan xasaasi ah Villa Somalia ku yeeshay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Kulankaan oo ahaa kii ugu adkaa ee dhaca waayihii dambe islamarkaana dhaxmara hogaamiyaashaan ayaa salka ku haayay doorashada Soomaaliya ee dabayaaqada sanadka 2020-ka, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Warbaahinta Dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa u yeeray labadaan mas’uul, waxa uuna guddoomiye Mursal ku wargeliyay in aysan Villa Somalia aqbali karin sharciga doorashooyinka oo ay diyaariyeen guddiga golaha Shacabka ee sharciga doorashooyinka.

Farmaajo ayaa ka soo horjeestay in madaxweynaha ay doortaan labada ee Baarlamaanka Soomaaliya, sida ku cad qodobka 89-aad ee dastuurka, balse waxa uu sheegay in doorashada soo socoto madaxweynaha ku imaan doono doorasho dadweyne.

Guddoomiye Mursal ayaa u sheegay Farmaajo in uusan sidaas qabin dastuurka islamarkaana talooyinkii ay soo aruuriyeen ee mucaaradka iyo maamul gobaleedyada ay diideen in lagu jebiyo dastuurka suurta galna aheyn in doorasho qof iyo cod ah la qabto.

Sidoo kale Kheyre ayaa taageeray guddoomiyaha Golaha Shacabka, isagoo madaxweynaha u sheegay in aduunyada iyo Soomaalida intuba ka aqbali karin doorasho qof iyo cod ah markii loo eego xaaladda Soomaaliya, sidaasna uusan dastuurka dhigeyn.

Dhinacyada ayaa la sheegay in ay isku fahmi waayeen kulankii ka dhacay Villa Somalia ka hor inta uusan Madaxweynaha u bixin Itoobiya. Lama oga sida ay ku dambeen doonto xaaladda siyaasadeed ee dhinacyadaan ka dhax bilaawday.

Madaxweyne Farmaajo ayaa doonaya inaysan xildhibaano dooran madaxweynaha xiga, isaga oo rumeysan in haddii sidaas ay dhacdo aan la dooran doonin, maadaama beesha caalamku goobjoog ka noqoneyso, oo uusan wax ku shubasho ah sameyn karin.

Doorasho qof iyo cod ah, kama dhici karto Soomaaliya xaaladda jirta, hase yeeshee madaxweynaha ayaa doonaya in shacab dhowr kun ah meel la isgu keeno, oo ay matalaan Soomaalida oo dhan, sidaasna lagu doorto madaxweynaha.

Wuxuu rumeysan yahay in haddi ay sidaas dhacdo uu awoodi karo in taageerayaashiisa un uu soo ururiyo oo ay ayaga codeeyaan.

 

https://www.youtube.com/watch?v=_l0h26hJgCE

WARARKA MAANTA 30ka Nofeembar 2019 Sir Culus! 

Su’aallaha Maanta:Yaa waddani ah? Ma ogtihiin in Madaxweyne Farmaajo soo wado ciidan #Ethiopia oo uu rabo waddanka sidii kaligii-talisnimo ah xoog ugu haysto #Soomaaliya fashilkiisa baahsan? Yaa madaxweyne ka noqon doona #Soomaaliya? Ma Madaxweyne qoyskiisa heshiisiin karin ayaa horumar ka sugaynaa? Yaa xukumma xeradda Xalane? Yaa dhaca canshuurta #Muqdisho? Yaa dhaca canshuurta #Muqdisho? Yaa Soomaliya ka dhigay waddanka adduunka ugu musuqmaasuqa badan? Maxuu Argagixiye Maal-Galiye Taliyaha Hay’adda Nabad-Sugidda Iyo Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin u codsanayaa inuu si qarsoodi ah ula kulmo Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Madoobe oo Nairobi jooga? Yaa madaxweyne ka noqon doona #Soomaaliya? Maxayse laba aqal u diidan yihiin inay si sharciga waafaqsan ula xisaamtamaan xukuummadda fashilantay ee Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raam-Sade”? Ha wiqleyso!

Muqdisho 30ka Nofeembar 2019 Ninka weerrarka soo qaadday oo booliisku magaciisa ku sheegay Cismaan Khan oo ah 28 jir, hore u ahaa maxbuus bannaanka ku joogay damiin waqtiga uu weerrarka dhacayay, kaas oo lagu dilay nin iyo haweeney saddex qof oo kalana waa ay dhaawacmeen.

Khan ayaa waxaa toogasho ku dilay boooliska kaddib markii xubno ka tirsan dadweynaha ay ninkaasi hareereeyeen, Booliiska ayaa weerarkaasi ku tilmaamay fal argagixiso.

Mas’uuliyiinta ayaa aqoon u lahaa Cismaan Khan, oo waxaa ninkaas falal argagixiso loo xukumay sanaddii 2012-kii, sida uu sheegay taliye ku xigeenka boooliiska London Neil Basu.

Bayaan uu Basu soo saaray ayuu ku sheegay in ninkaasi damaanad xabsiga looga sii daayay bishii Diseembar 2018.

Raisul wasaaraha Britain ayaa Boris Johnson ayaa shegay in muddo dheer uu ku doodi jiray inay qalad tahay in daambiilayaasha halis ah xabsiga laga siidaayo iyada oo uusan waqtiga lagu xukumay u dhammaan, Booliiska ingiriiska ayaa imika baaritaan ku haya goobtii uu ku noolaa Mr Khan.

Addis Ababa 30ka Nofeembar 2019 Wasiirka Gaashaandhigga ahna ku xigeenka Xisbiga ODP ee degaanka Oromiya ka taliya Lamma Magersa ayaa sheegay inuu kasoo horjeedo midaynta xisbiyada dalka ee EPP iyo nidaamka MADAMAR ee uu layimid Abiyi Axmed.

Lamma Magersa ayaa arrintan ka sheegay mar uu u waramayay laanta Afka Oromada ee VOA, inkastoo sida wararka qaar sheegayaan waraysigan markii hore la hakiyay sababo aan la caddayn haddana xalay ayay baahisay laanta Afka Oromada ee VOA.

Hadalka Lamma Magersa ayaa kusoo aadaya xilli la rabo in dalka oo dhan laga hirgaliyo arrimaha ku saabsan midaynta xisbiyada dalka. isla markaana arrintan ayaa dhabarjab ku noqon karta siyaasadda cusub ee Abiyi Axmed rabo inuu dalka ku hoggaamiyo.

Lamma Magersa ayaa ahaa ninka ugu soo dhaw Abiyi Axmed, wuxuuna hayaa xilka ugu sareeya dawladda isagoo awood badan ku leh gudaha degaanka Oromiya ee ay kasoo wada jeedaan isaga iyo Abiyi Axmed

ODP ayaan wali ka jawaabin hadalka ku xigeenkooda Lamma Magersa.

Muqdisho 30ka Nofeembar 2019 Warbixin uu Shalayto oo Jimca ahayd soo saaray Xafiiska xiriirka howlaha Bini’aaddam-nimada QM ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay 574,000 Qof wax yeello kasoo gaadhay fatahaadihii dhawaan ka ku dhuftay qeybo ka mid ah dalka, halka 370,000 kalena ay ku barakaceen. Fatahaadihii dhacay Bil ka hor oo ahaa kuwo ka baxsan xaddigii la  filayay ayay sheegtay hay’adda in ay gaab yara gelisay in badan oo ka mid ah howlihii samafalka ee ay ka wadeen goobahaasi.

Xafiiska xiriirka howlaha Bini’aadam-nimada Qaramada midoobay ee  OCHA, ayaa intaa raaciyay in dadka ay saamaynta ku yeesheen ay markii  horaba la daalaa dhacayeen Abaaro iyo wax soo saarkii dalagyada ay oo ka  hooseeyay 70%.

Waxaa haatan soo kabanaya dadkii ay saameeyeen fatahaadaha iyo  daadadkii ka dhacay qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya, iyadoo ay samata  bixinta dadkii ay waxyeelladu soo gaaray ay gacan weyn ka geysatay dowladda Soomaaliya.

Nairobi 30ka Nofeembar 2019 Hoggaamiyaha ururka ONLF, Cabdiraxmaan Maadey oo la hadlayey waraabinta ayaa markii ugu horreysay faah faahin ka bixiyey kulankii uu dhowaan la qaatay Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaame (Madoobe).

Maadey ayaa sheegay in muhiimada kulanka uu ahaa mid is xog wareysi ah, islamarkaana looga hadlayey xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha Jubbaland.

Hoggaamiyaha ayaa sidoo kale sheegay in kulanka intiisa badan diirada lagu saaray khilaafka xoogan ee u dhexeeya dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulkaasi, kaas oo cuuryaamiyey wada shaqeyntiI labada dhinac.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay kula taliyeen, Axmed Madoobe in wax weliba lagu dhameeyo wadahadal, si loo soo afjaro khilaafka dowladda iyo Jubbaland.

Cabdiraxmaan Maadey guddoomiyaha cusub ee hoggaanka ONLF ayaa sidoo kale ku baaqay in laga shaqeeyo midnimada dadka iyo dalka Soomaaliyeed, isagoo xusay in Itoobiya oo ay ku nool yihiin dad kala af iyo diin ah ay ku mideysanyihiin hal dowlad islamarkaana looga baahan yahay Soomaalida inay ka shaqeeyaan horumarkooda.

ONLF oo muddo dagaal jabhadadeed kula jirtay dowladda federaalka ee dalka Itoobiya ayaa hadda isu bedashay urur siyaasadeed, kadib markii ay heshiis la gashay xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

Djibouti 30ka Nofeembar 2019 Dowladda Jabuuti ayaa markii ugu horreysay ku guuleysatay xilka guddoomiyaha baarlamaanka midoobay ee Qaaradda Africa.

Maxamed Cali Xumad guddoomiyaha baarlamaanka dalka Jabuuti ayaa xilkaasi loo doortay, wuxuuna bedali doonaa guddoomiyaha baarlamaanka dalka Burkina Faso, Alassane Bala Sakandé, kaas oo muddo hayey jagadaasi.

Guddoomiye Xumad oo ka hadlay guushiisa ayaa sheegay in tani ay fursad u tahay dhammaan dalalka ku yaalla Geeska Africa.

Sidoo kale wuxuu carabka ku dhuftay in ay wadamada Qaaradda Africa u baahanyihiin in ay dhaqaale ahaan is-dhexgalaan, isagoo ku baaqay in is-dhexgalku noqdo mid badax banaan, looguna daneynayo nolosha guud ahaan dadka ku dhaqan Qaaradda Africa.

Ugu dambeyn wuxuu tilmaamay inuu ka shaqeyn doono Dimuqraadiyadda iyo sidii hormar looga sameyn lahaa gobolka.

Jabuuti ayaa muddooyinkii la soo dhaafay dadaallo xoogan ka waday gobolka, si ay uga mid noqoto dalalka ugu horreeya xaga hoggaanminta, iyadoona sidoo kale sanadka 2020-ka Kenya kula tartami doonto kursiga golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Muqdisho 30ka Nofeembar 2019 Warar iskhilaafsan ayaa ka soo baxaya xaaladda uu ku sugan yahay Saciid Fadhaye oo ah filimqaade Soomaali ah oo la socdey gaarigii ay saarneyd Almaas Elman oo todobaad ka hor xabad kula dhacday deegaanka Xalane ee magaalada Muqdisho.

Qaar ka mid ah dad ay shaqo wadaag yihiin ayaa walaac ka muujiyey xorriyada iyo badqabka Saciid, waxaana ay sheegeen in qoyskiisa ay walwal qabaan, ayna Baasaboorkiisii ka qaateen laamaha ammaanka dawlada Federaalka Soomaaliya, isla markaana aanu xor aheyn maskax ahaanna uu liito.

Mowliid Xujaale oo ah saxafi Soomaaliyeed isla markaana isla shaqeeyeen saaxiibana yihiin ayaa inoo sheegay in Saciid Fadhaye uu hay’adaha baaritaanka gacan siiyey, balse aan loo sheegin sababta Basaboorkii looga qaatay iyo baaritaanka halka uu marayo, isla markaana uu u baahan yahay xornimadiisa in soo celiyo.

Lataliyaha amniga Qaranka madaxweynaha Soomaaliya Cabdi-Siciid Muuse Cali oo ka jawaabayey eedeymahan oo baraha lagu qoray ayaa bartiisa Twitter-ka ku qoray wuxuuna ku sheegay in “qofka kaliya ee geeskeeda fadhiyey gabadha markii ay xabadu ku dhacday waa goobjoogaha dilka Almaas oo baaritaan lagu hayo”

Dhinaca kale BBC-du waxay maanta la xiriirtay la taliyaha amniga ee madaxweynaha Soomaaliya Cabdisiciid wuxuuna yiri “Siciid u ma xirna dawladda, laakiin waa jirtaa in Baasaboorka laga qaaday si aanu dalka uga bixin, waana sabab la xiririta Booliiska oo su’aalo uga baahan”.

Sidoo kale xafiiska arrimaha dibada Britain oo ay BBC-du kala xiriirtay kiiska ayaa afhayeen u hadley wuxuu si kooban inoogu soo qoray “waxaynu caawinaynaa nin British ah oo lagu xiray Soomaaliya, waxaana la xiriirnaynaa masuuliyiinta dawladda”.

Xigasho: BBC Somali 

Muqdisho 30ka Nofeembar 2019 Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa guddi gaar ah u saaray xayiraadii safar ee dhowaan lagu sameeyey, xildhibaan Daleys Xasan Aadan oo dooneysay inay ka dhoofto gudaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Warqad ka soo baxday xafiiska guddoomiyaha ayaa lagu sheegay in xubnaha guddiga xaqiiqa raadinta looga fadhiyo inay warbixin dhameystiran ka keenaan kiiskaasi.

Sidoo kale qoraalkaan oo loo diray guddiga arrimaha gudaha iyo amniga ee Golaha Shacabka ayaa lagaga dalbaday guddiga in muddo labo todobaad gudahood ay Baarlamaanka ku hor-keenaan warbixin dheeri ah oo ku saabsan xayiraadii lagu sameeyay, Xildhibaan Daleys Xasan Aadan.

Xildhibaanada oo ka hor hadleysay Golaha Shacabka ayaa sheegtay in isniintii ciidamo ka tirsan nabad sugida Soomaaliya ay is hortaag ku sameeyeen, iyadoo ku sii jeeday gobolka Gedo oo ah deegaan doorashadeeda, gaar ahaan degmada Luuq ee gobolkaasi.

Tallaabadan oo ku soo aadeysa, xilli haatan gobolka Gedo ay ka jirto xiisad u dhexeysa dowladda iyo Jubbaland ayaa waxaa si aad ah u cambaarey xildhibaanada Golaha.

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dhanka xukuumadda oo ku aadan xayiraada lagu sameeyey, Xildhibaan Daleys, inkastoo NISA ay beenisay eedeynta loo jeediyey.

Kenya 30ka Nofeembar 2019 Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta oo la hadlayey warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada dalkaasi ay sii joogayaan gudaha Soomaaliya, kuwaas oo haatan ka howlgala inta badan deegaanada Jubbaland.

Kenyatta ayaa sheegay in inta laga saarayo kooxda Al-Shabaab ciidankiisu sii joogayaan gudaha Soomaaliya, islamarkaana ay qeyb ka sii ahaan doonaan howlgalka AMISOM.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in dolwaddiisu ka go’aan tahay, sidii looga adkaan dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab.

“Ciidamadeenu waxay sii wadi doonaan inay ka sii mid ahaadaan AMISOM, illaa haliska ka imaanaya kooxaha xagjirka ee dalkeena qalqal gelinta la soo afjaro.”ayuu yiri Madaxweyne Uhuru Kenyatta. Waxa kale oo uu intaasi ku sii daray in hadafkooda kaliya uu yahay in ay nabad ku soo dabaalaan Kenya iyo dariskeeda, sida uu hadalka u dhigay.

“Ciidamada difaaca waxay ku dadaalayaan hadafkooda ah inay nabad waarta iyo horumar waara ka keenaan Kenya iyo deriskeeda.” ayuu markale yiri Kenyatta.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo si aad ah xukuumadda Nairobi loogu dhaliilay xagga amniga, gaar agaan ciidamada ay u soo dirtay Soomaaliya oo marar badan loogu baaqay inay la soo baxdo, si wax looga bedalo weerarada Al-Shabaab ka fuliso dalkaasi.

Muqdisho 30ka Nofeembar 2019 Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee xukuumadda Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye ayaa liiska odayaasha soo xulaya baarlamaanka Galmudug ku wareejiyey guddiga farsamada ee maamulkaasi.

Liiska oo ka kooban 44 oday dhameed ayaa waxaa lagu wadaa in isla maanta la xareeyo, si ay u guda galaan saxiixooda baarlamaanka.

Guddiga ayaa sheegay in odayaasha looga baahan yahay inay dardar galiyaan waajibaadka shaqo ee loo igmaday, si aysan dib ugu dhacin doorashada baarlamaanka.

Bisha December ee soo socota ayaa qorshuhu yahay inay dhacaan doorashooyinka Galmudug oo isugu jira mida madaxweynaha iyo baarlamaanka ee maamulkaasi.

Arrimahan ayaa ku soo aadaya, iyadoo weli ay taagan tahay tabashada Ahlu Sunna oo dhaq dhaqaaq siyaasadeed ka wada magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Muqdisho 30ka Nofeembar 2019 Xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa si xooggan u canbaareyey “faragelinta qaawan ee ciidanka Itoobiya ku hayaan Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo lubbaland, gaar ahaan Gobollada GaIgaduud iyo Gedo.”

Qoraal kasoo baxay xisbiga ayaa lagu yiri “Waxaa cad in ciidanka Itoobiya ee aan ka tirsaneyn AMISOM ee maanta gaaray Dhuusamareeb in maarnulka Farmaajo uu doonayo in uu ku afduubo doorashada Galmudug, sidii uu sanadkii horeba ka sameeyey doorashadii Koonfur Galbeed, halkaasoo doorashadii lagu boobay, la laayeyna shacab bannaanbaxayey, xabsigana la dhigay musharrax madaxweyne iyo dad kaloo ka blyo diiday faragelinta maarnulka Farmaajo.”

Xisbigu ayaa sheegay inuu  shaki wayn ka qabo wax uu ugu yeeray  “xiriirka mugdiga leh ee ka dhexeeya taliyaha Nabadsugidda Soomaaliya iyo gaar ka mid ah saraakiisha ciidanka Itoobiya. “

“Waxaa cad in taliyaha Nabadsugidda oo kaashanaya Dowladda Qatar uu ka faa’iidaysanayo xiriirkiisa saraakiisha ciidnaka Itoobiya xilliga kala guurka ah ee ay Itoobiya ku sugan tahay.

Waxaa muuqata in madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya aysan ka dhabeynin ballan qaadkii ahaa in aysan aqbali doonin faragelin shisheeye.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Farmaajo wuxuu shacabka Soomaaliyeed u ballan qaaday in uusan adeegsan doonin shisheeye, gaar ahaan Itoobiya, halka uu Dr Abiy Ahmed ballan qaaday in uu joojin doono faragelinta Itoobiya ee dowladaha deriska ah, tixgelinna siin doono rabitaanka shucuubta Gobolka.”

Xisbiga ayaa ugu baaqay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Ahmed in uu dib u eegis ku sameeyo siyaasaddiisa ku aaddan Soomaaliya, waxaana uu ugu digay in ciidanka Itoobiya loo adeegsado dano gurracan iyo cabburin lagula kaco shacabka Soomaaliyeed.

“Madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya midkoodna dani uguma jirto in ay soo celiyaan tijoobiyinkii horey loogu hoogay, keliya waxey kordhinaysaa kala aamin baxa labada shacab, waxeyna xoojinaysaa xagjirka iyo kooxaha argagexisada ah.”ayaa lagu yiri qoraalka.

Xibsiga Wadajir ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed gudaha iyo dibaddaba in ay isku abaabulaan sidii ay uga hortegi lahaayeen faragelinta Itoobiya, waxaana uu xisbigu sheegay inuu diyaar u yahay in uu hormood ka noqdo abaabulka kacdoon oo dalka gudahiisa iyo dibadiisa ka hirgala loogana soo horjeedo faragelinta Itoobiya.

Shalay ayaa sidoo kale Madasha Xisbiyada Qaran, waxay warad u direen ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, uguna baaqeen inuu joojiyo faro-gelinta ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya.

 

https://www.youtube.com/watch?v=xfArOIExLQI

WARARKA MAANTA 29ka Nofeembar 2019 Sir Culus! 

Su’aallaha Maanta: Yaa madaxweyne ka noqon doona #Soomaaliya? Ma Madaxweyne qoyskiisa heshiisiin karin ayaa horumar ka sugaynaa? Yaa xukumma xeradda Xalane? Yaa dhaca canshuurta #Muqdisho? Yaa dhaca canshuurta #Muqdisho? Yaa Soomaliya ka dhigay waddanka adduunka ugu musuqmaasuqa badan? Maxuu Argagixiye Maal-Galiye Taliyaha Hay’adda Nabad-Sugidda Iyo Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin u codsanayaa inuu si qarsoodi ah ula kulmo Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Madoobe oo Nairobi jooga? Yaa madaxweyne ka noqon doona #Soomaaliya? Maxayse laba aqal u diidan yihiin inay si sharciga waafaqsan ula xisaamtamaan xukuummadda fashilantay ee Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raam-Sade”? Ha wiqleyso!

Addis Ababa 29ka Nofeembar 2019 Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya waxaa maanta ka furmaya shir madaxeedka Urur gobolleedka IGAD, waxaana shirkan dhinaca Soomaaliya uga qeybgalaya wafdi uu horkacayo madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Shirkan ayaa diirada lagu saaraya  xoojinta iskaashiga ka dhexeeya dalalka Gobolka ee dhinacyada dhaqaalaha iyo Nabad Galyada.   

Madaxda IGAD ayaa inta uu shirku socda iska xog wareysan doona qorsheyaasha  lagu guuleystay ee ku aaddan dadaallada lagu xasilinayo Waddamada Gobolka, iyaga oo warbixinno ka dhageysanaya Guddi Madaxeedyada u  xilsaaran fulinta heshiisyadii hore iyo caqabadaha haatan jira. 

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa la filayaa in uu khudbad  ka jeediyo Shirkaas,isaga oo diiradda ku saari doono aragti siyaasadeed oo wanaagsan iyo warbixino ku saabsan xaalada Soomaaliya.

Inta shirka lagu guda jiro, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan-doceedyo la qaadan doona Madaxda dalalka Gobolka ee ka qeyb galaya shirka.

Muqdisho 29ka Nofeembar 2019 Sheekh Cabdulqaadir Sheekh Maxamed Sheekh Abuukar Soomow oo magaalada Muqdisho goob fagaare ah kula hadlayey boqolaal culumada dariiqada Suufida ah ee Ahlu-Suuna Waljamaaca ayaa sheegay inuu diiday in la kulanka madaxda dowladda intii uu dalka joogay Sheekh Maxamed Cabdi Umal.

Sheekh Soomow ayaa sheegay in hadda ay diyaar u yihiin inay la kulmaan madaxda ugu sareysa dowladda federaalka oo markii hore ay ku gacan sareyn kulamo ay ka soo dalbadeen, isagoo taas sabab uga dhigay joogitaanii Sheekh Maxamed Cabdi Umal.

Sidoo kale Sheekh Soomow waxa uu u balan qaaday culumadii uu la hadlayey inuusan la dhuuma doonin hadii uu kulan dhex marayo isaga iyo madaxda dowladda, waxa gooni ahna uusan haatan ka rabin.

“Ahlu-Sunna kuligeen dowladdaan taageersanahay oo waan rabnaa, dowladdu dadka taageersan yeysan baabi’in, waxaan ka soo horjeednaa in dalka lagu faafiyo caqiido aan aheyn Ashcariya Imaa Turiidiyah’dowladana waxaan ka codsanaynaa inay nagu gacan siiso”, ayuu yiri Sheekh Soomow

Hadalkiisa ayuu intaa ku sii daray, “Dadkaan caqiidadooda ku ilaaliya caqiidadooda suuban ee Ashcariyah, wasaaradda awqaafta iyo arimaha diintana looma dhiibi karo qof aan aaminsanayn, nagama amar ee waa codsi, waxaan kaloo ka cod sanaynaa dowladda in xataa wasaaradda waxbarashada oo manhajka dadka lagu qarxinaayo uu ka imaan karo cid aan caqiidatu Ashcariyah aaminsaneyn inaan loo dhiibi karin.

Sacuudiga 29ka Nofeembar 2019 Boqortooyada Sacuudiga ayaa wajahaysa halis cusub, kadib markii ay sarre u kacday rabitaanka Dimuquraadiyiinta Mareykanka, ee ay ku doonayaan in lagu soo rogo cunaqabteyn.

Dimuquraadiyiinta Mareykanka ayaa dhowaan bilaabay inay hogaamiyaan olole xoogan oo ka dhan ah Sacuudiga, kaasi oo ay ku dalbanayaan in Boqortooyada la saaro cunaqabateyn ama laga qaado talaabooyiin adag.

Dacwadan Dimuquraadiyiinta ayaa salka ku haysa dilkii Wariyihii Sacuudiga ahaa ee Jamal Khashoggi ee lagu dhex dilay safaarada Sacuudiga ee Istanbul ee dalka Turkiga iyo dagaalka lagu hoobtey ee Sacuudiga ka bilaabay Yemen.

Waxa sidoo kale ololaha Dacwadeed ee Dimuquraadiyiinta Mareykanka ka qeyb ah xubno ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, kuwaasi oo raba in Dowladda Sacuudiga arrimahaasi darteed looga qaado talaabo adag.

Sacuudiga iyo Mareykanka ayaa inta badan waxa ka dhaxeeya xiriir sare oo diblomaasiyadeed, kaasi oo uu Trump u arko mid faa’iido badan u leh dowladda Mareykanka.

Musharaxiinta Dimuquraadiga Mareykanka ee hadda hogaamiya ayaa iyaguna qaba in uusan muhiimad weyn laheyn xiriirka Sacuudiga ee Mareykanka, sida ay dhowr jeer ku muujiyeen hadaladooda iyo khudbadaha qaar.

Dowladda Sacuudiga ayaa iyaduna waxay qabtaa wal-wal xoogan oo ku aadan qofka ku guuleysan doona doorashada Mareykanka haddii Madaxweyne Donald Trump uu lumiyo doorashada soo socota ee November 2020 ama ka horba la casilo.

Turkiga 29ka Nofeembar 2019 Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa si adag uga digay isku dayo uu sheegay inay wadaan qolo uusan carabaabin, kuwaasi oo sii xoojinaya kala qeybsanaanta ka dhex jirta Muslimiinta.

Erdogan ayaa sheegay in qolooyinkaasi ay muujinayaan kala duwanaashaha qowmiyadaha iyo madaahibta diiniga, kuwaasi oo uu sheegay inay Shiicada iyo Sunniga ay ka dhigaan labo diin oo kala duwan.

Madaxweyne Erdogan ayaa arrinkaasi kaga hadlay khudbad uu ka jeediyay maalintii Khamiistii gaba-gabada shirkii lixaad ee Golaha Shuurada diinta, kaasi oo ay soo qaban qaabiyeen madaxda Arrimaha Diinta ee caasimada Ankara.

Erdogan ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey in dunida Islaamka uu ku soo kordhiyay mowqif mideysan oo ka dhan ah weerarada lagu qaado goobaha ay ku cibaadeystaan muslimiintu.

“Waxaa jira kuwa si qoto dheer khilaaf uga dhex abuuraya Muslimiinta, iyaga oo muujinaya kala duwanaashaha qowmiyadaha iyo mad-habyada diiniga” ayuu yiri Madaxweyne Erdogan.

Wuxuuna intaas kusii daray Erdogan “Waxaana gacan ka geysanay in adduunka Muslimka ah uu meel uga soo wada jeesto, kana qaato mowqif mideysan weerarada lagu bartilmaameed-sanayo meelaha muqadaska ah ee Muslimiinta”.

Madaxweyne Erdogan ayaa ugu dambeyntiina waxa uu sheegay inay muhiim tahay in Golaha shuuradu uu xal u helo arrimaha casrigan marka laga eegayo dhinaca diinta iyo aragtiyaha aadanahaba, isagoona carabka ku adkeeyay inaysan qiimeynaynin fikirka caqiido ee diinta ka soocaya nolosh

Turkiga 29ka Nofeembar 2019 Dowladda Turkiga ayaa waxay shalay tababar u soo xirtay boqolaal askari oo Soomaali ah, kuwaa oo ku biiraya Ciidanka Xoogga Dalka ee dagaalka kula jira maleeshiyada Ururka Al Shabaab.

Askartan ayaa waxaa tababarka loogu soo xiray Xarunta Taliska Ciidamada Turkiga ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho (Turksom), ka dib markii tababar uu heerkiisu sareeyo ay ku soo qaateen dalka Turkiga.

Ciidamadan oo Kumaandoos ah ayaa waxaa loogu talagalay in ay ka qayb qaataan dagaalka Ururka Al Shabaab looga xoreynayo qaybo ka mid ah Gobolada Koonfurta & Bartamaha Soomaaliya.

Munaasabad ballaaran oo ciidamadan loogu wareejinayay Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu qabtay Xerada Turksom, waxaana ka soo qaybgalay Masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya, Xasan Cali Maxamed (Amar Dambe), Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage iyo Taliyaha Hawlgalka Ciidamada Turkiga, General Varmeyez.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo munaasabadaasi ka hadlay ayaa waxaa uu Dowladda Turkiga kaga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya.

Nairobi 29ka Nofeembar 2019 Wararka laga helayo Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay halkaasi ay kulan xasaasi ah ku yeesheen madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo C/Naasir Seeraar oo kamid ah Xubnaha mucaaradsan Axmed Madoobe kana soo horjeeda dib u doorashadiisii.

Wararka horudhaca ah oo kulankaas laga helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in xal laga gaaray khilaafkii Axmed Madoobe iyo Cabdi Naasir Seeraar ee ka dhashay doorashada, iyada oo dhex-dhexaadin labada mas’uul ay garwadeen ka yihiin Mas’uuliyiin ka tirsan Kenya.

Cabdi Naasir Seeraar Maax iyo Xildhibaan Cabdi Rashiid Xidig oo ka tirsan Golaha Shacabka oo labaduba kasoo horjeedaan Axmed Madoobe ayaa mid kasta taageerayaashiisa Magaalada Kismaayo waxaa ay u doorteen Madaxweynaha Jubbaland, hayeeshee C/Naasir Seerar uu si lama filaan ah ku tegay Nairobi kulana kulmay Axmed Madoobe, halka Cabdi Rashiid Xidig aan weli wax war ah dhankiisa kasoo bixin.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa kadib doorashadiisii sheegay in uu diyaar yahay in uu xaliyo cid kasta oo wax ka tabanayesa, waxaana maalmahaan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya uu kulamo kula qaadanayay siyaasiyiin iyo madax ka tirsan Beesha caalamka. Axmed Madoobe Madaxweynaha Jubbaland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya oo diiday dib u doorashadiisii ayaa weli uu u dhaxeeyaa khilaafkii ka dhashay doorashada taas oo aan weli xal loo helin.

Axmed Madoobe ayaa Nairobi ka wado kulamo uu la qaadanayo siyaasiyiin Soomaali ah iyo xubno ka tirsan Beesha Caalamka, wuxuuna waqti badan ku bixinayaa sidii uu xal ugu heli lahaa khilaafka ka dhashay doorashadii dib loogu doortay ee ka dhacday Kismaayo.

Maamulka Jubbaland 29ka Nofeembar 2019 Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada dhexe ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay xalay duqeymo ka fuliyeen degmada Jilib ee gobolkaasi.

Duqeynta ayaa lala beegsaday sargaal sare oo ka tirsan Amniyaadka Al-Shabaabiyo ilaaladiisa, xilli uu shir kasoo baxay safarna u ahaa deegaano hoos yimaada degmada Jilib.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga ayaa  sheegay in khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu soo gaaray sarkaalka iyo ilaaladiisa.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in duqeynta ay dhacday wax yar uun kadib markii uu soo dhamaaday shir looga hadlayay  amniga oo ay lahaayeen xubnaha Al-Shabaab ah. Lama oga wadanka laga leeyahay diyaaradaha fuliyay duqeyntaas, sidoo kale ma jirto cid ka madax banaan saraakiisha noo warantay oo xaqiijisay duqeymaha la sheegay in ay xalay ka dhaceen qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Dhexe.

 

Inta badan duqeymaha ka dhaco Soomaaliya waxaa fuliso Dowladda Mareykanka, sidoo kalana mararka qaar waxaa fuliyo diyaaradaha dagaalka ee Faransiiska.

 

Wixii warar ah ee kusoo kordha  duqeyntaas iyo cidda sheegato waxaad ku akhrisan doontaa wararkeena dambe Inshaa Allah

https://www.youtube.com/watch?v=NGhDjOOC2BU

WARARKA MAANTA 28ka Nofeembar 2019 Sir Culus! 

Su’aallaha Maanta: Yaa xukumma xeradda Xalane? Yaa dilaya Marxuumad Almaas Elman? Yaa dhaca canshuurta #Muqdisho? Yaa Soomaliya ka dhigay waddanka adduunka ugu musuqmaasuqa badan? Maxuu Argagixiye Maal-Galiye Taliyaha Hay’adda Nabad-Sugidda Iyo Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin u codsanayaa inuu si qarsoodi ah ula kulmo Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Madoobe oo Nairobi jooga? Yaa madaxweyne ka noqon doona #Soomaaliya? Maxayse laba aqal u diidan yihiin inay si sharciga waafaqsan ula xisaamtamaan xukuummadda fashilantay ee Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raam-Sade”?

Ha wiqleyso!

https://www.youtube.com/watch?v=yg7e3bvGM4o

Kenya 28ka Nofeembar 2019 War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Kenya kaas oo u muuqday in la soo gaarsiiyey Safaaradda Kenya ee Muqdisho ayaa lagu shaaciyey in Kenya dhaqan gelisay heshiiskii ay dhawaan wada galeen Madaxweynayaasha labada dal.

Sida lagu sheegay qoraalkan waxaa ay dowlada Kenya bilowday inay joojiso duulimaadyadii sida tooska ah ugaga soo baxay magaalada Muqdisho inay soo maraan magaalada Wajeer iyo in sidoo kale diblumaasiyiinta Soomaliyeed iyo xildhibaanada dowlada Soomaaliya ay dal-ku-galka Kenya ka qaataan marka ay tagaan dalka Kenya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa caddeysay in diyaaradaha toos uga dagayo Nairobi ay yihiin kaliya kuwa Muqdisho kasoo dhoofo balse kuwa kale ay mari doonaan Magaalada Wajeer.

Qoraalkan ayay dowlada Kenya ku sheegtay inay si aad ah ugaga go’an tahay inay fuliso heshiisyada labada dal.

Muqdisho 28ka Nofeembar 2019 Xog aan helnay ayaa sheegay in amarkii lagu hor-istaagay in xildhibaan Dalays Xasan Aadan ay ka dhoofto garoonka Muqdisho, oo ay aaddo gobolka Gedp uu bixiyey madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xubnaha aan la hadalnay ayaa noo sheegay in maamulka garoonka lagu amray in ilaa amar dambe aysan xildhibaanada baarlamaanka aadi karin Gedo iyo sidoo kale siyaasiinta mucaaradka ah hadii ay dhacdana in ay ka baxaan garoonka Muqdisho ay ku bixi karaan oo kaliya amar sare.

Sababta amarkaan loo soo saaray ayaan lala wadaagin saraakiisha garoonka diyaaradaha Muqdisho balse waxay u muuqataa mid la xariirta isbadalada amni iyo kuwa siyaasadeed oo ay Itoobiya kawado Gedo.

Xildhibaan Dalays Xasan Aadan waxay kasoo jeedaa gobolka Gedo, waxayna ku beel tahay madaxweynaha, hase yeeshee waxay ka mid tahay siyaasiyiinta fikir ahaan diidan madaxweynaha.

Wareysi ay siisay VOA-da markii la xanibay Isniintii ayay ku tiri “Dowladda hadda jirta cid kasta oo ka ra’yid duwan waxay la galaysaa dagaal.”

Sida aan xogta ku helnay, Farmaajo ayaa ka cabsi qaba in xildhibaanada tagaya Gedo ay caqabad ku noqdaan qorshaha ay dowladda kula wareegeyso gobolka ayada oo kaashaneysa ciidamada Itoobiya.

Korneel C/llaahi Cali Macow oo ka tirsan Saraakiishii hore ee NISA ayaa sheegay in amarka lagu hor istaagayo Xildhibaan iyo qof kale oo sare uu yahay mid ka yimaada Madaxweynaha talada haaya balse aysan bixin karin qof kale.

“Kaliya madaxweynaha ayuu ka imaan karaa amarka nuucaas ah ma jirto qof kale oo qaadan kara, hadii uu qaatana waa go’aan qar iska tuurnimo ah” ayuu yiri Korneel C/llaahi Cali Macow.

“Haddii uusan aheyn amar ka soo baxay madaxweynaha waxay aheyd inuu jawaab ka bixiyo sababtoo ah wax sahlan ma ahan in Xildhibaan xasaanad leh la hor istaago waliba degaankiisa u socda” ayuu yiri Korneel C/llaahi Cali Macow.

Korneel Macow ayaa ku taliyay in Golaha Shacabka ay u yaraan Madaxweynaha Soomaaliya halkii ay u yeereen wasiirka amniga Soomaaliya iyo Taliyaasha Booliiska iyo socdaalka.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo xukuumadda ayaa ilaa hadda ka hadlin is hortaagii lagu sameeyay Xildhibaan Dalays Xasan Aadan oo ka tirsan Golaha Shacabka.

Hay’adda NISA oo markii hore la sheegay inay bixisay amarka ayaa iska fogeysay, sida ay xubno ka tirsan u sheegeen Caasimada Online.

 

Soomaaliya Iyo Turkiga 28ka Nofeembar 2019 Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa gaaray heshiis cusub oo is-afgarad ah, kadib socdaal uu dalkaasi ku gaaray Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia Axmed Ciise Cawad ayaa maanta wadahadal laba geesood ah kula yeeshay dhiggiisa dalka Turkiga Mevlüt Çavuşoğlu magaalada Ankara, iyagoo kala saxiixday heshiis sare u qaadaya iskaashiga iyo wax wadaagga labada wasaaradood ee Somalia iyo Turkiga.

Labada wasiir arrimo dibadeed ayaa ka wadahadlay xiriirka labo geesoodka iyo siyaabihii lagu xoojin lahaa wax u adeegaya dano wadaagga dhinacyada kala duwan leh.

Heshiiska is-afgaradka ay kala saxiixdeen labada wasiir ayaa waxa uu ku salaysan yahay iskaashiga tababarka diblomaasiyadeed, is-dhaafsiga xogaha iyo dukumintiga ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Qoraal kooban oo bartiisa Twitter-ka uu soo dhigay Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Mevlut Cavasoglu ayaa sheegay in heshiiska ay kala saxiixdeen uu sii xoojin doono iskaashiga ka dhaxeeya labada Wasaaradood, isla markaana mar walba ay taageeri doonaan walaalaheena Soomaaliyeed sida uu yiri.

“Waxaan ka wada hadalnay xiriirkeena wanaagsan iyo arrimaha gobolka Wasiirka Arrimaha dibadda walaalkey Axmed Ciise Cawad, heshiiska aan la saxiixaday waxaa uu soo xoojin doonaa iskaashiga ka dhaxeeya wasaaradaheena”ayuu yiri Mevlut Cavasoglu.

Xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga ayaa xoogeystay wixii ka dambeeyay sanadkii 2011kii markaas oo macluul daran oo ka jirtay Soomaaliya oo Madaxweynaha Turkiga oo xilligaas ra’isalwasaare ahaa yimid Muqdisho kana billaabay gargaar iyada oo Turkigu kaddibna sii ambaqaaday taageerada Soomaaliya ee amaanka, dib u dhiska, Waxbarashada, Ganacsiga iyo wixii la mid ah.

Minneapolis 28ka Nofeembar 2019 Ilaa Shan ruux oo ay Soomaali ka mid ahaayeen ayaa la xaqiijinayaa in ay ku dhinteen Dab ka kacay Daar ku taala magaalada Minneapolis gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka. Maxamed Nuur oo ah Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Minnesota ayaa VOA  u sheegay in dadkan dhintay Afar ka mid ah ahaayeen Soomaali, waxaana uu intaa ku daray in marka laga soo tago Shanta Ruux ee dhimatay sidoo kale jiraan dad kale oo la dhigay goobaha caafimaadka oo ay dhaawacyo soo gaareen.

Maxamed Nuur ayaa sheegay in ilaa iyo hadda inta la og Dabkan uu ahaa mid aan ciddi ka danbeeynin oo si iskii ah ku kacay, balse sidaa oo ay tahay waxaa wali soconaya ayuu yiri baaritaan la xiriira arintan.

Dhismaha uu dabka ka kacay ayaa waxaa ay sheegen in dadka badi ay u  geeriyoodeen Neefta oo ku xirantay sababo la xiriira qiiqa dabka oo aad u  badnaa, iyaga oo sharaxaad ka bixiyey sida uu dabka ku bilaawday.

Muqdisho 28ka Nofeembar 2019 Kulan ay maanta wadajir u yeesheen labada Aqal ee Baarlamanka oo ahaa shirkoodii saddexaaad ayaa lagu qeybiyey Sharciga Doorashada ee ay soo diyaariyeen Guddi uu sameeyay Guddoonka Baarlamaanka, kaasoo ka duwan sharcigii hore ee Golaha Wasiirada ansixiyeen, kana yimid Madaxtooyada Soomaaliya.

Sharcigan cusub ayaa ka bedelay kii Golaha Wasiirada iyo Madaxtooyada ee loo gudbiyey Baarlamaanka, waxaana isbedel ku sameeyay Guddiga baarlamaanka oo tegay dhammaan maamul Goboleedyada dalka, isla markaana la-tashiyo la sameeay xisbiyada siyaasadda iyo qeybaha Bulshada.

Kulanka wadajirka ee labada Aqal ee Baarlamanka wuxuu ku furmay 186 Mudane, iyadoo ajenduhu uu ahaa: Habraaca Ansixinta Dib u eegista Dastuurka Kumeelgaarka, kadibna waxaa la qeybiyey Xeerka Doorashada oo si weyn ay uga horjeedo Madaxtooyada Soomaaliya.

Warbixinta oo ka koobneyd lix bog ayaa waxaa ku lifaaqneyd sharciga doorashooyinka oo loo qeybiyay Xildhibaanada, iyadoo lagu sameeyay wax ka bedel badan qaabkii ay Xukuumadda u soo diyaarisay ee aan waafaqsaneyn Dastuurka.

Sidoo kale warbixinta Guddiga ayaa waxaa ku jirtay la tashiyo uu ka soo sameeyay dowlad goboleedyada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, waxaana dhammaan warbixinta ku cadaa natiijada kulamada Guddiga soo waday ee la xiriiray la tashiyada sharcigan.

Qodobada Guddiga wax ka bedelka ku sameeyay ayaa ahaa inuu meesha ka saaray hannaanka doorashada ee nidaamka Metelaada isu dheeli tiran ee Liiska xiran (Proportional representation closed list), kaasoo ahaa mid dhaliyay doodo kala duwan, gaar ahaan sida la isku waafajin karo awood qeybsiga 4.5.

Sidoo kale Guddiga ayaa qaatay Nidaamka Aqlabiyada badan (Majoritarian System) kuna salaysan in kursi kastaba gaarkiis loo doorto (Single Member popularity “SMP”) ama habka loo yaqaan horreeyaa guuleysta (First Past The Post “FPTP”) oo lagu kala baxo codka haldheeriga ah ee tartanka kursi deegaanka.

Nidaamkan cusub ayaa laga hor akhriyay Golaha inkastoo aan laga doodin oo wali howshiisa ay socoto, waxaana xildhibaanada lagu wargeliyey inay laba cisho isha soo mariyaan si sharcigaan looga doodo.

Guddoonka labada aqal ayaa u midoobay inay ka hortagaan sharciga Doorashada ee ay wadato Madaxtooyada, waxaana la xaqiijiyey in Madaxweyne Farmaajo aanu raali ka ahayn sida ay u socoto shaqada labada Aqal xilligan.

Muqdisho 28ka Nofeembar 2019 Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) oo la kulmay qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada Militeriga Soomaaliya ayaa warbixin ka siiyey amniga caasimadda, isagoo ka dalbaday in la bilaabo wada shaqeyn dhex marta iyaga iyo laamaha amniga gudaha.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa saraakiisha Militeriga iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda waxa uu u bandhigay qorshahooda sugidda amniga caasimadda, waxuuna shaaca ka qaaday in isaga iyo guddoomiyaasha degmooyinka uu balan adag meel u yaallo.

“Hadii Dagmada gudaheeda wax lagu dilo oo qofkii wax ku dilay isagoo nabad ah uu baxsado , Dagmadaas Gudoomiye cusub aa loo magacabaa, waliba nin sarkaal ah oo Militery ah Cabdi bilahiisa iyo ciidankiisa wato Gudoomiye ugu dhigeynaa ballanka aan qabno waa kaas, marka inuu habeen iyo maalin degmadiisa amnigeeeda u soo jeedo ayaan isku ogeyn” ayuu yiri Guddoomiye Filish.

Guddoomiyaha ayaa saraakiishii goobta ku sugneed u sheegay inay ka go’antahay inuu magaaladaan ka dhigo mid amni ah, waxuuna ka dalbaday in hadii uu culeyso ku yimaado amniga gudaha ay garab u noqdaan laamaha amaanka gudaha, isagoo u balan qaaday dhankooda in hadii ay iyagu culeys kala kulmaan amniga dibadda ama furimaha ay garab sii doonaan.

Maamulka Dowladda Puntland 28ka Nofeembar 2019 Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo maalmahan safar shaqo ku joogay magaalada Dubai ee waddanka Imaaraadka Carabta, ayaa halkaasi kula kulmay mas’uuliyiinta Imaaraadka Carabta u qaabilsan Tababarka iyo Taakuleynta ciidanka Puntland ee PMPF.

Madaxweynaha ayaa la xaqiijiyay in uu mas’uuliyiinta Imaaraadka ku qanciyay, in ay sii wadaan Qandaraaska shirkadda PDG oo dowladda Imaaraadka ay Adeega iyo Saadka u soo marin jirtay ciidanka Badda Puntland ee PMPF.

Dowladda Imaraadka Carabta, ayaa bishii June ee sannadkan hakisay Logistic-kadii ay ciidanka PMPF u soo marin jirtay shirkaddaasi PDG, kadib markii uu khilaaf ba’an soo kala dhex-galay Saamileydii ku midaysnaa PDG, islamarkaana uu khal-khal ku yimid hawlihii shirkaddaasi.

Sidoo kale, saraakiisha Imaaraatiga ayaa wakhtigaasi  ku hanjabay, in ay gebi ahaanba Qandaraaska kala laaban doonaan shirkadda PDG, kadib markii la xallin waayay khilaafka u dhexeeya Saamileyda ku midaysan Shirkadda.

Balse, madaxweynaha Puntland ayaa sida la sheegayo mas’uuliyiinta Imaaraadka u xaqiijiyay, in xal rasmiya laga gaaray khilaafkii u dhexeeyay Saamileyda PDG, isagoo ku qanciyay in ay sii wadaan Qandaraaska PDG ee Taakuleynta ciidanka PMPF.

Wararku waxay intaas ku darayaan, in madaxweynuhu safarkiisi soo geba-gabeeyay, isagoo la filayo in uu maalinta Sabtida soo socota dib ugu soo laabto magaalada

Muqdisho 28ka Nofeembar 2019 Sida lagu qoray Defenceweb,  Shirkadda soo saarto Gaadiidka kala duwan ee Ciidanka ee lagu magacaabo Navistar ayaa waxaa la siiyey mashruuc ay gaadiidka dagaalka ku geyneyso Soomaaliya .

25 Bishaan November ayaa shirkadda Navistar la siiyey heshiis ku kacaya $26 748 087 Milyan oo dollar oo ay ka heshay Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka, waxaana lagu sheegay heshiiskaas inuu yahay mid qiimihiisu go,an yahay.

Shirkaddaan ayaa lagula heshiiyey inay Ciidanka Soomaaliya usoo saarto laba nooc oo ah gaadiidka ciidamada oo dhex dhexaad ah oo ah kuwa ganacsi ahaan loo soo saaro gaar ahaan noocyada 6×6 General Transport Truck iyo 6×6 Wrecker Vehicle Recovery Truck oo wato qalabkii lagu dayactiri lahaa.

Sida heshiiska dhigayo Shirkadaan ayaa laga doonayaa inay gaadiidkaas iyo qalabka dayactirka ay Soomaaliya gaarsiiso sanadkan 2022 laguna wareejiyo Dowladda Soomaaliya. Gaadiidka la filayo inay shirkadaan Soomaaliya keento ayaa waxaa kamid ah 7000-MV oo ah kuwa qaado xamuulka dhulka ayna isticmaalaan inta badan ciidamada Dowladaha Adduunka. Gawaaridaan ayaa la sheegay in midkiiba uu qaadi karo culeys gaarayo ilaa 5 Tan, waxaana xusid mudan inuu leeyahay qol lagu keediyo hubka, waxaana markiiba raaci karo 20 Askari, waxaana sidoo kale kamid ah gawaaridaas kuwa qaadi karo illaa 13 Tan, Askari iyo Kunteenarada sahayda loogu qaado ciidamada.

Gawaaridaas la filayo in Soomaaliya la keeno ayaa waxaa kamid ah mid si weyn u anfici doono Dowladda Soomaaliya oo dagaal kula jirto Al-Shabaab, waana Wrecker oo ah Gaari  la tacaali karo miinooyinka jidadka lagu aaso, sidoo kalana ka hor tagi karo gantaalada kala duwan waxayna leeyihiin goob ay isku badbaadin karaan 2 ilaa 3 Askari marka lala helo Qarax, wuxuuna qaadi karaa illaa 36 Tan.

Gaarigaan ayaa waxaa ku xiran qalab Balastic ah oo lagu magacaabo ‘Incrovised Explosive Devise (IED)’ kaasoo qabanayo shaqada ah in la qaboojiyo qaraxyada iyo miinooyinka lala beegsado, wuxuuna ku xiran yahay qeybta dambe ee gaariga. Mareykanka ayaa Soomaaliya siinayey kaalmo military si ay uga qeyb qaadato dagaalka ka dhanka ah kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab, balse waxay joojisay Bishii December 2017 markii Saraakiisha Ciidamada Dowladda ay ku fashilmeen inay soo gudbiyaan xisaab xirka cuntooyinka iyo Shidaalka la siin jiray Ciidamada balse waxaa dib loo bilaabay Bishii July ee sanadkaan inkastoo aysan aheyn sidii markii hore looga bartay.

 

Dowladda Mareykanka ayaa adkeysay  joogitaankeeda Militari ee Soomaaliya sanadkii 2006, waxayna saldhigyo ku kala leeyihiin Kismaayo iyo Balidoogle halkaas oo ay ka qaadaan weeraro lagu fuliyo diyaaradaha aan duuliyaha laheyn oo lala beegsado goobaha ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

 

Saldhigga ugu weyn ee Mareykanka ku leeyahay Soomaaliya ayaa ah midka Balidoogle, waxaana ku socdo dhismo casri ah iyadoo lagu bixiyey 12 Malyan oo Lacagta mareykanka waxaana la filayaa in la dhameeyo dhammaadka sanadkaan.

 

Dowladda Soomaaliya weli si rasmi ah ugama hadlin heshiiskaas Soomaaliya lagu keenayo Gawaarida dagaalka oo casri ah, waxaana xusid mudan haddii ay arrintaas suurta gasho inay ciidamada Dowladda ka caawin doonto dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab.

 

Soomaaliya weli waxaa saaran cunaqabateynta hubka, mana helin ciidamada Dowladda Soomaaliya qalab casri ah tan iyo burburkii Dowladdii Siyaad Barre, waxayna taas keentay inay ciidamada Dowladda ka adkaan waayaan Al-Shabaab oo ka taliyo deegaano badan oo ka tirsan Soomaaliya.

WARARKA MAANTA 27ka Nofeembar 2019 Sir Culus! 

Su’aallaha Maanta: Maxay warbaahinta kala duwan ee gaar loo leeyahay u diiday inay qariso musuqmaasuqa baahsan ee xukuummadda fashilantay ee Nabar Iyo Naxdin ee uu hoggaamiyo Raysal Wasaare Kheyre? Yaa #Soomaaliya ka dhigay waddanka adduunka ugu musuqmaasuqa badaan Madaxweyne Mudane Farmaajo “Been-Hawaas” ama Raysal Wasaare Mudane Kheyre “Bakhti-Raam-Sade”? Maxuu Nairobi ka qabanayaa Maal-Galiyaha Argagixisadda Al-Shabaab ahna Taliyaha Nabad-Sugidda Iyo Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin oo raba inay #Kenya badda qaadato? Maxay beesha caalamka u diiday inay wax dhaqaallo ah siiso xukuummadda fashilantay? Yaa madaxweyne ka noqon doona Soomaaliya? Maxaa loo eryey Xeer Ilaaliyaha Guud Axmed Macalin Fiqi? Yaa noqon doona Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka #Galmudug? Ha wiqleyso!

Muqdisho 27ka Nofeembar 2019 Guddiga sharciga doorashooyina ee baarlamanka Soomaaliya, oo dib u eegis ku sameynayey waxna ka beddelayey sharciga doorashooyinka ee ay golaha wasiirada Soomaaliya ansxiyeen 2-dii May 2019, ayaa shaqadooda soo geba gebeeyey.

Guddigan ayaa dhowr maalmood ka hor guddoomiyaha baarlamanka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan u gudbiyey sharciga doorashooyinka oo ay ka beddeleen dhowr qodob, balse waxaa ugu weyn uguna muhiimsan saddex qodob.

Sida xubno ku dhow guddoomiye Mursal ay u sheegeen Caasimada Online, guddiga ayaa meesha ka saaray qodobkii 56-aad ee sharciga doorashooyinka ee ay ansixiyeen golaha wasiirada.

Qodobkan ayaa u ogolaanaya in madaxweynaha iyo baarlamanka ay muddo laba sano ah waqtiga kororsadaan, haddii dalka ay ka dhici weyso doorasho sababo jira awgood. Sababaha la xusay ee doorashada ay ku baaqan karto ayaa waxaa ka mid ah amni-darro baahsan, dillaaca cudurada la is-qaadsiiyo, abaaro, daadad, duufaanno iyo wax kasta oo lagu qeexi karo musiibo qaran.

Guddiga ayaa go’aamiyey in wax ka badan 6 bilood oo ah waqti kordhin farsamo aan la siin karin madaxweynaha iyo baarlamanka. Taasi waxay noqon kartaa haddii arrimo farsamo ay u saamixi waayaan guddiga doorashooyinka qaranka in doorashooyinka ay ku dhacaan waqtigooda.

Guddiga ayaa sidoo kale go’aamiyey in xildhibaanada cusub ee baarlamanka ay deegaanad ay kasoo jeedaan kasoo doortaan shacabka ayaga oo adeegsanaya nidaamka qof iyo cod ee doorashada deegaanada badan (Multi constituency), oo macnaheedu yahay in xildhibaan kasta laga soo dooranayo deegaan doorashadiisa iyo maamul goboleedkiisa.

Tani waxay meesha ka saartay rabitaankii Villa Somalia ee ahaa in dhammaan xildhibaanada laga sooo doorto hal deegaan doroasho (Single constituency), taasi oo u saamixi lahayd inay dad taageersaan meel isugu keento, oo ay u codeeyaan dadka rabto kaliya.

Go’aanka ugu culus ee guddiga gaaray ayaa ah in madaxweynaha cusub ay soo doortaan xildhibaanada labada aqal ee baarlamanka, sida uu dhigayo qodobka 89-aad ee dastuurka, farqadiisa koowaad oo leh.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka waa in ay doortaan labada Gole ee Baarlamaanka oo wada fadhiya, waxaana guddoominaya fadhigaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah.

Guddiga ayaa meesha ka saaray qodobkii ay rabtay Villa Somalia ee ahaa in madaxweynaha ay doortaan shacabka, balse aan shacabka oo dhan ahayn ee ahaa dad hal meel la isugu keeno oo la leeyahay waxay wada-matalayaan shacabka, taasi oo ogolaan lahayd in dad gaar ah oo lasoo xulay meel la isugu keeno, una codeeyaan qofkii isku keensaday.

Maamulka Dowladda Galmudug 27ka Nofeembar 2019 mar ka soo baxay laamaha amaanka magaalada Dhuusamareeb ee hoos taga dowladda federaalka ayaa lagu mamnuucay shirarka aysan ka warqabin ee lagu qabanayo goobaha hoteelada iyo maqaayadaha ee magaalada.

Caasimada Online ayaa ogaatay in si gaar ah amarkaan loola wadaagay milkiilayaasha hoteelada ku yaalla magaalada Dhuusamareeb.

Amarkaan oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda federaalka ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa milkiilayaasha hoteelada magaalada waxaa looga digay in hoteeladooda aan lagu qaban karin shir aan ogolaasho ka heysan iyaga ama liddi u ah dowladda federaalka.

Amarkaan ayaa ku soo aadaya iyadoo magaalada ay kulamo uga socdaan hoggaanka Ahlu-Sunna, kuwaas oo ka arinsanaya wixii ay ka yeeli lahaayeen talaabdii uu shalay qaaday guddiga farsamada maamul dhisida Galmudug oo soo saaray jadwalka doorashada maamulkaas.

Sidoo kale waxaa jira siyaasiyiin ka soo jeeda deegaanada Galmudug, kuwaas oo iyaguna Dhuusamareeb ka wada kulamo ay uga arinsanayaan hanaankii ay saamayn ugu yeela la haayeen maamulka loo dhisayo Galmudug.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu daadiyey inta badan goobaha muhiimka ah ee magaalada.

Muqdisho 27ka Nofeembar 2019 xaqiijinaysa in hoggaanka Ahlu-Sunna Waljamaaca ay go’aansadeen qorshe liddi ku ah jadwalkii uu soo saaray guddiga farsamada maamul dhisidda Galmudug oo ay magacaawday dowladda dhexe.

Kulamo magaalada Dhuusamareeb uga socday hoggaanka Ahlu-Sunna saacadihii lasoo dhaafay ayaa lagu go’aamiyey in 29-ka bishan ay Ahlu-Sunna ku dhawaaqdo 89 xildhibaan oo ah tirada guud ee baarlamaanka maamulka Galmudug.

Maalinta ay Ahlu-sunna go’aamisay inay shaaciso liiska xildhibaanada cusub ayaa dhinaca kale waxay ku aadan tahay maalinta ay guddiga maamul dhisidda Galmudug oo ay magacaawday dowladdu ay jadwalkooda ku cadeeyeen inay bilaabanayso soo xulista xildhibaanada maamulka Galmudug.

Masuul ka tirsan hoggaanka sare Ahlu-Sunna ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in fadhiga lagu go’aaminayey arrintaas ay goobjoog ahaayeen Macalin Maxamuud Sheekh Xasan iyo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, isla markaana ay iyagu go’aankaas gaareen.

Ahlu-Sunna ayaa hadda Dhuusamareeb ka wada soo xulidda xildhibaanada cusub ee Galmudug oo gaaraya 89 mudane, sida uu noo xaqiijiyey masuulkaas ka tirsan xubnaha sare ee Ahlu-sunna.

Ahlu-Sunna ayaa horay u magacaawday guddi doorasho oo ka madax banaan ka ay magacaawday dowladda federaalka ee soo saaray jadwalka doorashooyinka maamulkaas.

Sidoo kale go’aankaan ayaa ku soo aadaya iyadoo caawa laamaha amaanka magaalada Dhuusaamreeb ay soo saareen amar ah in hoteelada magaalada aan lagu qaban karin shirar ka dhan ah dowladda federaalka ama aan ogolaansho looga heysan saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan Dhuusamareeb.

Muqdisho 27ka Nofeembar 2019 Ergadii isku xil qaantay dhexdhexaadinta xisbiyada mucaaradka ah iyo xukuumadda Somaliland ayaa maanta sheegay in labaddii dhinacba kalsoonidii hawshaasi ku gali lahaayeen siiyeen, isla markana isku dayi doonaan inay soo afjaraan khilaafka labadda dhinac. Ergadan ayaa ka kooban ganacsato iyo culimo ayaa sheegay in madaxweyne Biixi siiyey kalsoonidii ay khilaafa ku soo xalin lahaayeen,isla markaana madaxweynuhu ka aqbalay in la sii daayo masuuliyiinta ka xidhan xisbiga WADDANI.

https://www.youtube.com/watch?v=8XG_n85F3pg

WARARKA MAANTA 26ka Nofeembar 2019 Sir Culus! 

Su’aallaha Maanta: Yaa #Soomaaliya ka dhigay waddanka adduunka ugu musuqmaasuqa badaan Madaxweyne Mudane Farmaajo “Been-Hawaas” ama Raysal Wasaare Mudane Kheyre “Bakhti-Raam-Sade”? Maxuu Nairobi ka qabanayaa Maal-Galiyaha Argagixisadda Al-Shabaab ahna Taliyaha Nabad-Sugidda Iyo Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin oo raba inay #Kenya badda qaadato? Maxay beesha caalamka u diiday inay wax dhaqaallo ah siiso xukuummadda fashilantay? Yaa madaxweyne ka noqon doona Soomaaliya? Maxaa loo eryey Xeer Ilaaliyaha Guud Axmed Macalin Fiqi? Yaa noqon doona Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka #Galmudug? Ha wiqleyso!

Muqdisho 26ka Nofeembar 2019 Xildhibaan Cabdifataax Ismaaciil Daahir oo ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya kana mid ah Madasha Xisbiyada Qaran ayaa sheegay in afar Maalin kadib uu madaxweyne Farmaajo ka baxay qodob ka mid ah heshiiskii ay la galeen.

Xildhibaanka ayaa sheegay in kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo Madasha Xisbiyada ku yeesheen Villa Somalia ay balantu aheyd in aan la siyaasadeyn ciidamada, hase yeeshee taasi laga baxay, isla markaana ciidamada dowladda loo adeegsaday xildhibaan ka tirsan golaha shacabka.

Xildhibaan Cabdifataax Ismaaciil Daahir ayaa sidoo kale dalbaday in kulanka baarlamanka ee maanta oo ay hor imaanayaan Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Booliska lagu soo daro taliyaha Nabad-Sugida Somalia Fahad Yaasiin, islamarkaana ay baarlamaanka hortiisa su’aalo ku weeydiinayaan.

Waxaa uu intaasi ku daray in marnaba aysan ogolaaneyn in la galo marmarsiiyo, islamarkaana lagu amro in saxaafadda ay banaanka ka joogto kulanka.

Hadalka Xildhibaan Cabdifataax Ismaaciil Daahir ayaa daba socday kadib markii Xildhibaan Daleys Xasan Aadan kamid ah xildhibaannada Golaha Shacabka ay shalay kulankii baarlamanka ka sheegtay in loo diiday inay ka dhoofto Garoonka Aadan Cadde ayada oo loo sheegay inay amarkaas bixisay NISA.

NISA ayaa beenisay inay bixisay wax amar ah oo lagu hor-istaagay xildhibaan Daleys.

Eedeynta cusub ee Madasha Xisbiyada Qaran ayaa ah tii labaad oo ay u jeediyaan madaxweynaha ayada oo dorraad ay sidoo kale Madashu sheegtay in madaxweynaha uu ka baxay qodob kale oo lagala hadlay oo ahaa arrinta gobolka Gedo.

Ahlu Sunna Wajama 26ka Nofeembar 2019 Hoggaanka sare ee Ahlu Sunna ayaa xalay go,aanno cusub ka soo saaray xaaladda Galmudug, gaar ahaan doorashada maamulkaasi.

Qodobada oo ka kooban illaa afar ayaa dhamaantood waxa ay yihiin kuwa liddi ku ah dowladda federaalka  Soomaaliya oo garwadeen ka ah dhismaha Galmudug oo mid ah.

Sidoo kale hoggaanka Ahlu Sunna ayaa isku raacay in markale warqad ashtako ah oo looga soo horjeedo dowladda loo diro beesha caalamka.

Waxaa kaloo qoraalka ka soo baxay Ahlu Sunna lagu sheegay in ay dhowaan shaacin doonaan habraaca doorashada ee maamulka Galmudug.

Halkan hoose ka aqriso qodobada:

1: In Ahlusunna ay markale Warqad ashtako ah u dirto Beesha Caalamka,taas oo ay ku sheegayaan in dowladda iska dhega tirtay heshiiskii ay wada galeen,isla markaana ay guda gashay xulista Baarlamaanka Cusub ee Galmudug.

2: in Guddiga Farsamada iyo dhismaha Galmudug ee uu Magacaabey Sheekh Shaakir ay muddo Todobaad gudahood ay kusoo xulaan kuna shaaciyaan Xubno Baarlamaan oo ka kooban 89 Xubnood.

3: In Ahlusunna wadatashi kadib ay soo saari doonto habraaca doorashada Galmudug iyo mowqifkooda howlaha ay dowladda Federaalka ka wado deegaannada Galmudug.

4: In tallaabo kasta oo ay qaadayaan Ahlusunna ay noqdaan kuwo taxadar leh,iyada oo hoggaamiyaha Ahlusunna Maxamed Maxamuud uu walaac ka muujiyey sida ay dowladda u wado dhismaha Maamulka Galmudug.

Shalay ayey aheyd markii guddiga farsamada oo ay ku dhawaaqday dowladda dhexe uu shaaciyey jadwadka doorashada baarlamaanka iyo mida madaxweynaha ee dowlad goboleedka Galmudug.

Kenya 26ka Nofeembar 2019 Sida uu baahiyey wargeyska Daily Nation ciidamada Milatariga Kenya ayaa la wareegay amniga madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan oo hadda ku sugan gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi.

Wargeyska oo soo xiganaya sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada difaaca dowladda Kenya ayaa sheegay in wafdiga uu hogaaminayo Sayid Aadan la dajiyey Hotel ku yaalla magaalada Mandera, islamarkaana ay la wareegeen amnigiisa, sida uu hadalka u dhigay.

Sarkaalka la hadlay Daily Nation ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka Itoobiya ay u diideen madaxweyne ku xigeenka inuu gudaha galo magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Sidoo kale wuxuu sarkaalku ka gaabsaday inuu faah faahin intaasi ka baxsan bixiyo, isagoo sheegay in xukuumadda Nairobi looga baahan yahay inay ka jawaabto arintaasi

Xaaladda gobolka Gedo ayaa muddooyinkii dambe aheyd mid kacsan, kadib markii maamullada degmooyinka Beledxaawo, Luuq iyo Doolow ay shaaciyeen inay ku biireen dowladda federaalka Soomaaliya oo la wareegtay deegaano ku yaalla gobolka Gedo.

Lama oga sida ay noqon doonto xaaladda, iyadoo dhaq dhaqaaq milatari oo u dhexeeya ciidamada Itoobiya iyo kuwa Kenya laga dareemayo gobolkaasi.

Si kastaba ha’ahaatee arrimahan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe uu ku sugan yahay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, halkaas oo uu ka wado dhaq dhaqaaq siyaasadeed oo ku aadan xaaladda gobolka Gedo.

 

Muqdisho 26ka Nofeembar 2019 Ma jirto wax shaqo ah oo muuqda oo ka socda aqalka dowladda hoose ee gobalka Banaadir tan iyo markii la magacaabay Cumar Maxamuud Maxamed Filish waxaana sabab u ah khilaaf soo jiitamayay oo u dhaxeeya isaga iyo Kheyre.

Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in uu sii xoogeestay khilaafka labada mas’uul, islamarkaana aad looga dareemayo magaalada Muqdisho.

“Shaqo ma socoto waxaana sii xumaanaya xiriirka ra’iisul wasaaraha iyo guddoomiyaha aad ayaana looga dareemayaa aqalka dowladda hoose” ayuu yiri mas’uul ka tirsan maamulka gobalka oo la hadlay Caasimada Online.

“Guddoomiyaha aad ayuu isugu buuqsan yahay waxaana ka muuqato in uu wadi la’yahay shaqada gobalka sababtoo ah aad ayaa loo curyaamiyay, wax uusan fileen ayuuna kala kulmay halkaan” ayuu hadalkiisa sii raaciyay mas’uulka aan la hadalnay.

Sarkaal ka tirsan xafiiska Kheyre oo aan la hadalnay ayaa sidoo kale xaqiijiyey inuu khilaaf jiro balse wuxuu ka gaabsaday inuu faah-faahin bixiyo.

Khilaafka labada masuul ayaa salka ku haaya shaqada gobalka oo markii hore aheyd mid laga soo go’aamiyo xafiiska ra’iisal wasaaraha iyo sidoo kale maamulka lacagta gobalka oo inta ugu badan ku bixi jirtay xafiiska Kheyre balse hadda laga weeciyay.

Masuuliyiinta aan la hadalnay ayaa sheegay in hadii aan si deg deg ah loo xilin khilaafka labada masuul in ay gobalka ku reebi karto xaalad adag oo siyaasadeed islamarkaana ay curyaamin karto shaqooyinka horyaala gobalka Banaadir iyo dowladda dhexe.

 

Golaha Amniga Qaramadda Midooway 26ka Nofeembar 2019 Golaha Ammaanka QM oo warbixin kasoo saaray xaaladda Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, oo nabdoon, loo wada dhan yahay, la isku halleyn karo, cad, islamarkaana waafaqsan dastuurka qabyada ah.

Haddii sidaas ay dhacdo, ayaa lagu yiri warbixinta Golaha, waxay noqon doontaa tallaabo taariikhi ah oo loo qaaday dib u dhiska Soomaaliya, waxayna gacan ka gaysan doontaa horumarka dimoqraadiyadda dalka.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa sheegay in dhameystirka hab doorasho ay u baahan tahay isu-tanaasul, waxayna ugu baaqeen dhammaan dhinacyada Soomaaliya inay khilaafka meel iska dhigaan islamarkaana yeeshaan wada-hadallado wax ku ool ah.

Waxa uu sidoo kale Golaha ku baaqay in doorashadu noqoto mid loo dhan yahay oo ay ka qeyb galaan dhammaan qabaa’ilada iyo maamulada dalka ka jira.

Dhinaca kale, Golaha Ammaanka ayaa walaac ka muujiyey dhibaatada wada-shaqeyn la’aan ee ka dhex taagan dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, taasi oo uu sheegay inay caqabad ku tahay sidii lagu gaari hadafyada qaranka.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa ugu baaqay dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada inay dib u billaabaan wada-hadallada, si xal looga gaaro arrimaha taagan, islamarkaana la dhameystiro heshiis siyaasadeed loo dhan yahay.

Waxay si gaar ah u adkeeyeen baahida loo qabo in xal laga gaaro xaaladda Jubaland, waxayna ugu baaqeen dhammaan dhinacyada inay wada-hadal ka galaan arrintan.

Xubanha Golaha Ammaanka ayaa dhanka kale ku baaqay in horumar laga sameeyo dib u heshiisiinta iyo abaabulka doorashada Galmudug.

Waxay ugu dambeyn ugu baaqeen wakiilka QM ee Soomaaliya James Swan in isaga oo kaashanaya Midowga Afrika uu sii wado inuu dhinacyada Soomaaliya ka taageero sidii loo heli waddo horey loogu socdo.

Mogadishu 26ka Nofeembar 2019 Waxaa shalay gelinkii dambe illaa xalay Muqdisho ka da’ay roobab ay ka dhasheen daadad xoogan oo sababay khasaare kala duwan.

Inta la xaqiijiyey waxaa roobabkaani ku dhintay labo qof, iyadoo la soo badbaadiyey illaa saddex caruur ah oo dhismo uu ku soo dumay.

Saameynta ugu daran ayaa waxaa ay daadadku ku yeesheen dadka barakacayaasha ah iyo kuwa danta yar ee ku dhaqan magaalada Muqdisho

Sidoo kale biyaha ayaa jaray inta badan Waddooyinka Caasimada, iyadoona saaka aysan shaqeyneyn gaadiidka dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay intaba.

Dhinaca kale guddoomiyaha gobolka Banaadir, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa xalay kormeeray xaafadaha ay saameeyeen daadadka ka dhashay roobabkaasi.

Duqa Muqdisho ayaa booqday degmooyinka Boondheere, Shangaani, Xamarweyne, Wadajir, Xamar-ajab iyo Hodan, isagoo u u kuur galaya sida ay tahay xaaladda.

Ugu dambeyn guddoomiyaha ayaa faray waaxyaha gurmadka deg degga ah in ay u istaagaan ka hortagga dhibaatooyin bani’aadanimo oo ka dhashay daadadkaasi.

Maamulka Dowladda Somaliland 26ka Nofeembar 2019 Ciidamada Booliska ee Somaliland ayaa lagu soo warramayaa in saaka ay xabsiga dhigeen 9 nin oo u dhalatay dalka Imaaraadka Carabta.

Sagaalka nin oo ugaarsato ah ayaa waxaa lagu qabtay garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa, xilli ay doonayeen inay ka dhoofaan halkaasi, iyagoona laga reebay diyaaradii ay raaci lahayeen oo ku sii jeeday dalka isu tagga Imaaraadka Carabta.

Raggaan ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa deegaanada Somaliland, iyagoo u joogay howlo ugaarsi ah.

Agaasimaha Duur-Joogta ee wasaaradda deegaanka ee maamulka Somaliland, Naasir Xuseen oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ajaaniibtaasi si deg deg ah loo horkeeni cadalada, wuxuuna tilmaamay in laga qaadi talaabo adag, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Somaliland uu ka jiro sharci, islamarkaana cidkasta oo ku xadgudubta laga qaadi doono tallaabo waafaqsan sharciga.

Inta badan Somaliland ayaa ka hortagta ajaaniibta sharci darrada ah uga shaqeysata deegaanada maamulkaasi, waxaana dhowr jeer ay ceyrisay ajaaniib kala duwan.

Sacuudiga  26ka Nofeembar 2019 Kadib dhimashadii General Abdul-Aziz al-Fagham, oo ahaa ilaaliyaha gaarka ah ee boqor Salmaan Bin Abdul-Aziz, ayaa waxa isasoo taraya warbixino ku aadan qaabkii uu u dhacay dilkiisu.

Al-Fagham ayaa waxa la sheegayaa in uusan ku dhiman rasaas ka dhacday gudaha magaalada Jeddah, kadib khilaaf siyaasadeed oo soo kala dhex galay Mamdouh al-Ali xili uu ku sugnaa gurigiisa, sida hore loo sheegay.

Xog cusub ayaa sheegeysay in lagu dhex dilay gudaha qasri lagu magacaabo ‘Qasriga Nabada’, sida ay qortay majaladda Al-khaleej.

Waxa sidoo kale soo shaac baxaysa in Al-Fagham uu isku dayey in uu dilo Maxamed bin Salmaan, kadib markii uu ka gudbay xayn-daabka hore ee ammaan ee Bin Salmaan, taasi oo markii dambe sababtay in ay isku dhacaan ciidamada kooxda loo yaqaan ‘Blackwater’, oo ah koox Mareykan ah oo ka shaqeysa ammaanka Bin Salman, isla markaana sumcad xun.

Al-Fagham iyo Mamdouh al-Ali ayaa la sheegayaa in ay xiligaasi dileen ciidamada Blackwater ee amaanka u qaabilsan amiirka Boqortooyada, iyaga iyo 11 askari oo kale.

Calooshood u shaqeystayaasha Blackwater ayaa daqiiqadihii ugu dambeeyay ku guuleystay fashilinta dilka bin Salman, kadib markii ay dileen Al-Fagham iyo al-Ali, isla markaana ay dhaawaceen saraakiishii kale ee qorshahaasi kula jirtay, sida uu qoray wargeyska Al-khaleej.

“Amiirkii Boqortooyada wax dhibaato ah kama soo gaarin isku deygaasi dil, laakiin dhawaaqa rasaasta ayaa ugu filnaa ka cabsiin” ayaa laga soo xogtay qof dhacdadan xog ogaal u ahaa.

Warbixintan cusub ee ku aadan dilka General Abdul-Aziz al-Fagham ayaa shaki badan galinaysa sax ahaanshaha qaabka rasmiga ah ee loo dilay, xili ay soo baxayaan warbixino kale oo ku aadan qaabka loo dilay Al-Fagham.

Wakaaladda wararka Sacuudiga ee Saudi Press Agency ayaa 30-kii September sheegtay in al-Fagham uu dilay nin ay saaxiibo ahaayeen oo muran uu kala dhaxeeyey, xilli uu ku sugnaa gurigiisa magaalada Jeddah. Waxay sidoo kale sheegtay in qof kale oo Sacuudi ah iyo shaqaale u dhashay dalka Philippines lagu dhaawacay.

Sida ay tiri warbixinta wakaaladda, qofkii dilay Al-Fagham iyo waxaa kadib dilay ciidamada ammaanka oo kusoo baxay dhacdadan, ayada oo shan askari ay ku dhaawacmeen dhacdadan.

Tan iyo wixii markaas ka dambeeyey waxaa jiray shaki badan oo ku saabsan warka dowladda, ayada oo dad badan ay ku adkaatay inay rumeystaan.

https://www.youtube.com/watch?v=DQb0rOBdN98

WARARKA MAANTA Nofeembar 25ks 2019 Sir Culus!
Su’aallaha Maanta: Maxaa lagu nacay Farmaajo Been-Hawaas 99%? Maxay Dowladda Nabar Iyo Naxdin uga dhigtay dalka #Soomaaliya waddanka adduunka ugu musuqmaasuqa badan sannadkii 3xaad sida ay kashifayaan hay’addaha caalamiga ee Musuqmaasuqa wax ka qora? Yaa diidan shacabka gobalka Banaadir inay helaan xuquuqdooda? Meeqo canshuur oo kala duwan ayaa xoog looga qaadaa shacabka Soomaaliyeed ee gobalka Baanaadir? Yaa noqon doona Madaxweynaha Soo socda? Maxay Shacabka Soomaaliyeed u naceen xukuummadda fashilantay ee muddo 3 sanno aan shacabka iyo dalkaba u soo daabacin wax lacag Soomaali ah? Yaa runta qarin kara?
Muqdisho Nofeembar 25, 2019 Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey ciidamada ammaanka dowladda federaalka Soomaaliya iyo kooxo burcad ah oo xalay ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.
Dagaalka oo muddo socday ayaa waxa uu yimid, kadib markii dadka deegaanka ay ku wargaliyeen Booliska rag hubeysan oo dhac ka gaysanayey xaafadda Gubta ee degamadaasi, waxaana kadib goobta soo gaaray ciidamada oo la dagaalamay kooxdaasi.
Inta la xaqiijiyey waxaa iska hor imaadkaasi ku dhintay hal qof, iyadoona uu ku dhaawacmay mid kale, sida ay Warbaahinta Dalka u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.
Dhanka kale ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya, gaar ahaan taliska Booliska Soomaaliyeed oo ku aadan dhacdadaasi. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey ciidamada ammaanka dowladda federaalka Soomaaliya iyo kooxo burcad ah oo xalay ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.
Dagaalka oo muddo socday ayaa waxa uu yimid, kadib markii dadka deegaanka ay ku wargaliyeen Booliska rag hubeysan oo dhac ka gaysanayey xaafadda Gubta ee degamadaasi, waxaana kadib goobta soo gaaray ciidamada oo la dagaalamay kooxdaasi.
Inta la xaqiijiyey waxaa iska hor imaadkaasi ku dhintay hal qof, iyadoona uu ku dhaawacmay mid kale, sida ay Warbaahinta u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.
Dhanka kale ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya, gaar ahaan taliska Booliska Soomaaliyeed oo ku aadan dhacdadaasi
Muqdisho Nofeembar 25, 2019 Faah faahinno dheeri ah ayaa ka soo baxay kulamo u dhexeeyey hoggaanka sare ee Ahlu Sunna Waljamaaca iyo guddi ganacsato reer Galmudug ah oo dhowaan ka ambabaxay magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.
Kulamadan oo ka qabsoomay gudaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa waxaa diirada lagu saaray xaaladda Galmudug, gaar ahaan tabashada ay qabto Ahlu Sunna, si loo guda galo dhismaha wejiga labaad ee maamulkaasi.
Sida ay ogaatay Warbaahinta waxaa natiijo la’aan ku soo dhammaaday kulamada labada dhinac, iyadoo guddiga ganacsataduna ay dib ugu soo laabteen Muqdisho.
Wararka aan helnay ayaa sheegaya in hoggaanka Ahlu Sunna ay hordhigeen ganacsatadaasi inay ku qanci karaan kaliya heshiiskii ay horay ula galeen dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee ahaa in 35 xildhibaan laga siiyo baarlamaanka cusub. Ilo ku dhow shirarkaani ayaa sidoo kale inoo xaqiijiyey in guddigii ganacasatada ee ka baxay magaalada Muqdisho ay ku guul dareysteen inay Ahlu Sunna qanciyaan, islamarkaana aysan jirin wax natiijo ah oo labada dhinac ay ku gaareen kulamadaasi.
Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dooneysa in la yareeyo xubnaha ay Ahlu Sunna ku yeelaneyso baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedka Galmudug, iyadoo dowladdu ay rabto in la siiyo 15 xildhibaan.
Xaaladda Galmudug ayaa weli cakiran, waxaana hakad ku jira howlaha dhismaha ee maamulkaasi oo dhowaan galaya doorasho guud.
Muqdisho Nofeembar 25, 2019 Heshiiskii ay 20-kii bishan magaalada Muqdisho ku gaareen madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynayaashii ka horeeyey ee matalayey Madasha Xisbiyada Qaran ayaa durba wajahaya caqabad kadib markii Madasha ay eedeyn culus u jeedisey madaxweynaha.
Madasha ayaa qoraal ay shalay soo saartay oo ku saabsanaa xaaladda Jubaland, gaar ahaan gobolka Gedo, waxay madaxweynaha ku eedeysay inuu durba ka baxay “qaar ka mid ah qodobadii ay kala hadleen.”
“Madasha Xisbiyada Qaran waxey umadda Soomaaliyeed u caddaynaysaa in qodobadii ay kala hadashay madaxweyne Farmaajo kulankii arbacadii ee 20/11/2019 la soo dhaafey dhacey ay ka mid aheyd arrinta Jubaland iyo Gobolka Gedo, dhacdooyinka isdaba-yaalla ee gobolka Gedo ka dhacayana ay u muuqdaan in madaxweynuhu ka gaabinayo mas’uuliyaddii loo igmadey, taasoo bilow u ah in uu ka baxayo qodobadii madasha ay ka wada hadleen qaar ka mid ah.”
Arrintan Jubaland iyo Gedo, kama mid ahayn shanti qodob ee Madasha Xisbiyada ay shaaca ka qaadeen inay kula heshiiyeen madaxweynaha. Sidoo kale, Madasha waxay sheegtay in madaxweynaha ay arrintan kala hadleen oo kaliya, taas oo macnaheedu uusan ahayn in heshiis laga gaaray. Si kastaba, waxaa durba muquda in labada dhinac ay kala boodayaan. Xiisadda Jubaland ayaa ah mid ka mid ah arrimaha ugu xasaasisan ee dalka ka taagan, waana arrintii sababtay isku daygii dowladda ku hor-istaagtay ka qeyb-galka madaxadii hore ee caleemo saarka Axmed Madoobe.
Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamada Itoobiya u adeegsatay inay inta badan usoo gacan geliyaan gobolka Gedo, taasi oo ka carreysiisay Jubaland iyo xisbiyada mucaaradka ah, mana muuqato inay joojin doonto qorshaheeda ah in gobolka Gedo ay ka goyso Jubaland.
Haddii tani ay sii socoto waxay hormuud u noqon doontaa in heshiiska madaxweynaha iyo Madasha lagu kala boodo, xiisad cusubna ay mar kale ka dhex dillaacdo labada dhinac.
Ceel Waaq Nofeembar 25, 2019 Dowladda Kenya ayaa waxay ciidan xoogan soo dhoobtay xuduuda Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo, iyadoo dhinaca kalena aan la garanayn ujeedada rasmiga ah ee ka dambeysa soo dhoobashadooda halkaasi.
Ciidamada Militariga Kenya ayaa waxaa Axadii si aan horey loogu arki jirin loogu arkay xuduuda Degmada Ceelwaaq, halkaasoo la soo sheegaya in dhaqdhaqaaq ciidan ay ka wadaan.
Warar ayaa sheegaya in Ciidamada Kenya ay garab iyo gaashaanba u yihiin Madaxweyne Ku xigeenka 1-aad ee Maamulka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan, oo maalmihii la soo dhaafay ku xanibnaa Degmada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.
Wararka ayaa waxay sheegayan in Madaxweyne Ku-xigeenka loo diiday in uu gudaha u galo qaar ka mid ah Degmooyinka Gobolka Gedo, ka dib markii Masuuliyiinta Degmooyinkaasi lagu khasbay inaanay la shaqayn Jubbaland. Jubaland ayaa ciidamada Itoobiya ee aan qeybta ka ahayn Amisom ku eedeysay inay awood ku maquuninayaan gobolka, ayaga oo taageersan dowladda Soomaaliya.
Dowladda Federaalka Soomaaliya oo khilaaf uu kala dhaxeeyo Maamulka Jubbaland ayaa waxay Maamulada Degmooyinka Gobolka Gedo ku amartay inaanay la shaqayn Jubbaland, iyadoo qaar ka mid ahna ayba u hoggaansamayn.
Madaxda Jubbaland ayaa waxay Dowladda Federaalka ku eedeeyeen inay xaalad ka abuurtay Gobolka Gedo, ka dib markii Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itooviya ay u carbisay inay ka shaqeeyan, sidii gobolkaasi uu uga madax bannaanaan lahaa Jubbaland.
Korneyl Aadan Axmed Xersi (Aadan Rufle), Afhayeenka Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Gedo ayaa dhankiisa waxaa uu Ciidamada Kenya ku eedeeyay inay weligoodba gaashaan u ahaayeen Maamulka Jubbaland.
Hargaysa Waaq Nofeembar 25, 2019 Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa luuqad adag kula hadlay Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, isagoona sheegay in uu sharcigii ka dul talaabsaday.
Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Madaxweyne Biixi uu Somaliland ka dhigay meel uu gaar u leeyahay, isla markaana uu ka yeelo siduu rabo oo xabsiyadana ku guro cida ka hor-timaada maamulkiisa.
Faysal Cali ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in shacabka Somaliland aysan marnaba ka aqbaleyn dhaqanada qalafsan ee Biixi, isla markaana ay isagu iman doonaan talo haddii ay dalka doorasho ka qabsoomi weydo, waa sida uu hadalka u dhigaye.
Waxa kale oo uu rajo la’aan weyn ka muujiyey in Madaxweyne Biixi uu aqbali doono guddidii dhex-dhexaadinta ka dhex bilowday xiisada ka dhex aloosan isaga iyo Xisbiga Waddani. Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, oo warbaahinta kula hadlayey gudaha Hargeysa, ayaa waxa uu si adag u sheegay in Muuse Biixi uusan dalkan Kalitalisnimo kusii wadeyn, wuxuuna yiri “Hadii ay doorashadu dhici waydo tallo ayeey shacabku iskaga imanayaa, maanta dalkeena wasaarad shaqaynaysa ma jirto”.
“Waxa uu dalkii ka dhiga madaxweyne Muuse tukaan uu lahaa oo xaqdaro kaga maqnaa 26 sanno oo uu soo ceshaday oo uu leeyahay aniga leh, taasina waxa suurogalaysa oo shacabku yeelayo maaha”.
“Madaxweynihii aynu islahayn waxbuu hagaajinaya waxay tallo kaga soo hadhay madax adayg, laba sanno ayaa intaas baryayey oo madaxaan ka dhukaday way iga dhamaatay dulqaadii in nin qayrkay ah oo aan ixtiraamay oo madaxweyne ka dhignay oo la shaqaynay intaas in ka badan aan baryaa noqon mayso”.
Wuxuuna intaas kusii daray “Shacabka Somaliland-na u baryi maayo, Kalitalisnimo dalkani kuma soconayo; qofka aan doonana waan xidhaya, waxaan jecelahay baa sharci ah waxaanan doonayna sharci maaha la aqbali maayo,”
“Wada-hadaladii waxan ku wareejinay dadkii wadankan dhaqaalaha ugu badan lahaa ee ganacsadatada iyo culimo uu idinka ahaa, anigoo rajo weyn ka qabin inuu yeeli doono in uu doorkan yeeli doonno ayaan ilaahay ka baryeyaa”.
Muqdisho Nofeembar 25, 2019 Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ergey madaxweyne oo gaar ah u magacaabay Geeska Afrika, Badda Cas, iyo Gacanka Cadmeed.
Wareegto uu soo saaray madaxweynaha oo ku taariikheysan 17-ka November, ayaa xilkan loogu magacaabay Balal Maxamed Cusmaan, oo horey uga mid ahaa la-taliyayaasha madaxweynaha.
Warqadda madaxweynaha, oo Villa Somalia aysan si rasmi ah u faafin balse ay heshay Warbaahinta, laguma sheegin shaqada ergeygan, oo ah xil Soomaaliya ku cusub oo aan horey u jirin.
Si, kastaba xildhibaano ku dhow madaxweynaha ayaa Warbaahinta u sheegay in ergeygan uu madaxweynaha u qabilsanaan doono xiriirka saddex geesoodka ah ee Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea, wada-hadallada Kenya, iyo xiriirka dalalka badda cas sida Jabuuti iyo Yemen. Dad madaxweynaha ku dhow oo la hadlay Warbaahinta balse codsaday inaan la magacaabin ayaa sheegay in madaxweynaha uu tallaabadan qaaday, ayada oo ay qeyb ka tahay guddi ay sidoo kale dalalka gobolka xubno soo magacaabi doonaan.
“Maaxweynaha ma doonayo inuu mar walba u safro dalalka Kenya, Itoobiya iyo Eritrea ama Sacuudiga, oo arrimo badan ay kaga xiran yihiin Soomaaliya. Sidaas darteed wuxuu doonayaa ergey mar walba tagi kara dalalkaas, isaga kaliyana soo war-geliya” Ayuu yiri qof la hadlay Warbaahinta.
Muqdisho Nofeembar 25, 2019 Olole lagu tallaalayo ilaa 1.7 milyan oo Carruur ah oo ku nool Soomaaliya ayaa Axaddii ka bilaawday deegaannada ay dowladdu maamusho, iyadoo la kaashanayo Hay’addaha WHO iyo UNICEF.
Carruurta da’doodu ka yar tahay shan sano ayaa laga talaalayaa cudurka dabeysha, waxaana tallaalka jadeecada la siin doonaa carruurta da’doodu u dhaxayso 6 iyo 59 bilood. Ololaha ayaa sidoo kale ka kooban fitamiin A dheeri ah oo loogu talagalay Carruurta ka yar 5 sano jir.
Ilaa 29ka Noofembar shaqaalaha caafimaadka ayaa diiradda saari doona gobollada Benaadir, Galguduud, Hirshabelle, Jubaland iyo Koonfur Galbeed, iyo carruurta ku nool degmooyinka ay ku badan yihiin dadka gudaha ku barokacay (IDPs).
Mamunur Malik, Wakiilka WHO ee Soomaaliya, ayaa sheegay 7 carruur ah Soomaaliya uu dhinta mid ka mid ah ka hor da’da Shanta Sano, isaga oo intaa ku daray in arintaa looga hortagi karo oo kaliya sida uu hadalka u dhigay Talaalka muhiimad gaar ah u leh caafimaadka carruurta.
Muqdisho Nofeembar 25, 2019Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa ka qeyb galay munaasabad soo dhaweyn ah oo loo sameeyey xubnaha isxilqaameyaasha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Kenya ee uu hoggaaminayiyey Sheekh Maxamed Cabdi Umal, kuwaas oo soo gaarsiiyey dalka deeqda ay kaga qeyb qaadanayeen ganacastada iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas gurmadka fatahaadaha.
Guddoomiye Cumar Filish ayaa ku bogaadiyey xubnaha wafdigaan, gaar ahaan Sheekh Maxamed Cabdi Umal doorka hoggaamineed ee uu ka qaatay sidii Jaaliyadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya ay gacan muuqata uga geysan lahaayeen howlahan gurmad.
Munaasabaddan oo ay ka soo qeyb galeen xubno ka tirsam Golaha Wasiirrada, qaar ka mid hoggaanka culimada Soomaaliyeed ayaa Guddoomiyuhu waxa uu ugu baaqay culimada in ay sii dardar geliyaan doorkooda muuqda ee wacyi gelinta bulshada, ilaalinta midnimada iyo la dagaallanka fikirka gurracan ee argagixisada.
“Waxaan ugu baaqayaa culimadeenna sharafta badan in ay horseed u noqdaan xaqiijinta bulsho mideysan oo u jiheysan dhanka horumarka iyo wax wada qabsiga.”
Duqa Muqdisho ayaa la wadaagay culimada Soomaaliyeed sida Maamulka Caasimadda ay uga go’an tahay in ay garabsadaan oo kaalin hormuudnimo ay ka siiyaan barnaamijyada wacyi gelinta, dariseynta iyo dib u heshiinta.
Ohio Nofeembar 25, 2019 Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Columbus Ohio ayaa kulan soo dhaweyn ah la qaatay u qeybsanaha Dowlada Soomaaliya ee dalka Mareykanka Ali Sharif Ahmed . Safiirka iyo xubnaha safaarada qaar oo ku wehliyay socdaalkan waxa uu ujeedkoodu ahaa sidii la isugu xiri lahaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Mareykanka iyo Safaaradooda DC oo ahmiyad weyn ugu fadhida.
Socdalka Safiirka waxaa dhankiisa ku wehliyay safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Abukar Osman oo dhankiisa howlo muhiim ah u haayo Bulshada iyo dowlada Soomaaliyeed.
Safiir Ali Shariif Ahmed iyo safaarada ayaa looga fadhiya hawlo baddan oo ay ka mid yihiin, isku xirka shacabka dibada jooga iyo dowladadooda, xalinta dhibaatooyinka gudaha Mareykanka ku qabsada Jaaliyadda, sida caruurta xabsiyadda ka buuxda, xal u helida dadka sharci la’aantu hayso ee dowladda mareykanku musaafuriso, mushkiladda xawilaadaha ee Bangiyada iyo arimo kale oo aad u badan.
Safiirka oo kulamo gooni gooni ah la qaadanayay qeybaha bulshada waxa uu balan qaaday in safaaradu qaban doonto howlaha loo igmaday iyo in ay ka soo dhalaali doonaan rajada Jaaliyadaha Maraykanku ka qabaan isbadal lagu sameeyo sidii safaaradu irdaha ugu furi lahayd wax walba oo ay tahay in ay ka xigsato dadka Soomaaliyeed.
Safirka waxa uu amaanay horumarka ay sameeyeen Jaaliyada reer Columbus ee dhanka Ganacsiga, Waxbarashada, muujinta sida dadka Soomaaliyeed u yihiin dad wax soo saar iyo sida ay ugu xiranyihiin dalkoodii oo ay kaga qeyb qaataan wax walba oo kaga soo aadaa, dhanka dhaqaalaha, Siyaasada iyo horumarka .
Jaaliyadda ayuu ugu baaqay in ay maalgashi ku sameeyaan dalkooda isla markaana xiliyada fasaxa iyo waqtiyo fiicanba ay dalkooda ku soo qaataan si ay wax baddan uga ogaadaan xaalada dalkooda iyo is badalka la hiigsanayo.
Waxa uu safiir Ali tagi doonaa dhamaan goboladda ay Soomaalidu dagantahay ee Mareykanka isaga oo ka shaqeyn doona isku xirka Jaaliyadda lafteeda iyo safaaraada.
Xubnihii Jaaliyadda ee ka hadlay waxa ay safiirka ku booriyeen in la adkeeyo Ilaalinta sharafta iyo Karaamada Ummadda Soomaaliyeed oo ay Safaaradu u taagantahay matalaadooda.
Waa markii ugu horeysay oo uu safiirku la kulmo Jaaliyadda tan iyo intii la soo magacaabay labo bil ka hor isaga oo sii wadi doona kulamadiisa.
Deeqo Shire (SONNA)
Muqdisho Nofeembar 25, 2019 Madasha Xisbiyada Qaran ayaa soo saaray digniin ku aadan xadgudubyo ay sheegeen in Ciidamada Itoobiya ka wadaan Gobolka Gedo ee Dalka Soomaaliya.
Madasha ayaa sheegtay inay xadgudubyadaan Ciidamada Itoobiya si gaar ah uga wadaan degmooyinka Luuq, Doolow iyo Beled-xaawo halkaas oo ay Dowladda Soomaaliya maalmihii ugu dambeeyey ka waday dhaq dhaqaaq siyaasadeed iyo mid milateri si loogu cadaadiyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.
War saxaafadeedka kasoo baxay madasha ayaa lagu sheegay in kulankii Madaxda Madasha Xisbiyada Qaran Arbacadii la soo dhaafay la yeesheen Madaxweyne Farmaajo ay kala hadleen arrimaha Jubbaland iyo Gedo.
Madasha ayaa sheegtay in Madaxweyne Farmaajo uu ka baxay ballantii uu ka qaaday isla markaasna uu ka gaabiyey mas’uuliyaddii loo igmaday, taasoo madasha ay ku sheegtay inay tahay ballan ka bax ku aadan heshiisyadii ay madaxweynaha lasoo galeen.
Madasha Xisbiyada Qaran ayaa ugu baaqay Dowladda Itoobiya inay faraha kala baxdo arrimaha siyaasadeed ka taagan gudaha Soomaaliya isla markaasna ay ilaaliso daris wanaagga.
Muqdisho Nofeembar 25, 2019 Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxay digniin u jeedisay shirkadaha shisheeye ee dalka ka hawlgala, gaar ahaan kuwooda sida sharci darrada ah dalka uga shaqeeya.
Cabdullaahi Cali Xasan, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya ayaa sheegay inay jiraan shirkado sifo aan sharci ahayn dalka uga hawlgala, isagoona uga digay inay ka waan-toobi waayaan.
Wasiirka ayaa waxaa uu sheegay in tallaabo laga qaadi doono shirkadaha ajaaniibta ah, ee sida sharci darrada ah dalka uga hawlgala.
“Tallaabo ayaa laga qaadi doonna shirkadaha ajanabiga ah ee sida sharci darrada uga hawlgala dalka.” Ayuu yiri Wasiirka Ganacsiga Somaliya oo maanta Warbaahinta la hadlay. Wasiirka ayaa sidoo kale waxaa uu ka dhawaajiyay inay la xisaabtami doonaan shirkadaha dalalka shisheeye laga leeyahay, ee bilaa sharciga u jooggo Soomaaliya.
Waa digniintii ugu adkeyd oo Wasiirka Ganacsiga u jeediyo shirkadaha dalalka shisheeye laga leeyahay, waxaanse la garanayn sida awaamiirta ka soo baxday ay ku dhaqangeli doonto.

WARARKA MAANTA 22ka Nofeembar 2019 Sir Culus!

Su’aallaha Maanta: Yaa dilay ku dhex dilay Xerada Xalane Marxuumad Almas Elman? Maxay shacabka Soomaaliyeed  ku naceen xukuummadda fashilantay ee Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raam-Sade”? Yaa shacabka #Muqdisho xaqooda duudsiiyey? Maxay isku-haystaan culimadda Soomaaliyeed ee idaacadaha hadalada isku marinaya? Yaa qas siyaasaddeed ka wada maamul gobaleedyada dalka? Maxaa ka taqaanaa Taariikh Argagixiye Maal-Galiye Taliyaha Hay’adda Nabad-Sugidda Iyo Sirdoonka Qaranka Fahad90- Yaasiin Haaji Daahir “Daba-Naasle” oo rag badan oo Ururka Al-Shabab madax u ahaa ka dhigay Saraakiil Sar-Sare oo nabad-sugidda kamid ah? Maxuu yiri Wasiirka Warfaafin Mudane Maareeye? Mudane Wasiir Maareeye ma tagi kartaa #Hargaysa Caasimadda Dowlad Gobaleedk #Somaliland mise Shacabka Xamar ayaa cashuur ka gurnaysaan? Meeqo lacag ah ayaa lagu bixinayaa inay xukuummadda fashilantay ka takhalusto Ahlu-Sunna Wajama ayadoo waxba aan lagu caawinaynin shacabka Gobalka Hiiraan? Maxay beesha caalamka ugu diiday inay wax dhaqaallo ah u gacan geliso xukuummadda ugu musuqmaasuqa badan adduunka sannadkii 2baad sida ay faafisay Hay’adda La-Dagaalanka Musuqmaasuqa Adduunka? Ha wiqleyso!

Qaramadda Midooway 22ka Nofeembar 2019 Wakiilka Gaar ah ee Qarramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan ayaa u sheegay Golaha Amaanka Qarramada Midoobey in khilaafka u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad gobolleedyada xubnaha ka ah uu caqabad ku noqon karo doorasho la qorsheynayo in ay ka dhacdo Soomaaliya.

Swan ayaa sheegay si loo gaaro doorasho ” Qof iyo Cod ah” in ay khasab ku tahay Dowladda Dhexe iyo Dowlad Gobolleedyada xubnaha ka ah in ay deg deg u soo afjaraan khilaafka dhaxdooda ah.

“Horumar laga sameeyo Ajendaha iyo himilada  doorasho ee 2020 wuxuu u baahnaan doonaa isafgarad siyaasadeed. Tani waxay horseedi doontaa  wadahadal iyo isu tanaasul u dhexeeya Dowladda Dhexe iyo Dowladaha xubnaha ka ah federaalka”ayuu yiri James Swan.

Wakiilka Qarramada Midoobey ayaa sheegay in muddo Hal Sano ah uu jiroo khilaaf ka dhex taagan  dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamul goboleedyadda, Jubbaland iyo Puntland.

“Kadib in kabadan hal sano oo aan laheyn iskaashi wax ku ool ah oo  u dhaxeeya Dowlada Dhexe iyo Dowladaha xubinta ka ah Federaalka, xaaladdani waxay caqabad ku noqotey hagaajinta iyo gaarista waxyaabaha mudnaanta u leh qaranka. Hoggaamiyaasha Soomaaliya waa inay si deg deg  ah wax uga qabtaan si loo kala lasoo afjaro ismari waaga udhaxeeya dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadda”ayuu hadalkiisa kusii daray James Swan.

Laakiin dhinaca kale marka la eego James Swan ayaa imaanay hormarrada kale oo dowladdu ku talaabsatay, sida dhinacyada, Amaanka, Kobaca Dhaqaalaha iyadoo meel wanaagsan uu marayo qorshaha Deynta Cafinta Soomaaliya oo ay dowladda ka wada shaqeynayaan hadda hay’addo caalami ah. 

Muqdisho 22ka Nofeembar 2019 Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa qoraal kooban soo dhigay bartiisa xiriirka bulshada waxa uu ku sheegay in xabaddii lagu dilay Almaas Elman Cali ay tahay mid dhashiike, isla markaan ay magaalada ku heystaan oo kaliya AMISOM iyo ciidanka Dowladda.

Almaas Elman Cali Axmed ayaa galinkii dambe ee shalay lagu dhex dilay xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho oo lagu tiriyo goobaha amaankooda sida aadkaa loo ilaaliyo, waxaana ilaa hadda la cadeyn cida dishay Almas, wallow la sheegay inay baaritaano socdaan.

“Xabad aan sharqanteeda agagaarka laga maqal ayaa dishey marxuumad Almaas Elman AUN, laakin waxaa la wada og-yahay qoriga dhashiikaha ah ee xabadiisu ay dishey gabadha waxaa magaalada MUQDISHO ku heysta oo kaliya ciidamada dawladda ka amarqaata iyo AMISOM” ayuu qoraalkiisa ku yiri Xildhibaan Fiqi.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale qormadiisa ku adkeeyay in madaxda qaranka si aan leex-leexad laheyn looga doonayo inay u cadeyso cidii geysatay dilkii marxuum Almas, isagoo ka dalbaday in shacabka loo soo bandhigo natiijo ay ku qanci karaan, kadib baaritaanka lagu sameeyay arintaas.

“Haddaba waxaan ayadoon ka leexleexasho laheyn looga fadhiyaa Madaxda Villa Somalia In ciddii dambigaas geysatay sharciga la soo hortaago, ehelada marxuumadda iyo umadda Soomaaliyeedna lala hor yimaado baarista la sheegay in la samaynayo ka dib wax macquul ah oo lagu qanci karo” ayuu yiri Fiqi oo si weyn u mucaarada xukuumadda hadda talisa.

Muqdisho 22ka Nofeembar 2019 Guddoomiyaha hey’adda culumada Soomaaliyeed, Sheeikh Bashiir Axmed Salaad iyo culumo kale oo ka tirsan hey’adda oo shir jaraa’id caawa ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Sheekh Soomow uusan ku matalin hadalkii maanta ka soo yeeray, ee uu ku weeraray Sheekh Maxamed Cabdi Umal.

Sheekh Soomow ayaa ku eedeeyey Umal in dad badan ay dartiis qabri ugu jiraan islamarkaana uusan muxaadaro ku qaban karin Muqdisho.

Sheekh Bashiir ayaa sheegay in Sheekh Soomow uusan kala tashan jeedinta hadalkaas, isla markaana aysan ku raacsanayn, isagoo Sheekh Soomow ku eedeeyay in hadii uu wax ka tabanayo Umal ay aheyd inuu la wadaago culumada kale ee kala tirsan hey’adda.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa sheegay inay muhiim tahay ka qeyb galka Muxaadarada uu Sheekh Umal balan qaaday inuu barri ku qabanayo Garoonka Eng.Yariisow ee magaalada Muqdisho, waxuuna carabka ku adkeeyay inay tahay mid loo baahi qabay Sheekhana ay uga mahadcelinayaan.

Sidoo kale Sheekh Cali Wajiis oo ka hadlay goobta ayaa sheegay in hadalkii Sheekh Soomow ay ka xumaadeen, si gaar ahna uu ula xariiray Sheekh Soomow isagoo ka dalbaday inuu ka laabto hadalkiisii hadii uusan soo bandhigi karin cadeymo, balse Sheekh Cali Wajiis ayaa sheegay in Sheikh Soomow uu ku damiyay talefanka.

Culumada ayaa shirkooda jaraa’id ka cadeeyay inay raali galin u dirayaan Sheikh Maxamed Cabdi Umal oo ay ku sheegeen inuusan dalka u imaan dalxiis, balse uu u yimid taakuuleynta dadka Soomaaliyeed ee ku tabaaleysan qeybo ka mid ah gobolada dalka.

Culumada ayaa si gaar ah ugu amaanay Sheekh Umal taakuleyn uu muddo labo goor ah dalka keenay xilliyo ay musiibooyin ka dheceen, waxayna kala yihiin qaraxii Soobe iyo fatahaadii dhacday xilli roobaadkaan lagu jiro ee Deyrta.

Ugu dambeyntii Sheekh Cali Wajiis ayaa Sheekh Soomow ku eedeeyay inuu ku xad gudbay dhaqanka Soomaalida iyo kan culumaa’udiinka Soomaaliyeed, isagoo ka dalbaday inuu ka laabto hadalkiisii, kaan  raali galiyo Sheikh Umal inta uu joogo dalka, waxuuna Sheikh Cali rajo ka muujiyay inuu Sheikh Soomow qaada doono taladooda iyo soo jeedintooda, maadaama sida uu sheegay aqoon badan uu uleeyahay.

 

Muqdisho 22ka Nofeembar 2019 Hadalkii madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ee ahaa in dalka ay ka saari doonaan madaxda dowladda Soomaaliya hadii ay ilaalin waayaan sharciga dalka u yaalo ayaa saameen ballaaran ku yeeshay howlaha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan Milatariga Soomaaliya, oo codsaday inaan la magacaabin, ayaa Caasimada Online u sheegay in talisyada booliiska iyo milatariga ay amreen in la xareeyo ciidamada dheeraadka ah ee aan shaqada ku jiran maadaama uu xasaasiyad dhaliyay hadalkii Shariif Sheekh Axmed.

“Dhamaan ciidamada milatariga ee aan shaqada ku jirin waa la xareeyay, sidoo kale waxaa la yareeyay ciidamadii shaqada ku jiray waxaana kontaroolada lagu soo koobay dhowr askari oo shaqada loo kordhiyay waana booliska iyo milatariga” ayuu yiri sarkaal ka tirsan milatariga Soomaaliya.

“Ciidamo badan ayaa ku daalay shaqada markii la xareeyay kuwii kale waxaana loo baqay in ay magaalada falal ka dhacaan maadaama ay jirtay cabsi ku aadan rabshado ka dhasha hadalkii Shariif” ayuu hadalkiisa sii raaciyay sarkaalkaan ka tirsan ciidamada soomaaliya.

In la yareeyay tirada ciidamada ee ku sugnaa kontaroolada magaalada Muqdisho ayaa si weyn looga dareemayaa Muqdisho, halka sidoo kale milatariga ay noo xaqiijiyeen in milateri badan dib loogu celiyay xarumahooda.

Sheekh Shariif ayaa saameyn weyn ku dhex leh ciidamada, oo badankood la qoray intuu madaxweynaha ahaa, aadna ay u qadariyaan. Waxaa sidoo kale jirta in inta badan ciidamada dowladda ee ku sugan Muqdisho

Muqdisho 22ka Nofeembar 2019 Wakiilka QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan, oo golaha ammaanka siiyey warbixin ku saabsan Soomaaliya, ayaa soo hadal qaaday khilaafka dowladda federaalka kala dhaxeeya dowlad goboleedyada iyo siyaasiyiinta dalka.

James Swan ayaa sheegay in wada-shaqeyn la’aanta dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada oo hadda sanad jirsatay ay caqabad xooggan ku noqotay in lagu guuleysto hadafyada qarameed ee Soomaaliya.

Waxa uu sheegay, in si loogu guuleysto ajanadaha Soomaaliya ee 2020 ee doorasho, ay qasab tahay inuu yimaado tanaasul siyaasadeed.

“Tani waxaa qeyb ka noqon doona wada-hadal iyo isu-tanaasul dhex mara dowladda iyo dowlad goboleedyada, hay’adaha fulinta iyo sharci-dejinta, kuwa hadda xukunka haya iyo madaxdii hore, hogaamiyayaasha siyaasadeed iyo kuwa bulshada,” ayuu yiri James Swan

“Hogaamiyayaasha Soomaaliya waa inay sida ugu dhaqsiyaha badan ugu dhaqaaqaan sidii looga gudbi lahaa is-marin waaga u dhaxeeya dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, ayada oo la eegayo danta qaranka,” ayuu yiri.

Waxa uu sidoo kale ku baaqay inay muhiim tahay in heshiis siyaasadeed laga gaaro hanaanka doorashada 2020.

“Sidaas darteed, waxaan soo dhoweynayaa kulankii shalay ee madaxweyne Farmaajo iyo labadii madaxweyne ee ka horeeyey, waxaana dhiir-gelinayaa wada-tashiyo kale oo noocan ah.”ayuu yiri wakiilka QM ee Soomaaliya.

Muqdisho 22ka Nofeembar 2019Muxaadaro la filayey inuu maant Sheekh Maxamed Cabdi Umal ku qabto garoonka kubadda cagta ee Injineer Yariisow ayaa dib loogu dhigay kadib codsi ka yimid booliska Soomaaliya.

Muxaadarada ayaa hadda laga dhigay galabta Axadda ah ee 24-ka November, 2019,  kadib markii ay booliiska ay sheegeen inay u baahan yihiin waqti dheeri ah oo ay ku diyaariyaan sugidda amniga garoonka, ayaga oo maanta ku mashquulsanaan doona aaska Marxuumad Almaas Elman.

Sheekh Umal  ayaa maanta la filayaa inuy khudbadda Jimcaha ka jeediyo masjidka Isbahaysiga Islaamka, waxaana uu sidoo kale hoggaamin doonaa salaadda Janaazada ee Almaas.

Muxaadaradan ayaa waxaa hareeyey dood kadib markii Sheekh Soomow oo ah afhayeenka golaha culimada Soomaaliyeed uu ku eedeeyey Umal in dad badan ay dartiis qabri ugu jiraan islamarkaana uusan muxaadaro ku qaban karin Muqdisho.

Guddoomiyaha hey’adda culumada Soomaaliyeed, Sheeikh Bashiir Axmed Salaad iyo culumo kale oo ka tirsan hey’adda oo shir jaraa’id xalay ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Sheekh Soomow uusan ku matalin hadalkii ka soo yeeray, ee uu ku weeraray Sheekh Maxamed Cabdi Umal.

Sheekh Bashiir ayaa sheegay in Sheekh Soomow uusan kala tashan jeedinta hadalkaas, isla markaana aysan ku raacsanayn, isagoo Sheekh Soomow ku eedeeyay in hadii uu wax ka tabanayo Umal ay aheyd inuu la wadaago culumada kale ee kala tirsan hey’adda.

Muqdisho 22ka Nofeembar 2019 Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa War kasoo saaray dilkii gudaha Xalane oo loogu geystay Almaas Elman Axmed oo aheyd diblomaasi hore iyo ruux u dhaqdhaqaaqa nabada Soomaaliya.

AMISOM Waxa ay xaqiijisay in xabad ay ku dhacday Almaas xilli ay kasoo baxday Shir  ay uga qeyb gashay Xalane, islamarkaana ay dooneysay in ay aado garoonka Aadan Cadde, islamarkaana ay saarneyd kursiga dambe ee gaariga , Darawalkii iyo ruuxii kale ee la socdayna aysan waxba gaarin.

“AMISOM waxay si wada jir ah ula shaqeyneysaa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo ciidamada amniga Soomaaliya si ay si buuxda ugu baaraan geerida naxdinta laheyd ee ku timid Marwo Almaas Elman Cali Axmed, oo ku dhacday rasaas 20-kii November ka dhacday xerada Xalane ee magaalada Muqdisho” ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay AMISOM.

Dilka loo geystay Almaas Elman ayaa shaki badan abuurtay, waxaana la is waydiinayaa sida ay u dhacday in lagu dilo Xarunta Xalane oo ah meel aad loo adkeeyo ammaankeeda.

Marxuumada ayaa la filayaa in Maanta lagu aaso Magaalada Muqdisho, waxaana duugisteeda kasoo qeybgeli doono madax ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo Mas’uuliyiin ka socdo Beesha Caalamka.

Talyaaniga 22ka Nofeembar 2019 Diyaarad nooca xamuulka ah oo sidda deeq gar-gaar Bini’aaddannimo ah ayaa Maanta soo gaartay Garoonka Diyaaradaha ee Magaaladan Muqdisho.

Deeqdan oo noocyo kala duwan isugu jirta ayaa ka timid Dalka Talyaaniga, taas oo loogu tala galay Dadka ay fatahaadaha iyo daadadka ka dhashay Roobka Deyrta saameeyeen, iyadoo gar-gaarkaasina lagu wareejiyay Dowladda Soomaaliya si loo gaarsiiyo Dadka dhibaateysan.

Guddiga gurmadka Fatahaadaha ayaa garoonka Muqdisho kula wareegay deeqdaan ka timid dowladda talyaaniga, waxaana ay sheegeen in dhawaan la gaarsiin doono Magaalooyinka ay dhibaatadu ka dhacday oo Beledweyne ugu weyn tahay.

Talyaaniga ayaa ka mid ah Waddamada Caalamka ee ka qeyb qaadanaya gurmadka loo fidinayo Dadka ku waxyeelloobay fatahaadaha iyo daadadka ku dhuftay qeybo ka mid ah Dalka Soomaaliya.

http://wargeyskadalka.com/wararka/

WARARKA MAANTA 20ka Nofeembar 2019 Sir Culus!

Su’aallaha Maanta: Yaa shacabka #Muqdisho xaqooda duudsiiyey? Yaa qas siyaasaddeed ka wada maamul gobaleedyada dalka? Maxaa ka taqaanaa Taariikh Argagixiye Maal-Galiye Taliyaha Hay’adda Nabad-Sugidda Iyo Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin Haaji Daahir “Daba-Naasle” oo rag badan oo Ururka Al-Shabab madax u ahaa ka dhigay Saraakiil Sar-Sare oo nabad-sugidda kamid ah? Maxuu yiri Wasiirka Warfaafin Mudane Maareeye? Mudane Wasiir Maareeye ma tagi kartaa #Hargaysa Caasimadda Dowlad Gobaleedk #Somaliland mise Shacabka Xamar ayaa cashuur ka gurnaysaan? Meeqo lacag ah ayaa lagu bixinayaa inay xukuummadda fashilantay ka takhalusto Ahlu-Sunna Wajama ayadoo waxba aan lagu caawinaynin shacabka Gobalka Hiiraan? Maxay beesha caalamka ugu diiday inay wax dhaqaallo ah u gacan geliso xukuummadda ugu musuqmaasuqa badan adduunka sannadkii 2baad sida ay faafisay Hay’adda La-Dagaalanka Musuqmaasuqa Adduunka? Ha wiqleyso!

Muqdisho 20ka Nofeembar 2019 Labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadajir ah ku yeelayanaya gudaha magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ah mid ballaaran oo qeyb ka ah Kalfadhiga lixaad ayaa waxaa xildhibaanada labada aqal ay uga arrinsan doonaan qodobo muhiim ah

Ajandayaasha kulankan ayaa waxaa ka mid ah akhrinta 1-aad ee Miisaaniyadda dowladda sanadka soo socda ee 2020-ka oo ay dood adag ka yeelan doonaan labada dhinac.

Sidoo kale xildhibaanada labada gole ayaa lagu lagu wargaliyay in ajandayaasha kulanka wadajirka ah ee maanta uu qeyb ka yahay xisaab xirka miisaaniyadda 2018-kii.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in goluhu ay warbixin guud ka dhageysan doonaan guddoomiyaha golaha shacabka, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, taas oo la xariirta safarkii uu dhowaan ku tegay magaalada Addis Ababa ee Caasilmada dalka Itoobiya

Waa kulankii ugu horreeyey oo ay si wadajir ah u yeelanayaan xildhibaanada labada gole ee baarlamaanka, tan iyo markii la xaliyey khilaafkii xooganaa ee u dhexeeyey.

Jordan 20ka Nofeembar 2019  Wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya Cabdiraxmaan Caynte ayaa ku eedeeyey dowladda Soomaaliya inay sameysay wax uu ugu yeeray “dayacaad dambi ah.”

Caynte ayaa tixraaceeyey mashruuc biyo-xireen ah oo uu Talyaaniga ugu talo-galay Soomaaliya, kaasi oo baaqday kadib markii dowladda Soomaaliya ay soo dalban weyday.

Wargeyska La República ee Talyaaniga ayaa dhowaan qoray warbixin, ay ka soo xigatay Warbaahinta dalka Talyaaniga ee La Republica , oo uu ku sheegay in lacag 6 milyan oo dollar ah oo loogu talo-galay in lagu dhiso biyo xireeno ka hortagi karay fatahaadda webiga Shabelle uu ka sameeyey qeybo ka mid ah maamulka HirShabelle dib loo celiyey markii dowladda Soomaaliya ay soo gubin weysay soo-jeedinta mashruuca.

Cabdiraxmaan Caynte ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ku yiri “Haddaad maqasho dayacaad dambi ah “criminal negligence” meel kale ha u raadin. Fatahaadaha Beledweyne ka dhacay waa laga waaban karay haddii dowladdu dhug u yeelan laheyd mashruucan.” Ayuu yiri.

Waxa uu intaas ku daray “balse dhisamaha biyo xireenka waxaa uga muhiimsanaaday carqaladeynta deegaanno xasilloon.”

Wasiirka qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa goor sii horreysay oo maanta ah qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ku sheegay in dowladda Soomaaliya ay gudbisay soo jeedinta mashruuca.

“Dowladda federaalka iyo Talyaaniga waxay wada-xaajood la lahaayeen suurta-galnimada ah inay nala siiyo taageero looga hortagi fatahaadaha. Soo-jeedinta mashruuca waxaa loo gudbiyey dowladda Talyaaniga si ay u eegto, wada-hadalkana weli waa socdaa. Lama ansixin, lamana saxiixin wax mashruuc ah illaa hadda.” Ayuu wasiirka ku yiri qoraalkiisa.

Muqdisho 20ka Nofeembar 2019 Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yarey) ayaa weerar afka ah ku qaadday madax maamul goboleedyada dalka, oo ay sheegtay in inay caqabad ku yihiin in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah.

Xaliimo Yarey ayaa sheegtay in madax goboleedyada ay diideen in xisbi siyaasadeedyada dalka ay diideen inay xarumo ka furtaan maamul goboleedyada, si aysan u dhicin doooasho qof iyo cod ah.

Xaliimo Yarey ayaa sheegtay in sababta ay madax goboleeyada “u dooneyn inay dhacdo doorasho dadku codeynayaan ay tahay inay ayaga soo xulaan xildhibaanada cusub.”

“Madaxweynaha waxa uu rabaa, in marka la gaaro doorashada uu dhaho reer hebel kaas hala iiga keeno balse waxay iloobeen in markii bari uu baarlamaanka weyn tago inuusan aqoon oo balanta uu uga baxayo” ayey tiri Xaliimo Yarey.

Hadalkeeda ayey sii raacisay, “Anigu siyaasad dambe marabo, xildhibaan, wasiir iyo xil dambe ma rabo, meel ayaan fadhiisanaa, gabdhaha ayaan wax barayaa, waa idiin sheegee idin kama qarinayo”.

Mar la hadalaysay madaxda hadda dalka ka talisa ayey tiri, “Dowladeena waxaan ka sugeynaa inay xisbigii keento hadey doorasho rabto”.

UK 20ka Nofeembar 2019 Sirdoonka Britain ayaa ku boorinaya Norway inay joojiyaan la shaqeynta Kenya, halka ay dhinac kalena taageerayaan dowladda Soomaaliya, si ay uga faa’iideystaan shidaalka Soomaaliya, waxaa sidaas qoray Wargeys Africa Intelligence.

Wargeyska ayaa sheegay in diblomaasiyiin Norwegian ah ay dhowaan la kulmeen sirdoonka Britain ee MI6, kuwaas oo ku booriyey in Oslo ay joojiso siyaasadeeda laba wajiilenimada ah ee ay uga faa’iideysanayso muranka ka dhex oogan Soomaaliya iyo Kenya ee dhanka xuduudda badda.

Britain ayaa ka mid ah dhowr dal oo reer galbeed ah oo taageersan Soomaaliya, marka ay noqoto muranka badda, sida ay qortay warbaahinta lagu daabaco qoraalalda cilmiga ku dhisan ee The Conversation ee dalka Australia.

The Conversation ayaa sidoo kale sheegay in Norway ay taageereyso Soomaaliya sababo la xiriira in Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu haysto dhalashada Norway, iyo xaqiiqda ah in Kenya ay horey u cayrisay shirkadda shidaalka Norway ee Statoil.

Hase yeeshee African Intelligence ayaa leh “Norway waxay cayaareysa siyaasad laba dhinac ah.” Wargeyska ayaa ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay kasoo xigtay in dowladda Norway ay shaqaaleysay shirkadda ka shaqeysa amniga badaha ee Drum Cussac, si ay ula taliso dowladda Kenya.

Wargeyska ayaa sidoo kale qoray in heshiiska is-fahamka ee ay galeen Somalia iyo Kenya, kaasi oo uu saxiixay wasiirkii iskaashiga Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur, balse uu diiday baarlamanka Soomaaliya, uu haa mid uu soo diyaariyey danjirihii geeriyooday ee Norway Hans Wilhelm Longva.

Muqdisho 20ka Nofeembar 2019  Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Cumar Filish ayaa soo saaray amar deg deg ah, kadib kormeer uu ku tagay garoonka kubadda cagta ee Naadiga Muqdisho City Club ee dowladda Hoose.

Filish  ayaa amaray in inta ka dhiman bishan November looga guuro dhulkii Munishiibiyada ay laheyd, isagoo ka dalbaday shacanka degan in illaa 1-da bisha soo socota ay uga baxaan dhulkaasi oo ku yaalla degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay guddoomiyuhu inuu uga mahadcelinayo dadkaasi muddadii ay hayeen dhulkaasi, hadana ay u soo baahatay dowladda hoose

“Meelo dad u dhisan ayaa jirta oo naloo sheegay oo ah Garoonkii Basketball-ka iyo Baarkii Minishiibiyada, waxaa u qabaneynaa dadka degan inay nagu soo wareejiyaan illaa 1-da bisha December ee soo socota, waxaa rajeynayaa mar haddii mulkiyada nala sheeganeyn inay nagu daahin, waa u mahadcelineynaa nagama heysan waa noo hayeen”ayuu yiri guddoomiye Cumar Maxamuud Maxamed (Filish).

Amarkan oo ah mid deg deg ah oo shalay uun soo baxay ayaa waxaa cabasho ka muujinayo dadka degan qeybo ka mid ah dhulkii ay laheyd Kooxda Minishibiiyada, kuwaas oo sheegay in aysan ku filneyn waqti ahaan muddada loo qabtay, iyadoona horay aan loogu soo wargelin, ka hor booqashada guddoomiye Cumar Filish.

Dhulalka danta guud ee ku yaalla Muqdisho ayaa waxaa muddooyinkan dib u soo ceshaneysay dowladda Soomaaliya.

Muqdisho 20ka Nofeembar 2019 Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in markii ugu horeysay ay sameyn doonto diiwa-galinta iyo tayo dhowrka dugsiyada Waxbarashada oo laga sameyn doono guud ahaanba dalka Soomaaliya. Wajiga hore kormeerkan waxaa lagu bilaabi doonaa Gobolka Banadir oo loo qorsheyey in ay qabsoomto inta u dhaxaysa 25.11.2019 ilaaa 10.12.2019.

Kuunya Baroow  20ka Nofeembar 2019 Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab lagu dilay duqeyn ka dhacday deegaanka Kuunyo-Barroow ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Weerarrkan ayeey sheegtay dowladda Soomaaliya in ay qaadeen ciidamada dowladda iyo saaxiibadooda Mareykanka laguna beegsaday saldhigyo ay degenaayeen Ururka Al-shabaab.

Laakiin dhinaca kale Ururka Al-shabaab ayaa weerar ay soo saareen waxaa ay ku beeniyeen in duqeynta Kuunyo-Barroow looga dilay xubno ka tirsan dagaalyahannadooda, balse taa badalkeeda Al-shabaab dileen qof rayid ah.

Qofka rayidka ah ayeey ku sheegeen Al-shabaab in uu ahaa ganacsade magaciisa ay ku soo koobeen Ismaaciil.

Dowladda Soomaaliya ayaa laakiin dhankeeda sheegtay in duqeyntaasi waxba ka soo gaarin dadka rayidka ah.

Maraykanka ayaa sannadkan Soomaaliya ka gaystay ku dhowaad 60 duqaymood kuwaasi oo lala kala beegsaday ururada Al-Shabaab iyo Daacish

 

https://www.youtube.com/watch?v=rMySmAU995w&t=610s

WARARKA MAANTA 19ka Nofeembar 2019 Sir Culus!

Su’aallaha Maanta: Yaa shacabka #Muqdisho xaqooda duudsiiyey? Yaa qas siyaasaddeed ka wada maamul gobaleedyada dalka? Yaa noqon doona Madaxweynaha Soomaaliya Madaxweynihii hore Mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo hadda noqday Madaxa Midowga Madasha Xisbiyadda Dalka mise qof kale oo ay wadato beesha caalamka? Maxaa ka taqaanaa Taariikh Argagixiye Maal-Galiye Taliyaha Hay’adda Nabad-Sugidda Iyo Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin Haaji Daahir “Daba-Naasle” oo rag badan oo Ururka Al-Shabab madax u ahaa ka dhigay Saraakiil Sar-Sare oo nabad-sugidda kamid ah? Maxuu yiri Wasiirka Warfaafin Mudane Maareeye? Mudane Wasiir Maareeye ma tagi kartaa #Hargaysa Caasimadda Dowlad Gobaleedk #Somaliland mise Shacabka Xamar ayaa cashuur ka gurnaysaan? Meeqo lacag ah ayaa lagu bixinayaa inay xukuummadda fashilantay ka takhalusto Ahlu-Sunna Wajama ayadoo waxba aan lagu caawinaynin shacabka Gobalka Hiiraan? Maxay beesha caalamka ugu diiday inay wax dhaqaallo ah u gacan geliso xukuummadda ugu musuqmaasuqa badan adduunka sannadkii 2baad sida ay faafisay Hay’adda La-Dagaalanka Musuqmaasuqa Adduunka? Ha wiqleyso!

Muqdisho 19ka Nofeembar 2019  Kulan u dhaxeeya xubno ka kala socda Madasha Xisbiyada Qaran iyo dowladda Soomaaliya ayaa Xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, sida ay xubno ku dhow kulanka u sheegeen Warbaahinta Dalka.

Kulankan ayaa gogol xaar u ahaa kulan la filayo inay maalinta arbacada ah magaalada Muqdisho ku yeeshaan madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo hoggaamiyaha Madasha Xisbiyada Qaran, Shariif Sheekh Axmed.

Sida aan xogta ku helnay, waxaa kulanka ka qeyb-galay xubno matalaya Madasha oo uu hoggaaminayey Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo ah Xoghayaha Guud ee Madasha Xisbiyada Qaran iyo agaasimaha hay’adda NISA Fahad Yaasiin.

Fahad ayaa horey u billaabay wada-hadallada labada dhinac kadib markii uu dhammaadkii toddobaadkii tagay Muqdisho kula kulmay Shariif Sheekh Axmed, oo ah hoggaamiyaha Madasha Xisbiyada Qaran.

Kulankaas ayaa looga hadlay xiisaddii dhowaanahan ka dhex taagneyd dowladda iyo Shariifka taasi oo xoogeysatay toddobaadkii tagay markii madaxweynihii hore lagu xanibay garoonka Muqdisho isaga oo kusii jeeda magaalada Beledweyne.

Waxa ugu weyn ee kulankan Xalaylooga hadlayaa ayaa ah dejinta ajendaha kulanka madaxweyne Farmaajo iyo Sheekh Shariif, arrimaha doorashooyinka, ilaalinta sharciga, iyo khiaaflka dowladda iyo dowlad goboleedyada.

Labada dhinac ayaa u muuqda kuwo isku dayaya inay abuuraan jawi xasilloon oo sababi kara isu soo dhowaansho, is faham laga gaaro dhinaca doorashooyinka iyo dejinta xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay xayiraadii todobaadkii hore la saaray Madaxda Madasha.

Sheekh Shariif ayaa hadda ku sugan magaalada Naiorbi, waxaana la filayaa inuu Muqdisho kusoo laabto berri, isaga oo Arbacadna la kulmaya madaxweyne Farmaajo.

Muqdisho 19ka Nofeembar 2019 Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa maanta u fariisatay dhageysiga dacwad uu Xisbiga Himilo Qaran ee madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ka gudbiyey hay’adda duulimaadyada rayidka Soomaaliya.

Dacwadan ayaa ku saabsan is-hortaag lagu sameeyey madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo doonayey inuu ka duulo garoonka diyaaradaha Aadana Cadde, isaga oo ku wajahan magaalada Kismaayo.

Maxkamadda ayaa ku billaabatay diidmo qareenada dowladda ay ku doonayeen inay meesha uga saaraan in gebi ahaanba kiiska la guda galo, islamarkaana xukuumadda looga leexiyo dacwadda.

Kiiska maanta ayaa ku saabsanaa su’aal ah “maxkamadda sare ma qaaadi kartaa dacwaddan mise ma qaadi karto?”, waxaana doodda ugu weyn ee qareenka dowladda ay ahayd in maxkamadda aysan sharci u lahayn inay dacwaddan qaado maadaama aysan ahayn dacwad maamul. Qareenka dowladda waxa uu sheegay in Xisbiga Himilo Qaran uu ka dacwooday in xuquuqda muwaadinka lagu tuntay, taasi oo dacwadda ka dhigeysa mid dastuuri ah, sidaas darteedna aysan maxkamadda sare qaadi karin maadaama aysan ahayn dastuuri.

Qareenka dowladda ayaa sidoo kale ku dooday in madaxa qareenada Xisbiga Himilo uu yahay shaqaale dowladeed oo aanu geli karin kiis ka dhan ah dowladda.

Dhinaca kale, qareenka Xisbiga Himilo ayaa ku dooday in qaraarka ka soo baxay hay’adda duulimaadyada rayidka ah uu yahay mid maamul oo saameyn ku yeeshay muwaadiniin Soomaaliyeed, isla markaana dhaliyey dhibaatooyin waaweyn oo lagu tuntay xuquuqdii dadka iyo sharciyadii socdaalka.

Waxaa guuleystay dooddii qareenka xisbiga Himilo Qaran, ayada oo maxkamadduu ay go’aamisay in dacwaddu tahay mid maamul, islamarkaana uu jiro qaraar maamul oo laga dacwoon karo, ayada ay maxkamadda diiday is-hortaagii qareenka dowladda, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Baashe Yuusuf Axmed.

Dhinaca kale, maxkamadda ayaa aqbashay mid ka mid ah doodihii qareenka dowladda, waxayna go’aamisay in madaxii qareenada Xisbiga Himilo laga saaro kiiska difaaca qareenada, maadama uu noqday shaqaale dowladeed.

Maxkamadda ayaa go’aamisay in kiiska dib loo dhigo muddo shan maamlmood ah, taasi oo ah codsi ka yimid qareenada Xisbiga Himilo Qaran, si ay usoo dhameystiraan

Muqdisho 19ka Nofeembar 2019 Wasiirka amniga Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow ayaa qaabilay Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo dacwo ka ah taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliya Jeneral Cabdi Xasan Maxamed Xijaar.

Xildhibaanadaan oo u badan kuwa dhowr jeer tagay Xafiiska taliyaha islamarkaana waayay si loogu sharciyeeyo ciidamo Ilaaliyo ayaa wasiirka u sheegay in loo geestay xadgudubyo iyo hab dhaqan aan wanaagsaneen arintaasina aysan aqbali karin.

Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ayaa Warbaahinta  u sheegay in wasiirka ay u geeyeen cadeymo muujinaya xadgudubyo uu taliyaha u geesta Xildhibaanada qaar, iyo in aysan heysan ciidan ilaaliya maadaama laga qaaday ciidankii Milateriga ee ilaalada u ahaa.

Wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow ayaa xildhibaanada u sheegay in uu la kulmi doono taliyaha islamarkaana la xalin doono tabashooyinka Xildhibaanada si ay u helaan ciidan ilaaliya.

Wasiirka amniga Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow ayaa qaabilay Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo dacwo ka ah taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliya Jeneral Cabdi Xasan Maxamed Xijaar.

Xildhibaanadaan oo u badan kuwa dhowr jeer tagay Xafiiska taliyaha islamarkaana waayay si loogu sharciyeeyo ciidamo Ilaaliyo ayaa wasiirka u sheegay in loo geestay xadgudubyo iyo hab dhaqan aan wanaagsaneen arintaasina aysan aqbali karin.

Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ayaa Warbaahinta  u sheegay in wasiirka ay u geeyeen cadeymo muujinaya xadgudubyo uu taliyaha u geesta Xildhibaanada qaar, iyo in aysan heysan ciidan ilaaliya maadaama laga qaaday ciidankii Milateriga ee ilaalada u ahaa.

Wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow ayaa xildhibaanada u sheegay in uu la kulmi doono taliyaha islamarkaana la xalin doono tabashooyinka Xildhibaanada si ay u helaan ciidan ilaaliya.

Hargaysa 19ka Nofeembar 2019 Ciidamada Booliska Somaliland ayaa lagu soo warramayaa in saaka ay la wareegeen labo xarun oo uu xisbiga mucaaradka Wadani ku leeyahay gudaha magaalooyinka Berbera iyo Ceerigaabo ee hoostaga maamulkaasi.

Labadaasi xarun ayaa waxaa lagu arkayaa ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan kuwa Booliska oo saaka aroortii hore lagu soo daadiyey magaalooyinkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in amarka lagula wareegay xarumahaasi uu bixiyey taliyaha Booliska Somaliland Maxamed Aadan Saqadhi, kaasoo sheegay in xukuumadu ay talaabo ka qaadi doonto dadka hor kacaya dibabaxyada uu ku baaqay Guddoomiye Cirro.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona laga cabsi qabo inay markale isku dhacaan taageerayaasha xisbiga Wadani iyo ciidanka Booliska ee saaka la wareegay xarumaha xisbigaasi ee ku yaalla gudaha magaalooyinka Berbera iyo Ceerigaabo.

Xiisadda u dhexeysa labada dhinac ayaa sii xoogeysaneysa, taasoo daba socota murankii ka taagan guddiga cusub ee komishanka, ee ay dhowaan ansixiyeen golaha wakiilada.

Shalay ayey aheyd markii rabshado xoogan ay ka dhaceen xarunta dhexe ee xisbiga Wadani oo ku taalla Hargeysa, kadib markii ay xoog ku galeen taageerayaasha iyo hoggaanka xisbigaasi oo uu ugu horreeyey guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro.

Muqdisho 19ka Nofeembar 2019 Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya iska hor imaad u dhexeeyey ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya oo barqanimadii maanta ka dhacay gudaha degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir.

Iska hor imaadka oo muddo socday ayaa waxa uu dhexmaray ciidamo ka kala tirsan talisyada Booliska iyo Milatariga Soomaaliya, kuwaas oo ku dagaalamay xaafadda Bunbacoole ee degmadaasi.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkaasi uu sababay muran iyo is qab qabsi ka dhashay dhul ku yaalla halkaasi.

Inta la xaqiijiyey waxaa israsaaseyntan ku dhintay illaa labo askari oo ka tirsanaa ciidanka Milatariga Soomaaliya, iyadoona uu ku dhaawacmay taliyaha saldhigga Booliska degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir, Cali Culusow.

Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka oo ku aadan dagaalkan, balse waxaa goobta gaaray saraakiil Boolis ah oo kala dhex galay labada ciidan.

Xaaladda ayaa hadda ah mid dagan, waxaana si caadi ah ku soo laabtay dhaq dhaqaaqa Bunbacoole degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho.

Inta badan askarta Booliska iyo kuwa Milatariga ayaa ku dagaalama Caasimada, waxaana khasaaraha ugu badan uu ka soo gaaraa rayid aan waxba galabsan.

 

https://www.youtube.com/watch?v=Qxu8bkJFou8

WARARKA MAANTA 15da Nofeembar 2019 Sir Culus!

Su’aallaha Maanta: Yaa noqon doona Madaxweynaha Soomaaliya Madaxweynihii hore Mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo hadda noqday Madaxa Midowga Madasha Xisbiyadda Dalka mise qof kale oo ay wadato beesha caalamka? Maxaa ka taqaanaa Taariikh Argagixiye Maal-Galiye Taliyaha Hay’adda Nabad-Sugidda Iyo Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin Haaji Daahir “Daba-Naasle” oo rag badan oo Ururka Al-Shabab madax u ahaa ka dhigay Saraakiil Sar-Sare oo nabad-sugidda kamid ah? Maxuu yiri Wasiirka Warfaafin Mudane Maareeye? Mudane Wasiir Maareeye ma tagi kartaa #Hargaysa Caasimadda Dowlad Gobaleedk #Somaliland mise Shacabka Xamar ayaa cashuur ka gurnaysaan? Meeqo lacag ah ayaa lagu bixinayaa inay xukuummadda fashilantay ka takhalusto Ahlu-Sunna Wajama ayadoo waxba aan lagu caawinaynin shacabka Gobalka Hiiraan? Maxay beesha caalamka ugu diiday inay wax dhaqaallo ah u gacan geliso xukuummadda ugu musuqmaasuqa badan adduunka sannadkii 2baad sida ay faafisay Hay’adda La-Dagaalanka Musuqmaasuqa Adduunka? Ha wiqleyso!

Muqdisho 15ka Nofeembar 2019 Hawada magaalooyin badan oo ka tirsan gobolada dalka Soomaaliya xalay waxaa laga arkay wax u eg xidigo aad iskugu dhow oo guuraya hawada, isla markaana xawaare dheereeya ku socda.

Magaalooyinka lagu arkay waxaa ka mid Muqdisho, Afgooye, Dhuusamareeb, Cadaado, Gaalkacyo, Jigjiga, Diridhaba iyo kuwo kale oo dhaca galbeedka, koonfurta iyo bartamaha gobolada dalka.

Dadka ku nool magaalooyinkaas ayaa si isku mid ah u sheegay in waxaas oo u eg xidigo aadna iskugu dhaw ay ka yimaadeen jihada koonfureed una dhaafeen jihada waqooyi.

Arintaan ayaa xalay aad loogu falanqeynayey baraha ay bulshadu ku xariirto, iyadoo dadka ku kala nool magaalooyinka laga arkay ay isku si u sheegayeen qaabka waxii guurayay ee ay arkeen.

Inta badan dadka adeegsanaya baraha Bulshada ayaa ku tilmaamaya mucjiso Rabaani ah, iyagoo xusaya baryada Allaah.

Caasimada Online oo xiriir la sameysay dad ku nool magaalooyinka laga arkay arintaas waxay dhamaantood sheegeen inay arkeen isku xilli, waana intii u dhaxaysay 8:20pm daqiiqo ilaa 9:00pm habeenimo ee xala

Muqdisho 15ka Nofeembar 2019 Wasaaradda Warfaafinta jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa soo saartay qoraal ay ku hagayso hay’adaha Caalamiga ah ee ka howl-gala Soomaaliya kana, shaqeeya arrimaha wacyi galinta, horumarinta warbaahinta iyo xiriirka.

Qoraal uu ku saxiixan yahay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa waxaa Hay’adaha Shaqeeya Arimaha Wacyigalinta, Horumarinta Warbaahinta Iyo Xiriirka la faray inay u hoggaansamaan shurcuucda u degsan dalka Soomalaiya,isla markana ay ku Shaqeeyaa

Maamulka Dowladda Puntland 15la Nofeembar 2019 Xaaladda magaaladda Boosaaso ayaa shalay ilaa saaka degan kadib markii arbacadii ay ciidamo ka tirsanaa daraawiishta Puntland iyo ciidamo beeleed wada socda ay si xoog ah gudaha ugu galeen magaalada.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in maamulka Puntland ay ciidamo iyo tikniko fara badan ku daabulayaan gudaha magaalada Boosaaso waxaana jira taxadar badan oo dadweynuhu ka muujinayaan dagaal dhaca.

Ilo-wareedyo ku sugan magaalada ayaa Caasimada Online u sheegay in go’aanka xukuumadda Saciid Deni ay ciidamo dheeri ah ugu soo daabuleyso magaalada uu horseedi karo dagaal dib uga qarxa.

Dagaalkii arbacadii ka dhacay magaalada Boosaaso ayaa ahaa mid la saadaalinayay maalmaahaan oo dhan sababo la xiriira tallaabada ay qaaday xukuumadda Deni oo ay kula wareegeyso shirkadda PDG.

PDG waa shirkad illaa muddo dheer soo shaqeenaysay, waxaa leh ganacsato reer Bari ah uu ugu tun weynyahay ninka ka danbeeyay abaabulka ciidamada soo galay Boosaaso oo loogu yeero Bashiir C/llaahi Saalax Deer.

Shirkadda ayaa ciidamada PMPF-ta ee Imaaraadka taageerto u qaabilsanyihiin wixii loogistika ah, halkaas oo ay macaash fiican ganacsatadaasi ugu jirtay ka hor inta aysan isku dhicin saaxiibbadii markii hore ku shirkoobay.

Dhinaca kale, waxaa magaalada ka socda olole nabadeed oo ay wadaan culimada iyo waxgaradka kale ee ku dhaqan si xal looga gaaro xiisadda.

Culimada, isimada iyo nabadoonnada gobolka Bari ayaa sheegay inay wadaan dadaal nabadeed oo ay doonayaan in xal laga gaaro wax walba oo nabadgelyo xumo keeni karo.

Maamulka Dowladda Jubbalabd 15ka Nofeembar 2019 Shirkii golaha wasiirrada Jubbaland ee shalay ayaa intiisa badan diiradda lagu saaray xaaladaha siyaasadeed ee ka jira deegaanada Jubbaland, sida khilaafka kala dhexeeya dowladda federaalka iyo dhaqdhaqaaqyada ay dowladda dhexe ka wado gobolka Gedo, gaar ahaan degmooyinka Luuq, Doolow, Garbahaarey iyo deegaanno kale.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo shirka kadib  madaxtooyada Jubbaland warbaahinta kula hadlay ayaa ka digay faragalinta ay dowladda dhexe ka wado gobolka Gedo, isagoo sheegay in dowladda dhexe ay burburinta maamulka Jubbaland u adeegsanayso ciidamada dowladda Itoobiya.

“Goluhu waxay siguud walaac uga muujiyeen xaaladaha faragelineed ee lagu hayo dowlad goboleedka Jubbaland, kuwaas oo ka imaanaya dowladda federaalka iyo dowladdo taageera oo si khaldan awoodooda naguula adeegsanayo, waxaa shirka golaha diiradda lagu saaray xaaladaha ka soo cusboonaaday gobolka Gedo” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland.

Isagoo sii hadlayay ayuu yiri, “Waxaa la yaab leh in saraakiil ka tirsan Nabad sugidda Soomaaliya oo adeegsanaya saraakiil ka socota dowladda aan deriska nahay ee Itoobiya inay ku mashquulsanyihiin sidii loo burburi lahaa ciidanka Jibbaland ee ka howlgala gobolka Gedo si loo wiiqo maamulkii ay ku heshiiyeen dadka deegaankaan, iyaga oo adeegsanaya awood iyo siyaasad guracan.

Sidoo kale waxaa layaab nagu noqotay todobaadkii lasoo dhaafay markii maamuladii Jubbaland uga howlgalayay degmooyinka Luuq, Doolow iyo Beled-Xaawo si sharci darro ah shir lagu geeyay gudaha Itoobiya, halkaas oo ay kula kulmeen saraakiil ka socotay dowladda federaalka, kuwaas oo ku qasbay wax sharciga dalka ka baxsan oo ah in ciidamada Jubbaland ee iyaga hoos taga ay ku wareejiyaan dowladda dhexe, si loogu soo daayo wasiirkii amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan”.

Ugu dambeyntii Maxamuud Sayid Aadan Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa yiri, “Waxaa la yaab leh in xukuumadda maanta jirta ay ku mashquulsantahay kaambeyna ugu jirto in dadkii Soomaaliyeed ee doortay ay u adeegsato ciidamo shisheeye oo ay ku bixinayaan dhaqaale iyo waqtiba taasna wax aan qaada karno maaha”.

Nairobi 15ka Nofeembar 2019 Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa faah-faahin ka bixiyey kulankii ay maanta magaalada Nairobi ku yeesheen madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Cawad oo wareysi siiyey VOA ayaa ku adkeystay in la isku raacay in labada dal ay xiriir wanaagsan yeeshaan, oo kiiska maxkamadda ICJ uusan wax saameyn ah ku yeelan xiriirkooda.

“Kiiskii badda wuxuu jirayaa maxkamadda ICJ, madaxweynaheenuna si cad ayuu u sheegay. Waxaana lagu heshiiyey in xiriirka labada dal lasoo celiyo ayada oo arrinta baddana aysan saameyn.” Ayuu yiri.

Cawad oo wax laga weydiiyey hadalka wasiirka arrimaha dibedda Kenya ee ah in Farmaajo ogolaaday in kiiska ICJ laga gaaro xal ay ku wada qanci karaan labada dal ayaa sheegay in taasi aysan jirin.

“Aniga waxaan ahay dhigga wasiirka arrimaha dibedda Kenya, marka waxaa is-weydiin mudan maxay Soomaalida u rumeysanayaan hadalka wasiirka Kenya oo aysan u rumeysan wasiirkooda.” Ayuu yiri Cawad.

https://www.youtube.com/watch?v=cZoqPNaQTN0

WARARKA MAANTA 14da Nofeembar 2019 Sir Culus!

Su’aallaha Maanta: Yaa diidan inay shacabka Gobalka Banaadir Iyo Caasimadda Muqdisho helaan xuquuqdooda aasaasiga ayadoo canshuur ba’an laga qaado? Maxay yihiin Xoogga Waddaniyiinta? Yaa dalka madaxweyne ka ah mar haddii 99.5% ay Soomalida naceen beenta iyo musuqmaasuqa Madaxweyne Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo “Been-Hawaas”? Maxay beesha caalamka ugu sheegtay inuu Farmaajo 30 maalmood uga soo jawaabo habka doorashooyinka dalka? Yaa xirxirtay waddooyin/jidadka #Muqdisho? Maxaa ka taqaanaa Taariikh Argagixiye Maal-Galiye Taliyaha Hay’adda Nabad-Sugidda Iyo Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin Haaji Daahir “Daba-Naasle” oo rag badan oo Ururka Al-Shabab madax u ahaa ka dhigay Saraakiil Sar-Sare oo nabad-sugidda kamid ah? Maxuu yiri Wasiirka Warfaafin Mudane Maareeye? Mudane Wasiir Maareeye ma tagi kartaa #Hargaysa Caasimadda Dowlad Gobaleedk #Somaliland mise Shacabka Xamar ayaa cashuur ka gurnaysaan? Meeqo lacag ah ayaa lagu bixinayaa inay xukuummadda fashilantay ka takhalusto Ahlu-Sunna Wajama ayadoo waxba aan lagu caawinaynin shacabka Gobalka Hiiraan? Maxay beesha caalamka ugu diiday inay wax dhaqaallo ah u gacan geliso xukuummadda ugu musuqmaasuqa badan adduunka sannadkii 2baad sida ay faafisay Hay’adda La-Dagaalanka Musuqmaasuqa Adduunka? Ha wiqleyso!

Muqdisho 14da Nofeembar 2019 Guddoomiyaha Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka, Xaliimo Yareey ayaa warbaahinta qaranka ku eedeysay musuq maasuq iyo ka ganacsiga hantida qaranka.

Xaliimo Yareey ayaa sheegtay in madaxda warbaahinta Qaranka ay lacago laaluush ah weydiistaan guddiga Doorashooyinka marka ay codsadaan in wararkooda lagu baahiyo warbaahinta Qaranka sida SNTV iyo Radio Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa hadalkan ka sheegtay Kulanka oo looga hadlayay “Siyaasadda loo dhan yahay” ee arbacadii, oo ay ka qeyb galayeen inta badan Golaha Wasiirrada, waxa ayna raacisay dhowr jeer la joojiyay wararkooda maadaama aysan lacag u waayeen.

Xaliimo Yareey oo arrintaan ku dheeraatay ayaa dowladda Soomaaliya ka codsatay in si degdeg ah wax looga qabto, lalana xisaabtamo madaxda wasaaradda oo ay sheegtay in ay warbaahinta Qaranka u bedeleen sidii shirkad gaar loo leeyahay

Warbaahinta Qaranka ayaa baahinta wararka munaasabadaha dowladda ka qaata lacago u dhaxeeya $150 ilaa $300 (Boqol iyo konton doolar ilaasaddex boqol oo doollar), halka baahinta tooska ah ee munaasabadaha (Live)-ka ay ka qaataan $2,000 – $3,000 (laba kun ilaa saddex kun oo Doollar).

Madaxweyne Farmaajo oo aad u daneeya warbaahinta ayaan ku qanasaneyn sida ay u shaqeyso Warbaahinta Qaranka iyo hoos u dhaca ku yimid, isaga oo markii la doortay ka joojiyay xayeysiiska ganacsiga oo ay madaxda wasaaraddu lacaga badan ka sameyn jireen, balse taa bedelkeeda ay ku bedaleen iibinta wararka.

 

Wargeys Arab Weekly 14da Nofeembar 2019 Wargeyska Arab Weekly ayaa warbixin uu qoray ku sheegay in inkasta oo dalalka Qatar iyo Turkey ay u muuqdaan xulufo, haddana ay kusii kala durqayaan loolan xooggan oo u dhaxeeya oo ka socda gudaha dalka Soomaaliya.

Warbixinta ayaa sheegtay in labada dal ay ku loolamayaan qaar ka mid ah maamulka dekedaha Soomaaliya iyo mashruucyada kale ee kaabayasha ah ee laga fulinayo Soomaaliya.

Turkey ayaa gacanta ku haysa dekedda ugu weyn Soomaaliya ee Muqdisho, halka Qatar ay hadda isku dayeyso inay maal-gashato dekedda Hobyo ee gobolka Mudug.

Wargeyska oo soo xiganaya qaar ka mid ah warbaahinta dalka Turkiga ayaa sheegaya inuu burbur wajahayo is-xulufaysigii u dhaxeeyey labada dal ee gudaha Soomaaliya. Qatar iyo Turkey ayaa kula loolamay Soomaaliya, ugana guuleystay xulufadii Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta. Wargeyska oo soo xigtay sarkaal Soomaali ah ayaa sheegay in Qatar ay gudaha Soomaaliya ka qaadatay go’aanno ay diidaneyd Turkey. Wargeyska ma uusan shaacin waxa ay ahaayeen mowqifyadaas.

Xiisadda labada dal ayaa kasoo billaabtay dalka Qubrus, kadib markii Turkiga uu billaabay inuu xeebaha dalkaas ka baaro gaas. Goobahaas ayaa ahaa kuwa horey xuquudooda ay dowladda Qubrus u siisay dowladda Qatar.

Warbixinta ayaa sheegtay in wafdi dhowaan ay Qatar u dirtay Soomaaliya ay adeegsadeen siyaasado ka dhan ah dowladda Turkiga, aadna ay uga hor-yimaadeen.

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo dhowaan wargeyska Daily Sabah ee Turkiga oo ku xiran madaxweyne Erdogan uu qoray in taleefishinka Aljazeera oo ay Qatar leedahay uu faafinayey dacaayado ka dhan ah howlgalka Turkiga uu ka fuliyey waqooyiga dalka Syria

Dowladda Maamulka Somaliland 14da Nofeembar 2019 Cabdiraxmaan Cirro, Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa maanta si adag uga hadlay xubnihii ay shalay ansixiyeen Golaha wakiilada Somaliland, isagoona luuqad adag kula hadlay Madaxweyne Biixi.

Golaha wakiilada Somaliland ayaa shalay waxay ansixiyeen lix xubnood oo kamid ah xubnaha cusub ee Komishanka doorashooyinka Somaliland, kuwaasi oo ay labo kamid ahi si weyn uga soo horjeeden Xisbiyada mucaaridku.

Guddoomiye Ciro ayaa sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi uu ku dhaqmayo caragsi, isla markaana ay qaadi doonaan talaabo kasta oo hogaan xumada Biixi looga bad-baadinayo Somaliland.

Cabdiraxmaan Cirro ayaa sidoo kale waxa uu taageerayaasha xisbiga Waddani uu faray inay kala qeyb qaataan halgan uu sheegay in Somaliland lagaga bixinayo maamul xumada uu baday Madaxweyne Muuse Biixi.

“Waxa aanu Muuse xasuusineynaa in aanu Somaliland xoog iyo xabad midna ku qabsan kuna haysan karaynin” ayuu yiri Guddoomiye Ciro oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa.

Wuxuuna intaas kusii daray ” Haddii uu ku sii wado carigsiga iyo sharci jiidhka, waxa aanu ku dhaqaaqi doona tallaabo kasta oo Somaliland lagu bad-baadinayo”.

“Waxaan faraya taageerayasha Xisbiga iney u diyaar garooban halgan iyo hawl adag oo dalka lagaga bad-baadinayo Maamul Xumada Muuse Biixi baday”.

Hadalkan Guddoomiye Ciro ayaa u muuqda mid uu fariin hanjabaad ah ugu dirayo Madaxweyne Muuse Biixi, isla markaana uu ku baaqayo in la sameeyo kacdoon iyo dagaal ka dhan ah Xukuumada talada Somaliland haysa ee uu Biixi hogaamiyo.

Qaramadda Midooway 14da Nofeembar 2019 Guddiga Qaramada Midoobay ee UN Monitoring Group, ayaa warbixinteedii sanadlaha aheyd ee sanadkan 2019, waxay ku sheegtay in shirkad ay leedahay dowladda Itoobiya ay hubka ka iibiso Somaliland.

UN Monitoring Group ayaa sheegtay in Shirkadaasi oo lagu magacaabo Metals and Engineering Corporation (MetEC), ay sidoo kale hub ka iibiso maamulo kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, inkasta oo aysan xusin.

Guddigaasi ayaa waxay sheegen inay heshay Dokumentiyo cadeynaya in hub la kala iibsaday sanadihii 2013 ilaa 2015, iyadoona la kala siistay hubkaasi lacag ka badan saddex milyan oo dollar.

Warbixintaasi ayaa sidoo kale waxa lagu soo bandhigay Warqad qoraal ah oo uu qorey Taliyihii hore ee Ciidanka Somaliland, Generaal Ismaaciil Shaqale, midaasi oo sheegaysay in Somaliland ay shirkada MetEC ka heshay hub qiimihiisu dhan yahay 698,600 oo dollar, taasi oo ay ku taariikhaysaneed 28 September 2014.

Waxa ugu dambeyntiina Warbixintaasi lagu sheegay in shirkada Metals and Engineering Corporation (MetEC), ay maamulada Somaliland iyo Puntland ula dhaqmi jirtay sida dalal madax banaan, sidaasina uga iibin jirtay hubka.

Minneapolis 14da Nofeembar 2019 waxaan aad iyo aad uga xummahay dulmiga, dhaca iyo siyaasadda khaa’imiinta siyaasiyiinta Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa hadda haya tallada dalka inay si ba’an u dhacayaan canshuurta Gobalka Banaadir iyo caasimadda #Muqdisho ayagoo ilaa iyo markii ay qabsadeen tallada dalka ilaa iyo hadda ku sii wada cunaqabateen joogta ah iyo mid dadban ayagoo xitaa jidadka/waddooyinka ku xirxiray dhagaxaan waaweyn oo ka xaniba inay aadaan goobaha ka ganacsiga iyo isu-socodka caadiga ah. Xukuummadda fashilantay ee uu hoggaaminaayo Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre waxay ka dhigtay inaysan shacabka Soomaaliyeed fahmi karin sida ay u fashilantay oo ay u diidayso inay shacabka gobalka Banaadir helaan xuquuqdood aasaasiga ah sida goballada kale ee dalka ayadoo canshuur badan si aan sharciga waafaqsanayn uga qaada shacabka Muqdisho taasoo lagi maalgeliyo goballadda kale ee dalka gaar ahaan maamul gobaleedyadda oo diidan inay canshuur bixiyaa.

Waa xaqiiqo inuu fashilmay Madaxweyne Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo diiday inay shacabka gobalka Banaadir helaan xuquuqdooda aasaasiga ah balse waxaa cad inuu hawlaha xuquuqda loogu raadinayo shacabka gobalka Banaadir si qaxayn u diiday Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre.

Waxaan shacabka gobalka Banaadir iyo caasimadda #Muqdisho kula tallinayaa inaysan mar dembe soo dhaweynin rag siyaasiyiin ah oo diidan inay helaan xuquuqdooda aasaasiga ah si inay samaystaan Maamulka Dowlad Gobaleedka Banaadir State.

Aad iyo aad ayaan uga xummahay inay laba madaxweyne oo ka horeeyey Madaxweyne Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ay shacabka been iyo turfo u sheegaan ayagoo waxba u qaban waayey ayagoo ku fadhiya kursiga Madaxweynaha, waxaa ceeb ugu filan inaysan waxba u qaban shacabka gobalka Banaadir ayagoo labada soo maray jaggadda madaxweynenimadda dalka Soomaaliya. 

Waxaan u rajeynayaa shacabka Soomaaliyeed inay si siman u wada qeybsadaan hannaanka siyaasadda ayagoo u dooran kara dad aan u kala eexanaynin oo Illaahay ka baqaya.

Madaxweyne Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo Iyo Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre waxay ka dhigeen dalka #Soomaaliya waddanka adduunka ugu musuqmaasuqa badan sida ay qortay Hay’adda La-Dagaalanka Musuqmaasuqa Adduunka ee Transparency International (TI) sannadkii seddexaad ayagoo haya xunka dalka marka waxay intaas ku sii darsadeen inay burburiyaan maamul gobaleedyaddii dalka ka dhisnaa sida ay haddaba la wada socoto Ummadda Soomaaliyeed gudaha dalka iyo dibaddaba.

Waad Mahadsan Tihiin,

Denjire AL-Xaaji Dr. Badal W. Kaariye