WARARKA HORE

WARARKA MAANTA Janaayo 14ka  2019 Sir Culus!

Su;aalaha Maanta: Maxuu Khaa’inul waddan Ra’iisal wasaare Kheyre uu Baarlamaanka ugu gudbiyay xeerka wax ka badalka Agaasinka Bangiga Dhexe? Maxuu Khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raam-Sade” u rabaa inuu Guddoomiyaha Bangiga Dhexe u magacaabo nin ajinabi/shisheeye ah oo weli Ingiriis ah xiriir la leh Shirkaddii Soma Oil and Gas kaasoo kala qaybtii iyo cadownimadda ay u qabeen Ummadda Soomaaliyeed ay u kala qeybiyeen 5 qeybood xilligii gummaysiga ay ku hayeen dhulka Soomaalida degto ee Geeska Afrika iyo gabi ahaanba qaarada Afrika? Ma waxaa la waayey qof aqoonyahan Soomaaliyeed oo shaqadaas qabta? Mise ninkan waxuu kamid ahaa raggii sida tooska ah iyo sida dadbanba magaca Ummadda Soomaaliyeed ku xalaalaysan jiray dhaqaallaha iyo deymaha lagu sii qaamaynaayo magaca Ummadda Soomaaliyeed? Maxay tahay sababta ninkan Ingiriiska ah ee loogu magacaabayo Guddoomiyaha Bangiga Dhexe? Maxayse xukuummadda fashilantay ee Khaa’inul waddan Raysal Wasaare Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raam-Sade” u samayn/magacaawi waayeen Guddigga Garsoorka Qaranka Iyo Hay’adda La-Dagaalanka Musuqmaasuqa? Maxay Dowladda Soomaaliya ee wada dadban umalaynaysaa inay shacabka runta ka qarin karto? Yaa noqon doona Madaxweynaha soo socda? Yaa noqon doona Raysal Wasaaraha soo socda? Yaa noqon doona Guddoomiyaha Aqalka Sare ee soo socda? Ha wiqleyso!

https://www.youtube.com/watch?v=0z2hBFhDIvk

Muqdisho Janaayo 14ka 2019 Ra’iisal wasaare Kheyre oo Baarlamaanka u gudbiyay xeerka wax ka badalka Agaasinka Bangiga Dhexe. Akhriso-Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa u gudbiyay Golaha Shacabka xeerka wax ka badalka guddiga Agaasinka Bangiga dhexe ee Soomaaliya oo lagu waddo in uu maanta ka dooddo Golaha.

Xeerka ayaa u qornaa siddan :
Markuu la arkay Baahida loo qabo :-  Soo saarista xeer maamul oo haggaya soo xulista xubnaha guddiga Agaasinka Bangiga Dhexe ee Soomaaliya :
Markuu Arkay  :- In Golaha Wasiirraddu Wadajir u ansixiyeen si waafaqsan xeerka qoddobka 99 farqadiisa (b) ee Dastuurka Soomaaliya.
Markuu ku qancay :- In Sharciga 130 u baahan yahay dib u eegis nuxur ahaan iyo qaab dhismeed ahaan si uu ula jaan-qaadi karo Nidaamka Maaliyadeed ee dalka (PFM) kuna  saleysan furfurnaanshaha Dhaqaale ee Caalamiga ah.
Wuxuu Meel mariyay  
1 .Xeerkan maamul ee Golaha Wasiirraddu ogolaadeen oosi KMG u haga xulida xubnaha Agaasinka Bangiga Dhexe ee Soomaaliya in dib u eegis wadajir ah ku sameeyaan Guddiga Maaliyadda iyo  Miisaaniyadda Golaha Shacabka iyo Wasaaradda Maaliyadda Sharci Lambar 130, si la isku waafajiyo shuruucda maaliyadeed ee dalka.
2.Iyadoo aan wax loo dhimeyn Sharciga 130aad, ee 22/04/2012 qodobka 12aad, farqadiisa 1aad, xeerka (a) waxaa loo ogolaaday guddiga xulista xubnaha guddiga Agaasinka Bangiga dhexe ee Soomaaliya in ay soo xuli karaan qof kastaa oo ugu dhibco sareeya, Karti ahaa, Aqoon ahaan, iyo hufnaan intaba guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya.
3, Xeerkan waxaa uu dhaqan-galayaa markii uu meel mariyo Golaha Shacabka islamarkaana uu Dikreeto ku soo saaro madaxweynaha dowladda Soomaaliya.
Haddaba xeerkan uu ku saxiixan yahay ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa haddii uu meel maro ama isku raacaan Golaha Shacabka waxaa ay ka dhigan tahay in Bangiga Dhexe  uu madax ka noqon karo shaqsi ajnabi ah, kuna imaan doona xeer loo cuskanayo xulida Guddiga Agaasinka Bangiga Dhexe, kaasoo qof kasta oo ugu dhibco sareeya, karti ahaan, aqoon ahaan iyo hufnaan uu noqonayo  Guddoomiyaha Bangiga Dhexe.

Muqdisho Janaayo 14ka 2019 Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu waddaa in maanta oo Isniin ah kulan xasaasi ah ku yeeshaan xaruntooda magaalada Muqdisho, iyaga oo ka dooddi doona wax ka badalka xeerka Bangiga. Arrintan ayaa dood adag ka dhax abuurtay mushtamaca Soomaaliyeed kaddib uu soo baxay war ku saabsan in sababta wax ka badalka loogu sameynayo xeerka Bangiga uu yahay sidii qof Ajnabi ah loogu dhiibi lahaa guddoonka sare ee Bangiga dhexe ee Soomaaliya.

Xildhibaannada qaarkood, Aqooyahanno iyo qeybaha kala duwan ee bulshada oo arintan ka hadlay ayaa sheegay in wax laga xumaado tahay qorshaha wax ka badalka xeerka Bangiga dhexe ee Soomaaliya, iyadoo ay sababtu tahay sidii qof Ajnabi ah uu u maamuli lahaa Bangiga.

Prof Yaxye Sheekh Caamir oo ka mid ah aqooyahannada Soomaaliyeed ayaa sheegay in caqabado aan hadda laga fiirsan lagala kulmi doono haddii qof ajnabi ah loo dhiibo Bangiga, gaar ahaan waxaa uu sheegay in qofka hadda lagu waddo uusan aqoon u laheyn maamulka Dhaqaallaha isaga oo bartay ayuu yiri dhaqaalaha beeraha oo ah ayuu yiri qeyb kooban oo ka mid ah cilmiga Dhaqaalaha.

Lama oga sida uu xildhibaannada Golaha Shacabku u wajihi doonaan marka la hor geeyo ajandaha wax ka badalka xeerka Bangiga iyo doodda arintan ku saabsan.

Maamulka Jubbaland Janaayo 14ka 2019 Wararka naga soo gaaraya degmada Bu’aalle ee gobolka Jubbada dhexe ayaa sheegaya in dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab toogasho ku dileen sarkaal ka tirsanaa Ururka Daacish oo siweyn isaga oo horjeedaa Al-shabaab. Sarkaalkan toogashada lagu dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Yaxye Xaaji Fiile, oo loo yaqaaney [Abu Zakariye] waxaana ay ku eedeeyeen Al-shabaab in uu ka tirsan yahay Ururka Daacish.

Sarkaalkan ayaa marka laga soo tago in uu hadda ka tirsanaa Ururka Daacish waxaa uu muddo dheer ka mid ahaa Ururka Al-shabaab oo mar uu khilaaf soo kala dhaxgalay, laakiin markii danbe ayuu si toos ah ugu biiray Daacish.

Ururka Al-shabaab ayaa horay ugu dhawaaqay dagaal ka dhan ah Ururka kale ee Daacish oo ay ka mideysan yihiin dagaalka ka dhanka ah dowladda Soomaaliya, laakiin dhaxdooda aan siyaasad ahaan isku wanaagsaneyn.

Muqdisho Janaayo 14ka 2019 Wasiirka Maaliaydda Somaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle mar uu warbaahinta la hadlayay ayuu ka waramay waxyaabihii u qabsoomay wasaaradda Maaliyadda intii uu joogay iyo qorshahooda sanadkan 2019 ee bilowga ah. Wasiirka Maaliaydda Somaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle mar uu warbaahinta la hadlayay ayuu ka waramay waxyaabihii u qabsoomay wasaaradda Maaliyadda intii uu joogay iyo qorshahooda sanadkan 2019 ee bilowga ah.

Wasiirka Maaliyadda ayaa tilmaamay in labadii sano ee u dambeysay ay ku guuleysatay wasaaraddu bixinta mushaharka shaqaalaha dowladda iyo midka Ciidamada, Wuxuuna intaasi ku daray in labadii sano ee la soo dhaafay daqliga soo gala dowladda uu kordhay 64% boqolkiiba ka dib markii ay wasaaraddu xoojisay nidaamka canshuuraha lagu qaado ee dalka gudihiisa.

Dhinaca kale Miisaaniyadda sanadkaan oo ka kooban 344 Milyen ayuu sheegay in 200 milyen oo ka mid ah wasaaradda ay ka rajaynayso in uu ka yimaado dakhligu gudaha laga soo aruuriyo ee canshuuraha la xiriira.

Ugu dambeyntii shirkiisa jaraa’id ayuu Wasiirka maaliyadda ka sheegay in in sanadkaan ay raja badan Soomaaliya ka qabto in la soo geba gebeeyo dadaalada loogu jiro cafinta deymaha lagu leeyahay.

Muqdisho Janaayo 14ka 2019 Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa looga digay inay ansixiyaan sharciga Hanti Dhowrka Qaranka oo horyaala, kaasi oo maanta la filayo inay ansixiyaan.

Ku xigeenka Koowaad ee Hanti dhowrka Qaranka Cali Abuukar Axmed ayaa isaga oo warbaahinta la hadlayay wuxuu sheegay inuu ka digayo in baarlamaanka ansixiyaan sharciga Hanti dhowrka Qaranka.

Wuxuu sheegay in sharcigaasi uu yahay mid awood uusan laheyn siinayo Hanti dhowrka Qaranka, isaga oo sheegay in Hanti Dhowrka Qaranka uu noqon doono ruux awood leh sida madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.

Wuxuu sheegay inuu ka madax banaaneynayo sharcigaasi xafiisyada golaha Fulinta, islamarkaana uu xasaanad gaar ahaaneed uu yeelan doono hanti dhowraha, taasi oo ka dhigeyso inuu ka bixi doono Shanta Kaabayaasha dhaqaalaha la isku yiraahdo.

Wuxuu sidoo kale sheegay in Hanti dhowraha Qaranka uu shaqo la’aan ka dhigay shaqaalo ka tirsanaa xafiiska, kuwaasi oo muddo ka shaqeynayay Handhowrka, taasi badalkeedana uu la yimid halinyaro badan oo ay isku reer yihiin.

Cali Abuukar, ku xigeenka koowaad ee xafiiska Hanti dhowrka, ayaa dhinaca kale ka hadlay shaqaalo ka tirsan Xafiiska oo looga yeeray xarunta hay’adda Dambi baarista ee CID, kuwaasi oo uu sheegay inay ka amar qaadanayeen Hanti dhowrka.

Wuxuu sheegay in shaqaalaha la wareystay ee ka tirsan Xafiiska Hanti dhowrka, inay yihiin kuwii uu shaqo la’aanta ka dhigay, islamarkaana uu doonayo in dambiyo aysan laheyn lagu eedeeyo.

Ugu dambeyn wuxuu madaxda ugu sareyso dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay soo fara geliyaan xiisadda ka taagan xafiiska Hanti dhowrka Qaranka.

 

Muqdisho Janaayo 14ka 2019 Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka qeyliyey qorshe uu sheegay inayn ka dambeyso Villa Somalia, oo magaciisa looga been abuurtay, kaasi oo ka socda facebook.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku sheegay in Villa Somalia ay abuurtay cinwaan facebook oo kiisa shabaha, kaasi oo uu sheegay in lagu faafiyo fikrado isaga loo tirinayo oo lagu sumcad dilayo.

Hoos ka aqriso qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur ee facebook uu soo dhigay.

Waxaa baraha bulshada si wayn loo wareejiyey bog been abuur ah oo qoraalka ku qoran la ii tiirinayo. Bogaygu waa hubsan yahay (verified) oo waxaa saaran calaamada buluuga ah ee bogaga rasmiga ah lagu garto. Tan kale, maadaama ay adagtahay in magacayga oo sax ah bog kale lagu sameeyo, waxaa si isdaba maris ah lagu sameeyey magaca bogga been abuurka ah

Waxaase wax lala yaabo ah in baaritaan ay sameeyeen hawl wadeenka dhinaca warbaahinta ee xafiiskayga ay ku soo ogaadeen in boga been abuurka ah laga sameeyey Vila Somalia, dadka wareejinaya iyo muuqaalo hadalo ah kasoo sameeyeyba ay badankood yihiin taageerayaasha madaxweynaha.

Waxaa ayaan dari ah in Vila Somalia aysan ka daalaynin in ciidanka, hantida iyo warbaahinta qaranka u adeegsato sidii naftayda iyo sumcadayda loo dili lahaa. Waxaan maqli jiray “Islaanta Odayga la saar”

Muqdisho Janaayo 14ka 2019 Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in baarlamaanka uu horyaalo sharciga ama xeerka Bangiga dhexe oo la doonayo in wax laga badalo.

Xildhibaanka ayaa sheegay in xeerkaasi maanta xildhibaanada baarlamaanka la horgeyn doono, marka guddoomiyaha baarlamaanka ogolaado kadibna ay ka doodi doonaan xildhibaanada golaha Shacabka.

Wuxuu sheegay in sharcigaasi baarlamaanka uu kaga yimid dhanka xukuumadda Soomaaliya, isaga oo sheegay iney qabto yahay sida lagu geeyay golaha shacabka.

“Sharcigaasi waxaan idiin cadeynayaa inuu horyaalo golaha shacabka, dhanka xukuumadda ayuuna naga soo gaaray, Sharcigaasi waa mid Surwaal kaliya uu ugu jiro waa feero qaawan yahay oo shaar uguma jiro”ayuu yiri xildhibaanka.

Arintaasi ayaa dhalisay hadal heyn badan, maadaama haddii wax laga badalo xeerka Bangiga dhexe ay ka dhigan tahay in ruux ajnabi ah uu qaban karo guddoonka Bangiga Dhexe.

Dhinaca Xildhibaanka ayaa ka hadlay ruuxa ajnabiga ah ee la hadal hayo in laga dhigayo guddoomiyaha Bangiga dhexe, wuxuuna sheegay inay taasi sabab u tahay in Soomaalida dhankooda ay haweysteen inay xilal ka qabtaan dalalka kale caalamka.

“Marka aad adiga haweysato wax dadow adna waxaada waa lasoo haweysanayaa, arintaan waxay keeni doontaa dood adag oo dadka aysan ku baraarugsaneyn”ayuu hadalkiisa ku daray xildhibaan Dalxa.

 

Muqdisho Janaayo 14ka 2019 Waxaa si weyn la’isula dhexmaraa in dowladda Federal-ka ah ay Bangiga dhexe ee dalka u magacaabi doonto shaqsi ajinabi ah.

Tallaabadan oo aan wali si rasmi ah u dhaqan galin, ayaa waxaa ka dhashay dood iska soo horeedda oo ay qaar qabaan in dowladda ku qaldan tahay qaarna ay soo dhaweeyeen.

Isniinta maanta ah ayey baarlamaanka u codeyn doonaan sidii meesha looga saari lahaa sharci diidaya in qof aan Soomaali ahayn loo dhiibi karo Bangiga si loogu gogol xaaro shaqsiga ay dowladda jagadaas la dooneyso.

Walow aysan wali caddeyn qofka ay dowladda xilkaas u magacaabi doonto iyo dalka uu u dhashay, hadana waxa ay u muuqataa in dowadda 3-dan qodob faa’iido ahaan uga dhex arki karto tallaabadaas.

Waxaa si weyn la’isula dhexmaraa in dowladda Federal-ka ah ay Bangiga dhexe ee dalka u magacaabi doonto shaqsi ajinabi ah.

Tallaabadan oo aan wali si rasmi ah u dhaqan galin, ayaa waxaa ka dhashay dood iska soo horeedda oo ay qaar qabaan in dowladda ku qaldan tahay qaarna ay soo dhaweeyeen.

Isniinta maanta ah ayey baarlamaanka u codeyn doonaan sidii meesha looga saari lahaa sharci diidaya in qof aan Soomaali ahayn loo dhiibi karo Bangiga si loogu gogol xaaro shaqsiga ay dowladda jagadaas la dooneyso.

Walow aysan wali caddeyn qofka ay dowladda xilkaas u magacaabi doonto iyo dalka uu u dhashay, hadana waxa ay u muuqataa in dowadda 3-dan qodob faa’iido ahaan uga dhex arki karto tallaabadaas.

Maamulka Somaliland Janaayo 14ka 2019 Wasiirka Shaqada iyo arimaha Bulshada Somaliland Hindia Jaamac Gaani ayaa shaacisay in dhalinyaro ku sugan magaalada Hargeysa ay ku xiran yihiin xafiiska madaxweyne Farmaajo.

Hinda Jaamac oo dhalinyaro badan la hadlaysay ayaa sheegtay in dhalinyaro badan ay ku xiran yihiin xafiiska madaxweyne Farmaajo, islamarkaana ay dhaqaalo badan qaataan.

Waxay sheegtay in dhalinyaradaasi ay dhaqaalaha ku qaataan sidii ay u kala qeybin lahaayeen shacabka Somaliland, iyaga oo cadeysay inay xog badan ka hayaan dhalinyarada ku xeran xafiiska madaxweyne Farmaao.

“Runtii Socail media dagaal ad u fara badan ayaa ka socdo, waxaana ognahay in dhalinyarada dagaalka sameynaya waa dad la adeegsado oo laga maamulo xafiiska Farmaajo, waxay inoo kala sameeyaan reero iyo magacyo”ayay tiri Wasiirka shaqada ee Somaliland.

Hinda Jaamac, ayaa sheegtay in dhalinyaraadi ay qeyb ka qaadanayaan duminta Somaliland, balse loo baahan yahay in dhalinyarada kale ee Somaliland ka fakaraan mustaqbalkooda.

“Dhalinyarada iyo dadka halkaan jooga ee ku xiran xafiiska madaxweyne Farmaajo yaaneyn dalka naga burburin, waa in dhalinyarada kale ay u istaagaan sidii la isaga qaban lahaa”ayay hadalkiisa saacisay Hinda Jaamac.

Maamulka Puntland Janaayo 14ka 2019 Siciid Cabdullahi Deni waa ganacsasde isu rogay siyaasi. Wuxuu ku dhashay, kana dhigtay waxbarashadiisa illaa heerka koowaad ee jaamacadda magaalada Muqdisho. Ka dib wuxuu galay jaamacad ku taal Malaysia oo uu ka qaatay shahaadada heerka labaad ee jaamacadda.

Ganacsiga ka sokow wuxuu ahaa qofkii ug horreeyay ee Boosaaso ka aasaasa dugsiga Imaam Nawawi. Wuxuu dawladdii Xasan Shiikh noqday wasiirka qorshaynta qaranka.

8-dii Janaayo 2019-ka wuxuu ku guulaystay in loo doorto madaxwaynihii 5aad ee Puntland

Sababihii keenay guusha Deni

Guushiisa ka hor, Deni wuxuu dhextaal u ahaa kooxo iyo shakhsiyaad dhowr ah oo mid waliba dan gaar ah ka lahaa inuu ku guulaysto madaxwaynanimada Puntland.

Shakhsiyaadka gacanta ugu wayn ka gaystay guushiisa waxaa ka mid ahaa madaxwaynihii hore ee Puntland Cabdiraxman Faroole, murashax madaxwayne Farax Cali Shire, iyo Cabdiwali Gaas.

Kooxaha taageerada xoogga leh siiyayna waxaa hormuud u ahaa Aaran Jaan, Towfiiq, Saracen, Dam Jadiid, Al-Islaax, Dahabshiil, iyo Somaliland. Dhamaan kooxahaan aan kor ku xusnay waxay Deni siiyeen taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeedba.

Waxaa la sheegay in Lacag gaaraysa 2 milyanoo  doolar uu Deni uga soo qaaday Dahabshiil nin la yiraahdo Maxamuud Shiddo oo ah madaxa Aaran Jaan, isla markaana ka mid ah boardka Towfiiq, iyo kan Saracen. Waxaa kaloo la baahiyay in Somaliland ay iyana u soo dirtay hal milyan oo dollar oo kale.

Sidoo kale, waxaa warbaahinta Puntland sheegtay, in dhaqaalih uu Deni ka helay kooxahaas uu u adeegsaday inuu ku gato codka xildhibaanada, iyadoo xildhibaakiiba uu siinayay 50 kun oo doolar si ay ugu codeeyo. Xildhibaankii lacag ka qaatana wuxuu marinayay dhaar adag oo isugu jirta xilo dalaaq iyo habaar.

Dhallinyaradii (xildhibaanadii) loo han waynaa oo lagu hungoobay codkoodiina iibiyay

Sanandka 2019-ka boqolkiiba 74 (74%) ama 49 ka mid ahh 66-ka xildhibaan ee Puntland laga soo doortay waxay ahaayeen dhallinyaro wax ku bartay jaamacado dalka gudihiisa ku yaal oo lagu tuhmayay waddaniyad, dhaqan wanaag, xalaal quudasho, iyo diin wanaag, una badanaa kuwo taabacsan kooxda Islaamiga ah ee Al-Islaax. Aad baa loogu han waynaa dhallinyaradaas oo waxaa la filayay inay Puntland ka saaraan musuqa, dhaqaale xumada, ammaan darrada, iyo horumar la’aanta.

Laakiin sidii la moodayay ma noqon oo iyagii ayaaba ka darnaaday kuwii ka horreeyay oo lagu eedaynayay laaluush cunka, damiir la’anta iyo waddaniyad xumida. Haddana dadka reer Puntland waxay aad uga walaacsan yihiin mustaqbal xumo ku dhacda Puntland  sababta oo ah xildhibaanadii sanadkan waxay noqdeen kuwo aan sarriig lahayn oo cid kastoo lacag u keenta ka qaadanaya.

Sida lagu sheegay warbaahinta Puntland, lacagta lagu kala gadanayay codka xildhibaanda waxay u dhexaysay 30 ilaa 70 kun oo doolar. Xildhibaanaduna kuma ekaanayn hal murashax ee waxay isu marayeen 4 ilaa 5 murashax. Sidaas baana xildhibaanada qaarkood ku heleen lacag gaaraysa dhowr boqol oo kun oo dollar.

Waxaase taas ka sii darnayd markii siyaadadii dib la isga soo matajiyay oo murashixiintii aan guulaysan ay ka dalbadeen xildhibaanadii aan u codayn ay u soo celiyaan lacagtoodii. xildhibaanada qaarkood suuqa dhexdiisa iyagoo maraya ayaa xabad dhafoorka laga saaray oo lagu khasbay inay lacagtii soo celiyeen.

Haddba waxaa is waydiin leh, xildhibaanada noocaas ah oo iyagoo aan wali shaqo bilaabin oo indhuhu u furmin codkooda siistay lacag laaluush ah, maxaa laga filayaa inay samayn doonaan markii ay muddo sii  joogaan oo shaqo bartaan? Sow ma qaadan doonaan lacagaha laaluushka ah oo la hubo in laga keeni doono waddamo shisheeye, shirkado calooshood u shaqaystayaal ah, iyo shakhsiyaad shisheeya iyo Soomaliba leh. Ma laga filayaa inay lacagaha noocaas ah diidi donaan oo ay u danayn doonaan dadka iyo dalka ay dhaarta ugu mareen inay ilaanin doonaan danihiisa si daacad ahna ugu shaqayn doonaan?

Sida xaal gadaal ka noqon doono Allaa og laakiin hadda reer Puntland waxay isku raaceen in xildhibaanadaan kuwa ka liita aysan hore u soo marin Puntland

Ceeb aan hore loo arag – 41 Xildhibaan oo ka maqnaa khudbadihii murashixiinta

Waxaa yaab iyo amakaag noqotay in 41 xildhibaan ay ka maqnaayeen khudbadihii ay jeedinayeen 21-kii murashax ee u tartamayay madaxwaynanimada. Waxa dabadeed la soo ogaaday in xildhibaanadii maqnaa ay saf ugu jireen Dahabshiil si ay u soo qaataan lacagihii ay ku iibsadeen codkooda.

Ceebta saddexaad – dhulbahante oo qaddiyadoodii siistay lacag  

Markii tar-tanka doorashada uu soo galay Dr. Cali Ciise, Soomaali oo dhan waxaa gashay rajo ah inuu ku guulaysto doorashada maadaama uu ahaa ninka ugu bisilaa, uguna aqoon iyo khibrad badnaa raggii tartamayay. Aqoonta iyo waayo aragnimada Dr. Cali Ciise u lahaa dib u dhiska, maaraynta, iyo kocinta dhaqaalaha waxay ahayd wax si gaar ah Puntland xilligaan ugu baahnayd maadaama ay labaatankii sanoo ay dhisnayd ay ka bixi wayday musuq-maasuq, bur-bur dhaqaale, iyo takri fal hantida guud.

Laakiin, in la doorto Dr. Cali Ciise iska daaye, reerkii uu ka dhashay oo lahaa 17 cod, ayaan xataa siin hal cod. Haddii uu heli lahaa codkooda, waxaa suurogal noqon lahayd inuu u soo gudbo wareegga labaad, dabadeedna uu helo jaanis uu ku guulaysto jagada madaxwaynanimada (Akhri Ma tuurnaa qabiil oo dooranaa Dr cali Ciise Cabdi).

Ayaan darro, ma dhicin inuu helo codkii xildhibaanada reerkiisa. Hal cod oo ka yimid beel kale ayuu helay. Sidaas buuna Dr. Cali Ciise ku haray wareeggii kowaad, Puntlandna sidaas bay gacanta ugu gashay Aaran Jaan, seeddiyaasha Somaliland, iyo xildhibaano aan lahayn bisayl siyaasadeed, mid shaqo, mid aqoon, mid diin, mid waddaninimo, mid xishood, mid xalaal quudasho, mid aragti dheeri, iyo mid u hiilin jiilasha dambe.

Xildhibaanadii dhulbahantana waxay halkaa kala hoydeen astaan ku dhegtay oo ah qaddiyad la’aan, hiil la’aan iyo laaluush qaadasho.

Mudaharaadyo looga soo horjeedo Deni iyo Baqdin la qabo mustaqbal xumo ku dhacda Puntland

Taariikhda Soomaaliya hore ugama dhicin in madaxwayne la soo doortay ay ku mudaharaadaan reerkii uu ka dhashay. Laakiin markii ugu horraysay waxaa dhacay 8-dii Janaayo 2019-ka oo ahayd maalintii madaxwaynaha maamulka Puntland loo doortay Siciid Cabdullahi Deni, mudaharaadyo reerkiisu uga soo horjeedaan doorashadiisa.

Mudahaardyadu waxay salka ku hayeen diidmo la diiddan yahay cidda Deni siyaasad ahaan ku xiran yahay, waxa uu aamminsan yahay, cidda maal galisay doorashadiisa, iyo baqdin laga qabo siyaasaddiisa ku dhisan danta saaxiibada iyo kooxaha gaarka ah ee ay isku xiran yihiin ee ka caawiyay guusha doorashadiisa.

Guusha madaxwayne Deni waxay dadka reer Puntland ku abuurtay wel-wel, walaac, iyo baqdin laga qabo colaado iyo cawaaqib xumo dhaqaale oo soo fool saarta Puntland. Waxaa la saadaalinayaa in bur-bur dhaqaale yimaado, shilling Soomaaligu sii qiimo beelo, warshaddii lacagta ee Gaas sii shaqayso, dawladda Denina gacan saar dhow la yeelato maamul goboleedyada si loo wiiqo awoodda dawaldda dhexe.

Xiriirka shirkadda Towfiiq iyo Deni – Yaa leh shirkadda Towfiiq?

Shirkadda Towfiiq waxaa iska leh ganacsato badankoodu ka tirsan yihiin ururka Isaamiga ah ee Al-Islaax oo uu Deni laftiisu ka mid yahay. Towfiiq waa shirkaddii Deni u dirtay Malaysia oo ka bixisay waxbarashadii heerka labaad ee jaamacadda (Master degree). Waana halkii uu ka shaqo bilaabay markii uu waxbarashadii soo dhamaystay oo dib ugu soo laabtay Puntland. Deni wuxuu Towfiiq ka noqday maamulaha shirkadda, halkaas oo uu khidmad (commission) wanaagsan ka qaadan jiray, sidaasna uu lacag badan ku sameeyay.

Sidaa awgeed, waxaa aad loo saadaalinayaa in shirkadda Towfiiq ay aad uga faa’idi doonto maalgalintii murashaxnimadii Deni.

Xiriirka ka dhexeeya Aaran Jaan, Saracen international, iyo Deni

Aaran Jaan waa ganacsato lagu tilmaamo inay yihiin kuwo aan waxna u aaba yeelin (corrupt and immoral). Ragg ku jira boardka Aaran Jaan baa sidoo kale qaar ka mid ah ay ku jiraan boardka Saracen (why is Saracen in Puntland), iyo kan Towfiiq. Ragga ugu magac dheer kooxdaan waxaa ka mid ah madaxwaynihii hore ee Puntland Cabdiraxaman Faroole, wasiirkii Faroole ee maaliyadda, Farax Cali Shire oo 2019-ka  u tartamayay madaxwaynanimada, iyo Deni oo ah madaxwaynaha la doortay 2019-ka

TV-yada baynu ka wada daawanaynay markii Farax Calis Shire ku haray wareeggii labaad in isaga iyo Faroole ay ku heshiiyeen in xildhibaanadii u codeeyay Farax Cali Shire lagu wareejiyo Deni.

Hadafka koowaad ee kooxda Aaran Jaan waxa weeye sidii ay lacag u samayn lahaayeen,  iyadoo aan loo aabo yeelayn qaabka loo samaynayo, iyo cidda laga samaynayo, iyo sida ay sharciga u waafaqsan tahay samaynta lacagtaas. Kooxdaan waa isla kooxdii haraysay oo gacanta ku haysay dawladdii Faroole.

Haddaba maadaama Deni lagu tilmaamo inuu yahay nin jilicsan oo hadba dhankii la rabo loo jeedin karo, waxaa la saadaalinayaa in kooxdaani saamayn wayn ku yeelato maamulkiisa, danahoodana si buuxda uga fushan doonaan.

Yay faa’ida u tahay doorashada Deni

Shaki la’aan, doorashada Deni waxaa ka faa’idi doona Aaran Jaan, Towfiiq, Saracen, iyo kooxaha kale ee gacan saarka ay isla leeyihiin. Waxaa la filayaa in kooxahaan heli doonaan qandaraasyada dawladda Puntland ay bixin doonto, isla markaana ay gebi ahaanba gacanta ku dhigi doonaan ilaha dhaqaalaha Puntland, la talinta iyo u dhowaanshaha maamulka Deni.

Waxaa kaloo faa’ido ku qabi doona doorashada Deni,  Imaaraatka, Dam Jadiid, Dahabshiil, Somaliland, iyo maamul goboleedyada oo kulligood taageero hiil iyo hooba leh siiyay doorashadiisii.

Doorashada Deni waxay dhabar jab ku noqon kartaa dadaadallada dawladda dhexe waddo, dadka jecel midnimada iyo horumarka Soomaaliya, iyo dadka reer Puntland ee filayay in la doorto madaxwayne ka wanaagsan Cabdiwali Gaas.

Sidee loo jebiyay murashax Engineer Jebiye

Engineer Jebiye  waxaa qabsaday dhowr arrimood oo sababay inuu guulaysan waayo:

  • Kala daadsanaan iyo maamul xumo ka jirtay campaign-kiisa
  • Kalsooni uu ku qabay inuu isagu guulaysan doono.
  • Xildhibaannadii lacagta ka qaatay oo ballantii uga baxay maadaama uusan dhaar adag marsiin

Sidee looga adkaaday Cali Xaaji iyo Dr. Cali Ciise

Inkasta oo labo Cali aysan laaluush bixin haddana xildhibaano badan bay ka haysteen kalsooni ah inay u codayn doonaan. Hase yeeshee isla xildhibaanadii ballanta la galay ayaa lacag ka soo qaatay murashixiin kale oo laaluush bixinaysay, dabadeena waxaa khasab noqtay inay ballantii uga baxaan labo Cali oo u codeeyaan kuwii ay lacagta ka soo qaateen.

Sidee looga adkaaday Gen. Asad

General Asad guushu isha baalkeeda aayy u soo martay. Mar haddii labo qof aysan halkii jago ee loo tar-tamayay ku wada guulaysan karin, nasiibkii wuxuu noqday inuu isagu haro, Denina guulaysto. Waxaase jirta hal wax oo la hub. Xildhibaankii Generalka lacagta ka cunay laakin aan u codayn ma joogi doono Garowe haddii aysan iska soo celin lacagtiisii.

Dhanka kale, Generalk Asad waxba kama hallaabin waayo tijaabadii kowaadna meel fiican buu soo gaaray, toban sano ka dibna haddii uu sii noolaado, caafimaadna qabo, wuxuu isa sharrixi kari doonaa isagoo shuruudii da’da saxda ah soo buuxiyay.

Xiriir noocee ah baa dhex mari kara Deni iyo Dawladda dhexe

Haddii Madaxwayne Deni uu sii wado abaabulkii Cabdiwali Gaas  ee ahaa in maamul goboleedyadu isu kaashadaan si ka dhan ah dawladda dhexe, waxaa sii socon doona carqaladda hadda dhex taal dawladda dhexe iyo maamul goboleedyada. Taasina waxay keeni doontaa inuu dibu dhac ku yimaado ama la gaari waayo horumar badan oo la hiigsanayay iyo rajo badanoo wanaagsan oo laga qabay in Soomaaliya u dhisanto dawlad ka shaqaysa danta dadka iyo dalka.

Maxaa xal u noqon kara oday dhaqameedyada iyo xildhibaanada laaluuska qaata

Sida keliya ee looga bixi karo dhibaatada oday dhaqameedyada iyo xildhibaanada laaluuska qaata waxa weeye.

  • in bulshada lagu wacyi galiyo in laga guuro nidaamka oday dhaqamdeedyada.
  • in la hirgaliyo nidaamka qof-iyo-cod oo dadku toos u doortan madaxdooda.
  • in la sameeyo sharciyo xaddidaya fara gelinta shirkadaha xawaaladaha iyo isgaarsiinta. Tusaale ahaan, Shirkadda Dahabshiil waxaa caado u ah inay 500 oo kun ilaa 1 milyan oo doolar ay sooryo ahaan ugu keento hadba ninkii ku guulaysta Puntland.

Oday dhaqameedyada hadda jira way lumiyeen dhaqankii, xeerkii, iyo anshixii wanaagsanaa ee lagu yiqiin raggii hore. Haddii aan laga gudbin nidaamka ah inay umadda u taliyaan odayaal aan aqoon diineed iyo mid maaddi ah midna lahayn, xalaal iyo xaaraan aan kala jeclayn, cadaalad samaynayn, Alle ka baqayn, waddaniyad lahayn, waxaan halis loogu jiraa inaan halaag ku dhacno.

Dhibaatada oday dhaqameedyada oo biirsatay tan xildhibaana dhallinta yar oo labadiiba ay dadkoodii iyo dalkoodii siisanayaan lacag yar oo maalmo ama bilo gudahood ku dhamaanaysa, waa labo musiibo oo aan laga kici karin haddii aan si deg deg ah wax looga qaban.

Gaba-gabo

War iyo dhamaanti, qofba si buu u arkaa guusha iyo cidda heshay. Indhow garadka qabiiliga ah wuxuu u arkaa in shanta sano ee soo socota guul u soo hoyatay Deni, Cisman Maxamud, Maxamud Saleeban, Aaran Jaan, Faroole, iyo Faarax Cali Shire, iwm.

Anna waxay ila tahay wax badan baa nin la fududaysanay raad reebya oo ka tagay taariikh wanaagsan oo dhaxal gal ah ee yaan lagu deg-degin in baal madow la geliyo Deni.

Allaha ka dhigo kii bed-baadiya dadka iyo dalka Soomaaliya

W/Q: Axmed Bashir