Home/so/portalnews
Wararka
News
الأخبار باللغة العربية
Office of the President
Office of the Prime Minister
Mogadishu City
The Parliament
The Ministries
The Constitution
The NSS
The Somali Police
The Regions
Somali Embassies A-Z Directory
Foriegn Embassies
Universities
Contact Us
A-Z Gov-Directory
Gov-Webmail
Prominent Personalities
UN Links for Somalia
Country Info
Somali Political Parties
International Organizations
Islamic Organizations
Support Us
Local Jobs
International Jobs
Recognitions
Funding Projects
Human Rights Watch
The UN in Somalia
Our Extraordinary Dignitaries
The UN Failures
Photo Player Flash
e-mail me

 


Som

 


Afgooye:: Sabti May 19, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta): Xilli Shirka lagu ansixinayo Qabyo qoraalka Dastuurka ee ka furmay Magaalada Muqdisho Odayaal iyo Waxgarad qeyb ka ah Shirkaasi ay sheegeen in shirk auu hareeyay Musuq maasuq ayaa haddana waxaa musuq maasuqaasi ka cabanaya Beesha Jiiddo oo ka mid beelaha Soomaaliyeed. 

Ugaas Aadan Max’ed Yaroow oo ka mid Waxgaradka Beesha Jiiddo oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in musuq maasuq lagu sameeyay Ergada Beesha Jiiddo ugu qeyb galaysa shirka lagu ansixinayo Dastuurka qabyo qoraalka ee ka furmay Magaalada Muqdisho.

Ugaas Aadan ayaa waxaa uu sheegay in shirkaasi ay ugu qeyb galayaan dad ka yimid dibadda oo ay hor boodayaan siyaasiyiin kuwaasi oo uu tibaaxay inaysan matalin Beesha Jiiddo sida uu hadalka u dhigay.

Suldaan Aadan Buuroow Ibraahim oo ah Suldaanka Beesha Jiiddo ayaa waxa uu sheegay in Kaararkii ay ugu qeyb galeen shirka lagu ansixinayo Dastuurka loo qeybiyay, hase ahaatee lagu sameeyay musuq maasuq islamarkaana ay shirka ay ka qeyb galeen dad aan matalin beesha, wuxuuna sheegay in Madaxda dowladda KMG ah ay cabashadoodu u gudbiyeen, hase ahaatee aysan jirin ilaa iyo hadda cid wax ka qabatay, loona baahan yahay in arrinkaani wax laga qabto.

Qaabka lagu ansixinayo Dastuurka qabyo qoraalka ayaa waxa ka taagan Jahwareer, waxaana Odayaal, Waxgarad,aqoonyahanno ka qeyb galaya shirkaasi ay sheegeen in uu hareeyay musuq maasuq, iyadoo ay sidoo kale xusid mudan tahay in Odayaal kasoo jeeda Puntland ay isaga baxeen shirka oo ay tilmaameen in wax badan ay ka qaldan yihiin.

Bujumbura: Sabti May 19, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta): Kaddib markii Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya uu gaaray Magaalada Bujumbura ee Xarunta waddanka Burundi ayaa waxa uu halkaasi kullamo kula qaatay Madaxweynaha dalkaasi. 

Garoonka diyaaradaha ee dalkaasi ayaa waxa Madaxweynaha dowladda Sheekh Shariif Sheekh Axmed kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin badan kuwaasi oo u galbiyay Xafiiska Madaxweynaha dalka Burundi, iyagoo intaasi kaddib ka wada hadlay xaaladaha Soomaaliya.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynaha dowladda ayaa ka dalbaday dhiggiisa dalka Burundi in lagu gacan siiyo wax ka qabashada arrimaha Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweynaha dowladda Burundiayaa waxa uu sheegay in dowladda Burundi ay ka go’an tahay inay wax ka qabato xaaladaha Soomaaliya, islamarkaana Ciidamo hor leh ay keeni doonaan dalka Soomaaliya si ay u xaqiijiyaan ammaanka dalka Soomaaliya.

Dowladda Burunid ayaa waxa Ciidamo ay kajoogaan Soomaaliya, waxaana xusid mudan in howlgallo ballaaran oo ka  dhan ah Al Shabaab ay ka waddo Magaalada Muqdisho oo ay marar badan dagaalo kula galeen AL Shabaab.


Mogadishu: Sabti May 19, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta): Guddiga maaliyadda barlamanka KMG Soomaaliya ayaa sheegay in Shirkadda SKA loogabaahan yahay inay ka baxdo Magaalada Muqdisho maadaama ay iska urursanayaan dhaqaalaha dalka. 

Salaybaan Max’ed Ibraahim oo ka mid ah guddiga Maaliyadda barlamanka KMG Soomaaliya oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu ka dalbaday Shirkadda SKA ee ka howlgasha Garoonkadiyaaradaha ee Muqdisho inay joojiso dhamaan howlaha ay ka waddo Garoonkaasi.

Xidhibaan Salaybaan ayaa waxa uu sheegay in Shirkadda SKA loo baahan yahay inay isaga baxdo waddanka Soomaaliya,maadaama shirkaddu aysan ku joogin waddo waafaqsan sharciga, wuxuuna ku eedeeyay in shirkaddaasi ay qorotay shaqaale Ajaaniib ah xilli waddankaay joogaan dhalinyaro Soomaaliyeed oo waxbadan u qaban karta shaqadaasi.

Sidoo kale Xildhibaan Salaybaan ayaa shirkaddaasi ku eedeeyay inay gurrato dhaqaalaha waddanka Soomaaliya,isagoo sheegay in SKA barlamanka ay ka joojiyeen shaqadii Garoonka ay ka wadday xilli hore, hase ahaatee waxa uu Mas’uuliyadda lacagihii lalunsaday uu ku eedeeyay inay Mas’uul ka tahay Xukuumadda KMGSoomaaliya.

Hadalkaani ayaa waxa uu imaanayaa xilli Mas’uuliyiin ka tirsan Shirkadda SKA ay shaaciyeen in Magdi oo u dhashaywaddanka Masar hase ahaatee haysta dhalasho Maraykanka ah la sheegay in uu lunsaday dhaqaale badan oo laga shaqeeyay Garoonkaaasi. 


Mogadishu: Sabti May 19, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta): Shirkadda SKA ayaa la sheegay in musuq maasuq baahsan ay ka waddo gudaha Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho. 

Sida ay Idaacadda Shabelle u xaqiijiyeen ilo ku dhow dhow garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, Shirkadda SKA ayaa la sheegay in gudaha Garoonkaaasi ay ka waddo musuq maasuq baahsan iyo urursiga dhaqaalaha soo gala Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Shirkadda SKA ayaa iyadu sheegatay inay wax badan ka badashay gudaha Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho,waxaana la sheegay in gudaha Garoonkaasi lagu arkayo gaadiid garaab ah oo la tilmaamay inay dibadda  ka keentay shirkaddaasi iyo shaqaale Ajanabi ah oo la tilmaamay inay ka howlgalinayso shirkadda, maadaama la tibaaxay inay jiraan dhalinyaro Soomaali ah oo xifrad u leh ka shaqeynta howlahaasi.

SKA ayaa la sheegay in dhaqaalaha intiisa badan ay u daabusho dalka dibaddiisa, waxaana Saraakiil ka tirsan kuwa ka howlgala gudaha Garoonka ay sheegeen in shirkadda SKA ay dadka Soomaaliyeed u diidayso inay ka faa’ideystaan howlaha shaqo oo ay ka waddo gudaha Garoonkaasi.

Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa wax iska waydiiyay waxa Shirkadda SKA u dhiibay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho xilli barlamanka uusan ansixin shirkaddaasi.


Mogadishu: Jimco May 18, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta): Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG ah ayaa sheegay in Dastuurkaani uu yahay mid Kumeel gaar ah islamarkaana loo bandhigi doono shacabka, ayna sixin doonaan. 

C/wali Max’ed Cali Gaas, Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya oo Saxaafadda kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in Dastuurka cusub ee Soomaaliya uu ka hergali doono markii ay u codeeyaan shacabka Soomaaliyeed.

Gaas ayaa sheegay in kullamada lagu ansixinayo Dastuurka qabyo qoraalka ee ka furmay Muqdisho islamarkaana ay ka qeyb galayaan Odayaasha dhaqanka ee soo xulaya Ergadii ansixin laheyd Dastuurkaasi uu yahay ansixintaasi mid Kumeel gaar ah oo loo bandhigi doono shacabka Soomaaliyeed si ay u codeeyaan islamarkaana uu si toos ah ugu dhaqan gali doono gudaha waddanka Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in Dastuurkaani uu yahay midkii ay Soomaaliya ugu bixi laheyd dhibaatada iyo colaadaha sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay taageeraan Dastuurkaani.

Magaalada Muqdisho ayaa waxa ka soconayakullanka  Odayaasha dhaqanka ee soo xulaya ergadii ansixin laheyd Dastuurkaasi, iyadoo ay jiraan Odayaal, waxgarad iyo Mas’uuliyiin kasoo horjeesanaysay ansixinta Dastuurkaasi.

Gaalkacyo: Jimco May 18, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta): Waxaa cirka isku sii shareeraya khilaafka ka dhaxeeya Maamulka Galmudug oo ku aaddanxilliga la qabanayo  Doorashada Madaxtinimo ee Maamulkaasi.

Cowke Xaaji C/raxmaan guddoomiye ku xigeenka Maamulka Galmudug oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu ka waramay khilaafka u dhaxeeya Maamulka Galmudug, isagoo sheegay in aanla gaarin mudadii uu xilka ka dagi lahaa Madaxweynaha Maamulkaasi Max’ed Axmed Caalin.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa sidoo kale ka hadlay in xilka Madaxtinada ee Maamulkaasi ay ku egtahay muddo sedax sano ah sida uu qabo Dastuurka Maamulkaasi, wuxuuna sheegay in lagu heshiiyay in muddo sadax sano kaddib la qabto doorasho Madaxtinimo sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale xiriir aaanu la sameynay guddoomiyaha barlamanka ee Maamulka Galmudug ayaa sheegay inay diyaar tahay qaban qaabada doorashada Madaxtinimo ee Maamulkaasi.

Muddooyinkii dambe ayaa waxa uu khilaaf ba’an hareerayay Maamulka Galmudug kaasi oo ku aaddan xilliga la qabanayo Doorashada Madaxtinimo ee Maamulkaasi.

Nairobi: Jimco May 18, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta): Hay’adda Badmareennada Caalamiga ah ee IMO ayaa sheegtay in la sameynayo sharci lagu hago kooxaha burcad badeeda Soomaalida islamarkaana looga hortago weerarada ay ku qaadayaan Maraakiibta ganacsiga ee maraya Xeebaha Soomaaliya iyo Badweynta India. 

Madaxa Hay’adda Badmareennada Caalamiga ah Koji Sekimizu ayaa tibaaxay in arrintaani ay ka dhalatay dayacnaan kaimaaday Ciidamada badda ee la dagaalanka Kooxaha burcad badeeda ee Atlanta oo waxba ka qaban waayay afduubka ay Kooxaha burcad badeeda ka wadaan Xeebaha Soomaaliya.

Koji Sekimizu ayaa sheegay in arrintaani ay wax weyn ka badali doonto ilaalinta Xeebaah Soomaaliya islamarkaana ay yareen doonto weerarada ay qaadaan kooxahaasi, wuxuuna carabka ku dhuftay in Ciidamada Atlanta ay awood u yeelan doonaan in la socdaan dhaq dhaqaaqa Xeebaha Soomaaliya iyagoo ka hortagi doona weerar waliba oo ay doonayaan inay qaadaan Kooxahaasi.

Dhinaca kale ku xiggeenka Hay’adda Badmareennada Caalamiga ah Rozali oo la hadlayay Wargeyska Khaliij Timesayaa tibaaxay in wax laga qabtay ammaan darrida ka jirta  Xeebaha Soomaaliya islamarkaana la yareeyay halistii ay ku hayeen kooxaha burcadbadeeda Soomaalida Maraakiibtii isticmaalayay Biyaha Soomaaliya.

Diyaarado ka mid ah howlgalka Atlanta ee la dagaalanka kooxaha burcad badeeda Soomaalida ayaa duqe
Mogadishu: KhamiisMay 17, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta):






 Madaxweynaha maamul Goboleedka Puntland C/raxmaan Sheekh Max’ed Faroole ayaa faah faahin ka bixiyay sababta keentay in ergadii ka socotay Puntland ay ka baxaan shirka lagu ansixinayo qabyo qoraalka Dastuurka ee ka soconaya Magaalada Muqdisho.

C/raxmaan sheikh Max’ed Faroole madaxweynaha maamulka Puntland oo wareysi gaar ah siinayay laanta Af soomaaliga ee BBC-da isagoo kusugan dalka Hindiya ayaa faah faahin dheeraad ah waxa uu ka bixiyay sababta ka dambeysay in ergadii Puntland uga qeyb galeysay shirka odayaasha dhaqanka uga soconaya Magaalada Muqdisho ay isaga huleelaan, waxaana uu xusay in Puntland shirkaasi aysan ka helin waxyaabo badan oo ay ka filayeen.

Madaxweyne Faroole oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu tilmaamay in shirkaasi xiligaani uusan aheeyn mid dan uah umadda iyo shacabka Soomaaliyeed ee kusugan good ahaamba Soomaaliya, waxaana uu tilmaamay in masuuliyadaasi ay leedahay xukuumada KMG Soomaaliya

“ waxaan sugeyney in kaalinta qodolada TFG-da ay ka soo baxaan oo aheeyd in Dastuur Federaal ah oo lagu yaqiinay wax qeybsiga in ay keenaan iyagoo ka dhega adeegay dhowr jeer
gudiyada ka shaqeynaya in aan dad ku yeelano, hase ahaatee isku haleynteenu waxa ay aheeyd wasiirka Dastuurka ayaa reer Puntland ah R/wasaaruhuna meesha waa uu joogay, qoraalo badana waan ka sameyney” ayuu yiri Faroole.

C/raxmaan Faroole waxa uu sheegay in ay arkeen in Dasruurka aysan ku xusneyn waxyaabo badan oo ka mid ah sida loo qeybsanayo awoodaha dhinaca maamul goboleedyada, Siyaasada, dhaqaalaha iyo xagga adeega howlaha dowladda taasi oo uu ku sababeeyay in ay qeyb ka tahay sababta ay Puntland u diiday Dastuurka shirkana ergadooda ay uga qeyb galaan.

Hadalka Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan sheikh Max’ed Faroole ayaa imaanaya xili maalin ka horodayaashii Puntland uga qeyb galayay shirkii ka socda Magaalada Muqdishoay isaga baxeen kadib markii ay sheegeen in ay ku qanci waayeen habka loo wado ansixinta qabyo qoraalka iyo qodobada ku jira Dastuurka Cusub.


Mogadishu: Khamiis May 17, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta): Ciidamo ka tirsan Xarakada Al Shabaab ayaa bur buriyay Ceelbiyoodkii ugu weynaa ee kuyaalay Degmada Garbahaarey kadib dagaal culus oo degmadaasi ku dhexmaray iyaga iyo Ciidamad DKMG iyo kuwa Ahlu Sunna.

Dagaalkaan oo ka dhacay degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo ayaa waxa uu dhexmaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda KMG Soomaaliya iyo Ahlu Sunna oo isku dhinac ah iyo
xarakada Al Shabaab, waxaana labada dhinac ay isku adeegsadeen hub cul culus.

Ciidamo ka tirsan Al Shabaab oo galay qeyb ka mid ah degmada Garbahaarey ayaa waxa ay bur buriyeen ceel biyoodkii ugu weynaa oo dadka kudhaqan halkaasi ay biyaha ka cabi jireen, waxaana arintaani ay saameyn ku yeetatay dadka iyo duunyada ku nool degmada Garbahaarey iyo waliba deegaanada kale ee ku dhow dhow.

Sheekh Max’ed Xuseen Isxaaq Al Qaadi oo ah afhayeenka Ahlu sunna Waljamaca ee gobolka Gedo ayaa waxa uu sheegay in ciidamo ka tirsan Al Shabaab ay magaalada dhinac ka soo galeen islamarkaana gabi ahaanba ay bur buriyeen mid ka mid ah ceelashii ugu muhiimsanaa ee kuyiilay degmadaasi, waxaana uu sheegay in ay jiraan ceelal yar yar oo aan kaafin karin dadka ku nool degmadaasi.

Sheekh Max’ed Xuseen Al Qaacid ayaa waxa  uu sidoo kale faah faahin ka bixiyay dagaalka dhexmaray ciidamada  dowladda KMG, kuwa Ahlu Sunna iyo xarakada Al Shabaab, isagoo sheegay in markii ay ka warheleen in ciidamo ka tirsan Al Shabaab ay soo galeen magaalada Garbahaarey loo diray ciidamo islamarkaana ay ka hortageen, waxaana uu ku hanjabay in Al Shabaab gabi ahaanba ay ka saari doonaan gobolada ay kaga suganyihiin gobolkaasi.

Gobolka Gedo oo ka mid ah gobolada dhaca koofurta dalka Soomaaliya ayaa waxaa inta badan gacan ku heyntiisa ku  loola ciidamada dowladda KMG, kuwa Ahlu Sunna iyo xarakada Al Shabaab, inkastoo inta badan degmooyinka gobolkaasi ay gacanta ku hayaan  ciidamada dowladda KMG.

Mogadishu: Khamiis May 17, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta):  Waxaa shalay galinkii dambe lagu kala dareeray shirkii odayaasha dhaqanka ee ka socday maalmihii la soo dhaafay Magaalada Muqdisho, iyadoo qaar ka mid ah ergadii ka qeyb galeysay shirkaasina ay warqad cabasho ah u gudbiyeenmadaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya.

Iyadoo mudooyinkii dambe magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ay kulamo ku lahaayeen ergo dowladda KMG ay ka kala keentay gobolada dalka islamarkaana la doonayo in ay soo xuliaan ergadii ansixin laheyd qabyo qoraalka Dastuurka iyoxildhibaanada cusub e Barlamanka ayaa shalay galinkii dambe waxaa la  sheegay in odayaashaasi ay ku kala dareereen xarunta uu maalmihii la soo dhaafay iga socday shirka looga hadlayay arimaha qabyo qoraalka.

Sida Idaacada Shabelle ay u xaqiijiyeen qaar ka mid ah odayaasha ka qeyb galayay shirkaasi, in markii falaan qeyn badan oo ay yeesheen odayaasha dhaqanka ay isla garteen in ay
shirka ku kala dareeraan, iyadoo si rasmi ah aan loo ogeyn sababta ka dambeysay in odayaashu ay isku khilaafaanka shirka iyo hanaanka uu u socdo.

Shirka markii lagu kala tagay ayaa waxaa la sheegay in qaar ka mid ah odayaashii dhaqanka ee ka qeyb galayay  shirka ay warqad cabasho ah u gudbiyeen madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya sheikh Shariif sheikh Axmed taasi oo ay kaga dacwoonayeen Wasiirka Dastuurka iyo arimaha Federaalka, waxaana odayaashu ay ka cabanayeen qaabka loo ansixinayo Dastuurka cusub.

Mudooyinkii dambe ayaa waxaa jiray odayaal qeyb ka ahaa shirkaani oo markii dambe sheegay in ay isaga baxeen shirka kadib markii sida ay sheegeen ay ku qanci waayeen habka loo ansixinayo qabyo qoraalka Dastuurka cusub ee dowladda KMG ay dooneyso in lagu ansixiyo.



Axmed Ceydiid Ibraahim : "Warka ka soo yeeray Gudoomiyaha G/Banaadi waa been aan sal lahayn."

Mogadishu: Khamiis May 17, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta): Wasiirka Waxbarashada Dowlada KMG Soomaaliya Axmed Ceydiid Ibraahim  ayaa jabaab ka bixiyay eedeyn dhawaan kaga timid dhanka Gudoomiyaha G/Banaadir ahna duqa Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan kaasoo ahaa in wasaaradaasi ay shaqsiyaad iyo hay'ado dejisay dhismayaasha danta guud ee dadka laga saaray.

Axmed Ceydiid Ibraahim waxa uu beeniyay in guryaha danta guud ee lagasaaray dadka ay Wasaaraddiisu ka kiraysay Hay’ado iyo shaqsiyaad gaar ah, wuxuuna wasiirku sheegay inuusan Gudoomiyaha G/Banaadir u fiirsan eedeynta uu wasaarada Waxbarashada u soo jeediyay.

Wasiirka waxaa uu xusay inay jirto baahi dib u howlgalinta Iskuulada cidii arintaasi fulinaysana ay diyaar u yihiin balse aaney waxba ka jirin eedeynta kaga timid dhanka tarsan.

"Ma jirto waa beenineynaa warka Tarsan ka soo baxay ee ah inaan kireynay guryo dana guud in lagu qabto looga saaray dadkii deganaa"ayuu yiri Wasiira Waxbarashada

Wasiirka waxa uu Maamulka gobolka Banaadir uu eedeeyay inay ka gaabiyeen inay gacan ka gaystaan dib u howgalinta goobaha waxbarasho ee dadka laga saaray, islamarkaana Maamulka G/Banaadir uu qeyb ku leeyahay dayacaada goobaha waxbarasho.

Warka wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Axmed Ceydiid Ibraahim ayaa imaanaya xili dhawaan Gudoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan uu sheegay in uusan aqbalayn in Wasaaradda waxbarashada ay kirayso guryaha danta guud ee loogu tala galay in wax lagu baro ardeda Soomaaliya.


New York: Arbaco, May 17, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta):

Kullanka Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ka  furmay Magaalada New York ee dalka Maraykanka, iyadoo Madaxweyne Shariifoo ka qeyb galaya kullankaasi uu faah faahin ka bixin doono arrimaha Soomaaliya.

Magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa waxaa si rasmi ah uga furmay kullanka Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay oo qeyb ka mid ah looga hadlayo arrimaha ammaanka Soomaaliya iyo la dagaalanka Al Shabaab iyo Al-qaacidda, iyadoo kullankaasi Soomaaliya uu ugu qeyb galayo Madaxweyne Shariif iyo Wafdi uu hoggaaminayo.

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo xalay gaaray Magaalada New York edalka Maraykanka ayaa lagu wadaa in uu ka hadlo arrimo ku saabsan ammaanka Soomaaliya iyo howlgallada ka dhanka ah Xarakada Al Shabaab iyoUrurka Al-qaacidda.

Safiirka Soomaaliya u fashiya QM ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in kulankaasi uu furmay, saacadaha soo aadana uu ka hadli doono madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, kaasi oo isaga iyo wafdi uu hogaaminayo ay ku suganyihiin madasha ay ku shirayaan golaha amaanka ee Qaramada Midoobay.

Inkastoo uusan furmin shirkaasi ayaa Madaxda ku mideysan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waxa ay ku qul qulayeen Magaalada New York si ay ugu qeb qaataan shirkaasi, waxaana kullankaasi diiradda lagu saari doonaa arrimo la xiriira Caalamka oo ay ku jirto Soomaaliya iyo sida looga hartagi karo xasaradaha ka jira dalalka ay ka alloolsan yihiin colaadda.

Ugu dambeyn Mas’uuliyiin la socota Madaxweyne Shariif ayaa sheegay in kullanka qudbado kala duwan ay ka jeedin doonaan Mas’uuliyiin kala gadisan, iyagoo shaaca ka qaaday in looga hadli doono wadamo ay ka mid yihiin Pakistan, Afghanistan, Iraq  iyo Soomaaliya.

Sanca:  Tuesday, May 15, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta): Yemen Dr. Waacid Baadiib ayaa ka codsaday beesha Caalamka in laga taageero dowladda KMG Soomaaliya sidii ay u soo celin laheyd amaankii iyo kala dambeyntii, dhinacyada dhaqaalaha, siyaasada iyo arimaha bulshada.

Dr. Waacid ayaa sheegay in beesha caalamka ay ka gaabisay Taageerida iyo garab istaagida dowladda KMG, hase ahaatee looga baahanyahay in ay ka dhabeyso beesha Caalamku
taageeradii ay horay ugu dhawaaqday oo aheyd in dowladda KMG Soomaaliya,gacan weyne laga siiyo la dagaalanka burcad badeeda Soomaalida kuwaasi oo uu sheegay in ay caqabad ku noqdeen xeebaha Soomaaliya iyo biyaha Caalamiga ah.

Wasiirka Macdanta iyo shidaalka dowladda Yemen ayaa tibaaxay in dowladiisa inta karaankeeda ay ka taageereyso dowladda KMG Soomaaliya dhinacyada amaanka iyo la dagaalanka burcad badeeda hase ahaatee biyaha Soomaaliya ay yihiin kuwa aad u weyn ayna ilaalin karaan oo kaliya maraakiib caalami ah oo ka socda wadamada Caalamka.

Dr. Waacid waxa uu sheegay in ay kusuganyihiin Soomaaliya maraakiib badan oo kuwa dagaalka ah hase ahaatee mar walba ay ka afduubtaan kooxaha burcad badeeda Maraakiibta
gacanka cadmeed taasina ay tahay qorshe xumi hayesata ciidamada la dagalaanka burcad badeeda oo aysan aheeyn awood yari.

Waxa uu sheegay Waacid Baadiib in dowladda KMG Soomaaliya looga baahanyahay in ay wax ka qabato amaan dariku sii baaheysa dalka Soomaaliya iyo sidoo kale ka hortagida falalka ay abaabulayaan kooxaha argagixisada iyadoo la kaashaneysa Ciidamada AMISOM.

Raas-caseer: Tuesday, May 15, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta): Iyadoo dhawaan maxkamad kutaala Maamul goboleedka Puntland ay xukuno ku riday masuuliyiin ka tirsan maamulka Raas-caseer oo ka taliye deegaano hoostaga Puntland ayaa arintaasi waxa si kulul uga jawaabay maamulka Raas-caseer.

Madaxweynaha maamulka Raas-caseer Faarax Max’uud Yuusuf (Dooxa-joog) oo la hadlay Idaacada Shabelle ayaa waxa uuwaxba kama jiraan ku tilmaamay xukunkii dhawaan maxkamada Puntland ay ku riday masuuliyiin sar sare oo ka tirsan maamulkiisa, isagoo sheegay in hadalka maxkamada Puntland aanay waxba u dhimeyn maamulka Raas-caseer.

Sidoo kale Madaxweynaha Maamulka Raas-caseer Faarax Max’uud Yuusuf (Dooxa-joog) waxa uu sheegay in ay ka mid ahaayeen dadkii dhisay maamulka Puntland, hadana aysan ka mid aheeyn maamulkaasi.

Dhinaca kale Faarax Max’uud Yuusuf (Dooxa-joog) waxa uu sheegay in maamulka Puntland uu iminka yahay mid kufashilmay wax ka qabashada deegaanada uu maamulo, iminkana ay ka baxeen sida uu sheegay dhowr maamul oo ka mid ahaa maamulka Puntland, isagoo intaasi sii raaciyay in inta maamulka Puntland uu hayo Faroole uu qarka u saaranyahay in uu bur buro.

Dhawaan ayay aheeyd markii maxkamada sare ee maamul goboleedka Puntland ay xukuno isugu jira dil iyo xarig ay ku risay masuuliyiin sar sare oo la sheegay in ay ka tirsanyihiin maamulka Raas-caseer oo lagu eedeeyay howlo ka dhan ah amaanka Puntland iyo in ay doonayeen in ay bur buriyaan maamulka Puntland.

Raas-caseer: Tuesday, May 15, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta):Madaxweynaha dalka Pakistaan Asif Cali Sardaari ayaa ugu baaqay wasaarada arimaha  gudaha ee dalka Pakistan in ay gacan ka geysato sii deynta muwaadiniin udhashay wadankaasi oo gacanta ugu jira kooxaha burcad badeeda
Soomaalida.

Asif Cali Sardaari oo warbaahinta kula hadlayay xarunta wasaarada arimaha gudaha ee Pakistaan ayaa sheegay in looga baahanyahay wasaarada arimaha gudaha in ay dadaal dheeraad ah ku bixiso sidii loo bad baadi lahaa muwaadiniintaani loogana soo fara bixi lahaa kooxaha burcad badeeda.

Dowladda Pakistaan ayaa sheegtay in kooxcaha burcad badeeda ay gacanta ku hayaan mudo gaareysa 18 bilood 22 badd maax oo u kala dhashay wadamada Pakistaan, Bangaldhesh, Hindia, Sirilanka iyo Iran ayna  waajib ka saarantahay dalalkaasi soo bad baadinta muwaadiniinta ay gacanta ku hayaan burcad badeeda.

Muwaadiniinta ka soo jeeda dalka Pakistan ayaa la sheegay in lagu qabtay xili ay marayeen xeebaha Soomaaliya ayna saarnaayeen markab laga leeyahay dalkaasi hase ahaatee
kooxaha burcad badeeda ayaa dalbadeen in la siiyo 8 milyan oo doolarka Maraykanka taasi oo ay ka jawaabi weysay dowladda Pakistan iyagoo
intaasi kadib 20-kii bishii April dalbday in la siiyo lacag gaareysa 8.5milyan oo doolarka Maraykanka ah.





SO1

 



Nairobi: Axad, May 13, 2012 (Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) : Ismaaaciil
Hurre Buu-baa oo horey u ahaa Wasiirka arrimaha dibadda ee Xukuumadihii
dalka soo maray oo waray siiyay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay
sin Xukuumadda KMG ah oo uu hoggaamiyo Ra’iisul wasaare Gaas ay ku
fashilantay shirka Odayaasha dhaqanka ugu soconaya Magaalada Muqdisho
kaasi oo lagu ansixinayo Dastuurka.


Ismaaciil Hurre Buu-baa ayaa waxa uu
xusay in goobta uu shirka ka soconayo aysan Maamuleyn dadkii ahalka u
ahaa arrimaha soconaya, wuxuuna sheegay in qalad badan uu ka dhex jiro
goobta islamarkaana uu sheegay in taasi aysan aheyn wax dowladnimo ah.


Sidoo kale Buu-baa ayaa waxa uu ugu
baaqay Xukuumadda KMG Soomaaliya inay dib isugu laabato si loo saxo
khaladaad badan oo uu tibaaxay in xilligaani uu ka dhex jiro goobta uu
ka soconayo shirka lagu ansixinayo arrimaha Dastuurka.


Shalay ayaya aheyd markii Odayaal ka mid
ah kuwa ka qeyb qaadanaya shirka ka soconaya Magaalada Muqdisho
islamarkaana lafa guraya Arrimaha Dastuurka ay sheegeen in shirka uu wax
badan ka qaldan yahay islamarkaana loo baahan yahay in dib loo dhigo.

Muqdisho: Axad, May 13, 2012 (Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) : Guddiga
Warfaafinta ee barlamanka KMG Soomaaliya ayaa Maamulka iyo shaqaalaha
Shabelle  ugu hambalyeeyay dib usoo celinta  sumcaddii Warbaahinta
Somaliya.


Xildhibaan Yaasiin Bucul oo ka mid ah
guddiga Warfaafinta ee barlamanka KMG Soomaaliya oo u waramayay
Idaacadda Shabelle ayaa waxaa uu  Maamulka iyo shaqaalaha Shabelle uu
kaga hambalyeeyay ka qeyb galka shirkii heerka Caalami ee ka dhacay
Magaalada Ankara ee dalka Turkiga.


Xidlhibaanka ayaa waxa uu tilmaamay in
guddiga Warfaafinta ee barlamanka arrintaasi ay ku tilmaamayaan guul
usoo hoyotay Umadda Soomaaliya gaar ahaan Bahda Saxaafadda, isagoo
sheegay in Idaacadda Shabelle oo ku hadasha Magaca Soomaaliya ay matali
karto hoggaanka Saxaafadda Soomaaliya, taasina ay tahay mid lagu farxo.


Yaasiin Bucul ayaa waxa uu sido kale ugu
baaqay Bahda Saxaafadda inay qeyb ka noqdaan siyaasadda ka jirta dalka
maadaama sida uu sheegay ay la kulmaan dhibaateyn iyo tacadiyo ay u
gaystaan dhinacyada isku haya dalka.


Dhawaan ayay aheyd markii Mas’uuliyiin ka
tirsan Maamulka Shabelle ay ka qeyb galeen shir ay isugu yimaadaan inka
badan 300-oo wariye oo Afrikan ah loogana hadlayay horumarka iyo
Taciyadiyada Warbaahinta Qaaradda Afrika kaasi oo ka dhacay Magaalada
Ankara ee dalka Turkiga, Mas’uuliyiintii Shabellena ay ku hadleen magaca
Warbaahinta Soomaaliya.

Kampala: Axad, May 13, 2012 (Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) : Madaxweynaha
dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo booqasho ku jooga
magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda ayaa halkaasi kullan kula
qaatay dhiggiisa dalkaasi Yoweri Museveni.


Wararka ayaa sheegaya in labada
madaxweyne ay ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo howlgalka ay
ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay ka wadaan dalka Soomaaliya kaasi
oo ka dhanka ah Xarakada Al Shabaab.


Xuseen Carab Ciise Ra’isul wasaare ku
xiggeen, ahna wasiirka gaashaandhigga dowladda KMG Soomaaliya oo ka mid
ah wafdiga uu hogaaminayo madaxweyne Shariif oo la hadlayay saxaafadda
ayaa sheegay in safarka madaxweynaha uu muhiimaddiisu yahay in dowladda
Uganda uu uga mahad celinayo taageerada milatari oo ay dowladdaasi u
fidiso dowladda KMG ah.


Madaxweynaha ayaa inta uu dalkaasi ku
sugan yahay lagu wadaa in uu kormeer ku tago xiryo ay ku jiraan ciidamo
ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya oo dhawaan tababar ugu soo gaba
gaboobay dalka Uganda, isagoo sidoo kale la filayo in uu lahadlo ardayda
Soomaalida ah ee Jaamacadaha ka dhigata dalkaasi.


Uganda ayaa ugu deeqday ciidamada ugu
badan howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika oo ay taageerto Qaramada
Midoobay kaas oo hadda ka soconaya gobolada dalka iyo magaalada Muqdisho
ee caasimadda Soomaaliya.

Muqdisho: Axad, May 13, 2012 (Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) : Ra’iisul
wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa sheegay in dhaliilaha kasoo
yeeray Maamulka Puntland aan wax saameyn ah ku yeellan doonin ansixinta
Dastuurka Soomaaliya.


C/wali Max’ed Cali Gaas Ra’iisul
wasaaraha Xukuumadda KMG ah oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu
sheegay in dhaliilihii kasoo baxay Maamulka Puntland oo ku wajahnaa
Dastuurka aan wax saameyn  ah ku yeellan doonin ansixinta Dastuurkaasi.


Ra’iisul wasaare Gaas ayaa waxa uu
sheegay inay jiraan dad badan oo fakradahoodu ka dhiibtay Dastuurka
qabyada, wuxuuna intaasi ku daray in Puntland dadkaasi ay qeyb ka tahay,
wuxuuna carabka ku dhuftay in cid kasta looga baahan yahay in
fakarkeeda ay kusoo dirto qabyo qoraalka Dastuurka islamarkaana ay soo
dhaweynayaan talladana ay qaadanayaan.


Gaas ayaa sheegay in Dastuurka aan lagu
ansixin karin Afti maadaama uu tibaaxay in dalka Soomaaliya uusan ammaan
aheyn islamarkaana wax kasta oo qalad ah laga bixinayo Dastuurka, wixii
sax ahna lagu kordhinayo.


Maamulka Puntland ayaa dhawaan si lama
filaan ah u shaaciyay in uu kasoo horjeedo ansixinta qabyo qoraalka
Dasuurtka  maadaama uu sheegay in Dastuurka uu mugdi badan ku jiro.


Amsterdam: 
Muqdisho: Sabti, May 12, 2012 (Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) : Xukuumadda
Holland ayaa shaaca ka qaadday in diyaarad laga leeyahay dalkeeda ay ku
dul burburtay Xeebaha waddanka Soomaaliya kaddib markii rasaas xooggan
ay ku dhaceen diyaaraddaasi.

Warbixin kasoo baxday dowladda Netherland
ayaa lagu sheegay in diyaarad ay laga leeyahay dalkaasi ay ku burburtay
Xeebaha dalka Soomaaliya kaddib markii ay haleeshay rasaas ay ku fureen
kooxo aan la aqoon waxa ay yihiin.


Wasaaradda Gaashandhigga ayaa tibaaxday
in dhibaatadaani ay ka dhacay Xeebaha Soomaaliya islamarkaana diyaaraddu
ay aheyd nuuca Helekopterka oo dul heehaabaysay Xeebaha Soomaaliya,
hase ahaatee ay toogteen Kooxo hubaysan, taasina ay keentay in
diyaaraddu ay burburto.


Afhayeen u hadlay Wasaaradda
Gaashandhigga ayaa u sheegay Radio Holland inay wadaan baaritaanno ku
aaddan sababihii ka dambeeyay in kooxo hubaysan ay toogtaan diyaaradda
iyo jooggii ay ku duulaysay diyaaradda xilligii la tooganayay.


Dowladda Holland ayaa qeyb ka ah howlgalka la dagaalanka ee kooxaha
burcad badeeda Soomaalida, waxaana dowladdaasi ay wacad ku martay inay
wadayso la dagaalanka kooxahaasi oo ay sheegtay inay qatar ku yihiin
ammaanka Maraakiibta isticmaala badweynta India


Muqdisho: Sabti, May 12, 2012 (Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) : Ra’iisul
wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa wacad ku maray in Xukuumaddiisa
ay ka go’an tahay ilaallinta Xuquuqda Aadanaha xilli shalay ay heshiis
horu dhac ah ay kala saxiixdeen Qaramada Midoobay.

Xilli maalintii shalay Magaalada Muqdisho
dowladda KMG ah iyo Qaramada Midoobay ay ku kala saxiixdeen heshiis is
fahan ah oo looga hadlayay Xuquuqda Aadanaha ayaa Ra’iisul wasaaraha
Xukuumadda KMG Soomaaliya C/wali Max’ed Cali Gaas waxa uu sheegay in
Xukuumaddiisa ay ka go’an tahay ilaallinta Xuquuqda Aadanaha.


Ra’iisul wasaare Gaas ayaa waxa uu
tilmaamay in Xukuumadda ay ka xoogga saareyso ilaallinta Xuquuqda
Aadanaha iyo tixgalinta sharafta uu leeyahay shaqsiga, wuxuuna carabka
ku dhuftay in heshiiskii shalay diiradda lagu saaray sidii Soomaaliya
looga dhalin lahaa ilaalinta Xuquuqul Insaanka.


C/wali Max’ed Cali Gaas ayaa waxa uu
sheegay in burburkii uu ku jiray dalka mudada 20-ka sano ah ay dhalisay
inay dhacaan tacadiyo iyo dhibaato ka dhan ah Xuquuqda Aadanaha, isagoo
tilmaamay in si taasi looga baxo Xukuumaddiisa ay xoogga saarayso
arrintaasi.


Inkastoo heshiiskii shalay QM iyo
dowladda ay ku jirtay ilaallin Xuquuqda Haweenka, Caruurta iyo
Saxaafadda ayaa haddana waxa Soomaaliya ka dhaca gabood fallo lagula
kacao dhinacyadaasi oo Hay’adaha Xuquuqda Aadanaha qaarkood ay ku
eedeeyeen dhinacyada isku hay siyaasadda Soomaaliya oo ay ka mid yihiin
DKMG iyo Ururka AL Shabaab


Muqdisho: Sabti, May 12, 2012 (Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) : Kullankaani oo
ahaa mid heshiis is afgarad ah oo la xiriira dhinaca Xuquuqda Aadanaha
ay  ku kala saxiixinayeen dowladda KMG ah iyo Qaramada Midoobay ayaa
waxa uu ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Kullanka ayaa waxa kasoo qeyb galay
Mas’uuliyiin ka kala socday dowladda KMG ah, Xafiiska dhinaca siyaasadda
ee QM ee dalka Soomaaliya iyo waliba Hay’adda Xuquuqda Aadanaha QM ee
fadhigeedu yahay Magaalada Geneva ee waddanka Switzerland.


Heshiiska oo ka kooban ilaa 7-qodob ayaa waxa uu u qoran yahay sida tan


1.      Soomaaliya oo si rasmi ah u saxiixaysa dhamaan heshiisyada QM ee Xuquuqda Aadanha.


2.      Difaacidda iyo kor u qaadidda dadka jilicsan, sida Haweenka, Caruurta iyo Saxafiyiinta.


3.      Xoojinta Sharciga iyo kala dambeynta


4.      In la dhiso awoodda Hay’adaha qaranka, si loo horumariyo arrimaha Xuquuqda Aadanaha


5.      In la sare loo qaado Wacyo galinta Xuquuqda Aadanaha iyadoo la adeegsanayo Warbaahinta.


6.      In la horumariyo Xuquuqda Bulshada iyo dhaqaalaha.


7.      In la fududeeyo wadashaqeyn hufan oo dhexmarta Xafiiska Xuquuqul Insaanka QM iyo DKMG ah.


 Heshiiskaani ayaa waxa dowladda KMHG ah u
saxiixay Wasiirka Dastuurka iyo arrimaha Federalka ee Xukuumadda KMG
Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jabriil, waxaana sidoo kale Xafiiska QM ee
dhinaca siyasadda u saxiixay Peter De Clerq oo ah Wakiilka gaarka ah ee
QM u qaabilsan arrimaha dalka Soomaaliya halka Hay’adda Xuquuqul
Insaanka QM uu u saxiixay Agaasimaha guddiga guud ee guddiga xuquuqda
Aadanahay Waaxdiisa howlgallada iyo wadashaqeynta Andres Kompass.


Ra’iisul wasaare C/wali Max’ed Cali Gaas
oo kullanka ka hadlay uu sheegay in heshiiskaani u yahay mid is afgarad
ah, islamarkaana taageero dhinaca farsamada oo la xiriirta difaacidda
Xuquuqda Aadanaha lagu siinayo dowladda KMG ah.


Yuusuf Max’ed Ismaaciil Bari Bari oo ah
Mas’uulka DKMG ah u qaabilsan Xafiiska Hay’adda Xuquuqul Insaanka ee QM
ay ku leedahay Magaalada Geneva oo isna kullanka ka hadlay ayaa waxa uu
sheegay in heshiiskani uu yahay mid cusub islamarkaana wax laga waydiin
doono Sanadka 2015-ka dowladda xilligaasi jirta wixii ka qabsooma
heshiiskaani.


Ugu dambeyn qeybaha dambe ee heshiiska
ayaa waxa lagu sheegay in Kaalmada Farsamo auy noqon doonto mid lagu
bixiyo hab qaran oo cad islamarkaana lagu wareejin doono Madaxda dalka
Soomaaliya, iyadoo la tilmaamay in muhiim ay tahay in la xusuusnaado in
heshiiskaani is afgaradka ah la doonayo in lagu xaliyo dhibaatooyinka
farsamo iyo wado shaqeyn la’aanta ka jirta qeybo badan oo ka mid ah
Soomaaliya.

Nairobi: Sabti, May 12, 2012 (Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) :Hoggaamiyaha
Ururka Al-qaacidda ayaa ugu baaqay Xarakada AL Shabaab inay laba
jibaaraan dagaalada ka dhanka ah  Ciidamada AMISOM ee ku sugan
Soomaaliya.

Aymen Al-Dawaahiri, Hoggaamiyaha Ururka
Al-qaacidda ayaa ugu baaqay Xarakada Al Shabaab inay sii laba jibaaraan
Weerarada ka dhanka ah Ajaaniibta ku sugan gudaha dalka Soomaaliya xilli
Al Shabaab wali ay dagaalo ka wadaan Magaalada Muqdisho.


Hoggaamiyaha ayaa warkan ku sheegay Cajal
Video-ah oo uu soo dhigay Bogga Internet-ka, waxaana uu tilmaamay in
loo baahan yahay in laga hortago dhibaatooyinka Ciidamada AMISOM ay ka
gaystaan dalka Soomaaliya, lana baa bi’iyo guud ahaan Saldhigyada
Ciidamadaasi ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka
Soomaaliya.


Cajalkaani ayaa Hoggaamiyaha Ururka
Al-qaacidda Eyman Al-Dawaahiri waxa uu ku sheegay in Al Shabaab aysan
waxba u arkin duqeymaha ay gaysanayaan diyaaradaha aan duuliyaha laheyn
ee laga leeyahay dalka Maraykanka, islamarkaana ay sii wadaan weerarada
ku dhufo oo ka dhaqaaqa ah sida uu hadalka u dhigay.


Madaxa Ururka Al-qaacidda ayaa xusay in
bilihii u dambeeyay Ciidamada AMISOM ay gaysaneyeen xasuuq ka dhanka ah
dadka rayidka ah sida uu hadalka u dhigay, isagoo tilmaamay in Ciidamada
AMISOM ay bartilmaameedsanayeen goobaha ay ku sugan yihiin dadka
shacabka ah, iyagoo sheegay inay la dagaalamayaan Xarakada Al Shabaab.


Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG
Soomaaliya Dr. C/wali Max’ed Cali Gaas ayaa sheegay in markii Al Shabaab
looga itaal roonaaday dagaalada ka dhacaya Magaalada Muqdisho iyo
gobolada qaar ee dalka ay u wareegeen Buuralayda Gal-gala ee deegaannada
Maamulka Puntland.


PRESS RELEASE


11 May 2012


Puntland State of Somalia Garowe

Maamulka Puntland oo ku baaqay in aan la ansixin dastuurka
qabyada ah oo ay sheegeen in uusan ku haboonayn Soomaaliya, awooduna
aysan si siman ugu qaybsanayn Dawladda dhexe iyo goboladda, yahayna
dastuur ku xad gubbaya federaalnimada..

- iyo Madaxweynaha Puntland oo u dhoofay Itoobiya….


Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland
ayaa si kulul uga soo horjeesey qaabka uu u qoran yahay dastuurka
qabyada ah ee shirkiisu ka socdo magaalada Muqdisho.


Waxaa qoraalkaas oo ku qornaa luqadda Ingriisiga ku xusan sidan:


“Puntland waxaa nuqulka dastuurka qabyada la soo gaarsiiyey 30-kii
April 2012, markaas ayey waxay u saartay guddi ka kooban lix xubnood oo
isugu jira wasiiro iyo xildhibaano oo ka soo baaraan dega dastuurka
qabyada ah.”


“Guddigaasi waxa uu warbixintiisii ku gaarey in dastuurka qabyada ah
uu ku xad gudbayo asaaska federaalnimada. Waxaa taas dheer in dastuurka
qabyada ah uusan ku haboonayn ama u qalmin Soomaaliya”.


“Waaxda fulinta ee DFKMG ayaa masuul ka ah in ay ku guulaysan weydey
in ay soo bandhigto qabyo-qoraalka dastuur oo lagu kalsoonaan karo, una
soo bandhigto dhammaan qaybaha Soomaaliya ee ay khusayso, ayadoo 8
bilood ay ka soo wareegtey markii la saxiixay Radmapka.” Waa sida  ku
xusan qoraaalka ka soo baxay Puntland.


Waxa kale oo qoraalkaas ku xusan in hadda ay odayaal dhaqameedyo ka
yimid Puntland ay ka qayb gelayaan shirka dastuurka ee Muqdisho, laakiin
ay arrin laga xumaado tahay in DFKMG ay maamul xumo iyo faragelin ku
samaysay odayaasha ka qayb gelaya shirka (Muqdisho).


Sidaas daraadeed Puntland waxay digniin ku bixineysaa in dastuurkaas
qabyada ah aan loo soo bandhigin guddiga qaranka, waana in aan la
ansixin, haddii aan isbedel xooggan lagu samayn dastuurkaas qabyada ah,
oo aysan isku raacin qaybaha (somali istekeholders).

Puntland waxay sheegtay in Soomaaliya u baahan tahay dastuur Federaal
ah oo qeexaya in awoodda iyo khayraadka ay u qaybsan tahay Federaalka
(dawladda dhexe) iyo Gobolada (states).

Waxa kale oo qoraalka Puntland tibaaxay in dastuurka qabyada ah uu xoogga saarayo dawlad dhexe.


Qoraalka Puntland ayaa soo baxay xilli uu shir ka socdo magaalada
Muqdisho la isugu keenay odayaal laga soo ururiyey qabaa’il si ay usoo
xulaan ciddii ansixin lahayn dastuurka Soomaaliya, arrintaas hore ay uga
soo horjeesteen qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.


Waxa kale oo qoraalkani kusoo beegmay xilli madaxweynaha maamul
goboleedka Puntland uu Jimcadii u dhoofay magaalada Addis Ababa ee dalka
Itoobiya, halkaas oo la sheegay in uu casumaad ka helay.


Qoraalkii ka soo  baxay Puntland hoos ka akhri:













TALISKA BOOLISKA SOMAALIYA



THE SOMALI NATIONAL POLICE


Muqdisho: Khamis April 10 2012 (Wararka Dowlada Soomaaliya ee Maanta):



LIISKA SAREEYE GUUTO IYO SAREEYE GAAS

The List of New Generals


1. Sareeye Gaas  Taliyaha Ciidanka Booliiska
Soomaailya
Sareeye Gaas/Major General Shariif Sheekhuna Maye

2. Sareeye Guuto Cabdullaahi Xassan "Bariis"(From Corporal Rank to Full Cornell then General Rank on May 10, 2012) Surprise!
3. Sareeye Guuto Axmed Xassan Maalin (Police Officer)
(General Rank on May 10, 2012)

4. Sareeye Guuto Cali Xirsi Bare "Cali Gaab" True Police Officer) (General Rank on May 10, 2012)

5. Sareeye Guuto Maxamed Cabdulle Doore (General Rank on May 10, 2012)

6. Sareeye Guuto Maxamed Xassan Ismaaciil (General Rank on May 10, 2012)

7. Sareeye Guuto Xassan Calasoow Maxamed (General Rank on May 10, 2012)

8. Sareeye Guuto Garaad Nuur Cabdulle (General Rank on May 10, 2012)

9. Sareeye Guuto Jeelaani Maxamed Shiikuna (General Rank on May 10, 2012)

10. Sareeye Guuto Cabdinaasir Maxamed Macallin (General Rank on May 10, 2012)

11. Sareeye Guuto Cabdi Macallin (General Rank on May 10, 2012)

12. Sareeye Guuto Maxamed Rooble Jimcaale "Goobaale" (General Rank on May 10, 2012)

13. Sareeye Guuto Abuukar Cali Axmed (General Rank on May 10, 2012)

14. Sareeye Guuto Cabdirashiid Aadan Xirsi (General Rank on May 10, 2012)

15. Sareeye Guuto Maxamed Wardhere Bilane (General Rank on May 10, 2012)

16. Sareeye Guuto Maxamed Yuusuf Cumar (General Rank on May 10, 2012)

17. Sareeye Guuto Cabdi Macallin Aadan (General Rank on May 10, 2012)



Waxaan dalacsiiyey Madaxweynaha Dowladda Ku-Meel-Gaarka Soomaaliya Mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed.



Waad Mahadsan Tahiin,

Xafiiska Isgaarsiinta Iyo Heshiisyadda Dowladda








Muqdisho: Khamis April 10 2012 (Wararka Dowlada Soomaaliya ee Maanta): Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya
Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta kulan la qaatay
mas’uuliyiin ka kala socda Koonfur Afrika iyo Mozambique.

Wuxuuna Ra’iisul Wasaaraha uu kulan la qaatay Wasiirka
Garsoorka iyo Arrimaha Dastuurka, Mr. Jeffrey Radebe,
Safiirka Koonfur Afrika u fadhiya Nairobi Mr, Didumusi
Ntushinga iyo Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda
ee Mozambique Dr, Edwardo iyo wafuud kale oo ay hogaaminayaan,
Waxaana kulanka looga hadlayay Xiriirka dowladaha
Koonfur Afrika, Mozambiqeu iyo Soomaaliya iyo sidii
wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka Koonfur Afrika
loogu geysto dadka Soomaaliyeed.




Wafuuda ayaa waxa ay soo mareyn goobtii uu shirka
uga soconayay Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed kuwaa
oo soo xulayo gudigii Ansixin lahaa Dastuurka dalka,
Soona xuli doono Baralamaanka.




Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Dastuurka Koonfur
Afrika ayaa qudbad ka jeediyay islamarkaana u sharaxay
Dastuurka Koonfur Afrika ee 1994 kaa oo markaasi loo
sameeyay Ergo sidaani oo kale ah oo ansixiyay balse
1996 ay dadka Koonfur Afrika ansixiyeen islamarkaana
Odoyaasha ugu baaqay in muhiimad weyn ay leedahay
in Dastuur la helo kuna bogaadiyay Odayaasha iney
hormuud ka noqdaan dadaalada Soomaaliya.


Kulanka kadib ayaa waxaa si wada jir ah saxaafadda
ula hadlay Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Garsoorka
iyo Arrimaha Dastuurka Koonfur Afrika.


Ugu horeyn Ra’iisul Wasaare Dr. Cabdiweli Maxamed
Cali Gaas ayaa saafadda u sheegay in dowladaha Koonfur
Afrika iyo Mozambique ay ka wada hadleen sidii loo
xoojin lahaa xiriir dowladaha Koonfur Afrika, Mozambique
iyo Soomaaliya.







Muqdisho: Khamis April 10 2012 (Wararka Dowlada Soomaaliya ee Maanta): Ciidamada nabad sugida dowlada KMG Somalia ayaa
maanta magaalada Muqdisho ka sameeyey howlgalo lagu
baneynayey xarumaha labo wasaaradood oo 20-kii sano
ee u dambeeyey ay ku noolaayeen qoysas shacab ah iyo
dad ganacsato ah.


Xarumaha ay maanta ciidamada nabad sugida ka saareen
dakii degenaa ayaa waxaa ka mid ah, wasaarada qorsheynta
Qaranka iyo wasaarada hidaha iyo tacliinta sare oo
labaduba ku yaala agagaarka Isgoyska mashquulka badan
ee Zoobe.

Taliyaha ciidamada nabad sugida gobolka
Banaadir Khaliif Axmed Ereg ayaa sheegay in howlgalkaas
uu guul ku dhamaaday uuna qeyb ka ahaa howlgalada
lagu baneynayo dhismeyaashii hore ee dowlada wuxuuna
xusay in dadka ku noolaa intooda badan ay horey uga
guureen xarumahaas kuwii ugu dambeeyeyna maanta laga
raray.

Dhinaca kale taliyaha ayaa sheegay iney hub kala
duwan qabteen intii uu socday howlgalkaas ayna xirxireen
dad la sheegay iney hubkaas goobta ku qarsadeen, wuxuuna
xusay iney baaritaan ku sameyn doonaan waxa lagu sameyn
jiray hubkaas iyo qaabka loo isticmaali jiray, waxaana
dhinaca kale jira warar sheegaya in hubkaas ay lahaayeen
rag halkaas ku leh goobo ganacsi.




Muqdisho: Khamis April 10 2012 (Wararka Dowlada Soomaaliya ee Maanta): Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed
ayaa maanta dalacsiiyay 141-sarkaal oo ka tirsan booliiska Soomaaliya oo
uu ku jiro taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya, Jen. Shariif
Sheekhunaa Maye.


Saraakiishan ayaa lagu dallacsiiyay munaasabad ka dhacday Muqdisho,
iyadoo hadal uu goobtaas ka jeediyay taliyaha ciidamada booliiska uu ku
sheegay inay ku timid dallacsiintan kaddib markii saraakiishan ay
muujiyeen karti iyo howl-karnimo dheeraad ah.


"Madaxweynaha saraakiisha uu dalacsiiyay waxay ahaayeen G/sare ilaa
Sareeye Guuto 17-sarkaal, G/dhexe ilaa G/sare 13-sarkaal, G/lle ilaa
G/dhexe 17-sarkaal"ayuu yiri Jen. Shariif Sheekhuna Maye oo tilmaamay in
isaga uu si gaar ah u tixgeliyay saraakiisha la dalacsiiyay, markii
warbixin loo soo gudibiyay, isla markaana uu arkay waxqabadkooda iyo
dadaalkooda.


Agaasimaha Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Bashiir
Maxamed Goobe ayaa sheegay ka aqriyay Munaasabada Saraakiisha la
dalacsiiyay, isagoo ugu horeyn magac dhabay Taliyaha Ciidamada Booliska
Jen. Shariif Sheekhuna Maye oo ka dalacay Sareeye Guuto, loona
dalacsiiyay Sareeye Gaas.


Saraakiisha la dalacsiiyay ayaa waxaa ka mid ahaa: Maxamed Rooble
Jimcaale (Goobaale) oo loo dalacsiiyay jeneraal, Axmed Diiriye Faarax oo
loo dallacsiiyay sareeye guuto, taliyaha ciidanka booliska gobolka
Banaadir, Axmed Xasan Maalin oo ahaa gaashaanle sare ayaa loo
dallacsiiyay sareeye guuto, taliyaha laanta dambi-baarista booliiska ee
CID-da, Cabdullaahi Xasan Bariise oo ahaa gaashaanle sare ayaa loo
dallacsiiyay sareeye guuto, Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) oo isna ahaa
G/sare ayaa loo dalacsiiyay sareeye guuto.


"Waxaan idin leeyahay hambalyo, waxaana la idin kaga baahan yahay
inaad dusha u ridataan mas'uuliyadda cusub ee la idin saaray aadna ugu
shaqeysaan dadkiina iyo dalkiinna," ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha
ee dowladda KMG ah oo hadal ka jeediyay munaasabadda lagu dallacsiiyay
saraakiisha booliiska ka tirsan.


C/samad Macallin Maxamuud ayaa u sheegay saraakiisha la dalacsiiyay
in markii la arkay kartidooda iyo dadaalka dheeraadka ah ee ay bixiyeen
loo gartay in xilalkooda loo kordhiyo, wuxuuna ku tilmaamay booliiska
inay yihiin halbowlihii sharciga dalka.


Tallaabadan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay nooceeda oo uu
madaxweynaha Soomaaliya ku dalla
csiiyo saraakiil booliis oo tiradan
le'eg, waxaana dalalcsiint





Muqdisho: Arbaco April 9 2012 (Wararka Dowlada Soomaaliya ee Maanta): Guddiga ammaanka barlamanka KMG Soomaaliya ayaa
sheegay in Xukuumadda KMG ah ay ku fashilantay wax ka qabashada xaaladda
ammaan ee Magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Xuseen Caraale Caddaan oo ah
gudoomiye ku xigeenka guddiga ammaanka barlamanka KMG Soomaaliya ayaa
waxaa isagoo la hadlayay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho waxaa
uu sheegay in Xukuumadda KMG ah ay ku fashilantay wax ka qabashada
ammaanka dalka.


Xildhibaanka ayaa waxa uu tilmaamay in
Xukuumadda KMG oo uu horkacayo C/wali Gaas ay ku fashilantay dhinacyada
ammaanka, soo celinta nidaamka iyo kala dambeynta, wuxuuna xusay in
Xukuumadda ay horinayso sharci darrida ka jirta Soomaaliya.


Xuseen Caraale Caddaan ayaa waxa uu
intaasi ku daray in Xukuumadda KMG ah xilligaani looga baahan yahay inay
xilka iska wareejiso maadaama ay ku guul dareysatay wax ka qabashada
dalka islamarkaana xilligaani aysan waxba ka qaban karin.


Hadalkaani ayaa waxa uu imanaayaa xilli
Xukuumadda KMG ah ay marar badan sheegtay inay ku guulaysatay wax ka
qabashada ammaanka dalka islamarkaana deegaanno badan ay kala wareegeen
Al Shabaab oo dagaalo kula jira dowladda KMG ah.



Muqdisho: Arbaco April 9 2012 (Wararka Dowlada Soomaaliya ee Maanta): Guddiga
Quburada Ansixinta Dastuurka ayaa sheegay in qabyo qoraalka Dastuurka
loo gudbinayo goordhow Siyaasiyiinta, aqooyahannada iyo qeybaha kala
duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

Prof. Max’ed Sheekh Cismaan Jawaarey oo
ah guddoomiyaha guddiga Quburada Madaxa banaan ee Dastuur u sameynta
waddanka Soomaaliya oo waraysi siinayay Idaacadda Shabelle ee Magaalada
Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in xilligaani uu gaba gabo Marayo howlaha
Dastuur u sameynta dalka Soomaaliya.


Gudoomiyaha ayaa waxa uu sheegay in
Dastuurka kaliya ay dhiman yihiin in loo gudbiyo Siyaasiyiinta,
aqooyayannada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ee kasoo horjeeda
Dastuurkaasi kuwaasi oo ku sugan Muqdisho si aragtidoodu ay dhiibtaan.


Dhawaan ayay aheyd markii Ra’iisul
wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya C/wali Max’ed Cali Gaas uu shaaciyay
in 20-kii April ay guddiga Quburada ee Dastuur u sameynta dalka ay
kusoo wareejiyeen dhameynta Dastuurkaasi oo uu sheegay in xilligaani uu
dhamaaday



Muqdisho: Arbaco April 9 2012 (Wararka Dowlada Soomaaliya ee Maanta): Gudoomiyaha
Majmaca Culumada Soomaaliyeed Sheekh Axmed Dhicisow oo u waramay
Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in Dastuurka cusub ee la doonayo
in loo sameeyo dalka uu kasoo horjeedo shareecada Islaamka.

Gudoomiyaha ayaa waxa uu xusay in shirka
ka soconaya Muqdisho ee la doonayo in  lagu ansixiyo Dastuurka, cid
waliba oo ka qeyb galaysa ay tahay cadowga Alle sida uu hadalka u
dhigay, wuxuuna intaasi ku daray in Dastuurkaasi uu kasoo horjeedo
Diinta Islaamka.


Sheekh Axmed Dhicisow ayaa waxa uu sidoo
kale sheegay in Dastuurkaani uu ka daran yahay shirkii ka dhacaya
Magaalada Berlin ee lagu kala qeybiyay dalka Soomaaliya maadaama sida uu
sheegay ay ku jiraan waxyaabo marna aan ku banaaneyn Diinta.


Magaalada Muqdisho ayaa waxaa xilligaani
ka soconaya shir ay ka qeyb galayaan Odayaal dhaqameedyo la doonayo inay
soo xulaan Ergadii ansixin laheyd Dastuurka cusub ee Soomaaliya,
waxaana halkaani uu imaanayaa xilli inta badan qeybaha kala duwan ee
bulshada ay kasoo horjeesteen Dastuurkaani.

Muqdisho: Isnniin April 7 2012 (Wararka Dowlada Soomaaliya ee Maanta): Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo socdaal
shaqo ku jooga dalka Kuwait ayaa galabta halkaasi kula kulmaya
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi ku nool.


Kulankan uu Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed la qaadanayo
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kuwait ayaa dhacaya saacada marka ay tahay
04:00PM galabnimo ee xiliga Kuwait waxaana uu ka dhacayaa Qasriga
Boqortooyada Kuwait.


Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu Jaaliyadda u jeediyo Khudbad uu
kaga hadlayo xaalada guud ee dalka iyo horumarradii ugu dambeeyey ee ay
gaartay Dowladda Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada
Siyaasadda,Ammaanka,Dhaqaalaha iyo mashaariicda dib u dhiska ah ee dalka
ka soconaya iyo sidoo kale isbedellada la filayo inuu dalku galo.


Muqdisho: Isnniin April 7 2012 (Wararka Dowlada Soomaaliya ee Maanta):Munaasabad uu xilka kula wareegayay wasiirkacusub ee beeraha
Xannaanadda xoolaha dhirta iyo daaqa  ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho.


Xafaladdan oo lagu qabtay xarunrta wasaaradda beeraha xannaanadda
Xoolaha dhirta iyo daaqa ayna ka qeyb galeen xubno ka tirsan golaha
Wasiiradda,  xildhibaanno iyo mas’uuliyiin oo ka dhacday xarunta
wasaaraddaasi iyadoo si rasmi ah maanta xilka loogu wareejiyay R/wasaare
ku xigeenka ahna wasiirka beeraha xannaanada xoolaha dhirta iyo daaqa
Xuseen Sheekh Maxamuud Xuseen.


Wasiirkii hore ee beeraha Maxamed Maxamuud Xaaji Ibraahin oo hadal ka
jeediyay munaasabadda ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in uu
xilka ku wareejiyo wasiirka cusub, waxa uuna Alle ugu baryay in uu u
fududeeyo xilka.


R/wasaare ku xigeenka ahna wasiirka xannaanadda xoolaha dhirta iyo
daaqa oo sidoo kale saxaafadda la hadlay ayaa uga mahad celiyay
Wasiirkii hore,  waxa uuna shaqaalaha ka codsaday in ay si wanaagsan ula
shaqeeyaan maadaama ay tahay wasaaradda mid magaceeda uu ku qotamo
kheyraadka dalka si loo soo celiyo wax soo saarkii ay laheyd.


Dhawaan ayeey ayed markii uu madaxweynaha Sheekh Shariif Sheekh Axmed
uu xilka u magacaabay wasiirka cusub ee Beeraha Xuseen Sheekh Maxamuud
Xuseen kaas oo maanta si buuxda ula wareegay xilka.


Muqdisho: Axad April 6, 2012 (Wararka Dowlada Soomaaliya ee Maanta): Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa
ugu hambalyeeyay Maamulka iyo shaqaalaha Shabelle 10-guuradii kasoo
wareegatay Idaacadda Shabelle.


Dr.C/wali Max’ed Cali Gaas, Ra’iisul
wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya oo waraysi siiyay Idaacadda Shabelle
ayaa waxa uu Maamulka iyo shaqaalaha Shabelle ugu Hambalyeeyay
Munasabadda 6-da May oo ku asteysan 10-guuradii kasoo wareegatay markii
dhidibada loo taagay Idaacadda Shabelle islamarkaana ku beegan sanad
guuradii 3-aad ee kasoo wareegatay Tv-ga Shabelle .


Gaas ayaa waxa uu sheegay in Idaacadda
Shabelle ay tahay Idaacad ka hadasha xaqiiqda iyo warar ku saleysan
xaqiiqda, wuxuuna intaasi ku daray in Maamulka iyo shaqaalaha Shabelle
uu ugu hambalyeynayo 10-sano guuradii kasoo wareegatay aas aaska
Idaacadda Shabelle.


“Waxan kaga  faa ideysanayaan fursaddan
inaan idinku hambalyeeyo Radio Shabelle iyho Tv-guba sanad guuradiina
10-aad, waxaan idin leeyahay Hambalyo” sidaasi waxa yiri Ra’iisul
wasaaraha Xukuumadda Mudane C/wali Max’ed Cali Gaas.


Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa waxa
uu sidoo kale amaan iyo bogaadin u jeediyay Website-ka Shabelle oo uu
tilmaamay in uu yahay Website-ka ugu horeeya Soomaaliya islamarkaana dad
ku sugan dalka iyo dibaddaba ay si aad ah ula socdaan .


Ugu dambeyn Dr.Gaas ayaa waxa uu ugu
baaqay Maamulka iyo shaqaalaha Shabelle inay sii wadaan howsha ay u
hayaan shacabka Soomaaliyeed xilli uu tilmaamay dalka in uu marxalad
adag ku jiro Shaballena wariyeyaal badan laga bartilmaameedsaday.


Muqdisho: Axad April 6, 2012 (Wararka Dowlada Soomaaliya ee Maanta): Kulankii
Maanta ay Magaalada Muqdisho ku qaateen Odayaasha dhaqanka ee soo
xulayay gudiga Ansixinaya qabyo qoraaleedka Dastuurka ayaa maanta waxa
uu ka dhacay gudaha Magaalada Muqdisho, iyadoo madaxweynaha, R/wasaaraha
iyo gudoomiyaha Barlamanka ay si wada jir ah ugu baaqeen in laga qeyb
qaato qabyo qoraaleedka Dastuurka.

Kulankaani oo ahaa mid xasaasi ah ayaa
inkastoo furitaankiisu uu dib u dhacay hadana waxaa ka soo qeyb galay
Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya, Sheekh shariif Sheekh axmed,
R/wasaaraha Xukuumada Cabdi wali max’ed Cali Gaas, Gudoomiyaha
Barlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, odayaasha dhaqanka ee soo xulaya
ergada, gudoomiyayaasha degmooyinka gobolka Banaadir, saraakiisha
ciidamada qalabka sida ee dowladda KMG safiirada wadamada caalamka u
fadhiya Soomaaliya, wasiiro, xildhibaano, bahda saxaafada iyo
fanaaniinta qaranka Soomaaliyeed.


Munaasabada furitaanka kulanka ayaa
bilaabatay abaaro 1-dii duhurnimo, iyadoo ay soo gaba gabowday 6-tii
maqribnimo, iyadoo amaanka xarunta ay si weyn u adkeynayeen ciidamada
dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.


Kulanka ayaa waxaa qudbado ka jeediyay
sedaxda masuul ee ugu sareysa dowladda KMG Soomaaliya iyadoo qubadii ugu
horeysay ee furitaankana uu qaatay Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh
Axmed oo goobta ka sheegay in aan la socon karin Dastuur la’aantiis
loona baahanyahay in laga gudbo marxaladda KMG oo uu sheegay in dhibaato
badan ay ku heyso dadka Soomaaliyeed.


“maanta waa maalin taariikhi ah umadda
Soomaaliyeedna ay u diyaar garoobeyso in ay dhameystirto marxaladii
kala-guurka, oo ay ka gudubto marxaladii kumeel gaarka taasina waa
xuquuq ay shacabka Soomaaliyeed leeyihiin sidaasi darteed waxaa lagama
maarmaan ah in juhdi lagu bixiyo sidii arimahaasi looga gudbi lahaa”
ayuu yiri Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya.


Sidoo kale waxaa kulanka ka hadlay
R/wasaaraha Xukuumada KMG Soomaaliya Cabdi wali Max’ed Cali Gaas oo ay
maanta ka muuqatay farxad aad u sareysa, waxaana uu ku faanay in
xukuumadiisa mudadii yareyd ee ay shaqeyneysay ay ku talaabsatay hormaro
dhinacyo badan ah oo ay ugu horeyso sugida amaanka, hirgalinta
Roadmap-ka iyo qabyo qoraaleedka Dastuurka.


Gaas waxa uu sheeegay in xukuumadiisa ay
juhdi badan ku bixisay sidii ay u soo aruurin laheyd odayaal dhaqameedyo
soo xula ergada ka qeyb galeysa ansixinta qabyo qoraaleedka Dastuurka
iyo soo xulida xildhibaanada cusub ee ay yeelaneyso Soomaaliya.


“ waa wax muhiim ah in aan maanta
Muqdisho ku qabsan karno shirarka muhiimka ah, waxaana loo baahanyahay
in dowladda Soomaaliyeed taageero iyo garab buuxa lagu siiyo howlaha ay
maalmaha soo socda fulineyso, waxaad kale oo aad ogtihiin in markii
xukuumadeyda ay timid dalka lagu qabtay shirarkii ugu horeeyay, waxaana
maanta farxad ah in Muqdisho aan isugu nimid in aan ka gudubno xiliga
Kala-guurka” ayuu yiri R/wasaare Gaas.


Gudoomiyaha Barlamanka KMG Soomaaliya
Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa kulanka ka jeediyay qudbad dheer waxaana
uu sheegay in dowlad toosan aan la heli karin Dastuurka la’aantiisa,
isagoo xusay in hadii laga horyimaada Dastuurkaan Soomaaliya ay cagaha
la gasho dagaalo sokeeye.


Waxa uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed
meel kasta oo ay joogaan in ay isu tanaasulaan islamarkaana ay
qaateeraan qabyo qoraalka Dastuurka, waxaana uu wax lagu farxo ku
tilmaamay in maanta odayaashii dhaqanka Soomaaliyeed iyo madaxdii
qaranka ay ka wada tashanayaan aayaha dadka iyo dalka Soomaaliya.


Kulanka ayaa waxaa ka dhex muuqday 135-ta
odey dhaqameed ee dowladda KMG Soomaaliya ay soo aruurisay, iyadoo
salaadiinta ay ku jireen dad dhalinyaro ah oo Shabelle si hoose loogu
sheegay in ay dhaxaltooyo ku heleen suldaan-nimada.


Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo dalbaday in xorriyadooda loosoo celiyo Qaar ka mid ah Ilaaladiisa oo u xiran Qaraxii Tiyaatarka

Muqdisho: Sabti April 5, 2012 (Wararka Dowlada Soomaaliya ee Maanta): Ra'iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali ayaa ka dalbaday guddoomiyaha maxkamadda ciidamada Qalabka sida ee DKMG ah inuu sida ugu dhaqsiyaha badan xorriyadooda ugu soo celiyo ilaaladiisa qaarkood kuwaasoo u xiran tuhun la xiriira qaraxii ka dhacay horraantii bishii hore Tiyaatarka Muqdisho

Qaraxaas oo ay ku dhinteen toddoba qof ayna ku dhaawacmeen in ka badan 25-qof oo ay ku jireen suxufiyiin ayaa waxaa geysatay gabar dhallinyaro ah, taasoo laga shakisan yahay sidii ay kusoo gashay Tiyaatarka oo ay ka  socotay xuska sannad-guuradii koowaad ee kasoo wareegtay dib u howgelintii Telefishinka Soomaaliya.

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa qoraalkiisan codsiga ah oo soo baxay Arbacadii lasoo dhaafay, wuxuu ku sheegay in isagoo tixgelinaya howsha guddiga baarista qaraxii tiyaatarka isla markaana eegaya xuquuqda uu muwaadinta uu codsanayo in haddii aanay jirin dambi dadkaas lagu
horgeynayo maxkamad xorriyadooda dib loogu soo celiyo.

Xubnaha uu ra'iisul wasaaruhu dalbanayo in xorriyadooda loosoo celiyo ayaa waxay magacyadoodu kala yihiin:

  1. G/sare, Maxamed Cabdi Qaybdiid
  2. G/lle, Maxamed Daahir Cabdulle
  3. Dhamme, Cabdiweli Maxamed Ilig
  4. Dable, Cabdi Yaasiin Cali
  5. Dable, Qadro Daahir Xalane
  6. Cismaan Ibraahim Macallin Cali
  7. Maxamed Faarax Cali iyo
  8. Cabdfiitaax Cali Xasan

Dhammaan dadkan oo la xiray bartamihii bishii hore ayaa waxay ku xiran yihiin xabsi ay leeyihiin ciidammada nabadsugidda DKMG ah oo ku dhow madaxtooyada iyadoo aan weli wax maxkamad ah lasoo taagin.

Qoraalka ra'iisul wasaaruhu uu ku dalbanayo sii daynta xubnahan ilaaladiisa ka mid ahaa ayaa wuxuu soo saaristeeda u cuskaday qodobbada dastuurka ee kala ah: qodobka 16-aad farqaddiisa labaad iyo lixaad, qodobka 17-aad farqaddiisa labaad xarafka A, qodobka 48-aad, 52-aad iyo 53-aad.

Muqdisho: Sabti April 5, 2012 (Wararka Dowlada Soomaaliya ee Maanta): Qunsulka Soomaaliya u fadhiya dalka Norway Yuusuf Maxamed Cabdikariin oo la hadlayay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu  sheegay in caruur Soomaali ah oo tira ahaan gaaraysa 1,200 oo caruur ah in ay la wareegtay dowlada wadankaasi Norway.

Yuusuf Maxamed ayaa arintaan ku sababeeyay in dalka Norway  uu yahay wadan aad u yar dadkiisuna aysan tira badneen sidaa darteedna caruurta ay la wareegtay dowlada Norway ay helayaan dhalashada wadankaasi.

Mr. Yuusuf Qunsulka Soomaaliya u fadhiya dalka Norway ayaa intaasi raaciyay in arintaan ay saameeyn ku yeelatay Soomaalida ku dhaqan wadankaasi islamarkaan ay noqotay dhibaato horleh oo ku soo korortay Soomaalida ku noolwadanka Norway

Maalin kasta waxaa nasoo gaara ayuu yiri dacwooyin la xiriira arintaas hasa ahaatee waxa uu tilmaamay in marka dacwada loo gudbiyo maxkamadaha dalka Norway in dadka caruurta la wareega ay bixiyaan lacago.

Arintaan ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxa ay ahayd mid si aad ah looga hadal hayay gudaha dalka Norway Laakiin waxaa socda dadaalo ku aadan sidii loo xalin lahaa arintaan kusoo karortay Soomaalida ku dhaqan dalka Norway



Muqdisho: Sabti April 5, 2012 (Wararka Dowlada Soomaaliya ee Maanta): Iyadoo maalmihii u dambeeyay Waxgarad Siyaasiyiin iyo aqoonyahano ku nool dalka iyo dibadiisa ay si aad ah uga soo horjeedeen qabyo Qoraaleedka Dastuurka oo maanta Muqdisho ay ku kulmayaan odoyaal dhaqameedyo ay sheegtay dowlada KMG in ay soo xulayaan dadkii ansixin lahaa ayaa arintaasi waxaa ka biyadiiday waxgardka siyaasiyiinta iyo aqoonyahanada Soomaaliyeed.

Nabadoon Cabdi Fitaax Cabdulle Siyaad Ciribeey oo kamid ah waxgaradka Soomaaliyeed oo la hadlay Shabelle ayaa waxa uu sheegay in umada Soomaaliyeed ay leedahay dastuur la sameeyay 1960-kii, isagoo intaasi ku daray in uu qabo aragtidii ay qabeen aqoonyahanada iyo waxgardka Soomaaliyeed ee lagu diidanaa Dastuurka Cusub, waxa uuna intaasi raaciyay in dastuurkani ay wataan dad dano gaar ah leh.

Nabadoonka ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay qaraxii ka dhacay degmada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud, isagoo ku eedeeyay mas’uuliyiin ka tirsan ahlu suna in dad
aan shaqa ku lahayn ay u qabqabteen qaraxaasi, wuxuuna ugu baaqay ahlu sunna iyo waxgaradka gobolada dhexe in ay xiraan Sh. Maxamed Yuusuf Xeefoow oo ah gudoomiyaha golaha fulinta ee ahlu suna waljamaaca oo uu
sheegay in arintaasi isaga uu ka dambeeyo sida uu hadalka u dhigay.

Mudooyinkii ugu dambeeyay magaalada Muqdisho waxaa ka dhacayay kulamo is dabajoog ah oo ay yeelanayaan  waxgardka siyaasiyiinta aqoonyahanada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada kuwaasi oo si aad ah kaga biyo diidsan ansixinta dastuurka qabyo qoraalka ah.


Muqdisho: Sabti April 5, 2012 (Wararka Dowlada Soomaaliya ee Maanta): Kulan ay wadayeesheen Xildhibaanadii Siyaasiyiintii maalmihii dambe ku sugnaa magaalada Dhuusamareeb iyo maamulka Ahlu suna waljamaaca ayaa waxaa looga wada hadlay sidii Al Shabaab looga saari lahaa gobolka Galgaduud, maadama magaalada Dhuusamareeb dhowaan qarax lagula beegsaday siyaasiyiin iyo xildhibaano ka tirsan Barlamanka.

Kulankaasi oo Al baabada ay u xirnaayeen ayaa markii uu soo idlaaday waxaa faah faahin ka bixiyay oo Shabelle la hadlay xildhibaan Daahir Amiin Jeesow wuxuuna sheegay in kulan kaasi ay ka soo baxeen qodobo muhiim ah, oo qodobka ugu muhiimsana uu yahay dar dar gelinta howlaha dib u xoreynta dalka iyo sidii Shabaab looga saari  lahaa dalka.

Sidoo kale xildhibaanka ayaa sheegay in maamulka iyo shacabka ka soo jeeda gobolada dhexe ay ka soo horjeedaan  shirka maanta ka furmaya magaalada Muqdhisho, loogana hadlayo sidii loosoo xuli lahaa dadka  ansixinayo  dastuurka, isagoo xusay in banaanbaxyo ka dhan ah Dastuurka ay ka socdaan qaar ka mid degmooyinka goboladaasi ayna ka mid yihiin Caabudwaaq Balanbal iyo kuwa kale.

Maanta ayaa Muqdisho waxaa lagu wadaa in uu ka furmo shir ay yeelanayaan qaar ka mid ah odayaal ay soo aruurisay DKMG kaasi oo looga hadlayo sidii loo soo xuli lahaa dadkii ansixin lahaa qabyo qoraalka dastuurka loo sameenayo dalka somaliya.


Muqdisho: Jimco April 4, 2012 (Wararka Dowlada Soomaaliya ee Maanta): Madaxweynaha  dowladda KMG Soomaaliya ayaa ku baaqay in aan laga horimaanin ansixinta
qabyo qoraalka Dastuurka la filayo in dhawaan lagu ansixiyo Magaalada Muqdisho.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynaha dowladda KMG ah ayaa waxa uu sheegay in aan loo baahneyn in laga horyimaado ansixinta Dastuurka, hase ahaatee lasoo bandhigo
qodobada dadka ay dhaliileen sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna intaasi ku daray in DKMG ah lagu gacan siiyo ansixin Dastuurka cusub.

Madaxweynaha ayaa waxa uu sheegay in aan jirin cid si gaar ah u leh Dastuurka, hase ahatee waxa uu carabka ku  dhuftay in qaladaadka ku jira Dastuurka iyo qodobada ka dhanka ah
Shareecada Islaamka dib loogu celin doono qeybaha kala duwan ee bulshadaiyo Culumaa’uddiinka Soomaaliyeed.

Isagoo hadalkiisa wata ayaa waxa uu  sheegay Madaxweynaha in uu soo dhaweynayo hanjabaadka  kasoo baxday Ururgoboleedka IGAD, QM iyo Midowga Afrika kaasi oo ku aadaneyd in talaabo laga qaadayo cid waliba oo kasoo horjeesatay ansixinta Dastuurka iyo geeddi socodka nabadda Soomaaliya.

Madaxweyne Shariif ayaa waxa uu shaaca  ka qaaday in maalinta Sabtida ah ama maalinta xigta ee Axadda uu  Magaalada Muqdisho ka furmi doono shirka Odayasha dhaqanka ee lagu soo xulayo Xubnaha ansixin lahaa Dastuurka.

Magaalada Muqdisho ayaa marar badan waxaa ka dhacay shirar iyo kullamo ay yeelanayeen Culumaa’uddiin,  aqooyahanno, waxgarad, siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada aykasoo horjeesteen ansixinta Dastuurka oo la sheegay inay ku jiraan  qodobo ka hor imaanaya Diinta islaamka.

Muqdisho: Jimco April 4, 2012 (Wararka Dowlada Soomaaliya ee Maanta):  Xildhibaanad Caasha Axmed Cabdalla oo waraysi siiyay Idaacadda Shabelle ayaa waxa  ku eedeysay  Xukuumadda KMG Soomaaliya isku day Xukuumadda ay ku doonaysay in lagu qaarajiyo Xildhibaanada barlamanka Soomaaliya

Xildhibaanadda ayaa waxa ay sheegtay in Xukuumadda muddooyinkii dambe ay wadday qorshooyin lagu bartilmaameedsanayo Xildhibaanada, iyadoo ka codsatay Madaxweynaha  dowladda KMG Soomaaliya iyo Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka in baaritaano cad lagu sameeyay dhacdadii dhawaan ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta gobolka Galgaduud halkaasi oo qaraxa ka dhacay ay ku dhinteen Xildhibaano ka tirsan barlamanka Soomaaliya

Sidoo kale Xildhibaanada Caasha ayaa nasiib darro iyo ayaan darro ku tilmaamtay in Ciidamada booliska ay is hortaagaan shir aan caadi aheyn oo shalay la filiyay in uu ka dhaco Hotelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho, waxaana ay ku eedeysay Taliska Ciidamada booliska in uu ku fashilmay wax ka qabashada xaaladaha ammaan ee ka jira Magaalada Muqdisho.

Hadalkaani ayaa waxa uu imaanayaa xilli Ciidamo ka tirsan booliska dowladda KMG ah shalay ay is hortaag ku sameeyeen kullan ka dhici lahaa Hotelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho.

Muqdisho: Jimco April 4, 2012 (Wararka Dowlada Soomaaliya ee Maanta):  Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon oo ka hadlayay Xarunta Qaramada Midoobay ee New York ayaa si kulul u cambaareeyay dilalka loo gaysto  Saxaafiiyiinta Soomaaliyeed kaasi oo u dambeeyay Wariye Farxaan Jeemisoo kooxo hubaysan ay ku toogteen Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug.

Ban Ki Moon ayaa waxa uu sheegay in Caalamka looga fadhiya daryeelidda iyo ilaalinta xuquuqda ay leeyihiin Saxafiyiinta, isagoo sheegay in Saxaafaddu ay tahay xubin muhiim ah oo
aan inkiri karin Islamarkaana Xukuumadaha Caalamka looga baahan yahay indareen goono ah ay siiyaan Saxafiyiinta.

Dhinaca kale uqeybsanaha Wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Ingiriiska arrimaha Afrika Hennery Bellingham ayaa isna si kulul u eedeeyay dilkii Farxaan Jeemis oo u
howlgalayay Radio Daljir, waxaana uu sheegay in sababta loo beegsanayo Saxafaadda Soomaaliya ay tahay iyagoo ku dhexjira dhinacyo is haya oo aan garaneyn muhiimadda ay leedahay Saxaafadda.

U qeybsanaha ayaa sheegay in Maamullada ka jira dalka Soomaaliya inay meel ku sheegaan dadka ka dambeeya dilalkaqorsheysan ee loo gaysnayo Saxafiyiinta Soomaaliyeed, isagoo tibaaxay in haddii arrinta ay sidaani kusii socota Soomaaliya ay noqon doonto meel aysan ka howlgali karin Saxaafadda.

Kooxo hubaysan oo wajiyada soo duubtay ayaa habeen ka hor waxa ay Magaalada Gaalkacyo ay ku dileen Wariye Farxaan Jeemis,. Iyagoo dilkaasi ay cambaareeyeen qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Magaaladaasi.





SO

 



WARSAXAAFADEED Moqdisho May 3, 2012:(Somaligov Portal News): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliyeed waxaa uu xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Guddiga madaxabanaan ee Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Prof Cabdillaahi Xassan Jaamac iyo Guddoomiyaha Guddiga Khubarda Prof. Muxamed Sheekh Cismaan Jawaari,

Madaxweynaha ayaa munaasabadaa ku gudoon siiyay qalin horaadka qormada qabyo tirka dastuurka ee latashiga madaxda sare dalka si uu taladiisa ugu biiriyo waxaana kulankaa madaxweynaha goob joog ka ahaa lataliyihiisa Madaxweynaha Xagga Sharciga  Prof. Abuukar Xassan Axmed.

Ka dib markii ay wada hadal dheer galeen waxaa uu labada guddi ku booriyay inay fiiro gaar ah u yeeshaan arrimaha soocda;

1. Shareecada iyo xeer dhaqameed Soomaaliyeed iyo hidihii soo jireenka ahaa ee Soomaaliyeed.

2. Ilaalinta arrimaha quseeya jinsiyada Soomaaliyeed.

3. Maqaamka caasimada Qaranka Soomaaliyeed iyo arrimo kale oo ku saabsan cutubyada kale ee dastuurka.

Kulankaa oo sacaado badan socday wuxuu madaxwenuhu ugu danabyntii ku bogaadiyay labada guddiga sida wacan ee ay u wadaan xilkan qarameed oo dalka ahmiyad gaar ah u leh, iyagoo weliba ku shaqeynaya daruufo adag.

Madaweynuhu wuxuu ku dhiiri gelinayaa;

1. Inay ku dadaalaan in geedisocodka dastuur sameynta Soomaaliya si waafaqsanaado shuruucda dalka.

2. Marka labada guddi ay soo dhameystiraan qormada gebeda oo ay ku dhafan talada dadweynaha iyo madaxda sare ee dalka ay hordhigaan culumada iyo ogaalayda ku taqasusay qanuunka iyo shareecada, dhaqanka, dhaqaalaha , maamulka iyo maareynta hay’addaha dowladda.

3. In labada guddi sii wadaanka latashiga madaxda sare ee dalka iyo maamulada kale.

4. Ugu danbayntii Madaxweynuhu waxaa uu labada Gudoomiye ka codsaday inay salaan iyo bogaadin ka gaarsiiyaan dhamaan xubnaha labada guddi.

5. Waxuu Madaxwaynaha tilmaamay inay muhiim tahay in laga qaybgalo shirka khuburada ee international community ee lagu qabanaayo Jabuuti.

WARSAXAAFADEED Moqdisho May 3, 2012:(Somaligov Portal News): Golaha Wasiirada Dowladda Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid shirkoodii caadiga ahaa iyadoo shirkani uu guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, waxaana shirkan looga dhagaystay warbixino Gudiyo loo xilsaaray shirka ay isgu imaanayaan hogaamiyayaasha dhaqanka kaas oo lagu wado inuu si rasmi ah u furmo 05-05-2012.

Gudiyada loo xilsaaray isku duba ridka shirka odayaasha dhaqanka waxay kala yihiin:

1.    Gudiga Logistikada

2.    Gudiga Hab maamuuska (Protocol).

3.    Gudiga Wacyi Galinta

4.    Gudiga Amniga

Ugu horeyntii shirka waxaa looga dhegeystay warbixin Gudiga Logistikada iyagoo ku nuux-nuuxsaday inay qabteen howl baaxad weyn, waxayan shegeen inay diyaariyeen dhamaan agabkii loo baahnaa sida guryihii ladajin lahaa Hogaamiyayaasha dhaqanka, Gawaaridii ay isticmaali lahaayeen iyo diyaarinta hoolkii shirku kadhici lahaa, waxayna gudigu tilmaameen in dhamaan tasiilaadkii loo baahnaa ay soo dhamaystireen shirkuna xiligii loo cayimay uu qabsoomayo.

Gudiga Habmaamuuska (Protocol) ayaa sheegay inay si wanaagsan u soo dhaweeyeen Hogaamiyayaasha Dhaqanka kuwaas qaarkood 02-05-2012 kasoo dagay Garoonka Diyaaradaha Aden Cade iyagoo kasoo socdaalay qayba kamid ah Gobolada Dalka waxayna gudigu  usameeyeen aqoonsiyo ay uga qayb galayaan shirka.

Sidoo kale waxaa madasha kahadaly Gudiga wacyi galinta waxayana sheegeen inay usameeyeen tasiilaad dhamaystiran Saxaafada, Hobolada iyo Bahda Suugaanta kuwaas oo kaalin mug leh kaqaadanaya xaflada furitaanka shirka.

Gudiga Amniga ayaa iyana sheegay inay caasimada Muqdisho amaankeeda wax badan kaqabteen gaar ahaana goobta shirku kadhacayo si aad ah loo adkeeyey amnigeeda iyadoo iska kaashanayaan arimaha nabadgalyada Hay’adha kala duwan ee dowladda.

Ugu danbeyntii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa uga mahad celiyey wax qabadka ay muujiyeen gudiyada kala duwan waxaana uu sheegay in kulamo uu laqaatay maalmihii lasoo dhaafay Bulshada qaybaheeda kala duwan ay balan qaadeen inay qayb weyn kaqaadanayaan shirka Hogaamiyayaasha Dhaqanka waxaana ay sheegeen inay ku dhiiri galindoonaan Odayaasha Dhaqanku inay soo xulaan ergada ansixinta tastuurka dad karti leh.

Moqdisho May 3, 2012:(Somaligov Portal News): Qaar ka mid  ah ciidamada booliska dowladda KMG Soomaaliya ayaa saakay gudaha u galay oo is hortaag ku sameeyay shir la filayay in saakay hoteelka Saxafi ay ku yeesheen odayaal, siyaasiyiin, waxgarad, aqoonyahano iyo xildhibaano  ka tirsan Barlamanka KMG Soomaaliya.

Ciidamada ayaa ku amray maamulka Hoteelka in aan wax shir ah lagu qaban karin hoteelka, taasi oo keentay in uu hakad galo qorshihii shirka lagu qaban  lahaa, sida idaacada Shabelle ay u sheegeen qaar ka mid ah odayaashii kulanka ku balansanaa, kuwaasi oo intaasi raaciyay in ciidamada boliiska ay diideen in shirka uu ka dhaco hoteelka.

Wararka qaar ayaa sheegay in shirkaani uu daba socday shirar maalmihii u dambeeyay ka dhacayay magaalada Muqdisho, kaasi oo looga soo horjeeday ansixinta qabyo qoraaleedka  Dastuurka oo xukuumada KMG Soomaaliya ay dooneyso in la ansixiyo.

Talaabada ciidamada Booliska dowladda KMG Soomaaliya ay ku hor istaageen shirkaani ayaa imaaneysa xili amar ka  soo baxay wasaarada arimaha gudaha xukuumada KMG lagu mamnuucay in magaalada Muqdisho ay ka dhacaan shirar aysan ka warqabin dowladda KMG  Soomaaliya.

Majirto ilaa iyo hadda wax war ah oo kasoo baxay masuuliyiintii kulankaasi qaban qaabineysay iyo taliska
 ciidamada booliska dowladda KMG Soomaaliya ee maanta gudaha u galay  hoteelka saxafi ee Magaalada Muqdisho.


Moqdisho May 3, 2012:(Somaligov Portal News): Wasaarada arimaha gudaha iyo amniga  qaranka ayaa sheegtay in aan Magaalada Muqdisho lagu qaban karin shir  aysan ka warqabin dowladda KMG, iyadoo dhinaca kale sheegtay in ay wax
ka qabaneyso amni darida ka jirta Magaalada Muqdisho.

Wasiirka arimaha gudaha iyo Amniga Qaranka Xukuumada KMG Soomaaliya Cabdi Samad Macalin Max’uud oo wareysi dhinacyo badan taabanayay siiyay Idaacada Shabelle ayaa waxa uu sheegay in wasaarada arimaha gudaha iyo amniga qaranka aysan ogolaan doonin shirar aysan ka warqabin dowladda ooka dhaca Magaalada Muqdisho.

C/samad waxa uu sheegay in loo baahanyahay shirarka ka dhacaya Magaalada Muqdisho in lagu soo wargaliyo Wasaarada arimaha gudaha si looxaqiijiyo amaankooda, waxaana uu carabka ku dhuftay in aan la aqbali karin in magaalada ay ka dhacaan shirar aysan ka war heyn wasaarada.

“ Waxaad la socotaan in hadda ka hor wasaarada arimha gudaha ay soo saartay amar kaasi oo ku saabsanaa in wax shirar ah oo aysan ka warheyn wasaarada lagu qabto magaalada, taas micnaheeda ma’ahan in dadkaxoriyadooda loo diidanyahay balse waad ogtihiin in wasaarada looga
 baahanyahay in ay amnigooda ilaaliso dadkaasi” ayuu yiri Wasiirka amniga.

Wasiirka arimaha gudaha oo Shabelle ay wax ka weydiisay qaraxyada iyo falalka amni dari ee ka dhacaya Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegayin dowladda KMG Soomaaliya marar badan ay fashilisay qaraxyo Al Shabaabay doonayeen in ay ka fuliyaan magaalada Muqdisho, isagoo intaasi ku
daray in dowladda KMG ay wado qorshayaal ay kaga hortageyso falalkaasi

Ugu dambeyntii Wareysiga C/samad ee Shabelle ayaa waxa uu ku sioo hadal qaaday qarax ismiidaamin ah oo lagu dilay xildhibaano ka tirsan Barlamanka KMG Soomaaliya oo ka dhacay degmada Dhuusamareeb ee gobolka  Galgaduud, isagoo sheegay in dowladda KMG gurmad ay u fidisay dadkii ku  dhaawacmay weerarkaasi.


Nairobi :
May 3, 2012:(Somaligov Portal News): Madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki ayaa ugu
baaqay beesha caalamka in ay gacan ku siiso sidii dib loogu celin lahaa
qaxootiga Soomaalida ah ee kujira xeryaha dalkaasi Kenya.

Kibaaki ayaa tilmaamay in hadda gobolo badan Al Shabaab laga xoreeyay
amaankiina uu dib ugu soo laabtay  sidaa daraadeed ay suuragal tahay in
dib loo celiyo qaxootiga Soomaalida ah ee kusugan xeryaha Dhadhaab ee
dalka Kenya.


Madaxweyne Kibaki ayaa sigaar ah ugu baaqay hey’adda (UNHCR) ee
Qaramada Midoobay u qaabislan arimaha qaxootiga in ay gacan kusiiso
qorshahaasi dib loogu celinayo qaxootiga Soomaalida.


Mwai Kibaki ayaa intaa sii raaciyay in hadda Kenya ay martigalisay
qaxooti gaaraya illaa 630.000 oo ku jira xeryaha Dhadhaab kuwaas oo uu
sheegay in Kenya aaney ka haqab tiri Karin baahidooda.


Ugu danbeyn madaxweynaha Kenya ayaa carabka ku dhuftay in ciidamada
midowga Africa ee Kenyana ay qaybta ka tahay ay suura galiyeen in ay dib
ugu soo celiyaan gacanta DKMG deegaano badan oo ay maamulayeen Al
Shabaab, isagoo xusay in loo baahanyahay in beesha caalamka iyadoo laga
faa’ideysanayo goboladaasi xasiloon lagu soo celiyo adeegyada
caafimaadka biyaha iyo waxbarashada.

Moqdisho May 3, 2012:(Somaligov Portal News):  Hay’adda
Culimada Soomaaliyeed ayaa wax laga xumaado ku tilmaamtay Hanjabaadaha
is dabajooga ah ee ka soo yeeraya DKMG ee ku socda dadka diidan
ansixinta qabyo qoraaleedka Dastuurka cusub.

Afhayeenka hay’adda Culumda Soomaaliyeed
Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo la hadlay Shabelle ayaa waxa uu si kulul
uga hadlay qabyo qoraaleedka Dastuurka oo inta badan shacabka
Soomaaliyeed ay ka soo horjeedaan, waxaana uu xusay in aan loo dul
qaadan karin hanjabaada ka soo yeeray dowladda ee ku aadan in talaabo
laga qaadi doono cidii ka soo horjeesataa Dastuurka.


Waxa uu hoosta ka xariiqay in marnaba
Culumaa’udiinka Soomaaliyeed aysan aqbali doonin in si awood ah lagu
dhaqan galiyo qabyo qoraaleedka Dastuurka inta ay ku jiraan qodobada
lidka ku ah Shareecada Islaamka


Sheekh Nuur Baaruud Gurxan waxa uu
sheegay in hadafka Culumaa’udiinka Soomaaliyeed aysan aheeyn in ay wax
dumiyaan balse hay’adda Culimadu ay xaq u leedahay in ay shacabka
Soomaaliyeed u ifiso waxyaabaha dhibka u keenaya Diinta, dadka iyo
dalka.


Afhayeenka hay’adda Culimada Soomaaliyeed
waxa uu dhinaca kale cambaareeyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee
dhawaan ka dhacay degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud kaasi oo ay
ku nafwaayeen xildhibaano ka tirsan Barlamanka, waxaana uu carabka ku
dhuftay in Al Shabaab aysan wadin wax diin ah.


New York: May 2, 2012:(Somaligov Portal News): Majer MackHarry oo ka mid ah Saraakiisha xagga tababarka u qaabilsan Wasaaradda Gaashaandhigga ee dalka Maraykanka ayaa waxa uu sheegay in dowladdiisa
ay ka kordhinayso tababarada ay siiso Ciidamada Midowga Afrika AMISOM eehowgallada ka wada Soomaaliya.

 Sarkaalkaani ayaa waxa uu sheegay in  tababarada ay siin jireen Ciidamada AMISOM ay horey xoogga ugu saari
jireen dagaalada ka dhaca Magaalooyinka qaabka loo galo, sida loogu
dagaalamo dhismooyinka, hase ahaatee hadda uu ka badalnaan doono
islamarkaana Ciidamada la bari doono sida loogu dagaalamo dhulka howdka
ah, maadaama ay Al Shabaab ka baxeen Magaalada Muqdisho.


Majer Mack ayaa waxa uu sheegay in
Marayanka u jeedka ugu wayn oo uu ka leeyahay tababarada la siinayo
Ciidamada AMISOM uu yahay in Soomaaliya ay noqoto meel ka caagan waxa uu
ugu yeeray Islaamiyiin Mitid ah.


Maraykanka ayaa ka mid ah dowladaha
daneeya arrimaha Soomaaliya, iyadoo uu mararka qaar ka mid ah qaata
howlgallada loogu soo horjeedo Xarakada Al Shabaab.


Galkacyo May 2, 2012:(Somaligov Portal News): Xukuumadda
KMG Soomaaliya ayaa maanta waxa ay shaqada ka joojisay qaar ka mid ah
Hay’adaha Samafalka ee usoo gurmaday shacabka Soomaaliyeed xilliga ay
abaaraha jireen.

Kaddib Wareegto kasoo baxday Xafiiska
Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda KMG Soomaaliya islamarkaana uu ku
saxiixnaa Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Dr.C/casiis
Sheekh Yuusuf ayaa waxa shaqadii looga joojiyay Hay’adda Gift of the
Givers Foundation oo laga leeyahay dalka Koofur Afrika islamarkaana ka
howlgalaysay Magaalada Muqdisho.


Hay’adda oo la sheegay in Xarumo
Caafimaad ay ka furtay Magaalada Muqdisho ayaa waxa lagu eedeeyay in wax
dib u dhis ah aysan ku sameyn Isbitaalladii lagu wareejiyay markii ay
timid dalka Soomaaliya, waxaana Wasaaradda Caafimaadka ay sheegtay in
Hay’addaani laga wareejiyay, lagana joojiyay shaqada Taariikhdu markii
ay aheyd 28/04/2012-ka.


Wareegtada ayaa lagu sheegay in shaqo
joojintaani ay ogyihiin Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Mudane
Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG ah
C/wali Max’ed Cali Gaas.


Maamulaha guud ee Xafiiska Muqdisho ee
Hay’adda Gift of the Givers Foundation Cabdi Siyaad Cismaan oo
Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho waxaa uu sheegay in
arrintaani ay saameyn wayn ku yeelanayso shacabka Soomaaliyeed oo ay u
fidinayeen adeegyada Caafimaad, isagoo carabka ku dhuftay in Hay’adda ay
ka fiirsanayso inay kasii shaqeyso gudaha wadanka Soomaaliya.


Ugu dambeyn Maamulaha ayaa sheegay in
Hay’adda dhamaan qalabkii u yaallay Isbitaallada Muqdisho ay kasoo
raratay, waxaana Madaxda Hay’addaasi Wasaaradda Caafimaadka ay ku
eedeeyeen in lacago ay ka qaadatay Hay’ad kale oo laga leeyahay dalka
Imaaraadka Carabta si ay booska ugu wareejiso.

Galkacyo May 2, 2012:(Somaligov Portal News): Gaalkacyo: (Sh. M. Network)  Kooxo
hubaysan ayaa Caawa waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka
Mudug waxa ay ku dileen wariye lagu magacaabi Jiray Farxaan Jeemis
Cabdulle oo ka howlgalayay Magaaladaasi.

Sida ay xaqiijinayaan wararka Shabelle
caawa ay ka heleyso Magaaladaasi Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug, rag
hubaysan ayaa Xaafada Garsoor ee Waqooyiga Gaalkacyo gaar ahaan
agagaarka Xarunta gobolka waxa ay ku toogteen Alla ha u naxariistee
Wariye Farxaan Jeemis Cabdulle oo ka howlgalayay Radio Daljir qeybtiisa
Gaalkacyo.


Wariyaha ayaa inta aan la dilin ka hor
waxa ay uu ka soo baxay goobtiisa shaqada, waxaana uu ku sii jeeday
gurigiisa, iyadoo kooxaha hubaysan ay ku dileen agagaarka xarunta
gobolka ee waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.


Kooxihii falkaasi dilka ah geystay ayaa
goobta isaga baxsaday, waxaana mudo goobta iska yaalay meydka wariyaha
inkastoo markii dambe la qaaday, sida Idaacada Shabelle ay u sheegeen
dad goobjoogayaal ah.


Alla ha u naxariistee Wariye Farxaan
Jeemis waxa uu ka tirsanaa qeybta wararka ee Radio Daljir, waxaana uu ka
mid ahaa wariayaasha aadka loo jeclaa ee ka howlgala Magaaladaasi
inkastoo caawa gacan ka xaqdaran ay ku dishay Magaaladaasi.


Sida ku qoran sanduuqa uu ku lahaa
Facebooka waxa uu ka dhashay 21-kii October ee sanadkii 1985 isagoo in
mudo ahna ku soo jiray warbaahinta, waxaana sidoo kale jirta idaacado
kale oo uu ka shaqeeyay.


Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo
waxa ay sheegayaan in aysan jirin wax howlgalo ah oo ciidamada Puntland
ay sameynayaan oo ay ku baadi goobayaan kooxihii gacan ku dhiiglayaasha
ahaa ee falkaasi ka dambeeyay.



Xeer ilaaliyaha guud ee Dowlada KMG ah oo soo saaray Warqad
lagu farayo in la xiro Gudoomiyaha Maxkamada sare ee Dowlada KMG ah AVV.
Ceydiid C/laahi Ilkaxanaf
.


Moqdisho May 2, 2012:(Somaligov Portal News): Warqad ka soo baxday xeer ilaaaliyaha guud ee dowlada KMG ah
Soomaaliya Cali Maxamed Yuusuf (Cali yare) ayaa lagu amray in xabsiga la
soo dhigo Gudoomiyaha Maxkamada sare ee Dowlada KMG ah AVV. Ceydiid
C/laahi Ilkaxanaf.


Xeer ilaaliyaha ayaa ku eedeeyay Gudoomiyaha Maxkamada inuu sharciga
ku xadgudbay islamarkaaana is harci daro ah xabsiga ugu hayo dad uu
lacago baad ah ka rabo.


"Anagaa amarnay in la soo xiro waxaan heynaa cadeymo muujinaya
danbiyada uu galay oo ay ka mid tahay in dad aaney xeer ilaalinta soo
gudbin iyo boliiska inuu ku hayo xabsiga isagoo hadba kii uu lacag ka
qaato sii deynaya"ayuu yiri xeer ilaaliye Cali yare


Mas'uulkaani u sareeya Xeer ilaalinta ayaa ku nuux nuuxdsaday in
maxkamada sare aaney shaqo ku laheyn inay dad danbi ku soo oogto balse
ujeedka gudoomiyaha Maxkamada ay tahay mid dhaqaale uun uu ku doonayo
isagoo sidaa ugu tumanaya sharciga dowlada.


Gudoomiyaha Maxkamada sare Ilkaxanaf ayaa dalka dibada kaga maqan
waxaana uu xeer ilaaliyuhu carabku ku dhuftay in garoonka diyaaradaha
askartu ku sugi doonaan halkaasna laga qaban doono kadibna xabsi loo
taxaabi doono.


Guud ahaan cadeymaha dacwooyinka loo haysto Gudoomiyaha maxkamada
ayuu xeer ilaaliyuhu sheegay inuu soo bandhigi doono marka gudoomiyaha
maxkamad la soo taago.











DhuusamareebMay 2, 2012:(Somaligov Portal News):Shirka ahlu suna ee ka socoda magaalada Dh/Mareeb ayaa lagy wadaa in maanta la soo gabagabeeyo.


shirweynihii
u socday mudada labada maalin ah ahlu sunna magaalda dhuusamareeb ayaa
lagu wadaa in sacadaha soo socda la soo gabagabeeyo iyadoo looga hadlay
qodobo badan inta uu socday shiirkaas.
Gudoomiya
Galaha fulinta ee Ahlu sunna Sheekh Max,ed Yusuf  Xeyfow oo shirka ka
hadlay ayaa waxa uu sheegay mar xaladaha uu soo maray ahlu sunna iyo
dagaaladii dhax maray Ahlu sunna iyo Al shabaab waxaana u sheegay in
goobo muhiim ah ay kal wareegeen Al shabaab
Kulankan aya lagu wadaa in maanta uu soo gabagaboowo iyadoo an la ogeyn qodobada sida rasmiga ah looga soo sari dono


DhuusamareebMay 2, 2012:(Somaligov Portal News): Wararkii
ugu dambeeyay ee ka imaanaya Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta gobolka
Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in uu sii kordhayo qasaaraha ka
dhashay qaraxii shalay ka dhacay Magaaladaasi.

Dadkii ku dhaawacmay qaraxaasi oo isugu
jiray Mas’uuliyiin ka tirsan DKMG, siyaasiyiin iyo waxgarad ayaa la kala
dhigay Xarumo Caafimaad oo ku yaalla Magaalada Dhuusamareeb iyo waliba
Guriceel kuwaasi oo qaarkood Xaaladoodu Caafimaad laga deerinayo.


Wararka ayaa sheegaya in maanta la filayo
in Isbitaalladaasi laga qaado dadkii ku dhaawacmay qaraxasi oo ay ku
jiraan Mas’uuliyiin, waxaana la tilmaamay in qaraxii shalay ay ku
dhinteen 8-ruux inka badan 30-kalena ay ku dhaawacmeen.


Xildhibaan Xasan Keynaan oo ka mid ah
barlamanka KMG ah, dhaawac fududna uu kasoo gaaray qaraxaasi ayaa u
sheegay Idaacadda Shabelle in xalaadu shalay ay noqotay mid cakarin
markii uu dhacay qaraxa, waxaana uu tilmaamay in halkaasi ay ku
waxyeeloobeen Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo siyaasiyiin.


Al Shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda
weerarkaasi oo ay tilmaameen inay ku dileen Saraakiil badan sida uu
Warbaahinta u cadeeyay Sheekh Cali Max’ud Raage (Cali dheere).


Muqdisho:


May 2, 2012:(Somaligov Portal News): Gudoomiye ku
xigeenka guddiga difaaca barlamanka KMG Soomaaliya Xildhibaan Salaad
Cali Jeelle oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in
qaraxii shalay ka dhacay Magaalada Dhuusamarabeen uu ahaa mid ay ka
dambeyso Xukuumadda KMG Soomaaliya.

Xildhibaan Salaad ayaa waxa uu sheegay in
Xukuumadda kMG ah maalmihii u dambeeyay ay wadday waxa uu ku sheegay
hagar daamo ay ku kala kaceysay Xidlhibaanada barlamanka, isagoo sheegay
in dilka Xildhibaanada barlamanka uu yahay mid siyaasadeed oo ay
cambaareynayaan, wuxuuna ugu baaqay beesha Caalamka in arrimahaani ay
faraha lasoo galaan.


Salaad Cali Jeelle ayaa waxa uu sidoo
kale sheegay in waxyaabaha soconaya ay xilligaani ay yihiin wax uu ku
tilmaamay dil kana aamus sida uu hadalka u dhigay, taasina aan loo dul
qaadan doonin.


9-ruux ayaa ku geeriyootay in ka badan
30-kalena dhaawac ayaa kasoo gaaray qarax shalay ka dhacay Magaalada
Dhuusamareeb ee Xarunta gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.


Muqdisho:

May 2, 2012:(Somaligov Portal News): Xildhibaano
iyo siyaasiyiin ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay si cad ugu soo
horjeesteen hadalkii kasoo baxay QM, Midowga Afrika iyo Urur goboleedka
IGAD kaasi oo ku addanaa inay jiraan dad caqabad ku ah arrimaha
Roadmap-ka iyo Dastuurka loo sameynayo dalka Soomaaliya.

Xildhibaanad Caasha Axmed Cabdalla oo ka
mid ah barlamanka oo ka jawabay hadalkaasi aya waxa ay sheegtay in QM,
IGAD iyo Midowga afrika aysan nabad u rabin Soomaliya, iyadoo tilmaamay
inay doonayaan in dalka Soomaaliya uu ku jiro colaad iyo burbur.


Caasha Axmed ayaa waxa ay sheegtay in
Soomaaliya marna aysan gali doonin gumeysi cusub oo ay galiyaan
dowladaha aan dooneyn Maslaxadda Soomaailya, iyadoo xustay in shacabka
Soomaaliyeed ay kasoo horjedaan dhibaatooyinka lala doonayo Soomaaliya
sida ay hadalka u dhigatay.


Sidoo kale Xildhibaan C/fitaax Ibraahim
Rashiid oo isna ka mid ah barlamanka ayaa waxa uu sheegay in Roadmap-ka
iyo Dastuurka aan la horkeenin barlamanka, islamarkaana barlamanka  uu
xaq u leeyahay in uu ansixiyo ama uu kasoo horjeesto sharciyada la
horkeeno barlamanka.


Siyaasiga Max’ud Cumar Afeey ayaa waxa uu
isna dhankiisa wax lala yaabo ku tilmaamay Dastuur ay wataan dad dano
gaar ah ka leh Soomaaliya, wuxuuna  ugu baaqay shacabka inay ka tashtaan
Aayahoodu oo aysan marna ansixin Dastuurka lagu qaldayo.


Muqdisho:
May 1, 2012:(Somaligov Portal News): Ra’iisul wasaaraha Xukuumada KMG
Soomaaliya Cabdi wali Max’ed Cali Gaas oo wareysi siinayay Idaacada
BBC-da wax yar uun kadib markii qarax ismiidaamin ah uu gil gilay goob
ay kusugnaayeen xildhibaano, waxgarad iyo siyaasiyiin oo kutaala degmada
Dhuusamareeb ayaa waxa uu sheegay in ay si kulul u cambaareynayaan
falkaasi oo uu ku tilmaamay in uu yahay mid argagixiso ah oo ay fuliyeen
Al qaacida.

Cabdi wali Max’ed Cali Gaas ayaa waxa uu sheegay in ay tacsi u
dirayaan masuuliyiintii ku waxyeelowday, qaraxaasi oo uu sheegay in ay
ku howlanaayeen dib u heshiisiin iyo isu keenid ay ka dhex wadeen
shacabka ku dhaqan gobolada dhexe ee bartamaha Soomaaliya.


R/wasaare Gaas ayaa farta ku goday in kooxo uu ugu yeeray in ay
yihiin nabadiid markas oo looga adkaado goobaha dagaalada in ay fuliyaan
falal argagixisanimo oo ay ku dhibaateynayaan dadka wax galka u ah
bulshada Soomaaliyeed.


R/wasaare Cabdi wali Max’ed Gaas ayaa waxa uu sheegay in dowladda ay
dagaal kula jirtay kooxahaasi, islamarkaana ay ka go’antahay in dadka
iyo dalkaba ay ka bad baadiyeen dhibaatooyinka ay ku hayaan.


Ugu dambeyn R/weasaare C/wali Max’ed Cali Gaas ayaa waxa uu shaaca ka
qaaday in dowladda KMG aysan u hakan doonin falalka argagixiso ee
nuucaan oo kale ah hase ahaatee ay go’antahay in nabad waarta ay ka
dhaliyaan dalka Soomaaliya si loo soo celiyo kala dambeyntii iyo
xasiloonadii dalka Soomaaliya.

Addis Ababa: May 1, 2012:(Somaligov Portal News): War ay si wada jir ah u soo saareen
Qaramada Midoobay, Midowga Africa iyo urur goboleedka IGAD ayaa loogu
digay dadka carqalada ku ah geedi socodka Nabadda Soomaaliya ee
Roadmap-ka kaas oo uu horboodayo wakiilka gaarka ah ee Qaramda Midoobay
Soomaaliya u qaabisan ee Mahiga.

War saxaafadeedka waxaa lagu sheegay in si weyn looga walaacsan yahay
qorshayaasha lagu doonayo in la daciifiyo hirgalinta Roadmap-ka oo ay
saxiixeen hogaamiyaasha Soomaalida.


“Roadmap-ku waxa uu ku socdaa in uu qatar u galo talaabooyin ay
qaadayaan Shaqsiyaad iyo kooxo gudaha iyo dibada Soomaaliya jooga kuwaas
oo ka shaqeeynaya dhaciifinta hormarada bilihii dhawaa la gaarayay”
ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Qaramada Midoobay, Midowga Africa iyo
urur goboleedka IGAD.


War murtiyeedkan ayaa sidoo kale lagu sheegay in Soomaaliya ay
heysato fursadii ugu wanaagsaneeyn ee mudo 20-sano ah kadib ay hesho
taas oo loo baahanyahay in loo dhaafo mira dhalkeeda.


Qaramada Midoobay, Midowga Africa iyo urur goboleedka IGAD ayaa
warkooda ku sheegay intani ay tahay digniin iyo fursadii u danbeeysay oo
ay heeystaan dadka ka soo horjeeda Nabadda iyo Xasiloonida Soomaaliya.


Majirto cid ama koox magacyadooda la xusay kuwaas oo loogu eedeeynayo
arinkaan hase ahaatee sadaxada urur waxa ay carabka ku adkeeyeen in
hadii ay sii socdaan arimaani ay qaadan doonaan tilaabo adag.


Hogaamiyayaasha Soomaalida ayaa bishii September isku raacay
sameeynta dowladda Soomaaliyeed bisha August taas oo badali doonta
dowladda KMG ah ee hada dalka ka jirta.

Sanca : April 30, 2012:(Somaligov Portal News): Qunsulka
Soomaaliya u fadhiya dalka Yemen Xuseen Xaaji Axmed oo la hadlay
Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay Muwaadiniin Soomaali ah  oo
gaaraya labo ruux lagu  dilay gobolada Abyan iyo Ticis, isagoo tilmaamay
inay jiraan dad kale oo ku dhibaateysan dalkaasi.

Xuseen Xaaji Axmed ayaa waxa uu sheegay
in dalka Yemen ay ku sugan yihiin Soomaali farabadan oo halkaasi ku
haysata dhibaatooyin kala duwan, wuxuuna ugu baaqay dhalinyarada Tahriib
doonka ah inay ka waantoobaan.


Sido kale Qunsulka ayaa waxa uu sheegay
in in Xadka u dhaxeeya dalalka Yemen iyo Sacuudiga ay ku sugan yihiin
Muwaadiniin badan oo donaya inay u tallaabaan dalka Sacuudiga, isagoo
sheegay in dhibaatooyin kala duwan ay u maraan Tahriibkaasi.


Badda u dhaxeya Yemen iyo Soomaaliya ayaa
waxaa ku maqan Soomaali badan oo doonayay inay u tahriibaan dalka
Sacuudiga iyagoo ka cararay dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya.

Muqdisho :
April 30, 2012:(Somaligov Portal News): Gudoomiyaha
dowladda KMG Soomaaliya ee degmada Hodan Cabdi Max’ud Warsame Dhabaney
oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay inay gacanta ku
dhigeen dad la tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen qaraxii habeen ka hor
ka dhacay Nawaaxiga Tarbuunka ee Magaalada Muqdisho.

Cabdi Max’ud Dhabaneey ayaa waxa uu
tilmaamay in baaritaanno lagu sameynayo dadka la tuhunsan yahay inay ku
lug leeyihiin qaraxaasi, islamarkaana ay cadaaladda horkeeni doonaan
hadii lagu helayo dambiyo, isagoo carabka ku adkeeyay inay sii socon
doonaan howlgallada lagu xaqiijinayo amamanka degmadaasi.


Sidoo kale gudoomiyaha ayaa waxa uu
sheegay inay qorsheynayaan in tallaabo cad ay ka qaadaan Kooxaha
dhibaateynaya dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan, isagoo shaaca ka
qaaday in ammaanka degmada ay kala shaqeynayaan shacabka ku nool
halkaasi.


Habeen ka hor ayay aheyd markii uu qarax
ka dhacay Shaleemo ku taalla Nawaaxiga Tarbuunka ay ku dhinteen 4-qof
islamarkaana ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 10-kale kuwaasi oo la sheegay
inay ahaayeen dad rayid ah, iyadoo Mas’uuliyadda qaraxaasi ay sheegteen
Al Shabaab oo tilmaamay inay ku dileen Saraakiil ka tirsan Ciidamada
DKMG Soomaaliya.

Muqdisho : April 30, 2012:(Somaligov Portal News): Xilli
Warbaahinta Muqisho qaarkood ay baahiyeen warar ku aaddan in Taliyaha
Ciidamada AMISOM Fred Mugisha uu si rasmi ah xilkiisa ugu wareejiyay
Taliyaha cusub ee loo soo magacaabay Ciidamada AMISOM ayaa waxa
arrintaasi gaashaanka u daruuray been abuurna ku tilmaamay Taliska ugu
sareeya Ciidamada AMISOM.

Afhayeenka Ciidamada AMISOM Paddy Ankunda
oo waraysi siiyay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu wararkaasi ku
tilmaamay kuwa ku turo ku teyn ah oo ay baahiyeen Warbaahinta qaarkood,
wuxuuna tilmaamay in uu jiro waqti la calaameeyay oo Fred Mugisha xilka
wareejin doono.


“ Wararkaasi waa warar been abuur ah,
dhinaca kale ilaa hadda nama soo gaarin in Taliyaha Ciidamada AMISOM uu
xilkiisa wareejiyay, Fred Mugisha wali waa Taliyaha Ciidamada AMISOM,
Arbacada soo socota ayaa wax uu xilka ku wareejin doonnaa Taliyaha cusub
ee Ciidamada AMISOM Jeneral Andrew Gutti” sidaasi waxa yiri Afhayeenka
AMISOM ee Soomaaliya Paddy Ankunda.


Dhinaca kale Mar Shabelle ay wax ka
waydiisay isku biirtaankii Al-qaacidada Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxa
uu sheegay in arrintaasi aysan aheyn wax cusub, waxaana uu tilmaamay in
Al Shabaab meel kasta oo ay joogaan ay yihin Al Shabaab.


“ Al Shabaab mar hore ayay ku biireen Al
qaacidada mana filayo in arrintaasi ay tahay wax cusub, waxaana ognahay
inay midoobeen, annagana waxaan halkeena kasii wadaynaa howlgalka,
Shabaabka meel kasta oo ay joogaan waa Shabaab, waxaana ay ku xiran
yihiin Al-qaacidda” sidaasi waxa yiri Paddy Ankunda.


Midowga Afrika ayaa dhawaan magacaabay
Taliye cusub oo badala Taliyaha Ciidamada AMISOM ee Fred Mugisha,
waxaana lagu magacaabaa Taliyeyahaasi Andrew Gutti kaasi oo soo gaaray
Magaalada Muqdisho, iyadoo Maalinta Arbacada lagu wado in si rasmi ah uu
ula wareego Xafiiska ugu sareeya ee Taliska Ciidamada AMISOM.


Muqdisho:


Axad April 29, 2012: (Wararka Dowladda ee Soomaaliya):  Jaalliyadda Soomaalida ee Gobalka Minnesota waxay caawo xaflad ku soo dhaweeyeen Wasiiradda Wasaaradda Haweenka Iyo Arrimmaha Qoys Marwo Caasho Geele iyo marti la socdotay, xafladdan waxay ka dhacday Xarunta Al-Nuur Media Center ee ku taalla Minneapolis.

Muqdisho:


Axad April 29, 2012: (Wararka Dowladda ee Soomaaliya):  Jaalliyadda Soomaalida ee Gobalka Minnesota ayaa maanta waxay xaflad weyn oo soo dhaweyn ah u qabteen Safaaradda Turkiga ee dalkan Maraykanka meeshaasoo ay ka soo qaybgeleen madaxda Safaaradda Turkiga iyo Marwo Prof. Hodan Xersi oo ah afada Ra'iisal Wasaare Prof. Cabdiweli Maxamed Cali "Gaas". Xafladdan Waxaan lagu qabtay Xarunta Weyn ee loo yaqaano Minneapolis Convention  Center. Waxaa kale oo ka soo qaybgelay Culimadda iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshadda Soomaaliyeed.

Muqdisho:

Axad April 29, 2012: (Wararka Dowladda ee Soomaaliya):  Iyadoo
muddooyinkii dambe ay soo baxayeen warar sheegaya in Maxaabiista ku xir
xiran Xabsiga dhexe dhibaatooyin loo gaysto ayaa arrintaasi waxaa ka
hadlay Taliyaha Ciidamada Aslbuuta Soomaaliyeed Sareeye Guuto Cabdi
Max’ed Ismaaciil oo la hadlay Idaacadad Shabelle ee Magaalada Muqisho.

Taliyaha ayaa waxa uu arintaasi ku
tilmaamay mid waxba kama jiraan ah, isagoo sheegay in dadkaasi si
wanaagsan loola dhaqmo, waxana uu shaaca ka qaaday in Ehelladooda loo
fasaxay inay soo booqdaan maalin kasta  oo arbaco ah sida uu hadalka u
dhigay.


Taliyaha ayaa waxa uu dhinaca kale
beeniyay tiro Maxaabiis ah oo ka baxsatay Xabsiga dhexe, isagoo sheegay
in taasi aysan jirin, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay jiraan tiro
Maxaabiis ah oo isku dayay inay baxsadaan hase ahatee ay ka hortageen
Ciidamada ilaalada ee Xabsiga.


Arrintaani ayaa waxa ay imaanaysaa xilli
waalidiin Soomaaliyeed oo Caruurtoodu ay ku xiran yihiin Xabsiga dhexe
ee Muqdisho ay sheegeen in Caruurttooda ay haystaan dhibaatooyin kala
duwan, islamarkaana loo diiday inay booqdaan.

Muqdisho: Axad April 29, 2012: (Wararka Dowladda ee Soomaaliya): Gudoomiyaha
dowladda KMG ah ee gobolka Hiiraan C/fitaax Xasan Afrax oo waraysi
siiyay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu cadeeyay in wax Maamul ah oo
hoostaga  Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca uusan ka jirin gobolka
Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in Ahlu Sunna ay
ka mid tahay Ururada ka jira dalka Soomaaliya, islamarkaana Urur uusan
Maamuli karin gobol ka mid ah Soomaaliya, wuxuuna intaasi ku daray in
gobolka Hiiraan ay uu ka taliyo Maamul hoostaga dowladda KMG ah kaasi oo
ay u dhan yihiin shacabka ku dhaqan gobolkaasi.


Sidoo kale gudoomiyaha gobolka Hiiraan
ayaa ka hadlay Wafdi muddooyinkii dambe ku sugnaa      gobolada dhexe ee
dalka Soomaaliya oo muddooyinkii dambe lagu howlanaa Maamul loo
sameynayo halkaasi, wuxuuna beeniyay in WAfdigaasi uusan wax Maamul ah u
sameyn karin gobolada dhexe oo uu ku tilmaamay dad ku dhaqmaya falkii
hogaamiye kooxeedyada.


Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka
Hiiraan ayaa waxa ku sugan Ciidamo ka tirsan dowlada KMG ah iyo kuwa
Ethiopia oo halkaasi ka saaray Ciidamada Al Shabaaboo Maamulayay muddo
saacado ah.



Axad April 29, 2012: (Wararka Dowladda ee Soomaaliya): Dabaylo xoog
leh oo uu watay  Roobab habeen hore ka da’ay deegaanno iyo Tuulooyin ka
tirsan gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sababeen in la waayo inta badan
guryihii ku yaallay Tuulo lagu magacaabo Jiicleey oo hoostagta degmada
Xeraalle ee gobolka Galgaduud.

Illaa 800-boqol oo guri oo ka dhisnaa
Tuulladaasi oo ka sameyna Jiingado ayaa 310- ka mid ah Guryahaasi la
waayay sida Idaacadda Shabelle uu u xaqiijiyay Xuseen Cabdi Cadde oo ah
gudoomiye ku xigeenka Tuulladaasi, isagoo intaasi ku daray guryihii kale
oo uu ku jiray Masaajidkii Tuulladaasi uu soo gaaray burbur xooggan,
islamarkaana aanu jirin guri lagu hoyan karo sida uu hadalka u dhigay.


Gudoomiye ku xigeenka Tuulladaasi ayaa
waxa uu sidoo kale sheegay in 65-ruux oo ku noolaa Tuulladaasi ay ku
dhaawacmeen Dabeylahaasi, iyadoo 10-ka mid ah dhaawacoodu uu liito.


Dadka ku guryo beelay Dabeylihii habeen
hore qaaday Guryihii ku yaallay Tuullada Jiicley ayaa waxa ay yihiin
kuwa aan helin gurmed marka laga reebo boco aan sidaasi u badneyn oo
dadka ku dhaqan deegaannada ku hareereysan Tuulladaasi ay u geeyeen
dadkaasi.


Iyadoo dhowaan dalladda ay ku mideysan yihiin Iskuulada
gaarka loo leeyahay ee Puntland ay sheegtay inay xiriirka u jartay
wasaarada waxbarashada ayaa arintaas waxaa ka hadlay madaxda sare ee
dowladda.


Jimco April 27, 2012: (Wararka Dowladda ee Soomaaliya): Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo
Digreeto xafiiskiisa kasoo baxday arintan kaga hadlay ayaa sheegay in
wax walba oo arimaha waxbarashada khuseeya ay dowladdu mas’uul ka tahay.


Manaahijta waxbarashada, wakhtiyada fasaxa iyo kuwa Imtixaanada la
qaadayo, Shahaadooyinka iyo kormeerada ayuu madaxweynuhu tilmaamay in ay
yihiin mas’uuliyadda dowladda, gaar ahaan wasaaradda arimhaas u
qaabilsan ee waxbarashada.


Hadalka madaxweynaha ayaa imaanay xilli dhowaan wasaaradda
waxbarashadu ay sheegtay in la mideyn doono dhamaan shahaadooyinka iyo
Imtixaanada dugsiyada Puntland arintaas oo ay dugsiyada xubnaha ka ah
dallada kulmisa dugsiyada gaarka loo leeyahay ee PEN si kulul uga
jawaabeen.


Shir mudo dhowr beri ah socdey oo ay magaalada Boosaaso ku yeesheen
ayey xubnaha PEN ayey gaba gabadiisii kasoo saareen go’aan ay si kumeel
gaar ah xiriirka uga jarayaan wasaaradda maadaama amarka kasoo baxay uu
yahay mid aan suurtagal ahayn xiligan.


Arimaha ay sida gaarka ah uga cawdeen ayaa waxaa ka mid ah mideynta
shahaadooyinka oo iyagu hada ah labo: Shahaadaha wasaaradda iyo mida ay
bixiso dallada PEN oo iyada laga aqoonsan yahay dalal badan oo caalamka
ah.


Si kastaba ha ahaatee qorshaha ay dowladu ugu jirto mideynta
manaahijta waxbarasho iyo shahaadooyinka ayaa ah mid inta badan bahda
waxbarashadu ay si diiran usoo dhoweeyeen inkasta oo ay dadka qaar wala

Madaxweynihii hore ee dalka Liberia ayaa maanta lasoo taagey maxkamadda caalamiga ah ee denbiyada dagaalka ee The Hague.

NETHERLAND: Jimco April 27, 2012: (Wararka Dowladda ee Soomaaliya): Charles Taylor oo la qabtay sanadkii 2006 waxaa lagu helay qaar kamid
denbiyada lagu soo eedeeyey, waxaana kamid ah inuu hubeeyey jamhadiii
RUF ee ka dagaalamaysey gudaha dalka Sierra Leone xiligii uu dagaalka
sokeeye ka socdey.


Ujeedada uu Charles Taylor uu arintaas ka lahaa ayey dacwad
oogayaashu sheegeen inay ahayd si uu wax uga helo Daimonka uu dalkaasi
hodonka ku yahay.


Denbiyada kale ee madaxweynihii hore ee Liberia ay dacwad oogayaashu
kusoo oogeen waxaa kamid ahaa: dil, kufsi, dhac iyo argagaxin ka dhacay
dalka Sierra Leone intii u dhexeysey 1991-2002.


Charles Taylor oo xiligan da’diisu tahay 64-jir ayaa qaadiga
maxkamadda denbigiisa qaadeysa oo lagu magacaabo Richard Lussick wuxuu
sheegay in xukunkiisa lagu dhawaaqi doono 16-ka bisha soo socota ee May.


Maxkamadda Caalamiga ah ee denbiyada dagaalka ayaa horay waxaa loo
soo taagey hogaamiyeyaal badan oo gabood fallo bini aadminimada ka dhan
ah ku kacay.


Haseyeeshee ma jiro qof Soomaali ah oo maxkamaddaas la horgeeyey
iyadoo lawada ogsoon yahay in Soomaaliya ay qayb ka tahay wadamada ay ka
dhaceen denbiyada dagaalka ee ugu badan.



Muqdisho: Jimco April 27, 2012: (Wararka Dowladda ee Soomaaliya):  Ku xigeenka
Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya
Ambasador Wafula Wamuyiyi oo la hadlay Saxaafadda ayaa waxa uu ka
warbixiyay halka ay marayaan ololaha la doonayo in lagu ansixiyo
Dastuurkaasi.

Wafula Wamuyiyi ayaa waxa uu sheegay inay
xaadir yihiin 825-tii Oday ee la doonayay inay meel mariyaan Qabyo
qoraalka Dastuurka oo uu sheegay inay ka shaqeyn doonaan Odayaashaasi
sidii ay usoo xuli lahaayeen xildhibaano cusub oo badala kuwa haatan
talada haya, isagoo tilmaamay in Dastuurkaani uu yahay midkii ay
Soomaalida kaga bixi laheyd dhibaatooyinka.


Ku xigeenka Ergayga gaarka ee Midowga
Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay in uu ku rajo wayn
yahay geeddi socodka nabad ka dhalata Soomaaliya oo uu tibaaxay inay
horumarin doonaan Odayaasha, isagoo xusay in shacabka Soomaaliyeed looga
baahan yahay inay ka shaqeeyaan nabadda oo uu tibaaxay in laga soo
shaqeynayay muddo dheer sida uu hadalka u dhigay.


Howlaha Dastuur u sameynta dalka
Soomaaliya ayaa xusid mudan inay kasoo horjeedaan Odayaasha dhaqanka,
Siyaasiyiin, Madax ka tirsan DKMG ah, Xildhibaano iyo waliba qeybaha
kala duwan ee bulshada kuwaasi oo si toos ah u sheegay in Dastuurka
qabyo qoraalka uu ku jiro qodobo si cad ugu horimaanaya Shareecada
Islaamka.


Muqdisho: Jimco April 27, 2012: (Wararka Dowladda ee Soomaaliya): Ergayga gaarka ee Midwoga Afrika u
qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ambassador Boubacar Gaoussou Diarra oo
waraysi gaar ah siiyay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in
Ciidamada Midowga Afrika AMISOM howlgalkoodu ay gaarsiin doonaan dhamaan
gobolada ay gacanta ku hayaan Xarakada Al Shabaab.

Boubacar ayaa waxaa uu amaanaya Guulihii
dhawaan ay Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ka gaareen dagaaladii ay
Al Shabaab kaga saareen deegaanno ka baxsan Magaalada Muqdisho, waxaan
uu carabka ku dhuftay in howlgalladaasi ay ahaan doonaan kuwa sii socda.


“Waxaan kaliya sugaynaa in lasoo
dhameystiro tirada guud ee Ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya,
waxaana dhawaan aan rajaynaynaa inay nasoo gaaraan Ciidamada AMISOM ee
ka socda dalka Sierra Leone kuwaasi oo qeyb ka noqonaya howlgalkeena”
sidaasi waxa yiri Ambassador Boubacar Gaoussou Diarra Ergayga gaarka ee
Midowga Afrika u qaabilsan arrimaah Soomaaliya.


Dhawaan ayaa Saraakiil ka socota wadanka
Sierra Leone waxa ay gaareen qeybo ka mid ah gobolada Koofureed ee dalka
Soomaaliya, iyagoo waliba indha indheynayay xaaladaha goboladaasi iyo
qaabka ay u wajihi lahaayeen.

Isbahaysiga Nabadda oo sheegay in Dastuurka laga soo abaabulay deegaanada Puntland Shabelle Media Network
April 25, 2012










Muqdisho: Talaado April 24, 2012: (Wararka Dowladda ee Soomaaliya): C/laahi
Sheekh Xasan, gudoomiyaha Isbahaysiga Nabadda Soomaaliyeed, Ahna
Musharaxa Madaxweynenimo ee Soomaaliya oo waraysi siiyay Idaacadda
Shabelle ayaa waxa uu ka hadlay qabyo qoraalka Dastuurka la filayo in
lasoo gaba gabeeyo dhamaadka bishan.


C/laahi Sheekh Xasan ayaa sheegay in
dhaliilay Dastuurka oo uu tilmaamay in laga soo min guuriyay deegaannada
uu ka taliyo Madaxweynaha Maamulka Puntland, wuxuuna intaasi ku daray
in Dastuurkaasi uusan aheyn mid ka turjumaya Maslaxadda Soomaaliyeed.


Sidoo kale gudoomiyaha Isbahaysiga
Nabadda ayaa sheegay in haddii la isku dayo in la ansixiyo Dastuurka
cusub, iyadoo aan loo ogeyn dhinaca sharciga ay ka dhalan karto cawaaqib
xumo iyo dhibaato hor leh oo soo wajahda Soomaaliya, maadamaa inta
badan dadka Soomaaliyeed aysan ogoleyn Dastuurkaani oo ay kusoo
heshiiyeen dad gaar ah sida uu hadalka u dhigay.


Dabayaaqada bishan ayaa lagu wadaa in
Magaalada Muqdisho lagu ansixiyo qabyo qoraalka Dastuurka Soomaaliya,
taasi oo dad badan oo Soomaaliyeed ay kasoo horjeesteen.

Muqdisho: Talaado April 24, 2012: (Wararka Dowladda ee Soomaaliya): Kullan ballaaran oo ay maanta Magaalada
Muqdisho ku yeesheen Waxgaradka, Nabadoonnada, Culumaa’udiinka iyo
Haweenka Beesha Jiiddo ayaa waxa ay soo saareen Warsaxaafadeed ay ku
cadeynayaan in Suldaanka Beeshaasi uu yahay Suldaan Xasan Suldaan
Caliyow Suldaan Ibroow.

Warsaxaafadeedka ayaa waxa lagu sheegay in Warqad qoraal ah loo
gudbiyay Madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha iyo gudoomiyaha barlamanka
kaasi oo ku aaddan in Xildhibaano ka tirsan barlamanka Soomaaliya ay
doonayaan in si awood ah ay ku maquuniyaan dhaqankii soo jireenka ahaa
ee beeshaasi, iyagoo Xildhibaanadaasi ku eedeeyay in Beesha iyagu ay u
sameeyeen Suldaan ay doorteen kaasi oo ay ku ballameen in uu soo xulo
Xildhibaanada beeshaasi ay yeelanayso Xilliga Kalaguurka kaddib.


Wakiilka Suldaanka Beesha Jiiddo Cumar Xuseen Caliyow Ibrow oo la
hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxaa uu sheegay in Madaxda qaranka ay u
bidhaamiyeen in la doonayo in la afduubto dhaqanka rasmiga ah ee Beesha
Jiiddo, isagoo uga digay Madaxda DKMG inaysan ku qaldamin dad aan ka
turjumeyn rabitaanka beeshaasi.


Dhinaca kale Warsaxaafadeedka ayaa loogu baaqay Qaramada Midoobay iyo
Beesha Caalamka inaysan ku qaldamin dad Beeshaasi ka leh dano gaar ah,
wuxuuna carabka ku dhuftay in Dikumintiyo cad ay beeshaasi ka hayso
Wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda Soomaaliya.




 



XAFIISKA GOLAHA SHACABKA SOOMAALIYEED


OFFICE OF THE SOMALI PARLIAMENT



Muqdisho: Talaado April 24, 2012: (Wararka Dowladda ee Soomaaliya): Madoobe Nuunow: "Madaxweyaha Dowladda KMG ah ee Soomaaliya wuxuu la safan yahay mid ka mid ah labada garab ee uu u qaybsan yahay baarlamaanka Soomaaliya"


Xildhibaan Mudane Madoobe Nuunow Max'ed oo guddoomiye u ah mid ka mid ah garabyada baarlamaanka Soomaaliya ayaa keligii is weydiiyay cida garsoori doonta baarlamaanka is haya, isagoo sheegay in Madaxweynhii garsoorka laga sugaayay uu la saftay labada garab mid ka mid ah.


"Madaxweyaha Dowladda KMG ah ee Soomaaliya wuxuu la safan yahay mid ka mid ah labada garab ee uu u qaybsan yahay baarlamaanka Soomaaliya" ayuu yiri Madoobe Nuunow .


Muadane Nuunow waxa uu sheegay in Gudoomiyaha Baarlamaanka uu har iyo habeen joogo guriga Madaxweynaha, wuxuuna ka mid yahay Gudiga amniga, isagoo sidoo kale sheegay Nuunow inuu talada dalka kala tashto Shariif Xasan.


Guddoomiyaha garab ka mid ah Baarlamaanka Madoobe Nuunow ayaa sheegay in garabkooda ay ka go'an tahay inay doortaan bishan dhammaadkeeda madaxweyne cusub.


Waxaa uu sheegay Madoobe Nuunow in madaxweynuhu uu u heysto baarlamaanka oo dhan inuu Yahay Shariif Xasan,isagoo carabka ku dhiftay in talada dalka uu ka qaato madaxweynaha Shariif Xasan Sheekh Aadan.


Gudoomiye Nuunow ayaa si kulul uga jawaabay hadal madaxweynaha dowladda KMG ah uu shalay ka jeediyay munaasabad loogu dabaaldegayay aasaaskii ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed, kaasoo uu ku sheegay in aan loo xayirnaan doonin baarlaman laba gudoomiye leh, wuxuuna gudoomiye |Nuunow sheegay in madaxweynaha ay ka sugayeen xaqsoor balse uu u muuqdo mid dhinac u xaglinayo sida uu hadalka u dhigay.







Xafiiska Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya 


Office of the Somali President

Muqdisho: Talaado April 24, 2012: (Wararka Dowladda ee Soomaaliya): Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo khudbad ka jeedinayay Munaasabad lagu xusayay Aas aaskii Ciidanka Xoogga oo shalay ka dhacday Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu digniin u jeediyay Siyaasiyiinta ka madax banaan dowladda KMG ah oo uu xusay inay fowdo ka wadaan dalka.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxa uu sheegay in siyaasiyiinta looga baahan yahay inay joojiyaan Foodada oo ay ugu kacayaan Korsiga haddii si wanaagsan ay ugu qeyb qaataan
siyaasadda Soomaaliya, waxaana uu intaasi ku daray in dowladdiisu marna aysan ogolaaneyn in si foodo ah wax lagu wado.


Madaxweyne Shariif ayaa waxa uu ka hadlay khilaafka ka dhex taagan barlamanka, isagoo sheegay in dowladdiisa aysan u xayirnaaneyn barlamanka uu ku sheegay in uu leeyahay labo gudoomiye. Dadaal badanna oo uu xusay inay ku bixiyeen xalinta khilaafkaasi ay suuro gal noqon waysay, hase ahaatee waxa uu sheegay in haddii barlamanka ay midoobi waayaan oo ay ogolaan waayaan Isbadalka ay ka tashanayaan 825-ta waxgaradka ah ee ansixinaya qabyo qoraalka Dastuurka cusub.


Sheekh Shariif Shekeh Axmed ayaa soo hadal qaaday Dastuurka oo uu ka taagan yahay muranka Xooggan kaasi oo uusheegay Madaxweynaha inay ku jiraan qodobo uusan jecleysan, hase ahaatee dib loo fiirinayo, maadaama uu sheegay in dadka waxgaradka ah ee ansixinaya Dastuurkaasi aysan aheyn dad wax magarato ah.


Qabyo qoraalka Dastuurka cusub oo loo sameynayo dalka Soomaaliya ayaa waxa kasoo horjeeda qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, kuwaasi oo ku tilmamay Dastuurkaasi in uu yahay mid aan ka talineyn Maslaxadda Umadda Soomaaliyeed islamarkaana ay wataan dad ay ku sheegeen inay yihiin Ajinabi oo dalkan u horseedaya burbur iyo dhibaato hor leh.


Muqdisho: Talaado April 24, 2012: (Wararka Dowladda ee Soomaaliya): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa sheegay in aysan ummadda Soomaaliyeed u xayirnaan doonin is qab qabsiga  Barlamaanka Soomaaliya, isagoo sheegay in lagala tashan doono odayaashii horrey u soo xulay, si xal kama dambeys ah looga gaaro.


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay arrimaha siyaasadda dalka gaar ahaan khilaafka Barlamaanka iyo isbadelka loo baahan yahay in uu dalka ka dhaco, waxa uuna sheegay in dowladda Soomaaliyeed ay dadaal ku bixisay sidii looga gudbi lahaa marxaladda KMG ah, maadaama lagu soo jiray muddo Siddeed sannaddood, hadda iyo wixii ka dambeeyayna dalka uu galayo isbadel
buuxa


Madaxweyne Shariif ayaa xusay in marka horre ay wax badan ka qabteen xaaladda amni ee dalka gaar ahaan caasimadda, basle waajibaadka intaasi kaddib saarran uu yahay in ay la yimaadaan isbaddel muuqda oo ay raali ka yihiin ummadda Soomaaliyeed, isagoo soo haddal qaaday in wax walba lagu hoggaamin doono rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.


Sidoo kale waxa uu carrab ku dhuftay in shacabka iyo dowladduna aysan u xayirnaan doonin Barlamaanka Laba guddoomiye leh, isagoo tilmaamay inay isku dayeen xalinta khilaafka ka dhaxeeya Barlamaanka, basle ay u suura galli weysay, madaxweynaha ayaa si cad u sheegay in khilaafkaasi aysan u hakin doonin oo ay go’aan wadajir ah ka gaareen, si dalka  isbaddel horumar leh loo garsiiyo.


“Muqdisho ammaan ayaa laga dhiggay, maxaa xigga? Waxaa xiggi kara waain la gurtaa miraha dadaalka muddada soo socday, sidoo kale Muqdisho waxa ay nasiib u yeellatay in lagu ansixiyo Dastuurka dalka iyo in lagu qabto doorshada madaxda qaranka, arrintaasina ma jirto cid laga baryayowaana waajib in ummadda Soomaaliyeed shafartooda iyo dowladdnimooda loosoo celiyo” ayuu madaxweyne Sheekh Shariif yiri.


Madaxweyana oo haddalkiisa  sii wata ayaa soo haddal qaaday arrimaha Dastuurka, waxa uuna sheegay in Dastuurka tallo uu ku biirrin karo muwaadin kasta oo Soomaali ah, laakin aan la aqballi Karin Dastuurka waanu qaadacnay, isagoo shacabka kula dardaarmay in ay xoojiyaan midnimadooda iyo in ay muddo afartan sanno kaddib  nasiin u yeeshaan in Doorasho xor ah ay caasimadda ka dhacdo.


Muqdisho: Isniin April 23, 2012: (Wararka Dowladda ee Soomaaliya): Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan wax saameyn ah ku yeellan doonin waqtiga kala guurka ah ee uu dalka sii gallayo aminiga, iyadoo wacad ku martay in ammaanka uu noqon doono mid si wanaagsan u sugan, isla markaana ay tallaabo ka qaadi doonto cid walba oo waxyeelleneysa ammaanka.


Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Soomaaliya muddane C/samad Macallin Maxamuud Sheekh Xasan oo la hadlay Warbaahinta qaranka ayaa ka hadlay xilliga kala guurka ah iyo sida ay u suura galli karto in la suggo ammaanka, waxa uuna sheegay wasiirka in aysan u hakin doonin marxaladda kala guurka ah ee dalka uu gallayo, isla markaana ciidammada amniga qaranka ay waajibaadkooda gudan doonin.


Waxa uu xusay in magaalada Muqdisho iyo guud ahaan Soomaaliya ay ka howlgallayaan ciidammada si ay u hantaan sugidda ammaanka, maadaama ay uu socda dadaal ballaaran oo ku aadan in dalka laga saarro marxaladda KMG ah, kaddibna la sii ballaariyo Horumarka dalka ka socda.


“ammaanka caasimadda waxaa loo diyaarriyay qorsho gaar ah, maadaama lagu qaban doono shirarka ansixinta Dastuurka iyo Doorshooyinka madaxda qaranka Soomaaliya, sidaasi darteed lama aqballi karo in amniga ay sameyn ku yeeshaan xaaladdaha siyaasaddeed ee jirta” ayuur yiri wasiirkaArrimaha Gudaha.


Dhinaca kale wasiirka ayaa ugu baaqay  shacabka Soomaaliyeed in ay ciidammada taageerraan isla markaana aan lagu qal qal gallin dhagarta ayAl-Qaacidda damacsan tahay, isagoo wacad ku maray in tallaabo shari ah laga qaadayo cid walba oo waxyeelleynaya amniga caasimadda iyo guud ahaan dalka.


Muqdisho: Isniin April 23, 2012: (Wararka Dowladda ee Soomaaliya): Maxkakamada sare ee dowlada KMG Somalia ayaa ku tilmaantay kuwo ka baxsan sharciga xisbiyada siyaasadeed
iyo maamul goboleedyada faraha badan ee mudooyinkan looga dhawaaqayey qeybo ka mid ah dalka gudihiisa iyo dibediisa.


Gudoomiyaha Maxkamada sare ee dowlada KMG Somalia Avv. Caydiid C/llaahi Ilka-xanaf ayaa sheegay in maamul goboleedyada iyo asxaabta siyaasadeed ee sii kordheysa lagu dhisay qaab ka baxsan sharciga, qaarkoodna ay qabiil ku saleysan yihiin, wax aqoonsi ahna aysan ka heli doonin DKMG Somalia.

“Axdiga KMG ah waxaa uu qorayaa in maamul goboleed buuxa ay noqon karaan labo gobol iyo wixii ka badan sidaa awgeed kuwa hada meelaha la wad wado iney shuruudaas
buuxiyaan iska daayee xitaa uma dhowa, waxaana heynaa hal goobo lama degmooyin yar yar oo leh 10 maamul goboleed, waxaana ka muuqata iney ku dhisan yihiin Fowdo” ayuu intaa ku daray Avv, Ilka-xanaf. Qaabka loo magacaabayo Axsaabta siyaasada waa mid aan sharci ku fadhiyin saxna aheyn, sidaad la socotaan kuwa dalka isu magacaabay iyo kuwa dibadaba
lama aqoonsanayo, kamana qeyb galayaan doorashoyinka soo socda ee hogaanka dalka loogu tartamayo" ayuu yiri Avv Ceydiid Ilka-xanaf.


Hase ahaatee waxaa arintaas ka soo horjeestay qaarka mid ah axsaabta ka jirta dalka, iyadoo gudoomiyaha  isbaheysiga nabada Soomaaliyed C/llaahi Shiikh Xasan  oo arintaas ka jawaabeyna uu sheegay in axdiga KMG ah uu sheegayo in muwaadin kasta oo soomaali ah oo isku soo taagi karo xilalka dalka, wuxuuna xusay in arintaas aan waxba laga weydiineynin maxkamada sare, lagana gudbay xiligii amar taagleynta sida uu yiri.

Muqdisho: Isniin April 23, 2012: (Wararka Dowladda ee Soomaaliya): Sannad guurrada ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo sannadkan ka baddelnaan doonta sannadihii horre, sababta maxay tahay? Sannadkanse maxaa laga filan karaa oo isbaddel ah ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed jiritaankooda.

Sannadihii aynu soo dhaafnay, sannad guurrada ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed waxay u dhacday siyaabo kala duwan, sannadkaanse waxaa ka muuqanaya isbaddello xooggan, kuwaasi oo dhammaantood ku xardhan guullo ay ummadda Soomaaliyeed u riyaaqday.


Ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed marka laga hadlayo waxa ay ka baddellan yihiin guud ahaan ciidammada Soomaaliya, hasa yeeshee Sababtaasi maxey tahay? Ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed magacooda ha raagge, waxa ay sumcad iyo sharaf aan la illaabi Karin ku leeyihiin Qaaradda Afrika iyo guud ahaan caalamka, calaamadaha taariikhiga ah ee ciidammada Xoogga lagu xasuusto, waxaa ka mid ah.


Markii dhidibada loo taagay ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed 12-kii April sannadkii  1960-kii, iyaga oo ka kooban 27 sargaal ayeey wax ka yar Shan sannadood ku gaareen ciidan dhammeystirsan oo dalka dhanDifaaciisa u diyaarsan.


Marka aad xuurraansato raggii waayo joogga u ahaa dhismaha iyo awooddii ay lahaayeen ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed, sida S/Guud Maxamed Cali Samatar, waxa ay xaqiijiyeen dadaalka iyo waqtiga ku baxay xoojinta iyo Tayenta ciidammada Xoogga in ay ahayd mid ay u dhammaayeen guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.


Xulashada Askariga Xoogga ku biirraya waxa lagu xulan jiray astaan Waddaniyaddeed, taasi oo raali gallin jirtay mariiska ummadda Soomaaliyeed, haddii aan intaasi uga guddubno, isbaddelka 21 sanno kaddib ka muuqda ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo waxa laga filan karo sannadha soo aadan.


Marka laga hadlayo sannad guurrada 52-aad ee ku beeggan  12-ka April hasa yaashee aan maanta u dabaal daggeyno,  waxa ay ka baddelnaan doontaa waayihii horre loo soo dhaafay, taasi oo ay sabab u tahay Laba arrimood oo muhiim ah, sida dhismaha ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo isbaddel xooggan uu ku yimid, haddana sii hiigsaya,
sidoo kale guullo ay hoggaanka u hayaan ciidammada Xoogga dalka oo ay shacabka Soomaaliyeed ku mushaaxayaan.


Diyaarinta guullahaasi iyo dhismaha ciidammada Xoogga dalka Soomaaliya ee hadda jira, saraakiil iyo shacabka Soomaaliyeed ee dalka iyo dibedda ayaa uga mahad celiyay madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed, oo ay ku tilmaameen mid ka mid ah Abaayaashii soo maray ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed.


Tan iyo markii uu madaxweynaha Jamhuuriyadda la wareegay tallada hooggaanka dalka, waxa uu ku dhiirraday soo celinta iyo dhismaha ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo guud ahaan ciidammada Qalabka Sida, waxaana arrintaasi ay dhallisay  in maanta aan leenahay ciidammadakala duwan, isla markaana sannadaha soo socda looga fadhiyo in ay dib u hantaan kaalintooda ama astaamihii ay ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed  lahaayeen, waxaana ku soo gabagabeynayaa Hambalyo diiran oo aan si wadajir ah uga direyno ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed.





Xafiiska Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya 


Office of the Somali President

Muqdisho: Axad April 22, 2012: (Wararka Dowladda ee Soomaaliya): Dowladda Falastiin ayaa shaacisay inay safaarad ka furanayso magaalada Muqdisho islamarkaana denjire cusub usoo magacaabatay dalka Soomaaliya.

Danjiraha Falastiin oo lagu magacaabo Kaamil Cabdallah ayaa maanta waraaqihiisii aqoonsiga ku wareejiyey madaxweynaha Soomaaliya Shiriif  Sheekh Axmed.


Wuxuuna sheegay inay sharaf u tahay islamarkaana uu si aad ah ugu  faraxsan yahay inuu noqdo safiirka dowladda Falastiin u jooga dalka  Soomaaliya.


Madaxweynaha Soomaaliya ayaa isna sheegay in xiriir fiican oo soo jireen ahi uu ka dhexeeyey dowladaha Falastiin iyo Soomaaliya iyo welibalabadooda shacab.


Mudane Shiriif ayaa tilmaamay in dib u furista safaaraddii Falastiin ee Soomaaliya ay tahay mid loo baahan yahay isla markaana gacan ka  geysaneysa xoojinta xiriirka labada dhinac.


Waa markii ugu horeysey ee dib loo furo safaaradda Falastiin ee  Soomaaliya wixii ka danbeeyey burburkii dowladii dhexe ee Mileteriga  ahayd.


Bilihii u danbeeyey waxaa magaalada Muqdisho safaaradahoodii ka furtay dalal badan oo ay ku jiraan kuwa Soomaaliya deriska ah, wadamo  carbeed, iyo dhowr dal oo Yurub ah.



Muqdisho: Axad April 22, 2012: (Wararka Dowladda ee Soomaaliya): Garoonka dayuuradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho  ayaa waxaa saaka soo gaaray wafdi uu horkacayo ku xigeenka wasiirka arimaha dibeda ee dowlada Kenya waxaana halkaas ku soo dhoweeyey masuuliyiin ka tirsan  dowlada KMG Somalia.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa waxaa loo gelbiyey xarunta madaxtooyada ee dowlada KMG Somalia, iyadoo amaankooda ay si aad ah u ilaalinayaan ciidamada midowga Afrika ee AMISOM, waxaana haatan ay xaruntaas kulamo kula leeyihiin madaxweynaha iyo raisul wasaaraha Somalia.


Socdaalka wafdigan oo ahaa mid aan horey loo sii shaacin ayaan la ogeyn waxaa uu salka ku hayo, hase ahaatee marka saacadaha soo socda ay dhamaadaan kulamada ay la leeyihiin masuuliyiinta dowlada ayaa lagu wadaa iney saxaafada kaga warbixiyaan ujeeedada safarkooda iyo waxyaabahaa ay ka wada hadleen masuuliyiinta dowlada. Waa markii 3aad ee wafdi ka socda dowlada Kenya ay booqasho ku yimaadaan magaalada Muqdisho kulamana la qaataan madaxda dowlada KMG Somalia tan
iyo markii ciidamada Kenya ay soo galeen qeybo ka mid ah koonfurta Somalia bartamihii bishii Oktoobar ee sanadkii hore.


Socdaalka wafdigan ayaa ku soo aadaya xili ciidamada Kenya ee jooga gudaha somalia ay dhowaan si rasmi ah ugu biireen ciidamada midowga Afrika ee AMISOM  inkastoo ilaa hadda horumar la taaban karo aysan ka gaarin dagaalka ay kula jiraan xoogaga Al-shabaab oo muddo dheer ay isku hor fadhiyaan qeybo ka mid  ah gobolada Jubooyinka







XAFIISKA RA'IISAL WASAARAHA DOWLADDA SOOMAALIYA


OFFICE OF SOMALI PRIME MINISTER




Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay wafdi caalami ah ee ka tirsan  xubnaha ugu sareeyo ee gudiga madaxa banaan ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bini’aadanimadda.

Muqdisho: Axad April 22, 2012: (Wararka Dowladda ee Soomaaliya): Ra’iisul Wasaaraha iyo Wafidiga ayaa waxay ka wada hadleen arrimaha  bini’aadanimo, Xuquuqul Insaanka iyo waliba Xuquuqda haweenka.


Kulanka kadib ayaa Waxaa saxaafadda si wada jir ah ula hadlay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya. Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Madaxa gudiga madaxa banana ee Qaramada Midoobay Shamsu daar.


Ugu horeyn waxaa warbaahinta la hadlay Ra’iisul Wasaaraha oo saxaafadda u sheegay waxa ay ka wada hadleen xubnaha ka tirsan Qaramada  Midoobay.


“Waxaa xafiiskeyga ku qaabilay gudiga madaxa banaan ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bini’aadanimadda oo aan ka wada  hadalney arrimo dhowr ah oo ay ugu horeyso arrimaha Xuquuqul Insaanka  iyo waliba dhowrista Xaquuqda haweenka iyo Sidii loo dardar gelin lahaa  howlaha socda imminka ee Roadmap-ka” ayuu yiri.


Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale soo hadal qaaday iney ka wada  hadleyn dhowrista Xuquuqda Suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo waliba sidii laisaga kaashan lahaa, wuxuuna Wariyayaasha ku amaaney iney duruufo adag ku shaqeyaan mararka qaarna ay la kulmaan dhibaatooyin balse laga gudbi doono dhamaan arrimahaasi.


Dhinaca kale, waxaa isna Saxaafadda la hadlay Shamsu daar oo ah madaxa gudiga madaxabanaan ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Xuquuqul Insaanka, Wuxuuna ugu horeyn u mahadceliyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo sida loogu soo dhaweeyay xafiis, Wuxuuna warbaahinta u sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu yimaado Magaalada Muqdisho, Islamarkaana uu gudigiisa dadka Soomaaliyeed uu kala shaqeeyo hormarintaarrimaha Xuquuqul Insaanka ayna xiriir wanaagsan la leeyihiin dowladda KMG Soomaaliya.


Ugu dambeyntii Shamsu daar ayaa u mahadceliyay Wariyayaasha, Isagoonasoo hadal qaaday in dowaladda iyo hay’adaha kaleba ay ka wada shaqeyn doonaan dhowrista xuquuqul Insaanka.



 




 



Wasiirkii Shaqada Iyo Shaqaalaha Oo Xilkii Laga Qaaday Iyo Wasiir Cusub Oo Wasaaradaasi Loo Magacaabay

Muqdisho: Sabti April 21, 2012: (Wararka Dowladda ee Soomaaliya): Wareegtooyin si kala gaar gaar ah ugasoo wada baxay Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa xil ka qaadis loogu sameeyey Wasiirkii Wasaaradda Arrimaha Bulshada, Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Ispoortiga ayadoo isla maantana Wasiir Cusub loo magacaabay Wasaaradaasi.

Wareegtooyinka ayaa hadaba ukala qornaa Sidan:-
XEER MADAXWEYNAHA j.s. Lr.124, taariikh 19/04/2012

Xil Ka Qaadis Wasiir

Markuu arkay:- Qodobka 44aad,xubintiisa 3aad ee Axdiga kumeel gaarka ah;

Makuu arday:- Qodobka 2aad ee Sharci Lam. 14 ee 3dii Juun 1962kii iyo wax ka bedelkii ka ambeeyey Nidaamka Dowladda (Ordinamento del Governo);

Makuu tixgeliyey:- Soo Jeedintii Ra’isulwasaaraha, Sumad XRW/481.04.12 kuna taariikheysan 18ka April 2012, oo ku saabsaneyd xil gudasho la’aanta Wasiirka
WasaaraddaShaqada, Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Sboortiga Asagoo Aqoonsaday:- In ay waajib tahay in shaqada Qaran loo guto si hufnaan,amaanno iyo karti ku Dheehanyihiin; Wuxuu soo sarayaa Xeerkaan:

Qodobka 1aad

Waxaa xilkii Wasiirnimo ee uu hayey laga qaaday: Mudane Maxamed Muxiyidiin Sheekh Mursal oo ahaa Wasiirkii Wasaaradda

Shaqada,Shaqaalaha,Dhalinyarada iyo Isboortiga.

Waxaana Wareegtadan ku saxiixan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed

Wareegtada kale ee iyana lagu magacaabay Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyara iyo Isboortiga ayaa u qorneyd sidan:

XEER MADAXWEYNAHA j.s. Lr.125,taariikh 19/04/2012

Magacaabid Wasiir

Markuu arkay: Qodobka 39aad, Farqadda 2aad, Qodobka 44aad Farqadda
1aad, Xafarka”e” Axdiga KMG ah ee J.s.

Makuu arkay: Qodobka 78aad, Farqadda 4aad ee Dastuurka 1960kii Makuu Tixgeliyey: Soo Jeedinta Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka KMG ee Soomaaliya ee ku sumadeysan XRW/481.04.12 taariikh 18 April 2012

Markuu garwaaqsaday: In Jagada Wasiirka
Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Isboortiga Banaanaatay ayna waajib

tahay in la buuxiyo si ay dani ugu jirto maslaxadda umadda
Soomaaliyeed

Wuxuu Soo Saaray Xeerkan Soo Socda:

Qodobka 1aad

Laga billaabo marka uu Madaxweynuhu saxiixo Dekreetadan waxaa Mudane Maxamuud Jirde Xuseen loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Shaqada,Shaqaalaha,Dhalinyarada iyo Isboortiga ee Xukuumadda Federaalka KMG ah.

Wareegtanna waxaa ku saxiixnaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed.


Muqdisho: Jimco April 20, 2012: (Wararka Dowladda ee Soomaaliya):  Maamulka Khaatumo State ayaa sheegay in Maamulka Somaliland uusan matali karin
Woqooyiga Soomaaliya kaddib markii muddooyinkii dambe la hadal hayay  wadahadal u dhaxeeya Maamulka Somaliland iyo dowladda KMG Soomaaliya.

Kornel C/risaaq Bakeyle Xaaji oo ka mid  ah Mas’uuliyiinta Maamulka Khaatumo State oo la hadlay Idaacadda  Shabelle ayaa waxa uu sheegay in wada hadaladaasi ay yihiin kuwa ka fog cadaaladda islamarkaana Maamulka Somaliland uusan matalin karin  Woqooyiga Soomaaliya, wuxuuna xusay in xilligaani loo baahan yahay in
beesha Caalamka iyo dowladda KMG ah ay garowsato in Somaliland oo kaliya aysan matalin karin Woqooyiga, hase ahaatee ay ka jiraan Maamulo kale  oo sharci ah sida uu hadalka u dhigay.


“ Maamulka Hargeysa ka jira wuxuu u qaatay in uu matali karo Woqooyiga Soomaaliya oo dhan taasina sax  maahan, Woqooyi marka la yiraahdo, Woqooyi Maamulo badan baa ka jira sida Khaatumo oo kale, Somaliland-tan qolada sheegata waa qeyb ka mid ah dadka Woqooyiga dega” sidaasi waxa yiri Mas’uulkaani ka tisan Maamulka
Khaatumo State.

“Somali weyn baan anagu ogol nahay, waxaan dooneynaa Somali in si cadaalad ah ay wax ku qeybsato iyaguna Soomali un bey ka mid yihiin Miiska wada hadalka inay soo fariistaan,  iyadoo goobjoog la wada yahay oo aan waxba la kala tirsaneyn” ayuu kusoo gaba gabeeyay Kornel C/risaaq Bakeyle Xaaji oo ka mid ah Mas’uuliyiinta
Khaatumo.

Muqdisho: Jimco April 20, 2012: (Wararka Dowladda ee Soomaaliya):  Majmaca
Culumada Soomaaliyeed ayaa ka digay in la ansixiyo Dastuurka qabyo
qoraalka ah ee la doonayo in loo sameeyo dalka, iyagoo wax shareecada ka
fog ku tilmaamay Dastuurkaasi.

Guddoomiyaha Majmaca Culumada
Soomaaliyeed Sheekh Axmed Cabdi Dhicisow oo waraysi siiyay Idaacadda
Shabelle ayaa waxa uu ka hadlay Dastuurka cusub ee la doonayo in loo
sameeyo dalka, isagoo tilmaamay in Dastuurkaasi uu yahay mid ka fog
Shareecada Islaamka islamarkaana qof waliba oo ka qeyb qaadata ay tahay
dambiile sida uu hadalka u dhigay.


Sheekh Axmed Cabdi Dhicisow ayaa waxa uu
carabka ku dhuftay in haddii aan la joojin sameynta Dastuurkaasi,
shacabka Soomaaliyeed ay dhigi doonaan banaanbax ballaaran oo aan cidna
horistaagi karin.


Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka
Soomaaliya ayaa waxa ka dhacayay Maalmihii dambe Kullamo iyo shirar
looga soo horjeeday Dastuurka cusub ee dalka Soomaaliya, iyadoo aan
la’ogayn qaabka uu ku dhaqan galayo Dastuurkaasi oo lagu tilmaamay mid
ka fog Shareecada Islaamka.


Muqdisho: Jimco April 20, 2012: (Wararka Dowladda ee Soomaaliya):  Maxkamad ku
taalla Magaalada Mombasa ee dalka Kenya ayaa sheegtay inay gacanta ku
hayso 11-muwadiniin oo Soomaali ah islamarkaana loo haysto falal la
xariira burcad badeednimo kuwasi oo lasoo taagi doono Maxkamadda
Magaalada Mombasa.

Maxkamadda ayaa la sheegay in malintii
shalay ay ku ridday mid ka mid ah muwadiniintaasi  loo haysto burcad
badadednimada xukun garayo 20-sano oo xabsi ah, isagoo lagu edeeyay inuu
weeraray markab laga leeyahay dalka Faransiiska, hase ahatee kuwa
kalana la hor keeni doono Maxkamadda Mombasa.


Muwadiniintaan ayaa la sheegay in lagu
kala magacaabo Axmad Cabdi qadar , Max’ed C/raxiin, C/aahi qaasin,
C/laahi Yuusuf, Max’ud C/laahi, Cabdi Daahir Macalin, Axmed Xasan,
Max’ed Xasan, Axmed Abshir, iyo Ibraahin Cumar kuwaasi oo dhamaanteeda
loo haysto eedeymo la xiriira burcad badeednimada.


Warbixintaan oo uu dabacay wargeys  lagu
magacabo Business Daily Africa ayaa lagu sheegay in muwaadiniintaan loo
heesto falal burcad badeednimo, lagana soo qab qabtay Badweynta India
iyo Xebaha Soomaaliya xilli ay ku guda jireen falal afduub ah.


Burcad badeeda farabadan ayaa ku xiran
dalal ka tirsan Caalamka, waxaana marar badan dhacay in Xukunno lagu
rido dalalkaasi, iyadoo taasina ay hakin waayeen afduubka ay wataan
burcad badeeda oo uu muuqda mid ay sii
laba jibaaraan.

Muqdisho: Jimco April 20, 2012: (Wararka Dowladda ee Soomaaliya): Dowladda Soomaaliya ayaa u ballanqaaday 500 oo
doollar ruuxii soo qabta ama soo dila mid ka mid ah xoogagga Al-shabaab
oo weerar ku ah xarumaha dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin
Muqdisho.


Hadalkan ayaa wuxuu guddoomiyaha gobolka Banaadir, Maxamuud Axmed
Nuur (Tarsan) u sheegay Arbacadii dadweynaha Muqdisho oo uu la hadlay
sida ay daabacay wakaaladda wararka Reuters.


"Hadda, xubnaha Al-shabaab waxay noqdeen badeeco lagu heli karo lacag
kaash ah," ayuu guddoomiyaha gobolka Banaadir Mr. Tarsan, isagoo intaas
ku daray in qorshahan uu yahay mid lagu adkeynayo ammaanka Muqdisho.


Xoogagga Al-shabaab ayaa isaga baxay Muqdisho bishii Ogoosto ee
sannadkii hore kaddib markii ay culeys milateri kala kulmeen ciidamada
Midowga Afrika ee AMISOM oo caawinaya dowladda KMG ah ee Soomaaliya.

Muqdisho: Jimco April 20, 2012: (Wararka Dowladda ee Soomaaliya): Wakaalada wararka Iran laga leeyahay ee
lagu magacaabo Fars News Agency ayaa baahisay war ay ku sheegayso in
dawlada Sacuudigu ay bilowdo qorshe ay ku hubanayso boqolaal Soomaali
dalkeeda qaxooti ku ahaa kuwaasi oo ay uga dan leedahay in ay la
dagaalamaan maleeshiyaadka Shiicada reer Yemen ee lagu Houthiyiinta.


Warkan ay faafisay FNA waxay ku sheegtey
in 1,300 oo Soomaali ah oo horey qaxooti ugu ahaa Yemen la geeyey
xuduuda wadanka Sacuudiga uu la leeyahay dalka Yemen kuwaasi oo loo
tababar isla markaana hub, gaadiid dagaal iyo qalabka ciidamada la
siiyey si ay u qaadeen dagaalkaasi ka dhanka ah kooxda Xuutiyiinta
Shiicada ee dalka Yemen, oo sida wakaalada Fars sheegayso ay walwal ka
muujinayso Boqortooyada Sacuudiga.


Wakaalada wararka FNA waxay sheegtey in
qorshahan sida ay ku helayso ilo wareed hoose ay qayb ka tahay dawlada
Mareykanka oo sirdoonkeedu la shaqeynayaan kuwa Sacuudiga si looga
hortago hawlgalada kooxaha Islaamiyiintu ka wadaan Yemen.


“Sacuudigu wuxuu u isticmalayaa iyaga
(Soomaalida) si ay ula dagaalamaan Xuutiyiinta Waqooyiga Yemen, waxayna
siinayaan tababaro gaar ah oo ay ku tababarayaan xeryahooda sida gaarka
ah loogu tababarto” ayuu lagu yiri war ay ka soo xigatey wakaaladu
dhanka xoogaga Xuutiyiinta, inkastoo cadeymo madaxbanaan aan loo hayn
warkaasi.


Kooxda Xuutiyiinta ee Shiicada ah ayaa
si ba’an uga soo horjeeda faragalinta Boqortooyada Sacuudigu ku hayso
arimaha Yemen, iyadoo ay jirto cabsi ka imaanaysa xukuumada Riyadh oo ku
xiriirsan cabsi ay ka qabto in rabshaha iyo kacdoonada Yemen ay u soo
talaabaan xuduudeeda.


 Arintan hadii ay soo shaac baxdo waxaa
walaac weyn laga qabaa xaalada amaanka Soomaali fara badan oo qaxooti
ahaan ugu sugan dalka Yemen, kuwaasi oo ay dhici karto inay beegsadana
kooxaha Shiicada Yemen, iyadoo goor horeba ay jireen dhibaatooyin isagu
jira dil, xabsi iyo ku shaqeysi lagu hayo Soomaalida dalkaasi gabaadka u
gashay.






Muqdisho: Jimco April 20, 2012: (Wararka Dowladda ee Soomaaliya): Hoggaanka
Akadeemiyadda Ciidamada booliska Soomaaliyeed ayaa Maanta tababar kor
loogu qaadayay Qibradooda iyo aqoonta ciidamada booliiska loogu soo gaba
gabeysay ku dhawaad Laba boqol oo Asarki kuwaas oo muddo laba bilood ah
uu taba bar uga socday dugsiga sare ee Jeneral Kaahiye.

Munaasabadda oo lagu soo gabagabeynayay tababar socday muddo Labo
bilood ah saraakiil ka tirsan ciidanka booliska oo isugu jiray
Xidiglayaal iyo korneello ciidanka booliska ka tirsan kuwaas oo
Muddadaasi qaadanayay casharro ka turjumayay sharciyadda booliska iyo
habka loo baahan yahay in loogu dabaqo diinta islaamka, waxaana
mudadaasi ay ku xaraysnaayeen dugsiga sare ee ciidanka booliska Ganaral
kaahiye.


Taliyaha hoggaanka qorshaha iyo tababarada Cornel Maxamed Kullane
Wardheere oo goobta hadal ka jeediyay ayaa ka warbixiyay muddada
tababarku socday isagoo kula darmaaray ciidamada in ay ku dabaqaan
shaqadooda waxyabihii ay ku barteen tababarka.


Taliyaha dugsiga sare ee tababarka ciidanka booliska General Kaahiye
Sareye guuto Axmed Dayib oo isna hadal ka jeediyay xiritaanka Munaasadii
lagu soo gabagabeynayay xiritaanka tabarka ayaa uga mahad celiyay
macalimiintii bixineysay tababaka.


Tababarkan ayaa qeyb ka ah dadaallada taliska Booliisku ugu jiro sare
u qaadida qibradda iyo Aqoonta dhinaca sharciyada ee ciidamada
booliiska Soomaaliyeed.


Muqdisho: Khamiis April 18, 2012: (Wararka Dowladda ee Soomaaliya): Qaraxii ka dhacay Xarunta National Tiyaatar ee Magaalada Muqdisho 4-tii Bishan ee sanadka 2012-ka ee sababay qasaaraha isugu jira dhimashada iyo dhaawaca, kaddib waxaa soo if baxay khilaaf xooggan oo u dhaxeeya Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul wasaare C/wali Max’ed Cali Gaas kaasi oo salka ku haya shaki ka dhashay in dowladda ay ku lug laheyd qarixii ka dhacay Tiyaatarka, arrintaasi oo ay siyaabo kala duwan ugu hadleen Madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha iyo Xubno kale.


Hase ahaatee horey ayaa waxa u jiray in Ra’iisul wasaare C/wali Max’ed Cali Gaas, muddo laga joogo sanad ka hor uusan ka qanacsaneyn howsha uu u hayo dowladda KMG ah Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed Xilligaani oo uu C/wali ahaa Ra’iisul wasaare ku xiggeen, ahna Wasiirka qorsheynta ee Xukuumaddii Farmaajo.


Khilaafka iminka ka dhextaagan Mas’uuliyiintaasi ayaa soo shaac baxay markii Madaxweyne Sheekh Shariif uu si aan leex leexad laheyn uu dusha uga saaray Mas’uuliyada qaraxaasi xukuumadda uu hogaamiyo Gaas markii uu tilmaamay in wasaarada warfaafinta ay Mas’uul ka tahay qaraxasi.


“ Dhacdadii ka dhacday Tiyaatarka, inta aan la abaabulin Xafladdan, Wasiirka waxaan dhahnay inta aan meesha la tagin ka hor qorshaha noo keena aan aragno, aan fiirino, sababta waxaa waaye, xaaladahaani oo kale markii la joogo, wa inaad u fikirtaa siyaabo badan, amniga inaad ka firiktid Munaasabadda waa inaad meelo badan ka fiirisid, kaliya mahan inaad munaasabad isugu yeertid, Munaasabadda inaad isugu yeerto ayaa laga rabaa Mowduuc fiicanna uu meesha ka baxo, dadkuna ay bad baadaan, intaasi oo dhan meesha ayay isugu jiraan, aniga waxaan aaminsanahay in aan la gaarin, yacanay qorshihii loogu talagalay inaan loo sameyn oo qaladka uu meeshaas ka yimid, Hay’adaha amniga markaan u yeernay waxay dhaheen, hal Hay’ad oo la wargaliy majirto” sidaasi waxa yiri Madaxweyne Shariif.


Hase ahaatee Hadalka Madaxweynaha ayaa waxa iska leexiyay Wasiirka Warfaafinta ee Xukuumadda C/qaadir Jahween.


“Tan la xiriirta Mas’uuliyadda waxaan aaminsanahay oo dowladda wannaaggana uu ku jiraa dhibaatadii dhacday si loo ogaado waxaa la bixiyay guddi baara oo soo ogaada sida ay wax u dhaceen oo heer wasiiro ah, mana u malaynaayo in dowladda wannaag iyo Maamul ahaanba ay wanaagsantahay inaan hadda ka hor dhaco Natiijooyinka iyo wixi ay soo ogaadeen guddigaasi” sidaasi waxa yiri Wasiirka Warfaafinta C/qaadir Jahween.


Waxaa jirtay in hadalka Madaxweynaha ka hor uu R/wasaare Gaas magacaabay guddi baara arrintaasi iyo in DKMG ay ku lug leedahay qaraxaasi, inkastoo hadalka madaxweynaha, kadibna uu C/wali Gaas sheegay hadal ka soo horjeeda midkii Madaxweynaha kaasi oo ahaa inay haboonaan laheyd in la sugo warbixinta guddiga uu isagu magacaabay oo soo saara natiijada .inkastoo wali gudigaasi aanayn wax wara soo saarin.


“ Fiiri walaal mid baan kuu sheegayaa waxa weeye qaraxa cid baa sheegatay, waxa sheegtay Al Shabaab, ani waxaan aaminsanahay inay ka dambeeyaan Al Shabaab saan anigu aamin sanahaay weeye, baaritaankiina waa uu socdaa, oo markaasi iyagu ciddii ay soo adeegsadeen sida falka uu u dhacay guddi wasiiro ah ayaa loo xilsaaray, baaritaankooda ay wataan, marka warkan Huu-haada ah oo suuqa lawado oo hebel baa ka dambeysay iyo dadbaa is qarxinayo iyo waxaa waa nansalis weeye, wax ka jiraahi majiraan, baaritaankaa sugaynaa, Niman baana sheegtay” sidaasi waxa yiri Ra’iisul wasaare Gaas.


Sikastaba ha’ahaatee muddo haatan laga joogo sanad ka badan markii C/wali Gaas uu ahaa Ra’iisul wasaare ku xigeen iyo wasiirka qorsheynta uu si xooggan u dhaliilay howsha Madaxweyne Shariif xiligaas oo uu hadalkaasi dhaliisha ah uu C/wali Gaas u sheegayay xubno kala duwan oo ah beesha uu ka dhashay sida ay Idaacadda Shabelle u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay.


“ Dowlada Shariif Adduunka rajo un buu ka qabay, in maadaama ninkan markii horey uu ka mid ahaa nimankii waddanka Rabshada ka waday oo wadaada ahaa oo dowladdii hore ee TFG-da C/laahi Yuusuf Madaxa ka ahaa yacanay la dagaalamayay in dhibkaas ay meesha ka baxayso haddii Ethiopian-ka baxo iyagii ay meesha imaanayaa waddankii heshiis ka dhacayo laakiin waxa moodda taasi inay muuqan, waxayna ku tilmaamayaan labo arrimood, tan koowaad waxa weeye “ayagii oo dagaalka meesha kasii waday” qoladii uu isaga madaxda u ahaa mooyee qoladii kale oo lagaga tagay heshiiska guud ay dagaalka meeshii kasii wadeen iyo “ Ayagii nimankii Meesha Madaxda ka ahaa aan muujin hogaan fiican, yacanay wax qaban kara oo karti leh, marka waxad mooddaa in dowladda ay kusoo qul qulatay in hadba Caasimad la tago, ama waddan la aado, marka waxaad moodda tagiitaan dalal la tagay ama mareykan la tagay ama Yurub la taga wax badan masoo kordhinayso, haddii gudaha aan waxba laga qaban, Madaxweynaha wuxu Madaxweyne ku yahay, waddankii in uu wax ka qabto,. Nabadgalyadiisa sugo, Xukunkii uu gaarsiiyo gobolada dalka, sidaasi ayaa Madaxweyne Qaran lagu noqon karaa” sidaasi waxa yiri Ra’iisul wasaare Gaas.


Hadalka R/wasaaraha ayaa saameyn ku yeelan kara madaxweynaha iyo guud ahaan howsha DKMG oo ku jirta marxalad kala guur ah oo arimo badan ay isku cakiran yihiin haba ugu muhiimsanaatee howsha uu gar wadeenka ka yahay C/wali Gaas ee arimaha Road Map-ka gaar ahaan qodobka Dastuurka qabyo qoraaleedka oo ay ka soo horjeedaan Xildhibaano badan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada,Balse waxaan la tilmaami Karin xaddiga saameynta khilaafkaasi.


Muqdisho: Khamiis April 18, 2012: (Wararka Dowladda ee Soomaaliya): Nin Turjumaan ahaa oo ka howlgalayay Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya ayaa galabta lagu toogtay Isgoyska KM-4 ee Magaalada Muqdisho.


Sida Idaacadda Shabelle uu u xaqiijiyay Dhame C/ wali Max’ed Caraale oo ah Taliyaha Ciidamada illaalada ee Safaaaradda Turkiga ee Soomaaliya, Marxuumka la dilay oo lagu magacabi jiray Yuusuf Sheekh Xuseen Ibraahim ayaa dilkiisa waxa ka dambeeyay nin hubaysan oo la sheegay in uu ku labisnaa dareeska Ciidamada dowladda xilli Marxuumka la dilay uu saarnaa gaari Market-2 ah.


Dhame waxa uu sheegay inay socdaan baaritaano ku aaddan cidda ka dambeysa dilkaasi, waxaana la sheegay inay waday howlgallo baaritaanno ah oo ay ku ogaanayaan dilkaasi.


Muqdisho: : Khamiis April 18, 2012: (Wararka Dowladda ee Soomaaliya):Ugaas C/laahi Ugaas Aadan oo ah Duubka Beesha Direed oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay inay kasoo horjeedaan Dastuurka qabyo qoraalka ee la doonayo in la ansixiyo.


Ugaaska ayaa sheegay in Xubno ka mid ah golaha Wasiirada ay u ololeynayaan inay xullaan Odayaal dhaqameedyo aan sal ku laheyn dhaqanka Soomaalida, isagoo si gaar ah farta ugu fiiqay Wasiirka Caafimaadka ee Xukuumadda KMG Soomaaliya.


Sidoo kale Ugaas C/laahi Ugaas Aadan ayaa waxa uu sheegay in Odayaasha dhaqanka ah ee Asalka ah ay leeyihiin wax ka badalidda iyo ansixinta Dastuurka, isagoo tilmaamay in qaabka haatan uu u qoran yahay Dastuurka uu yahay mid ka hor imaanaya Shareecada iyo waliba Masiirka Umadda Soomaaliyeed.


Ugu dambeyn Ugaaska ayaa waxa uu ku baaqay in Wasiiro uu ku tilmaamay in horey ay u lunsadeen hantida qaranka ee ku howlan Xullista Odayaashaasi in gabi ahaanba ay faraha kala baxaan arrimahaasi,. Loona soo celiyo Odayaasha dhaqanka


Muqdisho: Khamiis April 18, 2012: (Wararka Dowladda ee Soomaaliya): Xildhibaan Salaad Cali Jeelle oo ka mid ah guddiga difaaca barlamanka oo la hadlay Idaacadad Shabelle ayaa waxa uu sheegay in Xildhibaanada barlamanka kullan ay wada qaateen kaddib ay ku dhawaaqeen guddi dib u habyen ku sameeya barlamanka KMG Soomaaliya.


Salaad Cali Jeelle ayaa waxaa uu sheegay in guddigaasi ay soo afjari doonaan khilaafaadka ka taagan barlamanka, isagoo tilmaamay in ujeedka gudigaasi uu yahay in la tashiyo ay la sameeyaan Urur goboleedka IGAD, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.


Xildhibaanka ayaa waxa uu sheegay in markii dib u habeyn lagu sameeyo barlamanka qorshaha xigga uu yahay inay si cad ay u doortaan Madaxweyne qabta tallada dalka Soomaaliya, maadaama sida uu sheegay uu gawaabsi yahay xilliga Madaxweynaha Soomaaliya ee Sheekh Shariif.


“ Waxaan rabnaa sababta dib u habeynta loo sameyhaayo waxa la rabaa barlaman la habeeyay inay doortaan Madaxweynaha, iida Nafteedu meeshay ku jirtaa wax yaabaha guddigaani loo magacaabay ka mid tahay, marka waxasoo dhan aya la rabaa inay Soomaaliya dowladdeeda ay sii socoto oo ayna meel cad soo dhici, Xilka nasaaranna kaas waaye” sidaasi waxa kusoo gaba gabeeyay hadalkiisa Xildhibaan Salaad Cali Jeelle.


Muqdisho: Khamiis April 18, 2012: (Wararka Dowladda ee Soomaaliya): Kullankaani oo ahaa mid ay maanta isugu yimaadeen Aqoonyahanno iyo siyaasiyiin Soomaaliyeed ayaa waxa uu ka dhacay Magaalada Muqdisho, iyagoo si kulul u cambaareeyay qabyo qoraalka Dasuurka oo ay sheegeen in uusan aheyn haba yaraatee mid ay dan ugu jirto shacabka Soomaaliyeed islamarkaana ay dano gaar ah ka leeyihiin Kooxda Saxiixayaasha sida ay hadalka u dhigeen.


Cabdi Max’ed Gacal oo ka mid ahaa Siyasiyiintii kullaankasi soo qaban qaabisay ayaa waxa uu dhaleeceeyay guddiga Ansixinta Qabyo qoraalka Dastuurka kuwaasi oo uu sheegay inay u adeegayaan Dano shisheeye, waxaana uu tilmaamay in Masiirka Umadda Soomaaliyeed aan matali karin ku dhawaad kun ruux oo uu sheegay inay magacaabeen Madaxda ugu sareysa dowladda KMG kuwaasi oo doonaya inay marka xilligoodu uu dhamaado mar kale dib loo soo doorto.


Cabdi Max’ed Gacal ayaa waxa uu intaasi ku daray in Maamulka iyo shaqaalaha Idaacadda Shabelle uu ugu tacsiyadeynayo gafkii dhawaan kasoo yeeray gudoomiyaha gobolka Banaadir Max’ud Axmed Nuur (Tarsan), isagoo ugu baaqay Shaqaalaha Shabelle inay u dhabar adeegaan Marxaladda adag oo ay haatan ugu adeegayaan shacabka Soomaaliyeed.


Siyaasiga Cabdi Maxe’d Gacal ayaa hoosta ka xariiqay in qabyo qoraalka Dastuurka uu yahay mid lagu qarinayo maro hoosteeda, mar haddii talladiisa aan lagala tashan qeybaha kala duwan ee bulsho waynta Soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay.


Inkastoo muran badan uu dhaliyay qabyo qoraalka Dastuurka oo ay ka qeylo dhaamiyeen bulshada Soomaliyeed qeybaha kala duwan, lana filayo in 30-ka bishaani lagu ansixiyo Magaalada Muqdisho ayaa Su’aasha is waydiinta mudan waxa ay tahay (Dastuurka cusub ma noqon doonnaa mid ka dhaqan gala dalka Soomaaliya Mise ?
Addis Ababa:: Arbaco April 18, 2012: (Wararka Dowladda ee Soomaaliya):
Goor dhow waxaa magaalada Garoowe kusoo gaba gaboobey aftida loo qaadayo Dastuurka cusub ee Puntland.


Dhamaan ergada laga soo xulay gobolada, doladda, qurbejoogta iyo bulshada rayidka ah ayaa ugu codeeyey Dastuurka Haa.


Aftida oo u dhacday sidii loogu tala galay ayaa kusoo gaba gabodey guul iyadoo natiijadana uu ku dhawaaqay gudoomiyaha guddiga doorashooyinka ee Puntland.


Waxayna cod bixintu u dhacday sidan:



  • Bari 92Haa/ 1Maya

  • Punsaa 5 Haa

  • Qurbe-joogta  5 Haa

  • Dowlada 99 Haa /1Maya

  • Mudug 51Haa/ 2 Maya

  • Nugaal 53 Haa

  • Sanaag 84 Haa/ 2 Maya

  • Sool 83 Haa

Wadarta guud: 472 Haa / 6 Maya


Waa markii ugu horeysey ee ay Puntland yeelato Dastuur cusub oo noocan oo kale ah, Dastuurkan ayaa noqonaya mid Puntland ku haga nidaamka maamulka ee Dumuqraadiga ah iyo doorashooyinka ku salaysan nidaamka axsaabta badan.

Addis Ababa:: Arbaco April 18, 2012: (Wararka Dowladda ee Soomaaliya): Ra’iisul wasaaraha dowladda Ethiopia Meles Zenawi ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada Ethiopia ee ku sugan gudaha wadanka Soomaaliya ee la dagaalamaya Ururka Al Shabaab ay ku laaban doonaan dalkooda sida ugu dhaqsiyaha badan.

Meles Zenawi oo ka hor hadlayay kullan ay yeesheen barlamanka dalka Ethiopia ayaa waxa uu sheegay in marka ay nabadeeyaan ciidamada Ethiopia gobolada ay hadda gacanta ku hayaan gaar ahaan Magaalada Baladweyne, ayna soo gaaraan Ciidamada Jabuuti ee loogu talagalay inay qabtaan Magaaladaasi kaddib ay isaga bixi doonaan.


Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha dowladda Ethiopia ayaa waxa uu sheegay in Magaalada Baydhabo ay u wareejin doonaan Ciidamo isugu jira dalalka Burundi iyo Uganda oo ka socda AMISOM kuwaasi oo la wareegi doona howlgallada ay Ciidamada Ethiopia ka wadaan gobolka Bay.


Meles Zenawi ayaa sheegay in Ciidamada Ethiopia dowladda KMG ah ay kala qeyb qaadan doonaan sidii loo xaqiijin lahaa ammaanka dalka, loolana dagaalami lahaa Xarakada Al Shabaab iyo sidii guud ahaan looga saari lahaa gobolada faro ku tiriska ah oo ay iminka gacanta ku hayaan Xarakada Al Shabaab.


Ugu dambeyn Ra’isiul wasaare Zenawi ayaa beeniyay in Ciidamada ay iska caabin kala kulmeen Ciidamada Al Shabaab oo ay kala wareegeen goobo ay gacanta ku hayeen, isagoo sheegay in duqeymo xooggan ay u gaysteen Saldhigyo ay ku lahaayeen Koofurta Soomaaliya.

Muqdisho: Arbaco April 18, 2012: (Wararka Dowladda ee Soomaaliya): Gudoomiyaha Maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa Magaalada Muqdisho oo maanta ka hadlayay munaasabad ka dhacday gudaha Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu si cad u aflagaadeeyay Maamulka iyo shaqaalaha Shabakadda Warbaahinta Shabelle, isagoo sheeganaya in uu yahay Mas’uul dowladadeed.

Tarsan ayaa ku aflagaadeeyay Maamulka iyo Shaqaalaha Shabelle inay yihiin dad kasoo horjeeda Nabadda islamarkaana Caalamka kaga dawarsada waxyeellada Saxafiyiinta ka shaqeysa Idaacadda Shabelle sida uu hadalka u dhigay.


Gudoomiyaha Maamulka gobolka Banaadir oo wajigiisa ay ka muuqatay Cadiifad iyo sida uu u dhibsanayo xaqiiqda ay maamulkiisa ka baahineyso Shabelle ayaa waxa uu isku amaanay in uu awood u leeyahay in uu xiro Warbaahinta Shabelle maadaama Shabelle ay inta badan ka hadasho Xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta gobolka iyo musuq maasuqa hareeyay Maamulka uu horboodayo Tarsan.


Deegaanka Gudhaa oo ah dhul caan ah, kuna yaalla Jubbada Hoose ayaa Tarsan oo si cad isaga indha tiraya aqoonta uu u leeyahay deegaankaasi islamarkaana inkiriya waxa uu sheegay in Shabelle ka hor uusan maqlin deegaankaasi oo ka mid ah dhulka Soomaaliyeed islamarkaana uu hadda ka hor calanka Soomaaliya ku gubay.


“Idaacadbaa waxay tiri Tarsan wuxuu Kudhaa ku gubay Calanka Soomaalida, war Xasan Turki ma’aqaano Kudhaa wax la dhaho Afkoodaa iigu horeeyo, Kudhaa inay Af-jabaan tahay iyo inay Af Soomaali tahay aan kala garaneyn” sidaasi waxa yiri gudoomiyaha gobolka Banaadir Max’ud Axmed Nuur (Tarsan).


“Waxaan u tacsiyadeynayaa oon ka xumahay dhalinyarada Mustaqbalka leh ee Shabelle ka shaqeysa ayaan u tacsiyadeynayaa sababtoo ah waxaa lagu kallifayaa waxayna aaminsaneyn oo lagu qabso inay ku hadlaan baala doonahayaa, dambi malahan, marka dhibka ay ku jiraan baan la garowsanaynaa, dadka Saxafiyiinta dhibaatada ugaysanahaya ee Adduunka ugu tuugsanaya C/maalik baa ugu horeeya Jiiska oo London fadhiya, waxa uu raadinaya waxa weeye in Tarsan uu dagaalamo war Tarsan ma dagaalamayo” sidaasi waxa yiri gudoomiye Tarsan.


“Waxay dhaheen Tarsan wuu noo dhaartay, war aniga haddaan soo qaban karaa laakiin marabo anaa rabin, sababtoo ah marabo waxay ku andacoodaan oo adduunka ay ku tuugsadaan marabo, inay tuugsadaan bay rabaan oo dadka dhiigoodu iyo dadka sharafkoodu ku tuugsadaan bay doonayaan   hadalkeygii bay soo gooyeen annoo dhahaya Shabaaban la dagaalamaynaa bay waxay ku xireen su’aal la waydiiyay oo aheyd Shabelle maxaad ka leedahay, markaasan ku iray Shabelle  dadkaa nici doona” sidaasi ayuu kusoo gaba gabeeyay gudoomiyaha Maamulka gobolka Banaadir oo si cad u aflagaadeeyay Maamulka iyo shaqaalaha Shabakadda Warbaahinta Shabelle.


Muqdisho: Arbaco April 18, 2012: (Wararka Dowladda ee Soomaaliya): Xildhibaano ka tirsan barlamanka ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadalka uu ku aflagaadeeyay Maamulka gobolka Banaadir Idaacadda Shabelle, iyadoo dhinaca kale tilmaamay in qof gubay Calanka Soomaliyeed uusan xil ka qaban karin Soomaaliya.

Xilli shalay gudoomiyaha Maamulka gobolka Banaadir Max’ud Axmed Nuur (Tarsan) uu aflagaadeeyay shaqaalaha iyo Maamulka Idaacadda Shabelle ayaa arrintaasi waxaa ka gil gishay qaar ka mid ah Xildhibaanada barlamanka KMG Soomaaliya.


Xildhibaan Salaybaan Max’ed Ibraahim oo la hadlay Idaacadda Shabelle markii uu maqlay aflagaadada Tarsan ayaa waxa uu sheegay in wax laga xumaado ay tahay in nin sheeganaya in uu yahay Mas’uul gobol uu aflagaadeeyo Warbaahinta Madaxa Banaan ee ka howlgasha Magaalada Muqdisho, isagoo intaasi ku daray in taasi lagu doonayo in dhagaha shacabka Soomaaliyeed aan gaarin xaqiiqda jirta islamarkaana la caburiyo Saxaafadda Soomaaliyeed.


Salaybaan Max’ed Ibraahim ayaa waxa uu si kulul u cambaareeyay in gudoomiyaha Maamulka gobolka Banaadir uu gubo Calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya, isagoo xusay in shaqsigii gubaa Calanka Soomaaliya uu yahay cadowga koowaad ee shacabka, waxaana uu intaasi ku daray in arrintaasi haddii ay soo cadaato ay ka fariisanayan Xildhibaanada barlamanka.


Dad badan oo indha indheeya siyaasadda gobolka ayaa arrintaani ku tilmaamaya in guddoomiyaha aan ku qanacsaneyn xaqiiqda laga sheegayo Maamulka uu horboodayo oo sida la sheegay ku fashilmay wax ka qabashada xaaladaha ammaanka ee Magaalada Muqdisho.

Muqdisho: Talaado April 17, 2012: (Wararka Dowladda ee Soomaaliya): Safaariirka Dalka Talyaaniga u jooga Soomaaliya Aderya Madzel ayaa sheegay in loo baahanyahay in cadaaladlagu bsaleeyo soo xuli taanka odoyaasha dhaqanka ee keenya baarlamaanka cudub.

Wuxuu sheegay in dowlada KMG Soomaaliya looga baahanyahay in ay arintaasi ka digtoonaato islamarkaana aanan loo baahnayn in odoyaashaasi lagu soo xulo si aanan sharci ahayn.


Aderya Madzel ayaa wuxuu carabka ku dhuftay in sidoo kale xafiiska Qaramada Midoobay ay ku wargaliyeen in si wanaagsan loo soo xulo odoyaash adhaqanka ee keenaya baarlamaanka KMG Soomaaliya.


Halkaan ayaa wuxuu imaanayaa xili dowlada KMG Soomaaliya ee taan jirta uu xiligeeda ku egyahay bartamaha sanadkaan islamarkaana haatan labilaabayo soo xuli taanka odoyaasha dhaqanka ee keenaya baarlamaanak cusub.


Sidoo kale waayihii dambe waxaa jiray waxgarad iyo Culumaa’udiin Soomaaliyeed oo dhaliilsanayaa qaabka loo soo xulayo Odoyaasha dhaqanka ee keenaya baarlamaanka cusub ee badalaya kan hadda jira.



Muqdisho: Talaado April 17, 2012: (Wararka Dowladda ee Soomaaliya):


17 ka Abriil- Maalinta Dhirta Soomaaliyeed !!!
Dr. Cabdullaahi  A. Karaani
karani38@aim.com
Abriil 17 2012



Dr. Cabdullaahi A. Karaani


WALAALAYAAL ,SAAXIIBBAYAAL, maanta waa 17kii April,waana maalintii Dhirta looga dabbaaldegi jirey Dalka Soomaaliya oo dhan muddadii kacaankii  soomaaliyeed jirey. Ilaalinta degaanku guud ahaan waagaas,waxay ahayd mid qadarin mudneyd oo madaxdii sabankaasi xaflado waaweyn iyo  qiimeyn sanadeed u sameyn jireen. Taasoo ka duwaneyd waxa dhacaya maanta iyadoo hadda geedkii soo baxaba la gubayo ama la jarayo asagoo weli curdan ah, geedaha boqollaalka sano jirsadeyna loogu dhaqaaqayo in la dhuxuleeysto ,beecmushtar ahaanna loo geeyo dalal shisheeye. In yar ayaa ka faa’ideysta arrintan iyagoo xaalufiyey dalkii taasoo khatar ku ah nolosheenna iyo jiritaanka xoolaxeenna aannu u beec geeyno  adduunweyna kale. Xiriirka ka dhexeeya banii’aadanka , noolaha kale iyo dhirtu waa mid lawada ogsoonyahay, taasoo lagu  soo koobi karo in dhir la’aani tahay xaalufinta noolaha ku nool dhulka guud ahaan.


Hoos waxaan ku qorayaa QEYLODHAAN ay  dirayaan  dhirta iyo degaanka soomaaliyeed,una dirayaan madaxda dalkeenna,kuwaasoo maanta  masuul ka ah dalka iyo dadka soomaaliyeedba. Bal marka aan akhrino oo dhegeysanno QURAC iyo QANSAX DHEERE waxay noo soo jeediyaan. Akhrisasho  wacan!!!!


QURAC: Waan ku salaamay Qansax dheeroow, salaan ka bacdi,waxaa i soo gaartey in la  Jaray,markaa anna aan xanuunsaday ee adiga see wax kuu gaareen,mise waad ka nabadgashay dhibaatada?


QURAC: Ruuxeyga qeyb badan oo laamaheyga ah iyo qeyb jirrideyda ka mid ah ayaa la gubey dhowaan  oo markaa la dhuxuleystay. Ilaahow, naga qabo kuwaan adaa  awoodee !!!


QANSAX DHEERE: Walaaloow Quracow, arrinta na heysata yaan kala xaajoonnaa oo wax nooga qaban Kara? Waxaan maqlay Dawlad baa jirtee ma dhabbaa, oo ma la socdaan dhibaatada iyo xaalufinta Dalka ka socota?


QURAC : QANSAX-DHEEROOW, Dawladi wey jirtaa mase xoog badna,sababtoo ah , haddey taag lahaan lahayd maanta waxa na heystaa nama heysteeen, oo kii na guba ama na jara isna ciqa-ab buu mudan lahaa, Balse horta aan ku su’aalee ,sharcigii  dhirta mala laabay mise weli waa jiraa? Kii loo dhigay   degaanka guud ahaan asna weli ma jiraa?  Bal horta dalkeenna sharci iyo kala danbeyni  ma ka jiraan?


QANSAX-DHEERE: Su’aalo badan ayaad  i weydiisey Quracow, laakin adigu ma garaneysaa xiriirka naga Dhexeeya annaga iyo noolaha kaloo idil? Nooluhu guud ahaan ma noo baahan yahay , mise nooma baahna? Haddaan dhir jirin nooluhu ma jiri lahaa?  Xoolaha la dhaqdaa caano ma dhiiqi lahaayeen?  Bad iyo birri ma lagu noolaan lahaa? Dhulku see u ekaan lahaa?


QURAC:  Qansax-Dheerow bal anna markeyga i dhegeyso. Waxaa la ii sheegay waa hore , in nin takhtar Xoolaad ahaa la dhigay xabsiga ,kadib markuu meel maxfal ah ka jeediyey Qeylodhaan, uu ka sidey xoolaha soomaaliyeed oo markaa ka cabanayey daawo yari la soo gudboonaa-tey. Hadda walaalow Qansax-Dheerow, ma waxaad rabtaa in annagana hadda nala sii gubo gebi ahaanba ,illey sharcigii dhirta ilaalin jirey maanta ma jiree !! Waagii dhirta loo ololeyn jirey maanta lama joogo! Ee ma xusuusataa maalinta dhirta,taasoo ahayd 17ka April ee sanad kasta?


Ma xusuusataa maalintaas in dhirta Dalkoo dhan looga dabbaaldegi jirey? ODAGU WAA NA JECLAA OO WAX GARAD BUU AHAA!!! Bal eeg bacaadcelintii  ka socotey SHALAMBOOD iyo BARAA-WE. Bal xusuuso dhireyntii dalkoo idil laga wedey oo bal dib u fiiri sida nalooka ilaalin jirey kuwa -doonayey iney na dhuxuleystaan oo noo dhoofsadaan dalal kale. Walaalow QANSAXOW , aan u duceyno Ummadda soomaaliyeed iyo dalkeedaba in ILAAHII weynaa ka qaado dhibaatada.  AAMIIN, AAMIIN ILAAHOW.


QANSAX-DHEERE: Taasi waa talo wanaagsan. Illowse ma kula tahay inaan Madaxweynaha hor dhigno   QEYLODHAAN ku saabsan  dhibaatada maanta  heysata dhirta iyo degaanka soomaaliyeed guud ahaan? Yaa ka mas’uula haddii DALKEENNU XAALUFO oo dhirtiisa  inta la dhuxuleysto loo dhoosfado dalal shisheeye?


QURAC : War QANSAX-DHEEROW fikradahaagu waa taabbogal sidaan u jeedo,ee bal Wasiirka  koowaad, Madaxda baarlamaanka iyo wixii mas’uul sheegta oo dhan iyagana  aan gaarsiinno Qeylodhaantayada ku saabsan xaalufinta gamuurtey ee ka socota Dalkeenna gudihiisa guud ahaan.


QANSAX-DHEERE: War QURACOW, adaa iga da’ weyne, qeylodhaan ma nagu filan tahay oo madaxdu wax ma noogu qabanayaan ?


QURAC:   In wax qabad jiri doono iyo in kale ma ogiye ee ALLOOW, na badbaadi adaa qaadiree !!


QANSAX-DHEERE: QURACOW , ogow in Dhirtu kala nasiib badan tahay oo xooluhu yihiin sidoo kale. Walaalow dhowaan waxaan tegey dalal  shisheeye  oo dhirta iyo xoolahaba laga qadariyo ,xuquuqna ay ku leeyihiin oo qofkii waxyeelleeya isagana sharci adag la marsiinayo, dhulkeenna hadda sidaas oo kale kama dhacdo, waana sharci la’aanta heysata dhirta iyo xoolaha guud ahaan. Bal eeg dhibaatada heysata walaalaheen, DAMEER iyo BISADO !!


QURAC:  Ma waxaad ka hadleysaa Dawladaha hor- u- maray ?  Kuwaasi  aqoon , shuruuc iyo maaliyadba arrimahaas wey u hayaan, dadkuna si sharci darro ah oo bareer ah isuma laayaan !!


QANSAX-DHEERE: Quracow, ma qabo in dalkeennu eber yahay,ee aqoontii iyo dadaalkii aan dalkeenna Kheyraadkiisa ugala soo bixi lahayn ayaa naga maqan. Madaxdeenu Waxay ku mashquuleen   Iska-dabawereeg aan jiho iyo micne lahayn iyo is-khilaaf aan waxba soo kordhineyn.


Sidaad ogtahay waxaa loo baahan yahay isu-tanaasul, iyo wada shaqeyn wadata xilkasnimo iyo soomaalinimo dhab ah. Balse adigu ma maqashay Madaxweynayaasha tirodhaafay oo lagu saleynayo qabaa’ilka soomaaliyeed!!!


QURAC: Haa, waan maqlay arrintaas. Aryaase ka danbeeya dhibaatadaas cusub!! ILAAHOW NOO GARGAAR.


Halkaa ayuu ku dhammaaday wada hadalkii dhexmaray QURAC iyo QANSAX-DHEERE.


Walaalayaal ,Saaxiibbayaal, Qasadka aan u doortay maanta inaan ka hadalsiiyo  QURAC iyo  QANSAX-DHEERE ( Labada geed oo Wakiilka ka ahaa dhirta iyo degaanka soomaaliyeed guud ahaan ),wuxuu ahaa in dadkeennu dareemo , dhibaatada ay u geysanayaan degaankooda iney tahay mid iyaga ruuxooda dib ugu soo noqoneysa, taasoo loo baahan yahay in laga digtoonaado,Dawladduna wax ka qabato, iyadoo xoogga saareysa iney shuruuc ka dejiso arrimahaas  , isla markaana bilowdo wacyi-gelin hadal iyo qoraalba leh, si ummadda loo baraarujiyo , garashadooda la xiriirta ilaalinta  degaankoodana kor loogu qaado.


Waxaa soo diyaariyey qoraalkan:
Dr. Cabdullaahi  A. Karaani
(Winner of GLOBAL 500  AWARD-unep-1987)
Muqdisho: Talaado April 17, 2012: (Wararka Dowladda ee Soomaaliya): Ismaaciil Hurre Buu-baa oo horey u ahaa Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Soomaaliya oo xalay u waramayay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in Dastuurka qabyo qoraalka ee la doonayo in la ansixiyo uu yahay mid ay wataan dad dano gaar ah leh, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in lasaxo khaladaadka ku jira iyo waxa uu kaga badalan yahay Dastuurkii 1960-ka.


Mr.Buu-baa ayaa waxa uu sheegay markii uu ka hadlayay soo xulista Odayaal dhaqameedyada oo maalmihii lasoo dhaafay ay ku mashquulsanaayeen Madaxda DKMG ah in loo baahan yahay in Odayaashaasi aysan noqon kuwa aan sal ku laheyn dhaqanka Soomaalida balse ay noqdaan kuwa sax oo ka talin kara aayaha Umadda Soomaaliyeed.


Ismaaciil Hurre Buu-baa ayaa waxa uu sheegay in Maamulka Somaliland uu ka kooban yahay qabaa illo isu tagay, isagoo Maamulkaasi uu doonayo in la gooyo dalka Soomaaliya oo iyagu ay noqdaan dowlad  ka madax banaan dalka intiisa kale sida uu hadalka u dhigay.


Doodda ku saabsan Dastuur u sameynta dalka Soomaaliya ayaa ah mid cirka isku sii shareeraysa, iyadoo siyaasiyiinta, Culumaa’udiinka iyo Waxgaradka ay tilmaamayaan qodobo ku qoran Dastuurka qabyo qoraalka oo aan ka turjumeyn rabitaanka iyo waliba Masiirka Umadda Soomaaliyeed, hase ahaatee ma muuqato tallaabo dib loogu fiirinayo qodobadaasi oo dadka ku howlan sameyntiisa ay iska indha tirayaan.


Muqdisho: Isniin April 16, 2012: (Wararka Dowladda ee Soomaaliya): Agaasimaha Hay’adda Nabad sugidda DKMG Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in ammaanka Magaalada Muqdisho ay si wayn u xaqiijinayaan Ciidamada Nabad sugidda ee dowladda KMG ah, isagoo tilmaamay in labadii maalin ee lasoo dhaafay ay gacanta ku dhigeen waxyaabaha qarxa iyo waliba dad ku howlanaa falal ammaan dari.


Agaasimaha ayaa sheegay mar uu ka hadlayay Madaafiicda xilliyada habeenkii lagu garaaco Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya in Madaafiicdaasi laga soo tuuro duleedyada Magaalada Muqdisho oo ay wali Shabaabku ku sugan yihiin sida uu hadalka u dhigay.


Axmed Macalin Fiqi ayaa waxaa uu beeniyay in dad horey ugu tirsanaa Xarakada Al Shabaab oo haatan u howlgala Hay’adda Nabad sugidda ay qeyb ka yihiin falalka ammaan dari ee xilliyada ka dhaca Magaalada Muqdisho.


Ugu dambeyn Agaasimaha Hay’adda Nabad sugidda ayaa waxa uu sheegay in Ciidamadoodu ay ka howlgalaan goboladii ay kala wareegeen Xarakada Al Shabaab, isagoo sheegay inay jiraan dad ay kusoo qab qabteen falal ammaan dari  oo uu tilmaamay in Magaalooyinka gobolada Bay iyo Bakool lagu soo qab qabtay inka badan boqol ruux halka magaalada Baladweyne ay gacanta kusoo dhigeen Ciidamada ilaa 50-ruux oo uu ku eedeeyay inay ka tirsanaayeen Xarakada Al Shabaab.


NairobiIsniin April 16, 2012: (Wararka Dowladda ee Soomaaliya): Ciidamada booliska ee dalka Kenya ayaa isku khilaafay nin la sheegay in uu ka tirsan yahay Xarakada Al Shabaab oo todo baadkii lasoo dhaafay lagu qabtay gudaha dalka Kenya qaabkii loo maxkamadeyn lahaa.


Sarkaal u hadlay Ciidamada booliska dalka Kenya ayaa sheegay in ninkaasi uusan ku lug laheyn qaraxyadii Mombasa, islamarkaana uusan xiriir la laheyn Kooxda Al Shabaab, waxaana uu tilmaamay in ninkaasi uu wax ka baran jiray Masjid ku yaalla Mombasa oo fidiya Diinta Islaamka.


Eedeysanahaani ayaa waxaa lagu magacabaa Cabdul Majiid kaasi oo ay Ciidamada booliska Kenya gacanta ku dhigeen todobaadkii lasoo dhaafay islamarkaana la sheegay in uu ku dhashay dalka Sacuudiga, hase ahaatee intiisa ugu badan uu ku noolaa dalka Kenya.


Qaar ka mid ah Saraakiisha dalka Kenya ayaa sheegaya in ninkaani uu yahay Xubin ka tirsan Ururuka Al Shabaab, booqashana uu ku tagay dalka Soomaaliya bishii January ee sanaddii lasoo dhaafay si uu tababar ugu soo qaato Kooxda Al Shabaab.


Saraakiisha ayaa waxa ay tilmaameen in sidoo kale ay ku raad joogaan 3-ruux oo la shaqeynayay eedeysanahaani, kuwaasi oo ilaa iyo iminka aan gacanta lagu haynin, hase ahaatee lagu raad joogo.


Dalka Kenya ayaa waxa ka dhacay qaraxyo ballaaran oo qaarkood Saraakiisha dalkaasi ay ku eedeeyeen inay ka dambeeyaan Kooxda Al Shabaab.


Kampala: Isniin April 16, 2012: (Wararka Dowladda ee Soomaaliya): Dowladda Jermalka ayaa sheegtay in dalka Soomaaliya ay usoo dirayso Saraakiil tababar u fidisa Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya si ay gacanta ugu dhigaan Ammaanka dalka Soomaaliya, islamarkaana la dagaalama Xarakada Al Shabaab.


Warkan ayaa daabacay Wargaysa The Stander ee kasoo baxa dalka Uganda, waxaana lagu sheegay in dowladda Jermalka ay ka go’an tahay taageeridda meel marinta in si buuxd loo hergaliyo soo celinta ammaanka dalka Soomaaliya.


Xukuumadda Jermalka ayaa sheegtay in Saraakiisha ay usoo dirayaan dalka Soomaaliya ay gaarayaan ilaa 20-Sarkaal oo ku xeel dheer tababaridda Ciidamada, waxaana la sheegay inay ka taageerayaan Ciidamada dowladda qorshaha Militari si loo wiiqo awoodda Al Shabaab ee dalka Sooamaliya.


Wasaaradda difaaca ee dalka Jermalka ayaa tibaaxday in Saraakiishaani dalka Soomaaliya ay u gaari doonaan sida ugu dhaqsiyaha badan.


Dhinaca kale Wargayskan ayaa sheegay in Magaalada Kampala ee dalka Uganda ay ku sugan yihiin 11-Sarkaal oo ka socota dalka Jermalka islamarkaana gacan ka gaysanaya tababaridda Ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM ee u socda howlgalka Soomaaliya.


Ugu dambeyn Wargeyska ayaa xusay in 14-dowladood ka tirsan Ururka Midowga Yurub ay ku midoobeen sidii ay u tababari lahaayeen Ciidamada DKMG ah iyo sidii loo taageri lahaa.

Muqdisho: Axad April 15, 2012: (Wararka Dowladda ee Soomaaliya): Qaar ka mid ah Ilaalada Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa Xabsiga loo taxaabay, iyagoo lagu eedeynayo qaraxii ka dhacay Xarunta Golaha Murtida iyo madadaallada qaranka ee National Tiyaatar ee Magaalada Muqdisho.

Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Idaacadda Shabelle ayaa waxa ay sheegayaan in lix ka mid ah ilaalada Ra’iisul wasaaraha xalay laga qabtay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda C/wali Max’ed Cali Gaas kuwaasi oo loo taxaabay Xabsiga nabad sugidda.


6-daani ruux oo lagu eedeynayo inay ka dambeeyaan qaraxasi ayaa waxa la sheegayaa in uu ku jiro Sarkaal lagu magacaabo  Cabdi Yare oo ka mid yahay eedeysanayaashaasi oo la sheegay in la waydiinayo su’aalo.


Warar hoose ayaa sheegaya in qaar ka mid ah ilaalada Ra’iisul wasaaraha markii uu qaraxa Ismiidaaminta ahaa ka dhacay Xarunta National Tiyaatar ay ka baxsadeen Magaalada Muqdisho, islamarkaana ay gaareen Magaalada Garbahaareey ee Xarunta gobolka Gedo, inkastoo aan si dhab ah loo cadeyn.


Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxa uu sheegay in qaraxaasi Mas’uuliyaddeeda ay leedahay Wasaaradda Warfaafinta maadaama uu tibaaxay inaysan kusoo wargalin Hay’adaha ammaanka, inkastoo arrintaasi uu gaashaanka u daruuray Wasiirka Warfaafinta ee Xukuumadda KMG ah.


Ugu dambeyn Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda oo qaraxaasi ka bad baaday ayaa waxa uu sheegay in qaraxaasi Mas’uuliyaddiisa ay sheegteen Ururka Al Shabaab islamarkaana ay socdaan baaritaanno la xiriira qaraxaasi.


Waa markii koowaad oo dad loo xir xiro qaraxii ka dhacay Xarunta golaha Murtida iyo madadaallada qaranka ee National Tiyaatar.


Muqdisho: Axad April 15, 2012: (Wararka Dowladda ee Soomaaliya): Xildhibaano ka tirsan barlamanka KMG Soomaaliya ayaa guddi sharci daro ah waxa ay ku tilmaameen guddigii uu Madaxweyne Shariif u magacaabay inay wada hadal la yeeshaan Somaliland.


Kaddib markii maanta Madaxweynaha uu magacaabay guddi heer wasiiro ah oo wada hadal la gala Wasiiro dhawaan uu soo magacaabay Madaxweynaha Somaliland ayaa Xildhibaano ka tirsan barlamanka KMG Soomaaliya oo siyaabo kala duwan ula soo xiriiray Shabelle waxa ay guddi sharci daro ah ku tilmaameen guddiga maanta uu magacaabay Madaxweyne Shariif.


C/laahi Cabdulle Magan Boot oo ka tirsan barlamanka KMG Soomaaliya oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxaa uu sheegay in guddi sharci ah uusan aheyn guddiga uu magaacabay Madaxweyne Shariif, wuxuuna Somaliland uga digay in wada hadal ay la furto dowladda KMG ah.


“Somaliland waqti ay timaado hadda lama joogo, waxa ay magacaabayaana Faalso weeye, Madaxweyne wuxuu wax magacaabi karaa marka isaga laftirkiisu sharci yahay” sidaasi waxaa yiri Xildhibaan Magan Boot.


Sidoo kale Xildhibaan Max’ed Cali Dinsoor oo isna kam id ah barlamanka ayaa waxa uu sheegay in Wasiirada uu magacaabay Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynuba ay kasoo horjeesteen sharciga iyo Axdiga KMG ah sida uu hadalka u dhigay.


“Somaliland waan u sheegnay annaga, musuq maasuqaan dowlad isku sheegga ah in aan wax lala xiriirin karin, guddiga meesha loo dirayona waa bilaa sharci weeyaan” sidaasi waxa kusoo gaba gabeeyay Xildhibaan Max’ed Cali Dinsoor.


Muqdisho: Axad April 15, 2012: (Wararka Dowladda ee Soomaaliya): Kooxo hubaysan ayaa xalay weerar Madaafiic ah ku qaaday Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.


Goobjoogayaal ayaa u sheegay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho in Xalay saqdii dhexe weerar Madaafiic ah lagu qaaday Xarunta Madaxtooyada, iyagoo tilmaamay in Madaafiic  ay ku dhaceen gudaha iyo banaanka Xaruntaasi.


Mas’uuliyiin ka tirsan DKMG ah ayaa inoo suuro galin inaan haleelno, waxaana la ogeyn khasaaraha ka dhashay weerarkaasi Madaafiicda ah, iyadoo ilaa iyo iminka aan jirin wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha DKMG ah oo ku aadan weerarkaasi.


Ma ahan markii ugu horeysay oo weerar Madaafiic ah lagu qaado Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya, hase ahaatee waxa jiray weeraro horey loogu qaaday Xaruntaasi, kuwaasi oo qasaaro kasoo gaaray dad barakacayaal ah oo ku suganaa nawaaxiga Xaruntaasi.


Xayo: Axad April 15, 2012: (Wararka Dowladda ee Soomaaliya): Xaalad deganaansho aan cago badan ku taagneyn ayaa laga sheegayaa deegaano ka tirsan Jubbada hoose oo uu shalay ka dhacay dagaal xoogan, iyadoo dhinacyadii halkaasi ku dagaalamaay ay guulo ka kala sheegteen.


Kaddib dagaal shalay Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo Kenya oo dhinaca ah iyo Xarakada Al Shabaab ku dhexmaray deegaanno hoostaga gobolada Jubbooyinka gaar ahaan deegaan lagu magacaabo Xayo ayaa dagaalkaasi waxaa guulo ka kala sheegtay dhinacyadii ku dagaalamay halkaasi.


Taliyaha Ciidamada dowladda KMG ah ee gobolada Jubbooyinka Ismaaciil Saxar Diid oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in duulaanka ay ku qaadeen Al Shabaab ay ku gaarsiiyeen qasaaro badan, isagoo xusay in Al Shabaab ay ka dileen dagaalyahanno badan islamarkaana ay ka gubeen gaadiid badan, waxaana uu intaasi ku daray in iminka ay gacanta ku hayaan deegaankii lagu dagaalamay sida uu hadalka u dhigay.


Sidoo kale Sheekh C/casiis Abuu Muscab Afhayeenka Ciidamada Al Shabaab oo isna ka hadlay dagaalkii ka dhacay deegaanka Xayo ayaa waxa uu sheegay in dagaalka dhinacoodu lagu soo qaaday, hase ahaatee waxa uu ku adkeystay in Ciidamada Shabaab ay iska difaaceen islamarkaana ay gacanta ku hayaan deegaanka Xayo, waxaana uu carabka ku dhuftay in wax khasaaro ah uusan kasoo gaarin dagaalkaasi.


Marka laga tago guulaha ay kala sheeganayaan dhinacyadaasi ayaa wararka saakay ka imaanaya goobihii lagu dagaalamay waxa ay sheegayaan in xaaladdu ay degantahay, iyadoo dadka deegaanka ay sheegeen in wali xiisado ay ka taagan halkaasi.


Muqdisho: Khamiis April 12, 2012: (Wararka Dowladda ee Soomaaliya): Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Max’uud Axmed Nuur Tarsan ayaa ku hanjabay in uu baabi’in doono shaqaalaha Shabakadda Warbaahinta Shabelle, isagoo dhinaca kale qirtay in uu gubay calanka Ethiopia.


Max’uud Axmed Nuur Tarsan oo dhalinyaro qurbo joog ah kula hadlayay Aaladda Baaltooka ayaa waxa uu sheegay in shaqaalaha Idaacada Shabelle uu baabi’n doono hadana ay baaba’day sida uu hadalka u dhigay.


Gudoomiye Tarsan waxa uu sheegay in ay ka go’antahay in uu baabi’iyo shaqaalaha Shabelle oo uu tilmaamay in ay yihiin kuwa aan dantooda aqoonm waxaana uu carabka ku dhuftay in mar dhow la maqli doono Shabelle oo baaba’day.


” Mardhow waad arkeysaa Shabelle oo baaba’day, inyar oo cabsi iyo shako ahna nama galineyso waadka arki doontaan” ayuu yiti Tarsan oo careysan.


Gudoomiyaha gobolka Banaadir waxa uu sidoo kale sheegay in maamulkiisa fadhiidka ah uusan fashilmay hase ahaatee ay fashilantay Shabakadda Warbaahinta Shabelle, oo mudooyinkii u dambeysay soo bandigeysay sida uu gobolka Banaadir ugu fashilmay Tarsan.


” Haduu Fashil jiro waxaa fashilmay Shabelle, Shacabkaan nabad ayay u soo jeesteen boobkii dadka dhiigooda lagu gumaadayana wey ka baxeen” ayuu ku hadaaqay Max’uud Axmed Nuur Tarsan.


Gudoomiye Tarsan oo hadalkiisa sii watta ayaa waxa uu ku cel celiyay Hanjabaada uu u geysanayo Wariyayaasha Shabelle, isagoo carabka ku dhuftay in uu ka tirsanaa ilmihii Orfane islamarkaana uu dhibaateyn doono shaqaalaha Shabelle.


” Anigoo 5 jir ah ayaa Orfane la i geeyay ilaa 18 sano halkaasi ka jiray hadey u barteen kuwa ay riix riixeen aniga hadab waxey iga hayaan ka sheegaan, waadna arki doontaa Shabelle meesha ay ku dambeyso” ayuu yiri tarsan


Tarsan oo masuuliyiin ka tirsan dowladda ay sheegeen in uu ku fashilmay wax ka qabashada amaanka gobolka Banaadir ayaa sidoo kale waxaa wax laga weydiiyay wararkii maalmihii u dambeysay ay baahineysay Shabelle oo ku aadanaa in dalka Ingiriiska uu ku gubay calanka Ethiopia iyo in uu gubay calanka Soomaaliya, isagoo qiray in uu gubay calanka.


” Ethiopia iyo anaga waan dagaalanay waana iska dhiciney laakiin hadda wax colaad ah oo ina dhextaala majirto” ayuu hadalkiisa intaasi sii raaciyay


Tarsan ayaa Calanka Soomaaliya horay waxaa la sheegay in uu ugu gubay deegaanka Gudhaa xili uu la socday Al Shabaab, iyadoo calanka Ethiopiana uu ku gubay xiligii midowga Maxkamadaha wadanka Ingiriiska.


Muqdisho: Khamiis April 12, 2012: (Wararka Dowladda ee Soomaaliya): weerarkaani ayaa waxaa la sheegay in degmada C/casiis ay ku qaadeen Ciidamo uu horkacayo Gudoomiyaha Maamulka gobolka Banaadir Max’uud axmed Nuur Tarsan, kaasi oo sida la sheegay lagu qaaday xarunta degmada C/casiis xili halkaasi uu kusugnaa gudoomiyaha degmadaasi iyo xubno kale oo ka tirsan maamulka degmada C/casiis


Inta la xaqiijiyay weerarkaasi waxaa ku dhaawacmey ilaa 5 ruux oo labo ka mid ah ay yihiin ciidamadii la socday gudoomiyaha gobolka Banaadir, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in dadka dhaawacmay qaarkood ay yihiin dad rayid ah oo ka agdhawaa xarunta degmadaasi.


Yuusuf Cali Indhoole oo ah gudoomiyaha degmada C/casiis oo Shabelle u xaqiijiyay weerarkaasi ayaa waxa uu sheegay in barqanimadii maanta gudoomiye Tarsan oo ay wehliyeen ilaaladiisa gaarka ah ay soo qaadeen weerar aan laga garaneyn waxa uu salka ku hayo, isagoo shaaca ka qaaday in weerarkaasi ay ka hortageen sida ii hadalka u dhigay.


Dhinaca kale markii ciidamada uu hogaaminayay Max’uud Axmed Nuur Tarsan ay weerarka ku qaadeen degmada C/casiis kadib ayaa waxaa la sheegay in degmadaasi uu ka bilowday banaanbax balaaran oo ay dhigayeen dadka shacabka ah ee kudhaqan degmadaasi kaasi oo looga soo horjeeday gudoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ee DKMG.


Ilaa iyo hadda si dhab ah looma oga waxyaabaha kalifay in gudoomiyaha gobolka Banaadir uu weerar ku qaado mid ka mid ah degmooyinka uu isagu maamulo, iyadoo arintaani ay qeyb ka noqoneyso falalka amnni daro ee ka jira Muqdisho.


Khamiis April 12, 2012: (Wararka Dowladda ee Soomaaliya): Garoowe oo laga xusay maalinta ciidanka xoogga dalka



Xuska aasaaska ciidanka xoogga oo lagu qabtay Garoowe /Bar-kulan


Xuska sanad-guurada 52-aad ee maalinta ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay magaalada Garoowe ee xarunta maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.


Xaflad ay ka qeyb galeen mas’uuliyiinta ugu sarreysa Puntland oo uu ka mid yahay madaxweyne Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa barqadii maanta ka dhacday xerada ciidamada 54-aad ee duleedka magaalada Garoowe.


Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, jeneraal Cabdisamad Cali Shire, taliyaha ciidamada daraawiishta Puntland, sarreeye gaas Saciid Maxamed Xirsi (Saciid Dheere), wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan xukuumadda, saraakiil ciidan ayaa ka qeyb galay xafladda oo aheyd mid si fiican loo soo agaasimay.


Xafladda ayaa lagu soo bandhigay heeso iyo ciyaaro ka turjumaya qiimaha ciidanka.


Madaxweynaha maamulka Puntland, Cabdiraxmaan Faroole ayaa kula dardaarmay ciidanka inay soo celiyaan midnimadii dalka iyo kaalintii ay Soomaaliya kaga jirtay dalalka adduunka, isagoo ka dalbaday inay la mid noqdaan ciidanka magaca u soo hooyay Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale ciidanka ku ammaanay inay ka adkaadeen kooxo ku soo duulay Puntland.


Taliyaha ciidamada daraawiishta Puntland, sarreeye gaas Saciid Maxamed Xirsi (Saciid Dheere) ayaa ka hadlay taariikhda ciidanka, isagoo sheegay inay soo mareen marxalado kala duwan, ayna dalka u soo hooyeen guulo taariikhi ah oo mudan in la xusuusto.


Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa la aas-aasay sanadkii 1960-kii.



Moqdisho: Khamiis April 12, 2012: (Wararka Dowladda ee Soomaaliya): Madaxweynaha Dowladda KMG ah Shariif Sheekh Axmed ayaa waxuu u hambalyeeyey Ciidanka Xoogga Dalka Sannadguuraddii 52d taasoo ku beegan maalinra maanta asagoo ka codsaday inay fuliyaan hawlaha amniga iyo soo celinta nabadii ay faraha ka bixiyeen markii ayisku dhiibeen jabhaddihii watay magacayada qabiilka ee kala ahaa SSDF, SNM Iyo USC kuwaasoo burburiyey waddanka Somaaliya ee laga cabsan jiray xagga Ciidamadda.


Khamiis April 12, 2012: (Wararka Dowladda ee Soomaaliya): Sareeye Guud .Maxamed Cali Samatar: “ Ciidamada Xoogga dalka waxay ahaayeen kuwo hal ujeeddo leh, isla markaana had iyo goor ilaaliya dastuurka wadanka, cadowgana ka difaaca, hase yeeshee waxaa nasiib darro noqotay in ciidamadaasi yihiin kuwo dalka gudihiisa iyo dibadiisa ku dayacan..”

Mas'uulka ugu darajada sareeya ciidanka Soomaaliya S/Guuto Maxamed Cali Samatar oo degan dalka Mareykanka ayaa markii ugu horeysay hambalyo hordhac ah u soo diray sanadguurada ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo ku beegan maalinta berri ah.


S/Guuto Maxamed Cali Samatar ayaa sheegay in awooda ciidanka Xoogga dalka iyo taariikhda ay leeyihiin aan halkaan lagu soo koobi karin, balse waxa uu sheegay in mudadii 21-ka sano ahayd ee uu dalka galay xaalad fowdo iyo dagaallo sokeeye soo gaaray burbur xoog leh.


"Hambalyo ciidamada Xoogga dalka, sanadkaan sanadkiisa waxaa laga rabaa inay soo celiyaan qaranimadii dalka" ayuu yiri S/Guuto Maxamed Cali Samatar oo sheegay dhinaca kale in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay taageeraan ciidamada qalabka sida.

Waxaa kale oo uu sheegay in ciidamada xoogga dalka ay ahaayeen kuwo hal ujeeddo leh, isla markaana had iyo goor ilaaliya dastuurka wadanka, cadowgana ka difaaca, hase yeeshee waxaa nasiib darro noqotay in maanta ciidamadii sidaasi ahaa ay yihiin kuwo dalka gudihiisa iyo dibadiisa ku dayacan.

"Dowlad kasta oo Soomaaliya ay yeelato wixii ka dambeeyay 21-kii sano ee aynu soo dhaafnay xil iskama saarin dib u dhiska ciidamada Xoogga dalka, taas ayaana keentay inay fashilanto" ayuu yiri S/Guuto Maxamed Cali Samatar oo sheegay in ciidamada dib u dhiskooda aanu ahayn wax sahlan looga baahan yahay in juhdi fara badan lagu bixiyo.


Jen Samatar ayaa ayaa ugu baaqay Dowladda KMG ah inay wax ka qabato dib u dhiska ciidanka Xoogga dalka oo uu sheegay inuu dalka ku soo celin karo ammaanka iyo kala dambeynta, wuxuuna tilmaamay in arrintaas lagu gaari karo oo kaliya in dib loo soo celiyo midnimadii ciidanka Xoogga dalka lagana saaro meesha qabiil qabiilkii iyo is kooxeysi, wuxuuna hadalkiisa ku soo aadaya xilli Berri ay ku beegan tahay Maalinta Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee 12-ka Abriil.


Mogadishu: Khamiis April 12, 2012: (Wararka Dowladda ee Soomaaliya): Madaxda sare ee dowlada KMG Somalia ayaa markii ugu horeysay soo hadal qaaday warar maalmihii ugu dambeeyey soo badanayey oo sheegaya in dagaalyahano iyo saraakiil sare oo ka tirsan Al-shabaab ay ku sii qulqulayaan buuraleyda Galgala oo ku yaala galbeedka gobolka bari ee maamulka Puntland.


Madaxweynaha dowlada dowlada KMG Somalia Shariif Shiikh Axmed oo arintaas ka hadlayey ayaa sheegaya iney laga warqabo uuna jiro qorshe looga hor tegayo oo ay iska kaashan doonaan dowlada KMG Somalia iyo maamulka Puntland, wuxuuna xusay in meel kasta oo ay Al-shabaab gasho ay uga daba tegi doonaan si dhibaatooyinka ay wadaan looga hor tago sida uu yiri.


Raisul wasaaraha xukuumada C/weli Maxamed Cali ayaa isna sheegay in xoogaga Al-shabaab ay Bilaabeen iney ku qulqulaan deegaanka buuraleyda Galgala ee gobolka Bari ka dib markii sida uu sheegay looga adkaaday dagaaladii ay kaga jireen koonfurta Somalia magaalooyin iyo degaano badana looga qabsaday taasoo uu sheegay iney astaan cad u tahay in kooxdaas ay sii burbureyso.

Maalmihii u dambeeyey waxaa isa soo tarayey warar laga helayo ilo kala duwan oo sheegaya in saraakiil iyo ciidamo ka tirsan Al-shabaab ay si dhuumaaleysi ah ku gaareen buuraha Galgala ee ku yaala galbeedka magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, halkaasoo ay horey ugu sugnaayeen dagaalyahano uu hogaaminayo Shiikh Maxamed Saciid Atam oo sheegay iney ku biireen Al-shabaab, dagaalo badana horey ula galay maamulka Puntland.
Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Faroole ayaa dhowaan sheegay in dagaalyahanada Al-shabaab ay bilaabeen iney u soo guuraan buuraha Golis ee gobolka Bari ka dib markii culeys milateri uu ku so wajahay koonfurta Somalia magaalooyin iyo degaano badana lagala wareegay.

Faroole ayaa waxa uu sheegay in Al Shabaab tan iyo markii ay ku jabeen dagaalada Koonfurta Soomaaliya ee ay kula jirto dowladda KMG Soomaaliya Bishii August ee sanadkii tagay in ay duulaan ku soo qaadeen degaanada Maamulka Puntland, isagoo sheegay in ujeedka Shabaab uusan ahayn mid diin ku salaysan balse ay doonayaan in ay xasuuqaan Umadda.



Nairobi: Muqdisho:Wednesday April 11, 2012: (Wararka Dowladda ee Soomaaliya): Madaxweynaah dowladda Kenya ayaa waxa uu magacaabay Jeneral Karanji  Taliyaha labaad ee Ciidamada AMISOM kaddib markii Ururka Midowga Afrika uu dowladda Kenya u ogolaadeen inay soo magacowdaan taliyaha labaad ee ugu sareeya AMISOM.

Madaxweyanaha dalka Kenya Mwai Kibaki ayaa sheegay in wada tashiyo uu kala sameeyay magacaabista Jenaral Karanji Wasaaradda Gaashaandhiga ee dalkasi,waxaana uu tilmaamay in taasi ay wax badan ka qaban doono xaaladaha Soomaaliya.


Ciidamada Kenya ee ku sugan Koofurta Soomaaliya gaar ahaan gobolada Jubbooyinka ayaa dhawaan ku biiray howlgalka AMISOM ee ka socda Soomaaliya, waxaana iminka taliyaha ugu sareeya Ciidamada AMISOM uu yahay Jenerel Fred Mugisha.

Muqdisho:Wednesday April 11, 2012: (Wararka Dowladda ee Soomaaliya): Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa sheegay in Augusta ka hor dalka ay ka saarayaan Xarakada Al Shabaab, iyagoo dhinaca kale sheegay in wali baaritaanno ay ku socdaan qaraxii ka dhacay Tiyaatarka Qaranka.

C/wali Max’ed Cali Gaas, Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya oo maanta Xafiiskiisa kula hadlay Warbaahinta Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in bisha Augusta ka hor ee sanadka Al Shabaab laga ciribtiro doono guud ahaan dalka Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.


Ra’iisul wasaare Gaas ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada DKMG ah ay ku guulaysatay in Al Shabaab ay ka saareen deegaano iyo degmooyinka ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya, wuxuuna carabka ku dhuftay in wali ay socdaan is badallada ka dhacaya gobolada dalka Soomaaliya oo laga xoreynayo Al Shabaab, kaddibna la qaado aftida Dastuurka.


“ Fiiri, mid baan kuu sheegayaa waxa weeye qaraxa cid baa sheegatay, waxaa sheegtay Al Shabaab, ani waxaan aminsanahay inay ka dambeysay Al Shabaab, saan aniga aaminsanahay weeye, baaritaankiina waa uu socdaa oo dadkaasi ciddii ay soo adeegsadeen iyo sida uu u dhacay guddi baa loo xil saaray, baaritaankoodu ay wataan” sidaasi waxa yiri Ra’iisul wasaare Gaas.


Mar la waydiiyay eedeyntii uu u jeediyay Madaxweynaha dowladda Wasaaradda Warfaafinta oo aheyd inay Mas’uul ka tahay qaraxaasi ayaa waxa uu ku jawaabay Ra’iisul wasaare Gaas.


“ Aniga waan ku sheegay, waxaan ku iri  qaraxaasi waxaa ka dambeeyay Al Shabaab, iyagu ayaana sheegtay, bulshada waxay sugaysaa baaritaanka markii uu soo dhamaado wixii kasoo baxa, waan la socodsiin donna, yaan la abuurin xasaasiyad iyo waxan jirin” sidaasi waxa yiri Ra’iisul wasaare Gaas.


C/wali Max’ed Cali Gaas ayaa mar la waydiiyay su’aal aheyd wax ka jira in Kooxda Aala Sheekh Guruub ay afgambi ku qabsatay Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya, isagoo tilmaamay in gabi ahaamba uusan aaaminsaneyn Kooxdaasi.


Dhawaan ayaa Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho waxa uu qaraxaasi ku eedeeyay Wasiirka Warfaafinta ee Xukuumadda KMG ah, inkastoo wasiirka uu isna iska fogeeyay eedeymahaasi.











 




Wasaaradda Arrimaha Amniga Qaranka Iyo Arrimaha Gudaha


Somali Ministry of National Security & Internal Affairs

Muqdisho:Wednesday April 11, 2012: (Wararka Dowladda ee Soomaaliya): Wasaaradda Arrimaha Gudaha Amniga qaran Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka hortageyso dilalka iyo qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho, iyadoo sheegtay in ammaanka caasimadda wax badan laga badellayo.


Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga qaranka Xukuumadda Soomaaliya mudane C/samad Macallin Maxamuud ayaa sheegay in wasaaraddiisa ay ku dadaalleyso sidii loo hakin lahaa dilalka qorsheysan iyo qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho, maadaama kooxda Al-Qaacidda ay adeegsaneyso Taatikooyinka noocaasi oo kale ah.


Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay in Al-Qaacidda ficilladooda ay hortagayaan, isla markaana dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed aysan dul qaadan doonin, isagoo intaa raaciyay in ciidammada ammaanka ay si wanaagsan u adkeeyeen guud ahaan ammaanka magaalada Muqdisho.


Dhinaca kale mudane C/samad ayaa hoosta ka xariiqay in taargadka Al-Qaacidda uusan ahayn dowladda, oo ay doonayaan in ay gumaaddaan shacabka Soomaaliyeed ee dhibaatada ka daallay, waxa uu intaa ku daray in hey’addaha amniga dalka ay yihiin kuwa howshooda sidii loogu talagallay u gudanaya, isla markaana amniga waqitigaani la isku halleyn karo.


Haddalka wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa sii xoojinaya ballan qaadka ku aadan Sugidda ammaanka caasimadda iyo guud ahaan dalka oo dowladda Soomaaliya horrey  ballan qaaday, waxaase lagama maarmaan ah in shacabka Soomaaliyeed ay garab taagnaadaan nabadda iyo kala dambeynta ay dowladda Soomaaliyeed ka hirgalineyso dalka.


Muqdisho:Wednesday April 11, 2012: (Wararka Dowladda ee Soomaaliya): Gudoomiyaha Majmaca Culumada Soomaaliyeed Sheekh Axmed Cabdi Dhisicow oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in gudoomiyaha Maamulka gobolka Banaadir Max’ud Axmed Nuur (Tarsan) uu Mas’uul ka yahay islamarkaana lagula xisaabtami doono wixii dhibaatooyin ah oo la xiriira dilalka, dhaca iyo Kufsiga ee ka dhacaya Magaalada Muqdisho.


Shaki kuma jiro ayuu yiri Gudoomiyaha Majmaca Culumada Soomaaliyeed in la waydiinayo gudoomiyaha Maamulka gobolka Banaadir Mas’uuliyadda ka saaran dadka uu madaxda u yahay sida ay qabto Diinta Islaamka.


 Sheekh Axmed Cabdi Dhicisow ayaa waxa uu sheegay in Saxaafadda ay tahay mid Madax banaan oo aan la aamusin karin, isagoo tilmaamay in qof waliba ay Mas’uuliyad ka saaran tahay in uu ka hadlo wixii jira oo xaqiiqda ku saleysan, isagoo ku tilmaamay dambi wayn in loocago jugleeyo qofka bini’aadanka ah.


Tan iyo markii gudoomiyaha Maamulka gobolka Banaadir uu si cad ugu hanjabay Saxaafadda Madaxa banaan ee ka howlgasha gudaha Magaalada Muqdisho ayaa waxa isa soo tarayaya cambaareynta iyo waliba hadallada liddiga ku ah hadalka Tarsan oo kasoo yeerayay qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed oo ay ugu horeeyaan Culumada ay sida aadka ah dadka u qadariyaan.


Muqdisho:Wednesday April 11, 2012: (Wararka Dowladda ee Soomaaliya) : Sannad guurrada ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo sannadkan ka baddelnaan doonta sannadihii horre, sababta maxay tahay? Sannadkanse maxaa laga filan karaa oo isbaddel ah ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed jiritaankooda.


Sannadihii aynu soo dhaafnay, sannad guurrada ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed waxay u dhacday siyaabo kala duwan, sannadkaanse waxaa ka muuqanaya isbaddello xooggan, kuwaasi oo dhammaantood ku xardhan guullo ay ummadda Soomaaliyeed u riyaaqday.


Ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed marka laga hadlayo waxa ay ka baddellan yihiin guud ahaan ciidammada Soomaaliya, hasa yeeshee Sababtaasi maxey tahay? Ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed magacooda ha raagge, waxa ay sumcad iyo sharaf aan la illaabi Karin ku leeyihiin Qaaradda Afrika iyo guud ahaan caalamka, calaamadaha taariikhiga ah ee ciidammada Xoogga lagu xasuusto, waxaa ka mid ah.


Markii dhidibada loo taagay ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed sannadkii 12-kii April 1960-kii, iyaga oo ka kooban 17-sargaal ayeey wax ka yar Shan sannadood ku gaareen ciidan dhammeystirsan oo dalka dhan Difaaciisa u diyaarsan.


Marka aad xuurraansato raggii waayo joogga u ahaa dhismaha iyo awooddii ay lahaayeen ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed, sida S/Guud Maxamed Cali Samatar, waxa ay xaqiijiyeen dadaalka iyo waqtiga ku baxay xoojinta iyo Tayenta ciidammada Xoogga in ay ahayd mid ay u dhammaayeen guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.


Xulashada Askariga Xoogga ku biirraya waxa lagu xulan jiray astaan Waddaniyaddeed, taasi oo raali gallin jirtay mariiska ummadda Soomaaliyeed, haddii aan intaasi uga guddubno, isbaddelka 21 sanno kaddib ka muuqda ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo waxa laga filan karo sannadha soo aadan.


Marka laga hadlayo sannad guurrada 52-aad ee ku beeggan  12-ka April maalinta birri oo kale waxa ay ka baddelnaan doontaa waayihii horre loo soo dhaafay, taasi oo ay sabab u tahay Laba arrimood oo mihiim ah, sida dhismaha ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo isbaddel xooggan uu ku yimid, haddana sii hiigsaya, sidoo kale guullo ay hoggaanka u hayaan ciidammada Xoogga dalka oo ay shacabka Soomaaliyeed ku mushaaxayaan.


Diyaarinta guullahaasi iyo dhismaha ciidammada Xoogga dalka Soomaaliya ee hadda jira, saraakiil iyo General-o ayaa uga mahad celiyay madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed, oo ay ku tilmaameen mid ka mid ah Abaayaashii soo maray ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed.


Tan iyo markii uu madaxweynaha Jamhuuriyadda la wareegay tallada hooggaanka dalka, waxa uu ku dhiirraday soo celinta iyo dhismaha ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo guud ahaan ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed, waxaana arrintaasi ay dhallisay  in maanta aan leenahay ciidammada kala duwan, isla markaana sannadaha soo socda looga fadhiyo in ay dib u hantaan kaalintooda ama astaamihii ay ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed  lahaayeen, waxaana ku soo gabagabeynayaa Hambalyo diiran oo aan si wadajir ah uga direyno ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed.


 





 


WASAARADDA WARFAAFINTA, BOOSTADDA IYO ISGAARSIINTA

وزارة صومالية للمعلومات
SOMALI MINISTRY OF INFORMATION POSTS AND TELECOMMUNICATIONS












Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in Wariyayaal iyo Fanaanniin ku dhaawacmay qaraxii Tiyaatarka loo qaadi doono caafimaad dibedda ah, iyadoo sheegtay in dalal badan ay codsi u direen, si arrintaasi loo fuliyo.

Moqdisho: Talaado, April 10, 2012 (Wararka Dowladda Soomaaaliya ee Maanta)Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya mudane C/qaadir Xuseen Maxamed “Jahweyn” oo Radio Muqdisho wareysi siiyay ayaa sheegay in ay dowladda Soomaaliya ay wado dadaal ballaaran oo ku aadan sidii caafimaad dibedda ah loogu qaadi lahaa wariyayaal iyo Fanaanniin dhaawac culus uu ka soo gaaray qaraxii Afartii bishan ka dhacay xarunta Murtida iyo Madadaallada ee Theater-ka.

Waxa uu xusay wasiirka in dalal badan ay codsi u direen, isla markaana uu rajeynayo in si deg deg ah looga jawaabo codsigaasi, si dalka dibeddiisa loogu baxnaaniyo Waiyayaasha iyo Fanaanniinta Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii Mudane Jahweyn ayaa hoosta ka xariiqay in dowladda ay ka go’antahay wax u qabashada dadkii ku waxyeelloobay qaraxii ay dhagar qabayaasha Al-Qaacidda ka geysteen Tiyaatarka qaranka, isagoo carrabka ku dhuftay in laga soo jawaabay cosiyada qaar, taasina ay fududeeneyso in dadka dhaawacyada ah si deg deg ah loo qaado.

Garoowe: Talaado, April 10, 2012 (Wararka Dowladda Soomaaaliya ee Maanta): Dowlada Puntland ayaa ku tilmaantay wax soo dhaweyn iyo bogaadin mudan heshiis ka dhacay deegaanka Rako raaxo ee Gobolka Karkaar kaasi oo dhexmaray Laba beel oo walaalo ah kuwasi oo uu dhexmaray dagaal.

Wasiirka amaanka Puntland Khaliif Ciise Mudan ayaa sheegay in safar ay ku soo mareen deegaanka rako xili ay ku guda jireen howlo shaqo oo dhanka Amaanka ah ay kula soo kulmeen Xaflad lagu soo afjarayay Khilaafka laba beel oo halkaasi ku heshiiyay.

Waxa uu ku tilmaamay heshiiskaasi mid taariikhi ah oo guul weyn laga gaaray ka dowlad ahaana ay marqaati ka ahaayeen sida loo heshiiyay  iyo waxa lagu heshiiyay, taasina ay tahay mid amaanka qeyb weyn ka ah oo loo qaaday dhanka wanaagsan.

“Baal dahab ah ayay galeysaa waxa halkaa ka dhacay, waana mid  tusaale u noqonaya Xalinta khilaafaadka Puntland” ayaa hadalkiisii ka mid ahaa wasiirka amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan.

Magaalada Rako raaxo ee Gobolka Karkaar ayaa waxaa lagu soo gaba gabeeyay xalin khilaafaad laba beel oo walaalo ah u dhexeysay taasi oo soo jiitameysay mudo 5 bilood ah iyadoo halkaasi lagu kala qaatay Magtii islamarkaana gacanta la isu saaray dhinacyadii dagaalku dhexmaray.

Talaado, April 10, 2012 (Wararka Dowladda Soomaaaliya ee Maanta):Dr Cabdi Adaaim oo ah ninka ugu sareeya arimaha Tacliinta iyo Diinta iyo Safiirka Soomaliya u fadhiya dalka Masar isla markaana ah maduubka jaamacada Carabta ayaa maanta si wada jir ah uga hadlay arimaha Soomaaliya iyagoona iskula jeex jeexay sidii Soomaaliya waxa loogu qaban lahaa

Dr Cabdi Adaaim ayaa ku nuux nuuxsday Soomaaliya in ay walaalo yihiin waxbadana ay u qabteen hadana diyaar u yahiin isagoona sheegay in sanadkaan wax badan u qaban Doonaan Soomalida dhanka wax barashada il goonina ku eegi doonaan waxuuna sheegay Dr in Soomaaliya mahiim u tahay Masar iyo diinta Islaamka 

Waxa badan horaan ugu qabanay hadana diyaar baan u nahay in aan caawina waxaana idiin sheegaya buu yiri in aan dhawaan daawooyin geeyeen Soomaaliya iyo qalab kale oo badan hadana

Alasar horey waxaan Soomaaliya ka caawin jirnay buu yiri wax barashada iyo diinta hadana waa wadeynaa waxuuna ku booriyey Soomaalida in ay gacmaha is qabsadaan ilaaheyna u nodaan

Masuuliyiinta ka socotay Sheikj Alsarka ayaa sheegay in Soomalida ku nool Masar kuwooda qaxootiga ah xoogaa lacag la siin doono dhawaan

Dhanka kale waxaa isagana hadalka qaatay Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Masar Mudane Cabdulaahi Xasan isagoona u mahad celiyey dalka Masar qaasatay Sheik Alsar dadaalka ay Soomaaliya ka wadaan iyo siday hada diyaar uga yihiin waxuuna sheegay in waligeen Masar walaalo aheyn hadana walaaltinimadeyna ay sii socon doonto

Markoow hadalka dhamaaday ayaa waxaa saxaafada la hadlay safiirka Soomaaliya usagoona halkaasi lagu weydiiyey suaalo dhowr ah


Kampala: Isniin, April 9, 2012 (Wararka Dowladda Soomaaaliya ee Maanta) Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri museveni ayaa uga digay ciidamada Nabad ilaalinta ee Ururka Midowga Afrikaee AMISOM inay dhibaatooyin u geystaan shacabka Soomaaliyeed.

Warkan oo lagu soo daabacay Wargeyska Daily Monitor ee kasoo baxa dalka Uganda ayaa lagu tibaaxay in Madaxweynaha dowladda Uganda uu hadalkan jeediyay xilli taba bar Ciidamo ka tirsan dalkaasi loogu soo xiriyay Magaalada Sayango ee dalka Uganda.

Madaxweynaha dalka Uganda ayaa sheegay inay ka fogaadaan duqeynta goobaha dadka rayidka ay ku xoogan yihiin, ilaaliyaanna ammaanka dadka rayidka ee ku sugan goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya.

Madaxweyne Musavani ayaa sheegay inay looga baahan yahay Ciidamada AMISOM weeraro xayladaysan ay ku qaadaan gobolada dalka oo ay Maamulaan Kooxda Al Shabaab.

Qarax dhimasho iyo dhaawac gaystay oo goordhow ka dhacay Magaalada Baydhabo
Baydhabo: Isniin, April 9, 2012 (Wararka Dowladda Soomaaaliya ee Maanta):Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in halkaasi uu goordhow uu ka dhacay qarax sababay dhimasho iyo dhaawac, qaraxaasi ayaa la sheegay inuu ahaa miino la geliyay Suuqa khudaarta ee magaalada Baydho.

Qaraxaan ayaa waxa uu sababay inay ku dhintaan 11 qodfood oo rayid ah, iyadoo qaraxu uu dhacay Xiligii duhurnimada manta, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay in ka badan ilaa 15-qof oo uu ku jiro askari ka tirsan ciidmada dowladda KMG ah ee Soomaaliya.

Falkaaso qaraxa ahaa ayaa la sheegay in askariga ku dhaawacmay lala bartimaameedsaday, balse askarigaasi uu halkaasi ka soo gaaray dhaawac fudud, iyadoo asriga uu joogay xilaga qaraxa dhacaayay Suuqa khudaarta magaalada Baydhabo.

Dhinaca kale ma jirto ilaa iyo hadda cid sheegatay mas’uuliyada qaraxaasi, hase yeeshee saraakiisha Dowladda ee Baydhabo ku sugan ayaa sheegaya in qaraxaasi ay ka dambeeyaan Al-Shabaab.

Muqdisho  Isniin, April 9, 2012 (Wararka Dowladda Soomaaaliya ee Maanta): Guddiga Cadaaladda barlamanka KMG Soomaaliya ayaa todobaad gudahiisa ugu baaqay dowladda KMG ah inay meel kusoo saarto ciddii ka dambeeysay qaraxii naxdinta lahaa ee ka dhacay National Tiyaatar ee Muqdisho.

Xildhibaan Salaad Cali Jeelle oo maanta ka hadlayay Xarunta Golaha shcabka ee Magaalada Muqdisho aya waxaa uu sheegay in DKMG ah looga baahan yahay inay cadaaladda horkento ciddii ka dambeysay qaraxii dadka badani ay wax ku noqdeen ee todobaadkii lasoo dhaafay ka dhacay Xarunta golaha murtidada iyo madadaallada National Tiyaatar ee Magaalada Muqdisho.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Madaxda DKMG Soomaaliya ay horkeenaan sharciga dadkii ku lugta lahaa qaraxaasio oo ay ku baxeen Mas’uuliyiin ka tirsan DKMG oo uu ka mid ahaa Xildhibaan Mowliid Macaane Max’ud, haddii taasi dhici waysona Mas’uuliyiinta dowladda lagama maarmaan ay tahay inay is casilaan, wuxuuna intaasi ku daray in haatan Muqdisho aan ka jirin wax nabad ah.

Salaad Cali Jeelle oo hadalkiisa wata ayaa waxa uu sheegay in todobaadkaani gudahiisa looga baahan yahay Madaxda DKMG inay kala cadeeyaan shaqsiyaadkii ka dambeeyay qaraxaasi oo haatan Isbitaallada Muqdisho ay la jiifaan Saxafiyin dhowr ah oo wax ku noqday  qaraxaasi.

Dhawaan ayay aheyd markii qarax Ismiidaamin ah oo ay ku dhinteen  Madax ka tirsan bahda Sportiga iyo Madax kale uu ka dhacay Xarunta National Tiyaatar ee Magaalada Muqdisho  kaasi oo ay Mas’uuliyaddeeda ay sheegteen Kooxda Al Shabaab.

Mulaxaamiistaha Wayn Jiim Sheekh Muumin oo Xabsiga Hargaysa laga sii daayay dibna ugu soo laabtay Muqdisho.

Muqdisho  Isniin, April 9, 2012 (Wararka Dowladda Soomaaaliya ee Maanta):

Waxaa maanta magaalada Muqdisho si oogu soo dhaweeyay Mulaxamiistaha wayn ee Jiim Sheikh Muumin oo ka mid ah Laxamiistayaasha Soomaaliyeed oo muddo ku xirnaa xabsi ku yaalla magaalada Hargeysa ee Maamulka Somaliland.

Mulaxamiiste Jiim Sheekh waxaa uu ku soo laabtay magaalada Muqdisho, iyadoo ay soo dhaweeyeen bahda fanaaniita Soomaaliyeed iyo dadweyne fara badan, iyadoo la sheegay in fanaankaasi inuu Caafimaadkiisa wanaagsan yahay.

Jiim Sheekh Muumin ayaa sheegay inuu si aad ah ugu faraxsan yahay inuu xurayadiisa dib u helo, waxaana uu u mahad celiyay dhamaan dadkii ka qeyb qaatay in laga sii daayo xabsiga Magaalada Hargaysa.

Dhinaca kale waxaa la sheegay in Jiim Sheekh Muumin uu ku xirnaa Xabsiga Magaalada Hargaysa mudo 5 sanno ah, wuxuuna maamulka Somaliland ku xukuntay Laxaamiistahaasi xukun dil toogasho ah.

Hargeysa: Isniin, April 9, 2012 (Wararka Dowladda Soomaaaliya ee Maanta): Tan iyo bilawgii bishan April ayaa magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland waxa si weyn looga dareemeyey dhaqdhaqaaqyo lagu hirgelinayo Shirweynayaal ay qabsanayaan Urur-siyaasadeedyada Somaliland laga diiwaangeliyey dhammaadkii sannadkii 2011-ka, kuwaasoo raba inay ka qaybgalaan doorashada golayaasha deegaanka dalka oo sannadkan gudihiisa lagu wado inay Somaliland ka qabsoonto.


Muqdisho 
Isniin, April 9, 2012 (Wararka Dowladda Soomaaaliya ee Maanta): Madaxweynaha DKMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo markii ugu horeysay si rasmi ah uga faalooday qaraxii Arbacadii ka dhacay munaasabadii lagu qabtay Golaha Murtida iyo Madadaalada ayaa shaaca ka qaaday arimo aysan horey dawladu u sheegin.

Madaxweynaha oo xalay hadal ka jeediyey kulan casho ah oo lagu casumay wariyaal iyo fannaaniin laguna qabtay aqalka madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa dhamaan masuuliyada dhibaatadii dhacday dusha u saaray khalad ay sameysay wasaarada warfaafinta iyo qabanqaabiyaashii xafladii Arbacadii oo uu sheegay inaysan ka taxadrin amniga dadka faraha badan ee goobtaasi isugu yimid.

Madaxweyne Shariif wuxuu soo qaatay saddex arimood oo kala ah;

- In munaasabada dadka badani lagu casumay aan lagu wargelin hay’adaha amaanka, gaar ahaan booliska iyo nabadsugida.

- In waraaqaha casumaada ee loo diray martida aan loo qaabeyn si sharci ah isla markaana cid kasta ay heli kartay.

- Iyo in wasaarada warfafinta oo duyaarinta xafladaasi lahayd aysab wax qorsge ah u sameyn habka ay munaasabada u dhici lahayd taasoo keentay in qaabka aan xadidneyn ay munaasabada u dhacdo.

“Markii aan weydiinay hay’adaha amaanka waxay dhamaantood cadeeyeen inaan lala socodsiin xaflada” ayuu yiri madaxweynaha oo sheegay in khaladka oo dhan ay qaadaneyso wasaaradda warfaafinta.

Baaritaanka socda iyo imaanashaha madaxweynaha

Madaxweynaha oo waxyaabo aan horey loo maqlin daaha ka rogay ayaa cadeeyey in hadalkiisa uu qeyb ka yahay baaritaan weli u socda hay’adaha amaanka hase yeeshee uu ka hordhacayo macluumaadka qaarkood.

Wuxuu madaxweyne Shariif Axmed sheegay in isaga uu maalintaasi iman lahaa munaasabada uuna ku martiqaadnaa laakiin dano kale dartood uu uga baaqday.

“Aniga maalinkaas waxaan ka mid ahaa dadkii lagu casumay xaflada laakiin duruufo kale oo i soo galay dartood ayaan uga maqnaaday” ayuu sii raaciyey hadalkiisa.

Hadalka madaxweyne Shariif ayaa yimid xilli dawlada oo dhan ay ku mashquulsan tahay ogaanshaha qaabkii haweeneydii ismiidaamisay gudaha ugu soo gashay xafladii Tiyaatarka ka dhacaysay Arbacadii hore halkaasoo dadkor u dhaafaya toban ruuxay ku naf waayeen 40-meeyo kalana ay dhaawacyo ugu jiifaan isbitaalada illaa hadda.

Waxaa dhinaca kale hadalka madaxweynuhu yimid iyadoo wasiirka wasaaradda warfaafinta C/qaadir Xuseen Jaahweyn oo qabanqaabada xaflada ay wasaaradiisu lahayd uu hadda dalka ka maqan yahay.


Nairobi:  Isniin, April 9, 2012 (Wararka Dowladda Soomaaaliya ee Maanta): Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed ayaa si weyn u dhaliilay wax ka qabasho la’aanta amnidarida dalka kajirta iyo xasuuqa lagu hayo dadka waxtarka u leh bulshada ee maalin walba dalka ka dhacaysa.

Cali Mahdi oo kaqeybgalay aaskii xildhibaan Mowliid Macaane Maxamuud iyo Feysal Xaaji Cilmi oo labaduba shalay galab lagu aasay magaalada Nairobi ayaa sheegay inay nasiib darro tahay in maalin kasta laga qeybgalo aaska halyeeyo Soomaaliyeed oo cadow ay dileen, sida uu sheegay.

“Innaa Lillaahi waa inaa Ileyhi raajicuun, Haddee waa nasiib daro in aan maalin walba gelbino halyeeyadeenii oo meyd ah oo xaqdaro lagu dilay” ayuu yiri Cali Mahdi oo sheegay in sidan aan dalka lagu fiirsan karin.

Wuxuu Cali Mahdi ku baaqay midnimo inay Soomaalidu yeelato si ay cadawgeeda ugu soo jeesato.

Cali Mahdi wuxuu dhanka kale tacsi u diray dhamaan dadkii Soomaaluteed ee qaraxii tiyaatarka qaranka ku dhintay kuwaasoo uu tilmaamay in gacan ka xaq daran ay dishay.

Aska labada masuul ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay raysul wasaarayaashii hore ee KMG ahaa Cali Maxamed Geedi iyo Cumar C/rashiid Sharma’arke oo labaduba hadda ku sugan Nairob

 


XAFIISKA GOLAHA SHACABKA SOOMAALIYEED

OFFICE OF THE SOMALI PARLIAMENT




Muqdisho: Axad, April 8, 2012 (Wararka Dowladda Soomaaaliya ee Maanta): Gudoomiyaga Golaha Baarlamaanka Mudane Madoobe Nuunoow ayaa maanta shaaca ka qaaday inay Golaha Barlamaanka Soomaaliya dooran doonaan Madaxweyne cusub taariikhdu mar ay tahay April 30keeda, 2012 ayadoo doorashadaas lagu qaban doono gudaha dalka Soomaaliya. Gudoomiyaga Golaha Baarlamaanka Mudane Madoobe Nuunoow ayaa waxuu ka codsaday inay soo gudiyaan arjiyadda dadka u tartamaya Jaggadda Madaxweynenimadda dalka Soomaaliya taariikhdu marka ay tahay April 30, 2012.

Gudoomiyaga Golaha Baarlamaanka Mudane Madoobe Nuunoow waxuu u mahadceliyey bahda safaxaafadda Dowladda iyo Saxaafaddaha kale ee xorta ah kuwaasoo runta ka sheega waxa ka jira gudaha dalka Soomaaliya iyo dibta qayaxan ee lagu hayo Ummadda Soomaaliyeed asagoo sheegay inuu Guddoomiyihii hore ee Golaha Barlamaanka Sharif Aadan yahay qof si waalan jaggo laga qaaday weli waalanaya kaasoo xaqiiqda ka fog isla-markaasna beesha caalamka ay ogtahay.

Gudoomiyaga Golaha Baarlamaanka Mudane Madoobe Nuunoow waxuu ka codsaday Xildhibaannadda doortay inay si walaalnimo ah tacsi ugu diraan Xildhibaan Mowliid Macaane iyo dhammaan dadkii wax ku yeeloobay qaraxii Tiyaatarka Soomaaliya.

Waad Mahadsan Tihiin,

Gudoomiyaga Golaha Baarlamaanka Mudane Madoobe Nuunoow

Muqdisho: Axad, April 8, 2012 (Wararka Dowladda Soomaaaliya ee Maanta): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay casho sharaf u sameeyey saxafiyiinta ka howlgalla magaalada Muqdisho.

Casho Sharaftan oo ka dhacday aqalka Madaxtooyada Qaranka ayaa waxaa Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ku wehliyey Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan,Wasiirudowlaha Wasaaradda Warfaafinta,Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya ahna kusimaha Wasiirka Mudane Maxamed Cabdi Kaamil,Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta,Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane C/risaaq Cali Yuusuf(Bahlaawi),Agaasimaha Waaxda Warbaahinta, Agaasimayaasha Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka iyo Wariyeyaal ka kala socday Warbaahinta Qaranka iyo kuwa Madaxa banaan.

Casho Sharafta oo aheyd mid si heer sarre ah loosoo agaasimay ayaa cashada kadib waxaa goobta ka bilowday khudbado ayadoo khudbadii ugu horeysayna uu jeediyey Agaasimaha Telefishinka Qaranka Mudane C/raxmaan Xasan Jimcaale oo isagu ugu horeyn Madaxweynaha uga mahad celiyey marti qaadka uu wariyeyaasha u fidiyey waxaana uu markaa kadib ka faalooday marxaladaha ay xiligan ku shaqeeyaan saxafiyiinta ka howlgasha Muqdisho iyo sidoo kale marxaladihii uusoo maray Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed.

Cali Muuse Cabdi oo isagu ah saxafi rug cadaa ah inmudo ahna kusoo dhexjiray saxaafadda islamarkaana ka howlgalla wakaalada wararka AFP iyo Abwaan Cismaan C/laahi Guure oo isaguna ah agaasimaha Radio Kulmiye ee magaalada Muqdisho oo labaduba u hadlayey wariyeyaasha ayaa mahad celin kadib waxa ay Madaxweynaha Jamhuuriyadda ka codsadeen in Dowladdu muhiimad gaar ah siiso xiligan ammaanka saxafiyiinta ayadoo Abwaan Guurena uu madasha kasoo jeediyey gabay uu Madaxda Dowladda ku weydiinayey mas’uuliyadda dhacdadii dhowaan ka dhacday tiyaatarka Qaranka.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo isna kulanka Khudbad ka jeediyey ayaa ku ammaanay saxafiyiinta iyo fanaaniinta xiligan ku sugan Caasimadda sida ay ugu dhabar adeegeen iney bulshadooda u shaqeeyaan waxaana uu dhanka kale xusay inay jiraan dhaliillo ay saxafiyiinta qaarkood leeyihiin.

Mudane C/risaaq Cali Yuusuf (Bahlaawi)Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta,Boostada iyo Isgaarsiinta oo isna dhankiisa khudbad kooban ka jeediyey munaasabadda ayaa tilmaamay ugu horeyn in casuumaadan uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda u sameeyey Saxafiyiinta iyo fanaaniinta Soomaaliyeed ay muujineyso sida Madaxweynuhu Saxaafadda saaxiib ula yahay waxaana uu dhanka kale agaasimuhu ka hadlay qorshayaal ay Wasaaraddu dooneyso in lagu dhiirageliyo Saxaafadda.

Wasiirudowlaha Wasaaradda Warfaafinta,Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya ahna kusimaha Wasiirka Mudane Maxamed Cabdi Kaamil oo isna khudbad ka jeediyey madasha ayaa ku dheeraaday xiligan daruufaha kala duwan ee ay saxafiyiinta Soomaaliyeed ku shaqeeyaan waxaana uu Madaxweynuhu ka codsaday in gargaar caafimaad oo dalka dibadiisa loo fidiyo saxafiyiin iyo fanaaniin ku dhaawacmay qaraxii dhowaan ka dhacay tiyaatarka Qaranka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo khudbaddii ugu dambeysay ka jeediyey Munaasabadda ayaa ugu horeyn wariyeyaasha Soomaaliyeed waxa uu ku ammaanay sida ay xiligan ugu dul qaadanayaan daruufaha soo wajaha ayaga oo u taagan iney bulshadooda usoo gudbiyaan xaqiiqada dhabta ah waxaana uu sidoo kale Madaxweynuhu ka jawaabay su’aashii gabayga lagu weydiiyey isaga oo si gaar ahna farta ugu fiiqay in dhacdadii dhowaan ka dhacday tiyaatarka ay ku timid dayacaad  maadaama aanay la wargelin hay’adihii ammaanka qaabilsanaa.

Ugu dambeyntii Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa saxafiyiinta Soomaaliyeed ee xiligan ku sugan gudaha dalka kula dardaarmay inay ka qeybqaataan sugida ammaanka iyo dib u dhiska dalka ayadoo Madaxweynuhu xusuusiyey saxafiyiinta waajibka ka saaran difaaca diinta,dadka,dalka iyo Qarannimada.

Xafladda casho sharafta aheyd ayaa guud ahaanba kusoo gebagaboowday jawigii loogu talagalay waxaana ay soo idlaatay abaarre 11:30PM xiliga Muqdisho ayadoo xafladan uu xalay Madaxweynuhu u sameeyey saxafiyiinta iyo fanaaniinta ay tahay tii ugu horeysay ee nooceeda ah uu ku marti qaado wariyeyaal iyo fanaaniin waxaana kasoo qeybgalay ku dhowaad 200 oo ruux.


Muqdisho: Axad, April 8, 2012 (Wararka Dowladda Soomaaaliya ee Maanta): Gudiga qaban qaabada Doorashooyinka Madaxtinimo oo maanta kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa soo bandhigay sharuudaha laga rabo musharaxa xilka madaxtinimada.

Kullankaani oo ay isugu yimaadeen guddiga qaban qaabada olalaha doorashada Madaxtinimo ee dalka Soomaaliya ayaa maanta waxa uu ka dhacay Xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho kuwaasi oo ka wada hadlay sidii loo soo de dejin lahaa ololaha Doorashada Madaxtinimo ee dalka Soomaaliya.

Xildhibaan Ismaaciil Axmed Nuur oo ka mid ah guddiga qaban qaabada ayaa waxa uu shaaca ka qaadya in laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 7-da bisha April ilaa iyo 21-ka bishan ay socon doonto arraaji qabahada musharaxiinta doonaysa inay isu soo taagaan xilka Madaxtinimo ee dalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha guddiga qaban qaabada Doorashada Madaxtinimo ee dalka Soomaaliya oo isna kullankaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in 30-ka bishan ay doorashada Madaxtinimo ay ka dhici doonto Xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho, isagoo ka dalbaday musharaxiiinta xilkaasi inay soo buuxiyaan shuruudaha looga baahan yahay.

Guddigaani doorashada ah ee shaagay inay xilka ka qaadayaan Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaan la’ogayn sida ay kusuuro gali karto inay xilka ka qaadaan Madaxweynaha dowladda KMG ah maadaama beesha Caalamka ay waddo dadaallo ay ku doonayso inay ku xaliso khilaafaadka ka dhex taagan barlamanka Soomaaliya.

Muqdisho: Axad, April 8, 2012 (Wararka Dowladda Soomaaaliya ee Maanta):Taliyaha Ciidamada Nabad ilaalinta ee Ururka Midowga Afrika AMISOM Jeneral Fred Mugisha oo waraysi sii nayay BBC-da ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada AMISOM ay bilaabeen inay ku faafaan goobo ka baxsan Caasimadda Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.

Fred Mugisha ayaa waxa uu sheegay inay wadaan naqshid cusub oo 4-Saldhig oo waa wayn looga sameynayo Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya si ay u degaan Ciidamada AMISOM, ugana saaraan gobolka Xarakada Al Shabaab.

Mugisha ayaa tilmaamay in Saldhigga koowaad uu noqon doono Magaalada Muqdisho, midka labaadna uu noqon doono Baladweyne, seddaxaadna uu noqon dono Jubbooyinka halka midka afaraadna uu noqon doono gobolada Bay iyo Bakool.

Taliska AMISOM ayaa sheegay in Ciidamadaasi ay isugu jiri doonaan dalalka Uganda, Burundi, Kenya, Jabuuti iyo  Sierra Leone taasina ay fududeynayso in Al Shabaab lagala wareego gobolada ay Maamulaan sida uu hadalka u dhigay,.

Dhawaan ayay aheyd markii Ciidamo ka socda AMISOM ay gaareen Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Bay, iyadoo sidoo kale shalay Saraakiil ka socota wadanka Sierra Leone ay gaareen deegaanno iyo degmooyinka ka mid ah gobolka Gedo Koofur galbeed ee dalka Soomaaliya.+


Garoowe:
Axad, April 8, 2012 (Wararka Dowladda Soomaaaliya ee Maanta): Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland C/raxmaan Faroole ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Xarakada Al Shabaab oo uu sheegay in ay u guureen deegaanada Puntland.

C/raxmaan Max’ed Max’uud Faroole Madaxweynaha maamulka Puntland  oo ka hadlay goob ay ka socotay munaasabad waxbarasho oo ka dhacday Magaalada Garoowe ayaa ku baaqay dagaal ka dhan ah deegaanada Puntland.

Madaxweyne Faroole ayaa waxa uu sheegay in tan iyo wixii ka dambeeyay bishii Augusto ee sanadkii tagay Markii Al Shabaab ay ka baxeen Muqdisho islamarkaana ciidamada dowladaha dariska ah howlgalo ay ka bilaabeen gobolada dhexe iyo kuwa koofurta Soomaaliya in dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab gudaha ay u galeen deegaanada Puntland kuwaasi oo uu tilmaamay in fariisimo ay ka sameysteen buuraha Golis ee gobolka Bari.

Farooe waxa uu tilmaamay in ay jiraan maamulo Al Shabaab u fududeeya in ay galaan deegaanada Puntland si ay u dhibaateeyaan shacabka Puntland sida uu hadalka u dhigay, isagoo xusay in Puntland looga baahanyahay in ay ka hortagto dagaalyahanada Al Shabaab ee soo galay Puntland.

“ Al Shabab Buuraha Goolis ayay u soo guureen waxa ay ka soo guureen koofur, hadii adiga lagugu soo guuray hade in aad waxqabato sow lama rabo, ilaa bishii Augusto markii Al Shabaab xamar uu ka baxay Puntland geedi ayaa ku soo jeeday” ayuu yiri Faroole

Madaweynaha Maamulka Puntland waxa uu carabka ku dhuftay inay jiraan dad u dhashay deegaanada Puntland oo marti qaad u fidiyay Al Shabaab si ay wiiqaan awooda maamulka Puntland.

Dhawaan ayay aheeyd markii hogaamiyaha Kooxda Al Shabaab fariin u soo duubay lagu sheegay in dagaalyahanada Al Shabaab ee kusugan ay wadaan dagaalka ka dhanka ah Maamulkaasi si awoodooda loo wiiqo.


Nairobi:
Axad, April 8, 2012 (Wararka Dowladda Soomaaaliya ee Maanta): Xildhibaan Mowliid Macaane iyo Faysal Max’ed Cilmi oo ahaa ka tirsanaa Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa xalay iyo saakay ku kala geeriyooday Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya.

Faysal Max’ed Cilmi ayaa Magaalada Nairobi ku geeriyooday xalay xilli shalay laga qaaday Magaalada Muqdisho, lana gaarsiiyay Isbitaal ku yaalla Nairobi, hase haatee uu u geeriyooday dhaawacii kasoo gaaray Xarunta National Tiyaatar ee Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale saakay ayaa Magaalada Nairobi waxa ku geeriyooday Xildhibaan Mowliid Macaane oo ka mid ahaa barlamanka KMG Soomaaliya, waxaana Xildhibaanka uu u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray qaraxii ka dhacay Xarunta Golaha Murtida iyo Madadaallada qaranka ee Magaalada Muqdisho sida Idaacadda Shabelle uu u xaqiijiyay Xildhibaan Max’ud C/laahi Wehliye Waqaa oo ka tirsan barlamanka Soomaaliya.

Shalay ayay aheyd markii labadaasi Mas’uul loo qaaday Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya maadaama dhaawacoodu uu ahaa mid aad u darran, waxna looga qaban waayay Isbitaallada ku yaalla Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya.


Paris: Jimco, April 6, 2012 (Wararka Dowladda Soomaaaliya ee Maanta): Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Faransiiska ayaa lagu sheegay in dowladda Faransiisku ay sida ugu kulul u cambareynayso dilkii loo geystay wariyihii Idaacadda Shabelle Alla ha Unaxariiste Mahad Salaad Aadan kaasi oo kooxo aan waxba ka aqoon bini’aadannimada ay ku dileen Magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan.

Xukuumadda Faransiiska ayaa ka tacsiyadeysay dilkii foosha Xumaa ee lagula dhaqaaqay Wakiil Wareedkii Shabelle ee gobolka Hiiraan.

Wasarada arrimaha dibadda dowladda Faransiiska ayaa sheegtay in looga bahan yahay DKMG Soomaaliya inay sharciga hor keento dadkii ka dambeyay dilkii loo geystay Wariiyeyahaasi, ayna sidoo kale damanad  qaaddo ammanka saxafiyiinta ku sugan gudaha dalka Soomaaliya.

Tomis oo u hadlay wasaradda arrimaha dibadda ee dowladda  Faransiiska ayaa tibaaxay in kooxihii dilay Mahad Salaad Aadan ay donayaan inay amusaan warbahinta xorta ee ka jirta dalka Soomaaliya, dowladda Faransiiskana ay kala shaqeynayso DKMG Soomaaliya sidii loo xaqiijin lahaa ammaanka Saxaafadda Soomaaliyeed.

3-ruux oo ay wajiyada u duubnaayeen ayaa dilay Alla ha Unaxariistee Wariyihii Shabelle ee Hiiraan Mahad Salaad Aadan, iyadoo la sheegay in mid ka mid ah raggii dilkaasi gaystay la dilay.

New York: Jimco, April 6, 2012 (Wararka Dowladda Soomaaaliya ee Maanta):Maraykanka ayaa sheegay in lacag ay ugu deeqayaan dadka xaaladaha kala duwan ku haysta dalka Soomaaliya.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in shacabka Soomaaliyeed ay ugu deeqayso lacag gaaraysa 50-Milyan oo dollar-ka Maraykanka ah, kaasi oo loogu dagaalamayo baahida ka jirta dalka Soomaaliya.

Wasiiradda arrimaha dibadda ee dowladda Maraykanka Hillary Clinton ayaa waxa ay sheegtay in Soomaaliya ay tahay mid ka mid ah dalalka ugu dhibaatada badan dalalka Caalamka islamarkaana ay ku dhibaateysan yihiin kuwamaan ruux oo Soomaali ah, ayna ugu talagaleen lacagta in lagu bad baadiyo dadka ku jira Xerooyinka barakacayaasha ah ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya.

Hillary Clinton ayaa waxaa ay sheegtay in bilihii lasoo dhaafay dalka Soomaaliya ay ka dhacday macluul aad u baahsan, Caalamkana uu usoo gurmaday si wax looga qabto, hase ahaatee ilaa iyo hadda ay taagan tahay dhibaatooyinka bini’aadannimo sida ay hadalka u dhigtay.

Wasiirka arrimaha dibadda ee dowladda Maraykanka ayaa waxa ay sheegtay in dhibaatada ay qeyb ka tahay dagaalada dowladda KMG ah iyo AL SHabaab ku dhexmaray Koofurta Soomaaliya, taasina ay sababtay in dad u baahan gar-gaar ay heliwaayeen.

Muqdisho: Jimco, April 6, 2012 (Wararka Dowladda Soomaaaliya ee Maanta): Guddoomiyihii hore ee barlamanka KMG Soomaaliya Sheekh Aadan Max’ed Nuur (Aadan Madoobe) oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda KMG ah looga baahan yahay in ay taxadar badan a muujiyaan weerarada is qarxinta ah oo ay Xarakada Al Shabaab ka fuliyaan gudaha Magaalada Muqdisho.

Aadan Madoobe ayaa sheegay in qaraxii ka dhacay National Tiyaatar uu yahay barnaamij taxano ah oo dadka wax galka u ah bulshada Soomaaliyeed lagu laynayo sida uu hadalka u dhigay.

Aadan Madoobe ayaa sheegay in dadka gaysanaya qaraxyada aysan wax naxariis ah u aheynin shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna tilmaamay in Al Shabaab degmada Ceel-barde ee gobolka Bakool ay guryahoodu ugu galeen Mas’uuliyiin islamarkaana ay qaarkood laayeen.

Markii uu dhacay qarixii National Tiyaatar oo ay dad badani waxyeello kasoo gaartay ayaa waxa isa soo tarayay cambaareynta ay jeedinayaan Mas’uuliyiinta DKMG, Hay’adaha caalamka, Aqoonyahannada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada kuwaasi oo ku baaqaya in taxadar laga muujiyo weerarada nuucaasi oo kale ah.


Nairobi: Jimco, April 6, 2012 (Wararka Dowladda Soomaaaliya ee Maanta): Qaraxaani oo ahaa mid xooggan ayaa la sheegay in uu ka dhacay Kaniisad ku taalla Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya halkaasi oo la sheegay inay ka socdeen dabaal dagyo ay dhiganayeen Masixiyiin ku nool dalkaasi.

Wasiirka arrimaha gudaha dalka Kenya George Saitoti oo la hadlay Warbaahinta ayaa si kulul u camaabreeyay qaraxaani lagu qaaday Kaniisadda kaasi oo la sheegay inay ku dhinteen labo ruux.

George Saitoti ayaa waxa uu sheegay in qaraxaani ay ka dambeeyeen Xarakada Al Shabaab sida uu hadalka u dhigay, waxaana uu tilmaamay in iminka Xaafado dhowr ah oo ku yaalla Magaaladaasi ay ka socdaan howlgallo ku aadan qaraxaasi iyo dadkii fuliyay.

Mid ka mid ah dadkii ku sugnaa Kaniisaddaasi oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in qaraxaani uu ahaa mid aad u xooggan, islamarkaana uu arkay dhaawacyada dadka gaaraya ilaa 5-ruux oo ay qaadayeen Ciidamada booliska dalka Kenya si ay u gaarsiiyaan Isbitaallada.

Isbuucyo ka hor ayaa qaraxyo xooggan waxa ay ka dhaceen Magaalada Mombasa ee dalka Kenya halkaasi oo ay ku geeriyoodeen dad badan oo Kenyan ah, iyadoo Kenyana ay ku eedeysay Kooxda Al Shabaab.

Moqdisho: Jimco, April 6, 2012 (Wararka Dowladda Soomaaaliya ee Maanta): Guddiga Warfaafinta barlamanka KMG Soomaaliya ayaa cambaareeyay dilkii loo gaystay Wariyihii Idaacadda Shabelle ee gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha guddiga Warfaafinta ee barlamanka KMG Soomaaliya Xildhibaan Cawad Axmed Cashara oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu dil dulmi ah dilkii shalay galinkii dambe kooxo hubaysan ay Magaalada Baladweyne ugu geysteen Wakiil Wareedkii Idaacadda Shabelle ee gobolka Hiiraan Alla Ha Unaxariistee Mahad Salaad Aadan.

Xildhibaan Cawad Axmed Cashara ayaa waxa uu sheegay in kooxaha dilalka u gaysanaya Saxaafadda Xorta ah aan loo dul qaadan karin islamarkaana ay cambaareynayaan kooxihii ka dambeeyay dilkii shalay.

Xildhibaanka ayaa tilmaamay in Xukuumadda KMG ah ay ka gaabisay wax ka qabashada ammaanka oo aysan jirin sida uu hadalka u dhigay Ciidan xoog leh oo wax ka qabta ammaanka, isagoo sheegay in loo baahan yahay in Xukuumadda ay wax ka qabato Kooxaha isku dayaya inay caburiyaan Bahda Saxaafadda.

Baladweyne: Jimco, April 6, 2012 (Wararka Dowladda Soomaaaliya ee Maanta): Saakay ayaa Magaalada Baladweyne  ee Xarunta gobolka Hiiraan gaar ahaan Xaafadda Siigaaloow waxaa lagu aasay Alla Ha Unaxariistee Wakiil Wareedkii Idaacadda iyo Tv-ga Shabelle Mahad Salaad Aadan oo shalay kooxo dhagar qabayaal ah ay ku toogteen Magaalada Baladweyne.

Aaska Wariyeha ayaa waxa ka qeyb galay Saxafiyiin, Aqoonyahanno, waxgarad, Odayaal, qeybaha kala duwan ee bulshada iyo dad weyne farabadan kuwaasi oo si aad ah ugu carooday dilkii loogaystay Allah Ha Unaxariistee Wariye Mahad Salaad Aadan (Mahad Jarmal) oo Shabelle Wakiil Wareed ugu ahaa Magaalada Baladweyne.

Wariye Mahad ayaa Ifka waxa uu ugu tagay Xaas iyo Canug uu dhalay waxaana da’diisa qiyaas ahaan ay u dhaxaysay 23-jir ilaa 24-jir, iyadoo guud ahaan shacabka Magaalada Baladweyne ay wax laga xumaado ku tilmaameen dilka loo gaystay wariyeyahaasi oo soo tabin jiray dhibaatooyinka iyo xaaladaha kala duwan  ee Magaalada Baladweyne.

Saraakiil ka tirsan DKMG ayaa sheegay in xalay Bandow lagu soo rogay Magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan si gacanta loogu soo dhigo naxariis laawaye yaashii ka dambeeyay dilka wariyeyahaasi, iyadoo shalay la sheegay in la dilay mid ka mid ah raggii weerarka ku dilay Wariye Mahad Salaad Aadan.

Shacabka Magaalada Baladweyne ayaa loogu baaqay inay garab istaagaan Saxafiyiinta ka howlgala Magaaladasi maadaama ay u adeegayaan bulshada Soomaaliyeed.

New York : Khamiis, April 5, 2012 (Wararka Dowladda Soomaaaliya ee Maanta): Hadal kooban oo uu saxaafada siiyay Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ninka lagu magacaabo Martin Nesirky ayaa waxa uu ku sheegay in wakiilka Soomaaliya u qaabilsan Qaramada Midoobay Augustine Mahiga uu aad uga xumaaday weerarkii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay golaha Murtida iyo madadaalada qaranka ee Magaalada Muqdisho.

Mr. Nesirky ayaa u sheegay saxaafadda in Mahiiga uu sheegay in aysan qaraxaasi aysan u hakan doonin hormarada laga gaarayo dalka Soomaaliya islamarkaana la sii wadi doono dadaal kasta oo lagu nabadeynayo dalka Soomaaliya.

Sida laga soo xigtay Nesirky Mahiiga ayaa ugu baaqay xarakada Al Shabaab in ay joojiyaan weerarada iyo qaraxyada ismiidaaminta ah ee ay ku waxyeeloobayaan dadka Soomaaliyeed ee ay ka geysanayaan Magaalada Muqdisho.

Xarakada Al shabaab ayaa shalay qarax xoogan oo qasaare geystay waxa ay ka fuliyeen xarunta Natoinal Tiyaatarka halkaasi oo ay ku geeriyooday dad farabadan oo ka qeyb galay xaflad xaruntaasi ka dhaceysay.

Bismillaahi Al-Raxmaani Al-Raxiimi


KU: Ummadda Soomaaliyeed Gudaha Dalka Iyo Dibaddaba

CC: Dhammaan Safaaraddaha Jooga Soomaaliya

CC: Qaramadda Midooway

CC: Ururka Midowga Afrika

CC: Ururka Midowga Yurub

CC: Dhammaan Ururadda Caalamiga ah


                                                                                                                                             On April 5, 2012

Mudanayaal/Marwooyin,

Subject: Shuruudaha Laga Rabo Musharaxiinta Jaggadda Madaxweynaha Dalka Soomaaliya August 20, 2012

Shuruudaha Laga Rabo Musharaxiinta Jaggadda Madaxweynaha Dalka Soomaaliya August 20, 2012


  1. Waa inuu ku dhashay gudaha dalka Soomaaliya

  2. Waa inuu caafimaad qabo 100% asagoo ogol inuu keeno warbixinta caafimaadkiisa iyo dhakhaatiirtiisa si ay u hubbiyaan inay Ummadda Soomaaliyeed shaqsiga hoggaamin doona Xafiiska Madaxtooyadda ee Dalka Soomaaliya

  3. Waa inuu haysto waxbarasho jaamacaddeed sida Shahaadada heerka seddexaad ee jaamacadda taasoo loo yaqaano “Doctorate AMA PhD taasooo ah Cilmiga Siyaasadda.

  4. Waa inuu caddeyo hantida uu ku leeyahay gudaha dalka iyo dibaddaba inta aan loo dhiibin Xafiiska Madaxtooyadda Dalka Soomaaliya.

  5. Waa inuu qabo xaas Soomaali ah oo ilaa seddex fac isirkeedu soo gelin dad shisheeye ah ama aynan waxba ilmo ah u soo dhalin shisheeye inta uu guursan ka hor,

  6. Waa inuu wax dembi ah ka galin dad, dalka, deriska iyo caalamka kale ee ay Ummadda Soomaaliyeed ku dib-u deggeen.

  7. Waa inuu yahay Muslim xafidsan Qur'aanka Kariimka ah ee Barakaysan ama Qof uu yahay Caalim Ku Takhasusay Diinta Islaamka.

  8. Waa inuu ku hadlaa Af-Soomaali Maxaa Tiri, Maay, Af-Shinbireed/Af-Jinni Iyo Afar luuqadood oo shisheeye ah sida English, Arabic, Chinese, Spanish IWM.

  9. Waa inuu qoray buuggaag faa'iido u leh dadweynaha Soomaaliyeed iyo Bulsha weynta-Caalamka.

  10. Waa inay da'diisa u dhexeyso 25 sanno ilaa 45 sanno.

  11. Waa inuu guursadaa laba gabar/hablood oo naafo ah, da'dooda ka weyn tahay 18 sanno kuwaasoo wax ka beddeli doonan dhibka iyo xaq-darrada lagu hayo guryaamiinta Dalka Soomaaliya.

  12. Waa inuu wax musuqmaasuq ah ku bixin Tartanka Jaggadda Madaxweynaha Soomaaliya.


Guddiga Baarista Iyo Buuxinta Sharuudaha Jaggadda Madaxweynaha Soomaaliya ee Musharaxiinta

  1. Drs. Casha Cilmi Xaaji (Ku guullaystay Biladda Alternative Noble Prize).

  2. Drs. Hawo Cabdi Dhiblaawe (Ku guullaystay billaddo badan of dalka iyo dibaddaba ayadoo ku caawinaysa dadka danyarta ah caafimaad lacag la'aan ah iyo xerooyin caafimaad).

  3. Drs. Fozia Shiikh Ibraahim (Qof si joogta ah uga warqaba hoggaanka dalka Soomaaliya)

  4. Eng. Ruqiya Maxamed (Injineeraddii ugu horeysay Gabdhaha/Hablaha dalka Soomaaliyeed ahna qof aad ugu ololaysa Soomaaliya oo nabad ah).

  5. Dr. Cali Shiikh Axmed (Madaxweynaha Jaamacadda Moqdisho).

  6. Prof. Maxamed Cabdi Aadn (Madaxweynaha Jaamacadda Barriga Africa),

  7. Prof. Yahye Sheikh Caamir, Madaxweynaha Jaamacadda Soomaaliya

  8. Jibriil Ibraahim Cabdulle, Agaasimaha Xarunta Cilmi-Baarista Iyo Wadahadalka (CRD)

  9. Journalist Maxamed Shiikh Cismaan “Qadaafi.” (Wariye xirfad sare leh ahna qof u ololeeya arrimaha dhallinyaradda Soomaaliyeed).

  10. Marwo Faadumo Jabrril (Si weyn ugu ololaysa Arrimaha Bey'adda/Deegaanka iyo Waxbarashadda,

  11. Dr. Hashi Cabdimuciid “Haashi Geelle.” (Nabaddoon Soomaaliyeed).

Anniga waxaan rummaysnahay haddii annaga(u) rabno in aan aragno Soomaaliya oo nabad ah taasoo aan lagu soo celin gummaysi shisheeye ah qarniga 21naad, fadlan waa in aanu u dooranaa dadkan ah waxgaradka Soomaaliyeed kuwaasoo fulin doona baarista khaaska ah ee musharaxiinta jaggadda Madaxtooyadda Agoosto 20, 2012.

Aad ayaad ugu mahadsan tihiin,

Waxaa Soo Diyaariyey/Qoray Danjire Dr. Badal W. Kaariye, Minneapolis, MN USA

somaliauthor@hotmail.com





In the Name of Allah the Most Gracious, the Most Merciful


TO: Somali People in Somalia and around the globe

CC: All the Diplomatic Missions in Somalia

CC: The United Nations (UN)

CC: The African Union (AU)

CC: The European Union (EU)

CC: All the International Organizations

                                                                                                                                       On April 5, 2012

Your Excellencies,


Subject: The Required Conditions of Somali Presidential Candidates On August 20, in 2012


The Required Conditions of Somali Presidential Candidates in 2012


  1. He/She must born in the Democratic Republic of Somalia

  2. He/She must be health 100% and accepts to bring his/her health report and doctor's name for medical verification as Somalis to know whom they will appoint for the Presidency of the Democratic Republic of Somalia. .

  3. He/She must have completed higher education holding Doctor of Philosophy in Political Science “PhD” Or Doctorate in Political Science.

  4. He/She must declare his/her treasury assets nationally and globally before taking up the Presidency of the Democratic Republic of Somalia.

  5. He/She must have married Somali spouse for three genealogical generations, and he/she must have not foreign any children.

  6. He/She must not be committed crimes nationally, regionally and internationally as well as in countries where Somali people have resettled.

  7. He/She must be Muslim who commemorated the Holly Qur'an or Islamic Religious Cleric,

  8. He/She must speak Somali with two different dialects such as Maxaa Tiri/Maay, Local Satanic Slang/Bird's Speech such as Af-Jinni/AF-Shimbireed plus four other international languages.

  9. He/She should have written books which are very valuable to Somalis and the greater global societies.

  10. He/She must be between 25 years of age to 45 years,

  11. He must marry two disabled girls above the age of 18 years who will change the problems and misuse for the rights of the disabled people in Somalia.

  12. He/She must not bribe during the Presidential Campaign for the Presidency of the Democratic Republic of Somalia.


The Vetting and Fulfillment Committee of the Conditions for the Somali Presidential Candidates in 2012


  1. Drs. Asha Elmi Haji (Alternative Noble Prize Winner)

  2. Drs. Hawo Abdi Dhiblaawe (A Woman with Many Local and International Awards for better Health and Setting up Health Camps for the needy people freely)

  3. Drs. Fozia Sheikh Ibraahim (A Women with Exceptional Leadership for Current Politics in Somalia

  4. Eng. Ruqiya Mohamed (Firstt Somali Civil Engnieer & Advocate for peaceful Somalia)

  5. Dr. Cali Sheikh Ahmed, The President of the University of Mogadishu

  6. Prof. Mohamed Abdi Aadn, The President of East Africa University in Bossasso

  7. Prof. Yahye Sheikh Caamir, The President of the University of Somalia

  8. Jibriil Ibrahim Abdulle, The Director of he Center for Research & Dialogue (CRD)

  9. Journalist Mohamed Sheikh Osmaan “Qadaafi.” (A Talented Journalist & Advocate for Somali Youth)

  10. Marwo Faadumo Jabrril (A Great Fighter for Environment and Education)

  11. Dr. Hashi Cabdimuciid “Haashi Geelle.” (Veteran Somali Peace-maker)

I believe that if we need to see peaceful Somalia without foreign recolonization in the 21st century then please let's appoint these highly qualified Somali intellectuals who will carry out special vetting for Somali Presidential Candidates on August 20, 2012.


Thank you very much,


Prepared and Written by Ambassador Dr. Badal W. Kariye (Dr. Hunbul), Minneapolis, MN USA

somaliauthor@hotmail.com



Muqdisho: Arbaco, April 4, 2012 (Wararka Dowladda Soomaaaliya ee Maanta): Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dadaal ugu jirto sidii loo Horumarrin lahaa Telefishinka qaran Soomaaliya iyo guud ahaan warbaahinta qaran, iyadoo ay maanta ku beeggan tahay sannad guurrada koowaad ee markii dib loo howlgalliyay Telefishinka qaranka Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya mudane Cabdi Weli Maxamed oo wareysi siiyay Radio Muqdish ayaa ugu horreyn u hambalyeeyay guud ahaan madaxda iyo shaqaalaha warbaahinta qaranka, isagoo sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu arko Telefishinka qaranka Soomaaliyeed oo muddadii sannadii la soo dhaafay qabtay howl aad u adag.

Ra’iisul wasaaraha ayaa carrabka ku dhuftay in dowladda Soomaaliyeed ay ahmiyad gaar ah siineyso guud ahaan warbaahinta qaranka, isagoo xusay in Telefishinka qaranka Soomaaliyeed ay ku howllan yihiin tayeynta iyo sarre u qaadidiisa.

“shaqaalaha Telefishinka waxaan ku dhiira galinayaa in ay sii wadaan howsha qaran ee ay ummaddooda u hayaan, isla markaana dowladda ay ku dadaalli doonto Horumarrinta Telefishinka qaranka Soomaaliya oo maanta sannadii guurradiisa koowaad u dabaal daggaya” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha.

Ugu dambeyntii ayuu ballan qaaday in Telefishinka la gaarsiin doono sida kuwa Horumarray ee gaar loo leeyahay oo kale ama kuwa dowladdaha Horumarray, isagoo intaa ku daray in uu Telefishinka ku biiri doono Tartanka Tv-yada caalamka.


Muqdisho: Arbaco, April 4, 2012 (Wararka Dowladda Soomaaaliya ee Maanta): Qarax ayaa waxa uu k adhacay Gudaha Tiyaatarka Muqdisho xilli uu Khudbad jeedinaayey R.wasaare C.weli Maxamed cali oo goob joog ka ahaa Xafladda lagu xusayey sanad guurada 28aad ee Asaaskii TV-ga qaranka,

ma jiro cid ka tirsan Golaha wasiirada ama xildhibaanada oo ku dhintay Qaraxaas, Waxaase jira Marti sharaf uu ku jiray Saciid Mugaanbe oo ka tirsanaa Masuuliyiinta xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo goobta ku geeriyooday,mana jiro ilaa hada wax faah faahin ah oo ay saraakiisha ammaanku ka bixiyeen qaabka uu qaraxu u dhacay.

Dhaawacyada isbitaallada la geeyey ayaa tiro ahaan gaarayey Toban ruux ayadoo dhaawacyada qaarkood ay yihiin kuwo fudud waxaase dhaawacyadaasi ka mid ah wariyeyaal ka tirsan idaacadda iyo TVga Qaranka iyo wariyeyaal iyaguna ka socday idaacadaha madaxa banaan iyo dad kale oo shacab ah oo Munaasabadda ka qeybgalay.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa dhowaan la filayaa inay faah faahin rasmi ah kasoo saarto qaraxa iyo qasaaraha uu geystay.

Muqdisho: Arbaco, April 4, 2012 (Wararka Dowladda Soomaaaliya ee Maanta):Waxaa si rasmi ah uga  bilaabatay magaalada Muqdisho xafladii loogu dabaal dagayay sanad guuradii Koowaad ee ka soo wareegtay markii dib loo howlgeliyay Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed.

Munaasabadan lagu maamuusayo markii loo bilaabay SNTV mudo 20 sano kadib ayaa waxey ka socodtaa golaha murtida  iyo madadaalada National Theater waxaana si toos ah looga dhageysanayaa Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya.


 



TALISKA BOOLISKA SOOMAALIYA

Muqdisho: Talaado, April 3, 2012 (Wararka Dowladda Soomaaaliya ee Maanta): Taliska ciidammada Booliska Soomaaliyeed ayaa wacad ku maray in ay  xididdada u siibi doonaan malleeshiyaadka Al-Qaacidda, maadaama ay doonayaan in ficillo argagixisinimo ka geysteen caasimadda, isagoo sheegay in ciidammada Booliska la galiyay heeggan buuxa si amniga loo adkeeyo.

Taliyaha ciidammada Booliska Soomaaliyeed S/guud Shariif Sheekh Qunaa oo Radio Muqdisho la hadlay ayaa sheegay in ciidammada Booliska  Soomaaliyeed ay u diyaarsan yihiin sidii ay uga hortagi lahaayeen falalka amni darrada ee ay soo malleegayaan Al-Qaacidda.

Waxa uu wacad ku maray in ay siibayaan xididdada malleeshiyaadka Al-Qaacidda ee doonaya in ay dhibaootooyin ka geysteen Muqdisho, isagoo intaa ku daray in ammaanka caasimadda uu xudun u yahay ammaanka guud ee dalka.

Taliyaha ayaa carrab ku dhuftay in ciidammada ammaanka ay guul ka gaarreen howlgallada amniga lagu adkeenayo, isagoo sheegay in ciidammada ay ka hortageen falal isugu jira qaraxyo iyo weerarro naf lacaarrinimo ah.

Ugu dambeyntii ayuu ugu baaqay ummadda Soomaaliyeed ee nabadda jecel in ay caawiyaan oo la shaqeeyaan ciidammada Booliska ee dadaalka ugu  jira bad baadinta dadka Soomaaliyeed ee dhibaatada muddada ku jiray.





HAY'ADDA NABADSUGIDDA QARANKA SOOMAALIYEED

SOMALI NATIONAL SECURITY SERVICES (NSS)

أجهزة الأمن الوطنية الصومالية



Muqdisho: Talaado, April 3, 2012 (Wararka Dowladda Soomaaaliya ee Maanta): Hey’adda Nabad Sugidda qaranka Soomaaliyeed ayaa beennisay haddal dhawaan ka soo yeerray horjooggaha Shabaab u qaabilsan gobolka Banaadir,kaasi oo ahaa in ay dileen isla markaana ay kuwa kale afduubteen ciidammo ka tirsan Nabad Sugidda qaranka, iyadoo hey’addu ballan qaaday in ay sii xoojin doonto illaalinta ummadda Soomaaliyeed.

Agaasimaha guud ee hey’adda Nabad Sugidda qaranka Axmed Macallin Fiqi oo wareysi siiyay Radio Muqdisho ayaa sheegay in haddalkii ka soo  yeerray horjooggaha Shabaabka Al-Qaacidda ee gobolka Banaadir in uu yahay mid uu niyadda ugu dhisayo  malleeshiyaadkii ku jabay howlgalladii Muqdisho, isla markaana aysan jirin ciidan hey’adda Nabad Sugidda ka tiran oo Shabaab ay khasaaro gaarsiiyaan.

“ninka Shabaab u qaabilsan gobolka Banaadir waan garanayaa waa nin calaamadihiisu ay ugu horreeyaan fuleynimada, sidoo kale waa shaqsi aan  ka war hayn waxa ka socda magaalada Muqdisho oo uu isaga nafsaddiisa uga baxsaday magaalada” ayuu Radio Muqdisho u sheegay Axmed Macallin Fiqi.

Waxa uu carrabka ku adkeeyay in marnaba aysan jirin waxa khasaaro ah oo Shabaab gaarsiyeen ciidammada Nabad Sugidda oo fashiliyay isku daygiiAl-Qaacidda ay ku dooneysay ficillada ay ka geysan lahayd Muqdisho,waxa uuna intaa ku daray in ciidammada Nabad Sugidda ay laba jibaarreen
 howlgalladooda.

Agaasimaha Nabad Sugidda ayaa yiri” Al-Qaacidda waxa ay si xaq darro ah u dileen dad masaakiin ah oo ay ku sheegeen in ay ka tirsan yihiin  Nabad Sugidda, laakin Shabaab ay goor dhow arkin doonaan jawaabta ay ka  bixiyaan ciidammada Nabad Sugidda Qaranka.

Muqdisho: Talaado, April 3, 2012 (Wararka Dowladda Soomaaaliya ee Maanta): Wasaaradda Isboortiska Xukuumadda Soomaaliya ayaa dhallinyarada uga digatay in loo adeegsado hurrinta colaadaha iyo siyasaaddaha kala duwan, iyadoo dhanka kale ku dhiira galisay in ay ka qeyb qaataan Horumarrinta dalka.

Wasiiru dowlaha wasaaradda Isboortiska Xukuumadda Soomaaliya mudane C/llaahi Sheekh Cali “Khaloocoow” oo shalay warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay dhibaatooyin kala duwan la kulmeen muddadii ay dalka dagaallada ka socdeen, laakin hadda looga baahan yahay in ay gartaan waddada saxda ah ee looga baahan yahay.

Wasiiru dowlaha ayaa xusay in dhibaatooyinka dhallinyarada Soomaaliyeed ku dhacay in ay ka mid yihiin, ku hurrinta colaadaha oo uu  farta ku fiiqay in kuwa badan lagu khalday, waxa uu intaa ku in hadda la  gaaray xilligii ay dhallinyarada ka qeyb qaadan lahaayeen Horumarrinta dalka.

Waxa uu farriin u diray dhallinyarada loo adeegsaday xisbiyada siyaasaddeed in ay isaga tana sulaan oo ay ka qeyb qaataan kaalintii ay  Bulshada uga jireen, waxa uuna ballan qaaday in wasaaradda Isboortiska ay wax badan ka qaban doonto arrimaha dhallinyarada iyo dar dargalinta Isboortiska dalka





XAFIISKA MADAXWEYNAHA

OFFICE OF THE PRESIDENT

Muqdisho: Isniin, April 2, 2012 (Wararka Dowladda Soomaaaliya ee Maanta): Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo digniin kulul u jeediyey Maamulka Somaliland inay si deg deg ah u joojiyo weerarka gardarada ah ee uu ku soo qaaday Maamulka Khaatumo State kaasoo markii ay rag keen sida qaldan ee ay ula dhaqmaan tuugada rabta inay Ummadda Iyo Qaranka Soomaaliyeed loo googooyo xaafado ay xukummaan siyaasiyiin qabiili ah. Dadka Iyo Dowladda Soomaaliyeed waxay qirayaan inay Maamulka Somaliland ee jahwareersan kaasoo caaddaystay inuu been iyo khiyaali ka dhaadhicyo dadka uu xabsiga ku xirtay. Dowladda Soomaaliya waxay codsanaysaa Beesha Caalamka inay diwaangeliyaan waxyaabaha qaladka iyo khiyaanooyinka lagu baabi'inayo dadka degan deegaanadda taariikhiga ah ee la ogyahay inay ku jabeen gummaysigii soo weeraray Ummadda Soomaaliya kuwaasoo ka baxay marka ay xukummi waayeen dadkii geesiyadda ahaa ee diiday, waxaa nasiib darro ah kuwii la socday, la shaqaynayey Gaaladdii Gummaysiga inay maantana isku dayaan inay kala go'gooyaan dalka Soomaaliya. Soomaaliya waa mid, Maamulka Khaatumo State waxay aqoonsi buuxa ka haystaa Dowladda Soomaaliya asagoo uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed. Soomaaliya waa dal kaliya marka haddii aad qabiilkaaga been iyo buusi u sheegi jiray marka hadda waxaan ka codsanaa inay Maamulka Somaliland joojiyo fidnada iyo fowdada siyaasaddeed haddii kala dembiyada ay soo geli jireen waxaa la gaynaa Maxkamadda Caalamiga ee ICC.

Waa iga tallo inuu joojiyo Madaxweynaha Maamulka Somaliland Mudane Axmed Maxamuud Maxamed "Siilaanyo," Iyo Maamulka Puntland kaasoo jahwareer ku ridaya dadka Khaatumo State kuwaasoo ka tashaday aayaha qabiilkooda iyo deegaankooda.

Dowladda Somaliya waxay taageersan tahay Khaatumo State iyo cidii samaysata Maamul hufan si uu Ummadda wax ugu qabto!.

Waad Mahadsan Tihiin,
 
Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed
Muqdisho: Sabti, April 1, 2012 (Wararka Dowladda Soomaaaliya ee Maanta):

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Cali Maxamed Gaas oo si heer sare ah loogu soo dhoweeyey Muqdisho kadib markii u safar gaab ku gaaray Nairobi meeshaasoo uu uga qaybgalay shir.

Muqdisho: Sabti, April 1, 2012 (Wararka Dowladda Soomaaaliya ee Maanta): Guddiga Dasturka ee barlamanka KMG ayaa ugu baaqay  shacabka iney ka dhii dhiyaan Dastuurka lagu wado in loo sameeyo dalka Soomaaliya

Abukaate Max’ed Nuur Sheegoow oo ka mid ah Xildhibaanada barlamanka KMG Soomaaliya oo waraysi gaar ah siiyay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay ka hortagaan Dastuurka qabyo qoraalka ah ee la doonayo in lagu ansixiyo ku dhawaad kun ruux oo uu sheegay in xoogga dollar ah Jeebka loo galiyay.

Sheegoow ayaa waxa uu xusay in qof waliba haddii uu sameeyo wax qalad ah ama wax sax ah oo ay dan ugu jirto shacabka Soomaaliyeed ay xusid doonto taaraakhda,  hase ahaatee waxa uu tibaaxay in dadka haatan u ololeynaya in la ansixiyo Dastuurka ay jiri doonto xilli lala xisaabtamo, isagoo intaasi ku daray in Dastuurka 1960-kii uu ahaa Dastuur ay ansixiyeen dhamaan shacabka Soomaaliyeed, hase ahaatee kan haatan qabyada ah uu yahay mid ay dani ugu jirto dad gaar ah sida uu hadalka u dhigay.


Xildhibaanka ayaa hoosta ka xariiqay inay lumayaan Masiirka Umadda Soomaaliyeed oo iyagu qeyb ka ah Nabadda ka jirta Soomaaliya oo uu sheegay in lagu helay hanaanka 4.5-ka oo ay wax ku qeyb sato Soomaalida, hase ahaatee waxa uu sheegay in 6-da ruux ee loogu magac daray Saxiixayaasha aysan matalin Umadda Soomaliyeeed.



Mudane Maxamed Maxamuud Xaaji Ibraahim Waxaa loo magacaabay Ra’iisul-Wasaare ku-xigeen ahna Wasiirka Beeraha Iyo Xanaanadda Xoolaha ayaa maanta shaacaka qaaday in aan laga qaadin karin jaggooyinka asagoo sheegay inay qalad tahay sida uu Maaxweynaha Mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed Iyo Ra'iisal Wasaaraha Mudane Dr. Cabdiweli Cali Maxamed Gaas ay u dhinac mareen Axdiga Mu-meelka, hab qaybsiga beelaha 4.5 iyo Kampala Roadmap. Sida ay Ummadda Soomaaliyeed waxay ogtahay Mudane Maxamed Maxamuud Xaaji Ibraahim inuu si sax ah u gutay Hawlaha Wasaaraddii Arrimaha Dibadda Iyo Xiriirka Caalamiga taasoo si sgharci darro ah uu uga wareejiyey Madaxweynaha Mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed Iyo Ra'iisal Wasaaraha Mudane Dr. Cabdiweli Cali Maxamed Gaas markii uu diiday inuu safiiro u magacaabo dad ay kala wadeen labada masuul ee ka sareeya. Waa xaqiiqo in Ra'iisal Wasaaraha loo beddalay Wasaaradda Beeraha Iyo Xanaanadda Xoolaha meeshaasoo lagu sii nasinayey si looga takhaluso ayadoo sharciga la dhinac marayo. Soomaalida Iyo Bulshada Caalamkaba way ka warqabtaa musuqmaasuqa ay weli si qayaxan u wada wadaan masuulliyiinta ka sareeysa nasiib wanaag mar jiro qof qof kale xilka qaadi kara ilaa uu Golaha Shacabka Soomaaliyeed ay ka fariistaan. Aniga waxaan ku imid 4.5 waxaan ahay aqoonyahanka kaliya ee kala waday Wsaaraddii Arrimaha Dibadda Iyo Xiriirka Caalamiga marka haddii fowdadan la sii wado waxaa dhici doona fowdooyin siyaasaddeed maxaayeelay ma jirto beel Soomaaliyeed oo beel kale wax u yeerin karta. Haddii si deg deg loogu soo xallin waayo dhibka ay maleegeen waxaan samayn doonaa wixii Ummadda Soomaaliyeed u fiican.

Paris: Saturday, March 31, 2012 (Wararka Dowladda Soomaaaliya ee Maanta): Madaxweynaha dowladda Faransiiska ayaa ku eedeeyay dowladda Qadar inay maalgaliso Xarakada Al Shabaab, isagoo dhinaca kale baaq u diray dowladdaasi.

Sida ay qortay Wakaaladda Wararka ee dalka Qadar, Madaxweynaha dalka Faransiiska Nicolas Sarkozy  oo u waramayay Wargays kasoo baxa dalka Faransiiska ayaa waxa uu ku eedeeyay dowladda Qadar inay maal galiso Xarakada Al Shabaab ee ka dagaalanta wadanka Soomaaliya.

Madaxweyne Nicolas Sarkozy ayaa sheegay in dowladda Qadar Xarakada Al Shabaab ay siiso saanad Militari iyo lacago si ay usii ballaariyaan dagaalada ka dhan ah dowladda KMG Somaaliya iyo Ciidamada AMISOM ee  ku sugan Magaalada Muqdisho.

Sarkozy ayaa waxa uu tilmaamay in boqorka dalka Baxrayn Sheekh Xamad Bin-khaliifa uu kala hadli doono sidii ay u joojin laheyd dowladda Qadar taakuleynta ay siiso Xarakada Al Shabaab, isagoo ugu baaqay dowladda Qadar in loo baahan yahay inay taageerto DKMG ah si loo soo celiyo Hay’adaha ammaanka.

Ugu dambeyn ayaa Madaxweynaha Faransiiska waxa uu sheegay in dowladda Qadar ay tahay dowladda muhiim u ah xallinta siyaasadda iyo jahwareerka ka taagan Soomaaliya, isagoo tilmaamay in lagama maarmaan ay tahay inay dhex dhexaasido dhibaatooyinka daba dheeraaday ee mudada ka taagan Soomaaliya. 

Addis Ababa: Saturday, March 31, 2012 (Wararka Dowladda Soomaaaliya ee Maanta): Madaxweynaha dowladda Faransiiska ayaa ku eedeeyay dowladda Qadar inay maalgaliso Xarakada Al Shabaab, isagoo dhinaca kale baaq u diray dowladdaasi.

Sida ay qortay Wakaaladda Wararka ee dalka Qadar, Madaxweynaha dalka Faransiiska Nicolas Sarkozy  oo u waramayay Wargays kasoo baxa dalka Faransiiska ayaa waxa uu ku eedeeyay dowladda Qadar inay maal galiso Xarakada Al Shabaab ee ka dagaalanta wadanka Soomaaliya.

Madaxweyne Nicolas Sarkozy ayaa sheegay in dowladda Qadar Xarakada Al Shabaab ay siiso saanad Militari iyo lacago si ay usii ballaariyaan dagaalada ka dhan ah dowladda KMG Somaaliya iyo Ciidamada AMISOM ee  ku sugan Magaalada Muqdisho.

Sarkozy ayaa waxa uu tilmaamay in boqorka dalka Baxrayn Sheekh Xamad Bin-khaliifa uu kala hadli doono sidii ay u joojin laheyd dowladda Qadar taakuleynta ay siiso Xarakada Al Shabaab, isagoo ugu baaqay dowladda Qadar in loo baahan yahay inay taageerto DKMG ah si loo soo celiyo Hay’adaha ammaanka.

Ugu dambeyn ayaa Madaxweynaha Faransiiska waxa uu sheegay in dowladda Qadar ay tahay dowladda muhiim u ah xallinta siyaasadda iyo jahwareerka ka taagan Soomaaliya, isagoo tilmaamay in lagama maarmaan ay tahay inay dhex dhexaasido dhibaatooyinka daba dheeraaday ee mudada ka taagan Soomaaliya. 

Addis Ababa: Saturday, March 31, 2012 (Wararka Dowladda Soomaaaliya ee Maanta): Wafdigaan ka socday dowladda Jarmalka ayaa waxaa hogaaminayay wasiirka iskaashiga iyo xiriirka caalamiga ah ee dowladda Jarmalka waxaana ay kulamo la qaateen madaxda dowladda KMG Soomaaliya kuwaasi oo ay ka wada hadleen iskaashiga labada dowladood iyo xiriirka ka dhaxeeya dowladahaasi oo mudo 25 sano ah aan xiriir toosan laheyn. Ku simaha R/wasaaraha ahna wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Xukuumada KMG Soomaaliya C/wahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, waxaana uu kulan la qaatay, wafdiga ka socoday dowladda Jarmalka kuwaasi oo ay ka wada hadleen xaalada wadanka iyo hanti la sheegay in dowladda Jarmalka ay ka heyso dowladda Soomaaliya. Intaasi kadib ayaa shir jaraa’id waxaa warbaahinta u qabtay kusimaha R/wasaaraha ahna wasiirka Ganacsiga DKMG iyo wasiirka hormarinta iyo xiriirka caalamiga ee dowladda jarmalka kuwaasi oo faah faahin ka bixiyay waxyaabaha ay ka wadahadleen, iyo qodobada ay isku raaceen. C/wahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa waxa uu sheegay in wafdiga Jarmalka ay u balan qaadeen in dib loogu soo celiyo Soomaaliya hanti dowladda Jarmalka ay ka qabto dowladda Soomaaliya, waxaana sidoo kale uu sheegay in ay isku afgarteen in la soo celiyo xiriirka labada dal oo mudo dheer lunsanaa. Sidoo kale wasiirka hormarinta iyo xiriirka caalamiga ee dowladda Jarmalka ayaa waxaa uu isna sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in uu dib u soo laabto xiriirka Soomaaliya iyo Jarmalka, isagoo sheegay in Jarmalka uu dowladda ku wareejin doono lacago gaaraya 4 milyan oo doolarka Maraykanka taasi oo dowladda Soomaaliya ay ku leedahay Jarmalka. Gaba gabadii wafdigii ka socday dowladda Jarmalka ayaa dib ugu laabtay Magaalada Nairobi, waxaana garoonka ka sagootiyay masuuliyiin ka tirsan golaha wasiirada iyo xildhibaanada Barlamanka KMG Soomaaliya.
Addis Ababa: Saturday, March 31, 2012 (Wararka Dowladda Soomaaaliya ee Maanta):  Kulan ay isugu yimaadeen QM, Midowga Afrika iyo wadamo ka socda dariska oo ka dhacay dalka Ethiopia ayaa waxa diiradda lagu saaray sidii wax looga qaban lahaa ammaanka Soomaaliya.

Ramtana Lamamra, guddoomiyaha guddiga ammaanka iyo Nabadda iyo ee Midowga Afrika oo ka hadlay Magaalada Addis Ababa ee Xarunta wadanka Ethiopia ayaa waxa uu sheegay in kulanka diiradda lagu saaray  sidii looxoojin lahaa awooddi Ciidamada ammaanka Soomaaliya si ay u xaqiijiyaan ammaanka iyo sidii ay meesha ugu saari lahaayeen Xarakada Al Shabaab.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in kasoo qeyb galayaasha kulanka ay ugu baaqeen inay gacan ka gaystaan sidii loo xoojin lahaa Ciidamada qalabka sida  iyo sidoo kale taageerada la siinayo Ciidamada AMISOM ee ku sugan Magaalada Muqdiho.

Ramtana Lamamra ayaa waxa sidoo kale sheegay in kulankaasi Madaxdii kasoo qeyb gashay ay diiradda saareen taageerada ku aadan dib u qalabeynta, dib u dhiska Ciidamada iyo in la siiyo saanad militari sida uu hadalka u dhigay.

Kulanka ka dhacay Magaalada Addis Ababa ee Xarunta wadanka Ethiopia ayaa waxa ka qeyb galay Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo wadamada ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya kuwaasi oo diiradda saaray sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka ka taagan Soomaaliya  iyo sidii loo xoojin lahaa awoodda Ciidamada qalabka sida ee DKMG ah.

Addis Ababa: Saturday, March 31, 2012 (Wararka Dowladda Soomaaaliya ee Maanta):  Kulan ay isugu yimaadeen QM, Midowga Afrika iyo wadamo ka socda dariska oo ka dhacay dalka Ethiopia ayaa waxa diiradda lagu saaray sidii wax looga qaban lahaa ammaanka Soomaaliya.

Ramtana Lamamra, guddoomiyaha guddiga ammaanka iyo Nabadda iyo ee Midowga Afrika oo ka hadlay Magaalada Addis Ababa ee Xarunta wadanka Ethiopia ayaa waxa uu sheegay in kulanka diiradda lagu saaray  sidii looxoojin lahaa awooddi Ciidamada ammaanka Soomaaliya si ay u xaqiijiyaan ammaanka iyo sidii ay meesha ugu saari lahaayeen Xarakada Al Shabaab.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in kasoo qeyb galayaasha kulanka ay ugu baaqeen inay gacan ka gaystaan sidii loo xoojin lahaa Ciidamada qalabka sida  iyo sidoo kale taageerada la siinayo Ciidamada AMISOM ee ku sugan Magaalada Muqdiho.

Ramtana Lamamra ayaa waxa sidoo kale sheegay in kulankaasi Madaxdii kasoo qeyb gashay ay diiradda saareen taageerada ku aadan dib u qalabeynta, dib u dhiska Ciidamada iyo in la siiyo saanad militari sida uu hadalka u dhigay.

Kulanka ka dhacay Magaalada Addis Ababa ee Xarunta wadanka Ethiopia ayaa waxa ka qeyb galay Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo wadamada ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya kuwaasi oo diiradda saaray sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka ka taagan Soomaaliya  iyo sidii loo xoojin lahaa awoodda Ciidamada qalabka sida ee DKMG ah.

Saturday, March 31, 2012 (Wararka Dowladda Soomaaaliya ee Maanta): Muqdisho: Xildhibaano ka tirsan barlamanka KMG Soomaaliya iyo Wariyeyaasha qaar ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Xukuumadda KMG ah ay ku fashilantay wax ka qabashada beegsiga lagu hayo Wariyeyaasha Soomaaliyeed.

Iyadoo maalmihii lasoo dhaafay ay sii badanayeen dilalka iyo waxyeelaynta loo gaysanayo Wariyeyaasha Soomaaliyeed ee ka howlagala Magaalada Muqdisho ayaa qaar ka mid ah Xildhibaanada barlamanka iyo Wariyeyaasha ka howlgala Magaalada Muqdisho oo ka qeyb qaadanayay barnaamijka Doodda Jimcaha Shabelle waxa ay sheegeen in Xukuumadda KMG
ah ay ku fashilantay wax ka qabashada ammaanka Saxafiyiinta ka howlgala Muqdisho.

Xildhibaan Cali Aadan Cabdullaahi oo ka hadlayay dilalka wariyeyaasha ayaa waxa uu sheegay inay sii bateen dhibaataynta Suxufiyiinta  Soomaaliyeed, islamarkaana aysan jirin cid ilaa iyo iminka loo soo taagay sharciga taasina ay muujinayso sida Xukuumadda ay ugu fashilantay wax ka qabashada arrimahaasi.

Sidoo kale Xildhibaan Axmed Cumar Gaa-gaalle oo ka mid ah barlamanka Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in Muqdisho ay ku sugan yihiin Ciidamo  badan oo isugu jira Soomaaliya iyo Ajaaniib, DKMG ahna looga baahan yahay inay qaadato Mas’uuliyadda wixii ka dhaca deeganada ay Maamusho.

Max’ed Nuur Max’ed (Shariifka) waxa uu ka mid yahay Wariyeyaasha ka howlgala Magaalada Muqdisho gaar ahaan Idaacadda Barkulan, waxaana uu  qabaa in wixii ka dhaca deegaannada ay Maamusho DKMG ah Mas’uuliyaddeeda loo raacanayo dowladda balase deegaannada ka baxsan oo ay Maamulaan Al  Shabaab wariyihii lagu dilaa Mas’uul ay ka yihiin Kooxda Al Shabaab

Agaasimaha Idaacadda Codka-ka Nabadda Axmed Max’ed Faarax (Gaatamow) oo isna ka qeyb qaadanayay Barnaamijka ayaa waxa uu sheegay inay jiraan  siyaabooyin badan oo loogu hortagi karo dilalka iyo dhibaateynta  wariyeyaasha Muqdisho,.

Xukuumadda KMG Soomaaliya oo horey ugu hadashay dilalka wariyeyaasha  Muqdisho ayaa waxa ay sheegtay inay wax ka qabanayso dhibaatooyinkaasi, hase ahaatee ilaa iyo iminka ma muuqato ififaallo muujinaya ka hortagga falalkaasi guracan, waxaana dad badan ay is waydiinayaan in ilaa iyo  iminka aysan jirin gacan ku dhiigle DKMG ah ay usoo qabatay dilalkaasi. 

Muqdisho: Xildhibaano ka tirsan barlamanka KMG Soomaaliya iyo Wariyeyaasha qaar ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Xukuumadda KMG ah ay ku fashilantay wax ka qabashada beegsiga lagu hayo Wariyeyaasha Soomaaliyeed.

Iyadoo maalmihii lasoo dhaafay ay sii badanayeen dilalka iyo waxyeelaynta loo gaysanayo Wariyeyaasha Soomaaliyeed ee ka howlagala Magaalada Muqdisho ayaa qaar ka mid ah Xildhibaanada barlamanka iyo Wariyeyaasha ka howlgala Magaalada Muqdisho oo ka qeyb qaadanayay barnaamijka Doodda Jimcaha Shabelle waxa ay sheegeen in Xukuumadda KMG
ah ay ku fashilantay wax ka qabashada ammaanka Saxafiyiinta ka howlgala Muqdisho.

Xildhibaan Cali Aadan Cabdullaahi oo ka hadlayay dilalka wariyeyaasha ayaa waxa uu sheegay inay sii bateen dhibaataynta Suxufiyiinta  Soomaaliyeed, islamarkaana aysan jirin cid ilaa iyo iminka loo soo taagay sharciga taasina ay muujinayso sida Xukuumadda ay ugu fashilantay wax ka qabashada arrimahaasi.

Sidoo kale Xildhibaan Axmed Cumar Gaa-gaalle oo ka mid ah barlamanka  Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in Muqdisho ay ku sugan yihiin Ciidamo  badan oo isugu jira Soomaaliya iyo Ajaaniib, DKMG ahna looga baahan yahay inay qaadato Mas’uuliyadda wixii ka dhaca deeganada ay Maamusho.

Max’ed Nuur Max’ed (Shariifka) waxa uu ka mid yahay Wariyeyaasha ka  howlgala Magaalada Muqdisho gaar ahaan Idaacadda Barkulan, waxaana uu  qabaa in wixii ka dhaca deegaannada ay Maamusho DKMG ah Mas’uuliyaddeeda loo raacanayo dowladda balase deegaannada ka baxsan oo ay Maamulaan Al  Shabaab wariyihii lagu dilaa Mas’uul ay ka yihiin Kooxda Al Shabaab.

Agaasimaha Idaacadda Codka-ka Nabadda Axmed Max’ed Faarax (Gaatamow)  oo isna ka qeyb qaadanayay Barnaamijka ayaa waxa uu sheegay inay jiraan  siyaabooyin badan oo loogu hortagi karo dilalka iyo dhibaateynta wariyeyaasha Muqdisho,.

Xukuumadda KMG Soomaaliya oo horey ugu hadashay dilalka wariyeyaasha Muqdisho ayaa waxa ay sheegtay inay wax ka qabanayso dhibaatooyinkaasi, hase ahaatee ilaa iyo iminka ma muuqato ififaallo muujinaya ka hortagga falalkaasi guracan, waxaana dad badan ay is waydiinayaan in ilaa iyo  iminka aysan jirin gacan ku dhiigle DKMG ah ay usoo qabatay dilalkaasi. 

Ambassador Mahiga ayaa Ra'iisul Wasaaraha uga mahadceliyey warbixinta tifatiran iyo sida ay Soomaalida uga go'antahay soo afjaridda xilliga kala guurka ah. Ambassador Mahiga ayaa ka codsaday beesha caalamka inay soo dedejiyaan dhaqaalihii lagu dhameystiri lahaa howlaha harsan oo ay ka mid yihiin soo xulida iyo isu keenista golaha ansixinta dastuurka iyo soo xulida xubnaha baarlamaanka cusub.

Lynn Pascoe oo isna goobta ka hadlay gunaanadkii ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay sida uu shirka u dhacay iyo sida saraaxadda leh ee looga dooday arrimaha muhiimka ah. Waxuuna sheegay in uu ku laaban doono New York isla markaana ka howlgali doono sidii loo Soomaaliya looga saacidi lahaa dhameystirka xilliga kala guurka ah iyo soo celinta amniga iyo kala danbeynta dalka.

Saturday, March 31, 2012 (Wararka Dowladda Soomaaaliya ee Maanta):  Wareegtadan oo Lambarkeedu ahaa 086 kuna taariikheysneyd 28/03/2012 cinwaankeeduna ahaa Xil Ka Qaadista Wasiirka Beeraha Xannaanada Xoolaha,Dhirta iyo Daaqa Ahna Ra`iisul wasaare Kuxigeen Mudane Mudane Maxame Maxamuud Xaaji Ibraahim ayaa shalay xilka uu uga qaaday Madaxweyne Shiiq Shariif tasoo uu in badan u kutubayey.

Xurgufta Madaxweynaha iyo Wasiirka ayaa iyadu soo bilaabatay Xiligii uu ahaa Wasiirka Arimaha Dibada kadib markii uu Madaxweynaha u keenay Shaqsi uu isagu watay kaasoo uu u rabay in uu noqdo Safiirka Turkiga balse uu Wasiirku sheegay in ay fiicnaan laheyd in booskan uu u keeno qof kale madama shaqsigan uusan xitaa aqoon luqad aan aheyn tan Soomaaliga ayna adkaaneyso in uu noqodo Amasadoor taasoo uu Madaxweynaha ka carooday kuna amray in uu Wasirka uga baxo Xafiiska.

Ra`isulwasaare Kuxigeen Mudane Maxamed Ibraahim oo ah shaqsi ku wanaagsan shaqadiisa ayaa inta uu ahaa Wasiirka Arimaha Dibada Dowlada dhaxal siiyey Siyaasad wanagsan oo ay la yeelato Caalamka isagoo Lacago ka badadan Labaatan Milyan oo Dolar oo Cadaan ah u keenay Dowlada taas oo uu ka keenay Yurub iyo Carabta isagoo ay aad ula dhacsanaayeen Dowladaha daneeya arimaha Soomaaliya balse Madaxweynaha ayaa isago wax cilaaqaad ah aanan la laheyn Wasiirka taasoo laga wada ogaa Madaxtooyada isagoo Ganbar ugu fadhiyey Ninka horey uga diiday Qofkuu watay Dartii halkii uu ku amaani lahaa Siyaaad wanaaga iyo hufnaanta uu howsha ku waday Mudane Maxamed Ibraahim, waana tan dhalisay in dhowrmar ay soo shaac baxaan isku shaandheyn tasoo madaxweynuhu uu dalabkeeda lahaa iyadoo sidoo kale Warbaahinta Qaranka laga Joojiyey si dadban siideynta
Wararka quseeya Wasiirka Arimaha Dibada si loo daboolo Hufnaantiisa iyo howlkarnimadiisa.

Mudane Maxamed Ibraahim oo ah aqoon yahay Shahadada Master ku qaatay magaalada Newcastle ee Dalka Ingiriiska xili hore oo ay usoo dirtay Dowladii dhexe ee Kacaanka isagoo markale dagaan uu unoqday Dalka Ingiriska xiligii ay burburtay Dowladii dhexe wuxuuse Maxamed Ibraahim howlihiisa shaqo ee ah habka casriga ee aan ku dhisneyn qof qancinta u watay si hagaagsan walow markii danbe ay isku dhaceen Raiisul wasaare Cabdi wali kaasoo ka dalbaday in uu Safiir u magacaabo Gabar ay qaraaba yihiin oo lagu Magacaabo Ubax ugana qaado Safiirnimada Ambasadoor shaqadiisa gudanaaya tasoo uu diiday Wasiirku sheegayna in Safiirkaa howshiisa si fiican uwato sidoo kalana wuxuu Raiisul wasaare Gaas ka xumaday Soo dhaweyntii wasiirka Arimaha Dibada ee Dalka Ingiriiska William Hagu oo u jeclaa in uu dib u hakiyo imaatinkiisa si uu shir jaraid ula qabto uguna gacan galin Madaxweyne Shariif Shiiq Axmed oo ay si sharaxan ugu tuuran tahay.

Ra`iisulwasaare kuxigeen Mudane Maxamed Ibraahim oo aanan fahmin qaabka Siyaasada Saacadan ka socota Soomaaliya una heystay in qofkasta lagu  xaqdhowrayo shaqadiisa lagunat ixgalinaayo waxqabadkiisa ayaa noqday qorigii labada dhinac ka gubtay kadib markii ay u wada heshiiyeen Madaweynaha iyo Raiisul
wasaraha iyadoo maalma ka hor shirkii London laga qaaday Xilkii Wasiirka Arimaha Dibada loona badalay Wasiirka Beeraha, Xanaanada Xoolaha iyo Dhirta iyo Daaqa.



Somalia

 






XAFIISKA MADAXWEYNAHA

OFFICE OF THE PRESIDENT

Baqdaad:: Jimco, March 30, 2012 (Wararka Dowladda Soomaaliya):  Baqdaad: (Sh.M.Network)-Madaxweynaha DKMG Soomaaliya ayaa ka dalbaday wadamada Carabta in DKMG ay ku gacan siiyaan tababarka Ciidamada DKMG si ay ula wareegaan goobahii dhawaan laga saaray Kooxda Al Shabaab.Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynaha DKMG Soomaaliya oo qudbad ka jeedinayay shirka Ururka Jaamacadda Carabta ee shalay ka furmay Magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq ayaa waxa uu sheegay in loo baahanyahay in dadaal dheeri ah laga sameeyo xaqiijinta ammaanka dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Shariif ayaa waxa uu sheegay inay sii kordhayaan goobaha ay la wareegayso DKMG Soomaaliya islamarkaana ay sii kordhayso Mas’uuliyadda DKMG ah ka saaran ammaanka, isagoo tilmaamay in sidaasi darteed loo baahanyahay in DKMG ah gacan lagu siiyo adeegyada muhiimka u ah ammaanka sida in tababaro loo fidiyo Ciidamada DKMG, qalab ciidanna la siiyo sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa tilmaamay inay sameeyeen isku dayo badan oo ku aadan wadada hadallo ay la furaan dhinacyada kasoo horjeeda DKMG, hase ahaatee taasi ay ka caga jiideen mucaaradka, waxaana uu carabka ku adkeeyay in Xarakada Al Shabaab oo awaamiir toos ah ka qaata Ururka Al-qaacidda ay tahay caqabadda ugu wayn  ee hortaagan DKMG Soomaaliya, isagoo shaaca ka qaaday in DKMG ay qaadi doonto tallaabo kasta oo ay kusoo celinayso xasiloonida dalka.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa ka codasaday dowladaha Carabta inay gacan ku siiyaan hub ka dhigis lagu sameeyo dhalinyarada ka bar bar dagalanta Kooxda Al Shabaab, si taasi ay usuuro gashana loo baahan yahay in fursado shaqo loo abuuro dhalinyarada Soomaaliyeed oo uu sheegay in haatan ay horayaallaan qatarro badan  oo ay ugu weyn tahay halista burcad badeeda iyo midda  aargigixsada. 

Muqdisho: Jimco, March 30, 2012 (Wararka Dowladda Soomaaliya): Majmaca Culumada Soomaaliyeed ayaa maanta sheegay in Muqdisho uu ka dhici doono banaanbax ka dhan ah Dastuurka cusub iyo Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya.

Sida uu Idaacadda Shabelle u xaqiijiyay gudoomiyaha Majmaca Culumada Soomaaliyeed Sheekh Axmed Dhicisow, maanta ayaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho uu ka dhacao banaanbaxyo ballaaran oo ay abaabulkiisa leedahay Majmacaha Culumada Soomaaliyeed.

Sheekh Axmed Dhicisow ayaa waxa uu sheegay in banaanbaxaasi uu ka dhici doono Taallada Sayidka ee Magaalada Muqdisho Saaladda Jimcaha kaddib, kaasi oo sida uu sheegay looga soo horjeedo qabyo qoraaleedka Dastuurka iyo Ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ambassador Augustine Mahiga.

Gudoomiyaha Majmaca Culumada ayaa ku baaqay in Banaanbaxaasi uu yahay mid ay dan ugu jirto shacabka Soomaaliyeed, isagoo ka codsaday Culumada, Haweenka, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Magaalada Muqdisho in si wadajir ah ay ugu qeyb qaataan banaanbaxaasi.

Sidoo kale gudoomiyaha ayaa waxa uu sheegay inay la hadleen Wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ee Xukuumadda KMG ah taasi oo uu sheegay inay ka codsadeen in Muqdisho ay ka dhigaan banaanbax nuucaasi oo kale ah, isagoo ugu baaqay in Hay’adaha ammaanka ay xaqiijiyaan goobta uu bananbaxa ka dhacayo.

Intaasi kaddib ayaa Shabelle waxa la xiriirtay Wasaaradda arrimaha gudaha, waxaana usuuro gashay in Wareysi ay la yeelato Muuse Cabdi Abshir oo ah agaasimaha Waaxda arrimaha bulshada iyo wacyo galinta, isagoo sheegay in banaanbaxaasi aan lagu qaban karin Magaalada Muqdisho kaasi oo uu ku micneeyay in carqaladda ay ku tahay nabadda wadanka. 

Dubai: Jimco, March 30, 2012 (Wararka Dowladda Soomaaliya): Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa sheegay in Xafiisyo ay ka furanayaan Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya.

Xoghayaha guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka Dr.Akmaluddiin Ixsaan Oogle oo ka hadlay shirkii Madaxda dalalka Carabta ee shalay ka dhacay Magaalada Baqdaad ee Caasimadda dalka Ciraaq ayaa waxa uu sheegay in dhibaatada ku habsatay shacabka Soomaaliyeed ee ka dhalatay dagaalada muddada ka socday dalka Soomaaliya loo baahan yahay in laga garab istaago sidii ay ugu bixi lahaayeen.

Akmaluddiin ayaa waxa uu sheegay in Ururka Iskaashiga Islaamka uu ka qeyb qaadanayo sidii loo heli lahaa ammaanka iyo kala dambeynta dalka Soomaaliya, taasina ay kala shaqeyn doonaan dowladda KMG Soomaaliya sidii loo soo afjari lahaa dhibaatada dheeraatay ee ka jirta dalka Soomaaliya.

Madaxa Ururka Islaamka ayaa waxa uu intaasi ku daray in Ururka uu Xafiiska ka furanayo Magaalada Muqdisho kaasi oo la socon doona dhaq dhaqaaqa gar-gaarka la gaarsiinayo dadka ku dhibaataysan Magaalada Muqdisho iyo sidii uu u koormeeri lahaa dhibaatada bini’aadannimo ee ka taagan Soomaaliya.

Shalay ayay aheyd markii Magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq uu kusoo gaba gaboobay shirka Madaxa Jaamacadda Carabta kaasi oo looga hadlayay dhibaatooyinka ka taagan dalalka Carabta iyo Xaaladaha Soomaaliya.




XAFIISKA MADAXWEYNAHA

OFFICE OF THE PRESIDENT

Baqdaad:: Khamiis, March 29, 2012 (Wararka Dowladda Soomaaliya)Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaaraha Dalka Ciraaq Nuuri Al Maliki oo kulan ku yeeshay caasimada dalka Ciraaq ee Baqdaad ayaa waxa ay ka wada hadleen sidii dowladda Ciraaq iyo ururka Jaamacadda carabta ay u garab istaagi lahaayeen dowladda KMG Soomaaliya.
Ra’iisul wasaaraha Dalka Ciraaq Nuuri Al Maaliki ayaa balan qaaday in uu garab istaagayo dowladda KMG Soomaaliya, uuna ka taageerayo dhinacyada  amaanka, iyo sidii loo xalin lahaa siyaasada qasan ee ka jirta Soomaaliya, isagoo intaasi sii raaciyay in uu kala hadlayo dalalka carabta ee ka soo qeyb galaya shirarka ka dhacaya Ciraaq sidii gacan looga geysan lahaa xasilinta Soomaaliya.
Nuuri Al Maaliki ayaa kulan la qaatay madaxweynaha dalka Suudaan Cumar Xasan Al Bashiir, isagoona kala hadlay sidii dowladda Suudaan ay kaalin wax ku ool leh uga qaadan laheyd gar gaarida shacabka Soomaaliyeed ee dhibaateysan iyo sidii la isugu soo dhawen lahaa dhinacyada isku haya siyaasada dalka Soomaaliya.
Ra’iisul wasaaraha Ciraaq oo Shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Baqdaad kadib kulamada uu la qaatay Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Suudaan ayaa waxa uu sheegay in shirka ka dhacaya Ciraaq ay ka soo bixi doonaan qodobo muhiim u ah waxqabashada Soomaaliya, isagoo balan qaaday in uu kashaqeynayo sidii loo heli lahaa dowlad Soomaaliyeed oo soo celisa amaankii iyo kala dambeyntii, arintaasina uu hala hadlayo dhamaan dalalka xubnaha ka ah ururka Jaamacadda carabta.

London:
Khamiis, March 29, 2012 (Wararka Dowladda Soomaaliya): Warbixin ka soo baxday wasaarada arimaha dibadda ee dalka Ingiriiska ayaa lagu sheegay in ay jirto warar sheegayay in muwaadin ingiriis ah lagu qabtay garoonka Aadan cadde ee magaalada Muqdisho, xili uu ku biirayay xarakada Al Shabaab.

Warbixintaani ayaa lagu sheegay in dowladda Ingiriisku ay wado baaritaano lagu ogaanayo sababihii keenay in muwaadinkaasi Ingiriiska uu ka dago garoonka Aadan Cadde lana sheegay in uu u socday gobolo ay maamulaan Al Shabaab.
Dhinaca kale qubaro iyo dib-lumaasiyiin ka tirsan dowladda Ingiriiska oo la hadlayay wakaalada wararka ee dalka Kuwait ayaa sheegay in ninkaani Ingiriiska ah oo lagu magaaco Danis Kaleyf da’diisuna tahay 45 sano jir lagu hayo magaalada Muqdisho.
Qubarada iyo dowladda Ingiriiska ayaa iska kaashanaya sidii loo ogaan lahaa sabibihii keenay in ninkaan Ingiriiska ah uu yimaado Soomaaliya iyo sidii looga hortagi lahaa muwaadinin u dhashay Ingiriiska oo ku biira Al Shabaab.
Wasaarada gaashaandhiga ayaa sheegtay in ay ka hortageyso shaqsiyaadka ku xiran xarakada Al Shabaab ee kunool dalka Ingiriiska ayna joojineyso dhamaan dadka u dira Al Shabaab lacagaha ee ka shaqeeya dalka Ingiriiska.
Hadalka dowladda Ingiriiska ayaa imaanaya xili shalay dowladda KMG Soomaaliya ay sheegtay in ay musaafurineyso nin u dhashay dalka Britain  oo dhawaan ciidamada amaanka ay ku qabteen garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Geneva :
Khamiis, March 29, 2012 (Wararka Dowladda Soomaaliya) War bixin ay shaacisay wakaalada wararka Reuters ayaa Human Rights Watch oo xuquuqul Insaanka u qaabilsan Qaramada Midoobay waxa ay ku sheegtay in Maleeshiyaadka taageersan Dowladda KMG iyo Al Shabaab ay tacadiyo ka dhan ah dadka rayidka ah ay ka geeysteen magalooyin dhawaantan ay la wareegeen ciidamad isgarabsanayo ee Ethiopia iyo dowlada kuwaasi oo ay ka midyihiin Baladweyne iyo Baydhabo.

Human Rights Watch ayaa xustay in dad rayid ah ay u shegeen tan iyo markii isbadalka uu dhacay in amaanku uu noqday mid xun islamarkaana dadrayid ah jirdil iyo dilba loogu geeytay magaalooyinkaasi.

Leslie Lefkow oo ah  ku xigeenka Agaasimaha Human Rights Watch ayaa sheegtay in dadka ku nool Baladweyne iyo Baydhabo ay rajeynayeen in hanjabaadyada iyo cabsida ay ka yaraato mar hadii Shabaab laga saaray magaalooyinkaasi balse gaaritaankii halkaasi ciidamada Ethiopia iyo kuwa Soomaalida ay xadgudubyo ka geeysteen iyana ugu badaleen mid tii ka daran.

Warka Human Rights Watch ayaa sidoo kale lagu sheegay in Shabaab ay wali wadaan weerarada ay ku qaadayaan ciidamada Ethiopia ee magaalooyinkaasi ku sugan islamrkaana ay bartilmaameedsanayaan dad ka raidka ah ee ay ku tuhmaan in ay xiriir la leeyihiin.

Human Rights Watch ayaa ugu danbeeyn ugu baaqday Mas’uuliyiinta Soomaalida in sida ugu dhaqsiyaha badan ay talaabo ugu qaadaan kuwa ka  danbeeya tacadiyada loo geeysanayo dad rayid ah ismarkaana la la xisaabtamo. 

Baqdaad:: Arbacoo, March 28, 2012 (Wararka Dowladda Soomaaliya): Madaxweynaha DKMG Soomaaliya ayaa la filayaa in saacadaha soo aadan uu gaaro Magaalada Baqdaad ee Xarunta wadanka Ciraaq halkaasi oo uu uga qeyb galayo shirka jaamacada Carabta oo looga hadlayo arimaha Soomaaliya.

Xilli la filayo in maalinta birito ah si toos ah uu uga furmo Shirka Ururka Jaamacadda Carabta Magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq ayaa lagu wadaa in maanta Madaxweynaha DKMG Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu gaaro halkaasi.

Hogaamiyeyaasha Carabta ayaa kusii qul qulaya Magaalada Baqdaad ee  Xarunta wadanka Ciraaq si ay ugu qeyb qaataan shirkaasi oo loo filayo inarrimaha looga hadlayo diiradda loogu saari doono Soomaaliya.

Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta Dr. Nabiil Al-Carabi  ayaa ka warbixiyay qodobada looga hadlayo  shirkaasi, isagoo sheegay in looga hadlayo xaaladaha Soomaaliya, Falastiin iyo Syria.

Madaxweynaha DKMG Soomaaliya Sheekh Shariif  ayaa lagu wadaa in halkaasi uu ka jeediyo qudbad dhinacyo badan taabanaysa oo looga hadlayo
xaaladaha Sooamaliya.

Warkan wixii kusoo kordhaa kala soco Shabelle.net hadii Alle Inoo saamaxo

Baladweyne: Arbaco, March 28, 2012 (Wararka Dowladda Soomaaliya): Qarax miino ayaa lagu soo waramayaa in Ciidamada Ethiopia lagula eegtay Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolkaHiiraan halkaasi oo maalmihii dambe xaaladeedu uu kasoo hagaayay.

Ciidamada Ethiopia ayaa la sheegay in xilli ay socdeen galbeedka Magaalada Baladweyne lala eegtay qarax miino oo qasaaro u gasytay sida ay Idaacadda Shabelle u xaqiijiyeen Nabadoonno diiday in magacoodu loo adeegsado qalabka Warbahinta.

Rasaas aan badneyn ayaa Ciidamada Ethiopia waxa ay u rideen dhinacyada, iyadoo intaasi kadi halkaasi ay gaareen Ciidamo kale oo Ethiopian ah islamarkaana bilaabay baaritaanno xooggan inkastoo aan la’ogayn cidda ay gacanta kusoo dhigeen.

Goobjooagayaal ayaa u sheegay Idaacadda Shabelle in qaraxaasi uu qasaaro kasoo gaaray Ciidamada Ethiopia wallow aan si rasmi ah loo ogaankarin, dadkuna ay baqanayaan.

Xiriiro aanu  la sameynay Maamulka halkaasi ka taliya ee Dooxada Shabelle ayaa inoo suuro galin, hase ahaatee maalmihii lasoo dhaafay ayaa Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan waxa ay u muuqatay mid ammaankeeda kasoo hagaya.

Muqdisho: : Arbaco, March 28, 2012 (Wararka Dowladda Soomaaliya): Waaxda socdaalka iyo Jinsiyadah ee dowlada DKMG Soomaaliya ayaa sheegtay inay maasufureyso nin u dhashay dalka Ingiriiska oo dhawaan ciidamada amaanku ay ku qabteen garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho

Kadib markii shalay Ciidamada ammaanka ee Elebarooka Magaalada Muqdisho ay gacanta ku dhigeen nin la sheegay in uu u dhashay wadanka Ingiriiska islamarkaana kasoo dagay halkaasi, waxaa arrimahaasi waxa faah faahin ka bixiyay Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Xukuumadda KMG Soomaaliya.

Taliyaha Waaxda socdaalka iyo Jinsiyadaha ee DKMG Soomaaliya Jeneral C/laahi Max’ud Gaafoow oo maanta la hadlay Warbahinta ayaa waxa uu sheegay in ninkii Ajanabiga ahaa ee shalay lagu qabtay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho uu ahaa nin aan aqoon u laheyn Soomaali islamarkaana ka mid ah kuwa doonaya inay carqaladda kasii dhex abuuraan Soomaaliya.

Gaafoow ayaa waxa uu sheegay in Waaxda ninkaasi ay baaritaano ku sameysay ay ku ogaatay in uusan Muslim aheyn hase ahaatee kaliya uu dhagaha ka maqlay wadanka Soomaaliya oo foodo ka jirta, waxaana uu shaaca ka qaaday in ninkaasi uu doonayay in Muslinnimo been ah uu kusoo galo Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.

Taliyaha Waaxda socdaalka iyo Jinsiyadaha ee DKMG Soomaaliya ayaa sheegay in ninkaasi suuro gal ay tahay in uu kasoo dhuuntay waalidkiisa,isagoo carabka ku dhuftay inay dib ugu celin doonaan wadanka Ingiriiskaoo uu markii hore ka yimid.

Ugu dambeyn Taliska Waaxda socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa sheegay inay ka go’antahay inay dib u celiyaan qof waliba oo aan wax u qabaneyn  dalka islamarkaana Ajanabi ah.

Baladweyne: Arbaco, March 28, 2012 (Wararka Dowladda Soomaaliya): Qarax miino ayaa lagu soo waramayaa in Ciidamada Ethiopia lagula eegtay Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan halkaasi oo maalmihii dambe xaaladeedu uu kasoo hagaayay.

Ciidamada Ethiopia ayaa la sheegay in xilli ay socdeen galbeedka Magaalada Baladweyne lala eegtay qarax miino oo qasaaro u gasytay sida ay Idaacadda Shabelle u xaqiijiyeen Nabadoonno diiday in magacoodu loo adeegsado qalabka Warbahinta.

Rasaas aan badneyn ayaa Ciidamada Ethiopia waxa ay u rideen dhinacyada, iyadoo intaasi kadi halkaasi ay gaareen Ciidamo kale oo Ethiopian ah islamarkaana bilaabay baaritaanno xooggan inkastoo aan la’ogayn cidda ay gacanta kusoo dhigeen.

Goobjooagayaal ayaa u sheegay Idaacadda Shabelle in qaraxaasi uu qasaaro kasoo gaaray Ciidamada Ethiopia wallow aan si rasmi ah loo ogaankarin, dadkuna ay baqanayaan.

Xiriiro aanu  la sameynay Maamulka halkaasi ka taliya ee Dooxada Shabelle ayaa inoo suuro galin, hase ahaatee maalmihii lasoo dhaafay ayaa Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan waxa ay u muuqatay mid ammaankeeda kasoo hagaya.




XAFIISKA MADAXWEYNAHA

OFFICE OF THE PRESIDENT


Gaalkacyo: Talaado, March 27, 2012 (Wararka Dowladda Soomaaliya): Madaxweynaha DKMG Soomaaliya Mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa shaaca ka qaaday inuu ku magacaabay Garoonka Magaalada Galkacyo Magaca Madaxweynihii dhintay Allaha U Naxariistee Mudane Cabdilaahi Yuusuf Axamed kaasoo si heer qaran ah loogu duugay gudaha dalka Soomaaliya.

Waad Mahadsan Tihiin,


XAFIISKA MADAXWEYNAHA

OFFICE OF THE PRESIDENT

Gaalkacyo: Talaado, March 27, 2012 (Wararka Dowladda Soomaaliya): Madaxweynaha DKMG Soomaaliya ayaa ka  dalbaday Maamullada Puntland iyo Galmudug inay la isku furo Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug.

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta kulan la qaatay Madaxda iyo shacabka reer Galmudug kaasi oo looga hadlayay sidii loo xoojin lahaa xiriirka u dhaxeeya Maamulka Galmudug iyo DKMG Soomaaliya.

Labada dhinaca ayaa ka hadlay sidii loo xoojin lahaa ammaanka Magaalada Gaalkacyo iyo sidii la isugu furi lahaa shacabka kasoo kale jeeda Maamulka Galmudug iyo Puntland Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug.

Madaxweyne Shariif ayaa waxa uu sheegay in DKMG ay ka qeyb qaadanayso sidii loo furi lahaa dekadda Magaalada Hobyo taasi oo uu sheegay inay  fududeynayso inay is dhex galaan shacabka Woqooyiga iyo Koofurta Magaalada Gaalkacyo.

Dhinca kale Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya C/wali Max’ed Cali Gaas ayaa waxa uu sheegay in Galmudug ay kaalin muuqata ka qaadatay la dagaalanka kooxaha burcad badeeda Somaalida, isagoo tilmaamay in DKMG ay garab taagantahay Maamulkaasi.

Kulankaani ayaa waxa uu imanayaa xilli Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha DKMG Soomaaliya ay gaareen Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug halkaasi oo ay kaga qeyb qaadanayeen Aas qaran oo loo sameynayay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed.


Muqdisho:
Talaado, March 27, 2012 (Wararka Dowladda Soomaaliya): Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa ku baaqday  in si deg deg ah Raashinka gar-gaarka ah ee ku keedsan baqaarada DekaddaMuqdisho loo gaarsiiyo dadka dhibaataysan.

Wasiirka ganacsiga, ahna Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda KMG Soomaaliya C/wahaab Ugaas Xuseen (Ugaas Khaliif) oo shalay warbaahinta kula hadlayay gudaha dekadda Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in Xukuumadda KMG Somaaliya ay ka warheshay raashin gar-gaar ah oo muddo dhowr bilood ah ku keedsan baqaarrada dekadda oo ay ka baahanyihiin dadka danta yare ee loogu talagalay.

Wasiirka Ganacsiga ayaa waxa uu sheegay in shacabka ku dhaqan deegaannada ay ka arramiyaan Maamulka Al Shabaab iyo kuwa kale ee laga qabsaday muddo sedax sano ah ay haysatay dhibaato iyagoo aan helin gar-gaar bini’aadannimo, waxaana uu sheegay in DKMG ah aysan marna u dulqaadan doonin in Raashinka loogu talagalay shacabkaasi in uu isaga keedsanaado dekadda Muqdisho.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa ka dalbaday Hay’adaha samafalka in sida ugu dhaqsiyaha badan gar-gaarka ku keedsan inay u gaarsiiyaan dadka u baahan ee ku sugan gobolada dalka gaar ahaan goboladii laga saaray Xarakada AL Shabaab.

Hadalka kasoo baxay Wasiirka Ganacsiga ayaa imaanaya xilli inta badan gar-gaarka bini’aadannimo ee loogu talagalay la tilmaaamay inay ku  xaraysan yihiin baqaarro ay Maamulaan shaqsiyaad gaar ah, hase ahaatee goboladii dhawaan laga saaray Xarakada Al Shabaab shacabka ku dhaqan ay
haystaan dhibaatooyin ku aadan dhinaca bini’aadannimada kuwaasi oo u baahan gar-gaar.

Gaalkacyo: Talaado, March 27, 2012 (Wararka Dowladda Soomaaliya): Maamulka Galmudug ayaa sheegay inaysan waxba ka ogeyn guddiga Madaxa banaan ee Dastuur u sameynta dalka oo uu magaacabay Ra’iisul wasaare Gaas.Max’ed Axmed Caalin, Madaxweynaha Maamulka Galmudug State oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in guddiga madaxa banaan ee Ra’iisul wasaare C/wali Gaas aan aheyn guddi ay wax ka ogeyn Maamulka Galmudug islamarkaana ah guddi sharci ah sida uu hadalka u dhigay.
Caalin ayaa sheegay inay jiraan saxiixayaal ku awood ah dowladda KMG Soomaaliya, isagoo intaasi ku daray in loo baahnaa in DKMG ah ay kala tashato saxiixayaaha sidii loo sameyn lahaa guddi dhamaystira howlaha Dastuurka Soomaaliya.
Guddiga Madaxa banaan ee Dastuur u sameynta dalka waxaa magacaabay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya, waxaana la sheegay in  guddigaasi uu afgambiyay guddiga Dastuur u sameynta dalka Soomaaliya kadib markii guddiga madaxa banaan uu awooddii la wareegay islamarkaana  Ra’iisul wasaare Gaas uu ku xiray beesha Caalamka


Muqdisho:
Isniin , March 26, 2012 (Wararka Dowladda Soomaaliya): Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee dowlada KMG ah oo Maanta gaaray Magaalada Baydhabo

Waxaa Maanta Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay gaaray Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Dowlada KMG ah Soomaaliya Xasan Muugaab.

Gudoomiye Xasan Muugaab ayaa la soo sheegayaa in lagu soo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha Baydhabo halkaasoo ay ugu yimaadeen saraakiil  Dowlada KMG ah ka tirsan kuwaasoo Baydhabo ku sugan.

Wararka ku dhow dhow safarka Gudoomiyaha ayaa sheegaya in ujeedkiisu yahay sidii Baydhabo uu uga dhisi lahaa Maxkamad Ciidamo taasoo sida Muqdisho oo kale qaada dacwooyinka ciidamada Dowlada ee danbiyada ka gala shacabka iyo kuwa alshabaab ee dagaalada lagu soo qabto.

Gudoomiye Muugaab ayaa isla maanta Baydhabo waxaa uu kulan kula qaatay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya wax yar ka hor intii aysan ka soo anbabaxin Magaalada Baydhabo isaga iyo wafdigiisa oo Muqdisho soo gaaray halka Gudoomiye Muugaabna Baydhabo ku hooyan doono cawada.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa la sheegay inuu ka codsaday Gudoomiye Maxakamda Ciidamada Qalabka sida Mr.Xasan Muugaab inuu Magaalada Baydhabo ka hirgeliyo Maxkamad Ciidamo si dacwooyinka Magaaladaasi ee dhanka askarta ay u qaado.

Waa markii ugu horeysay oo Muugaab uu arimo maxkamadeed u tago meel ka baxsan Magaalada Muqdisho iyadoo hore loogu bartay in meel kasta oo
dowladu ka qabsato Muqdisho inuu ku baahin jirey xafiisyo hoos taga Maxakamada Ciidamada qalabka sida.

Muqdisho  Isniin , March 26, 2012 (Wararka Dowladda Soomaaliya): Dagaal u dhaxeeyay Ciidamada DKMG Soomaaliya iyo kuwa Xarakada Al Shabaab ayaa xalay waxa uu ka dhacay Isgoyska Ex-kontorol Afgooye ilaa deegaanka Xoosh degmada Dharkeenlay eegobolka Banaadir.

Dagaalka ayaa bilowday sida la sheegay kadib markii Ciidamo ka tirsanAl Shabaab ay weerar kusoo qaadeen fariisimo Ciidamada DKMG ay ku leeyihiin Isgoyska Ex-kontorolka Afgooye ee duleedka Magaalada Muqdisho,waxaana la sheegay in dagalka markii dambe uu kusii fiday deegaanka Xoosh ee degmada Dharkeenlay.

Taliyaha Ciidamada dowladda ee Ex-kontorol Afgooye Axmed C/laahi Axmed Yare oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in dagaalkaasi ay soo qaadeen Kooxda Al Shabab islamarkaana ay iska caabiyeen, waxaana uu tilmaamay in qasaaro uu kasoo gaaray dad rayid ah oo ku sugnaa goobta uu dagaalka ka dhacay inkastoo aan cadeyn tirada    dadka wax ku noqday dagaalkaasi.

Xaaladda ayaa saakay ah mid degan, waxaana jirin wax xiisad ah oo u dhaxeysa dhinacyadaasi, waxaana gaadiidka iyo dadweynuhu saakay ay si caadi u isticmaalayaan wadada dheer ee xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.

Muqdisho:  Isniin, March 26, 2012 (Wararka Dowladda Soomaaliya): Madaafiic sababtay dhimasho iyo dhaawac ayaa xalay lagu weeraray
Xarunta Madxtooyada ee Villa Soomaaliya, iyadoo sidoo kale Madaafiicdaasi ay qasaaro kasoo gaartay dad barakacayaal ah.

Inta la xaqiijiyay 2-ruux oo wiil iyo aabihiisa ah ayaa ku geeriyootay tiro 8-kalena way ku dhaawacmeen kuwaasi oo sida la sheegay ahaa dad barakacayaal ah oo ku nool  nawaaxiga Sayidka, waxaana la sheegay in Madaafiicda oo dhowr ahaa qaarkood ay ku dhaceen Xarunta Maxtooyada ee Soomaaliya.

Dadka ku dhaawacmay Madaafiicdaasi ayaa la sheegay in saakay arrootii loola cararay Xarumaha Caafimaad ee ku yaalla Magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in dadka barakacayaasha ah ee ku sugan goobihii xalayay ku dhaceen Madaafiicda saakay ay dareemayaan cabsi iyo qal qal.

Majiro ilaa iyo iminka wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidamada DKMG Soomaaliya oo ku aadan Madaafiicdaasi, hase ahaatee Madaafiicdaani ayaa waxa ay qeyb ka tahay kuwo isbuucii lasoo dhaafay lagu garaacay nawaaxiga Xarunta Madaxtooyada taasi oo qasaaro u gaystay dad badan oo rayid ahaa.
Sunday, March 25, 2012 (Wararka Dowladda Soomaaliya): Muhaydin Hassan Mohammed also well-known Husni, the head of News for Shabell Media Network survived narrowly an organized attack meant to assassinate him around 6:30 P.M local, as he was heading to his house inMogadishu’s Wadajir district under Somali Government.

Mr.Mohammed got minor bullet wound on his left side chest during the attack and now his well and maintains his job at the station.

No group has so far claimed the assassination attempt, but local Wadajir district forces escorted the victimized journalist to the main  headquarters of Shabelle Media Network.

xusni dhaawac 11 Somali journalist survives an assignation attempt ( Pictures )xusni dhaawac 21 Somali journalist survives an assignation attempt ( Pictures )xusni dhaawac 61 Somali journalist survives an assignation attempt ( Pictures )xusni dhaawac 31 Somali journalist survives an assignation attempt ( Pictures )

Sunday, March 25, 2012 (Wararka Dowladda Soomaaliya): Madaxweynaha dowlada KMG Somalia iyo wafdi uu horkacayooo ay ka mid yihiin raisul wasaaraha Somalia C/weli
Maxamed Cali ayaa ka duulay garooonka dayuuradaha ee magaalada Muqdisho, iyagoo ku sii jeeda magaalada Gaalkacyo ee goboka Mudug oo lagu wado in goor dhow lagu aaso marxuum C/llaahi Yuusuf Axmed madaxweynihii hore ee Somalia oo 23-kii bishan ku geeriyooday isbitaal ku yaala magaalada Dubai.

Wafdiga madaxweynaha oo sidoo kale ay ka mid ahaayeen wasiiro xildhibaano iyo saraakiil ka tirsan dowlada KMG ah saaka garoonka dayuuradaha Muqdisho kula tukadaysalaadii janaasada meydka marxuumka oo laga soo dejiyey dayuuradaha, iyagoo ka dibna horey u sii raacay dayuuradii  siday meydka madaxweynihii hore


























































so

 


Nairobi: Muqdisho: Sabti, March 24, 2012 (Wararka Dowladda Soomaaliya) : Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cunnada iyo beeraha ee FAO ayaa sheegtay in Soomaaliya ay ugu deeqayso 50-Milyan oo dollar-ka Maraykanka ah si loo bad baadiyo dalaga beeraha ee sii dabar go’aya.

Hay’adda FAO ayaa waxa ay sheegtay in hadii aan wax laga qaban wax soo saarka Soomaaliya islamarkaana aan laga taageerin dadka ku howlan dalaga beeraha ay Soomaaliya ka dhici doonto dhibaato dhinaca cunnada ah, iyadoo 2.2-kun oo ruux ay saameyn ku yeelan doonto dhibaatooyinkaasi.

Isku duba ridaha dhinaca bini’aannada ee geeska Afrika u qaabilsan Hay’adda FAO ayaa waxa uu sheegay in beesha Caalamka ay ka jeesatay daryeelka shacabka Soomaaliyeed, waxaana uu ku baaqay in shacabka Soomaaliyeed laga taageero dhinaca wax soo saarka si ay ugu maarmaan gacan bini’aadannimo.

Hay’adda FIO ayaa sheegtay in hadii 90-maalmood gudahoodu aan wax looga qaban wax soo saarka beeraha Soomaaliya ay saameyn ku yeelan doonto boqolaal ruux oo Soomaali ah kuwaasi oo la ildaran saameyntii ay ku reebtay macluushii ku dhufatay dalka Soomaaliya.


Muqdisho: Sabti, March 24, 2012 (Wararka Dowladda Soomaaliya) :  Guddiga amniga barlamanka KMG Soomaaliya ayaa ku baaqay in wax laga qabto ammaan darida ka taagan Magaalada Muqdisho oo ay gaysanayaan kooxaha ku labisan dareeska DKMG ah.

Gudoomiyaha guddiga difaaca ee barlamanka KMG Soomaaliya Xidlhibaan Axmed Diiriye oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay inay jiraan dad damiir laawayaal ah oo uu sheegay in had iyo jeer ay dhac iyo boob u gaystaan Hantida ay leeyihiin dadka shacabka ah, iyagoo ku labisan dareeska Ciidamada DKMG ah.

Xildhibaan Axmed Diiriye ayaa waxa uu tilmaamay in arintaasi ay tahay mid fool xumo ku ah Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed, isagoo Mas’uuliyadda arrintaasi dusha kaga tuuray Saraakiisha Ciidamada DKMG iyo Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed, waxaana uu sheegay in aan loo dul qaadan karin in shaqsiyaad kooban oo ku dhaq dhaqaaqaya fal wuxuushnimo ah oo ay ceeb kasoo gaarto Ciidamada qalabka sida.

Gudomiyaha guddiga difaaca barlamanka KMG Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa uu shaaca ka qaaday in degmooyinka ugu badan oo cabashada dhinaca ammaanka ah ay kasoo yeerayso ay yihiin Huriwaa iyo Yaaqshid, isagoo sheegay in degmo waliba ay joogto guuto ka tirsan Ciidamada xooga,  islamarkaana looga baahanyahay in guuto waliba ay difaacdo aagga ay ku sugantahay.

Maalin ka hor ayay aheyd markii dad weyne aad u farabadan oo isugu soo baxay degmooyinka Huriwaa ay sheegeen in dhibaatadii ugu xumeyd ee dhinaca ammaanka ay ka taagan tahay halka ay degan yihiin, waxaana si rasmi ah loo ogeyn qaabka looga hortagi karo shaqsiyaadka ku labisan dareeska DKMG oo ay sheegeen inay dhacayaan hantida dad weynaha.


Brussels: Sabti, March 24, 2012 (Wararka Dowladda Soomaaliya) :  Ururka Midowga Yurub ayaa shaaca ka qaaday inay balaarinayaan howlgallada ka dhanka ah kooxaha burcad badeeda Soomaalida.

Warbixin kasoo baxday Ururka Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in Ciidamada Atlanta ee jooga Xeebaha dalka Soomaaliya ay balaarinayaan howlgallada ka dhanka ah kooxaha burcad badeeda Soomaalida iyo aargigixisada dalka Soomaaliya.

Midowga Yurub ayaa sheegay inay isku raaceen in la balaariyo howlgalkii ay ka wadeen Soomaaliya, islamarkaana ay ruqsad loo siiyay inay qaban karaan Maraakiibta iyo doomaha ay wataan burcad badeeda iyo kuwa ay ku safrayaan Xarakada Al Shabaab.

Dalalka Faransiiska iyo Spain oo ka hadlay shirka ay yeesheen Ururka Midowga Yurub ayaa waxa ay sheegeen in ciidamada Atlanta ay ku biirinayaan Maraakiib kuwa dagaalka ah si loo suurto galiyo in Xeebaha Soomaaliya iyo badweynta India ay ku maraan Maraakiibta ganacsi  si nabad galyo ah.

Dowladda Faransiiska ayaa ku eedeysay Ururka Midowga Yurub in  Ciidamada Atlanto ay ka gaabiyeen howlgalka ay ka wadeen Xeebaha Soomaaliya, iyadoo goobaha ay ku sugan yihiin Maraakiibta dagaalka kooxaha burcad badeeda Soomaalida ay ka gaystaan falal ammaan dari.

Muqdisho: Sabti, March 24, 2012 (Wararka Dowladda Soomaaliya) :  Galinkii dambe ee maanta ayaa Ciidamo hor leh oo ka socda dowladda Ethiopia waxa ay gaareen degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud halkaasi oo ay horey ugu sugnaayeen cotobyo ka tirsan Miliatariga ee Ethiopia.

Gudoomiyaha degmada Guriceel ee Maamulka Ahlu Sunna Cismaan Ciise Nuur (Taardhuleed) oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in Ciidamo badan oo Ethiopian ah ay soo gaareen degmada islamarkaana ay ka qeyb qaadan doonaan ammaanka gobolka Galgaduud ee bartamaha Somaaliya.

Goobjoogayaal ku sugan degmda Guriceel ayaa iyana sheegay in Ciidamada Ethiopia ay wataan ku dhawaad 45-gaari oo isugu jira kuwa Xamuul iyo nuuca dagaalka, iyadoo la tilmaamay in dhowr fariisimo ay ka sameysteen duleedka degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta gobolka Galgaduud ayaa ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Ahlu Sunna iyo kuwa Al Shabaab kaasi oo gaystay qasaaro badan, waxaana la aaminsanyahay in Ciidamadaani cusub ee Ethiopian-ka ah ay ka qeyb qaadan doonaan howlgallada ka dhanka ah Shabaab ee ka socda gobolkaasi.

The People and the Government of Somalia sends special condolence to family & friends of EX Somali President H.E. Abdullahi Yusuf Ahmed who died today in the United Arab Emirates. On behalf of the Government of Somalia and Its people, we are deeply regretful to hear this, and we wish all the best for better burial in the Democratic Republic of Somalia. 


Dubai: Friday, March 23, 2012 (Wararka Dowladda Soomaaliya) : Alla ha u naxariistee Waxaa xalay dalka Imaaraadka Carabta ku geeriyooday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed, kadib markii uu in mudo ah xanuunsanaa.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed ayaa xalay kugeeriyooday Isbitaalka Sheekh Zaaid ee magaalada Abu-Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta halkaasi oo maalmihii u dambeeyay uu ku xanuunsanayay.

Geerida Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed ayaa waxaa xaqiijiyay qaar ka mid ah eheladiisa waxaana dubadii ka hadlay taariiqdiisa oo qeyb ka mid ah sheegay dad si aad ah ay isugu dhawaayeen oo kala shaqeeyay jabhadihii C/laahi Yuusuf oo madaxda ahaa.

Alla Ha u naxariistii Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa waxaa la sheegay in uu kooma ku jiray intii uu ku xanuunsanahay isbitaalka, iyadoo markii dambe Coomadaasi uu u geeriyooday sida warbaahintu ay ka soo xigatay eheladiisa.

C/laahi Yuusuf axmed ayaa 2005-tii loo doortay Madaxweynanimada Soomaaliya waxaana mudo ku dhow 5 sano uu Madaxweyne ka ahaa DKMG Soomaaliya, iyadoo markii dambe uu is casilay.

Alla ha u naxariistee C/laahi Yuusuf Axmed ayaa iska casilay xilkaasi 2009-kii waxaana intaasi kadib uu ku noolaa dalka Yemen halkaasi oo xaaladiisa lagu dabiibayay, iyadoo uu ka xanuunsanaa dhinaca beerka.

Wixii warar ah ee kusoo kordhaa iyo taariiqdiisa  goordhow kala soco Shabelle.net hadii uu Ilaah saamaxo

Eebe ha u naxariistee Madaxweynihii hore oo waxaa uu iska casilay  Xilka Madaxweynaha Soomaaliya Sannnadkii 2008-dii ka dib markii  khilaafyo kala duwan ay soo kala dhexgaleen masuuliyiin ka tirsan  Dowlada KMG gaar ahaan raiisul wasaaryaashii Xukumadiisa.

C/laahi Yuusuf Axmed Waxaa uu ahaa Siyaasi SOomaaliyeed oo intii uu siyaasada Soomaalida ku soo jiray ahaa Khabiir Dhanka Ciidamada ah  waxaana uu tababaro kala duwann ku soo qaaday Dalalka Caalamka Sida:

1954-1956 waxaa Waxbarasho loogu Diray wadanka Talyanaiga

1957 waxaa loo mgacaabay Taliye ku xigeenka Booliska G/Banaadir

1960 Talyaaniga ayuu Waxbarsho Meleteri u tagay ka dibna waxaa uu noqday Taliyaha Booliiska Qebteeda fadhigeedu yahay Gobolada Waqooyiga Soomaaliya

1964 Waxaa  C/laahi Yuusuf loo dalacsiiyay Darajada Gashanle DHexe Waxaana uu u  gudbay Maamulka Dhexe gaar ahaan Wasaarada gaadhaandhiga

1965-1966 Waxaa loo diray waxbarasho Militari Wadanka Ruushka

1968 Waxaa laga dhigay taliyaha Hogaanka Tababarka ee Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed

1969 Waxaa Markale lagu celiyay Gobolada Waqooyiga Soomaaaliya

1969 Xilli ku dhow Curashada Kacaanka waxaa loo Taxaabay Xabsi ka dib eedeyn ka timid Kacaankii Siyaad Barre waxaana uu xirnaa muddo 6 sanno ah

1975-1977 Markii Xabsiga laga siidayay waxaa laga dhigay taliyaha hogaanka gaadiidka iyo dayactirka ee xoogga dalka
1977
Dagaalkii Xoreynta Soomaaliy Galbeed waxa loo magacaabay inuu hogaamiyo Ciidamada Dagaalka waxana uu ka adkaaday Ciidamada Ethiopia waxaana Ciidankiisa ay Gaaareen Gobolka Nagaylle 1978-dii

1978- Waxaa dhacay Inqilaabkii Loo Yaqaanay ‘Inqilaabkii dhicisoobey’ waxana ka dib uu galay Ethiopia

1978-September waxaa uu C/laahi yuusuf uu aasaasay Mucaaradkii ugu horeeyay taariikhada dalka kaasi oo la oran jiray SSDF.

1985 
C/laahi Yuusuf Axmed waxaa loo taxaabay Xabsi ku yaaala Ethoipia waxaana xiray maamulkii Mangiest Hayla Miriam waxaana uu xabsigaas ku jiray muddo 6 sanno oo kale ah.

1991
Markii uu dhacay Maamulkii Mingiste iyo kii soomaaliya  waxaa uu C/laahi Yuusuf u soo dhaqaaqay Gobolada Waqooyi Bari Soomaaaliye ee Iminka Loo yaqaano Puntland waxaana uu aasaasay Maamul Goboleedka Puntland Sannadkii 1998-dii Waxaana uu Madaxweyne Puntland kaahaa ilaa loo doortay Madaxweynaha Soomaaliya 2004-tii.

10.10.2004 waxa Kenya loogui soo doortay Madaxweynaha DFKMG ee Soomaaliya taasi oo uu muddo ku taamayay inuu Qabto C/laahi Yuusuf.

C/laahi Yuusuf Axmed intii uu xilka Hayay Soomaaliya waxaa uu wajahay Marxalado adag oo siyaasadeed waxaa uu ka badbaaday isku day dil oo qarax lagula beegsaday Baydhabo.

29.12.2008 Ayuu iska Casilay Xilka Madaxweynaha DFKMG ee Soomaaliya ka dib markii uu Cadaadis uga yimid Beesha Caalamka iyo Dowladaha gobolka.

Wixii ka danbeeyay Iscasilaadiisa waxaa uu Eebe ha u naxariistee C/laahi Yuusuf ku noola wadanka Yemen oo uu ka helay Deganaasho rasmi ah oo uu siiyay Madaxweynihi Hore ee Dalka Yemen Cali Cabdalla Saalax.

23.12.2012
waxaa uu ku geeriyooday Wadanka Imaaraadka Carabta Halkaas oo uu u jogay Howlo CAafimaad sida ay sheegeen Eheladiisa  Waxaana weli la qorsheyn halka lagu aasi dono Madaxweyne yuusuf.




Muqdisho: Friday, March 23, 2012 (Wararka Dowladda Soomaaliya) : Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya C/wali Max’ed Cali Gaas oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in si deg deg ah  Ciidamo ka socda kuwa AMISOM loo gaarsiin doono gobolada Bay iyo Bakool si halkaasi ay ugu xaqiijiyaan ammaanka.

C/wali Max’ed Cali ayaa waxa uu sheegay in tagitaanka Ciidamada AMISOM ee gobolada Bay iyo Bakool loogu gonleeyahay sidii ay u xaqiijin lahaayeen ammaanka oo Maamulada halkaasi jira ay u gudan lahaayeen waajibaadkoodu shaqo.

Ra’iisul wasaare Gaas ayaa waxa uu soo dhaweeyay la wareegitaankii Magaalada Xudur ay la wareegeen Ciidamada DKMG ah iyo kuwa Ethiopia, isagoo sheegay in taasi ay muujinayso in la wiiqay awooddii Al Shabaab, Ciidamada dowladdana ay sii gaarayaan deegaanada iyo degmooyinka ay gacanta ku hayaan Kooxda Al Shabaab, waxaana uu ku hanjabay in Al Shabaab mar waqti dhow lasoo afjari doono.

Gaas ayaa waxa uu intaasi ku daray in Ahlu Sunna Waljamaaca ay ka tirsan tahay dowladda KMG ah oo uu xusay in dhaawacyadii Ciidamadoodu kasoo gaaray dagaaladii ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb ay soo gaarsiiyeen Magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in DKMG saanad Militari ay siisay Ahlu Sunna Waljamaaca.

Shalay ayay aheyd markii Magaalada Xudur ee Xarunta gobolka Bakool ay gacanta ku dhigeen Ciidamada DKMG iyo kuwa Ethiopia, iyadoo Ciidamadii ka tirsanaa Kooxda Al Shabaab ee halkaasi ku sugnaa ay isaga baxeen, waxaana markii ay gaareen Magaaladaasi Ciidamada dowladda ay dadku ku wargaliyeen inay is dajiyaan islamarkaana ay la shaqeyaan DKMG ah.



Muqdisho: Friday, March 23, 2012 (Wararka Dowladda Soomaaliya) : Maamulka gobolka Banaadir ee DKMG ayaa sheegay in Madfac iyo Ciidamo shisheeya kaliya aan lagu soo celin karin ammaanka Magaalada Muqdisho, iyadoo dhinaca kale Maamulka uu ka warbixiyay sida lagu garan karo guryaha ay Muqdisho ka dagan yihiin Xarakada Al Shabaab.

Gudoomiyaha Maamulka gobolka Banaadir ee dowladda KMG Soomaaliya Max’ud Axmed Nuur (Tarsan) oo shalay ka hadlayay Munaasabad ka dhacday Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu qaylo dhaan ka muujiyay  falalka ammaan dari ee ka jira Muqdisho, isagoo sheegay in Ciidamo shisheeye oo laga keenay wadanka dibaddiisa iyo Madaafiic aan lagu soo celin karin amniga Magaalada Muqdisho.

Max’ud Axmed Nuur ayaa waxa uu sheegay in Al Shabaab oo horey ugu baxay Magaalada Muqdisho ay ku jabeen dagaaladii ay ka wadeen Magaalada, isagoo tilmaamay inay bilaabeen in bambaanooyin ay ku tuuraan Muqdisho, iyagoo doonaya sida uu sheegay inay niyadda ka jibaayaan shacabka Soomaaliyeed.

“ Guryaha ay ku jiraan Shabaab waxa lagu gartaa, Cunto badanna waa la galiyaa, dadka galaayona waa yar yihiin, habeenkii bes ayay soo baxaan Masaska camal, hadaad aragti guri cunto badan la galinaayo dadyarna uu galaayo Shabaab baa ku jiree soo sheega” sidaasi waxaa yirir gudoomiyaha Maamulka gobolka Banaadir.

Dhinaca kale Madaxweynaha DKMG ah Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxa uu amar ku siiyay gudoomiyaha Maamulka gobolka Banaadir, ku xigeenadiisa, gudoomiye yaasha degmooyinka gobolka  iyo Saraakiisha Ciidamada DKMG in la helo Mas’uuliyiin la shaqeysa Ciidamada oo xilliyada habeenkii soo jeeda.

Hadalkaani ayaa waxa uu imaanayaa xilli DKMG ah oo tilmaamtay in Magaalada Muqdisho ay tahay nabad, hadana ay dhacaan falal ka dhan ah ammaanka Muqdisho.




 





Muqdisho: Khamiis, March 22, 2012 (Somaligov News): Ciidanka XDS oo qar u saaran inay la wareegaan magaaladda Xudur meeshaasoo laga sifeeynayo Al-Qaaciida iyo dadka raba inay Soomaaliya kuu sii jirto fowdada siyaasadeed ee ay rabaaan inay uga dhigtaan goob ay amniga adduunka uga duulaan.


Qaahira: Khamiis, March 22, 2012 (Somaligov News): Barlamanka dalalka carabta ayaa ku eedeeyay dowladaha carabta iyo ururka Jaamacadda carabta inay ka gabiyeen doorkii ay kulahayeen taageerida iyo garab istaagida DKMG Somalia iyo dadka ku dhibateysan Soomaaliya.

Warbixin  oo kasoo baxday barlamanka dalalka carabta ayaa sidoo kale waxa looga codsay ururka Jaamacada carabto iyo dhamanba dalalka carabta inay garab istagaan gar garka deg dega ah ee la gaarsiinayo DKMG Somalia iyo shacabka ku dhibaateysan xerooyinka barakacayasha ee kuyaala gudaha dalka Soomaaliya.

Sidoo kale warbixinta ayaa waxaa lagu sheegay inay qorsheynayaan barlamanka carabta iyo ururka Jamacada sidii ay gurmad deg deg ah u gaarsiin la hayeen dadka ku dhibateysan gudaha dalka Soomaaliya iyo dalalka dariska la’ah Soomaaliya.

Barlamanka Carabta ayaa waxa ay tibaaxeen in gar gaarka ay qorsheeynayaan in ay u diraan dalka Soomaaliya uu isugu jiri doono gargaar caafimaad cunooyin fudud iyo agabyo kale ee ka mid ah quutul daruuriga nolosha bini’aadamka.

Ugu danbeeyn ururka Jaamacada carabta iyo Barlamanka carabta ayaa sheegay in ay iska kaashanayaan sidii ay uga taageeri lahaayeen dowladda KMG soo celinta amaankii iyo kaladanbeeyntii, iyo sida loo xalin lahaa khilaafaadka u dhaxeeya siyaasiyiinta Soomaaliya.




Mandheera: Khamiis, March 22, 2012 (Somaligov News): Boqolaal qof oo kenyaati ay ayaa maanta waxa ay dibadbaxyo rabshada wattay ka dhigeen Magaalada Mandheera ee gobolka
Waqooyi Bari Kenya  halkaasi oo xalay lagu dilay nin Taksiile ah, waxaana dadkaani ay ka soo horjeedeen, falalka amni dari ee ka jira gobolak waqooyi Bari Kenya.


Dadka dibadbaxa sameynayay ayaa waxa ay gubeen goobo ganacsi oo ay lahaayeen  dad Soomaali ah, waxaana la sheegay in Soomaali badan ay ka soo  careereen Magaalada Mandheera oo ay soo galeen degmada Balad-xaawo,  iyadoo sidoo kale ay isku dhaceen dadka dibadbaxa sameynayay  ciidamada Kenya oo iyagu ka hortagayay dibadbaxa.


Inta dibadbaxa uu socday ayaa waxaa hakad galay dhamaan isku socodka dadka  iyo gaadiidka ee goobaha ganacsi ee Magaalada Mandheera, waxaana  magaalada soo buuxdhaafiyay ciidamo farabadan oo ka tirsan boliiska  Kenya kuwaasi oo doonayay in ay hakiyaan dadka dibadbaxyada dhigaya.


Maalmihii u dambeeyay ayaa maagalada Mandheera iyo guud ahaan gobolka waqooyi bari ee Kenya waxa ka jiray falal amni dari sida dilal qorsheysan oo loo geysanayo  masuuliyiinta iyo qaar ka mid ah dadka shacabka ah ee kusugan  gobolkaasi.





Muqdisho: Khamiis, March 22, 2012 (Somaligov News): Gudiga amniga Qaranka ayaa kulan looga hadlayay amaanka waxa ay ku yeesheen Xalay Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ee Magaalada  Muqdisho.

Kulankaani oo ahaa mid mudo saacado badan socday ayaa waxaa isugu yimid gudiga amniga qaranka ee dowladda KMG Soomaaliya waxaana shir gidoominayay gudoomiyaha amniga qaranka ahna Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed kaasi oo looga hadlay xaalada amaanka iyo wax ka qabashada amni xumida soo wajahday Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale kulanka ayaa waxaa looga hadlay sidii looga hortagi laha qaraxyada, falalka kale ee ismiidaaminta iyo weerarada mararka qaar lagu soo qaado xarumaha ciidamada Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho.

Sida Idaacada Shabelle ay u sheegeen ilo wareedyo kusugan Xarunta Madaxtooyada Gudiga amniga Qaranka ayaa dood iyo falaanqeyn dheer kadib waxa ay isku afgarteen in xil ka qaadis lagu sameeyo qaar ka mid ah talisyada saldhigyada Magaalada Muqdisho iyo gudoomiyayaasha degmooyinka kadib markii ay sheegeen in arintaani ay la
xiriirto dhinaca amaanka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in xil ka qaadistaan ay ka dambeysay kadib markii madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya iyo masuuliyiin kale oo la socotay  ay booqasho lama filaan ah ku tageen xili habeen ah qaar ka mid ah saldhigyada degmooyinka gobolka Banaadir halkaasi oo ay ka waayeen askartii loogu talagalay iyo madaxdoodii

Maalmihii u dambeeyay ayaa Magaalada Muqdisho waxaa ka jiray falal amni daro oo la xiriira qaraxyo mararka qaar loo geysanayo xarumaha dowladda, iyo weeraro madaafiic ah oo lagu garaacayay xarunta Madaxtooyda, iyadoo isbadalka ay sameeyaan gudiga amniga qaranka aan la ogeyn waxa ay arintaasi ka badali karto.


Muqdisho:
Arbaco, March 20, 2012 (Somaligov News): Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya ayaa maanta magacaabay gudiga Cadaalada DKMG Soomaaliya, kadibmunaasabad balaaran oo maanta ka dhacday Magaalada Muqdisho.

 Munaasabadani oo ay goob joog ka ahaayeen madaxweynaha dowlada KMG ah Sheikh Shariif Sheikh Axmed, Ra’iisul
Wasaare Cabdalla wali Max’ed Cali Gaas, qaar kamid ah golaha wasiirada  iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka ayaa
waxaa lagu magacaabay gudi loo xil saaray adeegga garsoorka Soomaaliya.

Xer ilaaliyaha maxkamada sare ee dowlada KMG ah Ceydiid Ilka-xanaf oo hadal ka jeediyay munaasabadii maanta ayaa
waxa uu tilmaamay in gudigani uu ka shaqeyn doono howlaha garsoorka iyo cadaaladda si aysan u sii socon cadaalad daro in dalka ay ka sii jirto.

Madaxweynaha dowlada KMG Shariif Sheikh Axmed oo isna waxa uu munaasabadani ka sheegay in loo baahan yahay in wax badan laga badalo garsoorka iyo cadaalada dalka isagoo gudigaani ugu baaqay in musuq maasuqa iyo nin jecleysiga ay ka fogaadaan.

Dowlada KMG ayaa horay waxa ay u magacawday gudiyo la sheegay in ay ka shaqeynayaan cadaalada kuwaasi oo horay ugu fashilmay wax ka qabashada arimaha garsoorka, waxaanala ogeyn waxa uu gudigaani ka badalnaan doono gudiyadii horay.




Muqdisho: Arbaco, March 20, 2012 (Somaligov News): Kulankani oo ahaa mid wadatashi ah oo uu soo qabanqaabiyay xafiiska siyaasada Soomaaliya ee Qaramada Midoobay oo ay ka sooqayb galeen xubno ka kala socday dowlada KMG Soomaaliya, maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca, urur Goboleedka IGAD, midowga Afrika, wadamo ay kamid yihiin Norway,
Sweden iyo England ayaa maanta waxa uu ka dhacay Xarunta dugsigii tababarka Xalane ee magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray armo la xiriira Roadmap, iyadoo masuuliyiintii ka kala socotay wadamada beesha caalamka, ururada caalamiga iyo dowladda KMG 
ay si aad ah uga wadahadleen hormarka laga gaaray fulinta qorsha howleedka dowladda gaar ahaan afarta qodob ee ku xusan Roadmap sida nabadeynta
dhameeystirka Dastuurka qabyo qoraaleedka, dowlad wanaaga iyo dib u heshiisiinta.

Kulanka oo ahaa mid Al-baabadu ay u xirnaayeen islamarkaana saxaafada dibad joog ay ka aheyd ayaa markii uu soo gabagaboobay waxaa si wadajir ah warfidiyeenada ulahadlay Wasiirada Maaliyada,
Qorsheeynta iyo Dastuurka kuwaasi oo faahfaahin ka bixiyay waxyaabihii looga hadlay kulanka wadatashiga ah.

Wasiirka wasaarada Dastuurka iyo arimaha federalka ee xukuumada KMG Soomaaliya Cabdullaahi Xoosh Jabriil ayaa waxa uu ka hadlayaa u jeedada kulanka maanta ay la qaateen ergada ka kala socotay wadamada beesha caalamka iyo ururada caalamiga ah.

Inkastoo kulanka aysan ka soo bixin go’aano ayaa hadana waxaa lagu taageeray qaabka dowladda KMG ay u dardargalinayso fulinta qorshe howleedka sida uu warbaahinta u sheegay Wasiirka Qorsheeynta iyo Iskaashiga caalamiga ah Cabdullaahi Goodax Barre oo kamid ahaa ka qaybgalayaashii kulanka.

Kulanka ayaa waxaa ka maqnaa sida uu Saxaafada u sheegay wasiirka Dastuurka iyo arimaha Fedraalka maamulada Puntland iyo Galmudug oo uu sheegay in looga baahnaa in ay ka soo qeyb galaan, isagoo tilmaamay in wadamada beesha caalamka ay rajo wanaagsan ka muujiyeen habsami u socodka howlaha Roadmap oo dowladda KMG ay ku howlantahay hir galintiisa.




Garowe: Muqdisho: Arbaco, March 20, 2012 (Somaligov News): Maamulka Puntland ayaa riyo iyo qarow ku tilmaamay hadal kasoo baxay Hogaamiyaha Ururka
Al-Shabaab Abuu Zubeyr, iyagoo sheegay inay burburin doonaan shabaabku ku sugan deegaanooda.

Afhayeenka Maamulka Puntland Axmed Cumar Xersi (Libaax joorre) ayaa waxa uu sheegay in Maamulkoodu ay ku howlan yihiin howlgallo Al Shabaab looga ciribtiriyo Puntland iyo deegaannada ku xeeran, ayna Puntland ku falintahay xaqiijinta ammaankeeda.

Afhayeenka oo ka jawaabayay hadal kasoo baxay hogaamiyaha ugu sareeya Kooxda Al Shabaab Sheekh C/raxmaan Abuu Zubeyr  oo ahaa in Al Shabaabku ay burburiyaan Maamulka Puntland ayaa waxa uu ku tilmaamay hadalkaasi in uu yahay mid riyo iyo qarow ah.

Axmed Cumar Xersi ayaa waxa uu intaasi ku daray in Shabaabku ay horey ugu fashilmeen carqaladeynta amniga deegaanada Maamulka Puntland islamarkaana Maamulkoodu uu diyaar u yahay inay sugaan ammaanka guud ee deeganadaasi, ayna ka hortagayaan Al Shabaab hadii ay isku dayaan in xasilooni dari ay ka abuuraan halkaasi.

Wararkaani ayaa waxa ay imaanayaan ka gadaal markii Hogaamiyaha ugu sareeya Kooxda Al Shabaab uu soo duubay cajalad maqal ah oo uu ugu baaqay Shabaabku ku sugan Puntland inay burburiyaan Maamulka Puntland.


Khartuum: Isniin, March 19, 2012 (Somaligov News): Madaxweynaha dowlada KMG Somalia Shariif shiikh Axmed  iyo wafdi uu horkacayo oo shalay safar shaqo ku tegay
magaalada Khartuum ee dalka Suudaan ayaa xalay xarunta madaxtooyada dalkaas kulan kula qaatay madaxweynaha  dalkaas Cumar Xasan Al-Bashiir.. Sida ay sheegeen xubno ka tirsan wafdiga Soomaalida  labada madaxweyne ee Somalia iyo Suudaan ayaa waxaa  kulankooda ay iskula soo qaadeen asii xoojinta xiriirka
walaaltinimo iyo midka iskaashi ee ka dhexeeya labada shacab iyo labada dowladood, iyadoo madaxweyne Sharifna  uu uga mahad celiyey madaxda Suuqaan qaabkii wax ku
oola ahaa ee ay uga qeyb qaateen gurmadkii loo sameeyey dadkii ku soo barakacay abaaraha sanadkii hore ka dhacay meelo ka mid ah Somalia.











Muqdisho: Isniin, March 19, 2012 (Somaligov News): Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa sheegtay inay wax ka qabanayso dhibaatooyin la
sheegay in loo gaysto dadka shacabka ah ee ku nool degmooyinkii dhawaan laga
saaray Xarakada Al Shabaab.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhiga ee Xukuumadda KMG Soomaaliya Axmed Cabdi Catoosh ayaa war uu siiyay
Idaacadda Shabelle waxa uu kaga hadlay dhibatooyinka ciidamada dowladda KMG ah
ay u gaystaan dadka rayidka ah ee ku sugan Magaalada Muqdisho iyo qorshayaasha
dowladda ugu degsan arrimahaasi.

Axmed Cabdi Catoosha ayaa sheegay in Wasaaradda Gaashaandhigu ay leedahay Maxkamad islamarkaana loogu talagalay in
lasoo taago askari waliba oo lagu soo cadeeyo in u dambi ka galay dadka
shacabka ah ee ku nool Magaalada, waxaana mar wax laga waydiiyay howlgalka
dagaal oo ay dowladda kula jirto Al Shabaab uu ka gaabsaday in uu faah faahin
ka bixiyo.





Wasiirka ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Axmed Cabdi Catoosh ayaa waxa uu uga digay dhalinyarada
Sooamaliyeed inay u dagaalamaan Al Shabaab, isagoo sheegay in loo baahanyahay in
dhalintu ay hormuud u noqoto olalaha nabadeed ee dalka si looga gudbo
marxaladda uu haatan marayo dalka.

Shalay ayay aheyd markii dadka rayidka ah ee ku nool degmooyinka Huriwaa iyo Yaaqshid ay cabasho ka muujiyeen
dhibaatooyin dhinaca ammaanka ah oo ay sheegeen inay ku kala kacaan Ciidamo ka
tirsan dowladda KMG ah, waxaana haatan dadka ay ka war dhowrayaan talaabada
dowladdu ay ka qaadi doonto wax ka qabashada ammaanka degmooyinkaasi.



Muqdisho: Isniin, March 19, 2012 (Somaligov News): Taliska Ciidamada Militariga dowladda KMG Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay inay ka war heleen qorsho cusub oo weeraro ah
oo ay Shabaabku doonayaan inay ka fuliyaan gudaha Magaalada Muqdisho.

Abaanduulaha Ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed Jeneral C/kariin Yuusuf Aadan (Dhega-badan) oo waraysi siiyay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay inay ka war heleen qoshayaal ay Shabaabku doonayaan inay weeraro kaga fuliyaan Magaalada Muqdisho, waxanaa uu
xusay inay ka warhayaan guryo ay Magaalada Muqdisho kagan yihiin Al Shabaab.

 “waxay isu qeybiyeen Magaalada inay bastoolado lasoo galaan, kuwa inay qaraxyo lasoo galaan, kuwa inay bambooyin lasoo galaan, intaba waan ognahay, goobaha iyo guryaha ay ku sugan yihiin, waa tilmaameedsanyihiin,  waana noo calaameysan yihiin, waana aragnaa in laamiyada ay joogaan” sidaasi waxaa yiri
Abaanduulaha Ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed Jeneral C/kariin Yuusuf Aadan (Dhega-badan).

Dhega-badan ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in Ciidamada DKMG ay banaanka ka difaacayaan Muqdisho, islamarkaana ay usoo jeesanayaan xaqiijinta ammaanka Muqdisho, iyo ka hortagga dadka ammaan darida wada oo uu sheegay inay ku filan yihiin Ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed.





Hadalkaani ayaa kusoo aadaya,
iyadoo Saraakiil ka tirsan Ururka Al Shabaab ay sheegeen in 16-ka degmo ee
Muqdisho ay ku sugan yihiin dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab kuwaasi oo
weeraraya Xarumaha dowladda.



























Muqdisho: Isniin, March 19, 2012 (Somaligov News): Wafdi  uu hogaaminayo Wakiilka Midowga Yurub u
qaabilsan geeska Afrika Alex Rondos ayaa maanta waxa ay soo gaareen gudaha
Magaalada Muqdisho, iyagoo kulan ay albabadu u xirnaayeen la qaatay Ra’iisul
wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya C/wali Max’ed Gaas kaasi oo ay diiradda ku
saarayeen arrimaha ammaanka iyo dar dar galinta howlaha roadmap-ka.





Markii
uu soo gaba gaboobay kulankoodu ayaa waxa si wada jir ah Saxaafadda ula hadlay
Ra’siiul wasaare Gaas iyo Wakilka Midowga Yurub ee geeska Afrika, wuxuuna Gaas
oo hadalka ku horumaray uu sheegay in wafdigaani Muqdisho uu usoo gaaray sidii
uu u ogaan lahaa halka ay marayaan qorsho howleedka dowladda iyo waliba
ammaanka dalka Soomaaliya.





Alex
Rondos Wakiilka Midowga Yurub ee geeska Afrika oo isna shiarkaasi ka hadlay
ayaa waxa uu ugu baaqay dowladda KMG Soomaaliya iyo waliba Ciidamada AMISOM
inay sii xoojiyaan daalada nabadda iyo kala dambeynta loogu soo dabaalayo
Soomaaliya, isagoo tilmaamay inay soconayaan dadaallo ay wadamada beesha
Caalamka iyo golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ay ku taageerayaan
dowladda KMG ah.





Gaba
gabada shir jaraa’id ayaa Alex Rondos waxa uu cambaareeyay dilalka soo laab
laabtay ee saxafiyiinta Soomaaliyeed loogu gaysto dalka Soomaaliya taasi oo uu
ku tilmaamay inay tahay mid lagu aamusinayo Xoriyatul qoolka, isagoo carabka ku
adkeeyay in wariyeyaasha ay yihiin indhaha bulshada.





Waa
markii labaad oo  Ergayga Midowga Yurub u
qaabilsan geeska Afrika uu soo gaaro Magaalada Muqdisho, iyadoo muddooyinkii
dambe ay soconayeen dadaalo wadamada beesha Caalamka ay ku taageerayeen
dowladda KMG ah si wadanka Soomaaliya uu dib ugu soo ceshto xasiloonidii iyo
kala dambeyntii uu lahaa dalka.
















Muqdisho: Isniin, March 19, 2012 (Somaligov News): Madaafiic gaystay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa xalay waxaa lagu
weeraray Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.





6-ruux ayaa la sheegay inay ku
geeriyootay 5-kalena uu dhaawac kasoo gaaray kuwaasi oo ahaa dad deganaa Xero
barakacayaal ah oo ku taala aga gaarka Madaxtooyada kadib markii xalay weerar
Madaafiic ah lagu qaaday Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.





 “Waxaa weeye Xaafadda Wardhiiglay meel ay dad
barakacayaal ah degan yihiin, waxaa kusoo dhacay Hoobiye, waxaana halkaasi uu
ku dilay 4-qof oo qoys ah Aabe, Hooyadood iyo labo gabdhood, halka gabar kale
ay ku dhaawacantay, meeshuna waa nawaaxiga Madaxtooyada, ilaa 7-Madfac ayaan
maqlay” sidaasi waxaa yiri Saciid Shire Warsme (Shuuriyaako) oo ka mid ah Sawir
qaadayaasha Idaacadda iyo Tv-ga Shabelle oo ku sugnaa goobaha xalay Madaafiicda
lagu garaacay.





Gudoomiye ku xigeenka degmada
Wardhiiglay Max’ed Max’ud Max’ed oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu
xaqiijiyay geeriyda lixdaasi ruux, isagoo tilmaaamay in saakay xaaladdu ay
kacsantahay.





“Aniga markii aan madaafiicdaasi
maqalnay ayaa lay soo wacay, goobihi ay ku dhaceen ayaan tagay, halkaasi waxa
ka qaadnay dhimashada 6-ruux iyo dhaawca oo shan qof ah, marka waa musiibo ee
Umadda Ilaahay haka bixiyo, Madaafiic 3-xabo ayaa waxa ku dhacday hareeraha
Madaxtooyada” sidaasi waxa yiri gudoomiye ku xigeenka degmada Wardhiiglay.





Dhinaca kale Kooxo hubaysan aan
heybtooda la aqoon ayaa xalay waxa ay weerareen guri ku yaala Xaafadda
Cali-Kamiin ee degmada Wardhiiglay halkaasi oo ay deganaayeen Ciidamo ka tirsan
dowladda KMG Soomaaliya, iyadoo aan la sheegin ilaa iyo iminka cidda uu qasaaro
kasoo gaaray weerarkaasi.





Lama oga cidda ka dambeysa
weerarkaasi Madaafiicda ah, hase ahaatee mararka qaar Magaalada Muqdisho waxaa
ka dhaca duqeymo ay is weedaarsadaan dhinacyada isku haya Muqdisho kuwaasi oo
inta badan ay waxyeelo kasoo gaarto dadka shacabka ah.







Nairobi: Axad, March 18, 2012 (Somaligov News): Dowladda Sierra Leone ayaa sheegtay in waxa ka dambeeya bisha June
ay Soomaaliya usoo dirayso Ciidamo Militari ah oo ka qeyb qaata nabadeynta
dalka Soomaaliya.





Afhayeenka
Wasaaradda difaaca ee dowlada Sierra Leone Majer Ken Jabbi ayaa sheegay in
dowladdiisu waxa ka dambeeya bisha June ee sanadkan ay Ciidamada qeybta ugu
noqonaya howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ay soo diri
doonaan.





Kin Jabbi ayaa
waxa uu sheegay in 850-askari oo isugu jira rag iyo hablo oo loogu talagalay inay
ka qeyb qaataan howlgalka AMISOM, islamarkaana tababarkoodu uu soo dhamaaday,
loona soo diri doono Soomaaliya.





Ciidamada
Dowladda Sierra Leone ee qeybta ka noqonaya AMISOM ayaa tababarka siiyay Saraakiil
ka socda dowladda Ingiriiska iyo Hay’ad Caalami ah oo ka shaqeysa arrimaha
Militariga taasi oo marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano (IMATT ).





Dowladda Sierra
Leone ayaa ka mid ah dowladaha qaaradda Afrika ee soo maray dagaalada sokeeya,
waxaana marar badan ay shaaca ka qaaday in Ciidamo ay usoo dirayso Soomaaliya
si ay u xaliyaan dhibaatooyinka fogaaday ee ka jiray Soomaaliya.







Muqdisho: Axad, March 18, 2012 (Somaligov News): Shacabka ku nool dagmooyinka Huriwaa iyo
Yaaqshid ayaa waxa ay sheegeen in haatan dagmooyinkaasi ay ka jiraan
dhibaatooyin la xiriira dhinaca ammaanka taasi oo ay sheegeen in ay mareyso
meeshii ugu xumeyd.





Dadka ayaa ka cabanaya
dhibaatooyin isugu jira dilal qorsheysan iyo in laga dhaco Mobile-ladoodu,
iyagoo tilmaamay in taasi ay usii dheertahay isku dhacyo mararka qaar halkaasi
ku dhexmara Ciidamada DKMG.





Shacabkaani ayaa waxa ay ugu
baaqeen Saraakiisha Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ee gacanta ku haya
degmooyinka Huriwaa iyo Yaaqshid looga baahanyahay inay xaqiijiyaan ammaanka oo
ay wax ka qabtaan dadka ay ka cabanayaan.





Muddooyinkii dambe ayaa waxa
jiray cabashooyin kasoo yeerayay dadka shacabka ah ee ku sugan degmooyinka qaar
ee Muqdisho gaar ahaan kuwii dhawaan laga saaray Al Shabaab, iyadoo inta badan
dadkaasi ka dhiabato sheegtaan kooxo ku labisan dareeska Ciidamada DKMG ah.

 











Muqdisho: Sabti, March 17, 2012 (Somaligov News): Abuu Mansuur Al-Amriki: “Waxaan iska duubayaa fariintan inta
aanan dhiman ka hor, maxaa yeelay waxaan dareemayaa inay jirto khatar
weyn oo soo food saartay nolosheyda ayna dhici karto in aan ku dhinto
gacanta Al-Shabaab"


Sida laga soo xigtay cajalad muuqaal ah oo uu soo dhigay barta
shabakada YouTube –ka Abuu Mansuur Al amriki oo ah mid kamida
taliyayaasha ugu sareeya dagaalyahanada xarakada Alshabab ayaa sheegay
in noloshiisa ay halisku ku jirto islamarkaana uu ka cabsi qabo in la
qaarajin doono sida uu cajalada ku sheegay isagoo arintaasi u sababa
beeyay kala duwanaansho siyaasadeed oo soo kala dhexgalay isaga iyo
masuuliyiinta sarsare ee xarakada Alshabab ku jirta.


“Waxaan iska duubayaa fariintan inta aanan dhiman ka hor, maxaa
yeelay waxaan dareemayaa inay jirto khatar weyn oo soo foodsaartay
nolosheyda ayna dhici karto in aan ku dhinto gacanta xarakada
Al-Shabaab sababtoo ah kala duwanaansho siyaasadeed oo na soo kala
dhexgalay aniga iyo rag kale oo xarkada ka tirsan, taasoo ku saabsan
dhinaca shareecada islaamka iyo walibana stratigiyada dagaalka" ayuu
yiri Abuu Mansuur Alamriki oo intaasi kadib aan bixin wax faahfaahin
dheeraada, Abuu Mansuur Alamriki fariinta uu soo dhigay boga
YouTube-ka.


Ma jirto cid uu si gaara u tilmaamay Al amriki, hase ahaatee waxaa
uu cadeeyay in Khatar ay kaga soo fool leedahay la shaqeynta xarakada
Al-Shabaab oo uu kaga jiray boosaska ugu muhiimsan ee taliyaayaasha
ciidamada hogaamiya .


Abuu Mansuur Alamriki oo magaciisa rasmiga ah loo yaqaano Cumar
Xamaami ayaa lagu arki jiray goobaha dagaalka wadanka Somaliya isagoo
hogaamiyana guutooyin ka mida dagaalyahanada Alshabab , waxaana la
sheegay in baaqyo hore ugu jeediyay dhalinyarada ku nool wadanka
Mareykanka in ay ku soo biiraan waxa ugu yeeray Jihaadka ka socda
wadanka Soomaaliya inay marar badan dhici jireen.


Ben Vensi oo ah qabiir la shaqeeya Hayad lagu magacabo terror
monitoring group oo degan wadanka Mareykanka ayaa sheegay in arintan loo
qaadan karo inay sabab u tahay siyaasada Al-Shabaab oo uu ku tilmaamay
in ay tahay mid aysan waxba ka badalikarin shaqsiyaadka qaar ee ku jira
xarakada.


“Cabsida Alamrkia waxay cadeyneysaa in siyaasada Alshabab aysan ka
xishoneynin cidii ka hortimaada, taasi waxaan ula jeedaa ayuu yiri
masuuliyiinta Alshabab waa rag isla shaqeeya hadana kala shaqeysta",
ayuu yiri Ben.


Guul darada ku dhacday Al-Shabaab ayaa loo arkaa in ay sabab u tahay
khilaafyo siyaasadeed oo u dhexeeya madaxda xarakada , weerarada
ciidamada Ethiopia iyo Kenya ay kaga soo qaadeen furumaha cusub ee
gobolada Jubooyinka iyo Gedo.



Ma


















Muqdisho: Sabti, March 17, 2012 (Somaligov News): Wasiirka arimaha gudaha
iyo amniga qaranka Xukuumada KMG ayaa maanta kulan looga hadlayay amaanka waxa
uu la qaatay Ciidamada Booliska iyo Odayaasha dhaqanka, isagoo dhinaca kale
beeniyay in xil ka qaadis lagu sameyn rabo.





Wasiirka
arimaha gudaha iyo amniga Qaranka ee Xukuumada KMG Soomaaliya C/samad Macalin
Max’uud Faarax oo maanta kulan la yeeshay saraakisha ciidamada Booliska iyo
odayaasha dhaqanka beelaha Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in ay wadaan
qorshayaal wax looga qabanayo amaanka dalka si aysan u dhicin weeraro  qorsheysan oo ay geysato Kooxda Al Shabaab.





Cabdi
Samad Macalin Max’uud faarax ayaa waxa uu tilmaamay in saraakiisha ciidamada
Boliiska iyo odayaasha dhaqanka looga baahanyahay in ay iska kaashadaan howlaha
ku aadan xasilinta dalka iyo sidii wax looga qaban lahaa falalka amni daro ee
ka dhacaya Magaalada Muqdisho.





Wasiirka
Arimaha Gudaha ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay warar soo baxayay oo sheegayay
in xil ka qaadis uu ku sameyn rabo Ra’iisul wasaare Gaas, waxaana uu sheegay in
arintaasi aysan waxba ka jirin.





Dhawaan
ayay aheeyd markii qarax qasaare geystay uu qof isasoo miidaamiyay uu ka
geystay nawaaxiga xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya, iyadoo xukuumada
KMG ay sheegtay in uu ka tirsanaa Shaqaalaha Madaxtooyada, waxaana la ogeyn
sida qodobadii ka soo baxay kulankaani ay wax uga badali karaan amni darada ka
jirta Muqdisho.









Muqdisho: Sabti, March 17, 2012 (Somaligov News): Dowladda KMG Soomaaliya ayaa sheegtay in quburo Ajanibi
ah ay ka qeyb qaadan doonaan sameynta Dastuurka cusub ee Soomaaliya, iyadoo
warkaasi maanta uu ka soo baxay wasaarada Dastuurka.





Wasiirka wasaarada Dastuurka iyo
Arimaha Fedaraalka xukuumada KMG Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jabriil oo maanta
saxaafada shir jaraa’id ugu qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu qiray in
qubaro ajaanib ah ay ku lug leeyihiin howlaha dastuur u sameynta dalka Soomaaliya.





C/raxmaan Xoosh Jabriil ayaa waxa
uu tilmaamay in qubarada ajaanibta ah ay ka saacidayaan gudiga madaxa banaan ee
howlaha dastuur u sameeynta dalka Soomaaliya qaab farsama ahaan ah, isagoo
tusaale u soo qaatay in dastuurkii 1960-kii markii la sameynayay ay ka tala bixiyeen
qubaro u dhashay dalka Talyaaniga oo mar gumaysan jiray gobolo kamid ah dalka
Soomaaliya.





Wasiirka wasaarada Dastuurka iyo
Arimaha Fedaraalka xukuumada KMG Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jabriil  mar la weydiiyay su’aal ahayd qaabka la isku
waafajin karo qodob kamid ah dastuurka qabya qoraaleedka ah kuwaasi oo qeexaya
in dadka isku soo sharaxaya qabashada xilalka sare, shuruudaha kaliya ee
horyaala ay tahay in uu yahay qof muslin ah oo Soomaali ah taasi oo muujinaysa
in haweenku ay qayb ka noqon karaan iyo waliba dhaqanka Soomaalida iyo diinta
islaamka.





C/raxmaan Xoosh ayaa sheegay in
taasi aysan jirin wax ku jaban, isagoo tusaale u soo qaatay wadamo farabadan oo
muslim ah sida wadamada Bangaaladheesh iyo Bakistaan oo uu tilmaamay in ay
hogaanka u qabteen haween kuwaasi oo gaarsiiyay hormar sida uu hadalka u dhigay.





Mudooyinkii ugu damneeyay waxaa
jiray hadalo kasoo yeerayay qaybaha kaladuwan ee bulshada Soomaaliyeed kaasi oo
ku aadan in dastuurkan ay ku jiraan qodobo qaarkood ka hor imaanaya shareecada
islaamka iyo dhaqanka Soomaalida islamarkaana la doonayo in lagu kala qaybiyo
shareecada islaamka.










Muqdisho: Sabti, March 17, 2012 (Somaligov News): Ra’iisul wasaaraha
Xukuumada KMG Soomaaliya Cabdi wali Max’ed Cali Gaas ayaa ku baaqay in gargaar caafimad
la gaarsiiyo deeganada iyo Dagmooyinka Ciidamada Dowlada KMG ay kala waregen Xarakada
Al Shabaab.





Ra’iisul
wasaaraha Soomaaliya oo ka hadlayay Munaasabad ay soo qaban qaabisay Wasaarada
Caafimaadka oo ay ka qeyb galeen wasiiro, ururo Caalami ah islamarkaana looga
hadlayay sidii loo yareyn lahaa cudurada ku dhaca haweenka iyo caruurta, ayaa
waxa uu sheegay in loo baahanyahay in si deg deg ah adeegyo caafimaad loo
gaarsiiyo dadka dhibaateysan ee kusugan meelihii Al Shabaab laga saaray ee
degmooyinka Muqdisho si dadkaasi ay u helaan gar gaar caafimaad.





Cabdi
Wali Max’ed Cali Gaas, Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya waxa uu
sheegay in dadkaasi mudo badan ay haysteen dhibaatooyin dhinaca caafimaad
darada ah, islamarkaana xiligaan loo baahanyahay in la badbaadiyo nolosha
dadkaasi.





Sidoo
kale munaasbadaasi ayaa waxa ka hadlay wasiirka caafimaadka Xukuumada KMG
Soomaaliya Dr, Cabdi Casiis Sheekh Yuusuf oo sheegay in wasaarada Caafimaadku
ay bilowday Mashruuxyo dhib loogu dhisayo ku dhawaad 6 isbitaal oo laga furayo
Magaalada Muqdisho kuwaasi oo loogu talagalay in lagu daweeyo dadka qaba
xanuunada kala duwan.





Ugu
dambeyn ayaa munaasabada waxaa ka hadlay Dr, Khaliif Bile oo ugu baaqay
Xukuumada KMG in ay hubiso islamarkaana ay koontaroosho dawooyinka soo gala
wadanka, isagoo sheegay in dhibaatada heysata dadkaasi ay saldhig u yihiin
Caafimaad daro in ka badan 20 sano heysatay dadkaasi.









Muqdisho: Sabti, March 17, 2012 (Somaligov News): Taliska Ciidamada Militeriga Dowlada KMG ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan Dagaalada kadhanka ah Al-Shabaab.


Abaanduulaha Ciidamada Dowlada KMG C.Kariim Dhaga badan ayaa sheegya
in ay ka go’an tahay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ay gaaraan
Magaalooyinka Gobolada Dalka.


“Waxaa Howlgalka uu si xoogan uga soconayanaa dhamaan Gobolada iyo
degmooyinka Dalka, Waa ka socdaa Garbaharey, Baydhabo, Beledweyne,
Kismaayo iyo shabeelooyinka”ayuu sheegay Dhaga badan.


Al-Shabaab ayuu sheegay in hada ay marayaan wadadii bur burka dhawaana laga wada saari doono Gobolada Dalka.













Dhuusamareeb: Sabti, March 17, 2012 (Somaligov News): Maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa soo
dhaweeyay in Ciidamada Midowga Afrika AMISOM la geeyo deegaano iyo degmooyinka
laga saaray ee Al Shabaab ee gobolada dalka Soomaaliya.





Gudoomiyaha guddiga fulinta ee
Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca Sheekh Maxe’d Yuusuf (Xeefoow) oo la
hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu soo dhaweeyay in ciidamada AMISOM la
geeyo deegaanada iyo dagmoooyinkii laga saaray Xarakada Al Shabaab ee gobolada
dalka.





Xeefoow  ayaa waxa uu tilmaamay in arintaasi ay tahay
talaabo horumar leh, isagoo sheegay  in
howlgalkaasi ay kala qeyb galayaan ciidamo ay is luqad fahmayaan oo uu
tilmaamay inay fududeyneyso wada shaqeyntooda, waxaana uu carabka ku dhuftay in
lagama maarmaan ay tahay in August  ka
hor dalka oo dhan laga xureeyo Al-qaacidda si ay dadku xornimo wax ugu doortaan
sida uu hadalka u dhigay.





Gudoomiyaha guddiga fulinta ee
Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca Sheekh Maxe’d Yuusuf (Xeefoow) ayaa waxa
uu rajo wanaagsan ka muujiyay in iyaga iyo ciidamada AMISOM ay si fudud Al
Shabaab uga saaraan deegaanada ay ku sugan yihiin





Dhawaan ayey aheyd markii taliska
guud ee AMISOM ay shaaciyeen qorshaha guud ee lagu doonayo in Al-qaacidda looga
saarayo Soomaaliya.










Muqdisho: Sabti, March 17, 2012 (Somaligov News): Dagaal
u dhaxeeyay Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo xarakada Al Shabaab ayaa
xalay waxa uu ka dhacay qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho.





Dagaalkaani oo ahaa mid aad u
xoogan islamarkaana u dhaxeeyay Ciidamada dowladda KMGH Soomaaliya oo gacan ka
helaya kuwa AMISOM iyo Xarakada Al Shabaab ayaa xalay waxa uu ka dhacay
deegaanada dhaca duleedka galbeedka ee Magaalada Muqdisho.





Dagaalka ayaa bilowday kadib
markii ciidamo ka tirsan Al Shabaab ay weerar kusoo qaadeen farisimo Militari
oo ay ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM ay ku lahayeen deegno ay ka mid
yihiin xoosh, aba-gado iyo Ex-kontorol Afgooye ee duleedka Magaalada Muqdisho.





Inta la xaqiijiyay labo ruux oo
dhinacyadii dagaalamayay ahaa ayaa ku geeriyooday inka badan way ku dhaawameen,
sida ay Idaacadda Shabelle ay u xaqiijiyeen dad ku sugan goobihii xalay ay  ku dagaalameen Ciidamada dowladda KMG ah iyo
Xarakada Al Shabaab.





Majiraan wax war ah oo kasoo kala
baxaay Talisyada Ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AL Shabaab.





Dhinaca kale Kooxo hubaysan ayaa
xalay waxa ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidamada dowladda KMG ah ay ku
lahaayeen Xaafadda Towfiiq degmada Yaaqshid ee gobolka Banaadir, iyadoo
weerarkaasi ay ku geeriyoodeen ilaa 3-ruux oo la tilmaamay inay ahaayeen dada
rayid ah oo aan waxba galabsan.





Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya
ayaa saakay waxa ay howlgallo ka wadaan degmada Yaaqshid ee gobolka Banaadir
gaar ahaan Xaafadda Towfiiq oo kooxo hubaysan ay weerar ku qaadeen, waxaana la
tilmaamay in Ciidamada ay gacanta kusoo dhigeen dad tiradoodu aan la cayimin oo
ay ku eedeynayaan inay ku lug lahaayeen weerarkaasi.





Xukumada Somaliland oo maanta xabsiga u taxaabtay Boqor Buur Madow oo maanta Hargeysa soo gaadhay.


Hargaysa: Jimco, March 16, 2012 (Somaligov News): Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow oo ka mid Ah Madax dhaqameedyada
waaweyn ee Caanka ah ee Reer Somaliland ayaa Goor dhawayd Xabsiga la
dhigay Ka dib Markii Boqorku Ka soo Dagay Madaarka Hargeysa isaga oo ka
soo Duulay Wadanka Imaaraatka Carabta oo waaydan Danbe Boqorka
Fadhigiisu Ahaa. Xadhiga Boqorka ayaa timi markii uu ka soo dagay ba
Diyaarada iyada oo Ciidamo boolis ah gaar ahaan kuwa Loo Yaqaan SPU oo
ku sugayay Madaarka Hargeysa ay isla markiiba Boqorka Xidheen Una Soo
Dhaadhicyeen Dhinaca Xarunta CID ee Hargeysa halka Wararka Qaarkoodna
sheegayaan in Loo dhaadhiciyay Boqorka Dhinaca Jeelka MAndheera..

Ilaa iyo Hadda Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo kamay Hadal wax war ahna
kamay soo saarin Xadhiga Boqor Cusmaan Aw Maxamuud (Boqor Buurmadow).


Boqorka ayaa Dhawr Goor Waraysiyo uu bixiyey ku Dhaliilay Xukuumada uu
Madaxweynaha ka yahay Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo.











Muqdisho: Jimco, March 16, 2012 (Somaligov News): Xildhibaan
C/rashiid Max’ed Max’ud Xiddig oo horey xilal kala duwan ugu soo qabtay
Xukuumadihii hore ee dalka oo waraysi siiyay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu ka
hadlay qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Xarunta Madaxtooyada ee Villa
Soomaaliya.





C/rashiid Xiddiga ayaa waxa uu
sheegay in uu fashilmay qorshihii lagu doonayay in qarax Ismiidaamin ah laga
fuliyo gudaha Madaxtooyada, isagoo sheegay in arintaasi ay ku ammaanan yihiin
Ciidamada dowladda KMG ah gaar ahaan kuwa ilaalada Madaxtooyada ee Villa
Soomaaliya, waxaana uu hoosta ka xariiqay in qofkii is qarxiyay uusan gaarin
halkii uu doonayay.





Xidlhibaan C/rashiid ayaa waxa uu
sheegay in haatan sida muuqata shaqaalaha Madaxtooyada xilligaani aan lagu
kalsoonaan karin, isagoo sheegay inay haboontahay in dib u eegis lagu sameeyo cid
waliba oo ka shaqeysa Madaxtooyada islamarkaana la adeegsado sharciga shaqaalo
qorista aduunka si aysan u dhicin weeraro qorsheysan oo ka dhaca Xaruntaasi.





Golaha Wasiirada Xukuumadda KMG
Soomaaliya oo kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay shaaca kaga
qaadeen in ruuxii isku qarxiyay Mdaxtooyada uu ka mid ahaa shaqaalaha Xaruntaasi,
hase ahaatee ay usuuro gali waysay inay gudaha u galaan islamarkaana ay
gaystaan qasaaro intaasi ka badan.


















Muqdisho: Jimco, March 16, 2012 (Somaligov News): Qaramada Midoobay ayaa cambaareysay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay
maalin ka hor Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.




Wakiilka gaarka ah ee Q/M u
qaabilsan arrimaha dalka Soomaaliya Augustine Mahiga ayaa si kulul u canbaareeyay
Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay iridka laga galo madaxtooyada ee
magaalada Muqdisho.





Warsaxaafadeed kasoo baxay
Xafiiska Augustine Mahiga ee magaalada Muqdisho ayaa lagu sheegay in Q/M ay ka
xuntahay dadkii rayidka ahaa ee ku geeriyooday Qaraxa,waxaana loogu baaqay
Al-shabaab in ay si deg deg ah u joojiyaan Qaraxayda ay ku dhimanayaan kuna
dhaawacmayaan dadka aan waxba galabsan ee Soomaaliyeed.





Mahiga waxa uu ugu baaqay
ciidamada dowladda KMG iyo shacabka ku nool magaalada Muqdisho inay ka
digtoonaadaan oo ay foojignaan dheeri ah ka muujiyaan qaraxayda ay Al-shabaab
ka gaysanayaan Magaalada.





Warsaxaafedeedka ayaa ugu
dambayntii waxaa lagu xusay in qaraxyadii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada
Muqdisho ee ay Al-shabab kusoo qaadeen Xarumaha dowladda KMG aysan waxba u
dhimi doonin taageerida ay Q/M siinayso dowladda iyo dadaalada lagu doonayo in
nabad iyo xasilooni lagu soo celiyo Soomaaliya.








Muqdisho: Jimco, March 16, 2012 (Somaligov News): Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa sheegtay in
si deg deg ah gobolada dalka Soomaaliya ee laga saaray Xarakada Al Shabaab
loogu soo celinayo kala dambeyntii maamula awood adagna  loo sameyn doono.





Kadib markii labadii maalin ee la
soo dhaafay uu Magaalada Muqdihso kulan uga soconayay gudi heer wasiiro ah oo
loo xil saaray maamul u sameynta gobolada dhawaan laga saaray Al Shabaab ayaa
waxa ay gudigaasi sheegeen in uu soo gaba gaboobay qorshaha dowladda ee
gobolada looga saarayo Al Shabaab si deg deg ahna maamul loogu sameyn doono
goboladaasi.





Ra’iisul wasaare ku xigeen ahna
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee XKMG Soomaaliya C/wahaab Ugaas Xuseen
Ugaas Khaliif oo maanta warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu
sheegay in maamul u sameynta gobolada laga saaray Al Shabaab ay saldhig u
yihiin waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeda gobolada la tashina ay
kala sameyn doonaa.





Wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha
ee Xukuumada KMG Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in dowladda KMG ay ku
guuleysatay qorshaha maamul u sameynta gobolo  uu xusay in wasiiro ka tirsan Xukuumada ay
socdaalo ku tageen goboladii laga saaray Al Shabaab, dadka shacabka ee
goboladaasina ay tuseen sida dowladda ay diyaar ugu tahay in dadkaasi ay u
sameyso maamul wax ka qabta dhibaatada ay ku jiraan dadkaasi.





Dhawaan ayay aheeyd markii qaar
ka mid ah golaha wasiirada ay socdaalo ku tageen goboladii ugu dambeeyay ee
laga saaray Xarakada Al Shabaab oo ay ka mid yihiin Gobolada Bay, Gado iyo
Hiiraan halkaasi oo ay kula soo kulmeen masuuliyiinta iyo saraakiisha dowladda
ee goboladaasi kusugan.











Muqdisho: Khamiis, March 15, 2012 (Somaligov News): Xukuumadda
KMG Soomaaliya ayaa sheegtay in Xarakada Al Shabaab ay usoo jeesteen
dhibaataynta shacabka Soomaaliyeed, iyadoo sheegtay inay wadayaan dadaalada ay
kaga hortagayaan Kooxdaasi.





Wasiir ku xigeenka Wasaaradda
arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ee Xukuumadda KMG Soomaaliya C/xakiin Cige
Guuleed oo la hadlayay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu tacsi u diray eheladii
dadkii ku geeriyooday qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay gudaha
Magaalada Muqdisho.





Wasiirka ku xigeenka ayaa waxa uu
sheegay in qaraxii shalay uu tusaale u yahay in dadka aargigixsada ah aysan ka
fiirsaneyn qaraxyada ay fulinayaan iyo goobaha ay ka fuliyaan, isagoo waxba
kama jiraan ku tilmaamay hadalkii kasoo baxay Al Shabaab oo ku adanaa in
qaraxaasi ay ku dileen Saraakiil ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya, wuxuuna
sheegay in Al Shabaab horey qaraxa ay kaga gaysteen goob ay ku sugnaayeen Arday
Soomaaliyeed kaasi oo ay ku sheeegeen inay ku laayeen Saraakiil ka tirsan
dowlada KMG ah.





C/xakiin Ciga Guuleed ayaa waxa
uu sheegay inay adagtahay in qof naftiisa soo miidaamiyay in laga hortago,
balse waxa uu sheegay in dadalka ay wadaan Hay’adaha dowladda KMG ah iyo
shacabka Soomaaliyeed ee ka daalay dhibaatada ka jirta wadanka ay keentay iskaashi
dhexmera Ciidamada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.





4-qof ayaa ku geeriyootay
6-kalena dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii shalay ruux iska suu buuxiyay
waxyaabaha qarax uu isku miidaamiyay afaafka hore ee Xarunta Madaxtooyada Villa
Soomaaliya.











Muqdisho: Khamiis, March 15, 2012 (Somaligov News): Ururka Al Qaaciida ayaa shaaciyay magaca
shaqsiga isku qarxiyay iridka hore ee Madaxtooyada Villa Soomaaliya.





Afhayeenka Xarakada Al Qaaciida Sheekh Cali Max’ud Raage (Cali
dheere) oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu shaaciyay magaca shaqsigii shalay
qaraxa Ismiidaaminta ahaa ka fuliyay afaafka hore ee Madaxtooyada Villa Soomaaliya.





Cali Dheere ayaa waxa uu sheegay
in shaqsigii is qarxiyay lagu magacabi jiray Xasan C/qaadir Cabdi kaasi oo uu sheegay
in uu isku qarxiyay goob uu xusay inay ku sugnaayeen sida uu hadalka  u dhigay Cadowga Ilaahay, isagoo ku hanjabay
in Al Shabaab aysan gaabin doonin oo ay sii xoojinayan weerarada ismiidaaminta
ah oo ay ka fulinayaan Xarumaha dowladda iyo kuwa AMISOM.





Afhayeenka Al Shabaab ayaa waxa
uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ka qeyb qaataan dagaalka ay kula
jiraan AMISOM iyo dowladda, isagoo ku booriyay Ciidamada Al Shabaab meel waliba
oo ay joogaan inay daadiyaan sida uu hadalka u dhigay dhiigga dad uu sheegay
inay cadow ku yihiin Diinta Islaamka.





Shalay ayay aheyd markii ruux
xirnaa waxyaabaha qarxa uu isku miidaamiyay maqaaxi dhabarka ku haysa guriga
gudoomiyaha barlamanka KMG ah, kana soo horjeeda Xarunta Madaxootada Soomaaliya
halkaasi oo ay ka dhasheen qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhawac oo soo gaaray
dad isugu jiray shacab iyo askar ku sugnaa halkaasi.


Wafdi uu hogaaminaayay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dalka Kenya iyo Saraakiil uu hoggaaminayo oo Muqdisho yimid.

Muqdisho: Arabco, March 14, 2012 (Somaligov News): Moses Wetangula Wasiirka Arimaha Dibada ee Kenya iyo saraakiil uu
hogaaminayo ayaa maanta booqasho ku yimid Muqdisho, iyagoo la kulmay la
qaatay qaar ka mid ah Madaxda dowlada KMG ah iyo saraakiisha Ciidamada
AMISOM.



Wasiirka iyo Wafdiga la socda ayaa safarkooda lagu sheegay inuu salka
ku hayo ka mid noqoshada ciidamada Kenya ee AMISOM, waxayna si buuxda
ula shireen madaxda ciidamada AMISOM.



Wafdigaan ka socda Dowladda Kenya waxaa ku soo dhaweeyay garoonka
diyaaradaha Muqdisho xubno wasirro ah oo dowladda a tirsan iyo
saraakiisha Ciidamada AMISOM.



Madaxda Dowladda Kenya ka socota ayaa waxay bilaabeen inay kulamo la
yeesheen madaxda dowlada iyo kuwa Ciidamada Midowga Afrika, iyadoo
safarka Wetangula uu Muqdisho ku yimid ay tahay markii labaad tan iyo
xiligii ay soo galeen gudaha Soomaaliya Ciidamada Kenya.


Addis’ Ababa: Arabco, March 14, 2012 (Somaligov News):   Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia ayaa xalay kulan ku yeeshay Magaalada Addis Ababa ee Xarunta wadanka Ethiopia.

Madaxweynaha dowladda KMG Mudane Sheekh Shariif iyo Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Malez Zanawi ayaa waxa ay ka wada hadleen xaalaha Soomaaliya gaar ahaan Ciidamada Ethiopia ee iminka howlgallada ka wada qeybo ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya.

Labada Mas’uul ayaa ka wada hadlay sida looga baahanyahay in ammaanka Soomaaliya dib loo soo celiyo, waxaana Ra’iisul wasaaraha dowladda Ethiopia uu sheegay in lagama maarmaan ay tahay in lala dagaalamo Xarakada Al Shabaab oo uu sheegay inay dhibaato ku tahay ammanka gobolka.

Shalay ayaa wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha dowladda KMG ah waxa ay ka duuleen Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho iyagoo gaaray Magaalada Addis’ Ababa halkaasi oo uu casuumaad ugu fidiyay Ra’iisul wasaaraha dalkaasi.

Muqdisho: Arabco, March 14, 2012 (Somaligov News): Qarax qasaaro gaystay ayaa  iminka ka dhacay  iridka hore ee Madaxtooyada Villa Soomaaliya halkaasi oo Xarun u ah dowladda KMG Soomaaliya.

Qaraxa ayaa warar kala duwan kasoo baxayaan, waxaana la sheegay in qaraxa loo adeegsaday gaari halka wararka kalena ay sheegayaan in qarax uu ahaa qof isa soo miidaamiyay oo isku qarxiyay maqaaxi ku taala Iridka hore ee Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Inta la xaqiijiyay 3-qof ayaa ku geeriyootay 4-kalena way ku dhaawcmeen kuwaasi oo ahaa Ciidamada dowladda KMG Soomaaliyiyadoo halkaasi ay ku xoomeen Ciidamo badan oo ka tirsan dowladda KMG ah.

Qasaaraha ayaa la sheegay in uu ka badanyahy tiradaasi, hase ahaatee xaaladda ayaa wali cakiran, waxaana askarhalkaasi ku sugan ay dhinacyada u ridayaan rasaas baqdin galisay dadka ku sugan halkaasi.


Muqdisho: Arabco, March 14, 2012 (Somaligov News):  Ururka Midowga Afrika ayaa sheegay in mar dhowr Kooxda Al Shabaab ay ku booqan doonaan Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada hoose, dhaqaaladaha halkaasina ay u gacan galin doonaan dowladda KMG ah.

Taliyaha Ciidamada dalka Uganda Jeneral Around Nyakairima oo warbaahinta kula hadlayay Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolkada Jubbada hoose ay muhiim u tahay Kooxda Al Shabaab islamarkaana dekadda Magaalada Kismaayo ay kasoo galaan dhaqaalaha ay ku hurinayaan dagaalada ay kala soo horjeedaan
dowladda KMG ah.

Jeneralka ayaa waxa uu sheegay inay diyaariyeen howlgal ku wajahan Magaalada Kismaayo si ay ugu saaraan Xarakada Al Shabaab, wuxuuna tilmaamay in sida ugu dhaqsiyaha badan Magaaladaasi ay ugu soo gacan galin doonaan dowladda KMG ah, isagoo sheegay in Magaalada Kismaayo ay kuluntay daqli badan oo ay u baahneyd dowladda Soomaaliya.

Taliyaha Ciidamada Uganda ayaa waxa uu sheegay in dagaalyahannada Al Shabaab looga baahanayahay in hubkooda ay keenaan meesha ugu dhow oo ay ku sugan tahay dowladda KKMG Soomaaliya si ay ugu soo biiran Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya marka laga reebo dambiilayaasha Caalamiga ah.

Ugu dambeyn Taliyaha Ciidamada dalka Uganda Jeneral Around Nyakairima ayaa waxa uu sheegay in dowladda Uganda ay farax galinayso in howlgalka AMISOM lagu biiriyo wadamo ay ka mid yihiin sere lion, Kenya iyo Jabuuti, isagoo xusay in taasi ay soo de dejinayso dhamaystirka iyo ciribtirka Kooxda Al Shabaab.


Muqdisho: Arabco, March 14, 2012 (Somaligov News): Xildhibaan C/qaadir C/laahi Diiriye (Caddaawe) oo waraysi siinayay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu ka hadlay warar soo baxayay oo sheegayay in Ra’iisul wasaare C/wali Max’ed Cali Gaas uu doonayo in uu xilka ka qaado Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka C/samad Macalin Max’ud Faarax.

Xildhibaanka ayaa waxa uu sheegay in C/samad uu xilka Wasaaradda ku hayo Nidaamka 4.5-ka oo ay Soomaalida wax ku qeybsato, isagoo sheegay in Ra’iisul wasaare Gaas uu doonayo in Wasaaradda uu gacanta u galayo Ergo ay Dastuurka u xilsaareen isaga iyo Faroole taasi oo uu sheegay inay tahay mid aan loo dul qaadan karin.

C/qaadir C/laahi Diiriye ayaa waxa uu intaasi ku daray inaysan wax dhibaato ah ku jirin in xil ka qaadis lagu sameeyo Wasiir ka tirsan Xukuumadda balse waxa uu sheegay in xilligaani aan loo baahneyn in dalka oo xaaladdaani ku jira lagu mashquulo xil ka qaadis, waxaana uu intaasi ku daray in Ra’iisul wasaare Gaas uu doonayo in uu baabi’iyo Mas’uuliyaddii loo egmaday sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaan C/qaadir C/laahi Diiriye ayaa waxa uu sheegay in Wasiirka arrimaha gudaha C/samad Macalin Max’ud uu xilka Wasaaradda ku hayo awood beeleed, isagoo sheegay in hadii laga qaadayo lagama maarmaan ay tahay in la geeyo meel u dhiganta, wuxuuna hoosta ka xariiqay in beesha aysan u dul qaadan doonin ololaha uu wada Ra’iisul wasaare Gaas.

Dhawaan ayay aheyd markii Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya C/wali Max’ed Cali Gaas uu isku shaandheyn ku sameeyay golahiisa wasiirada, waxaana la’ogayn sida uu ku dhaqan gali karo hadalka kasoo baxay Xildhibaankaani ka tirsan barlamanka Soomaaliya.



Muqdisho: Arabco, March 14, 2012 (Somaligov News): Isbhaysiga Nabadda ayaa si kulul u eedeeyay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG ah kaasi oo uu Isbahaysigu uu sheegay in uu ku shaqeynayo rabitaanka Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Faroole.

Gudoomiyaha Isbahaysigua Nabadda Soomaaliya C/laahi Sheekh Xasan oo u waramayay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG C/wali Gaas uu bilaabay in Hay’adaha gar-gaarka ee ku sugan Muqdisho uu ku amro inay u guuraan deegaanada Maamulka Puntland.

C/laahi Sheekh Xasan ayaa waxa uu sheegay in Ra’iisul wasaaraha uu ku shaqeynayo rabitaaanka Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Faroole islamarkaana uu lumiyay Mas’uuliyaddii ka saarneyd dalka, wuxuuna carabka ku dhuftay in Ra’iisul wasaare Gaas uu bilaabay in Hay’adaha Turkiga ee ku sugan Muqdisho uu ugu baaqo inay u guraan degaanada Maamulka Puntland, isagoo dhinaca kale tilmaamay in Raashin gar-gaar oo loogu talaglay barakacayaasha Muqdisho Ra’iisul wasaaruhu uu amray in loo raro degaanadaasi
Gudoomiyaha Isbahaysiga nabadda ayaa mar uu ka hadlayay hadalkii kasoo baxay Xukuumadda KMG ah oo ku adanaa in ay kalsoonidii kala laabteen Maamulka Khaatuma ayaa waxa uu arintaasi ku tilmaamay mid lagu raali galinayo rabitaanka Maamulka Puntland, maadaama sida uu tibaaxay Maamulkaasi ay soo mareen wadadii saxda aheyd sida uu hadalka u dhigay.



Cape Town: Arabco, March 14, 2012 (Somaligov News):  Maanta oo Talaado ah ayaa Warqoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Koofur Afrika waxa lagu sheegay in Wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaasi Maite Nkonana-Mashabane ay heshiis Diblumaasiyadeed la gaartay dhigeeda dalka Soomaaliya kaasi oo sheegaya in Koofur Afrika ay dib u bilowdo xiriirkii ka dhaxeeyay labada dal.

Warka ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in dowladda South Africa ay diyaar u tahay in dadka Soomaalida ah ay ka caawiso sidii ay ugu bixi lahayeen dhibaatooyinka isug u jira abaaraha iyo colaadaha ka taagan Soomaaliya, si loo gaaro Dibmuqraadiyad iyo Nabad.

Sidoo kale Warka ayaa lagu tibaaxay in wadanka Koofur Afrika uu ka qeyb qaadan doono dadaallada la doonayo in uu dalka Soomaaliya ku yeesho Dastuur cusub, islamarkaana ay howlahoodu dib lumaasiyadeed ay Xarun u ahaan doonto Magaalada Nairobi tan iyo intii ay Safaaradeedu ka furan doonto Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaliya.

Qoraalka ayaa gaba gabadiisa waxa lagu sheegay in xalka Soomaaliya uu ku jiro in wada hadal ay qaataan dhinacyada isku haya Soomaaliya si ay u bad baadaan shacabka dhibaatada kasoo gaarta dagaalada ka dhaca Soomaaliya.



Muqdisho: Arabco, March 14, 2012 (Somaligov News): Maamulka Galmudug State ayaa sheegay in dowladda KMG ah ay gabi ahaamba jartay xiriirkii kala iyo wada shaqeyntii kala dhaxaysay Maamulkaasi.

Wasiirka Warfaafinta ee Maamulka Galmudug State Tahliil Cabdi Max’ed oo warabaahinta kula hadlayay Magaalada Muqdisho aya awaxa uu sheegay in dowladda KMG ah ay jartay xiriirkii kala dhaxeeyay Maamulka Galmudug State taasi oo uu sheegay inay garan la’yihiin u jeedka ka dambeeya.

Wasiirka aya waxa uu sheegay in ka Galmudug ahaan ay aqoonsan yihiin dowladda KMG ah islamarkaana ay diyaar u yihiin wada shaqeynta dowladda, balse waxa uu sheegay in muddooyinkii dambe dowladda ay si cad u jartay xiriir kala dhaxeeyay Maamulkaasi.

Tahliil Cabdi Max’ed ayaa waxa uu cambaareeyay hadalkii dhawaan kasoo yeeray Madaxweynaha Maaamulka Puntland Faroole kaasi oo ku aadanaa in dowladda aan wax wada hadal ah la furi karin Maamulka Somaliland hadii aan ka warheynin Maamulkaasi.

Ma’ahan markii ugu horeysay oo Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug ay shaaciyaan in dowladda KMG ah ay jartay xiriirkii kala dhaxeeyay taasi oo ay ku sheegayeen inay tahay mid nasiib daro ah madaama sida ay hadalka u dhigeen ay kam id yihiin dowladda KMG Ah.


Muqdisho: Talaado, March 13, 2012 (Somaligov News): Ciidamada nabad ilaalinta  ururka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan dhawacyada dagaalyahano ka tirsan Xarakada Al Shabaab oo isu soo dhiibay ayna ku daweynayaan isbitaalka ay ku leyihiin magaalada Muqdisho.

Taliska Ciidamada AMISOM ayaa sheegay inay isasoo dhibeen Dagaalyahanadaani  katirsan Xarakada Al Shabaab iyaga oo dhaawac ah labadii mal mood  ee ugu dambeysay
kadib markii ay ku fashilmeen weraradii iyo dagaaladii ay kusoo qadeen ciidamada AMISOM iyo kuwa DKM Soomaaliya.

Taliyaha qeybta labaad ee  ciidamada AMISOM gaar ahan kuwa ka socda dalka Uganda Col Peter Omola ayaa tibaxay inay gacanta ku hayaan dhowr askari oo katirsan ururka Al Shabaab ayna isu soo dhibeen ciidamadooda tasina ay cadaynayso inay daciiftay guud ahanba awoodi Al Shabaab.

Dhinaca kale war bixin kasoo baxday xafiiska madax weynaha dalka Uganda ayaa lagu shaciyay in todobadkii ugu dambeyay ay isu soo dhiibeen ciidamada AMISOM kooxo ka tirsan ururka Al Shabaab laguna daweynayo isbitaalo ay kuleeyihiin ciidamadodu Magaalada Muqdisho.



Baydhabo: Talaado, March 13, 2012 (Somaligov News): Max’ed Ibraahim Xaabsade oo haatan ka mid ah masuuliyiinta kusugan Magaalada Baydhabo ayaa saraakiisha Al Shabaab iyo Dagaalyahanada kooxdaasi waxa uu u qabtay in mudo 30 cesho ah ay isugu soo dhiibaan Ciidamada dowladda KMG ee gobolka Bay kusugan.

Xildhibaan Max’ed Ibraahim Xaabsade oo u waramayay Idaacada Shabelle isaga oo kusugan Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Bay ayaa waxa uu ugu baaqay dagaalyahanada Xarakada Al Shabaab iyo saraakiishooda ee kusugan gobolada Bay iyo Bakool in ay isku soo dhiibaan mudo 30 maalmood ah hadii kale ay wajihi doonaan dagaal xoogleh oo kaga yimaada ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Ethiopia.

Xildhibaanka ayaa waxa uu sheegay in dhalinyarada la qalday looga baahanyahay in ay dib ugu soo laabtaan Guryahooda islamarkaana ay faraha kala baxaan waxyaabaha ay gacmaha kula jiraan, isagoo sidoo kale dagaalyanada ajaanibta ee ka bar bar dagaalama Al Shabaab ee kusugan gobolada Bay iyo Bakool ugu baaqay in ay dib ugu laabtaan wadamadii ay ka yimaadeen.

Xildhibaan Max’ed Ibraahim Xaabsade ayaa waxa uu tilmaamay in wali Al Shabaab ay kusuganyihiin deegaanada ku haraareysan magaalada Baydhabo islamarkaana ay ku jiraan dhul howd ah kuwaasi oo uu sheegay in dilal qorsheysan iyo qaraxyo ay ka fuliyaan Magaalada Baydhabo si ay u wiiqaan amniga magaalada.

Ugu dambeyn Max’ed Ibraahim Xaabsade oo hadalkiisa sii watta ayaa sheegay mar uu ka hadlayay sheegashadii Al Shabaab ee ku aadaneyd in labo askari oo ka tirsan ciidamada Ethiopia ay ku soo bandhigeen degmada Diinsoor ee gobolka Bay, in ay tahay waxba kama jiraan.


Nairobi : Talaado, March 13, 2012 (Somaligov News): Dowladda  Kenya ayaa shaacisay tirada ciidamada u dhashay dalkaasi ee lagu biirinayo howlgalka midowga Afrika ee AMISOM haatan ay ka wado gudaha dalka Soomaaliya, iyadoo Kenyana ay sheegtay in inkabadan 4500 oo askari ay howlgalkaasi qeyb ka noqon doonaan.

General Julius Karangi oo ah taliyaha ciidamada dalka Kenya ayaa sheegaya in dowaldiisu ay 4,660-Askari ay ku biirin doonto howlgalka Nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM ee hada ka soconaya dalka Soomaaliya.

Taliyaha ciidamada dalka Kenya ayaa xusay in ciidamadaan ay hadda u soo dirayaan Howlgalka AMISOM ay yihiin ciidamo tababar heer sare ah soo dhameeystay kuwaas oo uu tilmaamay in ay waxbadan ku soo kor dhin karaa howlgalka ka dhanka ah Al Shabaab ee Midowga Afrika uu ka wado Soomaaliya.

Julius Karangi ayaa tilmaamay in Kenya mowqifka ay Soomaaliya u soo gashay uu wali sidiisa ahaandoono islamar ahaantaana ay sii wadi doonta dagaalka ay kula jiraan Xarakada Al Shabaab oo xiriir la leh Al Qaacida.

“Ujeedkeena Soomaaliya waa xoojinta Nabadda. Sidaa darteed mowqifkii Soomaaliya aan ka heeysanayay markii aan soo galeeynay sanadkii hore wali waa sidiisii” sidaasi waxaa gudiga difaaca Barlamanka Kenya ka hor sheegay General Julius Karangi oo ah taliyaha ciidamada dalkaasi.

General Julius Karangi ayaa dhanka kale sheegay in hogaanka ciidamada midowga Africa ee AMISOM loobahanyahay in ay ku xigeenadiisa ku jiraan saraakiil ka socoda ciidamada Kenya.

Business daily Africa ayaa warbixin uu qoray waxa uu ku sheegay in ciidamada Kenya ee qaybta ka noqondoona howlgalka Nabad ilaalinta Midowga Africa ay bishii Mushaar ahaan u qaadan doonaan 84,296,  oo lacagta Kenya ah oo u dhiganta ($1,028)

Qayb ka noqoshada ciidamada Kenya ee howgalka Nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM ayaa yimid kolkii ay

Golaha Amaanka Q.M ay meel mariyeen Qaraar lagu kordhinayo tirada ciidamadaasi

.

Muqdisho: Talaado, March 13, 2012 (Somaligov News): Warsaxaafadeed ka soo baxay Xarakada Al Shabaab galinkii dambe ee Maanta ayaa waxa lagu sheegay in dowladda Kenya ay la kulmi doonto dhibaatooyin ka badan kuwa hada ka dhacaya gudaha dalkaasi hadii aysan ciidamadeeda kala bixin gudaha dalka Soomaaliya.

Warsaxaafadeedka oo ka soo baxay qeybta Warfaafinta ee Xarakada Al Shabaab ayaa waxa lagu sheegay in Al Shabaab aysan masuul ka aheeyn walaaca, qaska iyo qaraxyada ka jira dalka Kenya, balse arintaasi ay dusha saaranayaan masuuliyiinta dowladda Kenya oo ay sheegeen in ay ciidamadooda ku soo hogaamiyeen in ay gudaha u soo galaan dalka Kenya iyaga oo sida lagu sheegay warsaxaafadeedka u adeegaya wadamada reer Galbeedka.

“Marka laga soo tago eedeeymaha aan salka iyo raadka toona lahayn ee ay ku hadaaqayso xukuumada  Kenya, Xarakat Al-Shabaab waxay cadaynaysaa
in aysan  haba yaraatee qaadaynin masuuliyada Qalalaasaha iyo walaahoowga lasoo dersay dadka Kenyaatiga ah, Taas badalkeedana ay Masuuliyadaas oo buuxda dusha u ridanayso Dowlada Kenya” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka Al Shabaab.

Sidoo kale Al Shabaab waxa ay ku eedeeyeen dowladda Kenya in ay dhibaatooyin u geysaneyso muslimiinta dalkeeda ku nool, iyagoo ku sheegay dhibaatooyinkaasi in ay isugu jiraan dil, jirdil iyo goobo ganacsi oo la weeraro sida ay ku qoreen warsaxaafadeedkooda.

“Xarakada Al-Shabaab horey ayay uga digtay Xukuumada Kenya cawaaqib xumida ka dhalan doonta hadii ay ka waantoobi wayso dariiqa ay ku socoto, ammaan darida ku habsatay Kenya iyo Walaaca ay shacabkoodu muujinayaana waxay calaamad u tahay khataraha waaweyn ee kusoo wajahan dalkaas iyo Nabadgelyadii ay in mudo ah ku noolaayeen oo meesha ka baxda” ayaa sidoo kale lagu yiri warsaxaafadeedka

Ugu dambeyntii Xarakada Al Shabaab waxa ay sheegeen in ay dalka Kenya ka sameyn doonaan wax waliba oo ay awood u leeyihiin si ay dhibaatooyin ugu geysteen shacabka iyo dowladda Kenya

Kooxda Al Shabaab ayaa qaraxyo horay ugu geystay dalka Kenya iyadoo horseed u noqday in dhibaatooyin loo geysto dad muslimiin ah oo aan waxba galabsan, waxaana  hanjabadaani ay ku soo aadeysaa xili wali shacabka reer Kenya ay xusuusanyihiin qaraxyo dad badani ay ku dhinteen oo ka dhacay dalkaasi kuwaasi oo ay ugu dambeeyay kuwii ka dhacay bosteejada gaadiidka laga raaco ee Nairobi.





Asmara: Talaado, March 14, 2012 (Somaligov News): Wadamada Eritrea iyo Masar ayaa todobaadkaan gudihiisa waxa ay kulan ku saabsan xaaladda Soomaaliya ay ku qaadan doonaan Magaalada Qaadira ee Xartunta dalkaasi Masar.

Wasiirka arimaha dibada dalka Eretria Cusmaan Saalax ayaa lagu wadaa in todobaadkaan uu safar ku tago  Magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar isagoo kulan la qaadanaya madaxda ugu saraysa dalkaasi oo uu kala hadli doono  xaaladaha dalka Soomaaliya.

Cusmaan Saalax ayaa sheegay in uu u gudbinayo Hogaamiyaha ugu sareeye Ciidamada Dalka Masar Marshal Xuseen Dandaawi warqad uu ka sido Madaxweynaha Eretaria Isaias Afewerki oo ku saabsan sidii ay Dawladda Masar ay uga qayb qaadan lahayd xalinta qilaafaadka ka taagan Dalka Soomaaliya.

Kaaliyaha Wasiirka Arimaha Dibada ee Dalka Masar ee Arimaha Afrika haweeneyda lagu magacaabo Muna Cumar oo saxaafadda kula hadashay Magaalada Qaahira ayaa xaqiijisay in Wasiirka arimaha Dibada ee Eretaria uu booqasho ku iman doono magaalada Qaahira maalinta Arbacada ah ee todobaadkan uuna la kulmi doono Ra’iisul Wasaaraha Dalka Masar.

Muna Cumar waxa kale oo ay sheegtay in Maalinta khamiista ah ee soo socota  kulan ka dhacaya xarunta Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Masar looga hadlaayo sidii ay Masar uga qayb qaadan lahayd xalinta dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya.



Nairobi: Monday, March 12, 2012 (Somaligov News): Ciidamada booliska dalka Kenya ayaa sheegay inay gacanta kusoo dhigeen 4-nin oo la tuhunsanyahay inay ka dambeyeen qaraxyadii is xig xigay ee ka dhacay boosteejada basaska ee ku taala magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Afhayeenka ciidamada booliska Kenya ee magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya Antony Kibuchi  ayaa xusay inay gacanta ku dhigeen ciidamada  boliska 4-nin oo lala xariirinayo inay ka dambeeyeen qaraxyadaasi.

Antony Kibuchi ayaa intaasi raaciyay in mid ka mid ah ragan ay gacanta kusoo dhigeen ciidamada bolisku ay si gaar u radinayeen, lana tuhun sanyahay inuu ku lug lahaa Qaraxyo horay uga dhacay dalka Kenya.

Ciidamada booliska ee dalka Kenya ayaa tibaaxay in halkaasi ay ku hayaan Saldhig ku yaala halkasi, iyagoo la waydiinayo su’aalo ku aadan arrimahaasi, waxaana arintaani ay imaanayaa xilli Cidamada booliska Kenya ay wadaa howlgallo ka dhan ah dadka falalka ammaan darika gaysta dalkaasi.


Muqdisho: Monday, March 12, 2012 (Somaligov News): Xildhibaano ka tirsan barlamanka KMG ah ayaa waxa ay wax laga xumaado ku tilmaameen hadal shalay kasoo baxay Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Faroole.

Xildhibaan Max’ud C/laahi Wehliye (Waqaa) oo waraysi siiyay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu nasiib daro ku tilmaamay hadalka kasoo baxay Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Max’ed Faroole kaasi oo ku aadanaa in heshiis uusan isagu ka warqabin Maamulka Somaliland iyo shuruud uu ku xiray heshiiskaasi.

Max’ud C/laahi Wehliye Waqaa ayaa waxa uu sheegay in Madaxweynaha dowladda KMG ah Sheekh Shariif Sheekh Axmed uusan kasoo bixin Xukunkii loo egmaday, waxaan uu sheegay in la is waydiinayo waxa Madaxweyne Faroole uu ka damacsanyahay wadanka, isagoo ku eedeeyay in Dastuurka
Soomaaliya uu kaligiisa gacanta ku hayo, taasina wuxuu sheegay inay tahay dhibaato ku dhacday Umadda Soomaaliyeed.

Xildhibaan Waqaa ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu diiday in gar-gaar la gaarsiiyo inta u dhaxaysa Gaalkacyo iyo Garbahaareey oo uu xusay in Ciidamada Soomaaliya ay halkaasi ku haystaan dhibaatooyin kala duwan, wuxuuna sheegay in Madaxweynaha uu fiirsanayo kursiga uu ku fadhiyo sida uu hadalka udhigay.

Waqaa ayaa sheegay in Madaxweyne Faroole kaliya wax laga waydiin karo arrimaha gobolka Woqooyi Barri oo uu xusayin gudoomiye ka yahay, hase ahaatee uusan marna ka hadli karin arrimaha dalka Soomaaliya

Xildhibaan Cali Max’ud Faarax (Cali Seeko) ayaa waxa uu sheegay in hadalka kasoo yeeray Madaxweyne Faroole uu nasiib daro ku yahay dadka uu matalayo, wuxuuna sheegay in Madaxweyne Faroole uu iska dhaadhiciyay in awoodda ugu sareysa dalka uu isaga leeyahay,.

Hadalka Xildhibaanadani ayaa kusoo aadaya xilli Madaxweynaha Maamulka Puntland uu shuruud ku xiray wada hadal dhexmara dowladda KMG ah iyo Maamulka Somaliland taasi oo ay si wayn ugu horimaadeen Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda KMG ah.





Addis’ Ababa: Monday, March 12, 2012 (Somaligov News): Ururka Midowga Afrika aya cambaareeyay qaraxyadii is xig xigay ee ka dhacay Magaalada Nairobi ee dalke Kenya, iyagoo dhinaca kale sheegay inay wadayaan taageerada Ciidamada Kenya.

Gudoomiyaha guddiga Midowga Afrika Jean Ping ayaa cambaareeyay weerarkii aargigixisada ahaa ee ka dhacay habeen ka hor Magaalada Nairobi ee Xarunta wadanka Kenya kaasi oo uu ku tilmaamay in uu yahay mid lagu carqaladaynayo ammaanka dalkaasi.

Jean Ping ayaa tilmaamay in Midowga Afrika uu ugu tacsiyadaynayo dowladda Kenya iyo qoysaskii dadkoodu aywax ku noqdeen weeraradaasi, wuxuuna tilmaamay inay aad ugu xun yihiin weeraradaasi oo uu sheegay in uu yahay mid wuxuushnimo ah.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in Midowga Afrika uu sii wadi doono taageerada xooggan oo uu dowladda Kenya ku siinayo la dagaalanka Kooxda Al Shabaab, wuxuuna carabka ku dhuftay in lagama maarmaan ay tahay in Ciidamada dalkaasi ay ka hortagaan fal waliba oo lagu carqaladaynayo dalkaasi.

Mr. Jean Ping ayaa waxa uu xusay in Midowga Afrika ay soo dhawanayaan go’aanka ay dowladda Kenya Ciidamadeeda qeyb ugu noqonayaan howlgallada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM iyo dadaallada ay wadaan oo ka dhanka ah Kooxda Al Shabaab.

Ku dhawaad 5-ruux ayaa ku geeriyootay inka badan 40-kalena way ku dhaawacmeen qaraxyo is xig xigay oo ka dhacay boosteejo ku taalla Magaalada Nairobi ee Xarunta wadanka Kenya , iyadoo booliska Kenya
weeraradasi Mas’uuliyaddoodu ay dusha kaga tuureen Ururka Al Shabaab.






 




Muqdisho: Axad March 11, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta): Ra’iisul wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho, isagoo faah faahin ka bixiyay safaradii uu soo maray.

Isagoo kasoo amba baxay Magaalada Nairobi ee Xarunta wadanka Kenya ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho, waxaana Gaas uu socdaallo kusoo maray wadamo ay ka mid yihiin Ingiriiska, Sweden, Norway iyo Kenya halkaasi oo uu kulamo kula soo qaatay Dib lumaasiyiin Caalami ah oo uu kala soo hadalay xaaladaha Soomaaliya.

C/wali Max’ed Cali Gaas ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Maraykanka oo uu kulamo la qaatay ay u balan qaadeen in dowladda KMG ah ay kala shaqeyn doonaan dhinac ammaanka ah.

  Nairobi: Axad March 11, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta): Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali ayaa fiidkii Sabtiga kula kulmay magaalada Nairobi Haweeneyda Wendy Sherman oo ah ku xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Mareykanka oo u qaabilsan dhanka Siyaasadda. Labadan mas'uul ayaa kulankooda uu ka dhacay magaalada Nairobi oo ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin siyaasadda, dhameystirka Xilliga Kala Guurka ah, amniga, dastuurka iyo dib-u-habeynta baarlamaanka.

Wafdiga Ra'iisul Wasaaraha oo ay ku wehliyeen Ra'iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Cabdiwahab Ugas Xuseen Ugas Khalif, La-Taliyaha Ra'iisul Wasaaraha iyo Kaaliyaha Ra'iisul Wasaaraha. Dhanka Mareykana Wendy Sherman waxaa ku wehliyey kulanka Ergeyga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya iyo Saraakiil kale.


Wafdigan ka socday Mareykanka ayaa beryahan waxey ku marayeen safar shaqo waddamo badan oo Afrika ka mid ah, kulanka Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliyana waxey markhaati ka tahay sida ay Mareykanka mudnaan gaar ah u siinayaan arrimaha Soomaaliya.


Wendy Sharman ayaa ku bogaadisay Ra'iisul Wasaare Abdiweli dadaalka dheeriga ah iyo waxqabadka muuqda ee 6dii bilood ee la soo dhaafay ka dhacay Soomaaliya oo ay sheegtay in caalamku rajo weyn ka qabaan Soomaaliya, shirkii London ka dhacayna uu tusaale fiican yahay sida ay caalamku diyaar ugu yihiin Soomaaliya. Wendy waxey xustay eraygii Hillary Clinton ee ahaa in Xilliga KMG ah uu dhammaanayo oo aan la aqbali karin in mudada la kordhiyo.


Ra'iisul Wasaare Abdiweli ayaa uga mahadceliyey Wendy Sherman kulankan muhiimka ah iyo sida ay Dowladda Mareykanka u garab is taagan tahay shacabka Soomaaliyeed, waxuuna u xaqiijiyey in Xilliga KMG ah aan lagu dari karin oo shacabka Soomaaliyeed aysan aqbali karin mudo kororsi. Waxuu kaloo uu sheegay in maanta Soomaaliya ay heysato waddadii saxda aheyd ee Roadmap ka oo ah nidaamkii lagu dhameystiri lahaa Xilliga KMG ah isla markaana bilaha soo socda lagu dhameystiri doono dastuurka oo weliba dib-u-habeyn lagu sameyn doono baarlamaanka oo la rabo in baarlamaanka cusub noqdo mid tayo leh oo kalsoonida shacabka hanan kara.


Kulankan waxaa kaloo looga hadlay sidii shacabka soomaaliyeed looga taageeri lahaa dhismaha maamulada hoose oo weliba dhulalka laga xorreeyo Al-Shabaab loogu heli halaa kaalmadii shacabka ay aayahooda uga tashan lahaayeen ha noqoto guddiyada amniga, dib-u-heshiisiinta, adeegyada bulsho iyo maamul u sameynta deegaanada cusub.


Ra'iisul wasaaraha maalmahii uu ku sugnaa Nairobi waxuu kulamo la qaatay Ambassador Mahiga, Safiirada Mareykanka, Talyaaniga iyo Norway. Waxuu kaloo kulan la qaatay Wasiirka Gaashandhiga Kenya Mudane Yusuf Xaajil.


Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu Axadda ku soo laabto dalka ka dib booqasho rasmi ah oo uu ku soo kala bixiyey dalal ka tirsan Qaaradda Yurub iyo shirkii London.

Garoowe: Axad March 11, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta): Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland oo ka hadlayay Xaflad ka dhacday Magaalada Garoowe ayaa waxa uu sheegay in dowladda KMG ah aysan u madax banaaneyn in ay ansixiso Maamul goboleedyada cusub.

Madaxweyne Faroole ayaa waxa uu sheegay in qaabka iminka ay ku soconayaan Maamul goboleedyada la dhisayo ay yihiin kuwa aan sharci aheyn, maadaama sida uu tilmaamay iyadoo aan kalsooni laga heysan shacabka la iska dhisayo, taasina ay magac xumo ku tahay Maamulka Puntland, isagoo sheegay in dowladda aan iska ansixin karin iyadoo arrimahaasi aan ka warheyn Maamulka Puntland.

C/raxmaan Faroole oo hadalkiisa wata ayaa waxa uu shaki galiyay wada hadal dhexmara Maamulka Somaliland iyo dowladda KMG ah, waxaana uu sheegay in wada hadal walba oo lala yeelanayo Somaliland lagama maarmaan ay tahay inay goobjoog ka ahaato Puntland, maadaama sida uu tibaaxay labada Maamul uu ka dhaxeeyo waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin dhulal si sharci daro ah looga haysto Puntland.

Hadalkaani ayaa waxa uu imaanayaa xilli muddooyinkii lasoo dhaafay dalka ay kusoo badanayeen dhisidda Maamul goboleedyada kuwaasi oo mid waliba uu balan qaadayay in uu wax u qabanayo shacabka ku nool goobaha ay Maamulka u dhiseen ee Soomaaliya.

Garoowe: Axad March 11, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta):  Maamulka Puntland ayaa waxa ay shaaciyay waqtiga kama dambeysta ah ee loo codeynayo Dastuurka Maamulka Puntland.

Aftida Dastuurka Puntland ayaa waxaa la sheegay in la qaadi doono 15-bisha April ee soo socota, iyadoo warkaasi lagu iclaamiyay Wareegto xalay kasoo baxday Xafiiska Madaxtooyada Puntland ee Garoowe.

Gudoomiyaha guddiga doorashada Max’ed Xasan Barre oo ka qeyb galay Xaflad xalay ka dhacday Madaxtooyada Puntland ayaa waxa uu sheegay inay gudoonsiiyeen 480-Ergo oo aftida u qaadi doonta Dastuurka Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha Maamulka Puntland oo xalay gaba gabadii Xaflad ka dhacday Xarunta Madaxtooyada ee Maamulkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in ugu dambeyn 15-ka bisha April ee socota si toos ah ay u dhici doonto qaadista Aftida Dastuurka Puntland.

Arintaani ayaa waxa ay imanayaa xilli Puntland ay gaarayeen ergooyinka ka mid ah musharaxnimada xilka Madaxtinimo ee Puntland, waxaana maalmihii u dambeeyay shacabka Puntland ay hadal hayeen qaabka ay u dhici doonto doorashadaasi.


Afmadow: Axad March 11, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta): Sida uu qoray wargeeyska The Star afhayeenka ciidamada Militariga Kenya ee ku sugan Koofurta Soomaaliya Emmanuel Chirchir ayaa sheegay in weerar gaadmo ah oo ay si wadajir ah uga fuleeyeen ciidamda Dowladda KMG iyo Kuwa Kenya  deegaanka Aag-libaax ee waqooyiga Afmadow ay ku dileen 6-dagaalyahan oo ka tirsan Xarakada Al Shabaab.

 

Emmanuel Chirchir ayaa tilmaamay in hub ay ka furteen dagaalyahanadii ku sugnaa Aag-libaax ee ay weerarka Gaadmada ah ku qaadeen, asagoo xusay in hubka gacanta u soo galay intiisa badan uu ahaa nuuca fud fudud oo ay wehleyiin labo hoobiye, waxa kale oo uu intaasi ku daray in dawooyin ay sidoo kale goobta ka heleen.

 

Ciidamada Kenya ee hada kusugan Koofurta Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga mid noqondoona howlagalka AMISOM madaama ay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ay meel mariyeen in la kordhiyo tirada ciidamaasi taas oo ay macnaheedu noqondoonto in Kenya ay howlgalkeeda uga hesho dhaqaalo Qaramada Midoobay.

 

Ciidamada Kenya ayaa sadaxdii isbuuc ee la soo dhaafay ka arinsanayay sidii ay u sameeyn lahaayeen taliye u gaar ah si ay ugu biiraan AMISOM taas oo uu hada hogaamiyo Sargaal sare oo u dhashay dalka Uganda.


Qaahira: Axad March 11, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta): Waxaa Magaalada Qaahir ee xarunta dalka Masar ka socda shir ay leeyihiin wasiirada arimaha dibada ee ururka Jaamacadda Carabta kaasi oo looga hadlayo arimaha ka taagan dhowr wadan oo ay ka mid tahay xaaladda dalka Soomaaliya.

Wasiirada arimaha dibada ee Ururka Jaamacadda Carabta ayaa kulan xasaasi ah oo ay maanta ku yeesheen Magaalada qaahira, waxa ay uga hadleen dhibaatooyinka ka taagan dalka Soomaaliya iyo sidii miiska wadahadalka la isugu keeni lahaa dhinacyada Soomaalida.

Wasiirka arimaha dibada ee dalka Qadar Hamad Bin Jassim oo kulanka ka hadlayay ayaa waxa uu qudbadiisa diiradda ku saaray arimo dhowr ah oo ay ka midyihiin dhibaatooyinka ka jira wadamada Siiriya, iyo Soomaaliya.

Hamad Bin Jassim ayaa waxa uu sheegay in loo baahanyahay in la xaliyo khilaafka ka dhexjira dhinacyada Soomaalida si loo soo afjaro dhibaatooyinka daba dheeraaday ee mudada ka taagan dalka Soomaaliya.

Wasiirka arimaha dibada ee Dalka Qadar ayaa sidoo kale  sheegay in lagama maarmaan ay tahay sidii dib loogu doo celin lahaa kalsoonida dhamaan bulsho weynta Soomaalida, iyadoo arintaasi loo marayo wadahadal nabadeed oo la isaga horkeeno dhinacyada Soomaalida.

Shirka ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galaya wadamo dhowr ah oo ka tirsan Jaamacadda carabta, waxaana wasiirada arimaha dibada ee ka qeyb galaya ka mid ah wasiirka arimaha dibada ee dowladda Ruushka kaasi oo qudbadiisa ku sheegay in wali dowladda ruushka ay ka soo horjeesato cunuqabateyn lagula deg dego dowladda Suuriya.

Kulanka Wasiirada arimaha dibada ee Jaamacadda Carabta ayaa sii socon doona iyadoo laga wardhowrayo masuuliyiinta kale ee kulanka ka qeyb galeysa ee ka hadasha xaaladda Soomaaliya, iyo sida ay la tahay in wax looga qabto dhibaatada ka taagan dalka Soomaaliya.

Nairobi: Axad March 11, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta): Dhowr qarax oo qasaare geystay ayaa caawa fiidkii waxa uu ka dhacay Xaafadda Islii Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, iyadoo qaraxyadaasina ay sababeen dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxyada oo ahaa kuwa dhowr ah ayaa caawa abaaro 8-fiidnimo waxa ay ka dhaceen goob busteejo ah oo gaadiidka laga raaco, oo kutaala Bartamaga Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Inta la ogyahay qaraxyada oo ilaa iyo hadda aan la cadeyn waxa ay yihiin, ayaa waxaa ku dhintay 5 qof iyadoo 21 kalana ay ku dhaawacmeen sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo wareedyo kusugan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Goobata busteejada ah ee qaraxa uu ka dhacay ayaa waxaa soo gaaray ciidamo fara badan oo ka tirsan kuwa amaanka dalkaasi Kenya, waxaana halkaasi ay ka qaadeen dadkii goobta ku dhaawacmay, kuwaasi oo wali aan la kala saarin in ay ku jiraan dad Soomaali ah iyo in kale.

Ilaa iyo hadda lama yaqaan cida ka dambeysa qaraxaasi, iyadoo dhinaca kalana uusan jirin wax war ah oo ka soo baxay masuuliyiinta dowladda Kenya oo ku aadan qaraxyada, balse qaraxyada nuucaani oo kale ah ayaa waxaa looga bartay Kooxda Al Shabaab oo dhawaan cadeysatay in ay ku biirtay Al Qaacida.

Adds’ Ababa: Sabti March 10 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta): Midowga Afrika ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Addis’ Ababa ee Xarunta wadanka Ethiopia waxa lagu go’aamiyay in dabayaaqada bisha soocota dhexdeeda ay Ciidamada Ethiopia ka baxayaan guud ahaan dalka Soomaaliya.

Ururka Midowga Afrika ayaa waxa ay sheegeen in goobaha ay baneeyaan Ciidamada Ethiopia lagu wareejin doono Ciidamada nabad ilaalinta Midowga Midowga Afrika AMISOM, si ay u sugaan ammaanka goobahaasi.

Kulanka ayaa waxaa lagu sheegay in la ballaarin doono howlgalka ay wadaan Ciidamada AMISOM taasi oo lagu baahin doono gobolada ay gacanta ku hayaan Kooxda Al Shabaab si loogu soo celiyo gacanta dowladda KMG Soomaaliya.

Ururka Midowga Afrika ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada ka kala socda Jabuuti, Uganda iyo Burundi ay ka howlgali doonaan gobolo dhowr ah oo ka mid ah Soomaaliya bilaha soo socda si sanadkan 2012-ka ay gacanta ugu dhigaan gobolada ay Maamulaan Al Shabaab.

Ciidamada Ethiopia ayaa la aaminsanyahay in Soomaaliya ay kusoo galeen qorshooyin dagaal oo ka dhan ah Al Shabaab, iyagoo gacanta ku dhigay Magaalada Baladweyne iyo Baydhabo oo ay in muddo ah gacanta ku hayeen Al Shabaab.

Nariobi: Sabti March 10, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta): Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya C/wali Max’ed Cali Gaas ayaa Magaalada Nairobi ee Xarunta wadanka Kenya kulamo kula qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kenya oo uu ka mid ahaa Wasiirka Difaaca ee Kenya kuwaasi oo ay ka wada hadleen sidii Al Shabaab looga saari lahaa Magaalada Kismaayo iyo degaano ay Shabaabku kaga sugan yihiin gobolka Jubbada hoose.

Afhayeenka Xukuumadda KMG Soomaaliya Injineer C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisoow oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa faah faahin ka bixiyay waxyaabaha ay ka wada hadleen Ra’iisul wasaaraha iyo Mas’uuliyiinta Kenya, isagoo sheegay inay isku afgarteen in lasii xoojiyo sidii Al Shabaab looga saari lahaa deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolkaasi iyo in meel kasta oo Al Shabaab laga saaro la xaqiijiyo ammaankeeda, loona sameeyo Maamul ay u dhan yihiin dadka degan halkaasi.

Afhayeenka Xukuumadda KMG ah ayaa waxa uu intaasi ku daray in sidoo kale Ra’iisul wasaaraha uu kulamo la qaato Ambassador Augustine Mahiga kaasi oo uu sheegay inay ka wada hadleen sidii loo dar dar dar galin lahaa howlaha Xafiiska UNPOS ee Soomaaliya iyo sidii looga gudbi lahaa Xaaladda KMG ah iyo fulinta  qodobadii kasoo baxay shirkii kusoo gaba gaboobay Magaalada London ee wadanka Ingiriiska ah.

Shalay ayay aheyd markii dowladda Kenya ay sheegtay in maalmaha soo aadan ay Al Shabaab ka saarayso deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolada Jubbooyinka oo deegaano hoostaga ay gacanta ku hayaan Xarakada Al Shabaab

Muqdisho: Sabti March 10, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta): Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay inay caawinayso shacabka Soomaaliyeed ee la daalaa dhacaya xaaladaha kala duwan ee ka taagan Soomaaliya.

Kulan ay ku qateen aqalka  Kongareeska ee dalka Maraykanka Mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan dowladdaasi ayaa lagu sheegay in Maraykanka uu caawinayo shacabka Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan Xerooyinka barakacayaasha ah ee ku yaala Somaaliya.

Madaxda kulanka qaatay ayaa waxa ay sheegay in maadaama ay dhamaatay macluusha, hadana ay jiraan boqol ruux oo ku dhibaataysan gudaha dalka Soomaaliya.

Nancy Andborg oo ka mid ah guddiga u qabilsan dowladda Maraykanka daryeelka iyo ka hortagga dhibaatooyinka oo  kulanka goobjoog ka aheyd ayaa xustay in dowladda Maraykanka ay ka fulinayso Soomaaliya mashruucyo badan oo wax looga qabanayo Soomaaliya.

Nancy Andborg ayaa sheegtay in dalka Soomaaliya aysan ka da’in roobab la filiyay, iyadoo sheegtay taasi ay sii cakirisay dhibaatada iyo abaaraha ka ku dhuftay Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Dowladda Maraykanka  ayaa sheegtay in dadka Soomaaliyeed ay wali u baahan yihiin gar-gaar bini’aadannimo oo deg deg ah si wax looga qabto xaaladaha kala duwan ee uu maray dalka Soomaaliya.

London: Sabti March 10, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta): Dowladda Ingiriiska  ayaa sheegaty inay  gacanta ku dhigtay nin ay ku sheegtay in uu  mal galinayay Ururka Al Shabaab ee dagaalada ka wada Soomaaliya.

Ciidamo sida gaarka ah u tababaran ee dowladda Ingiriiska ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen Shabaas Xuseen oo si weyn ugu taageeri jiray Ururka Al Shabaab dhinaca lacagaha si ula dagalamaan ciidamada DKM Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika AMISOM ee ku sugan Magaalada Muqdisho.

Dowladda Ingiriiska ayaa sheegaty in Shabaas Xuseen oo da’diisu tahay 28-sano jir uu ku taageray Al Shabaab lacag dhan 9000-kun oo Pound  oo ah lacagta dalka Ingiriiska sanadahii  2010-2011 ee lasoo dhafay.

Sidoo kale eedeysanahaani ayaa la sheegay in lagu hayo maxkamad ku taalo bariga  magalada London ee xarunta dalka Ingiriska, waxana la sheegay in lagu xukumay xabsi gaarayo ila iyo 5-sano iyo 3-bilood oo xarig ah.

Shabaas Xuseen ayaa la xusay  inay kasoo heleen gurigii uu daganaa Cajalado Fiidiyow ah oo ay ku duuban yihiin Usama Binladin iyo kooxo kale oo argagixisa ah oo hanjabada u jedinayo Maraykanka iyo Ingiriiska.


Muqdisho: Jimco March 9, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta): Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlayay Munaasbad ka dhacday Muqdisho oo lagu xusayay Maalinta Haweenka Aduunka ee 8-da March ayaa waxa uu sheegay in natiijooyin wax ku ool ah ay kasoo baxeen shirarkii wada tashiga ahaa ee ka kala dhacay Muqdisho iyo Garoowe taasi oo uu sheegay inay sababtay in qeybaha Soomaalida ah ay isugu tagaan shirkii lagu qabtay Magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed aya waxa uu sheegay in shirka London shacabka Soomaaliyeed fursad lagu siiyay inay tashtaan, wuxuuna sheegay in shirkaasi uu kasoo baxay fursad ay kuwada hadli karaan Maamulka Somaliland oo sheegay in uu ka go’ay Somaliland inteeda kale iyo dowladda KMG Soomaaliya.

Madaxweyne Shariif ayaa waxa uu sheegay in Somaliland ay qeyb wayn ku lahaayeen xoreynta dalka Soomaaliya, uuna horumarin ka sameeyay deegaanada Maamulkaasi, waxaana uu intaasi ku daray in dowladda ay diyaar u tahay inay guddi u saarto isu keenidda Somaliland iyo dowladda Federelka Soomaaliya.


Muqdisho: Jimco March 9, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta): Shirkii lagu soo gaba gabeeyay Magaalada London ee wadanka Ingiriiska ayaa siyaasiyiin badan waxa ay u arkaan inay kasoo baxday fursad muhiim ah oo ku aadan in la isku keeno Somaliland iyo dowladda KMG Soomaaliya.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Maaliyaddda iyo Lacagta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyey lacago cusub oo Shillin Soomaali ah oo dhowaan dowladda KMG ah ay keeni doonto gudaha dalka.

Wasiir ku xigeenka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cali Dirir Faarax  oo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegay in dowladda KMG ah ay  ka warqabto lacagaha Shilin Soomaaliga ah ee dhowaan la keeni doono magaalada Muqdisho, kuwaasoo ah lacago cusub oo isugu jira, Kun, Laba Kun iyo lacago kale oo cusub.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Cali Dirir Faarax waxa u sheegay in imaanshiyaha lacagtani oo ah mid daabacan  ay tahay lacag horrey ay u qorsheeyeen dowladidihii ka horreeyey, hase yeeshee keenisteeda dalka ay dowladdani la kowsatay.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo hadda ku sugan magaalada Nairobi ayuu wasiir ku xigeenku sheegay iney wadaan qorshe looga baaraandegayo sidii looga hortagi lahaa sicir barar ay sameyso lacagtaasi cusub oo markii ugu horreysay imaan doonta magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay ka hor inta aan lacagtaasi la isticmaalin la Bulshada loo sameyn doono wacyo galin si loo illaaliyo Danta guud ee ummada, dowladduna ay mar walba ku dadaalli doono horumarinta shacabkeeda.

Hadalhaynta lacagtan cusub ayaa muddooyinkani si aad ah loo hadalhayey, waxayna ku soo beegmeysaa xilli uu hoos u dhac ku yimid qiimaha sarrifka doollarka, iyadoo boqolkii dollar haatan lagu sarrifayo illaa Laba Milyan iyo Boqol Kun oo Shilinka Soomaaliga ah.


Muqdisho: Jimco March 9, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta):  Dowladda KMG Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in si qaladan ay u maareyso hantida loogu talagalay dadka shacabka ah.

Sida uu qoray wargayska Washington Post ee kasoo baxay dalka Maraykanka, dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu eedeeyay in ay  si qaldan u adeegsato daqliga loogu tala galay in wax loogu qabto bulashada Soomaaliyeed.

Wargayska oo soo xiganaya nin lagu magacaabo Abdirazak Fartaag oo horay u ahaa madaxa maaliyadda adeegyada dadweynaha ee dowladda KMG ayaa sheegay in dowladda uu soo galay sanadkii tagay dakhli gaaraya 58 milyan oo doolar taasi oo hal Milyan oo kaliya wax ugu qabato adeegyada bulshada halka inta hartayna loo adeegsado dano shaqsiyadeed.

Abdirazak Fartaag ayaa sidoo kale u sheegay in dowladda KMG ay ku guul daraysatay inay wax ka qabato musuq maasuqaasi baahsan ee lagu lunsaday hantida qaranka ee loogu adeego bulshado Soomaaliyeed.

Mas’uulkan ayaa tilmaamay in tobonaan Milyan oo doolar ay ku maqanyihiin Mas’uuliyiinta dowladda kuwaasi oo uu sheegay inay lunsadeen shaqsiyaad gaar ah oo uusan magacaabin.

Dhinaca C/raxmaan Cumar Yariisoow ayaa beeniyay eedeymahan loosoo jeediyay dowladda KMG ee Soomaaliya, isagoo tilmaamay in dowladda ay ka go’antahay la dagaalanka musuq maasuqa ka dhexjira gudaheeda.

Nairobi:: Khamiis March 8, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta): Ururka Midowga Yurub ayaa ballan qaadyo u sameeyay Ciidamada Midowga Afrika AMISOM ee howlgalka nabad ilaalinta ka wada Soomaaliya.

Kadib kulan ku dhexmaray Magaalada Nairobi ee Xarunta wadanka Kenya gudoomiyaha golaha Midowga Yurub Herman Van Rompuy iyo R/wasaaraha dalka Kenya Rayla Odinga ayaa bayaaan  ay si wada jir ah usoo saareen waxa ay kaga hadlay xaaladaha Soomaaliya, iyadoo Mas’uuliyiin ka socda Ururka Midowga Yurub ay sameeyeen ballan qaadyo ballaaran.

Gudoomiyaha golaha Midowga Yurub Herman Van Rompuy ayaa sheegay in sanadka 2013-ka ay Ciidamada Midowga Afrika AMISOM ugu deeqayaan lacag gaaraysa 100-Milyan oo ah lacagta Yurub  si ay u ballaariyaan howlgalladoodu.

Ra’iisul wasaaraha dowladda Kenya Rayla Odinga oo la hadlay Saxaafadda ayaa waxa uu sheegay in lagama maarmaan ay tahay in laga wada shaqeeyo ammaanka iyo xasiloonida dalka Soomaaliya, taasi oo uu sheegay in looga baahanyahay guud ahan beesha Caalamka.

Hadalka  kasoo baxay Ururka Midowga Yurub ayaa imaanaya  xilli Kenya dhawaan ay shaacisay in bisha October  ee sanadkaan ay gabi ahaanba  ciidamadeeda kala bixi doonto dalka Soomaaliya.


Garoowe: Khamiis March 8, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta): Qaban qaabadaan ku aadan Shir weyne Caalami ah oo lagu qaban doono Magaalada Garoowe, ayaa madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxamaan Sheekh Max’ed Faroole waxa uu sheegay in uu yahay mid shacabka reer Puntland ay afti ugu qaadayaan Dastuurka cusub ee Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa tilmaamay in dabaqaayada bishaan March la qorsheynayo in la qabto shir weynahaasi Caalamiga ah ee shacabka kudhaqan guud ahaan Puntland ay ku ansixinayaan sidii ay afti ugu qaadi lahaayeen dastuurka Cusub ee Puntland.

“Shirkaan waa kii lagu ansixi lahaa Dastuurka Puntland, Dastuurka Puntland waxa uu qorayaa in lagu ansixiyo Afti dadka oo dhan codkooda ay ka dhiibtaan, shirkaasi waxa uu dhici doonaa dhawaan balse maalinta ma sheegi karo” ayuu yiri C/raxmaan Sheekh Max’uud Faroole.

C/raxmaan Sheekh Max’ed Faroole Madaxweynaha Puntland warkaan siiyay Saxaafada xili uu ka soo degay garoonka Magaalada Garoowe halkaasi oo uu uga soo laabtay Shirkii 23-kii bishii hore kusoo dhamaaday Magaalada London ee cariga dalka Ingiriiska.

Madaxweyne Faroole ayaa shirkii London waxa uu ku tilmaamay mid wax weyn ka badali doona Xaaladda dalka Soomaaliya, islamarkaana la qabtay xili si aad loogu baahnaa, waxaana uu xusay in uu soo dhaweynayo dhamaan waxyaabihii shirkaasi kasoo baxay.



Moscow: Isniin March 5, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta):  Raysalwasaaraha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa sida la sugaayey ku guuleystey doorashadii dalka Ruushaka ee dhacdey maalintii shalay. Iyada oo la tiriyey inta badan codadkii la dhiibtey ayey sheegeen guddiga doorashadu in Putin wareegii kowaad ku guuleystey isla markaana uu heley 64%. Taas oo macnaheedu yahay in aan loo baahneyn in doorashadu marto wareeg labaad isla markaana Putin uu heley codad aad uga badan in uu noqdo Madaxweynaha Ruushanka.

In ka badan 100 000 kun oo qof oo ah taageerayaasha Putin ayaa habeenimadii xalay isugu soo baxay bartamaha magaalada Moscow kuwaas oo u dabaaldegaya guusha Putin heley, waxaa goobtaas isaguna joogey Madaxweynaha hadda Dmitrij Medvedev, waxaa lagu wadaa in Medvedev loo magacaabo markii labaad Raysalwasaaraha Ruushka.

- Waxaan ku guuleysaney olole caddaalad ah oo daacad ah ayuu yiri Putin.

Hoggaamiyaha xisbiga Shuuciga Gennadij Ziuganov ayaa heley 17% codadkii doorashada, Gennadij Ziuganov ayaa sheegey maalintii shalay in doorashadu ay noqoneyso mid lagu shubto. Inka badan 3 700 oo report ayaa lagu soo gudbiyey in meel kala geddisan ay ka dhacdey wax isdaba marin iyo codad la xadey.

Dadka ka qaybqaatey doorashada ayaa ahaa kuwo ka badan tiradii doorashooyinkii hore waxaana qiyaastii ka qaybqaatey 65,3% dadka Ruushanka. Mucaaradka ayaa ballan ku qaadey in maanta (Isniin) ay dhigayaan Mudaaharaad aad u ballaaran oo looga soo horjeedo siyaasadda Putin.

Vladamir Putin ayaa ahaan jirey sarkaal ka tirsanaan jirey hay’addii sirdoonka ee Midowgii Sofiyeytiga taas oo lagu magacaabi jirey KGB, waxaana uu ka hawlgeli jirey dalkii la oran jirey Jarmalka Bari. Waxa uu noqdey Madaxweyne kumeel gaar ah sanadkii 1999 kadib markii xanuun ba’an la soo dersey Boris Yeltsin, xiligaas oo dalka Ruushka ahaa mid aad u baaba’san dhinackasta isla markaana aan wax awood ah ku lahayn siyaasadda caalamka.

Putin ayaa loo doortey Madaxweynaha Ruushka sanadkii 2000, waxa uu xabsiyada u direy qaar badan oo ka mid ahaa kuwii isaga soo saarey kuwaas oo ahaa maalqabeeno iyo qaar iska leh warbaahinta dalka Ruushka, isaga oo arkaayey in ay khatar ku yihiin, waxaana markii labaad loo doortey xilka Madaxweynaha sanadkii 2004, dalka Ruushka ayuu gaarsiiyey dhaqaalihiisa heer aad u sareeya, waxaana Ruushku noqdey dal si weyn looga haybadeysto, Waxaana dalka Ruushku noqdey mid gacanta u galay Putin, iyada oo dadku u qaybsamey laba dabaqadood oo aad u kala sareeya.

Sharciga Ruushka ayaa u diidaayey in Madaxweynuhu uu xilka hayo saddex xilli oo isku xiga Waxaana Vladamir Putin keensadey in uu Madaxweyne noqdo Dmitrij Medvedev oo markaas ahaa Raysalwasaarihiisa, waxaana ay ku heshiiyeen in Putin aanu ka bixin siyaasadda ee uu maamulo tan gudaha isla markaana noqdo Raysalwasaare, waxaana la tilmaami jirey in Putin uu ahaa Madaxweynaha qarsoon 4-tii sano ee Medvedev.

Iyada oo dhawaan la beddeley muddada xilka ee Madaxweynuhu haynayo oo la gaarsiiyey 6 sano ayaa lagu wadaa in Putin hayo Madaxweynaha 12 sano ee soosocda, waxaana uu noqonayaa Madaxweynihii ugu mudada dheeraa ee dalkaas ka taliya.

Dalalka Midowga Yurub ayaa welwel ka qaba guusha weyn ee Putin, waxaana ay shaki ka qabaan in Putin la imaan doono tartan dhanka dhaqaalaha ah isaga oo ballan qaadey in uu samayn doono Gaashaanbuur u dhiganta kan Midowga Yurub, xili dhaqaalaha waddamada Midowga Yurub




Muqdisho: Isniin March 5, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta):  Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya ayaa ugu baaqay beesha Caalamka in ay gaar gaar gaarsiiso shacabka deegaanada ay la wareegtay dowladda ee dalka Soomaaliya.

Isagoo la hadlayey Warbaahinta ayaa waxa uu ugu baaqay Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed beesha Caalamka iyo Hay’adaha samafalka in ay gar gaaraan dadka ku sugan deegaanada ay la wareegtay dowladda KMG Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa waxa uu sheegay in Al Shabaab ay dhibaato iyo gumeysi ku hayeen shacabka deegaanada ay la wareegtay dowladda ee Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya, waxaana uu sheegay in loo baahan yahay in goobaha ay dowladda la wareegtay lo gaarsiiyo kaalmooyin deg deg ah.

Sheekh Shariif ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in cidii ka tanaasusha ka mid ahaanshaha Al qaacidda ay soo dhaweynayaan islamarkaana ay siinayaan fursad ay mustaqbalkooda ku dhistaan.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay Madaxweynaha Soomaaliya in ay sii wadayaan dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab oo ay ka gacan siinayaan AMISOM iyo dowladaha dariska ah ee Kenya iyo Ethiopia.



Muqdisho: Isniin March 5, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta):  Rag hubeysan ayaa xalay magaalada Gaalkacyo ku dilay mid ka mid ah wariyaashii ka howlgalayey magaaladaasi kaasi
oo maanta lagu wado in la aaso.

Wararka ka imaanaya Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in xalay kooxo hubeysan ay ku dileen Xaafadda Garsoor Wariye ka howlgalayey Waqooyiga magaaladaasi.

Wariyaha oo lagu magacaabayey  Cali Axmed Cabdi ayaa waxaa la sheegay  xili uu kusii jeeday Xaafadiisa in kooxaha ay dileen kuwaasi oo aan la ogayn sababta ay Wariyaha ay u dileen iyo waxa ay ahaayeen.

Allaha u naxariistee Cali Axmed Cabdi ayaa haatan waxa uu u shaqeynayey mid ka mid websetyada Afka Soomaaliga ee ka howlgalla deegaanada maamulka Puntland, isagoo horay uga soo shaqeeyay Radio Gaalkacyo ee Waqooyiga magaalada Gaalkacyo.



Muqdisho: Isniin March 5, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta): Kooxo hubeysan ayaa xalay labo ruux oo sida la sheegay ka tirsanaa dowladda KMG Soomaaliya ku dilay degmada Yaaqshid ee magaalada Muqdisho.

Xaafadda Towfiiq ee degmada Yaaqshid ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa la sheegay in xalay kooxo hubeysan ay ku dileen labo ruux oo haatan ka tirsanaa dowladda KMG Soomaaliya balse horay uga mid ahaa Al Shabaab.

Dad goobjoogayaal ah ayaa u sheegay Idaacadda Shabelle in rag hubeysan oo aan heebtooda la garaneen ay labadaasi ruux ay bastoolada la dhaceen taasi oo keentay in halkaasi ay ku geeriyoodeen dhalinyaradaasi.

Kooxo dilka gaystay ayaa markiiba baxsaday, iyadoo dowladda KMG Soomaaliya aysan wali ka hadlin falkaasi hase ahaatee mudooyinkii dambe ayaa waxaa ka taagnaa magaalada Muqdisho dilal qorsheysan oo qeyb ka noqonaya dilkii xalay loo gaystay ragaasi.



Muqdisho: Axad March 4, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta): Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya ayaa beeniyay war kasoo baxay Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo ku aadanaa in afgambi lagu qabsaday Madaxtooyada.

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif oo maanta booqday duleedka degmada Huriwaa oo ay la wareegtay dowladda ayaa waxa uu ka jawaabay hadal dhawaan kasoo baxay Ergeyga gaarka ee QM u qaabilsan Soomaaliya Augustine Mahiga oo ku aadanaa in Madaxtooyada Soomaaliya Afgambi lagu qabsaday.

Sheekh Shariif  ayaa waxa uu sheegay in hadii u jiro warkaasi ay Mahiga marada ka dhacday sida uu hadalka u dhigay wax intaasi ka badana uusan dhaheen,.

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya oo dhinaca kale ka hadlay dagaalada dowladda ay kula wareegtay qeybo badan oo ka mid ah degmada Huriwaa iyo duleedkeeda ayaa waxa uu uga mahad celiyay ciidamada guula ay gaareen.

Waxa uu sheegay Sheekh Shariif in haatan magaalada Muqdisho ay xaqiijiyeen gacan ku haynteeda, inta dhiman ay dhamaystirayaan, isagoo sheegay in qorshahooda uu yahay in ay wajahaan gobolada kale ee dalka si ay uga saaraan Al Shabaab islamarkaana ay ula wareegaan.



Muqdisho: Axad March 4, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta): Xildhibano ka tirsan barlamanka KMG Soomaaliya ayaa ugu baaqay beesha Caalamka in ay wax ka qabato afgambi la sheegay in lagu haysto Xarunta Madaxtooyada dowladda ee Muqdisho

Kadib markii dhawaan Ergeyga gaarka ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya uu sheegay in Koox la yiraahdo Al Sheekh ay afgambi ku qabsadeen Madaxtooyada dowladda ayaa  Xildhibaano ka tirsan dowladda Soomaaliya waxa ay Caalamka ugu baaqeen in wax laga qabto afganbigaasi.

Xildhibaan Saleemaan Max’ed Ibraahim oo la hadlay Shabelle ayaa waxa uu sheegay in afgambiga Madaxtooyada uu ka dambeeyo Augustine Mahiga kaasi oo Xildhibaanka uu ku eedeeyay in uu qatar ku yahay qaranimada Soomaaliya kana shaqeynayo kala qeybinta Umada Soomaaliyeed, isagoo ugu baaqay Caalamka in uu wax ka qabto arintaasi.

Sidoo kale Xildhibaan Cali Max’ed Faarax (Seeko) ayaa waxa uu sheegay in Madaxtooyada Soomaaliya ay tahay wax aan jirin oo aan loogu adeegin Umada Soomaaliyeed, waxaana uu sheegay in Afgambi lagu haysto ay tahay wax jira taasi oo uu sheegay in loo baahan yahay in wax laga qabto.



Muqdisho: Axad March 4, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta):  Xildhibaan Abukaate Sheegoow oo ka mid ah Xildhibaanada barlamanka KMG Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in wax lala yaabo ay tahay in Dastuurka lagu hagayo dalka laga ansixiyo Idaacadaha sida uu sheegay.

Abukaate Sheegoow ayaa waxa uu  tilmaamay in sidoo kale wax laga xumaado ay tahay in Wasiir ku xigeenka arrimaha Dastuur iyo arrimaha Federalka oo in muddo ah ka maqnaa dalka uu markii uu kasoo dagay garoonka diyaaradaha isagoo wada tashi aan la sameyn dadkii kaga soo horeeyay dalka Soomaaliya in uu shaaca ka qaado in Dastuurka cusub ee loo sameynayo dalka Soomaaliya laga ansixi doono Idaacadaha.

Xildhibaanka ayaa sheegay in waajib ay tahay hadii Soomaalinimada ay kusoo laaban waysay sharciga ay kusoo celinayaan awooddooda, isagoo tilmamaay in aduunka aysan ka jirin meel ay ka dhacday in Dastuur lagu hagayo wadan dhan laga ansixiyo Idaacadaha.

Hadalka kasoo baxay Mudanahaani ka tirsan barlamanka KMG Soomaaliya ayaa imaanayaa xilli dhawaan Wasiir ku xigeenka Dastuurka iyo arrimaha Federalka uu shaaca ka qaaday in howlaha la xiriira la tashiga Dastuur u sameynta dalka Soomaaliya ay u adeegsan doonaan qalabka warbaahinta.



Nairobi: Axad March 4, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta):  Markab ka mid ah Maraakiibta waa wayn ee Xambaarta Diyaaradaha oo laga leeyahay dalka Maraykanka ayaa kusoo wajahan Xeebaha dalka Soomaaliya si uu ugu mid noqday Maraakiibta dagaalka kula jirta kooxaha burcad badeeda Soomaalida ah.

Markabkaani oo lagu magcaabo USS TAILOR ayaa la sheegay in uu kasoo kicitamay gacan Suways oo uu ilaalo ka hayay, kadibna uu usoo jiheystay dhinaca Xeebaha dalka Soomaaliya, waxaana la sheegay in wada uu kusoo jiri doono muddo 14-saacadood si uu usoo gaaro Xeebaha dalka Soomaaliya.

USS TAILOR oo ah Markab oo kuwa dagaalka ah ayaa la sheegay in uu sugayo ammaanka Xeebaha dalka Soomaaliya si loo joojiyo weerarada ay dib usoo cusboonaysiiyeen Kooxaha burcad badeeda Soomaalida.

Ilo Madax banaan oo ka tirsan Hay’adda Badmaaxyada ee Gacanka Suways ayaa sheegay in Markabkaasi uu kasoo dhaqaaqay gacanka Suways islamarkaana saacadaha soo socda lagu wado in uu soo gaaro Xeebaha Soomaaliya.

Ciidamada Midowga Yurub ee la dagaalanka burcad badeeda Soomaalida ayaa sheegay inay soo iibsadeen 5-diyaaradood oo ah nuuca dagaalka ah kuwaasi oo looga hortagayo kooxaha burcad badeeda Soomaalida oo ay sheegeen in dhibaatooyin ku yihiin Maraakiibta Caalamiga ah.



Muqdisho: Axad March 4, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta):  Dagaal qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac gaystay ayaa waxa uu ka dhacay degmada Kaaraan ee Magaalada Muqdisho.

Dagaalkaani oo ahaa mid culus islamarkaana la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa waxa uu u dhaxeeyay Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo gacan  Militari ka helaya kuwa AMISOM iyo Xarakada Al Shabaab.

Al Shabaab ayaa weerar ku qaaday fariisimo Ciidamada dowladda KMG ah iyo AMISOM ay ku leeyihiin deegaanka Jamhuuriya iyo Xaafadda Buurka-diidoow halkaasi oo uu xalay ka dhacay dagaalka xoogiisa sida ay Idaacadda Shabelle u xaqiijiyeen dad deegaanka ah.

Hal qof ayaa ku dhintay dagaalka, iyadoo ay jiran qasaaro intaasi ka badan oo soo gaaray dhinacyada ku dagaalamay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, waxaana dagaalkii xalay uu saameyn ku yeeshay dadka shacabka ah oo ku nool halkaasi.

Madaafiic ayaa lagu soo warmaayaa inay ku dhacday Xaafadaha Ceel-carfiid iyo Gubadley oo ka tirsan degmadaasi, waxaana la tilmaamay in xaaladdu iminka ay tahay mid degan islamarkaana degmada ay gacanta ku hayaan Ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM.

Saraakiisha dowladda KMG ah waxa ay sheegeen in Ciidamada Al Shabaab ay ka saareen Magaalada Muqdisho, hase ahaatee mararka qaar ayaa waxa ka dhaca dagaalo xoogan oo ay Al Shabaab ku qaadaan fariisimooyin Muqdisho ay ku leeyihiin Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda KMG ah.




Nairobi March 3, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta): Dowlada Mareykanka ayaa si xoogan u cambaareysay dilkii 28 dii bishii Febraayo loo geystay Abukar Mohamed Kadaf, oo mar agaasime ka ahaa idaacadii Somaliweyn iyo dilkii bishii Janaayo 28-deedii loo geystay  Hassan Osman Abdi, agaasimihii Shabelle.


Hadal qoraal ah oo ay soo saaratay ee dowlada Mareykanka ayaa waxaa lagu tacsiyeeyay qoysaska iyo saaxiibada ay ka dhinteen labadaasi weriye.


Dowlada Mareykanka waxaa ka go an in la soo afjaro dhaqanka aan waxba la isku raaceyn iyo rabshadaha halista ku ah nolosha dadka soomalida iyo xorriyada xagga fekerka ee caalamka oo dhan laga aqoonsanyahay, ayuu lagu yiri war saxaafadeedka soo baxay.


Dowlada Mareykanka ayaa ugu baaqday xukuumada ku meel gaarka ee Soomaaliya in ay si buuxdo u baarto dambiyadaasi foosha xun ee weriyayaasha lagu dilay ayna bulshada si aan qaris aheyn ugu soo gudbiso natiijooyinka baaritaanka lana maxkamdeeyo kuwa lagu helo dambiga waa sida ku qoran war saxaafadeedka ay soo saaratay xukuumada Washington.


Xilliga aan la isku dabagaleyn dambiyada la geysto waa in ay ka dhammaataa Soomaaliya kuwa iyaguna doonaya in ay ka faa ideystaan rabshadaha amah or boodaya dhibaatada waa in lala xisaabtamaa ayaa ugu dambeyntii lagu yiri warsaxaafadeedka.


Dilka agaasime Xasan fantastic iyo midka Agaasime Gadaf ayaa labadaba ka dhacay degmada Madiina iyada oo dowlada KMG aysan qaadin wax talaabo oo baaritaan ah oo bulshada loo soo bandhigay.



Muqdisho: Sabi March 3, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta):  Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay in Madaxtooyada Soomaaliya ay afduub ku haystaan Koox lagu magacaabo Aala Sheekh guruub.

Ambassador Augustine Mahiga, Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya oo waraysi dhinacyo badan taabanaya siiyay Website-Somali ah oo lagu magacaabo (Somali Report) ayaa waxa uu sheegay in afgami uu ka dhacay Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya, isagoo tilmaamay in koox aan waxbadan dhaamin Kooxda Al Shabaab afgambi siyaasadeed ay ku qabsadeen Madaxtooyada Soomaaliya.

Mahiga ayaa sheegay in kooxdaasi oo lagu magacaabo Aala Sheekh guruub ay diidan yihiin awood qeybsiga iyo in la meel mariyo arrimaha Rood-maabka, isagoo tilmaamay inay doonayaan in awoodda kali ay ku ekaato sida uu hadalka u dhigay.

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in Al Shabaab ay yihiin Koox hubaysan oo dagaal kula jira dowladda KMG ah, hadaf iyo mooqfina leh, hase ahaatee waxa uu tilmaamay in Kooxda Aala Sheekh Guruub oo hadda afgambiyay howlihii Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya aan aheyn kooxo hubaysan, damac gaar ahna leh sida uu hadalka u dhigay, isagoo tilmaamay inay diidan yihiin in kala dambeyn ay ka dhacdo dalka Soomaaliya.

“ Ma ahan koox awood leh, hase ahaatee waxa ay afgambiyeen habsami usocodka howlaha Madaxtooyada, ayuu  sheegay Ambassador Mahiga, isagoo intaasi raaciyay in ay la yaaban yihiin afgambiga ka dhacay Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.



Cape-Town: Sabi March 3, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta):Dowladda Koofur Afrika ayaa waxa ay sheegtay in dalka Soomaaliya ay ugu deeqday gar-gaar loogu talagalay in wax loogu qabto
dadka ku dhibaataysan Soomaaliya.

Sida ay shaaciyeen Warbaahinta dalka South Africa, dowladda dalkaasi ayaa waxa ay ugu deeqday Soomaaliya lacag cadadkeedu gaarayso 30-Milyan oo Ran oo lacagta dalkaasi taasi ah oo u dhigtan 4-Milyan oo dolar-ka Maraykanka ah.

Lacagahaani ayaa la tilmaamay in intooda badan lagu bixin doono Raashin lasoo gaarsiin doono dalka Soomaaliya si looga caawiyo dadka Soomaaliyeed ee mudada dheer ku jiray Abaaraha iyo Colaadaha kuwaasi oo la sheegay in lasoo marin doono Badda iyo Cirka.

Gar-gaarkaani ayaa la tilmaamay in uu isugu jira cunno u diyaarsan in la cunno iyo kuwa kale oo la keedin karo iyo gar-gaaro kale oo aan la shaacin waxa ay yihiin, waxaana gar-gaarkaani uu qeyb ka yahay sida la tilmaamay taageero dowladaha la isku yiraahdo SADAC ay fidiyaan shacabka Soomaaliyeed.

Dowladaha SADAC ayaa horey heshiis ay gaareen waxa ay isla garteen in la taageero shacabka Soomaaliyeed dhinac waliba maadaama ay yihiin dad haysta xaalado kala duwan oo loo baahanyahay in wax laga qabto, iyadoo ilaa yo 6-dowladood oo dowladahaasi ka tirsan ay Soomaaliya horey u soo gaarsiiyeen gar-gaar lagu qayaasay 8073-tan.



Muqdisho: Sabi March 3, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta): Qarax gaystay qasaaro ayaa waxaa uu galabta ka dhacay nawaaxiga  Xaafadda Saybiyaano ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxaani ayaa la sheegay in uu yimid kadib markii gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo marayay nawaaxiga wadada aadda Suuqa Beerta ee Garoonka Jaamacadaha ee Magaalada Muqdisho uu qarxay sida ay dad goobjoogayaal u sheegeen Idaacadda Shabelle.

Gaariga oo nuuciisa ahaa Kaarib ayaa waxaa la tilmaamay inay saarnaayeen labo nin oo mid ka mid ah la sheegay in uu ahaa dalaaliina ganacsatada Geella ee deegaanka Siinka Dheer kuwaasi oo ka yimid deegaanada loo barakacay ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Hal qof oo ka mid ahaa dadkii saarnaa gaariga ayaa ku geeriyooday qarax oo dhawaqiisu laga maqlaya nawaaxiga Xaafadda Saybiyaano, iyadoo halkaasi ay  gaareen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda KMG Soomaaliya oo gacanta ku dhigay ninkii ka bad baaday qaraxaasi.

Majiro wax war ah oo kasoo baxay dowladda KMG Soomaaliya iyo Xarakada Al Shabaab oo ku aadan qaraxa galabta ka dhacay wadada aadda Suuqa Beerta ee Garoonka Jaamacadaha ee Magaalada Muqdisho inkastoo qaraxaani uu qeyb ka yahay kuwa inta badan ka dhaca Magaalada Muqdisho.



Muqdisho: Sabi March 3, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta):  Taliyada AMISOM iyo kan xooga dalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay duulaan ku yihiin deegaano ka tirsan gobolka Sh.dhexe.

Kadib shir jaraa’id oo maanta Magaalada Muqdisho ay si wada jir ah ugu qabteen Taliyaha Ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya Jenaral Paul Lokech iyo Abaanduulaha Ciidamada xooga dalka Soomaaliya Jenaral C/kariin Yuusuf Aadan (Dhege-badan ayaa waxa ay shaaca ka qaadeen in howlgalkoodu uu ku wajahanyahay gobolada dalka Soomaaliya.

Paul Lokech taliyaha Ciidamada Uganda oo hadalka ku horumaray ayaa waxa uu sheegay in AMISOM ay waajib ka saarantahay inay nidiifiso guud ahaan dalka Soomaaliya, isagoo ku hanjabay in maalmaha soo socda la arki doono guulo waa wayn oo laga gaaro meelaha ka baxsan Caasimadda Sooamaliya ee Muqdisho.

Jeneral C/kariin Yuusuf Aadan (Dhega-badan) oo isna ka hadlay shirkaasi jaraa’id ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada xooga dalka soomaaliya ay u diyaar garoobeen inay ka howlgalaan dhamaan gobolada dalka Soomaaliya, isagoo xusay in howlgallada ay sameynayaan maalmaha soo aadan ay ku wajahan yihiin deegaanada ku aadan meelihii ay shalay kala wareegeen Al Shabaab.

Ciidamada dowladda KMG iyo kuwa AMISOM ayaa xilligaani waxa ay u muuqanayaanKuwa ka miro dhaliyay howlgalladii is daba jooga ahaa oo ay ka sameynayeen gudaha Magaalada Muqdisho.

Muqdisho: Jimco March 2, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta): War Deg Deg AH: Ciidammada dowladda KMG ah oo saakay la wareegay Suuqa Xoolaha iyo xeradii Maslax ee dulleedka Muqdisho

Dagaal qaraar oo ilaa xalay iyo saakay ka socday qeybo ka mid ah  Magaalada Muqdisho ayay Ciidamada dowladda KMG ah oo garabsanaaya kuwa AMISOM waxay u suurtagashay inay la wareegaan deegaano dhowr ah oo ay horay gacanta ugu hayeen Al-Shabaabka dhawaan ku biiray Al-Qaacida.

Deegaannada ay la wareegeen Ciidamada Dowladda KMG ah ayaa waxaa ka mid ah Xaafada Suuqa Xoolaha iyo xerada Maslax ee dulleedka Muqdisho, waxaana ilaa xalay la maqlaayay daryanka Madaafiicda culus oo la isku weydaarsanaayo dagaalkaasi xalay bilowday.

Col. C/llaahi Cali Caanood Taliyaha Guutada Labaad ee ciidammada Xoogga dalka ayaa sheegay in ciidammada Xoogga dalka ay saakay u ruqaansadeen sidii ay Al-Qaacidda uga xoreyn lahaayeen cirifka dambe ee magaalada Muqdisho, waxa uuna tilmaamay in ciidammada ay la wareegeen deegaanno badan oo dulleedka Muqdisho ah.

Taliye Caanood ayaa xaqiijiyay in ciidammada Dowladda KMG ah ay jiireen deegaannada kala ah Suuqa xoolaha, Dibille, Rati wayne iyo deegaanno kale, isagoo intaa raaciyay in ciidammada ay gudaha u galeen xeradii ay Al-Qaacidda muddada ku sugneyd ee Maslax

 

Muqdisho: Jimco March 2, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta):  Madaxweynaha Maamulka Somaliland Axmed Max’ed Max’ud (Siilaanyo) oo la hadlayay Laanta Afka Soomaaliga ah ee BBC-da ayaa waxa uu ka hadlay hadal dhawaan kasoo baxay Madaxweynaha dowladda KMG ah Sheekh Shariif Sheekh Axmed ee ku aadanaa in wada hadal ay la galayaan Maamulka Somaliland kaasoo ogaaday inay bulshadda caaalamka aad iyo uga hor yimaadeen dadka Soomaaliyeed inay yeeshaan 50 dowladdood oo mid walba wadata waali aan xad lahayn.

Axmed Siilaanyo ayaa waxa uu sheegay in dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Sheekh Shariif ay wada hadal lagali doonaan kaasi oo ku qotomo qadiyadda ka dhaxeysa Maamulka Somaliland. Khaatumo State, Awdal State iyo dowladda KMG Soomaaliya, isagoo tilmaamay in sidoo kale ay ka wada hadli doonaan madax banaanida Maamulka Somaliland. Awdal State, Khaatumo State kuwaasoo wada raba inay noqdaan dowladdo madaxbannaan iyo wada nolaashiyaha Mandaqadda
geeska Afrika.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa waxa uu soo dhaweeyay qodobadii kasoo baxay shirkii dhawaan kusoo gaba gaboobay Magaalada London ee Xarunta wadanka Ingiriiska, isagoo xusay in dowladda Ingiriiska ay ka haleen balan qaadyo wax tar u leh Maamulkiisa balse waxuuse ogayn inay Awdal State iyo Khaatumo State ay yihiin kuwo ka madaxbannaan maamulkiisa ku dhisan been-abuur iyo Soomaaliyaan ka go'aynaa asagoo kamid ahaa dadkii dalka Soomaaliya ka dhigay sida uu maanta yahay. Waxaase isweydiin mudan ma oga miyaa markii u u shaqayn jiray Dowladdihii hore ee Soomaaliya in kuu kamid ahaa madaxdii gumaadka u gaysatay qabaa'ilo badan oo haantan jooga. .

Maamulka la magacbaxay Somaliland ayaa ku dhawaaqay inay yihiin kuwa ka madax banaan Soomaaliya inteeda kale balse xaqiiqda waxay tahay meel aad u socon kartaan ma jirto waayo ku quuso Ogadenia iyo NFD waxa ay ku sameeyeen cadowgii dalka ku soo duulay ee ka yimid qaarada Yurub,
iyadoo Madaxdoodu marar badan ay sheegeen in lama taab taan ay tahay
madaxbaananida Somaliland balse Qabaa'olka Gadabuursi Iyo Dhulbahante waxay samaysteen laba maamul oo ka waawayn waxa uu siilaanyo ku tilmaamayo dowlad.

Samaynta lacag been-abuur ah iyo baasabooro bug ah waxay dhalisaa inuu maamul walba oo ka jira dalka Soomaaliya samaysan karo inta aqliga saxda ah soo noqonayo.



Nairobi: Jimco March 2, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta):  Wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Ruushka ayaa sheegtay in gar-gaar bini’aadannimo ay gaarsiinayso dadka ku
dhibaataysan Xerooyinka Qaxootiga ee ku yaala Xadka u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya.

Xukuumadda Ruushka ayaa sheegtay in Mas’uuliyiin ka socda dalkaasi ay koormeer ku tageen Xerada Qaxootiga ah ee Dha-dhaab iyo Xerooyin kale oo ku yaala xadka labada dal, ayna kusoo arkeen dad aad u dhibaataysan islamarkaana iminka ay go’aansadeen in dadkaasi ay gaarsiiyaan gar-gaar si loo samata bixiyo.

Wasaaradda ayaa ku waramaysa in arrimahaasi ay kala kaashanayso Hay’adda Qaxootiga aduunka ee WHO iyo dowladda Kenya islamarkaana sida ugu dhaqsiyaha badan ay u gaarsiinayso Xerooyinkaasi kaalmooyin bini’aadannimo.

Dadkaani oo ay ku qayaastay dowladda Ruushka 950-kun oo ruux ayay sheegtay in 289-ka mid ah ay yihin kuwaaad u liita, ayna isku dayayaan inay bad baadiyaan, waxaana ay ugu baaqeen beesha Caalamka in la gar gaaro dadka ku dhibaataysan Xadka labada dalka.

Ruushka ayaa sheegtay in beesha Caalamka ay ka gaabisay gar-gaarkii bini’aadannimo oo ay siinayeen dadka ku dhibaataysan Xadka Soomaaliya iyo Kenya, waxaana ay tilmaameem in loo baahanyahay in lasii wado gar-gaarkaasi oo aan la hakin.



Muqdisho: Jimco March 2, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta): 

Xerooyinka Qaxootiga ee dalka Kenya ayaa waxaa ku dhibaataysan kumanaan ruux oo Soomaali ah kuwaasi oo u baahan gar-gaar, iyadoo ay xusid mudan tahay in Hay’adihii gar-gaarka ka waday halkaasi ay ka carareen sababo la xiriira dhinaca ammanaka ah.

Sweden: Khamiis March 1, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta):  Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali oo maanta soo gaaray magaalo madaxda Stockholm ee  dalka Sweden ka dib markii uu soo dhameystiray booqasho uu maalmahan ku joogey Norway.

Ra’iisul Wasaaraha Sweden Fredrik Reinfeldt oo ah Ra’iisul Wasaarihii 32aad ee dalka Sweden iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali oo ah Ra’iisul Wasaarihii 5aad ee ay TFG yeelato tan iyo 2004tii ayaa waxey ka wada hadleen xiriirka labada dal, shirkii London iyo sida ugu habboon ee Somalia iyo
Sweden uga wada shaqeyn karaan sii xoojinta horumarka baaxadda leh ee Xukuumadda FKMG ah ku tallaabsatay 6dii bilood ee la soo dhaafay, gaar  ahaan soo afjaridda Xilliga KMG ah iyo dhaqangelinta Roadmapka iyo heshiisyadii Garowe.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa isla maanta kulan dheer oo qado ah la qaatay Marika Fahlen oo ah Ergeyga  Gaarka ah ee Dowladda Sweden u qaabilsan arrimaha Geeska Africa iyo mas’uuliyiin ka socotay Wasaarada Arrimaha Dibedda ee Sweden.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu wadaa maalinta 1da Maarso uu fiidkii kulan la yeelan doono Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Sweden oo qabanqaabo xoog leh ugu jirta soo dhoweynta
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo beryan booqashooyin rasmi ku soo kala bixiyey Brussles, Midowga Yurub, London, Norway iyo hadda oo uu ku sugan
yahay Sweden.

DAAWO SAWIRADA




Buurdhuubo: Khamiis March 1, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta):  Afhayeenka Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ee gobolka Gedo Axmed Xirse Rufle oo u waramay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyay duqeymo diyaarado dagaal shalay ay ka gaysteen deegaanka Buurdhuubo iyo tuulooyinka ka tirsan gobolka Gedo oo ay ku sugnaayeen Xarakada Al Shabaab.

Rufle ayaa waxa uu sheegay in dadka la duqeeyay ay ahaayeen sida uu u hadalka u dhigay haraadigii Al Shabaab ee ku sugnaa halkaasi,waxana uu sheegay in halkaasi ay ku dhaawcmeen inka badan 30-ruux oo ka tirsanaa kuwaasi oo uu tibaaxay in dhaawcyadooda loola cararay degmada Baardheere ee gobolka Gedo oo ay ka taliyaan Ururkaasi.

Dhinaca kale AFhayeenka Cidamada dowlada KMG Ah ee gobolka Gedo ayaa waxa uu ku eedeeyay dowladda KMG ah inay taageero siin wayday Ciidamada xooga dowladda KMG ah ee ku sugan halkaasi kuwaasi oo uu sheegay inay ku dhabar adeegeen la dagaalanka Kooxo uu sheegay inay cadow ku yihiin jiritaanka dowlada KMG ah.

Gobolka Gedo ee Koofurta Soomaaliya ayaa waxa ka socda howlgallo balaaran oo ka dhan ah Kooxda Al Shabaab.



Garbaaharey: Khamiis March 1, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta): Xalay ilaa saakay waabarigii ayaa dagaal u dhaxeeyay Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya, Ahlu Sunna oo dhinac ah  iyo Xarakada Al Shabaab waxa uu ka dhacay Magaalada Garbahaarey ee Xarunta gobolka Gedo halkaasi oo maalmihii u dambeeyay ay ka jireen dhaq dhaqaaqyo ciidan iyo xiisado dagaal oo u dhaxeeya dhinacyadaasi.

Dagaalka ayaa ka bilowday kadib markii Ciidamo ka tirsan Al Shabaab ay weerar Madaafiic ah ku qaadeen Magaaladaasi taasi oo sida la sheegay waxyeelo u gaysatay Xarumaha Caafimaad iyo guryo ku yaala Magaaladaasi, waxaana intaasi kadib qarxay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan.

Ku dhawaad 10 ruux oo dhinacyadii dagaalamayay ahaa ayaa ku geeriyooday tiro intaasi ka badanna way ku dhaawacmeen, waxaana Saraakiil ka tirsan Ururka Al Shabaab ay sheegeen inay dagaalkii xalay ilaa saakay waabarigii ay ku dhabar jibiyeen Ciidamada dowladda KMG ah islamarkaana danihii ay lahaayeen ay ka gaareen.

Sidoo kale Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda KMG ah oo ku sugan Magaalada Garbahaarey oo aan kula xiriirnay qadka Taleefonka ayaa waxa ay ka gaabsadeen inay faah faahin ka bixiyaan dagaalkaasi.

Qal qal iyo cabsi ayaa soo wajahay qoysas badan oo ku nool gudaha Magaaladaasi oo ay saameyn ku yeesheen dagaaladaasi, waxaana saakay lagu soo waramayaa in xaaladda ay ka yara dagantahay sidii hore islamarkaana Magaalada ay gacanta ku hayaan Ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa Ahlu Sunna Waljamaaca.

Dagaalkaani ayaa qeyb ka ah kuwa inta badan ka dhaca deegaanada ay  ka kooban yihiin  gobolada Jubbooyinka iyo Gedo, iyadoo dhinacyada halkaasi ku dagaalama mar waliba ay warbaahinta u jeediyaan inay guulo kala gaareen, hase ahaatee aan lays waydiin qasaaraha dagaaladaasi kasoo gaara dadka shacabka ah.



Xagar-dheer: Khamiis March 1, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta):  Wararka laga helayo Xerada Qaxootiga ee Xagar-dheer ee dalka Kenya ayaa waxa ay sheegayaan in howlgallo Roondo ah oo ay Ciidamada Kenya ka sameeyeen Xeradaasi ay kusoo qab qabteen ku dhawaad 50-dhalinyaro Soomaali ah kadib markii bam aan qarxin lagu arkay meel u dhow Saldhiga Ciidamada booliska Kenya ay ku leeyihiin Xeradaasi.

Sida Idaacadda Shabelle uu u sheegay goobjooge ku sugan halkaasi, Ciidamada Kenya ayaa waxa ay howlgalkooda ku qab qabteen qeyb ka ah ganacsato soo maali ah oo laga soo qab qabtay goobahoodu ganacsi, isagoo tilmaamay in Ciidamada ay bililiqo xoog leh u gaysteen agabyadii ganacsi oo ay lahayeen ganacstadaasi sida uu hadalka u dhigay.

Goobjoogaha ayaa waxa uu intaasi ku daray in Ciidamada ay isugu jireen Militari iyo boolis, isagoo sheegay in dadka la qab qabtay qaarkood Ciidamadu ay u gaysteen jirdil aad u xoogan qaarkoodna ay ka baxsadeen iyagoo ay ka muuqanayaan waxyeelo ay u gaysteen Cidamadaasi, waxaana arintaani ay walaac ku abuurtay qaxootiga Soomaalida ah ee ku sugan halkaasi.

Xerada Xagar-dheere oo ka mid ah Xerooyinka Qaxootiga ee ku yaala dalka Kenya ayaa waxa in badan kusoo laab laabtay falal liddi ku ah ammaanka, waxaana Safiirka dowladda KMG Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya oo u waramayay Idaacadda Shabelle uu sheegay in in ay kasoo raynayso xaaladda ammaan iyo midda nololeed ee kajirta xeradaasi.



Muqdisho: Arbaco February 29, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta): Guddiga Warfaafinta barlamanka KMG Soomaaliya ayaa cambaareeyay dilkii Agaasimihii Idaacadii Soomaaliweyn, isagoo ugu baaqay dowladda in ay jawaab ka bixiso arintaasi.

Xildhibaan Yaasiin Max’ed Bucul oo ah Afhayeenka Gudiga Warfaafinta barlamanka oo la hadlayey Shabelle ayaa waxa uu si kulul u cambaareeyay dilkii habeenkii xalay ahaa loogu gaystay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho Agaasimihii Idaacadii Somaliweyn Allaha u naxariistee Abuukar Xasan Kadaf.

Yaasiin Bucul ayaa dhacdadaasi waxa uu ku tilmaamay ayaan daro hor leh oo soo wajahday bahda Warbaahinta, indheer garadka iyo dadka kale ee wax ku oolka u ah bulshada Soomaaliyeed.

Afhayeenka Guddiga Warfaafinta barlamanka ayaa cambaareeyay dilka waxuushnimada ahaa loo gaystay Kadaf, isagoo codsaday in dadkaasi Maxkamad lasoo taago islamarkaana sharciga la marsiiyo.

Afhayeenka Gudiga Warfaafinta barlamanka ayaa ugu dambayn waxa uu ku cel celiyay in dowladda looga baahan yahay in ay il gaar ah ku eegto dhibaatooyinka loo gaysanayo Saxaafadda ayna siiso qiimayn iyo tixgalin, isagoo xusay in horay Saxaafiyiin iyo Agaasimayaal uu ka mid ahaa Agaaasimihii Shabelle Xasan Fantastic oo lagu dilay Muqdisho aysan waxba ka qaban dowladda KMG, waxaana uu ugu baaqay in ay baaritaano samayso islamarkaana ay jawaab cad ka bixiso dilalka soo noqnoqday ee ka dhanka Bahda Saxaafadda.

Fiidnimo xalay ayey ahayd markii rag hubeysan ay ku dileen Agaasimihii Idaacadii Somaliweyn ee burburtay sanadkii 2010 meel aan ka fogeen hoygiisa oo ku yaalla Xaafadda Xaawo Taako ee degmada Wadajir, iyadoo la xasuustoo in dhawaan waqtiyo aan kala fogeyn Muqdisho lagu dilay sidaan oo kale C/salaan Xiis iyo Xasan Cismaan Cabdi Fantastic.

Norway: Arbaco February 29, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta): Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa  yiri “ Shirarkaas Wadatashiga waxey keeneen in Soomaalida ay si aad ah isagu soo dhowaadaan isla markaana ay meel uga soo wada jeestaan sidii Dastuurka loo ansixin lahaa, isla markaana dib-u-habeyn loogu sameyn lahaa
baarlamaanka. Shacabka Soomaaliyeed waxey naga sugayaan Baarlamaan Tayo leh oo matali kara shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ka saari kara dalka marxaladdan adag.
Xulidda Baarlamaanka cusub iyo Golaha Deegaanka waxaa iska leh dhammaan qeybaha kala duwan ee shacabka Soomaaliyeed, mana dhici doonto koox gaar ah ama shaqsiyaad cayiman inay soo xulaan Xildhibaanada Mustqbalka.

Horumarkii baaxadda lahaa ee aan ka sameynay amniga oo Muqdisho, Baledweyn, Baydhabo, iyo goobo kale looga saaray Al-Shabaab, iyo maamul wanaagii aan la nimid waxuu keenay in beesha caalamka ay noo soo jeestaan. Waxaan uga mahadcelineynaa Ra’iisul Wasaaraha UK shirkii London ka dhacay 23ka Febraayo oo beesha caalamka isu keenay, isla markaana mideeyey mowqifkooda ku wajahan Soomaaliya. Sidoo kale waxaan u mahadcelineynaa dhammaan mas’uuliyiintii ka soo qeybgashay shirka London. Fursadan Dahabiga ah ee David Cameron noo sameeyey waa inaan ka faa’iideysanaa oo ka miro dhalinaa. Cid allaale cidii is-hortaagta geedi socodka nabadda iyo dhaqangelinta Roadmapkana waa in meel looga soo  wada jeestaa isla markaana ay Beesha Caalamku ka qaadaan tallaabo adag. Ma dhici doonto in horumarka Shacabka Soomaaliyeed caqabad lagu noqdo, waana inay dhammaataa waqtigii dambi inta la galo ummadda lagu sii dhexjiro.

Soomaaliya waxey ku soo jirtay KMG muddo ka badan 10 sano, waxaana la joogaa waqtigii uu shacabka Soomaaliyeed uu heli lahaa Dowlad Rasmi ah oo u adeegta shacabka
Soomaaliyeed.

Puntland State: Arbaco February 29, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta):  Saraakiisha amaanka maamulka Puntland ee magaalada Boosaaso ayaa sheegay iney gacanta ku dhigeen gaari xamuul ah oo hub iyo saanado milateri u waday dagaalyahanada uu hogaamiyo wadaad diimeedka Shiikh Maxamed Saciid
Atam ee fariisimaha ku leh buuraha degaanka Galgala ee gobolka Bari.

Wasiirka amniga ee maamulka Puntland Khaliif Ciise Mudan ayaa sheegay in gaarigaas ay gacanta ku dhigeen ciidamada amaanka maamulka Puntland xilli uu marayey
deegaano ku yaala duleedka magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, isagoo ku sii jeeday dhinaca buuraleyda Galgala, wuxuuna wasiirku xusay in gaarigaas markii la baaray laga helay hub fara badan.

“Gaariga iyo hubkii uu wadayba waxay hadda yaalaan xarunta ciidamada Booliska Boosaaso, waxaana loo waday hubkaas kooxaha argagxisada ah ee ku dhuumanaya buuraha Galgala sida ay inoo sheegeen saddex nin oo gaarigaas aan ku qabanay, waxaana weydiinaynaa su’aalo kale oo ku saabsan halka hubkaas ay ka keeneen iyo cida u soo dhiibtay” ayuu yiri khaliif Ciise Mudan wasiirka amniga Puntland. Wasiirka ayaa u hamblayeeyey ciidamadii fuliyey howlgalkaas lagu qabtay gaariga hubka u waday Shiikh Atam iyo kooxdiisa, isagoo ugu baaqay iney sii xoojiyaan dedaalka ay ugu jiraan iyo waajibaadka ka saaran sugida amaanka magaalooyinka maamulkaasi uu gacanta ku hayo, isagoo ugu baaqay shacabka deegaanadaas ku dhaqan iney gacan siiyaan ciidamada amaanka.

Dagaalyanada ku jira buuraleyda degaanka Galgala oo ku yaala galbeedka magaalada Boosaaso ayaa waxaa hogaamiya wadaad diimeed mayal adag oo lagu magacaabo
Shiikh Maxamed Saciid Atam, waxaana mudooyinkan ay dagaal kala horjeedeen ciidamada maamulka Puntland, waxayna dhowaan ku dhawaaqeen iney la midoobeen Xarakada Al-shabaab oo iyada lafteeda xili ka sii horeeyey shaacisay iney ku biirtay Ururka Al-Qaacida.


Mandheera: Arbaco February 29, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta): Ciidamada dowladda Kenya ayaa howlgal lagu qabtay dad Soomaali ah ka sameeyay magaaladaasi kadib markii shalay uu halkaasi ka dhacay weerar qasaaro gaystay oo lagu qaaday fariisimo ciidamada Kenya ay ku leeyihiin halkaasi.

Kadib weeraro dad ay ku dhinteen oo shalay ka dadhacay degmada Mandheera ee gobolka Waqooyi barri Kenya ayaa ciidamada amaanka Kenya waxa ay sameeyeen howlgalo iyo roondooyin lagu xaqiijinayo amaanka islamarkaana lagu baadi goobayo dadkii ku lugta lahaa weeraradii shalay ka dhacay halkaasi.

Ciidamada ayaa la tilmaamay in howlgaladooda ay ku soo qabqabteen ku dhawaad 10-ruux oo dhalinyara ah oo ay ku eedeenayaan in ay ku lug lahaayeen weeraradii loo adeegsaday qaraxyada iyo bastooladaha ee lala beegsaday ciidamada Kenya kuwaasi oo loo taxaabay xabsi ciidamada Kenya ay ku leeyihiin degmada Mandheera.

Dhalinyarada ciidamada Kenya ay gacanta ku dhigeen ayaa la tilmaamay in ay u badan yihiin dhalinyaro Soomaali ah iyadoo wararka qaar ay tilmaamayaan in dadka ciidamada Kenyaatiga ay qabteen ay ku jiraan dhalinyaro Kenyaan ah oo iyana howlgalka lagu soo qab qabtay.

Xabsiyada dalka Kenya waxaa ku jira dad aad u farabadan oo ciidamada Kenya ay kusoo qabqabteen howlgalo ay ka sameeyeen  magaalooyin waa weyn  oo ku yaalla dalkaasi Kenya iyadoo ay xusid mudan tahay in dadkaasi oo isugu jira dhalinyaro iyo ganacsato Soomaali ah ilaa haatan aan lasoo taagin wax maxkamad ah

Howlgaladii ugu dambeeyay oo ciidamada Kenya ay ka sameeyeen degmada Mandheera ayaa imaanaya xili shalay weerar loo adeegsaday Bambooyin iyo baastoolado kooxo hubaysan ay la beegsadeen ciidamo ka tirsan kuwa Kenya oo ku sugnaa nawaaxiga suuqa sarifka Mandheera iyadoo weerarkaasi kooxaha geystay ay ku dileen mid ka mid ah ciidamada Kenya.



Nairobi: Muqdisho: Arbaco February 29, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta): Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa waxa ay sheegtay in ay soo hagaageyso xaaladda amaan ee Xerooyinka Qaxootiga Soomaalida ee dalka Kenya oo falal amni daro ay ka dhaceen dhowr jeer oo hore.

Isagoo u waramayey Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Max’ed Cali Ameeriko ayaa waxa uu sheegay in ay soo hagaageyso xaaladda amaan ee Xeryaha ay ku nool yihiin Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaasi halkaasi oo horay ay uga dhaceen falal amni daro oo dilal iyo qarxyo ay ka mid ahaayeen.

Safiirka ayaa sheegay in Xerada Dhadhaab oo ka mid ah Xeryaha Qaxootiga dalka Kenya ay soo hagaageyso xaaladooda amaan taasi oo uu sheegay in ay ku timid codsi Safaaradda ay u
dirtay dowladda Kenya oo ku aadanaa in la xaq dhooro Qaxootiga Soomaaliyeed oo ay aqbaleen iyo Qaxootiga oo dhankooda balan qaaday in ay la shaqeynayaan ciidamada amaanka dalkaasi.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Max’ed Cali Ameeriko ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in Hay’adaha gar gaarka ee ku sugan magaalada Nairobi ay ka codsadeen in ay gar gaar gaarsiiyaan meelihii dhawaan laga saaray Xarakada Al Shabaab taasi oo uu sheegay in ay ka aqbaleen Hay’adahaasi.

Waxii ka dambeeyay markii ciidamada dowladda Kenya ay soo galeen meelo ka mid ah Soomaaliya bishii October ee sanadkii tahay ayaa Xeryaha Qaxootiga Soomaalida ee dalka Kenya waxaa ka dhacay falal lidi ku ah amaanka oo ay ka mid yihiin qaraxyo iyo dilal qorsheysan taasi oo ugu dambayntii keentay in qaar ka mid ah Qaxootiga ay banaayeen xeryahaasi.


Muqdisho: Talaado February 28, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta): Kooxo hubeysan ayaa caawa degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ku dilay Allaha u naxariistee Agaasimihii Idaacadii Somaliweyn ee magaalada Muqdisho taasi oo burburtay markii ay qalabkeedii qaateen Al Shabaab.

Allaha u naxariistee Maqribnimadii caawa ayaa kooxo hubeysan oo bastoolado wata waxa ay ku toogteen degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho Agaasimihii Idaacadii Somaliweyn ee magaalada Muqdisho Abuukar Xasan Kadaf.

Xiliga uu dhacayey dilka Kadaf ayaa waxa uu ku sugnaa Irida hore ee Gurigiisa oo ku yaalla degmada Wadajir gaar ahaan Xaafadda Xaawo Taako, waxaana dadka dilka gaystay la sheegay in ay ahaayeen labo nin kuwaasi oo markii ay dilka gaysteen ka baxsaday goobta.

Goobjooge ku sugnaa goobta uu dilka ka dhacay ayaa u sheegay Shabelle in goobta lagu dilay Agaasimihii Idaacadii Somaliweyn ciidamo ka tirsan Maamulka degmada Wadajir kuwaasi oo baaritaano ka sameeyay Xaafadda uu dilka ka dhacay balse ay u suura gali weysay in ay gacanta ku dhigaan kooxahaasi.

Abuukar Xasan Kadaf ayaa Agaasimo ka ahaa Idaacadii Somaliweyne ee magaalada Muqdisho oo burburtay bishii May ee sanadii 2010 markii Al Shabaab ay qaateen qalabkii ay ku shaqeynaysay Idaacadaasi oo ku taalay degmada Shibis ee magaalada Muqdisho xili halkaasi uu ka socday dagaal u dhaxeeyay dowladda iyo Al Shabaab. 


Muqdisho: Talaado February 28, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta): Gudiga cadaaladda barlamanka KMG Soomaaliya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay guddi Dastuur oo dhawaan la sheegay in uu ku dhawaqay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG ah.

Gudoomiye ku xigeenka guddiga cadaaladda barlamanka KMG Soomaliya Cali Max’ud Faarax (Cali Seeko) oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in guddiga Dastuurka uu dhawaan magacaabay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya uu yahay mid waxba kama jiraan ah oo aan wax sharci ah ku fadhin sida uu sheegay.

Cali Max’ud Faaax Cali Seeko ayaa waxa uu sheegay in uu jiro guddi Dastuur uu barlamanka ansixiyay sidaasi darteedna waxa uu shaaca ka qaaday in guddigii dhawaan uu magacaabay Ra’iisul wasaare C/wali Max’ed Cali Gaas uu yahay mid aan la horkeenin barlamanka islamarkaana aan la ansixin.

Gudoomiye ku xigeenka guddiga cadaaladda barlamanka KMG Soomaliya ayaa waxa uu sheegay in Ra’iisul wasaraha iyo waliba Wasiirka Dastuurka aysan awood u laheyn inay magacaabaan guddi Dastuur, hase ahaatee waxa uu tilmaamay in Ra’iisul wasaaraha iyo Wasiirkuba aysan doonayn inay ku dhaqmaan shuruucda u degsan Axdiga KMG ah.

Muddooyinkii dambe ayaa waxa jiray is qab qabsi la xiriira Dastuur u sameynta dalka Soomaaliya, iyadoo aan la’ogayn halka ay ku dambeyn doonto is qab qabsiga la xiriira Dastuur u sameynta dalka Soomaaliya oo la shaki galiyay cidda xaqa u leh inay ka shaqeyso dhamaysitrka Dastuurka Soomaaliya maadama wadanka ay ka jiraan guddiyo loo kala magacaabay arrimahaasi oo qaarkood ay yihiin kuwa kalsooni ka haysta barlamanka KMG Soomaaliya.


Muqdisho: Talaado February 28, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta):  Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa waxa ay sheegtay in ay dhamaystirayso qabyo qoraaklka dastuurka Soomaaliya ka hor bisha August oo ka eg Waqtiga dowladda haatan jirta.

Kadib Shir jaraa’id oo maanta si wadajir ah ay ugu qabteen magaalada Muqdisho Wasiiro dowlaha iyo wasiir ku xigeenka Wasaaradda dastuurta iyo arimaha Federalka iyo Gudoomiyaha Guddiga dastuurka Madaxa banaan ee Soomaaliya ayaa waxa ay shaaciyeen in sida ugu dhaqsiyaha badan loo dhamaystiri doono dastuurka qabyo qoraalka Soomaaliya.

Wasiiro dowlaha Wasaaradda dastuurka dowladda KMG Xasan Max’ed Jimcaale oo Shirka jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in bisha August oo la filayo in lasoo dhiso dowladda cusub ka hor si wanaagsan loo soo saari doono dastuur cusub oo uu yeesho dalka Soomaaliya islamarkaana laga helayo qof kasta oo Soomaali ah xaquuqdii uu ku lahaa.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda dastuurka iyo arrimaha Federalka C/karaaiin Buux oo isna Shir Saxaafadeedkaasi ka hadlay ayaa sheegay in wadatashiga dastuur u samaynta Soomaaliya lagu baahin doono goboladii u dambeeyay ee la xureeyay sida uu sheegay, isagoo tilmaamay in waxyigalinta bulshada arimaha la xiriira dastuurka loo adeegsan doono qalabka Warbaahinta.

Ugu damebeyn C/laahi Jaamac oo ah Gudoomiyaha Guddiga dastuurka Madaxa banaan oo marka magaciisa lasoo gaabiyo loo yaqaano IFCC ayaa waxa uu sheegay xili uu ka hadlay safar uu ku yimid magaalada Muqdisho in Soomaaliya ay usoo gaareen sidii loo dhamaystiri lahaa dastuurka qabyo qoraaleedka islamarkaana looga dhigi lahaa dastuur rasmi ah oo shaqeeya.


Muqdisho: Talaado February 28, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta): Taliska Ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay inay qaraxii shalay ay ka dambeeyaan Kooxda Al Shabaab.

C/laahi Cali Caanood oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa ugu horeyn waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay qaraxii shalay ka dhacay Garoon lagu cayaaro ku badda Cagta ee ku yaala degmada Wardhiiglay ee gobolka Banaadir kaasi oo uu ku eedeeyay inay ka dambeeyeen kooxo uu ku sheegay inay yihiin arxan laawayaal sida uu hadalka u dhigay.

Taliyaha gaaska koowaad ee Ciidamada xooga dalka ayaa waxa uu sheegay in dadka shacabka ah ay u balan qaadayaan in talaabo ay ugu aargudayaan qaraxii shalay ay ka qaadayaan Al Shabaab iyo Al-qaacidda oo uu xusay inay cadow ku yihiin jiritaanka shacabka Soomaaliyeed.

C/laahi Cali Caanood ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in uu socdo baaritaano ku aadan cidda ka dambeysay qaraxa, isagoo xusay in gacanta lagu dhigay qaar ka mid ah dad ay ku tuhmayaan in qaraxaasi ay ka dambeeyeen, waxaana uu tilmaamay in dib laga soo sheegi doono markii ay dhamaadaan baaritaanada socda.

Ma’ahan markii ugu horeysay oo qarax ay waxyeelo kasoo gaarto dad rayid ah uu ka dhaco Magaalada Muqdisho, hase ahaatee arinta lala yaabo aya waxa ay tahay in goob lagu cayaaro ku badda cagta laga fuliyo qarax maadaama ciyaartoyda iyo taageerayaashuba aysan ku lug laheyn siyaasadda Soomaaliya


Qaahira: Isniin February 27, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta): Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/qaasim Salaad Xasan ayaa waxa uu kaga soo horjeestay soo galitaanka ciidamada wadamada dariska ah ay soo galeen dalka Soomaaliya.


Waraysi u qadka taleefanka ku siiyay Warbaahinta ayaa waxa uu kaga hadlay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/qaasim Salaad Xasan isaga oo ku sugan magaalada Qaahira ee dalka Masarkk Ciidamada wadamada dariska ah ee ku sugan Soomaaliya, dagaalad iyo Shirarkii dhacay dalka iyo dibadiisa.


C/qaasim Salaad Xasan ayaa cadeeyay in uu ka xun yahay soo galitaanka ciidamada Ethiopia ee gudaha dalka oo uu sheegay in aysan waxba soo kordhineyn, isagoo sheegay in uu ogaa iyadoo Golaha amaanka QM uu horay u go’aamiyay  in ciidamo safka hore ah aysan gali karin Soomaaliya taasi oo uu sheegay in uusan garaneyn goor la badalay, waxaana arin marmarsiyo dalka lagu soo galayo uu ku tilmaamay ladagaalanka Shabaab.


Dagaalada ka soconaya dalka ee u dhaxeeya dowladda iyo Shabaab mar uu soo hadal qaaday ayaa waxa uu sheegay Madaxweynahii hore ee dowladda KMG in ay sababeen dhimasho, dhaawac iyo barakac. waxaana si looga gudbo dhibaatooyinkaasi uu ugu baaqay in Umada Soomaaliyeed in ay tashato.


C/qaasim Salaad Xasan ayaa waxa uu sheegay in loo baahan yahay in il gaar ah lagu eego go’aanadii kasoo baxay Shirarkii ka kala dhacay Garoowe iyo magaalada London, waxaana uu ka digay in xubnaha  barlamanka cusub Augusta kadib ay noqdaan dad aan aqoon lahayn oo oo aysan u dhameen bulshada, isagoo taa badalkeeda soo jeediyay in lasoo xulo dad aqoon leh oo ay soo xuleen Odayaasha, Waxgaradka, Culumada iyo qeybaha kale ee bulshada.




Muqdisho: Isniin February 27, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta): Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya ayaa ugu baaqay Saraakiisha ciidamada dowladda in ay talaabo ka qaadaan askarta dhibaateysa dadka shacabka ah.


Shir jaraa’id oo shalay uu ku qabtay magaalada Muqdisho madaxweynaha dowladda KMG Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxa uu ku sheegay in Saraakiisha ciidamada dowladda looga baahan yahay in ay talaabo ka qaadaan askarta dhibaateysa dadka shacabka ah ee ku nool deegaanada ay dowladda la wareegtay.


Sheekh Shariif ayaa waxaa uu sheegay in uu soo dhaweynayo guulaha dowladda KMG Soomaaliya iyo ciidamada teegeera ay ka gaareen Shabaab kuwaasi oo uu sheegay in uu uga mahad celinayo ciidamada, isagoo Madaxweynaha ka digay in dhibaataynta dadka shacabka ah.


Madaxweynaha ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in qorshaha uu yahay ciidamada Ethiopia ay xuduudooda ku laabtaan marka ciidamada AMISOM ay la wareegaan deegaanada qabteen, waxaana soo dhaweeyay Qararkii Golaha amaanka QM uu ku kordhiyay tirada ciidamada AMISOM ee soomaaliya.


Mar uu soo hadal qaaday Arimaha Maamulka Somaliland ayaa waxa uu sheegay in ay fursad wayn u ahayd Umada Soomaaliyeed kasoo qeyb galkii Maamulkaasi ee Shirkii London , waxaana uu sheegay in ay rajeynayaan in wada hadalaan.




London: Isniin February 27, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta): Dowladaha Ingiriiska iyo Holland ayaa waxa ay ku heshiiyeen in la dhimasho Hay’adda ka qeyb qaadata ladagaalanka burcad badeeda Soomaaliya taasi oo fadhigeeda noqonayo Badweynta India.


Kulan ay ku yeesheen Magaalada London ee Xarunta dalka Britain Xoghayaha Arimaha Dibadda Ingiriiska William Hague iyo dhigiisa Holland Uri Rosenthal ayaa waxa ay isku raaceen in la dhiso hay’add la socota xaladda Burcad badeeda oo saldhigeedu noqonayo Jasiirada Badd weynta India ku taala ee Seychelles.


Dowladda UK ayaa sheegtay in ay bixin doonto lacag hor dhac ah oo ay ugu tala gashay RAPPICC 550,000 Bond iyo sidoo kale in ay magacaabi doonto agaasimaha ugu horeeya  ee Hay’adda, iyadoo Holland ay dhankeeda xustay in ay bixin doonto 300,000 Yuuro ah taas oo lagu saacidi doono howlaha hay’addan.


Labada dal wax ay isku raaceen in ay bixinyaan dhaqaalaha lagu yagleelayo dhismaha hay’addan oo Magaceeda lagu sheegay Marka la soo gaabiyo RAPPICC taas oo qaban doonta howla badan oo ku aadan falalka burcad badeednimada ah sida


William Hague oo hadalayay ayaa sheegay in burcad badeedu ay tahay mid keeneysa xasilooni darada ka jirta dalka Soomaliya isagoo farta ku fiiqay lagama maar manimada siiwadida dagaalka lagu la jiro burcad badeeda


“Waan ognahay dhibaatada burcad badeednimada laguma xali karo taalaabooyin laga sameeyo badda oo kali ah, maxaa yeelay waxyaabaha sababay abuur masha burcad badeednimada ayaa ka jira bariga marka taas xal matahay” William Hague ayaa sidaas sheegay.


Britain ayaa dhawaan marti galisay kulan ay ka soo qeyb galeen hogaamiyaal ka socda beesha caalamka kaas oo looga hadlayay xaalada dalka Soomaliya oo ay ugu horeeyso Burcad badeeda.


London: Sabti February 25, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta): Waxaa hada si toos ah ugu socda magaalada Londan xaflad weyn oo ay soo qaban qabiyeen jaaliyada
Soomalida Londan taa oo ay ka qeyb galeen hogaanka ugu sareeyo dowlada Soomaaliya sida Madaxweynaha Soomaaliya Sheikh Shariif ,Gudoomiyaha Barlamanaka
xilkiisa murinka ku jira iyo Wasiirka koowaad ee Soomaaliya






London: Sabti February 25, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta): Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh axmed oo la hadlayey boqolaal dad weyne ah oo ka tirsan Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Ingiriiska ayaa waxa uu sharaxaad ka bixiyay qodobadii kasoo baxay Shirkii lagu soo gabagabeeyay magaalada London ee Xarunta dalkaasi.


Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxa uu xusay in uu walwal badan la kulmay markii lagu soo wargaliyay in uu kasoo qeyb galo Shirkii London, isaga iyo Madaxda ugu saraysa dalka xili aan loo faah faahin Ajandaha Shirkaasi balse waxa uu sheegay in waxii markaasi ka dambeeyay isku dayay in uu xiriiro kala duwan la sameeyay Madaxda kale Caalamka
taasi oo uu sheegay in ay sahashay ka qeyb galka Shirkaasi.


Madaxweynaha oo ku dheeraaday ka hadalka ciidamada qaranka ayaa sheegay in waxyaabihii looga hadlay Shirkaasi ay ka mid ahaayeen in la tayeeyo ciidamada Qaranka islamarkaana la qalabeeyo si awood ugu yeeshaan in ay hantaan amaanka dalka, isagoo intaasi ku daray in Caalamka uu aqoonsaday in ay lagama maarmaan tahay in la xoojiyo awooda ciidanka Soomaaliyeed si loo ciribtiro Al Shabaab iyo Al qaacidda oo uu sheegay in ay Caalamka u arkeen in ay tahay caqabada hortaagan dowladda KMG.


Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Ingriiska ayaa si wayn usoo dhaweeyay hadalka uu ka dhawaajiyay Madaxweynaha ee ah in la tayeeyo ciidamada Qaranka,waxaana ay balan qaadeen in ciidamada ay la garab taagan yihiin hiil iyo hoo.




London: Sabti February 25, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta): Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa waxa uu ka digay in lakala qeybiyo gobolada dalka Soomaaliya xili maamulo badan ay ka jiraan dalka Soomaaliya.


Isagoo ka hadlayey Munaasabad ay kasoo qeyb galeen Jaaliyada Soomaaliyeed iyo Madaxda Soomaalida ee ka qeyb gashay Shirkii London Madaxweynaha Maamulka Puntlanad C/raxmaan Faroole ayaa waxa uu ka digay in lakala qeybiyo gobolada dalka Soomaaliya.


Faroole ayaa waxa uu shegay in looga baahan yahay Maamul goboleedyada ka jira in ay wada ogsoonaadaan in dalka uu yahay mid ka wada dhaxeeya Umada Soomaaliyeed balse aysan isku dayin in ay kala qeybiyaan, isagoo sheegay in dhawaan dalka uu ka baxayo hubka Federalka islamarkaana uu noqonayo Jamhuuriyad Soomaaliyeed.


Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu ugu baaqay Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka UK in ay ilaalsadaan caruurtooda islamarkaana aysan ku biirin Al Shabaab, waxaana hadalkaani uu imaanayaa xili dalka ay ka jiraan Maamul goboleedyo badan oo mid waliba uu leeyahay ujeedo isaga u gaar ah.




Muqdisho: Sabti February 25, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta): Taliska ciidamada xooga dalka Soomaaliya oo ka hadlay duqeyn shalay ka dhacday Sh/hoose ayaa waxa uu sheegay in uu soo dhaweynayo cid walba oo ka gacan siinaysa ladagaalanka Shabaab.


Taliyadaha gaaska koowaad ee ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Sare C/laahi Cali Caanood ayaa waxa uu ka hadlay duqeyntii shalay diyaarado dagaal ay ka gaysteen deegaano ka tirsan Sh/hoose taasi oo la sheegay in ay ku geeriyoodeen Somali iyo Ajanabi ka tirsanaa Al Shabaab.


C/laahi Cali Caanood ayaa inkastoo uusan shaacin diyaaradaha duqeynta fuliyay halka laga leeyahay hadana waxa uu sheegay in diyaaradaha ay duqeynta fuliyay ay kasoo kicitameen xeebaha Soomaaliya, isagoo arintaasi ku tilmaamay mid qeyb ka ah dagaalka lagula jiro waxa uu ku sheegay argagixisada Soomaaliya cid walba oo taagereyso dowladana ay soo dhaweynayaan.


Dagaalka lagula jiro Al Shabaab iyo Al qaacidda ayaa waxa uu sheegay Taliyadaha gaaska koowaad ee ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed in uu yahay mid Caalami ah oo badda iyo cirka ah, waxaana uu sheegay Taliyaha in Al Shabaab ay xaaladooda sii xumaatay markii ay shaaciyeen in ay ku biireen Al Shabaab.



Afgooye: Jimco February 24, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta):   Faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa diyaarado dagaal oo aan la gareyn halka laga leeyahay oo duqeymo ka
gaysatay deegaanka Lambar 60-dan ee gobolka Sh.hoose.


Diyaaradaha oo la sheegay inay kasoo dul kaceen Xeebaha Sooamaliya ayaa lagu soo waramayaa in duqeymo ay la dhaceen ilaa 2-gaari Ruuneed ah oo ay wateen Saraakiil isugu jiray Soomaaliya iyo Ajanabi oo ka tirsanaa Al-qaacidda islamarkaana ka amba baxay deegaanka Lambar 60-dan kuna sii jeeday deegaanka Gandarshe ee gobolka Sh.hoose.


Duqeynta waxa la sheegay inay ku geeriyoodeen ilaa 6-dagaalyahanno oo mid ka mid ah la sheegay in uu ahaa  Saraakiil ka tirsanaa  Al Shabaab oo lagu magacaabayay Sheekh Abuukar Xaaji Amad   iyo Sarkaal kale oo Kenyan ah kuwaasi oo la tibaaxay inay usii socdeen deegaanka Gandarshe ee gobolka Sh.hoose.


Wararka qaar ayaa sheegaya in duqeynta ay ku dhinteen Sheekh Axmed Takar oo ah hogaamiye ka tirsanaa Al Shabaab iyo saraakiil Ajanabi ah iyo sidoo kale darawalkii gaariga u waday, kuwaasi oo la sheegay in ay saarnaayeen gaariga bamka lagu dhuftay.


Majiro wax war ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab oo ku aadan duqeymahaasi, hase ahaatee waxa cabsi iyo wal wal uu soo wajahay dadka ku nool deegaanka Gandarshe ee gobolkaasi oo arkayay diyaarado dagaal oo joog hoose ku duulaya maadama ay ay ku sugan yihiin Ciidamo ka tirsan Al Shabaab.


Ururka Midowga Yruub iyo Ururo kale ayaa dhawaan shaaciyay inay qorshaynayaan duqeymo xoogan ay la beegsadaan Xarumaha Al-qaacidada Soomaaliya ee Al Shabaab, iyagoo sheegay in xilligaani lagama maarmaan ay tahay la dagaalanka Ururadaasi.


Dowladda Maraykanka ayaa shaaca ka qaaday inay ballaarinayso duqeymaha dhinaca hawada ay oo ay diyaaradahoodu ka gaystaan Soomaaliya gaar ahaan goobaha ay ku badan yihiin Al-qaacidada Soomaaliya ee Al Shabaab.




Mogadishu: Jimco February 24, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta): Qaramada Midoobay ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya ay haystaan fursad wanaagsan oo dalka looga soo dabaali karo nabad iyo kala dambeyn.


Xoghayaha guud ee QM Ban Ko Moon oo ka hadlayay shirkii ku soo gabagaboobay magalada London ee  casimadda dalka Ingiriska ayaa sheegay inkooxaha isku haya siyaasadda Soomaaliya ay hortaallo fursad ay kaga bixi karaan dhibaatada mudada dheer haysatay.


Ban Ki Moon ayaa tibaaxay inay xilligan Soomaalidu ay haystaan fursad ay kaga bixi karan dhibatoyinka dagalada, faqriga iyo sidii ay ku heli lahaayeen dowladmidnimo qaran, loona baahanyahay ina ka faa’ideystaan.


Xoghayaha ayaa sheegay in caalamku uu diyaar u yahay sidii uu u caawin lahaa shacabka Soomaliyeed, ayna ka go’antahay so celinta ammankii iyo kala dambeyntii iyo la dagalanka kuwa kawada rabshadaha dalka Somalia.


Ugu dambeyn ayaa Ra’iisul wasaaraha dowladda Ingiriiska oo soo gaba gabeynayay shirkii ka dhacay Magaalada London gaar ahaan Aqalka Lancaster House waxa uu  sheegay in Qaxootiga Soomaaliya ay sii nayaan lacag gaaraya 15-kun oo gani oo u dhigantay 80-kun oo dollar-ka Maraykanka ah.



Mogadishu:
Jimco February 24, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta):

Taliska Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay ka digay in Ciidamada qalabka sida ay dhibaateeyaan dadka shacabka ah ee ku sugan Magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka Soomaaliya.

Taliyaha Ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed Janaral C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa waxa uu sheegay in marna dowladda KMG ah aysan aqbali doonin in shacabka dhibaatooyin kala duwan ay kala kulaam Ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed.


C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa sheegay in talaabo cad ay ka qaadayaan cidii dhibaataysa shacabka ku dhaqan gobolada dalka, isagoo xusay in maalmahaan ay soo bateen rag ku labisan
dareeska Ciidamada dowladda oo dhibaato u gaysta dadka shacabka ah, waxaana uu carabka ku dhuftay in wax badan ay ka qabanayaan arrimahaasi.


Hadalkani ayaa imaanaya xilli inta badan degmooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho lagu dhibaateeyo dadka shacabka, iyagoo dadkaasi ay ka cabanayaan rag ay sheegeen inay ku labisan yihiin dareeska Ciidamada dowladda islamarkaana mararka qaar kula dhaq dhaqaaqa dil iyo dhac baahsan.




London: Khamiise February 23, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta): Ra’iisul wasaaraha dalka Ingiriiska Mudane David Cameron yaa maanta furay shirkii Soomaaliya ee uu ugu baaqay caalamka inay wax ka qabtaan arrintan Soomaaliya inta aynan wax u dhimin amniga adduunka neeshaasoo 21 sanno aan dowlad rasmi ah yeelan. Waxaa shirkan ka soo qaybgalay dad badan oo madax ah kuwaasoo raba inay xaliaan dhibka Soomaaliya.




London: Khamiise February 23, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta): Magaalada Lancaster House ee bartamaha London ayaa ka socda shirka ay soo qaban qaabisay
dowladda Ingiriiska islamarkaana ay ka qeyb galayaan inka badan 40-dal oo doonaya inay ka wada hadlaan xaaladaha Soomaaliya.


Shirka ayaa furay Ra’iisul wasaaraha dowladda Ingiriiska David Cameron kaasi oo ku dheeraaday ka hadlay xaaladaha Soomaaliya iyo sida looga bixi lahaa dhibaatooyinka ka jira
Soomaaliya.


David Cameron ayaa u mahadceliyay dhamaan ka qeyb galayaasha shirka, waxaana uu tibaaxay in qorshaha siyaasadda ay ku xiran tahay is aaminaad.


Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon ayaa ka hadlay shirka oo u mahadceliyay dhamaan ka qeyb galayaasha shirkaasi, isagoo ku baaqay in lagama maarmaan ay tahay talaabo loo qaado dhinaca ammaanka ah.


Sidoo kale Madaxweynaha dowladda Uganda Yuweri Museveni ayaa ka hadlay shirkaasi, wuxuuna sheegay in laga wanaagsan kala qo qobka siyaasadeed.


Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo halkaasi hadal ka qaatay isagoo ku hadalaya Luqadda Carabiga ah ayaa waxa uu mahad celiyay dowladda Ingiriiska iyo dhamaan dalalkii kasoo qeyb galay shirka.


Mudane Shariif ayaa waxa uu sheegay in dadka Soomaaliyeed guud ahaan ay u baahan yihiin soo celinta nabadda Somaaliya



London: Arabco February 22, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta): Ra’iisul wasaaraha dalka Ingiriiska David Cameron ayaa ka digay khatarta Ururka al shabaab ee ku aadan dalka Somalia iyo guud ahaanba gobolka geeskaAfrika.


David Cameron oo u waramayay laanta Afka Somaliga ee BBC-da  ayaa muujiyay walaaca uu ka qabo dhalinyarada haysata dhalashada dalka Ingiriiska ee asalkoodu yahay somalida ee ka barbar dagalama Al Shabaab.


Ra’iisul wasaaraha dalka Ingiiriska ayaa tibaaxay inay Al Shabaab khatar ku yihiin amaanka dalka Soomaaliya ayna kasoo horjeedaan inay nabad ka dhalato dalka iyagoo hanjabaadyo ujeediyay dalalka dariska la ah Soomaaliya iyo  wadamada kale ee Caalamka.


Dhinaca kale David Cameron ayaa sheegay inay Al shabaab ku bireen Ururka Al qaacidda ayna u diyaar garoobeen inay falal kharibaad ah  ka gaystaan caalamka xiligaana Al shabaab aysan khatar ku ahayn somalia oo kalia hase ahaatee ay khatar ku yihiin guud ahaanba caalamka loogana baahan yahay in si wadajira looga hortago.


Hadalkaan kasoo baxay Ra’iisul wasaaraha dalka Ingiriiska ayaa ku soo beegmaya xili uu dalkaasi Ingiriisku uu marti galinayo shir weyne lagaga hadlayo dhibaatooyinka ka taagan dalka somalia iyo sidii looga hortagi lahaa Al shabaab





Mogadishu: Arabco February 22, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta): In ka badan 100 ruux oo laga soo tarxiilay dalka Sacuudiga ayaa saacadihii lasoo dhaafay soo gaaray magaalada Muqdisho kuwaasi oo markii hore tahriib ku galay dalka Sacuudiga.


Tahriibayaashaani Soomaalida ah ee maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa waxa ay kasoo anbabaxeen dalka Sacuudiga halkaasi oomarkii hore qaab sharci dara ah ay ku galeen.


Tahriibayaasha oo tiradooda ay kor u dhaafeyso 100 ruux ayaa qaar ka mid ah oo la hadlay Shabelle waxa ay sheegeen in mudadii ay ku xirnaayeen xabsiyada dalka Sacuudiga ay la kulmeen dhibaatooyin aad u adag oo ay ka mid yihiin xaalado caafimaad daro oo ku haystay xabsiyadii ay ku jireen sida ay ku waramayaan qaar ka mid ah dadkaasi oo makarafoonka ay la dhex qaaday Shabelle.


Mid ka mid ah Tahriibayaasha oo in muda ah ku sugnaa dalka Sacuudiga ayaa waxa uu tilmaamay in farqi balaaran uu u dhaxeeyo dalka Sacuudiga iyo dalkiisa hooyo ee Soomaaliya, isagoo sheegay in Sacuudiga dhibaatooyin badan ay ku qabaan Soomaalida gaar ahaa dhalinyarada, waxaana uu dhalinyarada Soomaaliyeed uga digay in ay u tahriibaan dalkaasi.


Dalka Sacuudiga ayaa waxa uu ka mid yahay dalalka inta badan ay beegsadaan dhalinyarada Soomaaliyeed halkaasi oo dhibaatooyin badan loogu gaysto Soomaalida islamarkaana ay dadka Soomaaliyeed ee ku nool Sacuudigaay yihiin kuwa dareen cabsi leh ku jooga dalkaasi.



New York: Mogadishu: Arabco February 22, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta): Gudduga  golaha amaanka u qaabilsan Al-qaacidda ayaa la sheegay inay go’aansadeen in ay ka saareen liiska xanibaadda ee Al-qaacidda shaqsiyaadka iyo shirkadaha Soomaalida, Axmed Cali Jimcaale iyo 17 shikadood oo u badan shirkadihii la isku dhihijiray Barakaad Group of Companies” ayuu qoraalku caddeynayaa in ay ka qaadeen xanibaadihii saarnaa.


Qaraarka oo wata lambarka SC/10549 ayaa caddeynaya in hantida, safarada, iyo hubka kuna cadaa qaraarka lambarkkisu ahaa 1989{2011} ee lagu soo rogay magacyada shaqsiyaad iyo shirkadaha hoos ku qorani laga qaadaay. Magacyadaas ayaa u qoran sida tan.


1 Axmed nuur Cali Jimcaale


2 Barakaad Bank of Soomaaliya


3 Albaraka Exchange  L.L.C.


4 Barakaad Telecommunication company


5 Barako Trading Company


6 Al-Barakaad


7 Al-Barakaat Bank


8 Al-Barakaad Bank of Somaliya “BBS”


9 Al-Barakaat Finace Group


10  Al-Barakaad Financial Holding. Co


11 Al-Barakaad global Telecommunications


12 Al-Barakaad Group of telecommunications


13  Al-Barakaat international


14 Al-Barakaat investments


15 Barakaat Group of Companies


16  Barakaat Red-sea of companies


17  Barakaat international companies {BICO}


18 Barakaat telecommunication company Limited.


Waxaa Qaraarkan lagu sheegay in shaqiyaadka iyo shirkadaha laga saaray liiska Al-qaacida lagu gaaray Go’aan ay gaareen guddiga golaha Amaanka u qaabilsan la socoshada hantida, socdaalada iyo hubka ee ururka Al-qaacida


Iyadoo ay jirto taas ayaa misna qaraarkani sheegayaa in Axmed Cali Jimcaale shaqsi ahaantu ku sii jiridoono liiska xanibaadaha ee gaarka ah ee Soomaaliyo iyo Eretria kaas oo aysan sheegin xiliga iyo goorta laga saari doono isagana.


Kow iyo tobankii sanadood oo shirkadahaas oo miisaan weyn iyo miimaba ku lahaa guud ahaan ay xanibnayeen isla markaasna hadda ay timid in liiska xanibaada laga saaro ayaa waxaa nasiib daro ah in aas aasihii shirkadahaasi uu wili ku sii kale oo heer Gobol ah.


Wax garadka iyo dhamaan dadaweynaha Soomaaliyeed ayaa aad ugu faraxsan in ay maqlaan dhawaaqaan farxadda leh iyagoo rajeynaya in inta dhimana laga saaridoona liiska.




Mogadishu: Arabco February 22, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta): Munaasabadaani oo lagu maamuusayey 42 guuradii kasoo wareegatay aas aaskii ciidamada Asluubta Soomaaliyeed oo ay kasoo qeyb galeen Madax sare oo ka tirsan dowladda KMG ayaa waxaa lagu qabtay Gudaha magaalada Muqdisho.


Manaasabada ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xubno ka mid ah Golaha wasiirada ee Xukuumadda KMG Soomaaliya, Saraakiil sare oo ah ciidamada qalabka sida, Kooxda ONKOD ee ciidamada Asluubta iyo kuwa Banda Muusiga, iyadoo halkaasi lagu soo bandhigay Ruwaayado iyo heeso ka turjimaya wax waxtarka ay leeyihiin ciidamada Asluubta Soomaaliyeed.


Wasiiro dowlaha Wasaaradda garsoorka iyo Cadaaladda Sheekh Axmed C/laahi Xuseen (fanax) oo Munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in ciidamada Asluubta Soomaaliyeed ay yihiin Hooyada ciidamada Soomaaliya, waxaana uu sheegay in iyagu ay yihiin kuwa u dhabar adeegay ilaalinta xabsiyada ay ku xiran yihiin dambiilayaasha.


Kusimaha Ra’iisul wasaaraha ahna wasiirka Beeraha Max’ed Max’ud Xaaji oo isna munaasabada ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in aan la qarin karin doorka ciidamada Asluubta Soomaaliyeed, isagoo ku tilmaamay in ay yihiin tababarayaal xirfadeed iyo kuwa u heelan difaaca qaranka Qaranka Soomaaliyeed.


Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed oo la aas aasay 22-kaFeruary maanta oo kale ayaa waxa ay shaqadoodu tahay ilaalinta xabsiyada dowladda KMG iyo tababarida dambiilayaasha lagu soo xiro xabsiyada, waxaanaXaruntooda oo ahayd Xerada Asluubta ee duleedka Muqdisho haatan ka muuqanaya burbur lexaad leh oo ay ku reebeen dagaaladii sokeeye ee ka dhacay Soomaaliya.





Yurkud: Mogadishu: Arabco February 22, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta): Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda KMG iyo Xarakada  Al Shabaab ayaa waxa uu ka dhacay deegaano hoostaga gobolka Bay kaasi oo guulo ay ka sheegatay DKMG.



Dagaalkaani oo galinkii dambe ee maanta ka qarxay inta u dhaxeysa degmada Bardaale iyo Yurkud ayaa waxaa uu u dhaxeeyay ciidamada dowladda KMG ee  soomaaliya kuwa itoobiya oo isku dhinac ah iyo shabaab.



Dagaalkaan ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii dagaalyahaano ka tirsan kooxda  Shabaab ay weerareen gaadiid dagaal oo ay la socdeen ciidamada dowladda iyo kuwa itoobiya iyadoo halkaasi qasaaro isugu jira dhimasho iyo  dhaawac ay kasoo gaartay dhinacyada hardamay.



Saraakiil ka tirsan dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa waxa ay sheegeen in dagaalyahaano ay kaga dileen dagaalkaasi Xarakada shabaab halka ay sheegeen in in ka badan 5 kalana ay nolasha ku qabteen wallow al-shabaab arintaasi aysan ka hadlin.



Wararkii ugu dambeeyay oo haatan naga soo gaaraya deegaano ka tirsan gobalka bay ayaa waxaa ay sheegayaan in ciidamada dowlada KMG ee soomaaliya iyo  kuwa itoobiya ay kaabiga ku hayaan degmada Bardaale oo ay gacanta ku hayaan shabaab, waxaana ciidamada is garabsanaya ee dowladda iyo  itoobiya ay ku sugan yihiin deegaanka lagu magacaabo howlaha guud oo  5-KM u jirta degmada Bardaale ee gobalka Bay.



Dagaalada kasoo cusboonaaday deegaano ka tirsan gobalada Bay iyo Bakool ayaa waxaa ay sameyn ku yeesheen dadka deegaanada colaada ka jirta dagan kuwaasi oo ay soo wajahday cabsi ku aadan in dagaalka uu  saamayn ku yeesho.





Mogadishu: Arabco February 22, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta): Guddiga amaanka barlamanka KMG Soomaaliya ayaa waxa uu ku eedeeyay Madaxda sare ee
dowladda KMG Soomaaliya in ay ku tunteen Axdiga dowladda KMG Soomaaliya.


Isaga oo la hadlayay Idaacadda shabelle ayaa Gudoomiye ku xigeenka gudiga amaanka ee barlamanka KMG  Xildhibaan xuseen Caraale Cadaan waxa uu dhaliil usoo madaxda ugu sareysa dowladda KMG ee soomaaliya


xuseen Caraale Cadaan ayaa waxa uu sheegay in wado sharciga kafog ay tahay in caasimadii dalka ee Muqdisho ay mar qura ka wada maqnaadaan madaxda ugu sareysa dowladda kuwaasi oo uu sheegay inay ku xad guydbeen nidaamka sharciga ah ee dowladda KMG ah, isagoo ku nuux nuuxsaday in ay sharci daro tahay arintaasi.


Gudoomiye ku xigeenka gudiga amaanka ayaa dhinaca kale waxa uu ka hadlay dhibaatada al shabaab ay ku hayaan Umada soomaaliyeed iyo ku biiritaankoodii Al qaacidda, isagoo sheegay in xiligaani dhibaatooyinka ugu badani ay iyagu mas’uul ka yihiin, waxaana uu tilmaamay in shabaab ay sheegteen in aysan soomaali ahayn sida uu tilmaamay Gudoomiye ku xigeenka gudiga amaanka ee barlamanka soomaaliya.


Mas’uuliyiinta ugu sareysa dowladda KMG ayaa haatan dalka safaro kala duwan uga maqan kuwaasi oo qaarkood ay ka qeybgalayaan shirka Lagu wado in maalinta barito ah uu ka furmo magaalada London ee caasimada dalka ingariiska.




Mogadishu: Arabco February 22, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta): Taliska ciidamada xooga dalka Soomaaliya ayaa uga digay shacabka in ay ku dhex dhuutaan Xarakada Al Shabaab oo uu sheegay Taliska in ay dhibaato ku hayaan shacabka.

Taliyaha ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed Jen. C/qaadir Sheekh Cali diini oo Shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu uga digay shacabka in ay kusoo dhex dhuuntaan Xarakada Al Shabaab oo ay qariyaan xili sida uu sheegay Taliyaha la joogo soo celinta qaranimada Soomaaliya.


C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa waxa uu sheegay sidoo kale in ay xaqiijiyeen amaanka magaalada Muqdisho oo uu sheegay in howlgalo ay ka sameeyeen ay kusoo qabteen waxyaabo qarax iyo rag Shabaab ah, isagoo sheegay in ay soo wadayaan howlgaladaasi.


Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ayaa maalmihii u dambeeyay howlgalo lagu xaqiijinayayey amaanka waxa ay ka wadeen magaalada Muqdisho kuwaasi oo ay kusoo qabteen dad iyo hub ay Saraakiisha sheegeen ay qatar ku ahaayeen falalka amni daro.




Asmara: Talaado February 21, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta): Dowladda Eretria ayaa waxa ay cambaareysay howlgalka ciidamada shisheeya ay ka wadaan dalka Soomaaliya oo ay sheegtay dowladda in aysan dan u ahayn Soomaalida.


Hadal kasoo baxay wasaaradda arimaha dibadda dowladda Eritrea ayaa waxa lagu sheegay in xukuumadda Asmara ay cambaareynayso faragalinta shisheeye oo ay tilmaamaytay in lagu hayo dalka Soomaaliya.


Eritrea waxa ay xustay in faragalinta Militari ee ay dalka Soomaaliya ku sameeynayaan  ciidamada wadamada dariska ah ay qeyb ka tahay xasilooni darada ka jirta dalka waxana ay xustay in dadka Soomaliyeed looga baahanyahay in ka hortagaan faragalinta nuucaasi oo kale ah.


Dowladda Eritrea ayaa horay mararbadan u beenisay in ay taageerto xarakada Al Shabaab oo xiriir la leh ururka Al Qacida islamarkaana dooneysa in ay meesha ka saarto dowladda KMG Soomaaliya oo taageero ka helaya Ciidamda Nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM oo hada ku sugan Magaalda Muqdisho.


Warkan kasoo baxay wasaaradda arimaha dibadda dalka Iran ayaa imaanaya xili la filayo in Khamiista soo socota shir looga hadalyo arimaha Soomaliya uu ka furmo maagaalada London ee Caasimada Dalka Ingiriiska kaas oo ay ka soo qeyb gali doona kuwaad 40-dowladood iyo Hay’addo Caalami ah sida la sheegay.



Brussels :Talaado February 21, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta): Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG ah ayaa sheegay in maalmo kooban gudahooda looga saari doono Al Shabaab gobolada ay kaga sugan yihiin dalka Soomaaliya.


C/wali Max’ed Cali Gaas, Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya oo la hadlayay Idaacadda BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga ayaa waxa uu sheegay in ku biiritaankii Al Shabaab ee Ururka Al-qaacidda ay muujinayso waqtigii Al Shabaab ay ka ciribtirmi lahaayeen gudahadalka Soomaaliya.


Ra’iisul wasaare Gaas ayaa waxa uu sheegay in gobolada ay kaga harsan yihiin Al Shabaab dalka Soomaaliya gaar ahaan Bay iyo Bakool maalmo gudahoodu looga saari doono  sida uu hadalka  u dhigay.


C/wali Max’ed Cali Gaas ayaa waxa uu carabka ku dhuftay in dowladaha dariska la’ah Soomaaliya ay dowladda KMG ahka caawin doonaan howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab ee loogana saarayo goboalda dalka, iyagoo ka taageeraya dhinaca Militariga.


Dowladda KMG Soomaaliya ayaa waxa ay guluf colaadeed ugu jirtaa sidii Al Shabaab oo dhawaan ku biiray Urur weynaha Al-qaacida looga saari lahaa dhamaan gobolada ay kaga sugan yihiin dalka Somaaliya.




Brussels :Talaado February 21, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta):  Ururka Midowga Yurub ayaa sheegay in uu sii kordhinayo taageeradii uusin jiray ciidamada nabad ilaalinta Ururka Midowga Afrika AMISOM ee ka howlgallaya\ Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya.


Masuul aan shacinin magiciisa oo la hadlay wargeyska Washington Post ayaa sheegay inay dar dar galinayaan  kalmadii ay siinayeen ciidamada AMISOM  si AL Shabaab ay ugu sifeeyaan goobaha iminka ay dalka kaga sugan yihiin.


Ururka ayaa sheegay in sidoo kale dowladda KMG ah ay ka taageerayaan la dagaalanka Xarakada Al Shabaab iyo sidii ay gacanta ugu dhigi laheyd guud ahaan gobolada dalka oo ay iminka qaarkood gacanta ku hayaan AL Shabaab.


Ugu dambeyn ayaa Ururka waxa uu sheegay in golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay  ay hordhigayaan mashruuc hor leh oo lagu ansixinayo kun askari in lagudaro Ciidamada AMISOM taasi oo tiradeeda ka dhigaysa 18-kun oo askari.




Nairobi :Talaado February 21, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta):  Diyaarad nuuca dagaalka oo howlo basaasnimo waday ayaa la sheegay inay ku burburtay Xuduudda u dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya.


Bayaan ay soo saartay Wasaaradda difaaca ee dalka Maraykanka ayaa lagu sheegay in diyaarad nuuca Sirdoonka ah oo howlo basaasnimo ka waday dalka Sooamaliya ay ku burburtay Xadka u dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Kenya.


Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in in diyaaraddu ay burburtay xilli ay howlo basaasnimo ka waday deegaanka Lomi oo ku yaala inta u dhaxaysa Xuduuda Kenya iyo Soomaaliya,
waxaana la sheegay in burburkaasi diyaaradeed ay ku dhinteen 4-sarkaal oo maraykanka ah islamarkaana la sheegay inay saarnaayeen diyaaraddaasi.


Wasaaradda Bantikonka ayaa tibaaxday in maalmihii u dambeeyay Xuduudda Kenya ay la wadaagto Soomaaliya iyo gobolada ay Maamulaan Al Shabaab ay ka wadeen howlgallo basaasnimo ah si ay ugu soo ururiyaan xog ku aadan Al Shabaab, ulana socdaan dhaq dhaqaaq ay sameynayaan.


Dowladda Maraykanka ayaa wacad ku martay inay kordhinayso duqeymaha dhinaca hawada ah oo ay la beegsanayo goobaha ay ku sugan yihiin Xarakada Al Shabaab maadaama ay tilmaamtay in Al Shabaab ay shaaciyeen inay ka mid yihiin Urur weynaha Al-qaacidda.



Jabuuti: Isniin, February 20, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta):  Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya iyo dhigiisa dalka Jabuuti ayaa maanta waxa ay kulan ku yeesheen Magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti.


Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya oo maanta ka dagay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Jabuuti islamarkaana ay kusoo dhaweeyeen Madaxda ugu sar sareysa dalkaasi ayaa waxa loo qaaday Xarunta Madaxtooyada ee dalkaasi.


Mudane Sheekh Shariif ayaa waxa uu kulan ay saxaafadda dibad joog ka aheyd la qaatay Madaxweynaha dowladda Jabuuti oo ay ka wada hadleen sidii wax looga qaban lahaa kooxaha burcad badeeda Soomaalida iyo dhibaatooyinka kale ee ka taagan Soomaaliya.


Labada Mas’uul ayaa sidoo kale la sheegay inay ka wada hadleen shirka la filayo in 23-ka bishan uu ka dhaco Magaalada London ee dalka Ingiriiska kaasi oo ay isugu tagi doonaan inka badan 40-dal islamarkaana ku falan qeyn doono sidii looga bixi lahaa dhibaatooyinka mudada dheer ka taagan Soomaaliya.












Muqdisho:: Talaado February 21, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta):Maxkamada
ciidamada qalabka sida ee dowladda KMG Soomaaliya ayaa maanta xukun xarig ah ku
riday askar ka tirsan dowladda K
MG Soomaaliya oo lagu eedeeyay in hub
sharci
daro ah ay ku dhex wateen magaalada Muqdisho.






Kadib howlgalo saacadihii lasoo
dhaafay magaalada Muqdisho ay ka sameynayeen ciidamada dowladda KMG Soomaaliya
ayaa Maxkamada ciidamada qalabka sida waxa ay xukun ku riday askar hub sharci
dara ah ku dhex watay magaalada Muqdisho oo howlgalada lagu soo qabtay.






Askartaasi oo Maxkamadeyntooda
ay  ka dhacay gudaha degmada Hodan ee
gobolka Banaadir ayaa tira ahaan waxa ay gaarayaan ilaa 9 askari, iyadoo 7 ka
mid ah ay ahaayeen kuwa hub ku dhexwatay magaalada halka 2 kalana ay la socdeen
askartaasi islamarkaana falal amni daro ay ka gaysanayeen magaalada Muqdisho.






Gudoomiyaha Maxkamada ciidamada
qalabka sida Gaashaanle sare Xasan Max’ed Xuseen (Muugaab) oo ku dhawaaqay
xukunka lagu riday askartaasi ayaa sheegay in lagu xukumay dhamaantooda ilaa 6
bilood oo xabsi ciidan, isagoo tilmaamay in Maxkamada ciidamada qalabka sida ay
qeyb ka tahay howlgalka lagu sugayo amaanka magaalada Muqdisho.






Gaashaanle sare Xasan Max’ed
Xuseen (Muugaab) ayaa waxa uu ugu baaqay talisyada kala duwan ee ciidamada
dowladda
KMG Soomaaliya in ay gacanta usoo galiyaan Maxkamada ciidamada qalabka
sida askarta sida sharci darada hubka ugu dhex wadata magaalada Muqdisho si
looga qaado talaabo sharciga waafaqsan, isagoo carabka ku adkeeyay in
howlgalkaani uu yahay mid lagu saxayo qaladaadaka ka dhex jira ciidamada
dowladda
somaliya.






Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa
magaalada Muqdisho ka soconayey howlgalo aad u balaaran oo lagu soo
qabqabanayey askarta ku labisan dareeska ciidamada ee shacabka ku dhibaateeya
magaalada Muqdisho, iyadoo Maxkamada haatan ay u muuqato mid door weyn ka
ciyaaraysa sugida amaanka magaalada Muqdisho



Washington : Isniin, February 20, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta): QM ayaa waxa ay soo dhaweysay heshiiskii dhinacyada Soomaalida ay ku gaareen magaalada Garoowe iyo ga’aanadii kasoo baxay Shirka halkaasi lagu qabtay.


Xoghayaha Guud ee Q.M Ban Ki-moon ayaa waxa uu soo dhaweeyay waxyaabihii kasoo baxay Shirkii Garoowe 2 ee lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Garowe ee caasimad Goboleedka Puntland.


Ban Ki-moon waxa uu xusay inta baadan ay dhinacyada Soomaalidu qaadeey ay muujineeyso sida ay uga go’atahay hirgalinta Geedi Socodka Nabadda ee RoadMap-ka kaas oo loo qorsheeyay in looga gudbo waqtiga kala guurka ah.


Mr. Ban ayaa si gaar ah u soo dhaweeyay in  ugu yaraan 30%  ay haweeynku ka noqdaan aqalka barlamanka la filyo in la soo dhiso waxaana uu muujiyay in Q.M ay diyaar u tahay in taageera dhameys tiran ay ku bixiso hirgalinta arimaha lagu heshiiyay.


Xogahaya guud ee Q.M  waxa uu sheegay in shirka London ee la filayo in uu ka furmo Dalka igriiska uu yahay mid muhiim wayn u leh Soomaaliya oo ay kasoo bixi karaan qodobo wax ku ool ah.




Gaarisa: Isniin, February 20, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta): Kooxo hubaysan ayaa xalay weerar gaystay qasaaro dhimasho iyo dhaawac ku qaaday magaalada Gaarisa ee dalka Kenya.


Sida ay qortay wakaaladda wararka AFP weerar ay ku qadeen kooxo hubeysan magaalada Gaarisa ee ku taalla dalka Kenya iyagoo ku dilay halkaas 1-askari kuna dhaawacay mid kale oo kawada tirsanaa ciidamada booliska dalka Kenya


Liyuniyongisa oo ka tirsan Mas’uuliyiinta booliska dalka Kenya lana hadlayay wakaalada wararka ee Ruetrs ayaa sheegay inay ka dambeeyaan weerarkaasi lagu qaaday magaalada Garisa ee waqooyiga bari ee dalka Kenya Al Shabaab.


Mas’uulkan ayaa xusay in ay ku raad joogaan dadkii ka dambeeyay weerarkaan iyo kuwa kale oo la tuhunsan yahay inay ku dhulmaalaysanso gudaha magaalada Gaarisa iyo deegaanada ku dhow, waxaana uu intsai uu ku daray inay gacanta ku soo dhigi doonaan sharcigana horkeeni doonaan.


Dowladda Kenya ayaa tilmaamtay in weerarkaan uusan ahayn kii  ugu horeeyay oo ka dhacay gudaha dalka Kenya, hase ahaatee maalmihii ugu dambeeyay ayaa waxaa ka dhacayay gaarisa is ku dhacyo u dhaxeeya ciidamada amaanka iyo kooxo xariir la leh Al-shabaab.


Luuq: Axad, February 19, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta): Ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya iyo kuwa ka tirsan  Dowladda KMG Soomaaliya oo wata gaadiid fara badan ayaa ku baxay  gobolada Bay iyo Bakool oo ay Shabaabku maamulaan.

Wararka ayaa  sheegaya in ciidamo Itoobiyaan ah oo wata ilaa 30meeyo gaadiid dagaal aysaaka ku sii dhow yihiin degaanka Yurkud ee gobolka Bakool iyagoona ujeedkooda yahay in ay Shabaab ka saraan Bay iyo Bakool.

Dagaalyahanada Shabaab ee goboladaasi ayaa xalay ilaa saaka heegan ku jira ka dib  markii ay ka warheleen in ciidamo Itoobiyaan ah ay ku soo wajahan  yihiin kuwaasi oo ka soo ruqaansaday degaanka Bohol Bashiir ee ku dhow  Degmada Luuq.

Xiisad ayaa ka jirta gobolada Bay iyo Bakool  iyadoona saraakiil ka tirsan ciidamada Dowladda KMG ee gobolada Gedo,  Bay iyo Bakool ay sheegeen in qorshahu yahay in maalmaha soo aadan ay  qabsadaan magaalada Baydhabo iyo dhamaan gobolada Bay iyo Bakool.

Dadka rayid ka ah ee gobolada weerarka ay ku yihiin ciidamada Itoobiya ayaa  walaac muunjinaya kuwaasi ka baqdin qaba in dagaalo la filayo ay
waxyeelo ka gaarto


Qaahira: Axad, February 19, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta):-Ururka Jaamacadda Carabta ayaa maanta oo Axad ah kulan ka yeelanaya shirka ka dhacaya Magaalada London ee dalka Ingriiska kaasi oo loo qabanayo kooxaha isaga soo horjeeda siyaasadda dalka Soomaaliya.


Ku xigeenka Xoghayaha guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Axmed Bin-cali oo Saxaafadda kula hadlayay Magaalada Qaahira ee Xarunta wadanka Masar ayaa waxa uu sheegay in shirkani uu ka dhacayo Xarunta Ururka Jaamcadda Carabta islamarkaana ay kasoo qeyb galayaan danjireyaasha dalalka Carabta u fadhiya Qaahira, isagoo sheegay in looga hadlayo doorka Ururuka ka cayaarayo shirka London.


Axmed Bin-Cali ayaa xusay in shirkaasi ay gaynayaan qodobo ay u arkaan in lagu xalin karo dhibaatada mudada dheer ka taagan Soomaaliya islamarkaana Xubnaha ka socba Beesha Caalamka ee ka qeyb galaya shirkaasi ay kala hadlayaan sidii loo taageeri lahaa dowladda KMG Soomaaliya, loona dar dar galin lahaa kaalmada la siiyo shacabka Soomaaliyeed.


Dhinaca kale Safiirka dowladda Qadar u fadhiya Qaahira Saalax C/laahi ayaa waxa uu sheegay in dalalka Carabta ay udhan yihiin kulankaani ayna ka go’antahay soo afjaridda dhibaatada mudada dheerka taagan  Soomaaliyasida u hadalka u dhigay.




Muqdisho :Axad, February 19, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta): Dagaalkaani oo ahaa mid culus islamarkaana u dhaxeeyay Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa AMISOM iyo Xarakada Al Shabaab ayaa waxa uu xalay ka dhacay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.


Goobjoogayaal la hadlay Idaacada Shabelle ayaa waxa ay sheegeen in dagaal xoogiisa uu ka dhacay Saldhig Xaafadda Jamhuuriya ee degmada Kaaraan ay ku leeyihiin Ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM, waxaana ay sheegeen in dagaalka ay soo qaadeen Ciidamo ka tirsan Al Shabaab.


Inta la xaqiijiyay 3 ruux ayaa ku geeriyooday tiro kalena way ku dhaawacmeen kuwaasi oo sida la sheegay ahaa dad rayid ah, waxaana dadkii geeriyooday mid ka mid ah uu ku dhintay Madfac ku dhacay hoy uu ka deganaa  degmadaasi.


Dhinaca kale deegaanka Hosingo ee gobolka Jubbada hoose ayaa wararka ka imaanaya waxa ay sheegayaan in xalaydagaal xoogan oo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda KMG ah iyo Militariga Kenya oo is garabsanaya uu ka dhacay degaankaasi.


Dagaalka ayaa ka dambeeyay kadib markii fariisimo deegaanka Hosingo ay ku leeyihiin Ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya ay weerar ku qaadeen Al Shabaab, iyadoo halkaasi la isku adeegsadayMadaafiic xoogan oo sida la sheegay qasaaro gaystay inkastoo aan si dhab ah loo
ogayn.


Wali wax war ah kama soo bixin dhinacyadii xalay ku dagaalamay degmada Kaaraan iyo deegaanka Hosingo ee gobolka Jubbada hoose, hase ahaatee dagaalaadaani ayaa waxa ay qeyb ka yihiin kuwa inta badan dhex mara ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa Al Shabaab.



Muqdisho: Sabti, February 18, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta): Qaar ka mid ah barakacayaashii ka yimid deegaanada gobolka Sh/hoose oo xiisad colaadeed ay ka taagan tahay ee soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa ka codsaday dowladda in ay dib u dajin u samayso.


Kadib markii maalmihii u dambeeyay magaalada Muqdisho ay soo gaarayeen kumanaan ruux oo barakacayaal ah kuwaasi oo horay uga barakacay magaalada Muqdisho mar labaadna barakac kusoo gaaray goobihii ay horay uga barakaceen aya waxaa soo wajahay kolkii ay yimaadeen magaalada Muqdisho dhibaatooyin adag oo la xiriira dhinaca nolosha.


Dadka kasoo barakacay deegaanada u dhaxeeya Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxa ay isugu jiraan dad horay Muqdisho guryo ugu lahaa iyo kuwa aan haysan wax guri ah haatana ku biiray xerooyinka barakacayaasha ah ee magaalada Muqdisho dadka ku nool.


Hooyo Soomaaliyeed oo kasoo barakacday deegaanka Ceelasha biyaha haatana ku sugan Dalad barakacayaal ah oo lagu magacaabo bartamaha kuna taalla degmada Holwadaag ee magaalada Muqdisho ayaa Shabelle uga warbixisay waxyaabihii soo barakiciyay iyo haatan nolosheeda sida ay tahay.


Hooyadaani Soomaaliyeed ayaa sheegtay in Ceelasha biyaha ay kaga soo barakaceen sababo la xiriira cabsi soo wajahday kadib markii ay sheegtay in ay ka baqday in saamayn uu ku yeesho dagaalad u dhaxeeya dowladda iyo Al  Shabaab oo laga yaabo in ay ku hardamaan inta u dhaxaysa Muqdisho iyo Afgooye, waxaana ay ka dalbatay Hay’adah samafalka iyo Madaxda dowladda KMG in ay u sameeyaan dib u dajin maadaama sida ay sheegtay aysan haysan iyada iyo caruurteeda hoy ay ku noolaadaan.


Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay la ciirciireysaa kumaanaan kun oo barakacayaal ah oo kasoo kala hayaamay deegaanada kala ah Tareedisho, Siinka dheer, Ceelasha biyaha, Lafoole, iyo deegaanka Carbiska kuwaasi oo markii ay yimaadeen Muqdisho durba la kulmay caqabado adag oo ay ka mid yihiin hoy l’aan iyo xaalado kale oo dhinaca nolosha ah, iyadoo ilaa iminka aanay jirin cid wax u qabatay barakacayaashaaasi.




Muqdisho: Sabti, February 18, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta): Odayaasha dhaqanka iyo midnimada beelaha Hawiye ayaa uga digay dhinacyada is haya ee dowladda iyo Shabaab in ay dhibaateeyaan dadka kasoo baracaya duleedka Muqdisho.


Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo ah Afhayeenka Odayaasha dhaqanka iyo midnimada beelaha Hawiye oo la hadlay Shabelle ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyay sababaha ay usoo barakacayaan dadkii daganaa inta u dhaxeysa magaalada Muqdisho iyo Afgooye.


Afhayeenka ayaa sheegay in dadka soo gaaraya magaalada Muqdisho ay yihiin kuwa go’doosanaa in mudo ah horay dhibaato uga cararay dhibaatada magaaladqa Muqdisho ka taagneed, waxaana uu ka codsaday dhinacyada ay dirirta u dhaxeyso in ay Nabad galiyaan dadkaasi


Axmed Diiriye Cali ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in looga baahan yahay Madaxda dowladda KMG in ay xil iska saaraan sidii loo samatabixin lahaa dadka dhibaatooyinka kala duwan oo cabsida ay ka mid tahay uga soo cararay deegaanadii ay ku noolaayeen ee duleedka Muqdisho, isagoo amaan usoo jeediyay tiro Xildhibaano oo soo dhaweeyay dadkaasi xiligii ay soo gaarayeen magaalada Muqdisho.


Hadalka Odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye ayaa imaanaya, iyadoo magaalada Muqdisho ay isugu yimaadeen kumanaan kun oo barakacayaal kuwaasi oo isugu jira kuwa guryihii ay lahayd dowladii dhexe ee Soomaaliya laga soo saaray oo aan hoy haysan iyo qaar kasoo hayaamay gobolada dalka oo aan Muqdisho wax hoy ah ku lahayn.




Washington : Sabti, February 18, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta): Qaramamada Midoobay ayaa shaaca ka qaaday tira koobka dadka kasoo barakacay deegaanada gobolka Jubada
hoose ee soo gaaray magaalada Muqdisho.


Warbixin ay so saartay Hay’adda OXFOM  ee fadhigeedu yahay dalka Ingiriska ayaa ka hadashay barakacayashii ugu dambeeyay ee kasoo cararay deeganada loo barakacay ee ku yaalla duleedka magaalada Muqdisho.


Hay’ada OXFOM ayaa waxay sheegtay inay kasoo  bara kaceen duleedka magalada Muqdisho in ka badan 400,0000-qoys  kuwasi oo  aan haysanin wax daryeel ah kuna dhibaataysan magalada muqdisho.


OXFOM ayaa walaac ka muujisay dadka kasoo cararay guryahooda oo ku yalla duleedka magalada Muqdisho haataana an haysanin meel ay u hoydaan  iyo wax ay cunaan .


Hay’adda OXFOM ayaa ugu baaqday DKM Somalia in dadka kasoo baracay duleedka Muqdisho loo sameeyo dib u dajin lagana taageero adeegyada ay u bahan yihiin si loo badbaadiyo noloshooda.




Garoowe: Sabti, February 18, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta):  Waxaa xalay magaalada Garoowe lagu soo gabagabeeyay Shirkii dastuurka Soomaaliya, iyadoo la isku raacay qodobadii kasoo baxay Shirkaasi.


Saacadu markii ay  ahayd kowdii iyo barkii habeenimo ee xalay ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Garoowe Shirkii looga hadlayey dastuur u sameenta dalka oo ay yeelanayeen dhinacyada Soomaalida iyo wadamada beesha Caalamka.


Shirkaani ayaa gabagabadiisa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweyne Shariif, C/raxmaan Faroole, wasiirka diinta dalka Jabuuti, u qaabilsanaha QM ee Soomaaliya Mahiga, Safiirka Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo xubno kale, waxaana Madaxdaasi dhamaantooda ay sheegeen in laga heshiiyay qodobadii laga wada hadlay.


Qodobada la isku raacay ee Shirka Garoowe kuwooda ugu muhiimsan ayaa waxaa ka mid ahaa in meel la isla dhigay arimaha dastuurka, in 4-ta sano ee barlamanka uu yeelan doono  50 xubnood, iyo in 30% haweenka ay ka mid noqdaan barlamanka.


Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay gabagabadii kulanka ayaa waxa uu sheegay in uu ku faraxsan yahay ka qeyb galayaasha Shirka ay isku raacaan qodobadii kasoo baxay Shirka, waxaana uu kula dardaarsamay ka qeybgalayaasha in si wanaagsan ay u shaqeeyaan inta laga gudbayo KMG.


Madaxweynaha Shariif ayaa waxa uu sheegay in Shirkaani uu yahay mid wax wayn u tari doono Umada Soomaaliyeed, waxaana wax uu filayey uu ku tilmaamay in la isku raaco qodobada kasoo baxa Shirka.




Mogadishu: Jimco, February 17, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta): Faah faahin dheeri ah ayaa kasoo baxaysa qasaaraha ka dhashay iyo sida uu u dhacay qarax ka dhacay Gudaha Xarunta Hay’adda Dambi baarista dowladda KMG Soomaaliya CID ee magaalada Muqdisho.


Xili saacadu ay ku beegnayd sideedii iyo qadar daqiiqado ah ee maanta ayaa gudaha Xarunta dambi baarista ee dowladda KMG Soomaaliya waxaa ka dhacay qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa kaasi oo gaystay qasaaro dhaawacyo ah oo soo gaaray dad shacabka iyo waliba ciidamo ka mid ah dowladda KMG.


4 ruux oo ku dhaawacantay qaraxa ayaa labo ka mid ah waxa ay ahaayeen askar ka tirsan dowladda halka labada kalana ay ahaayeen dad shacab ah, iyadoo goobta ay soo gaareen Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya kuwaasi oo Warbaahinta kula hadlay Xarunta CID ee magaalada Muqdisho, iyagoo faah faahin ka bixiyay waxii dhacay.


Afhayeenka ciidamada Milatariga dowladda KMG Aadan Kaalmooy Dhaqane ayaa waxa uu sheegay in ciidamada dowladda saaka ay gacanta kusoo dhigeen gaari isqarxiyay oo ahaa nooca Soomaalida ay u taqaano Gaarib kaasi oo uu tilmaamay in ay saarnaayeen ilaa 4 ruux oo uu sheegay in ay soo qabteen kadib markii ay uga shakiyeen in ay ahaayeen burcadoo dhac iyo handadaad u gaysanayey dad shacab ah.


Aadan Kaalmooy Dhaqane ayaa waxa uu sheegay in ay xiran yihiin 4 ruux ee saarnayd gaariga laga soo buuxiyay waxyaabaha qarax ee lagu qarxiyay Xarunta CID, isagoo tilmaamay in gaariga uu ku xirnaa Taleefoon kaasi oo uu sheegay in ay suurta galisay in gaariga lagu qarxiyo Gudaha Xarunta oo ay ka dambeeyeen sida uu tilmaamay dad kale oo ka
tirsan Al qaacidda oo uu sheegay in ay ka warheleen in la qabtay ragii la socday gaarigaasi.


Al Shabaab ayaa horay u sheegtay qarax aad u xoog badan oo qasaaro badan gaystay kaasi oo ka dhacay Wakaaladda Hargaha iyo Saamaha oo aan ka fogeen Xarunta qaraxa uu ka dhacay ee CID oo ku taalla Nawaaxiga Isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho, waxaana sidoo kale qaraxii maanta uu qeyb ka yahay qaraxyo xiriir ahaa oo bilihii u dambeeyay ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho kuwaasi oo galaaftay nolosha in badan oo ka mid ah shacabka Soomaaliyeed.





Garoowe: Jimco, February 17, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Sheekh Sahriif Sheekh Axmed ayaa barqanimadii maanta ka ambabaxay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho isagoo ku sii jeeda magaalada Garowe ee xarunta gobolka Nugaal.


Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaraha ku sii sagootiyay xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo xildhibaanno,  kuwaas oo uu ka mid ahaa ku simaha R/wasaaraha ahna ahna R/wasaare ku xigeen iyo wasiirka gaashaandhigga Mudane Xuseen Carab Ciise.


Madaxweyne Shariif oo uu wehliyo wasiirka gaashaandhigga ayaa ka hor inta uusan ka ambabixin Muqdisho waxa uu la wareegay dhisme loogu talagalay keydka raashinka ciidamada qalabka sida oo ku yaala agagaarka dekedda weyn ee Muqdisho


Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa lagu wadaa in magaalada Garowe uu kaga qeybgalo gunaanadka wajiga Labaad ee shirka wadatashiga Soomaalida oo looga hadlayay arimaha dastuurka dalka,  kaas oo maanta la soo gebagebeeynayo.


Madaxweyne Shariif ayaa uga sii gudbi doona Garowe dalka jabuuti halkaas oo la filayo in uu kulamo kula qaato dhiggiisa dalkaasi iyo mas’uuliyiin kale oo tirsan caalamka.



MSF oo ka deerisay xaaladda qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool Kenya.


Dhadhaab Kenya: Jimco, February 17, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta): Hay’adda dhaqaatiirta aan xuduudda lahayn oo marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano MSF ayaa war saxaafadeed ay ka soo saartay magaalada Geneiva ee caasimadda dalka Switzerland ayaa waxa ay kaga deerisay xaaladda dadka qaxootiga ah ee ku nool xeryaha ku yaala dalka
Kenya gaar ahaan xerada Dhadhaab oo ah xerada ugu wayn caalamka islamarkaana ay ku sugan yihiin qaxooti soomaaliyeed oo gaaraya ilaa iyo 470,000 kuwaas oo kasoo cararay dhibaatada ka jirta dalka Somalia oo ah dal ay haraadiyeen khilaafaad aan dhamaad lahayn.

Hay’adda ayaa sheegaty in qaxootiga ku nool xerada Dhadhaab xilligan ay soo wajahday xaalad xumo dhanka nolosha ah iyadoo sida hay’addu ay sheegtay aan haysan adeegyad aas aasiga u ah nolosha qofka bini’aadamka ah taas oo keentay qul qulka dadka faraha badan ee ka soo cararaya dalka Somalia islamarkaana imaanaya xerada dhadhaab.

Waxana sidoo hay’adda MSF war saxaafadeedkeeda lagu sheegay in inkastoo hay’adda loo geestay dhibaatooyin badan oo ay ka mid tahay afduubkii sanadkii tagay lagula dhaqaaqay laba katirsan shaqaalaha MSF

 

Muqdisho: Jimco, February 17, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta)Iskaashatada gaadiidleyda gobolka Banaadir ayaa eedeyay guddiga ammaanka ee barlamanka oo ay sheegeen inay xireen Xarunta ay ku lahaayeen Magaalada Muqdisho.


Xaaji Muumin Xaaji Xabiib oo ka mid ah Iskaashatada gaadiidleyda dekadda Muqdisho ayaa waxa uu ku eedeeyay gudiga ammaanka ee barlamanka KMG in uu xiray Xarun iskaashatada gaadiidkayda ay ku lahaayeen gudaha Magaalada Muqdisho.


Xaaji Muumin ayaa sheegay in Xarunta albaabada la isugu dhuftay oo ku taala nawaaxiga Ceel-gaabta, gudoomiye ku xigeenka guddiga ammaanka barlamanka Xildhibaan Caraale Cadaan uu amar ku bixiyay in laxiro.


Majirto ilaa iyo iminka  wax war ah oo kasoo baxay guddiga amniga barlamanka oo ku aadan eedeynta loo soo jeediyay oo ah inay albaabada isugu dhufteen mid kam id ah Xerumihii ay ku shaqeynayeen Iskaashata gaadiidley ee gobolka Banadir.




Garoowe: Jimco, February 17, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta):Wararka laga helayo shirka ka socda Magaalada Garoowe islamarkaana ay ka qeyb galayaan dhinacyo badan oo Soomaali ah ayaa
waxa ay sheegayaan in shirkaasi la isku mari la’yahay islmarkaana xubno ay isaga baxeen shirkaasi.


Sida ay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonyahay oo ka mid ah Xubaha ka qeyb galaya shirka galay maalintii labaad ee ka socda Magaalada Garoowe ee
Xarunta gobolka Nugaal, waxaa la isku mari la’yahay shirkaasi oo loo qeybiyay sida la tilmaamay ilaa 3-qeybood oo ka hadlayay arrimaha Federalka.


3-qeyb ayaa loo kala baxay, waxaana la sheegay in qodobo ay soo saareen la isku mari waayay sida ay inoo xaqiijiyeen ilo muhiim ah, waxaana lagu soo waramayaa in shirka ay ka baxeen
Madax ma talaysay Maamulka Galmudug kadib markii ay dalbadeen in Xubnaha guddiga Dastuurka lagu kordhiyo Xubno matalaya Maamulka Galmudug, Xubnaha dhinaca farsamada ay Xubno ku yeeshaan oo loo soo xulo qaabka 4.5-ka taasi oo la sheegay inay kasoo horjeesteen Madax matalaysay Maamulka Puntland oo uu ka mid ahaa Madaxweynaha Maamulkaasi.


Intaasi kadib ayaa la sheegay in\ shirkii ay isaga baxeen Xubnihii ka socday Maamulka Galmudug oo uu ka mid yahay Madaxweynaha Maamulkaasi iyo Xubno kale oo ka tirsan Maamulkaasi, waxaana la sheegay in khilaafkaasi markii uu yimid muddo 5-saacadood ah shirka uu xirmay, waxaana wada hadal uu madax ka ahaa Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya kadib lagu guulaystay in la xaliyo khilaafkaasi.


Shira ayaa galabta xirmay waxaana la filayaa in la isugu soo laabto caawa labada Fiidnimo markaasi oo la filayo inay kasoo baxaan Warsaxaafeedyo ku aadan shirkaasi.



Madaxweynaha Kenya iyoErgeyga qaaska ah ee dowladda dalka  Ruushka u qaabilsan qaaradda Africa oo ka wada hadlay arrimaha Soomaaliya iyo Ciidamada AMISOM.



Nairobi: Khamiis, February 16, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta):



Ergeyga qaaska ah ee dowladda dalka Ruushka u qaabilsan qaaradda Africa Mikhail Margelov oo kulan magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya kulan kula qaatay madaxwaynaha dalka Kenya Mwai Kibaki ayaa waxa ay ka wada hadleen arimo badan oo ku saabsan xaaladda dalka Soomaaliya oo ay kamid yihiin howlagalka AMISOM iyo shirka la filayo  inuu ka dhaco magaalada London ee caasimadda dalka ingiriiska.


Madaxwayanaha dalka Kenya Mwai Kibaki, ayaa warbixin ku saabsan dalka Somalia iyo howgalka AMISOM ay Somalia ka wadaan waxa uu siiyay ergeyga Ruushka u qaabilsan qaaradda Africa.

Mwai Kibaki, madaxwaynaha dalka Kenya ayaa dowladda ruushka u sheegay in xilligan ay jirto baahi loo qabo in la helo taageero dhinac waliba leh oo lagu taageerayo howlgalka AMISOM ee Somalia si buu yiri loogu guulaysto xasilinta dalka somalia.

Sidoo kale Ergeyga qaaska ah ee dowladda dalka Ruushka u qaabilsan  qaaradda Africa Mikhail Margelov ayaa isna waxa uu sheegay in dowladda ruushka taageeri lixaad leh ay siinayso ciidamada ka socda midowga Africa ee AMISOM kuwaas oo ka howlgala dalka Somalia islamarkaana ay ka saacidayso dhinacyada tababarista ciidamada iyo  inay ka kaabayso dhaqaalaha ay u baahanyihiin., waxana uu sidoo kale sheegay in xasilinta dalka Somalia mid muhim u ah dhamaan caalamka.


Mikhail Margelov ayaa dowladda dalka Kenya waxa uu ga mahad celiyay dadaalka ay sameenayso iyo sida ay u doonayso in dalka Somalia uunoqdo dal nabad ah oo la jaan qaada dalalka caalamka., waxana labadan mas’uul ay si wadjir ah ugu baaqayn beesha caalamka uga codsadeen inaymuujiyaan taageeradooda islamarkaan ay ka qeybqaataan dadaalada la doonayo in Somalia nabad looga dhaliyo.


Waxana geeska kale madaxwaynaha dalka Kenya Mwai Kibaki iyo ergeyga qaaska ah ee dowladda dalka Ruushka u qaabilsan qaaradda AfricaMikhail Margelov ay cddeeyeen mowqifkooda ku aadan shirka la filayo in 23 bisha February uu ka dhaco London iyagoo sheegay in shirkaasi uuyahay mid dan wayn u ah umadda soomaaliyeed islamarkaana ay ka sugayaan inay ka soo baxaan natiijooyin wax ku ool ah oo wax badan kabadali kara xaaladda dalka Somalia.


Dowladda ruushka ayaa waxa ay kamid tahay dowladaha ugu awoodda badan caalamka iyadoo sidoo kale ku jirta shanta dale e haysta codka qayaxanee vetowga ah waxana ruushka uu marar badan ka qeybqaatay kulamo looga hadlayay arimaha dalka Somalia.





Muqdisho: Khamiis, February 16, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta): Gudoomiyaha Maamulka gobolka Banaadir ee dowladda KMG Soomaaliya Max’ud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa waxa uu sheegay in qatarta Al-qaacidda ee gobolka Banaadir marka laga tago ay jiraan sida uu sheegay cadow aan doonayn in Magaalada Muqdisho ay dib usoo cesheto nolasheeda.



Tarasan ayaa waxa uu cadowgaasi ku tilmaamay kuwa aan arag horumarka dalka iyo mustaqbal wanaagsan kuwaasi oo la jaanqaaday marxaladda dalka Soomaaliya muddada 22-ka sano.


Max’ud Axmed Nuur ayaa waxa uu sheegay in dhalinyarada hubka sidata looga baahanyahay inay dhigaan, isagoo tilmaamay in loo sameyn doono fursadooyin ay ku baranayaan farsamooyin ay noloshoodu ku maareeyaan, isagoo is waydiiyay faa’iidada dadka Soomaalida ah ay ka dhax leen qabiilaysiga.


Tan iyo markii ay meesha ka baxday dowladdii dhexe ee Soomaaliya waxaa Magaalada Muqdisho oo soo buuxhdaafiyay dhalinyaro aad u hubaysan kuwaasi oo ka amar qaadanayay kaabo qabiillo, iyadoo iminka Muqdisho ay gacanta ku hayso dowladda KMG ah ayaa hadana degmooyinka qaar waxa ka muuqanaya Maleeshiyaad ku dhisan qaab qabiil oo aan hoostagin dowladda KMG ah kuwaasi oo xilliyada qaar dadka shacabka ah kala kulmaan dhibaatooyin.






Muqdisho: Khamiis, February 16, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta

Muqdisho:( Sh. M. Network) Xildhibaano ka tirsan barlamanka  KMG ah ayaa shir sharci daro ah ku tilmaamay shirka wadatashiga ah ee  dhawaan ka furmay Magaalada Garoowe ee Xarunta gobolka Nugaal.

Kadib markii Magaalada Garoowe ee Xarunta gobolka Nugaal uu ka furmay wareegii labaad ee shirka wadatashiga Garoowe islamarkaana ay ka qeyb galeen dhinacyo kala duwan oo Soomaali ah iyo Beesha Caalamka ayaa Xildhibaano ka tirsan barlamanka waxa ay shir sharci daro ah ku  tilmaameen shirkaasi.

Xildhibaan Salaybaan Max’ed Ibraahim oo ka mid ah barlamanka oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in shirka ka furmay Magaalada Garoowe aanu ku jirin aayaha iyo danta Soomaaliya, isagoo tilmamaay in shirkaasi ay isugu tageen dad doonaya in Soomaaliya ay god ku ridaan.

Sidoo kale Cismaan Xaaji Cali oo isna ka mid ah Xildhibaanada barlamanka ayaa shirka Garoowe ku tilmaamay in uu yahay mid aan waafaqsaneyn Axdiga KMG ah, shuruucda iyo nidaamka u dagsan dalka islamakaana ay ka qeyb galayaan dad dano gaar ah leh, sida u hadalka dhigay.

Shirka Garoowe oo maalintii shalay ka furmay Magaaladaasi ayaa waxa uu qeyb ka yahay shirar maalmihii u dambeeyay ka socday Soomaaliya oo ay soo qaban qaabisay Qaramada Midoobay kuwaasi oo looga hadlayay arrimaha Soomaaliya




Washington :Khamiis, February 16, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta):  Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa la horgeeyay qaraar ku aadan in  la kordhiyo
tirada Ciidamada AMISOM ee ku sugan Magaalada Muqdisho.


Sida ay qortay Wakaaladda Wararka ee Routers  dowladaha daneeya xaalaha Soomaaliya ayaa horkeegay Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay qaraar loogu baaqayo in la kordhiyo Ciidamada nabad ilaalinta Ururka Midowga Afrika AMISOM si ay u balaariyaan howlgallada ay ka wadaan Soomaaliya islamarkaana ay gacanta ugu dhigaan gobolada dalka.


Diblumaasiyiin reer galbeed ah oo magacoodu aan la shaacin ayaa waxa ay sheegeen in qaraarkaani loogu gon leeyahay in lagu xoojiyo sahyada Militari oo ay isticmaalayaan ciidamada AMISOM si ay meesha kaga saaraan Xarakada Al Shabaab.


Qaraarkan ayaa Qaramada Midoobay loogu baaqay inay meel mariso dhamaystirka Ciidamadii la balan qaaday ee ahaainay ka howlgalaan dalka Soomaaliya kuwaasi oo haatan gaaraya 12-kun oo askari oo ay miisaaniyadoodu bixiso Qaramada Midoobay, loona baahanyhay in la gaarsiiyo 17-kun iyo 7 boqol oo askari taasina ay sahlayso in guud ahaan AlShabaab laga saaro dalka.


Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in Isbuuca soo socda Qaramada Midoobay ay kulan kale ka yeelan doonaanto sidii wax looga qaban lahaa xaaladaha dalka Soomaaliya islamarkaana
loo soo afjari lahaa dhibaatooyinka ka aloolsan Soomaaliya.


Ugu dambeyn ayaa Diblumaasiyiinta waxa ay sheegeen in cadaadiska la saaray Al Shabaab danta ay ku kaliftay inlaga qabsado deegaano ka baxsan Muqdisho, iyagoo shaaca ka qaaday in sidoo kale loo baahanyahay in la laba jibaaro howlgalladaasi.





XAFIISKA GOLAHA SHACABKA SOOMAALIYEED


OFFICE OF THE SOMALI PARLIAMENT





Muqdisho: Arbaco, February 15, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta ):


Xildhibaannada kasoo horjeeda Shariif Xasan  Sheekh Aadan oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa waxay qaadaceen  shirarkii wadatashiga ahaa ee lagu kala qabtay Muqdisho iyo Garoowe.


Mudanayaashan oo kulankoodu ka dhacay xarunta golaha shacabka ayaa waxay ka doodeen shirka ka furmaya Garoowe, kii ka horreeyay iyo shirkiiwadatashiga ahaa ee lagu qabtay Muqdisho, waxayna sheegeen in dhammaantood ay yihiin kuwo aanay dani ugu jirin shacabka Soomaaliyeed


Guddoomiyaha mudanayaashan xildhibaan Madoobe Nuunow Maxamed ayaa wuxuu ugu dambeyn cod geliyay dooddii xildhibaannada ee ku saleysnayd shirkii Muqdisho, kii Garoowe ka dhacay iyo midka hadda ka furmaya.


"Xildhibaannada kulanka kasoo qaybgalay waxay tiradoodu ahayd 278 xidlhibaan, waxaana 268 ka mid ah ay qaadaceen shirarkaas, waxaa diiday lix mudane, afar mudane oo kalena way ka aamuseen," ayuu yiri Madoone Nuunow.


Sidoo kale, Madoobe Nuunow wuxuu sheegay in shirarkaas ay yihiin kuwo aan waafaqsanayn sharciga dalka u yaalla, sidaa daraadeedna ay go'aansadeen inay ka doodaan codkana u qaadaan, isagoo intaas ku daray in ka doodista shirarkaas ay socotay maalmihii ugu dambeeyay.


Xildhibaannadan ayaa waxay toddobadkii lasoo dhaafay kulammo ku lahaayeen xarunta golaha shacabka ee Muqdisho, iyagoo madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif iyo danjire Augustine Mahiga ku eedeeyay inaysan dhexdhexaad ka ahayn khilaafka baarlamaanka.


Go'aanka mudanayaashan ay kaga soo-horjeesteen shirarka wadatashiga ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan iyo xubno uu hoggaaminayo ay maanta u dhoofeen Garoowe si ay uga qaybgalaan wajiga labaad ee shirka Garoowe.





XAFIISKA GOLAHA SHACABKA SOOMAALIYEED


OFFICE OF THE SOMALI PARLIAMENT





Muqdisho: Arbaco, February 15, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta ): Guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliyeed Mudane Madoobe Nuunow ayaa maanta waxuu saxaafadda u sheegay inay shirka Garowe yahay mid kamid ah kuwii lagu khaldi jiray Ummadda Soomaaliyeed kaasoo ay caaddaysatay Maamulka Puntland inuu wado fowdo siyaasaddeed  oo lagu rabo inay dalkan hoos geeyaan gumaysi dadban waxaa intaas dheer inuu Maamulka Puntland shirkaddo tuugo ah kula heshiiyey inay si sharci darro ah uga qotaan shidaal dalka Soomaaliya ayadoon sharciga Barlamaankia dalka la horkeenin. Aniga Iyo Xildhibaannadda Ummadda Soomaaliyeed waxaan u sheegaynaa Madaxweyne Gobaleedka Puntland Cabdiraxmaan Maxamuud Maxamed "Faroole" inuu sharciga dalka dhowro isla-markaasna ka daayo beenta Ummadda Soomaaliyeed iyo qabaa'ilada uu markasta jaa'ifaynayo asagoo aan wax xaqiiqo ah ku taagnayn. Barlamaanka Soomaaliya waxuu aqoonsan yahay deegaan kasta oo samaysta Maamul Gobaledka sida Maamulka Khaatumo, Awdal Iyo Galbeedka Puntland.


Aniga waxaa i doortay Xildhibaannadda Soomaaliyeed marka haddii aan ahay Guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliyeed, waxaan raalli gelin ka bixinayaa afxumaddii iyo aflagaadadii uu ka yiri idaacadaha Madaxweyne Gobaleedka Puntland Cabdiraxmaan Maxamuud Maxamed "Faroole" kaasoo oo hoos yimaada Barlamaanka Dowladda Soomaaliya.


Madaxweyne Gobaleedka Puntland Cabdiraxmaan Maxamuud Maxamed "Faroole" waa inuu aqoonsadaa xaqiiqada isla-markaasna ka daayaa Ummadda Soomaaliyeed beenta iyo siyaasad xummada waayo amniga Dowlad Gobaleedka Puntland waxaa faraha ka bixiyey asaga Madaxweyne Gobaleedka Puntland Cabdiraxmaan Maxamuud Maxamed "Faroole" kaasoo marba qabiiladii samayey Maamulka Puntland ku weeraraya wax aan u cuntamin iyo been fowdo siyaasaddeed ku dhisan taasoo uu kaga mid ahaa burburintii Dowladdii Dhexe ee uu hoggaamin jiray Allaha u naxariistee Jaalle Maxamed Siyaad Barre.


Madaxweyne Gobaleedka Puntland Cabdiraxmaan Maxamuud Maxamed "Faroole" waa in aad joojisaa dilkaa aad u gaysanayso Ummadda Soomaaliyeed haddii kale waxaad aadaysaa Maxkamadda Caalamiga ah


Guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliyeed Mudane Madoobe Nuunowayaa waxuu uga digay inay sii wado qas siyaasaddeed Xafiiska Qaramadda Midooway kaasoo ay rabaan sidii loo minjo-xaabin lahaa Xildhibaannadda Barlamaanka Xorta ah ee diidan gummaysiga dadban iyo kan qaawan ay hor boodayso Qaramadda Midooway Iyo Dowladdaha Cadowga ku ah Soomaaliya.


Waad Mahadsan Tihiin,


Guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliyeed Mudane Madoobe Nuunow 





Muqdisho: Arbaco, February 15, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta ):

Madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Hussein Obama oo qadka telefoonka kula hadlay  Ra’iisul wasaaraha Britain David Cameron ayaa waxa ay isla soo haddal  qaadeen arrimaha Soomaaliya, iyagoo walaac aad u xooggan ka muujiyay isku biiritaanka Al-Shabaab iyo Al-Qaacida.


Madaxweyne Obama iyo R/wasaare Cameron ayaa waxa ay ka wada hadleen wararka sheegaya in Al-shabaab ay si rasmi ah ugu biirtay urur  Al-Qaacida, iyagoo arrintaasi ku tilmaamay in ay sii hurineyso dhibaatooyinka ay malleeshiyada Al-Shabaab ku hayso shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan caalamka, ayna muhiimtahay in laga hortago qatarta ka imaan karta ururka Al-Qaacidda.


Labada mas’uul waxa ay si isku mid ah u tilmaameen in ay lagama maarmaantahay in la xoojiyo la dagaallanka Al-Shabaab ee 9-kii bishaan si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay ku biirtay ururka Al-Qaacidda.


Arrintan ayaa muujineysa sida ay qadiyadda Soomaaliya u tahay mid caalami ah, iyadoo dhibaatada burcad badeedda iyo argagixisada labaduba ay saameyn xooggan ku yeesheen caalamka, taasi oo keentay in walaac xooggan ka muujiyaan arrintaasi dalalka caalamka.






Muqdisho: Arbaco, February 15, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta ):

Banaanbax looga soo horjeeday ku biirida Al Shabaab ee Al qaacidda oo uu soo qaban qaabiyay Maamulka gobolka Banaadir ayaa ka dhacay Muqdisho kaasi oo uu ka qeyb galay Madaxweynaha Dowladda KMG.


Dibadbaxaani oo uu soo qaban qaabiyay Maamulka gobolka Banaadir ee dowladda Soomaaliya islamarkaana looga soo horjeeday ku biiridii Al Shabaab ee Al qaacidda ayaa waxa uu maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.


Ka qeybgalayaasha dibadbaxa oo boqolaal gaareyay ayaa waxa ay ku dhawaaqayeen arayo ay kaga soo horjeedaan ku biirida Al Shabaab iyo Al qaacidda, iyadoo dibadbaxa uu ka dhacay afaafka hore Xaafadda Fiyooraha ee magaalada Muqdisho.


Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif oo ka hadlay dibadbaxa ayaa waxa uu soo hadal qaaday dagaaladii shalay ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho kuwaasi oo uu sheegay in guula laga gaaray, isagoo codsaday in laga qaado Soomaaliya cunaqabateenta dhinaca hubka ee saaran dalka.


Dhawaan ayey ahayd markii Shabaab ay soo qaban qaabiyeen dibadbaxyo lagu taageerayo ku biiritaankooda Al qaacidda kuwaasi oo ka dhacay deegaanada loo barakacay ee duleedka Muqdisho.





Muqdisho: Arbaco, February 15, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta ):

Jen. Max’ed Nuur Galaal oo ka mid ahaa Janaraaladii ciidamada xooga dalka Soomaaliya xiligii dowladii dhexe ee Max’ed Siyaad barre oo waraysi siiyay Shabelle ayaa waxa uu arin murugo leh ka muujiyay ku biiritaankii Al Shabaab ee Ururka Al qaacidda, isagoo tilmaamay in Shabaab ay sii laba laabeen xagjirnimadooda sida uu sheegay.


Max’ed Nuur Galaal waxa uu sheegay in Al Shabaab ay laaleen qaranimadii dalka Soomaaliya, waxaana uu xusay in calanka Soomaaliya ay ku badaleen calan kale oo ka duwan, isagoo walwal ka muujiyay in Al qaacidada ajaanibta ay kusoo qulqulaan gudaha dalka Soomaaliya


Jen. Max’ed Nuur Galaal waxa uu hoosta ka xariiqay in ku biiritaankii Al Shabaab ee Al qaacidda ay keenayso korarka Al qaacidada soomaaliya iyo in hub cusub Soomaaliya ay keenaan, iyagoo kasoo dajinaya badda iyo bariga, waxaana uu intaasi raaciyay in xaaladda ay noqon doonto mid sii adkaata sida uu hadalka u dhigay.


Jen. Max’ed Nuur Galaal oo hadalkiisa sii watta ayaa waxa uu ku dhaliilay dowladda KMNG in ay ka faa’idaysan weysay qabashada AL Shabaab ka hor inta aysan ku biirin Al Shabaab, isagoo tilmaamay in Soomaaliya haatan ay usoo baxday war cusub, isagoo tusaale usoo qaatay dagaalyahanada Al qaacidda ee ka dagaalama wadamada Afgaanistaan iyo Ciraaq.


Max’ed Nuur Galaal waxa uu ka mid yahay Mas’uuliyiinta sida wayn u muujinaya walaaca laga qabo qatarta ka dhalan karta ku biiritaank Al Shabaab ay ku biireen Al qaacidda, iydoo Madaxda dowladda ay shaaca ka qaadeen in wax cusub aysan ahayn xiriirka ka dhaxeeyaShabaab iyo Al qaacidda kaasi oo ay sheegeen in uusan waxba soo kordhineen.




Bossasso: Arbaco, February 15, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta ): Maleeshiyaadka Sheekh attam ayaa waxa ay guulo ka sheegteen dagaal shalay ciidamada Maamulka Puntland ay kula galeen duleedka magaalada boosaaso ee gobolka Barri.


Xili dagaal u dhaxeeyay ciidamada Maamulka Puntlanad iyo Maleeshiyaadka uu hogaamiyo wadaad diimeedka Sheekh max’ed Saciid Attan uu ka dhacay duleedka magaalada Boosaaso ayaa waxaa arintaasi ka hadlay oo guulo ka sheegtay Afhayeen u hadlay maleeshiyaadkaasi oo magaciisa lagu soo koobay Cali.


Afhayeenka ayaa sheegay in ciidamadooda ay weerareen deegaan lagu magacaabo Sugure oo ku yaalla duleedka magaalada boosaaso, isagoo tilmaamay in ay ku gubeen halkaasi gaadiid dagaal oo ay wateen ciidamada Puntland, waxaana uu tilmaamay in ay ka dileen ilaa 15 askari sida uu hadalka u dhigay.


Afhayeenka u hadlay Maleeshiyaadka uu hogaamiyo Max’ed Saciid attam ayaa waxa uu ku hanjabay dhinaca kale in ay sii wadayaan weerarada ay ku qaadayaan ciidamada Maamul goboleedka Puntland.


Mudooyinkii dambe ayaa waxaa soo laalaabanayey dagaalada u dhaxeeya ciidamada Mamulka Puntland iyo Maleeshiyaadka Max’ed Saciid Attam oo Saraakiisha Puntland ay sheegeen in ay xiriir la leeyihiin Al Shabaab iyo Al qaacidda islamarkaana ay ka ciribtirayaan deegaanada Maamulkaasi.



Muqdisho :Talaado, February 14, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta ): Taliska ciidamada AMISOM ayaa sheegay in ciidamo ka mid ah kuwooda ay fariisimoka samaysteen qeybo ka mid ah duleedka magaalada Muqdisho.


Afhayeenka ciidamada AMISOM Paddy Ankunda ayaa qiray war sheegaya in ciidamadooda gaar ahaan kuwa Burundi ay saaka u dhaqaaqeen wadada aada degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.


Paddy oo Waraysi siiyay Shabelle waxa uu sheegay in ciidamo ka tirsan AMISOM oo hubaysan watana gaadiidka dagaalka ay u dhaqaaqeen goobo ay ka mid tahay Daarta Maslax  oo 3 KM u jirta Ex-Control Afgooye halkaasi oo uu sheegay in ay ka samaysteen fariismo Milatari.


Fariisimaha cusub ee maanta ay ka samaysteen duleedka Muqdisho ciidamada AMISOM ayaa waxa uu sheegay Afhayeenka in ay ka mid tahay qorshaha AMISOM ay ku doonayso in ay ku gaarto gobolada dalka oo ay gacanta ku hayaan Al Shabaab.


Ciidamada AMISOM oo markii hore ku koobnaa difaaca Xarumahooda ayaa haatan isbalaarinaya, waxaana hore u socodkooda  uu imaanayaa wax yar kadib markii Madaxda Midowga Afrika ay shaaciyeen in ciidamada AMISOM ay qabsanayaan degmada Afgooye Shabaabna ay ku biireen Al qaacidda.




Boosaaso :Talaado, February 14, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta ): Faah faahin dheeri ah ayaa kasoo baxaysa qasaaraha ka dhashay dagaal saaka ka dhacay duleedka Boosaaso kaasi oo u dhaxeeyay ciidamada Puntland iyo Maleeshiyaadka Sheekh Attam.


Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Boosaaso ee gobolka Barri gaar ahaa deegaan lagu magacaabo Sugure ayaa waxa  ay sheegayaan in faah faahin dheeri ah ay kasoo baxayso qasaaraha ka dhashay dagaalkaasi oo u dhaxeeyay ciidamada Puntland iyo Maleeshiyo taabacsan Sheekh Max’ed Saciid Attam


In la ogyahay 20 ruux ayaa ku geeriyootay 15 kalana wey ku dhaawacmeen dagaalkaasi kuwaasi oo u badnaa dhinacyada dagaalamay, waxaana wararka ay sheegayaan in deegaankaasi ay ku baxeen ciidamo badan oo ka tirsan Maamulka Puntland kuwaasi oo halkaasi ka sameeyay baaritaano inkastoo aan la ogayn in dad lagu qabtay.


Xaaladda ayaa iminka waxa ay tahay mid dagan inkastoo dadka ku sugan ay ka cabsi qabaan in dagaal uu mar kale ka dhaco deegaankaasi, iyadoo Maalishiyadii Attam ee saaka la wareegay deegaankaasi ay dib uga laabteen.




Garowe: Talaado, February 14, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta ): Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya iyo Wafdi uu horkacayo ayaa maanta ka anbabaxay magaalada Muqdisho, iyagoo gaaray magaalada Garoowe.


Barqanimadii maanta ayaa Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho waxaa ka dhoofay Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya C/wali Max’ed Cali kuwaasi oo gaaray magaalada Garoowe si ay uga qeyb galaan Shirka wadatashiga ee bari ka furmaya halkaasi.


Wafdiga Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa ka mid ahaa qaar ka mid ah Golaha wasiiradda oo iyaguna ka qeyb galaya kulanka oo la sheegay in uu ka badalan yahay midkii horay ugu soo dhamaaday Garoowe kaasi oo looga hadlay qodobadii kasoo baxay Shirkii wadatashiga ee ka dhacay Muqdisho.


Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya C/wali max’ed Gaas oo Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in Shirkaani uu muhiimad gaar ah u leeyahay Soomaaliya diiradana lagu saari doono dardargalinta Roadmap-ka iyo dastuur u samaynta dalka.


Sidoo kale waxaa lagu wadaa in magaalada Garoowe ay gaaraan Madax ka socota beesha Caalamka iyo qaar ka mid ah Maamulada ka jira dalka, iyadoo Shirkaasi uu sidoo kale ka qeyb gali doono Gudoomiyaha barlamanka iyo Wafdi uu hogaaminayo oo iyana lagu wado in ay gaaraan Garoowe.








Sugure : :Talaado, February 14, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta ): Weerar qasaaro badan gaystay ayaa Ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland waxaa ku qaaday Maleeshiyaad taabacsan Ciidamo ka amar qaata Sheekh Max’ed Saciid Atam.



Wararka ka imaanaya Magaalada Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari ayaa waxa ay sheegayaan in waaberigii hore eesaakay Ciidamo daacad u ah Wadaadka lagu magacabo Sheekh Max’ed Saciid Atam ay weerar ku qaadeen Saldhig ku yaala deegaan lagu magacaabo Sugure oo qiyaastii40-KM dhinaca Koofureed kaga beegan Magaaladaasi.



Maleeshiyaadka dagaalka ku qaaday Ciidamada Maamulka Puntland ayaa la sheegay  inay adeegsadeen hub cul culus oo qasaaro u gaystay Ciidamada Maamulkaasi sida ay Idaacadda Shabelle u xaqiijiyeen dadka deegaanka ah.



17-askari oo ka tirsanaa Ciidamada Maamulka Puntland ayaa la sheegay in lagu dilay weerarka oo ahaa mid gaadmo ah, waxaana lagu soo waramayaa in deegaanka ay gacanta ku dhigeen Ciidamada Sheekh Max’ed Saciid Atam oo dagaalo kala soo horjeeda Maamulkaasi.



Dagaalka ayaa sida la sheegay waxa uu ka dambeeyay kadib markii Ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland ay shalay howlgallo ka sameyeen Magaaladaasi ay kusoo qabteen nin la sheegay in uu la dhashay Sheekh Max’ed Saciid Atam islamarkaana ay ku tilmameen in uu qeyb ka ahaa dagaalada ka dhacay deegaanka Galgala sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.



Xiriiro kala duwan oo aanu la sameynay Maamulka Puntland ayaa inoo suuro galin inaan qadka Taleefonka ku haleelno, waxaana saakay wararku ay sheegayaan in xaaladda ay tahay mid kacsan islamarkaana ay jirto cabsi soo wajahday dadka shacabka ah ee ku nool halkaasi.



Hay’ad ka howlgasha dalka Turkiga ayaa magaalada Muqdisho ka bilowday dhisidda dugsi loogu talagalay in jiilka Soomaaliyeed ee soo koraya ay ku bartaan Qur’aanka kariimka ayadoo dugsigaasi cusubna ay dhagax dhigeen Wafdi ka socda Hay’adda oo manta Muqdisho soo gaaray.



Wafdiga ka socday Hay’adan Turkiga ah oo lagu magacaabo Sadakatasl ayaa waxaa hogaaminayey mas’uulka ugu sareeya waxaana garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyey mas’uuliyiin ka tirsan NGOga maxa liga ah ee Zamzam Foundation ayagoo markii ay magaalada yimaadeenba gudagalay hirgelinta mashaariic ay ugu talagaleen iney dugsiyo Qur’aan ku dhisaan.



Dugsigii ugu horeeyey ayaa waxaa maanta ay hay’adda Sadakatasl ka dhagax dhigtay degmada Waaberi gaar ahaan xaafada Maajo ayadoo dhismaha dugsi qur’aankanna uu socon doono mudo 35 cisho ah sida ay sheegeen mas’uuliyiinta hay’adda.



Sida ka muuqata muuqaallada Sawirrada hoose dugsigan hada ayaa waxaa war ku barta carruur farabadan oo Soomaaliyeed ayadoo dadka xaafada ku noolna ay arintan soo dhaweeyeen.


























Maxamuud Axmed Xasan
Wasiirka  arimaha dibeda ee dowlada Ugandha iyo wafdi horkacyo oo socdaal ku jooga magaalada Muqdisho


Your browser does not support inline frames or is currently configured not to display inline frames.

Muqdisho :Isnin, February 13, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta ): Wasiirka arrimaha dibeda ee dowlada Uganda Oriemo Okello iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, iyagoo kulamo la qaatay qaar ka mid ah madaxda ugu sareysa dowlada KMG Somalia sida madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaraha
waxaana wasiirka iyo wafdigiigu ay joogi doonaan magaalada Muqdisho maalmaha soo socda.
Kulanka wafdigaas iyo masuuliyinta dowlada ka dib waxaa saxaafada la hadlay wasiirka difaaca Soomaaliya Xuseen Carab Ciise oo sheegay in wafdigan ay ka wada hadleen ka qeyb galka shirka London iyo xoojinta xiriirka u dhexeeya labada dowladood
Wasiirka arrimaha dibeda ee dowlada Uganda Oriemo Okello oo la hadlay saxaaafada ayaa sheegay inay kala hadleen madaxdda dowlada arrimo la xiriira shirka London iyo sidii labada dhinac ay u sii xoojin lahaaayeen amaanka dalka iyo dagaalka lagula jiro Al-shabaab.
Ugandha ayaa ka mid ah wadamada ciidamada ugu badan ku leh howlgalka midowga Afrika ee ka socda magaalada Muqdisho ee dalka Somalia, waxaana ciidamadaas ay dagaalo kula jiraan ciidamada ka soo horjeeda ee  Al-Shabaab, iyagoo bilihii ugu dambeeyeyna guulo ka gaaray dagaalada ay kula jiraan Al-shabaab ee ka jiray magaalada Muqdisho.
Wafdigan waxaa ka mid ah taliyihii hore ee ciidamada AMISOM taliyaha ciidamada Uganda, Jen. Katumba Wamala Jen. Nathan Mugisha iyo mudaneyaal ka tirsan ka tirsan baarlamanka dowlada Uganda, waxaana wafdigan uu qeyb ka yahay wufuud ka socota wadamada caalamka oo mudoyinkan safaro ku tegayey magaalada Muqdisho.





Muqdisho :Isnin, February 13, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta ): Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo shalay boqolaal dadweyna ah kula hadlayey Xarunta degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ayaa waxa uu  sheegay in Al Shabaab iyo Al qaacidda ay culus wayn ku hayaan aduunka islamarkaana beesha Caalamka ay ka gaabisay sidii dowladda looga caawin lahaa ladagaalanka dhinacyadaasi.



Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxa uu tusaale usoo qaatay wadanka Afghanistan oo uu sheegay in dowlado fara badan ay u gurmadeen kuwaasi oo uu sheegay in ay kula dagaaalamayaan Al qaacidda hase ahaatee waxa uu sheegay in Gurmadka loo sameeyay Soomaaliya uu yahay mid aad u kooban, waxaana uu sheegay in la xusi karo in Al qaacidda iyo
Al Shabaab ay ka guulaysatay dowladda.



Madaxweynaha dowladda KMG ayaa sheegay in talaabadda xigta una baahan wax ka qabad ay tahay qabyaaladda, waxaan uu sheegay in loo baahan yahay in lala dagaalamo qabyaaladda oo dadka ay muujiyaan isku duubni taasi oo uu sheegay in ay tahay wadada kaliya ee lagu guulaysan karo.



Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya ayaa waxa uu sidoo kale sheegay isku biirida Al Shabaab iyo Al Qaacidda in ay muujinayso in Shabaab wada hadal aysan diyaar u ahayn islamarkaana aysan doonaynin in ay usoo laabtaan dalkooda, waxaana uu sheegay in Al qaacidda loo aqoonsayo in ay tahay gumaysi cidkastana looga baahan in ay qeyb ka qaadato sidii looga xurayn lahaa dalka.



Al Shabaab ayaa horay isaga dhaga tiray baaqyo badan oo dhinaca Nabadda ah oo ay u jeedisay dowladda KMG Soomaaliya, waxaana ku biiritaankooda Al qaacidda ay meesha kasii saaraysaa rajadii laga qabay in Shabaab ay wadahadal la galaan dowladda KMG Soomaaliya







Addis Ababa : Isnin, February 13, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta ): Guddiga Nabadda iyo Amaanka Midowga Africa ayaa sheegay in ku biiridii Al Shabaab ee Ururka Al Qaacida ay cadeyn u tahay in Shabaab ay ka mid noqdeen Argagixisada Caalamiga ah ee dunida ka jirta.



War ay gudigaasi ka soo saareen Magaalada Addis Ababa ee xarunta Midowga Africa ayaa waxa ay ku sheegeen in al shabaab ay hada ka fogaatay rajadii ay dad badani oo soomali ah ka qabeen islamarkaana ay cadeystay in ay tahay sida ay sheegeen koox argagixiso ah.



Guddiga Nabadda iyo Amaanka Midowga Africa ayaa dhinaca kale ka codsaday dhamaan dadka Soomaaliyeed ee aan wali taageerin geedi socodka Nabadda Jabuuti, heshiiskii Kampala iyo shirkii wadatashiga ahaa ee ka dhacay magaalda Muqdisho bishii September 2011 ee Roadmap-ka ay taageraan si loo dhameeyo dhibaatooyinka ka jira dalka.



Guddiga ayaa sidoo kale waxa uu beesha caalamka ku booriyay in ay balaariyaan taageerida ay siiyaan dadka soomaliyeed si loo hirgaliyo nabada iyo kala danbeynta dalka.



Dhawaan ayay ahayd markii hogaamiyaasha Al Qacida iyo Al shabaab ay shaaca ka qaadeen in Xarakada Al Shabab ay ku biirtay Ururka Al qacida oo dagaalo ka wad meelo badan oo dunida ah.





Garoowe : Isnin, February 13, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta ): Maamulka Puntlanad ayaa waxa uu shaaciyay in dhawaan Shir heer sare ah lagu qabanayo magaalada Garoowe, isagoo dhinaca kale Maamulkaasi ka digay in weeraro qaraxyo ah laga gaysto Shirkaasi.



Xili dhawaan lagu wado in Shir weyne Qaran oo daba socda Shirka wadatashiga lagu qabto magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal ayaa Madaxda Maamulka Puntland waxa ay ka digeen in falal amni daro laga gaysto Shirkaasi.



Madaxweyne ku xigeenka Maamulkaasi C/samad Cali Shire ayaa Saxaafadda u sheegay in dhawaan uu Shirkaasi ka furmayo  magaalada Garoowe, waxaana uu ugu baaqay dhamaan shacabka in ay ka shaqeeyaan amaanka inta uu Shirkaasi socoda kaasi oo suura gal tahay qaraxyo laga gaysto.



Magaalada Garoowe ayaa dhawaan waxaa lagu soo gaba gabeeyay Shirkii Wadatashiga Soomaaliya kaasi oo ay kasoo baxeen qodobo ay  ka mid tahay in tirada Xildhibaanada barlamanka laga dhigo 225 Mudane.





Nairobi: Axad, February 12, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta ): Milatariga dowladda Kenya ayaa waxa uu sheegay in uu gacanta ku dhigay haweeney la sheegay in ay ka tirsan tahay Xarakada Al Shabaab.

Afhayeenka ciidamada booliska dalka Kenya Eric Kiraithe oo Saxaafadda kula hadlayey caasimada dalka Kenya ee Nairobi ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen haweeneey looga shakisan yahay in ay xiriir la leedahay Xarakada Al Shabaab.

Eric Kiraithe ayaa xusay in ay kasoo qabteen haweenaydaasi magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi barri ee dalkaasi xiligii lasoo qabanayeyna ay gacanta kula jirtay falal argagixisinimo baaritaanana ay ku hayaan kadibna ay Maxkamad soo taagi doonaan.

Afhayeenka ciidamada booliska dalka Kenya ayaa waxa uu sheegay in haweeneydaani looga shakisan yahay in ay ku lug lahayd falal is qarxin ah iyo weeraro ka dhacay dalka Kenya oo ay ku nafwaayeen muwaadiniin Kenyaati ah oo ay u adeegsan jirtay dhalinyaro u shaqeynayey sida uu hadalka u dhigay.

Eric Kiraithe ayaa xusay in todobaadkaani dhexdiisa rabashado ka dhacay xerooyinka Qaxootiga ee dalka Kenya oo uu sheegay in ay ka dambeeyeen AlShabaab ay ku dhinteen labo ruux ku dhawaad 20 kalana ay ku dhawaacmeen oo dhamaantood ahaa dad rayid ah.






Washington : Axad, February 12, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta ):  Golaha Amaanka ee Q.M ayaa soo bandhigay warbixin ay ku faah faahinayso wajiga cusub ee howlgalka
ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM ee dalka Soomaaliya.

Xoghayaha Guud ee Q.M Ban Ki moon ayaa sheegay in dowladda Kenya dhawaan ay u soo dirayso 4-kun iyo Todobo boqol oo askari Soomaaliya kuwaasi oo dhameeystiraya tirada ciidamda AMISOM ee ay horay u codsadeen Midowga Africa kuwaas oo garayay 17-kun Todobo boqol iyo sodon iyo koow Askari.

Ban Ki moon ayaa sheegay in loo qeybin doono ciidamadaan AMISOM afar waji iyadoo wajiga koobaad uu yahay Gobolka Banaadir oo ay ka howlgalayaan 9,500 oo Askari oo ka socda Burindi iyo Yuganda, balse Sadaxda waji ee kale ay noqon doonaan kuwo kuwa jahan Gobolada Jubooyinka, Gedo Bay, bakool iyo Gobolada Dhexe.

Wajiga Labaad ayaa Ciidamada Kenya waxa ay ku buuxin doona Gobolada Jubada Dhexe iyo Jubada Hoose halkaasi oo la geyn doono ku dhawaad 4,700Askari oo hoostagi doona taliska guud ee Howgalka Nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM.

Wajiga 3-aad ayaa Ciidamo ka socda Burundi iyo Yugandha waxa ay ka howlgalidoona Gedo Bay, Bokool iyo qeybaha Galbeed ee Gobolka Hiiran halkaasi oo la geeyn doono 2,500 oo askari.

Wajiga afaraad ee Howlgalka AMISOM ayaa ka dhici doona Gobolada Galgaduud, Mudug iyo qeybo ka tisan Gobolka Hiiraan iyadoona la geeyn doon ciidamo gaaraya 1000 askari oo ka socda dalka Jabuuti.

Ugu dambeen Q.M ayaa sheegtay in howgalkaan uu ku kici doono qarasha gaaraya 400 ilaa 500 oo Malyan oo dollar, iyadoo ay socdaan qorshayaal lagu midaynayo dhamaan howgalada kala duwan ee ka socda daafaha Soomaaliya kuwaas oo ay sameeynayaan Qubaro ka socota Midowga Africa iyo Q.M.





GaalkacyoMuqdisho: Sabti, February 12, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta ): Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaaku baaqay dagaal ka dhan ah burcad badeeda Soomaalida, isagoo dhinaca kale sheegay inay xoog kusoo furanayaan nin ajinabi ah oo dhawaan laga afduubtay Magaaladaasi.
Max’ed Axmed Caalin Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa waxa uu si kulul ugu hadlay dhibaatooyinka kooxaha burcad badeeda Soomaalida ay ku  hayaan deegaanada hoostaga Maamulka Galmudug, isagoo sheegay in deegaanadaasi ay kusoo kordhiyeen waxyaabo ka dhan ah shareecada Islaamka.
Caalin ayaa iclaamiyay dagaal ka dhan ah kooxaha burcad badeeda Soomaalida, isagoo ugu baaqay laamaha ammaanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada inay gacan ka gaystaan sidii loo ciribtiri lahaa kooxaha burcad badeeda Soomaalida.

Ugu dambeyn ayaa Madaxweyne Caalin waxa uusheegay in Maamulkiisa uu dadaal ugu jiro sidii loo soo furan lahaa saxafi dhawaan laga afduubtay Koofurta Magaalada Gaalkacyo kaasi oo lagu haysto deegaano hoostaga gobolka Mudug.





Muqdisho: Axad, February 12, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta ): Taliska Ciidamada AMISOM ee Magaalada Muqdisho ayaa ka codsaday beesha Caalamka inay ku gacan siiyaan la dagaalanka Al Shabaab.



Afhayeeenka Ciidamada AMISOM Paddy Ankunda oo waraysi siiyay Idaacadda Shabelle ayaa ka codsaday beesha Caalamka inay gacan ku siiyaan la dagaalanka iyo ciribtirka Kooxda Al Shabaab oo dhawaan shaacisay inay ka mid tahay Urur weynaha Al-qaacidda.



Paddy Ankunda ayaa sheegay in ku biiritaanka Al Shabaab ee Al-qaacidda aysan waxba soo kordhin doonin,  isagoo arintaasi ku sababeeyay inay burburtay guud ahaan awooddii Al Shabaab maadaama inta badan Al Shabaab ay isaga baxeen Muqdisho iyo qeybo badan oo ka mid ah gobolada dalka kadib markii ay dagaalo la galeen Ciidamada AMISOM iyo dowladda KMG ah.



Afhayeenka Ciidamada AMISOM mar la waydiiyay su’aal ku aadaneyd sababta keentay in Al Shabaab ay ka mid noqdaan AL-qaacidda ayaa ku jawaabay in Shabaabku ay soo wajahday dhaqaalo dari islamarkaana ku biiritaankaasi ay ka raadinayaan ilo muhiim u ah dhinaca dhaqaalaha.



Sidoo kale waxa uu sheegay in AMISOM ay ka go’antahay inay xaqiijiyaan ammaanka Magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka, isagoo tilmamaay in AMISOM aysan ka laaban doonin balan qaadkii ku aadanaa la dagaalanka iyo ciribtirka Al Shabaab, isagoo tilmaamay in ku biiritaanka Al Shabaab ee AL-qaacida aysan saameyn ku yeelan doonin howlgallada ay ka wadaan Muqdisho.



Hogaamiyeyaasha Al Shabaab iyo Al-qaacidda ayaa cajalo maqal ah oo ay isku dhaafsadeen bogga Internet-ka waxa ay Ururka Al Shabaab ay ku sheegeen inay ka mid yihiin Urur weynaha Al-qaacidda islamarkaana ay sii wadayaan howlgallada ka dhan ah dowladda iyo AMISOM.





Nairobi: Axad, February 12, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta ):  Midwoga Yurub ayaa cambaareeyay qaraxii lagu qaaday dhabarka dambe Hotelka Muna degmada Xamar-weyne ee gobolka Banaadir halaasi oo ay ku geeriyoodeen dad badan oo rayid ah.



Ergaga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan geeska Afrika ayaa  wuxuu si xoog leh u cambaarayay weerrakii miino ee maalmo ka hor ay Xarakada Al Shabaab ku qaadeen dhabarka dambe Hotelka Muna degmada Xamar-weyne ee gobolka Banaadir.



Dilka muwaadiniintaasi Soomaaliyeed ayaa Ururka waxa uu sheegay in uu aad ugu xunyahay islamarkaana dadkii ka dambeeyay falkaasi ay yihiin  kuwa kasoo horjeeda xasiloonimada iyo kala dambeyn ka dhalata dalka Soomaaliya.



Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay qaraxaasi oo loo adeegaday gaari yar oo ah nuucKaaribta, waxaana uu ugu baaqay shacabka Somaaliyeed inay hal meel ugu soo jeestaan
Al Shabaab.



Sidoo kale markii uu falkaasi dhacay kadib ayaa Xubno ka tirsan golaha Wasiirada waxa ay ka hadleen qaabka uu u dhacay falkaasi iyo sida waxa looga qaban karo, iyagoo tilmaamay inay ku dadaalayaan sidii loo adkeyn lahaa ammaanka Muqdisho.



Gudoomiyaha Maamulka gobolka Banaadir Max’ud Axmed  Nuur Tarsan ayaa isna sidoo kale waxa uu sheegay in wax laga aargagaxo ay tahay falkaasi oo ay ku geeriyoodeen dad rayid ah, isagoo shacabka ugu baaqay inay la shaqeeyaan laamaha ammaanka si looga hortago falalkaasi.



Afhayeenka Ciidamada Xarakada Al Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Mucab oo qaraxaasi ka dib la hadlay Idaacad ku hadashay Afka Al Shabaab ayaa sheegay in qaraxaasi ay ku dileen Saraaakiil sirdoon ah oo ka tirsanaa dowladda KMG ah iyo Xildhibaano ka tirsan barlamanka KMG ah.



Qaraxa oo lala beegsaday dhabarka dambe  ee Hotelka Muna ayaa la aaminsanyahay inay ku geeriyoodeen inka badan 12-oo rayid ah halka ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 25-kale oo labo ka mid ah ay ahaayeen Xildhibaano ka tirsanaa barlamanka.




Muqdisho: Sabti, February 11, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta ): Guddiga Cadaaladda barlamanka KMG Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in uu soo dhawaynayo Shirka Soomaaliya ee lagu wado in lagu qabto magaalada London ee dalka Ingiriiska.



Xildhibaan Cali Max’ud Faarax (Seeko) oo xubin ka ah Guddiga cadaalada baarlamanka KMG  Soomaliya ayaa waxa uu ka hadlay shir dhawaan lagu wado in uu ka dhaco magaalada London ee dalka Ingiriiska 23.febraayo.



Cali Seeko ayaa waxa uu sheegay inay soo dhaweynayaan shirkaasi looga hadlayo arimaha Soomaaliya, waxaana carabka ku dhuftay inay jiraan dad aaminsan inuu yahay mid gumeysi ah balse waxa uu yiri waa in laga warsugaa natiijada ka soo baxayso,  sidoo kale waxa tilmaamay in Soomaaliya ay tahay dowlad la aqoonsan yahay kana mid ah caalamka mana ahan maamul gooni ahayuu yiri sida uu hadalka u dhigay.



Xildhibaanka mar la weydiiyay waxa uu shirkaani kaga duwan yahay shirarkii hore waxa uu sheegay in shirarkii hore ay ahaayeen kuwo lagu raadinayey  dowlad Somaliya  ka dhalata balse shirkaani uu yahay mid ka wayn kuwii hore uuna yahay mid waxyaabo wax ku ool ah ay ka soo bixi karaan, Soomaaliyana hadda ay ka jirto dowlad ayna xaqiijisay amaanka  Muqdisho iy qeybo ka mid gobolda dalka Somalia, isagoo codsaday in dowladda la taageero talana la siiyo lagana taageero dhinaca la dagaalanka argagixisada iyo burcad badeeda.



23.02.2012 ayaa waxaa la filayaa in uu ka dhaco  magaalada London shir looga hadlayo arimaha Soomaaliya kaasi oo  ay ka hadleen dad fara badan,  iyadoo isha lagu hayo waxyaabaha ka soo bixi doono shirkaasi.





Muqdisho: Sabti, February 11, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta ):  Maamulka Mudug ee Puntland ayaa cambaareeyay weerar shalay kooxo hubaysan ay ku dileen dad reer miyi ah oo ku noolaa duleedka magaalada Gaalkacyo



Gudoomiyaha gobolka Mudug ee Maamulka Puntland Max’ed Yuusuf Jaamac oo Shir jaraa’id ku qabtay magaalada Gaalkacyo ayaa waxa uu cambaareeyay weerar shalay dableey hubaysan ay ku qaadeen dad reer miyi ah oo ku noolaa duleedka magaalada Gaalkacyo.



Max’ed Yuusuf ayaa waxa uu sheegay in ay ka xun yihiin dadkii ku geeriyooday weerarkasi, waxaan uu sheegay in ay wadaan baaritaano, isagoo ku hanjabay in ay talaabo ka qaadi doonaan kooxihii ka dambeeyay falkaasi hadii ay gacanta ku dhigaan



Gudoomiyaha gobolka Mudug ee Maamulka Puntland ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in iska horimaad shalay ka dhacay Hoteel ku yaalla Gaalkacyo uu u dhaxeeyay kooxo burcad badeed iyo ilaalada Hoteelka kuwaasi oo uu sheegay in ay ku rad joogaan, waxaana uu ugu baaqay Maamulka Galmudug in ay gacan siiyaan sugida amaanka Gaalkacyo





Washington: Sabti, February 11, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta ) : Dowladda Maraykanka ayaa waxa ay shaacisay in ay ka walaacsan tahay ku biirida  Al Shabaab ee  Al qaacidda oo uu sheegay Maraykanka in ay qatarteedu leedahay.



Warbixin kasoo baxday Wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Maraykanka oo ku saabsan ku biiritaanka Al Shabaab ay ku biirtay Al qaaciadda ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda Marayaknaka ay ka walaacsan tahay arintaasi.



Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Maraykanka Victoria Noland ayaa waxa uu sheegtay in ay tahay arin qatar ah halisteedana leh taasi oo ay sheegtay in ay tahay walaac soo wajahay dowladeeda, waxaana ay tilmaamtay  in loo baahan yahay in laga hortago qatarta ka imaan karta Al qaacidda iyo Shabaab



Victoria Noland ayaa waxa ay xustay in dowladda Maraykanka ay il gooni ah ku hayso waxii ay ka yeeli lahayd ku biiritaanka Al Shabaab ee Al qaacidda, waxaana ay sheegtay in sidaasi si la mid ah looga baahan yahay beesha Caalamka in mowqif isku mid ah ay ka qaadato Isbahaysiga Al qaacidda iyo Shabaab, iyadoo sheegtay in ay samayn doonaan kormeero ay kula soconayaan dhaqdhaqaaq Al Shabaab.



Shalay ayey ahayd markii Hogaamiyaha ugu sareeya Al Shabaab uu shaaca ka qaaday in ay si rasmi ah ugu biireen Al qaacidda, iyadoo arintaasi dowladda KMG Soomaaliya ay ku tilmaamtay wax aan cusbeen.






Buuhoodle: Sabti, February 11, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta ): Saraakiisha ciidamada Maamulka Somaliland ayaa waxa ay sheegeen in ay duulaan ku yihiin magaalada Buuhoodle ee gobolka Togdheer si ay gacanta ugu dhigaan magaaladaasi.



Kornayl C/rashiid Dhunkaal Xirsi oo ka mid ah Saraakiisha Hogaaminaysa ciidamada Somaliland ee duulaanka ku ah degmada Buuhoodle ee gobolka Togdheer oo waraysi siiyay Shabelle ayaa waxa uu sheegay in degmadaasi ay u jiraan 7 KM islamarkaana ay ka dagan yihiin dhowr fariisin oo laga galo degmada.



C/rashiid Dhunkaal Xirsi ayaa waxa uu sheegay in iyaga ay u socdaan Nabad galyo balse waxa uu sheegay in colaada Somaliland ay horinayaan dad ugu yeeray fidnawadayaal taasi oo uu ku eedeeyay in uu ka dambeeyo Siyaasiga caanka ah oo mar soo noqday Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Pro. Cali Khaliif Galayr.



Kornaylka ayaa waxa uu xusay in haatan ay socdaan waan waan ku aadan sidii loo joojin lahaa colaada balse waxa uu hoosta ka xariiqay in hadii waan waantaasi ay ka socon weydo dhanka Buuhoodle in ujeedkooda uu yahay in gabi ahaan ay la wareegaan gacan ku haynta degmadaasi.



C/rashiid Dhunkaal Xirsi oo hadalkiisa sii anba qaadayey ayaa waxa uu si kulul u weeraray Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Faroole kaasi oo uu ku eedeeyay in uu hurinayo colaada ka taagan Buuhoodle, isagoo uga digay in uu faraha lasoo galo waxa uu ku sheegay qadiyadda Somaliland.



Korneylka ayaa waxa uu intaasi ku daray in aysan jirin wax barakac ah oo ka taagan deegaanada hoostaga degmada Buuhoodl, isagoo sheegay in Somaliland aysan wax dhibaata ah u gaysan dadka xoola dhaqatada ah.



Dhawaan ayey ahayd markii Madaxweynaha Puntland uu ku eedeeyay Maamulka Somaliland in dagaaladii ka dhacay Buudoole uu ku xasuuqay dad rayid ah oo aan waxba galabsan taasi oo uu sheegay in Maamulkiisa uusan indhaha ka qarsan doonin ugu baaqay in si deg deg ah ay uga baxaan ciidamada Maamulkaasi deegaanada ay kaga sugan yihiinhalkaasi.




 





Muqdisho: Jimco, February 10, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta ) : Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta ka qeyb galayMunaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in MaraakiibtaShisheeye ee ku sugan xeebaha Soomaaliya ay ku fashilmeen wax ka qabashadakooxaha burcad badeeda Soomaalida.

Sheekh Shariif Sheekh axmed ayaa waxa uu sheegay in wax ka qabashada kooxaha burcad badeeda Soomaalida loo baahan yahay in ay qeyb wayn ka qataan ciidamada badda dowladda KMG Soomaaliya kuwaasi oo uu tilmaamay in ay u xilsaaran yihiin difaaca badda Soomaalida.

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamada badda Soomaaliya ay ku dhismeen daruuf adag oo aan la maleen karin, isagoo tilmaamay in looga baahan yahay ciidamada badda in xeebaha Soomaaliya ay ka ilaaliyaan burcad badeeda, Maraakiibta Shisheeye ee qashinka ku daadiya xeebaha iyo Kaluumaysiga Sharci darada ah.

Ugu dambayn Sheekh Shariif Sheekh axmed ayaa waxa uu sheegay in ciidamada badda dowladda KMG Soomaaliya looga baahan yahay in ay daboolaan baahida jirta ee dhinaca wax ka qabashada dhibaatadda ka taagan badda oo ay ka mid tahay falalka burcad badeednimo.

Muqdisho: Jimco, February 10, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta ) :

Siyaasiga caanka ah ee Soomaaliyeed Prof. Cali Khaliif Galeydh iyo wafdi la socda ayaa soo gaaray caasimadda dalka Norway ee Oslo, iyagoona ujeedka safarkoodu yahay mid la xiriira casuumaad ay ka heleen wasaaradda arrimaha dibadda dalka Norway.

Prof. Galeyd oo wareysi gaaban siiyay shabakadda warbaahinta Calanka ayaa uga waramay arrimo ay ka mid yihiin safarkooda Norway iyo xiisaddacolaadeed ee u dhaxeysa maamulada Khaatumo State of Soomaaliya iyo Somaliland, gaar ahaan tan iminka ka taagan magaalada Buuhoodle.

WAREYSIGA PROF. GALEYDH:

Shirar horudhac ah ayuu sheegay in ay la yeesheen wasaaradda  arrimaha dibadda Norway oo ay martiqaad ka heleen, kuwo kalena ay la
yeelan doonaan maalmaha soo socda.
Waxa uu sidoo kale Prof. Galeydh sheegay in ay kulan la qaadan doonaan soomaalida Norway maalinta Sabtida ah oo ku beegan 11/02/12.
Sidoo kale waxa uu Prof. Galeydh ka hadlay shir dhawaan lagu soo gabo-gabeeyay deegaanka Taleex kaas oo mudo bil ku dhow socday, loogana dhawaaqay maamulka Khaatmo State of Somalia oo ay sameysteen dadka ku  dhaqan deegaanada Sool, Sanaag iyo Cayn.


Xiisadda colaadeed ee ka taagan deegaanka Buuhoodle ayuu sidoo kale ka hadlay, waxaana uu sheegay in dhankooda ay diyaar u yihiin in colaadda la soo afjaro islamarkaana labada maamul ee Khaatumo State iyo Somaliland ay wada fariistaan.
Waxa uu ka dhawaajiyay in nabadda uu ku baaqay madaxweynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud "Siilaanyo" aysan aheyn mid u cuntameysa dadka reer Sool, Sanaag iyo Cayn, inta uu xaqirayo maamulkooda.


Muqdisho: Jimco, February 10, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta ) : Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab markii horeyba lagu dhisay Hanti laga dhacay shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna shacabka uga baaqay in ay gartaan kooxdaasi iyo kuwa ku fikirka sidii meel looga soo wada jeesan lahaa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo shalay khubad  u jeedinayay shacabka degmada Howlwadaag ayaa kahadlay halka markii hore laga keenay jiritaanka kooxda Al-Shabaab waxa uuna sheegay in aysan cidna ka qarsaneyn sida Shabaab lagu aas aasay oo ah mid ka fog Diinta Islaamka.

Madaxweyne Shariif ayaa caddeeyay in malleeshiyaadka Al-Shabaab dhaqaalaha lagu aas aasay in laga soo dhacay shirkad ku taalla magaaladaHargeysa ee maamulka Somalilan, isagoo intaa raaciyay in Hantidaasi ay tahay mid ay lee yihiin ummada Soomaaliyeed.

Sidoo waxa uu carabka ku dhuftay madaxweynuhu in  dadka Soomaaliyeed ay yihiin kuwa Naxariis badan, Danbiilayaasha Shabaab ay dalka soo galiyeenna ay ahaayeen kuwa ummada Soomaaliyeed ka codsaday in ay siiyaan Magacgalyo, laakin ay noqdeen Danbiillayaan ah oo dalalkooda ka soo baxsaday.

Madaxweyne Shariif ayaa shacabka Soomaaliyeed uga baaqay in ay gartaan in Shabaab iyo Al-Qaacidda aysan raad lu lahayn Diinta Islaamka,waxa uuna ku booriyay in ay Al-Shabaab ay iyo Al-Qaacidda  ka hortagaan oo ay muujiyaan Gartida lagu yaqaanno shacabka Soomaaliyeed.

Haddalka madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa ku soo aadaya xilli horjooggaha Al-Shabaab uu shaaca ka qaaday in ururkooda uu si rasmi ah uga biiqay ururka agagaxisada ah ee Al-Qaacidda, kadib markii cod ay kawa wada hadlayeen horjooggayaasha Shabaab iyo Al-Qaacidda oo lasoo galiyay barta Inetenet-ka.

KMuqdisho: Jimco, February 10, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta ) : Shir gaar ah ayaa  maanta magaalada Jabuuti ee Janhuuriyadda dalka Jabuuti uga furmay wasiirrada arrimaha dibedda ee urur gobolleedka IGAD, iyadoo dowladda Soomaaliyana ay shirkaasi uga qeyb galaan wasiirka arrimaha dibedda iyo wasiirka Qorsheynta.

Shirkan maanta uga furmay wasiirrada arrimaha dibedda ee urur gobolleedka IGAD ayaa looga hadli doonaa arrimo badan oo ay ka mid tahayshirka magaalada London ka furmaya bishna aynu ku jirto isla markaana arrimaha Soomaaliya xal loogu raadinayo.

Sidoo kale waxaa wasiirrada arrimaha dibedda ee IGAD ay kulankooda ku muujinayaan mowqifka ay ka joogaan shirka London, iyo sidii Soomaaliya ay cagaheeda isugu taagi lahayd.

Shirka maanta Jabuuti ka furmay ee ay leeyihiin wasiirrada arrimaha dibedda IGAD ayaa waxaa Soomaaliya goob joog uga ah Ra’iisul wasaare ku xigeen ahna wasiirka arrimaha dibedda mudane Maxamed Maxamuud Xaaji Ibraahi  iyo wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga caalamiga ah mudane C/llaahi Barre Goodax.

Shirkan gaarka ah ee wasiirrada urur gobolleedka IGAD ayaa la filyaa in laga soo saaro War Murtiyeed ka kooban qodobo badan oo ay ugu horeysoarrimaha Soomaaliya.

Muqdisho: Khamiis, February 9, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta ) : Munaasabadda oo Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ay ku  wehliyeen Wasiirro ka tirsan Xukuumadda,Duqa Magaalada Muqdisho,gudoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir iyo Saraakiil Ciidammada ah ayaa waxaa ay Dowladdu kula wareegeysay dhismayaasha Qaranka ee ku yaala degmada Howlwadaag kuwaasi oo dadkii sida sharci darrada ku degenaa 21sano laga saraay waxaana soo qaban qaabiyey maamulka degmada Howlwadaag.











Muqdisho: Khamiis, February 9, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta ) : Ergayga Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Wufula Mamuyiyi oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu si kulul u cambaareeyay weerarkii qaraxa ahaa ee galinkii dambe ee shalay ka dhacay dhabarka dambe Hotelka Muna ee Magaalada Muqdisho.

Wufula Wamuyiyi ayaa waxa uu weerarkaasi ku tilmaamay mid wuxuushnimo ah, isagoo ugu tacsiyadeeyay eheladii dadkii shacabka ahaa ee waxyeeladaisugu jirta dhimashada iyo dhaawaca kasoo gaartay qaraxaasi.

Dhinaca kale Warsaxaafadeed kasoo baxay Ururka Midowga Afrika islamarkaana uu Warbaahinta u aqriyay ku xigeenka Ururka Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in Midowga Afrika gudaha dalka Soomaaliya uu ka fulinayo mashruucyo is daba joog ah oo ku baxaysa lacag gaaraysa 4.5-Milyan oo doolar-ka Maraykanka ah.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Mashaariicdaasi ay ka koobnaan doonaan dhismo Iskuul oo laga sameyn doono gudaha Magaalada Muqdisho, matooro la galinayo Isbitaalatada qaarkood, qalabeynta Xarumaha booliska iyo biyo galin ay ku baxayso lacag gaaraysa 1.3-Milyan oo doolarka Maraykanka taasi oo uu sheegay inay ka faa’ideysanayaan dadka ku nool ilaa 4-degmo oo ka mid ah gobolka Banaadir.

Bayaanka kasoo baxay Ururkaasi ayaa lagu xusay in sidoo kale Mashruucaasi looga faa’ideyn doono qaar ka mida h Wasaaradaha dowladda KMG Soomaaliya iyo saro u qaadidda Machadka tababarka Ciidamad qaranka ee Jaziira, iyadoo la xusay in AMISOM ay heshiis afgarad ah la gashay dowladda Angola kaasi oo la tilmaamay inay la xiriirto balan qaad ay sameysay dowladdaasi oo ku aadan caawinta booliska.

Ugu dambeyn Warsaxaafadeedka Midowga Afrika ayaa waxa lagu sheegay in xaaladda Magaalada Muqdisho ay tahay mid wanaagsan 70% islamarkaana ay jiraan ilaa kun ruux oo lagu eedeynayo inay xiriir la leeyihiin AL Shabaab oo gacanta lagu dhigay.


Muqdisho: Khamiis, February 9, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta ) : Taliska Ciidamada Militariga dowladda KMG Soomaaliya ayaa sheegay in Xarakada Al Shabaab Magaalada Muqdisho ay ka bilaabeen dagaalo wajiyo cusub leh, iyagoo dhinaca kale shacabka ugu baaqay inay ku gacan siiyaan sidii Al Shabaab loo tirtiri lahaa.

Abaan duulaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya Jenaral C/kariin Yuusuf Aadan (Dhegabadan) oo maantaSaxaafadda kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in Xarakada Al Shabaab ay wiiqantay awooddii ay ku lahaayeen Muqdisho islamarkaana ay noqdeen kuwa kusoo dhex milma shacabka Soomaaliyeed sida uu hadalka dhigay.

“Anagoo hadda dagaal ku jirna, Cadowgii wuxuu kusoo noqday gudaha, markii uusoo galayna gudaha, waxaa dhacday in qofkastaaba in qof heerkoodu ah ama famil sheeganaayo uu dhabarkiisa ku aadiyo, marka waxaa wax looga qaban karaa in qofna aan dhabarkiisa qof ku aadin” sidaasi waxaa yiri Abaan duulaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Dhegabadan ayaa intaasi ku daray inaysan soo laabaneyn qaraxyada nuucaani oo kale ah oo ay Shabaabku la beegsanayaan goobaha ay ku sugan yihiin dadka shacabka ah islamarkaana ay xaqiijin doonaan ammanka dalka Soomaaliya, isagoo ugu baaqay in shacabka ay la shaqeeyaan Ciidamada.

Shalay galinkii dambe ayay aheyd markii gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa lala eegtay dhabarka dambe ee Hotel Muna halkaasi oo ay ku geeriyoodeen dad rayid ah oo aan waxba galabsan.




Muqdisho: Khamiis, February 9, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta ) : Xarakada Al Shabaab ayaa dad ay ku jiraan Nabadoono ku xir xiray degmada Gal-cad, iyagoo la wareegay Ceel-biyood iyo xoolo la sheegay in degmadaasi laga lahaa.

Wararka ka imaanaaya Tuulada Bud-bud ee degmada Gal-cad ee gobolka Galgaduud ayaa waxa ay ku waramayaan in maanta barqadii Ciidamo ka  tirsan Al Shabaab oo wata afar gaari oo nuuca dagaalka ah ay gaareen Tuulada Bud-bud halkaasi oo la sheegay in maalmihii u dambeeyay ay isku
hayeen labo maleeshiyo oo isku hayay gacan ku haynta Ceel-biyood ku yaalhalkaasi.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa ay sheegeen in Ciidamada Al Shabaab ee maanta gaaray Tuuladaasi ay gacanta ku dhigeen afar qofood oo labo ka mid ah ay ahaayeen dad nabadoon ah, iyadoo goobjoogayaasha ay sheegeen inay la wareegeen Ceel-biyoodkii ay isku haysteen labada Maleshiyo iyo Xoolo tiradoodu aan wali la cayimin
oo ku dhaqnaa deegankaasi.

Macadda sababta dhabta ah ee ka dambeysa in Al Shabaab ay la wareegaan Ceel-biyoodka iyo Xoolaha, hase ahaatee goobjogayaasha ayaa sheegaya in Nabadoonada oo qarkood la jirdilay lagu qaaday gaari dagaal oo ay wateen ciidamada Al Shabaab kuwaasi oo aan la shaacin halka lagu xiray.

Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya Tuulada aya waxa ay sheegayaan inay jiraan dad ka caraysan xiritaanka Nabadonada iyo la wareegitaanka Ceel-biyoodka iyo xoolaha, inkastoo Ciidamada Al Shabaab la sheegay inay howlgallo ka biilaabeen halkaasi.


Muqdisho: Khamiis, February 9, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta ) :  Ururka Jaamacadda Carabta ay kulan ay ku yeesheen Xarunta Ururkaasi oo ku taala Magaalada Qaahira ee
Caasimadda dalka Masar waxa ay ka hadleen kulanka 23-ka bishan ka dhacaya Magaalada London ee Xarunta dalka Ingiriiiska kaasi oo ay soo qaban qaabiyeen Mas’uuliyiinta dalkaasi.

Kulankaani oo ay kasoo qeyb galeen Xubno sar sare oo ka tirsan dalalka Jaamacadda Carabta, Safiiro dalka Masar u matalaya Jaamcaadda Carabta ayaa waxa ay isku raaceen taageeridda iyo garab istaagidda shirka ka dhaca Magaalada London kaasi oo ay tibaaxeen in muhiimad gooni ah uu u leeyahay xalinta khilaafaadka siyaasadeed ee mudada dheer soo jiitamayay ee Soomaaliya.

Shirka la filayo in uu ka dhaco Magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa la filayaa inay ka qeyb galayaan inka badan 40-dal, waxaana Ururka Jaamacadda Carabta ay sheegeen in shirkaasi uu yahay midkii lagu soo afjari lahaa dhibaatooyinka mudada 20-ka sano ah ka jiray Soomaaliya.

Ugu dambeyn Ururka Jaamacadda Carabta ayaa waxa ay sheegeen inay ka qeyb galayaan shirka ka dhacaya dalka Ingiriiska islamarkaana uu muhiimad gaar ah u leeyahay, iyagoo sheegay inay ku rajo wayn yihiin in shirkaasiuu noqdo mid guul kusoo dhamaada.




Muqdisho: Arbaco, February 8, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta ) : Qarax Ismiidaamin ah ayaa Daqiiqad Ka Hor ka dhacay dhabarka danbe ee Hotel Muna ee degmada X/weyne, kaasi oo sida la sheegay ay ku geeriyoodeen dad badan kuwa kalena ay ku dhaawacmeen.

Qaraxan ayaa ahaa mid loo adeegsaday gaari Kaarib ah oo laga soo buuxiyay Walaxaha qarxa waxa uuna ku qarxay dhabarka danbe ee Hotel Muna ee degmada X/weyne, iaydoo lagu soo waramayo in uu ka dhashay qasaare badan, in kastoo aan la xaqiijin weli.


Ruux Kamid ah Dadka goobta ku sugnaa halka uu qaraxa ka dhacaya ayaa inoo xaqiijiyay in dhabarka danbe ee Hotel Muna, gaar ahaan Baar Fatxi oo ay ku qaxweenayeen Xildhibaanada Soomaliaya iyo dad aad u badan uu saameeyay, iyadoo dadkii halkaasi ku sugnaa ay Geeriyoodeen halka kuwa kalena ay ku dhaawacmeen.

Dhanka kale illa hadda laga oga cida ka danbeesa qaraxaani, waxana goobta uu ka dhacay soo gaaray ciidammada dowladda Soomaaliya oo goobta ka wada gurmad iyo baaritaanno xoogan

Wixii Warar ah Kala Soco Wararkayna Danbo insha Allah


Muqdisho: Arbaco, February 8, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta ) : Inta la og yahay 4 qof ayaa ku dhimatay, tirra intaas kabadana waa  ay ku dhaawacmeen dagaal xooggan oo saakay ka billowday xaafadda Horumar ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Wariye ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa u sheegay Moqdisho Radio dagaalka in uu dhaxeeyo ciidamo ka tirsan Puntland iyo maleeshiyo beeleed ka soo jeeda dhinaca koonfurta Gaalkacyo oo uu ka arrimiyo maamulka Galmudug.

Dagaalka ayaa waxa uu bilowday markii ciidamo ka tisran maamulka Puntland ay saaka xaafada horrumar ay ka bilaabeen  howlo amni sugid ah  markiiba waxa qorya la soo baxay maleeshiyo deeganka ah oo rasaaseeyay  ciidmada sidaasna waxa ku bilowday dagalka sida ay lee yihiin dadka deeganka.

Si kastaba, dagaalka oo hadda istaagay ayaa dhaawacyada labada dhinac loo kala qaaday isbitaalada waqooyiga iyo koonfurta Gaalkacyo ee gobalka Mudug halkaas oo lagu daweynaayo.

Ma jirto cid ka tirsan maamullada Puntland ama Galmudug oo wali ka hadashay dagaalka saaka ka bilowday deeganka Horrumar,

Ma ahan markii ugu horreysay oo dagaalo ay ka dhacaan magaalada  Gaalkacyo kuwaas oo ku lug lee yihiin maamulada Puntland iyo Galmudug.



Muqdisho: Arbaco, February 8, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta ) : Xildhibaano ka tirsan barlamanka oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegeen in musuq maasuq baahsan uu ka dhex jira dowladda KMG Soomaaliya.

Kulankaani oo ahaa mid si heer sare ah loo soo agaasimay islamarkaana ay isugu yimaadeen Mudanayaal ka tirsan barlamanka KMG ayaa waxa uu ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho, iyagoo si wayn uga hadlay musuq maasuq baahsan oo ka dhex taagan Hay’adaha dowladda KMG Soomaaliya

Xildhibaan Qaalid Cumar Cali oo ka hadlay kulankaasi ayaa waxa uu sheegay in loo baahan yahay wax ka qabashada musuq maasuq dhanka dhaqaalaha ah oo uu sheegay in uu ka dhex jira gudaha dowladda KMG Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaa waxa uu tilmaamay in la doonayo in Madax banaani buuxda la siiyo Guddiga ka hortaga musuq maasuqa oo dhawaan uu ku dhawaaqay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG C/wali Cali Gaas  taasi oo loo baahan yahay in Guddigaasi hadii ay doonaan in ay baaritaan ku sameeyaan Xafiiska Madaxweynaha, kan Ra’iisul wasaaraha iyo sidoo kale Kan gudoomiyaha barlamanka in aan laga horistaagin.

Qaalid Cumar Cali ayaa waxa uu intaasi ku daray in laga rabo Guddiga in ay isha ku hayaan ilaha dhaqaalaha dowladda KMG sida Eleborka, iyo Dekada wayn ee magaalada Muqdisho taasi oo uu tilmaamay in loo baahan yahay in ay wada shaqayn dhexmarto Gudigaasi iyo hanti dhowrka guud ee dowladda Soomaaliya.

Xildhibaanka waxa uu sheegay in loo baahan  yahay in dhaqaalaha soo gala dalka sida mucaawinooyinka in dhaqaalaha kasoo baxa in la doonayo in lagu shubo Bangiga dhexe ee Soomaaliya islamarkaana faaf reeb lagu sameeyo dhaqaalaha ka baxa dowladda iyo waxa soo galay.

Wadanka Soomaaliya ayaa waxa uu ka mid noqday dhowr jeer oo hore wadamada ugu musuq maasuqa badan Caalamka ee ku jira safka hore taasi keentay in dhawaan Ra’’iisul wasaare Gaas uu ku dhawaaqo Guddiga ka hortaga Musuq maasuqa.



Muqdisho: Arbaco, February 8, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta ) : Wafdigaani oo uu hogaaminayey Alexander Roumds oo ah wakiilka Midowfa Yurub u qaabilsan geeska Afrika ayaa maanta waxa uu soo gaaray magaalada Muqdisho oo ay kulamo kula duwan kula qaateen Xarunta Madaxtooyada madaxweynaha dowladda KMG Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul wasaare C/wali Cali oo ay ka wada hadleen arimo ku saabsan Soomaaliya.

Kulumada oo mudo saacado ah socday kadib ayaa waxaa Warbaahinta si wada jir ah ula hadlay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda C/wali iyo  Alexander Roumds kuwaasi oo faah faahin ka bixiyay kulamada ay wada qaateen iyo waxyaabaha ay isku afgarteen.

Midowga Yurub u qaabilsan geeska Afrika ayaa waxa uu sheegay in Midowga uu taageero dhinac walba ah uu siinayo dowladda KMG si ugu guulaysto xasilinta amaanka dalka iyo hurumarinta Hay’adaha dalka, , isagoo sheegay sidoo kale sheegay in Madaxda DKMG uu kala hadlay kulanka lagu qabanyo magaalada London ee Soomaaliya ku saabsan, waxaana uu intaasi ku daray in socdaalka ay ku yimaadeen magaalada Muqdisho uu yahay mid muujinaya in amaanka magaalada wax wayn laga qabtay.

Dhawaan ayey ahayd marki Xoghayaha arimaha dibadda ee dowladda Ingiriiska uu soo gaaray magaalada Muqdisho kaasi oo madaxda dowladda la qaatay kulamo looga hadlayey arimaha Soomaaliya oo ay ka mid tahay sida loo sii wadi lahaa dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda dalka



Muqdisho: Arbaco, February 8, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta ) : Madaxweynaha dowladda KMG iyo Ergeyga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ayaa maanta kulan looga hadlayay khilaafka barlamanka ku yeeshay magaalada Muqdisho

Kadib kulan balaaran oo ay albaabada u xirnaayeen oo maanta magaalada Muqdisho ay ku yeesheen Madaxweyne Shariif iyo Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan arimaha Soomaaliya Jerry Rowlings ayaa  waxaa looga hadlay khilaafka ka dhex taagan Xildhibaanada barlamanka KMG Soomaaliya kaasi oo soo jiitamayey mudooyinkii dambe.

Kulanka ay labada Mas’uul wada qaateen ayaa waxa uu soconayey mudo saacado ah, iyadoo ay isla soo hadalqaadeen xaaladihii u dambeeyay ee barlamanka iyo sida Midowga Afrika uu udanaynayo in dowladda KMG ay horay u socoto, waxaana si dhan ah aan loo ogyan waxyaabaha saldhiga u ah kulankaasi.

Jerry Rowlings oo war kooban jeediyay markii uu kulanka soo gabagaboobay ayaa waxa uu sheegay in Soomaaliya uu u yimid sidii xal kama dambays ah looga gaari lahaa muranka hareeyay barlamanka, waxaana uu intaasi ku daray in Midowga Afrika uu go’aan cad ka qaadan doono khilaafkaasi, iyadoona Ergeyga Midowga Afrika ee Somaliya uusan wax kulama ah la qaadan maanta Xildhibaanada barlamanaka ee iska soo horjeeda.

Ra’iisul wasaare C/wali Max’ed Cali Gaas ayaa dhinaca kale waxa uu soo dhaweeyay dadaalada uu wado Rowlings ee ku aadan khilaafka ka dhex jira Xildhibaanada, waxaana uu sheegay in Xukuumadiisa ay si wayn uga xun tahay in  barlamanka uu is qabqabsado, isagoo ugu baaqay labada in ay wada hadal ku dhameeyaan muranka u dhaxeeya islamarkaana la raaco dastuurka u yaalla dalka.

Midowga Afrika ayaa horay u shaaciyay in aan marnaba la aqbali karin khilaafka ka dhex taagan Mudanayaashabarlamanka oo ah Hay’adda ugu saraysa dalka xili ciidamo ka socda Midowga Afrika ay ku sugan yihiin gudaha Soomaaliya kuwaasi oo dalka ka wada howlgal ay ku taageerayaan dowladda KMG Soomaaliya.



Buuhoodle: Muqdisho: Arbaco, February 8, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta ) : Faah faahin dheeri ah ayaa kasoo baxaysa dagaal u dhaxeeyay ciidamada Maamulka Somaliland iyo dad deegaanka oo saaka ka dhacay degmada Buuhoodle ee gobolka Togdheer.

Dagaalkaani oo u dhaxeeyay ciidamada maamulka Somaliland iyo iyo maleeshiyaad hubaysan oo dadka deegaanka oo ka dhacay degmada Buuhoodle ee gobolka Togdheer ayaa waxaa la sheegay in faah faahin dheeri ah ay kasoo baxayso sida ay Shabelle u sheegeen dadka shacabka qaar ka mid ah oo ay la xiriirtay.

Qasaaro badan oo dhimasho iyo dhaawac ah oo aan la ogayn inta uu la egyaha ayaa ka dhashay dagaalka oo labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka culus iyo kan fudud, iyadoo dagaalka uu yimid sida la sheegay markii ciidamada Somaliland ay weerar ku qaadeen Buuhoodle.

Saraakiil u hadashay dadka deegaanka ayaa waxa ay sheegeen in dagaalkaasi ay qasaaro ku gaarsiiyeen ciidamada Somaliland ilsmarkaana ay ka qabsadeen ilaa 4 gaadiidka dagaalka ayna ka qabteen tiro maxaabiis ah.

Wasiirka gaashaandhiga Somalilnad oo la hadlay BBC-da ayaa waxa uu sheegay in dagaalkaasi uu qasaaro kasoo gaaray ciidamadooda oo uu sheegay in askar ay ka dhinteen kuwa kalana ay ka dhaawacmeen balse waxa uu sheegay in tirada dadka wax ku noqday dagaalka ay dib kasoo sheegi doonaan.

Xaaladda degmada Buuhoodle ee saaka uu dagaalka ka dhacay ayaa waxaa la sheegay in haatan ay tahay mid dagan, inakastoo wali ay horfadhiyaan ciidamadii dagaalamay.



Muqdisho: Tuesday, February 7, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta ) : Ra’’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya oo maanta dib ugu soo laabtay dalka ayaa waxa uu ka warbixiyay in socodaaladii uu ka tagay wamada talyaaniga iyo Jabuuti oo ay ka dhaceen Shirar looga hadlayay arimaha Soomaaliya.

Kadib markii maanta magaalada Muqdisho uu soo gaaray Wafdi balaaran oo uu hogaaminayey Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya C/wali Max’ed Cali kuwaasi oo safaro kusoo kala bixiyay qaar ka mid ah wadamada beesha Caalamka ayaa Ra’iisul wasaaraha waxa uu ka warbixyay Shirar ku saabsanaa Soomaaliya oo ka kala dhacay dalalka Talyaaniga iyo Jabuuti.

C/wali Max’ed Cali oo Saxaafadda kula hadlay Xafiiskiisa magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in ay been abuur tahay warar maalmihii u dambeeyay la isla dhexmareyay oo sheegayey in dalka Soomaaliya la galin rabo Maxmiyad ama Gumaysi, isagoo sheegay in dowladda arintaasi lagu tuhmayo ee Talyaaniga ay iska fogeeyeen wararkaasi ayna kala
hadleen arimaha Soomaaliya sida in dalka ay mashaariic ka fuliso iyo sidii dadka Soomaalida ee dalkaasi ku nool aan loo dhibaatayn lahayn.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay dhinaca kale in Shirkii Kooxda xiriirka Caalamiga ee ka dhacay Jabuuti qodobada kasoo baxay ka mid tahay in la dar dar galiyo arimaha Roadmap-ka islamarkaana la joojiyo khilaafka barlamanka Soomaaliya, isagoo sheegay in Shirkaasi ay kasoo baxeen qodobo wanaagsan oo uu xusay in ay wax ka
badali karaan hadii ay hirgalaan xaaladda dalka Soomaaliya.

C/wali Max’ed ayaa ugu dambayn waxa uu sheegay in magaalada Nairobi kulamo uu kula qaatay wasiirka arimaha dibadda ee dalka Ingiriiska kaasi oo uu sheegay in ay ka wada hadleen Shirka Soomaaliya ku saabsan ee ka dhacaya London, waxaana uu sheegay in Shirkaasi looga hadli doono aayaha Soomaaliya.



Muqdisho: Tuesday, February 7, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta ) : Garoowe:(Sh. M. Network) Madaxweynaha Maamulka Puntland oo  maanta kusoo laabtay magaalada Garoowe ayaa waxa uu faah faahin ka  bixiyay Shirar Soomaaliya ku saabsanaa oo uu ka qeyb galay kuwaasi oo ka kala dhacay Jabuuti iyo Imaaraadka Carabta.

C/raxmaan Sheekh Max’ed Faroole, Madaxweynaha Maamulka Puntland oo  maanta dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyay socdaalo uu kusoo kala bixiyay dalalka  Imaaraadka Carabta iyo Jabuuti oo looga hadlayey arimaha Soomaaliya.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulkaasi C/samad Cali Shire ayaa waxa uu Warbixin ka siiyay Faroole dagaaladii ciidamada Maamulka Somaliland iyo dadka deegaanka ku dhexmaray qeybo ka mid ah gobolka Sool, isagoo  sheegay in Somaliland ay doonayso in ay xoog ku qabsato dhul aysan lahayn.

Intaasi kadib ayaa waxaa Saxaafadda la hadlay Madaxweynaha Puntland waxaana uu sheegay in uu kasoo qeyb galay Shir ka dhacay Imaaraadka Carabta oo uu sheegay in looga hadlay arimaha burcad badeeda Soomaalida, waxaana uu sidoo kale sheegay in uu ka qeyb galay Shirkii Kooxda xiriirka Caalamiga.


Muqdisho: Tuesday, February 7, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta ) : Maamulka gobolka Banaadir ee dowladda  KMG Soomaaliya ayaa uu faah faahin ka bixiyay qarax miino oo qasaaro gaystay kaasi oo maanta ka dhacay degmada Xamar weyne ee gobolka Banaadir.

Gudoomiye ku xigeenka dhinaca amaanka ee Maamulka gobolka Banaadir Warsame Max’ed Axmed Joodax ayaa waxaa uu faah faahin ka bixiyay qarax  maanta ka dhacay Nawaaxiga Xarunta Maamulka ee degmada Xamar weyne ee magaalada Muqdisho.

Warsame Max’ed Axmed Joodax ayaa waxa uu sheegay in qaraxaasi uu ahaa miinada dhulka lagu aaso oo Rumuudka laga hago, waxaana uu sheegay in  dadka deegaanka ay arkeen miinadaasi kadibna ay kusoo wargaliyeen ciidamada, iyadoo xili ay doonayeen ciidamada in ay halkaasi ka saaraan
lagu qarxiyay, isagoo tilmaamay in hal askari uu dhaawac kasoo gaaray qaraxaasi.

Gudoomiye ku xigeenka dhinaca amaanka ee Maamulka gobolka Banaadir ayaa waxa uu sidoo kale ka hadlay amni darada ka jirta magaalada Muqdisho,  waxaana uu sheegay in ay wadaan dadaalo looga hortagayo hubka sharci darada ah ee lagu dhexsito goobaha ay ku sugan yihiin dadka shacabka ah.

Xili ay dadka reer Muqdisho ay si aad uga cabanayaan hubka sharci daradaah ee lagu dhexsita bulshada dhexdeeda ayaa waxaan la ogayn sida uu u dhaqan gali karo hadalka Maamulka gobolka Banaadir ee ku aadan in aysan ogalaan doonin hub aan sharci ahayn.



Muqdisho: Tuesday, February 7, 2012 (Wararka Dowladda ee Maanta ) :  Maamulka degmada Shingaani ee dowladda KMG Soomaaliya ayaa amar ku bixiyay in ay dib ugu laabtaan
deegaanadooda qaar ka mid ah barakacayaasha ku nool degmadaasi oo abaarta ay soo barakicisay.

Gudoomiyaha degmada Shingaani ee dowladda KMG Soomaaliya Ibraahim Max’ed Muqtaar (Babaay) oo u waramayey Idaacadda Shabelle ee magaalada  Muqdisho ayaa waxa uu ka hadlay xaaladda barakacayaasha ku nool degmadaasi, isagoo ugu baaqay in loo baahan yahay barakacayasha in ay dib ugu laabtaan goboladii ay ka yimaadeen markii hore.

Ibraahim Max’ed Muqtaar (Babaay) ayaa waxa uu sheegay in barakacayaasha ay ka gudbeen marxaladii adkayd oo ay soo mareen, waxaana uu shaaca ka qaaday in looga baahan yahay barakacayaasha in ay firaaqeeyaan degmada Shingaani, isagoo ka dalbaday Hay’adaha samafalka in ay ka qeyb qaataan sidii dadkaasi loogu celin lahaa deegaanadii ay kasoo hayaameen.

Gudoomiyaha degmada Shingaani ee dowladda KMG ayaa waxa uu dhinaca kale soo hadal qaaday dadka wali ku harsan dhismayaasha dowladii dhexe ee degmadaasi, isagoo sheegay in lagama maarmaan ay tahay in laga baxo goobahaasi islamarkaana loo hogaansamo amarka Madaxweyne Shariif si
Wasaaradaha Xukuumadda ay ugu shaqeeyaan goobahaasi.

Maalmo ka hor ayaa qaar ka mid ah Hay’adaha samafalka ee ka howlgalla magaalada Muqdisho waxa ay bilaabeen barnaamij ay dib ugu celinayaan qoysaska barakacayaasha deegaanadii ay ka yimaadeen ee Soomaaliya, iyagoo hay’adahasi ay dadka ka saacidayaan adeegyyo ay ka mid yihiin
gadiidkii ay ku laaban lahaayeen, lacago iyo raashin ay kusii maareeyaannoloshooda.






som

 



Muqdisho: Isniin February 6, 2011 (Somaligov Portal News) : Munnaasabad lagu soo bandhigayay Buug cusub oo loogu magac daray

Xisaabta Maaliyadda oo uu qoray Admiral faarax Axmed Cumar Taliyaha ciidanka badda Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Munaasabadda lagu soo bandhigayay buuga cusub ee uu qoray taliyaha ciidanka Badda Soomaaliya Admiral Faarax Qare ayaa waxaa ka soo qeygalaymas’uuliyiin ka kala socotay wasaaradda Maaliyadda iyo lacagta, wasaaradda Arrimaha dibadda iyo maamulka sare ee jaamacadda Xamar

Admiraal Faarax Axmed Cumar oo qoray buuggan Xisaabta Maaliyadda iyo Sakadda oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay muhiimadda uu leeyahaybuugani isagoo hoosta ka xariiqay in buuggani uu ka hadlayo qodobbo muhiim ah.

Taliyaha ciidamada Badda ayaa ku boorriyay ganacsatada Soomaaliyeed iyo qeybaha kala duwan ee Ardayda Soomaaliyeed in ay si weyn uga  faa’ideystaan buuggan maadaama ay ku jiraan qodobbo aad muhiim u ah.


Muqdisho: Isniin February 6, 2011 (Somaligov Portal News) : Taliyaha Ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Ciidamada AMISOM ay ka wadaan gudaha Magaalada Muqdisho oo maanta Warbaahinta kula hadlayay Xero ay ku nool yihiin qoysas barakacayaal ah oo ku dhow fariisimaha ugu wayn Ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin Muqdisho ayaa waxa uu sheegay inay ballaarinayaan howlgalka Militari oo ay wadanka kaga saarayaan dagaalyahanada Xarakada Al Shabaab.

Sareeye Guutu Paul Lokiech ayaa waxa uu sheegay in la gaaray waqtigii shacabka Soomaaliyeed aan laga xaqiri karin inay haleen Nabadda oo cidnaaysan ka horisaagi karin, wuxuuna intaasi raaciyay inaysan jirin cid kahoristaagi karta shacabka horumarkoodu iyo xoryadooda.

Hadalkaani ayaa Taliyaha Ciidamada Uganda waxa uu jeediyay xilli Militariga Uganda ay u dabaaldagayaan 31-guuradii kasoo wareegatay jiritaanka Ciidamadooda, iyadoo Warsaxaafadeed laga soo saaray Munaasabaddaasi lagu sheegay in dowladda Uganda shacabka Soomaaliyeed aykagala qeyb qaadanayso Munaasbaddaasi owgeed in Ciidamada Uganda ay caawiyaan qoysaska barakacayaasha ah ee ku jira ilaa 3-Kaam oo ku yaala Muqdisho iyo howlaha Nadaafadeed oo ay ka fulinayaan wadada hareer ee marta Elabaroorka Magaalada Muqdisho.

Ugu dambeyn Kornel Katwekyeir Kamurari oo ah Sarkaalka AMISOM u qaabilsan Xiriirka dadweynaha ayaa arintaani waxa uu ku micneeyay Istaraatiijiyad cusub oo AMISOM ay ku doonayso inay ku wanaajiso xiriirka kala dhexeeya dadka shacabka ah, isagoo ugu baaqay Ciidmada Militariga dowladda KMG ah inay la yimaadaan arintaani oo kale si ay u wanaagsanaato xiriirka kala dhaxeeya bulshada Soomaaliyeed.



Muqdisho: Isniin February 6, 2011 (Somaligov Portal News) : Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya aya sheegay inay ku dhawaad 100-Iskuul laga furayo Magaalada Muqdisho si sare looga qaado aqoonta Umadda Soomaaliyeed.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya oo maanta tagay Dhismaha wayn Bacadlaha eedegmada Xamar-weyne ayaa waxa uu sheegay in dowladdu ay damacsantahay qorshayaal cusub oo kor loogu qaadayo aqoonta Umadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Muqdisho kaasi oo u sheegay in dowladda hormuud ka tahay.

Madaxweynaha ayaa waxa uu tilmaamay in Muqdisho ay ka hergali doonaan 90-Iskuul oo wax lagu bari doono Caruurta iyo dadka waawayn si loogu kordhiyo aqoonta iyo garaadka Umadda Soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa hadalkiisa waxa uu imaanayaa xilli dhismayaal waxbarasho oo dowladda ay leedahay horey loogu baaqay in la baneeyo, si looga qabto howlihii logou talagalay.


Buuhoodle: Isniin February 6, 2011 (Somaligov Portal News) : Xiisad colaadeed oo u dhaxaysa ciidamada Maamulka Somaliland iyo Maamulka Khaatumo ayaa waxaa laga dareemayaa deegaano ka tirsan kuwa uu ka taliyo Maamulkaasi.

Afhayeenka Maamulka Khaatumo C/risaaq Bakeyle Xaaji oo u waramayey Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ka hadlay ciidamo ka tirsan Maamulka Somaliland oo lasoo dhoobay deegaano ka tirsan gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn.

Afhayeenka ayaa waxa uu tilmaamay in Maamulka Somaliland uu wali wado daandaansi iyo galuf colaadeed, isagoo sheegay in ciidamadooda ay qarka u saaran yihiin in ay dagaal la galaan kuwa Somaliland oo uu sheegay in ay difaac isugu jiraan, waxaana uu ugu baaqay beelaha daga deegaanada Somaliland in dhalinyaradooda ay kala baxaan ciidamada Maamulka Somaliland si aysan dhibaato usoo gaarihn.

C/risaaq Bakeyle Xaaji, Afhayeenka Maamulka Khaatumo ayaa waxa uu sheegay in aysan jirin wax waan waan ah oo ay wadaan wax garadka kasoo jeeda labada dhinac, isagoo sheegay in hadii Nabad loo baahan yahay ay lagama maarmaan tahay in ciidamada Maamulka Somaliland ay baneeyaandeegaanada ay haatan ku sugan yihiin, waxaana uu dhinaca kale Madxda dowladda KMG ku eedeeyay in wali aysan ka hadlin dhibaataynta dadka ku dhaqan gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn.

Maalmo ka hor ayey ahayd markii Culumaa’udiinka kasoo jeeda deegaanada SSC ay ku eedeeyeen Maamulka la magac baxay Somalilnad in wali uusan ka waantoobin dhibaataynta dadka ku dhaqan deegaanadaasi, iyagoo ugu baaqay in Madaxda dowladda Soomaaliya arintaasi ay soo fara galiyaan.



Muqdisho: Isniin February 6, 2011 (Somaligov Portal News) : Saraakiisha dowladda KMG Soomaaliya ayaa sheegay in Shabaab ay ka sarayaan xaafadaha ay kaga sugan yihiin magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Taliyaha gaaska Koowaad ee ciidamada xooga dalka Soomaaliya Gaashaanle sare C/laahi Cali Caanood oo waraysi siiyay Shabelle waxa uu sheegay in dhawaan 
Xarakada Al Shabaab laga saari doono goobaha yar oo ay kaga sugan yihiin magaalada Muqdisho oo uu ka xusay Xaafadaha suuqa Xoolaha iyo Maslax ee degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho

C/laahi Cali Caanood ayaa waxa uu sheegay in Shabaab aysan lahayn wax awood ah oo ay kusoo weeraraan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM hase ahaatee waxa uu sheegay in ay jiraan kooxo yar oo aan wax awood ah lahayn kuwaasi oo uu sheegay in ciidamada xooga dalka ay ku daba jiraan.

Taliyaha gaaska Koowaad ee ciidamada xooga dalka Soomaaliya mar uu ka jawaabayey su’aal ahayd in goobaha laga saaray Al Shabaab dadka kusoo laabtay ay ka cabanayaan falal amni daro ayaa waxa uu sheegay in goobta ay ka qabsadaan Shabaab ay ku wareejiyaan Maamulka gobolka Banaadir hase ahaatee waxa uu qiray in ay jiraan kooxo burcad ah oo ay gacanta kusoo dhigeen oo ay u gudbiyeen Xabsiga dhexe.

Inta badan magaalada Muqdisho waxaa hadda gacanta ku haya ciidamada dowladda marka laga reebo xaafado yar oo ay ku sugan yihiin Al Shabaab oo dadkii ku nool ay isaga barakaceen cabsi ay ka qabaan dagaaladda awgeed, waxaana Saraakiisha dowladda ay in  badan ku hanjabeen in ay soo afjarayaan dagaaladda
ay kula jiraan Xarakada Al Shabaab.



Jabuuti: Isniin February 6, 2011 (Somaligov Portal News) : R a’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in Xukuumadiisa ay hurumarinayso qorshe howleedka Roadmap-ka, iyadoo dhinaca kale maanta lagu wado in lasoo gaba gabeeyo Shirka Kooxda xiriirka Caalamiga ee ka soconaya Jabuuti.

Kadib markii shalay wadanka Jabuuti uu ka furmay Shirka Kooxda xiriirka Caalamiga ee Contact Group kaasi oo looga hadlayo xaaladda dalka Soomaaliya ayaa Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG C/wali Max’ed Cali oo halkaasi qudbad ka jeediyay waxa uu sheegay in Xukuumadiisa ay ka go’an tahay meel marinta qorshe howleedka dowladda KMG Soomaaliya iyo samaynta dastuur uu yeesho dalka.

Afhayeenka Xukuumadda KMG Soomaaliya Injinayr C/raxmaan  Cumar Cismaan (Yariisoow) oo Waraysi siiyay Shabelle isagoo oo ku sugan Madasha Shirka ayaa waxa uu sheegay in Ra’iisul wasaaraha uu ku sheegay Shirka in bishaan bartamaheeda Shir ka dhacaya Garoowe lagu fala qeyn doono arrimaha dastuurka wadanka Soomaaliya,waxaana Afhayeenka uu intaasi raaciyay in dhamaan Mas’uuliyiintii halkaasi ka hadashay ay soo jeediyeen in hadii khilaafka barlamanka xal loo heli waayo talaabo laga qaado cidii loo arko in ay qas wado.

C/raxmaan  Cumar Cismaan ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in Shirka uu sidoo kale ka hadlay Madaxweynaha Maamulka Puntlnad C/raxmaan Sheekh Max’ed faroole kaasi oo sheegay in ay lama huraan tahay in xal loo helo khilaafka ka dhex taagan barlamanka oo aan loo dulqaadan dad uu ku sheegay in ay qas ka dhex wadaan barlamanka.

Maanta galinkii dambe ayaa waxaa lagu wadaa in lasoo gabagabeeyo Shirka Kooxda Xiriirka Caalamiga ah ee shalay ka furmay wadanka Jabuuti, waxaana la filayaa in laga soo saaro Warmurtiyeed ku saabsan arimaha Soomaaliy




Axad February 5, 2011 (Somaligov Portal News) :Af-hayeen Catherine Ashton, Wakiilka Sare ee Midowga Yurub ee Arrimaha Dibada ahna Madaxwenaha ku-xigeenga Gudiga wuxuu soo saaray bayaanka soo socda maantay:


"Wakiiladda Sare waxay cambaareynaysaa dilka arxan darrada ah ee Xassan Cusman Cabdi ee ahaa weriye sare iyo madaxa Shabakadda Warbaahinta Shabelle  ee 28 Jenaayo, Muqdisho. Tan waxay daba socdaa dilal is-xigxigay ee xaalado sidaanoo kale lagula kacay weriyayaasha Soomaliya. Wakiiladda Sare waxay tacsi dhab ah u direysaa qoysaski, bah-waagti shaqo iyo asxaabiti dhamman kuwi lagu dilay ayagoo gudanaaya waajibkkooda. Waxaa argagax geliyey tirada weerar ee ka dhanka ah weriyataasha iyo
howl-waddenada warbaahinta Soomaaliya ee ah dal nasiib darro ku caan
baxay in uu yahay halka ugu khatarsan Africa ee weriyayaashu ka howl galaan. Waxay ammaanaysaa shaqada geesinimmada  leh ee weriyayaasha kuwaasoo walow ay jirto nabadgelya darro hadane sii  wada in ay ka soo tebiyaan warar madax banaan Soomaaliya.


Wakiiladda Sare waxay fiiro u leedahay go'aanki Dowladda Federalka Ku-meel Gaarka ah (DFKM) ee ahaa in ay samaynayso baaritaan buuxa waxayna rajaynaysaa  in kuwi falkaa geystay la soo helo lana hor keeno cadaalada. Waxay ugu  yeeraysaa DFKM in ay si degdeg ah tallabo u qaado lagu hagaajinaayo  nabadda guud iyo in tallaabooyin degdeg ah u qaado si loo wajaho kuwa aan sharciga gaari karin ama sareeya (impunity) oo ay ku jirto in la  helo hanaan sharci oo haboon.


DFKM waxaa masuuliyadda ka saran tahay balanqaadida nabadgelyadda weriyayaasha iyo in loo ogalaado in ay qabsadaan kaalintooda muhimka ah ee  tebinta warar madax banaa ee  dhacdoonyinka iyadoo ayan ka baqaynin wax xad-gudub ah. Xuriyadda wax shaagidda waa asaaska xuquuqal-insaanka iyo saldhiga bulsho xor ah oo dimoqoraadi ah, muhimna u ah socodka wara madax banaan taasoo cid waliba xaq u leedahay iyadoo u ah xubin muhim ilaalinta dhammaan noocyada kaleee xoriyadda iyo madax bananida.'  


 


Galkacyo: Axad February 5, 2011 (Somaligov Portal News) : Waxa laga deerinayaa xaaladda Caafimaad ee Muwaadin u dhashay wadanka Maraykanka oo kooxo hubaysan ay ka afduubteen Koofurta Magaalada Gaalkacyo.

Max’ed Sahal oo ah nin Soomaali ah oo la shaqeynayay Muwaadinka u dhashay dalka Maraykanka oo laga afduubtay Koofurta Magaalada Gaalkacyo ayaa waxa uu sheegay in xaaladda Caafimaad ee Muwaadinkaasi ay tahay mid aad u liidata, isagoo tilmaamay kooxaha afduubka u haysta ay ugaystaan jirdilo aad u xoogan taasi oo keentay in dhaawac uu soo gaaro qeybo ka mid ah jirkiisa.

Max’ed Sahal ayaa sheegay in ninkaani uu u dhashay dalka Maraykanka kooxaha Afduubka u haysta ay ula dhaqmaan si ka baxsan bini’aadannimada, isagoo tilmaamay in kooxahaasi xilliyada qaar ay la xiriirsiiyaan eheladiisa si uu ugu dalbado lacago madax furasho ah oo lagu soo bad baadinayo nafsadiisa.

Ninkaani Soomaaliga ah ee la shaqeynayay Muwaadinka u dhashay dalka Maraykanka ayaa waxa uu ugu baaqay dowladda Maraykanka in lacago madaxfurasho ah aan loosoo dirin kooxaha gaystay afduubkaasi si aan loogu gogol xaarin in uu faraha ka baxo afduubka loo gaysanayo shaqaalaha iyo ajaaniibta ku sugan dalka Soomaaliya.

Muwaadinkan Ameerikaanka ah oo shaqadiisu aheyd Wariyenimo ayaa wxaa kooxo hubaysan ay ka afduubteen Koofurta Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug, iyadoo haatan aan la’ogayn halka sida rasmiga ah kooxaha hubaysan ay ku hayaan ninkaasi oo xaaladiisa Caafimaad iminka laga deerinayo.










Moqdisho: Axad February 5, 2011 (Somaligov Portal News) : Guddiga
dastuurka barlamanka KMG Soomaaliya ayaa ku eedeeyay Xukuumadda in ay
ma
jaxaabinayso dastuur u sameenta dalka Soomaaliya.





Kulankaani maanta Guddiga
dastuurka barlamanka KMG Soomaaliya uu ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa waxaa
looga hadlayey arimaha dastuur u sameenta dalka Soomaaliya oo Mas’uuliyiinta
Guddiga ay walaac ka mujiiyeen.





Gudoomiyaha Guddiga dastuurka
barlamanka KMG Soomaaliya C/qaadir Sheekh Ismaciil oo Warbaahinta la hadlay
kulanka kadib ayaa waxa uu si kulul u weeraray Xukuumadda KMG oo uu sheegay in
ay magacaawday Guddiga ay ugu magacdartay Guddiga dadajinta dastuur u samaynta
dalka.





C/qaadir  ayaa sheegay in Xukuumadda ay dhamaysay
dastuurka Soomaaliya kaasi oo uu sheegay in uu yahay mid wax dan ah aan ugu
jirin Umada Soomaaliyeed islamarkaana aan waafaqsaneen sharciga dowladda KMG
Soomaaliya.





Wasiirka dastuurka Xukuumadda KMG
Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay maalmo ka hor howlaha dastuurka loogu
samaysanayo dalka in uu meel wanaagsan marayo, waxaana dastuurka uu qeyb ka
yahay qorshe howleedka u dagsan dowladda KMG ee waqtigeedu sii dhamaanayo.

Baladweynei: Axad February 5, 2011 (Somaligov Portal News) :

Wararka aynu ka heleyno deegaanka Qooqaani ee gobolka  Jubada Hoose ayaa sheegaya in uu xalay halkaasi ka dhacay dagaal xoogan  oo dhexmaray xoogaga Al-shabaab iyo ciidamada dowladda KMG oo kaashanaya kuwa Kenya. Dagaalka ayaa yimid kadib markii cutubyo katirsan Xoogaga Alshabaab  ay weerar ku qaadeen saldhig ay halkaasi ku lahaayeen ciidamada dowladdaKMG iyo kuwa Kenya, waxaana la sheegay in labada dhinac uu halkaasi ku  dhexmaray dagaal aad u culus.

Dagaalka oo socday mudo saacado ah ayaan ilaa imika la hubin qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay, haseyeeshee warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in dagaalkaasi ay ku dhinteen afar askari oo dhinacyadii dagaalamay ah halka tiro intaasi ka badanna la sheegay in ay ku dhaawacmeen.

Ma jiraan ilaa imika masuuliyiin katirsan dhinacyadii dagaalamay oo faahfaahin ka bixisay dagaalka iyo weliba qasaaraha ka dhashay, xiriiro aan la sameynay dhinacyadii dagaalamay ayay inoo suurogeli weysay in aan ka helno wax faahfahain ah oo ku saabsan dagaalka.

Dagaalka xalay ka dhacay magaalada Qooqaani ee gobolka Jubada Hoose ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan ciidamada dowladda KMG oo kaashanaya kuwa Kenya ay la wareegeen deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Jubada Hoose kadib markii ay isaga baxeen xoogaga Alshabaab.

Saraakiil katirsan xoogaga Alshabaab ee Jubooyinka ayaa sheegay in ay dajiyeen qorshe cusub oo dagaal, kaasoo ay sheegeen in ay ku naafeeyn doonaan ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Kenya ee ku sugan inta badan  deegaanada galbeed ee gobolka Jubada Hoose.










Tehran: Axad February 5, 2011 (Somaligov Portal News) :Hay’adda
Bisha Cas ee Iran ayaa waxa ay sheegtay in gar gaar hor leh ay soo gaarsiinayso
dalka Soomaaliya kaasi oo ay uga tala gashay shacabka Soomaaliyeed.





Madaxa Hay’adda bisha cas  ee dowladda Iran Axmed Max’ed Xasan ayaa waxa
uu sheegay in dowladiisa ay bilaabayso waji cusub kaasi oo ay kusoo
  gaarsiinayso dalka Soomaaliya gar gar bini’aadanimo
si wax loogu qabto shacabka Soomaaliyeed.





Axmed Max’ed Xasan ayaa waxa uu
cadeeyay in inkastoo Soomaaliya ay ka jirto cabsi dhinaca amaanka ah hadana
aysan hakineen kaalmada ay siinayaan shacabka Soomaaliyeed, waxaana uu sheegay
in ay bilaabayaan goordhow Olole hor leh oo gar gaar ay ku gaarsiinayaan dalka
Soomaaliya.





Madaxa Hay’adda bisha cas  ee dowladda Iran Ayaa waxa uu tilmaamay in
dowladda Iran ay ka qeyb qaadatay macluushii ku dhufatay dalka Soomaaliya taasi
oo sababtay geerida dad badan oo Soomaali ah, isagoo sheegay in magaalada
Muqdisho ay ku leeyihiin Xarumo caafimaad iyo kuwa quudin oo wax loogu qabto
dadka danta yar.





Iran ayaa waxa ay ka mid tahay
dalalka Caalamka ee gacanta wayn ka gaystay wax u qabashada shacabka
Soomaaliyeed markii la shaaciyay abaarta Soomaaliya, iyadoo usoo dirtay dalka
Kaalmooyin bini’aadanimo oo shacabka Soomaaliyeed ay usoo marsiisay cirka iyo
badda kadib markii maraakiib iyo diyaarado sida gar gaar oo ka socda dalkaasi
ay soo gaareen Muqdisho.


Baladweynei: Axad February 5, 2011 (Somaligov Portal News) : Kooxo hubaysan ayaa lagu soo waramayaa in xalay ay weerar ku qaadeen Ciidamada dowladda Ethiopia ee ku sugan Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan.

Xaafadda Howlwadaag oo ka tirsan Magaalada Baladweyne ayaa xalay waxaa kooxo hubaysan waxa ay ku qaadeen weerar xoogan oo loo adeegsaday qoryaha baasuukaha ee laga tuuro garabka, waxaana Ciidamada Ethiopia la sheegay inay iska caabiyeen kooxihii weerarka ku qaaday oo ilaa iyo iminka aan la aqoon cidda ay ka tirsan yihiin.

Ciidamada Militariga Ethiopia ayaa rasaas xoogan u ku furay kooxihii weerarka ku qaaday, inkastoo aan cadeyn qasaaraha dhimasho iyo dhawaac ee ka dhashay weerarkaasi, waxaana sidoo kale saakay la tilmaamay in Ciidamada Ethiopia ay halkaasi ka wadaan baaritaano ku aadan cidda ka dambeysa weerarkaasi.

Weerarkii xalay ayaa waxa uu saameyn ku yeeshay dadkii ku sugnaa halkaasi, waxaana ay ka baqdin qabaan dadkaasi inay gacanta ku dhigeen ciidamada Ethiopian-ka oo la sheegay in markii ay howlgallada ku qab qabtaan dhalinyarada ay si xun u dilaan.

Majirto cid sheegatay Mas’uuliyadda weerarkaasi, hase ahaatee Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa ku sugan Ciidamo ka tirsan dowladda Ethiopia iyo kuwa KMG ah, iyadoo inta badan Magaaladaasi uu ka dhaco weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah oo Mas’uuliyadoodu ay sheegtaan Kooxda Al Shabaab.














  Djibouti: Sabti February 4, 2011 (Somaligov Portal News) : Ra'iisal Wasaaraga Dalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli M. Gaas oo lagu soo dhaweeyey garoonka Djibouti meeshaasoo uu ku qaabilay Ra'iisal Wasaaraha dalka Djibouti Dilete Maxamed Dilete, waxaan la filayaa inuu ka qaybgalo shir halkaas ka furmi doona.

Abdira

Nairobi: Sabti February 4, 2011 (Somaligov Portal News) : Maamulka Somaliland ayaa dhowaan soo daabacatay nuqulo cusub oo lacagaha sharci darrada ah ay ula baxeen Somaliland Shilling, kuwaas oo aan hore looga isticmaali jirin maamulka Somaliland.

Lacagtan cusub ee aan hore maamulka looga isticmaali jirin ayaa kala ah nuquladda 5000 slsh iyo 1000 slsh oo isku dhagsan, taas oo fududaysay qaadashadda Lacagta, isla markaana lagaga maarmay lacagtii qalaad ee fudayd darteed dadku jeebadaha ku qaadanayey balse sharci darrada waxay dhali doontaa inay awood u yeeshaan Maamullada ka jira dalkaSoomaaliya inay soo daabacdaan lacagoo sharci darro ah oo ay ku qorayaan magacyadooda waayo fowdadan iyo sharci darradan waxaa u billaabay Maamulka Somaliland.

Hadaba lacagtan oo dadku markii hore ka werwersanaayeen oo ka baqayey inay sixir barar iyo qiimo jabku yimaadda Lacagtan been abuurka ah ay horay u soo daabacday Maamulka Somaliland ayaanay taasi dhicin ka dib markiii Baanka dhexe xakameeyey lacagtaaasi, taasinawaxay keentay in dadweynuhu si weyn usoo dhoweeyeen lacagtan cusub ee nuquladda isku dhagsan ee lagu soo daray lacagtii hore ee la isticmaalayey.

“ Dadku markii hore waxay ka cabsi qabeen inay sixir barar la timaaddo Lacagtan cusubi, laakiin markii  la isticmaalay waxaanu ogaanayinay tahay mid fudud oo aanu jeebka ku qaadan karno, isla markaana aanu kaga raysanay lacagtii qalaad ”ayuu yidhi Axmed Muxumed oo ka mid ah dhalinyaradda Magaaladda Hargeysa ku nool oo ka hadlayey sida uu u arkaylacagtan cusub.

“ waxba iskama bedelin sarifkii lacagaha been-abuurka ee Maamulka Somaliland, intii hore wixii lagu sarifi jiray ayuun baa lagu sarifaa doonaan lacagahan been-abuurka ah, inta badana waxa xadida lacagtan Baanka dhexe ee maamulka Somaliland  kaasoo fowdo ka ah soo saarista laga been-abuur ah oo addunku wada ogyahay waxay samaynayaan inay sharci darrotahay,. Bangiga oo aan suuqa ku sii wadda deyn, taasi ayaa keentay in aanu sarifku waxba iska bedelin, isla markaana aanay sixir barar aanay keenin ” ayuu yidhi Xasan Xuseen oo ka mid ah sarifleyaasha magaaladda Hargeysa.

Si kastaba ha ahaatee, nuquladan cusub ee ka kooban 5000 (shanta kun) ee isku dhajisan oo hal waraaq ah iyo 1000 SLSh (kun Shiling Somaliland)  oo isna isku taalla ayaa khilaaf badan ka dhashay ka hor intii aanla soo daabicin, is markaana ay dadku ka baqayeen inay lacagtan cusubi keento qiimo jab ku yimaadda lacagta Maamulka Somaliland iyo lacagta ka yar nuquladan la soo daabacay oo meesha ka baxaysa si loo sii wado fowdada lacagaha lagu soo daabacanayo..

Nuqulada lacagta Maamulka Somaliland ka kooban tahay ayaa ah nuqulka tobanka shilin, Boqolka shilin iyo Shanta boqol oo ay ugu weynayd ka hor inta aan labadan nuqul ee cusub lagu soo kordhin.

Labadan nuqul ee cusub ee kunka iyo shanta kun ka kooban ayaa bishii hore horaanteeddii dalka soo gaadhay, isla markaana ay dadku jeclaysteen, inkastoo dadka waaweyni aanay inta badan jeclaysan maadaama oo aanay wali si fiican u kala baran nuquladan cusub, balse dhallinyaraddaayaa inta badan aad ugu sarifta.

Ummadda Soomaaliyeed iyo dhammaan dadweynaha duniddan waxay la yaaban yihiin fowdada lacago been-abuur ah ay ugu soo daabacanayso Maamulka Somaliland balse ha ogaadaan fowladda ay u billaaween Maamulladda hadda dalka ka jira inay ayaguna soo daabacan doonaan lacago u gaar ah si loo sii badiyo jahwareerka ay Maamulka Soomaaliland caaddaysatay.

Mwai Kibaki: “Beesha caalamku waa inay taageertaa ka taqalusida Al-Shabaab, isla markaana ay deg deg noo siiyaan"

Nairobi: Sabti February 4, 2011 (Somaligov Portal News) : Madaxweynaha wadanka Kenya Mwai Kibaki oo aqalka madaxtooyada magaalada Nairobi kula kulmay xog’hayaha arrimaha dibbada wadanka Ingiriiska William Hague ayaa ka dalbaday beesha caalamka inay ka faa’ideystaan fursad ay heystaan oo ay Soomaaliya ku nabadeyn karaan
Mwai Kibaki waxaa uu xusay in caalamka looga baahan yahay in markaan u soo jeestaan sida lagu dajin karo Soomaaliya, isla markaana gacan laga geysto xasilinta Soomaaliya oo uu sheegay inay aad ugu badan yihiin, waxuu ugu yeeray argagixiso iyo burcad badeed kuwaasoo dhibaato ku ah ammaanka Soomaaliya iyo wadamada kale ee dariska la ah.

Kibaki ayaa tilmaamay in dawlada Ingiriiska iyo wadamada kale ee beesha caalamka looga fadhiyo inay gacan siiyaan wadamada Soomaaliya dariska la ah ee dagaalka kula jira Xarakadda Al-Shabaab sida dawladiisa oo kale waxaana uu intaa ku daray in xataa loo baahan yahay in laga shaqeeyo sidii ay ciidamada Kenya uga miod noqon lahaayeen kuwa AMISOM si ubuu yiri aan u caawino ciidamada dawlada Soomaaliya.

“Beesha caalamku waa inay taageertaa wadamada ay ciidamada Soomaaliya ka joogaan oo ay nagu gacan siiyaan ka taqalusida Al-Shabab isla markaana ay deg deg noo siiyaan tyasiilaadka aanu u baahanahay” ayuu yiri M/weynaha wadanka Kenya oo aqalka madaxtooyada ee magaalada Nairobi waxaana uu xusay in dawladiisa ay marti galisay in ka badan (600,000 lix boqol oo kun) oo qaxooti Soomaali ah kuwaasoo uu sheegay inay u baahan yihiin in wadankooda loo nabadeeyo si ay ugu laabtaan.

Mwai Kibaki waxaa uu mar uu soo hadal qaaday shirka bishaan ka dhacaya magaalada London ee wadanka ingiriisku uu ku sheegay inuu yahay mid xal u ah ummadda Soomaaliyeed isla markaana wax looga qabanayo Al-Qacida  iyo kooxaha burcad badeeda.

William Hague oo isna goobta ka hadlay ayaa ku amaanay dawlada Kenya doorka ay ka cayarayso nabadeynta dalka Soomaaliya, waxaana uu u balan  qaaday inuu dawladiisu ay ku gacan siinayso dagaalka ay Al-Shabab kula  jirto.



Gaarisa: Sabti February 4, 2011 (Somaligov Portal News) : Kooxo hubaysan ayaa xalay dilal qorshaysan ka gaystay magaalada Gaarisa ee dalkaKenya, iyadoo dilalkaasi dad loo qabtay.

Sida ay xaqiijinayqaan wararka aan ka helayno magaalada Gaarisa ee gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya rag hubaysan oo wajiyada soo duubtay ayaa habeenkii xalay waxa ay fal dil ah ka gaysteen magaaladaasi, iyadoo lagu waramayo in ay toogasho ku dileen labo ruux oo rayid ah halka labo kalana ay si xun u dhaawaceen.

Dadka dhaawacmay ayaa waxaa la sheegay in ay xiligaasi ku sugnaayeen goob lagu shaahiyo  oo ku taalla bartamaha magaalada, waxaana dadka dhaawacmay loo qaaday Isbitaalka Gaarisa oo lagu dabiibayo xaaladooda caafimaad.

Marka uu weerarka dhacay kadib ayaa waxaa goobta soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Kenya kuwaasi oo watay gaadiidka dagaalka, waxaana ay isku gadaameen goobta uu falka dilka ah ka dhacay halkaasi oo ay ka sameeyeen baaritaano xoogan oo u suura galiyay in ay gacanta ku dhigeen ilaa 10 ruux oo Soomaali ah kuwaasi oo ay Kenya sheegtay in
ay uga shakisan tahay in ay fuliyeen dilkaasi.

Maalmihii u dambeeyay ayaa Al Shabaab waxa ay weeraro gaadma ah ku qaarijinayeen dadka ku dhaqan deegaanada gobolka Waqooyi bari ee Kenya oo ay u badan yihiin Soomaalida taasi oo tilmaamaysa sida uu faraha uga baxay amaanka gobolka Waqooyi barri ee Kenya.


Nairobi: Sabti February 4, 2011 (Somaligov Portal News) : Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya C/wali Max’ed Cali ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in ay ka faa’idaystaan Shirka loo qabanayo Soomaaliya ee ka dhacaya magaalada London.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya C/wali Max’ed Cali Gaas oo la hadlayey Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa waxa uu sheegay in xilligaani aduunka oo dhan uu usoo jeestay sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka kala duwan ee ka jira Soomaaliya.

C/wali Max’ed Cali Gaas ayaa waxa uu tilmaamay in ay heleen dadka Soomaaliyeed gar gaar badan oo uga yimid beesha Caalamka iyo Booqashadii Muqdisho uu ku yimid Banki moon taasi oo uu sheegay in ay cadeen u tahay sida Caalamka uu u garab taagan yahay Umada Soomaaliyeed, waxaana uu ku tilmaamay arintaasi fursad muhiim ah oo loo baahan yahay Soomaalida in ay ka faa’idaysato.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay kulan uu la qaatay wasiirka arimaha dibadda ee dowladda Ingiriiska, isagoo sheegay in ueejadada Shirka London ay ka leeyihiin ay tahay sidii loo xalin lahaa dhibaatooyinka ka dhex jira Soomaalida iyo sidii aduunka uu gacan uga gaysan lahaa wax ka qabashada dhibaatooyinka ka jira dalka oo uu sheegay in xiligaani aan loo kala harin.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya oo hadda ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxa uu kulamo kula soo qaatay dhawaan magaalada Roma ee dalka Talyaaniga Madaxda dalkaasi oo uu ka mid yahay wasiirka arimaha dibadda oo uu kala hadlay arimaha Soomaaliya gaar ahaan sidii loo taageeri lahaa howlgalka ciidamada dowladda iyo
kuwa AMISOM ay ka wadaan dalka Soomaaliya.


Laascaandoo:  Sabti February 4, 2011 (Somaligov Portal News) : Culumaa’udiinka gobolka Sool ayaa waxa ay sheegeen in ciidamada Maamulka Somaliland ay duulaan
kusoo yihiin degmada Buuhoodle, iyagoo uga digay Somaliland in dagaal ay kusoo qaado halkaasi.

Markii ciidamada Maamulka Somaliland ay joogteeyeen dhibaataynta dadka ku dhaqan gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa Odayaasha iyo Waxgaradka ku sugan magaalada Buuhoodle ee gobolka Sool waxa ay ka digeen weeraro kale oo ciidamdaasi ay kusoo qaadeen deegaanada goboladaasi.

Sheekh Max’ed Yuusuf Faarax oo ka mid ah Culumaa’udiinka degmada Buuhoodle ayaa waxa uu Shabelle u sheegay in ciidamada Maamulka Somaliland ay isku uruursanayaan duleedyada degmadaasi si uxasuuqaan shacabka ku dhaqan halkaasi.

Sheekha ayaa waxa uu tilmaamay in wali aysan waxba iska badalin gabood falada ay wadaan ciidamada Maamulkaasi islamarkaana ay wali taagan tahay, isagoo intaasi ku daray in aanay tixgalinaynin darisnimada kala dhexaysa shacabka ku dhaqan goboladaasi.

Sheekh Max’ed Yuusuf Faarax oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu ugu baaqay Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif in arintaani uu ka qaato go’aan cad maadaama sida uu sheegay dowaldda KMG ay Mas’uul ka tahay guud ahaa dalka Soomaaliya.

Degmada Buuhoodle oo is qab qabsi dhinaca juqraafiyada uu ka dhaxeeya Maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa waxa uu wajahayaa xaalado colaadeed kadib markii halkaasi lagu unkay Maamul ka madax banaan labada dhinac kaasi oo dagaalo hubaysan kala soo horjeeda Maamulka Somaliland.




Galmudug: Jimco February 3, 2011 (Somaligov Portal News) : Maamulka Glmudug ayaa digniin u jeediyay Maamulka Somaliland, iyadoo Somaliland loogu baaqay inay faraha kala baxdo arrimaha Galmudug

Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha ee Maamulka Galmudug Axmed Max’ed (Axmed Baasto) ayaa war uu siiyay Idaacadda Shabelle waxa uu ku sheegay in Maamulka Somaliland uu yahay mid inta badan gaar ah isaga saara Maamulada ka jira dalka Soomaaliya, isagoo tilmaamay
in inta  badan loogu yeero shirarka wada tashiga ah ee Maamul goboleedyada ay ka qeyb galayaan, wuxuuna ku eedeeyay in mar waliba ay gaar isu taagaan taasi oo uu sheegay in Soomaali ay kala jar jarayso.

Axmed Max’ed (Axmed Baasto) ayaa sidoo kale waxaa uu tilmaamay in Maamulka Galmudug uu yahay mid la mid ahMaamulada kale ee ka jira dalka, Somaliland aysan awood u laheyn inay ka hadashay aayaha Galmudug, wuxuuna ugu baaqay Somaliland hadii mar kale ay faraha lasoo gasho arrimaha Galmudug ay jawaab cad ka bixin doonaan.

Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha ee Maamulka Galmudug ayaa sidoo kale waxaa uu ka hadlay falalka ammaan dari ee maalmihii u dambeeyay ka dhacayay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug, isagoo tilmaamay in amni daridaasi ay qeyb ka yihiin koooxaha burcad badeeda Soomaalida oo uu sheegay inay badda gali waayeen kadib markii uu cadaadis kaga yimaaday Ciidamada badda, kadibna ay falal ammaan dari ka bilaabeen gudaha Magaaladaasi.

Dhawaan ayay aheyd markii Magaalada Gaalkacyo uu ka dhacay weerar Ismiidaamin ah lagu qaaday guri uu Magaaladaasi ka dagan yahay Taliyihii hore ee Ciidamada booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid kaasi oo ay Mas’uuliyaddoodu sheegtay Ururka Al Shabaab.



Mogadishu: Jimco February 3, 2011 (Somaligov Portal News) : Maareeyaha Golaha Murtida iyo Madadaallada Soomaaliyeed Cabdikariin Faarax Qaareey (Cabdikariin Jiir) oo u warramayey Radio Muqdisho ayaa sheegay inuu ku  kalsoon yahay in Fanka dalkeena uu dib u soo celin karo Midnimadii iyo  nabaddii Soomaaliya ee luntay 21-kii sano ee la soo dhaafay.

Mareeyaha Golaha Murtida iyo madadaalada Cabdikarin Jiir oo haddalkiisa sii wata ayaa waxa uu sheegay in ay tahay tallaabada ugu  horreysa ee uu qaadayo siduu Fanka u iftiimin lahaa muhiimadda uu  mujtamacu u leeyahay midnimada iyo xorriyadda hadalka.

Cabdikariin Jiir ayaa dhinaca kale soo hadal qaaday qiimaha Waddaniyadda iyo fahamka dadka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in shacabka aysan badiyaa ku baraarugsaneyn Jacaylka waddankooda taasoo ay xoogga ku saari doonaan dhinaca Fanka

Dhinaca xoojinta Nabadda wuxuu Mareeyaha Golaha Murtida iyo Madadaalada kalsooni weyn ka muujiyey inuu Fanku door fiican ka ciyaari karo, isla markaasna ay sameyn doonaan Suugaan xaaladda maanta ka tarjumeysa oo taabaneysa dareenka Shacabka.

Magacaabista Maareeyaha cusub ee Golaha Murtida iyo Madadaalada National Theater-ka oo dhowaan lagu dhawaaqay ayaa ku soo beegmeysa xilli ay dhinaca kale ka socoto qorshe la doonayo in dib u dhis loogu sameeyo Golaha Murtida si fursad loogu helo kobcinta Fanka Soomaaliyeed iyo isu uruurinta fannaaniintii dalkeena oo iyagu ku kala firxaday dagaalladii kala duwanaa ee dalkeena ka dhacay 21-kii sano ee la soo dhaafay, gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Mandera: Jimco February 3, 2011 (Somaligov Portal News) :Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkaan idinkugu soo gudbineynaa Sawirrada soo dhoweyn heer sarre ah oo magaalada Ankara ee xarunta wadanka Turkiga loogu sameeyey Ardaydii Maanta Muqdisho ka ambabaxday ee gaareysay ku dhowaad 400.

Soo dhaweynta ayaa waxaa ka qeybqaatay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Turkiga oo uu hogaaminayey Ra’isulwasaare kuxigeenka dalkaasi,Wasiirka Waxbarashada Turkiga,Culumaa’udiinka ugu caansan dalkaasi,mas’uuliyiinta Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga ,ardayda Soomaaliyeed ee waxkabarata magaalada Ankara iyo Arday u dhashay walaalaha Turkiga oo doonayey iney wadankooda kusoo dhaweeyeen walaalahooda cusub.

Markii ay ardaydeena gaareen magaalada Ankara waxa uu Ra’isulwasaare Kuxigeenka Turkiga gacantiisa ku gudoonsiiyey Jaakado loogu talagalay in qabowga laga xerto ayadoo Ardayda ukala dhashay Turkiga iyo Soomaaliyana ay ubaxyo iyo callamada labada dal ee walaalaha ah kusoo dhaweeyeen Ardayda cusub.



Mandera: khamiis February 2, 2011 (Somaligov Portal News) : Barqonimadii maanta ayaa gaari ay saarnaayeen Ciidamada dowladda Kenya waxaa qarax miino lagula eegtay
bartamaha degmada Mandheera ee Woqooyi bari dalka Kenya xilli Ciidamadaasi ay ku socdaalayeen gudaha Magaaladaasi.

Qaraxa ayaa la tilmaamay in uu ahaa miinada nuuca dhulka lagu aaso islamarkaana laga hago Rimuud kontorolka, waxaana qaraxa uu ka dhacay  Boosteejada gaadiidka ee loo yaqaano Raamo oo ku taala gudaha degmadaasi, waxaana la tilmaamay in qaraxa uu haleelay qeybta dambe ee gaari ay saarnaayeen Ciidamada dowladda Kenya.

Lama oga qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaasi, inkastoo burbur xoogan uu soo gaaray gaariga ay saarnaayeen Ciidamada Kenya, waxaana la  tilmaamay in muddo hakad uu galay goobta uu qaraxa ka dhacay oo ay Ciidamada Kenya ka sameeyeen baaritaano lagu so qab qabtay ku dhawaad 20-ruux oo isugu jira arday iyo ganacsato Soomaali ah sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka ah.

Kuma cusba Ciidamada dowladad Kenya in lala eegto qaraxyo iyo falal kale oo ammaan dari hase ahaatee wixii ka dambeeyay markii Ciidamadaasi ay usoo talaabeen gudaha Somaaliya sanadkii aynu soo dhaafnay ayaa waxa xeryaha qaxootiga dalka Kenya iyo Magaalooyinka kale ee dalkaasi ka dhacayay falal ammaan dari oo qal qal galiyay Ciidamada Kenya iyo shacabka ku dhaqan dalkaasi.


Nairobi : khamiis February 2, 2011 (Somaligov Portal News) :Hay’adda Human Rights watch ayaa ka dalbatay dowladda Ukraine inay ka baaqsato dhibaatayn dadka Soomalida ah
ee ku sugan halkaasi. Agaasimaha Human Rights watch ee Qaraadda Yurub iyo bartamaha Asia Hugh Williamson ayaa sheegay in dowladda Ukraine ay u direen Mas’uuliyiintooda Warqad ay Human Rights Watch ku sheegayso in la joojiyo dhibaateynta iyo hanjabaadyada ay ku hayaan booliska dalkaasi dadka Soomaalida ah ee magan galyo raadiska ah.
Sida laga soo xigtay warbixinno laga helay wakiilada UNHCR ee Hay’adda qaxootiga Qaramada Midoobay u qaabilsan ku dhawaad 125-Soomali ah ayaa lagu hayaa Zhuraychi Migrant Center oo ku taala gobolka Volyn ee Waqooyi Galbeed dalkaasi Ukraine.
Waxaana ay intaasi ku dareen 80-ka mid ah dadkaasi ay u sheegeeen UNHCR in ay ka codsadeen magangalyo inay siiso dowladda Ukraine hasa’ahaatee taa badalkeeda ay ku sameeysay tilaabooyin aan wanaagsaneeyn.

Qaar ka mid ah dadka Soomalida ah ee lagu hayo dalkaasi ayaa la sheegay in ay cuntadii ka soomeen si ay uga jawaabaan talaabada ay dowladda Ukraine qaadadtay, waxaana la’ogayn halka uu ku dambeyn doono xaaladda dadkaasi.


Mogadisho : khamiis February 2, 2011 (Somaligov Portal News) :

Wafdigaani ka socday dowladda Ingriiska ee maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa waxaa hogaaminayay Wasiirka arrimaha dibadda ee dowladda Ingriiska William Hague kuwaasi oo marki ay soo gaareen Muqdisho loo galbiyay Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee Muqdisho.

William Hague iyo Xubo uu hoggaaminayay oo uu ku jiray Safiirka cusub ee Soomaaliya u qaabilsan Ingiriiska Matt Baugh ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Magaaladda Muqdisho kusoo dhaweeyay Madax ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda ee dowladda Ingiriiska ayaa Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya waxa ay kulan kula qaateen Madaxweynaha dowladda KMG Sheekh Shariif Sheekh Axmed, iyagoo ka wada hadlay arrimo quseeya ammaanka dalka Soomaaliya.

William Hague ayaa waxaa uu ku baaqay in la cusboonaysiiyo cadaadiska lagu hayo Xarakada Al Shabaab oo dagaalo kula jirta dowladda KMG ah, Ciidamada Midowga, Afrika, Ethiopia iyo Kenya oo ku sugan qeybo ka mid ah bartamaha Soomaaliya.

Sidoo kale Wasiirka arrimaha dibadda ee dowladda Ingiriiska ayaa waxa uu ku amaanay Ciidamada AMISOM sida ay Magaalada Muqdisho ugu saareen Xarakada Al Shabaab, waxaana gaba gabadii uu sheegay in dowladda Ingriiska ay diyaar u tahay ka qeyb qaadashay xal u helidda dalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii waa markii ugu horeysay oo Wasiir ka socda arrimaha dowladda Ingiriiska uu soo gaaro Magaalada Muqdisho mudadii 20-ka sano aheyd ee lasoo dhaafay.


Mogadisho : khamiis February 2, 2011 (Somaligov Portal News) :

Kulankaani oo ahaa mid ay albaabda u xirnaayeen ayaa waxaa qaatay gudoomiyaha barlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Safiirka dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Ambasador Jaamaalatiin.

ILO wareedyo ku dhow dhow labada Mas’uul ayaa waxa ay sheegeen in Madaxdaasi ay ka hadleen arrimo quseeya labada dowladood marka la eego dhinaca tacliinta iyo horumarka, waxaana kulankaasi
markii uu soo idlaay kadib Saxaafadda la hadlay gudoomiyaha barlamanka iyo Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya inkastoo aysan wax faah faahin ka bixin kulankooda.

Mar uu Arday badan kula hadlayay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho gudoomiyaha barlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxa uu sheegay in arin taariikhi ah ay tahay kaalinta dowladda Turkiga ay ka qaadanayso Soomaaliya, isagoo dhiiro galiyay ardaydii ka dhooftay garoonka.

Ugu dambeyn ayaa Gudoomiyaha barlamanka intaasi kadib waxa uu usii amba baxay Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya, waxaana gudoomiyaha garoonka kusii sagootiyay gudoomiye ku xigeenka koowaad ee barlamanka C/wali Sheekh Ibraahim Muudeey iyo xildhibaano ka tirsan barlamanka Soomaaliya.

Rome Arbaco February 1, 2011 (Somaligov Portal News) : Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali ayaa kulan  dheer la qaatay Guddoomiyaha Hay’ada Dhaqaalaha ee Arrimaha Beeraha ee Qaramada Midoobay (IFAD) Kanayo F. Nawanze oo ay ka wada hadleen sidii loo soo nooleyn lahaa xiriirka Soomaaliya iyo IFAD, mashaariicda horumarineed ee lagu wado in laga fuliyo Soomaaliya iyo arrimo kale.Kulankan ayaa waxaa soo qabanqaabiyey Safiirka Soomaaliya u fadhiyaFAO Dr Ibrahim Xaaji, waxaana goob joog ahaa Wasiir ku xigeenka Difaaca Catoosh, Safiirka Soomaaliya u fadhiya Talyaaniga Nur Adde iyo mas’uuliyiin kale.

Guddoomiyaha IFAD ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaare Abdiweli waqtigiisa qaaliga ah, sheegeyna in IFAD ay mudnaan gaar ah siineyso Soomaaliya diyaarna u tahay inay ka fuliyaan mashaariic lagu horumarinayo beeraha, xoolaha iyo kalluumeysiga. Guddoomiyaha ayaa xusay in Soomaaliya lagu leeyahay 20 million oo deyn ah, ha yeeshee xaaladda
adag ee uu dalku marayo inay kala hadleen Sacuudiga sidii deyntaas loo bixin lahaa si Soomaaliya ay xaq ugu yeelato deeqaha lagu horumarinayo beeraha, xoolaha iyo kalluumeysiga. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa uga mahadceliyey IFAD kaalmada mashaariicda horumarineed ee ay ka fuliyaan Somaliland kana codsaday in la sii labo jibaaro kaalmada loo  fidiyo Soomaalida.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ka qeybgalay kulan si heer sare ah loo soo agaasimay ee uu kula hadlayey ardeyga Jaamicadda Rome3.  Ra’iisul Wasaare Abdiweli ayaa khudbadiisa diiradda ku saaray sida maamul wanaaga iyo dhismaha hay’adaha dowliga ah ay laf dhabar u yihiin  horumarka Soomaaliya. Ra’iisu Wasaaraha ayaa tusaalooyin u soo qaatay wadamada africa iyo kuwa Aasia iyo sida ay horumarka baaxadda leh uga sameeyeeen horumarka iyo dib-u-dhiska. Waxuuna sheegay in horumarka laga
sameeyey Soomaaliya haddii la sii joogteeyo uu dalku horumar ku tallaabsan karo ee dhanka maamul wanaaga.






Gaalkacyo : Muqdisho Arbaco February 1, 2011 (Somaligov Portal News) : Maamulka Galmudug ayaa waxa uu cambaareeyay Qaraxii ismiidaaminta ee shalay ka dhacaymagaalada Gaalkacyo kaasi oo lala eegtay Guri uu magaaladaasi ka dagan yahay Cabdi Qeybdiid.

Kadib markii qarax ismiidaamin ah uu shalay ka dhacay Guri Jen. Cabdi Xasan Cawaale Qaydiid uu ka dagan yahay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa qaraxaasi sida uu dhacay waxaa faah faahin ka bixiyay Maamulka Galmudug oo cambaaraysay falkaasi.

Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha iyo amniga Maamulkaasi Axmed Max’ed Baasto oo la hadlay Shabelle ayaa waxa uu sheegay in weerarkaasi uu yimid kadib markii nin hubaysan uu rasaas ku furay ciidamada ilaalada Guri kadibna uu is qarxiyay, waxaana uu sheegay in ay waxyeelo kasoo gaartay qaraxaasi qaar ka mid ah ciidamada Janaraalka ee ilaalinayay gurigaasi, isagoo ku baaqay in laga waan toobo falalka isqarxinta oo uu sheegay in aysan ahayn dhaqanka Soomaalida.

Axmed Max’ed Baasto mar uu ka hadlay falalka amni daro ee ka taagan deegaanada Galmudug oo ay ka mid yihiin afduubyada ayaa waxa uu sheegay in amaanka aan la sugi karin hadii aysan iskaashan shacabka iyo Maamulka, waxaana uu sheegay in ay jiraan dad u xiran falalka afduubyada ayna ka foojigan yihiin in amni xumo mar kale ka dhacda deegaanada Galmudug.

Mas’uuliyada weerarkaani ismiidaaminta ee ka dhacay Gaalkacyo waxaa sheegtay Al Shabaab oo sheegay in qasaaro ay ku gaarsiiyeen ciidamada Cabdi Qeybdiid.





Muqdisho Arbaco February 1, 2011 (Somaligov Portal News) : Safiirkii hore ee dowladda KMG Soomaaliya u fadhiyay dalka Siiriya C/raxmaan Max’ed Nuur (Diinaari) oo u waramayey Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu ka hadlay dilkii naxdinta lahaa ee maalmo ka hor magaalada Muqdisho loogu gaystay Allaha unaxariistee Agaasimihii Shabelle Marxuum Xasan Cismaan Cabdi.

Diinaari ayaa sheegay in dilkaasi uu ahaa arin murugo leh oo ay la kulmeen shacabka Soomaaliyeed, isagoo nasiib daro ku tilmaamay in la bartilmaameedsado Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee u
adeegaya bulshada, waxaana uu ka codsaday Madaxda ugu saraysa dowladda iyo Hay’adaha amaanka in ay baaritaani heer Qaran ah ku sameeyaan dilkii Agaasimihii Shabelle, isagoo ka digay in dilalka iyo gaboodfalada Saxaafadda aynoqdaan kuwa joogta ah.

Safiirkii hore ee dowladda KMG Soomaaliya u fadhiyay dalka Siiriya ayaa waxa uu si damiirnimo leh u sheegay in Saxaafadda Soomaaliya ay ku shaqayso xaalad qatar ah oo ay dhibaatooyin kala kulmaandhinacyada isku haya dalka balse waxa uu sheegay in Saxafiga ay muhiimadiisu tahay in uu ku dhinto isaga oo baahinaya xaqiiqda jirta.

Mudo 6 todobaad gudahooda ayaa goobaha ay maamusho dowladda ee magaalada Muqdisho lagu dilay Allaha u naxariistee C/salaan Sheekh Xasan Xiis oo ka howlgaliyay TV-ga Honr Cable qeybtiisa Muqdisho iyo Agaasimihii Shabelle Xasan Fantastic  kuwaasi oo ilaa hada ragii dilay aan wax Maxkamad ah lasoo taagin.




Muqdisho Isniin January 30, 2011 (Somaligov Portal News) : CAMBAAREYN Gudiga Maamulka Shabakadda Warbaahinta Shabelle ee Muqdisho waxaa ay ugu horeyn war- saxaafadeedkaan ku cambaareenayaan dilkii foosha xumaa ee Magaalada muqdisho loogu geystay alle ha u naxariistee Agaasimihii Shabakadda Warbaahinta
Shabelle Xasan Cusmaan Cabdi ( Fantastic) ayna toogteen kooxo hubeysan taariikhda markii ay ahayd 28/1/2012.

Waxaan tacsi u direynaa umada Soomaaliyeed gaar ahaan qoyskii, eheladii, asxaabtii, shaqaalihii shabelle, iyo dhamaan bahda saxaafada ee uu ka baxay Xasan Cusmaan Cabdi.

GO,AAN Ka dib dilkii Agaasimihii Shabelle waxaa uu gudiga u cadeynayaa bulshoweynta soomaaliyeed in ay sii socondoonaan howlihii Shabakada Warbaahinta Shabelle ay u haysay umadda Soomaliyeed, ayna sii laba jibaari doonto soo gudbinta wararka iyo dhacdooyinka xaqiiqda ah ee Shabelle looga bartay, Saxaafadu waxna madisho, waxna ma dhacdo waxa
lagu heystaana waa dhex dhexaadnimada iyo xaqiiqda ay soo tabineyso, waana taas sababta loo ugaarsanayo wariyayaasha, Shabelle-na waligeed  kama leexan doonto dhex dhexaadnimadeeda.

BAAQ Waxaan ugu baaqeynaa dowlada KMG ah in ay baaritaan rasmi ah ku sameyso dadkii ka dambeeyey dilkii agaasimihii Idaacad shabelle Xasan Cusmaan Cabdi maadaama goobta lagu dilay ay maamusho dowlada ku meel gaarka ah ayna ka bixiso jawaab cad oo ay ku qanci karto bahda saxaafada iyo bulshada soomaaliyeed, iyadoo lawada ogyahay in sidaan oo kale dil bareer ah loo geystay Wariye C/salaan Sheikh Xasan (Xiis) oo ka tirsanaa Shaqaalaha TV-ga horncable oo wax lagu qanci karo DKMG ah aysan ka
qaban.


Gabagabadii waxaan bulshada soomaaliyeed ugu baaqeynaa in ay meel oga soo wada jeestaan kooxaha ugaar sanaya wariyeyaasha iyo dadka wax tarka uleh bulshada War helaa talo helo Wabilaahi Toowfiiq.



Muqdisho Isniin January 30, 2011 (Somaligov Portal News) Gudoomiyihii hore ee Maamulka gobolka Banaadir ahaana duqii Magaalada Muqdisho, Max’ed Cumar Xabeeb (Max’ed dheere) ayaa ugu horeyn ka tacsiyadeeyay dilkii loo gaystay Allaha Unaxariistee Agaasimihii Idaacadda iyo Tv-ga Shabelle Xasan Cismaan
Cabdi Fantastic.

Max’ed dheere ayaa  sheegay in Agaasimihii Shabelle uu ku geeriyooday qarannimo, wuxuuna carabka ku dhuftay in wax laga xumaado ay tahay dilkaasi,  isagoo dilka Agaasimaha ku
sababeeyay dowladda KMG ah oo uu sheegay inaysan qaadin talaabo wax looga qabanayo dhibaatooyinkaasi.

Gudoomiyihii hore ee Maamulka gobolka Banaadir ayaa intaasi ku daray in dowladda KMG ah looga baahanyahay in geed dheer iyo mid gaaban ay u fuusho sugidda ammaanka Saxafiyiinta, hadii kale ay sii soconayso dhibaatooyinka loogaysto dadka waxgalka u ah dowladda KMG ah.

Ugu dambeyn Max’ed dheere ayaa ugu baaqay shacabka in dowladda KMG ah ku gacan siiyaan sidi cadaaladda loo horkeeni lahaa  naxariis laawayaashii ka dambeeyay dilka Agaasimihii Shabelle.


Muqdisho Isniin January 30, 2011 (Somaligov Portal News) : Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa ka qeybgalay munaasabad lagu maamuusayay sanadguuradii Sadexaad ee ka soo wareegtay markii Madaxweynaha la doortay.

Munaasabaddaasi oo uu soo qabanqaabiyay maamulka G/Banaadir isla markaan lagu qabtay xarunta maamulka Gobolka ayaa waxaa ka qeybgalay madaxweyne Jamhuuriyadda Ku simaha R/wasaaraha, wasiirro, xildhibaano iyo martisharaf kale.

Mas’uuliyiintii kala duwanaa ee munaasabaddaasi ka hadashay ayaa waxa ay qudbadahoodu ku qotomeen waxqabadka madaxweynaha iyo dadaalka uu  ugalay dhismaha ciidamada si loo soo celiyo amaanka iyo kala dambeysnta, siyaasad furfuran iyo maamul wanaagsan oo soo jiidasho leh.

Madaxweyne Shariif oo halkaasi ka hadlay ayaa ammaan ballaaran usoo jeediyay ciidamada qalanka sida isagoo tacsi u diray ehelada ciidamadii naftooda ku waayay difaaca dalkooda, wuxuuna tilmaamay in muddadii uu xilka hayay ay jireen caqabado badan hase yeeshee looga gudbay karti iyo dhabar adeyg isagoo ummadda ku boorriyay in ay ka shaqeeyaan midnimada iyo wadajirka.

Waxaa hubaal ah in madaxweyne shariif uu wax weyn ka bedelay mustaqbalka dalka isgoo dhisay ciidamada qalabka sida, maamul hufan oo ka fog musuq maasuq iyo qabyaalad iyo siyaasad furfuran oo soo jiidasho leh.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa ka qeybgalay munaasabad lagu maamuusayay
sanadguuradii Sadexaad ee ka soo wareegtay markii Madaxweynaha la doortay.

Munaasabaddaasi oo uu soo qabanqaabiyay maamulka G/Banaadir isla markaan lagu qabtay xarunta maamulka Gobolka ayaa waxaa ka qeybgalay madaxweyne Jamhuuriyadda Ku simaha R/wasaaraha, wasiirro, xildhibaano iyo martisharaf kale.

Mas’uuliyiintii kala duwanaa ee munaasabaddaasi ka hadashay ayaa waxaay qudbadahoodu ku qotomeen waxqabadka madaxweynaha iyo dadaalka uu
ugalay dhismaha ciidamada si loo soo celiyo amaanka iyo kala dambeysnta,siyaasad furfuran iyo maamul wanaagsan oo soo jiidasho leh.

Madaxweyne Shariif oo halkaasi ka hadlay ayaa ammaan ballaaran usoo jeediyay ciidamada qalanka sida isagoo tacsi u diray ehelada ciidamadii naftooda ku waayay difaaca dalkooda, wuxuuna tilmaamay in muddadii uu xilka hayay ay jireen caqabado badan hase yeeshee looga gudbay karti iyo dhabar adeyg isagoo ummadda ku boorriyay in ay ka shaqeeyaan midnimada iyo wadajirka.

Waxaa hubaal ah in madaxweyne shariif uu wax weyn ka bedelay mustaqbalka dalka isgoo dhisay ciidamada qalabka sida, maamul hufan oo  ka fog musuq maasuq iyo qabyaalad iyo siyaasad furfuran oo soo jiidasho leh.


Muqdisho Isniin January 30, 2011 (Somaligov Portal News) : Shir gogol xaar u ah kulanka guddiga wadajirka ah ee amaanka Soomaaliya oo ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo Amisom ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho.

Kulankan oo ahaa mid loogu gogol xaarayo shirka guddiga isku dhafka ah ee nabad galyada Soomaaliya oo la filayo in maalinta biri ah uu ka  furmo Muqdisho ayaa waxaa maanta isugu yimid mas’uuliyiin ka socoto beesha caalamka dowladda oo ay uga qeyb galeen ku simaha R/wasaaraha ahna wasiirka gaashaandhigga wasiirka garsoorka iyo arimaha diinta,
wasiirka amaanka taliyayaasha cidamada, booliska, militirga iyado ay sidoo kale kulanka gogal xaarka ah ka qeyb galeen maammul gobaleedyada Putland, Galmudug ahlu suna waljameeca iyo saraakiil kale.

Kulanka ayaa markii uu soo gebageboobay waxaa warbaahinta la hadlay wasiirka arimaha gudaha iyo amaanka qaranka C/samad Macalin Maxamuud Sh.Xasan waxa una sheegay in kulanka lagu lafa guray arimaha nabadgelyada waddanka.

Kulankan ayaa noqonaya kii Sadexaad ee guddiga isku dhafka ah ee qaabilsan amniga Soomaaliya ay Muqdisho ku yeeshaan.

\

Muqdisho Isniin January 30, 2011 (Somaligov Portal News) : Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Talyaaniga ayaa kulan dheer la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Talyaaniga H.E. Giulio Terzi. Kulankan ayey labada mas'uul uga hadleen xiriirka qotada dheer ee labada dal, xaalada dalka Soomaaliya, arrimaha Burcad-badeeda, arrimaha Amniga iyo Shirka London.

Kulanka ka dib ayey labada mas'uul wada qabteen shir-jaraa'id oo ay saxaafadda kula hadleen Xafiiska Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Talyaaniga. Raìiisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo Shacabka Talyaaniga sida ay uga go'antahay in la sii xoojiyo xiriirka qotoda dheer iyo u gargaarida shacabka Soomaaliyeed.

Labada mas'uul waxey sheegeen inay ka wada hadleen arrimo muhiim u ah labada dal, ayna rajeynayaan inay sii xoojiyaan xiriirka labada dal. Sidoo kale waxey labada mas'uul sheegeen inay ka wada hadleen shirka London oo Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya sheegay in la rajeynayo in shirkaas uu middeeyo beesha caalamka oo ay u soo jeestaan sidii xal waara loogu heli lahaa Soomaaliya, isla markaan lagu sii horumarin lahaa dadaalada socda iyo horumarka laga sameeyey dhanka Amniga, Dib-u-heshiisiinta, Xiriirka maamulada iyo Dowladda, Maamul wanaaga, Dastuurka qabyada ah iyo dib-uhabeynta Baarlamaanka.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Talyaaniga ayaa sheegay in Talyaaniga uu tagayo shirka Lodon isla markaana taageeri doono mowqifka Soomaalida si xalku u noqdo mid ay Soomalidu leedahay.

Raìiisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa Qado sharaf u sameyey Wasiir ku xigenka Arrimaha Dibadda Talyaaniga H:E. Staffan De Mistura oo ay labada mas'uul ka wada hadleen sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dal


Raìiisul Wasaaaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu kulamo la qaato Wasiirada Gaashandhiga, iyo Arrimaha Gudaha iyo Ra'iisul Wasaaraha DalkaTalyaaniga.


Muqdisho Isniin January 30, 2011 (Somaligov Portal News) : Janaral Yuusuf Max’ed Siyaad (indha-cadde) oo xilal kasoo qabtay Xukuumadiihii hore eeka jiray dalka ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dilkii loogaystay Agaasimihii Shabelle, isagoo ugu horeyn tacsi u diray eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday marxuumkaasi.

Indha-cadde ayaa dilka Fantastic ku tilmaamay mid bulshada ku abuuray naxdin iyo murugo, wuxuuna ku baaqay in si deg deg ah cadaaladda loo horkeeno dadkii ka dambeeyay Allaha Unaxariistee dilkii Agaasimihii Shabelle, waxaana Indha-cadde uu sheegay in dowladda KMG ah looga baahanyahay in xil buuxa ay iska saarto ammaanka saxaafadda islamarkaana baaritaano xaqiiqo ah ay ku sameyso dadkii ka dambeeyay dilka loogaystay wariyaha uu ku tilmaamay mid qaali ku ah shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn Janaralka ayaasheegay in baaritaannada ay sameynayso dowladda ay noqon doonaan kuwo lagu guulaysto islamarkaan manaxayaashii dilay rajo laga qabo in cadaaladda lahorkeeno.


Muqdisho Isniin January 30, 2011 (Somaligov Portal News) : Gudoomiyaha Hay’adda Culumada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ka hadlay dilkii arxan darida ahaa ee dagmada Wadjir loogu  geystay Agaasimaha Shabelle ayaa waxa uu cambaareyn dusha kaga tuuray kooxihii ka dambeeyay dilka Wariyeyahaasi.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa waxa uu tilmaamay in lagama maarmaan ay tahay in la adkeeyo ammaanka dadka wax galka u ah bulshada, waxaana uu nasiib daro ku tilmaamay dillalka bareerka ah ee loo geysanayo saxaafadda xorta ah.

Gudoomiyaha Hay’adda Culumada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa sidoo kale waxa uu tilmaamay in looga baahanyahay in Hay’adaha ammaanka ee dowladda in si gaar ah ula socdaan ammaanka dadka wax galka u ah bulshada, isagoo dowladda ku eedeeysay inay dayacday ammaanka suxufiyiinya oo uu sdheegay in ay yihiin indhaha bulshada.

Wasiiroka mid ah Xukuumadda KMG oo ka hadlay dilka Agaasimaha Shabelle ayaa waxa aysheegeen inay baarayaan ciddii ka dambeysay dilka Agaasime Xasan Cismaan Cabdi


PARIS:

Isniin January 30, 2011 (Somaligov Portal News) : Dowladda Fransiiska ayaa cambaareeysay dilkii loo geystay agaasimihii Shabakadda Warbaahinta Shabelle Xasan Cismaan Cabdi (Fantastic) oo ay kooxo hubeysan ku dileen guda magaalada Muqdisho.

Kadib markii saaxibadiis Bashiir Nuur Geeddi iyo Mukhtar Maxamed Hiraabe la dilay Hasan Cusman Cabdi ayaa noqonaya agaasimihii sadaxaad ee Shabelle laga dilay, waxaana dowladda France ay ugu baaqeysaa saaxiibadii Fantastic inay sii wadaan shaqadii ku dhisneyd madaxbaanida islamarkaana ay iska dhaga tiraan hanjabaadyada uga imaanaya kooxaha isku haya gacan ku heynta dalka.

France waxa ay sheegtay in dilkaan uu yahay mid fool xun oo laga xishoodo kaas oo ay sheegtay in uu Saxafiyiinta Ajaanibta ah ku keeni karo inay dalka isaga soo baxaan, waxaana ay intaasi ku dartay in loo bahanyahay in lagu sii dhabar adeego shaqada qatarta badan ee saxaafadda oo ay sheegtay inay geesiyaal nafhurayaal ah ay ka howlgalayaan Muqdisho.

Waxaan u tacsiyadeeynaynaa si dhimiirnimo leh qoyskii iyo saaxiibadii uu ka tagay Xasan Cusman Cabdi, waxana aan ugu baaqeeynaa Dowladda KMG in ay baaritaan ku sameyso dilka Agaasimihii Shabelle.

Ugu dambeyn  France ayaa sheegtay in loo baahanyahy in la dhowro xuriyadda hadalka si ay saxaafadda soomaliyeed u sii wataan howlaha ay u qabanaayaan dad rayidka ah ee Sooomaaliyeed.



Isniin January 30, 2011 (Somaligov Portal News)

oghayaha horumarinta caalamiga ah ee dawladda ingiriiska Andrew Mitchell  ayaa shaaca ka qaaday in dawladdiisa ay waddo qorshooyin dhinaca ammaanka iyo samafalka ah oo ay ka sameeneeso dalka Soomaaliya.

Andrew Mitchell  ayaa wareesi uu siiyay wargeeska the Sun waxaa uu ku sheegay in dawladda Ingiriiska ay koox qubaro oo dhinaca ammaanka ah ay u soo direyso Magaalada Muqdisho si ay ciidamada AMISOM iyo  booliska DKMG ay u siiyaan tabaro la xiriiro dhinaca ammaanka si ay ugu guuleystaan soo celinta nabadda iyo kala dambeynta Soomaaliya.

'Waxaan rabnaa in lahelo ciidamada AMISOM  oo cududooda military  aad u xooggan si ay ugu guuleystaan howlgalka nabad soo celinta ee dalka Soomaaliya taasi oo ah ahmiyadda koowaad ee beesha Caalamka ay ka leedahay Soomaaliya” sidaasi waxaa yiri xoghayaha caalimga ee dalka ingiriiska.

Mar wax laga waydiiyay in dawladda Ingiriiska ay ciidamo gaar ah iyo kuwa sirdoonka ah oo looyaqaano MI6 ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo arintaasi hasa yeeshee wuxuu sheegay in hadda koox quboro Militari qorsheeyaal ciidan ay u soo dirayaan Magaalada Muqdisho.

Mr Mitchell ayaa tilmaamay in howlgalka qubarada Militari uu ku koobnaan doono kaliye inay caawiyaan islamarkaana ay tabaro siiyaan cidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika AMISOM iyo ciidamada booliska ee dowladda KMG ah.

waxa u sheegay sidoo kale kale in dalka soomaliya haddai la isk aindho tiro uu kusii socda in uu lamid noqdo wadanka afghanistaan.isago intaasi ku daray in hadda ay soomaaliya ay ku
sugnyihiin dagaalyahano ka barbardagaalamaya al-shabab oo wata baasabooro ingiriis ah taasi oo ka dhigaysa in dalka soomaaliya midka ugu badan oo ay joogaan muwaadiniin britain ah oo ka tirsan Alqaeda.

'Hhaddii aan la helin iskasshi caalami ah iyo dadaalo wax ku ool ah dhibaatada Soomaliya sida aargigixisada, burcad badeednimada, ka ganacsiga darooga in loo soo dhoofiyo dalalka caalamka,' Mr Mitchell ayaa yiri.

Dhinaca kale xoghayaha caalimga ee dalka ingiriiska ayaa ka hadlay xaaladda biniaadannimo ee dalka Soomaaliya a iyo kaalinta kaga aadan dawladdiisa wax kaqabashada arrimahaasi, isagoo sheegay  in dowladdiisa ay wado mashaariic aad u balaaran oo dhinacyo badan ah kuwaasi oo ku kacaya qiimo dhan ila 20-milyan oo pound  oo ah lacagta Ingiriiska.

Wasiirka ayaa xusay in lacagahan lagu qaban doono mashaariic ay kamid yihiin adeegyada caafimaadka iyo cunada kuwaasi oo si gaar ah loogu tala galay cruurta iyo haweenka ku dhibaataysan Koofurta Soomaaliya kadib abaaro ku dhuftay halkaasi.

Mr Mitchell ayaa shegay in ay sidoo kale ay ka mid tahay mashaariicda Britain ee Soomaliya 55 milyan oo pound oo dhinaca miino baarista ah, iyadoo xeel dheeriyaal miino loo soo dirayo dalka soomaaliya.

Ugu dambaytii waxa uu sheegay Wasiirka in miisaaniyadda ingiriiska uu ugu talo galay wax aqabashada dhibaatooyinka Soomaaliya ay ee sanadka 2013 ay 34% ay la badayihiin kuwa ay bixiyaan wadamada warshadaha ku hor maray ee loo yaqaano G8.



Mogadisho: Isniin January 30, 2011 (Somaligov Portal News)

Taliska Ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed ayaa ka tacsiyadeeyay dilkii loo gaystay Agaasimihii Idaacadda Shabelle Xasan Fantastic.

Kornel C/laahi Cali Caanood, Janaral Gacmo Duulle, Kornel Goobaale, Kornel Cagey, Kornel Saney, Kornel dhega wayne, iyo Saraakiisha kale ee Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo afkoodu uu ku hadlayay Abaan duulaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Janaral C/kariin Yuusuf Aadan (Dhegabadan) ayaa waxaa uu si kulul kaga hadlay dilkii naxariistarada ahaa ee loo gaystay Agaasimihii Idaacada iyo Tv-ga Shabelle.

Janaral Dhegbadan ayaa waxa uu sheegay in  ugu horeyn ay tacsi u dirayaan qaraabadii eheladii iyo Asxaabtii u ka gaariyooday Marxuum Xasan Cismaan Cabdi (Xasan Fantastic), isagoo kaga tacsiyadeeyay geeridii foosha xumeyd ee lama filaanka aheyd ee ku timid Marxuumkaasi.

Abaanduulaha Ciidamada Xoogga ayaa waxa uu sheegay in Wariyeyaasha Soomaaliyeed ay yihiin mishiinka ama halbowlaha Soomaaliyeed, isagoo ku tilmaamay cadowga caadeystay ugaarsshada wariyeyaasha ay yihiin Jid iyo Jahdiid.

Janaral Dhegbadan ayaa waxa uu carabka ku dhuftay inay u aargudayaan Wariye Xasan Cisman Cabdi (Fantastic) iyo kuwii kale ee naftooda ku waayay hoosha suxufinimo, isagoo cod adag ku sheegay in dadka sida micno darida ah u laynaya Wariyeyaasha ay u geeriyoon doonaanMas’uuliyiin sheeganaysa inay meel sare ka joogaan bulshada Soomaliyeed.

Ugu dambeyn C/kariin Yuusuf Aadan Dhegabadan ayaa mar uu baaq u diray Saxafiyiinta waxa uu sheegay in lagu wada jiro halgan adag, isagoo kula dar daarmay in aan loo seexanin cadowga oo loowada dhinto sidii halkankaasi looga mira dhalin lahaa.



Mogadisho: Isniin January 30, 2011 (Somaligov Portal News)

Kadib markii Allaha Unaxariistee rag hubaysan oo aan heybtoodu la garaneyn ay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ku dileen Agaasimihii Warbaahinta Shabelle XsanCismaan Cabdi (Fantastic) ayaa waxaa dilkaasi cambaareeyay dowladda Kenya.

Gudoomiye ku xigeenka barlamanka Kenya Faarax Macalin oo u waramay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in uu ka xunyahay dilka loo gaystay Agaasimaha ayna cambaareynayaan, isagoo waxa lala yaabo ku tilmaamay in degmada Wadajir oo waqti badan ay Maamulayso dowladda KMG uu dilkaasi ka dhaco, waxaana uu sheegay inaysan la’eheyn in dilkaasi ay ka dambeeyaan dagaalyahanada kasoo horjeeda dowladda KMG ah.

Faaax Macalin ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in Saxafiyiin, Xubno ka tirsan barlamanka iyo dad shacab ahba lagu dilay Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo uu sheegay in kooxihii ka dambeeyay dilkoodu aan wax talaabo ah laga qaadin, wuxuuna sidaasi daraadeed dhacdooyinkaasi oo idil uu u sababeeyay dimuqraadiyad la’aanta kajirta Soomaaliya.

Degmooyinka ay Maamusho dowladda KMG Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacay labo dil oo qorsheysan oo loo kala gaystay waqti isku dhow Agaasimihii Shabelle Xasan Fantastic iyo sidoo kale C/salaan Xiis oo ka howlgalayay Tv-ga Horn Cable qeybtiisa Muqdisho.




 




Mogadisho: Isniin January 30, 2011 (Somaligov Portal News) :

Mudanayaal ka tirsan Baarlaamanka Soomaaliya oo maata kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay uga doodeen qorsha howlleedka sanadkan ee horyaalaBarlamaanka si loo dardar galiyo howlaha Barlamaanka.

Kulanka ay maanta ku yeesheen xarunta golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa shir guddoomiyanayay Madoobe Nuunoow Maxamed oo ay dhawaan xildhibaanno ka tirsan Barlamaanka u doorteen guddoomiyaha Barlamaanka, waxaan ay uga doodeen qorsha howleedka sanadkan horyaalla Barlamaanka Soomaaliya iyo sidii loo dardar galin lahaa howlshaasi.

Markii ay soo idlaatay doodda mudayaasha Barlamaanka ayaa waxaa kulanka ugu horeyn ka hadlay Madoobe Nuunoow Maxamed oo ay dhawaan mudanayaal Barlamaanka ka tirsan guddoomiye u doorteen waxa uuna ka hadlay shirka dowladda Ingariiska marti galineyso ee Bisha soo socota ka furmay magaalada Lodnad ee dalka Ingariiska, waxa uuna sheegay in shirkaasi London ka dhacay uusan boos uga bannaaneeyn Barlamaanka oo uuyahay mid quseeya Xukuumadda, sidaas tarteedna looga baahan yahay in ay
soo  gudbiso waxa uu ku saabsan yahay.

Waxa uu sheegay haddii la raacayo shirka Xukuumadda ay hor keento Barlamaanka waxyaabaha looga hadli doono shirkaas, isagoo sheegay in ay caddeeynaan mooqifka ay arrintaasi ka taagan yihiin ay ka diyaariyeen warqad isla markaana ay go’aan mideysan ka qaadanayaan shirkaasi.

Intaasi ka kadib ayaa waxaa mudanayaasha Barlamaanka laga hor aqriyay warqadda ay ka soo saareen shirka Ingariiska Xildhibaannada guddoonka Barlamaanka u doortay Madoobe Nuunoow



Mogadisho: Isniin January 30, 2011 (Somaligov Portal News) :

Wafdi uu hoggaaminayay wasiirka horumarinta iyo iskaashiga caalamiga ah dalka Denmark ayaa goor dhow ka soo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Airport ee magaalada Muqdisho.

Wafdigan oo uu hoggaaminayo wasiirka horumarinta iyo iskaashiga caalamiga ee dalkaasi  Denmark ayaa kulamo la qaadanaya mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda kaas oo uu ka mid yahay R/wasaare ku xigeenka ahna wasiirka gaashaandhigga Mudane Xuseen Carab Ciise.

Wixii war ah oo ku soo kordha warka waan dib ayaan idinkula socodsiin doonaa.

Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-




Mogadisho: Isniin January 30, 2011 (Somaligov Portal News) :

Gudoomiyaha Maamulka gobolka Banaadir Max’ud Axmed Nuur (Tarsan) oo ka hadlay dilkii naxdinta lahaa ee dagmada Wadajir loogu geystay Agaasimihii Idaacadda Shabelle,isagoo uga tacsiyadeeyay dilkaasi asxaabtii iyo eheladii uu ka geeriyooday Marxuum Fantastic.


Max’ud Axmed Nuur (Tarsan)  ayaa waxa uu tilmaamay in Xasan uusan ahayn Wariyihii koobaad ee Muqdisho dil bareer ah loogu geysto, hase ahaatee waxa uutilmaamay in aan loo baahneyn in wariyeyaasha Shabelle ay u aamusaan 2 ilaa 3 wriye oo dil loogu geysto Muqdisho gobol ahaanna waxa uu sheegay inay aad ugaxun yihiin dilka wariyaaha Shabelle oo uu sheegay inay ka dambeeyaan dad diidan xornimada Saxaafadda.


Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in aan looga baahneyn wariyeyaasha Shabelle inay sidii hore uga hadlaan wararka xaqiiqda ah oo uusan cabsi gelinin dilkii loo gaystay Agaasimaha Idaacadda Shabelle Xasan Cismaan Cabdi (Fantastic).


Siyaasiyiin, Waxgarad iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa cambaareeyay dilkii loogaystay Agaasimihii Idaacadda Shabelle Xasan Cismaan Cabdi Fantastic, iyadoo dowladda loogu baaqay in baaritano ay kusameyso cidda ka dambeysa dilkaasi.

Ciidamada Itoobiya

Mogadisho: Isniin January 30, 2011 (Somaligov Portal News) :

Cutubyo ka tirsan ciidamada Itoobiya oo wata gaadiid dagaal oo ay ku jiraan taangiyo ama kaarayaal ayaa soo galay maanta oo Isniin ah gobolka Gedo, sida ay goobjoogayaal ku sugan
gobolkaas gobolkaas u sheegeen saxaafadda.

Ciidamada Itoobiya ayaa waxay si rasmi ah uga soo gudbeen soohdinta Soomaaliya iyo Itoobiya sannadkii hore dhamaadkiisa, balse ra'iisul wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi ayaa markii ugu horreysay ka hadlay  Jimcihii sababta ay ciidamadoodu dib ugu laabteen Soomaaliya.

"Kumannaan ciidamada Itoobiya ah ayaa soo galay degmada Luuq xalay, kaddib markii ay kasoo gudbeen xuduudda Doolow, waxay wataan gaadiid dagaal oo aad u fara badan kuwaasoo ay ku jiraan taangiyo," ayuu yiri Idiris Macallin Cabdullaahi oo ka mid ah waxgaradka degmada Luuq.

Sidoo kale, ciidamadan soo galay gobolka Gedo ayaa waxaa ka hadlay saraakiil ka tirsan Al-shabaab, iyagoo sheegay in qorshahoodu yahay inayka hortagaan si ay uga difaacaan deegaannada ay gacanta ku hayaan.

"Ciidammo masiixiyiin ah oo ka yimid Itoobiya ayaa soo galay Soomaaliya, waxayna ku sugan yihiin hadda gobolka Gedo," ayuu yiri Sheekh Ibraahim Abuu-Yuusuf oo ka mid ah saraakiisha sarsare ee Al-shabaab oo la hadlay wakaaladda wararka AFP, isagoo xusay inay iska difaacayaan.

"Mujaahidiintu diyaar ayay u yihiin inay naftooda ka difaacaan cadowga soo duulay," ayuu Sheekh Abuu-Yuusuf hadalkiisa ku daray. Iyadoola ogyahay in Al-shabaab ay kaga sugan tahay gobolka Gedo degmooyinka Buurdhuubo iyo Baardheere.

Goobjooge lagu magacaabo Axmed Bashiir oo ku sugan degmada Luuq ayaa sidoo kale sheegay inuu arkay 42-gaari oo kuwa dagaalka ah oo ay wateen ciidamada Itoobiya, kuwaasoo ay ku jiraan 28-taangi.

"Baabuurta dagaal ee ay ciidamadu wateen waxay ku sugan yihiin Luuq, waxaana nagu maqaalo ah inay ku wajahan yihin gobolka Bay," ayuu Axmed Bashiir mar kale yiri. Isagoo xusay in gobolka oo dhan ay ka jiraan dhaqdhaqaaqyo ciidan.

Gobolka Gedo ayaa waxaa horay ugu sugnaa ciidammo Itoobiyaan ah oo gaaraya 1500 askari, kuwaasoo gacan ku siinayay ciidamada DKMG ah iyo kuwa Ahlusunna ee gobolkaas ku sugan dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab.

Ciidamada Itoobiya ayaa waxay bishii hore ka qabsadeen degmada Baladweyne xoogaggii Xarakada Al-shabaab, iyadoo ciidamada cusub imaanshahoodu uu imaanayo xilli ay dowladda Itoobiya sheegtay inay dhinaca milateriga ka caawinayso DKMG ah ee Soomaaliya



Mogadisho: Isniin January 30, 2011 (Somaligov Portal News) : Sidoo kaleayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed kula kulmay Rome ugana warbixiyey xaalada dalka, horumarka baaxadda leh ee laga sameeyey dhanka Amniga, Dib-u-heshiisiinta, Isku xirka Maamulada dalka iyo Dowladda dhexe,  Maamul Wanaaga, Dastuurka qabyo qoraalka ah iyo Gar-gaarka  Bani’aadanimo. Ra’iisul Wasaaraha ayaa waqti dheer siiyey Soomaalida oo uu uga jawaabayey su’aalaha ay qabaan, isla markaana dhageysanayey talooyinka ay Jaaliyadda Soomaaliyeed u soo jeediyeen Ra’iisul Wasaaraha
iyo Dowladda. Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Jaaliyadda Soomaaliyeed dadaalkooda, kana codsaday inay sii laba jibaaraan oo ay kaalin xoog leh ka qaataan dib-u-dhiska dalka.

Mogadisho: Isniin January 30, 2011 (Somaligov Portal News) :

Sida ay goobjoogayaal kala duwan u xaqiijiyeen warbaahinta Warcusub.com ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan ururka Al-Shabaab ayaa isku gadaamey beerta Cali Mahdi Maxamed oo ay ku sugnaayeen madax sare oo ka tirsan isla xarakada Al-Shabaab, halkaasi oo kulan gaar ah uga socday mas'uuliyiin uu ka mid yahay Sheekh Xasan Daahir Aweys oo dhowaan ku biiray Shabaabka.
Ciidamada ururka Al-Shabaab ee weerarka ku soo qaaday beerta uu shirka ka socday ayaa isla markiiba hubka ka dhigay ciidamo kale oo ilaalinayay madaxda halkaasi  shirka uga socday kaddibna kaxeystay mas'uuliyiin uu ka mid yahay Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo dhoor xubnood oo isugu jira saraakiil iyo horjoogayaal ka tirsan garabka  Xasan Daahir iyo Abuu Mansuur.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada howlgalkaasi fuliyay ay ka socdeen garabka ururka Al-Shabaab ee uu hoggaamiyo Sheekh Muqtaar C/raxmaan Abuu Zubeyr, iyadoona ciidamadii halkaasi soo weeraray ay ula dhaqaaqeen dhinaca degmada Afgooye waddo ka sii baxda oo dhinaca degmada Marka u baxeysa.


Dhinaca kale wararku waxay intaasi ku darayaan in howlgalka lagu qabqabtay Sheekh Xasan Daahir iyo saraakiisha kale aanay wax shaqaaqo ah ka dhicin, inkasta oo markii labada ciidan is arkeen xoogaa yara qori isku taag uu meesha ka dhacay.

Sababta ka dambeysa qabashada Sheekh Xasan Daahir ayaa la sheegayaa inay ka dambeyso kaddib markii Dowladda KMG ah ay uga tacsiyadeysay geeridii ku timid aabihii Macallim Daahir Aweys, inkasta oo warar kalena ay sheegayaan in weerarka lagu qabsaday Xasan Daahir uu ka dambeeyo Axmed Godane hoggaamiyaha garab ka mid ah ururka Al-Shabaab oo tuhunsan inuu ku lug yeeshay abaabulka falkii lagu khaarajiyay Bilaal Al-Barjaawi toddobaadkii la soo dhaafay.

Wixii ka dambeeyay markii duqeyn diyaaradeed uu ku geeriyooday hoggaamiye ka tirsan ururka Al-Qaacidada geeska Afrika ayaa waxay taasi shaki aad u weeyn soo kala dhex gelisay madaxda ururka Al-Shabaab oo ku kala dareeray shir ay arrintaasi ka yeesheen.

Hogaamiye Xassan Daahir Aweys waxaa lagu tiriyaa Shaqsiga mar walba fashiliya wax yaabaha ugu waa weeyn ee ay damacsanyihiin Xarakada Al Shabaab isaga oo ka hor hadla ama warar is qilaafan siiya Saxaafada.

Agaasimihii Idaacadda Shabelle oo lagu aasay Muqdisho (Sawirro)


Mogadisho: Axad January 29, 2011 (Somaligov Portal News) : Saakay ayaa Magaalada Muqdisho ee Caasimaddadalka Soomaaliya waxa lagu aaskay Allaha Unaxariistee Agaasimihii  Idaacadda iyo Tv-ga Shabelle Xasan Cismaan Cabdi (Xasan Fantastic) kaasi oo shalay kooxo hubaysan ay ku dileen hoy uu kadaganaa Xaafadda Nasteexo degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Aaska agaasimihii Idaacadda Shabelle ayaa waxaa ka qeyb galay Siyaasiyiin, Culumaa’udiin, waxgarad, BahdaSaxaafadda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah kuwaasi oo si isku mid ah ugu naxay dilkii labo ruux oo hubaysan ay u gaysteen Agaasimihii Idaacaddaiyo Tv-ga Shabelle.


Meydka Xasan Cismaan Cabdi (Xasan Fantastic) ayaa waxa saakay laga qaaday Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho halkaasi oo ay isugu yimaadeen dad weyne aad u farabadan oo ka xumaa dilkii loo gaystay Agaasime Xasan, waxaana halkaasi ka qaaday gawaari farabadan oo ka qeyb qaadanayay aaska Allaha Unaxariistee Xasan Cismaan Cabdi (XasanFantastic) oo ahaa Agaasimihii Idaacadda iyo Tv-ga Shabelle.


Qaar ka mid ah shaqaalaha Idaacadda Shabelle oo ka hadlay aaska Agaasimaha ayaa waxa ay sheegeen inay aad ugu xun yihiin dilkii loogaystay Saaxiibkooda Xasan Fantastic, waxaana ay sheegeen in dad wax magarato ah ay dileen islamarkaana ay usii dhabar adeegi doonaan shaqadooda.


Ugu dambeyn Aaska Agaasimihii Idaacadda Shabelle oo aan u kala harin qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah, Siyaasiyiin, Waxgarad, Culumaa’udiin iyo Saxafiyiin ayaa waxaa lagu aasay Qabuuraha (BAQDAAD) ee duleedka degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.


Mogadisho: Axad January 29, 2011 (Somaligov Portal News) : Wasiirka warfaafinta isgaarsiinyta ,hidaha iyo dhaqanak Puntland  Axmed Cali Askar ayaa maanta shir jaraa’id ku qabatay xarunta wasaarada warfaafinta dowlada Puntland ee magaalada Garoowe, shirkaani jaraa’id eewasirka warfaafinta Puntland ayaa ahaa mid ku wajahnaa xaaladaha ka
taagan deegaanka Buuhoodle ee Xarunta Gobalkaasi Cayn sidoo  kala Baaq udiray beesha caalamka kaasi oo ku wajahnaa inay il gaar ah ku fiirinyaan weeradada ay ka fulinayso Somaliland deegaano hoostaga gobalkaasi cayn.

Axmed Cali Askar wasiirka warfaafinta Puntland ayaa shirkiisa jaraa’dku soo qaatay dhacdooyinkii ugu danbeeyay ee ay Somaliland ka gaysatay deegaanada Sool Iyo cayn oo uu sheegay inay ka gaysteen tacadiyo kala gadisan una soo qaatay dhacdooyinkaasi mid mid.

Puntland ayaa sidoo kale usoo jeedisay maamulak Somaliland inay inay joojiso dagaalda ayna imaansadaan dhulkooda dhanka kalana ugu baaqday ururur Gobaleedyada ,kan qaarada Africa iyo Guud ahaanab Beesha caalamka inay fiiriyaan howlaha Dagaal ee ay Somaliland kawado deegaano hoostagaPuntland sidoo kala xusay in Puntladn ay gudanayso waajib kasta oo uu farayo dastuurka Puntland.

Wasiirka warfaafinta Puntland mar wax laga waydiiyay  sida ay u arkaanmaamulka cusub ee khaatumo iyo sida ay u arkaan Puntland ahaan iyowaliba doorka Puntland ay ku leedahay dagaalada ka dhacaya Gobalkaasi cayn waxaa uu ku jawaabay in beel kasta oo dagan deegaanada Puntladn ay tashan karto balse dhulkaasi uu ka mid yahay deegaanada Puntland.

Maalmo uun ka hor ayay ahayd markii uu dagaal xoogani ku dhexmaray agagaarka magaalo madaxda Gobalkaasi cay nee Buuhoodle ciidamda maamulkaSomaliland iyo dadka shcabka ah ee  deegaankaasi dagankaasi oo sababay khasaare baahsan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac  iyadoona Puntladn ay dhowr jeer oo h ore u cambaaraysay maamula Somaliland uguna baaqday inay ilaalilyaan wada noolaanshaha iyo daris wanaaga ayna halkoodii ka siisocdaan dagaalada iyo fari galinada maamulak Somaliland lamina yaqaan tallaabada xigat e ay Puntlandni qaadidoonto.


Mogadisho : Axad January 29, 2011 (Somaligov Portal News) : Ururka Suxufiyiinta aan xuduudda lahayn ayaa codkooda ku biiriyay canbaareynta loo jeedinayo dilkii magaalada Muqdisho loo geystay agaasimihii Idaacadda Shabeelle.

War-saxaafaddeed ka soo baxay ururka Suxifiyiinta aan xuduudda lahayn ayaa lagu canbaareeyay dilkii ay kooxo hubeysan ugu geysteen degmada Wadajir ee gobolka Banaadir Wariye Xasan Fantaasik, waxaana lagu sheegay war-xasaafaddeedkaasi in uu dilkaasi yahay mid sii xumeynaya shaqada Saxaafadda xorta ah.

“waa arrin muruggo ku abuureysa dhammaan Saxafiyiinta ka shaqeysa Soomaaliya iyo guud ahaan caalamka dilalka lagula kacayo Saxafiyiinta gaar ahaan kuwa ku shaqeeya Soomaaliya” ayaa lagu yiri war saxaafaddeedka.

Wariye Xasan Cabdi Cusmaan ayaa la sheegay in uu si madax banaan uga shaqeynyay  Talefishinka CNN-ka ee dalka Mareykanka,  waxa uuna  noqonayaa Wariyihii ugu horeeyay ee sanadkan lagu dilo caalamka, sida lagu xusay warka ka soo baxay ururka Saxafiyiinta aan xuduudda lahayn.

Shabakadda Wararka Shabeelle waa agaasimihii saddexaad ee laga dilo, iyadoo Soomaaliya ay kaalin weyn uga jirto meelaha Tacdiyadaha loogu geysto Saxaafadda madaxa banaan.

Minneapolis USA : Axad January 29, 2011 (Somaligov Portal News) : Ummadda Soomaaliyeed ee degan Gobalka Minnesota ee dalka Maraykan ayaa caawo waxay qabteen xaflad aad iyo aad u heersarayso taasoo lagu soo dhawaynayey Ismaamul Gobaleedka Dowladda Khaatumo ee Sool, Sanaag Iyo Cayn "The Khaatumo State of Somalia" meeshaasoo ay ka soo qaygaleen dad ka kala socday Dowladda Maraykanka, Dowladda Minnesoa, Dowladda Soomaalitya iyo dhammaan beelaha Soomaaliyeed ee jecel Midnimadda Qaranka Soomaaliyeed. Ummadda Soomaaliyeed waxay ka codsanaysaa Maamul Gobaleedka Somaliland inay dadka ka daayaan fidmada xasuuqa ah ee ay weli beenta ugu sheegayaaan shacabkooda kuwaasoo laga marin habaabiyey waxay tahay Soomaalinimadda. Haddii aydaan rabin Soomaaliya iyo Soomaaliya fadlan iska guura dhulka Ummadda Soomaaliyeed inta aydaan dhib badan u gaysan Ummadda Soomaaliyeed ee la yaaban waxa aad damacsan tihiin inay tahay u daba dhaqa gummaysiga aanu dhulka ka xoraynay. Waxaa xafladan ka soo qaybgalay in ka badan 10000 oo ruux kuwaasoo jecel midnimadda Ummadda Soomaaliyeed,





Addis Ababa : Axad January 29, 2011 (Somaligov Portal News) : Madaxweynayaasha dalalka Midoowga Afrika oo ku kulansan magaalada Addis Ababa ee  xarunta dalka Ethiopia ayaa maanta ka doodi doona Ajandayaasha shirka loogu tala galay kuwaa oo ay ugu mihiimsan tahay arrinta Soomaaliya.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Ethiopia Ambassador Saciid Yuusuf Nuur oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in madaxweynayasha  dalalka Midoowga Afrika   in ay maanta si rasmi ah uga doodi doonaan Ajandayaal ay ka mid yihiin hormarka sanadkii la soo dhaafay ay sameeyeen dalalka Afrika iyo sidii loo sii xoojin lahaa.

Sidoo kale waxa uu sheegay safiirka in laga hadli doona sanadkii la soo dhaafar hormarka dhanka ammaan ee laga sameeyay howlgalka Soomaaliyaka socda, isagoo intaa raaciyay in madaxda kulankooda uu ka dhacayo markii ugu horeysay xarunta cusub ee ay dowladda Shiinaha uga dhistay magaalada Addis Ababa wadamada Midoowga Afrika.

Saciid Yuusuf  Nuur safiirka Soomaaliya u qaabilsan dalka Ethiopia ayaa tilmaamay in wafdiga Soomaaliya matalaya ee uu hoggaaminayo madaxweynaha Jamhuuriyadda in ay kulmmo gooni goobi ah la qaateen shalay iyo xalay madaxda shirka ka soo qeyb gashay kaa oo ay uga wada hadleen  sidii wadamada Afrika ay u garab istaagi lahaayeen Soomaaliya





Inaa Lilaahi wa inaa Ilheyhi Raajicuun

Mogadishu : Sabti January 28, 2011 (Somaligov Portal News) : Dowladda Federaalka Kumeel gaarka ah ee Soomaaliya waxay canbaareyneysaa falki foosha xumaa ee caawa dilka  loogu geystay Allaha u naxariistee Xasan Cusmaan Cabdi oo ahaa Agaasimaha Radio Shabelle ee Mogaalada Muqdisho oo ay koox dhagar qabayal ah si gaadmo ah ugu toogteen meel aan ka fogeyn hooygiisa Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Wasiirka Warfaafinta, Boostada & Isgaarsiinta Mudane Cabdulqaadir Xuseen Maxamed (Jaahweyn) ayaa ku tilmaamay dilka marxuumka arin naxdin leh aadna looga xumaado, asigoo xaqiijiyay in hey’adaha amniga baaritaan deg deg ah ku sameyn doonaan fal danbiyeedkaan. Wasiirka ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyski iyo eheladii uu ka geeriyooday Marxuum Xasan Cusmaan Cabdi, wuxuuna ilaahey uga baryay inuu janadii fardowsa ka waraabiyo.

Waxaa xusid mudan in saxafiyiinta Soomaaliya ay ku shaqeeyaan duruufo khatar badan, iyagoo mar kasta ay beegsadaan kooxaha xag jirka ah ee doonaya in ay hakiyaan tebinta gabood falka ay ku hayaan dadka Soomaaliyeed iyo saxaafada xorta ah.

Samir & iimaan rabi haka siiyo qaraabadi, ehelki iyo asxaabti uu ka baxay Xasan Cusman Cabdi. Aamiin Aamin, Aamin


Sabti January 28, 2011 (Somaligov Portal News) : Wasaaradda Gaashaandhigga dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in aysan damacsaneyn in ay xoog ku soo furato wariye u dhashay dalkaasi oo kooxaha burcad badeedda ku heystaan Xeebaha Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan wasaaradda Gaashaandhigga dowladda Mareykanka oo la hadashay TV-ga ABC News ayaa sheegtay in  aysan ku tala jirin sidii ay u soo furan lahaayeen wariye u dhashay dalka Mareykanka oo gacanta ugu jira burcad baeed Soomaali ah.

Sidoo kale saraakiisha ayaa tilmaamay in ciidammada Mareykan aysan ku wajahneen gobolka lagu heyeso wariye Makel Scot More oo ay dhawaan  afduubteen kooxaha burcad badeedda Soomaaliya isaga oo ku  sugan gobolka Mudug, xilli uu wariyahaasi doonayay in uu Buug ka diyaariyo kooxaha  burcad badeedda.

Dhinaca Qoyska uu ka soo jeedo wariyaha Mareykanka ayaa dowladda Mareykanka ka codsatay in aysan isku dayin weerar ay ku qaadaan kooxaha  burcad badeedda, kadib markii uu war ka soo baxay burcad badeedda lagu  sheegay in ay dili doonaan wariyaha Mareykanka.

Ciidammada gaar ah ee dowladda Mareykanka ayaa dabayaaqadii Todobaadkii aynu soo dhaafnay  si xoog ah ku soo furtay Laba ruux oo mid ka mid ah ay ahayd muwaadin Mareykan ah, waxaana haatan laga cabsi  qabaa in burcad badeedda ay qaarajiyaan wariyaha Mareykanka u dhashay.





Addis Ababa : Sabti January 28, 2011 (Somaligov Portal News) : Ra’’iisul wasaaraha dalka Ethiopia Meles Zenawi oo Saxaafadda kula hadlayey magaalada Addis Ababa ee caasimada dalkaasi ayaa
waxa uu sheegay in ciidamadiisa ay kusii sugnaan doonaan gudaha dalka Soomaaliya inta ay ciidamo ka socda AMISOM ay kala wareegayaan goobihii ay ka qabsadeen Xarakada Al Shabaab.


Ra’’iisul wasaare Meles Zenawi ayaa waxa uu tilmaamay inay dowladiisa taageero buuxda siineyso dowlada KMG Soomaliya hadii ay ka dalbato waxaana uu ka dhawaajiyey in Al Shabaab ay qatar ku yihiin amaanka geeska Africa.


“Waxaan filaynaa in ciidamo ka socda midowga Africa ay soo gaaraan goobaha aan ka qabsanay Xarakada Al Shabaab” sidaa waxaa yiri Ra’’iisul wasaaraha dalka Ethiopia Meles Zenawi.


Dhinaca kale wasiirka arrimaha dibadda ee dowladda Ethiopia oo u waramayey Reuters ayaa waxa uu sheegey inay dowladiisa ka fakireyso weerar ay ku qaado magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay halkaasi oo ay gacanta ku hayaan Xarakada Al Shabaab.


Sanadkii 2006-da ayey ahayd markii ciidamo badan oo ka socda Dowladda Ethiopia ay gudaha u soo galeen dalka Soomaaliya xiligaasi oo ay meesha ka saareen midowgii Maxkamadaha oo inta badan ka talinayey koofurta dalka Soomaaliya.

Sabti January 28, 2011 (Somaligov Portal News) : Magaalada Addis Ababa ayaa maanta oo ay bishu tahay 28-ka jannayo waxa kafurmaya waxa shirka sanadlaha ah ee ay isugu imanayaan madaxda dalalka qaarada Afrika, kulankan ayaa sidoo kale waxa ka sooqaybgalaya xoghayaha guud ee Qaramada kMidoobey Bani
Moon,waxana lagu falanqayndoonaa sidii loo xoojin lahaa ganacsiga u dhaxeeya dalalka Afrika.

Xaalada Somalia ayaa iyaduna dhankeeda saaran miiska wadahadalka,waxana Midowga Afrika ka jooga Muqdisho ku dhowaan 10-kun oo askari,kuwaasi oo difaaca DF Somalia si aysan u gala wareegin talada Xarakada Al-shabaab, shirkan ayaa sidoo kale waxa lagu wadaa inta uu soconayo 29-30 Jan la doorto gudoomiyaha cusub ee guddiga Midowga Afrika.

Magaalada Addis Ababa ayaa la filayaa in kulanka sanadkan uu noqdo midkii ugu tiro badnaa dhanka ka soo qaybgalka madaxda qaarada, waana markii ugu horeysay uu ka maqnaado hogaamiyihii hore ee Liibiya Col. Mucamar Al-Qadafi oo sanadkii hore lagu dilay dalka Liibiya ka dib markii ay kooxaha kacdoonka dalka Liibiya ay gacanta
ku dhigeen, ka dibna si baareer ah xabad uga dhuftay Madaxweynaha.

Madaxda Qaaradda Afrika ayaa kulankooda waxay dib u eegaayan soo jeedinyo horey la horkeeney gudiyada Midowga Afrika iyo go’aamo la gaarey,waxana ka mid ah kordhinta tirada ciidamada nabad ilaalineed ee ka hawlgala Somalia AMISOM

Sabti January 28, 2011 (Somaligov Portal News) : Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia halkaasi oo uu ka socdo shir ay leeyihiin Madaxda dalalka Urur goboleedka IGAD.

Wafdiga Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Sheekh Axmed ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Addis Ababa kusoo dhaweeyey mas’uuliyiinta dalka Ethiopia ayadoo soo dhaweyn heer sare kadibna uu Madaxweynuhu ka qeybgalay Shirka Madaxda IGAD.

Safiirka Soomaaliya ee Ethiopia Mudane Saciid Yuusuf Nuur oo wareysi siiyey Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa tilmaamay in  shirka hada socda ee Madaxda IGAD ee uu Madaxweynuhu ka qeybgalay ajandayaasha looga hadlayo ay Soomaaliya ka mid tahay ayadoo dhanka kalena Madaxda IGAD ka hadli doonaan xaalada koonfurta Sudan.

Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sidoo kale inta uu joogo  magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia waxa uu kulammo gaar gaar ah la qaadan doonaa Madax kala duwan oo Afrika ka tirsan isagoo sidoo kalena ka qeybgeli doona shir ay yeelanayaan Madaxweynayaasha  dalalka Afrika.













Muqdisho: Jicmo January 27, 2011 (Somaligov Portal News) : Wufuud ay kala hoggaaminayeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo R/wasaaraha ayaa  maanta ka duulay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho iyagoo ku sii kala jeeda wadamada Ethiopia iyo Talyaaniga.

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay magaalada Adis’ababa halkaas oo uu kaga qeybgeli doono shirka  Midowga Afrika iyo kan IGAD oo maalinta burrito ah halkaasi ka  dhicidoona.

Mudane Sheekh Shariif Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa la filayaa in uu kulamadaasi ka jeediyo khudbad ku saabsan xaaladda dalka  iyo sidii ciidamada Amisom loo gaarsiin lahaa gobollada kale ee dalka mar hadii Muqdisho laga saaray malleeshiyaadkii Shabaab.

Sidoo Kale R/wasaaraha dalka Dr. C/weli ‘Gaas’ iyo wadfi uu hoggaaminayo ayaa iyaguna maanta ka duulay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyagoo ku sii jeeda dalka Talyaaniga oo uu R/wasaaruuhu ka helay martiqaad rasmi ah.

R/wasaaraha ayaa sheegay in muddada uuu joogo dalkaasi uu la kulmi dooono dhiggiisa dalkaasi Talyaaniga isagoo sida uu sheegay kala hadli  doona xaaladda dalka iyo horumarrada ay dowladdu sameeysay, sidoo kale R/wasaare C/weli waxaa uu la kulmi doonaa jaaliadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi.

Safarrada shaqo ee madaxda qaranku ku aadeen wadamadaasi ayaa qeyb ka ah dadaalka ay dowladdu muujisay iyo horumarka ay ka sameeysay dhinaca  amaanka, taas oo keentay in Muqdisho laga furo xafiiska siyaasadda Q.M.  ee UNPOSS.





Sanaag January 27, 2011 (Somaligov Portal News) : Dibadbaxaani ka dhacay magaalada Baran Baran ee gobolkaSanaag ayaa waxa uu ahaa mid looga soo horeejday fara galinta Maamulka lamagacbaxay Somaliland uu ku hayo deegaano ka mid ah Sool, Sanaag iyo Cayn.


Dadka dibadbaxa ka qeyb galayey ayaa sheegay in ay kasoo horjeedaan fara galinta Maamulkaasi oo ay ku eedeeyeen in uu dhibaato ku haya shacabka deegaanadaasi, iyagoo ku dhawaaqayey areyo ka han ah Somaliland oo ay sheegeen in aysan ka aqbalaynin qorshaha uu ka leeyahay deegaanada Sool, Sanaag iyo Cayn.


Mid ka mid ah dibadbaxayaasha oo la hadlay Shabelle ayaa waxa uu sheegay in uu si wayn uga soo horjeedo Fara galinta Somaliland iyo dhibaatooyinka ay ciidamadeeda ay gaysanayaan goboladaasi, isagoo Puntland ugu baaqay in arintaasi ay wax ka qabato.


Arinta keentay dibadbaxaani ayaa waxa ay sheegeen in ay tahay mid salka ku haysa socdaal wasiirka Gaashaandhiga Somaliland uu ku tagay magaalada Baran taasi oo sidoo kale ay cambaareeyeen Odayaasha magaaladaasi oo kulan yeeshay.





Muqdisho: Jicmo January 27, 2011 (Somaligov Portal News) : Ra’’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa isku shaandhayn ku sameeyay wasiiro ku xigeenada iyo wasiiro dowlayaasha Xukuumadda KMG Soomaaliya kadib markii ansixiyay Madaxweynaha.


Iyadoo maalmihii u dambeeyay la hadal hayey in isku shaandhayn lagu samaynayo Golaha wasiiradda Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa Xafiiska Ra’iisul wasaaraha waxaa kasoo baxay Warsaxaafadeed ku saabsan isku shaandhayn lagu sameeyay wasiir ku xigeenada iyo wasiiro dowlayaasha Xukuumadda KMG Soomaaliya.


Warsaxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaare C/wali Max’ed Cali ayaa waxaa lagu sheegay in isku shaandhaynta uu sameeyay Ra’iisul wasaaraha uu ansixiyay Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya, waxaana loogu dhawaaqay liiska wasiiradda oo gaaraya 18 sida tan.


1 Mudane C/kariim Cabdi Abiikar, waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha xafiiska Madaxweyna.


2 Mudane Cali Nuur Ducaale, waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha xafiiska Ra’isul wasaaraha.


3 Mudane Cabdi Cali Xuseen waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka.


4  Mudane Ibraahiim Suleeymaan Xaaji Nuur, waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha wasaaradda Qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga.


5 Mudane Axmed Xasan Aadan, waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha wasaaradda kalluumeysiga qeyraadka Badda iyo Bay’adda.


6  Mudane Axmed C/llaahi Xuseen {Fanax] waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha wasaaradda Garsoorka, Arrimaha Diinta iyo Awqaafta.


7 Mudane Max’ed Cumar Max’ud, waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha wasaaradda caafimaadka.


8 Mudane Xirsi Aadan Rooble waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha wasaaradda beeraha iyo xanaadada Xoolaha.


9 Mudane C/qaadir Maxamed Barre, waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha wasaarada waxbarashada, hidaha iyo tacliinta sarre.


10 Mudane Axmed Maxamuud Axmed, {Yaaqshiid}, waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha xiriirka Baarlamanka iyo xukuumadda.


11 Marwo Luul Cabdi Aadan, waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha wasaaradda haweenka iyo arrimaha qoyska.



12 Mudane C/llaahi Sheekh Cali [Qaloocoow] waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha wasaaradda shaqada Dhalinyarada iyo isboortiga.


13 Mudane Xasan Maxamuud Jimcaale, waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha  wasaaradda dastuurka federaalka iyo dib u heshiisiinta.


14  Mudane Macalin Cali Aadan Cabdi waxaa loo magacaalay wasiiru dowlaha wasaaradda Macdanta Biyaha iyo Tamarta.


15  Mudane C/kariim Xaaji Cabdi [Buux] waxaa loo magacaabay wasiir ku xigeenka wasaaradda dastuurka federaalka iyo dib u heshiisiinta.


16 Mudane C/nuur Sheekh Ibraahin Rooble waxaa loo magacaabay wasiir ku xigeenka wasaarada arrimaha dibada.


17 Mudane Mahad Cabdalla Cawad waxaa loo magacaabay wasiir ku xigeenka wasaarada qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah.


18 Marwo Muna Ibraahim Abiikar, waxaa loo magacaabay wasiir ku xigeenka wasaarada haweenka iyo arrimaha qoyska.




Muqdisho: Jicmo January 27, 2011 (Somaligov Portal News) : Banaanbax lagu taageerayay Howlgalkii Ciidamada Maraykanka ay kusoo furteen ajanabigii afduubka loogu haystay gobolka Galgaduud ayaa maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug.

Ddibadbaxaani oo ay soo qaban qaabiyeen Maamulka Glamudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa waxa lagu taageerayay howlgalka habeen ka hor ay Ciidamada Maraykanka  kusoo furteen labo Muwaadin oo u kala dhashay wadamada Maraykanka iyo Denmark kuwaasi oo in muddo ah gacanta ugu jiray kooxaha burcad badeeda Soomaalida.


Barxadda Cabdulaahi Ciise Max’ud ayaa banaanbaxayaasha markii dambe ay isugu tageen halkaasi oo ay ka hadlay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug, waxaana gudoomiyaha gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug Max’ud Guure Guuleed oo banaanbaxayaasha la hadlay uu sheegay in diinta Islaamka aysan qabin in la afduubto qof bini’aadan ah.


Habeen ka hor ayaa Ciidamo Maraykanka ah oo si gaar ah u tababaran waxa ay soo furteen labo Muwaadin oo cadaan ah oo ay gacanta ku hayeen Kooxo burcad badeed Soomaalida, iyadoo howlgalladaasi intii ay socdeen ay ku dhinteen ilaa 9-ruux halka 5-kalana ay ku dhaawacmeen kuwaasi oo ahaa Kooxihii burcad badeeda.

Muqdisho: Khamiis January 26, 2011 (Somaligov Portal News) : Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Dr Cabdiweli  Maxamed Cali ayaa saaka soo kormeeray qaybihii xalay gubtay ee suuqa  degmada Xamar-weyne, waxaana isaga iyo wafdigiisu ay tageen dhammaan xarumihii ganacsi ee uu dabku baabi'iyay.

Kormeerka ayaa waxaa ku wehlinayay ra’iisul wasaaraha wasiirka warfaafinta, C/qaadir Jaahweyn, taliyaha booliska Jen. Shariif  Sheekhunaa Maye, taliyaha xoogga Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini, taiye ku xigeeenka hay'adda nabadsugida iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir, Maxamuud Axmed Nuur (Tarzan).

"Dhibaatada uu dabkani dhaliyay ma yara, waana aragnaa baaxadiisa. Waxaan Alle uga baryeynaa dadkii ku hanti beelay inuu badal khayr qaba siiyo. Innagu ka dowlad ahaan wixii karaankeenna ah gacan ayaa ka geysaneynaa," ayuu Dr C/weli Gaas ku yiri dadkii dabakaas ku hanti-beelay oo goobta ku sugnaa.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaruhu wuxuu uga mahad-celiyay ciidamada AMISOM sida ay uga qeyb-qaateen daminta dabkan maadaama ay keeneen booyado dab-damis ah kuwaasoo si xoogan u rusheeyay qaybaha uu dabku ka kacay.








Muqdisho: Khamiis January 26, 2011 (Somaligov Portal News) : Dagaal u dhaxeeyay Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo gacan Militari ka helaya kuwa Kenya iyo Xarakada Al Shabaab aya waxa uu xalay ka dhacay deegaan ka mid ah gobolka  Jubbada hoose.


Dagalkaani ayaa ka dambeeyay kadib markii Ciidamo ka tirsan Xarakada Al Shabaab ay weerar ku qaadeen fariiisimo ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo Militariga Kenya ay ku
leeyihiin deegaanka Taabta ee gobolka Jubbada hoose.


Labada dhinaca ayaa isku adeegsaday Madaafiic xoogan oo sababtay dhimasho iyo dhaawac sida ay ku waramayaan dadka deegaanka ah oo xalay cabsi xoogan soo wajahday markii uu
dagaalkaasi qarxay.



Lama shaacin qasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay dagaalka, iyadoo wali aysan jirin wax war ah oo kasoo baxay Sarakiisha Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya, kuwa Kenya iyo Al Shabaab oo ku aadan dagaladii ku dhexmaray deegaanka Taabta ee gobolka Jubbada hoose.


Wararkii ugu dambeeyay ee saakay laga helayo deegaanka uu dagaalka ka dhacay ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo Militariga Kenya, iyadoo xaaladduna ay ka dagantahay sidii xalay.

Muqdisho: Khamiis January 26, 2011 (Somaligov Portal News) : Waxaa goordhaw lagu guuleestay in la damiyo gabi ahaan dabkii xooganaaee Caawa Salaadii Maqrib ka dib ka kacay Suuqa Degmada Xamar Weyn kaaoo qasaaro kale duwan geestay.

Gawaarida Dab damiska ee Ciidamada AMISOM oo soo gaaray Suuqa XamarWeyn ayaa ku guuleestay in ee damiyaan dabka oo socday in saacado ah kuna guul dareesteen dadkii ku sugnaa goobtaasi in eey damiyaan.

Waxaana gabi ahaan dhulka la sinmay oo gubtay Suuqa Qudaarta eeDegmada Xamar Weyn iyo goobo kale oo gancsi kadib markii dabkaasi oobaa bi'iyay caawa .


Waxaa sidoo kale caawa ee qasaarooyin dhaawac ah ee ka dhasheen Rasaasee fureen Ciidamada Dowlada oo iyagu ilaalinayay suuqaasi kana baqtinqabay in la boobo kuwa aoo rasaas badan ana loo meyl dayin ridayay Lama oga sabaha keenay in caawa uu dab ka kaco Suuqa Xamar Weyn oo hada kamid ah suuqyada ugu waa weyn ee Magaalada Muqdisho ,waxaasa hada xaaladu tahay mid dagan oo dadkii ee ka kala dareereen suuqamarkii lagu guuleestay in la damiyo.

Masuuliyiin katirsan Dowlada ayaa goobta soo gaaray uu kamid ahaa Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmad Nuur Tarsan iyoMasuuliyiin kale kuwaa oo qeyb ka ahaa howlihii lagu daminyay dabkacaawa ka kacay Qeybo kamid ah suuqa Xamar Weyn.


Muqdisho: Arabo January 25, 2011 (Somaligov Portal News) : Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa Ammar ku siiyay  Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya inay  Ilaaliyaan Hantida Ummadda Soomaaliyeed ayadoo  dhanka kalena uu talisku ugu baaqay Qeybaha Bulshada inay Badbaadiyaan Xerooyinka Milateriga uu ku leeyahay gudaha Dalka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed General C/qaadir Sheekh Cali Diini oo gelinkii dambe ee maanta Shirjaraa’id uu ku faah faahinayoguullaha howlgallada saxaafadda ugu qabtay magaalada Muqdisho ayaa ugu horeyn tilmaamay in howlgalladu ay marayaan meel wanaagsan islamarkaana ay ku socdaan sidii loogu talagalay.

“Ciidammada howlgalka ku jira guud ahaanba waxaan farayaa iney ilgaar ah ku eegaan badbaadinta Shacabka inta howlgalku socdo waayo Ciidammaduwaxa ay u dhimanayaan ama ay u dagaalamayaan waa iney u arkaan iney tahay xoreynta Shacabka”Ayuu yiri General C/qaadir Sheekh Cali Diini Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa dhanka kalena shacabka ugu baaqay iyana inay gacan ka geystaan sidii loo badbaadin lahaa xerrooyinka Ciidammada ee hada gacanta Dowladda soo gelaya waxaana uu ka codsaday sidoo kale iney laamaha Ammaanka wadashaqeyn buuxda la yeeshaan oo ay ugu yaraan soo wargeliyaan Ciidammada marka ay arkaan kuwa nabadda u diidan.



Muqdisho: Arabo January 25, 2011 (Somaligov Portal News) : -Madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama ayaa soo dhaweeyay howlgalkii ay ciidamado ka tirsan kuwa Maraykanka ay xoog ku soo furteen labo lahayste oo ay horey u afduubteen burcad badeed Soomaali ah, kaasi oo ka dhacay Gobollada Dhexe ee dalka

Mr Barack Obama ayaa howlgalkaasi ku tilmaamay mid si guul ah ku soo dhamaatay, uuna ugu hambalyeeynayo ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee howlgalkasi ku soo badbaadiyay haweeney u dhalatay Maraykanka iyo nin isna u dhashay dalka Denmark, waxaana uu carabka ku adkeeyay in isaga uu qalinka ku duugay in ciidamada Maraykanku  ay howgalkaasi ku soo furtaan labadaasi lahayste.

Madaxweynaha dalka Maraykanka ayaa shaaca ka qaaday inaysan ogolaan doonin afduubka loo geysanayo muwaadiniinta dalkaasi u dhashay, ayna ku dadaalayaan si kasta oo ay kusoo badbaadinayaan muwaadiniinta laga qafaasho, isagoo intaa raaciyay in kooxihii falkaasi ku lugta lahaa maxkamad la soo taagi doono.

Mr Obama ayaa hoosta ka xariiqay in howlgalkaasi lagu soo furtay labada muwaadin uu fariin cad u yahay cidkasta oo isku dayda in  ay waxyeelo u geysata muwaadiniinta dalkaasi u dhashay, waxaana uu intaa ku daray in Maraykanku ay ka go’antahay difaacidda muwaadinta dalkaasi ka soo jeeda.

Ciidamo kumaandoos oo watay labo diyaaradood oo nooca qumaatiga u kaca ah ee loo yaqaan Helicopter’s ayaa waxa ay howlgal ka fuliyeen qaybo ka mid ah Gobollada dhexe ee dalka halkaasi oo ah goobta lagu haystay labadaasi muwaadin, waxaana howlgalkaasi lagu dilay 9-ka tirsan burcad badeedii afduubka u haysatay labadaasu qof, iyadoo ay sidoo kale jiraan tiro ka tirsan burcad badeedda oo nolosha lagu qabtay.

Labada qof ee ay ciidamada kumandooska Maraykanka ah badbaadiyeen oo lagu kala magacaabo Jessica Buchanan, oo ah  haweeneyda Maraykanka u dhalatay da’deeduna lagu qiyaasay 32, jir iyo  Dane Poul Thisted, 60 jir ah islamarkaana u dhashay dalka Denmark ayaa waxaa la gaarsiiyay xarun  Militari oo ay Maraykanku ku leeyihiin dalka Jamhuuriyadda
Jabuuti, halkaasi oo baaritaan lagu sameynayo xaaladdooda Caafimaad, iyadoo labadaasi qof la afduubtay 25-kii bishii October ee sanadkii tegay.






XAFIISKA MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA

OFFICE OF SOMALI PRESIDENT (0SGCC)






Muqdisho: Arabo January 25, 2011 (Somaligov Portal News) : Guddoomiyaha Cusub ee Golaha Xildhibaannadda Soommaaliyeed Mudane Madoobe Nuunoow ayaa maanta waxuu shaaca ka qaaday inay qasab tahay sdii loo horkeeni lahaa Roadmapka si ay Ummadda Soomaaliyeed go'aan uga gaarto waxa laga qarinayo ee muddada la diidanaa in la horkeeno Baarlamaanka Ummadda Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha Cusub ee Golaha Xildhibaannadda Soommaaliyeed Mudane Madoobe Nuunoow ayaa sheegay inay ka shaqaynayaan wixii ay dan ugu jirto Ummadda Soomaaliyeed ayagoo ladagaalmi doona waxii sharci darro ah ee ay maleegayeen fidmo wadayaashii rabay inay gummaysi galiyaan dalka Soomaaliya kuwaasoo ayaga iyo wixii ay damacsanaayeen u hirgeli waayey.

Ummadda Soomaaliyeed meelkasto oo ay joogto waxaa ugu mahadcelinayaa sidii ay u taageereen Xildhibaannadda xaq-udirirka ah, waxaan kale oo aad u mahadcelinayaa Madaxda Isgaarsiinta Dowladda Soomaaliya ee isku xil qaamay inay shacabka u tabiyaan war sax ah oo ay kala socon karaan dalka iyo wixii ka dhacaya.

Waad Mahadsan Tihiin,
Guddoomiyaha Cusub ee Golaha Xildhibaannadda Soommaaliyeed Mudane Madoobe Nuunoow



Muqdisho: Arabo January 25, 2011 (Somaligov Portal News) :  Kulan
ka dhacay xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya uuna shir
gudoominayay Madaxweynaha Dowladda KMG Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa
diirada lagu saaray dadka sida sharci daradda ah ku heysta hantida
Qaranka Soomaaliya.


Kulankaan ayaa daba socday kulan hore oo la xiriiray isla
arintaan,kaas oo madaxdi kasoo qeyb gashay looga fadhiyay in ay soo
jeediyeen talooyin wax ku ool ah oo ku aadan sidi wax looga qaban lahaa
arintaan.


Arinta baneynta xarumaha dowladda waxaan dedejiyay fulinta dhismaha
iyo dayactirka 94 goobo waxbaasho oo walaalaha Turkiya maalgelinayaan.


Dood dheer ka dib, waxaa la go’aamiyay qodobadda soo socda:


1.In ogeysiis kama danbeyn ah la siiyo dadka degan xarumaha dowladda, kaas oo ka bilaabanaya maanta oo taariikhdu tahay Janaayo 25, 2012 kuna eg Febraayo 5, 2012.


2.In cid kasta oo ku baneysa waqtiga loo qabtay loo fidiyo cafis,
taasoo macnaheedu yahay in aan loo raacan wax danbi ah mudadi uu sharci
darada ku heystay hantida dowladda.


3.In cid kasta oo ka dhega adeygta go’aankaan, iskuna dayda in ay sii
heysato xarun dowladdeed marki la gaaro waqtiga loo qabtay xoog looga
saaro, lana hor keeno sharciga si looga qaado xaquuqdi kirada ee dhamaan
mudadi uu sharci darada ku deganaa.


Madaxda kasoo qeyb gashay kulanka:


1.Madaxweynaha Dowladda Federaalka KMG Soomaaliya


2.Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya


3.Gudoomiyaha Baarlamaanka


4.Gudoomiyaha Gobolka Banaadir


5.Gudoomiyayaasha Degmooyinaka Gobolka Banaadir


6.Taliyayaasha Ciidanka Xooga Dalka





Mogadishu : Arbaco January 25, 2011 (Somaligov Portal News) : Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya ayaa ugu baaqay dowladaha Caalamka in Muqdisho ay dibuga furaan safaaradihii ay ku lahaayeen.

Dowladaha kale ee Caalamka ayaa waxa uu ugu baaqay Safaaradahooda in ay usoo raraan magaalada Muqdisho, Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Sheekh Axmed, isagoo hadal ka jeedinayey munaasabad magaalada looga furayey xafiiska QM eeSoomaaliya.


Madaxweynaha ayaa waxa uu sheegay in hada ay ka jirto Soomaaliya fursad nabadeed iyo mid hormar, waxaana sidaasidaraadeed uu sheegay in loo baahan yahay in dowladaha Caalamka ay dhibaatada la qaybsadaan shacabka Soomaaliyeed.


Waxa uu u mahad celiyay Sheekh Shariif Sheekh Axmed ciidamada dowladda KMG Soomaaliya, AMISOM iyo dowladaha siyaasad ahaa iyo dhaqaalo ahaan u  taageeray dowladda KMG Soomaaliya taasi oo uu sheegay in ay keentay in la nabadeeyo magaalada Muqdisho, isagoo mahad celinta aan ka reebin dowladda Turkiga.


Shalay ayey ahayd markii 17 sano kadib magaalada Muqdisho dib looga furay Xafiiska QM ee Soomaaliya oo mudadaasiuu fadhigiisu ahaa magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.




Mogadishu : Arbaco January 25, 2011 (Somaligov Portal News) :  Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa waxaa lagu eedeeyay in uu amar ku bixiyay in ganacasato la siiyo biraha Dekada magaalada Muqdisho sida lagu sheegay war sir ah oo ay heshay Shabelle.


Iyadoo maalmihii ugu dambeeyey ay soo ifbaxayeen khilaaf ba’an oo u dhaxeeya Maareeyaha guud ee Dekedda Muqdisho Sayid  Cali Macalin Cabdulle iyo Wasiirka Dekeddaha iyo gaadiidka Badda Aadan Cabdullaahi Aadan ayaa waxaa soo shaac baxay sababta ka dambeysa khilaafkaan waxaana soo shaacbaxay Documenti uu Wasiirka Dekedduhu u saxiixay kooxo ganacsatado ah kuwaasi oo  doonaya inay la wareegaan Biro lagu dhiso marsooyinka ay maaraakiibta kusoo xirtaan balse ay ugu magacdareen iskaraab ama
(Scrap Metal).


Maareeyaha Dekedda iyo kuxigeenadiisa ayaa ku adkeystay inaan la rarin Birahan oo faa’iido weyn u leh Dekedda iyo Qaranka Soomaaliyeed


Wasiirka Dekeddaha iyo gaadiidka Badda ayaa 17-kii bishaan Janaayo 2012 waxa uu u saxiixay shirkadda Al-Shuwieb  Star General Tradinga Company
oo ay leeyihiin  kooxo ganacsato ah inay qaataan Birahaasi dhex yaala mudadii 20-ka sano aheyd ee la soo dhaafay gudaha Dekedda Muqdisho iyo weliba Markab ku burburay xeebta Dekedda kaasi oo  siday dhuxul, waxaana qiimaha lacageed ee Birahan lagu qiyaasay 5 Milyan oo Dollar.


Sida ku xusan Documentiga sirta ah ee ay heshay shabelle ayaa  warqada Wasiirka  oo tixraaceysay warqad ka soo baxday taariikhdu markay aheyd 05-01-2012 xafiiska R/wasaaraha oo loogu ogolaanayay ganacsatadan inay qaadan karaan Birahaas, inkastoo aysan inoo suuragelin inaan helno warqadaas hore ee R/ wasaaraha uu qoray .


Wasiirka Dekeddaha ayaa aad uga xumaaday sida ay shabelle xogta ku heshay  is hortaaga Maareeyaha Dekeda uu ku sameeyay wuxuuna maanta wasiirku soo qoray warqad uu shaqada uga fariisinayo maareeyaha Dekedda Sayid Cali, inkastoo haddana uu dib uga laabtay markii  culaysyo kale ay ku yimaadeen .


Birahan lagu dhiso dekadaha ee dhex yaala Dekada weyn ee Muqdisho ayaa waxaa la xasuusan yahay xilligii uu Soomaaliya Madaxweynaha uu ka ahaa C/llaahi yuusuf Axmed in la isku dayey sidan oo kale in la siiyo ganacsato hasa yeeshee arinkaasi ay diidmo ka muujiyeen dad badan oo Muqdisho ku nool.


Arrinta la yaabka leh ayaa ah in Ra’iisul wasaare Cabdiwali Max’ed Gaas oo ah nin Economist ah isla markaana balanqaaday inuu la dagaalamayo Musuqmaasuqa uu ogolaado qorsheyaal ceykan oo kale ah oo lagu dhacayo hanti Qaran.





Mogadishu : Arbaco January 25, 2011 (Somaligov Portal News) : Faah faahin dheeri ah ayaa kasoo baxaysa qasaaraha qarax xalay ka dhacay Masjid lagu tukanayey Salaada cisho oo ku yaalla magaalada Muqdisho.


Ku dhawaad 12  ruux ayaa dhaawacmay kadib markii qarax lala eegtay xalay dadka ku tukanayey Masjid ku yaalla xaafadda Abagado ee duleedka degmada Dharkeenlay  ee magaalada
Muqdisho.


Dadkaasi oo ku tukanayey  Masjidka Salaada cisho ee caawa ayaa waxaa la sheegay in qof uu ku tuuray bam gacmeed kaasi oo markiiba baxsaday sida  ay u Shabelle u sheegeen dad goobjogayaal ah.


Mid ka mid ah Imaamyada Masjidkaasi oo lagu magaacabo Sheekh Isxaaq Cismaan oo la hadlay Shabelle ayaa waxa uu sheegay in Bamgacmeedkii xalay ay ku dhaawacmeen in ka badan 12 ruux oo ku tukanayey Masjidka, isagoo sheegay in 5 ka mid ah ay qabaan dhaawacyo culus
oo uu tilmaamay in la gaarsiiyay Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.


Sidoo kale Imaamkaasi ayaa waxa uu tilmaamay in bamgacameedkii xalay uu sababay bur bur xooggan oo soo gaarayMasjidka iyo agabyo dhex yaalay taasi oo ku tilmaamay wax nasiib daro ah oo aysan filaneen.


Arintaani ayaa maanta hadal haynta magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada falka uu ka dhacay ee Dharkeenlaaymaadaama ay tani tahay wax ku cusub degmadaasi.


Arbaco January 25, 2011 (Somaligov Portal News) : Diyaaraddo nuuca dagaalka ah ee dowladda Mareykanka ayaa xalay weerar qasaare geystay ku qaaday xadka u dhaxeeya gobollada Galgaduud iyo  Mudug halkaasi oo ay kooxo burcad badeed ku heysteen Laba qof oo Ajaanib ah waxaana weerarkaasi lagu soo furtay raggii Ajaanibta ahaa ee
afduubnaa.

Weerarkaan ayaa lagu soo waramayaa in ay fuliyeen diyaaraddaha dagaal ee la yiraahdo Helicopter-ka  oo ay leeyihiin ciidamada Mareykanka,  kuwaa oo weerarka ka fuliyay deegaan ku yaala xadka ay wadaagaan  gobollada Galgaduud iyo Mudug oo lagu magcaabo Hiddidaale, halkaasi oo  la sheegay in qasaaro loogu geystay kooxaha burcad badeedda.

Ugu yaraan Siddeed ruux ayaa ku geeriyootay weerarka, iyadoo dadka deegaankuna ay ku soo waramayaan in ay arkeen dhaawaca Hal ruux oo ka tirsan burcad badeedda, dhanka kale diyaaradaha weerarkaasi fuliyay ayaa la sheegay in  illa shalay ay ku sugnaayeen Garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, kuwaa oo  gaarayay illaa 10-
diyaaraddood.

Xogta la helayo ayaa muujineysa in inta uusan dhicin weerarka lagu soo furtay



Muqdisho  Talaado January 24, 2011 (Somaligov Portal News) : Madaxwaynaha dowladda KMG Soomaaliya oo maanta ka qeyb galay munaasabad xariga looga jaray Xarun cusub oo ay ku shaqayso Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa waxa uu ka digay qatar kusoo wajahan dalka Soomaaliya.


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta ka hadlayey Munaasabad xariga looga jarayey Xarun cusub oo si KMG ah ay ugu shaqaynayso Wasaaradda arimaha gudaha iyo amniga Qaranka ayaa waxa uu sheegay in shacabka Soomaaliya looga baahan yahay in ay ka foojignaadaan qatar uu sheegay in ay kusoo wajahan tahay midnimada iyo qaranimada Soomaaliyeed.


Madaxweyne Shariif ayaa waxa uu sheegay in uusan shaki ku jirin in Umada Soomaaliyeed ay ka mid yihiin Umadaha ugu faca wayn ee dunida ka jira waxaase uu sheegay in ay bilaabatay in shaki la galiyo in shacabka Soomaaliyeed ay awood u leeyihiin hogaanka dowladnimo iyo midnimada qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.


Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha dowladda KMG waxa uu sheegay in looga baahan yahay dhamaan shacabka Soomaaliyeed in ay isku tashadaan, isagoo tilmaamay in waajibaadka saaran dowladda ay tahay in Umada ay ku hogaamiso isku tashi iyo xasilooni sida uu sheegay.


Ugu dambayn Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay mar uu ka hadlayey khilaafka hareeyay Xildhibaanada barlamanka in Mudanayaasha barlamanka ay yihiin kuwa saaxiibo ah oo si aad ah isugu dhow, isagoo intaasi raaciyay in loo baahan yahay in ay ku gacan siiyaan sidii loo xalin lahaa khilaafka barlamanka iyo sidii loo ilaalin lahaa midnimadooda.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa si heer sare ah ugu soo dhoweeyey Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey

Muqdisho  Talaado January 24, 2011 (Somaligov Portal News) : Muddo 18 sano ka dib ayaa maanta markii ugu horreysey Qaramada Midoobey si rasmi ah uga  furatay xafiiskeeda Siyaasadda (UNPOS) magaalada Muqdisho. Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-Moon ayaa 09kii December yimid Muqdisho isla markaana ku dhawaaqay in Xafiiska UNPOS loo soo rari doono Muqdisho bisha Janaayo.

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey Ambassador Augustine Mahigaayaa si heer sare ah loogu soo dhoweeyey gegida Caalamiga ah ee dayuuradaha ee Aden Adde, halkaas oo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali iyo wasiiro ay ku soo dhoweeyeen oo calankii UN ka si rasmi ah looga taagay caasimadda Muqdisho. Sidoo kale soo dhoweynta waxaa qeyb ka ahaa Diblomaasiyiinta EU, Italy, Norway, Jaamicadda Carabta, Djibouti, Sudan iyo diblomaasiyiin kale oo dhammaantood ku sugnaa gegida Dayuuradaha ee Aden Adde.

Soo dhoweynta ka dib ayaa Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey waxaa loo soo galbiyey Madaxtooyada oo uu ku qaabilay Madaxweynaha Soomaaliya Sheikh Sharif Sheikh Ahmed. Halkaas oo waraaqihii aqoonsiga looga gudoomay Ergeyga Gaarka ah ee QM.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin taariikh weyn u leh shacabka Soomaaliyeed oo muddo 18 sano ah sugayey inQM u soo guurto dalka gudihiisa. Dadaalkii Dowladda ee arrimaha amniga ayaa suurtogelisay in caasimadda maanta ay tahay meel ammaan ah oo hay’adaha Caalamigu ay ka howlgali karaan. Joogitaanka QM waxey kaalin weyn ka qaadaneysaa dadaalka Dowladda ee geedi socodka nabadda iyo soo celinta amniga iyo kala danbeynta ee dalka.

Magaalada Muqdisho oo maanta laga furaayo Xafiiska QM ee siyaasadda Soomaaliya UNPOS iyo qaar ka mid ah Xafiisyada UN-ka.

Muqdisho  Talaado January 24, 2011 (Somaligov Portal News) : Xarunta Xalane ee duleedka magaalada Muqdisho waxaa iminka ka socota  qabanqaabo xoogan oo loogu jiro sidii xariga looga jari lahaa xafiiska siyaasadda QM u qaabilsan Soomaaliya ee UNPOS lagu magacaabo.

Diyaar garowga loogu jiro furitaanka xafiiska UNPOS ayaa wararka hordhaca ah ee ka soo baxaya waxay sheegayaan in munaasabadda ay ka qeybgelayaan madaxda ugu sareysa Dowladda KMG ah, ergooyin ka socda Midowga Afrika, wadamada deeqaha bixiya, marti sharaf fara badan iyo Weriyeyaal.

Saacadaha soo socda waxaa magaalada Muqdisho soo gaaraya ergeyga QM ee Soomaaliya Danjire Agostin Mahiga iyo madax ka tirsan Midowga Afrika, waxaana lagu wadaa inay ka qeyb qaataan furitaanka xafiiska cusub oo hoos yimaada Ambassador Mahiga, halkaasi oo khudbado kala duwan ay ka  jeedinayaan dhammaanba madaxda ka soo qeyb galeysa.

Dhinaca kale furitaanka UNPOS ee magaalada Muqdisho ayaa ku soo beegmaya in ka badan 20-sano oo dalka Soomaaliya uu ku jiray burbur,  fowdo iyo kala dambeyn la'aan, iyadoo halka loo doortay in xafiiska uu ku shaqeeyo ee degaanka Xalane loo arkay inay tahay goob ammaan ah oo ay
ku wareegsan yihiin



Muqdisho  Talaado January 24, 2011 (Somaligov Portal News) : Xildhibaano ka tirsan barlamanka KMG Soomaaliya ayaa waxa ay ku eedeeyay ciidamada Al Shabaab ee gobolada Jubooyinka in ay dhibaato ku hayaan dadka shacabka ah ee halkaasi ku nool.


Xildhibaan Max’ed Cumar Geedi oo ka mid ah Xildhibaanada barlamanka KMG Soomaaliya ee kasoo jeeda gobolada Jubooyinka ayaa war uu siiyay Shabelle waxa uu ku sheegay in dadka ku nool gobolada Jubooyinka ay soo wajahday dhibaato xooggan taasi oo uu sheegay in ay ku hayaan Maamulada Al Shabaab ee ka jira deegaanada goboladaasi.


Max’ed Cumar Geedi ayaa waxa uu tilmaamay in ciidamada Al Shabaab ee ku sugan gobolada Jubooyinka ay inta badan xoolaha si xoog ah uga qaataan dadka rayidka ah, isagoo tilmaamay in handadaad joogta ah ay ku hayaan, waxaana uu tilmaamay in ay xarig u gaystaan cidii ka dhaga adeegta bixinta xoolaha ay dalbadaan.


Dadka ku nool deegaanada ay gacanta ku hayaan Al Shabaab ee Soomaaliya ayaa waxa ay sheegayaan  in ay Al Shabaab kala kulmaan dhibaatooyin ay ka mid yihiin in ay si xoog ah ay xoolahooda uga qaataan kuwaasi oo sheegay in inta badan ay timaado arintaasi  xiliyada al shabaab ay dagaalka ku jiraan.



Galkacyo Talaado January 24, 2011 (Somaligov Portal News) :Madaxweynaha Maamulka Galmudug State ayaa sheegay in awood ay kusoo furan doonaan nin  u dhashay dalka Maraykanka oo dhawaan lagu afduubtay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug.

Max’ed Axmed Caalin, Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo Warbaahinta u warmay ayaa waxa uu ka hadlay afduub dhawaan loo gaystay Saxafi u dhashay wadanka Maraykanka una shaqaynayay Wakalad Wareed oo ku taala dalka Jarmalka.

Caalin ayaa sheegay in miyigii gobolka ay ku maqan yihiin ciidamo isugu jira boolis iyo daraawiish kuwaasi oo uu sheegay inay baadi goob ku hayaan kooxihii afduubka u gaystay Muwaadinkasi u
dhashay wadanka Maraykanka ah, isagoo tilmaamay in Maamulkiisa uu xoog kusoo furan doono  ajinabigaasi islamarkaana aysan wax lacago  oo madax furasho ah ka bixin doonin.

Madaxweynaha ayaa sheegay in kooxaha burcad badeeda Soomaalida ee ku sugan deegaanada gobolka Mudug ay la dagaalami doonaan, isagoo ugu baaqay qeybaha kala duwan ee bulshada inay ka gacan ka siiyaan.

 

Hadalkaani ayaa imaanaya xilli wali Ciidamada Maamulka Galmudug ay baadi goob ugu jiraan kooxihii maalmo ka hor Koofurta Magaalada Gaalkacyo ka afduubtay nin ajinabi ah oo u dhashay wadanka Maraykanka ah.


Muqdisho  Isniin January 23, 2011 (Somaligov Portal News) : Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkaan idinkugu soo gudbineynaa  Sawirrada Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo maanta Xarigga ka jaray xarun ay si KMG ah ugu sii shaqeyneyso Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka taasi oo qeyb ka ah dardar gelin lagu sameynayo howlaha
Wasaaradaha Dowladda.



Muqdisho  Isniin January 23, 2011 (Somaligov Portal News) : Wafdi ka socda DKMG Soomaaliya oo shalay gaaray magaalada Beledweyne ayaa maanta kulan ku aadan maamul u sameynta gobolka Hiiraan la qaatay Xildhibaanno iyo Waxgarad horey u joogay Magaaladaasi.

Wafdiga ka socda dowladda ee uu hoggaaminayo wasiirka qorsheeynta mudane C/llaahi Goodax Barre ayaa waxa ay wali wadaan kulamadii gooni goonida ahaa ee ay la yeelanayeen qeybaha kala duwan ee bulshada reer Hiiraan,  iyadoo ujeedada kulanka maantana uu ahaa wada tashi ku aadan sidii maamul ay dadku raalli ka yihiin loogu sameyn lahaa gobolkaass

Kulanki maanta oo ay ka qeybgaleen waxgaradka gobolka ayna sidoo kale goob joog ka ahaayeen xildhibaanno ka tirsan xukuumadda oo hore u sii joogay gobolka ayaa qeyb ka ahaa kulamo wada tashi ah oo wafdiga xukuumaddu la qaadanayaan bulshada ku dhaqan gobolkaasi si ay u dhistaan maamul ay raalli ka yihiin oo leh awood iyo karti waxqabad.

Wafdiga oo shalay gaaray Beledweyne ayaa si weyn looga soo dhaweeeyay halkaasi iyadoo dadka reer Hiiraanna ay muujinayaan baahidda ay u qabaan iyo sida ay ugu bisilyihiin maamulka dowladda kadib markii dowladdu ka dulqaadday xeeryadii gumeysiga shabaab oo ku dhawaad Sadex sano jiqayay dhiiga shacabka ku nool gobolkaasi.

Muqdisho  Isniin January 23, 2011 (Somaligov Portal News) : Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Dowlada KMG ah Soomaaliya ayaa saaka aroortii waxaa
ay fulisay xukun toogasho ah kaasoo lagu fuliyay askari ka tirsanaa Milateriga oo hore u dilay askari kale

Dilka toogashada ah saaka ka dhacay fagaaraha Iskuul Buliisiya halkaasoo badiyaaba lagu toogto askarta ay xukunto Maxkamada ciidamada qalabka sida.

Askariga la toogtay oo lagu magacaabi jirey Maxamed Cabdi Ciise ayuu sheegay Gudoomiyaha Maxkamada Qalabka sida Xasan Muugaab inuu dhawaan  degmada Hodan ku toogtay askari ka tirsanaa ciiidamada nabad sugida Dowlada KMG ah kaasoo lagu magacaabi jirey Maxamed C/laahi Farabadan..Go'aank fulinta xukunta toogshada ah waxaan qaadanay kadib markii aan cadeyn u helnay danbiilaha"ayuu yiri Xasan Muugaab

Xasan Muugaab oo saaka dilka ay fuliyeen kadib saxaafada la hadlayay ayaa sidoo kale soo hadal qaaday waxqabadka maxakamadaasi oo sanad jirsatay.

Xasan Muugaab waxaa uu caarabka ku dhuftay in sanadkii tagay maxkamadu qaaday 1,200 xukun kuwaasoo isugu jirey dil iyo xabsi lagu fuliyay askar dowlda ka tirsan iyo dad shacab ah oo qaarkood
lagu helay iyagoo hub u geynaya alshabaab sida gudoomiyuhu tilmaamay.

Gudoomiyaha waxaa kale uu sheegay inay hada hayaan dad badan oo qaarkood dil toogasho ah ku xukuman yihiin kuwaasoo hore maxkamadu go'aan uga qaadatay.

..

Muqdisho  Isniin January 23, 2011 (Somaligov Portal News) : Ganacsade wax kala soo daga dekadda wayn ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in musuq maasuq uu hareeyay Maamulka dekadda islamarkaana ay dhibaato ku qabaan gudaha dekadaasi.


Salaad Cilmi Axmed oo ka mid ah ganacsatada agabyada ganacsi kala soo daga dekadda wayn ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in gudaha dekadda looga qaado lacago aad u farbadan oo sharci daro ah, isagoo tilmaamay in sidoo kale ay ka jiraan musuq maasuqbaahsan oo hareeyay Maamulka dekadda Magaalada Muqdisho.


Ganacsadahaani ayaa waxa uu sheegay in dhibaato wayn ay ku qabaan alaabaha ganacsi oo ay kala soo dagaan dekadda, isagoo tilmaamay in lacagaha laga qaado aysan ku bixin sidoo loogu talagalay islamarkaana wax muhiim ah aysan iyagu u aheyn maadaama sida uu tilmaamay amnigoodu uusan wanaagsaneyn islamarkaana jidgooyin hor leh ay yaalaan gudaha dekadda Magaalada Muqdisho.


Ganacsadahaani lagu magacaabo Salaad Cilmo Axmed ayaa waxa uu sheegay inaysan garaneyn halka ay ku baxaan lacagaha laga qaado, isagoo sheegay in Ciidamada booliska qaarkood ay yihiin kuwa muddo lexbilood ah aysan qaadan mushaaradka ay xaqa u lahaayeen, isagoo intaasi raaciyay in dhismo ahaan dekadda wayn ay ka baahantahay daqliga soo gala oo uu
sheegay in marshooyinka ay kusoo xirtaan Maraakiibta ay yihiin kuwa inta badan uu ka muuqnayo burbur xoog leh.


Mudooyinkii ugu dambeeyay ayaa waxaa soo ifbaxayay wararka sheegaya inay jiraan musuq maasuq xoog leh oo hareeyay Maamulka dakadda weyn ee Muqdisho, iyagoo lagu eedeenayay in ay lunsadaan lacagaha cashuuradka oo ay ka qaadaan ganacsatada wax kala soo dagta dekedda taasi oo ayasan sitoos  ah ugu dhicin Bangiga dhexe islamarkaana ay jeebka ugasho shaqsiyaad gaar ah.




Muqdisho  Isniin January 23, 2011 (Somaligov Portal News) :  Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin oo ka tirsan Mudanayaasha barlamanka KMG Soomaaliya ayaa waxa uu duqeyntii diyaaradaha dagaal ee Kenya ka geysteen gobolada Jubbooyinka ay ku eedeeyay in ay Mas’uul ka tahay xukuumadda KMG Soomaaliya.


Xildhhibaanka ayaa waxa uu tilmaamay in xukuumaddu ay heshiiskii soo gelitaanka Kenya ka ogolaatay dowladda Kenya, waxaana uu tilmaamay maadaama aan la horkeenin  arintaasi baarlamaanka xukuumadda lagula xisaabtami doono qasaarihii dadka rayidka ah ay gaarsiiyeen diyaaradaha dagaal ee keyna.


Bootaan Ciise Caalin ayaa waa uu sheegay  in dowladda Kenya ay xaq  u leedahay in ammaanka dalkeeda iyo xadka ay la wadaagto Soomaliya ay ilaaliso, hase ahaatee waxa uu tilmaamay inaan loo dulqaadan doonin shacab meel dagan in duqeyn loo geysto, waxaana uu carabka ku adkeeyay in  aysan ka hari doonin dhibaatooyinkii dadka rayidka ahaa loogu geystay Jubbooyinka.


Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya oo warbaahinta shir jaraa’id u qabtay bishan gudaheeda ayaa sheegay inay ka tacsiyadaynayaan guud ahaan eheladii dadkoodu ku waayay duqeymihii ka dhacay gobolada Koofurta Soomaaliya.




Muqdisho  Axad January 22, 2011 (Somaligov Portal News) :  Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya ayaa mar kale  ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ka baxaan Xarumaha dowladda, islamarkaana ay ka faa’ideystaan mashaariicda dalka.


Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya ayaa waxa uu ka hadlay dhismayaasha dowladda oo mudadii 20-ka sano aheyd ee ugu dambeysay ay daganaayeen dadka shacabka ah, isagoo Madaxweynaha ugu baaqay dadkaasi inay baneeyeen Xarumahaasi oo ayjoojiyaan madax adeega.


Madaxweynaha dowladda KMG ah ayaa waxa uu sheegay inaysan soconeynin qabiil iyo mooryaanimo lagu degnaaado Xarumaha dowladda sida uu hadalka  u dhigay, dadka reer Muqdishona hadii aysan diyaar u aheyn dowladnimada aan lagu qasbeyn waxna loo qabanayo dadka diyaarka u ah nidaamka iyo kala dambeynta.


Mudane Sheekh Shariif ayaa waxa uu ku dhaartay in mashaariicda dalka aysan beer daroobeynin oo ay gaynayaan meelaha diyaarka ah oo ay ku sugan yihiin dadka jecel dowladnimada sida uu hadalka u yiri.


Mudadii 20-ka sano aheyd oo uu dalka ku jiray burburka ayna meeshiii ka baxday dowladdii uu hogaamninayay Janaral Max’ed Siyaad Bare ayaa waxa jiray in dadka shacabka ah qaarkood ay deegaansadeen Xarumaha dowladda maadaama Xarumahaasi aysan helin dowladda xanaaneysa oo dib u dhis ku sameysa kuwaasi oo ay saameyeen marxaladihii kala duwanaa oo uu dalka soo maray.




Muqdisho  Axad January 22, 2011 (Somaligov Portal News) : Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa la sheegay in Madaxda dowladda uu la qaatay kulamo looga hadlayo sidii isku shaandheyn loogu sameyn lahaa qaar ka mid ah golaha Wasiirada.


Sida ay Idaacadda Shabelle u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonyahay oo ku sugan Xafiiska Ra’iisul wasaaraha, Ra’iisul wasaare C/wali Max’ed Cali Gaas ayaa kulamo looga hadlayo sidii isku
shaandheyn loogu sameyn lahaa golahiisa wasaariida waxa uu maalmihii u dambeeyay Magaalada Muqdisho kula qaadanayay Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo gudoomiyaha barlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.


Dr. Gaas ayaa Madaxda dowladda KMG ah kala hadlayay sidii uu isugu shaandheyn lahaa Wasiir ku xigeennada Xukuumaddiisa, waxaana sidoo kale la sheegay in Ra’iisul wasaaraha uu
go’aansaday in uu magacaabo Wasiiro dowlayaal la shaqeeya Wasiirada dowlayahaasha u magaacabay Xukuumadda KMG ah.


Ilaha waxa ay sheegeen in Ra’iisul wasaaraha uu go’aansaday in uu magacaabo Wasiiro dowlo ka shaqeeya Xafiiska Ra’iisul wasaaraha iyo sidoo kale Wasiiro dowlo isku xira barlamanka iyo Xukuumadda KMG ah, iyadoo sidoo kale la sheegay in Ra’iisul wasaaraha uu go’aansaday Wasiir ku xigeennada labada xil isku haya lakala dhimo islamarkaanalagu soo kordhiyo wasiir ku xigeennda.


Kulmadaasi kadib ayaa Madaxda dowladda waxa la sheegay inay soo jeediyeen in isku shaandheyn lagu sameeyo Golaha Wasiirada, islamarkaana isku shaadheynta ay saameynayso Wasaaradaha Warfaafinta, arrimaha dibadda iyo sidoo kale Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda, iyadoo wararku qaar ay sheegayan in sidoo kale isku shaadheynta ay saameyn ku yeelan doonto wasiirada arimaha gudaha, shaqada iyo shaqaalaha inkastoo aan la hubin labadaasi wasaaradood.


Ugu dambeyn kulamada oo ah kuwo wali socda ayaa Ra’iisul wasaaraha waxa la sheegay in shanta maalin ee soo socda gudahoodu Ra’iisul wasaaraha uu ku dhawaaqi doono golaha Wasiirada islamarkaana uu shaacin doono isku shaandheynta uu ku sameeyo.




Laasacaanood Muqdisho  Axad January 22, 2011 (Somaligov Portal News) : Xiisada dagaal oo u dhaxaysa Ciidamada Maamulka Somaliland iyo dadka deegaanka ah ayaa waxa ay ka taagan Magaalada Laasacaanood ee gobola Sool.


Kadib markii shalay Magaalada Laasacaanood ee Xarunta gobolka Sool uu ka dhacay banaanbax lagu tageerayay Maamul dhawaan loogu dhawaaqay gobolada SSC ee Khaatuma islamarkaana Ciidamada Somaliland ay rasaas sababtay dhimasho iyo dhaawac ay ku fureen dadkaasi ayaa maanta waxa ay xiisad ka taagan tahay Magaalada Laasacaanood maadaama sida lasheegay halkaasi lagu wado in uu ka dhaco banaanbax lagu taageerayo Maamulka Somaliland.


Max’ud Jaamac Max’ed oo ka mid ah dadka deegaanka ah oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in xiisadda ay bilaabatay kadib markii Maamulka Somaliland dad ay ka keeneen sida uu sheegay gobolada kale islamarkaana ay doonayeen in dibad bax ay ka dhigaan Magaalada Laasaacanood, laguna taageerayay Maamulka Somaliland ay ka hor yimaadeen dadka degeenka ah.


Goobjoogahaasi ayaa intaasi ku daray in Magaalada Laasacaanood ay maanta ka yara dagan tahay sidii ay shalay aheyd maadaama uu xusay in maanta la dareemayo goobo ganacsi oo furan isusocod aan sidaasi u buurneyn laakiin xiisadda ay jirto.


Gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn ayaa waxa ka jira Jahwareer siyaasadeed kadib markii Maamul lamagacbaxay Khaatuma halkaasi looga dhawaaqay kaasi oo ay sameysteen dadka deegaanka ah, iyadoo Maamulkaasi uu kasoo horjeestay Maamulka Somaliland, ayna keentay in dagaal uu ku dhexmaro Magaalada Buuhoodle Maleeshiyaad deegaanka ah iyo Ciidamada Maamulka Somaliland.



Wasiirro ka tirsan xukuumadda ayaa maanta ka qeybgalay furitaanka aqoon kororsi ku saabsan waxyeellada gudniinka fircooniga oo ay wasaaradda Haweenka u  qabatay qaar ka mid ah haweenka  Soomaaliyeed

Siminaarkan ayaa waxaa soo qabanqaabisay wasaaradda Haweenka iyo Daryeelka Qoyska kaasi oo loo qabtay qaar ka mid ah Haweenka ku dhaqan magaalada Muqdisho iyadoo ay furitaanka siminaarkaasi ka qeybgaleen wasiirro ka tirsan xukuumadda.

Wasiirka caddaalada iyo garsoorka xukuumada Axmed Xasan Gaboobe “Ugaas Bile” oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii ka soo qeybgashay siminaarka ayaa ugu baaqay haweenka Soomaaliyeed in hablaha yar yar aysan u gudin
fircooniga oo uu sheegay in uu ka soo horjeedo diinta Islaamka.

Sidoo kale wasiirka Haweenka iyo Daryeelka Qoyska Xukuumadda Soomaaliya Marwo Maryan Aweys Jaamac  oo ay wasaraddeeda soo qaban  qaabisay Siminaarkan ayaa ku dheeraatay dhibaatooyinka uu bulshada ku hayo Gudniinka Fircooniga ah, iyadoo sheegtay in kulanka ay u qabteen sidii loo xallin lahaa dhibaatooyinka ay soo gudbiyeen ururada buslahada, si dhibaatada gudniinka Fircooniga looga baxo ayna muhim tahay in la isu keeno qeybaha Bulshada, waxayna intaa raacisay in bulshada looga baahan yahay in wasaaradda ay ka garab siiyaan sidii loo sixi lahaa Khaladaadka ka jira Bulsha dhexdeeda.

Wasaaradda haweenka Xukuumadda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii meesha looga saari lahaa waxyaabaha dhibaataada ku haya Bulshada gaar ahaan Gudniinka Fircooniga ah, iyadoo dhawaan Wasiirka Haweenka ay magaalada Garoowe uga qeyb gashay kulan looga hadlayay sidii looga hortagi lahaa dhibaatada uu gabdhaha Soomaaliyeed ku hayo Gudniinka Fircooniga.



Nairobi o  Axad January 22, 2011 (Somaligov Portal News) : Muwadiniin Vietnam ah ayaa dowladdoodu ka dalbaday inay ka xarooyeen gacan kooxaha burcad badeeda Soomaalida oo in muddo ah ay ku jiraan.


Tran Van Vinh oo ah abaaha dhalay wiil ay gacanta ku hayaan burcad badeeda Soomalida ayaa sheegay in wiilkiisa Tran Van Hung oo la shaqeeynayay markab kaluumeeysiga Taiwan laga leeyahay FV Shiuh Fu-I uu la soo hadlay islamarkaana uu dal baday in dalkiisa uu gacan ka geeysto sidii looga sii deyn lahaa burcad badeeda.


Burcad badeeda Soomalida ayaa ka dalbaday Kaluumeeysatadaani in ay bixiyaan lacago madaxfurasho ah oo gaaraya 3-Milyan oo Doolarka Maraykanka ah taas oo ay sheegeen kaluumeeysatadu in aysan awoodin.


Sida laga soo xigtay abaaha Hung waxa uu sheegay in wiilkiisa oo markii uu lahadlayay ooynayay uu u sheegay in burcad badeedu ay 12-Vietnamiis ah iyo qaar kale oo China u dhashay oo ay gacanta ku hayaan ay u ogolaadeen in 5-daqiiqo ay dadkooda la hadlaan si ay u bixiyaan lacagaha madaxfurshada ah oo ay burcad badeedu doonayaan.


Hung waxa kale oo uu sheegay in burcad badeedu ay u sheegeen in ay dili doonaan Kabtanka markabka ay la socdaan hadii lasoo gaarsiin waayo lacagaha madaxfurashada ah oo ay dalbadeen asagoo timaamay in burcad badeedu marar badan ay jirdileen Kabtanka iyo ku xigenadiisa.


Waxa kale oo uu quus ka muujiyay suurta galnimada in Kambaniga Taiwan ee iska leh markabkan ay bixiso lacagaha madaxfurashada maadaama uu Kambanigu sheegay in lacagahaas ay aad ubadantahay.


Horaantii Bishii November 2011-ka ayay aheyd markii sidoo kale Hung uu dalkiisa u sheegay in bucad badeedu ay rabaan 60-Milyan oo lacagta fiitnaam ah una dhiganta 3-milyan oo doolarka Maraykanka ah.


Burcad badeeda Soomalida ayaa gacanta ku dhigay 26-vietnamese ah iyo rag Chinese ah 25-December 2010 kuwas oo la socday Markabka laga leeyahay Dalka Taiwan ee FV Shiuh Fu-1.


Danjire  Maxamuud  Colow Barow oo Lagu Amaanay Shaqo Wanaag Iyo Reysul Wasaarihii hore ee Dalka Malaysia Mahatiir Maxamad oo uu gudoonsiiyay Hadiyad Qaali ah  Daawo Sawirada
Sabti January 21, 2011 (Somaligov Portal News) : Safiirka somalia Dalka Indonesia Danjire Mahamuud Colow Barow ayaa ah shaqsi aan iskala weyneen Bulshada uu ku dhex jiro.

Colow ayaa Lagu xasuusta Bad baadintee Doontii Lixda Bilood  dhex Sabeeneysay badweynta oo Isla Markaasina kuso dhex dhacday Xuduuda DalkaIndonesia Tasoo uu Bad baadiyay Sahay iyo Tigitna U Jaray .

Mahamuud Colow waa safiirka Somalia Dalka Indonesia Waxuuna Saacad saacad u kormeera ardayda somaliyeed ee reer Malaysia  Kuwaasoo aan laheen Wax Safaarad.

Dalka Indonesia ayaa waxa uu Ka Mid Yahay Dalalka Ku nool ardayda somaliyeed Kuwooda Nasiibka u yeeshay Iney arkaan safaarad somaliyeed hadana Hormuud ka ah shaqsi u carbisan Hool shaqeedkiisa.

Colow Waxa Lagu tiriyaa Afarta safiir ee somalia ugu jirto Kaalinta kowaad ee wax qabadka.

Guud ahaan Al Safiir Colow Waa Barbaariyaha Dhalinta Mustaqbalka somaliyeed.

Waxaana Lagu xasuutaa Kulankiib Reysul waasarihi Hore ee Malaysia Mahatir Mohamed Inuu Gudoonsiiyay geel Lagu soo dhex Xardhay waxyaabaha aaad u qurux badan Tasoo mahtiir uu Garwaaqsaday in Astaanta somalia ay Tahay Geel.


Hadaba Aqristoow Falsafada Gariiga ayaa tiraahdo Tariikh Kastoo qoran waxa Daba Taal Mid aan qorneen 


Sabti January 21, 2011 (Somaligov Portal News) : Maleeshiyada Kooxda Al-Shabaab ayaa si rasmi ah u shaacisay in horjooge Ajinabi ah islamarkaana xubin sare ka ah ururka Al-Qacida lagu dilay maanta duqeyn ay gudaha Soomaaliya ka  fuliyeen diyaarado dagaal.

Afhayeenka Maleeshiyada Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage oo cod uusoo duubay lagasii daayey idaacad ku hadasha afka kooxdaasi ayaa qiray in horjooge sare oo ka tirsan Al-Qacida duhurnimadii maanta lagu dilay duqeyn ka dhacday deegaanka KM13 ee duleedka magaalada Muqdisho ayadoo Cali Dheerana uu tilmaamay in duqeyntaasi ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka ee aan duuliyaha laheyn.

Cali Dheere waxa uu  sheegay Horjoogahan Ajinabiga ah in kaalin weyn uu ku dhex lahaa kooxda Shabaab iyo Al-Qacida waxaana uu magaciisa ku sheegay Bilaal Al-Barjaawi oo isagu asal ahaan kasoo jeeda dalka Lubnaan lkn heysta dhalashada dalka Britain halkaasi oo uu ku dhashay kuna soo barbaaray.

Afhayeenka Al-Shabaab ayaa sheegay in gudaha Soomaaliya uusoo galay Ajinabigani la dilay horaantii sanadkii 2006 isagoo wixii waqtigaasi ka dambeeyeyna ka mid ahaa Ajaaniibta awoodda ku dhex leh kooxda waxaana uu Cali Dheere sheegay in Shacbiga Soomaaliyeed uu uga tacsiyeynayo dilka Horjoogahan ka mid ahaa Ajaaniibta dalkeenna kusoo duushay.

Duqeyntan lagu dilay horjoogahan sare ee ka tirsanaa Al-Qaacida ee ka dhacday duleedka magaalada Muqdisho ayaa qeyb ka ah duqeymo mudooyinkanba lala bartilmaameedsanayey goobaha ay ku dhuumaaleysanayaanHorjoogayaasha Ajaaniibta ah ee ka tirsan Al-Qacida.

Sabti January 21, 2011 (Somaligov Portal News) :  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa kulan ku aadan hirgelinta Mashaariic ay Dowladda Turkiga ka hirgelineyso Soomaaliya kula qaatay xafiiskiisa Gollaha Wasiirrada iyo Gudoomiyeyaasha degmooyinka qaarkood.

Wasiirrada kulanka ka qeybagalay ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka,Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib U Dhiska, Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sarre, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo ay wehliyeen xubno ka tirsan gudoomiyeyaasha degmooyinka iyo Taliyeyaasha Ciidammada qaarkood.

Furitaankii kulanka ayuu Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya waxa uu soo hordhigay xubnihii kulanka ka qeybgalay sida ugu fudud ee loo hirgelin karo Mashaariic ay Dowladda Turkiga ka hirgelineyso gudaha dalkeena taasi oo xubnihii kulanka ka qeybgalay ay Madaxweynaha aragtidooda u gudbiyeen.

Mashaariicda ay Dowladda aynu walaalaha nahay ee Turkiga ka hirgelineyso Soomaaliya ee uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda soo hordhigay xubnihii kulanka uu la qaatay ayaa waxaa ka mid ah iskuullo gaaraya 94 iskuul kuwaasi oo guud ahaanba gobollada dalka laga dhisayo.


Sabti January 21, 2011 (Somaligov Portal News) : Xisbiga Hiil Qaran ayaa xaruntiisa Magaalada Muqdisho waxa uu ku qabtay shir jaraa’id balse ka hor inta uusan shirku bilaaban ayaa saxaafadda loo soo bandhigay sawirada shacab Soomaaliyeed oo diyaaradaha Kenya dhibaato ku gjaarsiiyeen qaar ka mid ah Gobalada Soomaaliya kadib markii 16-kii bishii October ee sanadkii hore ciidamada Kenya soo galeen gudaha dalka Soomaaliya.


Shirkaasi jaraa’id ayaa waxaa ka hadlay wakiilka Xisbiga Hiil Qaran ee Muqdisho Shariif Xuseen Roobow oo sheegay in Xisbiga Hiil Qaran uu aad uga xun yahay isla markaana uu cambaareenayo xasuuqa ciidamada Kenya ka gaysanayaan Gobalada Soomaaliya gaar ahaan Gobalada J/hoose, J/dhexe iyo Gedo, isagoo sheegay in Ciidamada
Kenya ay bartilmaameedsadeen goobaha ay ku sugan yihiin dadka rayidka ah.

“Waxaa duulaan looga soo qaaday Soomaaliya Badda, Dhulka iyo Cirka, waxaana xaqiiqo ah in la doonayo in lala wareego dhulka Soomaaliya, taa waxaad ku garaneysaa kii Badda Kalluumeysiga u tagay waxaa lagu sheegay in uu yahay Burcad badeed, shacabkii dhulka ku sugnaana waxaa la yiri waa Argagixiso, taas miyeysan kuu caddeynin
in la doonayo in la qaato dhulka Soomaaliyeed” ayuu yiri Shariif Xuseen Roobow oo intaas sii raaciyey “Eeg waxaa duulaan lagu soo qaaday Xuduudaha Soomaaliya siiba wadamada Kenya iyo Itoobiya, AMISOM waxay iyana qayb ka tahay duulaankaasi Soomaaliya ka dhanka ah, sow ma ahan qorshe fog oo la doonayo in lagula wareego dhulka Soomaaliyeed, ama lagu qaato dalka Soomaaliya”.

Sabti January 21, 2011 (Somaligov Portal News) :

Warsaxaafadeed

Our Ref 13/PR/CO/12

Wasaarada Warfaafinta oo u dabaaldegtay Maalinta warbaahinta Soomaaliya

(Muqdisho: 21-janaayo-2012) Maanta waxay warfaafinta Soomaaliyeed u dabaaldagasaa “Maalinta warbaahinta Soomaaliyeed” iyadoo ku soo aadeysa xilli aad u adag
oo ay naga saarantahay waajib dhamaanteen. gaar ahaan Warbaahinta iyo wariyayaashaba sidii dalkeena loogu soo dabaali lahaa nabad iyo xasilooni, loogana xureyn lahaa argagixisadda dhibaatada badan gaarsiiyay.

Munaasabadaan muhimka ah, Wasiir kuxigeenka wasaarada warfaafinta, Boostada & isgaarsiinta ahna sii hayaha xilka wasiirka warfaafinta, Mudane C/laahi Bille Nuur waxaa uu hambalyo u diray dhamaan warfidiyeenka Soomaaliyeed iyo shaqaalaha warfaafinta, wasiirka ayaana yiri “Waxaa farxad ii ah inaan idiinkugu hanbalyeeyo maanta waxaanan idiin rajeyn idinka iyo qoysaskiinaba nabad iyo horumar”

Wasiirka ayaa intaa ku daray “Xukuumada Soomaaliya waxaa ay uga mahad celinaysaa warfaafinta soomaaliyeed iyo warfidiyeenka dowrkii ay ka qaateen nabadda, iyagoo shacabka soomaaliyeed u soo gudbinayay warar la hubo kuwaas oo qaarna farxad xajmbaarsanaayeen qaarna murugo ”Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Anigoo ka faa’ideysanaya fursaddan waxaan tacsi tiiranyo leh u dirayaa dhamaan qoysaskii ay ka geeriyoodeen wariyeyaashii ku waayay naftooda muddadii ay soomaaliya ku jirtay dhibaatada iyo dagaalka, iyagoo dadaal ugu jiray sidii ay shacabkeena u gaarsiin lahaayeen warar xaqiiqa ah oo aan dhana u janjeerin”

Wasiirka ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyay “Wasaaradda Warfaafintu waxa ay dadaal badan u geli doontaa sanadkaan sidii loo sii kobcin lahaa kartida warfaafinta soomaaliya
tan dowladda iyo midda gaarka loo leeyahayba iyadoo lagu taageerayo tababar iyo qalab intaba, waxaana sidoo kale la hormarin doonaa xeerarka saxaafadda
kuwaas oo u suurta gelin doona in Warfaafintu u shaqeyso si xor ah, faragelinna ka maran”

Sabti January 21, 2011 (Somaligov Portal News) : Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka dowlada KMG Somalia Jen. C/kariin Yuusuf dhega badan ayaa sheegay in ciidamada dowlada oo kaashanaya kuwa AMISOM ay soo afjareen guud ahaan joogitaanka ciidamada Al-Shabaab ee magaalada Muqdisho, ka dib dagaal culus oo ay shalay ku qaadeen fariisimihii ugu dambeeyey ee magaalada ka joogeen.

Jen.dhega badan ayaa sheegay in ciidamada dowlada KMG Somalia iyo kuwa AMISOM ay hadda gacanta ku hayaan guud ahaan magaalada Muqdisho, wuxuuna xusay in ciidamada Al-Shabaab ay wixii hadda ka dambeeya kula dagaalami doonaan gobolada la deriska ah caasimada sida labada shabelle oo uu xusay iney ku weerari doonaan xili aan fogeyn, si buu yiri shacabka ku dhaqan goboladaas aan uga dul qaadno dhibaatooyin uu sheegay in kooxdaas ay ku heyso.


“Waxaan ILAAHAY ka sokow halkan uga mahad celinayaa ciidamada xooga dalka Soomaaliyed iyo kuwa AMISOM oo kooxihii jid iyo jaho diidka ahaa ka sifeeyey meelihii
ugu dambeeyey ee ay kaga sugnaayeen magaalada Muqdisho, howlgalnkana waxaa loogu dilay rag badan oo ka tirsanaa kooxdaas qaar kale waa looga dhaawacay maxaabiis badana
waa laga qabtay” ayuu intaa ku daray Jen. Dhega badan.Jen. Dhegabadan ayaa intaa ku daray in mar haddii ay soo afjareen jogitaanka ciidamada Al-shabaab ee magaalada Muqdisho ay u talaabi doonaan gobolada labada shabelle ee deriska la’ah magaalada Muqdisho si buu yiri aanu halkaas iga sifeyno ciidamada Al-Shabaab, wuxuuna xusay iney hadda socdaan qorsheyaal arintaas la xiriira oo ku aadan dagaal goboladaas lagu qaado.

Afhayeen u hadlay Xarakada Al-shabaab ayaa sheegay in fariisimaha shalay looga qabsaday dagaalkii ka dhacay magaaalada Muqdisho uusan macnaheedu aheyn
inuu dhamaaday dagaalkii magaalada ka socday, wuxuuna xusay in dagaalkaas uu hadda yahay mid bilow ah, ayna ciidamada AMISOM ku qasbi doonaan iney ka baxaan magaalada,isagoo sheegay in ciidamadooda ay xeelad dagaal uga baxeen meelihii ay ka joogeen magaalada.




Garoowe: Jimco January 20, 2011 (Somaligov Portal News) : Maamul Goboleedka Puntland ayaa cambaareeyay duqaymaha dadka rayidka ah ay ku dhinteen oo Kenya ay ka gaysatay Koofurta Soomaaliya


Afhayeenka Madaxtooyada Maamulka Puntland Axmed Cumar Xirsi oo maanta ka hadlayey duqaymaha diyaaradaha dagaalka Kenya ay gaysanayaan Koofurta Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in aycambaaraynayaan duqaymahaasi.


Axmed ayaa tilmaamay in Puntland aysan raali ka ahayn duqayntaasi oo uu sheegay in ay qasaaro kasoo gaarto dad rayid ah oo aan waxba galabsan, waxaana uu sheegay in Kenya ay ku fashilantay dagaalka ay kula jirto Xarakada Al Shabaab, isagoo ugu baaqay Kenya in ay magdhow ka bixiso caruurtii ay ku dishay degmada Jilib ee gobolka J/dhexe.


Waa markii ugu horaysay oo Maamulka Puntland uu ka hadlo duqaymaha diyaaradaha Kenya ay ka fulinayaan dalka Soomaaliya taasi oo qasaaro uu kasoo gaaro dadka rayidka ah.


Jimco January 20, 2011 (Somaligov Portal News) : Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadday in dowladda Baxreyn la saxiixaneyso Mashaariic lagu horumarinayo waxbarashada dalka, heshiiskaas oo ka dhici doonaa magaalada London ee waddanka  Ingiriiska.

Wasiirka Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare Avv Axmed Caydiid Ibraahim oo Radio Muqdisho kula hadlayey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ka hor intuusan ka ambabixin ayaa faahfaahin ka bixiyey qaabka uu heshiiskaasi u dhacayo.

Sidoo kale wasiirku waxa uu tilmaamay in heshiiskan oo ka dhici doona London uu yahay mid lagu horumarinnayo waxbarashada dalka iyadoo ay mashruucaan ka faa’iideysan doonaan arday farabadan oo Soomaaliyeed.

Wasaaradda waxbarashada ayaa hore ugu guuleeysatay in deeq waxbarasho oo lacag la’aan ah ay dibadda ugu dirto kumannaan arday Soomaaliyeed ah
taas oo loo arko in ay tahay dadaal dheeraad ah oo ay wasaaraddu muujisay.




Jimco January 20, 2011 (Somaligov Portal News) : Aqalka hoose ee dalka Holland ayaa isku raacay in maraakiibta dagaalka ee dowladda Holland loo soo diro xeebaha dalka Soomaaliya  si ay u ilaaliyaan gargaarka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya loo  soo dirayo.

Qorshaha uu ansixiyay aqalka hoose ee daka Netherlands ayaa qeexaya in ciidammada badda ee dalkaasi ay muddo 6-bilood howshaasi  qaban doonaan, waxaan howlgalbinta ay noqon doontaa mid ka biillaabanaysa magaalada Mombasa iyo Dekeddaha dalka Soomaaliya.

Dhowaan xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya waxa uu soo saaray walaac ku aadan xaaladda dadka barakacayaasha ah ee Soomaaliya ku nool.

Sidoo kale waxaa weli taagan wel welka ku aadan in kooxaha burcad  badeeddu ay qal qal gelin karaan gargaarka Soomaaliya ku sii jeeda

Ciidammada dowladda Holland waxa ay ka mid yihiin ciidammada ka qayb qaadanaya ka hortagga burcad badeedda in kastoo ciidammadaan la ansixiyay ay fulin doonaan howl gaar ah oo ku aadan illaalinta gargaarka  hey’addaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ku soo jeeda.

Bisha soo socota ee February ayaa magaalada London waxaa ka furmaya shir looga hadlayo arrimah kooxaha burcad badeedda.


Jimco January 20, 2011 (Somaligov Portal News) : Taliska ciidamada Amisom ayaa faahfaahin ka bixiyay Howlgallo wadajir ah oo ay  ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom maanta ka sameeyeen magaalada  Muqdisho iyagoo dhanka kale soo bandhigay gabar Soomaaliyeed oo ay daryeel caafimaad u sameeyeen kadib markii gaari ka tirsan Amisom uu lugta ka maray xilli ay ku sugneyd degmada Kaaraan.

Afhayeenka Ciidamada nabad ilaalinta Midowha Afrika ee Soomaaliya C. Bady Ankunda oo saxafadda shir jaraa’id ugu qabtay garoonka Aaden Cadde ayaa ka warbixiyay horumarradii ugu dambeeyay oo ay ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom ka gaareen howlgallo lagu baacsanayo haraadiga alshabaab ee ku sugnaa qeybo ka mid ah caasimadda.

C. Bady Ankunda ayaa sheegay in howlgalladii  maanta ay kula wareegeen dhismihii hore ee jaamacadda Muqdisho, jaamacddii hore ee barakaat iyo Warshadda caanaha waxa uuna xusay in labo ka mid ah ciidamada Amisom ay dhaawacyo soo gaareen intii lagu gudajiray howlgalka.

Afhayeenka ciidamada Amisom Captain Bady oo aan wax ka weydiinnay in uu qorshaha ugu jiro in gobollada ay ku suganyihiin alshabaab ay gaaraanciidamaad Amisom ayaa xusay in marka ay yimaadaan ciidamada la sugayo ee ka dhiman Amisom ay tagi doonaan goobaha ka baxsan caasimadda.

Dhanka kale ciidamada Amisom ayaa maanta garoonka Aaden Cadde ku so bandhigay gabar Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Falxad Cabdi Cali oo 9 sano jir ah islamarkaasna ay 9-kii September ee sanadkii hore uu gaari ka tirsan gaadiidka Amisom ku jiiray degmada Kaaraan ee gobolka banaadir.

Saraakiisha Amisom ayaa sheegay in gabadhaasi daryeel caafimaad loogu fidiyay gudaha dalka iyo wadanka Kenya islamrkaasna ay xaaladda caafimaad ee gabadhaasi tahay mid ad u wanaagsan.

Falxad Cabdi Cali oo ah gabadha Soomaaliyeed ee daryeelka caafimaad ufidiyeen saraakiisha ciidamada Amisom ayaa warbaahinta uga warantay qaabka sidii uu u jiiray gaariga Amisom iyo waxa loo qaabtay, iyadoo tilmaantay in laga kabay lugta midigta oouu dilmaray mid ka mid ah gaadiidka Amisom.

Hadalkan ka soo baxay taliska Amisom ayaa ku soo beegmaya xilli ay ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom ay howlgal ballaaran ka sameeyeen xaafad ka mid ah magaalada Muqdisho oo ay ku sugnayaeen haradiga kooxda shabaab iyadoo lagu guuleystay in qasaare farabadan dusha loo saaro maleeshiyaadjka iyo horjogeyaasha kooxdaasi.





Manama: Jimco January 20, 2011 (Somaligov Portal News) :  Dowladda Baxrayn ayaa sheegtay inay usoo dirayso dalka Somalia dhakhaatiir Samafalayaal ah oo u gar gaaraya dadka ay caafimaad darada hayso eek u jira Xerooyinkabarakacayaasha ee dalka Soomaaliya.


Wasiiradda cafimadka iyo Xuquuqul Insaanka Faaduma Al-boloshii ayaa waxay tibaaxday inay dowladda Baxreyn kala qeyb qaadanayso dhibaatada haysata dadka walaalahood ah ee Somaliyeed .


Faadima ayaa waxa ay intaasi ku dartay in dhakhaatiirtaan samafalayaasha ah oo ay u dirayaan dalka Soomaaliya ay kormeerayaan xerooyinka barakacayaasha Soomaaliya iyo Kenyan si dadka ay ugu fuliyaan adeegyada caafimaadka iyo kuwa kale ee nolosha aas aasiga u ah.


Wasiiradda Caafimaadka Baxrayn ayaa waxa ay sheegtay inay ka bilaabayaan ololaha ugu horeeya ee ay ku gar gaarayaan  dadka dhibaataysan Xerada Qaxootiga ee Dhadhaab taasi oo ay sheegtay in ay ka jiraan dhibaatooyin caafimaad daro oo aad u liidata kadibna ay usii gudbayaan dalka Soomaaliya.




Dubia: Jimco January 20, 2011 (Somaligov Portal News) : Jaamacadda Carabta iyo dowladda Italy ayaa ka wada hadlay xaaladaha kala duwan ee ka jira wadanka Soomaaliya.


Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta Dr.Nabiil Al-carabi iyo Wasiirka arrimaha dibadda ee dowladda Talyaaniga Giulio Terzi ayaa kulan ay qaateen waxa ay ugu hadleen arrimaha
Soomaaliya gaar ahaan sidii wax looga qaban lahaa dadka ku dhibaataysan gudaha Soomaaliya oo ay saameysay abaaraha.


Kulankoodu kadib ayaa waxa ay Saxaafadda u aqriyeen bayaan kasoo baxay shirkii ay wada qaateen taasi oo ku xusneyd sidii beesha Caalamka ay u sii wadi laheyd gar-gaarka bini’aadannimo ee loo fidinayo dadka ay abaarahu saameyeen, waxaana ay shaaca ka qaadeen inay ka qeyb qaadanayaan shirka looga hadlayo arrimaha Soomaailya ee lagu wado in uu ka dhaco Magaalada London ee dalka Ingiriiska ah.


Labada Mas’uul ayaa waxa ay walaac ka muujiyeen xaalaadaha bini’aannimo ee Soomaaliya ka taagan, burcad badeednimada iyo aargigixisada kuwaasi oo ay sheegeen inay saameyn wayn ku yeesheen guud ahaan gobolka sida ay hadalka u dhigeen.


Dr.Nabiil Al-Carabi ayaa sheegay in muhiimad wayn ay leedahay in dalka Soomaliya lagu soo celiyo ammaankii iyo kala dambeyntii uu lahaan jiray dalka taasina ay tahay mid kaliya ee looga hortagi karo dhibaatooyinka ka gadisan ee ka taagan Soomaaliya.


Ugu dambeyn Wasiirka arrimaha dibadda ee dowladda Talyaaniga ayaa isagna waxa uu sheegay inay ka qeyb qaadanayaan sidii loo soo afjiri lahaa dhibaatooyinka ka socda dalka Soomaaliya loona gaar siin lahaa gar-gaar bini’aadannimo oo lagu badbaadinayo dadka badan ee la daaala dhacaya xaaladaha nolol xumo.




Muqdisho: Jimco January 20, 2011 (Somaligov Portal News) :   Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa saakay la wareegay fariisimooyinkii ay Al Shabaab kaga harsanayeen Xaafahda Muqdisho, iyadoo dhinaca kale Shabaab ay qireen in laga qabsaday xaafado ay kaga harsanaayeen Muqdisho.

Saqdii dhexe ee xalay ayaa waxa la sheegay in Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo iska shaanaya ay duulaan qorshaysan ay ku qaadeen Xaafadaha Magaalada Muqdisho ay kaga sugnaayeen Ciidamada Al Shabaab halkaasi oo uu dagaal culus ku dhexmaray dhinacyadaasi.

Meelaha ay duulaanada ku qaadeen Ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM ayaa ka mid ah Xaafado degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir gaar ahaan Suuqa Xoolaha iyo Waxgar-Cadde halkaasi oo sida dad goobjoogayaal ah u xaqiijiyeen Idaacadda Shabelle ay gacanta ku dhigeen ciiidanka dowladda KMG iyo kuwa AMISOM oo is kaashanaya, waxaaana
wararku ay intaasi ku darayaan in dagaalka uu iminka ka soconayo deegaanka Darmooleey ee duleedka Suuqa Xoolaha.


Dhinaca kale Ciidamada dowladda KMG iyo kuwa AMIOSM ayaa meelaha kale oo ay weerareen waxaa ka mid ah Xaafado ka tirsan degmada Dayniile oo ay ku sugnaayeen Ciidamada Al Shabaab, waxaana wararku ay sheegayaan in Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay gaareen wado isku xirta degmada Afgooye iyo degmada Balcad oo lagu magacabo wadada Basra.

Majiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo ku aadan howlgalkaani oo ay kula wareegeen Xaafado dhowr ah oo ka mid ah Muqdisho iyo nawaaxigeeda, hase ahaatee Saraakiil ka tirsan Ururka Al Shabaab oo saakay Warbaahinta la hadlay ayaa qiray in lagala wareegay deegaano dhowr ah oo ay kaga sugnaayeen Muqdisho
iyo nawaaxigeeda, iyagoo ku hanjabay in dagaalka uusidaasi ku joogsan doonin oo ay wadayaan.


Marka laga tago dagaalada iyo wajiyada cusub oo ay galayaan ayaa waxaa cabsi iyo wal wal lasoo gudboonaaday dadka shacabka ah ee ku nool Xaafadaha ay dowladda ay la wareegtay iyo Xaafadaha kala ee ku dhow dhow kuwaasi oo ka cabsi qaba inay saameyn ku yeeshaan dagaaladaasi.




Muqdisho:  khamiis January 19, 2011 (Somaligov Portal News) :  Faah faahin dheeraad ah ayaa kasoo bxay qarax qasaaro u gaystay dad radid ah oo maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Inta la’ogyahay labo ruux ayaa ku geeriyootay halka 5-kalana ay ku dhaawacmeen kuwaasi oo dhamaantoodu ahaa dadrayid ah oo aan waxba galabsan kadib markii maanta Safaaradda Siliga Ameerikaanka degmada Wadajir ee gobolka Banaadir uu ka dhacay qaraxa miino.


Qaraxa ayaa la sheegay in loo adeegsaday Miinada nuuca dhulka lagu aaso islamarkaana laga hago Rimuud Kontorolka, waxaana la tilmaamay in aan la’ogayn cid lala eegtay qaraxaasi oo qasaaraha kasoo gaaray dad rayid ah oo ku sugnaa halkaasi sida ay Idaacadda Shabelle u xaqiijiyeen dadka deegaanka ah.


Qaar ka mid ah barakacayaal ku sugnaa Safaaraddii hore ee Maraykanka oo ah goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa u gurmaday dadkaasi, waxaana dadka dhaawacmay la sheegay in dhaawacoodu uu yahay mid halis ah, iyadoo la tilmamay in  durbadiiba loola cararay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho halkaasi oo iminka xaaladoodu Caafimaad lagula tacaalayo.


Mararka qaar ayaa waxaa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya ka dhaca qaraxyo ceenkaani oo kale ah, waxaana badankoodu uu qasaaro kasoo gaaraa dad rayid ah oo ka agdhow goobaha uu qaraxa ka dhaco.


khamiis January 19, 2011 (Somaligov Portal News) :

Shir Jaraa’id: Guddiga La Dagaalanka Musuqmaasuqa Muqdisho – 19 January 2012

(Muqdisho, 19 January 2012) Waxaan maanta soo dhameystirnay xubnihii Guddiga La Dagaalanka Musuqmaasuqa si ay u howlgalaan.

17kii November 2011 ayaa golaha wasiiradu waxey ansixiyeen in dib loo cusbooneysiiyo sharciga Law no. 10 ee 1968 ee laguaasaasay Xafiiska La Dagaalanka Musuqmaasuqa.

1.    Shamso Ibraahim Maxamud

2.    Najma Jaamac

3.    Cabdirizaaq Nuux Xasan

4.    Khadra Maxamed Ciise

5.    Maxamed Barre Kuusow


6.    Suleymaan Yuusf Cilmi

7.    Xuseen Qaasim Yuusuf

8.    Ibraahim Macallin Xuseen

9.    Haadi Cumar Cabdullahi




khamiis January 19, 2011 (Somaligov Portal News) :


Xilidhibaano ka tirsan golaha barlamanka KMG oo maanta kulan ku yeeshay xarunta golaha shacabka oo uu shir gudoominayay Guddoomiyaha Barlamaanka Madoobe Nuunoow Max’ed ayaa waxa ay kaga hadleen qorshe howleedka sanadkan cusub ee baarlamaanka.


Xildhibaan Cali Ismaaciil Cabdi Giir ayaa waxa uu goobta ka aqriyay warqad qoraal ah oo ka turjumeysa wax qabadka laga doonayo barlamanka sanadkan iyo howlaha hor yaala, waxaana Xildhibaanada loo qeybiyay qoraalka qorshe howleedkaasi.


Intaasi kadib ayaa Madoobe Nuunoow Max’ed waxa uu goobta kaga dhawaaqay guddi uu sheegay inay soo turxaan bixinayaan qoraalka qorshe howleedka sanadka islamarkaana kulan talo qaadasho ah ay la sameyn doonaan xukuumadda kaasi oo uu sheegay in wixii u soo baxa uu dib u soo hor dhigi doono barlamanka.


Salaad Cali Jeelle oo ka mid ahaa Xildhibaanadii qudbadaha ka jeediyay kulanka ayaa waxa uu sheegay inay sii wadi doonaan howsha barlamanka, isagoo tilmaamay in hadalka gudoomiyaha golaha barlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan uusan saameyn ku yeelan doonin.


Xildhibaanadan oo tiradooda lagu qiyaasay 150 Xildhibaan ayaa qudbadihii ay kulankaasi ka jreediyeen waxa ay inta badan ku sheegayeen in howlaha barlamanka oo sida iyaga ay sheegeen Shariif Xasan uu daaha saaray ay dar dar gelin doonaan, waxaana si rasmi ah aan loo ogayn wax qabadka usuuro gali kara Xildhibaanadaani oo Xukuumadda KMG iyo beesha Caalamka ay si isku mid ah u sheegeen inaysan aqoonsaneyn gudoonka cusub oo ay doorteen.



khamiis January 19, 2011 (Somaligov Portal News) :


Xisbiga Hiil-qaran ayaa ku eedeeyay dowladda KMG Soomaaliya inay fasaxday duqeymaha diyaaradaha laga leeyahay dalka Kenya ay ka gaystaan gobolada dalka Soomaaliya.


Warsaxaafadeed maanta kasoo baxay Xafiiska Xisbiga Hiil-qaran uu ku leeyahay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa si kulul loogu cambaareeyay duqeymaha Ciidamada Kenya ay ka wadaan Koofurta Soomaaliya oo ay la beegsanayaan dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan.


Mas’uulka ugu sareeya Xisbiga Hiil-qaran Xafiiskiisa Magaalada Muqdisho Shariif Xuseen Rooboow oo Warbaahinta u aqrinayay Warsaxaafadeedka ayaa waxa uu sheegay in wax laga xumaado ay tahay in Ciidamada Kenya ay duqeeyaan goobaha ay dagan yihiin dadka shacbka ah.


Shariif Xuseen Rooboow ayaa waxa uu sheeegay in dalka Soomaaliya ay ku hareeraysan yihiin Ciidamo Ajaaniib ah taasi oo uu tilmaamay in dowladda KMG Soomaaliya ay u fasaxday inay duqeeymo ka fuliyaan gudaha dalka Soomaaliya.


Mas’uulkaani ka tirsan Xisbiga Hiil-qaran ayaa ugu dambeyn Warsaxaafadeedka waxaa uu ku sheegay in shacabka Soomaliyeed aysan aheyn aargigixiso, isagoo ku tilmaamay duqeymaha Ciidamada Kenya ay ka wadaan Soomaaliya inay yihiin daan daansi iyo Daciifsi lagu hayo shacabka Soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay.


khamiis January 19, 2011 (Somaligov Portal News) :

lKooxo hubaysan ayaa ku dilay gudaha magaalada Gaalkacyo Suldaan lagu magacaabi jiray Siciid Cismaan Shobereysto,kaas rasaas ooda uga qaadeen.

Suldaan Siciid Cismaan Shobareysto ayaa xiliga la dilayey waxa uu ku sugnaa gudaha Xarunta gobolka dhexdiisa,waxaana la sheegayaa dilka suldaaanka dadka ka danbeeyey ay xirnaayeen dharka tuutaha ee Ciidamada.

Sidoo kale rasaastii ay fureen ayaa waxaa dhaawac kasoo gaaray labo qof rayid ah,kuwaas iminka lagu daaweynayo Cisbitaalka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Kooxdii dilka Suldaan Siciid Cismaan  iyo dhaawaca laba qof geysatay durbadiiba waa ay isaga baxsadeen goobta kuwaas oo watay gaari beersool ah.

Laamaha amniga ee gobolka Mudug oo aan xiriir la sameynay ayaa noo sheegay in ay wadaan baaritaan ku aadan cida ka danbeysa dilka iyo dhawaaca dhawaana ay soo bandhigi doonaan.

Dilka Suldaanka ayaa loo sababeynayaa in ay ku lug leedahay aano qabiil,waxaanse ilaa hadda aan la ogayn arrintan meesha ay ku danbeyn doonto.


khamiis January 19, 2011 (Somaligov Portal News) :

Golaha wasiirrada DKMG Soomaaliya ayaa lagu wadaa in isbedel aan buurnayn lagu sameeyo sidoo kalena lagu soo kordhiyo xubno cusub, waxaana tani ay noqonaysaa markii ugu horreysay oo wax ka bedel lagu sameeyo xukuumadda uu hoggaaminayo, Dr C/weli Maxamed Cali Gaas.

Isbedelkan ayaa waxaa jagooyinkooda ku waayay illaa lix wasiir kuxigeenno oo ka mid ah golaha wasiirrada, iyadoo wasaaraha ay ka tirsan yihiin ay lahaayeen min laba wasiir ku xigeen.

Wasaaradaha labada wasiir ku xigeen lahaa ayaa waxay kala yihiin: Wasaaradda Garsoorka, Arrimaha Diinta iyo Awqaafta, Wasaaradda Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha, Wasaaradda Caafimaadka, Wasaaradda Kalluumeysiga, Kheyraadka Badda iyo Bay'ada, Wasaaradda Dastuurka iyo Dib u heshiisiinta iyo Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare.

Xukuumadda Dr/ Cweli Gaas oo shaqeynaysa muddo shan bilood ka badan ayaan lagu sameyn wax isbedel ah, iyadoo lagu sheegay isbedelkaan wuxuu imaanayaa iyadoo wasiirrada xukuumaddu ay dhawaan sharraxaad ka bixiyeen howlaha ay qabteen shantii bilood ee ay howsha hayeen.

Sidoo kale, waxaa lagu wadaa in wasiir u dowle loo magacaabay xafiiska ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, iyadoo ay noqonayso markii ugu horreysay oo xafiiskan uu yeesho wasiir u dowle tan iyo bartamihii sannadkii hore oo xukuumaddu ay billowday howlaheeda.

War ay Somgov ka heshay xafiiska ra'iisul wasaaraha ayaa lagu sheegay inaan wax isbedel ah lagu sameyn doonin golaha wasiirrada, lamana oga xilalka loo magacaabi doono wasiir ku xigeenada howlahooda waayaya.

Isbedelka lagu sameynayo golaha wasiirrada ayaa lagu wadaa inuu maanta dhaco sida ay noo xaqiijiyeen xubno ka tirsan dowladda KMG ah ee Soomaaliya, balse dib ayuu ugu dhici karaa maalmaha soo socda.

Xukuumadda Dr C/weli Gaas ayaa laga sugayaa inay ku fuliso howlo badan oo uu ka mid yahay qoraalka dastuurka iyo meel-marinta Roadmap-ka oo looga gudbayo xilliga KMG ah muddada yar ee u harsan oo ku eg bisha Ogoosto ee sannadkan.

Diyaaradaha dagaalka Kenya oo duqeeyay deegaanka Buulo Xaaji iyo isbitaalkii ugu weynaa ee Shabaabka ay ku lahaayeen degmada Jilib

khamiis January 19, 2011 (Somaligov Portal News) :

Waxaa soo kordhaya qasaaraha ka dhashay duqeymo diyaaradaha dagaalka ciidamada Kenya u geysteen xaruntii ugu weyneyd ee isbitaalka degmada Jilib ay ku lahaayeen ciidamada ururka Al-Shabaab, halkaasi oo ay ku geeriyoodeen ilaa iyo iminka inta la xaqiijiyay ilaa sodon ka tirsan dagaalyahanada Shabaabka.

Ilaa laba diyaarad ayaa weeraray isbitaal ku yaala degaanka Buulo Xaaji oo ka tirsan degmada Jilib, isbitaalkaasi oo ahaa midkii ugu weynaa ee ururka Al-Shabaab uu ku daweyn jiray dagaalyahanada ajnabiga ah ee ururka Al-Qaacida iyo kuwa ururka Al-Shabaab.

Sida ay sheegayaan warar lagu kalsoon yahay oo naga soo gaaraya degmada Jilib ayaa xaqiijinaya in diyaaradaha soo weeraray isbitaalkaasi ay dhowr gantaal ku dhufteen qeybaha isbitaalkaasi uu ka kooban yahay, kaasi oo intiisa badan burbur xoog leh soo gaaray.






XAFIISKA MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA

OFFICE OF SOMALI PRESIDENT (0SGCC)



khamiis January 19, 2011 (Somaligov Portal News) : Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Mudane Shiikh Shariif Axmed ayaa weaxuu maanta nasiib darro ku tilmaamay inay maamul iska galayaan heeshyo shirkadeed ayagoo aan soo marin Golaha shacabka Somaaliya iyo Dowladda Soomaaliya si ay u aragto danta ugu jirta shacabka Soomaaliyeed ee shirkadaha tuugada ah loo soo kiraystay inay qodaan sallid.


Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Mudane Shiikh Shariif Axmed ayaa waxuu amar ku bixiyey inay joojiso qodista shidaalka shirkadda lagu magacaabo African oil Corp taasoo si sharci darro ah uga qodaysa dalka Soomaaliya shidaal aynan ansixin Dowladda Soomaaliya iyo Golaha Shacabka Soomaaliyeed.


Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Mudane Shiikh Shariif Axmed waxuu intaas ku daray inuu dacwad deg deg ah ka gudbinayo shirkaddan African oil Corp iyo dadka si cad u jabiyey sharciga dalka Soomaaliya u dhiga kaasoo aan marnaba meel laga marayn.


Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Mudane Shiikh Shariif Axmed ayaa waxuu raaciyey inuu ka diiday duulaankii qaldanaa ay Dowladda Kenya ku soo qaaday Soomaaliya asagoo sheegay wax alaale wxiii ay Kenya ka gaysato gudaha Soomaaliya inay masuul ka yihiin Ra'iisal Wasaaraha Dr. Cabdiweli M, Gaas iyo Afhayeenka Dowladda Soomaaliya Eng, Yariisoow kuwaasooo si sharci darro in Soomaaliya lagu soo weeraro dalka gudihiisa meeshaasoo dad rayid ah loogu dilayo ilaa iyo hadda.


Waad Mahadsan Tihiin


Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Mudane Shiikh Shariif Axmed





Virginia: khamiis January 19, 2011 (Somaligov Portal News) : SafiirkaSoomaaliya u fadhiya QM Cilmi Axmed Ducaale oo la hadalay wakaaladda wararka ee  AP ayaa sheegay in muwaadin Soomaaliyeed oo lagu maxkamadeynayo dalka Maraykanka aysan ahayn wax sharciga waa faqsan.


Max’ed Shiibin oo ah Muwadinka Soomaaliyeed oo lagu Maxkamadeeynayo dalka Maraykanka gaar ahaan Gobolka Virginia ayaa lagu eedeeynayaan arrimo ku aadan dambiyo burcad badeednimo iyo afduubka maraakiibajnabi ah kuwaasi oo marayay badweynta India.


Mr. Shiibin ayaa ciidamada Maraykanka waxa ay ka soo qabteen xeebaha dalka Soomaaliya gaar ahaan xeebaha Maamul goboleedka Putland sanadkii la soo dhaafay.


Ambassador Ducaale ayaa dhaliilay Maxkamadeynta Muwadinkan Soomaaliyeed, isagoo sheegay in aysan waa faqsanayn xeerka u yaala dalka Soomaliya iyo qaanuunada caalamiga ah, taas oo ah in muwadin laga soo qabtay dalkiisa lagu Maxkamadeeyo dal kale.


Safiirka Soomaaliya u fadhiya Maraykanka Ducaale ayaa dalbaday in Muwaadinkaan dib loogu celiyo dalkiisa, kadibna halkaasi lagu maxkamadeeyo taasina ay tahay habka kali ah ee lagu qanci karo, maxkamadeeyntiisuna  ay ku noqon karto mid cadaalad ah.


Gobolka Virginia ee dalka Maraykanka ayaa waxa ku xiran sadax Muwadin oo Soomaali ah sida la sheegay kuwaas oo loo heysto falal isugu jira bucad badeed iyo argagixisinimo taas oo uu Maraykanku sheegay in la soo taagi doono Maxkamad.


Arbaco December 18, 2011 (Somaligov Portal News) :

Ra’iisul wasaaraha DKMG ah ee Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali ayaa Muqdisho kula kulmay madaxweynaha maamulka Awdal State, Avv. C/rashiid Ow-nuur Xirsi iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar ku jooga magaalada Muqdisho.

Kulanka dhexmaray wafigan oo xubnihiisu ay ka mid yihiin wasiirka arrimaha dibada iyo xiriirka caalamiga ee maamulka Col. Xasan Xuseen Riiraash ayaa wuxuu ka dhacay xarunta madaxtooyada Soomaaliya waxaana ka qaybgalay xubno ka mid ah dowladda Soomaaliya sida wasiir-u-dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda ee DKMG ah, Prof. Xaamud Cali Maasheeye, danjire Maxamuud Ismaaciil iyo danjire Cumar Carab.

Madaxweynaha Awdal State mudane C/rashiid iyo ra'iisul wasaaraha DKMG ah ee Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali ayaa kulanka uga hadlay arrimo ayka mid tahay xoojinta iyo taageerada midnimada ummadda Soomaaliyeed iyo gacan-siinta wadjirka Soomaaliya.

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya waxay isla soo qaadeen sidii loogu taageeri lahaa ismaamul goboleedka Awdal State dhinacyada hirgalinta iyo dar-dar galinta sidii loo taageeri lahaa maamulkan oo matala shacabka ku nool gobolka Awdal, iyadoo Dr C/weli uu ka maahdceliyay booqashada wafdigan iyo sidoo kale ka shaqeynta ay ka shaqeynayeen xoojinta dmidnimada Soomaaliya oo muqadas ah.

Labada dhinac waxay sheegeen inaysan ummadda Soomaaliyeed kala go'i karin oo ay waajib tahay in la ilaaliyo midnimada iyo wadajirka dadka iyo dalka Soomaailya lana taageero DKMG ah ee dalka ka jirta.

Ugu dambeyn, madaxweynaha maamul goboleedka Awdal State ayaa uga  mahad-celiyay ra'iisul wasaaraha Soomaaliya qaabilaadda uu qaabilay  wadiga Awdal State ee Muqdisho ku sugan.

Wafdigan oo Muqdisho soo gaaray dhowr casho ka hor ayaa waxay kulammo la yeesheen wasiirro ka tirsan dowladda KMG ah iyadoo kulankan uu  noqonayo kii ugu horreeyay oo ay la yeeshaan mas'uul ka tirsan dowladda  KMG ah ee Soomaaliya

Arbaco December 18, 2011 (Somaligov Portal News) : Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya oo magaalada Geneva ee dalka  Swaziland   uga qeyb galaya shirka hey’adda Caafimaadka aduunka ee WHO kaasi oo looga hadlayo xaaladdaha caafimaad ee dalalka caalamka.

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya mudane Dr. C/casiis Sheekh Yuusuf oo wareysi siiyay Radio Muqdisho ayaa sheegay in shirkan hey’adda Caafimaadka aduunka ee ka socda magaalada Geneva ee dalka Swaziland   uu socon doono muddo Todobaad ah isla markaaba looga hadlayowax ka qabashada xaaladda caafimaad dalal ay Soomaaliy ku jirto.

Sidoo kale waxa uu xusay wasiirka Caafimaadka in ay ka soo qeyb galeen  shirka 32 xubnood oo ah fulinta isla markaana ay Soomaaliya qeybka tahay, isagoo intaa ku daray, in dalalkii shirka ka soo qeyb galay uu kala hadlay xaaladda Caafimaad ee Soomaaliya iyo sidii ay gacan ballaaran uga geysan lahaayeen.

Dhinaca kale Dr. C/casiis Sheekh Yuusuf ayaa tilmaamay in uu kala hadlay masuuliyiinta hey’adda WHO  sidii loo yareen lahaa dhaqaalaha badan ee ku baxa xafiiska WHO ee Soomaaliya oo aan sidii loogu  tala galay wax loogu qaban Soomaaliya.

Ugu danbeyntii wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in ay jiraan shaqaale badan oo Ajaanib ah isla markaana  ka howlga xafiiska WHO ee Soomaaliya, isagoo carabka ku adkeeyay in arrintaasi aanu aqbali doonin.




Washington: Arbaco December 18, 2011 (Somaligov Portal News) : Dowladda Eretria ayaa waxa ay sheegtay mar kale in xalka Soomaaliya uusan ku jirin fara falin siyaasadeed.

Safiirka Dowladda Eritrea u fadhiya Qaramada Midoobay Araya Desta ayaa sheegay in dalkiisa uu sax u arko warbixinta hor dhaca ah oo ay shalay soo saareen Kooxda Kormeerka Q.M u qaabilsan wadamada Somaliya iyo Eritrea, taas oo sheegaysay in aan cadeeyn loo heyn in Asmara ay hub siisay Xarkadda Al Shabaab Sanadkii la soo dhaafay.


Mr. Desta ayaa u sheegay Golaha Amaanka Q.M in cunaqabteenta ay Eritrea ku soo rogeen ay tahay mid aan xaqiiqda jirta ku salaysneen, waxaana uu Q.M ugu baaqay in cunaqabateentaas laga qaado Dalkiisa.


Safiirka Eritrea u fadhiya Q.M ayaa sidoo kale sheegay in xaaladda Soomaliya aan lagu xalin Karin faragalin Milatari balse loo baahan yahay in dhinacyada Soomalida la isku madaxbaneeyo  si ay u wada hadlaan.


“Waligayn uma aanan helin waqti ama xaalad oo aan ku taageerayno Al shabaab ama koox kale oo somaliya ku sugan maxaa yeelay taasi waxa ay ka soo horjeedaa mowqifkeena siyaasadeed,  waxaana rumaysanahay in xalka Soomaaliya uusan ku jirin faragalin milatari laakiin Soomalida la siiyo fursad kaligood ay uga doodaan arimahooda” sidaasi waxa sheegay Araya Desta safiirka Dowladda Eritrea u fadhiya Qaramada Midoobay.


Bishii November Sanadii aynu soo dhaafnay Dowladda Kenya ayaa ku eedeeysay in Eritrea ay diyaarad hub sida ay ka dajisay Magaaladda Baydhabo ee Koofurta Soomaliya halkaasi oo ay gacanta ku hayaan Ururka Al Shabaab .


Dowladda Eritrea ayaa marar badan ku cel celisay iska fogeeynta eedeeymaha loo soo jeedinayo ee ah in ay taageerto Xarakada Al Shabaab taas oo ay wadamada Gobolka sheegeen in ay carqalad ku hayso xasiloonida Somaliya iyo Gobolka.


Si kastaba Sanadii la soo dhaafay ayey sidoo kale ahayd markii golaha amaanka Q.M ay cunaqabateen adkeeyn ah dul dhigeen Eritrea taas oo lagu heystay in ay taageerto Xarakadda Al Shabaab.


Arbaco December 18, 2011 (Somaligov Portal News) : Madaxweynaha Janhuuriyadda Soomaaliya ayaa boggaadiyay dadaalka hey’adda Nabad
Sugidda qaranka, isagoo dhan kale ugu baaqay in Nabad Sugidda lagu  baahiyo gobollada dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Sooomaaliya mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo shalay ka hadlay munaasad uu xarigga uga jarayay xarunta Nabad
Sugidda gobolka Banaadir ayaa boggaadiyay howllaha ay hey’adda ka wado gobolka Banaadir, isoogona sheegay in ay hormar sii sameeneyso

Sidoo kale waxa uu xusay madaxweynaha in shacabka Soomaalilyeed ay dareemeen dadaalka  lagu xoojinayo ammaanka ee magaalada Muqdisho kaasi oo ya wado hey’adda isla markaana ay kalsooni ballaaran lagu qabo howlkarnimada Nabad Sugidda qaranka.

Dhanka kale madaxweyne Shaiif ayaa tilmaamay in hey’adda looga baahan sidii ay Nabadda u gaarsiin lahayd dhammaan gobollada dalka si shacabka Soomaaliyeed ay ugu nastaan falalkii iyo agagixii malleeshiyaadka Al-Shabaab.

Waxa uu hoosta ka xariiqay in hey’adda ay soo martay marxaladdo kala duwan, isagoo intaa ku daray in ay Nabad Sugidda ay tahay Lafdhabarka hey’addaha ammaanka dowladda Soomaaliya, maadaama ay ka soo dhallaashay doorkii loo igmaday.

Hey’adda Nabad Sugidda qaranka ayaa maalmahan waday dadaal dheeri ah oo ku aadan sidii looga hortagi lahaa dhammaan falalka amni darrada ee ay magaalada Muqdisho la damacsan yihiin malleeshiyaadka Al-Shabaab.


Talaado December 17, 2011 (Somaligov Portal News) : Xukuumadda KMG ah ee  Soomaaliya ayaa sheegay in ay ka xuntahay khasaaraha ka soo gaaray dadka rayidka ah duqeynta diyaaradaha ciidammada Kenya ay ka
geysteen degmada Jibil ee gobolka Jubbada Dhexe ayagoo si sharci darro ah u ogalaaday inay Dowladda Kenya duqayso magaallooyin ay dad Soomaali ag degan yihiin.

Afhayeenka Xukuumadda KMG Soomaaliya Eng. C/raxmaan Cumar Cismaan “Yariisoow” oo wareysii siiyay Radio Muqdisho ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay si aad ah ugu faraxansan tahay dhibaatada ka dhacday degmada Jibil ee gobolka Jubbada Dhexe, isagoo intaa ku daray in ay arrintaasi Dowladda Soomaaliya wada haddal kala leedahay Dowladda Kenya si sharci darro ah in loo sii duqeeyo magaallooyin kale oo dalka gudihiisa ah.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay Afhayeenka Xukuumadda, in khasaaraha soo gaaray muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ay waxyeelleeyeen diyaarahada  dagaalka ee ciidammada Kenya, in ay ka midaysan yihiin isla markaana ay Dowladda garab taagan tahay dadkaasi oo ay siineyso Magdhow wixii ka soo hara marka dalka laga saaro dhammaan Ummadda degan goobahaas.

Eng. Cabdiraxmaan Yariisoow ayaa hoosta ka xariiqay in Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Dr. Cabdi Weli  uu kulan ku aadan sidii Dowladda Kenya ay cadeyn lahayd qadiyada ku aadan duqeymaha kala yeelanayo Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Kenya, isagoo tilmaamay inay Dowladda raali ka noqon doonto khasaare soo gaaro shacabkeeda.

Ugu dembayntii ayuu sheegay in Dowladda Soomaaliya iyo Kenya ay ka mideysan yihiin la dagaallanka Al-Shabaab oo ay xoojinayaan sidii loogaguuleysan lahaa, waxa uuna intaa ku daray in dhawaan arrintaasi la soo afjari doono asagoo og inuu kamid yahay dadka sida qaldan u ogolaaday dadka Soomaaliyeed in lagu duqeeyo magaalooyinkooda.

Waa tuug kamid ah tuugadda sharciyeysay inay Dowladda Ethiopia Iyo Kenya ay shacabka Soomaaliyeed soo weeraraan ayagoo meelo khaldan ku garaacaya madaafiic waaweyn oo ay soo ridayaan diyaaradaha dagaalka ee Kenya. Haddii loo baahan yahay in laga adkaado Al-Shabaab iyo Al-Qaaciida waxaa lagu la dagaalami karaa dhulka fool ka fool maxaa shacabka loo baabi'inayaa!

Ummadda Soomaaliyeed aad iyo aad ayeey uga xun tahay waxa ay samaynayaan khaa'inul waddaniyiintan ku wada sifooway tuugnimo iyo musuqmaasuq.

Taleex: Talaado December 17, 2011 (Somaligov Portal News) :

Taleex

Taleex

Taleex ayaa looga dhawaaqay maamul goboleed loo bixiyay Khaatumo.

Maamul goboleedkan ayaa waxaa ku dhawaaqay shir  beeleed ay isugu yimaadeen dhowr boqol oo ergay oo dalka gudihiisa iyo  dibaddiisa ka yimid.

Maamulku wuxuu yeelan doonaa Golaha Duqeyda, Golaha Wakiillada iyo Wasiirro ay  Madax u yihiin saddex Madaxweyne oo ku wada jira Golaha Madaxtooyada.

Saddexda Madaxweyne midba mar ayuu xilka heynayaa oo waa meerto.

Khaatumo xaggey ka talin


Ali Khaliif Galaydh

Galaydh ayaa ka mid ah dadka shirka ka qeyb gelaya.

Waxaa loogu tala galay in uu ka taliyo gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn oo intooda badan ay hadda gacanta ku hayso  Jamhuriyadda iskeed isu taagtay ee Somaliland.

Waxaa kale oo degaannaadaas sheegata dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Labada maamul midkoodna raalli kama aha shirka Taleex go'aankaas uu gaaray.

Somaliland waxay ku tilmaantay in uu yahay shir ay dad dibadda ka yimid horboodayaan, ka dibna ay dibadda ku laaban doonaan.

Dadka ay Somaliland ka yara didsan tahay ee shirka ka qeyb gelaya waxaa ka mid ahaan kara, Cali Khaliif Galaydh, oo hore Ra'iisal Wasaare uga ahaan jiray Soomaaliya.

Wuxuu dhex fadhiyaa shirka isaga oo shaarka jeebkiisa ay ugu dhegsan tahay calamaadda shirka oo calanka Soomaaliyana ka mid yahay.

Somaliland waxay u aragtaa in shirkana wiiqi karo isku daygeeda ah in loo aqoonsado dal iskiis u madax bannaan oo aanka tirsanaeyn Soomaaliya.



Wafdi uu hoggaaminayo wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u  qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Dr. Augustine Mahiga oo shalay soo gaaraymagaalada Muqdisho ayaa  kormeer ku sameyay xafiisyada Qaramada Midoobay looga furayo Muqdisho.

Dr. Augustine Mahiga iyo xubnaha la socday ayaa waxa ay soo kormeereen xarunta ugu weyn ciidammada Midowga Afrika AMISOM ee Xalane, si uu ugu kuurgalo suurtagalnimada in xafiisyada Qaramada Midoobay halkaasi laga furi karo.

Ergeyga xog hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa waxa uu haatan kulamo la leeyahay madaxda dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.

Dabayaaqadii sanadkii tegay ayay ahayd markii Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon uu Muqdisho booqasho ku yimid, isagoo shaaca ka qaaday in xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan siyaasadda Soomaaliya ee UNPOS bisha January laga furi doono magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Oo Maanta Xarigga Ka Jaray Xarunta Nabad Sugidda Gobolka Banaadir”DAAWO SAWIRRADA”












































New York:  Moqdisho: Talaado December 17, 2011 (Somaligov Portal News) : Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dowladda Eretria aysan diyaarado hub sida ka dajin Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Bay.


Warbixin horudhac ah oo ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in dowladda Eritrea aysan diyarado hub sida u dirin Xarakada Al Shabaab dhamadkii sankii aynu soo dhaafnay markaas oo la sheegay in diyaarad dagaal oo hubsiday ay ka dagtay Magaalada Baydhabo oo ay gacanta  ku hayaan Xarakada Shabaab.


Dowladda Kenya ayaa ku eedeeysay Bishii November Eritrea inay hub farabadan siisay Xarakada Al Shabaab oo la sheego inay xiriir la leedahay Ururka Al qaacidda islamarkaana dagaal kula  jirta dowladda KMG Somaaliya AMISOM iyo ciidamda Kenya ee ku sugan Koofurta Soomaliya.


Xukuumadda Eritrea ayaa dhankeeda marar badan ku cel celisay iska fogeeynta ee deeymaha ay Kenya u soo jeedinayso, iyadoo sheegtay inaysan Cadaw ku ahayn dalka Kenya.


“Kooxada kormeerayaasha ayaa qiimeyn horudhac ah oo ay sameeyeen oo ku aadan wararka sheegeya in Eritrea ay hub u dirtay Magaalada Baydhabo  oo ay ka taliyaan ay gabi ahaamba been abuurtahay”sidaasi waxa lagu sheegey warbixin ay soo saareen kooxda koormeerayaasha cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya.


Saraakiil Kenyan-ka ah ayaa sheegey in beeninta Eritrea aysan aheyn mid ku filan arintaan laakiin loo baahan yahay inay cambaareyso Talaabooyinka Al Shabaab ee ka fulinayaan gudaha Soomaliya.




Moqdisho:
Talaado December 17, 2011 (Somaligov Portal News) :
Hay’adda Culumada Soomaaliyeed ayaa waxa laga xumaado ku tilmaamay iska horimaadka Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ku dhexmara Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya.

Gudoomiyaha Hay’adda Culumada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay inay aad ugu xun yihiin iska horimaadka Ciidamada dowladda ku dhexmara Magaalada Muqdisho taasi oo uu sheegeen in mar waliba uu qasaaro kasoo gaaro dadka rayidka ah.


Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa ugu baaqay Hay’adaha ammaanka dowladda KMG ah inay wax ka qabtaan kooxaha ku labisan dareeska Ciidamada dowladda ee falalka ammaan dari ka wada Magaalada Muqdisho.

Hadalkaani ayaa kusoo aadaya, iyadoo maalmihii u dambeeyay Ciidamo ka wada tirsan  dowladda KMG  uu iska horimaadyo gaystay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ku
dhexmarayay qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho taasi oo ay walaac xoogan ka muujiyeen dadka rayidka ah ee ka agdhow goobaha uu iska horimaadka ku dhexmaro
Ciidamadaasi.




Moqdisho:
Talaado December 17, 2011 (Somaligov Portal News) :
Kulankaani oo ahaa mid 3-geesood ah islamarkaana uu soo qaban qaabiyay Isbahaysiga Nabadda Soomaaliya ayaa maanta waxa uu ka dhacay Magaalada Muqdisho kaasi oo looga soo horjeeday Maamulka Somaliland iyo dhibaatooyin ay sheegeen inay ku hayaan dadka ku nool deegaanada uu ka taliyo, iyadoo sidoo kale lagu taageerayay Maleeshiyo beeleedkii shalay dagaalka kula galay Somaliland Magaalada Buuhoodle ee gobolka Togdheer.

Gudoomiyaha Isbahaysiga Nabadda Soomaaliya C/laahi Sheekh Xasan oo ugu horeyn kulanka furay ayaa waxa uu sheegay in dadka ku dhawaaqay Maamulada ka madaxa banaan Somaliland ay ugu hambalyeynayaan sida wanaagsan oo ay Calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya utaageen, isagoo ugu baaqay Maamulka Somaliland inaysan caburin rabitaanka
shacabka sida uu hadalka u dhigay.


Sidoo kale kulankaasi ayaa waxa ka hadlay Dr.Rashiid Ow-nuur oo ah Madaxweynaha mid ka mid ah Maamul goboleed loogu dhawaaqay deegaanada Maamulka Somaliland oo lagu magacaabo Owdal-Sate, wuxuuna sheegay inaysan raali ka noqon doonin in dalka Soomaaliya la kala goo gooyo ayna go’aan ku qaateen sida uu sheegay inay ka go’aan Somaliland, iyagoo ilaalinaya Calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya.


 Maalmihii dambe ayaa deegaanada Maamulka Somaliland waxa ka jiray Maamul goboleedyo kala duwan oo loogu dhawaqayo kuwaasi oo Maamulka Somaliland uu ku tilmaamay inay yihiin kuwa lagu carqaladeynayo jiritaanka Maamulkoodu.


Moqdisho: Isnin December 16, 2011 (Somaligov Portal News) : Taliskaciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa uga Tacsiyeeyay dhammaan Ciidammada qaranka Soomaaliyeed, shacabka iyo ehelladii uu ka geeriyooday Allaha u Naxariistee Abaan duulaha ciidammada Badda Soomaaliya oo shalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday.

Abaan duula ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed general C/kariin Yuusuf Aadan “Dhaga badan” oo saakay la hadlay Radio Muqdisho ayaa Tacsiku aadan geeridii Naxdinta lahady ee ku timid abaan duula ciidammada Badda Soomaaliya u diray dhammaan ummada Soomaaliyeed iyo ciidammada qaranka.

Sidoo kale General Dhaga badan ayaa si gaar ah ugu Tacsiyeeyay ehelladii uu ka geeriyooday iyo ciidammada Badda Soomaaliyeed General Maxamed Abuukar oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Waxa uuna Alle uga beryay inuu Naxariistii Janno ka waraabiyo ehelladii iyo qaraabadii uu ka baxayna uu Samir iyo Iimaan ka siiyo.





Moqdisho: Isnin December 16, 2011 (Somaligov Portal News) : Madaxada sar sare ee dowladda KMG Soomaaliya kuna jira gudiga amniga qaranka ee dowladda KMG Soomaaliya ayaa sheegay in ay ka qeyb qaadanayaan sidii loo joojin lahaa xiisadaha iyo dagaalada ka soo cusboonaaday degmada Buuhoodle.


 Aqriso Warsaxaafadeed

 

Kulankii caadiga ahaa ayaa  maanta waxaa isugu yimid Guddiga Amniga Qaranka iyadoo looga hadlay xaaladda amni ee dalku ku suganyahay iyo gaar ahaan dagaalada ka dhacay magaalada Buuhoodle ee gobolka Sool meeshaasoo tuugada Maamulka Somaliland ay ku soo qaadeen dad dhisanaya maamul kamid noqda maamulladda maalmahan ku soo baddanaye dalka Soomaaliya.


Waxaa shir gudoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed isla markaana ay kasoo qeyb galeen Gudoomiyaha Baarlamaanka, Mudane Madoobe Nuunoow Maxamed Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Mudane Dr. Cabdiweli Cali Gaas, Wasiiru dowlaha Gaashaandhiga iyo Wasiir Ku xigeenka Arimaha Gudaha iyo Amniga
Qaranka iyo Taliyayaasha Ciidanka & Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir ayaa waxay ku tilmaameen wax laga xumaado dagaalki maanta ka dhacay Magaalada Buuhoodle.


Warbixino iyo dood dheer ka dib guddiga:



1. Wuxuu walaac ka muujiyay dagaaladii maanta ka dhacay degmada Buuhoodle ee Gobolka Sool, halkaasoo ay ka dhaceen dhibaatooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac


2. Wuxuu u tacsiyadeynayaa eheladii ay ka baxeen dadka geeriyooday asagoo dhinaca kalana u rajaynaya dhaawaca in illaahay ka kiciyo dhibaatada gaartay.


3. Wuxuu baaq nabadeed usoo jeedinayaa dadka dega deegaanka ku waasoo wadaagga xiriir iyo dhaqan soo jireen ah


4. Xiriirkaas wuxuu u baahanyahay in lagu ilaaliyo nabad lagana fogeeyo xumaanta & dagaalada, waxaan hubnaa inaysan cidna dan ugu jirin gacan ka hadal iyo fidno ka dhex abuuranta bulshada walaalaha ah ee deegaanka.


Sidaas awgeed, wuxuu guddigu ku baaqayaa in si deg deg ah oo aan wax shuruud ah laheyn loo joojiyo gacan ka hadalka iyo shidada, laguna xaliyo wax kastoo khilaafaad ah Wada hadal laguna gaaro is afgarad walaaltinimo. Waxaanu u sheegaynaa inay Maamulka Somaland wadaan qas iyo qasab siyaasaddeed ayagoo soo ogaaday inay Soomaalya ay tahay Soomaaliya.



Ugu dambeyntii, Dowladda Federaalka KMG ah waxay diyaar u tahay in ay gacan ka geysato wax kasta oo lagu soo celinayo nabadda iyo walaaltinimada soo jireenka ah ee bulshada deegaanka.

Wasaaradda Gaashaandiga

Dowladda Soomaaliya



Moqdisho: Isnin December 16, 2011 (Somaligov Portal News) :Sarkiil ka tirsan ciidamada booliiska ayaa maanta tababar socon doona muddo Sadex bilood ah looga furay dugsiga Gen. Kaahiye ee magaalada Muqdisho.

Munaasabaddii furitaanka tababarkaasi oo ka dhacday dugsiga Gen Kaahiye ayaa waxaa  ka qeybgalay wasiir ku xigeenka wasaaradda arimaha gudaha ahna kusumaha wasiirka C/xakiin Cige Guuleed, agaasimaha guud ee wasaaradda Bashiir Maxamed Jaamac, Taliayaha ciidamada booliiska S/guutoShariif Sheekhunaa Maye iyo saraakiil kale oo ka tirsan booliiska.

Saraakiisha tababarka loo furay ayaa ah 70 kuwaas oo muddo Sadex bilood ah qaadan doona tababar ciidan oo dheeraad ah iyadoo casharada ay bixin doonaan qubaro ciidan oo ka tirsan booliiska iyo Amisom.

Mas’uuliyiintii halkaasi ka hadashay ayaa dhamaantood muujiyay sida ay ugu faraxsanyihiin tababarkan maanta loo furay saraakiisha booliiska ah iyagoo kula dardaarmay in ay ka faa’iideeystaan casharada iyo aqoonta ay tababarka ku qaadan doonaan.

Arintan ayaa qeyb ka ah dadaalka ay dowladdu ugu jirta sare u qaadida aqoonta iyo tayada ciidamada booliiska si ay ugu sahlanaato gudashada  howlaha amaanka ee loo igmaday.




Moqdisho: Isnin December 16, 2011 (Somaligov Portal News) : Qaramada Midoobay ayaa waxa ay sheegtay in 10 kun oo Soomaali ah ay halis ugu jiraan in ay abaar u geeriyoodaan.


U qaabilsanaha Qaramada Midoobay dhinaca  bini ‘adanimada  mark Bowden dhan ayaa waxa uu walaac ka mujiyay dadka  wali ku dhibaataysan gudaha dalka Somalia ku waasi  oo isugu darsameen abaaraha iyo dagaalada ka  socda dalka Somalia.


Mark Bodwen  ayaa waxa uu tibaaxay  in 10 kun  oo Somalia ay   qarka u saaran yihiin geeri  kuwaasi  oo ay saamaysay  abaarta iyo macaluusha wali baaqiga kusii ah dalka Soomaaliya gaar ahaan dadka ku sugan xerooyinka barakacayasha.


U qeybsamaha bini’aadanimada  QM ee dalka Somalia ayaa dhinaca kale sheegay  inay dhibaatadu sii socon  karto hadaan wax laga qaban ila 6-da bilood  ee soo socota, waxaana uu intaa sii raaciyay in lasii wado gar garka lasiinayo dadka ku dhibaataysan dalka Soomaaliya inta  laga gaarayo bilaha July iyo august oo la filayo in ay roobabku da,aan dadkuna ay tacbadaan dalaga beeraha.


Ugu dambeyntiina Mark Bowden uqeybsamaha ayaa waxa uu sheegay in dadka ugu badan ee ay saamaysay dhibaatada ka jirta  dalka Somalia iyo macluushu ay  tahay caruurta taasoo noqonaysa cel celis ahaan 50/%.


Oman: Axad December 15, 2011 (Somaligov Portal News) : Wararka ugu dambeeya ee naga soo gaaraya degmada Buuhdoole ee  gobolka Cayn ayaa sheegaya in ciidamada maamulka Somaliland ee saaka qabsadey magaalada laga saarey, iyadoo dagaal culus uu ka dhacay saacado ka hor gudaha iyo daafaha Buuhoodle.

Laakiin dadka deegaanka iyo ciidamo gurmad ah oo ka yimid deegaanada SSC ayaa guluf weerar ku ekeeyey goobihii ay ku sugnaayeen ciidamada Somaliland taasi oo keentey in lagu qasbo ciidamada Somaliland inay ka baxaan magaalada waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawac ka dhashay dirirtan colaadeed ee ka aloosna deegaankaasi.

Warkan oo faahfaahsan kala soco SBC goor insha ALAAH.



Ciidamada Somaliland oo Xabsiga dhigay Weriyayaal dibadbax ka dhigaayay Magaalada Hargeysa.
Oman: Axad December 15, 2011 (Somaligov Portal News) :Boqolaal Weriyeyaal ah oo ka howlgala Jamhuuriyadda Somaliland ee gobolka W/Galbeed Soomaaliya isla markaana ka bannaanbaxayay xariga loo geystay Telefishanka HorncapleTV ayaa ciidamada Booliska Somaliland waxay dhigeen xabsiga magaalada Hargeysa.

Weriyayaashaan oo socod dheer ku marayay waddooyinka waaweyn ee magaalada Hargeysa ayaa sitay boorar ay ku muujinayaan shucuurtooda ku  aadan tacadiga Dowladda Somaliland u geysatay Telefishanka HorncapleTV.

"Ma dooneyno in la afqabateeyo saxaafadda xorta ah, waxaana Dowladda Somaliland ka codsaneynaa inay dib uga laabato go'aanka ay ku xirtay Telefishanka Horncaple TV" ayay ku qeylinayeen weriyayaasha iyagu maanta ka qeyb galay dibadbaxa looga horjeedo shaqo lagu sameeyay Telefishankaasi.

Weriyayaasha dibadbaxyada ka dhigay magaalooyinka waaweyn ee dhulka ay maamusho Somaliland ayaa waxaa ka mid ah ururrada u dhaqdhaqaaqa saxaafadda xorta ah ee Somaliland, iyadoo mas'uuliyiinta ay Boolisku xireen uu ka mid yahay Guddoomiyaha ururka Suxufiyiinta Somaliland, kaasi oo markii dambe la sii daayay.

Dhinaca kale Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Hargeysa waxa uu sheegay in Weriyeyaasha xaqooda helayaan marka ay dhowraan xaqa dadka iyo dalka Somaliland, taasi oo uu sheegay in hay'adaha warbaahinta ka howlgala Somaliland qaarkood ay ku  xadgudbeen madax bannaanida iyo sharciga Saxaafadda xorta ah.


Oman: Axad December 15, 2011 (Somaligov Portal News) : Kooxaha burcad badeeda Soomaalida ayaa siidaayey 21 shaqaale ah oo u dhashay dalka Hindiya iyo markab ay
ku haysteen mudo ka badan shan bilood, sida ay shaaciyeen masuuliyiin ka tirsan dawlada Hindiya.

Markabka la siidaayey oo lagu magacaabo MV Fairchem Bogey wuxuu ahaa maraakiibta xambaara kiimiada iyadoo aan la sheegin qaabka lagu siidaayey, balse ay u badan tahay in lacag
madaxfurasho ah la siiyey shufto badeeda Soomaalida, oo aalaba u afduubka maraakiibta inay ka helaan madaxfurasho.

“Dhamana shaqaalaha 21-ka & markabka ay saarnaayeen oo bad qaba ayaa la siidaayey, waxaana uu ku sii jeeda  dekad amaan” sidaasi waxaa yiri S.B. Agnihotri oo ah agaasimaha
wakaalada maraakiibta Hindiya oo saxafiyiinta kula hadley magaalada Mumbai.

Markabkan ayaa la siidaayey shaley galinkii dambe iyadoo siideyntiisu ay sidoo kale ku soo aadayso iyadoo la siidaayey markab laga leeyahay Talyaaniga bishii hore kaasi oo ay  haysteen burcad badeedu 10-kii bilood ee la soo dhaafay, waxaana saarnaa 22 shaqaale Hindi ah.


Oman: Axad December 15, 2011 (Somaligov Portal News) : Xoghayaha Shaqada iyo shaqaalaha  ee ururka Saxafiyiinta qaranka
Soomaliyeed ee Nusuj ahna wakiilka TVga HCTv ee Bobolka Bari ee Dawlada
Puntland  mudane Axmad Maxamuud Maxamad Axmad Shaam ayaa cambaareeyay xarigii loo gaysatay shaqaale ka tirsan TV HCTV ee  xaruntiisa magaalada Hargaysa.

Axmad Shaam ayaa sheegaty in falka ay Somliland ku kacday ay tahay mid lagu caburinayo Saxaafadada madaxa banaan ee ka shaqaysa deegaanadaasi wuxuuna sheegay in isaga oo ku hadalaya magaca Ururka Nusuj uu si kulul u canbaareynayo falkaasi .

Xukuumada Somliland xariga ay saxafiyiinta kula kacaday maaha mid waafaqasan shuruucda Saxaafada madaxa banaan ee caalamiga .

sida uu noo xaaqijiiyay Axamd Shaam wariyaasha la xiray ilaa iminka waxa ay tiradood gaaraysaa ilaa 8 wariye oo dhamaantood TV HCTV ka hawlgalayey

Magacyada wariyaashuna waxay kala yihiin sidan

1.Nimco Sabriye

2.Xamse     Cali Bul Bul

3.Maxamad Guraase

4.C/diraxmaan SHEKH Yoonis

5.Ayaan Diiriye

6.Nimco Diiriye

7.Hodan Cali Cajabi

8.Safiyo SHekh

Shaqaalaahan ayaa dhamaantood Banaan bax nabadeed oo lagu dalbanayey in lafasaxo shaqadii TV-ga ka hor dhigayey aqalka madaxatooyada ee Somaliland waxaana ka dib ciidamada amaanku ay u taxaabeen xabsiga dhamaantood

Mar aan waydiinay Axmed Shaam sababaha loo xiray TV-ga HCTV ayuu sheegay
inuusan ogayn wax khalad ah oo TV sameeyay marka laga reebo warar
caadiya oo Tv siidaayo

Xalay ayey ahayd markii ciidamada amaanka ee Magaalada Hargysa ay Xireen Xuruntii uu TV HCTV kulaha Magaalada Hargay

Oman: Axad December 15, 2011 (Somaligov Portal News) :Wasiirka warfaafinta Dowlada  Soomaaliya C/qaadir Xuseen Maxamed ayaa kulan kula qaatay Wadanka CUmaan
dhigiisa dalkasi Xamed Bin Maxamed Alrashidi iyaga oo ka wada hadlay iskaashiga dhinaca warbaahinta ee labada dowladood.

Labada wasiir ayaa isla soo qaaday sida la iskugu xiri lahaa wakaaladaha wararka  ee Dalalka Soomaaliya iyo Dalka Cumaan islamarkaasina u kala warqaadan lahaayeen.

Kulanka Labada Masuul waxaa sidoo kale lagu soo qaaday iskaashiga iyo Caawinta suxufiyiinta Dalka Soomaaliya iyadoo dowlada CUmaan ay dhinaceeda sheegtay in wixii karaankeeda ah ay la garabtaagan tahay dalka Soomaaliya.

Wasiirada warfaafinta ee Soomaaliya iyo Cumaan ayaa dhacay ka dib markii uu soo dhamaaday kulan uu wasiirka Soomaaliya kaga qeybgalay wadanka cumaan oo ku saabsana Warbaahinta iyo horumarinteeda




Moqdisho: Axad December 15, 2011 (Somaligov Portal News) : Dagaalkaani  oo u dhaxeeya Ciidamada Maamulka Somaliland iyo Maleeshiyaad hubaysan ayaa waxa uu ka soconayaa Degmada Buuhoodle sida Idaacadda Shabelle ay u sheegeen dadka deegaanka ah oo ku sugan halkaasi.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in dagaalka uu yimid kadib markii Ciidamo ka tirsan Somaliland ay weerar kusoo qaadeen Maleeshiyaad sida la sheegay gacanta ku haya degmada kuwaasi oo taabacsan Shir beeleedka ka soconaya deegaanka Taleex ee gobolka Sool.

Labada dhinaca ayaa waxa ay isku adeegsanayaan hubka culus iyo  kan fudud, iyadoo dagaalkaasi uu sababay qasaaro dhimasho iyo dhaawac oo inta uu dhan yahay aan la’ogayn iyo sidoo kale barakac ay sameynayaan dadka kuwaasi oo qaarkood u barakacay deegaano kale.

Maleeshiyaadka oo la sheegay in gurmed ay ka heleen dhinaca deegaanka Taleex ayaa dagaalka ay kula jiraan Ciidamada Somaliland ayaa waxa uu imanayaa xilli Madaxweynaha Maamulka Somaliland Axmed Max’ed Max’ud Siilaanyo uu ku tilmaamay shir Taleex mid lagu carqaldeynayo Maamulkiisa oo aysan u dulqaadanayn.




Moqdisho: Axad December 15, 2011 (Somaligov Portal News) : Taliska Ciidamada badda Soomaaliya ayaa waxa ay sheegeen in Maraakiibta shisheeya ay xaalufin ba’an ku hayaan qeyraadka badda Soomaaliya.


Taliyaha Ciidamada badda ee dowladda KMG Soomaaliya Admiral Faaax Cumar (Faarax qarre) oo waraysi siiyay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in Xeebaha Soomaaliya xaalufin ba’an ay ku hayaan oo uu sheegay in Maraakiib shisheeye ay guranayaan qeyraadka badda islamarkaana ay ku daadinayaan suntan iyo waxyaabaha la midka ah.


Admiral Faarax Qarre ayaa waxa uu tilmaamay in Soomaaliya maadaama aysan laheyn awood ay isaga celiso Maraakiibta guraynaysa qeeraadka Badda, Caalamkana looga baahanyahay in Xeebaha Soomaaliya uu ka qabto Maraakiibtaasi.


Xeebaha Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in Maraakiibta shisheeya oo dagaalka ah kuwaasi oo la tilmaamay inay la dagaalamayaan Kooxaha burcad badeeda Soomaalida ah oo Caalamku sheegay inay halis ku yihiin dhqaalah aduunka.




Moqdisho: Axad December 15, 2011 (Somaligov Portal News) : Saraakiisha Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ee gobolka Gedo ayaa sheegay inay isku soo dhiibeen rag ka tirsan Al Shabaab.

Axmed  Max’ed Gaaciye oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ee Gedo oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay inay isku soo dhiibeen rag ka tirsanaa Al Shabaab oo gaarayay ilaa 5-ruux, isagoo tilmaamay inay kusoo wargaliyeen inta aysan kasoo goosan Xarakada Al Shabaab.


Sarkaalkaasi ayaa sheegay in Ciidamada dowladda KMGah  marar badan ay isku soo dhiibeen rag ka tirsan  Al Shabaab islamarkaana sheegay inay dhibaato ku hayeen shacabka ku dhaqan deegaanada gobolka Gedo, wuxuuna tilmaamay in dadkaasi iminka ay diyaar u yihiin inay la dagaalamaan Kooxda AL Shabaab, ayna garab siiyaan dowladda KMG ah.


Ma’ahan markii ugu horeysay oo ciidamo ka tirsan Xarakada Al Shabaab ay ka goostaan Ururkooda kadib markii Mas’uuliyiinta ugu sar sareysa dowladda KMG Soomaaliya ay ku wargaliyeen inay isku soo dhiibaan dowladda KMG ah si ay u helaan nolol kawanaagsan midda iminka ay ku jiraan.


Moqdisho: Sabti December 14, 2011 (Somaligov Portal News) : Taliska ciidammada AMISOM ayaa sheegay in sanadkan dadka ku nool gobollad ay  Al-Shabaab ku sugan yihiin ay la mid noqon doonaan shacabka reer  Muqdisho kadib markii howlgalka AMISOM ay ku soo biireen ciidammo hor leh oo ka socda dalalka gobolka.

Taliyaha ciidamada Nabad illaalinta Midoowga Africa ee ku sugan magaalada Muqdisho Fred Magusha oo ka hadlay is bedelka ka jira Magaalada Muqdisho ayaa tillmaamay in wixii ka danbeeyay markii laga saaray kooxda Shabaab magaalada Muqdisho ay xaaladda magaaladu ku soo noqoneysay mid caadi ah oo dadka ay isku halleyn karaan Nabadda ka jirta

Mr. Maguusha waxa uu xusey in maalmihii xigay bixitaanka kooxda Shabaab ay magaalada Muqdisho ka jireen arrimo ay ka mid ahaayeen qaraxyo, dhibateeyay dadka barakacayaasha ah iyo isku deyo kooxda Shabaab ay doonayeen in Muqdisho ku soo laabtaan laakin ay arrimahaasi ay hadda yaraadeen ka dib markii howlgallo lagu sugayo ammaanka Muqdisho
ay ciidammada Nagabad gelyadu ka sameeyeen iyo wada shaqeyn dhexmartay dadka shacabka ah iyo hey’addaha ammaanka

“ magaalada Muqdisho waxaa  ka jira Nabad , ganacsigii ayaa dib u soo bilowday isagoo si xoogan ku socda, waaa dhici kartsa in aad argto Guryo bur bursan oo duqeyntu ay saameesysay . laakin waxaa jira kalsooni ay dadku ku qabaan Nabad gelyada ka jirta, taasina waxa ay ku timid wada shaqeynta.

Waxaa uu tilmaamay  taliyaha AMISOM in ay yaraadeen rabshadaha iyo  ammaan darrada,  iyo kooxihii dadka rayidka ah dhibaateyn jiray, taasina waxaa ay ku  timid wada shaqeyn ka dhaxeeysa dadka shacabka ah iyo hey’addaha ammaanka dowladda iyo AMISOM.

Taliyaha Ciidmamada AMISOM Fred Maguusha oo ka hadlay howlagallada ka soconaya Soomaaliya inteeda kale ayaa rejo wanaagsan ka bixiyay in gobollada kale ee dalka ay la mid noqondaan magaalada Muqdisho oo kale maadaama ay wadaamo badan oo ka mid urur ka Midoowga Africa ay ku soo biireyn howlgalka soconaya taas oo ay Qaramada Midoobay ay taageersan tahay.


Howlaha nabad ilaalinta Midowgaa Africa oo ay ku soo biireen dalal ka mid ah ururuka Midoowga Africa ayaa rejo laga qabaa soo afjaridda  dagaalka kooxda Shabaab ay Soomaaliya ka wado  kaas oo ay dad badan oo aan waxba galabsan ku geeriyoodeen.



Moqdisho: Sabti December 14, 2011 (Somaligov Portal News) : Guddiga Cadaaladda barlamanka KMG Soomaaliya ayaa uga digay Maamulka Somalilnad in uu fara galiyo Shir weynaha ka soconaya deegaanka Taleex ee lagu samaynayo Maamulcusub oo hoostaga dowladda KMG.

Xildhibaan Cali Max’ud Faarax (Seeko) oo xubin ka ah Guddiga Cadlaada barlamanka ayaa isagoon waraysi siinayey Shabelle waxa uu soo dhaweeyay Shirka ka soconaya magaalada Taleex oo ay isugu yimaadeen, Odayaal, Isimo, Waxgarad iyo siyaasiyiin u dhashay gobolada Sool, Sanaag iyo Cay nee lagu samaynayo Maamul goboleedka cusub oo hoostaga dowladda KMG Soomaaliya.

Cali Seeko ayaa waxa uu tilmaamay in Shirkaasi dadka ku dhaqan deegaanadaasi ay uga tashanayaan aayahoodaislamarkaana ujeedkoda uu yahay in ay wax qabsadaan, isagoo tilmaamay in taasi

ay muhiim u tahay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, waxaana uu intaasi ku daray in talaabadaasi ay tahay mid ku dayasha mudan.


Xildhibaan Cali Max’ud Faarax  ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in Maamulka la magac baxay Somaliland ay waajib ku tahay in uu ogalaado Maamulka cusub ee dhawaan la dhisayo, isagoo sheegay in aysan jiri karin cid
shacabka deegaanadaasi ka hor istaagi kara in ay ka tashadaan ayaahooda.


Deegaanka Taleex ee gobolka Sool ayaa waxaa ka soconaya Shir weyne lagu samaynayo Maamul cusub oo hoostaga dowladda KMG Soomaaliya kaasi oo ka badaxbanaan Maamulada Somaliland iyo Puntland.



Moqdisho: Sabti December 14, 2011 (Somaligov Portal News) : Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in Daawooyinka dhacay  ee dalka la soo galinayo in ay keeni karto sumcad xumo soo gaarta dhaqaatiirta qaar, isagoona wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ka codsaday in arrintaasi ay wax ka qabato.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan” oo ka hadlayay dhibaatada laga dhaxli karo  Daawooyinka dhacay ee dalka ay soo  galinayaan shaqsiyaad dana gaar ah ka leh ayaa tilmaamay in arrintaasi ay sumcad xumo u keeni karo dhaqaatiirta qaar.

Waxa uu sheegay guddoomiyha in  looga baahan yahay dhaqaatiirta illaalinta qatarta ay leedahay Daawada dhacday  isagoo dhaqaatiirta ku booriyay in aysan kalsooni darro ku ridin shacabka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale Tarsan ayaa ugu baaqay wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya in ay illaaliso Daawooyinka dalka soo galaya maadaama ay jiraan dadka doonaya in Daawooyin dhacay in ay ku dhibaateeyaan ummadda Soomaaliyeed.

Ugu danbeyntii ayuu sheegay guddoomiyaha gobolka in dalka ay ku sugan yihiin dhaqaatiir aqoon iyo Khibrad u leh howshooda shacabka Soomaaliyeedna looga baahan yahay in ay kalsooni u muujiyaan.





Genava: Sabti December 14, 2011 (Somaligov Portal News) :

Hay’adda Qaxootiga ee UNHCR ee QM ayaa waxa ay walaac ka muujisay falalka amni daro ee ka taagan xerooyinka Qaxootiga Soomaalida ee dalka Kenya

Bayaan ay  soo saartay Hay’adda Qaxootiga QM  ee  UNHCR xarunteeda oo ku taala magaalada Geneva  ee caasimada  dalka  Switzerland ayaa waxa ay walaac ka muujisay amaan darida, dilka, iyo   weerarada qorshaysan ee sida isdabajooga  ah uga dhacaya xerooyinka Qaxootiga ee ku yaalla dalka Kenya.


Afhayeenka Hay’adda Qaxootiga  QM ee UNHCR ayaa waxa sheegtay inay ka dhacaan falal ka baxsan bini’aadanimada kuwaasi oo lagula dhaqmo dadka barakacayaasha ee ku sugan dalka Kenya.


Andariya ayaa waxa ay  tibaaxday marka  laga reebo Sarkaal ka tirsan ciidamada booliska dalka Kenya oo lagu dilay xerooyinkaas iyo labo shaqaale samafal oo ku sugnaaXerada Dhadhaab in tacdiyo kale loo gaysto Qaxootiga Soomaalida.


Xerada Qaxootiga ee Dhadhaab ayaa ah xerada qaxootiga aduunka ugu weyn taasoo ay ku nool yihiin 460-kun oo ah Qaxooti Soomaali ah kuwaasi oo ka barakacay dalka Soomaaliya.


 
London: Sabti December 14, 2011 (Somaligov Portal News) : Dowladda Ingiriiska ayaa waxa ay sheegtay in ciidamadooda badda ay gacanta ku dhigeen in ka badan 10 burcad badeed Soomaali ah.

Sida ay sheegtay wasaaradda Gaashaandhiga dalka Ingiriiska  howlgal ay si wada jir ah uga fuliyeen ciidamada badda Ingiriiska iyo kuwa Maraykanka Badweynta India ayaa waxa ay gacanta ku dhigeen 13-burcad badeed ah iyo doonidii ay wateen.


Wasaaradu waxa ay sheegtay in burcad badeeda ay diideen in doonidii ay wateen ay joojiyaan markii fariin digniin ah ay uga timid, labada markab ee ciidamda bada Ingiriiska iyo Maraykanku wateen, waxana ka kadib  lagu sameeyay in la hareereeyo doonida dheereysay oo ay wateen burcad badeedu.


Waxaa la sheegay in doonidii burcad badeedu wateen laga helay hub farabadan oo saarnaa kuwaas oo ay wateen burcad badeed, iyadoo  la shaaciyay in Markabka lagu Magacaabo USS Carney ee Maraykanka in uu ahaa midka howgalka ka qeyb qaadanayay.


Xoghayaha Difaaca ee dowladda Ingiriiska Philip Hommond ayaa sheegay in howgalkan uu cadeeynayo awooda ciidamada badda Igiriisku ay u leeyihiin xalinta qatarta burcad badeeda Soomaalida ee maraakiibta ka afduubta badweynta India iyo Gacanka cadmeeda.


Burcad badeeda Somalida ayaa sii wada falalkooda afduubka,  iyadoo xeebaha soomaliya iyo biyaha caalamiga ah ee ku sugan yihiin Maraakiib caalami ah oo ka socda NATO, Midowga Yurub, Ruushka, Kuuriyada Koofureed iyo India kuwaasi oo sheegaya in ay burcad badeeda ka ilaalinayaan Maraakiibta ganacsi ee mara biyahaasi.




Mogdisho: Jimco December 13, 2011 (Somaligov Portal News) : Maamulka Puntland ayaa sheegay in deegaano ka mid ah gobolka Bari laga qodayo Ceelal laga baarayo shidaalka.

C/raxmaan Sheekh Max’ud Faroole oo la hadlay Idaacadda BBC-da ee laanteeda afka Soomaaliga ayaa waxa uu sheegay in xiligaani si rasmi ah deegaanada Maamulka Puntland uu u bilaabi doono qodista ceelal laga baarayo Shidaal asagoo wacad ku maray haddii uu soo saaro shidaalkan inuu dhulka gelin doono qabaa'ilo badan sida Hawiye, Isaaq iyo Darood ka ka biyo diidan siyaasaddiisa ma dhalayska ah. Sida la ogyahay heshiiskan shidaalka lagu qodayo ma aysan saxiixin Golaga Barlamaanka Soomaaliyeed ayadoo aan la ogayn wax uu kula heshiiyey shirkadan sida tuugnimadda u jeclaysatay inay ayduna wax ka boobto khayraadka dabeeciga ee Soomaaliya.


Madaxweynaha ayaa waxa uu sheegay in goobaha laga baarayo Shidalka ee laga qodayo Ceelasha ay tahay deegaan ku yaala gobolka Bari ee Puntland oo lagu magaccaabo Dooxada Daroor, wuxuuna intaasi ku daray in tan iyo markii uu qabtay xilka Madaxweynenimo ee Maamulkaasi uu qorsheystay in uu bilaabo qodista Ceel-laga baarayo bartoolka.


Faroole ayaa waxa uu intaasi ku daray in arintaani ay faa’iido wayn u tahay shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku sugan deegaanada Maamulka Puntland, wuxuuna dhinaca kale ka hadlay ammaanka deegaanada Maamulkaasi oo uu sheegay in sidii hore uu kasoo reynayo.


Ugu dambeyn ayaa Madaxweynaha waxa uu sheegay in Ciidamada Maamulkaasi ay gacanta ku dhigeen dad badan oo lala xiriirinayo ammaan dari kuwaasi oo uu sheegay in qaarkood ay qirteen dambiyadoodu halka kuwa kalena ay wali ku jiraan Xabsiyada deeganadaasi.




Mogdisho: Jimco December 13, 2011 (Somaligov Portal News) : Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa sheegtay in il gooni ah ay ku eegayso dadka musuq maasuqa raashinka gar-gaar ee loogu talagalay qoysaska dhibaataysan ee ku sugan Magaalada Muqdisho.


Isagoo Warbaahinta kula hadlayay gudaha dekadda wayn ee Magaalada Muqdisho kusimaha Ra’iisul wasaaraha, ahna Wasiirka ganacsiga Xukuumadda KMG Soomaaliya C/wahaab Ugaas Xuseen (Ugaas Khaliif) ayaa waxa uu ka hadlay gar-gaarka loogu talagalay dadka dhibaataysan ee soo gaara gudaha dekaddaasi.


Kusimaha Ra’iisul wasaahara ayaa sheegay in waajib ay tahay in laga fogaado musuq maasuq gar-gaarka loogu talagalay dadka dhibaataysan oo uu tilmaamay inay ay ka hadleen Mas’uuliyiin badan oo ka tirsan dowladda KMG islamarkaana ay ka digayaan, isagoo sheegay dadkii lagu arkaa arrimahaasi ay ka qaadi doonaan talaabo.


 C/wahaab Ugaas Xuseen (Ugaas Khaliif) ayaa sheegay inay soo gaartay cabashada guddiga gaadiidleyda dekadda wayn ee Magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in Xukuumadda KMG Soomaaliya ay diyaar u tahay inay wax ka qabto dhibaatooyinkaasi madaaama Muwaadin waliba uu xaq leeyahay, wuxuuna tilmaamay in arrimahaasi ay guddi u saareen.


Dhawaan ayay aheyd markii Madaweynaha dowladda KMG Soomaaliya oo booqasho ku tagay Xerooyinka Rajo iyo Bad-baado oo ay ku jiraan qoysas farabadan oo barakacayaal beesha Caalamka uu ugu baaqay inay soo kodhiso gar-gaarka si wax loogu qabto dadka dhibaataysan, isagoo ka digay in la musuq maasuq waxyaabaha loogu talagaly dadka ku dhibaataysan Muqdisho.




Mogdisho: Jimco December 13, 2011 (Somaligov Portal News) : Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay dalka Kenya ayaa faah faahin ka bixisay kulamo ay la qaadatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kenya oo ku adanaa in aan la dhibaatayn dadka shacabka ah.

Max’ed Cali Ameeriko, Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya oo waraysi siiyay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyay kulan uu la qaatay Mas’uuliyiinta dalkaasi kaasi oo ku saabsanaa in aan la dhibaatayn Soomaalida ku nool Magaalada Nairobi iyo Xerooyinka qaxootiga ah ee ku yaala dalkaasi.


Safiirka ayaa waxa uu sheegay inay ka xun yihiin falalka ammaan dari ee ka dhacaya wadanka Kenya, wuxuuna tilmaamay in loo baahanyahay in aan la abaarin qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan halkaasi, wuxuuna carabka ku dhuftay in gancsatada Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaasi ay la shaqeeyeen Ciidamada ammaanka ee dowladda Kenya si looga hortago falalka ammaan dari.


Max’ed Cali Ameeriko ayaa waxaa uu sidoo kale sheegay inay jiraan Muwaadiniin badan oo Soomaali ah oo ku jira Xabsiyada dalka Kenya, ayna ku socdaan baaritaano, wuxuuna tilmaamay in dowladda Kenya ay kala hadleen sidii lagu sii dayn lahaa dadkaasi, isagoo dhinaca kale xusay in Al Shabaab kaliya aysan aheyn dad Soomaali ah, hase ahaatee ay ku jiraan dad u dhashay dowladaha Tanzania iyo Kenya sida uu hadalka u dhigay.


Hadalkani ayaa kusoo aadaya, iyadoo mudooyinkii dambe xaalado ammaan dari ay kusoo korortay Xerooyinka qaxootiga ee dalka Kenya oo miinooyin lagula eeganayay Ciidamada Kenya taasi oo keentay in qaxooti badan oo Soomaali ah ay halkaasi kasoo cararaan, ayna soo gaaraan qeybo ka mid ah gobolada dalka.




Mogdisho: Khamiis December 12, 2011 (Somaligov Portal News) :  Gudoomiye ku xigeenkii hore ee barlamanka KMG Soomaaliya Xildhibaan Prof. Max’ed Cumar Dalxa ayaa waxa uu cadeeyay in la musuq maasuqo deeqaha Waxbarasho iyo gar-gaarka beesha Caalamka ay ugu talagaleen shacabka Soomaaliyeed.

Max’ed Cumar Dalxa oo la hadlayay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu tilmaamay inay jiraan goobo si gaar ah loogu musuq maasuqo deeqaha Waxbarasho oo wadamada Caalamka gaar ahaan dowladda Turkiga ay ugu talagaleen shacabka Soomaaliyeed, kuwaasi oo ay tilmaameen inay gacanta ku hayaan shaqsiyaad gaar ah, wuxuuna xusay in arintaasi ay tahay mid fool xun oo iminka soo ifbaxday.


Prof. Max’ed Cumar Dalxa ayaa waxa uu sheegay in Wasaaradda Waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ay xaq u leedahay inay Maamusho deeqaha Waxbarasho, hase haatee waxa uu tilmaamay in Wasaaraddu haatan aysan ka warqabin sida loo Maamulo deeqaha Waxbarasho.


Tan iyo Markii dowladda Turkiga Soomaaliya ay ugu deeqday deeqo Waxbarasho oo loogu talagalay ay ufidisay shacabka Soomaaliyeed ayaa waxa ay soo baxayay warar sheegaya in la musuq maasuqo deeqaha Waxbarasho oo aysan gaarin gacanta dadkii loogu talagalay inay ka faa’ideystaan.




Taleex: Khamiis December 12, 2011 (Somaligov Portal News) : Ku dhawaad 10-ruux ayaa siyaabo kala duwanloogu dhaawacay deegaanka Taleex ee gobolka Sool halkaasi oo uu ka socdo qorsho Maamul goboleed loogu sameynayo halkaasi.

Wararka ka imaanaaya degmada Taleex ee gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in ilaa todobo ruux galinkii dambe ee shalay ilaa xalay lagu dhaawacay halkaasi, iyadoo arintaasi ay ka
dambeysay kadib markii nin la sheegay uu ka mid ahaa ganacsatada qaadka ku iibisa degmadaasi uu rasaas ku furay dad shacab ah.


Sidoo kale dadkii xalay lagu dhaawacay degmadaasi ayaa waxa ay ahaayeen kuwa ka qeyb qaadanayay banaanbax lagu taageerayay go’aanada kasoo baxay shirka ka soconaya degmada Taleex oo ay leeyihiin beelaha ku dhaqan gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn.


Qaar ka mid ah dadka ka qeyb qaadanayay banaanbaxa ayaa waxa wax laga xumaado ku tilmaameen dhaawaca loo gaystay labo ka mid ah Banaanbaxayaasha oo soo abaabulay dibadbaxa, waxaana dadka dhaawca ah la dhigay Isbitaal ku yaala degamaaasi.


Degmada Taleex ayaa waxa ka soconaya shir ay leeyihiin Isimo, Waxgarad, Culumaa’udiin iyo waliba siyaasiyiin ka timid dibadda oo doonaya in saacadaha soo socda ay soo
magacaabaan Maamulka ay ku mideysan yihiin shacabka gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn kaasi oo la sheegay in uu hoostaga dowladda KMG Soomaaliya





Mogdisho: Khamiis December 12, 2011 (Somaligov Portal News) : Dowladda Kenya ayaa sheegtay in laga dilay Saraakiil boolis ah kadib weerar ka dhacay xadka dalkaasi uu la wadaago Soomaaliya.

Sargaal sare oo ka tirsan ciidama Boliska dalka Kenya oo aan magaciisa la shacin oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP ayaa u sheegay in weerarkaan uu ka dhacay Xero ku taala Deegaanka Gerilay oo 100-Mitir u jirta xadka dalka Soomaaliya uu la wadaago Soomaaliya.

Sargaalka ayaa xusay in weerarkaasi oo loo adeegsaday bamka nuuca gacanta laga tuuro ay ku geeriyoodeen sadax shargaal oo ka tirsanaa ciidamada booliska Kenya labo kalana ay ku
dhaawacmeen.

Afhayeenka ciidamada booliska dalka Kenya Eric Kiraithe ayaa xaqiijiyay in weerar kaasi uu dhacay inkastoo uusan carabaabin qasaraha ka dhashay weerarkaasi.

Majirto cid sheegatay weerarkaasi ay ku geeriyoodeen askarta Kenyatiga hase ahaatee Kenya ayaa dhowr jeer oo hore ku cel celisay in werarada iyo qaraxyada ka dhaca dalka Kenya ay ka dambeyso Kooxda Al Shabaab.

Qaraxyada iyo werarada lagu bartilmaameed sanayo ciidamada dalka Kenya ayaa bilihii ugu dambeeyay aad u soo korortay tan iyo laga soo bilaabo markii ay xukuumadda Nairobi ay ciidamadeeda u soo dirtaygudaha Soomaaliya si ay u la dagaalamaan Xarakada Al Shabaab oo ay ku eedeeysay  in ay ka dambeysay falal afduub ah oo dalkaasi ka dhacay.





Mogdisho: Khamiis December 12, 2011 (Somaligov Portal News) : Gudoomiye ku xigeenkii hore ee barlamanka Maamul goboleedka Puntland ayaa shegay in go’aankii Madaxweyne Faroole uu dadka barakacayaasha ah kaga mamnuucay deegaanada Maamulkaasi uu yahay mid gaar u ah Madaxweynaha.

Axmed Guure Aadan gudoomiyihii hore ee barlamanka Maamulka Puntland oo la hadlay Idaacadda Shabelle isagoo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in ayaan daro ay tahay hadalkii dhawaan kasoo yeeray Madaxweynaha Maamulkaasi C/raxmaan Sheekh Max’ed Faroole, isagoo tilmaamay in hadalkaasi uu yahay mid colaad abuuri kara.



“Waxaa weeye mucjiso, sababtoo ah waxay ku tahay, arinkaasi arin caqli gal ah mahan, arin nin wayn ku hadlona maahan oo Mas’uul ah, arinkaasina arin ay dadku qabaan maaha, anaga Somali waa nahay, nimba meeluu daganyahay, hadana waxa waaye in meel aan wax ku qeebsano, la yiraahdo lama imaan karo iyo lama soo mari karo, mana jirto, arinkaasina maahan mid ay dadku ku raacsan yihiin Faroole” sidaasi waxa yiri gudoomiyihii hore ee barlamanka Puntland.


Axmed Guure Aadan ayaa soo hadal qaaday taariikhdii 1991-dii xilligaasi oo uu ku beegnaa burburkii dalka, wuxuuna xusay in xilligaasi Puntland ay gaareen qaar ka mid ah dadkii ka cararay Muqdisho kuwaasi oo dhisay Puntland, isagoo qiray in Faroole uusan ka warqabin arrimahaasi, hase ahaatee arintaani uu ka leeyahay dano siyaasadeed.


Maalmihii u dambeeyay ayaa waxa isa soo tarayay cambaareynta dusha looga tuurayay Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland C/raxmaan Sheekh Max’ed Faroole kadib markii u sheegay in dadka barakacayasha ah ee ka hayaamay Koofurta aysan tagi karin deegaanada Maamulkaasi taasi oo ay si wayn u cambaareyeen Mas’uuliyiin, waxgarad iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.




Mogdisho: Arbaco December 11, 2011 (Somaligov Portal News) : Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya Mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa maanta waxuu shaaca ka qaaday hadalkii ka soo yeeray Madaxweynaha Maamul Gobaleedka Puntland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud "Faroole" kaasoo ku amray dadka barakacayaasha Soomaalida inay ka baxaan dhulka uu ka talliyo maamulkiisa meeshaasoo uuu damacsanaa in lagu sameeyo dastuurka been-abuurka ah ee la rabo in lagu jahwareeriyo Ummadda Soomaaliyeed. Aniga waxaan caddaynayaa in aan khaldamay ka hadalkii arrimaha Golaha Barlamaanka Soomaaliyeed kuwaaso si sharci ah wax ku doortay balse si deg deg ah ayaan waxaan u kala diri doonaa Golaha Barlaamka oo dhan waayo waxay igu noqdeen kuwo dhanka aan rabo iila shaqayn waayeye. Aniga ma jeclayn inay Ethiopia iyo Kenya dalka xoog ku soo gasho marka haatan waxaanu joognaa markii aan xilka ka qaadi lahayn tuugada dalka keentay Ethiopia iyo Kenya kuwaasoo raba inay meeshan fowdo ahaato haddii aynan ayaga waxba maamulayn.


Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya Mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa waxuu kale oo uu soo dhaweeyey maamulladda cusub ee kala ah Gobland State kaasoo ay samaystay Beesha Tanade Darood iyo Maamulka Darawishland State kaa soo ay samaysteen dadka u halgama midnimadda Ummadda Soomaaliyeed.


Aniga Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya Mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed waxaan u sheegayaa dadka Soomaaliyeed inay soo dhammaatay beentii dadka loo sheegi jiray ee ahayd waan goosanaynaa.


Waad Mahadsan tihiin,

Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya Mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed




Abaco December 11, 2011 (Somaligov Portal News) : Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliyeed Mudane Madoobe Nuunoow Maxamed iyo dhammaan Xildhibaannadda Soomaa;oyeed inay aad iyo aad uga xun yihiin sida qaldan oo loo isticmaalayo magaca IGAD taasoo loogu tallagalay inay la dagaalanto abaaraaha iyo musiibooyinka ka jira dalalka sameeyey ururkan.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliyeed Mudane Madoobe Nuunoow Maxamed ayaa waxuu sheegay inay soo dhawaynayaan Maamulladda cusub ee Gobland State iyo Daraawishland State kuwaasoo haatan ku soo biiray maamulladdii horay uga jiray dalka Soomaaliya. Barlamaanka Soomaaliya waxay si cad usoo dhawaynaysaa maamullladda dalka ka jira oo dhan inay maamullaan dadkooda.

Aniga waxaa si sharci ah ii doortay Xildhibaannadda Ummadda Soomaaliyeed marka ninkii lagu soo doortay dalka dibaddiisa ayey dhibku haysaa in lagu doorto dalka gudihiisa. Ummadda Soomaaliyeed waxay ka warqabtaa ciidii ku casuumtay cadowga Soomaaliya inay dalka ku soo laabtaan oo ay sii gumaadaa shacabka Soomaaliyeed kaasoo hadda samaynaya inuu waraaqo been abuur ah ka soo qoro IGAD asagoo aan ogayn inay IGAD tahay ururka ladagaalmanka abaaraha.

Waad Mahadsan Tihiin,

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliyeed Mudane Madoobe Nuunoow Maxamed

Abaco December 11, 2011 (Somaligov Portal News) : Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa sheegay in Soomaaliya uu u qabanayo shir looga hadlayo sidii wax looga qaban lahaa biyo la’aanta iyo abaaraha saameeyay guud ahaan gobolada dalka taasi oo galaafatay nolosha kumanaan Soomali ah.


Xoghayaha dhinaca bini’aadannimada ee Ururka Iskaashiga Islaamka Cadhaa-Al-manaan ayaa waxa uu sheegay in u jeedka shirkaasi uu yahay bad baadinta dadka Walaalahooda ee
Soomaaliyeed, wuxuuna intaasi ku daray in shirkaani lagu qaban doono Magaalada Jabuuti dabayaaqada bisha soo socota.


Cadhaa-Al-manaan ayaa waxa uu sheegay in hadda ka hor ay ka wax ka qabteen biyo la’aanta iyo gar-gaar ay garsiiyeen guud ahaan dadka ku dhibataysan dalka Soomaaliya, kuwaasi oo ay ku baxeen kumanaan Malyan sida uu hadalka u dhigay.


Ugu dambeyn  Akmaludiin Ixsaan Oogle oo ah Xoghayaha guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa waxa uu sheegay in gar-gaar dhinaca Caafimaadka ah ay gaarsiinayaan dadka ku jira Xerooyinka barakacayaasha ah ee Soomaaliya si loo yareeyo dhibaatooyinqoysas badan ku haysta halkaasi.

Abacoo December 11, 2011 (Somaligov Portal News) : Xildhibaanada baarlamanka KMG Somalia ee dhowaan xilka ka qaaday Shariif Xasan, gudoomiye cusubna u
doortay Madoobe Nuunow Maxamed ayaa saaka lagu wadaa iney kulan xasaasi ah ku yeeshaan xarunta golaha shacabka Qaranka ee magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa waxaa xaqiijiyey xildhibaan C/rashiid Aadan Gabyow oo guud ahaan xildhibaanada ku war geliyey iney ka soo qeyb galaan kulankaas, isagoo tilmamaay
in kulanka uu ahaan doono mid albaabada loo laabay oo aysan saxaafada iyo dad kale goob joog ka noqon doonin.

“Kulanka waa mid deg deg ah, waxaana shir gudoomin doona gudoomiyaha cusub ee baarlamanka Somalia Madoobe Nuunow Maxamed ajendaha kulanka isaga ayaa sheegi doona marka uu kulanku furmo maanta, welina lama oga waxaa uu yahay” sidaa waxaa yiri xildhibaan C/rashiid Aadan Gabyow oo saxaafada la hadlayey.

Halkaan Waxaan Idinkugu soo gudbineynaa Sawirrada Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta
kormeeray raashiin qeybin ka socotay xerooyinka Barakacayaasha Badbaado
iyo Rajo ee magaalada Muqdisho.


Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa kormeerkiisa
howleed ku weydliyey Kusimaha Ra’isulwasaaraha ahna Wasiirka Ganacsiga
iyo Warshadaha,Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho
Mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan iyo Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed
General Shariif Sheekh Unaa Maye.






















Talaado December 10, 2011 (Somaligov Portal News) : Dowladda Maraykanka ayaa waxa ay sheegtay Maxkamad soo taagayso askari u dhashay dalka Maraykanka oo doonayey in uu ku biiro Xarakada Al Shabaab.


Sida ay sheegtay Wasaaradda Cadaaladda dowladda Maraykanka gaar ahaan kuwa Sirdoonka ayaa gacanta lagu dhigay kadib markii uu u safray dalka Kenya si uu ugu biiro Xarakada Al Shabaab.


Askariga oo lagu magacaabo Craig Baxam oo 24 jir ah ayaa la sheegay in ciidamada Maraykanka ay mudo dheer ku raadjoogeen ugu dambayntiina gacanta lagu dhigo, waxaana intaasi lagu daray in Al Shabaab uu siiyay lacag dhan 6,000,7000 oo dollarka Maraykanka ah.

Wasaaradda Cadaaladda ee dalkaasi ayaa waxa ay sheegtay in ninkaani lasoo taagi doono sharciga islamarkaana lagu qaadi doono waxa uu mutaysto, iyadoo Wasaaradda ay sheegtay in askariga oo dhowr jeer oo hore uu la xiriiray Al Shabaab una gudbiyay macluumaad sir ah.


Ninkaani Maraykanka ah ayaa waxaa la sheegay in uu mutaysan karo hadii Maxkamad lasoo taago xabsi dhan 15 sano oo xarig.


Dowladda Maraykanka ayaa ku dartay Xarakada Al Shabaab liiska Argagixisada oo ay ku eedaysay in ay tababareen muwaadiniin Maraykan ah oo ay dagaal galiyeen.




Nairobi: Isniin December 9, 2011 (Somaligov Portal News) :   Kadib Warsaxaafadeed kasoo baxay gudoonka barlamanka ayaa waxaa lagu sheegay in Xildhibaanada barlamanka looga
baahanyahay inay soo xaadiraan Xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho, iyadoo sidoo kale la sheegay in aan la aqbali doonin Xildhibaano ka maqnaadafadhiyada barlamanka.


Bayaanka oo uu ku saxiixnaa gudoomiyaha barlamanka KMG Soomaaliya Madoobe Nuunoow Max’ed ayaa waxaa Saxaafadda u aqriyay Xildhibaan C/rashiid Aadan Gabyow oo ka mid ah Mudanayaasha barlamanka Soomaaliya.


Sidoo kale Warsaxaafadeedka ayaa waxaa lagu shaaciyay in barlamanka uu qorsheynayo in uu sii amba qaado howlaha shaqo ee haatan horyaalla taasi oo loo baahanyahay inay si saraxad leh uga doodaan Xildhibaanada barlamanka, waxaana Warmurtiyeedka lagu sheegay in kulamada ugu horeeya barlamanka looga hadli doono diyaarinta xilliga Kala-guurka, wadashqeynta barlamanka iyo Xukuumadda sida uu mar lawaad u sharaxay Warbaahinta Xildhibaan C/rashiid Aadan Gabyow.


Bayaankaani ayaa waxaa uu noqonayaa kii ugu horeeyay ee kasoo baxa Xafiiska guddoonka sare ee barlamanka Madoobe Nuunoow Max’ed, waxaana Xildhibaanada laga sugayaa inay soo xaadiraan fadhiyada barlamanka oo sida la sheegay ay horyaalaan arrimo muhiim ah.



Mogdisho: Isniin December 9, 2011 (Somaligov Portal News) : Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya ayaa ugu baaqay Hay’adda Nabad sugida in ay isku diyaariso sugida amaanka gobolada howlgalka ka socodo ee Soomaaliya.


Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya oo ka hadlayey munaasabad lagu xusayey 40 guuradii kasoo wareegatay markii la aas aasay Hay’adda Nabad sugida ayaa waxa uu ugu baaqay Hay’adda in ay wax ka qabato amaanka dalka Soomaaliya.


“Waan in aaan si wadno dadaalka si aan u gaarno gobolada dalka, culayska waxaa nagu hayey magaalada Muqdisho oo Shabaab laga saaray hada dagaalka waxa uu ka soconayaa gobolada dalka, waxaana ugu baaqayaa Hay’adda in ay isku diyaariso sugida amaanka dalka” sidaasi waxaa yiri Madaxweynaha.


Sheekh Sheekh Axmed ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in Hay’adda Nabad sugida ay ku guulaysatay in ay sugto amaanka magaalada Muqdisho islamarkaana ay ka hortagto qaraxyo kala duwan, isagoo ugu baaqay in dadaalka uu sii wado.



Nairobi: Isniin December 9, 2011 (Somaligov Portal News) : Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Max’ed faroole ayaa waxa uu sheegay in ay ku guulaysteen amaanka magaalooyinka Maamulkiisa, isagoo ugu baaqay ciidamada in fiiro gaar ah u yeeshaan Al Shabaab.

Isagoo ka hadlayey munaasabad lagu xusayey sanad guuradii 3-aad ee kasoo wareegatay markii uu xilka qabtay Madaxweynaha Maamulka Puntlanad C/raxmaan Sheekh Max’ed Faroole ayaa waxa uu sheegay Madaxweynaha in wax badan laga qabtay amaanka deegaanada Maamulkaasi.


Faroole ayaa waxa uu sheegay in ciidamada ay ku guulaysteen xaqiijinta amaanka magaalooyinka Boosaaso, Garoowe iyo Gaalkacyo, waxaana uu sheegay in markii Al Shabaab laga  saaray magaalada Muqdisho ay soo galeen deegaanada Puntlanad oo uu sheegay in ay ka bilaabeen falal amni daro oo ay ka mid tahay qaraxyo lagu dilay Saraakiil iyo ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland.


Madaxweynaha Maamulka Puntlanad ayaa waxa uu ugu baaqay shacabka iyo ciidamada Maamulka Puntland in ay ka foojignaadaan qatarta Kooxda Al Shabaab islamarkaana ay adkeeyaan amaanka magaalooyinka Puntland gaar ahaa qarxyada iyo dilalka qorshaysan.

Deegaanada Puntland ayaa waxaa ka dhaca mararka qaar dilal iyo qaraxyo qorshaysan oo lagu eedeeyo in ay ka dambeeyaan Xarakada Al Shabaab.

Nairobi: Isniin December 9, 2011 (Somaligov Portal News) : General Fred Mugisha: “Ciidamadeenu waxaa soo  weerara dagalyahanada Al-shabaab, kadibna waxaa dhacda in duqeymo iyo  dagaalaba ay halkaasi ka bilowdaan waana wax laga xumaado in dad rayid  ah ay ku waxyeeloobaan"

Taliyaha ciidamada AMISOM General Fred Mugisha ayaa sheegay in ay  baaritaan ku sameynayaan dhacdadii ka dhacday Masjidka Alhidaaya oo  duqeyn xoogan ay la eegteen ciidamada AMISOM ee jooga magalada Muqdish.

Taliyahu waxaa uu sheegay in si dhab ah loo baari doono wixii ka  dhacay masjidka Alhidaaya, waxaana raaligalin uu ka bixiyay musiibadaasi oo ay ku nafwaayeen dad rayid ah oo masjidka gudahiisa ku  cibaadeysanayay xiliga duqeyntu ay ku haleeshay.

General Fred Mugisha ayaa yiri waa arin naxdin leh in dad rayid ah ay  sababsadaan colaadaha wali ka jira Muqdisho, Generalka ayaa tilmaamay in askartoodu ay aad uga taxdari doonaan bartilmaameedyada ay duqeymaha  la eeganayaan halkaasoo ay sheegeen in ay rasaas kaga dhacdo.

“Ciidamadeenu waxaa soo weerara dagalyahanada Al-shabaab, kadibna waxaa dhacda in duqeymo iyo dagaalaba ay halkaasi ka bilowdaan waana wax
laga xumaado in dad rayid ah ay ku waxyeeloobaan" ayuu yiri General Fred Mugisha.





Nairobi: Isniin December 9, 2011 (Somaligov Portal News) : Hay’adda Nabad sugida dowladda KMG Soomaaliya ayaa waxa ay sheegtay in ay bur burisay awoodii Xarakada Al Shabaab ee magaalada Muqdisho.


Agaasimaha guud ee Hay’adda Nabad sugida Qaranka Axmed Maclin Fiqi oo qudbad ka ka jeedinayey Munaasabad lagu maamusayey sanad guurada Hay’adda Nabad sugida ayaa waxa uu sheegay in magaalada Muqdisho ay ka ciribtireen Xarakada Al Shabaab iyo Shirkadaha amaanka ee ka madaxbanaan dowladda KMG Soomaaliya.


Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in ay meesha ka baxday hanjabaadaha ay Al Shabaab u jeedin jireen dadka shacabka ah ee taga Xarumaha dowladda KMG Soomaaliya, isagoo sheegay in Al Shabaab loogu tagay lagana saaray guryihii ay ka daganayeen magaalada Muqdisho haatana uu sheegay in ay bilaabeen in ay adeegsadaan dumarka iyo caruurta hase ahaatee waxa uu carabka ku dhuftay in Hay’adda ay adeegsanayso kana hortagayso argagixisada iyo qaraxyada abaabulan oo ay gaystaan Al Shabaab.


Agaasimaha guud ee Hay’adda Nabad sugida ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in sanadkii tagay ee 2011-ka ay samaysay Hay’adda howlgalo gaaraya 1,200 oo howgal kuwaasi oo uu sheegay in laga bartilmaameedsanayey kooxda Al Shabaab intooda badana lagu guulaystay, waxaana uu sidoo kale sheegay in xabsiga la dhigay 986 ruux oo ka tirsanaa Al Shabaab taasi oo uu sheegay in ay keentay in la cuuryaamiyo Xarakada Al Shabaab.


Agaasimaha ayaa waxa uu intaasi ku daray in Hay’adda Nabad sugida ay ka geeriyoodeen 18 Sarkaal sanadkii tagay oo uu xusay in ay ku howlanaayeen ka hortagida falalka lidiga ku ah amaanka dalka.


Hadalkaani kasoo yeeray Hay’adda Nabad sugida dowladda KMG ayaa imaanaya xili maalmihii u dambeeyay ay jireen baabuur sida qaraxyo iyo dad ku howlan falal amni daro ay gacanta ku dhigtay Hay’adaasi kuwaasi oo qaarkood lasoo bandhigay.




Nairobi: Isniin December 9, 2011 (Somaligov Portal News) : Xildhibaan Salaad Cali Jeele oo ka mid ah Xildhibaanada barlamanka KMG Soomaaliya ayaa waxa uu nasiib daro ku tilmaamay hadalkii Ra’iisul wasaaraha uu ku sheegay in uusan aqoonsaneen Gudoomiyaha cusub ee barlamanka.


Warysi uu siiyay Idaacadda Shabelle Xildhibaan Salaad Cali Jeele ayaa waxa uu nasiib daro ku tilmaamay hadalkii kasoo baxay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya oo sheegay in uusan aqoonsaneen Gudoomiyaha cusub ee barlamanka.


“Waa nasiib daro in Ra’iisul wasaaraha uu yiraahdo ma aqoonsani Gudoomiye Noonoow, Xukuumadana loogama baahno aqoonsi, waxa xilka bixiya oo qaada waa barlamanka, in uu ka hadlo arimaha barlamankana C/wali waa aqoon daro meesha taalla” sidaasi waxaa yiri Salaad Cali Jeelle.


Xildhibaanka ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in Gudoomiyihii hore ee barlamanka Shariif Xasan iyo Xukuumadda ay ku heshiiyeen in barlamanka aan loo gudbin Roadmap-ka, isagoo sheegay in wax soconaya aysan aheyn wax uusan ansixin barlamanka Xukuumadana hadii ay soo gudbin waydo qorshe howleedka ay talaabo ka qaadayaan.


Nairobi: Sabti December 8, 2011 (Somaligov Portal News) : R/wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya si ay uga qeybgalaan shir lagu qiimeynayo
waxyaabihii ka hirgalay Road Mapka isagoo uga si gudbi doona Magaalada
Jabuuti meeshaasoo uu doonayo inuu ku burburiyo Dastuurkii qaranka Soomaaliyeed ee aynu wada ansixinay July 4, 1960 balse aynan u socon doonin khiyaannadda uu ku wado Ummadda Soomaaliyeed.

R/wasaare C/weli Maxamed iyo wafdiga uu hoggaamainayo oo duhurnimadii Maanta ka dhoofay dalka  ayaa ka degay garoonka Jooma Kenyata  International ee magaalada Narobi si ay uga qeybgalaan shir muhiim ah oo lagu qiimeynayo waxyaabihii ka hirgalay Road Mapka, R/wasaaraha ayaa  sidoo kale booqasho ku tagi doona magaalada Jabuuti kadib markii uu
casuumad rasmi ah ka helay R/wasaaraha Jamhuuriyadda Jabuuti  Deleyta  Maxamed Deleeyta.

R/wasaaraha oo warbaahinta qaranka wareysi kooban ku siiyay garoonka  ka hor safarkiisa ayaa sheegay in booqashadiisa uu ku tagayo magaalooyinka Nairobi iyo Jabuuti  ay qaadan doonto muddo 4 maalmood ah sidoo beddelo Dastuurkii Qaranka Soomaaliyeed July 4, 1960 basle uma suurtagalayso.




Nairobi: Sabti December 8, 2011 (Somaligov Portal News) : Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa si cad u sheegtay inaysan aqoonsaneen gudoomiyahaa cusub ee barlamanka oo ay doorteen Xildhibaanada barlamanka.


Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya C/wali Max’ed Cali Gaas oo waraysi siiyay Idaacadda VOA-da ayaa waxauu sharci daro ku tilmaamay islamarkaana uu sheegay in uu san aqoonsaneyn gudoomiyaha cusub ee barlamanka Soomaaliya Mudane Madoobe Nuunoow Max’ed.


C/wali Max’ed Cali ayaa waxa uu sheegay in isaga aysan wax sax ah ula muuqan doorashadii ka dhacay Xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho ee lagu doortay Madoobe Nuunoow, isagoo intaasi raaciyay in loo baahanyahay in hadii doorasho la galayo in wadada sharciga ah loo maro.

Ra’iisul wasaare Gaas ayaa waxa uu sidoo kale ka halay qorshaha Ciidamada Ethiopia ee ku sugan gudaha dalka, isagoo sheegay in Ciidamada Ethiopia ay tagi doonaan goob waliba oo ay ku sugan yihiin Al Shabaab, iyagoo gacan siinaya dowladda KMG Somaaliya.



Hadalkaani ayaa imaanaya iyadoo dhawaan Xildhibaano ka tirsan barlamanka KMG Soomaaliya ay gudoomiye cusub u doorteen Madoobe Nuunoow Max’ed kadib markii ay xilkii ka qaadeen Shariif Xasan Sheekh Aadan.








Nairobi: Sabti December 8, 2011 (Somaligov Portal News) : Bayaan kasoo baxay dhaqaatiirta aan xuduudda laheyn ee MSF ayaa lagu sheegay inay codsanayaan in lasii daayo labo Muwaadin oo Spanish ah oo afduub ahaan loogu haysto gudaha dalka Soomaaliya.


Madaxa gobolka ee Hay’adda MSF Oni Carunakara ayaa waxa uu sheegay in afduubkaani uu caqabad ku noqon karo howlahaSamafalka ah ee dhaqaatiirta MSF ay ka wadaan gudaha wadanka Soomaaliya, isagoo codsaday in si deg deg ah loo sii daayo Muwaadiniintaasi.


Mas’uulkaani ayaa waxaa uu sidoo kale ka codsaday dowladda KMG Soomaaliya iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed inay ka qeyb qaatan sii deynta dhaqaatiirtan lagu afuubtay gudaha wadanka Kenya kuwaasi oo uu sheegay in naftuudo ay u hureen sidii loo bad baadin lahaa dadka ku dhibaataysan wadanka Soomaaliya ayna wadeen oo kaliya Howlaha bini’aannimo.


Labadaani Muwaadin oo u dhalatay dalka Spain ayaa sanadkii hore ee 2011-ka waxaa laga soo afduubtay Xerooyin ku yaala dalka Kenya xilli ay ku guda jireen howlo gar-gaar oo ay u fidinayeen dad ku dhibaataysan halkaasi.





London: Sabti December 8, 2011 (Somaligov Portal News) Dowladda Britain ayaa waxa ay ka digtay in weerar aargigixasinimo lagu qaado magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya kuwaasi oo laga cabsi qabo in ay fuliyaan Ururka Al Qaacida.


Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa waxa ay uga digtay muwadiiniinteeda ku sugan gudaha dalka Kenya in ay qatar kala kulmaan Ururka Al Qaacidda, iyadoo  ugu baaqday muwaadiniinteeda in ay muujiyaan feejignaan dheeraad ah.

Warka kasoo baxay wasaradda arrimaha dibadda ee dowladda Britain ayaa waxa lagu sheegay in AL Qaacidda ay qorsheysay weerar ka madanbeys ah oo ay suurta galtahay in ay ka fuliyaan goobaha dadka ay iskugu yimaadaan baararka ,gobaha lagu caweeyo iyo goobaha kala ay iskugu imaadaan muwaadiniinta Reer galbeedka ah ee ku sugan dalka Kenya.


“Waxaan aamin sanahay in Al Qaacidda ay qorsheysay weerar kama dambeys ah oo ay ku qado magaalooyinka dalka Kenyataasina waa mid aan ka digeyno, dowladda Britain waxa ay feejignaan ka muujisay weerarkaasi ay Al Qaacidda damacsan tahay”sidaa waxa lagu sheegey warsaxaafadeedka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Britain.


Warkaani ayaa waxa uu imaanayaa xilli dowladda Kenya ay sheetay in ay fashilisay weeraro badan oo aargigixisanimo ah oo ay Al Shabaab damacsanaayeen in ay ka fuliso gudaha wadanka Kenya.


Muqdisho: Sabti December 7, 2011 (Somaligov Portal News) : Soomaalid Mdegan Minnesota oo weli samaynaysa bannaan bax ay uga cabanayaan in Bangiyadda Maraykan ka u furaan diritaanka lacagaha si loo caawiyo Ummadda Soomaaliyeed ee dhibaataysan. Waxaana u rajaynaynaa in loo furi doono waayo cunnaqabataynta u shaqayn mayso dadka iyo shirkaddaha raba inay ka faa'iidaystaan cunnaqabataynta Ummadda Soomaaliyeed.

Muqdisho: Sabti December 7, 2011 (Somaligov Portal News) :
Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in gallinkii dambe ee maanta
ay laba jeer oo isku xigta duqeeyeen diyaaradaha dagaalka Kenya deegaanka Kaan-yarey ee gobolka Gedo oo ah deegaan buuraley ah.

Duqeyntan ayaan la ogeyn khasaaraha kasoo gaartay dadka shacabka ah ee ku sugan deegaankaas oo u dhexeeya degmooyinka Garbahaarey iyo Ceel-cadde ee gobolka Gedo, iyadoo la sheegayo in laba jeer ay diyaaradu gantaalo ku dhufteen.

"Weerarku wuxuu ahaa mid kadis ah, waxayna diyaaraduhu bartilmaameed  ka dhiganayeen taawar isgaarsiineed oo halkaas ku yaalla," ayuu yiri  sarkaal ka tirsan Xarakada Al-shabaab oo duqeyntan u xaqiijiyay Balse ayaa ka dembeeya dilka iyo duqaynta dalka Soomaaliya lagu soo qaaday. Barlamaanka Soomaaliya ma sharciyeen isla-markaasna waa in dil toogasho ah lagu xukumaa dadkii ka dembeeyey inay wax yeeleeyaan dadka la duqaynayo. Waxaan Dowladda Kenya u sheegaynaa in Dowladda Soomaaliya Iyo Shacabkeedaba aynan waxba ka ogayn isla-markaasna ay Dowladda Kenya sii wado inay dhulka Soomaaliya ku soo xadgudubto ayadoo aan wax sharci ah ka ahaysan Ummadda Soomaaliyeed. Sida la ogyahay Kenya waxay horay u gubtay dad Soomaaliyeed ayadoo xasuuqdy taariikhdu marka ah ahayd Feb 14, 1984 markaasoo dad badan ay dileen qaarna at kufsadeen.




Muqdisho: Sabti December 7, 2011 (Somaligov Portal News) :
Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Kenya,  Faarax Macallin oo dalka Jabuuti uga qaybgalaya shirka baarlamaanka dalalka IGAD ayaa wuxuu sheegay inuu soo dhaweynayo xil ka qaadistii ay xidhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ku sameeyeen gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Faarax Macallin oo u warramayay wariyaha VOA-da ee Jabuuti ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo fikirka ay gaareen xildhibaannada baarlamaanka maadaama ay yihiin xubnihii sharci-dajinta dalka.

"Waddan kasta wuxuu leeyahay dastuur uu ku dhaqmo, Axdiga wuu ka awood badan yahay wax walba oo bani'aadam uu sameysto waxaa ka sarreysa tan Alle oo keliya. Heshiis ay madaxweyne, ra'iisul wasaare iyo guddoomiye gaaraan oo uusan ansixin baarlamaan heshiis ma ahan. Haddii xildhibaanadu ay eryeen guddoomiyaha ayna doortaan guddoomiye kale waa la ixtiraamo," ayuu yiri Faarax Macallin.

Sidoo kale, wuxuu sheegay inuu sax u arko go'aankii ay gaareen qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, isagoo sheegay in baarlamaanku uu awood u leeyahay inuu wuxuu doono diido wuxuu doonana aqbalo.

"Madaxweynaheennu go'aan buu gaaraa arrintaas baarlamaanka ayaa la keenaa daaqadda ayaana ka tuurnaa... baarlamaanku waa hay'adda ugu awoodda badan dal walba oo caalamka ku yaalla wixii ay go'aansadaan unbaa sax ah," ayuu mar kale yiri isagoo intaas raaciyay in madaxweynaha, guddoomiyaha iyo ra'iisul wasaaraha iyo dastuurkaba ay baarlamaanku dhaleen, waxayna awood u leeyihiin inay ridi karaan.

Dhanka kale, Faarax Macallin wuxuu kasoo horjeestay warsaxaafadeed ku baaqaya in xildhibaannada baarlamaanka oo uu soo saaray danjire Mahiga,isagoo sheegay in Mahiga uusan awood u lahayn inuu ka hadlo arrimaha baarlamaanka Soomaaliya, sido kalena uusan awood u lahayn inuu yiraahdo waxaan ayaan aqoonsannahay.

Guddoomiyaha baarlamaanka Jabuuti, Iridis Arna'ud Cali oo la weydiiyay in shirka baarlamaanka dalalka IGAD lagu xallin karo khilaafkaas ayaa sheegay inaan looga hadlay, loogana baahan yahay xildhibaannada baarlamaanka inay khilaafkooda si hoose u xalliyaan.

Shirka baarlamaannada IGAD ee ka furmay dalka Jabuuti ayaa socon doona saddex maalmood ayaa waxaa la sheegay in looga hadlayo sidii loogahadli lahaa arrimaha baarlamaanka dalalka bariga Afrika, waxaana Soomaaliya uga qaybgalaya C/weli Ibraahim Sheekh Muuddeey oo ah ku xigeenka guddoomiyaha baarlamaanka Soomaal







XAFIISKA MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA

OFFICE OF SOMALI PRESIDENT (0SGCC)






Muqdisho: Sabti December 7, 2011 (Somaligov Portal News) : Guddoomiyaha Cusub ee Golaha Xildhibaannadda Soommaaliyeed Mudane Madoobe Nuunoow ayaa waxuu u u ogeysiinayaa dhammaan xildhibaannadda Golaha Shacabka iyo Ummadda Soomaaliyeed, inuu Ra''iisal Wasaaraha Dowladda Ku-Meel_Gaarka Dr. Cabdiweli Maxameed Cali Gaas ka sheegay idaacada BBC wareysi uu siiyey asagoo leh Golaha Barlamaanka wax cod ah ma lahan, waxay yihiina ma jiraan haddii ay sidan ku sii socdaa asagoo aaminsan beentii Garoowe lagu soo dhoodhoobay taasoo hayd in dalka Soomaaliya ay markale gummaysi la geliyo. golaha Barlamaanka iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed waxay ogyihiin inuu Ra'iisal Waasare Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uu aad iyo aad ugu faraxsan yahay Dowladda Ethiopia Iyo Kenya inay shacabka Soomaaliyeed ku duqeeyaan degmooyinjkooda asagoo la ogyahay wixii uu diiday Madaxweyne Mudane Shariif Sheikh Axmed inuu si sahlan oo sharci jabin ah uu Dowladda Kenya ugu ogolaaday khaladkii ay Soomaaliya ku soo gashay kaasoo aan waxba laga la tashan Golaha Shacabka ee Soomaaliyeed.

Golaha Barlamaanka Soomaaliya waxay weydiinayaan Ra'iisal Waasare Mudane Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxa uu ku dhaliilayo Golaha Shacabka Soomaaliyeed ee asago u codeeyey kuwaasoo uu idaacada BBC Af-Soomaaliga ka yiri waxba ma ah marka Kenya oo si sharci darro ah ku soo gashay dalka Soomaaliya uu sharciyey, isla-markaana uuna keenin Golaha Barlamaanka inay ka hadlaan baaraan degida khiyaannadda Dowladda Kenya ee ay sharciga caalamiga ku joojisay.

Hawlsgan waxaa si deg deg ah uga jawaabi doona Xildhibaannadda xorta noday ee raba dhibka iyo dulinimadda inay ka saaraan Ummadda Soomaaliyeed.

Haddii aynan Muqdisho wax ahayn haddaba khiyaannaddii Garoowe ayaa wax ah!

Waad Mahadsan Tihiin,

Guddoomiyaha Cusub ee Golaha Xildhibaannadda Soommaaliyeed Mudane Madoobe Nuunoow



Muqdisho: Sabti December 7, 2011 (Somaligov Portal News) : Taliska ciidammada xoogga dlaka Soomaaliyeed  ayaa sheegay in la dhisi  doono xerooyinka military ee gobolka Hiiraan  kadib markii magaalada xarunta ah ee Baladweyne laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab.

Taliyaha ciidammada Xoooga dalka Soomaaliyeed General C/qaadir Sheekh Cali “Diin” oo dhawaan gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka  Hiiraan, isaga oo ka mid ah wafdigii Ra’iisul wasaaraha, ayaa sheegay in dhawaan gobolka Hiiraan laga dhisi doono xerooyinkii ciidammada Xoogga  dalka ku lahaan jirteen.

Taliyaha ayaa tilmaamay in ciidammada Xoogga dalka Tayadooda ay kor u sii kaceyso loona baahan yahay, in la xoojiyo dhismahooda, isagoo  sheegay in magaalada Baladweyne ay taariikh dheer ku leedahay saldhigyada ciidammada Xoogga Soomaaliya.

Dhanka kale General C/qaadir Sheekh Cali “Diini ayaa hoosta ka xariiqay in shacabka Soomaaliyeed ay garab taagan yihiin ciidammada  Difaaca dalka ku howllan, isla markaana ay u far muuqayaan halka uu cadowga ku dhuumaaleysanayo.




Muqdisho: Sabti December 7, 2011 (Somaligov Portal News) : Xildhibaan ka tirsan barlamanka KMG Soomaaliya ayaa si kulul uga jawaabay hadalkii shalay
kasoo baxay Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee ahaa in la xaliyo khilaafka barlamanka.


Xoghaynta barlamanka KMG Soomaaliya Xildhibaan Cumar Isloow Max’ed oo la hadlayey Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu si kulul uga jawaabay hadal kasoo baxay Ergayga gaarka ee QM u qaabilsan dalka Soomaaliya Augustine Mahiga kaasi oo ku aadanaa in barlamanku ay wada hadlaan si loo joojiyo khilaafaad uu sheegay in uu dhaxeeyo Mudanayaasha

barlamanka.


Cumar Isloow ayaa tilmaamay in hadalka Mahiga uu ku jiray in talaabo laga qaado Xildhibaanadii bilaabay rabshadaha, waxaana uu xusay hadii Mahiga uu talaabo qaadayo in looga baahan yahay in marka hore uu talaabo cad ka qaado Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ku eedeeyay in uu soo abaabulay qorshihii dagaal ee qaar ka mid ah Xildhibaanadaku dhex maray Xarunta Golaha shacabka ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaanka ayaa waxa uu intaasi ku daray in Xildhibaanada uu sheegay in uu soo adeegsaday Shariif Xasan ay barlamanka soo weerari jireen xiliyada ay dhacayaan fadhiyada barlamanka.


Xoghaynta barlamanka KMG Soomaaliya mar Shabelle ay wax ka waydiisay in ay kasoo horjeedaan qorshaha Roadmap –ka ayaa waxa uu sheegay in aysan wali arkin qorshe howleedka oo uu xusay in wali uu ku dhagan yahay Shariif Xasan xili uu tilmaamay in dhowr jeer ay ka codsadeen Roadmap –ka ka horkeeno Mudanayaasha barlamanka.


Cumar Isloow ayaa waxa uu ka dhawaajiyay in barlamanka ay wakiil ka yihiin shacabka Soomaaliyeed beesha Caalamkana looga baahan yahay in ay la shaqayso Gudoonka cusub oo ay doorteen Mudanayaasha barlamanka KMG, balse waxa uu ka digay in laga leexdo sharciga oo uu sheegay in ay horseedi karto burbur ku yimaada dowladda KMG Soomaaliya.


Xoghaynta barlamanka KMG Soomaaliya Cumar Isloow Max’ed ayaa waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in hadalkii kasoo baxay Guddiga amniga Qaranka, isagoo xusay in uusan jirin wax la yiraahdo Guddiga amniga Qaranka, waxaana uu tilmaamay in Gudigaasi lagu dhisay boob waayo waxa uu ku nuux nuuxsaday in Gudiga amniga ay ku dhawaaqi karto kaliya Xukuumadda KMG Soomaaliya.


Cumar Isloow ayaa waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay gabi ahaanba Warsaxaafadeedkii kasoo baxay Guddiga amniga, isagoo intaasi ku daray in Gudigaasi loo dhisay awood fara galin ah oo la doonayo in lagu caburiyo Mudanayaasha barlamanka KMG, waxaana uu intaasi raaciyay in barlamanku uu go’aan gaaray islamarkaana uu wadan doono howlihiisa shaqo.


Muqdisho: Sabti December 7, 2011 (Somaligov Portal News) : Xaflad si heer sare loosoo agaasimay oo ay kasoo qeyb galeen masuuliyiinta maamulka gobolka Banaadir, masuuliyiinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta, saraakiil katirsan ciidamada xooga dalka,taliyaha qeybta Bartamaha iyo boqolaal shacabka degmooyinka gobolka Banaadir, ayaa galabta lagu qabtay gudaha garoonka Munashiibiyo.

Waxaana munaasabaddaasi hadlo ka jeediyay guddoomiyaha degmada Wardhiigleey marwo Deeqo C/qaadir Axmed, guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta mudane Siciid Mugaabe, kuxigeenkiisa Mudane Durraan, guddoomiyaha degmada XamarJajab mudane Maxamed Cali Axmed, marwo Jawaahir Baarqab oo ku hadashay magaca ururka haweenka ee bilic soo celinta iyo gunaandukii xafladdasi oo uu soo xiray duqa magaalada Muqdihso ahna guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Masuuliyiinti xafladdaasi ka hadashay ayaa dhamaantood iftiinshay doorka dhalinyada iyo ciyaaraha iyagoona sheegay in amaanka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ay wax weyn ka baddali karto tartamada ciyaaro ee dhawaanahanba ay marti galinayeen qaar kamida degmooyinka gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha degmada Wardhiigleey oo furitaankii xaflad galabta lagu furayay tartan ciyaaraha kubadda cagta ah oo  ay ka qeyb qaadanayaan kooxo ka kala socda 16-degmo ee gobolka Banaadir kuwaaso si rasmi ah galabta uga furmay garoonka Munashiibiyo ee degmada Wardhiigleey.

Ayaa sheegatay in degmooyinka kale ee gobolka Banaadir ay u rajeyneyso iney qabtaan ama marti galiyaan tartamo noocan oo kale ah si isdhex galka dhalinta iyo sugidda amniga loo sii arkeeyo.

Ka sokow xafladda galabta uu guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho uu ku furay tartanka kubadda cagta ee kooxo kala matalaya degmooyinka gobolka oo dhan uga bilowday degmada Wardhiigleey ayaa waxa galabta la ciyaaray kulankii ugu horeeyay ee tartankaasi.

Waxaana galabta foodda is daray laba kooxood oo kala kala socday degmooyinka Wardhiigleey iyo Hurwaa, kuwasoo lagu kala  magacaabo Dalbile VS SoS waxeyna ciyaartaasi oo aheyd mid xamaasad badneyn ku soo idlaatay barbar dhac 2-2.

Maalinta barri ah ayaa lagu wadaa iney wada ciyaaraan 4-kooxood oo kala ah

Alba VS Qodxaaley  iyo ciyaarta dambe oo ay wada baratami doonaan kooxaha XamarJadiid VS KM4

Tartamada ciyaaraha kubadda cagta ee dhawaanan ka socday magaalda Mudisho oo ay soo qaban qaabiyeen maamulka gobolka Banaadir oo kaashanaya xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta ayaa noqday kuwo soo jiitay indhaha shacabka Soomalaiyeed ee ku nool gudaha dalka iyo dibadda.

Maaha markii ugu horeysay ee maamulka gobolka Banaadir uu soo qaban qaabiyo tartamo ciyaaro ku wasoo looga gol leeyahay sii adkeynta xiriirka iyo isdhex galka qeybaha bulshada reer Muqdisho.










Muqdisho: Jimco December 6, 2011 (Somaligov Portal News) :
Guddoomiyihii hore Golaha Xildhibaannadda Barlamaanka Mudane Sharif Xassan Shiikh Aadan oo sheegay inay Golaha Shacabka walba lagu soo dhisay sharci darro isla-markaasna ay Dowladda Ethiopia and Kenya ay doonayaan inay boobaan dhulka Soomaaliya asagoo ku daray inuu ogyajay haatan sida ay ugu soo biirtay khas ay wado Dowladda Djibouti iyo Ugnada ayadoo Dowladda Eritrea loo adeegsaday waxyaabo sharci darro ah sidii cunnaqabatayn khiyaano ah u saari lahayd Ethiopia dalka Eritrea ayaddoo ugu marmarsiyoonaysa wax been-abuur ah Guddoomiyigii hore Mudane Shariif Xassan Shiikh Aadan ayaa hadda ogaaday wax uu xilka looga qaaday inay tahay markii uu sii sheegay Ethiopia inay dalka Soomaaliya markale ku soo geli karto sharci darro asagoo hadda ka horna ka ansixiyey Golaha Barlamaanka Soomaaliyeed inay Dowladda Ethiopia iyo Dowladdaha deriska midnaba soo geli karin Soomaaliya.

Guddoomiyigii hore Mudane Shariif Xassan Shiikh Aadan oo xilka laga qaaday taariikhdu marka ay ahayd Diseember 13dii, 2011 ayaa maanta sheegay inay Dowladda Ethiopia iyo Kenya ay rabaan biliqaysiga shacabka Soomaaliyeed ayadoo u soo maraya Ururka Midowga Afrika Iyo Qaramadda Midooway kuwaasoo xafiisyadooda Afrika ay haatan kala maamulaan muwaadaniin u kala dhashay Ethiopia iyo Kenya.

Waad Mahadsan Tihiin,

Guddoomiyigii hore Mudane Shariif Xassan Shiikh Aadan


Muqdisho: Jimco December 6, 2011 (Somaligov Portal News) : Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo wafdigii uu hogaaminayay ayaa goor  dhow ka degay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka hiiraan.

Wafdiga Ra’iisul wasaaraha ee ka degay magaalada Baladweyne, isla markaana ay la socdeen Ra’iisul wasaare ku xigeen ahna wasiirka Gaanshaandhigga, wasiirka Warfaafinta, wasiirka Badroolka, Taliyaha ciidammada Xoogga dalka iyo xildhibaanno ayaa waxaa si diirin ugu soo dhaweeyay magaalada Baladweyne saraakiil ka tirsan ciidammada Xoogga dalk  iyo shacab aad u badan.

Ra’iisul wasaaraha  iyo wafigiisa ayaa lagu wadaa in ay booqdaan goobaha ay ku sugan yihiin ciidammadii dhawaan magaalada Baladweyne ka xoreeyay kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa ay booqan doonaan sida qorshuhu yahay xerooyin ay ku jiraan dadka Barakacayaasha ah.

Wixi Warar ah ee Ku soo Kordha kala soco radio muqdisho.net




Muqdisho: Jimco December 6, 2011 (Somaligov Portal News) : Mudane ka tirsan barlamanka KMG ayaa waxa uu sheegay in barlamanka uu ka gudbay caqabadihii hortaagnaa, isagoo dhinaca kale eedeeyay hadalkii kasoo baxay guddiga amniga qaranka ee dowladda Soomaaliya.

Xildhibaan Mowliid Macaane Max’ud oo ka mid ah barlamanka KMG Soomaaliya, kana mid ahaa Xildhibaanadii kasoo horjeday Shariif Xasan Sheeh Aadan oo waraysi siiyay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in guul wayn ay tahay doorashadii gudoomiyaha cusub ee barlamanka, wuxuuna qiray in barlamanka iminka uu ka dhamaaday caqabado badan oo hortaagnaa.


Mowliid Macaane Max’ud ayaa waxa uu talaabo guul ah ku tilmaamay go’aankii ay qaateen Mudanayaasha barlamanka, wuxuuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay la shaqeeyeen barlamanka si wax badan looga qabto xaaladda dalka.


Xildhibaan Mowliid Macaane ayaa waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay hadalkii kasoo yeeray guddiga amniga qaranka dowladda KMG ah oo ku aadanaa in doorashada guddoonka cusub ay tahay mid aan sharci aheyn, wuxuuna tilmaamay in wax lala yaabo ay tahay in Madaxweyne qaran uu lasafto dhinac, sidoo kalena uu heshiis la saxiixdo Maamul goboleed sida
uu hadalka u dhigay.


Hadalkaani ayaa waxa uu imaanayaa iyadoo markii loo doortay gudoomiyaha cusub ee barlamanka Madoobe Nuunoow Max’ed Warsaxaafadeed kasoo baxay guddiga amniga qaranka ee dowladda KMG ah lagu sheegay in doorashadaasi aysan aheyn mid sharci ah, taasi oo uu si kulul ugu jawaabay gudoonka sare ee barlamaka oo sheegay in guddiga amniga qaranka uu u shaqeynayo si ka baxsan sharciga.










Muqdisho: Jimco December 6, 2011 (Somaligov Portal News) : Nairobi: (Sh. M. Network) Qaramada
Midoobay ayaa waxa ay sheegtay in ay ka walaacsan tahay khilaafka u dhaxeeya
Xildhibaanada barlamanka KMG Soomaaliya.





U qaabilsanaha Qaramada Midoobay
ee dalka Soomaaliya Augustine Mahiga ayaa Warsaxaafadeed uu kasoo saaray
magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxa uu ku sheegay in uu ka walaacsan yahay
khilaafka ka dhaxeeya Xildhibaanada barlamanka KMG Soomaaliya oo uu ku
tilmaamay in wax laga xumaado.



 



 Augustine Mahiga ayaa sheegay in beesha
Caalamka ay indhaha ku hayso waxyaabaha kasoo cusboonaaday barlamanka taasi oo
uu sheegay in ay tahay wax aan loo baahnayn, waxaana uu tilmaamay in Caalamka
uu taageerayo guulaha ay gaartay dowladda KMG ee dhinaca siyaasada iyo amaanka.



 



U qaabilsanaha Qaramada Midoobay
ee dalka Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in arimaha ka dhex jira barlamanka ay
halis ku yihiin hormarka dowladda KMG Soomaaliya, isagoo sheegay in muranka
barlamanka uu kusoo aaday xili uusan munaasab ahayn.



 



Ugu dambeyntii Augustine Mahiga
ayaa waxa uu sheegay in jab xooggan uu kasoo gaaray Xarakada Al Shabaab
dagaaladii maalmihii u dambeeyay ay la galeen ciidamada dowladda KMG Soomaaliya
KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.


Muqdisho: Jimco December 6, 2011 (Somaligov Portal News) : Waxaa maanta lagu wadaa in wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Ra’iisul  wasaaraha Soomaaliya in ay  gaaraan magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kadib markii Todobaadkii la soo dhaafay laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab.

Wafdiga Ra’iisul wasaare Cabdi weli Maxamed Cali  ee ku wajahan magaalada Baladweyne  waxaa ku wehliaya wasiirka Gaashaandhigga ahna Ra’iisul wasaare ku xigeen, wasiirka, wasiirka Warfaafinta, wasiirka Iskaashigga iyo xiriirka caalamiga, wasiirka Badroolka, Taliyaha ciidammada Xoogga dalka, xildhibaanno iyo saraakiil kale.

Ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxa ay u kuur galayaan xaaladda ka jirta magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaasi oo ay dhawaan la waregeen ciidammada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale magaalada Baladweyne ayaa waxaa ka soconaya diyaar garoow xooggan oo lagu soo dhaweenayo wafdiga Ra’iisul wasaaraha, iyadooshacabka magaaladaasi ku dhaqan ay wataan Caleemo qoyan si ay u muujiyaan rabitaanka madaxda qaranka Soomaaliyeed.






XAFIISKA MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA

OFFICE OF SOMALI PRESIDENT (0SGCC)






Muqdisho: Khamiis December 5, 2011 (Somaligov Portal News) : Guddoomiyaha Cusub ee Golaha Xildhibaannadda Soommaaliyeed Mudane Madoobe Nuunoow ayaa waxuu fariin u diray inay la shaqayn doonaan Dowladdaha deriska si Soomaaliya xal waara looga gaaro arrinteed asagoo sheegay inay Soomaaliya u baahan tahay sidii looga saacideen lahaa xagga tababaradda ciidanka balse aan loo baahnayn ciidan si sharci darro ah iskaga soo gala dalka Soomaaliya kaasoo xasuuq ka gaysta.

Guddoomiyaha Cusub ee Golaha Xildhibaannadda Soommaaliyeed Mudane Madoobe Nuunoow oo si aqlabiyad ah loogu doortay xilkan ayaa baaq u diray Ummadda Soomaaliyeed iyo Madaxweynaha Shiikh Shariif Shiikh Axmed sidii ay u wada ilaalin lahaayeen sharciga Golaha Shacabka Soomaaliyeed taasoo loo baahay yahay inuu dhibka ka bixiyo Ummadda Soomaaliyeed.

Waxaa si deg deg ah loo keeni doonaan heshiisyadii qaladka wada ahaa xarunta Golaha Shacabka si looga doodo dhibka ay dalka u keeneen iyo sidii looga bixin lahaa khaladkan dalka Soomaaliya.

Waad Mahadsan Tihiin,

Guddoomiyaha Cusub ee Golaha Xildhibaannadda Soommaaliyeed Mudane Madoobe Nuunoow


Muqdisho: Khamiis December 5, 2011 (Somaligov Portal News) : Halkaan Waxaan idinkugu soo gudbineynaa Sawirrada Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Oo Maanta Ka Qeybgalay Munaasabad uu maamulka gobolka
Banaadir kusoo bandhigayey Waxqabadkiisa Sanadkii aynu kasoo gudubnay ee
2011.




















Muqdisho: Khamiis December 5, 2011 (Somaligov Portal News) : Guddiga cadaaladda barlamaanka KMG Soomaaliya ayaa sheegay in Xildhibaano taageersan Shariif Xasan Sheekh Aadan ay wadaan falal amman dari oo ka dhan ah barlamanka Soomaaliya.


Cali Max’ud Faarax (Cali Seeko) oo ka mid ah guddiga cadaaladda barlamanka ayaa ka digay in amni dari iyo colaad ay ka dhex abuuranto Xildhibaanada barlamanka KMG Soomaaliya, isagoo sheegay inay jiraan dad isku howlaya in carqalado ay ka dhex abuuraan Xildhibanadabarlamanka.


Cali Seeko ayaa sheegay inay jiraan Xildhibaano hubaysan oo doonaya in dhibaato ay u gaystaan Xildhibaanadii shalay doortay gudoomiyaha barlamanka ee Madoobe Nuunoow Max’ed, isagoo Mas’uuliyadda arintaasi ku eedeeyay inay ka dambeeyaan Xildhibaanadii taageersanaa Shariif Xasan oo shalay gacan ka hadal ku dhexmaray guriga Umadda.


Xildhibananka mar la waydiiyay su’aal ku saabsaneyd waxa guddiga cadaaladda uu ka qabanayo arrintaan ayaa waxauu ku jawaabay in kaliya ay muhiim tahay in loo hogaansamo sharciga iyo madaxbanaanida barlamanka.


Hadalka guddiga cadaaladda barlamanka KMG Soomaaliya ayaa ka dambeeyay kadib markii shalay muran gacan ka hadal sababay uu Xarunta golaha shacabka ku dhexmaray Xildhibaano taageersan Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo kuwii shalay doortay Afhayeenka barlamanka Madoobe Nuunoow Max’ed.



Muqdisho: Khamiis December 5, 2011 (Somaligov Portal News) : Dowladda Soomaaliya ayaa maanta waxay u dabaaldegi doontaa sannad guuraddii 48aad ee Wakaaladda  Wararka Qaranka Soomaaliyeed.

Waxaa maanta lagu wadaa in munaasabad lagu maamuusayoo sanad guurada 48-aad ee ka soo wareegatay aas aaska wakaaladda wararka qaranka Soomaaliyeed ee Sonna, in ay ka dhacdo xarunta wasaaradda War faafinta, ee maagaaladaMuqdisho.

Wakaaladda wararka qaranka Soomaaliyeed ee Sonna oo ka mid ah wakaaladdaha wararka aduunka, isla markaana kaalin muhiim ah ka qaadata  faafinta wararka gobolka iyo guud ahaan caalamka ayaa maanta u dabaaldageysa sanad guradeedii 48-aad ee ka soo wareegatay markii la aasaaska 5tii Janaayo 1964-kii.

Wakaaladda wararka qaranka ayaa waxa ay sidoo kale isha wararka ay u ahayd dhammaan warbaahinta qaranka iyo kuwa kale ee aduunka, iyada oo xiriir wanaagsan la lahayd wakaaladdo ay ka mid yihiin  wakaaladda wararka dalka Ruushka, wakaaladda AFP oo dalka Faransiiska laga lee yahay kuwa iyo kale oo caalami ah.

Wakaaladda qaranka ayaa waxaa saameyn adag ku yeeshay dagaalladii iyo bur burkii dalka dhacay muddooyinkii la soo dhaafay, taasi oo gabi ahaanba meesha ka saartay xiriirkii iyo howllihii kale ee ay u heysaywarbaahinta gudaha iyo dibedda.


Muqdisho: Khamiis December 5, 2011 (Somaligov Portal News) : Guddiga ammaanka qaranka Soomaaliyeed oo shalay kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa soo dhaweeye doorashada guddoomiyaha cusub Mudane Madobe Nuunoow oo shalay ka dhacay xarunta golaha sahcabka ee lagu waxyeelleeyay mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka kuwaasoo damacsanaa inay qasaan doorashada guddoomiyaha cusub.

Guddiga Amniga Qaranka Soomaaliya kulanka ay shalay ku yeesheen magaalada Muqdisho waxaa shir guddoominayay madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane  Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxaana joog ka ahaan Guddoomiyaha Baarlamaanka ee cusub Mudane Madoobe Nuunow, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda, Wasiirka Gaashaandhigga ahna Ra’iisul wasaare ku-xigeen, wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka, wasiirka War faafinta iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Shacabka Soomaaliya waxay si wayn u soo dhawaynayaan Guddoomiyaha Cusub ee Golaha Barlamaanka Soomaaliyeed Mudane Madoobe Nuunoow oo ah guddoomiyaha sharciga ah ee loo doortay xilka Guuddoomiyenimo. Dadka Soomaaliyeed waxay filayaan inuu shaqada Golaha Shacabka u wato shaqadiisa. Waxaan sidoo kale soo dhaweeyey Aqoonyahanka Soomaaliyeed ayagoo sheegay in dadka aqoonyanka ay dilayaan dad raba inay Soomaaliya degin sida cadowga soo jireenka ee Soomaaliyeed.

Waad Mahadsan Tihiin,

Xafiiska Isgaarsiinta Dowladda Sooomaaliyeed.



Muqdisho: Khamiis December 5, 2011 (Somaligov Portal News) : Ururka Midoowga Afrika ayaa ka dalbadday golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey in la kordhiyo tirada ciidammada Midoowga Afrika ee Soomaaliya ka howlgalla si loo xoojiyo furumaha dagaal ee Al-Shabaab looga  hor tagayo.

Wasiirrada gaashaandhigga dalalka ay Soomaaliya ciidammada ka jooggaan oo kulan ku yeeshay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia ayaa isku raacay in la kordhiyo ciidammada AMISOM ee ka howlgalla Soomaaliya si loo gabagabeeyo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab oo hadda sii xoogeystay.

Kulanka ay isugu yimaadeen wasiirrada Gaashaandhigga dalalka Soomaaliya ciidammada ugu deeqay ayaa waxaa ka soo qeybgalay siyaasiyiiniyo qubarro xagga Gaashaandhigga, waxayna si aad ah u taageereen kordhinta ciidammada AMISOM ee Soomaaliya, iga oo sheegay in ay u arkaanmid soo afjari karta mashaakilka Soomaaliya.

Agaasimaha nabadda iyo nabadgalyada Midoowga Afrika Ramtana Lamamra oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in golaha ammaanka ay u gurbinayaan qorshaha lagu kordhinayo ciidanmada AMISOM, ee ,gaaraya 17,700, oo askari si ay u meel mariyaan.

Ururka Midoowga Afrika ayaa dhankiisa tilmaamay in uu rajeyso aqbalaadda golaha ammaanka ee Q.M, si loo cubaqabeeto kooxda xagjirka ahee Al-Shabaab, waxa uuna ku booriyay wadamada gobolka in ay xoojiyaan taageerada la siinayo Soomaaliya.



Luuq: Muqdisho: Khamiis December 5, 2011 (Somaligov Portal News) : Maamulka degmadaLuuq ee dowladda KMG Soomaaliya ayaa ku eedeeyay Maamulka Azaaniya in uu caqabad ku yahay deegaanada ay ka taliso dowladda iyo howlgalka ka dhanka ah Al Shabaab.


Axmed Buraale Max’ed, Gudoomiyaha  degmada Luuq ee dowladda KMG Soomaaliya oo la hadlay Shabelle ayaa  eedeeyay MaamulkaAzaaniya oo uu sheegay in uu caqad ku yahay howlgalka dowladda KMG Soomaaliya ay kula dagaalamayso Xarakada Al Shabaab.


Axmed Buraale Max’ed ayaa waxa uu sheegay in uu ka mid ahaa Mas’uuliyiin iyo ciidamo ka mid ah dowladda oo looqaaday dalka Kenya si ay uga mid noqdaan Maamulkaasi balse waxa uu sheegay in isaga uu ku gacan saaray qorshahaasi maadaama sida uu sheegay in Maamulkaasi uuyahay mid dana gaar ah ka leh dalka Soomaaliya.


“Sababta aan ugu gacan seeray ka mid noqoshada Maamulkaasi waxa ay ahayd aniga oo ogaaday in Azaaniya uu caqabku yahay deegaanada gobolka dowladda iyo shacabka Soomaaliyeedna ay kasoo horjeesteen Maamulkaasi” sidaasi waxaa yiri Gudoomiyaha degmada Luuq eedowladda oo Shabelle ay waydiisay sababta uu uga soo horjeestay ka midnoqoshada Maamulkaasi.





Gaalkacyo: Khamiis December 5, 2011 (Somaligov Portal News) :Dibadbax looga soo horjeeday dhibaatooyinka ay gobolka Mudug ku hayaan burcad badeeda Soomaalida ayaa maanta waxaa uu ka dhacay Magaalada Gaalkacyo.


Banaanbaxaani oo ahaa mid ay soo qaban qaabisay Wasaaradda dhalinyarada, ciyaaraha iyo Isboortiga ee MaamulkaGalmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa maanta waxaa uu ka dhacayBarxadda wayn ee C/laahi Ciise ee Magaalada Gaalkacyo.

 Dibadbaxa maanta ayaa waxa kasoo qeyb galay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo Mas’uuliyiin ka tirsan MaamulkaGalmudug, iyadoo banaanbaxaasi looga soo horjeeday kooxaha burcad badeeda Soomaalida ee dhibaatada ku haya deegaanada Maamulka Galmudug iyo afduubyadakusoo laab laabtay Magaaladaasi.


Hadalo ka dhan ah burcad badeeda Soomaalida ayaa waxa ku qaylo dhaaminayay dadka dhigayay banaanbaxa, iyagoo kadalbanayay Madaxada ugu sareeysa Maamulka Galmudug inay wax ka qabtaan dhibaatooyinka ay ku reebeen kooxaha burcad badeeda Soomaalida.


Banaanbaxaani ayaa kusoo beegamaya xilli maalmo ka hor Magaalada Gaalkacyo afduub loogu gaystay Wasiirkawasaaradda waxbarashada ee Maamulka Galmudug Mudane Burhaan Warsame Cigaal.







XAFIISKA MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA

OFFICE OF SOMALI PRESIDENT (0SGCC)




OFFICIALLY ELECTED DEMOCRATICALLY IN MOGADISHU, SOMALI

Muqdisho: Arbaco December 4, 2011 (Somaligov Portal News) : Golaha Shacabka Soomaaliyeed waxay si sharci ah ku doorteenGuddoomiyaha Cusub ee Golaha Barlamaanka Soomaaliyeed ayadoo aynan jirin cid shisheeye ah oo waxa u yeerin, waxaana Guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliyeed loo doortay Mudane Madoobe NunoowJanuary 4, 2011! Guul  Wacan iyo khayr ayuu u rajaynayaa in dalka laga ssaaro duliga ku soo duulay ee ah cadowga soo jireenla kaasoo dad badan ku xasuusay gudaha dalka Soomaaliya.









Muqdisho: Arbaco December 4, 2011 (Somaligov Portal News) : Xildhibaanada Baarlamanka Somalia oo maanta kulan aan loo kala kicin ku lahaa xarunta
golaha shacabka ee magaalada Muqdisho ayaa goor dhoweyd oo galabta ah bilaabay iney doortaan gudoomiye cusub oo uu yeelan doono baarlamanka Somalia ka dib markii ay xilka qaadeen 13-kii bishii hore gudoomiyihii hore Shariif Xasan Shiikh Aadan. Ka dib markii ay soo dhamaadeen khudbado ay musharaxiinta u taagan xilka gudoomiyaha Baarlamanka ka jeediyeen kulankaas ayaa markiiba la guda galay doorashada gudomiyaha cusub oo ay u tartamayaan ilaa ix musharax oo kala ah C/casiis Xasan Max’ed (Laftagareen), Shiikh Nuur Cali Aadan, Xuseen Cismaan Xuseen, Max’ud Macalin Yaxye, Cali C/laahi Afooye iyo Madoobe Nuunoow Max’ed.

Waxaa goobta la soo dhigay sanduuq cad oo dhalo ah kaasoo xildhibanaadu ay ku riadayaan warqadaha codeynta, waxaana loogu yeerayaa mid mid si ay u codeeyaan, iyadoo la filayo in codeynta ay gaarto ilaa caawa, dhowr wareegna ay gasho.

Wixii warar ah ee ka soo kordha codeynta doorashada gudoomiyaha cusub ee baarlamanka kala soco bogan insha alaah

Muqdisho: Arbaco December 4, 2011 (Somaligov Portal News) :


Beelaha Soomaaliyeed oo si wayn u soo dhaweeyey shirka uu Maamul Sool, Sanaag Iyo Cayn ugu furmay magaaladda Taleex  ee caanka ku ah difaaca jiritaanka Ummadda Soomaaliyeed. Dowladda Soomaalya iyo dhammaan Maamulladda Dalka ka jira waxay si diiran salaan ugu dirayaan hawl-wadeenadda shirkan Sool, Sanaag Iyo Cayn "Qabaa'ilka Dhulbahante" ay ugu arinsanayaan mustaqbalkood iyo horumarka deegaankooda. Waxaanu u rajaynaynaa guul iyo siyaasad wanaagsan Insha Allah!






XAFIISKA MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA

OFFICE OF SOMALI PRESIDENT (0SGCC)





Muqdisho: Arbaco December 4, 2011 (Somaligov Portal News) : Madaxweyne Mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa maanta shaaca ka qaaday inuu Dalka Soomaaliya leeyahay Dastuur kaasoo la ansixiyey 4tii Lulyo, 1960 marka Dowladdaha ku qasbi raba inay Soomaaliya hadda loo qoro Dastuur been-abuur ah, waxaanu ka codsanaynaa inay naga daayaan lugooyadooda iyo khilaafka ay ka dhex wadaan Soomaaliya. Mida kale Dowladda Soomaaliya iyo Golaha Xildhibaannadda ma ogola Dowladda Ethiopia iyo wax ay ka dhex wado gudaha Soomaaliya taasoo in badan xasuuq ka gaysatay Muqdisho markii ay ku soo galeen Dalka Soomaaliya sharci darro.


Aniga waxaan aad iyo aad uga xummahay fidnadda uu weli wado Guddoomiyihii hore ee Golaha Baarlamaanka Soomaaliyeed Mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed kaasoo ay xilka ka qaadeen dadkii markii hore u magacaabay xilkaas. Haddii uu qaska dayn waayo waxaa waajib ku noqaysa Dowladda Soomaaliya inay xirto isla-markaasna la baaro lacagihii uu magaca dalka ku dhacay asagoo haatanba ay baarayaan hay'addaha adduunka u xilsaaran daba-galka lacaga magaca shacabka lagu dhaco.


Dowladda Ethiopia si deg deg ah ha uga baxdo dalka mise Dowladda kale ayaanu ku casuumi doonaan si ay cashar cusub ugu dhigno!


Waad Mahadsan Tihiin,


Madaxweyne Mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed




Muqdisho: Arbaco December 4, 2011 (Somaligov Portal News) : Guddiga Maaliyada barlamanka KMG Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in uu baaris ku hayolacago uu lunsaday Gudoomiyihii hore ee barlamanka Shariif Xasan xiligii uu ahaa wasiirka Maaliyada.


Cismaan Xaaji Cali oo xubin ka ah Guddiga Maaliyada barlamanka KMG Soomaaliya oo u waramay Shabelle ayaa waxa uusheegay in ay baaris ku hayaan lacago uu sheegay in uu lunsaday Shariif Xasan xiligii uu ahaa wasiirka Maaliyada Xukuumadii Sharma’arke.


Xildhibaanka ayaa waxa uu sheegay in ay hayaan dukumintiyo cadaynaya in Shariif Xasan oo ah Gudoomiyihii eebarlamanka uu lunsaday waqtigaasi lacago loogu tala galay Hay’adaha dowladda KMG iyo shacabka Soomaaliyeed.


“Waan soo bandhigeenaa hadii uu Alle idmo dukumintiyadaasi cadaynaya in Shariif Xasan uu lunsaday markii uu ahaa wasiirka Maaliyada lacagahaasi, waxaana dhinaca kale ugu baaqayaa Shariif Xasan in uu faraha kala baxo arrimaha barlamanka maadaama xilka laga qaaday”sidaasi waxaa yiri  Cismaan Xaaji Cali.


Shalay ayey aheyd markii Guddiga Maaliyada barlamanka uu ugu baaqay Xukuumadda KMG Soomaaliya ay joojiso lacagihii ku bixi jiray xafiiska Gudoomiyihii hore ee barlamanka Shariif Xasan.






XAFIISKA MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA

OFFICE OF SOMALI PRESIDENT (0SGCC)





Muqdisho: Talaado December 3, 2011 (Somaligov Portal News) : Madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa maanta waxuu ka codsaday Xildhibaannadda Golaha Shacabka inay iska dayaan fowdada siyaasaddeed isla-markaasna ay doortaan Guddoomiye cusub oo soo diyaariya sidii dalka dhibka looga bixin lahaa. Madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa waxuu raalligelin ka bixiya hadal uu dhawaan ka siidaayey Idaacadda ku hadasha afka guddoomiyihii hore ee laga cayriyey Golaha Xildhibaannadda Soomaaliyeed kaasoo lagu sop eedeeyey musuqmaasuq iyo wax isdaba-marin asagoo lacago badan ku qaatay magaca Golaha Xildhibaannadda, Madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa sidoo kale ku tilmaamay Ra'iisal Waasaraha Dr. Cabdiweli Gaas inuu ka fiirsado hadalka uu Dowladda Ethiopia sida sharci darradda ah ugu yeeray inay dalka ku soo xadgudubto. Madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed waxuu sheegay inay Golaha Xildhibaannadda Soomaaliyeed iyo Shacabka Soomaaliyeed aynan marba aqbalayn Ciidamo ka socda Ethiopia kuwaasoo xasuuq ba'an ka gaystay dalka Soomaaliya meeshaaso xoog looga saaray. Haddii ay Dowladda Ethiopia joojin wayso waxaanu tusi doonaa cashar kale. Soomaali ha noolaato!





Muqdisho: Talaado December 3, 2011 (Somaligov Portal News) : Xildhibaano ka tirsan barlamanka Federalka KMG Soomaaliya ayaa ka dalbaday Madaxweynaha dowladda KMG ah in uu cudur daar ka bixiyo hadalkii uu kula saftay Shariif Xasan Sheekh Aadan.


Kadib markii maalin ka hor Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu kasoo horjeestay go’aan ay gaareen ku dhawaad 3-boqol oo Xildhibaan oo ay xilkii kaga
qaadeen Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa hadalkaasi waxaa raali galin ka dalbaday Xildhibaano ka tirsan barlamanka.


Xildhibaan Xuseen Caraale Cadaan oo ka mid ah Xildhibaanadaasi oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxaa uusheegay  in Mudanayaasha barlamanka uu ka raali galinayo hadalka kasoo baxay Madaxweynaha dowladda sida uu hadalka u dhigay, isagoo Madaxweynaha ka dalabaday in raali galin uu ka bixiyohadalkaasi.

“ Warkaas waan maqalnay, waraan filahaynay ma ahayn, war hada la dhihi karo warkaasi waa war sax ahna maahan,waxaan maqleynay inuu Madaxweynuhu yiri Xildhibanada meesha soo galay waxay
ahaayeen dad shacab ah in uu yiri aad iyo aad ayaan horta waxaan rabaa in Xildhibaanadi inaan raali galin siiyo, Madaxweynaha Xildhibanada wa kuwii soo doortay, wa kuwa codka siiyay, shalay shacab ma ahayn aadanna ugu xunahay” sidaasi waxaa yiri Xildhibaan Xuseen Caraale Cadaan.


Xildhibaan Cabdulle Magan Bowt oo isna la hadlay Idaacadda Shabelle kana mid ah Xildhibaanada qaba in xilka lagaqaado Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxaa uu Madaxweynaha ka dalbaday in
uusan bar bar istaagin Shariif Xasan oo xilkii laga qaaday, hase ahaatee uu u hiiliyo sharciga iyo shacabka Soomaaliyeed.


“ Madaxweynuhu wuxuu yiri barlamanka Somaliyed oo shacabka ka wakiil ah madoonayo, shacabkii Somaliyed madoonayo, sharcigii dowladda lagu ahaa madoonayo ayuu yiri, cidii Somaliyed marabo, Calankii Somaliyed marabo ayuu yiri, Shariif Xasan baan doonayaa ayuu yiri” sidaasi waxa Shabelle u sheegay Xildhibaan Cabdulle Magan Bowt.


Xildhibaanada kasoo horjeeda Shariif Xasan Sheekh Aadan oo gaaraya ku dhawaad 3-boqol oo xildhibaan ayaa beesha Caalamka waxa ay ka dalbadeen in mar un xilka laga qaado Shariif Xasan
Sheekh Aadan oo ay tilmaameen in uu isku dhajinayo xil ay ka qaadeen, iyagoo tilmaamay in uu dhaqaalo ku bixinayo hurinta khilaaf ka dhex dhasha barlamanka Soomaaliya.

Ururka Shirweynaha Islamka : “Soomaaliya marnaba wax xal ah uguma jiro faragalin ciidan oo ay ku sameeyaan wadamada dariska ah….”

Muqdisho: Talaado December 3, 2011 (Somaligov Portal News) : Xog’hayaha guud ee ururka Shirweynaha Islamka Ekmeleddin Ihsanoglu ayaa sheegay in Soomaaliya aysan marnaba wax xal ah ugu jirin faragalin ciidan oo ay ku sameeyaan wadamada dariska ah hase ahaatee xalku ku jiro in la wadahadal siiyo dhinacyada is haya.

Ekmeleddin Ihsanoglu oo la hadlayay wakaaladda wararka ee IINA kadib markii uu soo gabo gaboobay kulan ay xubnaha ururka shirweynaha Islamku ku yeesheen magaaladda Jeddah ee wadanka  Sacuudiga ayaa sheegay inuu ka walaacsan yahay xaaladaha amaan iyo tan iyo bini’aadanimo ee ka jirta Soomaaliya waxaana uu ku baaqay in xal Soomaaliya uusan haba yaraatee ku jirin fara galin military.

Xog’hayuhu waxaa uu sheegay in loo baahan yahay six al waara loogu helo dhibaatada mudada ka jirta dalka Soomaaliya loo baahan yahay in la wada hadalsiiyo dhinacyada isku haya siyaasadda ee dagaaladda ka wada wadanka siida uu yiri.

Sidoo kale Ikmaludin xog’hayaha guud ee ururka shirweynaha Islamka waxaa uu tilmaamay in ururkoodu usan marnaba hakad gelin doonin dadaalada nabad raadinta Soomaaliya iyo kan gar gaarka waxaana uu intaa ku daray in sanadkaan cusub ay sii kordhin doonaan kaalmooyinka bini’aadanimo ee ay Soomaaliya ka geystaan.

Ku dhawaad 700 oo ceelal biyood ah ay ka qodeen Soomaaliya sanadkii tagay ee 2011 oo ay ku baxday lacag ka badan 85 million oo Dollar.

Hadalkaan ka soo baxay ururka shirweynaha Islamka ayaa imaanaya iyadooo qeybo ka mid ah gobolada bartamaha iyo koofurta Soomaaliya ay kusugan yihiin ciidamo Ethiopian iyo Kenyan ah kuwaasoo la dagaalamaya Xarakadda Al-Shabab iyadoona ay ugu dambeysay in ciidamada Ethiopia oo garab siinaya kuwa dawlada ay Al-Shabab kala wareegeen magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan.





Muqdisho: Isniin December 2, 2011 (Somaligov Portal News) :
Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ee kala jaban ayaa wuxuu marki saddexaad maanta ku dhexmaray xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho, halkaasoo ay sheegeen inay kulan ku yeelanayaan xubnihii horay xilka uga qaaday Shariif Xasan. Guddoomiyihii hore Shariif Xassan Shiikh Aadan oo wacad ku maray inuu kala diri doono Dowladda Soomaaliya asagoo aan xilba ka ahayn Dowladda Soomaaliya kaasoo si waafaqsan sharciga looga takhalusay markii uu guddan waayey waajibaadkiisa, waxaa kale oo lagu soo eedeeyey inuu bililiqaystay lacago badan oo uu leeyahay Barlamaanka Soomaaliya Iyo Ummadda Soomaaliyeed.

Gacan ka hadalka u dhexeeyay xildhibaannada ayaa yimid kaddib markii xildhibaano taageersan afhayeenkii hore ee baarlamaanka, Shariif Xasan uu diiday inuu saxiixo warqad la sheegay in lagu xaadirinayo xidlhibaannada kulanka ka qaybgalaya.

"Xildhibaan taageersan ayaa diiday inuu saxiixo warqad taallay albaabka hore ee xarunta golaha shacabka, waxaana markiiba billowday gacan ka hadal u dhexeeya xildhibaannada baarlamaanka," ayuu yiri mudane ka tirsan kuwii goobta ku sugnaa.

Mudanayaasha ayaa waxay isku garaaceen kuraastii xarunta taallay iyo miisaska iyadoo tani ay noqonayso markii saddexaad oo ay gacanta iskula tagaan, kaddib markii ay isku khilaafeen kulammo ka dhici lahaa xarunta.

Xildhibaan Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma-dheere) oo ka mid ah xubnihii xilka ka qaaday Shariif Xasan oo kulankoodu uu baaqday ayaa sheegay inay goob kale ku qaban doonaan doorashada guddoomiyaha baarlamaanka.

"Haddii xarunta golaha shacabka ay noqoto meel fowdo ah, 71-ka qodob ee axdiga wuxuu qabaa in lagu shiri karo meel kale laguna dooran karo guddoomiye baarlamaan," ayuu yiri xildhibaan Gacma-dheere.

Kulankii ay yeelan lahaayeen xildhibaannada kasoo horjeeda Shariif Xasan oo ay ku dhageysan lahaayeen murashaxii ay sheegeen inay u taagan yihiin xilka afhayeenka cusub ee baarlamaanka ayaa waxaa baajiyay gacan ka hadalka dhacay.

Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo ilaalo ka hayay xarunta golaha shacabka ayaan wax tallaabo ah qaadin intii uu socday gacan ka hadalka u dhexeeya xildhibaannada, iyadoo mudanayaal uu ka mid yahay Cismaan Caato iyo Daahir Sheekh Amiin Jeesoow ay sheegeen inay arkeen qaar ka mid ah mudanayaasha taageersan Shariif Xasan oo bastoolado wata.







XAFIISKA MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA

OFFICE OF SOMALI PRESIDENT (0SGCC)





Muqdisho: Isniin December 2, 2011 (Somaligov Portal News) : Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa sheegay in ammaan darrada ka jirta dalka looga bixi karo  dhismaha ciidammada qalabka sida ee Soomaaliya waxa uuna beesha caalamka  ugu baaqay  in cunaqateynta Hubka saarab Soomaaliya laga qaado , isagoo dhan kale sheegay  in dhawaan dalka laga xoreenayo Al-Shabaab iyo Ajaanibtooda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo shalay xafiiskiisa shir jaraa’id ku qabtay ayaa sheegay Soomaalida maashaakilka ugu weyn ee  ka heysta in uu yahay  dhanka ammaanka taasina looga gudbi karo ciidammada qalabka sida oo dhisma, maadaama ay arrintaasi dhibaato ku tahay cunaqabateynta Hubka ee Soomaaliya saaran.

Waxa uu xusay in beesha caalamka looga baahan yahay in dalka ay ka qabo Guddoomihii hore Mudane Shariif Xassan Shiikh Aadam, iyo Dowladdaha deriska ee ku soo xadgudbaya Soomaaliya sida Dowladda Ethiopia, Kenya and Dowladdaha damacsan inay si sharci darro ah ugu cabbiraan badda Soomaaliya Dowladda Kenya taasoo horay iskugu dayday inay Aniga Madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmaed iyo Ra'iisal Wasaarihii hore Mudane Cabdirashiid Cali Sharmaake naga saxiixato taasoo ay fashileen Barlamaanka Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed ee waddiga ah, si loogu guullesyto ciidammo xoog leh oo
Soomaaliya ay yeelato, isagoo inta ku daray in Dowladda Soomaaliya aynan wax khiyaanadda ah ka maqli doonin khaa'inul waddanka sida kuwa umalaynaya inay Ethiopia u qabanayso dhul balse ogayn waxay u gaysatay Ethiopia Ummadda Soomaaliyeed ee ay baabi'isay tan iyo 1964dii ilaa iyo hadda.

Dowladda Soomaaliya iyo Shacabkeeda waxay si cad u ogyihiin inay Dowladda Ethiopia si waadax ah ay hub sharci darro ah ugu qaybin jirtay dagaal-oogayaashii dalka iyo qabaa'iladii burburiyey Qaranka Soomaaliya kuwaasoo maanta la ogyahay inay Ethiopia u shaqeeyaan. Daba-dhilifnimo way dhammaatay ee difaacda dalkiina iyo dadkiina!

Dowladda Soomaaliya waxay ka codsanaysaa Dowladda Ethiopia inay joojiso dhibaatada ay dhex wado dalka Soomaaliya haddii kale ay si xun u eedi doonto wixii ka yimaada. Dowladdaha Adduunka aad iyo aad ayeey u wada ogyihiin waxa ay Dowladda Ethiopia ka dhex samaynayso Soomaaliya, waxaan markan u gudbin doonaa Meles Senawi Maxkamadda Caalamiga ee ICC taasoo horkeeni doonta cadalaada.

Waad Mahadsan Tihiin,

Mudan Shiikh Shariif Shiikh Axmed

Madaxweynaha Dalka Soomaaliya




Muqdisho: Isniin December 2, 2011 (Somaligov Portal News) : Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay marti galineyso shir ballaaran oo looga hadlayo xaaladda ammaan ee Soomaaliya kaasi oo ay ka qeyb gali doonaan dalalka gobolka geeska Afrika ku yaala.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee dowladda Kenya war ka soo baxya ayaa lagu  sheegay in bishan gudaheeda magaalada Nairobi uu ka dhici doono shir ballaaran oo xaaladda ammaan ee Soomaaliya, uga arrinsanayaan dalalka gobolka ku yaala, ka hor inta aanan la gaarin shirka ka dhici doona magaalada London ee dalka Ingariiska.

Wasaaradda ayaa sheegtay  waxyaabaha shirka looga hadli doono in ay ugu muhiimsan yihiin  howllada ka socda Soomaaliya ee lagula dagaallamayo Shabaab, burcad badeedda iyo sidii ay dalalka gobolka gacan uga geysan lahaayeen xalka Soomaaliya.

Ugu danbeyntii ayaa lagu sheegay haddalka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda ee Kenya in shirkaani uu gogol xaar u yahay shir weyne ay dowladda ingariiska soo qaban qaabisay oo arrinta Soomaaliya looga hadlayo.



Jidsa: Isniin December 2, 2011 (Somaligov Portal News) :Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa waxa uu sheegay in uu gacan ka gaysanayo dib usoo celinta amaanka iyo maslaxada Umada Soomaaliyeed.


Xoghayaha guud ee Ururka iskaashiga Islaamka Akmaludiin Ixsaan Ogle ayaa waxa uu  shaaca ka qaaday in ururka Iskaashiga Islaamkauu gacan ka gaysanayo maslaxada iyo nabada kusoo dabaalida dalka Somalia.


Akmaludiin Ixsan Ogle oo saxaafadda kula hadlayay Xarunta ururka Iskaashiga Islaamka oo ku taala magaaladda Jiddaee dalka Sacuudiga ayaa waxa uu tibaaxay in Ururka Islaamka uu ka taageerayo Somalia dhinaca bini’adanimada iyo dhinaca siyaasada .


Dhinaca kale Mr. ogle ayaa sheegay in Ururka Islaamka uu bilaabayo waji cusub oo ay kaga qeyb qadanayaan kuna gargaarayaan dadka ku dhibaataysan xerooyinka barakacayaasha ee ku yalla dalka Soomaaliya.

Ma,ahan  markii ugu horeeysay ee Ururka Iskaashiga Islaamka uu sheego inuu gargarayo dadka Somaaliyeed kalana qeyb qadanayo dhibaatada haysato.




Muqdisho: Axad December 1, 2011 (Somaligov Portal News) : Dowladda Federalka KMG ee Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday inuu bilowday “Howlgalkasoo celinta Nabadda iyo Xasiloonida Soomaaliya” iyadoo lala kaashanayo saacidaada beesha caalamka oo kaliya. Dowladda Itoobiya si khalad ah ayey u soo gashay Soomaaliya isla-markaasna waxaanu ka codsanaynaa inay ka baxaan dalka Soomaaliya haddii kale Golaha Baarlamaaka Soomaaliya waxay u codeen doonaan inay ciidamadda shisheeye oo dhan ka baxaan Soomaaliya.


Warsaxaafadeed

 

“Maanta, shacabka iyo Dowladda Soomaaliya waxey u istaageen la dagaalanka kooxaha Al-Qaeda iyo Al-Shabaab ooin muddo ah hayey argagaxisnimo iyo dil ay u geysteen Soomaali fara badan. Shacabkayagu in muddo ah bey kala kulmayeen silac iyo dhibaato kaga imaneysey Xarakada Al Shabaab.


Maanta waxaan bilownay howlgalladii shacabka Soomaaliyeed looga xorreynayey gumeysiga  e Al-Shabaab.” Sidaas waxaa yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali.


Shacabka Soomaaliyeed dhibaatooyin fara badan baa ka soo gaaray ku hoos noolaashada Al Shabaab oo in muddo ah si waxushnimo ah ula dhaqmayey shacabka. Al-Shabaab waxey ka mid yihiin golaha argagaxisada caalamiga ah ee uu hoggaamiyo kooxda Al-Qaeda.



“Howlgalkan soo celinta Nabadda iyo Xasiloonida Soomaaliya waxuu u socdaa si wanaagsan oo qorsheysan. Saakay, Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed waxey goobo muhiim ah ka qabsadeen kooxihii Al-Shabaab ka dib dagaal ku dhexmaray gobolka Hiiraan. Waxaan si rasmi ah u codsaneynaa kaalmada iyo is-garab istaaga beesha caalamka guud ahaan iyo
dowladaha deriska ah sida Ethiopia si loo saacido shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed laguna saacido howlgalkan taariikhiga ah. “ Sidaas waxaa yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali.


Ujeedada howlgalkan ayaa ah in laga xorreeyo shacabka Soomaaliyeed kooxahan arxan laawayaasha ah. Howlgalkanwaxuu sii kordhinayaa goobaha nabadda ee Soomaalida si ay u helaan kaalmada ama gurmadka caalamiga ah oo ay si aad ah ugu baahanyihiin.


Dowladda Federalka Soomaaliya waxey si deg deg ah uga dalbaneysaa beesha caalamka iyo hay’adaha gar-gaarkabani’aadanimo inay gar-gaar bani’aadanimo la soo gaaraan goobaha laga xorreeyo kooxaha Al-Shabaab.




Muqdisho: Axad December 1, 2011 (Somaligov Portal News) : Guddiga doorashada gudoomiyaha barlamanka ayaa shaaca ka qaaday qaar ka mid ahmusharaxiinta isku soo taagtay xilkaasi.


Xildhibaan Max’ed Max’ud Guuleed (Gacmo dheere) oo ah gudoomiyaha guddiga doorashada barlamanka ayaa waxaa uu faahfaahin ka bixiyay halka ay marayso ololaha doorashada ee loogu jiro guddoonka sare ee barlamanka, wuxuuna maanta soo bandhigay qaar ka mid ah musharaxiintaisku soo taagtay xilka guddoonka sare ee barlamanka.


“ Xildhibaanada soo gudbiyay oo musharaxiinta ah hadii aan idin aqriyo waxa ay yihiin Xildhibaanada kala ah Sheekh Nuur Cali Aadan, Madoobe Nuunoow Max’ed, Xuseen Cismaan Xuseen, Max’ed Macalin Yaxye, C/casiis Xasan Max’ed, iyo kuwa kale” sidaasi waxaa Saxaafadda u aqriyay Xildhibaan Max’ed Max’ud Guuleed


Guddoomiye ku xigeenka labaad ee barlamanka Axmed Dhimbil Rooble (Casoowe) ayaa waxaa uu ka hadlay kulanka maantaay isugu yimaadeen Xildhibaanada barlamanka, wuxuna sheegay in looga baahanyahay musharaxiiintu inay noqdaan kuwo wadaniyiin ah oo ku dadaala horumarka dalkooda.


Barlamanka ayaa waxaa uu sheegay gudooomiye ku xigeenka labaad in uu yahay shacabka, isagoo ka dalbaday Urur goboleedka IGAD in uu bar bar istaago barlamanka Soomaaliya.


Kulankaani ay maanta wada qaateen Xildhibaanada barlamanka Soomaaliya ayaa imaanaya xilli maalinta birito ah lafilayo in mudanayasha barlamanka ee musharaxiinta ah ay qudbad ka horjeediyaan Xildhibaanada barlamanka Soomaaliya.




Muqdisho: Axad December 1, 2011 (Somaligov Portal News) : Maamula gobolka Banadir ee dowladda KMG Soomaaliya ayaa mar kale ku celiyay inay wax kaqabanayaan ammaanka iyo qaraxyada ka dhaca Muqdisho.


Gudoomiyaha Maamulka gobolka Banaadir ee dowladda KMG Soomaaliya Max’ud Axmed Nuur ‘Tarsan’  oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa uusheegay in dhalinyarada ka dambeysa qaraxyada ka dhaca Magaalada Muqdisho ay yihiin kuwa ay soo qaldeen Al Shabaab islamarkaana ay ku doonayaan in lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed.


Tarsan ayaa waxaa uu tilmaamay in Shabaabku ay kasoo horjeedaan nabad ka dhalata gayiga Soomaaliya iyo walibaxasilooni ay ku noolaadaan shacabka Soomaaliyeed, isagoo  mar kale ku celiyay inay ka horagaan qaraxyada ka dhaca Mgaalada Muqdisho.


Ugu dambeyn gudoomiyaha ayaa sheegay sidoo kale faah faahin ka bixiyay u jeedka ay u qabteen tar tankiiku badda Cagta ee kusoo gaba gaboobay Istaadiyo Koonis, taasi oo uu tilmaamay inay jawaab ay u tahay qaraxyada iyo ammaan darida ay wadaan Al Shabaab, wuxuuna intaasi ku daray in loogu talagalay in lagu muujiyo is dhex galkabulshada iyo sida shacabka ay ugu baahi qabaan Nabadda.






XAFIISKA MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA

OFFICE OF SOMALI PRESIDENT (0SGCC)


Sabti December 31, 2011 (Somaligov Portal News) : Dowladda ku sheega tuugadda ah ee Cadowga Dadka Soomaaliyeed ayaa saakay madaaciid aan loo kala aayarin ku riday magaaladda Beledweyne meeshaasoo ay iska soo galeen. Dowladda Ethiopia xaq u ma lahan in aynan sii wadin xasuuqa ay soo cusboonaysiisay, Dowladda Ethiopia way ogyahay wixii ay kala kullantay dalka Soomaaliya iyo dadkiisa asagoo Dowladda ay ka jirto iyo asagoo aan Dowladda Soomaaliyeed ka jirin. Soomaaliyeey iska celiya cadowgan xayawaanka ah. Dowladda Soomaaliya Iyo Golaha Baarlamaaka mida uma ogolaan Dowladda Ethiopia inay soo gasho Soomaaliya.






XAFIISKA MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA

OFFICE OF SOMALI PRESIDENT (0SGCC)

Sabti December 31, 2011 (Somaligov Portal News) : Dowladda Soomaaliya waxay diyaar u tahay inay tixgeliso tallooyinka ay u soo jeediyeen Golaha Xildhibaannadda Iyo Guddoomiyaha ku-meel-gaar ah Mudane Madoobe Nuunoow. Dowladda Soomaaliya waxay xiri doontaa Guddoomiyihii hore Shariif Xassa Shiikh Aadan haddii uu dayn waayo qaska siyaasaddeed ee uu rabo inuu ku burburiyo iftiinka Ummadda Sooomaaliyeed taasoo uu hoggaaminayo Mudane Madaxweyne Shariif Axmed Shiikh. Dowladda Soomaaliya iyo Shacabka Soomaaliyeed aad iyo aad ayeey u ogyihiin khiyaannadda Shariif Xassan asagoo sheegay inay dalka cadowga Soomaaliya soo geli karto bilaa sharuud sida Dowladda Ethiopia oo shacab badan ku dishay Soomaaliya taasoo xasuuqii ay ka gaysatay Soomaaliya weli aysan Qaramadda Midooway iyo Hay'addo badan ka hadlin ilaa iyo hadda. 
Dowladda Soomaaliya waxay ku wargelisay Hay'addaha qaabilsan xanibaada hantida la xaday inay xayiraan dadka wax xaday isla-markaasna u malaynaya inay wax walba samayn karaan.



Minneapolis: Sabti December 31, 2011 (Somaligov Portal News) : Dadka Soomaalida ee gobolka Minissota ee dalka Maraykanka ayaa halkaasi ka dhigay banaanbax ay kaga soo horjeedaan Xawiraadii la saaray Xawaaladaha Soomaalida ee gobolkaasi.


Iyadoo maalintii shalay ay ku beegneyd wakhtiga uu u qabtay bangiga Franklin Bangi inuu ka joojinayo adeeggiiuu siin jiray xawaalladaha Soomaalida ayaa waxa arinkaasi dibadbaxyo looga soo horjeedo waxaa ka dhigay gobolka Minissota ee dalka Mareykanka Soomaalida ee kunool gobolkaasi.


Boqolaal qof oo Soomaali ah ayaa is kugu soo baxay wadooyinka waa weyn ee Gobolka Minnesota kuwaasi oo ka dibadbaxayaxayiraadii uu bangiga Farankilan bangi uu ku sameeyey Xawaaladaha Soomaalida.

“Hooyadey oo da’ah oo ku sugan Xerada Xagardheer ee dalka Kenya ayaan lacag u diri jiray, sidaasi daraadeedwaan ka xumahay xayiraada uu Bangiga kusoo rogay xawaaladaha “ sidaasi waxaa BBC-da u sheegay mid ka mid ah dadkii banaanbaxa dhigayey.

Bangiga farankilan ayaa waxa uu horaatii bishaan uu sheegay in uu joojinayo shaqooyinkii uu u qaban jiray xawaaladaha Soomaalida,  isagoo ka cabsi qaba in lacagta ay u diraan Soomaaliya ay u gacan gasho Xarakada Al Shabaab oo ay dowladda Mareykanka ay ugu jirto liiska Argagixisada caalamka waxana uu
bangiga ka cabsi qabaa in uu qabto sharciga Maraykanka ee ah taagerida Al Qaacida.

Si kastaba xayiraadaan ayaa waxaa wali aan ka hadlin dowladda Maraykanka, iyadoo aysan aheyn markii ugu horeeysayoo xayiraad lagu sameeyo Shirkadaha Xawilaada Soomaalida ee dalka Maraykanka.

Dadka reer xamarka ama Banaadiriga ah

Sabti December 31, 2011 (Somaligov Portal News) :

ayaa waxaa la sheegay inay ka xumaadeen ama ay ka soo horjeedaan waxa loogu yeero 4.5 oo ah hab dhaqan wax wada qeybsiga ee ay ku saleysan tahay siyaasada Soomaalida ayagoona sheegay inay jeclaan lahaayeen inay la kulmaan qofkii alifay habkaas si ay wax uga weydiiyaan.
Maxamed Shariif Aboow oo ka mid ah qowmiyadaas reer Banaadiriga oo dhawaantaan arintaas ka hadlay ayaa waxaa uu si kaftan iyo qosol leh uu uga sheekeeyey
habkaas oo uuna ku tilmaamey mid ah wax lala yaabo islamarkaana ay tahay arin aan la fahmi karin in dadka qaarkiis lagu tilmaamo inay yihiin dad haaf ama nus ah oo aan dhamayn marka loo fiiriyo dadka kale ee Soomaalida ah, ninkaas oo ka sheekeeyey qiysooyin dhab ah ayaa waxaa uu ku saleeyey sida ay Soomaalidu u xaqireen xaquuqda dadkaas banaadiriga.Ugu dambeyntiina iyadoo run ahaantii uu habkaas wax ku qeybsiga ee 4.5 uu yahay mid uu mar kasta muran badan ka taagan yahay iyadoona kii ugu dembeeyey uu
ahaa shirkii wadatashia ee dhawaantaan lagu qabtey magaaladas Garoowe oo ay madaxdii shirkaas isku mariyeen qodobkaas taas oo keentay inuu dib u dhac ku yimaado
shirkaas ayaa hadana waxaad moodaa inkastoo ay Soomaalida badankeed ay u muqdaan kuwo ka soo horjeedo habkaas 4.5 inay hadan markii ay timaado in la badelo habkaas
ay dib u gurasho sameeyaan ayagoo ku saleynaayo diidmadooda inysan jirin hab kale oo kaas ka wanaagsaan oo wax loogu qeybin karo Soomaalida.






XAFIISKA MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA

OFFICE OF SOMALI PRESIDENT (0SGCC)



Jimco December 30, 2011 (Somaligov Portal News) :

Waxaa si rasmi ah gelinkii dambe ee maanta usoo gebo geboobay tartankii degmooyinka gobolka Banaadir ee ka soconayey garoonka kubadda Cagta Banaadir Stadium (Ex-Konis) degmada C/casiis ee gobolka Banaadir ayadoo ciyaartii ugu dambeysay ee Finalkana ay isaga hor yimaadeen degmooyinka Yaaqshiid VS Dharkenley.

Garoonka ayaa waxaa si aad ah usoo camiray taageerayaal kumanaan kun gaaraya kuwaasi oo ah taageerayaashii ugu badnaa ee Sanadahan Muqdisho garoon kubadeed oo ku yaala isugu yimaadaan ayadoo ciyaartanna ay si gaar ah xusid ugu laheyd inay tahay ciyaartii ugu horeysay ee mudooyinkan ay Madax iyo shicib si isku mid ah u daawadaan maadaama uu garoonka ku sugnaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane SheekhShariif Sheekh Axmed.

Ciyaarta ayaa ku bilaabatay dar dar xoogan(Weerar iyo Weerar Celis) waxaana Ciyaartooyda degmada Dharkenley usuurta gashay qeybtii hore ee ciyaarta inay la wareegaan hogaanka Ciyaarta kadib markii ay la yimaadeen gool kaasi oo ahaa Bulusiyoon uu u dhaliyey ciyaaryahankooda usita lambarka Tobnaan ayadoo goolkaasina ay Ciyaarta kusoo gebo
gebowday oo ay sidaa koobka degmooyinka ku hanteen Ciyaartooyda degmada Dharkenley.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo markii ay ciyaarta soo gebo gebowday la hadlay Shacabkii garoonka isugu yimid ayaa tilmaamay in tani ay muujineyso isbedelka ka jira Muqdisho balse looga baahan yahay shacabka iney difaacdaan guusha
hada la hayo waxaana uu dhanka kale Madaxweynuhu kula dardaarmay Xiriirrada Kubadda iyo Maamulka gobolkaba iney badiyaan Tartamada noocaan ah.













Muqdisho: Jimco December 30, 2011 (Somaligov Portal News) : Xildhibaan ka tirsan barlamanka KMG Soomaaliya ayaa sheegay in uu u taagan yahay xilka Gudoomiyaha barlamanka KMG Soomaaliya.


Max’ud Macalin Yaxye oo ka tirsan barlamanka KMG Soomaaliya ayaa Shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay hoyga uu kadagan yahay magaalada Muqdisho waxa uu ku sheegay in uu u taagan yahay xilkaGudoomiyaha barlamanka KMG Soomaaliya.


“Hadii la ii doorto Gudoomiyaha barlamanka KMG Soomaaliya waxa aan wax ka qaban doonaa musuq maasuqa iyokhilaafka barlamanka sidoo kale waxaa wanaaji doonaa xiriirka barlamanka uu la leeyahay beesha Caalamka iyo wada daneeya arrimaha dalka Soomaaliya” ayuuSaxaafadda u sheegay Xildhibaanka.


Max’ud Macalin Yaxye ayaa dhinaca kale sheegay in uu soo dhaweynayo warqadii kasoo baxda Midowga Afrika ee lagusheegay in Midowga Afrika uu taageersan yahay go’aanka Xildhibaanada sida uu hadalka u dhigay.



Shalay ayey aheyd markii Xildhibaan ka tirsan barlamanka KMG Soomaaliya uu shaaca ka qaaday in uu utaagan yahay xilka Gudoomiyaha barlamanka, waxaana Xildhibaankani uu noqonaya kii labaad ee shaaciya in uu u taagan yahay xilka Gudoomiyaha barlamanka.




Muqdisho: Jimco December 30, 2011 (Somaligov Portal News) : Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya oo maanta dib ugu soo laabtay magaaladaMuqdisho ayaa faah faahin ka bixiyay booqashadii uu ku tagay deegaano ka mid ah Maamulka Puntland.

Galinkii danbe ee manta ayaa Ra’iisul  wasaaraha xukuumadda KMG Soomaaliyaiyo wafdi uu hogaaminayay  waxa ay ka soodageen garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, iyagoo kasoo anbabaxay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari


Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa garoonka ku soo dhaweeyay qaar ka mid ah Golihiisa wasiirada oo uu ka mid yahay wasiirka Warfaafinta xukuumadda soomaaliya, iyadoo C/wali  uu faah faahin ka bixiyay kormeer uu ku tagay qaar ka mid ah deegaanadii uu booqashada ku tagay ee Maamulka Puntland.


Cabdi Wali Max’ed  Cali ayaa waxa uu sheegay in uu booqasho ku tagay magaalooyin ay ka mid yihiin Qardho iyo Boosaaso,  isagoo tilmaamay in ay ka jirto nabad galyo laisku haleen karo oo in lagu daydo mudan.


Ra’iisul wasaare  C/wali Max’ed Cali ayaa waxa uu dhinaca kale sheegay in go’aanadii kasoo baxay shirkii wada tashiga ee ku soo idlaadaymagaalada Garoowe ay yihiin kuwo dhaxal gal ah sida uu sheegay.


khamiis December 29, 2011 (Somaligov Portal News) :

Mudanayaal ka tirsan Baarlamanka oo maanta kulan ku yeeshay xarunta golaha shacabka ee Muqdisho ayaa isku afgatay dooddii maanta iyadoo dhinaca kalena xildhibaanno diidanaa xil ka qaadistii  qaar ka mid ah mudanayaasha Baarlamanka ay ku sameeyeen guddoomiyaha baarlamanka ay sheegeen in kulankii maanta uu dhici doona barri ama barri dembe.

Xildhibaan Saleebaan Ibraahim Maxamed oo u hadlay mudanayaasha sheegay in ay xilka ka qaadeen guddoomiyaha baarlamanka ayaa warbaahintau sheegay in Mudanayaashu maanta isugu yimaadeen xarunta golaha shacabka isagoo ku Eedeeyay mudanayaal ka tirsan baarlamanka in ay difaacayaan shaqsi sida uu hadalka u dhigay. waxaa nasiib darro ah inuu Guddoomiyihii hore Shariif Xassan Shiikh Aadan wado qorsho uu ku burburinayo dhammaan Barlamaanka iyo Dowladda Soomaaliya asagoo la ogyahay lacagaha uu ku qaatay magaca Ummadda Soomaaliyeed taasoo haatan aanu ka codsanay inay Hay'addaha la dagaalanka Musuqmaasuqa Adduunka ay xayiraan isla-markaana ay ku soo celiyaan qasnadda Ummadda Soomaaliyeed. 

Amaanka xarunta golaha shacabka  ayaa sugayay ciidamada Booliiska iyokuwa Amisom mana dhicin wax gacan ka hadal ah sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah Mudanyaashii maanta ka qeybgalay fadhigii maanta.

khamiis December 29, 2011 (Somaligov Portal News) :

Waxaa Goordhaw oo galabta ah Magaalada Muqdisho ka dhacay fal dil ah oo loogeestay Muwaadiniin Fransiis iyo Mareykan ah oo u Shaqeenayay Hay'ada MSF Belgem.

Falkan oo goordhaw dhacay ayaa la sheegay in ragaan uu toogtay mid ka mad ah ilaalada Ragaasi isagoona dhoor xabadood ku furay ragaasi ajaaniibta ah oo ka shaqeenayay Hay'ada MSF .

Warar kala duwan oo falkan kasoo baxayo ayaa sheegaya in mid kamid ah oo u Dhashay Mareykanak uu falkaasi ku dhintay halka kan Farnsiiska uu dhaawac soo gaaray halak wararka qaarna sheegayaan in labadaba dhinteen balse aan warkaasi la xaqiijin karin.

Sidoo kale Dr. Kace oo isna ahaa Madaxa Caafimaadka Hay’adda MSF ayaa la dhaawacay, waxaana dhalasho ahaan la sheegay in uu u dhashay dalka Indonesia, iyadoo weerarkaasi uu ka dhacay Xarunta Hay’adda ay ku leedahay aga-gaarka Isgoyska ZOOBE ee Magaalada Muqdisho.
 

L ama oga Sababaha ka danbeeya Dilka ragan Farnsiiska iyo Mareykanka oo goordhaw ka dhacay Magaalada Muqdisho iyadoona goobta uu falku ka dhacay soo gaareen Ciidamo
fara badan oo Dowlada katirsan.

Ugu Danbayntii Hay’adda MSF Belgium Ayaa Masuul ka ah Isbitaalo Badan oo ku Yaal Dalka Soomaaliya Waxaana Tani Keeni Kartaa In Shaqaalaha Hay’adda MSF Belgium kala Baxdo Dalka Soomaaliya oo Dhan Waxaana La shegay in Ninkii Dilka geestay gacanta lagu dhigay oo hada xabsiga loo taxaabay




Arbacoo December 28, 2011 (Somaligov Portal News) : Shiikh Nuur Cali Aadan "Baruud" oo isku soo sharaxay Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta shaaca ka qaaday inuu yahay shaqsi buuxi kara asagoo sheegay inay dadka Soomaaliyeed iyo xidhibaannadda sharafta leh ay muujiyeen inay dalkooda ka difaacan karaan khaa'inul waddanka raba inuu shardi uga dhigo been beentii uu sida khiyaannadda ah ugu soo sixiixay Kampla. Dadka Soomaaliyeed gummaysigii bay hor uga adkaadeen marka annaga u daahimayno askar xun ii Afrikaan ah haddii ay isku-dayaan inay soo fargeliyaan shaqa Golaha Barlamaanka waxaanu u sheegi doonaan adduunka isla-markaasna waxaanu amri doonaan inay Ummadda Soomaaliyeed isdifaacdo. Mudanayaal iyo Marwooyin, Aniga waxaan u sharaxanahay jaggadda Guddoomiyaha Baarlamaanka haddaba ii codeeya si aanu dalka uga bixino gummaysiga iyi shacabka banbaanooyinka lagu garaacayo magaallooyinkooda. Insha Allah!


Guul Wacan!


Arbacoo December 28, 2011 (Somaligov Portal News) :

Sida aan ku helnaye wararka Baarlamanka ka soo horjeeda Gudoomiye Shariif Xasn ee xilka ka qaadey ayaa maanta shaaca ka qaadey in xiligii ugu danbeyey ee doorashada la qabanayo oo aan dib loo dhigi doonin.


Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ah Xiriiriyaha Qabashada Araajida Musharixiinta ayaa shaca ka qaadey in xiliga Balanta ay tahey 31 bishaan December ee sanadkaan 2011 sidaas darteedna Waqtiga in la dhowro ay tahey si loogu kala baxo tartanka iyo Araajida soo gudbinteeda.Sidoo kale waxaa uu shegay cidii dooneysa ka qeyb galka Doorashada gudoomiyaha in ay racaan Jaartaka u yaal Doorashada ayna dhowraan wadada loo marayo sidii shaqsigu uu si buuxda uga mid noqon lahaa Musharixiinta Gudoomiyaha Baarlamanka .

Gudoomiyaga Qabasha Araajida xilka Gudoomiyaha Baarlakanka Garabka ka soo Horjeeda Gudoomiye Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaan haba yaratee ka hadlin kulamada iyo siyasada looga soo horjeedo Go’aankoodii hore kuwaas oo uu wado Madaxweynha Soomaliya Shiish Shariif Shiikh Axmed.

Ugu danbeyntii waxaan lagaraneyn sida ay wax noqon doonaan maalinta uu ku dhawaaqey Xiriiriye Xildhibaan Jeesow ee la doonayo in wax waliba ay sidooda u meel maranaa iyadoo ay jiraan hadalo dhex maraya Xildhibaanaba iyo Madaxweynaha walina ay socdaan


Arbacoo December 28, 2011 (Somaligov Portal News) :


Maamulka gobolka banaadir ayaa sheegay in aaneey waxba ka hakran doonin dadkii waxyeeladu ay ka soo gaartay shilkii gaari ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho kaasi oo ay dhibaato xoog leh ka soo gaartay taageerayaashii ciyaartooyda degmada Wadjir.

kadib kormeer uu maanta ku tagay guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed nuur Tarsan Cisbitaalka Madiina oo ay ku jiraan dhaawacyo gaaraya ilaa 30 ruux oo ay shalay galinkii dambe waxyeelo ka soo gaartay shil gaari oo ka dhacay waddada Maka Al mukarma.

Guddoomiyaha gobalka ayaa mid mid u gacan qaaday bukaannada Cisbitaalka gaar ahaan dhaawacyada shalay ay waxyeeladu ka soo gaartay shilka gaari oo u badnaa rag dhalin yaro ah qaarkoodna waaxay xubnoohii muhiimka ah waxa uuna Maxamuud Axmed nur Tarsan duqa Muqdisho alla uga baryay caafimaad dag dag ah.

Maxamed Yuusf agaasimaha isbitalka Madiina ayaa ugu horeyn ka warbixiyay xaaladda bukaannada dadki ku waxyeeloobay shilka gaari waxa uuna sheegay agaasimaha dadka intooda badan in ay jaban yihiin isagoo sheegay bukaanbada ugu liitay oo gaarayay ilaa 4 ruux ay xalay ku geeriyoodeen isbitaalka.

guddoomiyaha gobalka banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed nuur Tarsan ayaa ugu horeyn tacsi u diray ehelada dadkii shalay galinki dambe ku geeriyooday shilka gaari waxa uuna tilmaamay in maamulka gobalku uu caawin doono dhaawacyadan inti awoodiisa ah.

dhinaca kale guddoomiyaha gobalka ayaa maanta qaabilay wafdi ka socdajaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Norway kuwaasi oo uu gudoomioyuhu sheegay in ay balan qaadeen in ay dhisi doonaan waddada wadnaha oo muhiim u ah shacabka Soomaaliayeed.


Talaado December 27, 2011 (Somaligov Portal News) :

Wafdi uu hogaaminayo Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/weli Maxamed Cali oo kormeerayey magaallooyin ka tirsan Puntland ayaa gaaray
magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Barri halkaasi oo si diiran loogu soo dhaweeyey.

Wafdiga Ra’isulwasaaraha ayaa waxaa kusoo dhaweeyey koontaroolka koonfureed ee magaalada Boosaaso boqolaal dadweyne ah kuwaasi oo caleemmo qoyan sitay sida uu kusoo waramayo wariyaha Radio Muqdisho C/raxmaan Yuusuf Al-Cadaala.

Ra’isulwasaare C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa wafdigiisa ka mid ah Wasiirrada Gaashaandhigga,Ganacsiga iyo Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya iyo sidoo kale mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland oo uu ka mid yahay Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland.

Ka hor inta aanay Ra’isulwasaaraha iyo wafdigiisa gaarin magaalada Boosaaso waxa uu Ra’isulwasaaruhu saakay dadweyne farabadan kula hadlay magaalada Qardho isagoo sidoo kalena kormeeray Akadeemiyada Ciidammada ee Carmo.



Talaado December 27, 2011 (Somaligov Portal News)

Kormeerkan howleed ee uu maanta wasiirka arimaha gudaha iyo amniga Qaranka  C/samad Macalin Maxamuud ku tagay xerada al birri oo ah goob lagu xannaaneeyo caruur gaareysa 717 oo isugu jira agoon darbi jiif iyo caruur ka soo jeedda qoysas danyar ah oo an kafaala qaadi karin nolosha caruurtooda.

Wasiirrka ayaa waxaa kormeerka ku wehliyay taliyaha ciidamada booliska Sareeye guuto Shariif Sheekhunaa Maye, agaasimaha guud ee wasaaradda Arimaha gudaha saraakiil ka tirsan ciidamada booliiska iyo mas’uuliyiin kale oo ka socotay wasarada arimaha gudaha.

C/samad ayaa u kuur galay xaalada nololeed ee caruurtaasi iyo daryeeelka loo fidiyaba wuxuuuna mid mid u wareeytay qaar ka mid ah caruurtaasi iyadoo mudadii uu kormeeerka ku jiray ayeey caruurtu si qiira leh uga  codsadeen Wasiirka in loo fidiyo gargaar dhan walba ah.

Wasiirka arimaha gudaha C/samad Macalin Maxamuud ayaa ku boorriyay dhalinyarada Soomaaliyeed in ay ku daysadaan da’yarta gacanta ku heyso Caruurtan waxa uuna sheegay in qof walba oo muwaadin Soomaali ah uu waajib ka saaranyahay daryeelka caruurtan isagoo hay’adaha samafalka ka codsaday in ay gurmad dag dag ah la soo gaaraan caruurtan dhibaateeysan.

Maalinti shalay ayeey aheyd markii wasaarada arimaha gudaha deeq isugu jira Joodariyaal, Bustooyin, Salliyo iyo caagdaha biyaha lagu keydiyo ay gaarsiisay caruurta ku xareeysan kulleejka Al birri.

Muqdisho: Talaado December 27, 2011 (Somaligov Portal News) : Shil gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray taageerayaal ciyaartooy ayaa ka dhacay galabta magaalada Muqdisho. In ka badan 10 ruux ayaa ku geeriyootay ku dhawaad 30 kalana wey ku dhaawacmeen Shil gaari oo ka dhacaygalabta wadada shaqaalaha ee magaalada Muqdisho kadib markii uu rogmaday gaari aysaarnaayeen taageerayaal ciyaartooy. Gaariga shilka galay oo ah kuwa dhagxaha qaada ee Soomaalida ay u taqaano iska rogaha ayaa waxaa la sheegay indadka saarnaa ay ahaayeen dad taageerayaal ah oo taageerayay ciyaartooy u ciyaaraysay degmada Wajir oo ka yimid Garoonka Stadium Koonis kaasi oo uu ka socodo tartan Kubada cagta oo loo qabtay degmooyinka Gobolka Banaadir.

Qaar ka mid ah dadkii gaariga la socday oo Shabelle la hadlay ayaa waxa ay sheegeen in Shilka gaariga uu kadambeeyay kadib markii uu wadada ka baxay gaariga xili so xowli ah ku socday kadibna uu gudoomay. Waxaa la sheegay in uu soconayo Gurmad xoog leh oo lagu badbaadinayo dadka ku dhaawacmay Shilkaasi iyo kuwa gaariga hoostiisa ku jira.




 




XAFIISKA MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA

OFFICE OF SOMALI PRESIDENT (0SGCC)


Isniin December 26, 2011 (Somaligov Portal News)


Dowladda Soomaaliya waxay u aqoonsatay Ra'iisal Wasaaraha Dowladda Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdoğan inuu yahay mudana aqoonsiga Qaranka Soomaaliyeed iyo waliba kan Ummaddaha Addunka oo dhan. Ilaahay ha barakeeyo.



MAALIN WANAAGSAN!



XAFIISKA MADAXWEYNAHA

OFFICE OF THE PRESIDENT


Isnin, December 26, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) : Dowladda Soomaaliya waxay aad iyo aad uga xun tahay xadgudubka Dowladda Kenya taasoo ay si khaldan ugu duqaynayso magaallooyin Soomaaliyeed oo aan waxba ka galabsan isla-markaasna ay ku doonayso inay ku barro kiciso dadka Soomaaliyeed ee abaraaha ay aafeereen. Dowladda Soomaaliya ma ogola xadgudubyada ay Dowladda Kenya ka samaysay xeryaha qaxootiga ee ku yaala dalka Kenya. Anigoo ah Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Mudane Shariif Axmed, waxaan deg deg ah uga codsanayaa inay Dowladda Kenya joojiso xadgudubyadda ay kuwo Ummadda Soomaaliueed.  Soomaaliyeed waxaa masuul ka ah khiyaanaddan Wasiirka Gaashaandhiga Iyo Ra'iisal Wasaaraha kuwaasoo wax khaldan sharciyeynaya.


Waad mahadsan tihiin

 

Isnin, December 26, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) :

 Guddiga doorashada Gudoomiyaha barlamanka KMG oo maanta kulan yeeshay ayaa cadeeyay in qof aan ka mid ah Xildhibaanada uusan isku soo sharaxi karin doorashada Gudoomiyaha barlamanka.

Kadib kulan uu maanta ku yeeshay magaalada Muqdisho Guddiga qaban qaabada doorashada Gudoomiyaha barlamanka KMG Soomaaliya ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyay cida isku soo sharaxi karta doorashada Gudoomiyaha iyo sida ay u socota qabashada araajida dadka doonaya in xilkaasi ay qabtaan.

Aamino Cumar Jaamac oo ka mid ah Gudigaasi ahana Gudoomiyaha ku xigeenka Guddiga Warfaafinta barlamanka KMG Soomaaliya oo Saxaafadda la hadashay kulanka kadib ayaa waxa ay sheegtay in qof aan ka tirsaneen Xildhibaanada barlamanka uusan isku sharaxi karin doorashada barlamanka.

Aamino Cumar Jaamac ayaa dhinaca kale sheegtay in ilaa hada  ay hayaan ilaa 5 Xildhibaan oo isku soo sharaxay doorashada Gudoomiyaha barlamanka KMG Soomaaliya kuwaasi oo ay ka gaabsatay in ay saacisho magacyadooda.

Xildhibaanadii barlamanka ee xil ka qaadista ku sameeyay Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxa ay mudooyinkii dambe u olaleynayeen qabashada doorashada Gudoomiyaha barlamanka KMG Soomaaliya.

Axad, December 25, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) :

Ciidanka sudan ayaa shaaca ka qaaday in ay qaarijiyeen mucaaradka ugu meylka adag ee ka dagaalama Darfur, ninkaasi oo lagu magacaabo Khaliil ibraahim oo isagu loo aaneynaayo dagaalkii lagu soo qaaday sadii 2009 magaalada Umu-durman

Si kastaba ha ahaatee Khaliil ibrahim ayaa la qaarijiyay xili uu ku sugnaa furunta dagaalka u dhexeeyay xukuumada islaamiga ah ee sudan iyo mucaaradka kasoo horjeeda xukuumadaasi, Korneel u hadla xukuumada sudan ayaa manta Telefishinka Sudan ka sheegay in ay qaarijiyeen madixii mucaaradka Khaliil ibraahim islamar ahaantana ay ku dhex dileen deegan loogu magac daray "Wad-banda" xili uu hoggaaminaayay cutub ciidan ah oo katirsan maleeshiyadiisa


Axad, December 25, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) :

R/wasaare ku xigeenka ahna wasiirka gaashaandhigga ayaa maanta kormeeray ciidamo ka tirsan kuwa Puntland oo ku jira xerro ku taala waqooyiga magaalada Garowe.

Wasiirka gaashaandhigga Xuseen Carab Ciise oo uu wehliyo taliyaha ciidamada Puntland Siciid Dheere ayaa maanta kormeeray xero ciidan oo ku taala waqooyiga Magaalada Garowe halkaas oo ay ku jiraan cutubyo ka tirsan ciidamada badda ee Maamulkaasi kuwaas oo qeyb ka ahaa ciidamadii sugayay amaanka.

R/wasaare ku xugeenka ahna wasiirka gaadhaandhigga ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamadaasi, wuxuuna warbixin ka dhageeystay saraakiisha ciidamadaasi.

Wasiirka ayaa u sheegay ciidamadaasi in ay yihiin ciidamo qaran isla markaana ay ka howlgeli karaan meeshii dowladdu ku amarto, isagoo tilmaamay in dowladdu bixin doonto xuquuqdooda, waxa uuna ku amaanay sida ay uga muuqato nidaamka ciidanimo.

Wasiirka gaashaandhigga iyo wasiirka ganacsiga ayaa dhawaan booqday xerooyin ciidan oo ku yaala magaalada Garowe kuwaas oo ay ka mid aheyd taliska qeybta 54 aad ee CXDS.



Axad, December 25, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) :

Shan ruux ayaa ku geeriyootay tira kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib Iska hor imaad xalay ku dhex maray ciidammada ammaanka Galmudug iyo kooxo Hubeysan koonfurta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Dhimashada shanta ruux iyo dhaawaca dadka kale ayaa yimid kadib Iska hor imaad xooggan oo dhex maray ciidammada amniga maamulka Galmudug iyo kooxo Hubeysan, iyadoo ciidammada ammaanka Galmudug ay howlgallo ka wadeen Koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Dadkii ku dhaawacmay iska hor imaadka ayaa loola cararay Isbitaalka magaalada gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Markii ay  dhaceysay Israsaaseynta ayaa waxa ay ciidammada amniga ku howllanaayeen Raandooyin ay ka sameenayeen xaafaddaha koonfurta Gaalkacyo maadaama uu dhankaasi Bandow ku soo raggay maamulka Galmudug.

Illaa hadda mar jirto cid ka hadashay dhacdadaasi qasaaraha dhalisay oo ka tirsan saraakiisha ammaanka iyo maamulka Galmudug.


Sabi, December 24, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) :

Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo ku sugan dalka Faransiiska ayaa sheegay in ciidamadooda ay u direen Soomaaliya ay qayb ka qaadaan howlaha nabadda lagu soo celiyo iyo tababarka ciidamada dowladda KMG ah.

Geelle oo u warramayay BBC-da laanta afka Soomaaliga ayaa sheegay in 250-askari oo ka mid ah ciidamadooda ay u direen Soomaaliya ay yihiin kuwo loogu talogalay inay tababar siiyaan ciidamada Soomaaliya, si loo helo ciidan hanta nabadda guud ee Soomaaliya.

"Hanjabaadi howsheenna nagama horjoogsanayso, sababta uu askarigu ciidanka u galayna waa inuu dhinto, ciddii nasoo weerartana waan iska dhicinaynaa," ayuu yiri madaxweynaha Jabuuti oo ka jawaabayay su'aal ahayd hanjabaad ka soo baxday Al-shabaab oo ku aaddan inay beegsanayaan ciidamada Jabuuti.

Sidoo kale, madaxweynaha Jabuuti oo law weydiiyay sababta ku kaliftay inay ciidan u diraan xilligan Soomaaliya ayaa sheegay in markii ay arkeen in dalalkii kale ee Afrika oo laga sugayay ciidamada ay soo diri waayeen, iyagana ay waajib ku noqotay inay qayb ku lahaadaan nabad soo celinta Soomaaliya.

Mar la weydiiyay in falalka burcadbadeednimo ee ka dhacaya biyaha Soomaaliya ayuu sheegay inay dhowr jeer oo hore ku baaqeen in dib loo dhiso ciidammadii badda Soomaaliya, si looga hortago burcadbadeedda oo uu sheegay inay barriga ka imaanayaan.

"Anigu shalayna waan aaminsanaa maanta waan aamisanahay in burcadbadeedda looga adkaan karo barriga, taariikhda weligeed lama sheegin burcadbadeed looga adkaaday badda gudaheeda, waayo waxay ka imaanayaan waa dhulka halkaas ayaa habboon in lagula dagalaamo," ayuu yiri Geelle.

Madaxweynaha Jabuuti wuxuu sheegay in haddii la helo ciidan kooxahaas dhulka kula dagaalama laga adkaan karo. Wuxuuna sheegay in iyagu ay diyaar u yihiin inay wax ka taraan nabadda Soomaaliya wax walba oo ay ku qaadato.

Su'aal ku saabsanayd in xalka Soomaaliya la raadinayo uu ku imaan karo qori iyo inuu ku imaan karo wadahadal ayaa wuxuu sheegay inay labadaba isku xiran yihiin oo loo baahan yahay in xalka lagu helo wadahadal iyo qoriga caaraddiisa.

"Mar walba Soomaalida waxaan ku niraahnaa annagu waxaan raadinaynaa qofkii isku duwi lahaa Soomaaliya, dunida oo dhanna waa ka dhacday kala daadasho kol ayaana la qabtay waxaana sugaynaa kolkii nabadda Soomaaliya la heli lahaa," ayuu hadalkiisa raaciyay.

Ugu dambeyn, wuxuu sheegay in gobolka oo dhan laga fikirayo horumar iyo sidii lagu soo saari lahaa khayraadka dhulka ku jira, balse Soomaaliya ay weli ka socoto colaad, isgaoo Alle ka rajeeyay inuu dhaqso ka dhici doono isbedel.

Sabi, December 24, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) :

Ra'iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka KMG ah Md. C/Weli Maxamed CaliGaas ayaa ku guuleystay inuu is afgarad dhex dhigo Madaxweyne ShariifSheekh Axmed iyo Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland oo iyagu iskukhilaafay habka xulitaan Mudanayaasha Baaralamaanka cusub lagu sooxulay. Kulan ay isugu yimaadeen Madaxweyne Shariif, Ra'iisal Wasaare C/Weli,C/raxmaan Xaaji Maxamuud Faroole Madaxweynaha maamulka Puntland,Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan, Madaxweynaha

Galmudug, iyo wakiilkii matalayay culumaa'udiinka Ahlu Sunna ayaa qalinka laguduugay go'aanadii ka soo baxay shirka. Qodobada la isku mari waayay isla markaana ay isku afgarteenMadaxweyne Shariif iyo C/raxmaan Faroole waxaa kale oo ka mid ahdastuurka cusub ee uu dalku yeelanayo oo qaar ka mid qodobadiisa ay kukala aragti duwanaadeen labada mas'uul, inkasta oo dadaal badan kaddibay isaga soo dhowaadeen. Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo khudbadda xiritaanka shirkahalkaasi ka jeediyay ayaa sheegay in afkaar lagu kala duwanaan karo,taasina aanay ka dhigneyn in lagu kala tegayo balse ujeedadu tahaysidii wadajir looga shaqeyn lahaa maslaxadda dadka iyo dalka, isagoonashirka wada tashiga wejigiisa labaad ee magaalada Garowe ka dhacay kutilmaamay mid horumar weyn ku kordhinaya geedi socodka nabaddaSoomaaliya.
C/raxmaan Xaaji Maxamuud Faroole Madaxweynaha maamulka Puntland ooisna halkaasi khudbad ka jeediyay ayaa sheegay inuu isagu raalli kaahayn nidaamka 4.5 in wax lagu qeybsado, balse waxa uu caddeeyay inuuu tanaasulay danaha aayaha wadanka Soomaaliya, wuxuuna intaasi kudaray in shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ay garabistaagaan danaha masiirka dalkooda Soomaaliyeed oo uu sheegay inay uistaagaan sidii looga saari marxaladda uu ku jiro.


Sabti, December 24, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta)

Madaxweynaha dowladda Maraykanka ayaa sheegay in mar kale ay lacag ugu deeqayaan shacabka Soomaaliyeed oo ay abaartu saameysay.

brack Obama, Madaxweynaha dalka Maraykanka ayaa sheegay in dowladiisu ay sii laba jibaarayso dadaalada lagu samata bixinayo nolasha dadka ay abaaraha iyo macluusha ay ku saamaysay gobolka geeska Africa gaar ahaan dalka Soomaaliya.

Obama ayaa tilmaamay in lacag dheeri ah oo gaaraysa  $113 Milyan ay dowladiisa ugu tala gashay in wax loogu qabto dhibaatooyinka dhinaca cunada, caafimaadka, biyaha iyo hoyga ee haysta dhibanayaasha ku nool dalalka Soomaaliya Kenya iyo itoobiya oo la sheegay inay ku dhufatay abaartii ugu darnayd mudo 60  sano ah.

Lacagahaan cusub ee dowladda Maraykanka ugu deeqday geeska Africa ayaa qeyb ka ah $870 Miliyan oo dollar oo horay Xukuumada Washington ugu yaboohday dalalka ku yaala geeska Africa, waxaana uu Obama sheegay in dowladiisa ay aad ugu naxday wararka ku saabsan abaaraha kuwaasi oo sheegaya in tobanaan kun oo qof ay u geeriyoodeen abaaraha

M oo cambaareysay dil shaqaale ka tirsan WFP loogu geystay Matabaan iyo maamulada Ximan iyo xeeb iyo Ahlu sunna oo ka hadlay

Sabi, December 24, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) :

Ban Ki Moon Xoghayaha guud ee QM ayaa si kulul u cambaareeyey wax laga argagaxana ku tilmaamay weerar shalay nin hubeysan uu ku dilay labo nin oo ka mid ahaa shaqaalaha heyadda WFP xilli ay ku sugnaayeen degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska Ban ki Moon ee magaalada New York Qaramada Midoobay ayaa si aad ah uga xumaatay dilka labada ruux ee u shaqeynayay WFP, isla markaana ehelada qoyayska shaqalaha la dilay ay la wadaagayaan tiiraanyada iyo murugada. geeska Africa tan iyo markii ay bilowdeen.

Sabi, December 24, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) :

Shirka Wadatashiga Somaallida oo ka socday labadii maalmood ee la soo dhaafay magaalada Garowe ayaa waxa qorshuhu ahaa in la soo gabagabeeyo shalay oo ay bishu aheyd 23 balse suurtagal ma noqon arrintaasi, waxana socday muddo ka badan 9 saacadood doodo iyo kulamo ay lahaayeen madaxda dowladda KMG Soomaalia, Puntland, Galmudug , Ahlu Sunna iyo ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo sida la sheegay isku mari-waayey qodobo xasaasi ah.

Sidoo kale waxaa doodaha qayb ka ahaa ergadii loo xilsaaray inay ka soo shaqeeyaan ajandaha shirka oo doraad ilaa shalay kulamo albaabadu u xiranyihiin lahaa, waxaana ujeedku ahaa sidii aragti mideysan looga gaari lahaa qodobada kama dambeysta ah ee lagu soo saarayo war saxaafadeedka shirka dhamaadkiisa.

Qaabka loo soo xulayo mudanayaasha Baarlamaanka Somalia ayaa ahaa qodobka ugu muhiimsan oo doodu ka taagan tahay, iyadoo ay jireen aragtiyo kala duwan oo laga qabay arintaasi, iyadoo mas’uuliyiinta Puntland u ololeynayeen in tirada Xildhibaanada Baarlamaanka KMG si aad ah loo yareeyo, inkastoo xildhibaanada ay arrinkaasi si weyn uga soo horjeesteen.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay oo shirka ka qayb gashey ayaa warbaahinta u xaqiijisey in Puntland soo jeedisey soo xulida mudanayaasha Baarlamaanka Somalia in lagu soo doorto qaab gobol ah ama degmo isla markaasna uu maamulwalba isago soo xusho xildhibaanadiisa waana arinta dooda badan shalay dhalisey. Halka Madaxda dowladda KMG ah,maamulka galmudug iyo ahlu sunna ay iyana qabeen in xidhibaanada cusub ee bedelaya kuwa hadda jira lagu soo doorto nidaamka 4.5 isla markaasna ay soo doortaan odayaasha dhaqanka beelaha.

Xafiiska siyaasada Qaramada Midoobay ee UNPOS oo lahaa xiriirinta iyo dhaqaalaha ku baxaya shirka ayaa waxaa la sheegay inuu soo gudbiyey aragtiyo dhowr ah oo dhex-dhexaad ay u arkeen, kuwaas oo ka mid tahay in 4-sano si kumeel gaar ah uu u sii shaqeeyo nidaamka 4.5 oo Dastuurkana lagu qoro, hase ahaatee, ma noqon in dhinacyadii isla ogaaladaan oo waxaa diiday Puntland, waxaana shirka lagu daray maalin dheeri ah iyadoo xalay oo dhan ay jireen shir ay dhinacaydu si gaar agar ah u lahaayeen.

Dhinaca kale waxaa jira qodobo dhowr ah oo lagu heshiiyey mabda ahaan, inkastoo aan weli la saxiixin kuwaas oo ay kamid yihiin in inta ka sokeysa bisha juun sanadka 2012ka la dhameystiro dastuurka qabyada ah isla markaasna in dastuurka cusub ay u codeeyaan ergooyin gaaraya illa 1000-ruux.

Sabi, December 24, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) :

 Xildhibaano ka tirsan barlamanka KMG Soomaaliya ayaa sheegay in Shirka Wadatashiga aysan kasoo baxeen wax dan ay ugu jirto Umada Soomaaliyeed.

Xildhibaanadaani ka tirsan barlamanka KMG Soomaaliya oo maanta ka qeyb galayey barnaamijka dooda Jimcaha Shabelle ayaa waxa ay si wada jir u sheegeen in Shirka wadatashiga ee ka soconaya magaalada Garoowe uusan aheyn mid ay kasoo baxi karaan danaha Umada Soomaaliyeed.

Xildhibaan Cumar Buraale Axmed oo ka mid ahaa Xildhibaanadaasi ayaa waxa uu sheegay in Shirkaasi hogaankiisa ay wataan shaqsiyaad gaar ah islamarkaana ay dana gaar ah ku filinayaan, waxaana uu tilmaamay in Shirkaasi uu ka fog yahay masiirka Umada Soomaaliyeed.

Sidoo kale Xildhibaan Xuseen Caraale Cadaan oo isna ka qeyb qaadanayey barnaamijka dooda Jimcaha Shabelle ayaa waxa uu sheegay in xalka Umada Soomaaliyeed uusan ku jirin Shirka wadatashiga ee ka soconaya Garoowe kaasi oo uu sheegay in dadka Soomaalida uga qeyb galaya ay wataan ujeedooyin gaar ah, waxaana uu sheegay in Shirkaasi aan loo arki karin mid xal ah Umada Soomaaliyeed.

Hadalka kasoo baxay Xildhibaanadaani ka tirsan barlamanka KMG Soomaaliya ayaa waxa uu imaanayaa xili dhawaan Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ay shaaciyeen in ay kasoo horjeedaan Shirka Wadatashiga ee Garoowe islamarkaana ay sheegeen in uu yahay Shir aan lagu aan ku jiran xalka Umada.


Jimco, December 23, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) :

(Muqdisho, December 22-2011 ) Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku yeeshay kulankoodii Todobaadlaha ahaa oo ay Khamiis kasta yeelan jireen kaasi oo ka dhacay xarunta Golaha Wasiirrada ee magaalada Muqdisho.

Kulanka maanta ee Golaha Wasiirrada oo uu Shir gudoominayey Ku-simaha Ra’isulwasaaraha Xukuumadda ahna Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane C/qaadir Xuseen Maxamed (Jaahweyn) ayaa ugu horeyn Goluhu waxay dood ka yeesheen Miisaaniyadda sanadka 2012 oo ay horey usoo gudbisay Wasaaradda Maalliyadda iyo Lacagta taasi oo dood dheer kadib ansixiyey.

Miisaaniyadda sanadeedkan ayaa gaareysa USD 126 Millions oo ka kooban Dakhliga gudaha iyo kaalmo dibadda laga filayo ayadoo Miisaaniyadanna ay ka muuqato kobac xagga Dakhliga gudaha 16% marka loo eego sanadkii hore ee 2011 halka kaalmada Dibadda ay in la mid ah hoos ugu dhacday, taas oo muujinaysa sida ay Dowladda Soomaaliya ugu tashaneyso kobcinta Dakhliga Gudaha.

Sidoo kale intii uu socday kulanka Golaha Wasiirrada waxaa looga dhageystay warbixinno ku saabsan Amniga iyo iyo Gargaarka oo ay soo jeediyeen Wasaarradaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga,Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Gudiga Abaaraha.

Ugu dambeyntii shirka golaha Wasiirrada ayaa waxaa qaar kamid ah Wasaarradaha Xukuumaddu ay kusoo bandhigeen waxqabdkooda bilihii lasoo dhaafay taasi oo qeyb ka aheyd howlaha todobaadkan socday ee loogu magacdaray ” Todobaadka iyo Waxqabadka Xukuumadda.

Jimco, December 23, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) :

  Wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ee Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa sheegtay in muddo aan Xildhibaanada barlamanka kulan ku yeelan karin Xarunta golaha shacabka ee Muqdisho

Kadib shir jaraa’id oo uu maanta Magaalada Garoowe ku qabtay Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ee Xukuumadda KMG C/samad Macalin Max’ud ayaa waxaa uu kaga hadlay khilaafka iyo murankii gacan ka hadalka dhaliyay ee muddo laba jeer ah barlamanka ku dhexmaray Xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho.

C/samad Macalin Max’ud, Wasiirka arrimaha gudaha ayaa waxaa uu amar ku bixiyay in muddo 4- todobaad ah wax kulan Xildhibaanada barlamanka KMG Soomaaliya aan ku yeelan karin Xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho, isagoo tilmaamay in hadii ay jiran wax lagama maarmaan oo ay Xildhibaanada doonayaan inay ka doodaan loo baahanyahay in lagu soo wargaliyo Wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka muddo 72-saacadood ah.

Isagoo hadalkiisa wata ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday in u jeedka loo hakiyay fadhiyada kulamada barlaamanka ay tahay si loo yareeyo is qabsiga iyo jahwareerka xilligaani ka dhex taagan Xildhibaanada barlamanka KMG Soomaaliya.

Hadalka kasoo yeeray Wasaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ee Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa waxaa uu ka dambeyay kadib markii shalay Xildhibaano ka tirsan barlamanka oo kulan ku yeeshay Xarunta golaha shacabka qaarkood ay gacanta isula tageen.


Jimco, December 23, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) :

Ciidammada Booliska ayaa gacanta ku dhigay nin lagu tuhunsan yahay in uu ka Dambeeyay dilkii Allaha u naxariistee weriye C/salaan ‘Xiis’ kaas oo ay saraakiisha Boolisku sheegeen in uu Baaritaankiisu socdo.

Taliyaha waaxda baarista dembiyada ee CID G/Sare C/llaahi Xasan Bariise oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay xarunta CID da ayaa sheegay in ciidamada booliisku ay gacanta ku soo dhigeen shaqsi lagu tuhunsanyahay in uu ka dambeeyay kuna lug lahaa falkii lagu dilay Allaha u naxariistee C/salaan Xiis.

G/sare Bariise ayaa intaa ku daray in ay socdaan baaritaanno la xiriirta eedeymaha ka dhanka ah ninka loo xiray dilka C/salaan ‘Xiis’, taliyaha oo ka gaabsaday in uu shaaciyo magaca eedeeysanaha ayaa wacad ku maray in haddii lagu helo dambiga loo heysto ay sharciga la tiigsan doonaan.

Xarunta CID da ayaa xillgaasi waxaa ku sugnaa wariyayaal aad u farabadan oo maalmahanba dhigayay munaasabado ay ugu baroordiiqayaan Allaha u naxariistee wariye C/salaam Xiis.

Soo qabashada eedeysanahan loo heysto in uu ku lug lahaaa falkii qorsheysna ee lagu dilay weriye Xiis ayaa imaanaysa xilli 18 kii bishan si bareer ah loogu toogtay weriyaha xilli uu ku sugnaa ka soo horjeedka Hoteel Madina ee degmada Xamar jajab iyadoo Saxafiyiinta Soomaaaliyeed, qeybaha bulshada, ehelladii uu ka dhashay weriye Xiis ay ka dalbeen dowladda in ay sharciga waafajiyaan soona qabtaaan cid kasta ee ka dambeysay ama ku lug laheyd abaabulka iyo fulinta dilkii Allah u naxariistee Weriye C/salaan xiis oo ka tirsanaa Howlwadeennada TV-ga Horncable.


Jimco, December 23, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) :

Xoghayaha Guud ee wasaarada warfaafinta Sudaan  Cabdi Daafic Al-Khadiib ayaa muujiyay sida Dowladiisu  diyaarka ugu tahay  ka qeyb qaadashada  horumarinta saxaafada Soomaaliyeed  kaddib markii magaalada  Khartoum uu kula kulmay Agaasimaha Wakaaladda wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA Mudane  C/Qaadir Maxamed Cusmaan “Barnaamij” oo haatan socdaal shaqo oo la xiriira  sidii dhidibada looga aasi lahaa  cilaaqaadka saxaafada labada dal   Soomaalia iyo Sudan halkaasi u joogo.

Cabdi Daafic Al-Khadiib wuxuu intaa raaciyay  in cilaaqaadka Sudaan iyo Soomaaliya uu yahay mid soo jireen ah oo adag, gaar ahaan dhinaca horumarinta saxaafadda, wuxuuna  sheegay   in  dadaal dhanka saxaafadda la xiriira ay ku kaabi doonaan saxaafadda Soomaaliya siiba waayo aragnimada iyo khibrada Sudaan ay u leedahay dhanka saxaafadda.

Xoghayaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Sudaan Cabdi Daafic Al-Khadiib wuxuu si gaar ah  u tilmaamay waxqabadka ay doonayaan inay ka geystaan dhanka wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA , Telefishinka Qaranka iyo Radio Muqdisho, wuxuuna cadeeyay inuu rajeynayo in  labada wasaaradood  ee Warfaafinta Soomaaliya iyo Sudaan ay dhowaan kala saxiixan doonaan heshiis Baratakool iskaashi oo dhanka warbaahinta la xiriira.

Dhanka kale agaasimaha Wakaalada SONNA  Mudane C/Qaadir Maxamed Cusamaan “Barnaamij” ayaa  u mahadceliyay Xoghayaha Guud ee wasaarada warfaafinta Sudaan, wuxuuna  amaanay doorka Dowladda Sudaan ay ka qaadato nabad ku soo dabaalida Soomaaliya iyo dhanka deeqaha waxbarasho ee ardayda Soomaaliyeed, tan iyo markii ay  burburtay  dowladdii dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1991-kii.C/qaadir Barnaamij wuxuu kulankaasi  Dowlada Sudaan uga mahadceliyay gargaar bani’aadanimo ee ay bilihii la soo dhaafay u soo dirtay Soomaaliya iyo kaalinta ay ka qaadato gurmadka dadka Soomaliyeed ee ay abaartu saamaysay kuna sugan xarumaha magaalada Muqdisho iyo gobollada  dalka qaarkod.

Ugu dambeystii Xoghayaha guud ee Wasaarada warfaafinta Suudaan Cabdi Daafic Al-Khadiib, waxa uu isagoo ka wakiil ah Wasiirka Warfaafinta Suudaan,  waxa u ka guddoomay agaasimaha SONNA  warqad  qoraal ah oo uu  wasiirka warfaafinta Soomaaliya Mudane C/qaadi Xuseen Max’ed  “Jahweyn” u diray dhigiisa Sudaan.

Kulankaasi waxa uu ku dhamaaday jawi saaxxibtinimo iyo isfaham leh.



Khamiis, December 22, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) :

Guddoomiye Ku xigeenka Labaad ee barlamanka ayaa magacaabay 34 xubnood oo ka mid noqonaya guddiga qabanqaabada doorashada guddoomiyaha cusub ee Golaha baarlamnaka.

Guddomiye ku xigeenka Labaad Axmed Dhimbil Rooble Casowe oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay  in magacaabista guddigaani ay ka dambeysay kadib markii uu baarlamanku awood u siiyeen in uu soo magacaabi karo guddiga Doorashada, waxa uuna hoosta ka xariiqay  Casoowe in waaajibaadka laga doonayo guddigani ay ka mid tahay diyaarinta qorshe howleedka, qabashada araajida musharrixiinta guddoomiyaha cusub ee baarlamanka, soo diyaarinta qalabka, waqtiga la qabanayo doorashada iyo sugidda amniga goobta doorashada.

Sidoo kale mar uu ka hadlayay guddoomiye ku xigeenka Labaad ee baarlamanka cidda isu soo sharaxi karta qabashada xilka afhayeenka baarlamanka ayuu xusay in cid walba ay isa soo sharrixi karto hase yeeshee ay tixgelin siin doonaan nidaamka awoodqeybsiga 4.5 oo ay ku dhisantahay dowladda waxa uuna tilmaamay in haddii ruuxa la doorto uu waxyabo xun ku sifoobo aan la aqbali doonin sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale guddoomiye ku xigeenka guddiga dastuurka iyo arrimaha federaalka baarlamanka C/qaadir Sh Ismaaciil oo saxaafadda la hadlay ayaa aqriyay magacyada 34 ka xubnood ee loo magacaabay guddiga qabanqaabada doorashada guddoomiyaha baarlamnaka.

Ku dhawaaqista guddiga qabanqaabada doorashjada baarlamanka ayaa ku soo beegmeysa xilli xildhibanno tiradooda ku sheegay 290 mudane oo kulan ku yeesheen xarunta golaha shacbiga ayna u codeeyeen in guddoomiye ku xigeenka Labaad soo magacaabo xubnaha cusub ee guddiga qaabanqaabada doorashada guddoomiyaha baarlamanka.

Khamiis, December 22, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) :

Gudoonka sare ee barlamanka KMG Soomaaliya ayaa sacadaha soo aadan lagu wadaa in uu magacaabo guddiga doorashada gudoomiyaha cusub ee barlamanka kadib kulan shalay ay ku qabteen Muqdisho.

Kadib markii shalay Xildhibaano ka tirsan barlamanka oo gaarayay 290-Xildhibaan ay isku raaceen in la sameeyo guddi doorasho oo soo diyaariya magacaabista gudoomiyaha barlamaanka ayaa hogaanka barlamanka waxaa uu sheegay in si deg deg ah loo soo magacaabi doono guddigaasi.

Axmed Dhimbil Rooble Casoow oo ah gudoomiye ku xigeenka labaad ee barlamanka ayaa waxaa uu sheegay in Xildhibaanada ay isagu u madaxbananeeyeen magacaabista guddiga doorashada, wuxuuna sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan uusoo magacaabi doono guddigaasi oo ilaa iyo iminka aan la ogayn tirada uu noqonayo.

Mar wax laga waydiiyay Axmed Dhimbil Casaawe gacan ka hadalka shalay dhexmaray Xildhibaanada barlamnaka ayaa sheegay inaysan  soo laaban doonin arrimahaasi, sharcigana lala tiigsan doono ciddii sameysaa xadgudub, isagoo gacan ka hadalkii shalay dhacayna uu ku sababeeyay fowdada uu sheegay in mudada 20- sano ah ay ka jirto dalka.

Howlka barlamanka oo ay ku shirayeen Xildhibaano ka tirsan barlamanka oo dhawaan xilkii ka qaaday Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxaa uu gacan ka hadal ku dhexmaray Xildhibaano ka tirsan barlamanka Soomaailya kuwaasi oo ku kala argti duwanaaa in xilka laga qaado Shariif Xasan Sheekha Aadan.

Khamiis, December 22, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) :

Waxgarad kasoo jeeda Jubbooyinka ayaa cambaareeyay duqeymo diyaaradaha dowladda Kenya ay ka gaysteen deegaanka Hosingow, iyagoo baaq u diray dowladda KMG ah.

C/qaadir  Xaaji Max’ud (Suldaan luga dheere) oo ka mid ah Waxgaradka gobolada Jubbooyinka oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxaa uu cambaareeyay duqeymihii diyaaradaha dowladda Kenya ay ka gaysteen deegaanka Hosingow ee gobolka Jubbada hoose halkaasi oo ay ku dhinteen dad badan oo rayid ah.

Waxgaradkaani ayaa waxaa uu ugu baaqay dowladda KMG Soomaaliya inay Kenya ay kala hadasho dhibaatooyinka ay ka gaysatay deegaankaasi maadaama uu tilmaamay in dowladda ay Mas’uul ka tahay shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxgaradkaani ayaa tilmaamay in dhibaatada ugu badan ay soo gaartay shacabka ku dhaqan deegaanka Hosingow ee gobolka Jubbada hoose, isagoo tacsi u diray dadkii ku dhintay duqeymihii maalin ka hor ka dhacay halkaasi.

15-qof ayaa ku geeriyootay ku dhawaad 30-kalana way ku dhaawacmeen kadib markii  diyaarado laga leeyahay dalka Kenya ay duqeymo xoogan ka gaysteen deegaanka Hosingow ee gobolka Jubbada hoose halkaasi oo ay gacanta ku hayaan Al Shabaab.


Khamiis, December 22, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) :

Dowladda Britain ayaa sheegtay in 9,000 oo Tan oo gargaar  Soomaaliya ay u soo direyso, iyadoo sheegtay in sanadkan gudahiisa Soomaaliya ay ku geeriyoodeen dad kor u dhaafaya 5000 oo ruux.

Xog-hayaha  hey’adda dowaladda Britain u qaabilsan gargaarka dibadda Andrew Mitchell ayaa sheegay in dowladda Ingiriiska ay Koonfurta Soomaaliya ka fulin doonto gargaar ballaaran oo gaaraya 9000 oo tan iyadoo la tilmaamay in weli ay taagan tahay dhibaatada iyo raadadka Macluusha.

Mr. Mitchell ayaa xusay in bilihii April iyo Augusto Soomaaliya ay ku geeriyoodeen dad gaaraya 5000 oo u badan haween iyo Carruur, sidoo kale waxaa uu xusay xog-hayaha  in aysan jirin ka hor tag lagu sameeyay Macluusha.

Dowaladda Britain waxa ay wadaa dadaal iyada oo dabal gal ku sameyneysa war bixinada Qarmada Midoobey ay ka soo saartay Soomaaliya intii ugu muhiimsaneyd.

“waxaa dhibaato ah in sidii loogu tala galay gargaar loo gaarsiiyo meello ka mid ah gobollada Koonfurta Soomaaliya maadaama aysan jirin hey’addo si madax banaan halkaasi uga howlgallaya weli waxaa  abaarta la il daran dad ka badan 10,000″ ayuu yiri Andrue michel .

Khamiis, December 22, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) :

 Ra’iisul wasaarihii ee Xukuumadda KMG Soomaaliya Max’ed C/laahi Max’ed (Farmaajo) oo waraysi gaar ah siiyay Idaacadda Shabelle ayaa waxaa uu ugu baaqay Shariif Xasan Sheekh Aadan in maslaxadda shacabka Soomaaliyeed uu u tanaasulo maadaama ay xilkii ka qaadeen inta badan Xildhibaanada barlamanka KMG Soomaaliya.

Max’ed C/laahi Max’ed ayaa waxaa uu sheegay in Xildhibaanada barlamanka ay matalaan shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna tilmaamay inay qaateen mooqif ka dhan ah Shariif Xasan Sheekh Aadan, isagoo sheegay in shaqsi ahaan uu horey kaga tanaasulay xilkii Ra’iisul wasaarenimo xilli shacabka reer Muqdisho ay dhigayeen banaanbaxyo looga soo horjeeday is casilaadaasi.

Mr.Farmaajo ayaa waxaa uu sheegay in loo baahanyahay in loo daneeyo shacabka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in hadii Xildhibaanada ay qaateen go’aan kasoo horjeeda Shariif Xasan Sheekh Aadan inaysan dhibaato la hayn in uu tanaasulo.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa waxaa uu tilmaamay in xilligii uu is casilayay Shariif Xasan Sheekh Aadan uu ku doodayay in Xukuumadda uu xilligaasi horkacayay aysan la shaqeyn karin Xildhibaanada barlamanka taasina ay keentay sida uu sheegay in uu sameeyo tanaasul.

Hadalka Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa waxa uu kusoo aadayaa xilli dhawaan Xildhibaanada barlamanka ay xilkii ka xanyuubiyeen Shariif Xasan Sheekh Aadan, iyadoo sidoo kale fadhi shalay Muqdisho Xildhibaana uu shir gudoominayay gudoomiye ku xigeenka labaad ee barlamanka KMG Soomaaliya inkastoo wali Shariif Xasan Sheekh Aadan uu ka goos adeegayo in uu ka dago xilka gudoomiyenimo ee barlamanka Soomaaliya.

Khamiis, December 22, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) :

  Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee dowladda KMG Soomaaliya ayaa sheegtay in marna aysan ka hari doonin ciddii ka dambeysay dilkii loo gaystay Allaha Unaxariistee Wariye C/salaan Sheekh Xasan ‘Xiis’.

Xilli ruux ku labisan dareeska Ciidamada dowladda KMG ah uu dhawaan dil bareer ah ugu gaystay degmada Xamar-jajab ee gobolka Banaadir Allaha Unaxariistee Marxuum Wariye C/salaan Sheekh Xasan ‘Xiis’ ayaa waxaa falkaasi markii ugu horeysay ka hadlay Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee dowladda KMG ah.

Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee dowladda KMG ah Gaashaanle sare  Xasan Max’ed Xuseen (Mungaab) oo ka hadlayay munaasbad maalintii 5-aad baroor diiq loogu sameynayay Maruux C/salaan ‘Xiis’ oo ay kasoo qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada iyo bahda Saxaafadda ayaa waxaa uu sheegay in Maxkamadda Ciidamada qalabka sida marnaba aysan ka hari doonin gacan ka dhiiglihii ka dambeeyay dilkaasi.

Mungaab ayaa tilmaamay in ruuxii ka dambeeyay dilka wariyaha ay cadaaladda waafajin doonaan, isagoo tilmaamay inay rajanayaan in goordhow gacan lagu soo dhigo dambiilihii gaystay falkaasi.

Gaashaanle Xasan Max’ed Xuseen ayaa waxa uu intaasi ku daray in Maxkamadda Ciidamada dhankeeda ay waddo baaritaano ku aadan caddii ka dambeysay dilkii Wariye C/salaan Sheekh Xasan ‘Xiis’, wuxuuna xusay in baaritaanadaasi ay noqon doonaan kuwa guulaysta.

18-ka bishan ayay aheyd markii Wariye C/salaan Sheekh Xasan ‘Xiis’ o u howlgali jiray Tv-ga Horn Cable lagu toogtay degmada Xamar-jajab ee gobolka Banaadir xilli uu gudanayay howlihiisa shaqo, hase ahaatee bahda Saxaafadda ee Muqdisho ayaa nasiib daro ku tilmamtay in dowladda KMG ah ay ku guul daraysato inaysan wali gacanta kusoo dhigin ruuxii ka dambeeyay dilkii loo gaystay Marxuum Xiis.



XAFIISKA GOLAHA SHACABKA SOOMAALIYEED

Office of the Somali Parlaiment


Arbao, December 21, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) : Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta Golaha shacabka kaas oo uu shirguddoominayay guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamanka.

Kulankan ay maanta xarunta golaha shacabka ku yeesheen Mudaneyaasha Golaha Baaralamanka ayaa waxaa shir guddoominayay guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baralamanka iyadoo madasha shirka ay soo xaadireen xildhibaanno gaaraya 290 mudane waxaana ujeedada kulnkaasi ahaa sidii loo magacaabi lahaa guddiga qabanqaabada doorashada guddoonka Baarlamanka.

Inkastoo subaxnimadii hore ee maanta ay ciidamada ammaanka isku dayeen in ay u diidaan mudanayaasha baarlamanka in ay ku shiraan xaruntooda ayaa hadana daqiiqado kadib loo ogolaaday in ay ku shiri karaan xubnaha baarlamanka xaruntooda golaha shacabka.

Ka hor inta uusan furmin kulanka ayaa waxaa isku gacan qaaday qaar ka mid ah Mudaneyaasha baarlamanka oo qaarkooda isku garaacay kuraastii fadhiga halka qaar ka mid ah mudanayaasha ay dhaawacyo fudud soo gaareen.

Markii uu xoogaa degay sawaxanka iyo buuqa ka dhex jiray madasha kulanka ayaa waxaa goobta ka hadlay guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee baarlamanka Axmed dhimbil Rooble Casowe waxa uu tilmaamay in qodobka 38 aad baarlamanka uu sharci ahan u siinayo in uu guddoomiyo fadhiga baarlamnaka waxa uuna  cod u qaaday tirade ogol in uu soo magacaabo guddiga qabanqaabada doorashada guddoonka baarlamanka waxaana ogolaatay in la soo magacaabo guddigaasi 287 mudane halka 2 ka mid ah ay diideen hal xildhibanna uu ka aamusay.

Guddoomiye ku xigeenka 2 aad ee baarlamanka ayaa dhanka kale sheegay in uu la wareegay awooddii baarlamanka islamrkaasna loo soo gudbiyay mooshin ka dhan ah guddoomiye ku xigeenka 1 aad ee baarlamanka C/weli Mudey isago intaasi ku daray in doorashada guddoomiyaha baarlamanka la qaban doono 15-30 maalmood gudahood sida uu qabo sharciga baarlamanka.

13kii bishan ayeey aheyd markii mudaneyaal ka tirsan baarlamanka ay ku dhawaaqeen in ay xilkii ka qaadeen guddoomiyaha baarlamank Shariif Xasan. Sh. Aaden inkastoo guddoomiyaha baarlamanka uu ku tilmaamay go’aankaas mid aan waafaqsaneyn sharciga.


Arbao, December 21, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) :

Fannaanka weyn ee Soomaaliyeed Ustaad Axmed Naaji Sacad ayaa muddo 21 sano ah kadib maanta dalka ku soo laabtay.

Ustaad Axmed Naaji Sacad oo ah Fannaan, Mulaxan, Musikiste, iyo Abwaan ayaa duhurnimadii maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha Muqdisho kadib 21 sano oo uu dalka ka maqnaa.

Axmed Naaji oo ka mid ah faanaaniinta Soomaaliyeed ee xilligan nool kuwooda ugu da’da weyn ayaa hadana lagu xasuustaa kaalintii uu ka soo qaatay horomarinta fanka Soomaaliyeed.

waxaana sidoo kale uu sameeyay muddadii uu dalka ka maqanaa heeso farabadan oo wadani ah oo uu ku muujinayay sida uu uga xunyahay dhibaatada dalka ka dhacday kuna baraarujinayay ummadda Soomaaliyeed.

Fanaanka Axmed Naaji Sacad ayaa la filayaa mudada uu joogo Muqdisho in la kulmo fanaaniinta iyo shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Muqdisho.



XAFIISKA MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA

OFFICE OF SOMALI PRESIDENT (0SGCC)


Arbao, December 21, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) : Dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda waxay u mahadcelinayaa Denjire Maxamed Cali "Ameeriko" Iyo Dowladda Kuwait kuwaasoo gaaray heer aynan weli gaarin dadka ku mashquulsan xallinta khilaafaadka Soomaaliya. Aniga iyo Bahda Saxaafadda Dowladda Soomaaliya waxaanu idin ku mahadcelinaynaa hawlsha aad u qabanaysaan dadkan dhibaataysan.

QAXOOTI8.jpgQAXOOTI10.jpg


Arbao, December 21, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) :

R/wasaraha dalka mudane C/wali Maxamed Cali “Gaas” iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa duhurnimadii maanta ka ambabaxay garoonka dayiiradaha ee Aadan Cadde iyagoo ku sii jeediyay magaalada Garowe ee xarunta gobalka Nugaal halkaasi oo uu maanta ku farmay shirkii wadatashiga qeybtiisi 2-aad

Xubnaha wafdiga uu hogaaminayo R/wasaare C/weli ayaa isugu jira labada gole ee xukuumada iyo mas’uuliyiin kale

Mudane C/weli Maxamed Cali oo inta uusan ka ambabixin Muqdisho la hadlay warbaahinta qaranka ayaa shegay in uu Garawe uga qeyb galayo shirka looga tashanayo arimaha Soomaaliya oo ay ugu muhiimsantahay qabya qoraalka Dastuurka waxa uuna R/wasaaruhu rajo wanaagsan ka muujiyay in ay ka soo baxaan qodobo wax ku ool ah kuwaasi oo wax badan ka badali doono xaalada dalka.

dhanka kale R/wasaare C/weli ayaa farriin ku aadan midnimada dadka u diray dhamaan shacabka Soomaaliyeed waxa uuna R/wasaaruhu sheegay in uu rajo wanaagsan ka qabo in qodobada shirka ka soo baxo ay ka mid noqoto dhameystirka dastuurka dalka taas oo uu sheegay hadii la dhameystiro in ay ka dhalaneyso midnimada dadka Soomaaliyeed.

Wafdiga uu hogaaminayay R/wasaaraha ayaa ku biiraya mas’uuliyiin horay Garowe ugu sii sugnaa oo ay kala hogaaminayeen madax weynaha Jamhuuriyadda iyo gudoomiyaha baarlamaanka waxana la filayaa in ay ka qeybgalaan shirka la filayo in uu galabta ka furmo Garowe.



XAFIISKA MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA

OFFICE OF SOMALI PRESIDENT (0SGCC)

image

Arbao, December 21, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) : Dowladda Soomaaliya iyo Shacbkeeda waxay ugu mahadcelinayaa Dowladda Djibouti iyo Shacabkeeda sida ay waligood uga danqanayeen dhibka haysta Ummadda Soomaaliyeed ay isku tuur-tuurka laga dhigtay. Illaahay waxan ka baryeynaa inuu sida aad noogu gargaarteen idin ki gargaaro Amiin Allahayoow! Nooloow Mudane Ismaaciil, Nooloow Muudane Dilete Maxamed Dilete iyo Dhammaan Shacabka Reer Djibouti.



Arbao, December 21, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) : Xukuumadda FKMG Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada dowladda Jabuuti wax badan ka badeeli doonaan howlgalka ciidamada AMISOM, isla markaana ay guul ka gaari doonaan arrintaasi.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Xukuumadda FKMG Soomaaliya mudane C/samad Macallin Maxamuud oo ka mid ahaa masuuliyiintii garoonka diyaaradaha ku soo dhamweeyay cutubyo ka tirsan ciidamada Jamhuuriyadda aynu walaalaha nahay ee Jabuuti ayaa sheegay in ciidamadaasi ay yihiin ciidamo Soomaaliya amnigeeda wax ku soo kordhin kara.

Waxa uu tilmaamay in ciidamada dowladda Jabuuti ay yihiin kuwa uu ku jira dareenka Soomaalinimo, isla markaana ay diyaar u yihiin caawinta dalkooda labaad, wax uu intaa raaciyay wasiirka arrimha gudaha in ay ku guulleysan doonaan wax ka badellida dhaq dhaqaaqa ciidamada AMISOM.


Talaado, December 20, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) : Diyaarad sidday 200-askari oo ka tirsan ciidamada dalka Jabuuti ee qaybta ka noqonaya AMISOM ayaa maanta kasoo dagtay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, iyadoo ammaanka garoonka diyaaradaha aad loo adkeeyay iyo halkaas ay ku soo dhaweeyeen madax badan oo kale duwan. Ciidanka Walaaha ah ayaa la filayaa inay Soomaalita wax wayn ka qabtaan isla-markaasna ay si walaaltinimo ah u gutaan waajibaadkooda ka saaran hawlahan nabadgelyadda.

Dowladda Soomaaliya waxay u mahadcelinaysaa Dowladda Djibouti iyo shacabkeena u taagan sidii Soomaaliya wax looga qaban lahaa.

Waad Mahadsan Tihiin,
Xafiiska Isgaarsiinta Iyo Wararka Dowladda Soomaaliya

Talaado, December 20, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) : Aqristayaan waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Sawirro ku aadan Munaasabadda  guurada 68-dii   aas aaska ciidammada Booliska Soomaaliyeed oo ay ka qeyb galeen masuuliyiin uu ka mid yahay madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Munaasabadd ayaa ahayd mi ka duwan munaasabaddihii hore maadaama si aan horey loo arak loo diyaariyay.

 


Garoowe: Isniin, December 19, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) : Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya iyo Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dagay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Garoowe halkaasi oo ay kusoo dhaweeyeen Mas’uuliyiin farabadan oo ka tirsan Puntland.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa  garoonka diyaaradaha ee Garoowe kusoo dhaweeyay dad weyne aad u farabadan oo halkaasi ka dhigayay fantasiyo iyo heeso ammaan ah oo lagu soo dhawaynayay Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya iyo wafdigiisa.

Mudane Sheekh Shariif oo halkaasi ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay soo dhaweynta dad weynaha reer Puntland, isagoo tilmaamay in Umadda Soomaaliyeed meel waliba oo ay joogaan loo baahanyahay inay ka shaqeeyaan ammaanka.

Sidoo kale Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland C/raxmaan Sheekh Max’ud Faroole oo halkaasi ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay imaatinka Madaxweynaha Soomaaliye ee Magaalada Garoowe oo uu sheegay inay si aad ah ugu soo dhawaynayaan.

Ammaanka Magaalada Garoowe ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana guud ahaan Xaafadaha Magaaladaasi la daadiyay Ciidamo suga ammaanka Mas’uuliyiinta ka dagaysay halkaasi oo ka qeyb qaadanaya shirka wadatashiga Qaramada Midoobay ee la filayo in uu biri ka furmo Magaalada Garoowe ee Xarunta gobolka Nugaal.



XAFIISKA GOLAHA SHACABKA SOOMAALIYEED

Office of the Somali Parlaiment


Isniin, December 19, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) : Guddoomiyihii Hore ee Golaha Baarlamaanka Mudane Shariif  Xassan Shiikh Aadan oo maanta sheegay inay Bulshada Calaamka ay khiyaano wayn ku hayso Soomaaliya meeshaasoo ay dadkeeda aynan waxba ka ogayn, Guddoomiyihii Hore ee Golaha Baarlamaanka Mudane Shariif  Xassan Shiikh Aadan ayaa waxuu ku daray inay hadda ay bannaantay in dalka loo sameeyo Guddoomiye cusub muddo 30 maalmood ah balse uu doorbidayo in haddaba la wada qabto doorashooyinka dalka ayadoo aan wax caawin ah la waydiisanayn bulshadda caalamka. Aniga waxaan hadda diyaar u ahay in aan u tartamo jaggadda madaxweynaha dalka Soomaaliya.

Aniga waxaan uga digayaa inay shacabka ay hoos tagaan gummaysiga deriska la ah Soomaaliya kuwaasoo raba inay boobaan dhulka Soomaaliya marka ay dadka wada dilaan. Jalaafo jaban aan arkay balse tan soo socota ila arka hee! Madaxweyne Maxamed Maxamuud "Faroole" waxuu rabaa kursiga madaxweynaha asagoo shacabka Bay Iyo Bakool waxa aad arkayseen kula dhaqmayey.

Waad Mahadsan Tihiin,
Guddoomiyihii Hore ee Golaha Baarlamaanka Mudane Shariif  Xassan Shiikh Aadan


Isniin, December 19, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) : Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa hambalyo iyo bogaadin u ditray Gabadhaha kubadda Koleyga xulka qaranka Soomaaliya sida ay sare ugu qaadeen magaca Jamhuuriyadda Soomaaliya,  isagoo ciyaarahaa kalena guul u rajeeyay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay guullaha is daba joogga ah ee ay soo hoyayaan Gabdhaha xulka qaranka Kubadda Kolegya dalkeena Soomaaliya, isagoo arrintaasi ugu hambalyeeyay.

Madaxweyne Shariif ayaa sheegay in uu goob joog u ahaa furitaanka ciyaaraha dalalka Carabta haddii la adkaan lahaa Gabdhaha Soomaaliyeednaay dhaawac ku ahaan lahyd, waxa uu intaa raaciyay in ay  guul ay ka gaaren labadii Ciyarood ee ugu horeysan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa boggaadiyay Isbootiska, isagoo xusay in bini’aadanka uu dhan walba ka saacida karo,  isla maanaka caafimaadkauu u wanagasan yahay Isbootiska.

Mudane Sheekh Shariif ayaa guul u rajeeyay Gabdhaha Kubadda Kolegya dalkeena Soomaaliya oo si geesinimo leh uga qeyb qaadanaya Ciyaaraha Kubadda Kolegya Gabdhaha ee dalalka Carabta.


Isniin, December 19, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) : Xumuumadda Soomaaaliya ayaa sheegtay in sharciga la hor keeni doono gacan ku dhiiglihii ka danbeeyay dilka Allaha u naxariistee Wariye C/salaam Sheekh Xasan “Xiis” oo shalay galinkii danbe lagu dilay magaalada Muqdisho.

Ku simaha Ra’iisul wasaaraha ahna wasiirka Warfaafinta, Boostada  iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya mudane C/qaadir Xuseen Maxamed “Jahweyn” ayaa wax laga naxo ku tilmaamay dilka Wariye C/salaam Xiis, waxa uu uga tacsiyeeyay ummada Soomaaliyeed iyo ehelladii uu ka baxay Allaha uga barayay inuu Nannadiisa siiyo.

Ku simaha Ra’iisul wasaaraha mudane Jahweyn ayaa tilmaamay in arrintasi ay tahay mid waajib uu ka saaran yahay in wax laga qabto dowladda Soomaaliya,  shacabkuna ay gacan ku siiyaan ciidammada in gacan ku dhiiglihii dilka geystay la soo qabto,  waxa uu xusay in aysan jiri doonin in laga haro falkaasi  foosha xun.

Wasiirka Warfaafainta ayaa hoosta ka xariiqay in cadaaladda la hor keeni doono  ninkii sida arxan darra u dilay Allaha u naxariistee Wariye C/salaam Xiis.

Waxa uu sheegay in baari taan xooggan u socda goor dhowna la soo gabagabeen doono oo lagu guulleysan doono in la soo afjaro arrintaani.

Gaalkacyo: Isniin, December 19, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) : Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa maanta kala diray Golaha barlamanka Maamulka Galmudug.

Wareegto maanta kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Maamul goboleedka Galmudug Max’ed Axmed Caalin ayaa waxaa looga hadlay khilaafka ba’an ee ragaadiyay labada gole ee Maamulka kaasi oo sababay in hakad uu ku yimaado howlihii Maamulka.

Maxe’d Axmed Caalin ayaa waxaa uu sheegay in maanta uu kala diray Golaha Wakiilada ee Maamulkaasi kadib markii uu tilmaamay Madaxweynaha inay ku fashilmeen Dastuurka u yaala Maamulka sida uu Saxaafadda u sheegay sii hayaha Afhayeenka Maamulka Galmudug Bile Diini.

Caalin ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in uu ugu baaqayo guud ahaan qabaa ilaadka ku midoobay  Maamulka Galmudug inay soo gudbiyaan Xubnaha ugu mid noqonaya golaha Wakiilada Maamulka Galmudug, isagoo sheegay in dhawaan uu iclaaminayo doorashada gudoonka sare ee barlamanka.

Hadalka kasoo yeeray Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa kusoo aadaya xilli wali deegaanada Maamulka Galmdug ay ka taagantahay xiisad siyaasadeed oo u dhaxeeysa Madaxweynaha Maamulkaasi iyo Afhayeenka Golaha Wakiilada ee Maamulka Galmudug.



g

 


XAFIISKA MADAXWEYNAHA

OFFICE OF THE PRESIDENT



War Saxafaddeed
Axad, December 18, 2011 (Somaligov Portal News) : Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa maanta waxuu ka codsaday inay Dowladda Soomaaliya ay tahay dal xor ah isla-markaasna uu ku jirin gummaysiga ay dabada ka maleegayso Qaramadda Midooway iyo cadowgii baabi'iyey shacabka Soomaaliyeed kaasoo cawaaqib xummadii uu kala kulmay Soomaaliya ay ku kaliftay inay dadka Soomaaliyeed u soo kiraystaan khaa'imiin reer Yurub ah. Aniga waxaan dhammaan u sheegayaa Ummadda Soomaaliyeed inay ogaadaan in Dowladda Soomaaliya ay horay uga diiday Ururka Midowga Yurub iyo Qaramadda Midooway khayaanooyin siyaasaddeed isla-markaasna ay damacsan yihiin inay badda Soomaaliya si sharci darro ah uga kalluumaystaa, qotaana shidaalka dalka Soomaaliya. Aniga iyo Ummadda Soomaaliyeed waxaan u sheegaynaa  inay Dowladda Soomaaliya ay aqoonsan tahay heshiisyo iyo shirkado Maraykan ah oo horay shidaal baaris uga Sameeyey dalka Soomaaliya.

aniga waxaan u sheegayaa Golaha Shacabka Soomaaliyeed waxay doorteen Guddoomiye cusub si dimuquraadiyad leh ayadoo ay 280 xildhibaan doorteen Guddoomiyahan cusub marka waa maxay dhibka haya Xafiiska Qaramadda Midooway Iyo Xafiiska Ururka Midowga Yurub.

Dowladda Soomaaliya waxay ogtahay inay Dowladda Kenya Iyo Ethiopia ay ilaa 1978 ilaa iyo hadda ay Dalka Soomaaliya ku soo hubaynayeen jabhado iyo qabaa'ilo burburiya marka annagu waxaan nahay dal xor ah haddii aan la ixtiraamayn sharciga caalamiga ah waxaanu samayn doonaa istifaacid ka wayn sidii aanu uga xoraynay gummaysiga dalkeena.

Shirkii dibu heshiisiinta Soomaaliya waxaa lagu qaban doonaa gudaha caasimadda Moqdisho ayadoo aan wax dhaqaallo ah la waydiisanayn Qaramadda Midooway Iyo Ururada Siyaasadaysan ee kala ah European Union Iyo The United Nations.



Muqdisho: Axad, December 18, 2011 (Somaligov Portal News) : Ra’iisul wasaaraha dowladda KMG ayaa sheegay in in dhibaato dhaqaalo ay soo wajaheysoSoomaaliya hadii aan wax laga qaban shaqo joojin uu sheegay in Bangi ku yaalla Maraykanka uu ku sameeyay Xawaalado Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya C/wali Max’ed Cali oo maanta Shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisamagaalada Muqdisho ayaa waxa uu ka digay dhibaato dhaqaalo xumo oo ku timaada dalka Soomaaliya hadii aan wax laga qaban shaqo joojin Bangi ku yaalla gobolka Minnesota ee Maraykanka uu ku sameeyay Xawaaladaha Soomaaliya ee ku yaalla gobolkaasi halkaasi oo ay lacagaha kasoo diraan dadka Soomaalida ah ee ku nool.

C/wali Max’ed Cali (Gaas) ayaa waxa uu sheegay in dadka Soomaalida ah ay inta badan ku tiirsan yihiin lacagahaay usoo direen dadka Ehladooda ah ee ku nool dalka dibadiisa, waxaana uu sheegay in arintaasi ay kala hadleen Madax sare oo ka tirsan dowladda Maraykanka, isagoo intaasi raaciyey in  dadaal dowladda ay ugu jirto sidii xayiraadalooga qaadi lahaa Xawaaladaha Soomaalida ee gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa waxa uu sidoo kale uga baaqay Xawaaladaha Soomaalida ah in ay hubiyaan dadka lacagaha loo dirayo islamarkaana ay ka digtoonaadaan in lacago loo diro Xarakada Al Shabaab, waxaana uu sheegay in arimahaasi ay kala hadli doonaan Madaxda Xawaaladaha si ay u wanaagsanaanto wada shaqeynta ay laleeyihiin Bangiyada Caalamka.

Qaar ka mid ah dadka Soomaalida ah ee ku sugan dalka dibadiisa ayaa waxaa lagu eedeeyaa in lacago ay u diraanXarakada Al Shabaab taasi oo la sheegay in ay u marsiiyaan Xawaaladaha Soomaalida ee dalka dibadiisa, waxaana Maraykanka uu marar badan Maxkamad sootaagay haween iyo rag Soomaali ah oo lagu eedeeyay arintaasi.












Muqdisho: Axad, December 18, 2011 (Somaligov Portal News) : Allaha u naxariistee waxaa magaalada Muqdisho lagu dilay Wariye C/salaan Sheekh Xasan Xiis oo kamid ahaa wariyeyaasha ka howlgala magaalada Muqdisho.

Wariye C/salaan xiis ayaa duhurnimadii maanta waxaa toogtay nin ku hubeysan qoriga AK 47 xili uu marayey albaabka hore ee Hotelka Madiina degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir kaasi oo hal xabo kaga dhuftay madaxa.

Zakariye C/laahi oo ah Madaxa Shaqaalaha Telefishinka Horn Cable TV xafiiska Muqdisho oo xiis la socday marka la dilayey ayaa Radio Muqdisho u sheegay inaanay ogeyn ilaa iyo hada asbaabta saaxiibkiis loo beegsaday balse qofka toogtay oo ku labisnaa dareeska Ciidammada.

Wariye C/salaan Sheekh Xasan Xiis ayaa hada waxa uu ka mid ahaa howlwadeennada Telefishinka Horn Cable TV xafiiskiisa magaalada Muqdisho waxaana ka hor Telefishinkan uu wariyuhu lasoo shaqeeyey qaar ka mid ah Idaacadaha madaxa banaan ee magaalada ka howlgalla sida idaacadda Banaadir oo uu in mudo ah la shaqeynayey.

Muqdisho: Axad, December 18, 2011 (Somaligov Portal News) : Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta si rasmi ah u furay Ciyaaraha degmooyinka gobolka Banaadir kadib xaflad ka dhacday garoonka Stadium Koonis degmada C/casiis.

Xafladda furitaanka tartanka Ciyaaraha degmooyinka gobolka Banaadir ayaa waxaa kaloo kasoo qeybgalay duqa magaalada Muqdisho, ciyaartooyda u ciyaareysa 16 degmo ee gobolka Banaadir, haween ka kala socday degmooyinka gobolka oo iyagu sitay degmo walba astaanta lagu garan karo.



Axad, December 18, 2011 (Somaligov Portal News) : Wasaaradda Macadanta, Biyaha, Tamarta iyo Badroolka Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in bilaha soo socda ay dalka imaan doonaan shirkaddo Ajaanib ah oo baaris dhinaca Shidaalka ka sameyn doona.

Wasiirka Macdanta, Biyaha, Tamarta iyo Badroolka Xukuumadda FKMG Soomaaliya mudane Cabdi Maxamed Dhicisoow oo ka qeyb galay Barnaamijka Waxqabadka Xukuumadda ee ka baxa Radio Muqdisho ayaa sheegay in bilaha soo socda ay dalka soo gaari doonaan Shirkaddo Ajaanib ah kuwaa oo baaris ku sameyn doona Shidaalka Soomaaliya.

Waxa uu tilmaamay in Shirkaddaha lagu marti qaadi doono gobollada dalka ee nabadda ah, isagoo xusay in wasaaraddu ay dadaal ku bixisay sidii loo helli lahaa wax soo saar dhanka Shidaalka.

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in dalka ay soo galaan Shidaal lagu keeno Fuustooyin oo marar badan ay ka dhasheen qasaaro xooggan, si taasilooga hor tagana loo baahan yahay in la hir galiyo Keydkii Shidaalka ee Xamar.

Mudane Cabdi Maxamed Dhicisoow ayaa ugu dembeyntii sheegay in ay jiraan qorshayaal badan oo loogu tala galay in lagu dar dar galiyo guud ahaan howllaha wasaaradda oo ah kuwa  baaxad weyn, isla markaaana rajo ay qabaan in la hello Shidaalka ku jira dhulka Soomaaliya laakiinse wali Dowladda Soomaaliya waxay waadaa soo celinta amniga dalka.




Muqdisho: Axad, December 18, 2011 (Somaligov Portal News) : Xildhibaan ka tirsan barlamanka ayaa waxa uu wacad ku maray in marna Shariif Xasan usan shir gudoomin doonin fadhiyada barlamanka, isagoo ugu baaqay in Shariif Xasan uu tanaasulo isla-markaasna gafkii uu u gaystay Golaha Xildhibaannadda ka raalli geliyo.

Xildhibaan Mowliid Macaane Max’ud oo ka mid ah Mudanayaasha barlamanka KMG Soomaaliya oo waraysi siiyay IdaacaddaShabelle ayaa waxa uu sheegay in wax lala yaabo ay tahay in xilligaani uu shirka gudoomiyo Shariif Xasan Sheekh Aadan oo Xildhibaano ka tirsan barlamankaay xilkii ka qaadeen.

Mowliid Macane Max’ud ayaa waxaa uu sheegay in Shariif Xasan xilka looga qaaday si sharci ah oo barlamanka aydoorteen shir gudoon cusub, kadib markii uu sheegay in Shariif Xasan uu gudan waayay xilkiisa, safaro uusan barlamanka la’ogaynna uu ku tago wadamo badan oo Caalamka ah, isagoo sheegay inaysan dhici doonin in barlamanka uu shirgudoomiyo Shariif Xasan loogana baahanyahay in uu tanaasulo.

Xildhibaan Mowliid Macaane Max’ud ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in barlamanka aysan kalaaban doonin go’aankiiay gaareen, maadaama uu sheegay in barlamanka ay horey xilkii ugu qaadeem gudoomiyeyaal ka horeeyay Shariif Xasan, wuxuuna sheegay in Shariif Xasan uuisaga mutaystay in xilka laga qaado.

Xildhibaanada barlamanka ee xilka ka qaaday Shariif Xasan ayaa ku adkeysanaya go’aankii ahaa inay kalsoonida kala noqdeen Shariif Xasan, iyadoo dhinaca kale Shariif Xasan uu beeniyay in xilka ay ka qaadeen Xubno ka tirsan barlamanka, waxaana shalay ay aheyd markii Wafdi xaqiiqo raadin ah oo ka socda QM ay kulamo la qaateen Xildhibaanadii kaso horjeday.



Muqdisho: Axad, December 18, 2011 (Somaligov Portal News) : Xildhibaan kasoo jeeda deegaanada Maamulka Puntland ayaa raali galin ka bixiyay eedeyntii dhawaan Madaxweyne Faroole uu u jeediyay Xildhibaanada barlamanka KMG Soomaaliya.

Xildhibaan C/qaadir Sheekh Ismaaciil oo ah gudoomiye ku xigeenka guddiga Dastuurka barlamaanka oo ku hadalayay magaca Xildhibaanada kasoo jeeda deegaanada Maamulka Puntland ayaa waxaa uu tilmaamay in raali galin ay ka bixinayaan hadal kasoo baxayMadaxweynaha Maamulka Puntland oo ku aadanaa Xildhibaanada barlamanka KMGSoomaaliya.

C/qaadir Sheekh Ismaaciil ayaa waxaa uu sheegay in marki ugu horeysay aysan aheyn in aflagaado uu Madaxweyne Faroole uu u gaysto Xildhibaanada barlamanka, isagoo wax laga xumaado ku tilmaamay C/raxmaan Faroole aflagaado aan laga fiirsan in uu u jeediyo Xildhibaanadabarlamanka Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaa waxaa uu sheegay in Puntland maalmihii lasoo dhaafay ay u kala go’goday Maamul hoosaadtaasi oo uu tilmaamay in uu Mas’uul ka yahay Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Sheekh Max’ud Faroole, isagoo ugu baaqay shacabka reer Puntland inay doortaannin ka talinayaan aayaha iyo midnimada reer Puntland.

Ugu dambeyn Gudoomiye ku xigeynka gudiga dastuurka barlamanka mar uu ka hadlayey go’aankii Faroole ee ahaa in maalinta talaadada ee soo socota uu Garoowe shirka wadatashiga ka dhacayo  ayaa waxa uu tilmaamay in shirkaasi uusan qabsoo midoonin tan iyo inta laga xalinayo qalalaasaha ka dhax aloolsan Xilibaanada barlamanka KMG Soomaaliya iyo Shariif Xasan Shiikh Aadan oo ay dhawaan xilka ay ka qaadeen qaarka tirsan Xilibaanada barlamaanka KMG Soomaaliya

XAFIISKA MADAXWEYNAHA

OFFICE OF THE PRESIDENT




Sabti, December 17, 2011 (Somaligov Portal News) : Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Abaanduulaha Ciidamada Jabuuti oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Abaanduulaha ciidamada dalka Jabuuti Gen. Sakariye Sheekh Ibraahim oo duhurnimadii maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay abaanduulaha ciidamada Gen. C/kariim Dhegabadan iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada XDS.

Gen. Sakariye Abaanduulaha ciidamada Jabuuti ayaa loo soo gelbiyay dhanka Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya, waxana halkaasi ku qaabilay madaxweynaha Jamhuuriyadda Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxa ayna ka wada hadleen arimo ku saabsan sidii ay dalka ku soo gaari lahaayeen ciidamo nabad ilaalin ah oo Jabuuti u soo direeyso dalkeenna.

Gen Dhegabadan Abaanduuliyaha ciidamada XDS oo saxaafadda kula hadlay gudaha madaxtooyada ayaa sheeegay in dhawaan ay dalka soo gaari doonaanciidamo ka socda dalka jabuuti oo ku biirayo ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika oo ka howlgala Muqdisho.

XAFIISKA MADAXWEYNAHA

OFFICE OF THE PRESIDENT



War Saxafaddeed
Sabti, December 17, 2011 (Somaligov Portal News) : Dowladda Soomaaliya waxay u sheegaysaa bulshadda caalamka iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed in Shirkii Dib-u Heshiisiinta lagu qaban doono gudaha caasimadda dalka taariikhdu marka ay tahay  11ka Bishan Janaayo, 2012. Sida aad ogtihiin Xoghayaha Qaramadda Midooway Mudane Ban Ki-Moon iyo wefdigiisa inay dhawaan soo booqdeen Soomaaliya meeshaasoo uu arkay inay nabadgelyadda soo fiicnaatay marka waxaanu ka codsanaynaa Xoghayaha Qaramadda Midooway Mudane Ban Ki-Moon inuu si deg deg ah ugu beddelo Ergayga Dr. Augustine Mahiga iyo Shaqaalaha ka shaqeeya xafiiskiisa ma waxaanu kashifi doonaan musuqmaasuqa, lacag xadida iyo khiyaanadda uu wado Xafiiska Qaramadda Midooway kaasoo aan marnaba ka hadlin faragelinta ay Dowladda Ehtiopia iyo Kenya ay ku soo qaadeen dalka Soomaaliya taasoo bulshadda caalamka ay wada ogyihiin xaqiiqadda ka jirta barriga iyo bartamaha Afrika.

Dowladda Soomaaliya waxay u mahadcelinaysaa Dowladdaha keenya ciidanka nabad ilaalinta kuwaasoo ugu soo gurmaday Soomaaliya inay wax la qabtaan, Dowladda Soomaaliya waxay Qaramadda Midooway u sheegaysaa haddii aad Soomaaliya ku fashilanteen 1992-1995kii waxaanu idinka codsanaynaa in aad noodaysaan arrimaha siyaasadda dalkeena. Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeed waligood lama gumaysan, waxaan ognahay inay Dowladda Etthiopa ay Portugual u soo kiraysatay sidiii ay u baabi'in l;ahayd dadka iyo jiritaanka Ummadda Soomaaluya marka Kenya iyo Dowladdaha Xuduudka la leh dalka Soomaaliya ma soo geli karaan xuduud dalka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya waxay codsanaysaa si deg deg ah loo beddelo Ergayga Khaaska ah ee Xoghayaha Qaramadda Midooway Mudane Augustine Mahiga iyo dadka ka shaqeeya xafiiskiisa.

Anigoo ah Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed, waxaan u caddaynayaa inay Soomaaliya, Dowladda Maraykanka Iyo Ururka Reer Europe ay  wada shaqeeyaan isla-markaana ay hadda ka wadashaqaynayaan sidii Soomaaliya looga bixin lahaa Ururuadda Argagixisada iyo kuwa taageera.

Waad Mahadsan Tahay,

Mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed
Madaxweynaha Dowladda Soomaaliyeed


Sabti, December 17, 2011 (Somaligov Portal News) : R/wasaaraha Xukuumadda Federaalka KMG ah ee Soomaliya, Mudane C/wali Maxamed Cali ‘Gaas’ oo maanta ku dhawaaqay barnaamij ka bixi doono Raadiyo Muqdisho iyo TV-ga qaranka oo ay wasiiradda xukuumadda uu hogaamiyo ku hor tagi doonaan shacabka ayaa ballan qaaday in wasiirkii ay soo baxdo in uu ku dhaliilan yahay hawsha uu qaranka u hayo uu wajihi doono la xisaabtan adag,  Isagoo dhinaca kalana R/wasaaruhu faah faahin ka bixiyay dib u dhaca ku yimid Shirkii wadatashiga Qaran ee la filayay in uu ka furmo Garowe.

Dr. C/weli R/wasaaraha dalka oo wareeysi siiyay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in ujeedada barnaamijkan ay tahay in lagu ogaado waxqabadka Xukuumadda muddadii Afarta bilood ah ee ay jirtay.

“Markii aniga la’imagacaabay baarlamanka waxaan horgeeyay qorshe Siyaasadeed iyo barnaamijka xukuumadda haddana muddo Afar bilood ah ayaa
noo dhamaatay waxaan rabaa in shacabku ogaado waxqabadka xukuumadda ee Mudadii Afarta bilood aheyd ee aan shaqeeyneynay si ay ula socdaan
muhiimadda Barnamijkanna wa in shacabku si dhab ah ula socdaan  Shaqadeenna”ayuu yiri R/wasaare C/weli.

R/wasaare C/weli oo la weeydiiyay waxa uu ka yeelayo haddii ay soo baxaan dhaliilo ay dadweynahu u hayaan wasaaradaha qaarkood ayaa sheegayin ujeedada ugu weyn ay tahay in ay kala baxaan wasiirada gutay waajibka qaran iyo aan gudan isla markaana lala xisaabtami doono kuwii aan shaqadooda ugu gudan sidii loogu baahnaa cudur daar la’aan.

Sabti, December 17, 2011 (Somaligov Portal News) : Wasaaradda Howllaha Guud iyo Guryeenta Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in qaar ka mid ah dalalka carabta  ay helleen ballan qaad ku aadan dib u dhis lagu sameeyo gobolka Banaadir.

Wasaaradda Howllaha Guud iyo Guryeenta Xukuumadda FKMG Soomaaliya mudane Jeylaani Nuur Iikar la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in uu dowladda Kuwait uu hor dhigay qorshe ku aadan dib u dhiska gobolka Banaadir, isla markaana ay maxda dowladdaasi ka aqballeen arrintaasi.

Waxa uu tilmaamay  in ballan qaad aad u wanaagsan ay ka helleen dowladda Kuwait, iyadoo sheegtay in ay Soomaaliya ka dhisi doonto Garoomo Diyaaraddeed iyo Dakeddo caalami ah.

Wasiirka Howllaha Guud iyo Guryeenta ayaa xusay in waxyaabaha ugu muhiimsa ee la doonay in dib u habeyn lagu sameeyo in ay tahay dhismaha waddooyinka caasimadda, si dowladda Soomaaliyeed ay u muujiso dadaalkeeda ku aadan guud ahaan dhismaha dalka.

Dhinaca kale mudane Jeylaani Nuur Iikar ayaa hoosta ka xariiqay in Ganacsatada Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay dib ugu laabtaan suuqyadii laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab ee hadda u haaban in laga hir galiyo howllo Ganacsi oo aad u ballaaran.

Waxa uu Ganacsatada ugu baaqay in qeyb weyn ay ka qaataan dhismahada waddooyinka gala suuqa Bakaaraha oo halbowlle u ah guud ahaan Ganacsiga Soomaaliya.




Sabti, December 17, 2011 (Somaligov Portal News) : Madaxweynahab Maamulka Puntland ayaa ku eedeeyay Xildhibaanada barlamanka KMG Sooamaliya in ay Mas’uul ka yihiin dib u dhicida Shirka wadatashiga ee lagu waday in uu ka dhaco magaalada Garoowe.

Isagoo Saxaafadda kula hadlayey magaalada Garoowe Madaxweynaha Maamulka Puntlnad C/raxmaan Sheekh MaxamedFaroole xili Wafdi ka socday Qaramada Midoobay iyo dowladda ay halkaasi gaareen ayaa waxa uu ka hadlay khilaafka ka dhex taagan barlamanka asagoo aflagaado u gaystay xildhibaannadda sida sharciga ah ugu tuuray kursiga tkhaa'inul waddanka rakaatada ku haystay furaha Baarlamaanka.

Faroole ayaa sheegay in Xildhibaanada mowshinka gudbiyey khilaafkana bilaabay aysan laheyn ujeedo aanaheyn in uusan qabsoomin lagana qeyb galin Shirka wadatashiga ee lagu wado in uu ka dhaco magaalada Garoowe, taasi oo uu u sababeeyay C/raxmaan baqdin ay Xildhibaanada ka qabaan in aan dib loo soo dooran marka ay dhamaato mudada
halka sano ee u harsan dowladda KMG ee lagu doonayo in lagu yereeyo
barlamanka,  lagu dhiso dowladdaSoomaaliyeed laguna hergaliyo dastuurka.Balse Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed "Faroole" waxuu sugi waayey amniga Puntland asaoo shacabka reer Bat iyo Bakaal saaray cuna-qabatayn cilmiyeysan oo shido badan.

Wafdiga ka socday QM iyo dowladda KMG ee shalay gaaray Garoowe ayaa waxa uu tilmaamay Madaxweynaha Maamulka Puntlnad in uu ku wargaliyay is hortaag uu sheegay in Shirka ay ku sameynayaan Xildhibaanada Barlamanka KMG, isagoo xusay in Shirka wadatashiga uu kama dambeys dhacayo 20-ka bishaan ee ku beegan maalinta talaadada ee soo socota,waxaana cid waliba oo wada danta Soomaaliya uu ugu baaqay in ay kasoo qeyb gasho.

C/raxmaan Sheekh Maxamed (Faroole) ayaa waxa khilaafka Barlamanka wada uu ku sheegay in ay yihiin Xildhibaano ubadan dagaal oogayaashii Soomaaliya  sidauu hadalka u dhigay ee bur-buriyay dalka una gacan galiyay cadowga Soomaaliya sida Ethiopia, Kenya iyo UN kuwaasoo aan jeclayn inay Soomaaliya degto.


Diseembar 16, 2011 (Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) : Gudoomiyahii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Sheekh Aadan Madoobe ayaa ugu baaqay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan inuu si sharaf leh u wareejiyo xilka
gudoomiyenimada Baaralmaanka maadaama ay 280 Xildhibaan Codka kalsoonida
kala laabteen isla-markaasna ka raaligeliyo hadaladii qaldanaa ee uu kia sheegay Idaacadaha kaasoo ahaa inay dad xun iskugu tageen Xarunta Golaha Shacabka asagoo inkiraya 283dii xildhibaan ee ku jirtay Xarunta Golaha Shacabka Soomaaliyeed haddii uu sii wado qaladaadka iyo fowdada waxaan laga maarmayn inay Xukuummadda xiri doonto oo lacagihii uu magaca Golaha Xildhibaannadda Soomaaliyeed ku qaatay kuwaasoo hadda ay hayso.

Sheekh Aadan Madoobe Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka oo maanta Shirjaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu wax lala yaabo ku
tilmaamay diidmada uu muujiyey Gudoomiyaha Baarlamaanka ee ku aadan go’aankii ay xilka kaga qaadeen Mudanayaasha Baarlamaanka.

“Soomaaliya waxaa horey u tanaasulay ama xilalkoodii isaga casilay ayaga oo danta Umadda fiirinaya Lix Mas’uul oo uu ugu dambeeyey Farmaajo hada Shariif Xasan isaga Is casil arintiisu ma taagna ee Xilka ayaa laga qaaday iima muuqato sabab uu u diido waayo waxaa horey u dooratay 217 Xildhibaan inuu dhahana Codkaas waa Sharci laakiin 280 Xildhibaan
codkooda xilka ugama degayo waana wax lala yaabo” ayuu yiri Sheekh AadanMadoobe.

Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka ayaa ugu dambeyntii ugu baaqay Madaxda Qaranka iyo Beesha Caalamka inay ka shaqeeyaan sidii loo taageeri lahaa go’aanka Baarlamaanka isagoo intaa ku daray in Baarlamaanku diyaar u yahay mar walba ka shaqeynta danta guud ee Dalka iyo Dadka.

Hadalkan kasoo baxay Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka ayaa imaanaya xili Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan uu kasoo
horjeestay go’aanka.

Diseembar 16, 2011 (Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) : Kooxda Kubadda kolayga ee Qaranka Soomaaliya oo ka badiyey walaalohood Qaranka Kuwait meeshaasoo ay Kooxdeena ku badisay 66 dhibcood halka Kooxda Qaranka Kuwait ay heleen 47 dhibcood. Dowladda Soomaaliya waxay si ballaran ugu mahadnaqaysaa Kooxda iyo Dhammaan Qabanqaabiyaasha Ciyaarahan,



Xafiiska Madaxweynaha Dowladda Dimuquraadiga Ee Soomaaliya 

Office of the Somali President of the Democratic Republic of Somalia

War Saxaafadeed

Diseembar 16, 2011 (Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) : Madaxweynaha Dowladda Soomaalitya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo sheegay inay Golaha Shacabka Soomaaliyeed si sharci ah uga qaadeen xilka Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Soomaaliyeed Mudane Shariif Xassan Shiikh Aadan kiaasoo la ogyahay fowdada iyo isbaarada uu u dhigtay Ummadda Soomaaliyeed, Aniga waxaan u sheegayaa Ummadda Soomaaliyeed inay waxba ka jirin Road Mapka isla-markaasna ay Dowladda Soomaaliya si weyn taageero uga haysto Dowladdaga waa weyn. Ummadda Soomaaliyeed waxay og tahay inuu Mudane Shariif Xassan Shiikh Aada si khaldan ugu been sheegay tiradda Xildhibaannadda Golaha Shacabka Soomaaliyeed kuwaasoo ahaa 283 cod isla-markaasna ay 280 xildhibaan si sharci ah uga qaadeen xilka. Aniga waxaan u sheegayaa Ummadda Soomaaliyeed iyo Golaha Shacabka inay si deg deg ah xisaabi xilmalahan ugu qaadaan Mudane Shariif Xassan Shiikh Aada ayadoo waliba haddii uu isku dayo qas lagu xirin doono meesha uu joogo.

Haddii aad umalaysay in Golaha Xildhibaannadda aad afduub mku haysan karto, waadgg haysaa jawaabteeda maanta. Dowladda Soomaaliya waxay si sharci ah amar u siisay Ciidanka Amniga Qaranka Iyo Hay'adda Nabadsugida inay soo xiraan cidii fowdo dembe ka samaysa gudaha dalka Soomaaliya.

Waxaanu Qaramadda Midooway Iyo Hay'addaha la dagaalamka Musuqmaasuqa ay xanibaan dadka khaa'imiinta ah ee fowdada uga lacagaystay dhiiga Ummadda Soomaaliyeed.

Waad Mahadsan Tihiin,

Madaxweynaha Dowladda Soomaalitya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed


Diseembar 16, 2011 (Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) : Gudoomiyaha KMG gaarka ah ee Baarlamanka Somalia Madoobe Nuunow Maxamed ayaa ka jawaabay
hadal shalay ka soo yeeray gudoomiyihii xilka laga qaaday ee Baarlamanka Shariif Xasan Shiikh Aadan oo ku gacan seyray xilka qaadista lagu sameeyey, kuna tilmaamay xildhibaanadii arintaas ku kacay kuwo qalalaase u joog ah oo mudan in talaabo laga qaado.

Xildhibaan Madoobe Nuunow Maxamed ayaa ku tilmaamay hadaladaas aflagaado cad oo loo geystay xildhibaanada baarlamanka Somalia, wuxuuna xusay in Shariif Xasan hadaladiisu ay yihiin wax uu ugu yeerey nin daad qaaday xumbo cuskay, isagoo sheegay in markii horeba la filayey inuu ku hadli doono sida uu u hadlay aysana la yaab ku aheyn xildhibaanada waxyaabaha ka soo yeeraya Shariif Xasan. Shariif Xasan ama ha qeyliyo ama caaytamo waxaan u sheegeynaa in gudoomiyaha baarlamanka uu ahaan
jiray hase ahaatee uusan hadda aheyn xilkana ay ka qaadeen xildhibaanadii shalay doortay, mar dambe ma shir gudoomin doono Baarlamanka” ayuu intaa ku daray Madoobe Nuunow Maxamed.

Mar uu ka jawaabayey hadal ka soo yeeray Shariif Xasan oo ahaa in la bedeli doono oo ay xilalkooda waayi doonaan xildhibaanada sheegay iney xilka ka qaadeen isaga ayaa Madoobe Nuunow waxaa uu sheegay in Shariif Xasan uusan meesha keensanin xildhibaanada balse ay baarlamanka ku soo galeen nidaamka beelaha Soomaaliyed ay ku qeybsadaan ee 4.5 xildhibaan kastana ay keensatay beesha uu ka soo jeeda, wuxuuna xusay inuusan awood u laheyn arintaas.


“Xildhibaanada haddii ay ku diideen shariif Xasanow ma xoog iyo awood baad gudoomiye ugu noqoneysaa maya shalay iyagaa ku doortay maantana iyaga ku diiday, haddii aad dooneysid inaad gudoomiye baarlaman mar kale noqoto isa soo sharax oo doorashada ka soo qeyb gal haddii aad isku kalsoon tahay wey \ku codeyn doonaan xildhibaanada” ayuu intaa
ku daray Madoobe Nuunow Maxamed oo ah gudoomiyaha KMG ah ee baarlamanka Somalia

Diseembar 16, 2011 (Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) : Dowladda Maraykanka ayaa balaarinaysa la dagaalanka aargigixisada Soomaaliya, Yemen iyo burcad badeeda Soomaalida.

Saraakiil ka tirsan Xarunta dhaxe ee Sirdoonka dalka Maraykanka  ayaa waxa ay sheegeen in Maamulka Barag Obama uu damacsan yahay in uu balaariyo la dagaalankXarakada AL Shabaab ee dalka Soomaaliya.

Saraakiisha sirdoonka ee dalka Maraykanka  ayaa waxa ay sheegeen in dowladda ay balaarineyso duqeymaha dhanka cirka ah ee loo adeegsanayo diyaaradaha Dronkaaan cidna wadin kuwaas oo lagu bartilmaameedsanayo Saraakiisha Al Shabaab ee ku sugan gobolada ay gacanta ku hayaan.

Xogyahay Gaashandhiga ee dowladda Maraykanka Loan Panetter ayaa waxa uu ka dhawaajiyey in  dowladda Maraykanka ay u soo jeedsatay wax ka
qabadka iyo ciribtirka Xarakada Al Shabaab iyo Al qaacidada Yemen.

Loan Panetter ayaa waxa uu carabka ku dhuftay in ay damacsan yihiin inay xarumo militari oo ay diyaaradaha Dronka kasoo duulaan ay ka sameysayaan wadamda Ethiopia iyo Seychelles kuwaasi oo beegsanaya AL Shabaab.

Dowladda Maraykanka ayaa waxa ay dhawaan sheegtay in ay bilaabeyso howlgallo dhanka badda ah oo lagu baacsado AL qaacidada Soomaaliya, Yemen iyo ciribtirka Burcad badeeda Soomaalida.


Diseembar 16, 2011 (Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) : Guddoomiyaha Baarlaanka Soomaaliya ayaa  sharaxaad ka bixiyay casuumad uu ka heley dhiggiisa dalka Taliyanig, isagoo dhan kale ka hor yimid xil ka qaadistii ay ku sameeyeen xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiyahoo hore ee Baarlamaanka KMG Soomaaliya mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan oo wareysi siiyay Radio Muqdisho isaga oo ku sugan caasimadda dalka Taliyaaniga ee Roma, waxa uuna sheegay in uu casuumaad ka heley dhiggiisa dalkaa Taliyaaniga isla markaana uu la kulmay ayna ka wada hadleen sidii loo caawin lahaa shacabka Soomaaliyeed iyo in dib u dhis lagu sameeyo xarunta gollaha shacabka.

Dhinaca kale  guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegay iny jirto cid si sharci ah uga qaaday xilka guddoomyaha Baarlaanka, isagoo tilmamaay in uu ku magcaaban yahay si sharci ah xilkuna uu ku waayey xildhibaannada oo si wada jir ah uga qaadeen

Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa hoosta ka xariiqay in xildhibaannada qaar ay wadaan wanaaga, balse looga baahan yahay in ay illaaliyaan sharciga si ay u taagnaato maslaxada ummada Soomaaliyeed asagoo sheegay inuu mar kale isku soo sharixi doono xilka Guddoomiyenimo.

Waxa uu ugu baaqay xildhibaannada Baarlamaanka in ay gutaan waajibadkooda ka fiirsadeen haddii kale uu kala diri doono barlamaankan beenta ku dhisan, guddoomiyaha ayaa intaa ku daray dowladda ay ku dhisan tahay sharciga Baarlamaanka iyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed, hasa
ahaatee masuuliyadda la wada illaaliyo oo fowda siyaasadde laga daayo barlamaanka asagoo inkaraya inay wax masuulliyad ah ahayn 280 qof ee xilka ka qaaday.

Ugu danbeyntii guddoomiyuhu waxa uu ka gaabsaday su’aal laga weydiiyay in ay waxa ay ku dhaqaaqeen mudanayaasha Baarlamaanka in ay yihiin wax horey uga dhacay Baarlamaanka, isagoo xusay in arrintaasi marnaba aysan suura gali Karin.


Diseembar 16, 2011 (Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) : Guddoomiyaha Baarlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa barqanimadii  maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib markii uu soo dhameystay booqasho uu ku tagay dalka Talyaaniga.Shariif XasanSheekh Aadan ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde waxaa ku soo dhaweeyay qaar ka tirsan mudanayaasha baarlamanka oo ah 12 xildhibaan iyo 8 askari oo ilaaladiisa ah.

Guddoomiyaha baarlamanka Shariif Xasan oo isla maanta shir Jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ka warbixiyay safarkii uu ka tagay dalka Talyaaniga,
isagoo sharci darro ku tilmaamay kulankii Baarlamanka iyo xil ka qaadistiisiiba.

Sidoo kale guddoomiyaha barlamanka ayaa tilmaamay in uu dhawaan dhici doono kulan ay u dhanyihiin dhamaan mudanayaasha baarlamanka.

Hadalka guddoomiyaha baarlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa imaanaya xilliMudanayaal ka tirsan baarlamanka ay sheegeen in ay xilka ka qaadeen  Shariif Xasan, in kastoo uu guddoomiyuhu arintaasi ku tilmaamay sharci darro.


axaafadeed: Shirka Golaha Wasiirada ee asbuuclahaa ahaa oo maanta la qabtay 15 Dec 2011

Diseembar 15, 2011 (Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) : Golaha  Wasiirada Dowladda Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid shirkoodii caadigaahaa iyadoo shirkani uu guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, waxaana shirkan looga hadlay qodobo dhowr ah oo ay ugu horeysay xoojinta Amniga dalka, gaar ahaana caasimadda, Waxqabadka Xukuumada, Miisaaniyad sanadeedka, Shirka Wadatashiga ee lagu wado inuu ka dhoco Garoowe iyo warbixin halka uu marayo gargaarka barakacayaasha.

Ugu horeyntii shirka waxaa lagu dhegeystay warbixin la xiriirta Amniga magaalada Muqdisho iyadoo hay’addaha Qaabilsan amniga ay sheegeenin Amniga Muqdisho uu ka soo reynayo ayna ku guuleysteen ka hortaga falalkii qaraxyada ahaa ee lala beegsanayay goobaha shacabku ku badan yahay, waxayna xuseen inay fashiliyeen qaraxyo iyo Miinooyin lala damacsanaa in lagu dhibaateeyo hay’addaha dowladda iyo shacabkaba.

Sidoo kale, madaxda Amnigu waxay xuseen howlgalo ay sameeyeen ciidamada Amaanku inay ku soo qabqabteen dad lagu tuhunsan yahay inay kulug lahaayeen Amni xumida. waxayna tilmaameen inay dadkaasi ku jireen kooxo burcad ah oo dadweynaha dariiqyada u istaagayay kuwaasoo ka dhacayay Mobile-lada iyo waxyaalaha muhiimka ah ee ay wataan.


Sidoo kale, Wasaaradda Maaliyadda ayaa soo bandhigtay Miisaaniyada sanadka 2012-ka iyadoo ay Miisaaniyadan xooga ay ku saartay Wasaaraddu sidii loo yareyn lahaa ku tiirsanaanta deeqaha dibadda ka yimaada, xooggana loo saari lahaa ku tashiga dakhliga gudaha iyo canshuuraha \Berriga.


Sidoo kale, golaha Wasiirada waxay ka hadleen waxqabadka Wasaaradaha iyadoo Wasaarad kastana ay sharaxaad ka bixisay waxqabadkeeda afartii bilood ee la soo dhaafay, Ra’iisul  Wasaaraha ayaa u sheegay Wasiirada in Wasaarad kasta qiimeyn lagu sameyn doono waxqabadka iyo horumarkeeda
laguna abaal marin doono.


Dhinaca kale, Golaha Wasiiradu waxay ka wadahadleen shirka lagu wado inuu ka dhoco magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland, waxaana Ra’iisul Wasaaruhu cadeeyey in shirkaasi ay si wanaagsan u socoto qaban qaabadiisa isla markaana qabsoomi doono.


 



Khamiis, December 15, 2011(Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) : Safaarada Soomaaliya ee Dalka Kenya oo uu wehliyo Dhigiisa Dalka Kuwaid ayaa Goordhaw Lagu Wadaa In uu Gaaro Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya halkaas oo deeq Mucaawina ah oo ka tirmid Dowladda Kuwait Loogu  Qeybin doono Kumananka Qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool Xeryahaasi.

Safiirka Dowladda Soomaaliya ee u fadhiya wadanka kenya iyo safiirka kuwait u fadhiya dalka kenya ayaa maanta deeqo gargaar ah u qeybin doonadadka qaxootiga ah ee ku nool xerooyinka xagardheer iyo Ifo ee dalka kenya.

Deeqda gargaarka ah oo ka timid Dowladda kuwait ayaa loogu talagalay in la garasiiyo qaxootiga Soomaalida ee ku nool xerooyinka qaxooti ee ku yaalla wadanka kenya.

Maxamed Cali Nuur safiirka Soomaaliya ee kenya ayaa u xaqiijiyay warbaahinta dowladda in ay xaalada adag haysato dadka Soomaaliyeed ee qaxooti ahaanta u jooga wadanka kenya gaar aahaan xerooyinka IFO iyo Xagardheer waxaana la filayaa in raashinkaasi gargaarka ah loo qeybin doono dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan.

Sidoo kale safiirka ayaa ballan qaaday in uu kala hadli doono hayadaha qaramada midoobay u qaabilsan dhanka gurmada bani’aadaninmada iyo qaxootiga sidii ay gargaar deg deg ah ugu fidin lahaayeen  qaxootiga ku dhibateysan xerooyinka ku yaala dalka kenya.

Khamiis, December 15, 2011(Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) : Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh  Axmed ayaa ka hadlay Khilaafka u dhaxeeya mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya kadib Warsaxaafadeed kasoo baxay goor dhow Xafiiska Madaxweynaha oo u qornaa sidan.

War-Saxaafaddeed

Sida lawada ogyahay, waxaa maalmahan socday shirar iyo kulamo ay wadeen xubno ka mid ah Baarlamaanka Federaalka KMG ah kuwaasoo waday mooshin lid ku ah
Guddoomiyaha Baarlamaanka. Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya waxuu u caddaynayaa inuu si sax ah u taageersan yahay go'aankii ay qaateen Golaha Shacabka Soomaaliyeed.

Waxuu u rajaynayaa Ummadda Soomaaliyeed inay si deg deg ah loo horkeeno waxyaabihii iyo dhaqaalihii uu sida sharci-darrada ah ugu qaatay magaca Dowladda Soomaaliyeed. Aniga waxaan idin caddaynayaa inay Dowladdaha la dagaalama musuqmaasuqa ay si deg deg ah u xanibaan lacagaha uu ka xaday Golaha Baarlamkaanka. 

Waxaan guddiga Amniga ee Qarammadda Midooway iyo Hay'addaha la dagaalamo musuqmaasuqa inay si deg deg ah u xanibaan hantida Guddomiyihii Hore Mudane Shariif Xassan Shiikh Aadan kaasoo ay wada ogyihiin waxa kuu ku sameeyey m Ummadda Soomaaliyeed.

Cidii isku-dayda inay wax dhib ah samayso waxaanu u fasaxnay Hay'addaha Amniga inay talaabo deg deg ah ka qaadaan.

Waad Mahadsan Tihiin


Khamiis, December 15, 2011(Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) : Madaxweynaha jamhuuridda Jabuuti  Mudane  Ismaaciil Cumar Geele ayaa maanta Hadal dardaaran ah u jeediyay ciidmo Ka tirsan dalka Jabuuti oo Lafilayo in loo soo diro Soomaaliya kuwaas oo gaaraya ilaa 900 boqol oo Askari.

Mudane Cismaaciil Cumar Geele Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo maanta  Qudbad u jeediyay askar ku jirta xerada  Cali Coon oo ku  taal duleedka dalka Jabuuti ayaa waxa uu kula dardaarmay  in ay ka qeyb qataan nabad ku soo celinta dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele ayaa  ciidamada kula dardaarmay in ay ka qeyb qaataan nabadeynta dalka Soomaaliya waxa uuna ka codsaday shacbiga Soomaaliyeed in ay si wanaagsan u soo dhoweyaan ciidamada walaalahood ah ee ka socdo dalka Jabuuti.

Ciidamadan ayaa la filayayaa in ay dhowaan soo gaaran dalkaiyagoo  qeyb ka noqondono  ciidamada nabad ilaalinta midawga Africa ee ku sugan magaalada Muqdsiho.


Khamiis, December 15, 2011(Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) :  Raisul Wasaare ku Xigeenka ahnaWasiirka Gaashaandhiga ayaa shir Gudoomiyay , shir soconayay 2-maalmood kaas oo ka dhacay magaalada Nairbi ee Dalka Kenya loogana hadlayay arimala xiriira NSSP.

Shirkaas ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeybgalay Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Wasiirka Cadaalada. Shirkaas oo looga hadlayey arimaha Miisaaniyadda ee NSSP-ka kaas oo ay sidoo kale kasoo qayb galeen Beesha Caalamka sida USA, UK, EU, Japan iyo hay’adaha UN-ka oo ay UNPOS hogaaminayso.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa ka codsaday balan qaadyada beesha caalamka in la

dhamaystiro, si loo gaaro guulaha la doonaya in laga gaaro NSSP-ga, waxaa kaloo uu sharxay waasiirka in NSSP-ga ay soo gudbiyeen golaha wasiiradda hadana la sugayo in baarlamaan uu ansixiyo isaga beesha caalamka ka balan qaaday in si dhaqsi ah loo hirgalin doono.

Ra’iisal Wasaare k/xigeenka ahna Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Xuseen Carab ayaa furitaankii shirka waxaa aad uga hadlay arimahaNSSP-ga iyo sida DFKG ah ay u wada hirgalinta, Ra’iisal Wasaare k/xigeenka waxaa uu beesha caalamka sharaxaad ka siiyay howlaha amniga wadanka iyo guulaha ay gaareen ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed, isaga  oo beesha caalmka uga mahadceliyay taageerada ay siiyaan DFKG ah.

Gabagabaadi ayuu Wasiirku waxuu ka hadlay arinka ah caruurta la askareeyo, taas oo lagu eedeyay dowlada Soomaaliya. Wasiirka waxuu halkaas ka cadeeyay in Soomaaliya aysan carrurta askarey isla markaaa wasaaradda Gaashaadhigga ay magacowday qof arimahaas kala shaqeeya Hay’adda UNICEF, si arika askarayta caruurta ay u cadeeyso dowladda meesha ay ka taagatahay

Shirkana waxaa uu dhamaaday manta oo ay taariikhdu tahay 15-12-2011 waxaana soo xiray Ra’iisal Wasaare k/xigeen ahna Wasiirka GaashaandhiggaMudane Xuseen Carab Ciise.








Communication Office,


Ministry of Defense TFG Somalia.



Arbaco, December 15, 2011(Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) :Madaxweynaha jamhuuriyada Soomaaliya iyo R/wasaaraha dalka ayaa maanta magaaalada Muqdisho ku  qaabilay wafdi ka socda dowladda Engariiska oo maanta booqasho ku yimid magaalada Muqdisho.

Wafdigan ka socday dalka Engiriska ayaa  waxaa hoggaaminayay la taliyaha R/wasaaraha dalka Biritan isagoo kulamo la qaatay madaxweyne Shariif Sheekh Axmed iyo R/wasaare C/weli Maxamed Cali.

Wafdigan maanta soogaaray maqaalada Muqdsiho ayaa waxey madaxda dalka kala hadleen arrimo badan oo ay ka mid yihiin shir la doonayo in lagu qabto magaalada london  kaas oo ay sooqaban qaabisay dowladda wadankaasi.

Akhristayaasheena
sharafta lahoow waxaan halkaan idinkugu soo  gudbineynaa sawirrada
Ciyaartii ay Guusha ka gaareen ciyaartoyda gabdhaha Kubadda koleyga
Qarankeena taasi oo ay ka adkaadeen gabdhaha kubadda koleyga dalka Qadar
ciyaar ka mid aheyd tartanka dalalka Carabta ee ka soconaya magaalada
Doha.



Talaado, December 14, 2011(Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) : Mudanayaasha Barlamanka KMG Soomaaliya ayaa maanta mar kale fadhi ajandahiisu aan la shaacin waxa ku leeyihiin Xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Xildhibaan C/rashiid Aadan Gabyow oo ka mid ah barlamanka oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu xaqiijiyay in Xildhibaanada maanta mar kale ay kulan ku leeyihin Xarunta Golaha shacabka, isagoo tilmaamay in wali aan la shaacin ajandaha loogahadlayo fadhigaasi.Mar la waydiiyay qorshaha in maanta ay dooranayaan gudoon cusub ayaa waxaa uu sheegay in arintaasi aysan jirin, isagoo xusay in Xildhibaanada barlamanka ay dhamaystiranayaan howlo u tibaaxay inay qab  u yihiin barlamanka Soomaaliya.



Talaado, December 14, 2011(Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) : Xog hayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Kin Mon ayaa ka hadlay arrimaha Soomaaliya kadib booqdashii uu todobaadkii aynu soo dhaafnay ku miyid magaalada Muqdisho isagoo sheegay in ammaanka Muqdisho uu aad u wanaagsan yahay balse gobollada oo kaliya ay hareen.

Xog hayaha guud ee Qaramada Midoobay oo war qoraal ah ka soo saaray arrimaha Soomaaliya ayaa ka hadlay ugu horeyn ammaanka Soomaaliya gaar ahaan kan magaalada Muqdisho, waxa uuna ku tilmamay mid la isku halleen karo, isagoo xusay in dowladda Soomaaliya oo garab ka haleysa ciidamada AMISOM in ay ka guulleysatay kooxda Al-Shbaaab.

Waxa uu ku sheegay warkiisa qoraalka Man Kin Mon in magalaada Muqdisho ay ku awood badan yihiin ciidamada dowladda KMG Soomaaliya, sidoo kale waxa uu sheegay in si aad ah uu taageersan yahay ciidamada dowladda KMG, iyo ciidamada AMISOM oo ay ku sii biirayaan ciidamada dowladda Kenya howgalka AMISOM si loo soo gabagabeeyo jiritaanka
Al-Shabbaab.

Mr Ban  carabka ku adkeeyay in sugidda amniga in uusan ku ekaan doonin magaalada Mudisho, isla markaana lagu baahin doono gobollada looga baahan yahay in nabadda laga hir galiyo.

Xog hayaha guud ee Q.M  ayaa farta ku fiiqay in wax lagu farxo uu indhihiisa ku soo arkay markii uu soo  gaaray maagalada Muqdisho”madaxda Soomaalida waxa ay muujiyeen Karti iyo dhabar adeeg anagana waan  garab gaatanahay” ayuu yiri Ban Kin Mon.

Ugu danbeyntii qoraalka uu Soomaaliya ka soo saaray xog hayaha guud Q.M ayaa ku qeexay in Soomaaliya ay cagta saartay waddadii nabadda iyo iyadoo soo celisay kalsoonida caalamka si loo xoojiyo garab istaagada dowladda Soomaaliya.

Xog haye  guud oo Q.M ka socda ayaa Soomaaliya  yimid sanadkii 1993-dii  taasi oo ay xigtay booqashadii Jimcihii aynu soo dhaaftay uu Muqdisho ku yimid Ban Kin Mon oo ah hadda ah Xog hayaha guud ee Qaramada Midoobay, isagoo arrimaha badan ka hadlay markii uu Muqdisho soo gaaaray kuwaa oo ay mid ahaayeen in sanadka cusub Muqdisho uu ka howlgalli doono xafiiska Siyaasadda Q.M u qaabilsan Soomaaliya ee UNPOS.



Talaado, December 14, 2011(Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) : Xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan gargaarka  soomaaliya ayaa walaac ka  muujiyay dib  ugu celinta meellaha Shabaabku ku sugan yihiin,  isagoo dalbaday lacag dheeri ah  lagu taageero dadka Somaaliyeed ee dhibaateysan.

Mark Bowden agaamisaha barnaamijka gargaarka Q.M u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegay in afar million oo dad  Soomaaliyeed ah ay heystaan dhibaatooyin xooggan oo ka dhashay abaarihii sida xun u baabi’iyay adeegyadii nolosha tiirarka u ahaa

Bowden waxa uu sheegay in sanadkaan ay Midi afkeeda ku taagan yihiin barakacayaasha haddii aysan sii socon barnaamijyada lagu taageerayo dadka weli ku macluunsan wadanka gudahiisa, inkaastoo uu xusay in ay jiraan goobo si xooggan u soo kabsanaya, kuwaas oo laga yaabo haddii aanla sii taageerin in xaaladdoodu ay dib dhibaato ugu laaban karto.

Qaramada Midoobey  weli waxa ay aamin santahay in 250,000 oo Soomaali ah ay weli wajahayaan xaalad macluul ah, iyada oo 450,000 oo carruur ahay  xaalad macluuleedka ku jirana halka 300,000 oo Soomaali ah gaajo wadanka uga barakaceen, markii abaarta daba dheertay ay la soo deristaykuwaas oo aan weli dalka dib ugu soo laaban.

Mark Bowden isku dabba ridaha xafiiska gargaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya waxa uu sheegay in cabsida taagan ay ka dhallatay markii kooxda Shabaab ay gobollada ay ku sugan yihiin ay   ka eryeen  hey’addihii gargaarka oo kaalin xooggan ka cayaaray markii dalkaay abaartu ku dhufatay.



Talaado, December 14, 2011(Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) : Midowga Yurub ayaa ka deeriyay xaaladda Qaxootiga Soomaalida ku nool dalka Yemen, iyagoo sheegay inay lacago ay ugu deeqayaan dadkaasi si wax looga qabto xaaladahooda.

Madaxa Xiririirka Caalamiga ah iyo arrimaha bini’aadannimo ee Ururka Midowga Yurub Kristalina Georgieva ayaa waxa ay sheegtay inay aad ugu walaacsantahay xaaladda dadka Soomaalida ah ee Qaxootiga ku ah gudaha dalka Yemen.

Kristalina Georgieva ayaa waxa ay sheegtay in Qaxootiga Soomaalida ah ee ku sugan Yemen ay soo foodsaartay xaalado bini’aadannimo, iyadoo sheegtay in dadka Soomaalida ah ay si gaar ah saameyn ugu yeesheen dhibaatooyinka ka taagan dalka Yemen.

Madaxa arrimaha bini’aadannimada ee Midowga Yurub ayaa waxa ay intaasi ku dartay in dad badan oo kasoo cararay gobolka geeska Afrika oo isugu jira Soomaali iyo Ethiopian oo ku sugnaa Xerooyinka Qaxooti ee dalka Yemen ay haatan ka barakaceen Xerooyinkaasi, waxaana ay xustay in iminka dhibaatooyin kala duwan oo dhinaca nolosha ah ay ku haystaan gudaha wadankaasi.

Kristalina Georgieva ayaa waxa ay shaaca ka qaaday in Ururka Midowga Yurub uu ugu deeqayo Qaxootiga Soomaalida ah ee Yemen lacag dhan 5-Milyan Pound si wax looag qabto dadka la daalaa dhacaya xaaladaha nolol xumo.


Talaado, December 14, 2011(Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) : Maxkamadda sare ee dowladda KMG Soomaaliya ayaa sheegtay in Wasaaradda gaadiidka Cirka iyo Dhulka aysan wax lacago ah ka qaadi karin gaadiidleyda gasha dekadda wayn ee Magaalada Muqdisho.

Kadib markii maanta Maxkamadda sare ee dalka ay u fariisatay dhagaysiga dacwad u dhaxaysay iskaashatada gaadiidleyda gobolka gobolka Banaadir iyo Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka ee dowladda KMG Soomaaliya oo ku muransanaa lacago la sheegay in Wasaaradda Gaadiidka ay ka qaado Dekadda wayn ee Magaalada Muqdisho taasi oo ay cabasho ka muujiyeen Iskaashatada gaadiidleyda gobolka Banaadir.

Dhagaysiga dacwadda kadib ayaa guddoomiyaha Maxkamadda sare Abuukaate Ceydiid C/laahi Ilka Xanaf oo shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Maxkamadda sare ee Magaalada Muqdisho waxaa uu amar ku bixiyay in Wasaaradda Gaadiidka aysan wax lacago ah ka qaadi karin gaadiidka gala dekadda taasi oo uu sheegay inay tahay mid sharci darro ah oo aan ku dhicin qasnadda dowladda.

Abukaate Ilka Xanaf ayaa waxaa uu sheegay in baaritaano ay ku sameyeen lacagahaasi oo uu tibaaxay inay wax ka waydiiyeen Xisaabiyaha guud ee Qaranka kaasi oo uu sheegay in uu ku wargaliyay inaysan waxba kala socon lacagahaasi, wuxuuna tilmaamay in sidaasi daraadeed ay tahay mid sharci daro ah, isagoo sidoo kale mamanuucay lacago la sheegay in laga qaado gaadiidka Dekadda taasi oo lagu sheegay in loo aruuriyo dadka ku dhibaataysan Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dowladda KMG Soomaaliya ayaa sidoo kale waxaa uu ku dhawaaqay guddi baaritaano ku sameeya halka ay ku bixi jireen lacagaha ay qaadi jirtay Wasaaradda gaadiidka ee dowladda Federalka kaasi oo xaqiiqada usoo gudbin doona Maxkamadda sare.

Dhawaan ayay aheyd markii Maxkamadda sare ee dowladda KMG Soomaaliya ay xukun xabsi ah ku riday Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda KMG ah kuwaasi oo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen falal xatooyo ah oo lagula dhaqaaqay qalab ay laheyd Hay’adda WFP oo yaalay dekadda wayn ee Magaalada Muqdisho.




Talaado, December 13, 2011(Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) : Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo Wafdi uu hoggaaminayo oo maanta dib ugu soo laabtay Moqdisho halkaasoo si diiran loogu soo dhaweeye.

Talaado, December 13, 2011(Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) : Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya oo maanta kulan ku yeesha xarunta golaha shacabka ee Muqdisho ayaa shir-guddoon u doortay xildhibaan Madoobe Nuunow Maxamed, iyagoo sheegay inuu guddoomin doono shirarka soo socda ee uu baarlamaanku yeelanayo.

Kulanka oo ay xaadireen 283-xildhibaan ayaa waxay isku raaceen inay u doortaan xildhibaan Madoobe Nuunow, iyagoo sheegay in go'aanka ay qaateen kaddib markii uu ka madax adaygeen inay xilkan qabtaan guddoomiye ku xigeennada afhayeenka baarlamaanka.

"Waxaan taageersannahay heshiiskii Kampala, sidoo kale waxaan diyaar u nahay inaan la shaqeyno beesha calaamka iyo Midowga Afrika," ayay sheegeen xubnihii ku shiray golaha shacabka, iyagoo xusay in laga been abuuray oo laga faafiyay inay yihiin xubno kasoo horjeeda 10-kii qodob ee Kampala Accord.

Xildhibaan Madoobe Nuunow ayaa lagu dhaafiyay fadhiga lagu doortay, iyadoo ay sheegeen mudanayaashu inay kulammadooda soo socda uga doodi doonaan mooshin ka dhan ah guddoomiyaha baarlamaanka oo ay sheegeen inuu horyaallo.

Tallaabadan ayaa waxay imaanaysaa iyadoo guddoomiyaha baarlamaanka, Shariif Xasan uu dalka ka maqan yahay, waxaana xildhibaanada kulanka yeeshay ay dhowr jeer oo hore kulammo ay uga soo horjeedaan afhayeenka baarlamaanka ku yeesheen hoteello ku yaalla Muqdisho.

Mudanayaashan ayaa waxay ku eedeeyeen guddoomiyaha baarlamaanka dhowr qodob oo ay ka mid yihiin xil gudasho la'aan iyo inuu ka baaqsaday in kulammada baarlamaanka uu furo, iyagoo sheegay inay taasi keentay inay maanta kulankaan ku yeeshaan xarunta baarlamaanka.

Arrintan ayaa waxay u muuqataa mid sare u sii qaadaysa khilaafka xoogeysanaya ee u dhexeeya baarlamaanka, iyadoo aysan jirin wax hadal ahoo kasoo baxay xukuumadda, taasoo aan ka ahayn inaan loo baahanyn khilaaf xilligan soo dhex-gala xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliy






Talaado, December 13, 2011(Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) : Wasaaradda Isboortiska iyo Dhallinyarada Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo dhaweysay guusha ay ka gaareen gabdhaha xulka kubadda cagta ee dalkeena Soomaaliya ciyaartii ay la yeesheen dalka Qatar.

Wasiir ku xigeenka Isboortiga iyo Dhallinyarada Xukuumadda Soomaaliya mudane Daahir Xaaji Geelle ayaa isaga oo ku sugan dalka Qatar Radio Muqdisho u sheegay in guul taariiqi ay gaareen   gabdhaha xulka qaranka dalkeena Soomaaliya, waxa uu tilmaamayin Soomaaliya ay ku laabatay halkii ay markii hore uga jirtay ciyaaraha caalamka.

Wasiir ku xigeenka Isbootiska ayaa xusay in taasi ay meesha ka saareyso  rajo xumadii ay ka qabeen shacabka Soomaaliyeed in guul darro ay kala soo kulmaan Ciyaaraha kubadda Koleyga ee wadamada Carabta ee ka socda dalka Qatar.

Mudane Daahi Xaaji Geelle ayaa carabka ku dhuftay in ay muuqato filashada ku aadan in ay ciyaaraha haatan socda  ay ka gaareen meel aad
u wanaagsan ama ay ku guulleystaan.

Ugu danbeyntii ayuu tilmaamay in ay si aad ah ugu diyaar garoobeen kullanka kale ee dhex mari doona ciyaartoyda  dalkeena  iyo kuwa dalka Jordan islamarkaana ay rajeynayaan in guusha ay gacanta ku dhigaan.

Ciyaartii xiisaha badneyd ee ay ku hardameen xulalka Soomaaliya iyo Qatar ayaa ku soo idlaatay 67 jeesto oo ay la yimaadeen Xulka Soomaaliyaiyo 57 Jeesto oo ay la yimaadeen xulka Qatar sidaasina ay guusha ku raacday Soomaaliya.




Talaado, December 13, 2011(Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) :  Uruka Midowga Euro pore ayaa  sheegay in ay doonayaan hormarinta siyaasadda cusub ee lagula dagaallamayo ammaan darida xooggan ee ka jirta gobolka Geeska Africa iyo wadamada galbeedka ee ku yaala badweynta India.

Howlgalkaan ayaa noqon doona qorshe lagu xoojinayo la dagaallanka burcad badeedda iyo ammaan darrida ka taagan gobolka Geska Africa, taas oo loo marayo xoojinta  awoodda ay dowladdaha bariga Africa ay u leeyihiin in ay sugaan ammaanka xeebahooda  sida ladagaallanka burcad badeedda iyo argagaxisada.

Qoraalkaan uu soo saaray Midowga Europe ayaa lagu sheegay in ay ka qeyb qaadanayaan hormarinta iyo dhisidda ciidanka ilaalada xeebaha dalkaSoomaaliya oo ay sheegeen in ay u arkaan muhiim iyo   in burcad badeedda ay la dagaallamaan.

Waxaa la xoojin doonaa awoodda ay ciidamadu u leeyihiin la dagaallanka burcad badeedda iyada oo lagu taageerayo qalabkii ay adeegsan lahaayeen.

Taageeradaan ayaa waxaa ka faa’iideysan doona wadamada Soomaaliya, Djibouti, Kenya, Tanzania, Mozambique , Seychelles, Maurtius, iyo Yamen,Waxaa dareen gooni ah la siin doono maamul gobolleedyada Somaliland, Punt land, iyo Galmudug.



Axad, December 12, 2011(Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) : Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo Wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan dalka Qatar ayaa magaalada Doha kullamo kalla duwan kula yeeshay madax ka tirsan dalalka Islaamka iyo kuwa Carabta oo uu ugu horeeyo Amiirka dalkaasi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ku sugan isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo magaalada Doha ee dalka Qatar ayaa weli kullamo halkaasi kulla leh masuuliyiinta dalkaasi iyo kuwa dalalka Islaamka.

Kullamada madaxweynaha uu la qaatay madaxda dalalka Islaamka iyo kuwa Carab ayaa looga hadlay xaaladda Soomaalilya iyo sida loo xoojin lahaa  wada shaqeynta Soomaalilya iyo dowladdahaasi.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah wafdiga  madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Radio Muqdisho u sheegay in madaxweyanaha fadhi la yeeshay Amiirka dalka Qatay isagoo tilmaamay  in ay ka wada hadleen arrimaha Siyaasadda iyo taageerada Qatar ay siineyso Soomaaliya.

Waxa uu xusay Xildhibaanka in madaxweynaha uu si gooni gooni ah ulla kulmay madaxda ka socotay wadamada Carab  oo uu ka mid tahay dhiggiisa dalka Falastiin Maxamuud Cabaas Abuu Maasim, iyo madax kale.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa lagu wadaa in socdaalka uu ku jooggo dalka Qatar in uu soo gaba gabeeyo kadibna uu ku soo laabto gudaha dalka.

Axad, December 12, 2011(Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) : Wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaran xukuumada Soomaaliya ayaa sheegtay in tallaabo laga qaadi doono kooxaha danbiilayaasha oo aysan jirin doonin la iska sii daayo maadaama maalmahan ay haddalladaasi soo badanayeen.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Xukuumadda soomaaliya mudane C/samad Macalin Maxamuud ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay ka qeyb  qaataan nabadda si looga hor tago kooxaha dhibaatada ku haya shacabka.

Waxa uu tilmamay in maalmahan ay soo bateen warar sheegaya in la iska sii daayo kooxaha amni darrada ka shaqeenaya balse arrintaasi aysan dhici doonin oo gacan bir ah lagu qaban doono.

Mudane C/samad macalin Maxamuud ayaa uga mahad celiyay shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa gobolka Banaadir wada shaqeynta kala dhaxeyso hay’addaha ammaanka, isagoo xusay in soo laabashada shacabka ay keentay  niyad wanaag iyo in dib loo dhiso degmyoonka gobolka Banaadir.

Ugu danbeyntii ayuu sheegay in kooxaha cadowga ah ee ka shaqeenaya falalka amni darrada in ay yihiin kuwa aan awood badan lahayn oo ay doonayaan in ay qal qal galiyaan shacabka Soomaaliyeed, waxa uu intaa raaciyay in meesha laga saaray.




Axad, December 12, 2011(Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) :  Faah faahin dheeri ah ayaa waxa ay kasoo baxeysaa  Qaraxyo sababay dhimasho oo  maanta ciidamo ka tirsan dowladda Kenya lagu eegtay degmooyinka Wajeer iyo Mandheera ee dalka Kenya.

Wararka ka imaanaya dalka Kenya ayaa waxa ay sheegayaan in maanta qaraxyo miino ay ka dhaceen xadka ay wadaagaan degmooyinka Mandheera iyo Baladxaawo iyo degmada Wajeer ee dalka Kenya kuwaasi oo lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa Kenya.

Qaraxyada oo ahaa ilaa 3 qarax ayaa labo ka mid ah waxa ay ka dhaceen Mandheera iyo la wadaagto Baladxaawo kuwaasi oo lala eegtay ciidamo ka tirsan dowladda Kenya oo fariisimo ku leh degmadaasi, qarxyadaasi oo ay ku geeriyooday 1 askari 3 kalana ay ku dhaawacmay sida uuShabelle u sheegay qof goobjooga ah.

Wararka  qaar ayaa waxa ay sheegayaan in qasaaraha ka dhashay qaraxyada uu intaasi ka badan yahay inkastoo si dhab ah aan loo ogayn inta uu la egyahay qasaarahaasi.

Sidoo kale kale qaraxa kale ayaa waxaa lala beegsaday kolonyo gaadiid ah kaasi oo ilaa hadda aan la ogeyn qasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay, waxaana qaraxyada kadib la sheegay in halkaasi ay gaareen ciidamo badan oo ka mid ah kuwa Kenya.

Mas’uul u hadlay dowladda Kenya ayaa waxa uu sheegay in qaraxa ka dhacay Wajeer ay ku dhaawacmeen 9 askari oo ka tirsan ciidamada Kenya kuwaasi oo uu sheegay in loo qaaday Xarmo caafimaad.

Dhinaca kale ciidamada dowladda Kenya ayaa caawa bandow kusoo rogay degmada Mandheera ee dalka Kenya, iyadoo aysan jirin isku socodka dadka, gaadiidka iyo ganacsiga.

Dowladda Ruushka oo sheegtay in markab dagaal ay u soo dirayso xeebaha dalka xeebaha Somalia.

Sabti, December 11, 2011(Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) : Dowladda Ruushka ayaa sheegtay in markab dagaal ay u soo dirayso  xeebaha dalka Somalia kaasi oo ka qaybqaadanaaya howgalka Atlanta lamagacbaxay ee laga wado Soomaaliya

Sarkaal sare oo mariiniska badda dowladda ruuska u qaabisan la  dagaalanka burcad badeeda oo lagu magacaabo Admiral Tributs ayaa sheegay in markab dagaal uu shalay ka soo dhaqaaqay dagadda lagu magacaabo Vladivostok uuna ku soo wajahanyahay gacanka cadmeed iyo badwaynta india u jeedkiisuna uu yahay ku biiritaanka howgalka Atlanta
ee la dagaalamaya burcad badeeda somalida oo qatarta ku haya gaadiid badeedka isticmaala Biyaha caalamka.

Admiral Tributs ayaa isagu ah nin qabrad wayn u leh howlaha badda islamarkaana ka qabqaatay howgallo laga fuliyay xeebaha Somalia sanadii2009 ka, waxaana hadda laga dhigay sarkaalka ruushka u qaabisan ladagaalanka burcad badeeda isaga oo badalay sarkaal xilkan horay u hayay oo lagu magacaabo Admiral Panteleyev.

Markabkan shalay ay soo dirtay dowladda ruushka ayaa la filayaa in kaalintiisa uu ka ciyaaro la dagaalkanka kooxaha burcad badeeda somalida ah ee ka cabaajiyay maraakiibta iyo doomaha isticmaala Biyaha caalamka.

Dowladda ruushka ayaa maraakiibtoodu waxa ay galbiyeen ilaa iyo 120 maraakiib ganacsi ah kuwaa oo xilligaa ka cabsi qabay in la afduubtooo ay burcad badeeddu gacanta ay u galaan waxana ruushka amaakiibtiisu ay qayb ka yihiin maraakiibta dagaal ee ka kala socda dowlada kalekuna sugan xeebaha Somalia.


Muqdisho:  Sabti, December 11, 2011(Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) : Odayaal iyo siyaasiyiin kasoo jeeda gobolada Bay iyo Bakool oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Maxkamada dambiyada Caalamiga ay u gudbinayaan dacwad ka dhan ah Madaxweyne Faroole oo ay ku eedeeyeen in Maamulkiisa uu dhibaato u gaystay dad kasoo jeeda Bay iyo Bakool.

Odayaal, Aqoonyahaano iyo Siyaasiyiin  kasoo jeeda gobolada Bay iyo Bakool oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa waxa ay ka hadleen arimo dhowr ah oo ay ka mid ahayd Shirka wadatashiga ee dhawaan lagu wado in uu ka dhaco magaalada Garoowe ee Maamulka Puntlnad.

Kulankooda kadib ayaa waxaa Saxaafadda la halay Malaaq Cali Shiino oo ah Afhayeenka Odayaashaaasi kaasi oo sheegay in dacwad ka dhan ah Madaxweynaha Maamulka Puntlnad C/raxmaan Faroole ay u gudbinayaan Maxkamada dambiyada Caalamiga ee Heeg, isagoo intaasi ku daray in dadkii lagu dhibaateeyay deegaanada Maamulkaasi qaarkood iyaga oo naafa ah ay ku sugan yihiin magaalada Muqdisho sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Afhayeenka Odayaasha gobolada Bay iyo Bakool ayaa waxa uu intaasi ku daray in ay qaadaceen ka qeyb galka Shirka wadatashiga ee lagu wado in uu ka dhaco magaalada Garoowe, isagoo ugu baaqay Wasiiradda iyo Xildhibaanada kasoo jeeda deegaanada Bay iyo Bakool in aysan ka qeyb galin Shirkaasi maadaama uu sheegay in Maamulka Puntland ay ka tirsanayaan dhibaato badan.

Horay ayaa Xildhibaano iyo wasiiro ka mid ah dowladda KMG Soomaaliya oo kasoo jeeda gobolada Bay iyo Bakool waxa ay ugu eedeeyeen Maamulka Puntlanad in dhibaato xoogan uu u  gaystay dadka kasoo jeeda Bay iyo Bakool ee halkaasi barakaca ku tagay.



Muqdisho: Sabti, December 11, 2011(Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) : Hay’adda daryeel bulsho guud ee (DBG) ayaa maanta  guryo jiingado ka sameysan iyo ceelal biyo laga cabo waxa ay ku wareejisay qoysaska abaaraha uga soo barakacay gobolada dalka ee ku sugan degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Agaasimaha Hay’adda daryeel bulsho guud ee DBG Cumar Colaad Axmed oo maanta ka  hadlayey Munaasabada ay guryaha  cusub ee jiingada ka sameysan ay ugu wareejinayeen qoysaskii abaaraha uga soo barakacay gobolada Koofurta dalka oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in mashruucaan ay guryaha ku dhisayaan uu ka kooban yahay 248- guri oo jiingad shamiiteysan ah, iyadoo maanta qeybtii ugu horesay ay Hay’adda DBG hirgalisay  ku wareejisay dad barakacayaal ah oo ka kooban 50 guri oo qol,  barsad  iyo suuliyaal.

Guryahaasi oo maanta lagu wareejiyay barakacayaasha ayaa waxa ay ku yaallaan dhismihii Carwadii Caalamiga aheyd ee Soomaaliya ee degmada Hodan, waxaana uu Agaasimaha DBG uu sheegay in mashruucaan ay maalgalisay Wasaaradda iskaashiga dibadda ee Xukuumadda Jarmalka.

Dhinaca kale Hay’adda daryeel bulsho guud ee DBG ayaa waxa ay furtay labo ceel biyood oo ku yaalla isla degmada Hodan gaar ahaan Dhismaha Carwadii Caalamiga aheyd iyo agagaarka Isbitaalka Digfeyr kuwaasi oo uu sheegay in ay maalgalisay Hay’adda CARITAS, ceelashaasi oo ay cabayaan kumanaan qoys oo barakacayaal ah oo ku nool degmada Hodan.

Agaasimaha DBG ayaa sheegay in ay bixinayaan qarashka isticmaalka biyaha iyo waxii kale ee soo raaca, waxanaa qaar ka mid ah dadkii barakacayaasha oo la hadlay Shabelle ay sheegeen in ay soo dhaweynayaan gar gaarka loo sameeyay

Gudoomiye ku xigeenka dhinaca Siyaasada iyo amaanka Maamulka gobolka Banaadir ee dowladda KMG Warsame Joodax oo halkaasi goob joog ka ahaa ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo dadaalka ay DBG u sameysay barkacayaasha, waxaana Hay’adaha kale uu ugu baaqay in ay ku daydaan.

Ma’ahan markii ugu horeysay oo DBG ay guryo u sameyso dad barakacayaal ah hase ahaatee bilowgii sanadkaan ayaa in ka badan 200 oo guri iyo ceelal biyaha laga cabo waxa ay u sameysay barakacayaal ku kala dhaqan degmooyinka Wadajir iyo Hodan ee gobolka Banaadir.

Jimco, December 10, 2011(Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) : Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali ayaa maanta  ka qeybgalay xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo tababar loogu soo xirayey ciidan soomaaliyeed oo dhowaan tababar ku soo dhameystay
dalka Ugandha.

Xafladan heerka sare ah ayaa lagu qabtay xaafada Jazeera ee Muqdisho, kana soo qeybgaleen Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Ahna Wasiirka  Gaashandhiga Mudane Hussein Arab Isse, Wasiirka Caafimaadka iyo Wasiirka Haweenka iyo Qoyska ee DFKMG ah. Waxaa kale oo xafladan ka soo qeybgalay Ku xigeenka Ergeyga gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Africa Ambassador Wafulla, Taliyaha Ciidamda AMISOM, Abaanduulaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Dhagabadan, Saraakiil iyo sraakiil xigeeno ka tirsan ciidanka XDS. Waxaa sidoo kale xafladan ka soo qeybgalay HoboladaHorseed oo xafladda ka dhigayey maaweelo iyo dhiiri gelin ku aadan ciidanka Soomaaliyeed.

Dhalinyaradii tababarka soo dhameysatay oo gaareysey 900 askari ayaa waxaa ka muuqday yididiilo aad iyo aad u sareysay oo ay ka muuqdeen waddaninimo, howlkarnimo iyo jaceyl ay u qabaan inay dalkooda difaacdaan.

Ambassador Wafula ayaa furay xafladda isagoo ku hadlayey magaca Midowga Afrika iyo AMISOM sheegayna in Midowga Afrika ay ka go’antahay sidii ay u saacidi laheyd ciidanka iyo shacabka Soomaaliyeed, waxuuna ka dalbaday askarta soo dhameysatay tababarka inay dalkooda iyo dadkoodaba difaacaan, loogana baahanyahay inay la yimaadaan dishibiliin iyo howlkarnimo dheeri ah.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Hussein Arab Isse oo ka hadlay xafladda ayaa ka dalbaday askarta soo  dhameysatay tababarka inay u diyaar garoobaan sidii ay dalka u xorreyn lahaayeen una badbaadin lahaayeen shacabka iyo dalka, waxuu kaloo sheegay in looga baahanyahay inay muujiyaan adkeysi, dishibiliin iyo midnimo.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali oo khudbad dheer ka jeediyey xafladda ayaa u mahadceliyey dowladda Ugandha iyo Midowga Yurub oo suurtogeliyey in ciidanka Soomaaliyeed ay soo qaataan tababar ku filan si ay u sugaan amniga dalka Soomaaliya. Ra’iisul Wasaarahu waxuu sheegay in Ciidanka Soomaaliyeed uu leeyahay taariikh wanaagsan oo ummaddu ay ku faani jirtey, haddana la rajeynayo in ciidankan cusub ay soo celiyaan sharaftii iyo karaamadii ciidanka Soomaaliyeed bacdamaa waddanku uu galayo marxalad cusub. Ra’iisul Wasaarahu waxuu sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay guulaha isdaba jooga ah ee ay ciidanku sameynayaan loona baahanyahay ciidankan cusub inay siilaba jibaaraan dadaalka lagu sugayo amniga iyo kala danbeynta, si loo soo celiyo sharafkii ummadda Soomaaliyeed.












Jimco, December 10, 2011(Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) :Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay mas’uuliyiinta Hay’ada Bisha Cas ee Kuwait oo dhowaan soo gaaray Dalka, ka dib markii ay keeneen markab mucaawano siday oo ay la socdeen gawaarida gurmadka (Ambulance).

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa uga mahadceliyey Dowladda Kuwait sida ay u garab taagantahay shacabka Soomaaliyeed ee tabaaleysan, waxuuna sheegay in Kuwait ay ka mid aheyd waddamadii u soo gurmaday shacabka Soomaaliyeed markii ay macluusha ka dilaacday Soomaaliya

Mas’uuliyiinta Kuwait ayaa u mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha waqtigiisa iyo sida uu u soo dhoweeyey Hay’ada Bisha Cas ee Kuwait iyo sida ay mas’uuliyiinta Dowladda ula shaqeynayeen mas’uuliyiinta iyo shaqaaalaha Bisha Cas ee Kuwait.

Waxaa kulankan goob joog ahaa Agaasimaha Hay’adda Musiibooyinka Soomaaliyeed Mudane Shirwac iyo ku xigeenkiisa Abdihakim oo iyagana ka warbixiyey sida ay Bisha Cas ee Kuwait u dar-dargelisay howlaha gar-gaarka bani’aadanimo iyo sida ay Hay’adda Musiibooyinka Soomaaliyeediyo Bisha Cas ee Kuwait u wada shaqeeyaan.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali ayaa ka codsaday Bisha Cas ee Kuwait inay gar-gaarka bani’aadanimo gaarsiin dhammaan gobolada dalka oo dhan oo uu sheegay inay gar-gaarka bani’aadanimo si aad ah ugu baahanyihiin.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa wada dar-dargelinta dhaqangelinta Roadmapka oo Xukuumaddu waxbadan ka  qabatay sida Amniga, dib-u-heshiisiita, xiriirka maamulada dalka iyo Dowladda Dhexe, maamul wanaaga iyo gar-gaarka bani’aadanimo. Ra’iisul Wasaarahu waxuu ka codsady caalamka in shacabka Soomaaliyeed loo baahanyahay in guryahoodi lagu celiyo isla markaana loo abuuro mashaariic lagu horumarinayo nolol-maalmeedkooda.





 




Jimco, December 10, 2011(Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) : Waxaa barqanimadii maanta kasoo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho Wafdi uu hogaaminayo Xoghayaha Guud ee Q.M Baanki Moon halkaasi oo si diiran loogu soo dhoweeyey.

Abaare sagaalkii aroornimo waqtiga magaalada Muqdisho ayaa waxaa garoonka soo caga dhigatay diyaaradii waday Wafdiga uu hogaaminayo Xoghayaha Guud ee Q.M waxaana garoonka kusoo dhaweeyey xubno ka tirsan Labada Gole ee Dowladda oo uu horkacayey Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

Wasiirrada ka muuqday soo dhaweynta Baankii Moon waxaa ka mid ahaa Ra’isulwasaare Kuxigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhigga XFKMG ee Soomaaliya Mudane Xuseen Carab Ciise,Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane C/samad Macalin Maxamuud,Wasiirka Warfaafinta,Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane C/qaadir Xuseen Maxamed Jahweyn,Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya,Saraakiisha Ciidammada,Duqa magaalada Muqdisho iyo qeybaha Bulshada.

Markii uu xoghayaha guud ee Q.M kasoo degay diyaaradii waxaa uu mid mid u gacan qaaday dhammaanba xubnihii garoonka kusoo dhaweeyey waxaana Baankii Moon iyo mas’uuliyiintii Dowladda ay salaan sharaf ka qaateen cutubyo ka tirsan Ciidammada Baambeeyda.

Wafdiga ayaa waxaa loosoo galbiyey xarunta Madaxtooyada Qaranka halkaasi oo uu kusoo dhaweeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxaana hada Madaxtooyada ka soconaya kulan ay leeyihiin Madaxweyne Sheekh Shariif iyo Bankii Moon.

Kulanka kadib ayaa waxaa wadajir ay shirjaraa’id ugu qaban doonaan xarunta Madaxtooyada Qaranka Madaxweyne Sheekh Shariif iyo Xoghayaha guud ee Q.M.



 




Diseembar 8, 2011 (Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) :  Safiirka dawoladda Turkiga u fadhiya dalka Mareykanka Namik Tan iyo Ergeyga Gaarka ah ee dawladda Soomaaliya u fadhiya dalka Mareykanka Abuukar Carmaan


Xafladdan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa marti-sharaftii ka soo qaybgashay waxaa ka mid ahaa Ergayga Gaarka ah ee dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Mareykanka Mudane Abuukar Carmaan, Safiirka dalka Turkiga u fadhiya dalka Mareykanka mudane Namik Tan iyo marti sharaf kale.


Dr. Hodan Ciise oo ah marwada Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale halkaas ka soo jeedisay khudbad aad u wanaagsaneyd iyada oo dawladda  Turkiga ka codsatay in ay sii kordhiso kaalmada iyo hurumarinta ay ka
waddo dalka Soomaaliya.

Ergayga Gaarka ah ee Soomaaliya u fadhiya dalka Mareykanka mudane Abuukar  Carmaan ayaa u mahadceliyay shacabka iyo dowladdaTurkiga, isagoo soo dhaweeyey xiriir wanaagsan oo ay yeeshaan labada jaaliyadood ee  Soomaaliya iyo Turkiga. Waa markii ugu horreysay oo kulan sidan oo kale ah uu dhex maro labada jaaliyadood ee Soomaaliya iyo Turkiga. Waxaa xusid mudan in bishii Ramadan mudane Suleyman Axmed Salxaan (Aaxow) oo ka mid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Washington uu booqasho mahad-naq ah ku tagay safaaradda Turkiga ee dalka Mareykanka.

Safiirka dalka Turkiga u fadhiya dalka Mareykanka mudane Namik Tan ayaa halkaas ka jeediyey khudbaddii xafladda (Keynote Speech). Safiirka waxa uu ka hadlay waajibka saaran shacabka iyo dowladda Turkiga kaasoo ah in ay
kaalmeeyaan dalka Soomaaliya. Xafladda waxaa lagu soo bandhigay film ka hadlayay booqashadii taariikhiga ahayd ee uu Ra’iisul Wasaaraha Dalka Turkiga ku tagay Soomaaliya.

Ugu dambeyntii waxaa  xafladda soo gunaanaday Dr. Shukri Axmed Salxaan oo ku hadlayay magaca dhaqaatiirta Soomaaliyeed ee Mareykanka. Wuxuu u mahadceliyey qabanqaabiyayaashii xafladda iyo labad jaaliyadood ee ka soo qaybgalay xafladda.


Diseembar 8, 2011 (Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) : R/Wasaaraha Soomaaliya C/Weli Maxamed Gaas oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa sheegay inaysan wax dhibaato ah ku jirin in Ciidamada Kenya ay ku biiraan Howlgalka Ciidamada Amisom ay ka wadadaan dalka.

Dr.C/Weli Maxamed Cali iyo wafdi uu hogaaminayo oo maanta ka soo dagay garoonka Aaden Cadde kadib safar shaqo oo uu ku soo kala bixiyay maalmihii ugu dambeeyay Wadamada Qadar, Kuwait iyo Kenya.

Wafdiga uu hogaaminayay R/Wasaaraha dalka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay Xubno ka tirsan golaha wasiirada oo uu horkacayay Ku Xigeenka R/wasaaraha ahna wasiirka Difaaca Xuseen Carab Ciise, Xildhibaano, saraakiil katirsan ciidamada qalabka sida,  Haween, Abwaanno iyo mas’uuliyiin kale.

R/wasaaraha markii uu soo gaaray garoonka oo shir jaraa’id ku qabtay ayaa kaga hadlay safrikiisa  uu ku soo maray wadamo ka tirsan Khaliijka iyo Africa, isagoo dhanka kale carabka ku dhuftay in Dowladda Soomaaliya aysan wax dhib ah u arkin haddii Ciidamada Kenya ay ku biraan Ciidamaada Amisom ee ku sugan dalka.

Hadalka kasoo baxay R/wasaaraha  ayaa kusoo aadaya xilli Baarlamanka Kenya uu ansixiyay in Ciidamada Kenya ay ku biiraan Howlgalka ciidamaadaAmisom kadib markii ay horay uga codsadeed Madxda Dowladaha Midowga Africa iyo IGAD.



Diseembar 8, 2011 (Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) : Hay’adda Culuumadda Soomaaliyeed ayaa sheegtay in loo baahan yahay in Culuumadda ay ka qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah kooxda Khawaarijta ah ee A-Shabaab.

Iyadoo maalmahan kooxda A-Shabaab ay wado qorsha ay ku fulinayaan dilalka Culuumadda Soomaaliya ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay hay’adda  Culuumadda Soomaaliyeed iyagoo sheegay in ay ka qeyb qaadanayan dagaalka looga soo hor jeedo Khawaarijta Al-Shabaab.

Afhayeenka hay’adda Culuumada Soomaaliyeed Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo waraysi siisay Radio Muqdisho ayaa sheegay in dilka Khawaarijtu ay kulla dhaqaaqeen  Culuumadda in ay meel uga soo wada jeesteen oo ay ka qeyb qaadanayaan bur burinta  kooxdaasi iyaga iyo shacabka Soomaaliyeed.

Sheekh Nuur Baaruud ayaa sheegay in Al-Shabaab ay yihiin Cudur ka dhex dilaacay ummada  daawidiisu ay tahay dil oo kaliyah.

Sidoo kale Sheekha ayaa tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed ay ku baraarujinayaan dagaallanka Al-Shabaab, isagoo xusay ay tahay kooxdaasi Khawaarij oo ay leedahay astaamaha lagu garanayo dilkooduna Alle uu Ajar kaa siinayo.

Ugu danbeyntii ayuu farta ku fiiqay afhayeenka hay’adda Culuumada Soomaaliyeed in mar walbo ay ku celi celiyaan sidii looga hor tagi lahaa shacab, Culumo iyo dowlad fikirka foosha xun ee Khawaatijta Shbaab.


Diseembar 8, 2011 (Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) : Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ee howgalka ka wada gobollada Jubbooyinkaayaa sheegay in si wanaagsan ay u socdaan howgallada iyagoo beeniyay in ciidamada Kenya ay duqeeyaan goobo ay dad shacab ah ku sugan yihiin arrintaasina ay  Shabaab jabkooda ku daboollayaan.

General Yuusuf Xuseen Dhuumaal oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ee hoggaaminaya howlgallada Jubbooyinka oo howllo shaqo u yimid magaalada Muqdisho ayaa Radio Muqdisho u sheegay in sidii loogu talla galay ay u socdaan howgallada lagu cirib tirayo kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabab islamarkaana ay hormar ballaaran ka sameeyeen arrintaasi.

Waxa uu tilmamaay in shacabka ay si aad ah ugu diirsadeen gacan ku heynta dowladda deegaannada Shabaab laga xureeyay oo aysan jirin  xilligaan wax dhibaato ah oo ka jira gooba Al-Shabaab laga ceyriyay.

General Dhuumaal ayaa sheegay in maalman ay warar been abbuur ah faa finayeen Shabaabka ku waasi oo ahaa in qasaaro ay gaarsiiyeen ciidamada dowladda oo dagaal uga qabsaday Shabaabka deegaan lagu magcaabo Yaxda oo hadda ay ku sugan yihiin ciidamada Xoogga qasaaruhuna uu soo gaaray kooxda deegaanka lag qabsaday.

Dhinaca kale waxa uu beeniyyay General-ka in diyaaradaha ciidamada Kenya in ay duqeeyaan goobo ay dad shacab ah ku sugan yihiin haddalkaasiay Khawaarijta abbuurtay, isagoo farta ku goday meellaha la duqeeyo in la ogyahay oo ay ku dhuumaalleystaan Al-Shabaab iyo Ajaanibta dalkeena ku soo duushay.

Ugu  danbeytii ayuu sheegay in ciidamada dowladda Kenya ay gacan siinayaan ciidamada Xoogga si loo soo afjro Al-Shabaab iyo soo duullayaasha danbiyada ka soo galay dalalkooda.


Diseembar 7, 2011 (Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) : Maxkamadda Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukunno kala duwan ku riday Askar ka tirsan Ciidammada Booliiska Dowladda Soomaaliya kuwasi oo lagu eedeeyey inay dhac  u geysteen hanti dadweyne.

Askartani ka tirsan Booliiska Soomaaliya ayaa Seddex kamid ah waxa ay ku eedeysnaayeen inay dhaceen bakhaar ku yaala suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho waxaana Maxkamaddu ay ku xukuntay markii marqaati iyo cadeymo la dhageystay min Labo sano oo xarig ah.

Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya Gaashaanle Sare Maxamed Xuseen Muungaab oo xukunkan ku dhawaaqay ayaa tilmaamay in dadka ay Maxkamaddu xukuntay qaarkood yihiin dad rayid ah balse falalka Ciidammada u fududeeyey lana waafajiyey Shareecada Islaamka iyo xeerka ciqaabta Ciidammada Qalabka Sida.

Taliska booliska oo sheegay in Shabaab ay cabsi galinayaan Hay’adaha



Muqdisho: Diseembar 7, 2011 (Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) : Taliska ciidamada booliska dowladda KMG Soomaaliya ayaa sheegay in qaraxyada Al Shabaab ay ka wadaan magaalada Muqdisho ay doonayaan in ay ku cabsi galiyaan Hay’adaha gar gaarka.

Shariif Sheekhunaa Maye oo ah Taliyaha ciidamada booliska dowladda KMG Soomaaliya oo la hadlay Saxaafadda ayaa waxa uu sheegay inta badan ay wiiqantay awooda Xarakada Al Shabaab kadib markii sida uu sheegay looga itaal roonaaday dagaaladii ka dhacay magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka.

Taliyaha ayaa sheegay in jabka gaaray Al Shabaab awgeed ay bilaabeen waxa uu ku sheegay haaraadigooda in ay qaraxyo ka gaystaan magaalada Muqdisho kuwaasi oo uu sheegay in ay ku cabsi galinayaan Hay’adaha gar gaarka ee usoo gurmanaya dadka ay abaartu saameysay ee danta yar.

Maye ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ay tahay inta badan mid amaan ah marka loo eego sidii ay aheyd bilo  ka hor oo uu sheegay in dowladda ay gacanta ku haysany degmooyin fara ku turis ah oo ka tirsan gobolka Banaadir.


Diseembar 7, 2011 (Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) : Mudane Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha  jamhuuridda Soomaalia ayaa maanta xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ku qaabilay Danjiraha cusub oo ay dowladda Talyaniga u soo magacaawday Soomaaliya kadib markii uu booqasho ku yimid magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in uu si aad ah ugu faraxsanyahy imaanshaha wafdigaani ee Muqdisho islamarkaana ay arintani muujinayso sida Talyaaniga sida uu u daneynayo arrimah dalka waxa uuna farta ku fiiqay in imaanshaha wafdigani uu sii xoojin karo xiriirka ka dhexeeya labada wadan.

Sidoo kale safiirka dowladda Talyanaiga u jooga wadanka Soomaaliya Danjire André Marseille  oo isagana la hadlay warbahinta ayaa sheegay indowladda Talyaaniga ay diyaar u tahay in ay taageerto Soomaaliya islamarkaasna ay sii dardargelin doonaan dadaallada ay ku garab istaagayaan dowladda.

Safaradda Talyanaiga ee Soomaaliya ayaa ka mid noqoneysa safaaradaha dowladaha caalamka uga furan gudaha magaalada Muqdisho  taas oo muujinayso dadaalka ay Dowladda ku bixisay xaqiijinta iyo adkeynta amniga guud ee Casimadda.


Diseembar 7, 2011 (Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) : Siminaar ay iska kaashadeen wasaaradda warfafinta boostada iyo isgaarsiinta iyo haay’adda UNPOS ayaa maanta ka furmaay xarunta wasaaradda warfaafinta.

Aqoon isawaydaarsigaan oo ay  iska kaa shadeen  wasaaradda  warfaafinta Boostada iyo isgaarsiinta iyo hay’adda UNPOS  oo  lagu
baranayay habka maamul wanaaga  loona qabtay agaasimayaasha madax qaybeedyada wasaaradda warfaafinta  ayaa  maanta si rasmiha uga furmay xarunta wasaaradda.

Macalimiintii bixineysay simiraanka ayaa  waxay yihiin macalimiin laga soo xulay gudaha wasaaradda warfaafinta  waxaana
furitaanka siminaarka ayaa waxaa ka soo  qaybgay  mas’uuliyiin katirsan wasaaradda oo ay ka mid ahaayeen  wasiiru dawlaha wasaaradda warfaafinta  agaasimha guud ee wasaaradda iyo mas’uuliyiin ka tiirsan wasaaradda.

wasiiru dawlaha wasaaradda warfaafinta  Maxamad C/laahi kaamil oo  ka hadlay furitaankii  aqoon iswaydaarsiga ayaa ka dhawaajiyay in aqoon isweydaarsigan uu wax weyn ka badili doono tayada aqooneyd.

Maahan markii ugu horeysay oo aqoon is weydaarsi loo furu qaar ka mid ah shaqalaalaha Wasaaradda warfaafinta Boostadda iyo Isgaarsiinta.

Diseembar 7, 2011 (Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) : Shir jaraid oo ay maanta si wadajir ah saxaafadda ugu qabteen Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku xigeenka hay’adda culumada Soomaaliyeed ayaa waxa ay kaga hadleen bayaan ka soo baxay hayadad culumada soomalaiyeed kaasoo si weyn loogu cambaareeyay Dilkii ay maleeshiyaadka
kooxda shabaab u geysteen Allaha u naxariistee Sheekh Axmed Xaaji C/raxmaan oo ka tirsanaa culumada Soomaliyeed islamarkaan lagu dilay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka bari.

Bayaanka ayaa sidoo kale looga hadlay Kulankii ay magaalada Baydhabo ku yeesheen horjoogeyaasha kooxda shabaab kaas oo qodobadii ka soo baxayay ku jirtay in la sameeyo hay’adda cusub oo culumaa’udiin hoos tag shabaab.

Guddoomiyaha Hay’adda Culumada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad  oo ugu horeyntii tacsi u diray ehellada uu ka geeriyooday wadaadka waxa uuna Shirkii baydhabo ka dhcay ku macneeyay mid logu talgalay in lagu beegsado culumaa’udiinka Soomaaliyeed oo u taagan fidinta diinta islalamka.

Sidoo kale Sheekh Nuur Baaruud Gurxan KuXigeenka Guddoomiyah Hay’adda Culumada Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in falalka lagu bartilmaameedsanayo culumada uusan aheyn fikir Soomaaliyeed haseyeeshee loogu talagalay in dadka indhaha u ahaa laga laayo bulshada Soomaaliyeedwaxa uuna soo jeediyay in diiwaanka lagu qoro dambiyada iyo dhibaatooyinka ay dadka ku hayaan maleeshiyaadka kooxda shabaab.

Bayaanka ka soo baxay hay’adda culumaad Soomaaliyeed ayaa dhanka kale lagu baaqay in gacan loo fidiyo dadkii ku hantibeelay dabkii dhawaan qabsaday suuqaa Bosaaso iyagoo dhanka kalena ugu baaqay qeybaha kal aduwan ee bulshada in ay ka shaqeeyaan nabadgelyadooda oo ay la dagaalamaan kooxda xagjirka ah ee Alshabaab.


 










Asmara: Diseembar 6, 2011 (Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) : Xukuumadda dowladda Eretria
ayaa waxa ay sheegtay in ay kasoo horjeedo kana xun tahay cuna qabateyntii
Golaha amaanka ee QM uu kusoo rogay dowladaasi taasi oo Xukuumadda ay ku
tilmaamtay mid cadaalad daro ah.





War Qoraal  ah
oo ka soo baxay Wasaaradda Arimaha dibadda dalka Eritrea ayaa waxa lagu sheegay
in Xukuumada Asmara ay ka soo horjeedo cunaqabteenta dheeraadka ah oo ay Golaha
Amaanku ku soo rogeen kadib markii lagu eedeeyay in ay taageerto Ururka Al
Shabaab ee Soomaaliya.





Wasaaradda ayaa hadalkeeda waxa ay ku sheegtay in
Cunaqabateentaan lagu soo ragay ay tahay mid cadaalad daro ah oo lagu cuuryaaminayo
Hormarka dadka reer Eritrea, iyadoo sidoo kale xustay in cunaqabteynta ay tahay
mid ay Ethiopia iyo Maraykanka Ka dambeeyaan.





“Qaraarkaan la gaaray ilaa iyo hada Ma ahan mid
cadaalad ah oo ku haboon Shacabka reer Eritrea, waxaana uu sii adkeyn karaa
Xaaladda hada ka jirta Geeska Africa” sidaasi waxaa lagu sheegay hadal qoraal
ah oo ka soo baxay Wasaradda arimaha dibadda dalka Eritrea.





Dhanka kale wadamada Reer Galbeedka ayaa soo
dhaweeyay Cunaqabateenta la saaray dowladda Eritrea taasi oo ay ku tilmaameen
in ay tahay mid yareeyn karta dhibaatada ka jirta gobolka gaar ahaan Soomaaliya.





Safiirada Dowladaha Germelka iyo Maraykanka u fadhiya
Q.M ayaa waxa ay sheegeen in ay soo dhaweynayaan talaabada lagu saaray
cunaqabateynta tirsigiisu yahay 2023 oo ah mid adkeynaya cunaqabteyntii labo
sano ka hor saarneyd Xuukumada Asmara





Golaha Amaanka Q.M ayaa Isniintii aan ka soo gudubnay
waxa ay u codeeyeen in cunaqabateen hor leh la dul dhigo Dowladda Eritrea oo lagu
eedeeyay in ay taageerto Al Shabaab.



Addis’ Ababa, Diseembar 6, 2011 (Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) : Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya oo shalay gaaray Magaalada Addis’ Ababa ee Xarunta dalka Ethiopia ayaa waxaa uu halkaasi kulamo kula qaatay Ra’iisul wasaaraha dlakaas Meles Zenawi,Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, kaasi oo looga hadlay xaaladda wadanka Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta ee dowladda KMG Soomaaliya C/qaadir Jahween oo la hadlay Idaacadda VOA-da isagoo ku sugan MagaaladaAddis’ Ababa ayaa waxaa uu fahfaahin ka bixiyay kulamada Madaxweynaha uu la qaatay Mas’uuliyiintaasi, isagoo sheegay in wax yaabo badan oo ku aadan xiriirka dowladaha Somaliya ,Ethiopia iyo Jabuuti ay kawada hadleen iyo waxyaabo badan oo ay isku afgarteen faa’idooyin ay kasoo baxeen sida uu hadalka udhigay.

C/qaadir Jahween ayaa waxaa uu sidoo kale sheegay in Madaxweynaha uu ka qeyb galay kulan ay lahaayeen Madaxda Urur goboleedka IGAD kaasi oo looga hadlayay qorshaha kulanka ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo cunuqabataynta dowladda Eretria.

Ugu dambeyn Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya, dhigiisa Jabuuti iyo Ra’iisul wasaaraha dowladda Ethiopia ayaa si isku mid ah waxa ay u soodhaweeyaan go’aankii golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ay ku gaareen Magaalada New York ee dalka Maraykanka.


New York: Diseembar 6, 2011 (Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) : Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kulan ayshalay ku yeesheen Magaalada New York ee dalka Maraykanka, waxa ay cunaqabteyn dheeri ah dul dhigeen Dowladda Eretria oo lagu eedeeynayo in ay taageerto XarakadaAl Shabaab ee ka dagaalanta  Soomaaliya.Cunaqabteyntan cusub ee lagu soo rogay Xukuumadda Asmara ayaa dhigaya in shirkadaha shisheeye ee ka shaqeeynaya qodista macadinta dalkaasi ay hubiyaan halka uu dhaqaalahoodu ku baxayo si looga hortago in dhaqaalahaasi aan lagu carqaladeen dalka Soomaliya oo muddo ay ka socdeen dagaalo sokeeye.

Wadamada bariga Afrika ayaa warbixin ay ka horjeediyeen golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay waxa ay ku cadeeyeen in Eretria ay taageero aan yareyn ay siisoXarakada Al Shabaab ee dagaalka kala soo horjeeda Ciidamada Midowga AfrikaAMISOM ee ku sugan Magaalada Muqdisho.

Cunaqabatayntaan ayaa imaanaysa, iyadoo dowladda Eretria lagu eedeeyay in taageero ballaaran ay siisay Xarakada Al Shabaab oo ugu dambeysay sida la sheegay in diyaarado laga leeyahay dalkaasi oo siday Saanad Milatari iyo agabyo kale oo dagaal ay kasoo dagteen Garoon ku yaala Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Bay.



















Diseembar 5, 2011 (Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) : Gollaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa xoojiyay cunaqabateynta saaran dalka Eritrea kadib kullan uu gollaha ammaanka ku sheegay magaalada New York ee dalka Mareykanka kaasi oo lagu eegayay eedeymaha Eritrea ee ku aadan  gaareerada ay siiso kooxda Argagixida ee Al-Shabaab.

Fadhiga gollaha ammaanka uu ka yeeshay dalka Eritrea ayaa waxaa lagu gaaray qaraar lagu sii xoojinayo cuqnabateynta saaran dalka Eritrea  kaasi oo ay soo diyaariyeen dalalka Gabon iyo Nigeria.

Qaraarka cunaqabateynta ayaa waxaa  u codeeyay 13 dal  halka ka aamusaneen laba dal, kullanka ayaa waxaa ka qeyb galay madaxda dalalka  Midoowga Afrika oo ku sugnaa magaalada Addis Ababa oo kullanka kala socda Video-ga muuqaalka  ah, waxaana madaxdaasi ka mid ahaa madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Go’aanka uu qaatay gollaha ammaanka ayaa ka hooseeya midkii ay soo jeedisay dowladda Gabon oo dhigayay in la jaro xiriirka Eritrea kala dhaxeeya dalalka dhaqaalaha leh islamarkaana meesha laga saaro wadamada maal gashiga ka wada dalkaasi si cuqanabateytu ay u noqoto mid adag.

Kullanka gollaha oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa si taxadar leh ulla socda dhammaan  wadamada Eritrea ku eedeyay in ay garab siisay kooxaha xag jirka ah ee Al-Shabaab ee dhibaatada ka wada gobolka geeska Afrika.

Wadamada Shiinaha iyo Ruusha ayaa ka aamusay in la xoojiyo qaraar lagu cunaqabateenayo Xukuumadda Asmara iyadoo gollaha uu u dhan yahay codka cunaqabateynta.

Natiijada ka soo baxay fadhiga gollaha ammaanka ayaa dalalka qaar aysan ku qancin maadaama la filyay in si adag go’aan looga gaaro arrintadowladda Eritrea oo ay dalalka Midoowga Afrika meel uga soo wada jeesteen kadib markii ay la sheegay in si cad ay u taageertay ururka Argagixisada ah ee Al-Shabaab.


C QADIR

Diseembar 5, 2011 (Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) : Culimada manta ka hadashay Aaska alle ha u naxariistee Sheekh Axmed Xaaji C/raxmaan ayaa sheegay in dilka sheekha ay soo abaabuleen sida ay hadalka u dhigeen Xarakada Alshabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya.

Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo ka mid ah culimada waaweyn ee Puntland iyo Soomaaliya ayaa goobta aaska kula hadlay Dadweyne Boqolaal gaaraya kuwaasi oo uu u sheegay in dilka Marxuumka ay geysteen Alshabaab.

“Dadweynuhu inay fahmaan ayaa loo baahan yahay PIS wax ma dilin namana leyso anaga xogta waa ognahay wadankana waa joognaa shabaab weeye waxa dadka dhameeyay, Axmed Xaaji C/raxmaana gacantooda ayuu ku dhintay,Anaga sidaasey noogu dhaarsan yihiin oo goobtaas (Shirka Baydhabo )ay nooga magacaabeen oo waa sugeynaa ajashu waqti bay leedahay baqdin nama hayso”.Sidaas waa sheegay Sheekh C/qaadir Nuur Faarax.

Hadalka ka soo baxay culimada Puntland ayaa waxaa uu imanaaya xilli Culimaa’udinka Boosaaso ay isku diyaarinayaan barnaamij gaaar ah oo deeq loogu uruurinayo dadkii hantidooda ay ku gubatay suuqa Boosaaso oo u baahan gacan weyn oo taakulo ah.

Dhinaca kale ma jirto wax war ah oo ka soo Baxay Xarakada Alshabaab oo ku aadaan eedeyynta ay u jeediyeen Culimada inay ka danbeeyeen Dilalkii ugu danbeeyay ee ka dhacay Soomaaliya iyo Puntland.

Diseembar 4, 2011 (Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) : Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali ayaa maanta gaaray dalka Kuwait ka dib markii uu martikhaat rasmi ah ka helay
Amiirka iyo Ra’iisul Wasaaraha dowladda Kuwait. Dowladda Kuwait ayaa si cajiib leh u soo dhoweysey Prof Abdiweli oo ah markii ugu horeysay oo mas’uul Soomaaliyeed sidaas quruxda badan loogu soo dhoweeyo. Waxaa  gegida diyaaradaha ee Kuwait uga horyimid Prof Abdiweli Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Dalka Kuwait Sheikh Jaber Al-Mubarak Al-Hamad Al-Sabah, Ra’iisul Wasaare ku xigeeno, golihii wasiirada iyo mas’uuliyiin sar-sare.

Ra’iisul Wasaare Abdiweli markii uu soo cagadhigtay waxaa lagu soo dhoweeyey kaarbet guduudan oo weliba uu salaan sharaf isaga iyo Ra’iisul Wasaaraha ka qaateen cutubyo ciidanka Kuwait ah oo weliba la qaaday heeshihii calanka ee labada dal. Waxaa jidadka waaweyn lagu taxay calanka Soomaaliya iyo calanka Kuwait.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo beryahan xiriirka caalamka xoojiyey ayaa si is-daba joog ah uu u helayey casuumaad madaxda caalamka tan oo muujineysa in caalamku ay si aad ah ugu qanacsanyihiin dadaalka uu wado Prof Abdiweli oo horumar weyn ka sameeyey dhanka amniga, xiriirka maamulada iyo Dowladda Fedraalka ah, maamul wanaaga iyo arrimaha gar-gaarka bani’aadanimo. Waxaa intaas sii wehlisay Roadmap kii dhowaan Somalidu saxiixeen oo muujinaya sida ay Soomaalida ula wareegeen hoggaanka iyo ka talinta aayaha iyo mustaqbalka dalka.


Diseembar 4, 2011 (Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) : Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Xukuumadda Soomaaliya MudaneC/samad Macalin Maxamuud ayaa dhageystayaasha Radio Muqdisho uga Jawaabay Su’aallo ku aadan sida wax looga qaban karo amaba looga hortagi karo qaraxyada ay Shabaab usoo maleegayaan shacbiga Soomaaliyeed.

Dhageystayaasha ayaa ka sokoow Su’aallaha waxaa ay Wasiirka usoo gudbiyeen tallooyin la xiriira sida ay u arkaan in Ammaanka wax looga qaban karo ayadoo ay aragtida iyo su’aallahaba isugu jireen kuwo lagu soo kala gudbiyey Taleefanno, fariin qoraaleedka Mopileska(SMS) iyo Facebooka Radio Muqdisho.

Su’aallaha ay dhageystayaasha Wasiirku soo weydiiyeen ayaa u badnaa Wadashaqeyn la’aanta Shacabka iyo laamaha Amniga, caqabadaha shacabka mararka qaar Ciidammada kasoo wajaha, iyo cidda hortaagan in qaraxyadaasi wax laga qabto halka ay tallooyinka dhageystayaashuna aheeyeen kuwo ay ku muujiyeen lagama maarmaannimada wadashaqeyn dhexmarta shacabka iyo Laamaha Ammaanka si looga hotago dhibaatooyinka qaraxyada ka dhasha.

Hadaba Barnaamijka oo soconaya waqti saacad iyo bar ah waxaa halkaan kasoo jeedinaya Wariye C/casiis Maxamuud Guuleed (Afrika)


Diseembar 4, 2011 (Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) : Guddoomiyaha Maxakamadda sare ee dalka ayaa magacaabay xiriiriyaha Garsoorka iyo hey’adaha kale ee dowladda kadib wareegto uu soo saaray isagoo xilkaasi u magacaabay ku xigeenka xeer ilaaliyaha dalka.

Wareegtadan ka soo baxday xafiiska guddoomiyaha Maxkamada sare ee dalka Avv. Ceydiid C/llaahi “Ilkaxanaf”ayaa lagu sheegay in xeer ilaaliye ku xigeenka Maxamuud Cabdi Nuur “Kitaabi”loo magacaabay xiriiriyaha garsoorka iyo hey’adaha kale ee dowladda

Xeer ilaaliye ku xigeenka howlihiisu waxa ay ahaan doonaan in howlahaay ka leeyihiin Maxkamahada iyo xeer ilaalinta uu la socodsiiyo, fahamsiiyo. Gudbiyo hey’adaha ama laamaha kale ee dowladda.

Sidoo kale sarkaalku waxa uu soo gudbinayaa faahfaahinayaa, ka dhaadhicinayaa garsoorka shaqada ama howlaha hey’adaha kale ee dowladda ay ka leeyihiin garsoorka.

Xeer ilaaliye ku xigeenka Maxamuud Cabdi Nuur “Kitaabi”waxaa kale oo loo Magacaabay afhayeenka garsoorka sida Maxkamadaha iyo xeerilaalinta wuxuuna ka hadli akaraa ama tafaasiil sax ah ka bixin karaa xukunnada, go’aannada iyo howlaha maxkamadaha iyo xeer ilaalinta.

Wareegtada ayaa sidoo kale lagu xusay in xeer ilaaliye ku xigeenka uu toos ula shaqeeynayo guddoomiyaha maxkamadda sare iyo guddiga adeegga garsoorka.

Wareegtadan magacaabista ah oo nuqul ka mid ah uu soo gaaray Radio Muqddisho ayaa waxaa ku saxiixnaa guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka. Avv. Ceydiid C/llaahi Ilakaxanaf.


Diseembar 4, 2011 (Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) :Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo socdaal ku joogay dalka Tanzania ayaa gelinkii dambe ee maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Wafdiga Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyey xubno ka tirsan Labada Golle ee Dowladda oo uu hor kacayey Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Ra’isulwasaare kuxigeen ahna Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Xuseen Carab Ciise oo wafdiga Madaxweynaha kamid ahaa ayaa u sheegay warbaahinta Qaranka in Madaxweyne Sheekh Shariif uu kula kulmay magaalada Daarusalaam dhigiisa dalkaa Jakaya Kikwete oo ay kawada hadleen arimo ay ka mid yihiin sidii Soomaalida ku xeran xabsiyada dalkaasi loosii deyn lahaa.

Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa wafdi uu hogaaminayey waxaa shalay galab ay gaareen magaalada Daarusalaam ee xarunta dalka Tanzania waxaana uu socdaalka Madaxweynaha kusoo idlaaday guul.


Diseembar 4, 2011 (Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) : Ergayga gaarka ah ee xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya oo shalay gaaray magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa ka danbday beesha caalamka iyo dalalka daneeya arrimaha Soomalaiya in ay taageeraan shirka Waa shiga ee bishan gudaheeda ka dhacaya magaalada Garoowe.

Dr. Augustine Mahiga u qaabilsanaha xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya oo shalay booqasho rasmi ah ku tagay magaalada Garoowe islamarkaana kullan kulla qaadatay madaxweynaha maamul gobolleedka Puntland ayaa sheegay in uu u jeedinayo beesha caalamka iyo dalalka dariska la ah Soomaaliya in ay muujiyaan taageero xooggan oo
ku aadan shirka Wada tashiga ee magaalada Garoowe ka furmaya si xal uu ugu noqday nabaddeynta Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in dhibaato badan ay ka jirto Soomaaliya xal kama danbeys ahna loo baahan yahay   muhiimna ay  tahay in  gacan weyn la siiyo shirka Wada tashiga qeybtiisa labaad oo 15-ka bishan December ee sanadkan  ka furmaya magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Dr. Augustine Mahiga ayaa tilmaamay in rajadu ay tahay mid wanaagsan xalkuna uu ku jiro gacanta Soomaalida maadaama ay muddo ku jireen dadka Soomaaliyeed dhibaato oo hadda u baahan nabad iyo kala danbeyn.

Booqasha ergayga gaarka ah ee xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa imaanaya xilli uu socda diyaar garoowga loogu jiro ka qeyb galka shirka Wada Tashiga ee bishan lagu wado in lagu soo gaba gabeeyo magaalada Garoowe xilli qeybtii hore ee shirkaasi lagu qabtay magaalada Mqudisho.


Diseembar 4, 2011 (Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) : Xukuumadda FDKMG Soomaaliya ayaa sheegtay  in ay ka xuntay dhibaatadii soo gaartay suuqa degmada Boosaaso, iyadoo tilmaamtay in guddi ay u saari doonto arrintaasi si qasaaraha ay u soo qiimeeyaan gacanna loo siiyo ganacsatada Soomaaliyeed ee uu halkaasi qasaaraha ka soo gaaray.

Ra’iisul wasaare ku xigeen ahna wasiirka Ganacsiga iyo Warshada Xukuumadda Soomaaliya mudane C/wahaab Ugaas Xuseen oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in isago oo ku hadlaya magaca Xukuumadda iyo kan shacabka Soomaaliyeed in ay ad uga xun yihiin qasaarihii soo gaaray Ganacsatada Soomaaliyeed ee suuqa degmada Boosaaso.

Sidoo kale waxa uu sheegay in qasaaraha ka dhashay Dabkii ka kacay suuqa magaalo Xeebeedka Boosaaso in uu saameyn ku yeellan doono dhammaandadka Soomaaliyeed ee gudaha iyo dibedda ku sugan, waxa uu ugu baaqay maamulka Puntland in uu garab istaago Ganasatada hantidooda ku bur burtay Dabka suuqa Boosaaso.

Dhinaca wasiirka Ganacsiga ayaa hoosta ka xaqiiqay in Xukuumadda ay guddi u saari doonto arrintaasi si ay u soo qiimeeyaan halka uu gaarsiisan yahay qasaaraha, waxa uuna tilmaamay in dowladda Dhexe ay garab taagan tahay Ganacsatada iyo cid walbo oo uu qasaaro  ka soo gaartay Musiibaddii ka dhacay Boosaaso.


Diseembar 3, 2011 (Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) : Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa kullan kulla qaaatay dhiggiisa dalka Tansaaniya magalada  Darussalam iyadoo ay ka wada hadleen xiriirka labada dalka iyo ammaanka gobolka geeska Afrika.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo shalay gaaray dalka Tansaaniya ayaa xalay kullan la qaatay dhiggiisa dalkaasi Jikaaya Kikweeta  iyadoo ay ka wada hadleen xaaladda Soomaaliya, xiriirka labada dalka iyo amniga gobolka geeska Afrika gaar ahaan Soomaaliya.

Dhan kale markii uu soo idlaaday kullankaasi labada madaxweyne ayaa waxaa mar kale ay wada qaateen kullan uu albaabada u xiran yahay iyadoo illaa hadda aysan jirin wax war ah oo ka soo baxay kullankaasi.

Wixi Warar ah ee ka soo baxa Kullankaasi Waxaad ku Maqli Doontaan Wararkeen Kale.



Diseembar 3, 2011 (Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) : Gabar Soomaali ah ayaa ka hor qiratay maxkamad ku taalla magalaada Sadie go ee gobolka California ee dalka  Mareykanka in ay gacan siin jirtay maleeshiyaadka Argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Nimca Yuusuf oo ah 25 jir ayaa ka soo hor muuqatay maalintii khamiista maxkamad ku taalla magaalada California in maleeshiyaadka xiriirka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab ay ka caawin jirtay dhinaca maaliyadda iyadoo sheegtay in muddo dheer ay ku dhiira galin hirtay dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku nool gobolka California in ay ku
biiraan Al-Shabaab.

Asad Cabdi Maxamed oo ah sargaal qaabilsan xiriirka Bulshada Soomaaliya California ayaa Idaacadda VOA u sheegay in xiriirka ka dhaxeeya Soomaali iyo hay’addaha amniga in uu yahay mid wanaagsan isagoo sheegay in Soomaalida marar badan ay Baliiska kala hadleen sidii loo soo cadeyn lahaa falal Argagixiso oo sidoo kale lagu soo eedeeyay dhallinyaro Soomaali ah in Al-Shabaab ay xiriir la lee yihiin.

Waxa uu tilmaamay in dhallinyarada loo qabtay loo yaro u dooda isagoo xusay in la dhowri doono xaquuqda Soomaalida ku dhaqan gobolka California.

Dhinaca kale waxa uu sheegay in wax lala yaabo ay noqotay in Nimca Yuusuf oo ah gabar Soomaaliyeed in ay qirato danbiga ay gashay, waxa uuna hoosta ka xariiqay in lagu xakumay 15 sano oo ah xarjig ah iyo in ka badan 200,000 oo dollar oo ganaax ah.

Wadan Mareykanka ayaa waxaa uu ka mid yahay dalal ugu badan ee ay ka dhacaan falalka Argagixisada ee lala xiriirinayo Soomaaliyada ku nool halkaasi iyadoo marar badan ay wadankaasi lagu qabtay dhallinyaro ay marin habaabiyeen maleeshiyaadka Al-Shabaab oo dhaqaalo u raadsaday Jaaliyaddaha Soomaaliyeed ee wadamada caalamka ku nool.

Diseembar 3, 2011 (Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) : Suuqa weyn ee magaaladda Boosaaso oo gubtay markii dab uu qabsaday, wax dab-damis ahna ma lahayn kadib markii ay awoodi waayeen dadkii dabka inay bakhtiiyaan. Maamulka Puntland oo aan waxba ka qaban hawlaha amniga iyo badbaadinta Ummadda Soomaaliyeed ayaa waxuu caadaystay inuu had iyi jeer ka shaqeeyo fidno iyo iska-horkeenida beelaha walaaha ah si loogu gaaro darajo dadban oo aan faa'iido ugu jirin dadka iyo dalka.





Diseembar 2, 2011 (Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) : Madaxweynaha Mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo ka codsaday shacabka Soomaaliyeed iinay iska difaan dowladda deriska ee sharci la'aanta ku soo galay dalka Soomaaliya kuwaasoo ku marmarsiyiinaya inay la dagaalamayaan Al-Shabaab balse ay runta tahay inay damacsan yihiiin inay wakiil uga noqdaan shirkado shisheeye ah dalka Soomaaliya meeshaasoo uu ku jiro saliida iyo gaaska dabeeciga ah. Umadda Soomaaliyeed waxay xaq u leedahay inay go'aankeeda wado gaarto hadda si cadowga la iskaga dhiciyo.
Soomaaliyeed ma maanta ayaanu taaganahay inay Kenya oo dadkeena si khaldan ugu gubtay horay si ay ugu wadaan gummaysiga. Dowladda Ingiriiska waxay shirka u qabanaysaa waa sidii ay u kala qayb qaybin lahayd Soomaaaliya markale waayo waaggii hore ayeey ku guullaysaay balse haddda waxaa markale u hirgeli la' inay ku guullaysato kala-qaybinta Ummadda Soomaaliyeed.

Soomaaliyeed hurdada ka kaca oo iska-qabta dadkan waddanka debinada ku ridaya oo tuugada ah.





Diseembar 2, 2011 (Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) : Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa baaq nabaddeed u diray beello  walaalaha ah ee ku dagaallamaya degmada Bacaad weyn iyo deegaanka Camaara, isagoo sheegay in halkaasi loo diri doon wasiirro ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Caafimaad Xumuumadda Soomaaliya Dr. C/casiis Sheekh Yuusuf ayaa ugu baaqay dadka walaalaha ah ee dagaalka uu ku dhex marayo deegaanka Camaara iyo degmada Bacaad weyn ee gobolka Mudug isagoo sheegay in dadkaasi ay si shuruud la’aan ku joojiyaan dagaalka uu dhiigga ku daadanayo.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dagaallada deegaannadaasi ka dhacay ay noqdeen kuwa soo laab laabta hasa ahaatee loo baahan yahay in laga waantoobo oo la dhowro darisnimada iyo wada degnaanshaha.

Wasiirka Caafimaadka ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay qorsheeneyso in Camaara iyo degmada Bacaad weyn loo diro xubno ka tirsangollaha wasiirrada Xukuumadda si halkaasi ay uga furan wada haddal nabaddeed oo heshiis la kala dhex dhigo walaalaha dagaallamaya.



Diseembar 1, 2011 (Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) :  Xildhibaanno maanta ku shiray Muqdisho ayaa waxay  sheegeen inay kalsoonida kala laabteen guddoomiyaha baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan, kaddib markii ay ku eedeeyeen inuu sharciga ku xadgudbay.

Mudanayaashan ayaa waxay kulankooda kasoo saareen qoraal ay ku sheegayaan in eedeymaha loo haysto guddoomiyaha baarlamaanka awgood uusan guddoomin karin fadhiyada baarlamaanka, ayna Sabtida soo socoda yeelan doonaan kulan ay codka kalsoonida ugu qaadayaan

"Guddoomiyaha baarlamaanka wuxuu ku xadgudbay qodobka 15-aad, farqaddiisa saddexaad ee xeer hoosaadka baarlamaanka, wuxuuna ku mutaystay in laga hakiyo guddoominta fadhiyada golaha baarlamaanka iyo ka qaybgalka shirarka caalamiga ah iyo kuwa goboleed ee lagu matalayo baarlaamaanka KMG ah illaa inta goluhu go'aan ka gaarayo arrintiisa," ayuu yiri xildhibaan Maxamed Nuur Sheegow oo saxaafadda u akhrinayay qoraalka ay soo saareen.

Xildhibaanadan ayaa waxay weydiisteen guddoomiye ku xigeenka baarlaamanka inuu u mudeeyo kulan baarlamaan oo ajandihiisu yahay go'aanka gaaridda guddoomiyaha maalinta taariikhdu ku beegan tahay 03/12/2011 isla markaanka loogu qaado codka kalsoonida.

"Soomaalida gudaha joogta iyo kuwa dibadda jira waxaan weydiisanaynaa inay gacan nagu siiyaan arrintan waana baaq uu soo jeedinayo baarlamaanka," ayuu yiri xildhibaan Cumar Isloow Maxamed oo isaguna saxaafadda la hadlay.

Mudane Cumar Islow, wuxuu sidoo kale sheegay inay ka dalbanayaan beesha calaamka inay gacan ka geysataan sidii qorshahan lagu hirgelin lahaa, isagoo sidoo kale ka dalbaday saxaafadda inay wararka arrintan ku saabsan u tabiyaan sida ay yihiin.

Arrintan ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo dhawaan ay xildhibaanno kulan ku yeeshay Muqdihso sheegeen inay u gudbiyeen guddoomiyaha baarlamaanka codsi ay kaga dalbanayaan inuu dib u furo kal-fadhiyada  baarlamaanka, iyagoo sheegay inuu taas ka biyo diiday.



Gaalkacyo: Diseembar 1, 2011 (Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) : Barlamanka Maamulka Galmudug ayaa maanta kulan ay ku sheegeen Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug waxa ay xilka kaga qaadeen Madaxweynaha Maamulka Galmudug Kornel Max’ed Axmed Caalin.

Kulanka oo muddo dhowr saacadood ah qaatay ayaa waxa la sheegay inay soo xaadireen ilaa 17-xubnood oo ka mid ahbarlamanka Maamulkaasi, waxaana la sheegay in marka laga tago mid ka mid ah Mudanayaashaasi ay inta kale isku raaceen in xil ka qaadis lagu sameeyo Madaxweyne Caalin

Majiro waxa war ah oo kasoo baxay Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug oo ku aadan xil ka qaadista maanta lagusameeyay, hase ahatee arintaani ayaa waxa ay salka ku haysaa dhibaatooyin iyo falal amaan dari oo mudooyinkii dambe ka dhacayay deegaanada Maamulkaasi.


Diseembar 1, 2011 (Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) : Xukuumadda FDKMG Soomaaliya iyo taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa si wada jir ah u sheegay in kooxda Al-Shabaab ay meel gaba gabo ah marayaan islamarkaana ciidamada ammaanka ay sii xoojinayaan la dagaallanka ficilada kooxdaasi.

Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya mudane C/qaadir Xuseen Maxamed “Jahweyn” ayaa sheegay in xaaladda kooxda Shabaab ay tahay mid aad u adag oo aysan xilligaan sii wadi Karin dagaal, isagoo sheegay in awoodooda ay ku soo koobmatay dhibaateenta  shacabka Soomaaliyeed.

Waxa uu xusay in ay ku kalsoon yihiin dadaalka ay wadaan ciidamada amniga dowladda Soomaaliya si ummada looga qabto falalka foosha xun ee  maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Dhinaca kale taliye ku xigeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed  General C/xakiin Daahir Saacid ayaa sheegyay in ciidamada Booliska ay sameeyeen howlgallo badan oo lagu fashiliyay  qaraxyo ay soo abaabulleen Al-Shabaab, isagoo tilmaamay in aysan joojin doonin dadaalka ay ugu jiraan in ammaanka magaalada Muqdisho uu noqda mid aad u wanaagsan balse taliye ku xigeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed  General C/xakiin Daahir Saacid ayaa ah shaqsi aan aqoon u lahayn waxyaanbaha qarxa iyo qanuunka hawlgelin hawlaha booliska waayo waxuu ka soo wareeray Ciidanka Xoogga Dalka intii uu dalka burburin sida la ogyahay waxaa kale oo jira inuu Taliyaha Nabadsugidda Qaran Kornel Axmed Macalin Fiqi yahay sidoo ka;e shaqsi aan wax aqoon ah u lahayn hawlaha amniga iyo basaasnimadda isla-markaansa ay adag tahay xataa inay si buuxda ula shaqeeyaan sariikiisha sarsare ee Nabad-sugida Qaranka Soomaaliyeed kuwaasoo tababaro kala duwan ku soo kala qaatay dibadda dalka iyo gudaha dalka.

Ugu danbeyntii ayuu hoosta ka xariiqay taliye ku xigeenka in ciidamada ay sameyaan roondooyin maalin iyo habeen si loogu guullesyto in la hakiyo qaraxyada iyo falkalka kale ee ummada lagu dhibaateenayo.



Diseembar 1, 2011 (Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) : Gudiga amniga barlamanka KMG Soomaaliya ayaa ugu baaqay Hay’adaha ammaanka inay ka horagaan qaraxyada kusoo badanaya Muqdisho

Xildhibaan Xuseen Caraale Cadaan oo ah gudoomiye ku xigeenka ammaanka barlamanka KMG Soomaaliya oo la hadlayIdaacadda Shabelle ayaa waxaa uu sheegay in dowladda KMG ah looga baahanyahay inay sugto amniga islamarkaana ay ka hortagto qaraxyada qorsheysan oo ayabaabulaan Kooxda Cadowga ah ee Al Shabaab sida uu hadalka u dhigay.

Xuseen Caraale Cadaan ayaa ugu baaqay Hay’adaha qaabilsan aammaanka Muqdisho inay adkeeyaan ammaanka shacabka iyo Xarumaha waa waayn ee dowladda, si looga feejignaado qaraxyo mar kale dhaliya qasaarooyin farabadan.

Ugu dambeyn Xildhibaan Cadaan ayaa qiray in iminka ay wiiqantay awooddii Shabaab maadaama looga itaal roonaaday dagaaladii ka dhacay Muqdisho taasina ay ku kaliftay in qaraxyo ay soo abaabulaan islamarkanaa ay la beegsadaan goobaha ay ku sugan yihiindowladda iyo dadka shacabka ah.


Asmara : Diseembar 1, 2011 (Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) : Dowladda Eretria ayaa ku eedeysay dowladda Ethiopia in ay ka dambeyso hurinta colaada ka tagaan dalka Soomaaliya, iyadoo dhinaca kale sheegtay in fara galin Milatari aan wax looga qaban karin xaaladda dalka Soomaaliya.

Safiirka dalka Eritrea u fadhiya Golaha amaanka ee Qaramada Midowbay Araya Desta ayaa waxa uu sheegay in faragalin Militari oo lagu sameeyo dalka Soomaaliya aan xal u noqoneyn wax ka qabashada dhibaatooyinka iyo amni darada ka taagan dalka Soomaaliya.

Araya Desta ayaa waxa uu farta ku fiiqay in xalka dalka Soomaaliya uu san ku jirin faragalin militari oo ay kusameeyaan wadamada dariska la ah balse xalka uu ku jiro in wadahadal la iskaga hor keeno dadka isku haya siyaasada Somaaliya.

Mr. Desta ayaa waxa uu is weydiiyey sababta ka dambeyso in dalkiisa uu faragalin ku sameeyo dalka Soomaaliya waxaana uu shaaca ka qaaday in aysan jirin wax hub ah oo ay u direen Xarakada Al Shabaab oo dagaalo kula jirta Dowlada KMG Soomaaliya iyo AMISOM

Safiirka dalka Eritrea u fadhiya golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxa uu tibaaxay in ay dowladda Ethiopia ay ka dambeyso qaska dalka Soomaaliya waxana uu farta ku goday in wararka sheegaya in diyaarado ka socda Eritrea ay ka dageen magaalada Baydhabo uu yahay mid been abuur ah  oo ay wadodowlada Ethiopia.

“Eritrea waxa ay dooneysaa in ay aragto dadka Soomaaliyeed oo heysta nabad buuxda iyo Xasilooni iyo kala dambeyn marka ma ahan wadada kaliya ee lagu heli karo nabada Soomaaliya faragalin Militari” sidaa waxa yiri Safiirka dalka Eritrea u fadhiya golaha amaanka ee QM Araya Desta.

Dhawaan ayey aheyd markii Urur goboleedka IGAD uu ka dalbaday wadamada dariska la ah Soomaaliya in ay gudaha ugalaan dalka Soomaaliya si looga hortago Xarakada Al Shabaab, iyadoo IGAD ay dowladda Eritrea ay ku eedeeyeen in ay taageerto Al Shabaab.

November 30, 2011 (Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) : Daawo Sawirada Kulan Xalay Saqdhexe ku soo gaba gaboobay Madaxtooyada
Puntland ee Garoowe islamarkaana loogaga hadlayay Xalinta Qilaafaadka
Rabshadihii ka dhacay Magaalada Gaalkacyo xarunta gobolkaasi Mudug taasoo Ciidanka Puntland ay ku baa'bi'yeen maato iyo guryo ay leeyihiin qabaa'ilka Tanade Darood "Leelkase" kuwaasoo si been ah loo damacsanaa in lagu shaabadeeyo argagixiso balse u socan waysay Dowladda Puntland.

Haddaba ma ahan markii ugu horaysay ee ay soo weerarto Dowladda Puntland Qabaa'ilka Tanade Darood "Leelkase" balse waxaa jiray laba mar oo ka horaysay tan, 1964 waxaa lagu spp weeraray hubkii iyo hantidii Dowladdii Soomaaliya ee uu hoggaaminayey Cabdirashiid Cali Sharmaake iyo waa kale uu soo weeraray Madaxweyne Cabdillaahi Yuusuf kaasoo ay ka diideen inay la wareeraan jifo kamid ah Majeerteenka oo la yiraahdo Cismaan Maxamuud.

Haddaba gardara ma guullaysato! Marka cidii aad wax ka qaadi karto wax ka qaad Xayawaan yahoow! Doqonimo waa tan Iidii kaa hadashiisay oo aad ku tiri ragga ma matalaan Puntland balse waxaan kuu sheegayaa inay hayso filka dembiyadda aad gasgay maxkammadda caalamiga ee "ICC" si lagaaga qaado talaabo sharci ah.

Waxaa Kulanka Goob joog ahaa Madaxweynaha Puntland iyo labada gole ee Xukuumadisa iyo weliba Xubno kale oo caan ka ah siyaasada Puntland oo  uu ka mid ahaa Madaxweynihii hore ee Puntland Cade Muuse Xirsi.

Daawo Sawirada















November 30, 2011 (Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) : Abaan-Duulaha CXDS Gen:Cabdikariim yuusuf Aadan Dhega badan oo ay  hareero taagan yihiin saraakiisha Boliska, milatariga iyo nabad sugidda ayaa shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Villa baydhabo wuxuuna faah faahin ka bixiyay Qarax saake 7:00 subaxnimo ka dhacay xaruntaas.

Taliyaha yaa sheegay xilli uu shaqada u soo baxaya nin isku dayay in u isku qarxiyo laakin Askari katirsan Ciidamada Taliyaha uu qori ku qabtay kadibna u is qarxiyay. Waxaan halkaas ka dhacay dhimasha 4 askariiyo dhaawaca 8 kale ayuu yiri Abaanduulaha CXDS.

Abaanduulaha yaa sheegay in aysan waxba u qaadan doonin  siina laba jibaari doonaan dagaalada ay kula jiraan kooxda sii burburaysa ee Jid iyo jiho diidka. ’in ay anaga nala dagaalamaan waaba roonihiin eeshacabka ayayba qaraxyo iyo qoorgoyn ku hayaan’Ayuu yiri Gen Dhega badan.




November 30, 2011 (Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) :  Hay’adda Nabad sugida dowladda KMG ayaa waxa ay sheegtay in saacadihii lasoo dhaafay ayisku soo dhiibeen rag ka tirsanaa AL Shabaab.

Agaasimaha Hay’adda Nabad sugida dowladda KMG Soomaaliya Axmed Maclin Fiqi oo Warbaahinta kula hadlayey magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in saacadihii lasoo dhaafay ay isku soo dhiibeen askar badan oo ka tirsanaa Xarakada Al Shabaab.

Axmed Maclin Fiqi ayaa tilmaamay in 11 dhalinayaro ah oo uu tilmaamay in labo ka mid ah ay ahaayeen kuwa loo soo abaabulay in ay qaraxyo ka sameeyaan magaalada Muqdisho ay isasoo dhiibeen, waxaana uu hoosta ka xariiqay in ciidamadii u dagaalamayey Al Shabaab ay haatan yihiin kuwa kasoo firxanaya Al Shabaab.

Ka hor inta aysan dhalinyarada isasoo dhiibin waxa ay xiriir lasoo sameeyeen Saraakiil ka tirsan dowladda KMG sida uu sheegay Agaasimaha Hay’adda nabad sugida dowladda KMG Soomaaliya.

Agaasimaha Hay’adda Nabad sugida dowladda KMG ayaa waxa uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Muqdisho in ay la shaqeeyaan Hay’adaha amaanka, isagoo tilmaamay in
ay  dhamaatay xiligii loo caga jugleyn jiray shacabka Soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn Salaad Cali Jeele oo ka mid ah Guddiga difaaca barlamanka Soomaaliya oo shalay waraysi siiyey Shabelle ayaa waxa uu sheegay in shaqsiyaadka qaraxyada ka wada magaalada Muqdisho ay yihiin sida uu tilmaamay dhalinyaro ka tirsan Al Shabaab oo ay howlgalisay dowladda KMG Soomaaliya.

November 30, 2011 (Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) : Taliska ciidamada AMISOM ee fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in uu ka xun yahay dhibaatooyinka sida uu sheegeen Al Shabaab ay ka gaysteen magaalada Muqdisho.

Fred Mugisha oo ah Taliyaha ciidamada AMISOM oo Saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in ay cambaareynayaan qaraxyadii bilihi u dambeeyay Al Shabaab ay ka gaysanayeen magaalada Muqdisho oo uu sheegay in ay wax ku noqdeen dad rayid ah.

Taliyaha ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin in talaabooyinka noocaasi oo kala ah oo ay gaysanayaan dhalinyaro Soomaaliyeed, waxaana uu xusay in ciidamada AMISOM ay gacan ka gaysanayaan sugida amaanka magaalada Muqdisho iyo ka hortaga qaraxyo mar kale ka dhaca magaalada Muqdisho.

Fred Mugisha ayaa sheegay in qaraxyada ka dhacaya magaalada looga hortagi karo iyadoo ay iskaashadaan  ciidamada amaanka iyo dadka shacabka ah oo uu tilmaamay in looga baahan yahay in ay wargaliyaan ciidamada hadii ay arkaan falal lidi ku ah amaanka.



November 30, 2011 (Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) : Taliska ciidamada booliska dowladda KMG Soomaaliya ayaa sheegay in si deg deg ah uu u bilaabayo howlgalo looga hortagayo qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho.Xili magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya ay ka taagan yihiin falal amini daro oo ay ka mid yihiin dilal iyo qaraxyo qorsheysan ayaa Taliska ciidamada booliska dowladda KMG Soomaaliya waxa uu sheegay in uu si deg deg ah wax uga qabanayo falalkaasi.

Taliye ku xigeenka ciidamada booliska dowladda KMG Soomaaliya Janaraal C/xakiin Daahir Saacid oo Warbaahintala hadlay ayaa sheegay in ay bilaabayaan howlgalo cusub oo ay kaga hortagayaan qaraxyadaasi kuna sugayaan amaanka magaalada Muqdisho kaasi  oo uu tilmaamay in ay kala kaashanayaan ciidamada Nabad sugida.

Ilaa 3 qarax oo lala damacsanaa suuqa Bakaaraha ayaa waxa uu sheegay Janaraal C/xakiin Daahir  in ay fashiliyeen maalmo ka hor ciidamada dowladda KMG Soomaaliya kuwaasi oo uu sheegay in aysan wax ku noqon dad shacab hase ahaatee ay ku geeriyoodeen qaar ka mid ah askarta dowladda.

Labo qarax oo shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku geeriyootay 3 ruux halka 7 kalana ay ku dhaawacmeen kuwaasi oo u badnaa dad shacab ah oo ay caruur ka mid yihiin.

November 28, 2011 (Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) : Aqristayaasheena qiimaha badan waxaan halkaan idin kugu soo gudbinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo xalay ka qeyb galay dood wadaag ay soo qaban qaabisay hay’adda CRD iyadoo madaxweynaha uu su’aallo uga jawaabay shacab badan oo dooddaasi ka soo qeyb galay. Dowladda Ethiopia ma soo gali karto Soomaaliya waayo waxay si khaladan u soo gashay Soomaaliya mar hore balse Dowladda Ethiopia way ku guul-darraysatay inay wax ka qabato amniga dalkeeda iskaba daa inay wax ka qabato Soomaaliye oo ay hub siinaysay jabhado badan oo la ogyahay inay ka dembeeyeen burburintii Qaranka Soomaaliya 1991dii ilaa iyo hadda.

Dowladda Ethiopia si deg deg ah haga baxdo gudaha dalka Soomaaliya waayo waan ognahay inay Dowladda Ethiopia wax cadaalad ah ka shaqayn doonin. Ummadda Soomaayeed Iyo Aniga ah Madaxweynaha Dalka Soomaaliya waxaanu ognahay inaynan wax faa'iido ah u hayn dadka iyo dalka Soomaaliya.

Soomaaliyeey waxaa waajib ah inaad iska-difaacdaan cadowgiina soo jireenka ah waayo wax nabad ah ma ka rabaan in laga gaaro xaalka Soomaaliya.

Dhammaan waxaan u yeerayaa Ciidankii Xoogga Dalka Soomaaliyeed inay si deg deg ah u soo xaadiraan gudaha dalka iyo dibaddaba si ay cadowgan uga dhiciyaan Ummadda Soomaaluyeed.



November 28, 2011 (Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) : Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya  Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib markii uu soo dhameeystay safar shaqo oo uu ku tagay dalka Ethiopia.

Shariif Xasan Guddoomiyaha Baarlamanka oo maanta dalka dib ugu soo laabtay isla markaana gudaha garoonka ugu waramay Radio Muqdisho ayaa sheegay in safarki uu ku tagay dalka Ethiopia uu ku soo dhamaaday guul waxa uuna shacabka Soomaaliyeed u rajeeynayo horumar iyo baraare balse Guddoomiya Baarlamaanka waxuu sheegay inaynan marnaba ogolaanayn inay Dowladda Ethiopia iska soo gasho gudaha dalka Soomaaliya meeshaasoo horay ugu dileen shacab badan oo Soomaaliyeed marka wixii ay ka sameeyeen gudaha magaalada Moqdisho ayaa ah wax lama iloowaan ah.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale tilmaamay in xilligan dhibaato ka weyn shabaab aysan jiran sidaasi darteedna uu soo dhaweeynayo cid kasto oo shabaab la dagaalameysa.

Sidoo kale isla maanta waxaa dalka dib ugu soo laabtay wasiirka ganacsiga iyo warshadaha iyo xubno la socday kaas oo sheegay in wasaaraddu ay mudnaan sii doonteosoo nooleeynta warshadihii dalka iyo horumarinta ganacsiga dalka.

Monday, November 28, 2011 (Somaligov Prtal News) : R/Wasaaraha Dalka Qatar His Excellency Sheikh Hamad Bin Jassim Bin Jabr Al-Thani  iyo R/Wasaaraha Soomaaliya Prof Cabdiweli Moxamed Cali


November 28, 2011 (Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) : Wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in uu socda ololle Hubka looga uruurinayo magaalada Muqdisho islarmakaana howlgallada ay sii socon doonaan inta laga cirib tirayo kooxda qas wadayaasha ah.

Iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay magaalada Muqdisho hawgallo ka wadeen ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya laguna soo qab qabtay kooxda ku howllanaa falal amni daro ayaa waxaa la hor geeyay cadaaladda si ay ugu tusaale qaataan kooxaha kale ee amni darrada ka shaqeyna.

Wasiirka arrimaha gudaha iyio amiga qaranka Xukuumadda Soomaaliya mudane C/samad Macallin Maxamuud oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in muddooyinkan ay socdeen howlgallo lagu xoojinayo ammaanka caasimadda islamarkaana wax badan laga qabtay.

Waxa uu xusay in magaalada ay kasoo rayneeso sidii hore, isagoo sheegay in ay jiraan kooxo aan awood badan ku lahayn magaalada oo doonaya in ay waxyeelleyaan ciidamada ammaanka ee howlgalka Muqdisho ka wada.

Wasiirka ayaa sheegay in mararka qaar ay magaalada ka dhacaan weeraro gaadmo ah hasa ahaatee goor dhow lasoo gaba gabeeyn doobo si magaalada oo dhan ay u noqoto mid ka caagan amni darrada.

Mudane C/samad ayaa hoosta ka xariiqay in uu socoda ololle lagula dagaallamayo shaqsiyaadka Hubka magaalada ku dhex wata isagoo farta ku fiiqay in lagu guulleystay in gacanta lagu soo dhiggo rag badan oo kooxahaasi ka mid ah.

Maalin ka hor ayeey ahayd markii howlgal ballaaran oo uu hoggaaminayay abbaan duullaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed laga fuliyay magaalada Muqdisho islamarkaana gacanta lagu soo dhiggay kooxo aysan horey u suura galin in aga qabto magaalada Muqdisho dhibaatada ay ka wadeen, iyadoo dhan kalena howgalkaasi ay garab taagneed Maxakamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaliya oo dadkii danbiyada lagu hellay cadaaladda ku qaaday.



November 28, 2011 (Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) : In ka badan badan 100 ruux oo dhallinyaro Soomaaliyeed (Boqol ruux) oo laga soo Tarxiilay dalka Sacuudiga ayaa shalay soo gaaray magaalada Muqdisho iyadoo dadkaasina xaaladdooda Caafimaad ay aad u liidatay.

Dadka Soomaaliyeed ee laga soo Tarxiilay dlaka Saciidiga ayaa waxaa markii ay soo gaareen garoonka diyaaraahada Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay la hadleen warbaahinta qaranka waxayna sheegayn in xaaladdooda Caafimaad ay aad u liidato oo ay dhibaatooyin kala soo kuleem inta ay ku soo guda jireen Tarxiilka.

Sidoo kale dadka Tarxiilka ahaa oo u badnaa dhallinyaro ayaa xusay in dowladda Sacuudiga aysan wax qiimo ah u haynin shacabka Soomaaliyeed ee markii hore dalkooda dhibaatada iyo dagaallada uga cararay.

Mid ka mid ah dhallinyaradii la hadashay warbaahinta qaranka ayaa hoosta ka xariiqay in intii ay ku suganaayeen dalka Sacuudiga ay ka kulmeen dhibaatooyin badan isagoo tilmaamay in xabsiga lagu xiray markii la qabtay in uu ahaa mid ay ka soo qaadeen xanuunno kala duwan.

Dhallinyara laga soo Tarxiilay dalka Sacuudiga ayaa si wada jir waxay u sheegayn in ay ku faraxsan yihiin in dalkooda ay dib ugu soo laabtaanmaadaama ay ka kulmeen xilli magaalada Muqdisho ay nabad tahay  islamarkaana ay dalkooda ka shaqeysan doonaan.


November 27, 2011 (Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) : Madaxweynaha Jamnhuuriyadda Soomaaliya ayaa ku ammaanay dowladda Turkiga doorka ay ka qadaneyso hormarka Soomaaliya kadib Casho Sharaf uu madaxweynaha u sameeyay Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Turkiga oo shalay magaalada Muqdisho soo gaaray.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo haddal ka jeedinayay Casho sharaf xalay loo sameeyay Ra’iisul wasaare ku xigeen dalka Turkiga Bakiir Basaay ayaa ku ammaanay walaalaha Turkiga sida ay u muujiyeen filka garab istaaga ee walaalhooda Soomaaliyeed ay u sameeynayaan.

Madaxweyne Shariif ayaa xusay in shacabka Soomaaliyeed aysan waligood hilaami doonin abbaalka dowladda Turkiga uu u galay Soomaaliya, waxa uuna intaa raaciyay in aktooda ay ku weyn tahay booqashada uu ku yimid magaalada Muqdisho R/wasaare ku xigeenka dalka  aynu walaalaha nahay ee Trukiga.

Sidoo kale waxa uu salaan iyo mahad celin u diray madaxweynaha, R/wasaara iyo shacabka Turkiga oo ah walaalaha kaliyaha ee Soomaaliyeed ay ku tashaneyso, waxa uuna madaxweynaha Jamhuuriyadda mar kale ku soo dhaweeyay Muqdisho Ra’iisul wasaare ku xigeenka iyo wafdigiisa.

Ugu danbentii madaxweynaha ayaa sheegay in xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga in uu yahay mid baaxad leh islamarkaana  sii xoogeystay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeedna ay ka faa’ideysan doonaan walaalhooda Turkiga.




November 27, 2011 (Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) : Wasaaradda arrimaha dibedda dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay wado dadaal ay xabsiyada ugu soo deeneyso dhallinyaro Soomaaliyeed dalalka Angola iyo Musanbiik.

Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimha dibedda Soomaaliya mudane Cismaan Maxamed Aadan oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in ay wado wasaaradda qorshe ballaaran oo xabsiyo ku yaalla dalalka Musanbiik iyo Angola loo soo deynayo dhallinyaro Soomaaliyeed oo mudda halkaasi kudhibaateysnaa.

Waxa uuna sheegay dowladdaha Angola iyo Musanbiik ay kala hadleen arrintaasi, isagoo xusay in maalamaha soo socda xabsiyada dalalkaasi laga soo deyn doono dadka Soomaaliyeed ee ku jira.

Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha dibedda ayaa hoosta ka xariiqay in wasaaradda ay dowladda ay  u qaabilsan tahay sidii ay u xalin lahayd mashaakilaadka ay shacabka Soomaaliyeed kala kulmaan wadamad aaduunka taasina ay ku dadaali doonaan.

Sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay in ay jiraan dalalka kele oo ay dhibaato ku heysato dad Soomaaliyeed hasa ahaatee arrimahaasi wax badan  ka qaban doonaan.




 



\

Muqdisho Axad 26 November 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) : Waxaa goor dhow magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Turkiga iyadoo musanaasabad lagu soo dhaweenayo ay haatan ka socota garooka diyaaraha ee magaalada Muqdisho.

Waxaa goor dhow soo gaca dhiggatay garoonka diyaaradaha diyaarad sida Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Turkiga iyo wafdi uu hoggaaminayo iyadoo garoonka diyaaradaha ay ka socoto munaasabadda  soo dhaweynta Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka aynu wallaalaha nahay ee Turkiga.

Gudaha garoonka ayaa waxaa ku sugan masuuliyiin ka tirsan  labada golle dowladda, saraakiisha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, ciidamada Muusikada ee Baabeyda, ururada Haweenka iyo dhalliyarada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Wafdiga ballaaran ee uu hoggaaminayo Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Turkiga ayaa la filayaa in goor dhow ay booqdaan xeryaha ay ku jiraan dadka ku soo baracay magaalada Muqdisho ee ay sida joogtada ah u caawiso dowladda Turkiga.

Dhanka kale amniga caasimadda ayaa waxaa si weyn u adkeeyay ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya oo lagu arkayo iyagoo taagan dhammaan waddooyin magaalada Muqdisho.

Muqdisho Axad 26 November 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) : Ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya oo saakay howlgalla ka wada qeybo ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir ayaa howlgalkaasi ku soo qab qabtay rag lagu soo eedeeyay in ay ka shaqeynayeen falal amni darro.

Howlgalkaani oo ay ciidamada ammaanka ka wadaan degmooyinka X/weyne iyo X/Jajab ayaa waxaa ay ciidamadu gacanta ku soo dhiggeen rag gacanta kulla jiray falal amniga lid ku ah iyadoo ciidamada ay baaritaanno ku hayaan raggaasi.

Saraakiisha ammaanka ee howlgalka hoggaamineysa oo aan la xiriirnaya ayaa waxa ay inoo sheegeen in howlgalkoodu uu si wanaagsan u socda islamarkaana ay sii wadayaan inta ay waajibadkooda ka gudanayaan.

Sidoo kale sarakiisha ayaa xustay in ay wadaan qorshe uu howlgalka ku noqonayo mid joogta ka ah degmooyinka gobolka Banaadir oo maalmihii la soo dhaafay ay ka dhaceen falal amni darro si taasi meesha looga saarana ay xoojinayaan howlgallada.




Muqdisho Axad 25 November 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) : Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Xukuumadda Soomaaliya ayaa qorsheyneysa inay la wareegto Baasaboorada Soomaaliga ah ee ay daabacdeen Shirkadaha gaarka ah kuwaasi oo hada qaarkood gacanta Dowladda soo galay.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Soomaaliya Mudane C/samad Macalin Maxamuud Sheekh Xasan oo Wareysi siiyey Radio Muqdisho isaga oo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa tilmaamay in Wasaaradu qorsheyneyso inay la wareegto dhammaanba Baasaboorada horey ay u daabaceen shirkadaha gaarka ah ee aanay Dowladduka warqabin.

Wasiirku waxa uu sheegay in arintaasi ay durba Wasaaradu ka biloowday la wareegid lagu sameeyey Koonteenar ay ku jiraan Baasaboor daabacan oolagu qabtay magaalada Mombasa ee dalka Kenya taasi oo si sharci darro ah ay u daabacdeen kooxo doonaya inay iibiyaan.

Hadalkan kasoo baxay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Soomaaliya ayaa imaanaya xili dhowaan magaalo xeebeedka Mombasa ee dalka Kenya lagu qabtay Baasaboorro tirabadan oo uu soo daabacay ganacsade asal ahaan kasoo jeeda dalka Hindiya balse heysta dhalashada dalka Kenya.




Muqdisho Axad 25 November 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) : Magaalada Adis ababa ee xarunta dalka Ethiopia ayaa waxaa maanta ka furmay Shirkamadaxda wadamada IGAD kaas oo looga hadlayo amaanka gobolka iyo sidii iskaashi looga yeelan lahaa argagixisada geeska Afrika.

Kulankan maanta ka furmay magaalada Adis ababa ee dalka Ethiopia ayaa waxaa isugu yimid madaxda wadamada IGAD oo ka hadli doona ilaa maanta gelinka danbe horumarka gobolka iskaashiga ka dhexeeya iyo sidii wadajir loola dagaalami lahaa argagixisada,  waxaana shirka oo lasoo gabagabeyndoono gelinkii danbe ee maanta ugu horreyn xoogga lagu saaray arimha Soomaliya oo howlgalo lagula dagaalmayo shabaab ay ka socdaan qeybo badan oo dalka ah.

Sidoo kale arimaha dalka koonfurta sudan ayaa ka mid ah waxyaabaha shirka looga hadlayo iyadoo inta laga doodayayna ay ka hadleen madaxda wadamada Sudan iyo Soomaliya waxaana madaxweynaha Soomaliya Shariif Sheekh Axmed iyo wafdiga uu hogaaminayo ee ku sugan Adis abab ay warbixin ka dhiibeen xaaladda wadanka iyo sida lagu hormarinkaro dadaallada ka soxda.

Safiirka Sopmaliya ee dalka Ethiopia Sicidi Yuusf Nuur ayaa Radio Muqdisho u sheegay in shirkan ay ka soo bixi doonaan gebagebadiisa maanta qodobo muhiim u ah Soomaliya islamarkaana wax ka bedela howlagalada ka socda dalka.




Muqdisho, 
Muqdisho Axad 24 November 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) : Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa maanta shir guddoominayay shir xasaasi ah oo ay isugu yimaadeen maamulka gobolka Banaadir, guddoomiyeyaasha degmooyinka, taliyeyaasha ciidamada Booliska,Xooga dalka, iyo Nabad sugidda, oo maanta ka dhacay xarunta maamulka Gobolka Banaadir.

Waxaana Ajandaha kulankaasi uu ahaa sidii loo sugi lahaa amaanka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho iyo sidii loo xakameyn lahaa dableyda hubeysan ee dareeska ciidamada ku la bisankuwasoo dhex mara magaalada.

Kualnka oo ahaa mid aad xasaasi u ah ayaa waxaa lagu lafo guray sida amaanka magaalada Muqdisho loo sugi lahaa islamarkaana xaafadaha kala duwan ee magaaladana looga dhaqan galin lahaa isku xirk hayadaha Amaankaee degmo kasta.

Shirka ayaa waxaa hadalo dhaxal gal ah kasoo jeediyaya qaar katirsan saraakiisha ciidamada kala duwan ee dowladda Soomaliya, iyadoona laisku raacay in guddiyo dhanka amniga ah oo ka kooban guddoomiyahadegmada, taliyaha saldhiga, taliyaha qeybta Booliska Goolka, iyo taliyaha ciidamada xooga ee degmadaasi dagan.

Waxaana shirkaasi la iskula soo qaaday in haddii ay wada shaqeeyaan qeybaha sare ku xusan ay sahlanaaneyso soo qabashada dambiilihii fal ka geysta gudaha degmo kasta oo ka tirsan gobolka Banaadir.

Gabagabadii kulanka maanta ayaa waxaa kasoo baxay in guddiyadaasi la sameeyo islamarkaana ay shiraaan qeybaha guddiyadaasi maalinta axada ee soo socota islamarkaana ay si deg deg ah u bilaabaan howlahooda shaqo ee ku aaddan dhanka amniga caasimadda.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo kulanka maanta ay wada qaateen guddoomiye yaasha degmooyinka, taliyeyaasha Booliska, Taliyeyaasha Nabadsugidda, Taliyeyaasha ciidamada Xooga dalka ee ku aaddanaa nabad gelyada degmooyinka gobolka Banaadir kadib ku booriyay iney sii laba labaan waajibaadkooda shaqo.


Xafiiska Warfaafinta Gobalka banaadir


ww

XAFIISKA MADAXWEYNAHA

OFFICE OF THE PRESIDENT




Muqdisho Axad 24 November 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) : Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa maanta sheegay inuu ka xun yahay duqeenta ay dayaaraddaha Kenya ee duuqaynaya goobo kamid ah Soomaaliya taasna waxaan sababay amniga iyo ismaqal la'aanta ay siyaasiyiinta Soomaaliyeed dhex dhigeen dad aan waxba ka aqoon siyaasadda ka jirta Afrika iyo wax Soomaaliya ay ku dembayn karto haddii ay Soomaalida heshiin wayso. Aniga waxaan ka codsanayaa Dowladda Kenya inay joojiso duqaynta cirka ee ay ku barro kicinayso shacabka Soomaaliyeed.

Kenya Iyo Ethiopia ha ka dhex baxaan gudaha Soomaaliya haddii kale waxay la kulmi doonaan casharo cusub oo ay tariikh badan akhrisan doonaan.


`Madaxweynaha jamhuuriydda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta ka amababaxay dalka iyagoo ku siijeeda magaalada Adis ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Madxweynaha ayaa waxaa xubnaha la socda ka mid ah R/wasaare ku xigeenka ahna wasiirka wasaaaradda Gaashaandhigga Xuseen Carab Ciise, Xildhibaano iyo saraakiil ka tirsan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Galmudug oo sheegtay in Puntland ay wado qorsho dagaal




Gaalkacyo : Muqdisho Axad 24 November 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) : Maamulka Galmudug ayaa shaaca ka qaaday in Puntland ay wado qorsho ay kusoo weerarayso deegaanada Maamulka Galmudug. Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha iyo amniga ee Maamulka Galmudug State Axmed Max’ud Xasan (Baasto) oowaraysi siiyay Idaacadda Shabelle ayaa waxaa ku eedeeyay Madaxweynaha Maamulka Puntland in uu qorshaynayo weeraro ay kusoo qaadaan deegaanada MaamulkaGalmudug.


Axmed Baasto ayaa waxaa uu sheegay in Madaxweyne Faroole uu doonayo in 21-sano kadib gobolka uu ka abaabulodagaalo sokeeye iyo kaabo qabiillo sida uu sheegay, isagoo tilmaamay in C/raxmaan Faroole uu hurinayo dagaalo muddooyinkii u dambeeyay ka dhacayaydeegaanada uu ka taliyo Maamulka Puntland, waxaana wax aan sal lahayn ku tilmaamay eedeyn Maamulka Puntland uu usoo jeediyay Maamulka Galmudug.


Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha iyo amniga ee Maamulka Galmudug State Axmed Max’ud Xasan (Baasto) mar aywax ka waydiisay Idaacadda Shabelle ammaanka Koofurta Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa uu sheegay inay jiraan kooxo loosoo abaabulay inay qal qal galiyaandeegaanada Maamulka Galmudug.


Majiro ilaa iyo iminka wax war ah oo kasoo baxay Mas’uuliyiinta Maamulka Puntland oo ku aadan eedeynta loo  Galmudug ay u jeedisay Madaxda Maamulkaasi.

Ururka Midowga Afrika oo ku baaqay in wadahadal lala galo Shabaab




Nairobi: Muqdisho Axad 24 November 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) : Ururka Midowga Afrika ayaa sheegay in Ciidamada Uganda iyo kuwa Burundi ee ku suganSoomaaliya loo baahanayahay inay wada hadal la galaan Xarakada Al Shabaab si dalka uu u noqdo mid nabad ah.


Wakiilka gaarga ah ee Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha dalka Soomaaliya Jay Rowling’s oo shir jaraa’id ku qabtaymagaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa waxa uu ugu baaqay wadamada Burundi iyo Uganda oo ay ciidamadooda ku sugan yihiin dalka Soomaaliya aywadahadalo lagalaan Xarakada AL Shabaab gaar ahaan kuwa diyaarka u ahwadahadalo si soomaaliya ay u hesho nabadi iyo kala danbeyn.


Mr Rowling’s ayaa waxaa uu carabka ku dhuftay inay muhiim tahay in la arko Soomaaliya oo nabad buuxdakajirto, waxaana uu sheegay in sidaasi darteed loo baahanyahay in wadamada ciidamadooda ay ku sugan yihiin dalka Soomaaliya ee ku jira AMISOM aywadahadallo lagalaan AL Shabaab taasi oo uu tibaaxay inay fududaynayso xaalkaSoomaaliya.


“Waxaan dooneynaa in dalka Soomaaliya uu helo xal buuxa oo Nabadeed sidaasi darteed waxa loo baahan yahay in wadahadalo lala galo dagaalyaanada ka tirsan Al Shabaab ee diyaarka u ah inay hubka dhigaan, beesha caalamkana waxaan ka dalbanaynaa ballaarinta CiidamadaAMISOM” sidaa waxaa yiri Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsanarrimaha dalka Soomaaliya Jay Rowling’s.


Hadalkaani kasoo baxay Ururka Midowga Afrika ayaa waxa uu imaanayaa xilli ciidamada AMISOM ay dalbanayaanciidamo dheeraad ah oo soo gaara dalka Soomaaliya si meesha looga saaro Xarakada AL Shabaab.

Muqdisho Axad 22 November 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) : Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta, Mudane Cabdulqaadir Xuseen Jaahweyn ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNPOS) oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Wafdiga oo uu hoggaaminayay Nick Birnback oo ah madaxa warfaafinta ee UNPOS, isla markaana ay wehlisay Susannah Price oo ka shaqeysa isla xafiiskaas waxay doonayeen inay wax ka ogaadaan howlaha kala duwan ee wasaaradda iyo gacanta ay Qaramada Midoobay ka geysan karto horumarinta warbaahinta dowladda.

Wasiirka oo ka hadlayay munaasabadda ayaa u sheegay in Wasaaradda Warfaafinta ay waddo dadaallo kala duwan oo isugu jira dhinacyada warfaafinta iyo isgaarsiinta. Wasiirka ayaa intaasi ku daray in horumarka ay gaartay warbaahinta dowladda ay caddeyn u tahay sida xukuumaddu ahmiyad gaar ah u siineyso in dadka la wacyi-geliyo.

Wasiirka ayaa faahfaahin ka siiyay wafdiga baahiyaha gaarka ah ee ay qabto Wasaaradda oo isugu jira qalab, tababar iyo dajinta shuruucda isgaarsiineed ee dalka.

Wafdiga oo indhahooda ku soo arkay howlaha kala duwan ee Wasaaradda ayaa sheegay inay ka howlgeli doonaan sidii loo kaalmeyn lahaa Wasaaradda. Waa cad inay UNPOS wax u qabanaynin Ummadda Soomaaliyeed iyo Isgaarsiinteeda sida la ogyahay na inay Sussan Price ka shaqaynaysay UNPOS muddo badan ayadoo kamid ah hawl-wadeenada ku uhushaqeeya musuqmaasuqa lagu luggooynayo Ummadda Soomaaliyeed.


Muqdisho Axad 22 November 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) : Inkabadan 4 qof ayaa ku geeriyootay deegaanka docol oo 40 KM dhinaca koonfureed kaga beegan magaalada Gaalkacyo kadib markii ay rasaas ay  ku fureen gaari ay saarnayen kooxo hubeysan iyadoo mas’uul ka tirsan maamulka Puntland ee magaalada Gaalkacyna maanta lagu dilay waqooyiga Galkacyo.

Geerida afarta Ruux ayaa ka dambeeysay ka dib markii ay maleeshiyo hubeysan ay weerar ku qadeen Gaari nooca raaxad ah oo marayay wadada isku xirta magaalada Gaalkacyo iyo hobyo gaar ahaan deegaanka docol oo kudhowaad 40 KM kaga began dhinaca koonfureed magaalada Gaalkacyo.

Dhanka kale waxaa maanta magaalada Gaalkacyo dil loogu geystay Gudoomiyahii xaafada Horumar ee maamulka Puntladn Muuse aadan xili uu ku sugnaa afaafka hore ee xaafadaasi.

Dilkan loo geystay Gudoomiyihii xaafada horumar ayaa la sheegayaa in ay geysteen rag ku hubeeysnaa baastoolado kuwas oo tiradooda gaareysay ilaa sedex nin, kadibna ay ka baxsadeen isla goobtii ay dilka ka geeysteen.

Majiro wax war ah oo ka soo baxay mas’uuliyiinta maamulka Puntlan ee Gaalkacyo oo ku aadan dilkii loo geystaay Gudoomiyihii xaafada horumar Muuse Aadan.


Muqdisho Axad 22 November 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) :

R/wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya DR C/weli Maxamed Cali Oo ay wehliyaan xubno ka tirsan golaha wasiirada Ayaa maanta kormeer ku tagay qaar ka mid ah xeryaha iyo saldhigyada ciidanka booliska Soomaaliyeed si uu ugu kuurgalo xaaladooda iyo howlaha ay wadaan.

C/weli Maxamed Cali R/wasaaraha dalka  ayaa waxaa kormerkiisa ku wehlinayay wasiirka Gaashaandhigga,  wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah, wasiirka waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare,  kusimaha taliyaha ciidanka booliiska ahna taliye ku xigeenka,  gudoomiyaha dagmada Hodan iyo mas’uuliyiin kale oo katirsan dowladda KMG ah.

Ugu horeyn R/wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa gaaray mid ka mid ah saldhigyada ay kusuganyihiin ciidamada booliiska ee ku yaala dagmada hodan halkaasi oo ay diyaar ku ahaayeen cutubyo ka tirsan ciidamada booliiska oo uu salaan sharaf ka qaadtay R/wasaaraha.

Kusimaha taliyaha ciidamada booliska ahna taliye ku xigeen Genaral Saciid Daahir  ayaa warbixin kasiiyay R/wasaare C/wali iyo xubnihi la socday sida uu u shaqeeyo mid ka mid ah saldhigyada kuyaala dagmada hodan.

Intii uu R/wasaaruhu ku sugnaa dagmada hodan ayaa sidoo kale waxaa uu booqasho  ku tagay kuleej lagu xanaaneeyo kudhawaad 700 oo caruur agoonah halkaasi oo uu qaar ka mid ah caruurtaasina uu kor u qaaday waxa uuna warbixin ka dhageystay maamulaha xeradaasi lagu xanaaneeyo caruurta.

Dr C/wali Maxamd Cali Gaas ayaa balan qaaday in ay xukuumadda muhiimad weyn siin doonto sidii loo hormarin lahaa caruurta isagoo shacabka Soomaaliyeed iyo hay’adaha samafalka ka codsaday in ay garabsiiyaan caruurta dhibaateysan.

Kormeerkaan uu maanta R/wasaaraha iyo qaar ka mid ah golaha wasiirada ay  ku tageen saldhigyada ciidamada booliiska ee kuyaala dagmada hodan ayaa qeyb ka ah dadaalka ay dowladda KMG ah ugu jirto niyad dhiska iyo dhiira galinta cidanka qalabka sida oo guulo waa weyn ka soo hoyay holagalada ka socda dalka.


Muqdisho Axad 21 November 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) : Maamulka culumaa’udiinka Ahlusunna waljamaaca ayaa albaabada iskuugu dhufta maqribnimadii caawa Idaacadda Radio Galgaduud ee  deegaanka Guraceel ee bartamaha dalka.

Tifatiraha idaacadaasi C/fittaax Xassan Faarax oo la hadlayay wakaaladda wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in markii ay saacada ku beegneed 6da maqribnimo xilliga Geeska Afrika ay idaacada
ugu soo galeen ciidamo uu hogaamiyay taliye Saneeg oo kamid ah kuwa maamulka ASWJ, ayna amar ku bixiyeen in idaacadda la damiyo.

“Waxaa naloo sheegay in ay xalay yimaadeen oo ay maamulka waayeen, amar ayey nagu siiyeen in aan daminno waana damminnay” ayuu yiri C/fittaax Xassan Faarax tifatiha Raadiyow Galgaduud.

“Ma jiraan wax qalad ah oo aan oganahay oo idaacadda ka baxay, balse waxaa laga yaabaa in ay qoonsadeen wararka Soo galitaanka ciidamada Itoobiyaanka ah oo si kooban shalay idaacadda uga baxayay” ayuu ku
daray.

Idaacadda Radio Galgaduud waa midka mid ah idaacadaha ugu dhageysiga badan gobolka Galgaduud waxa uuna maqalkeeda soo gaaraa deegaanno hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan. Maamulka ASWJ ayaa dhowr jeer ee hore waxa ay xireen idaacado ku yaalla deegaannada ay ka arrimyaan ee bartamaha dalka.







Astaanta Qaranka

Muqdisho Axad 21 November 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta)  Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in xukuumaddaSoomaaliya ay soo dhaweyneyso hadalkii dhawaan ka soo baxay ra’iisul wasaaraha dalka Ingiriiska David Cameron ee ahaa in xukuumada Britain ay sanadka soo socdo Marti galin doonto shir weyn oo looga arrin
sanayo xasiloonida Soomaaliya iyo sidii looga hortagi lahaa qafaalka ayburcad badeedu ugeysaneyso gaadiid badeedka marinkoodu yahay biyaha gacanka cadmeed.


Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliyda Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa shaaca ka qaaday in uu soo dhaweynaayo hadalka dhawaan ka soo baxaydhiggiisa dalka Britain David Cameron, waxa uuna xusay in shirkaani uu noqon doono mid taariikhi ah, islamarkaana Soomaaliya u horseedi doono nabad iyo kala danbeyn waarta.

Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa intaa ku daray in argagixisada iyo burcad badeeda ay caqabd ku yihiin Soomaaliya iyo caalamka intiisa kale, waxa uuna tilmaamay in lagama maar maan ay tahay in caalamka uu
xal wada jir ah ka gaaro.

15-ka bisha November ee sanadkan 2011 ayey aheyd markii ra’iisul wasaaraha dalka Ingiriiska David Cameron uu ku dhawaaqay in xukuumadiisu ay sanadka soo socdo Marti galineyso shir weyn oo looga doodayo
xasiloonida Soomaaliya iyo ka hortaga dhibaatada kooxha burcad badeeda ee jid gooyada u dhigatay maraakiibta ganacsiga ee marinkoodu yahay biyaha bariga afrika gaar ahaan badweynta Hindiya.


Muqdisho Axad 20 November 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) : Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sh. Axmed ayaa maanta cafis u fidiyay in ka badan 70 maxaabiis ah oo ku jirtay xabsiga dhexe ee Muqdisho.

Agaasimaha Madaxtooyada Suldan Axmed Faarax ayaa Radio Muqdisho u sheegay in madaxweyne Shariif uu cafis u fidiyay 74 maxabiis ah oo ku jiray xabsiga dhexe kuwaas oo isugu jiray rayid iyo ciidamo.


Sidoo kale Agaasime Suldan ayaa intaa ku daray in maxaabiistaasi ay isugu jireen kuwo hore loo xukumay iyo qaar xukun sugayaal ah, waana
maxaabiis ayuu yiri gashay dambiyo fudfudud.

Ma aha markii ugu horreeysay ee madaxweyne Shariif uu cafis u fidiyo maxaabiis ku jirtay xabsiga dhexe ee dalka.






























Muqdisho Axad 20 November 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) : Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta cafis u
fidiyay in ka badan 70 maxaabiis ah oo ku jirtay xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho.

Agaasimaha Madaxtooyada Suldan Axmed Faarax oo la hadalayay warbaahinta qaranka ayaa shaaca ka qaaday in madaxweyne Shariif uu cafis u fidiyay ku dhawaad 74 maxabiis ah oo ku jiray xabsiga dhexe magaalada Muqdisho, kuwaas oo loo heystay danbiyo cul-culus iyo kuwo fud-fudud waayna isugu jireen rayid iyo ciidamo.

Agaasime Suldan Axmed Faarax ayaa sidoo kale tilmaamay in maxaabiistaasi uu madaxweynaha cafiska u fidiyay ay isugu jireen kuwo hore loo xukumay iyo qaar xukun sugayaal ah oo ku jiray xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho.

Ma aha markii ugu horreeysay ee madaxweyne Shariif uu cafis u fidiyo maxaabiis ku jirtay xabsiga dhexe ee dalka.





Muqdisho Axad 20 November 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) : Dhoobley, Wafdi ballaaran oo uu  hogaaminaayo Ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka ganacsiga iyo
warshadaha mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa maanta gaaray magaalda Dhoobley ee gobolka Jubada Hoose, iyagoo saacadaha soo
socda kullamo xassaasi ah la qaadan doona saraakiisha dowladda ee howl-galada kawada deegaanada gobolkaasi.
Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda arimaha gudaha iyo amniga Qaranka iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Booqashada Wafdigaani ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa imaaneysaa xili dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ay wadaan oo howlgal ay iska kaashanayaan la dagaalanka ururka Al-shabaab.


 November  20, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) : Hay’ada Qaraamada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga Adduunka ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano UNHCR ayaa shaaca ka qaaday in ay cirka isku sii shareereyso tirada tahriibayaasha naftooda ku haligaya biyaha badda ee dooneysa in ay si sharci darro ah ku galaan dalka Yemen.

Afhayeen u hadlay Hay’adda UNHCR ayaa tilmaamay in qaxooti u badan Soomaali ay maalin waliba galaan gudaha dalka Yemen, isagoo xusay in bishii la soo dhaafnay dalka Yemen ay galeen ku dhawaad 12000 oo qaxooti Soomaaliyeed ah, kuwaa oo ka soo cararay abaaraha iyo collaadaha isbiirsaday ee ka taagan dalka Soomaaliya.

Sidoo kale afhayeenku waxa uu tibaaxay in dalka Yemen ay bishaan ookaliya ay gaareen qaxooti aad u farabadan oo isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan oo tiradoodu gaareyso 85000, kuwaa oo qaarkood ku dhinteen Badda.

Ugu danbeyntii warbixin ay soo saaraty hay’adda UNHCR ayaa waxaa lagu sheegay in Tiradan ay tahay mid ka badan tii sanadkii 2009kiioo aheyd 77000 tahriibayaal sharci daro ku galay dalka Yemen, ayna badankooda ka soo Jeedeen dalka  Ethiopia.

 November 19, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) : Booqashadi uu madaxweynahay ku tagay dalka Sudan waxaa qeyb ka ahaa kulan uu la yeeshay ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta jaamacadaha dalkaaasi oo ah ardayda ugu badan ee waddan carbeed, waxaana lagu qiyaasaa ilaa 2 kun oo arday oo wax ka barta jaamacadaha kala duwan ee dalkaasi.

WAR SAXAAFADEED

 November 18, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) :

y magaalada Nairobi.



Wafdi uu hogaaminayo Wakiilka gaarka ah ee Dowladda USA Danjire James Swan ayaa maanta gaaray magaalada Garowe ee caasimadda Dowladda Puntland.

Danjire Swan oo ay safarkaan ku wehliyeen sarakiil ka tirsan Safaarada USA ee dalka Kenya iyo sarakiisha Hey’adda USAID ayaa waxaa madaarka Garowe kusoo dhaweeyey mas’uuliyiinta Dowladda Puntland oo ay
horkacayeen Wasiirka Waxbarashada Cabdi Farax Juxa iyo Wasiiru-dowlaha Xiriirka Caalamiga Cabdulqadir Cabdi Xaashi.

Wafdiga Safiirka USA ayaa loo soo galbiyey Madaxtooyadda Dowladda Puntland, halkaasoo uu Danjire Swan wadahadal kula yeeshay Madaxweynaha Puntland Cabdiraxman Maxamad Farole iyo Madaxweyne-ku-xigeenka Puntland Cabdisamad Cali Shire.

Arrimihii laga wada hadlay waxaa ka mid ahaa: hirgalinta heshiiskii “Roadmap” iyo horumarinta nabadeynta Somalia; doorka iyo waxqabadka IGAD iyo Midowga Afrika (African Union) kaga aadan xasilinta Somalia;
arrimaha ladagaalanka burcad-badeedka; siyaasadda Dowladda USA ee “Dual Track policy”; iyo taageerida mashaariicda bini’aadanimo iyo mashaariicda horumarineed ee Dowladda USA ka taageerto Puntland

Wafdigii Danjire Swan ayaa ka kulmay Ganacsatada Puntland kana socday shirkadaha ku howlan qeybaha ganacsiga sida dhoofinta xoolaha, telefanada (telcom), tamarta (energy), xawaaladaha, caafimaadka, iyo
adeega bulshada.

Waa safarkii ugu  horeeyey uu gudaha Somalia kusoo gaaro Danjire Swan tan iyo markii loo magacaabay Wakiilka gaarka ah ee arrimaha Somalia, bishii Agosto 2011.

Madaxweynaha Puntland iyo Danjiraha USA ayaa shir jaraa’id si wadajir ah ugu qabtay gudaha Madaxto

 November 18, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) :

 November 18, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) :Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo wefdigiisa oo dalka ku soo laabtay maanta ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyey Mudisho. 

 Hay’adda Human Rights Watch ayaa dowladda Kenya ugu baaqay in ay illaaliso xuquuqda dadka iyo sharuudaha caalamiga ah gaar ahaan howglka ay ciidamadeeda ka wadaan guddaha Soomaaliya si ay ugo fogaato dhibaato la gaarsiiyo dadka rayidka ah.

Hay’adda xuquuqda aadannaha u doodda ee la yiraahdo Human Rights Watch ayaa dowladda Kenya ugu baaqay in ay si wanaagsan u dhowrto shuruudaha caalamiga ah gaar ahaan kuwa dagaalka ka dhanka ah, masuul ka tirsan hay’adda Human ayaa tilmaamay in ay il gaar ah ku hayaan howgalka ciidamada Kenya ay ka wadaan qeybo ka mid ah Soomaaliya.

War qoraal ah oo hay’adda ay soo saartay ayaa dowladda Kenya loogu sheegay in baarintaanno ay ku sameyso weerarradii xagga circa ahaa ee ka dhacay qeybo ka mid ah gobollada Jubbooyinka kaasi oo la sheegay in qasaaro uu ka soo gaaray dad rayid ah oo ku jiray xero qaxooti oo ka ag dhaweed bar ay ku sugnaayeen maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Dhinaca hay’adda ayaa walaac ka muujisay dagaallada ka dhacaya goobaha ay ku sugan yihiin dadka shacabka iyo dhacdooyinka soo lab laabtay ee ay dadka rayidka lagu waxyeelleenayo.

Sidoo kale hay’adda Human Rights Watch ayaa sheegay in dhinacyada dagaalka wada ay illaaliyaan dhammaan sharuucda caalamiga ah ee dagaal u degsan si meesha ay uga baxda waxyaabaha dhalliisha keenaya.


November 18, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) : Maamulka gobolka Banaadir ayaa ku eedeeyay mas’uuliyadda shaqaaqoyinka ka dhasha goobaha lagu bixnayo raashinka gargaarka ah  qaar Ka mid ah NGO yada iyo hay’adaha gargaarka bixiya iyagoo dhinaca kalena ashtako ka muujiyay kooxo ku lebisan dareeska ciidamada dowladda.

Guddoomiyaha maamulka G/banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa waxa uu sheegay in hay’addaha bixiya gargaarka   ay mas’uul ka yihiin dhibaatada ka dhalato goobaha lagu qeybinaya raashiinka gargaarka ah  ee loogu talo galay dadka ay abaartu saameeysay.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa waxa uu xusay in dhibaatada ku timaado dadka rayidka ah ay sabab u yihiin mas’uuliyiinta ha’addaha samafalka taas oo uu ku tilmaamay in ay geyaan gooba ay dagan yihiin dadka barakacayaasha ah raashiin aan ku filneen.

Dhanka kale mar uu ka hadlayay Guddoomiyaha raga ku labisan dareeska ciiidan ayaa waxa uu ka codsaday madaxada dowladda in wax laga qabto dadka ku labisan dareeska ciidanka si loo badbaadiyo nolosha dadka.


 November 18, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) : Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa kullan kulla qaatay dhiggiisa dalka Sudan magaalada Khartuum iyadoo ay labada madaxweyne ay ka wada hadleenhorumarinta xiriika laba dalka iyo sidii loo kordhin lahaa gurmad ay hellayaan shacabka Soomaaliyeed.

Sariirka Soomaaliya u joogga dalka Sudan mudane Ibraahim Guure Maxamed oo la hadlay Radio Muqdisho isaga oo ku sugan magaalada Khartuuayaa sheegay in kullan laba madaxweyne looga hadlay xiriirka labada dowladdood iyo hormarka adeegyada shacabka ay u baahan yihiin sidii loo kordhin lahaa.

Sidoo kale waxa uu sheegay safiirka in madaxda ay ka wada hadleen in lasii laba jibaarro gargaarka ay u baahin yihiin ummada Soomaaliyeed oo qaar ka mid ah ay sameyn adag ku yeesheen abaaraha ku dhuftay qeybo ka mid ah gobollada dalka.

Mudane Ibraahim Guure Maxamed ayaa sheegay in madaxweynaha Jamhuuriyadda Sudan uu ballan qaaday in uu kaalin weyn ka qaadanayo dhammaan caawimaada shacabka Soomaaliyeed loo sameynayo.

Waxa uu tilmaamay in kullan madaxweynayaasha uu ku sii biiray wasii dowlaha madaxtooyada Sudan iyo masuuliyiin kale oo reer Sudan ah.

Safiirka Soomaaliya ee Sudan ayaa hoosta ka xariiqay in madaxweynahaJamhuuriyadda Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu si weyn usoo dhaweeyay ballan qaadka ay dowladda Sudan u sameysay dowladda Soomaaliyeed.

 November 18, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) : Xildhibaanada Baarlamanka Dowlada Puntland ayaa markii ugu horeysay ka hadlay Dagaalada mudooyinkii ugu dambeeyay ku dhexmarayay Gobolka Karkaar laba beel oo halkaasi wada dega.

Kuan saxaafadeed ay maanta ku qabteen Xarunta Baarlamanka Puntland ee Magaalada Garoowey waxay Xildhibaanadu ku sheegeen in ay si aad ah uga xunyihiin dagaalada ka dhacaya qeybo ka mid ah gobolka iyagoona u jeediyay dhinacyada dagaalamayaa Baaq ah in si deg deg ah ay u joojiyaan dirirta .

Xildhibaan Cusmaan Xasan oo ka mid ah xildhibaanadii ka hadashay shirka jaraa’id ayaa ugu baaqay labada dhinac ee dagaalamaya iyo welibawaxgaradkoodu ay si deg deg ah u joojiyaan dagaalada dhacaya.

Waxaa uu sidoo kale ka codsaday Dhanka dowlada talaabo sharciga waafaqsan in ay ka qaadaan dhinacyada dagaalada wada .

Xildhibaan Yuusuf Saalax Samatar aya isagana dhankiisa ugu baaqay labada beel ee dagaalamaya in ay dagaalka joojiyaan islamarkaana ay qaataan nabada isuguna yimaadaan wada hadal xalkeeda halkaasi ku gaaraan.

“Waxaan ugu baaqeynaa Labadaasi beelood ee walaalaha ah in dagaalada dhexmaraya ay joojiyaan, Ilaahey unoqdaan, gartaana faa iidada Nabada
iyo isdhexgalka bulshada” ayaa hadaladiisii ka mid ahaa xildhibaan Yuusuf Saalax.

Sikastaba ha ahaatee baaqyada laga dirayo dagaalada ka dhacay Degmada Rako ee gobolka Karkaar ayaa noqonaya kuwo isa soo taraya, islamarkaanaloogu sheegayo labada dhinac ee ismaandhaafsan in ay ka tanaasulaan dagaal iyo colaad qaataana nabad.

XAFIISKA MADAXWEYNAHA

OFFICE OF THE PRESIDENT



 November 17, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) : Madaxweynaha Jamhuuriyda ahna taliyaha guud ee ciidamada Xoogga dalka Mudane Shariif Shiikh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray caasimada dalka Suudaan ee Khartoum.

Wafdiga madaxweynaha oo wasiirro iyo mas’uuliyiin kale ka koobnaa ayaa waxaa garoonka diyaardaha caalamiga ah ee magaalada Khartuum ku sooDhoweeyay dhiggiisa dalkaasi Mudane Cumar Xassan Al-Bashiir iyomas’uuliyiin ka tirsan dowladda Suunaan.

Madaxweynaha dalka ayaa halkaasi salaan kaga qaatay cutubyo ka mid ah Baambeeyda Suudaan, kadibna waxa ay u gudbeen isaga iyo wafdigii la socdayba aqalka madaxtooyada dalkaasi oo kulamo kula leeyihiin mas’uuliyiin uu ugu horreeyo madaxweyne Al-Bashir.


 November 17, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) : Wasiirka warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane C/qaadir Xuseen Maxamed (Jaahweyn) ayaa sheegay in ciidamada ay horumar wanaagsan ka sameeyeen dhanka ammaanka magaalada Muqdisho todobaadyadii la soo dhaafay.

Wasiirka oo ka hadlayay shir jaraa’id oo uu maanta magaalada Muqdisho ku qabtay kadib shirkii todobaadlaha ahaa ee golaha wasiirrada ayaa ciidamada kaalintooda ku tilmaamay mid geesinimo, maadaama ay ku guuleysteen xasilinta arrinka  magaalada caasimadda ah oo in mudo ah aysan ka dhicin falal ammaan darro.

“Todobaadkii la soo dhaafay waxa uu ahaa mid deggan oo ammaanka magaalada aad ayaa loo sugay, taana mahaddeeda waxaa leh ciidamada iyo madaxdooda oo iska xilsaaray ammaanka” ayuu yiri Jaahweyn.

Wasiirka oo ka amba qaadayay warbixintii ay wasaaradda gaashaandhigga ay soo gudbisay ee ka hadleysay howl-karnimada ciidamada ayaa uga mahadceleyay sida ay dhiiggooda ugu hureen dalkooda iyo dadkooda , isaga oo kula ballamay in dadaalkooda sii laba laabaan si gebi ahaanba cadowga wadanka looga saaro.

“warbixinta uu wasiiru dowlaha gaashaandhigga soo bandhigay waxa ay ahayd mid aad u faahfaahsan oo cadeyneysa guulaha ciidanka”. Ayuu ku daray.

Todobaadyadii la soo dhaafay ayey magaalada Muqdisho waxa ay ahayd mid ammaan ahaan aad u daggan, kadib howl gallo ay ciidamada gaarka ah iyo kuwa booliska ay degmooyinka caasimadda ka sameeyeen, iyo ciidamada qalabka sida oo duleedyada woqooyi iyo galbeed ee Muqdisho ku sii baacsanaya Maleeshiyada argagixisada ah ee Al-shabaab.

Maraykanka oo kasoo horjeestay in uu taageero Kenya



Washington: (Sh. M Network)-  Wasaaradda Gaashaandhiga ee dowladda Maraykanka ee Bantikonka ayaa ku gacan seertay dalabkii dhawaan kasoo yeeray dowladda Kenya oo ahaa in Ciidamada Kenyaatiga ah ee ku sugan Koofurta Soomaaliya ay dowladda Maraykanka ka gacan siiso la dagaalanka Al Shabaab.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga ee dowladda Maraykanka John Kirvy oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Washington ayaa sheegay inay daawanayaan howlgallada Ciidamada Kenya ay ka wadaan Koofurta Soomaaliya oo ay ku baacsanayaan Al Shabaab, hase ahaatee waxaa uu hoosta ka xariiqay in dowladdiisa marna ay Ciidamada Kenya ay gacan ku siineyn la dagaalanka Al Shabaab.


“Madoonayno in dowladda Kenya aan ku taageerno la dagaalanka Al Shabaab, hase ahaatee waan ognahaya in Al Shabaab ay yihiin Urur aargigixiso ah oo falal ammaan dari ka gaysan kara gobolka geeska Afrika, taasi micnaheedu maahan in dowladda Kenya aan ku caawino ciribtirka Al Shabaab” sidaasi waxaa yiri John Kirvy oo ah Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga ee dowladda Maraykanka.


Maalin ka hor ayay aheyd markii Wakiilka Qaramada Midoobay u fadhiya dowladda Kenya uu Maraykanka ka dalbatay in Kenya lagu gacan siiyo ka hortaga iyo baabi’inta Al Shabaab



 November 17, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) : Hoggaanka socdaalka iyo Jinsiyaddaha dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dalka Kenya lagu qabtay nin Hindi ah oo sitay Baasaboor aysan ogeyn dowladda Soomaaliya halka laga keenay kaasi  iyadoo sheegtay in baarintaan kaddib ay tallaabo ka qaadi doonaan ninkaasi.

Taliyaha Hoggaanka Socdaalka iyo Jinsiyaddaha dowladda Soomaaliya general C/llaahi Gaaroof Maxamuud oo wareysi siiyay Radio Muqdisho ayaa sheegay in dalka Kenya lagu qabtay nin Hindi ah oo watay Baasaboorro aanu ogeyn dowladda Soomaaliya halka laga keenay isagoo xusay in si aan sharci ahayn la isaga sanmeystay dalka ku galka Soomaaliya.

General Gaafoow ayaa farta ku fiiqay in ninka Hindiga ah ee lagu qabtay Baasaboorka been abbuurka ah ay  horey dowladda Soomaaliya shirkad uu lee yahay ugu sameyn jirtay Baasaboorro hasa ahaatee Qandasaarkaasii uu mar hore u dhammaaday, waxa uuna intaa ku daray in arrintaasi ay baarintaanno ku hayaan.

Taliyaha Hoggaanka Socdaalka iyo Jinsiyaddaha ayaa sheegay in markii ay ciidamada Kenya qabteenka ninka Hindiga ah uu ku dooday in uu safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya uu waday Baasaboorro ka haray kuwii uu horey ugu sameyn jiray dowladda Soomaaliya.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in barintaan kaddib maxkamad la soo taagi doono ninkaasi si loo kala cadeeyo sababta ka danbeeysay in la iska sameysto Baasaboorka Soomaaliya oo been abbuur ah.


 November 16, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta)  Shir sadex geesood ah ayaa galabta ugu soo gabagaboobay magaalada Nayaroobi madaxweyanyaasha dalalka Soomaaliya, Kenya iyo Uganda.

Shirka ayaa waxaa diiradda lagu saaray arrimaha ammaanka sadexda dal iyo sidii iskaashi mideysan looga yeelan lahaa la dagaallanka Al-shaab oo khatar ku ah ammaanka gobolka.


Go’aannadii shirka ka soo baxay ayaa waxaa ugu muhiimsanaa in hoggaanka dagaalka ay si toos ah u hayaan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, isla markaana ay dowladda Kenya ka taakuleyneyso dhanka Loojiistikada iyo tabarrada.

Kulankaan ayaa waxa uu meesha ka saaray mad madowga soo dhex galay iskaashiga dhanka ciidamada ah ee soo kala dhex galay labada dowladood ee Soomaaliya iyo
Kenya.

“Waxaa ugu muhiimsanaa kulankaan in meesha laga saaray mad madowga, howlgalkana ay hogaamiyaan ciidamada Soomaaliya, taasna waa la isku raacay” ayuu yiri  ra’iisulwasaare ku xigeenka ahna wasiirka Gaashaandhigga XKMG Xuseen Carab Ciise.

Dhanka dowladda KMG ah ee Soomaaliya waxaa shirkaan uga qeybgalay wafdi uu hoggaaminayay madaxweynaha , ayna xubno ka ahaayeen wasiirrada Gaashaandhigga, arrimaha gudaha iyo aminiga qaranka, wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda, dhanka Kenya waxaa hoggaaminayay Moway Kibaaki madaxweynaha dalkaasi, iyo Madaxweynaha Ugandha Yuweeri Musafani.


November 16, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) :R/wasaaraha dalka ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday qaramada Midoobay kaas oo ay ka wadahadleen arrimo ku saabsan xaaladaha
siyaasadeed iyo bani’aadanimo ee dalka.

Wafdigan ka socday qaramada midoobay ee uu maanta xafiiskiisa ku qaabilay R/wsaare C/weli “Gaas” ayaa waxaa kala hoggaaminayay ku xigeenka wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay u
qaabilsan arrimaha Soomaaliya Christian Manhal iyo Mak Bowden isku duwaha arrimaha gargaarka bani’aadanimada qaramada midoobay ee Soomaaliya.

Wafdiga ayaa markii ay soo gaareen xafiiska waxaa kulan dheer la qaatay R/wasaaraha iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen kulankaasi xubno ka tirsan golaha Wasiirada iyo maamulka gobolka banaaadir.

R/wasaaraha oo markii uu soo dhamaaday kulanka kadib la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in waxyaabaha ugu muhiimsan oo uu kalahadlay wafdigaasi ay ahaayeen sidii hay’adaha qaramada midoobay
xafiisyadooda ugu soo rari lahaayeen gudaha magaalada Muqdisho, dardar gelinta howlaha Road Mapka iyo sidii barakacayaasha dib loogu celin lahaa goboladii ay markii hore kasoo barakaceen. R/wasaaraha ayaa dhankakale hoosta ka xariiqay in laga yaabo in uu waqtigii horay loogu qabtay uu ku qabsoomi waayo shirkii wadatashiga ahaa ee lagu balansaana in bishan 19 keeda lagu qabto magaalada Garowe.

Sidoo kale Chrisan Manhal ku xuigeenka ergayga xoghayaha guud ee qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo isna la hadlay warbaahinta qaranka yaa tilmaamay in uu kulan wanaagsan la yeeshay R/wasaaraha
islamrkaana uu kala hadlay arrimo ay ka mid tahay sidii loo hirgelin lahaa Road Mapka iyo sida  beesha caalamka gacan ugu siin laheyd dowladda hirgelintiisa.

Wafdigan ka socday Q/midoobay ayaa imaanshahooda wuxuu ku soo beegmayaa waqti ay maalmo kooban ka harsantahay xilligii loo qabtay in uu magaalada Garoowe ka dhaco shirkii wada tashiga kaas oo qeybtiisa hore lagu qabtay Muqdisho horaantii bishii September.








November 16, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) : Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa goor dhow ka degay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaraddaha Joma Kenyatta ee magaalada Nairobi  si heer sare  ah gu soo dhaweeyay masuuliyiin ka mid yihiin R/wasaare ku xigeen ahna wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, wasiirka arrimaha guddaha Soomaaliya iyo  masuuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Kenya.

Madaweynaha ayaa lagu wadaa in isla maanta uu kullamo xasaasi ah la qaato madaxda dowladda Kenya iyo masuuliyiin kale oo socota dowladda Ugandha oo uu hoggaaminayo madaxweynaha dalka Ugandha.

Kullamada ay wada yeellan doonan masuuliyiintaasi ayaa looga hadlayaa xoojin amniga Soomaaliya iyo dalalka dariska la ah si lo bur buriyo maleeshiyada argagixisad aah ee Al-Shabaab.


November 16, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) :  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo wafdi ballaan oo uu hoggaaminayo ayaa goor dhow u anbabaxay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa marka  ay gaaraan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa wax ay kullamo la qaadan doonaan madaxweynaha dalkaasi iyo masuuliyiinta kale ee dlaka Kenya si ay uga wadda hadlaan arrimaha ammaanka.

Sidoo kale waxa uu madaxweynaha la kulmi doonaan madaxweynaha Ugandha oo ku sugan dalka Kenya si ay uga arrinsadaan xoojinta la dagaallanka kooxda Al-Shabaab.

Wafdiga madaxweynaha Nairobi waxaa uga horeeya wasiirka  Gaashaandhigga iyo wasiirka arrimaha guddaha iyo amniga qaranka iyadoo wasiirka gaashaandhigga uu shir uga aoo qeyb galay dalka Ethiopia.


November 16, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) : Taliska ciidamada Booliska gobolka Banaadir ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgallo ay ciidamada Basliiska ku soo qabteen gaari lagu soo buuxiyay waxyaabaha qarxa iyo siddeed ruux xilli ay marayeen  qeybo ka mid ah  degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Kaddib howlgallo ay ciidamada amniga gobolka Banaadir ka sameeyeen xaafaddaha lix iyo tobanka degmo ayaa waxaa ciidamada Baliiska u suurta gashay in ay howlgalkooda ku soo qabtaan gaari nuuciisu yahay Caasi islaamrkaana ay la socdeen illaa iyo 15 ruux kaasi oo ay ku rarnaayeen walxaha qarxa xilli uu marar xaafaddo ka tirsan degmada Hodan.

Taliyaha ciidamada Basliiska gobolka Banaadir Cornel Axmed Xasan Maallin oo howlhalkaasi kaddib Radio Muqdisho la hadlay ayaa sheegay in gaarigaasi ay  ka soo qabteen Isgoyska Tarbuunka ee degmada Hodan kaasi oo uu sheegay in uu ka yimid dhan waddada Ceelasha Biyaha, isagoo xusay in baarintaan kaddib  ay arrintaasi u xir xireen 8 ruux oo hadda ku
xiran xarunta danbi baarista ee CID haddii dabi lagu waayana la sii deyn doono.

Sidoo kale taliyaha ayaa hoosta ka xariiqay in marnaba aysan joojin doonin howgallada ay ka wadaan gobolka Banaadir ee lagu sugayo ammaanka caasimadda kaddib markii Al-Shabaab la geeyay magaalada banaankeeda xiligaanina muhiim ay tahay in la xoojiyo amniga.


November 15, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) :  Waxaa xalay lagu soo gaba gabeeyay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia kullan looga hadlay xaaladda amin ee Soomaaliya iyo xoojinta howlgallada ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM iyadoo kullankaasina laga soo saaray go’aanno wax ku owl ah.

Kullankaani oo looga hadlay xaaladda amni ee dalka Soomaaliya iyo hormarka laga gaaray howlgalka ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Midoowga Afrika ee AMISOM ayaa waxaa soo qaban qaabiyay ururka Midoowga Afrika iyadoo lagu qabtay xarunta ururkaasi ee magaalada Adis Ababa ee dalka Ethiopia waxaana ka soo qeyb galay dalalka arrimaha Soomaaliya
daneeya, iyadoo dowladda Soomaaliyana ay u joogeen kullankaasi R/wasaare ku xigeen ahna wasiirka Gaashaandhigga iyo taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

R/wasaare ku xigeen ahna wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya mudane Xuseen Carab Ciise oo gaba gabdii kullankaasi kaddib wareysi siiyay Radio Muqdisho ayaa sheegay in la wada hadlay hormarka la gaaray halka uu garsiisan yahay iyo xoojinta howlgallada ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay ka wadaan guddaha Soomaaliya isagoo tilmamaay in arrimahaasi la isku afgartay.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa xusay in dalalka madaxdooda ay ka soo qeyb galeen kullankaasi ay ballan qaadeyn in meel ay uga soo wada jeesan doonaan la dagaallanka kooxda Al-Shabaab Si Soomaaliya ay u noqoto goob degan.

Sidoo kale waxa uu farta ku fiiqay in laga soo saaray kullanka go’aanno ka hadlay sidii loo kordhin lahaa ciidamada Midoowga Afrika ee  Soomaaliya ka howgalla iyo taageeradacaalamka in ay noqoto mid joogto
ah.

Waxa uu ugu danbeyntii tibaaxay in dowladdo ay ka mid tahay Jamhuuriyadda Jabuubi in ay si dhaqso ah ciidamo ku keeni doonto Soomaaliya dalalka kalena ay ballan qaadeen in ay ciidamo soo dirayaan.





























 
 





 















Qaahira : November 15, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) : Ra'iisul Ingiriiska: "Dowladda Soomaaliya way fashilantay,
waxayna ku guuleysan weysay inay wax ka qabato xaaladda wadanka, gaar
ahaan dhinacyada amniga..."

Dowladda Ingiriiska ayaa shaacisay in arrimaha Soomaaliya ee murugsan tallaabo u qaadi doonto sidii ay door muuqda uga qaadan lahayd nabadda iyo xasilinta dalkaasi ay la degeen dagaalada sokeeye mudada ka badan
20-ka sano.
Mr. David Cameron Ra'iisul Wasaaraha Britain ayaa sheegay in dalkiisa uu ku qabanayo shir caalami ah, kaasi oo looga hadlayo arrimaha wadanka Soomaaliya sanadkan cusub ee soo socda.


Waxa uu sheegay Ra'iisal Wasaaraha Dowladda Ingiriiska oo isagu khudbad ka jeedinayay xarunta ganacsiga magaalada London in Dowladda Soomaaliya ay fashilantay, isla markaana ku guuleysan weysay inay wax ka qabato xaaladda wadanka, gaar ahaan dhinacyada amniga, wuxuuna caddeeyay in shirkaasi looga hadlayo sidii wadanka Soomaaliya looga qaban lahaa kooxaha argagixisada ah ee ku sii faafaya.

Mr. David Cameron ayaa sheegay in wadanka Soomaaliya lagu heysto samafalayaal u dhashay Britanin, kuwaasi oo ay afduubteen dabley Soomaaliyeed oo xiriir la leh kooxaha argagixisada ah ee Shabaab iyo Al-Qaacida, sidaasi darteedna waxa uu tilmaamay in shirka ay ka soo qeyb gelayaan dhammaan qeybaha Soomaalida, madax ka socota caalamka, gaar ahaan dalalka Afrika, Carabta, Yurub iyo Mareykanka.
Shirka caalamiga ah ee Ra'iisal Wasaaraha Ingiriiska uu ku dhawaacay inuu sanadka dambe u qabanayo Soomaaliya, ayuu sheegay Mr. David Cameron in sidoo kale ay ka soo qeyb gelayaan madax ka tirsan Dowladda KMG ah iyo ergo ka socota maamulada dalka ka jira.

Dr. C/qaasim oo kasoo horjeestay soo galitaanka Kenya ee Somaliya



Qaahira : November 14, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) : Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Dr. C/qaasim Salaad Xasan ayaa waxa uu sheegay
inuu kasoo horjeedo soo galitaanka ciidamada Kenya ee gudaha Soomaaliya.


Dr. C/qaasim Salaad Xasan oo ahaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo waraysi siiyay Idaacadda Shabelle isagoo ku sugan Magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa waxaa uu kasoo horjeestay soo galitaanka Ciidamada Kenya ee wadanka Soomaaliya taasi oo uu ku tilmaamay inaysan aheyn mid toosan.


C/qaasin ayaa waxaa uu sheegay in Kenya ay daris la tahay Soomaaliya, isagoo sheegay inay xaq u leedahay inay difaacdo qaranimadeeda, hase ahaatee looga baahnaa inay ku ekaato Xuduudeeda, isagoo ugu baaqay dowladda Kenya in Ciidamadeeda ay kala baxdo gudaha dalka Soomaaliya.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/qaasim Salaad Xasan ayaa waxaa uu tilmaamay inaysan suuro gal aheyn in Kenya ay duqyso dal iyo dad madaxbanaan aysan xaq u laheyn sida uu sheegay, wuxuuna kula taliyay in Kenya iyo wadamada reer galbeedka ah ee taagayrayay inay joojiyaan duqeymaha Kenya ay sheegtay inay ka fulinayso Soomaaliya.


Deegaano ka mid ah gobolada Jubbooyinka ayaa waxaa ku sugan Ciidamo farabadan oo ka tirsan Kenya kuwaasi oo dalka usoo galay inay la dagaalamaan Xarakada Al Shabaab oo ay ku eedeeyeen inay amaan dari ka gaystaan Xadka dalkaasi uu lawadaago Soomaaliya.



November 14, 2011 (Wararka Dowladda : Wasaaradda Maaaliyadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in uu socda qorshe ballaaran oo lagu calaameynayo lacagaha Canshuurta ee berriga laga qaadayo iyadoo dhinaca kale  sheegtay in lacagaha Canshuurta ee Qaadka laga qaado ay heshiis kulla gashay shirkad gacansi oo arrimahaasi fududeeneyso.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda FDKMG Soomaaliya C/naasir Maxamed  Cabdulle oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in wasaaradda Maaliyadda iyo Lacagta ay wado qorshe ay ku soo celineyso lacagihii berriga laga qaadi jiray isagoo tilmaamay in arrintaasi qorshaheeda uu socda goor dhowna la hir galin doono.

Wasiir ayaa sheegay in ay wadaan dadaal ballaaran oo ku aadan sidii la isu waafajin lahaa Canshuurta iyo ganacstada si aysan u dhicin waxacaqabad ah oo ku yimaada arrimhaasi.

Dhinaca kale mudane C/naasir Maxamed Cabdulle ayaa sheegay in Canshuuraha laga qaado ganacsatada Qaadka in ay heshiis kulla galeen shirkad ganacsi oo lagu magcaabo ADCO Group si ay arrimahaasi ay u fududeyso, isagoo dhan kale tibaaxay in shirkaddaasi aysan awood u laheen in ay kordhiso lagacaha Canshuurta ee Qaadka laga qaado.

Sidoo kale guddoomiyaha shirkadda ADCO Group Axmed Ducaalle Jeelle (Xaaf) oo Radio Muqdisho la hadlay ayaa sheegay in ay goor hore ay ku  war galiyeen ganacsatada Qaadka in ay iska bixiyaan lacagta Canshuurta, isagoo xusay in ay ganacsatada ay iska dhaga tireen.

Axmed Ducaalle Jeelle ayaa hoosta ka xariiqay in muddo maalmo ah ay u qabteen in ganacsatada ay lacagaha ay isaga bixiyaan arrintaasina aymaanta ku egtahay maantana ay ganacsatada ku soo talla galaan lacagaha Canshuuraha ah.

Duqeymo hor leh oo loo adeegsaday gantaallo ayaa lala bartilmaameedsaday goobo  dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ayadoo November 14, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) : Goobaha la  duqeeyeyna ay yihiin xarummo ay Maleeshiyada Kooxda Khawaarijta ah ee
Al-Shabaab ku leeyihiin gobolkaasi.

Duqeymahan ayaa tii ugu horeeysay waxaa lala bartilmaameedsaday xarun ay Shabaabku ku lahaayeen degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose gaar ahaan goob dhabarka dambe ka ah xarunta Tadaamun halkaasi oo lagu  dhuftay ilaa Laba Gantaal sida ay dadka deegaanku inoo xaqiijiyeen  waxaana duqeyntaasi ka dhashay qasaare soo gaaray Horjoogayaal isugu jira Ajaaniib iyo Soomaali oo goobta ku shirsanaa.

Waxyar kadib markii duqeyntaasi ay dhacday ayaa waxaa gantaal kale isna lala bartilmaameedsaday xerro ay Maleeshiyada Al-Shabaab ku lahaayeen duleedka deegaanka No 50 ee isla gobolkaasi halkaasi oo iyana
ay ka dhaseen qasaare lexaad leh oo soo gaaray Maleeshiyaad isugu jiray kuwo gobollada laga soo kala ururiyey iyo kuwo cusub oo ay Shabaabku hada doonayeen inay dagaal geliyaan iyo sidoo kale Horjoogayaashii awaamiirta siinayey.

November 13, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) : Ra'iisal Wasaare Xaaji C/Weli oo ka soo laabtay Guadashada Waajibaadka Xajka soona gaaray maanta magaalada Muqdisho

Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Muqdisho waxaa maantasoo gaaray wafdi uu hoggaaminayo Ra'iisal Wasaare C/Weli Maxamed Cali oo ka qeyb galay Xajka sanadkaan.

Xubno ka tirsan Golayaasha Xukuumadda KMG ah ayaa iyagu ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha caalamiga ah, waxaana halkaasi sidoo kale ku soo dhoweeyay weafdiga Ra'iisal Wasaaraha qaar ka mid ah ururrada  bulshada rayidka ah sida ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed, ururrada dhallinyarada iyo madax kale oo ka tirsan qeybaha bulshada Soomaaliyeed.

Ra'iisal Wasaaraha Dowladda KMG ah Xaaji C/Weli Maxamed Cali ayaa mid mid u gacan qaaday dadkii halkaasi ku dhoweeyay, isagoona uga mahad celiyay dhammaanba intii ka qeyb gashay soo dhoweyntiisa.



Ciyaar adag oo dhexmartay Xulalka qaranka Somaliya iyo Ethiopia

Jabuuti: 
November 13, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) : Ciyaartaani oo ahey mid xiisad leh ayaa galabta waxaa ay dhexmaray Xulka Kubadda Cagta ee Qaranka Soomaaliya iyo Xulka Ethiopia, iyadoo Ciyaartaasi ay ka dhacday

Garoonka Guuleed Abti-doon Stadium oo ku yaala dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Ciyaartaani oo si toos ah looga daabanayay Tv-ga Shabakadda Warbaahinta Shabelle ayaa waxaa si toos ah u baahiniyay Talefeshinka Qaranka Jabuuti ee RTD, waxaana Labada koox ayaa ahaayeen kuwa u cayaarayay si heersaro ah islamarkaana daqiiqadihii ay socotay ciyaarta ay aheyd mid weerar iyo weerar celis ah.


Ciyaartaani ayaa waxa ay ka mid aheyd Ciyaaraha loogu soo baxayo is reeb reeb Koobka Aduunka ee Sanadka 2014-ka, iyadoo Xulka Soomaaliya maanta Garoonka Jabuuti ay ugu cayaarayeen
sida gurigoodu oo kale maadaama aan la’isku haleyn Karin amaanka Magaalada Muqdisho.


Qeybtii hore ee Ciyaarta ayaa waxa weerar aad u badan waday Xulka qaranka ee dalka Ethiopa, hase ahaatee qeybta dambe ee Ciyaarta ayaa Xulka Soomaalida waxaa ay bilaabeen weerar lixaad lah oo ay ku qaadayaan goosha Xulka Ethiopia taasi oo keentay in mid ka mid ah Ciyaaryahanada qadka dhexe ee Ethiopia uu daqiiqadii 61-aad uu karaka cas qaato kadib markii uu si bareer ah u haraantiyay mid ka mid ah ciyaarahanada Soomaaliya.


Inkastoo labada xul ay heleen fursado wanaagsan ayaa hadana waxaa xusid in Xulka ku badda Cagta ee Ethiopia ay shabaqa dul dhigeen ilaa 3-gool oo ahaa Hobsite, hase ahaatee Garoonka ayaa waxaa lagu arkayay taageero farabadan oo Soomaali ah kuwaasi oo sitay calanka Baluuga oo ay dhexda kaga qoran Xidigta.


Sikastaba Ciyaartaani ayaa waxa ay 90-kii daqiiqo ee loogu talagalay ay kusoo gaba gaboowday 0-0, iyadoo ciyaartaani lugteeda labaad ay labada xul ku balan san yihiin Magaalada Addis’ Ababa ee Xarunta dalka Ethiopia.

Ameeriko: “Waxaan Xabsiyda Kenya kasii daaynay dad Somali ah”




November 13, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) : Safaaradda Soomaaliya ee Kenya ayaa sheegtay inay ku guulaysata in Xabsiga dalkaasi ay kasii daysay Muwadiniin Soomaali ah.


Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Max’ed Cali Ameeriko oo waraysi gaar ah siiyay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in Safaaraddu ay ku guulaysatay sii deynta dad farabadan oo Soomaali ah oo ay xir xireen Ciidamada dowladda Kenya.


Max’ed Cali Ameeriko ayaa waxaa uu tilmaamay in dadkaani laga soo qab qabtay gudaha Magaalada Nairobi iyo magaalo kale oo lagu magaabo Nabula, wuxuuna intaasi ku daray in dadkaani ayisugu jiraan dad haysta sharci iyo kuwa sharci dari ku joogay dalkaasi.


Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya ayaa waxaa uu carabka ku dhuftay in dadkaasi kuwii haystay sharciga lasiidaayay, hase ahaatee dadkii sharci darida ku joogay dalkaasi ay usoo gudbiyeen
Xeryaha qaxootiga ee ku yaala Woqooyi Bari ee dalka Kenya.


Wixii ka dambeeyay markii Ciidamada dowladda Kenya ay gudaha usoo galeen Soomaaliya ayaa waxaa isa soo tarayay howlgallada Ciidamadaasi ay ku qab qabanayeen dadka Soomaalida ah ee ku

sugan gudaha dalkaasi, iyagoo taasi u aaneynayay sugidda amniga dalkooda iyo kahortaga dhibaatooyinka dalkaasi ay ka gaystaan Xarakada Al Shabaab.

Xildhibaano dacweynaya Augustine Mahiga




Muqdisho:


November 13, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) : Xildhibaano ka tirsan barlamanka KMG Soomaaliya ayaasheegay in QM ay u gudbinayaan dacwad ka dhan ah Augustine Mahiga kadib kulan

ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho.

Kadib kulan maanta Magaalada Muqdisho ay ku yeesheen Xildhibaano ka mid ah mudanayaasha barlamanka KMG Soomaaliya ayaa waxa ay sheegeen inay qorsheynayaanin Xoghayaha guud Qaramada Midoobay ay u gudbinayaan dacwad ka dhan ah Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Augustine Mahiga.


Xilibaanadaani ayaa waxa ay sheegeen in Augustine Mahiga uu ku tumanayo axdi qarameedka u dagsan dowladda federalka Soomaaliya, iyagoo sheegay in loo baahanyahay in
madaxda QM iyo beesha caalamka ay wax ka qabtaan sida uu Warbaahinta u sheegay Xildhibaan Salaymaan Max’ed Ibraahim.


Xilibaann Xaaji Max’ed Cadow oo isna kulanka ka hadlay ayaa waxa uu si kulul uga soo horjeestay siyaasadaha Augustine Mahiga uu kula dhaqmaayo Somaaliya, isagoo sheegay in Mahiga aysan ka aqbali doonin in uu ku tunto sharciga u dagsandowladda KMG Soomaaliya.


Ugu dambeyn Xildhibaanadaani ayaa waxa ay ugu baaqeen Augustine Mahiga in uu ku ekaado shaqadiisa kaga aadan Somaaliya iyo in usan faraha lasoo galin arrimahagaarka u ah dowladda KMG iyo shacabka Soomaaliyeed.
calanka1.gif

HAY'ADDA NABADSUGIDDA QARANKA SOOMAALIYEED

SOMALI NATIONAL SECURITY SERVICES (NSS)



November 11, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) : Hogaanka Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliyeed ayaa faah faahin ka bixiyey dab caawa ka kacay mid kamid ah xarummaha hay’adda Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliyeed.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliyeed Mudane Axmed Macalin Fiqi oo goor dhow shirjaraa’id ku qabtay xarunta hay’adda Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in caawa uu dab ka dhashay koronto uu ka kacay mid ka mid ah qolalka xarunta islamarkaana rasaas taalay ay goobtaasi ku gubatay.

Mudane Axmed Macalin Fiqi oo ka hadlay in uu jiro qasaare goobtaasi ka dhashay iyo inkale ayaa tilmaamay inuusan gebi ahaanba jirin qasaare  nafeed oo goobtaasi ka dhashay balse dabkaasi oo korontada markii hore ka dhashay markii dambe lagu guuleystay in la demiyo.

Fiidnimadii caawa ayey aheyd markii uu dab ka dhashay koronto ka kacay mid kamid ah qolalka xarunta hay’adda Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliyeed taasi oo uu hada Agaasimaha Guud ee Hay’adda ku faah faahiyey Shirkiisa Jaraa’id.



November 11, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) :Qolka keydka Rasaasta Ilaalada mid ka mid ah xarumaha “Hay’adda Nabad-sugidda Qaranka Soomaaliyeed” ayaa waxaa qabsaday  koronto taasoo dhalisay in rasaas nooca fudud ah ay qaraxdo ka dibna uu dab ka kaco.

Il wareed ka tirsan Hay’adda Nabad sugidda Qaranka oo codsaday inaan magaciisa la shaacin ayaa u Sheegay SONNA “in qasaaruhu uu yahay uun rasaas qaraxday. Qaraxa rasaastana uu ka dhashay dab koronto oo kacay waxaana  mudo kooban socday dab ka dhashay qaraxa iyo korontada, waxaanalagu guuleystay in la xakameeyo lana damiyo dabka ka kacay”

Isha Warka: Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed (SONNA)


November 11, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) : Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya, James C. Swan ayaa hadal uu ka jeediyay Jaamacadda Ohio State University kaga hadlay xaaladda dalka Soomaaliya iyo danaha uu dalka Mareykanka ka leeyahay dalka Soomaaliya.

Ergeyga ayaa ugu horreyntii ku ammaanay in Soomaalida ku nool dalka aysan ahayn oo kaliya kuwa saameyn ku leh nolosha cusub ee ay ka billaabeen Mareykanka, balse ay saameyn ku leeyihiin arrimaha Soomaaliya.

Hase yeeshee wuxuu ergeygu sheegay in dhibaatooyinka haysta meelo badan oo ka mid ah Soomaaliya inay yihiin nabadgelyo-darro, qaab-dowladeed daciif ah, macluul iyo argagixiso.

Mar uu ka hadlayay sababta Mareykanku u daneynayo dalka Soomaaliya, ayuu ergeygu sheegay in danaha qaran ee Mareykanka ay ku jirto in xiriir wanaagsan lala yeesho Soomaaliya, isagoo intaasi ku daray inay sidoo kale riixeyso inay damiirka bani’aadannimo ee ah in wax laga qabto xaaladda bani’aadannimo ee ka jirta Soomaaliya. Waxay sidoo kale Mareykanku daneynayaan in la sameeyo isbeddelo siyaasadeed oo u suurtogelinaya shacabka Soomaaliyeed inay doortaan madaxdii maamuli lahay.

Dhinaca kale wuxuu sheegay in ka sokow arrimahaas uu Mareykanku ka qabo Soomaaliya walaac nabadgelyo oo toos ah, waayo wuxuu sheegay in ammaan-darrada iyo dowladnimada daciifka ah ee Soomaaliya aysan khatar ku ahayn shacabka Soomaaliyeed oo kaliya, balse ay khatar ku yihiin gobolka Geeska Afrika iyo caalamka intiisa kaleba, kuwaasoo siduu
sheegay sababay burcad-badeednimo iyo dhalashada ururka argagixisada ah ee Al-Shabaab ee qortay muwaadiniin Mareykan ah.

“Waxaan dooneynaa inay Soomaaliya guuleysato”

Ergeyga ayaa sheegay in dowladda Mareykanku ay ka go’an tahay inay kala shaqeyso Soomaaliya iyo beesha caalamka sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatooyinka muddada soo jiitamayay, wuxuuna soo xigtay hadal uu Madaxweynaha Mareykanka Obaama ku sheegay in Maeykanka uu doonayo inay Soomaaliya guuleysato.

Safiirku wuxuu sheegay in guusha ay la doonayaan Soomaaliya inay tahay in laga caawiyo sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatada abaaraha ee soo noqnoqda iyo in Soomaaliya ay ka xorowdo kooxaha argagixisada ah sida Shabaab oo mas’uul ka ah leynta dad badan oo ku nool Soomaaliya, Kenya iyo Yugandha.

Isagoo ka sii hadlayay waxa ay ula jeedaan guusha ay Soomaaliya la doonayaan ayuu sheegay inay tahay inay gaarto heer ay muwaadiniinteeda siin karto adeegyo la mid ah kuwa ay helaan dadka ku nool dalka Mareykanka. Ergeygu wuxuu intaasi ku daray inay doonayaan inay arkaan in gargaarka bani’aadannimo iyo kan horumar uu aado meelaha loogu
talogalay ee uusan ku dhicin jeebabka saraakiil musuqmaasuq badan, dad hubeysan, qabqableyaal iyo argagixiso. Ergeyga ayaa sidoo kale sheegay in guushaas ay tahay in shacabka Soomaaliyeed ay go’aansadaan nooca dowladeed iyo dastuur ee ay doonayaan.

Diinaari oo sheegay in Kenya ay dooneyso Dekada Kismaayo





Stockholm : (Sh. M. Network) Siyaasiga C/raxmaan Max’ed Nuur Diinaari ayaa waxa uu she

Xukuumadda oo sheegtay inay badashay qorshaheedii dagaalka




November 11, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) : Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa waxa ay sheegtay inay badashay qorshihii dagaal oo ay kula dagaalameysay Xarakada Al
Shabaab, iyadoo sheegtay inay la imaaneyso qorshe cusub oo dalka looga saarayo Shabaab.

Ra’iisul wasaare ku xigeen ahna wasiirka gaashaandhiga ee dowladda KMG Soomaaliya Xuseen Carab Ciise oo waraysi gaar ah siiyay Shabelle ayaa waxa uu sheegay in dowladda ay badashayistaraatiijiyada dhinaca dagaalaka oo ay kula jiraan Xarakada Al Shabaab ee Koofurta Soomaaliya maadaama uu xusay in Muqdisho laga saaray Al Shabaab.


Xuseen Carab Ciise ayaa waxa uu sheegay in dowladda KMG ay dalka ka xureyneyso dadka isku ikeysiinaya shacabka oo lidi ku ah nabadda iyo xasiloonida dalka iyadoo la badbaadinayo shacabka, waxaana uu sheegay inay socdaan howlo balaaran oo lagu xaqiijinayo amaankaMuqdisho, isagoo intaasi raaciyay in qorshaha hada socda uu yahay mid kabadalan dagaalka sida tooska ah u dhacayay.


Wasiirka gaashaandhiga ee dowladda KMG Soomaaliya ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in si qaldan loo fahmay duqeynta loo gaysanayo 10-magaalo oo ka tirsn Soomaaliya, isagoo sheegay in qorshaha uu yahay in la bartilmaameedsado goobaha ay ku sugan yihiin Al Shabaab, waxaana uu sheegay in abaabulka iyo Hogaanka lagula dagaalamayo AlShabaab ay mar kasta leedahay dowladda KMG Soomaaliya.


Xuseen Carab Ciise ayaa ugu dambeyn waxa uu ka hadlay amni darada maalmihii u dambeeyay laga dareemay Muqdisho sida qaraxyada iyo dilalka qorsheysan, waxaana uu sheegay inay socdaan howlgalo balaaran oo lagu xaqiijinayo amaanka oo ay wadaan ciidamada booliska iyo kuwa Nabad sugida dowladda KMG Soomaaliya kuwaasi oo uu sheegay inay gacanta kusoo dhigeen dadkii ku howlanaa arimahaas
i




Muqdisho :  November 10, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) : Madxaweynaha Soomaaliya iyo Wafdi uu Hogaaminaayo wasiirka ku xigeenka gaashaandhigga dalka Uganda oo Muqdisho ku kulmay (Daawo Sawirada Kulanka).

Waxaa Magaalada Muqdisho ku kulmay goordhow wafdi ka socda Doladda Uganda oo uu Hogaaminaayay wasiirka ku xigeenka gaashaandhigga dalka Uganda, Jey Jey Down iyo Madaxweeynaha Soomaaliya
Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Kulanka labada dhinac oo uu ka mid ahaa wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Xuseen Carab Ciise ayaa la iskula soo qaaday qodobo muhiim ah oo ay ugu horayso xaalada guud ee dalka Soomaaliya.

Wafdiga ka socday Dowladda Uganda ayaa waxaa ka mid ahaa xubno ka socday Baarlamaanka dalka Uganda kuwaasi oo sheegay inay dalka u yimaadeen sidii ay ula socon lahaayeen howsha Ciidamada AMISOM ka hayaanMuqdisho.

Muqdisho :  November 10, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) : Safiirka dawlada Eritrea u fadhiya dalka Kenya: “Aaway kuwa sheegaya Eritrea hub ayay geysay Soomaaliya noo keena cadeymo”

Safiirka dawlada Eritrea u fadhiya dalka Kenya Ambassador Beyene Russom ayaa xilli uu waramayay Idaacad ku taala gudaha dalka Kenya in dawlada Ethiopia ay soo abaabushay eedeymaha ah in Eritrea ay hub iyo dhaqaalo kale ku taageertay Xarakadda Al-Shabab oo Soomaaliya ka dagaalanta.

Safiirka waxaa uu si kulul u sheegay inay been abuur tahay wararka in Eritrea ay diyaarado hub u sida Al-Shabab ay ka dageen garoonka magaalada Baydhabo waxaana uu xusay in Eritrea aysan marna ka suurto galin inay taageerto wax uu ku sheegay ururka shar wadayaal ah Sida Shababka oo kale waa sida uu hadalkiisa u yiriye.

Ambassador Beyene Russom safiirka Eritrea ee dalka Kenya waxaa uu waraysigiisa ku xusay in dawladiisu ay xilli walba taageerto kana shaqeyso nabadda
gobolka laakiin aysan wax dadaal ah ku bixin qalaalasaha geeska Africa sida Ethiopia oo kale.

“Dhamaan eedahaan waa kuwo been abuur ah oo ay Ethiopia sameysay Al-Shababna waxaa dhisay Ethiopia” ayuu yiri safiirka Eritrea ee Kenya waxaana uu inbtaa ku daray inaysan suurto gal aheyn in diyaarado Eritrea leedahay ay ka dagaan koofurta Soomaaliya.

“Aaway kuwa sheegaya Eritrea hub ayay geysay Soomaaliya noo keena cadeymo” ayuu sidoo kale yiri waxaana uu tilmaamay inuusan waligiis uusan la kulmin urur ama shaqsiyaad Soomaali ah tan iyo intii uu ku sugnaa safaaradda Eritrea ku leedahay magaalada Nairobi.


Xildhibaan ka tirsan Golaha Baarlamaanka Soomaaliya oo Goordhow Magaalada Muqdisho lagu dilay.

Muqdisho :  November 9, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) : Waxaa magaalada Muqdisho Allaha u naxariistee goordhow lagu dilay Xildhibaan Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Xildhibaan Aadan Buule, iyadoo dilka Xildhibaankaan loo aanaynaayo inay ka dambeeyaan Ciidamada Milateriga Dowladda KMG ah ee fariisinka ku leh deegaanka Xoosh ee Degmada Dharkaynlay.

Xildhibaanka ayaa la sheegay inuu doonaayay inuu soo fiirsado Gurigiisa oo ku yaala Deegaanka Xoosh
, iyadoo Ciidamada markii uu sii socday ay deeyeen, kadib markii uu tusiyay kaarkiisa aqoonsiga, hase yeeshee markii uu damcay inuu ka soo laabto halkaasi markii uu howshii uu u tagay soo dhamaystay, ayay mar kale ciidamadu damceen inay istaajiyaan, isgana waxaa la sheegay inuu markii dambe ka baqday oo uu san gaarigii istaajin sidaasna ay ku rasaaseeyeen Xildhibaankaasi.


Rasaastii ay ku fureen Ciidamada Dowladda KMG ah xildhibaankaasi ayaa sababtay inuu u geeriyoodo xildhibaanka
, iyadoo xildhibaanka Deegaanka Dharkaylay uu ku lahaa guryo sida daarta Cusbitaalkii hore ee Cusmaan Aadan Cadde.


Dawlada Eritrea oo ku eedeysay warbaahinta Soomaaliya iyo Kenya inay si gaar ah u buun buuniyeen eedeynta Eritrea ee ah inay hub siisay Al-Shabaab.

Muqdisho :  November 9, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) : Wakiilka dawlada Eritrea uga wakiilka ah ururka midawga Africa ambassador Girma Asmerom ayaa ku eedeeyay warbaahinta Soomaalida iyo
tan Kenya inay si dheeraad ah u buunbuuniyeen wararka sheegaya in Eritrea ay hub geysay gudaha Soomaaliya kaasoo lagu taageerayay Xarakadda Al-Shabaab.


Ambassador Girma Asmerom oo warbaahinta kula hadlay asagoo ku sugan magaalada Addis-Ababa ee caasimada Ethiopia ayaa sheegay in hadalkii ay dawlada Kenya ku sheegtay in Eritrea hub ku gaysay magaalada Baydhabo ay  si xad dhaaf ah u buun buuniyeen sida uu yiri warbaahinta Soomaalida iyo ka soo baxda wadanka Kenya oo uu sheegay inay ku dareen warar xaqiiqda ka fog sida uu hadalka u yiri.

Wakiilkaan dawlada Eritrea u qaabilsan arrimaha ururka Midawga Africa waxaa uu sidoo kale sheegay in warka Kenya ka soo baxay oo markii horeba waxba kama jiraan ahaa haddana ay warbaahintu si buun buunisay oo ay siaan jirin u faafisay.


“Waxaan cadeynaynaa in eedeyntaasi ay tahay been cad oo aan xataa aan la barxin warbaahinta Soomaalida iyo tan Kenyana si weyn ayay u qaad qaadeen oo ay buun buunin xad dhaaf ah ku dareen, Eritrea marnaba hub ma geyn Soomaaliya Shabab hub ma aysan siin” ayuu ku yiri shir jaraa’id ee uu magaalada Addis-Ababa ku qabtay safiirka Eritrea ee Midawga Africa Ambassador Girma Asmerom.

Safiirku waxaa uu is weydiiyay in diyaaradaha Kenya iyo kuwa Maraykanka ay duqeymo dhawr jeer ka geysteen gudaha Soomaaliya haddii ayarkeena diyaarado Eritrea leedahay oo Baydhabo ka dagayana sababta ay u bur burin waayeen? Hase ahaatee waxaa uu sheegay inay heleen xog ay ka soo xigteen ilo aan xog ogaal aheyn sida uu yiri .


Dawlad Eritrea ayaa si joogto ah u waday hadalo ay ku beeninayso hadal ay Kenya tiri oo ahaa in Sadex diyaaradood Eritrea laga leeyahay inay ka dageen magaalada Baydhabo kuwaaso hub u siday Xarakadda Al-Shabab

Galaal: “soo galitaanka Kenya ee Somalia waa faa’idada Shabaab”




Muqdisho :  November 9, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) : Janaraal Max’ed Nuur Galaal oo ka hadlay soo galitaanka ciidamada Kenya ee  gudaha Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in arintaasi si wanaagsan aan loo qorsheen islamarkaana ay fursad u tahay sida uu sheegay Xarakada Al Shabaab.

Galaal ayaa tilmaamay in wax faa’ido ah aysan ugu jiran Kenya soo galitaanka Soomaaliya oo uu sheegay in kala  kulmi karto qasaaro, isagoo sheegay in shacabka ay ka dhaadhacsan tahay in dalka lagu soo duulay taasi oo uu sheegay inay keeni karto dagaal u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Janaraal Max’ed Nuur Galaal  oo soo hadal qaaday xiligii ciidamada Ethiopia ay soo galayeen gudaha  dalka Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay inay ciidamadaasi kusoo galeen  dalka dagaal ay la galeen Maxkamadihii Islaamka kadibna waxa uu sheegay in dhibaato la kulmeen oo dalka ay isaga baxeen, waxaana uu ka digay in Kenya ay ka dhacdo mid taasi la mid ah.

Soo galitaanka Ciidamada Kenya ayaa waxaa aragtiyo kala duwan ka bixiyay Mas’uuliyiinta iyo shacabka dalka kuwaasi oo qaar soo dhaweeyay halka kuwa kalana ay kasoo horjeesteen.


November 9, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) : Taliska ciidamada Baliiska ayaa sheegay in qorshayaal badana ay u dejiyeen amniga caasimadda dalka ee Muqdisho iyadoo shacabka uu ugu baaqay in arrintaasi ay kaalin ka qaataan.

Ku simaha taliyaha ciidamada Baliiska ahna taliye ku xigeen ciidamada Basliiska Soomaaliya General C/xakiin Daahir Saacid oo waraysi siiyay Radio Muqdisho ayaa sheegay in uu jiro qorshe ballaaraan oo wax looga qabanayo inta ka hartay nabad galyada magaalada Muqdisho.

Taliyaha ayaa xusay in xaaladda amni ee magalada in waxa badan laga qabtay oo ay xaqiijiyeen amniga dhammaan goobihii Al-Shabaab laga xureeyay, isagoo carabka ku dhuftay in ay ku guulleysteen in  Miinnooyin ay ka saaraan deegaannada la sugay ammaankooda.

Taliye ku xigeen ayaa tibaaxay in ay lee yihiin ciidamada Baliiska iyo kuwa Mulatariga xarumo Miinno baaris, oo ay ugu tala galeen in ay arrimahaasi uga shaqeeyaan si dadka shacabka ah aysan dhibaato uga soo gaarin.

Ugu danbentii General Saacid ayaa ku booriyay shacabka Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan qorshaha ammaanka lagu adkeynayo oo ay la soo xiriiraan xarumaha ay ku sugan yihiin ciidamada ammaanka markii ay la kulmaan falal amniga lid ku ah.

Taliska Baliiska Soomaaliyeed ayaa horey ugu sameeyay ammaanka magaalada Muqdisho  ciidamada si gaar ah amniga u suga oo roondo ka sameeya dhammaan guddaha magaalada si loo adkeeyo ammaanka caasimadda.



November 8, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) : Madaxweyaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa sheegay in aan la aqballi Karin kooxaha  ku libisan dareeska ciidamada dowladdee dhibaatada ku haya shacabka isagoo dhan kale tilmaamay in ciidamada ay u wada istaagaan la dagaallanka kooxda gaba gabada ah ee Al-Shabaab.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo khudbad u jeedinayay cutubyo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ku sagan aagaga hore ee dagaalka degmada Huriwaa ayaa sheegay in ay jiraan kooxa doonaya in ay dadka shacabka ku dhibaateeyaan dareeska ciidamada sharafta leh ee dowladda Soomaaliya, isagoo farta ku fiiqay in kooxahaasi ay ulla mid yihiin kooxda Al-Shabaab oo ay la dagaallami doonaan.

Mudane Sheekh Shariif ayaa xusay in ciidamada ku jira furama dagaalka ay badankooda ay yihiin kuwa wanaagsan hasa ahaatee ay ku dhax jiraan rag doonaya in ay dadka ka qaataan Taleefannada iyo agabyada kale ee  shacabku ay lee yihiin, waxa uu intaa raaciyay in ciidamadu raggaasi aysoo qabtaan oo ay sharciga hor keenaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa hoosta ka xariiqay in dalka uu ku jiro xaalad dagaal loona baahan yahay in ciidamadu ay gartaan guusha ay gaareen sidii ay u sii dhaqaajin lahaayeen oo ay Al-Shabaab Soomaaliya ka cirib tiraan.

Dhinaca kale madaxweynaha ayaa carabka ku dhuftay in la gaaray waqtigii dalka oo dhan uu noqon lahaa mid ka xuroobay amni darri iyo dagaallo taasina ay ku imaan karto dadaalka ciidamada xoogga ay sameeyaan.

Ugu danbeyntii ayuu ugu baaqay madaxweynaha Jamhuuriyadda dhammaan ciidamada qalabka sida in ay gutaan waajibka ka saaran dalka, dadka iyo Diinta in ay ka difaacaan kooxaha canaasiirta ah ee la midka ah Al-Shabaab.



November 8, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) : Wasaaradda Garsoorka iyo arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in Xujeeyda Soomaaliyeed ee sanadkaan waajibaadka xajka soo gudaneysa in ay dhibaato ay ka heysto dhanka Faastariijga oo aysan helin waxyabihii ay ku dhaqmi lahaayeen taasina ay masuuliyaddeeda qaadayaan shirkaddaha  qaaday xujeeyda.

Wasiirka ku xigeenka Garsoonka iyo arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya Sheekh Axmed C/llaahi Xuseen(Sheekh Fanax) oo la hadlay RadioMuqdisho ayaa sheegay in ay soo baxeen dhibaatooyin hesyta Xujeeyda Soomaaliyeed ee soo gudaneysa waajibaadka Xajka kuwaa oo ku aadan in ay helaan agabyo ay ka mid yihiin meellihii ay ku nasan lahaayeen iyo Teendhooyinkii ay seexan lahaayeen si ay ugu fududaato duulimaadka soo laabashadooda.

Sheekh Fanax ayaa tilmaamay in arrintaasi ay tahay mid looga baahnaa in ay fuliyaan shirkaddaha sanadkaan qaday dadka Xujeeyda ah sida Jubba iyo kuwa kale masuuliyaddaasina wax laga weydiin doono.

Waxa uu soo hadal qaaday in farqi weyn uu u dhaxeeyo safarada Xujeeyda ee barri samaadkii iyo sida hada ay yihiin, isagoo xusay in lala xisaabtami doono shirkaddihii arrintaasi ka danbeeyay.

Wasiir ku xigeenka Garsoorka ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Sacuudiga islamarkaana soo guddanaya Xajka loo baahnaa in si aad ah looga taxadarro si dhibaatada hada haysata aysan ugu dhicin soo laabashadooduna ay ugu sahlanaan lahayd.

November 8, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) : Ayadoo ay Dowladda Soomaaliya muhiimad siineyso dib u dhiska
Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa waxaa maanta markale garoonka
diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kasoo degay Ciidammo ka
tirsan ku dhowaad Kun Askari oo dalka Ugandha Tababar kusoo qaatay
ayadoo dhanka kalena islamaanta ay garoonka diyaaradaha ka ambo baxeen
Ciidammo Cusub oo ay ay Dowladda Soomaaliya soo tababaraneyso kuwaasi oo
tababar kusoo qaadanaya isla dalka Ugandha.



Askari Ka Mid Ah Ciidammada Tababarka Soo Qaatay Oo Ciidda Qabsanaya Markii Uu Garoonka Kasoo Degay Kadib





Qeybta Hore Waa Ciidammada Maanta Yimid ee Tababarka Soo Qaatay.


Sawirrada Qaybta Hoose ee Soo Socotana Waa Ciidammada Tababarka loo Qaaday isla Maanta



November 8, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) : Roobaba mahiigaan ah oo sababay Khasaare ayaa ka da’ay qeybo ka mid ah gobolka Nugaal iyo magaalada Garoowe  xarunta dowlada Puntland.

Roobabkani ayaa saameyn ku yeeshay dadka barakacayaasha ah ee ku dhaqan magaalada Garoowe isagoona dhulka dhigayqaar ka mid ah guryaha dadweynaha ee xaafadaha qaar ee magaaladaasi.

Saaka oo aan Booqasho ku tagnay xeryo qaxooti oo ku yaala magaaladaas islamarkaana dadkii degenaa uu khasaare  gaar siiyay roobkii da’ay ayaa waxaan ku aragnay guryihii ay degenaayeen dadka tabaaleysan oo dumay islamarkaana ay goobo ka agdhow ay ku sugan  yihiin dadkii lahaa .

Qaar ka mid ah dadka barakacayaasha ah ee khasaaraha kala kulmay roobkaas oo la hadlay SBC ayaa sheegay tan iyointii uu bilowday roobka ay taagnaayeen islamarkaana ay celin waayeen guryihii bacaha ka sameysnaa ee ay ku hoos jireen dhibicda roobka taas oo kasabtay in ay ku soo duman .

Yuusuf Cabdi Cali waxa uu ka mid yahay gudoomiye yaasha Kaamamka ku yaala magaalada garoowe, waxaana uu sheegay in ka sokow khasaaraha ka dhashay roobkii ku da’ay ay ka sii cabsi  qabaan waxyaabaha ka sii dhalan kara biyihii uu dhigay, taas oo uu ku  sheegay in ay ka baqanayaan dhibaatooyin caafimaad iyo mid nololeedba aysoo wajahdo.

Sikastaba ha ahaatee waxa ay dadkani Barakacayaasha ah ugu baaqeen cid alaala cidii wax u qaban karta in ay la soo gaaraan gar gaar deg deg ah oo ay ku noolaadan.

Dowlada Hoose iyo Maamulka Gobolka Nugaal ayaa iyagu booqday maanta goobahaasi iyagoona isku dayaya in ay wax ka qabtaan khasaaraha halkaasi ka dhashay .

CIID WANAAGSAN DHAMAAN UMMADDA SOOMAALIYEED IYO CAALAMKA ISLAAMKA!




















Sheekh Shariif iyo wafdigiisa ayaa waxay ugu horreyn booqdeen  isbartiibada weyn ee Muqdisho isagoo kulammo ay albaabbadu u xiran yihiin la yeeshay saraakiisha DKMG ah iyo kuwa AMISOM ee halkaas ku sugan, iyadoo saxaafadda loo diiday inay goob-joog ka ahaato kulankaas.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxay intaas kaddib booqdeen goobaha kala ah: warshadii baastada, dhismayaashii caymiska Qaranka, qubuurihii Talyaaniga iyo isbitaal SOS oo ay dowladdu la wareegtay bishii lasoo dhaafay, wuxuuna halkaas kula hadlay boqolaal ka tirsan ciidamada dowladda.

"Dowladdii Soomaaliya ee burburtay 1991-kii meeshii ay ka burburtay waxay ahayd ciidanka, meeshii ay dhisnaydna waxay ahayd ciidanka. Dowladna waxay ka dhismi kartaa ciidanka qalabka sida," ayuu yiri Sheekh Shariif. 


Madaxweynuhu wuxuu sheegay in ciidamada dowladda laga doonayo inay noqdaan kuwo hadaf weyn aamnisan, kiuwaasoo uu ku sheegay inay kala yihiin: difaacidda sharafta iyo karaamada dalka, midnimada ummadda Soomaaliyeed, nabadda dadka iyo inay diyaar u yihiin inay u dhintaan unadhaawacwmaan madaxbannaanida dalka isagoo sheegay in taasi ay keenayso sababta ay ciidanku qoriga u qaadeen.


"Ciidan aragtidaas aaminsan ayaa dalka difaaci kara, soona celin kara sharaftiisa," ayuu Sheekh Shariif ku sheegay hadal dheer oo uu u jeediyay ciidamadii uu kula hadlay SOS, isagoo hadalkiisa raaciyay: "Dadka Soomaaliyeed waa dad walaalo ah waxayse u baahan yihiin dadaal laisugu keeno oo lagu mideeyo, cidda dhibaatada ku haysana laga hor-wareejiyo."


Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay inay jiraan askar dhaawaca sharafka ciidamada iyo midka dalka, isagoo xusay inay jiraan askar ka mid ah ciidamada inay guryaha jabsadaan, dadka taleefoonno ka qaataan, dhibaatana ku haya shacabka.


Ugu dambeyn, Sheekh Shariif wuxuu ka dalbaday guddoomiya maxkamadda ciidanka Qalabka sida ee DKMG ah inuu maxkamad ka hirgeliyo SOS si loogu maxkamadeeyo ciidamada dhibaatooyinka u geysta shacabka Soomaaliyeed.


Sikastaba ay ahaataba Booqashada uu madaxweyne Sheekh Shariif ku tagay deegaannada uu maanta booqday ayaa waxay noqonaysaa tii ugu horreysay oo uu ku tago, tan iyo markii ay gacan ku haynteeda la wareegeen ciidamada dowaldda KMG ah ee Soomaaliya oo kaashanaya AMISOM.

Halkan hoose ka dhageeyso khudbadda madaxweynaha

November 7, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) :








Sheekh Shariif iyo wafdigiisa ayaa waxay ugu horreyn booqdeen
isbartiibada weyn ee Muqdisho isagoo kulammo ay albaabbadu u xiran
yihiin la yeeshay saraakiisha DKMG ah iyo kuwa AMISOM ee halkaas ku
sugan, iyadoo saxaafadda loo diiday inay goob-joog ka ahaato kulankaas.


Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxay intaas kaddib booqdeen goobaha
kala ah: warshadii baastada, dhismayaashii caymiska Qaranka, qubuurihii
Talyaaniga iyo isbitaal SOS oo ay dowladdu la wareegtay bishii lasoo
dhaafay, wuxuuna halkaas kula hadlay boqolaal ka tirsan ciidamada
dowladda.




"Dowladdii Soomaaliya ee burburtay 1991-kii meeshii ay ka burburtay
waxay ahayd ciidanka, meeshii ay dhisnaydna waxay ahayd ciidanka.
Dowladna waxay ka dhismi kartaa ciidanka qalabka sida," ayuu yiri Sheekh
Shariif. 




Madaxweynuhu wuxuu sheegay in ciidamada dowladda laga doonayo inay
noqdaan kuwo hadaf weyn aamnisan, kiuwaasoo uu ku sheegay inay kala
yihiin: difaacidda sharafta iyo karaamada dalka, midnimada ummadda
Soomaaliyeed, nabadda dadka iyo inay diyaar u yihiin inay u dhintaan una
dhaawacwmaan madaxbannaanida dalka isagoo sheegay in taasi ay keenayso
sababta ay ciidanku qoriga u qaadeen.




"Ciidan aragtidaas aaminsan ayaa dalka difaaci kara, soona celin kara
sharaftiisa," ayuu Sheekh Shariif ku sheegay hadal dheer oo uu u
jeediyay ciidamadii uu kula hadlay SOS, isagoo hadalkiisa raaciyay:
"Dadka Soomaaliyeed waa dad walaalo ah waxayse u baahan yihiin dadaal la
isugu keeno oo lagu mideeyo, cidda dhibaatada ku haysana laga
hor-wareejiyo."




Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay inay jiraan askar dhaawaca
sharafka ciidamada iyo midka dalka, isagoo xusay inay jiraan askar ka
mid ah ciidamada inay guryaha jabsadaan, dadka taleefoonno ka qaataan,
dhibaatana ku haya shacabka.




Ugu dambeyn, Sheekh Shariif wuxuu ka dalbaday guddoomiya maxkamadda
ciidanka Qalabka sida ee DKMG ah inuu maxkamad ka hirgeliyo SOS si loogu
maxkamadeeyo ciidamada dhibaatooyinka u geysta shacabka Soomaaliyeed.




Sikastaba ay ahaataba Booqashada uu madaxweyne Sheekh Shariif ku tagay
deegaannada uu maanta booqday ayaa waxay noqonaysaa tii ugu horreysay
oo uu ku tago, tan iyo markii ay gacan ku haynteeda la wareegeen
ciidamada dowaldda KMG ah ee Soomaaliya oo kaashanaya AMISOM



November 7, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) : Saraakiisha ciidamada dowladda ee Jubbooyinka how galka ka wada ayaa kullan la qaatay maamulka degmada Dhoobleey iyo odayaasha dhaqanka ee deegaankaasi kaasi oo ay uga wada hadlayeen xoojinta arrimaha amniga.

Kullanka wada yeesheen maamulka degmada Dhoobleey, urarada bulshada iyo saraakiisha ciidamada dowladda ee Jubbooyinka halkaasina howl galka ka wada ayaa waxa uu ujeedkiisu ahaa sidii loo dar dar galin lahaa arrimaha ammaanka iyo adeegyada bulshada.

General Yuusuf Xuseen Cusmaan (Dhuumaal) oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda ee hoggaamineysa howl galka Jubbooyinka oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sharaad ka bixiyay waxyaabihi ka soo baxay kullanka ay la qaateen maamulka degmada Dhoobeleey iyo qeybaha bulshada ee deegaankaasi, waxa uuna sheegay in uga wada hadleen in lagu baarujiyo qeynabaha bulshada nabadda iyo sidii loo hormarin lahaa, isagoo tilmaamay in ay isku afgarteen waxyaabihii ay ka wada hadleen maamulka degmada.

sidoo kale waxa uu sheegay in in uu bur bursan yahay isbitaalka deegaanka ku yaalay hasa ahaatee arrintaasi ay codsanayaan dowladda Soomaaliya in ay gacan weyn ka geeysato sidii isbitaalkaasi dib loogu hagaajin lahaa iyo in la helo adeegyadii aas aasiga u ahaa bulshada.

General-ka ayaa xusay in dhan kale ay jiraan kullamo ay qaateen hay’addaha samafalka ee ka howl galla degmada Dhoobeleey sidii ay u caawin lahaayeen dadka masaakiinta ah ee halkaasi ku sugan.

Kullamadaasi ay saraakiisha ciidamada dowladda la qaadanayaan maamullada degmooyinka deegaannada Jubbooyinka ayaa qeyb ka ah dadaallada ay ciidamada dowladda ku xoojinayaan amniga dhammaan goobohii laga xureeyay maleeshiyada Khawaarijta Al-Shabaab iyo in la bad baadiyodadka shacabka ah.

Boqor Cabdalla oo u hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed



Jidda: November 6, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) : Boqorka dalka Sacuudiga,  Boqor Cabdalla binu Cabdi Caziiz oo ka hadlay Munaasabada Ciidul Adxaa iyo fadliga ay leedahay ayaa uu u diray Muslimiinta Caalamka gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed hambalyo ku aadan maalinta Ciidul Adxaa oo maanta ku beegan.

Cabdalla ayaa waxa uu sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay yihiin dad Muslimiin ah oo ku wanaagsan diinta Islaamka islamarkaana muujiya astaamaha lagu yaqaano diinta Islaamka, waxaana uu intaasi ku daray in Alle uu uga barayayo inuu ka dul qaado dhibaatada saaran.

Boqorka ayaa waxa uu sheegay inuu usoo duceynayo shacabka Soomaaliyeed isagoo ka wakiil ah bulshada Sacuudiga, isagoo dhinaca kale  ugu baaqay Madaxda dowladda KMG Soomaaliya in dadka danta yar ay fiira gaar ah u yeeshaan Munaasabada Ciidul Adxaa.

Sidoo kale Boqorka dalka Sacuudiga ayaa waxa uu ugu baaqay Madaxda dalalka Carabta inay ka faa’ideystaan fursadaan qaaliga ah islamarkaana ay gaarsiiyaan dadka ku dhibaateysan Soomaaliya waxa ay u awoodaan si ay uga qeyb qaataan Munaasabada Ciidul Adxaa.

Wasaaradda Garsoorka oo iclaamisay in berrito ay tahay Maalin Ciideed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Sheekh Sahriif Sheekh Axmed ayaa maanta booqday xerooyinka barakacayaasha Badbaado iyo Rajo.

Iyadoo maanta ay aheyd maalinta koobaad ee munaasabadda ciidul Adxa ayaa Madaxweyne Sheekh Shariif oo uu weliyo ku simaha R/wasaaraha ahna wasiirka Ganacsiga waxa ay booqdeen xerooyinka barakacayaasha Badbaado iyo Rajo si ay farxadda ciidda ula soo qeybsadaan barakacayaasha ku jiraxerooyinkaasi.


November 5, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) : Wasaaradda Garsoorka iyo Diinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in maallin barrito ah tahay maallin koowaad ee Ciidul Axda iyadoo maanta Muslimiinta gudaneys Xajka ay tagayaan Banka Carafo oo ah halka uu ku jiro waajibaadka Xajka.

Wasiirka Garsoorka iyo arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya Axmed Xasan Gaboobe oo ka mid ah Muslimiinta gudaneysa Xajka ayaa sheegay in ummada Soomaaliyeed uu ugu bishaareynayo in maanta ay tahay maallinta sagaallaad ee Banka Carafo isagoo sheegay in maanta loo socdo halka la yiraahdo Banka Carafo oo halka ay ku jirto acmaasha ugu weyn ee gudashada Xajka.

Waxaa uu sheegay in maallinta birrito ah ay tahay maallin Ciid ah oo ummada Muslimiinta ay ka qeyb qaadanayaan munaasabadda Ciidul Adxa.


November 5, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) : Ciidamada Booliiska dalka Masar ayaa xiray muwaadin Soomaali ah xili ku suganaa garoonka caalamiga magaalada Qaahira iyadoo Booliiska ay shegeen in ninkaasi looga shaklisan yahay in uu xiriir la lee yahay kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada ammaanka dalka ayaa sheegay in ninkaan Soomaaliga ah ay ka qabteen garoonka magalaada caasimadda ah ee Qaahira xili uu ku soo wajahnaa guddaha Soomaaliya.

Muwaadinka Soomaaliga ah ayaa magaciisa lagu sheegay C/naasir Jaamac Warsame waxaana la sheegay in uu ka yimid dalka Canada gaar ahaan magalaada Toronto, saraakiil sare oo ka tirsan Basliiska dalka Masar ayaa war fidiyeenada u sheegay in C/naasir oo 53 sano jir ah ay su’aalo waydiinayaan oo hada ay ku wadaan baaritaan rasmi ah, waxa uu intaa
raaciyay in su’aallaha ay weydiinayaan ay yihiin kuwa la xiriira safarkiisa Soomaaliya.

Qaar ka mid ah ehelka muwaadinka Soomaaliga ayaa iyana warbaahinta u sheegay in wiilkooda uusan wax shaqo ah ku lahayn eedeymaha ay u soo jeediyeen ciidamada ammaanka dalka Masar islamarkaana uu wiilkooda hayso dhallashada dalka Canada, hasa ahaatee waxa ay ka gaabsadeen in ayka hadlaan safarkiisa Soomaaliya uu ku tagi lahaa balse waxa ay ku cel celiyeen in Al-Shabaab uusan aqoon u lahayn wiilkooda.

Ciidamada Basliiska ayaa sheegay in maxkamad la soo taagi doono hadii ay ku cadaato C/naasir eedeymaha loo haysto baaritaanka ka dib hadii lagu waayana la sii deyn doono.

Wadanka Masar waxa uu ka mid yahay dalalka ay sida Taransadka ku soo maraan dadka ka imaanaya dalalka Yurub iyo Mareykan si ay ugu soo gubaanwadamada geeska Afrika.

Xildhibaan Xaabsade oo ka digay in la duqeeyo magaalooyinka Soomaaliya


November 4, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) :
Xildhibaan Max’med Ibraahim Xaabsade oo ka tirsan Mudanayaasha barlamanka  Soomaaliya ayaa isagoo lahadlayay Idaacada Shabelle waxa uu dhaliilay in duqeymo laga geysto 10 magaalo oo ka tirsan Koonfurta Soomaaliya  Xildhibaanka ayaa waxa uu tilmaamay in ay raali ka yihiin in lala dagaalamo Al Shababa oo uu ku tilmaamay  in

ay dhibaato ku yihiin nabad galyada dalka balse waxa uu ku taliyey in ay jiraan siyaabo kale oo loola dagaalami karo Al Shabaab, iyadoo aan  dhibaato la gaarsiin dadka rayidka ah ee ku dhaqan deegaanadaasi

Isagoo ka hadlayey diyaaradii hubka siday ee dhawaan uga soo dagtay Al Shabaab magaalada Beydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in ay xaqiiqo tahay in Shabaab ay hub kala soo dageen magaaladaasi,  waxaana uu cadeyn usoo qaatay dadkii shalay loo xir xiray shaacinta diyaaradaasi

Wixii ka dambeeyey markii dowladda Kenya ay ku dhawaaqday in weeraro dhanka cirka ah ay ka fulineyso magaalooyin ka tirsan Koofurta Soomaaliya ayaa  waxaa isasoo tarayey shaqsiyaadka kasoo horjeeda arintaasi.

Xisbiga dadka oo kasoo horjeestay soo galitaanka Kenya ee Soomaaliya



November 4, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) :
 Xisbiga dadka ayaa waxa uu sheegay inuu kasoo horjeedo soo galitaanka ciidamada Kenya ee gudaha Soomaaliya oo uu sheegay in Kenya ay dano gaar ah ka leedahay.

Gudoomiyaha Xisbiga dadka Pro. Saciid Ciise Max’ud oo waraysi siiyay Shabelle  isagoo ku sugan dalka dibadiisa ayaa waxa uu ka hadlay soo galitaanka  ciidamada Kenya ee gudaha dalka Soomaaliya, isagoo ku eedeeyay Kenya inay dooneyso inay danaheeda gaarka ah ka fuliso gudaha Soomaaliya.

Prof. Saciid Ciise Max’ud ayaa waxa uu sheegay in Kenya ujeedada koowaad ee u socoto ay tahay inay gacanta ku dhigto dhulka ku jira shidaalka ee Soomaaliya, waxaana uu sheegay in aysan dooneyn inay gacan siiyaan  dowladda KMG Soomaaliya, isagoo intaasi raaciyay in xisbigiisa uu kasoo horjeedo in wadamada dariska ay soo fara galiyaan arimaha Soomaaliya.

Gudoomiyaha Xisbiga dadka ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in  Kenya ay ciidamadeeda kala baxdo gudaha dalka Soomaaliya islamarkaana ay taageerto Maamulada ka jira dalka Soomaaliya si loola dagaalamo Xarakada Al Shabaab hase ahaatee waxa uu tilmaamay in soo galitaanka Kenya aysan aheyn mid raali laga noqon karo.

Soo galitaanka ciidamada dowladda Kenya ee gudaha Soomaaliya ayaa waxaa ku  kala argti duwan Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo qeybha kala duwan ee bulshada kuwaasi oo qaar soo dhaweeyay halka kuwa kalana ay kasoo  horjeesteen.

 




calanka1.gif

HAY'ADDA NABADSUGIDDA QARANKA SOOMAALIYEED

SOMALI NATIONAL SECURITY SERVICES (NSS)

أجهزة الأمن الوطنية الصومالية



November 4, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) :

Agaasimaha Hay'adda Hawlaha Amniga Qaranka Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta waxuu shaacay ka qaaday inay Dowladda Kenya si khaldan warbaahinta uga sheegayso warar aan sugnayn oo ay iska samaysanayaan saraakhiishooda ayagoo ku soo xadgudbay madaxbannaanida Qaranka Soomaaliya iska-markaasna iska dilaya dad aan waxba galabsan sida dhacdooyinkii dhacay maalmahan




November 3, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) : Gabdhahan waxay kamid yihiin ardayda waxbarashadda helay ee loo qaadi doono waddanka Turkiga meeshaasoo ay ka soo dhigan doonaan warbarasho jaamacaddeed. Waxaanu aad iyo aad ugu mahadcelinaynaa Doewladda Tirkiga ee u diyaar garoowday sidii ay u caawin lahayd Dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda.

November 3, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) : Halkan waxaan idinkugu soo gudbineynaa Sawirrada Arday ka qalin jebisay Jaamacadda Banaadir ee magaalada Muqdisho kuwaasi oo maanta Xaflad loogu sameeyey magaalada Muqdisho. Dowladda Soomaaliya waxay aad iyo aad ugu mahadnaqaysaa Jaamacadda Banadir iyo Maamulkeeda.

Ardayda qalin jebisay waxa ay ka qalin jebiyeen kuliyadaha:-Medicine,Engineering,Education iyo Computer.




















a




November 3, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) : Afhayeenka ciidamada AMISOM Col. Paddy Ankunda ayaa sheegay in dalka Jabuuti uu ciidamo gaaraya 850-askari oo ka mid nqoda AMSIOM u soo dirayo Soomaaliya inta lagu jiro bishan November. Dowladda Soomaaliya waxay si diiran u soo dhawayn doontaa Ciidanka Dowladda Djbouti kuwaasoo nagala shaqayn doona amniga Soomaaliya.



November 3, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) :  War-saxaafaddeed ka soo baxay dowladda Eritrea ayaa lagu sheegay in been abbuur u yahay hadalkii shalay ka soo yeeray dowladda Kenya ee ku aadaana in Eritrea ay diyaaraddo Hub wada u dirtay maleeshiyada Kooxda Shabaab.

War-saxaafaddeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda ee dowladda Eritrea ayaa lagu beeniyay hadalkii shalay ay sheegtay dowladda Kenya ee la xiriiray in xukuumadda Asmara ay u dirtay diyaaraddo sida Hub magaalada Baydhabo oo ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Arrintaan aya saakay lag sii daayay warbaahinta dalkaasi waxaan lagu sheegay in aysan jirin wax sahnad ah oo dowladda Eritrea ay Soomaaliya u dirtay oo taasina ay tahay hadal ay iska soo mala awaallatay Kenya.

“magalaada Asmara diyaarad ka soo baxday oo gaartay magaalada Baydhaba waa wax aan jirin Xukuumadda Asmara diyaar uma ahan in ay fara galin ku sameyso Soomaaliya oo ururada ka jira Hub ay ku taakuleyso waxaasa wax macquul ah in aan ka qeyb qaadano gumadka abaaraha Soomaaliya” ayuu lagu yiri war-saxaafaddeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda ee Eritrea.

Dhan kale warka ayaa lagu xusay in dowladda Kenya ay ay fara galin Military ku heyso guddaha Soomaaliya arrintaasi aysan keeni Karin wax xal ah oo ay ku joogsanayaan dagaallada Soomaaliy ka socda.




November 3, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) : Sirdoonka Ingiriiska ayaa waxa ay sheegayn in Al-Shabab ay tababaratay dadIngiriiska ka yimid iyadoona cadeysay inay haatan ka barbar dagaalamaan kooxda Shabaab.

Hay’addaha sirdoonka wadanka Ingiriiska ee MI 5 & MI 6 ayaa war ay soo saareyn waxay ku sheegeen in tiro badan oo dhallinyaro Soomaali ah oo Ingiriiska kasoo tagay ay la joogaan oo ay ka garab dagaallamaan kooxda Al-Shabaab oo dagaallo kulla jirta dowladda Soomaaliya AMISOM.

Madaxa hay’adda sirdoonka ee MI 5 Jonathan Evans ayaa u sheegay wargeyska The Guardian ee Ingiriiska kasoo baxa inay hayaan xog ku saabsan in ku dhawaad 100 ruux oo uu kala dhashay wadamada Soomaaliya, Bangladesh, Pakistan iyo wadamada kale ee galbeedka qaaradda Africa dhaca oo haysta baasabooro Ingiriis ah ay ku biireen ama xiriir la ay leeyihiin maleeshiyada Al-Shabaab.

waxa uuna intaa ku daray in xogta ay hayaan ay muujineyso in dadkaan ay qaarkood qaateen tababaro ka dib markii Soomaaliya ay yimaadeen

Sarkaalkaan madaxda ka ah hay’adda MI 5 ee sirdoonka dowladda Ingiriiska u qaabilsan waxaa uu sidoo kale tilmaamay in xubno ka tirsanAl-Shabab ay dadka ku dhiira galiyaan inay kusoo biiraan oo ay dagaal kala qeyb qaataan.

Jonathan Evans ayaa hoosta ka xariiqay in ay aad uga walaacsan yihiin in xubnahaan mar ku biiray Al-Shabab ay dib ugu laabtaan Ingiriiska ka  dibna ay geystaan falal ammaan xumo iyo qaraxyo argagixiso.

Labadii sanno ee lasoo dhaafay ayuu sheegay inay aad u kordheen dadka Soomaalida ah iyo kuwa aan aheyn ee doonaya inay xubno ka noqdaan Al-Shabab oo ay dagaallada ka qeyb qaataan.

Al-Shabab ayaa horey loogu eedeeyay inay tiro badan oo dhallinyaro Soomaali ah kasoo wateen wadanka Maraykanka iyadoona sidoo kale la sheego inay ka garab dagaallamaan dagaalyahano aan Soomaali aheyn




XAFIISKA MADAXWEYNAHA

OFFICE OF THE PRESIDENT





November 3, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) : Dowladda Soomaaliya oo maanta si rasmi ahaaneed u aqbashay furida Safaaradda Dowladda Turkiga, Shacabka iyo Dowladda Soomaaliya waxay si diiran u soo dhawaynayaa Dowladda Tirkiga ee Soomaaliya sumcadeeda iyo sharafteedii ku soo celisay siyaasadda caalamka.



November 2, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) : Wafdi uu horkacayo guddoomiyaha barlamanka oo ka kooban qeybaha dowladda ayaa maanta ku sii wajahan dalka Sucuudiga si ay u soo gutaan waajibaadka  xajka ee sanaddan. Guddoomiyaha waxaa safarkiisa ku hoggaaminayey Ra'iisal Wasaare khaa'inul-waddanka ah.

Guddomiyaha barlamanka mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan oo wareysi  siiyay Radio Muqdisho ayaa sheegay in safarka ay ku wehliyaan R/wasarahadalka C/weli Maxamed Cali iyo xubno kale oo dowlada ah.




XAFIISKA MADAXWEYNAHA

OFFICE OF THE PRESIDENT





November 2, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) : Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo shalay gaaray magaalada Kampala ee dalka Ugandha ayaa xalay casho shara la qaatay dhiggiisa dalkaasi iyadoo madaxweynaha lagu wado in maata uu kullamo la qaato masuuliyiin ka tirsan dalkaasi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo shalay galinkii danbe gaaray magaalada Kampala ee caasimadda Ugandha ayaa xalay kullan casho sharaf ah la qaatay dhiggiisa dalka Ugandha Yuweri Musafwani iyadoo labada madaxdweyne ay ka wada hadleen arrimo badan oo quseeya Soomaaliya.


Sidoo kale madaxweyne Shariif ayaa la filayaa maanta kullamo uu la qaato masuuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Ugandha, si ay uga wada hadalaan xaaladda dalka Soomaaliya iyo guullaha laga gaarayo dhanka amniga.


Waxayaabaha uu madaxweynaha kala hadli doono masuuliyiinta dalkaasi ayaa waxa ka mid ah qodob ka hadlaya heshiiskii ay kala saxiixdeen Xukuumadda Soomaaliya iyo tan Kenya oo ahaa in ciidamada AMISOM la keeno meellaha laga xureeyo kooxda Al-Shabaab si ammaanka ay u sii adkeeyaan.





Nairobi : November 2, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) : Ururka Midowga Yurub ayaa ka digay in la duqeeyo goobaha ay ku sugan yihiin dadka rayidka ah, iyagoo dhinaca kale soo dhaweeyay tallaabadii Ciidamada Kenya ay gudaha ugu galeen Soomaaliya.


Uqeybsanaha Ururka Midowga Yurub ee Afrika Kristalina Georgiava oo ka hadlaysay duqentii Ciidamada Milatariga dowladda Kenya ay ka gaysteen Magaalada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe ayaa waxa ay sheegtay inay waajib tahay in la’ilaaliyo Madax banaannimada dalka Soomaaliya, waxaana ay ku baaqday in laga foggaado duqeynta loo gaysanayo dadka rayidka ah.


Kristalina Georgiava ayaa waxa ay soo dhawaysay tallaabadii ay qaaday dowladda Kenya oo ku aadaneyd la dagaalanka Xarakada Al Shabaab taasi oo ay tilmaamtay mid wax looga qabanayo amni darida ka jirta Xadka u dhaxeeya wadamada Soomaaliya iyo Kenya oo mudooyinkii dambe ay ka dhacayeen falalafduub ah oo loo gaysanayay shaqsiyaad Ajinabi oo ku sugan dalkaasi.



Haweenaydaasi ayaa waxaa ay carabka ku adkeysay in Ciidamada dowladda Kenya looga baahanyahay in tallaabooyinka ay qaadayaan ay ahaadaan kuwa xadidan oo aan waxyeelo kasoo gaarayn dadka shacabka ah islamarkaana aan waxba u dhimeyn qaynuunka dowliga ah ee bini’aadannimada.



Ugu dambeyn U qeybsanaha Ururka Midowga Yurub ee Afrika Kristalina Georgiava ayaa ugu baaqday Beesha Caalamka in shacabka Soomaaliyeed lalasoo gaaro gar-gaar bini’aadannimo si loo bad baadiyo dadka ku dhibaataysan wadanka Soomaaliya.


Muqdisho, November 2, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) :Waxaa xalay oo ay  taariikhdu aheyd November 01.2011 ku geeriyooday tuulada Buq-aqable oo ka tirsan gobolka Sh/dhexe Ugaaska beesha Gaaljecel Alle ha u naxariistee Ugaas Cabdullaahi Ugaas Muumin Ugaas Jiirow.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Mudane Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Tacsi tiiraanyo leh u diraya qoyskii, Qaraabadii iyo Ummadda Soomaaliyeed wuxuuna Alle uga baryayaa inuu Janadii geeyo.



XAFIISKA MADAXWEYNAHA


OFFICE OF THE PRESIDENT








November 1, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) :  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maantaka ambabaxay dalka isagoo ku sii jeeda magaalada Kambala ee caasimada Uganda.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha dalka oo booqasho hal maalin ah ku tagaya magaalada Kambala ayaa lagu wadaa in uu kulan la qaato dhiggiisa dalkaasi.


Labada Madaxweyne ayaa la filayaa in ay ka wada hadli doonaan arimo ku saabsan  xiriirka labada dal iyo sidii loo sii horumarin lahaa iskaashiga la dagaallanka argagixisada shabaab.


Dowladda Uganda ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga ciidamo nabad ilaalin ah oo ku howlgala magaca Midowga Africa kuwaas oo ciidamada XDS ka taageera la dagaalanka kooxaha dagaallada fidnada ah ka wada dalkeenna.




XAFIISKA MADAXWEYNAHA


OFFICE OF THE PRESIDENT




OPN/som11/01/2011

November 1, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) : 
Madaxweyne Mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa maanta waxuu jawaab cad ka bixiyey inuu Ra'iisal Wasaare Dr. Cabdiweli Maxamed Cali "Gaas" iyo seddex wasiir oo khiyaano qaran wada ay si been-abuur ah ula sixiixdeen heshiis aan sharciga dalka waafaqsanayn islak markaasna aan laga ansixin Golaha Shacabka Soomaaliyeed. Dowladda Kenya waxay soo gashay dhulka Soomaaliya ayadoo aan wax ruqsad ah u haysan seddex barri kadib ayeey soo dirtsy labo wasiir oo kala ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Moses Wantagula Iyo Wasiirka Difaaca Yuusuf Xaaji kuwaasoo mar horeba jabiyry sharciga caalamiga ee Qaramadda Midooway qodobka 51. Aniga, Golaha Shacabka Soomaaliyeed iyo Ummadda Soomaaliyeed waxaan si cad u ognahay xad-gudub ay Kenya ku soo gashay dhulka Soomaaliya ayadoo taageeraysa inay Qabaa'ilka mid ah qabiilada degan Kismayo inay u qabato oo ay ka samaysato dhul ay ka yeesho sida ay rabto.

Shacabka Soomaaliyeed waxay horay u diideen inay Dowladda Kenya cabbirato dhul baddeedka Soomaaliya kaasoo ay wajo gabax kala kullantay markii ay Ummadda Soomaaliyeed diideen heshiiskoodii khayaanadda ahaa ee ay saxiixeen qaar kamid ah Wasiiraddii hore ee Dr. Cabdirshiid Cali Sharmaake.

Aniga waxaan u sheegauaa inuu Ra'iisal Wasaare Dr. Cabdiweli Maxamed Cali "Gaas" iyo Wasiiradda raacay ay yihiin khaa'inul-waddan isla-markaasna aynan wax xil ah u ahayn Ummadda Soomaaliyeed. Golaha Shacabka Soomaaliyeed waxay si deg deg ah maxkamad u keeni doonaan khaa'imiintan!

Waad Mahadsan Tihiin,

Mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed
Madaxweyne Dowladda Soomaaliya




November 1, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) :  R/wasaare C/weli Maxamed Cali iyo wafdi uu hogaaminayay ayaa dalka dib ugu soo labtay kadib markii uu kulamo  la soo qaatay dhigiisa kenya Raila Odinga, iyo  jaalliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka kenya.


Wafdigan uu hogaaminayay R/wasaaraha ayaa waxaa ku wehlinayay R/wasaare ku xigaanka ahna wasiirka ganacsiga iyo warshadaha C/wahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif, wasiirka arrimaha gudada iyo amniga Qaranka C/samad Macallin Maxamuud iyo xubo ka tirsan golahiisa wasiirada balse Ummadda Soomaaliyeed si deg deg ah ayeey iskaga qaban doontaa khaa'inul-waddamiintan u saxiixay Dowladda Sharci Darro ku soo gashay dhulka Soomaaliyeed.


markii uu ka soo dagay garoonka diyaaradaha C/weli Maxamed Cali R/wasaaraha dalka isagoo la hadlayay warbaahinta qaranka ayaa waxa uu sheegay in safarkisa shaqo uu ku soo dhammaaday guul iyo is afgarad.


Dhanka kale R/wasaaraha ayaa xusay in shirkii lagu hadlayay Road mobka oo lagu balansanaa in uu ka dhaco magalada Garowe in uu dhicidoono19 bishan laguna qaban doono magaaladaasi.


Wafdigan uu hogaaminayay R/wasaaraha ayaa waxa safar shaqo ugu maqnayeen  magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya taas oo lagu soo gaaray heshiis ay kala xasiixdeen labada wadan.









Galmudug oo ka warbixisay shaqaalihii Ajinabiga ee la afduubtay









November 1, 2011 Gaalkacyo: (Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maana) : Maamulka Galmudug ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday in dadkii laga afduubtayKoofurta Magaalada Gaalkacyo loola dhaqaaqayo deegaano ay ka taliyaan AlShabaab.

Wasiirka Arrimaha gudaha iyo amniga ee Maamulka Galmudug State Abshir Diini oo Waraysi siiyay IdaacaddaShabelle ayaa waxaa uu sheegay in labadii shaqaale ee u howlgalayay Hay’adda Miinobaarista ee DDG oo dhawaan laga afduubtay Koofurta Magaalada Gaalkacyo inkooxihii gaystay afduubkaasi ay ula dhaqaaqeen deegaano ay ka taliyaan ALShabaab oo hoostaga gobolka Mudug.

Abshir Diini ayaa waxaa uu sheegay in kooxaha afduubtay shaqaalaha u kala dhashay wadamada Maraykanka iyoDenmark ay wali gacanta ku hayaan, isagoo tilmaamay in deegaanada lagu hayo dadkaasi ay yihiin kuwa hoostaga Maamulka Galmudug hase ahaatee Maamulkooduuusan gacanta ku haynin amaanka deegaanadaasi.


Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga ee Maamulka Galmudug ayaa waxaa uu intaasi ku daray in Kooxaha afduubka gaystay dhexdooda uu ka dhacay dagaal ay isaga horyimaadeen taasi oo keentay in qasaaro nafeed uu soo kala gaaro inkastoo uusan carabaabin in waxyeelo ay soogaartay shaqaalahaasi.


Wasiirka ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan labo ruux oo ay ku tuhunsan yihiin inay ku lug lahaayeen afduubkii loo gaystay labada shaqaale ee u howlgalayay Hay’adda Miino baarista ee DDG, wuxuuna tilmaamay in Maxkamad lasoo taagi doono dadkaasi wixii dambi ah oo aygaleenna hadii ay ku cadaato lagu qaado doono sida uu hadalka u dhigay.


Shalay ayay aheyd markii Banaanbax ballaaran oo looga soo horjeeday afduubka loogaystay dadkaasi Ajinabiga ah uu ka dhacay Magaalada Gaalkacyo, iyadoo dadkii dhigayay
banaanbaxaasi ay ku booriyeen Maamulka Galmudug inay gacanta kusoo dhigaankooxihii ka dambeeyay falkaasi afduubka ah.




November 1, 2011 Qaahiro: (Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maana) : Ururka Jaamacadda Carabta ayaa mar kale ku celiyay inay ka qeyb kaa qadanayaan gurmedka loo fidinayo dadka Soomaalida ah ee ku dhibaataysan dalka Soomaaliya.


Bayaan laga soo saaray Ururka Jaamacadda Carabta ayaa lagu sheegay in Jaamacadda ay ka qeyb qaadanaysogurmedka loo fidinayo dadka Soomaalida ah oo ay saameeyeen abaaraha baahsan kuwaasi oo kusoo barakacay Magaalada Muqdisho kuna sugan Xerooyinkabarakacayaasha ee ku yaalla degmooyinka gobolka Banaadir


Xoghayaha guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Nabiil Al-carabi ayaa waxaa uu sheegay inay gar-gaar deg degah la gaarayaan bilaha soo socda shacabka Soomaaliyeed oo uu sheegay in boqolaal ka mid ah ay qarka u saaran yihiin nafaqo dari, waxaana uu tilmaamayinay qaban qaabinayaan kulan aan caadi ahayn oo ka dhici doona XaruntaJaamacadda Carabta ee Qaahira kaasi oo looga hadlayo xaaladaha bini’aadanimo ee Soomaaliya.


Nabiil Al-carabi ayaa waxaa uu sheegay in Sanduuqa Jaamacadda Carabta ay ka bixinayaan lacag gaaraysa 75-kun oo dollar-ka Maraykanka ah si  wax loogaqabto xaaladaha bini’aadanimo ee ka taagan gudaha Soomaaliya, waxaana uu intaasi ku daray in sidoo kale lacagtaasi ay qeyb ka noqonayaan amaanka Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.


Wadamo badan oo Caalamka ayaa gar-gaar lasoo gaaray Soomaaliya, iyagoo u jeedadoodu tahay inay caawiyaan dadka ay saameyeen abaaraha baahsan ee ku sugan Magaalada Muqdisho iyo goboladadalka Soomaaliya.




 


R/wasaaraha Xukuumadda KMG ah iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta soo gaaray magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.


October 30, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) : Dr. C/wali Maxamed Cali oo warbaahinta kula hadlay garoonka Diyaaradaha ayaa sheegay in socdaalkiisu uu ku saabsan sidii loo xoojin lahaa xiriirka ladaba dowladooda, isagoo tilmaamay in uu kulamo la qaadan doono masuuliyiin ka tirsan dowladda Kenya.

Wafdiga R/wasaaraha waxaa ka mid ah R/wasaare ku xigeen ahna wasiirka gaashaandhigga Xuseen Carab Ciise, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo amniga qaranka C/samad Macalin Maxamuud, R/wasaare ku xigeenka ahna wasiirka Ganacsiga, Taliyaha ciidamada XDS Gen. C/qaadir Sheekh Cali Diini iyo masuuliyiin kale.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya Maxamed Cali Nuur (Ameeriko), wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ayaa R/wasaaraha ku soo
dhaweeyay garoonka Diyaaradaha.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada dhallinyarada iyo sporiga Aweys Sheekh Xandaad oo hogaaminayay wafdigaasi islamrkaana kula hadlay warbaahinta qaranka garoonka Aaden Cadde ayaa hoosta ka xariiiqay in tani ay tahay qeybtii sadexaad ee lagu soo gebagebeeynayo aqoon isweydaarsiga maadaama ay dhowr jeer oo hore aqoonisweydaarsiyadan oo kale kaga soo qeyb galeen wadanka dibaddiisa.

Halkaan Waxaan idinkugu soo gudbineynaa Sawirrada Wafdi Ka Socda Sudan oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ayadoo Wafdigaasina uu tagay goobo muhiim ah oo ku yaala magaalada Muqdisho sida Cisbitaallo iyo Iskuullo.


Hay’adda Bisha Cas ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa maanta deeq macaawino ah u qeybisay qoysas dhan  Afar kun kuwasa oo ka soo barakacaya qeybo ka mid ah Gobollada dalka.

Deeqdaan macaawinada ah oo ka koobneyd raashiinka qeybihiisa kale duwan ayaa  maanta hay’adda Bisha Cas ee dalka isutagga imaaradaka carabta waxa ay u qeybisay afar kun  oo qoys kuwas oo ku sugnaa xerada Rajo.

Goobta lagu qeybinayay deeqda gargaarka ah ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiirka wasaaradda Beeraha iyo xanaanada xoolaha C/llahai Xaaji Xasan, madaxd ka socotay hay’adda bisha cas ee imaaraadka iyo mas’uuliyiin kale.

Ugu horeyntii waxaa goobta ka hadlay agaasimaah ugu sareeya hay’ada bisha cas ee dalka imaaradaka Maxamed khaliifa Alqamsi isagoo  tilmaamay in barnaamijkaan uu qeyb ka yahay macaawino ay dowladda imaaradaka ugu talagashjay inay ku caawiso dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan waxa una hoosta ka xariiqay in ay sii wadi doonaan macaawinada nuucaan oo kale ah.

Sidoo kale wasiirka wasaaradda xanaanada xoolaha iyo beeraha oo isna ka hadaly xerada Rajo ayaa uga mahadceliyay hay’adda bisha cas ee imaaradaka sida ay uga qeyb qaadaneyso taakuleynta dadka barakacayaasaha iyo mashaariicda lagu horumarinayo dadkaasi si ay dib ugu laabtaan deegaanadii ay ka soo hayaamdeen.

Xerada Rajo oo ah  xeradii labaad oo ay yagleesho  dowladda KMG ah ayaa waxaa ku nool qoysas barakacayaal ah kuwaas oo ka soo barkacay qqeybo ka mid ah Gobolladda dalka kadib markii ay ku dhufteen abaaraha.


October 30, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) : Agaasimeyaasha guud ee Wasaaradaha dalka ayaa maanta u ambabaxay Magaalada Kampala ee dalka Uganda si ay uga qeyb galaan Aqoon isweydaarsi ku saabsan
sameeynta miisaaniyadda wasaaradaha.

Aqoon isweydaarsiga ay ka qeyb gali doonaan agaasimayaasha guud ayaa waxa soo qabanqaabisay hay’adda NDI iyadoo muddad uu soconayo ay tahay 2maalmood.


Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada dhallinyarada iyo sporiga Aweys Sheekh Xandaad oo hogaaminayay wafdigaasi islamrkaana kula hadlay warbaahinta qaranka garoonka Aaden Cadde ayaa hoosta ka xariiiqay in tani ay tahay qeybtii sadexaad ee lagu soo gebagebeeynayo aqoon isweydaarsiga maadaama ay dhowr jeer oo hore aqoonisweydaarsiyadan oo kale kaga soo qeyb galeen wadanka dibaddiisa.


October 30, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) :Taliyaha Ciidammada Guutada Madaxtooyada Gaashaanle Sarre C/laahi Cali Caanood ayaa faah faahin kabixiyey Weerar ay Ciidammada Dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee Amisom maanta ku fashiliyeen xaruntii tababarka farsamada Warshadaha ee Xero Jarmal.

Gaashaanle Sarre C/laahi Cali Caanood oo caawa Wareysi siiyey Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa tilmaamay in Maleeshiyada Shabaab ay maanta soo qorsheeyeen weerar kaasi oo ay fuliyeen Laba ruux oo naftood haligeyaal ah balse qasaaraha uusan gaarin intii ay ayaga ugu soo talogaleen.

Gaashaanle Sarre C/laahi Cali Caanood ayaa tilmaamay in weerarkii markii Labada ruux ay naftooda haligeen goobta uu dhaawac kasoo gaaray Laba Askari oo ka tirsan guutada Madaxtooyada ayadoo mid kamid ah Askartaasi dhaawacantayna uu ugu dambeyn u geeriyooday dhaawacii goobta kasoo gaaray.

Dhanka Ciidammada Midowga Afrika ee Amisom ayaa iyana afhayeenkooda Pady Ankunda waxa uu saxaafadda u sheegay in weerarkaasi ay kaga dhaawacantay Laba Askari oo Ciidammadooda ka tirsan kuwaasi oo dhalashadoodu ay tahay Uganda.

Xaalada Xerada dugsigii tababarka Warshadaha ee Xero Jarmal oo markii labadaasi qofood ay naftooda haligeen kadib ay Maleeshiyada Shabaabku weerar kale kusoo qaadeen ayaa caawa degan waxaana sida ay Saraakiishu sheegeen jirin wax saameyn ah oo goobta laga dareemayo.



October 29, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) : Shir maalamah uga socdan wasaaradda arrimaha guddaha, maamulka gobolka Banaadir iyo taliska Baliiska Soomaaliyeed ayaa lagu gorfeeyay xasilinta
amniga gobolka Banaadir ayaa lagu soo gaba gabeeyay magaalada Muqdisho.

Kullankaasi oo ay ka qeyb galeen masuuliyiin ay ka mid ahaayeen wasiirka arrimaha guddaha iyo amniga qaranka, taliyaha ciidamada Baliiska, guddoomiyaha maamulka Banaadir iyo masuuliyiin kale waxaana
ujeedka kullankaasi uu ahaa sidii loo xoojin lahaa ammaan gobolka Banaadir.

Taliye ku xigeenka ciidamada Basliiska Soomaaliyeed Ganeral C/xakiin  Daahir Saacid oo gaba gabada kullanka warbaahinta qaranka la hadlay ayaa sharaxaad ka bixiyay waxyaahihii lagu lafa guray shirka intii uu socda
waxa uuna tilmaamay in shirkaasi looga hadlay sidii la isaga kaashan lahaa dar dar galinta amniga caasimadda iyo ka hor taga falalka guran ee ay maleegayaan maleeshiyada Shabaab.

Waxa uu intaa ku daray in in lagama maarmaan ay tahay xasilinta amniga gobolka Banaadir maadaama ay ka xuroowday Argagixisadda dhibaatada ku heysay ummada Soomaaliyeed.

Taliye ku xigeenka ayaa hoosta ka xariiqay in ay jiraan qorshayaal a damacsan yihiin Khawaarijta oo ah in ay falalka is qarxinta u adeegsadaan dadka waayeellada ah iyo carruurta oo ay xogtaasi heleen
isagoo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in arrintaasi ay ka feegjiknaadaan oo ay wada shaqeyn la yeeshaan ciidamada ammaanka.


October 29, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) : Maxakamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa ka digtay in dagaal lagala hor yimaada ciidamada Baliiska iyo Nabad Sugidda ee howllada ka wada magaalada Muqdisho iyadoo sidoo kale ka hadashay dhac la sheegay in rag ay ka geystaan degooyinka Yaaqshiid iyo Hilawaa.

Guddoomiyaha maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomalaiya G/sare Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo saakay la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in marka hore uu uga digayo kooxo qas wadayaal ah oo doonaya in ay dhibaateeyaan ciidamada ammaanka ee howl gallada ka sameenaya xaafaddaha magaalada Muqdisho isagoo tilmaamay in arrintaasi ay ka digtoonaadaan kooxahaasi.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in ciidamada ammaanka aysan ka howl gallin Karin ayadoo sharciga aan loo marin, hadii ay iska how gallaanna ay masuuliyadaasi qaadayaan taliyaasha ciidamada.

G/sare Muungaab ayaa tilmaamay in maalmahan ay jireen cabashooyin ka soo yeeraya dadka ku nool xaafaddaha degmooyinka Yaaqshiid iyo Hilwaa taasi oo ku aadan dhac ay halkaasi ka geeysanayaan rag ku libisan dareeska ciidamada, “arrintaasi masuuliyadeeda waxaa wax laga weyniinayaa taliyaasha ciidamada halkaasi ku sugan sharciga ayaana la hor keenayaa cidii arrintaasi lagu helo”ayuu yiri guddoomiyaha maxakamada ciidamada.

Ugu danbeytii waxa uu carabaatay in todobaadka soo socda ay maxkadu fulin doonto xukuno horey loo riday oo ay ku fulin doonto dadkii arrintaas sugayay.


XAFIISKA MADAXWEYNAHA

OFFICE OF THE PRESIDENT


OP/som12/26/2011

October 28, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) : Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta waxuu casilay Ra'iisal Wasaare Dr. Cabdiweli Maxamed Cali oo ku been-abuurtay inuu saxiixay Madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed xad-daradii Dowladda Kenya ay si sharci darro ah uga soo gudubtay xuduuda Soomaaliya ayagoo fulinaya hawlo ay ku taageerayaan jabhado qabiil ah oo ay Kenya taageeraysay tan 1991dii markii u dagaalka sokeeye ka billaawday Soomaaliya ilaa iyo hadda.

1. Waa inuu Ra'iisal Wasaare
Dr. Cabdiweli Maxamed Cali si deg deg ah isu-casilaa sababtoo ah inuu dantii qaranka ka doorbiday danta qabiil oo aan waafaqsanayn Axdiga iyo Dastuurka Soomaaliya.
2.
Waa inuu Ra'iisal Wasaare Dr. Cabdiweli Maxamed Cali soo wareejiyaa hanti qaranka ee uu magaciisa ku qoran
3.
Waa inuu Ra'iisal Wasaare Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ka toobad keenaa been-abuurkiisa uu magaca madaxweynaha ku lifaaqay iyo sharci-darrada kala duwan ee uu ku minjo-xaabinayo Qaranka Soomaaliya.
4.
Waa inuu Ra'iisal Wasaare Dr. Cabdiweli Maxamed Cali oo ka qiray idaacadaha inuu ogalaaday xaq-darradda Dowladda ay ku soo gashay Soomaaliya.
5.
Waa inay Dowladda Kenya si deg deg ah uga baxdaa dhulka Soomaaliya ee ay horay iskugu-dayday inay ka cabbirato dhul baddeed Soomaaliyeed.

Anigoo ah Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed waxaan laga billaabo maanta oo taariikhdu tahay Arbaco, October 27, 2011 casilay Ra'iisal Wasaare
Dr. Cabdiweli Maxamed Cali iyo xukuumaddiisa oo gudan waysay waajibaadka dalka ka saarnaa.

DHAMAAD



XAFIISKA GOLAHA SHACABKA SOOMAALIYEED

OFFICE OF THE SOMALI PARLIAMENT


October 26, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) : Afhayeenka Barlamaanka Soomaaliya Mudane Shariif Xassan Shiikh Aadan oo maanta shaaca ka qaaday inay Dowladda Kenya ku soo xad-gudubtay madaxbanaanidda Qaranka Soomaaliya ayadoo aan wax ruqso ah ka haysan Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Shariif Shiikh Axmed iyo Golaha Barlamaanka Soomaaliya sidaas darteedna waxaa waajib ah inay si deg deg ah u joojiso Dowladda Kenya iyo xad-gudubyada ay ka wado gudaha Soomaaliya taasoo ay ku taageerayso maamul ay ugu magac-dartay Azania oo ah mid aynan ku heshiin dadka wada dega gobaladaas.

Aniga waxaa caddaynayaa inay Dowladda Kenya ay si sharci-darro ah ku soo gashay dalka Soomaaliya marka haddii ay u maleeyeen in isqab-qabsiga siyaasiyiinta Soomaaliyeed ay ka dhex faa'iidaysan karaan way ku qaldan yihiin sidaas.

Aniga waxaan aad iyo aad uga xumaaday Ku-xigeenka Afhayeenka Barlamaanka Kenya Mudane Faarax Macallin inuu aflagaadeeyo Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Dowladda Soomaaliya.

Dowladda Kenya waan ognahay danaha ay ka leedahay Soomaaliya iyo sidii ay hubka u kala siin jirtay jabhadaha Soomaaliyeed ilaa 1991dii ilaa iyo hadda.

Soomaaliya ma ahan dhul hadda la aqoonsanayo! Horay ayaanu Dowladda Kenya uga diidnay inay sharci-darro ku cabbirato dhul baddeed Soomaaliya sidaas awgeedna waxaan ku amraynaa inay Ciidamadda Kenya si deg deg ah uga baxaan Soomaaliya.

Afhayeenka Barlamaanka Soomaaliya

Mudane Shariif Xassan Shiikh Aadan

XAFIISKA MADAXWEYNAHA

OFFICE OF THE PRESIDENT



October 25, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) : Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta ka hadlay wararka sheegaya in ciidamo ka socda dalka Kenya ay soo galeen dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha oo maanta shir saxaafadeed ku qabtay degmada Dayniile ayaa yiri: “Waxaa jira waxyaabo yaryar oo aan u aragno inaysan habbooneyn. Waana kala hadalnay dowladda Kenya, waxaana ka mid ah waxyaabahaas ciidamo inay iska soo galaan Soomaaliya. Dowladuna ma oggola, shacabka Soomaaliyeedna ma oggola.”

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri:

“Sidaad  la socotiina ciidamada hadda jooga ee AMISOM waxay ku joogaan oggolaansho Dowladda Soomaaliyeed iyo shacabka iyo mandate uu siisay UN-ka (Qaramada Midoobay) iyo African Union (Midowga Afrika).

“Marka iskaashi ayaa naga dhexeeya dowladda Kenya, laakiin waxaan kala hadalnay habka aan anaga u rabno inay noo kaalmeeyaan inuu yahay hab cad oo ah in …Ciidamada Qalabka Sida inay diyaar u yihiin inay shaqada qabsadaan, Kenyana aan uga baahanahay inay gacan siiyaan ciidamada ee aysan dhicin wax intaas ka duwan. Wadashaqeyn xooggana ay jirto oo laga wada shaqeeyo nabadda iyo soo-celinta nabadda dalka.”

“Waxaan gaarsiinay inaan aad uga xunnahay in dalkooda ay dhibaato u geystaan Al-Shabaab iyo Alqaacida….diyaarna aan u nahay in lays kaashado. Waxaan fileyno waxay yihiin iskaashigaas laga wada hadlay oo
aan filayo inaad ogtihiin in Addis Ababana shir lagu qabtay IGAD, ujeeddaduna ay ahayd in la ilaaliyo in la ilaaliyo darisnimada iyo nabadda deegaanka, aanay dhicin wax keeni kara mugdi ama shaki keeni kara, ama gelin kara dowladaha ama gelin kara shucuubta.”

Hadalka Madaxweynaha ayaa imanaya iyadoo ay dalka soo galeen ciidamo ka tirsan dalka Kenya.


XAFIISKA MADAXWEYNAHA

OFFICE OF THE PRESIDENT

October 25, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) : Xafiiska Isgaarsiinta Iyo Heshiisyadda Dowladda Soomaaliya ayaa maanta waxuu shaaca ka qaaday inuu Faarax Macalin oo ah ku xigeenka Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya uu si khaldan u caaddaystay inuu aflagaadeeyo Madaxda Dowladda Soomaaliya asagoo kamid ah ragga ay Soomaaliya ka deggi ladahay tan 1991dii ilaa iyo hadda. Waxaanu u sheegaynaa Mudane Faarax Macalin iyo Dowladda Kenya in aynan wax sharci ah u haysan inay ku soo xadgudbaan xuduuda Soomaaliya. Madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo cayriyey Afhayeenkii Dowladda Soomaaliya ahna La Taliyaha Xafiiska Ra'iisal wasaaraha Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan "Yariisoow" markii uu ka soo bixi waayey hawlihii loo xiilsaaray ee ahaa warbaahinta iyo xiriirka dowladda asagoo jawaabo qaldan ka bixiyey xadgudubka Dowladda Kenya.

October 25, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) : Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa galabta afduub loogu gaystay shaqaale isugu jira Ajnabi iyo Soomaali kuwaasoo ka shaqaynayay mid ka mid ah NGO-yada caalamiga ah ee gobolka.

Shaqaalahan oo ka tirsanaa hay`ada Danish Demaning Group (DDG) ayaa waxaa ay hawlo shaqo a hayeen mid ka mid ah xaafadaha magaalada Gaalkacyo waxaana kooxo dablay ah u suurto gashay in ay afduubaas u gaystaan iyaga oo aan si rasmi ah loo garanayn halka ay la aadeen.

Saddexdan shaqalahaa ayaa waxa ay u kala dhasheen wadamada Maraykan, Denmark iyo Soomaaliya, waxaana afduubkan uu dhacay galabta xilli ay hawlahooda ku guda jireen.

Mas`uuliyiin ka tirsan maamulka Gal-Mudug ayaa sheegay in ay a shaqaynayaan sidii dib xoriyadooda u heli lahaayeen saddexdaasi shaqaale.

Hay`adda DDG ayaa muddo a shaqaynaysay magaalada Gaalkacyo iyada oo si isku mid ah hawlaha uga qabata dhinacyda gobolka ee Koonfurta iyo Wuqooyiga.

October 25, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) :  Halkan Waxaan idinkugu soo gudbineynaa Sawirrada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta kormeer howleed ku tagay xerada Barakacayaasha Badbaado ayadoo Madaxweynaha Kormeerkiisa ay ku wehlinayey Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo sidoo kale xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda.






Hillary Clinton: ““Waxaan idiin sheegayaa inaan ku faraxsanahay inaan ku dhawaaqo inaan Soomaaliya ugu yaboohayno lacaggaaraysa 100 million oo dollar…..”

October 25, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) : Xog’hayaha arrimaha dibbada wadanka Maraykanka Hillary Clinton ayaa ku dhawaaqday inay wadamada Africa oo ay Soomaaliya ku jirto ugu yaboohayaan lacago dheeraad ah oo loogu talo galay in lagu caawiyo dadka macaluushu hayso.

Clinton waxay xustay in Maraykanku Soomaliya iyo wadamada kale ee bariga Africa ku yaala ay ugu talo gashay lacag dhan 10Million oo Dollar taasoo loogu talo galay in loogu gar gaaro dadka macaluushu kuhaysato gobolada Soomaaliya ee abaartu ku dhufatay.

“Waxaan idiin sheegayaa inaan ku faraxsanahay inaan ku dhawaaqo inaan Soomaaliya ugu yaboohayno lacag gaaraysa 100 million oo dollar taasi oo lagu quudin doono dadka macaluushu ku haysato gudaha Soomaaliya” ayay tiri haweeneyda arrimaha dibbadda u qaabilsan dawlada Maraykanka.

Hillary Clinton waxay sidoo kale shaacisay inay Soomaaliya ku taageerayaan raashin iyo agabyo kale oo dadka barakacayaasha ah loogu talo galay iyadoona sheegtay in qorshahaan uu qeyb ka yahay barnaamijka Madaxweeyne Obama ah ee “Quudi Mustaqbalka”.

Q,M ayaa horey u sheegtay in tiradoodu ka badan 13, million oo ku nool wadamada bariga Africa inay la il daran yihiin macaluul ka dhalatay abaaraha dalka ka jirta iyadoona ay Q,M sidoo kale ka digtay kumanaan ruux oo Soomaali ah ay halis ugu jiraan macaluul iyo nafaqo darro.

October 25, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) : Madaxweyne Shiiikh Shariif Shiikh Axmed oo soo dhaweeyey wafdi ka socday Dowladda Cusub ee Libya kuwaasoo caawimaad iyo xiriir cusub ula yimid Dowladda Soomaaliya.














October 25, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) : Dowladda Soomaaliya ayaa Tacsi u dirtay shacabka iyo Dowladda aynu walaalaha nahay ee Turkiga oo ay Dowladdu uga tacsiyadeeysay Masiibada dhul gariirka ah ee dalkaasi qaybo ka tirsan ku dhufatay kadib Warsaxaafadeed Caawa arintaasi laga soo saaray.

War Saxaafadeed 58/2011

Xukuumadda Soomaaliya oo tacsi u dirtay Turkiga

(Muqdisho, Oktoobar 24, 2011) Xukuumadda Federaalka KMG ah ayaa u dirtay tacsi Xukuumadda iyo Shacabka Turkiga kaddib markii dhul-gariir xooggani uu ku dhuftay koonfur-bari dalkaas shalay oo Axad ahayd.

“Xukuumadda Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh u direysaa Xukuumadda iyo Shacabka Turkiga, gaar ahaan qoysaskii ay dhibaatadu ka soo gaartay, waxaana xaqiijineynaa inaan garab taagannahay waqtigan murugada badan,” ayuu yiri Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya, Dr. Cabdiweli Maxamed Cali.

“Dhammaan shacabka Soomaaliyeed waxay la murugoonayaan, oo garab-taagan yihiin shacabka Turkiga, iyagoo isla markaana u duceynaya,”ayuu intaasi ku daray Dr. Cabdiweli.

Ra’iisul-wasaare Cabdiweli ayaa dhambaal tacsi ah oo deg deg u diray habeenkii Axadda dhiggiisa Rajab Dayib Erdogan, isagoo dhambaalkaas ku muujiyay sida uu uga xun yahay dhacdada naxdinta leh ee ku dhacday dalkaTurkiga.

Jamhuuiryadda Turkiga waa saaxiib iyo taageere weyn oo uu leeyahay dalka Soomaaliya xilligan adag oo uu dalku la tacaalayo abaartii ugu ba’neyd muddo 60 sano ah.

Ra’iisul-wasaare Dr. Cabdiweli wuxuu ugu dambeyntii sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay la garab-taagan tahay Turkiga wixii taageero ahee awooddeeda ah.

DHAMMAAD



October 25, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) : Waxaa magaalada Geneva ee xarunta dalka Swezerland ka furmay maanta Shirka sanadlaha ee Urur weynaha Isgaarsiinta Caalamka (ITU) ayadoo shirkanna
sanadkan ay kasoo qeyb galeen Wasiirada Isgaarsiinta oo 55 dal oo caalamka ah ka kala socda iyo 150 Shirkadaha Isgaarsiinta iyo horumarinta Tiknooloojiyada Qaabilsan.

Wasiirka Wasaaraadda Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/qaadir Xuseen Maxamed(Jahweyn) oo hogaaminaya Wafdiga dhanka Dowladda Soomaaliya shirkaasi uga qeybgalaya
ayaa wareysi uu siiyey Radio Muqdisho waxa uu ku sheegay in Shirku uu sirasmi ah maanta u furmay islamarkaana uu socon doono mudo seddax cisho ah.

Wasiirka Warfaafinta ayaa tilmaamay in furitaanka shirka xubnaha ka qeybgalaya ay is weydaarsadeen aragtiyo la xiriira waxa ilaa hada kusoo kordhay Isgaarsiinta Caalamka iyo sida ay Tiknooloojiyada Caalamka uga
hormareyso islamarkaana dhanka Soomaaliya ay madasha ka sheegeen baahidala xiriirta xaga horumarinta Isgaarsiinta Dalkeena.

Wufuuda shirkan ka qeybgalaysa ayaa la filayaa in marka uusoo idlaadooo 27ka bishan ah inay soo saaran go’aanno ka imaanaya tallooyinka inta
uu shirku socdo la is dhaafsanayo.


October 24, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) : Xukuumadda FDKMG Soomaaliya ayaa sheegtay in ay soo dhaweeneyso cid walbo oo dooneysa in nabadda  waxa ku qaato iyadoo  shacabka Soomaaliyeed ugu baaqaday in ay sii laba jibaaraan ka shaqeynta ammaanka guud ee dalka.

R/wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya mudane Cabdi Welli Maxamed Cali ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay u bislaadeen nabadda iyo hormarka maadaama ay muddo ku soo jireen dagaallo iyo bur bur, waxa uu tilmaamay in aysan jirin waddo ka wanaagsan tan nabadda.

R/wasaare Cabdi Welli ayaa sheegay in uu baaq u dirayo dhammaan ummada Soomaaliyeed meel walbo oo ay jooggaan kaa oo ku aadan qaadashadanabadda, isago intaa ku daray in dowladda Soomaaliyeed ay soo dhaweeneyso kooxaha qas wadayaasha hadii  mushkilada ay ka tana sulayaan.

Mudane Gaaz ayaa carabka ku dhuftay in ay muhiimadda ay tahay danta guud ee ummadda oo si xaq iyo cadaalad looga wada shaqeeyo.

“dhawaan Muqtaar Rooboow oo ka tirsan Shabaab waxaa qirtay in dadka Soomaaliyeed ay danbiyo ka galeen islamarkaana uu doonayo in ay cafiyaanhadii Abuu Mansuur uu Alle soo hannuuniyo waan soo dhaweeneynaa”ayuu yiri R/wasaaraha Soomaaliya.

Ugu danbayntii ayuu tibaaxay in ay ku dadaaleyo Xukuumadda sidii loo hiigsan lahaa hormarka oo dadka Soomaaliyeed ay u noqon lahaayeen dad xifad leh oo aqoon iyo waaya araknimo wax ku raadiya.



October 24, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) : Faahfaahin dheeri ah ayaa ka soo baxeeysa qasaaro xooggan oo kooxda Shabaab ka soogaaray duqeymo shalay ay ka geeysteen magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose diyaaraddo nuuca dagaalka ah oo bartimaameydsay salshiyo ay kooxda Shabaab ku sugneed.

Iyadoo shalay galinkii danbe ay diyaaraddo nuuca dagaal ah ay duqeyeen oo ay bar tilmaameydsadeen saldhiyo ay kooxda Shabaab ugu sugneed magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose halkaasi oo kooxda uu ka soo gaaray qasaao lixaad leh.

Wararka uu saakay Radio Muqdisho ka helay magalaada Kismaayo ayaa sheegaya in Isbitaalka magaalada Kismaayo la keenay maydadka horjooggyaal iyo maleeshiyaad Al-Shabaab ugu geeriyootay duqeyn ka dhacday Dakedda magaalada Kismaayo.

Shacabka ku sugan magaalada Kismaayo oo uu Radio Muqdisho la xariiray ayaa inoo xaqiijiyay in maleeshiyada uu soo garay qasaaro xooggan oo aan welli ka soo gaarin duqeymaha ka dhaca Jubbooyinka.

Xerada Koongo oo u taalla gobolka Jubbada Hoose ayaa la sheegay in ay dhaawacyo iyo dhimasho ay ka soo gaartay horjooggayaal Shabaabka ka tirsan oo halkaasi kullan ku lahaa ka dib markii ay duqeeyeen diyaaraddo dagaal oo la tilmaamay in ay ka soo dul kaceen Markab nuuca dagaalka ah.

Wararka ayaa intaa ku daraya in qasaaraha uu badan yahay hasa ahaatee aan la wada ogaan Karin, maleeshiyaadka ku dhaawacmay duqeynta ayaa loodiiday in ay soo eegaatn waalidiintooda sida ay inoo sheegeen dad ku sugan magaalada Kismaayo.

Xaaladda magaalada Kismaayo ayaa laga dareemayaa kacsanaan iyo wal wal soo wajahay Khawaarijta Shabaab iyadoo dadka halkaasi ku suganna ay billaabeen in ay isaga baxaan.

October 24, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) :  Agaasimaha waaxda ka hortaga walxaha qarxa Cornel Aadan Fiidoow Barre oo waxbaahinta qaran usoo bandhigay Hubka ayaa sharaxaad ka bixiyay waxyaaban halka ay ka soo qabteen waxa uuna tilmaamay in ciidamada ammaanka ay xalay Hubkaani  ka soo qabteen Bakhaar kooxda Shabaab ay Hubka ku keydsan jirtay oo ku yaalla suuqa weyn ee Bakaaraha.

Sidoo kale Cornel Aadan ayaa sheegay in Hubkaani uu yahay kii ugu danbeeyay ee Shabaabku ay doonayeen in ay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed maadaama aysan laheen awood ay kulla dagaallamaan ciidamada dowladda Soomaaliya oo wada howl gal ka dhan ah jiritaanka kooxda Al-Shabaab.

Agaasimaha ka hortaga walxaha qarxa ayaa sheegay in Hubka uu u badan yahay walxaha qarxa, isagoo tibaaxay in ay jiraan illaa iyo dhowr iyo toban ruux oo lala soo qabtay Hubka hadaa ay baaritaanno ku wadaan.

Ugu danbeyntii ayuu sheegay in welli ay socdaan howl gallada ammaan kalagu sugayo si meesha looga saaro in kooxda Shabaab ay ummada Soomaaliyeed ku xasuuqyo qaraxyo.


October 23, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) : Xukuumadda Soomaaliya ayaa mar kale ku celisay sidii wax looga qaban lahaa ammaan guud ee dalka iyo in kooxda Al-Shabaab laga xureeyo gobollada ay welli  haraadiga ku tahay islamarkaana kooxda jiritaankeeda uu meel  gaba gabo ah marayo.

R/wasaaraha Xukuumadda FDKMG Soomaaliya mudane Cabdi Welli Maxamed Cali oo la hadlayay cutubyo ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo taba bar loo xirayay ayaa sheegay in Xukuumadda ay ku dadaaleyso sidii ay u sugi laheed ammaanka guud ee dalka islamarkaana ayu sii wadi laheed la dagaallanka kooxda Al-Shabaab.

R/wasaaraha ayaa tilmaamay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay muujiyeen geesinino iyo sida ay dalkooda ugu heellan yihiin, waxa uu carabka ku dhuftay in guul laga gaaray dhammaan qorshaha howl gallada ee ka socda qaar ka mid ah gobollada dalka dowladda Soomaaliyeedna ay ka go’an tahay in ay sii wada arrimhaasi oo uu R/wasaaraha ku tilmaamay kuwa lagama maarmaan ah.

Mudane Cabdi Welli Maxamed Cali ayaa tibaaxay in ay soo gaba gaboowday jiritaanka kooxda Al-Shabaab taasina Alle ka sukoow loga mahadceliyao ciidamada xoogga dalka Soomalaiyeed.

R/wasaaraha ayaa ug baaqay dhammaan ummada Soomaaliyeed in ay ka shaqeeyaan hormarka dalka maadaama ay nabaddu soo iftay guulna la gaarayisagoo intaa ku daray in marnaba aysan kala maarmin ciidamada dalka difaacaya iyo shacabkooda maallin iyo habbeen garab taagan.


October 23, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) : Wasiiradda arrimaha dibedda IGAD oo kullan deg deg ah oo ay ku yeeshay magaalada Adis Ababa ee dalka Ethiopia ayaa waxa ay uga hadleen xaaladda dalka Soomaaliya iyo  sidii loo xoojin lahaa ammaanka islamarkaana la taageysro ciidamada Midoowga Afrika ee nabadda ka wada Soomaaliya.

Kullan ay wada yeesheen wasiiradda arrimaha dibedda urur gobolleedka IGAD ayaa waxa uu ka dhacay magaalada Adis Ababa ee dalka Ethiopia.

Wasiiru dowlaha arrimaha dibedda Xukuumadda FDKM ah ee Soomaaliya Xaamud Cali Masheeyo oo  waraysi siiyay Radio Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyay waxyaabihii looga hadlay kullanka iyo qodobadda laga soo saaray waxa uuna sheegay in shirka ay soo qaban qaabisay IGAD islamarkaana looga hadlay xaaladda Soomaaliya oo meel xasaasi ah mareysa.

Wasiiru dowlaha  ayaa sheegay in la isla afgartay in si wanaagsan looga wada shaqeeyo ammaanka iyo in la xoojiyo awoodda ciidamada dowladda Soomaaliya, ciidamada nabad illaalinta Soomaaliya ujooga ee AMISOM si looga adkaado kooxaha qas wadayaasha ah ee dalalka dariska ah amnigooda waxyeelleynaya.

Mudane Xaamud Cali ayaa sheegay in shirkaasi uu yahay mid billow ah hasa ahaate aanu jirin wax go’aanno rasmi ah oo laga soo saaray Soomaaliya maadama shirka uu ahaa mid deg deg ah, waxa uu intaa raaciyay in qodobo muhiim ah la soo jeediyay kullanka.

Kullan ay yeehsheen wasiiradda arrimaha dibedda IGAD ayaa waxaa uu imaanayaa iyadoo ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOMay magaalada Muqdisho si awood ah ay uga xureyeen kooxda Argagixisadda ah ee Al-Shabaab islamarkaana ay ciidamadu ku sii baacsanayaan duleedka Muqdisho maleeshiyaadka haraadiga ah ee Shabaab.



October 23, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) : Horjooggaha ugu sareeya kooxda Al-Shabaab  ayaa sheegay in kooxda uu so wajay jab xooggan isagoo ugu baaqay in dhallinyarada ay sii wadaan waxa uu ugu yeeray Jihaadka.

Maleeshiyada kooxda Al-Shabaab oo dhinacyo badan ka wajaheysa guluf dagaal oo kooxda u geeystay qasaaro xooggan kaasi oo ku baahsan dhammaangobollada dalka ayaa waxaa horjooggayaasha Shabaab ay billaabeen calaacalka lagu garanayo bur bur koox ama jabhad.

Axmed Cabdi Ow Godane waa horjooggaha uu sareeya maleeshiyada Shabaab waxa uu soo diray fariin maqal maadaama uusan awood u laheen in wajiisa uu horkeeno horjooggayaasha ka hoose iyo maleeshiyaadka uu fikirkiisa ku shubay waxa uuna si wel wel iyo cabsi ay ka muuqato u sheegay in ay soo wajahday dhibaato xooggan oo dhan walba ah.

Axmed Godane ayaa tilmaamay in maleeshiyada Shabaab ay ku jiraan dagaal xooggan oo ay ku hayaan ciidamada dowladda Soomaaliya waxa uu ka gaabsaday jabka ka soo gaaray caasimadda Muqdisho, inkastoo maleeshiyaakiisa uu ku beer laxoowsaday in ay guulleysan doonaan.

“dhallinyarada Jihaadka waxa ay ka doorteen aduunka kale waa in la xojiyaa fikirka Jihaadka si dhallinyara ay u sii difaacaan jiritaanka Al-Shabaab, maamullada Shabaabka ee gobollada waa ay ka gaabiyeen dagaallada taasi waxa ay muujineysa laciifnimada soo gaartay” ayuu yiri horjooggaha Shabaab Axmed Godane.

Horjooggayaasha Shabaab waxa ay billaabeen in ay u qeyla dhaamiyaan oo ay niyada ka xadaan dhallinta Soomaaliyeed oo badankooda gartay micnaha kooxda Al-Shabaab iyo hadafka ay damacsan tahay oo ah mid aan katurjumeynin rabitaanka dhallinyarada Soomaaliyeed oo Shabaab dhaawacyo u geeysatay.


October 22, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) : Horjooggaha labaad ee kooxda Shabaab Muqtaar Rooboow ayaa qirtay in shacabka Soomaaliyeed ay dhibaato u geysteen iyadoo dhanka kale uu sheegay in ay ku jabeen dagaalladii ugu danbeeyay ee magaalada Muqdisho.

Maleeshiyada kooxda Shabaab oo uu jab xooggan ka soo gaaray  howl galka ay ciidanka dowladda Soomaaliya ka wadaan magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka ayaa waxa ay xisaabi la’dahay siyaadda guracan ee Khawaarijtu ay ku caan bexeen.

Muqtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur waa horjooggaha labaad ee Khawaarijta Shabaab hadal uu dhawaan jeediyay ayuu ku qirtay in Shabaab ay ummada Soomaaliyeed ay dhibaatooyin badan u geysteen islamaakan shacabka rabitaankiisu uusan ahayn Al-Shabaab.

Horjoogge Abuu Mansuur ayaa tilmaamay in shacabka ay muddo maquuninayeen oo aysan si cadaalad ah u hooggaaminindadka Soomaaliyeed, waxa uu inta sii raaciyay in taasi kooxda Shabaab ay ka dhaxashay bur bur baaxad leh.

“anaga danbiyada aan galnay waa kuwa aad u badan hadana waxaan dooneynaa in ay naga saamaxaan ummada Soomaaliyeed dhibaatada Shabaab shacabka uu ugeystan illama ahan in ay si fudud ugu cafin doonaan”ayuu yiri Murtaar Rooboow.

Dhinaca kale Muqtaar Rooboow ayaa si aan leex leexad u lahayn u sheegay in i si aad ah ugu jabeen dagaalladii ay la galeen ciidamada dowladda Soomaaliya gaar ahaan dagaalladii looga saaray magaalada Muqdisho “Shabaab dowladda awood ay kulla dagaallanto malahan dhaqaallo dari ayaa sii dheer” ayuu yiri horjoogge Abuu Mansuur.

Horjooggayaasha sidan oo kale u qirtay in ummada Soomaaliyeed ay danbiyo xooggan ka galeen ma ahan Abuu Mansuur oo kaliyah waxaa hadal uujeediyay Xasan Daahir Aweys oo ka tirsan Shabaab uu sheegay in ay dadka Soomaaliyeed dhibaato u geysteen hasa yeeshee aysan ka maarmin in ay ku dhex jiraan shacabka si gabaad ay uga dhigtaan.

Hadaba su’aasha isweydiinta muddan ayaa waxa ay tahay shacabka Soomaaliyeed Al-Shabaab maka saamixi doonaan dabiyada ay ka galeen iyo kuwa ay hada ku hayaan” sida qaraxii magaalada Baladweyne, kii Hotel Shaamoow iyo midkii ugu danbeeyay ee Hargaha iyo Saamaha.


October 22, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) : Dadkii ugu badnaa ee horey ay uga barakicyeen maleeshiyada kooxda Shabaab magaalada Muqdisho ayaa si aad ah ugu soo laabanaya magaalada iyadoo waddooyin caasimadda ay mashquuliyeen gaadiidka dadka deegaannada loo barakacay ka soo laabanaya

Magalaada Muqdisho oo in muddo ay dad badan guryahooda ka maqnaayeen ayaa waxaa haatan dadkii u barakacay duleedka magaalada Muqdisho ay billaabeen in dib ay ugu soo laabtaan xaafaddahoodi kaddib markii ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ay caasimadda ka xureeyeen Khawaarijta Shabaab.

Wariyaheenna Bashiir Khaliif Gaani oo saakay gaaray qaar ka mid ah isgoysyada magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu ku soo arkday halkaasi dad iyo gadiid aad u badan oo buux dhaafiyay Isgoysyo ay ka mid yihiin Ex-Kontarool Afgooye, Banaadir, Soobe iyo Dabka.

“dadka markii aad la sheekeysato waxa ay kuu sheegayaan in ay aad ugu faraxsan yihiin in dib ay ugu soo laabtaan guryahooda oo muddo sanaddo ah ay ka maqnaayeen” ayuu yiri Wariye Bashiir Khaliif Gaani.

Sidoo kale dadka oo aanu wax ka weydiinay in ay saameyn ku yeesheen howl gallada ay ciidamada dowladda ka wadaan goobo ku dhow deegaannada loo barakacay ayeey dadka qaar tilmaameen in suuro gal ay tahay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay gaaraan meellahaasi madaama muddooyinkan Shabaab laga soo saaray qaybaha ay uga hareen caasimadda.

Dhinaca kale waxaa sare u kac kii ugu xoogganaa uu ku yimid qiimaha gaadiidka gaar ahaan gaadiidka soo qaadaya dadka ka soo laabanaya deegaannadii ay horey ugu barkaceen, iyadoo halkii qoys lagu soo qaadayo lacag dhan 150$ waxaana dadka qaar ay ku noqotay mid adag in lacagtaasi ay iska bixiyaan waxaadna  arkeyso iyaga oo lugeeynaya waddooyinka si saxmad leh.


October 21, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) :  Ayadoo maanta Taariikhdu ay ku beegantahay 21Octobar oo maanta oo kale sanadkii 1969kii ay Xukuumaddii Kacaanka talada dalka la wareegtay ayaa Radio Muqdisho waxa uu Barnaamij gaar ah ka diyaariyey Waxqabadkii Xukuumaddii Kacaanka ee mudada 21ka sano dalka xukumeysay iyo dhaliilaheeda.

Barnaamijkan oo xambaarsan ama aad ku dhageysan doontaan macluumaad u badan Khudbado laga soo saaray Keydka Radio Muqdisho  waxaa inoosoo diyaariyey halkanna kasoo jeedinaya wariyeyaasheena kala ah Maxamed Abuukar Axmed (Ma’da) iyo C/salaan Cali Mataan (Daacad).

AMISOM oo sheegtay in waxyeelo ay ka soo gaartay dagaalo ay la galeen xarakada Al Shabaab.

October 21, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) : Afhayeenka ciidamada AMISOM Col. Paddy Ankunda oo sugan magaalada Nairobi ee caasimadda u ah dalka kenya ayaa ka hadalay dagaaladii ugu dambeeyay oo ay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda KMG Somalia oo iskaashanay ay ku qaadeen deeegaankii ugu danbeeyay oo ay kaga sugnaayeen xarakada Al shabab ee mgaalada Muqdisho.

Col. Paddy Ankunda ayaa sheegay in dagaalkaasi ay ku dhinteen ilaa iyo 10 askari oo ka tirsan ciidamada AMISOM, labo kalana nolosha lagu la’yahay, isaga oo ka dhawaajiyay in lagaga gubay gaari taangi ah oo ay isticmaalayeen ciidamada AMISOM.

Afayeenka ciidamada AMISOM ayaa sidoo kale sheegay in guullo ay ka gaareen dagaaladii u dambeeyay ee muqdisho ka dhacay,sida uu sheegayna ay ku dileen dagaalyahanno fara badan oo al shabab ka tirsan.

Afhayeenka ciidamada AMISOM ayaa ku soo aadaya xilli afayeenka xarakada al shabab Cali Maxamuud Raage (cali dheere) oo meel fagaaro ah oo ay ku soo bandhigayeen maydad AMISOM ah kula hadlay saxaafadda uu sheegay inay jab xoogan ay gaarsiiyeen, islamarkaana ay ku dileen askar gaaraysa 70 oo dhamaantoodba ahaa ciidamada AMISOM waa sida uu hadalka u dhigaye.

Cali Dheere ayaa ugu baaqay dowladaha Burundi iyo Uganda inay ciidamadoodu Somalia ay kala baxaan hadii ay kala bixi waayaana ay jab mid kan la mid ah gaarsiin doonaan.




October 21, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) : Xukummadda Federaalka Soomaaliya ayaa Faah Faahin ka bixisay howlgalka ay maanta Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya iyo Kuwa Midowga Afrika oo iskaashanaya degmada Dayniile kaga saareen Maleeshiyada Kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab kadib Warsaxaafadeed kasoo baxay Xukuumadda.

Shabaab oo laga qabsaday degmadii ugu dambeysay ee Muqdisho

(Muqdisho, 20 Oktoobar 2011) Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa la wareegay Degmada Dayniile oo ah tii ugu dambeysay ee ka tirsan magaalada Muqdisho ee ay gacanta ku hayeen kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab kaddib markii ay howlgal sameeyeen ciidamadu.

Degmada Dayniile waa degmo muhiim ah oo magaalada Muqdisho ku xirto gobollada Shabellooyinka.

Abaanduulaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Cabdulkariim Yuusuf (Dhago-badan), ayaa yiri:

“Waan sii wadeynaa howlgallada si aan dalka uga xoreyno kooxda jid iyo jiho-diidka ah. Inta ay ciidankeenu wadaan howlgalkooda waxaan ka taxadari doonaa sidii loo yareyn lahaa khasaaraha soo gaaraya shacabka iyo hantidooda.”

Dhinaca kale, ciidamada Dowladda ayaa horumar wanaagsan ka sameeyay dhinaca gobolka Jubbada Hoose, halkaasoo ciidanku ka qabsadeen cadowga degmooyin iyo tuulooyin ka tirsan gobolkaas.


DHAMMAAD




October 19, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) : Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa goor dhow gaaray magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga halkaasi oo sidiiran loogu soo dhoweeyey.

Wafdiga Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Istanbuul kusoo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Turkiga.

Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed inta uu joogo dalka Turkigu waxa uu kormeeri doonaa Isbitaalada ay ku jiraan dadkii ku dhaawacmay qaraxii Hargaha iyo Saamaha iyo sidoo kale Jaamacadaha iyo Iskuullada ay wax ka bartaan Ardayda Soomaaliyeed ee dhowaan dalkaasi deeqaha Warbarasho u aaday.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah xubno ka tirsan gollaha Wasiirrada Xukuumadda waxaana uu sidoo kale Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed la kulmi doonaa mas’uuliyiinta dalkaasi Turkiga.




Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa ay tacsi u dirtay qoyska haweeneyda faransiiska aheyd ee maanta ku geeriyootay gudaha dalka kadib Warsaxaafadeed kasoo ++++baxay caawa Wasaaradda Warfaafinta,Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda
Soomaaliya.


War Saxaafadeed 55/2011


Xukuumadda Soomaaliya oo tacsi u dirtay qoyska Haweeneydii Faransiiska ahayd ee geeriyootay


(Muqdisho, Oktoobar 19, 2011) Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya, Mudane Cabdiweli Maxamed Cali ayaa tacsi u diray madaxweynaha Faransiiska, isagoo muujiyay sida uu uga xumaaday geerida Marie Dedieu oo u dhalatay dalka Faransiiska, taasoo ay afduubayaal ku haysteen gudaha Soomaaliya.


Dabley hubeysan ayaa Marie ka soo afduubtay jasiirad ku taalla dalka Kenya, kadibna u soo gudbiyay dalkeena Soomaaliya.


Ra’iisul-wasaaraha ayaa falkan ku sifeeyay inuu yahay mid ka baxsan bani’aadannimada, isla markaana meel uga dhacaya sharafta shacabka Soomaaliyeed.


“Aad baan uga xunnahay geerida ku timid Marie. Waxaan tacsi u direynaa qoyskii iyo asxaabtii ay ka geeriyootay.


“Waxaan ka shaqeyneynay oo aan rajeyneynay in la soo daayo. Nasiib darro, argagixiso ku xiran Al-Qaacida iyo burcad-badeed ayaa khatar u haya nabadgelyada Soomaaliya, gobolka iyo caalamkaba. Xukuumaddeyduna waxay ka shaqeyn doontaa sidii caddaaladda loo horkeeni lahaa dadkii ka dambeeyay falkaas.”


Falkan murugada leh wuxuu muujinayaa mas’uuliyadda shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamkaba ka saran in la nabadeeyo Soomaaliya. In laga caawiyo Soomaaliya dhinacyada sharciga iyo kala-dambeynta iyo horumarka dhaqaalaha ayuunbaa looga guuleysan karaa xagjirnimada iyo burcad-badeednimada.



DHAMMAAD


Haween Soomaaliyeed oo iyagu iskood isu xilqaamay ayaa gelinkii dambe ee maanta waxa ay Xoollo nool iyo Cabitaanno fudud u geeyeen Ciidammada Qalabka Sida ee ku sugan suuqa xoolaha aada oo taasina ay Haweenku ku  muujinayaan sida ay u garab taagan yihiin Ciidammada Cadowga Wadanka Ka xureynaya.

































 




October 19, 2011 (Wararka Dowladda ee Maanta) : Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka ayaa abaal marin lacageed u ballan qaaday cidii soo sheegta xog ama war ku saabsan shirqoollada ay shacbiga Soomaaliyeed u maleegayaan Maleeshiyada Kooxda Khawaarijta ah ee  Al-Shabaab


Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane C/samad Macalin Maxamuud oo gelinkii dambe ee maanta booqday goobtii ay Ciidammada Dowladdu ku fashiliyeen weerar is qarxin ah oo ay soo maleegeen Maleeshiyada Kooxda Shabaab ayaa Shaaca ka qaaday in Wasaaraddu ay abaal marin Lacageed siin doonto cidii soo sheegta xog la xiriirta waxa ay Shacabka u maleegayaan.


October 18, 2011



























 



October 18, September 2011 (Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) : Taliska Ciidammada Badda Soomaaliya ayaa gelinkii dambe ee maanta gacanta ku dhigay dooni siday hub taasi oo ay wateen rag Ajaaniib ah ayadoo fiidkii hore caawana isla Xeebta Liido lagu soo bandhigay doonidaasi iyo Ajaaniibta watay.

Taliyaha Ciidammada Badda Soomaaliya Admiral Faarax Qare oo Saxaafadda kula hadlay xeebta Liido ayaa tilmaamay in doontan ay Ciidammada Baddu kusoo qabteen howlgal ay sameeyeen gelinkii dambe ee maanta islamarkaana ay doonta iyo hubkii watay gacanta lagu dhigay.

Ajaaniibta doonidan la socotay ayaa tiradeedu waxa ay gaareysaa Seddex ruux oo Laba ka mid ah ay u dhasheen dalka Kenya halka qofka Seddexaadna uu u dhashay dalka Tanzania waxaana hada sida uu Taliyaha Ciidammada Badda u sheegay Saxaafadda ku socda baaritaanno lagu xaqiijinayo waxa uu ujeedkoodu ahaa.

Nimanka watay doonidan oo la hadlay iyana Saxaafadda ayaa sheegay inay yihiin Kalluumeysato ka kalluumeeysaneyey xeebaha Jasiiradda Sinsibaar balse ay sahaydii ka go’day balse degmada Baraawe ee gobolka Jubada Hoose ay cunto ka soo qaateen.

Howlgalkan ay Ciidammada Badda Soomaaaliya ka fuliyeen biyaha ku dhow magaalada Muqdisho ayaa imaanaya xili uu horey Taliska Ciidammada Badda Soomaaliya u shaaciyey inay xeebaha dalka ka ilaalin doonaan wixii cadow ah oo kusoo xad gudbaya.


October 17, September 2011 (Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) : Saraakiisha ciidamada XDS ee hoggaaminaya howlgallada ka soconaya gobollada Jubbooyinka ayaa faahfaahin ka bixiyay halka ay marayaan howlagalladaasi iyagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in ay la wareegi doonaan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

Gen Yuusuf Xuseen Cismaan ‘Dhuumaal’oo ka mid ah saraakiisha hoggaaminayeysa howlgallada ay ciidamadu ka wadaan gobollada Jubbooyinka ayaa sheegay in ciidamada XDS ay haatan kaabiga ku hayaan degmada Afmadoow isla markaana ay isku fidiyeen deegaanno aad u balaaran oo ay ka saareen Khawaarijta Shabaab.

Sidoo kale Gen.Dhuumaal ayaa intaa ku daray in ujeedadoodu tahay in ay dalka ka xoreeyaan kooxaha Khawaarijta si loo badbaadiyo caruurta Soomaaliyeed oo ay u adeegsanayaan dagaallada fidnada ah oo ay ka wadaan dalka.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu Gen.Dhuumaal caddeeyay in ay hayaan xog ku saabsan in la heystayaashii laga soo afduubtay Kenya la geeyay magaalada Kismaayo barqanimadii maanta, wuxuuna ku gooddiyay in ciidamadu aysan ka hari doonin khawaarijta ayna uga daba tegi doonaan meel kasta oo ay cagta dhigaan, wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyay in ciidamadu ay dhawaan la wareegi doonaan Kismaayo.

Ciidamada XDS ayaa dhawaan la wareegay deegaanno ka mid ah Jubbooyinka kadib howlgallo ballaaran oo ka dhan ah Khawaarijta oo ay ciidamadu halkaasi ka wadaan.



October 17, September 2011 (Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) : Wasaaradda Beerraha, Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka digtay in ay sii fido abaarta hadii aan laga faa’ideysan xili Roobaadka in la abuurto dalagyada Beerraha iyadoo dhinaca kale caalamka ugu baaqday in laga gacan siiyo sidii loo abuuri lahaa shaqooyinkii dhanka Beerraha ah.

Wasiirka Beerraha Xukuumadda Somaaliya mudane C/llaahi Xaaji Xasan oo hadal ka jeediyay shalay munaasad lagu maamuusayay maalinta Cunnada aduunka ayaa sheegay in xiligaani ay muhiim tahay in dadka Soomaaliyeed ay ka faa’deystaan xili roobaadka deerta si ay u abuurtaan dalagyadii Beerraha si looga baxo abaarta daba dheeraatay ee dalka ka jirta.

Mudane C/llaahi Xaaji Xasan ayaa sheegay in ay qatar ka dhalan karto hadii ay sii jirto abaarta oo hada saameyn ballaaran ku yeellatay noloshada dadka Xoolla dhaqatada ah.

Wasiirka Beerraha ayaa tilmaamay in ay muhiim tahay in dadka Xoolla dhaqatada ah ee ku jira xeryaha barakacayaasha ah in dib looga celiyo degaannadi ay ka soo hayaameen si ay ku noqdaan dadkii ka shaqeyn lahaa Beerraha oo la jooggo xiligii ugu wanaagsanaa ee laga faa’ideysan karo.

Waxa uu caalamka ugu baaqay in laga  gacan siiyo sidii loo heli lahaa mashaariic ku aadan dhan Beerraha iyo in dadka Soomaaliyeed gaar ahaan Beerraleyda iyo Xoolla dhaqtada in loo sameeyo barnaamijyo ay ku hormarin karaan Beerrahooda.



October 17, September 2011 (Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) :  Ciidammada Dowladda Soomaaliya ee howl gallada ka wada gobollada Jubbooyinka ee kubaacsanaya kooxda Al-Shabaab halkaasi ayaa ku    wajahan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Wararka uu Radio Muqdisho ka helayo deegaannada Jubbooyinka gaar ahaan degmada Afmadoow ayaa sheegaya in ciidammada qalabka sida ee Soomaaliya in ay ku sii wajahan yihiin magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose kaddib markii ciidamada dowladda ay kooxda Shabaab ka xureeyeen degmada Afmadoow iyo deegaanada kale ee ku xeeran.

Ciidammada Dowladda Soomaaliya oo aad u qalabeeysan ayaa howlgalkooda u baahiyay goobaha Al-Shabaab ay ugu sugnaayeen  gobollada Jubbooyinka oo hada howlgalladooda ay meel wanaagsan marayaan.

Saraakiisha ciidanka Dowladda ayaa Radio Muqdisho u sheegay in aysan joojin doonin howl galka ee uu yahay sidii uu u billaawday si gumaadka Khawaarijta looga dul qaado ummadda Soomaaliyeed ee dhibaateysan.

Wariyaha warbaahinta qaranka ee Jubbooyinka Maxamed Ilkacase ayaa isna ku soo waramaya in aysan jirin xiligaani awood Shabaab ka tirsan oociidamada dowladda hor istaagi karta maadaama ciidanka qaranka muddo loo diyaarinayay sidii cadowga dadka Soomaaliyeed uu Juubooyinka iyo meel walbo oo Soomaaliya ka tirsan ay ugu sifeyn lahaa.

October 15, September 2011 (Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) :

Danjire Augustine Mahiga oo Muqdisho maanta soo gaaray iyo kulamo uu la yeeshay Madaxda sare ee Dowladda KMG ah.

Danjiraha QM uga wakiilka ah arrimaha Soomaaliya Augustina Mahiga ayaa waxa uu Maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho, iyadoo uu ka soo degay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde International.

Augustina Mahiga  ayaa markii uu dalka soo gaaray waxa uu kulamo la qaatay  Madaxda Dowladda KMG ah ee Soomaaliya, iyadoo ugu horayntii la kulmay Ra’iisul wasaare C/weli Maxamed Cali Gaas iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka, kadibna waxa ay is arkeen Madaxweyne Shariif.
















October 13, September 2011 (Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) :  Hay’adda Maareenta Musiibooyin ayaa sheegtay in wado qorshayaal ay ku dooneyso in ay gargaar ku gaarsiiso  dadka ku soo laabtay goobihii laga xureeyay kooxda Al-Shabaab iyadoo dhinaca kale faahfaahin ka bixisay gargaarka loo fiyay dadka ku sugan gobollada ay Shabaab haraadiga ku yihiin.

Guddoomiyaha hay’adda Maareenta Musibooyinka C/llaahi Maxamed Sharwacoo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in markii hore aysan qorshaha ugu jirin in ay gargaar gaarsiiyaan goobaha Shabaab laga xureeyay hasa ahaatee hada ay lagama maarmaan ay tahay in dadkaasi caawimaad la gaarsiiyo.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in maamullada degmooyinka nabad galyada lagu soo celiyo in ay hay’adda la shaqeeyaan, waxa uu intaa ku daray in dhawaan ay ku dhaqaaqi doonan arrimahaasi.

C/llaahi Maxamed Sharwac ayaa carabka ku dhuftay in dad gaaraya illaa 100,000( boqol kun) oo barakacayaal  ah in ay u fidiyeen gargaar kuwaa oo uu sheegay in ay ku kala sugan yihiin magaalada Muqdisho iyo qaybo ka mid ah gobollada dalka.

Ugu danbentii ayuu sheegay in dad badan oo barakacayaal oo ku sugan gobolladaa ay Shabaab haraadiga ku yihiin in loo fidin doono gurmad bini’aadannimo.


October 13, September 2011 (Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) : Taliska Baliiska qaybta guud ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in si deg deg ah lagu howl galinayo saldhigayada Baliiska degmooyinka gobolka Banaadir ee laga saaray kooxda Al-Shabaab.

Taliyaha Baliiska gobolka Banaadir Cornel Axmed Xasan Maallin ayaa sheegay in dhawaan la howl  galinayo ciidamada ka how galla saldhigyada degmooyinka gobolka Banaadir qaarkood kaddib markii laga xureeyay kooxda Al-Shabaab, waxa uu intaa ku daray in ay diyaarsan  yihiin ciidamada howllahaasi looga tala galay.

Cornel Axmed Xasan Maallin ayaa sheegay in dhawaan uu kormer ku sameeyay degmooyin ay ka mid yihiin Yaaqshiid iyo Hilawaa oo ka mid goobihii ugu danbeeyay ee laga xureeyay Khawaarijta Shabaab.

Taliyaha Baliiska gobolka Banaadir ayaa tilmaamay in ay socdaan qorshayaal ku bada oo ku aadan  loo xaqiijn lahaa ammaanka deegaannada la xureeyay si dadka deegaanbadaasi degan aysan dhibaato usoo gaarin.

Axmed Xasan Maallin ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan deegaannada laga howl gallinayo saldhigaya Baliiska in ay kala shaqeeyaan adkeenta amniga.


October 12, September 2011 (Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) : Maanta oo ay taariikhdu klu beegan tahay 12ka bisha October ayaa waxa ay ku asteeysan tahay maalinta calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya iyadoo Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya uu idin soo gudbin doono
barnaamijyo iyo suugaan arrimahaasi ka turjumaya.

Maanta oo ah maalin taariikhi u ah dhammaan ummadda Soomaaliyeed maadaama ay tahay 12ka October oo ah maalinta Calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya la unkay.

Calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa waxaa hindisay nin lagu magcaabo Maxamed Cawaale Liibaan sanadii 1951dii.

Waa maalin qadarin iyo qiimo uga fadhisa dhammaan dadka Soomaaliyeed meel walbo oo uu ku sugan yihiin, hasa ahaatee ummadda Soomaaliyeed waxaa xanuun iyo uur ku taallo ku noqotay sida laga yeellay sharafta iyokaraamada uu leeyahay Calanka xiddigta dhexda ku leh ee baluuga ah.

Kooxo iimaan laawayaal ayaa la soo baxay wax ka baxsan dhaqanka iyo fikiradda shacabka Soomaaliyeed iyagoo isku dayay in ay calankeena ku dallaan maro madoow oo laga soo min guuriyay fikradda kooxo argagixiso ah oo dalalkooda danbiyo waa weyn ka soo galay.


Balse dowladdeena Soomaaliyeed ayaa dhabar ku riday oo ku dadaashay in ay canaasiirta ka difaacdo calankeena, ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa tariikhda baal dahab galay kaddib markii ay degaanno badan ka dajiyeen marada madoow ee Shabaab uu isku dayay in uu calankeena ku badalo.



October 11, September 2011 (Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) : Shirka gollaha wasiiradda xukuumadda Soomaaliya ayaa ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa looga hadlay arrimaha siyaasadda, ammaanka, badda iyo waxyaabo kale.

Afhayeenka Xukuumadda ahna taliyaha R/wasaaraha Eng. C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariiso) oo Radio Muqdisho waraysi siiyay ayaa sheegay in shirka gollaha wasiiradda ugu horeyn looga hadlay safarkii R/wasaaraha ee ku tahay dalal dhowr oo caalamka ka mid ah iyo arrinta badda oo ay Baarlamaanka Soomaaliya Baabi’iyeen, waxa uu intaa raaciyay in sidoo kale looga hadlay xaaladdaha ammaan ee dalka.

Yariisoo aya tilmaamay in wasiiradda ay isku soo haddal qaadeen dhacdadaii foosha xaumeed ee 4tii bishan ka dhacaday magaalada Muqdisho,iyo arrimaha badda, iyadoo intaa kaddib uu Ra’iisul wasaaraha uu ka war bixiyay safarkii uu ku tagay Mareykanka Kanada iyo dalalka kale.

Afhayeenka Xukuumadda ayaa tibaaxay in R/wasaaraha uu ammaray in si deg deg ah loogu sameeyay dhammaan wasaaraddii ay xaruhooda ku bur burreen dhacdii ka dhacay Hargaha iyo Saamaha si ay u sii anba qaadaan u adeega ummadda Soomaaliyeed.

Waxa uu sheegay in si aad ah looga doodday arrinta ammaanka oo ay dowladda Soomaaliya muddooyinkaan ku howl lanneed iyadoo intaa kaddib aywasiiradda ay isla garteen in la  saxo dhammaan waxayaabaha ammaanka kushaqo leh, Eng Yariisoow ayaa sheegay in qorshaha xasillinta qaranka incaalamka looga dalday in ay taageeraan si loogu guulleysto arrimahaasi.cod

Ugu danbeeyntii ayuu sheegay in arrimaha badda waqti badan la galiyay laga doodday kaddibna ay gollaha wasiiradda isku raaceen in arrinta badda laga saaro dokumintiyada ay ka mid yihiin Roadmap-ka iyo Dastuurka si ay u noqoto arrin la isku raacsan yahay.cod

October 11, September 2011 (Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) : Halkaan waxaan idinkugu soo gudbineynaa Sawirrada kormeer ay maanta ku
tageen goobihii shalay laga xoreeyey Maleeshiyada Kooxda Khawaarijta ah
ee Al-Shabaab Wasiirudowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Gudoomiyaha
Maxkamadda Ciidammada Qalabka Sida.








October 11, September 2011 (Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) : Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa hambalyo u dirtay ciidamadaqalabka sida ee Soomaaliya iyadoo  dhinaca kale sheegtay in dhawaan la soo afjari doono howl galka lagu daba jari kooxda Khawaarijta ah ee Shabaab.

R/wasaare ku xigeen ahna wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya mudane Xuseen Carab Ciise oo howllo shaqo ku jooga dalka Mareykanka oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in uu hambalyo iyo bogaadin u dirayo dhammaan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya sida wanaagsan ee ay u guteen waajibaadkii ka saarnaa difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Xasueen Carab Ciise Wasiirka Gaashaandhigga ayaa tilmaamay in howl galka dowladda Soomaaliya ay ka sameeysay magaalada Muqdisho in uu ahaa mid horey loo qorsheeyay islamarkaana uu u dhacay sidii loogu talla galay waxa uu intaa raaciyay in uu sii socon doono how galka dalka loogaxureenayo kooxda Khawaarijta ah ee Shabaab.

Wasiirka ayaa tibabaxay in ciidamada ay goor dhow gaari doonaan gobollada ay dadka ku gumaadeyso kooxda Shabaab balse waxa uu xusay in dadka shacabka ah ay daahsanayaan howl  galka maadaama uu yahay how galka Milatari oo u baahan in si taxadar leh loo wado.

Dhinaca kale wasiirka Gaashaandhigga ayaa ka war bixiyay shafarka uu ku joogo dalka Mareykanka waxa uuna sheegay in uu halkaasi uu kulla kulmay dadka Soomaaliyeed ee dalkaasi degan iyo saraakii hore uga tirsanaa ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, isagoo tibaaxay in saraakiishaasa ay sheegeen in ay diyaar u yihiin in ay tallooyin k dhiibtaan dhismaha ciidamad xoogga oo dhameys tirsan.



October 11, September 2011 (Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) : Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay fahfaahin ka bixisay howl galladii ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ka fulliyeen saacaddiihii la soo dhaafay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya mudane C/qaadir Xuseen Maxamed (Jahweyn) oo waraysi siiyay Radio Muqdisho ayaa sharaax ka bixiyay howl galkii ay sameeyeen ciidamada dowladda iyo ciidamada AMISOM waxa uuna sheegay in uu guul uu ku soo dhammaaday howl galkaasi islamarkaana lagu xaqiijyay gacan ku heynta caasimadda inta ka harsaneed.

Wasiirka ayaa tibaaxay in Xukuumadda ay wado dadaal ballaaran oo ku aadan oo in l si deg deh ah lagu gaaro gobollada ay ku harsan yihiin maleeshiyada kooxda Shabaab, isagoo tibaaxay in hadda lagu guulleystay wajigii hore ee bur burka kooxda Al-Shabaab.

Mudane Jahweyn ayaa tilmaamay in dowladda ay mar kale ku celineeyso in aysan marnaba joogsan doonaanin howl gallada haatan dalka ka socda ooay socon doonaan inta laga cirib tiro Khawaarijta Shabaab.

Waxa uu intaa raaciyay inay soo gabagboowday jiritaanka Shabaab, waxauu farta ku fiiqay in uu aad u yaraa qasaarraha ka dhashay howl galka isagoo taasi u sababeeyay in aysan jirin maleeshiyaad awood leh oo is hor istaagi kara ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo kashanaya ciidamada Midoowga Afrika ee AMISOM.





October 11, September 2011 (Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) : Ra’iisul wasaaraha dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan ayaa beesha caalamka ugu baaqay in ay caawimaad deg deg ah oo dhinacyo badan u fidiyaan Soomaaliya oo ay ka jiraan xaalado ammaan xumo iyo abaaro.

Mr Erdogan oo u warramayay wargay  ka soo baxa dalka Turkiga ayaa ku boorriyay bulsho weynta caalamka in ay Soomaaliya ka saacidaan dhinacyada ammaanka, Siyaasadda iyo Gargaarka bani’aadminimo si buu yiri looga adkaado kooxda Alshabaab ee dhibaatada ku haysa Shacabka Soomaaliyeed loona soo afjaro xaaladda abaareed ee dalka ka jirta.

Ra’iisulwasaare Erdogan waxa uu sheegay in dowladdiisu sii wadi doonto taageerada ay u fidineyso shacabka Soomaaliyeed ee tabaaleysan.


October 11, September 2011 (Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) : Xildhibaan Maxamuud Geedi Hiloowle oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaaka Soomaaliya ayaa sheegay in dalka Mareykanka looga dabaal dagayo guusha ay gaareen ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya isagoo dhinaca kale sheegay in Soomaalida Mareykanka ku dhaqan in ay si aad ah tageyrsan yihiin maxkamada ciidamada qalabka sida howsha au shacabka Soomaaliyeed uheyso.

Maxamuud Geedi Hiloowle oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya oo ku san magaalada Minnesota ee dalka Mareykanka oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in dhammaan dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi in ay u dabaal dagayaan guullaha ay soo hoyeen ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo magaalada Muqdisho ka saaray kooxda
Al-Shabaab.

Xildhibaanka ayaa tilmaamay in magaalada Minnesota Soomaalida ku dhaqan ay maanta ku qaxweynayaan howl galkii shalay ciidamada dowladda ay Muqdisho uga saareen Shabaab, isagoo carabk ku dhuftay in arrintaasi ay muujineeyso in dadka Soomaaliyeed meel walbo oo uu jooga in ay isku duuban yihiin.

Waxa uu ugu baaqay hay’addaha ammaana dowladda ee ku shaqada leh howlgallada in aysan joojin howl galladaasi si dadka Soomaaliyeed ay u hellaan nolol xurnimo leh, waxa uu inta sii raaciyay in ay dhiira gallinayaan.

Dhinaca kale xidhibaan Maxamuud Geedi Hiloowle ayaa sheegay in Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Mareykanka in ay si aad ah u taageersan tahayhowlsha ay dalka ka wada maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, waxa uu farta ku fiiqay in ay qayb weyn ka qaadanesyo nabadeenta guud ahaan dalka Soomaaliya.

Ugu danbeeytii ayuu tibaaxay in dadka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay garab istaagaan oo ay la shaqeeyaan ciidamada dowladda ee ku howllan sidii ay dalka nabad iyo kala danbeyn ugu soo celin lahaayeen.

October 10, September 2011 (Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) : Halkan waxaan idinkugu soo gudbineynaa Sawirrada Xaflad Casho Sharaf ah oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu caawa xarunta Madaxtooyada Qaranka ugu sameeyey Wasiirka Gaashaandhigga Wadanka Burundi oo maanta magaalada Muqdisho soo gaaray.





October 10, September 2011 (Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) : Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa saakay arrortii la wareegay xaruntii Warshada Baastada ee magaalada Muqdisho kaddib howl gal ay ciidamada ka wadaan goobaha ay Muqdisho haraadiga uga yihiin kooxda Khawaarijta ah ee Shabaab.

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashana kuwa Midoowga Afrika ee AMISOM oo saakay subaxnimadii hore ku dhaqaaqay dhammaan deegaannada ay cadowga uga hareen magaalada Muqdisho ayaa la wareegay gooba badan oo Shabaab haraadi ku ahaa.

Taliyaha guutada labaad ee madaxtooyada qaranka Soomaaliyeed Cornel C/llaahi Cali Caanood oo  goor dhow la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay saakay dhowr jiho ay ku dhaqaaaqeen waxa uu tilmaamay in meellaha ay ka billaabeen howl galka in ay ka mid tahay dhanka IStaalka Keysaneey iyo dhanka xaruntii hore ee talafishinkaqaranka.

Taliyaha ayaa tibaaxay in  ciidamada ay si toos ah ulla wreegeen xaruntii Warshada Baastada, Shalleemo Puntlad Dhammaan xaafadda Juungal iyo goobo kale waxa uu intaa raaciyay in ay sii wadi doonaan howl galka illaa iyo inta  maanta ay magaalada Muqdisho ka bixinayaan cadowha uu Shabaab ugu horeeyo Caasimadda.

October 10, September 2011 (Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) :Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta kormeer ku tagay xaruntii Hargaha iyo Saamaha ee magaalada Muqdisho halkaasi oo Afartii Bishan ay ka dhacday ay Maleeshiyada Shabaabku ku xasuuqeen dad Arday u badnaa oo aan waxba galabsan.

Ra’isulwasaare C/weli Maxamed Cali oo kormeerkiisan ku tegay Xaruntii Hargaha iyo Saamaha waxyar kadib markii uu dalka kusoo laabtay maanta ayaa waxaa ku wehliyey Wasiirro ka tirsan Xukuumadda oo uu ka mid yahay Ra’isulwasaare Kuxigeenka ahna Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/wahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif.

Mudane C/weli Maxamed Cali ayaa gebi ahaanba waa uu kormeer ku sameeyey qeybaha uu ka kooban yahay dhismaha Xarunta Wakaaladii Hargaha iyo Saamaha isagoo si gaar ahna ugu kuur galay bur burka meesha ka jira iyo sidoo kale Daawo ku keydsaneyd bakhaar ay leedahay Wasaaradda Caafimaadka oo gebi ahaanba iyana ku baaba’day qaraxii masiibada ahaa eegoobtaasi lala beegsaday.

Ra’isulwasaare C/weli Maxamed Cali oo kormeerkiisa kadib si kooban uga hadlay ayaa waxa uu tilmaamay in indhihiisa uu ku arkay wax lala yaabo baaxada qasaaraha dhan kasta uu ugeystay shacbiga Soomaaliyeedna aanay yareyn waxaana uu alle uga baryey inta sida xaq darada ah goobtaasi loogu dilay uu Naxariistiisa jano siiyo, inta ku dhaawacantayna uu Alle Caafimaad deg deg siiyo.





October 9, September 2011 (Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) :  Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa ay magaalada Muqdisho ku yeesheen maanta kulan ay kaga doodayeen heshiisyada la xiriira xadeynta Badda kaasi oo qeyb ka ahaa kulammo mudooyinkanba uu Baarlamaanku yeelanayey. Waxaa soo xaadirtay 335 xildhibaan kuwaasoo isku wada raacay inay diidaan sharciyada khiyaanada ah ee ay wadaan dad rabo inay iibsadaan badda Soomaaliya. 335 xildhibaan waxay si wadajir ah iskugu raaceen inay ka qabtaan khiyaanadan Ummadda Soomaaliyeed wayna diideen.

1. In lagu Dhaqmo Sharciga Badda Soomaaliya ee soo baxay Sanadkii 1988-dii

2. In Hay’adaha Dastuuriga ee Kumeel gaarka ah ee dalka; sida Madaxtooyada, Baarlamanka iyo xukuumadda aysan awood u \lahayn in ay wax ka bedelaan ama dib u eegis ama ka wada xaajood ku sameeyaan Xaduud badeedka Soomaaliya, iyo xuduudka hawada iyo dhulka Soomaaliya.\

3. Waxaa la laalay ama la burburiyay dhammaan heshiisyadii ama is afgaradkii Caalamiga ahaa ee lala galay Hay’ado, Dowladaha Deriska ah iyo ururro Caalami ah iyo shakhsiyaad, islamarkaana ku saabsanaa dhanka xadeynta badaha oo la gaaray wixii ka dambeeyay 1da bishii Janaayo Sanadkii 1991kii.

4. Xadgudub kasta ama gabood fal kasta oo wax loogu dhimayo xuduudaha Jamhuuriyadda Soomaaliya berriga, Badda iyo hawada sare ee Soomaaliya, waxaa loo aqoonsanayaa duullaan bareer ah oo lagu soo qaaday Maaxbannaanida iyo Siyaasadda iyo Midnimadda Ummadda Soomaaliya.

5. Xukuumad walba oo loo igmado howsha Dalka waxaa la farayaa in ay go’aankaan gaarsiiyaan dhamaman Dowladaha Deriska ah iyo Hay’adaha caalamiga ah.

6. Cid walba oo ku xadgudubta waxa ay galeysaa dambi ah Khiyaanno Qaran.

Kulanka maanta oo uu shir gudoominayey Kusimaha Gudoomiyaha Baarlamaanka ahna Gudoomiye Kuxigeenka Koobaad ee Golaha Baarlamaanka Mudane C/weli Sheekh Ibraahim Muudeey waxaana Xildhibaanadu ay ku go’aamiyeen in la Baabi’iyo dhamaanba heshiisyada la xiriira Badda. Ummadda Soomaaliyeed waxay idinku mahadcelinaysaa khayr iyo wanaag Amiin Allahayoow!


October 9, September 2011 (Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) : Abwaanka Soomaaliyeed Prof Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi oo ka mid ah Abwaaniinta ugu caansan dalkeena ayaa ka hadlay falkii foosha xumaa ee dhowaan Maleeshiyada Kooxda Al-Shabaab ku xasuuqeen dad Soomaaliyeed  ooArday ubadnaa.

Abwaan Hadraawi oo Wareysi gaar ah siiyey Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya isaga oo ku sugan magaalada Hargeysa ee WaqooyiGalbeed Soomaaliya ayaa ugu horeyn shacbiga Soomaaliyeed uga tacsiyeeyey dadkii halkaasi sida xaqdarada loogu laayey isagoo dhanka kalena inta dhaawaca ah Alle uga baryey in uu caafimaad siiyo.

Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Wareysiga Uu Radio Muqdisho La Yeeshay Abwaan Hadraawi

“Runtii dhacdadaasi aad ayaan uga xumahay waana cambaareynayaa waxaase nimanka Shabaab la yiraahdo laga doonayaa inay is waafajiyaan oraahdooda iyo ficilkooda waayo diin ayey sheeganayaan diintuna ma qabtoin dad Shacab ah lalaayo oo dhiigooda la daadiyo” ayuu yiri Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi.

Abwaanka ayaa waxa uu shacbiga Soomaaliyeed ugu baaqay in la doonayo inay ogaadaan dhibaatada mudada ay ku jireen sida ay uga bixin lahaayeenbalse waqtigan ay ayaandaro tahay in dad Soomaalida ka mid ah ay ka shaqeeyaan in Umaddu dhibaato kusii jirto.

Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi ayaa codkiisa ku biiriyey qeybaha kala duwan ee Cambaareeyey qaraxii Afartii bishan ka dhacay magaalada Muqdisho kaasi oo ay ku naf waayeen dad ka badan 70 ruux waxaana falkaasi foosha xun mas’uuliyadiisa sheegtay Maleeshiyada KooxdaAl-Shabaab.



October 9, September 2011 (Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) : Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa
Khudbad Qiimo leh oo dhinacyo badan taabaneysa u jeediyey ganacsatada Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho oo uu maanta Madaxweynuhu dib Xarigga uga jaray.

Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa Khudbadiisa uga hadlay arrimo dhowr oo ay ugu muhiim santahay sida Ganacsatada Suuqa Bakaaraha la doonayo inay uga shaqeeyaan ammaankooda ayadoo ay Dowladda Soomaaliyana muhiimad siineyso Sugidda Ammaanka Suuqa Bakaaraha.

Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo khudbadan ka jeediyey meel fagaaro ah oo ganacsato badani ay kasoo qeybgaleen ayaa waxaa Madaxweynaha Khudbadda kusoo dhoweynaya Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Maxamuud Axmed Nuur(Tarsan).


October 7, September 2011 (Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) : Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Sheekh Shariif  Sheekh Axmed oo maanta ka hadlay Masjidka Shuhadaa ee madaxtooyada qaranka Salaadii Jimcaha kadib ayaa nasiib darro ku tilmaamay in magac diimeed ay Maleeshiyada Alshaabab  ku xasuuqaan dadka Soomaaliyeed isagoo ku dheeraaday xanuunka ardaydii lagu xasuuqay xaruntii hargaha iyo saamaha.

Madaxweyne Shariif ayaa sheegay in maleeshiyada Alshabaab ay caaddeysteen leynta dadka muslimiinta ah iyagoo huwan magac diimeed si ay u xalaashadaan dhiigooda xurmeysan.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa ka hadlay cuquubada ka dhalan karta dilka qof muslim ah, isagoo soo daliilinayay Aayado Qur’aan ah iyo Axaadiis ka turjumeysa dhibaatada ka dhalan karta dilka dadka muslimiinta ah.

Halkan Hoose ka Dhageeyso Qudbada Madaxweynah



Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Ra'iisul Wasaaraha Ethiopia

October 7, September 2011 (Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) : Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali oo jooga Addis Ababa ayaa kulan dheer la qaatay dhigiisa Ra'iisul Wasaaraha Ethiopia Melez Zenawi. Labada Ra'iisul Wasaare ayaa ka wada hadlay arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Ethiopia, arrimaha amniga, abaaraha iyo xaaladda dalka Soomaaliya.

Ra'iisul Wasaaraha Ethiopia Melez Zenawi ayaa ugu horreyntii u tacsiyeeyey Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed falkii lagu laayey dadkii Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan oo ay u badnaayeen arday iyo waalidiintooda, falkaas oo ka dhacay Muqdisho 4 October. Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali ayaa u mahadceliyey dhigiiisa Melez Zanawi sida quruxda badan ee loogu soo dhoweeyey dalka Ethiopia gaar ahaan magaalo madaxda
Addis Ababa.

Labada Ra'iisul Wasaare oo waqti dheer isla qaatay una wada hadlay si saraaxad ah ayaa ka wada hadlay arrimo badan oo ay ugu muhiimsanaayeen Amniga, Abaaraha iyo sidii Dowladda Soomaaliyeed looga saacidi lahaa dhaqangelinta Roadmap kii ay Soomaalidu wada saxiixdeen 6dii September. Labada mas'uul ayaa sheegay in horumarka laga sameeyey amniga, siyaasadda iyo dib-u-heshiisiinta loo baahanyahay in horey loo sii wado. Sidoo kale labada Ra'iisul Wasaare ayaa isla gartay in laga wada shaqeeyo dhanka amniga iyo abaaraha oo shacabka soomaaliyeed la gaarsiiyo gar-gaarka bani'aadanimo.

Waa markii ugu horreysey ee uu Ra'iisul Wasaare Prof  Abdiweli Mohamed Ali soo gaaro Addis Ababa tan iyo intii uu la wareegey xilka Ra'iisul Wasaarenimo ee Soomaaliya. Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la hadlayey wariyeyaasha Ethiopia ka dib kulankii labada Ra'iisul Wasaare ayaa wuxuu saxaafadda u sheegay in kulankoodii uu ahaa mid guul iyo is-afgarad ku dhamaaday, isla markaana looga wada hadlay xiriirka labada dal iyo sidii la isaga kaashan lahaa amniga geeska Afrika iyo sidoo kale arrimaha abaaraha. Ra'iisul Wasaare Abdiweli ayaa sheegay in falkii waxashnimada ahaa ee Al-Shabaab ku dileen ardaydii Soomaaliyeed inuusan niyad jab u keeneynin dowladda Soomaaliya oo uu sheegay in la sii xoojinayo dadaalada kooxaha Al-Shabaab looga sifeynayo dalka Soomaaliya.
--


October 7, September 2011 (Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) : Maamulka Puntland ayaa faahfaahin ka bixiyay markab weyn oo kusoo xirtay Dekedda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Barri kaddib hadallo  kala duwan oo markabkaasi ka soo baxay.

Wasiirka Maaliyadda maamulka Puntland Sheekh Axmed Siid Aadan oo Shir jara’id ku qabtay magaalada Boosaaso ayaa sharaax ka bixiyay markabka weyn ee ku soo xirtay dekdedda Boosaaso waxa uuna sheegay in markabkaasiuu sido mucaawino iyo qalab kale.

Waxa uu tilmaamay in markabka ay saaran yihiin Bur, Bariis,  Sonkor iyo Caanno o ah deeq ka timid dalka Isutaga Imaaraadka Carabta taasi oo ay ugu tala galleen dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu aafeeyeen, waxa uu sheegay wasiirka Maaliyadda in sidoo kale markabka ay saaran yihiin Teendhooyin loogu tal gallay in guryo loog sameeyo dadka tabaaleysan.

Wasiirka Maaliyadda Puntland ayaa carrabaabay in markabkan ka yimid dalka Isutaga Imaaraadka Carab in uu wado Gaadiid waa weyn oo ka qayb qaadanaya qaybinta gargaarka.

Mudane Sheekh Axmed Siid Aadan ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay in dalka Isutaga Imaaraadka Carabta ay ugu deqday  maamulka Puntland qalab loogu tala gallay la dagaallan ka Burcad Baddeeda



October 7, September 2011 (Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) : Allaha u naxariistee kooxo u hebeysan ayaa xalay dil toogsho ah ugu geestay guddoomiye ku xigeenkii maxkamadda Racfaanka magalaada Laascaanood xilli halkaasi lagu waday in uu booqasho ku tago madaxweynaha mamulka Soomaaliland.

Dilka loo geestay guddomiye ku xigeenkii maxkamadda Racfaanka Laascaanood ee maamulka Soomaaliland ayaa waxaa fuliyay rag Bastoollado ku hubeeysan.

Xilliga  uu dilka guddoomiye ku xigeenka dhacayay ayaa waxaa lagu soo waramayaa in uu ka soo baxay Masjid oo ku soo Tukaday salaadda Cishaha sidoo kale waxaa la sheegay in uu dhaawac soo gaaray dad rayid ah oo goobta ku sugnaa.

Magaalada uu dilka ka dhacay ayaa lagu waday in uu booqasho ku tago madaxweynaha maamulka Soomaaliland Axmed Maxamed Siilaanyo oo maalmahanbooqasho ku maryay degooyin ka tirsan Soomaaliland.



October 7, September 2011 (Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) : Wasaaradda Warfaafinta,Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa tacsi ka dirtay geerida ku timid Fanaanada Soomaaliyeed ee Faadumo Qaasim Hilowle oo ku geeriyootay dalka Ingiriiska kadib Warsaxaafadeed goor dhow kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya.

Warsaxaafadeed

Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya oo tacsi ka dirtay geerida Faadumo Qaasim Hilowle

(Muqdisho, 6 Oktoobar 2011) Wasaaradda Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta waxay tacsi tiiraanyo leh u direysaa qoyskii, eheladii, asxaabtii, fannaaniinta iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed, iyadoo uga tacsiyeyneysa geeridii ku timid allaha u naxariistee Faadumo Qaasim Hilowle oo maanta ku geeriyootay magaalada London.

Faadumo waxay ka soo jeeddaa qoys caan ku ah fanka Soomaalida, waxayna ka mid ahayd gabdhihii ka soo qeybqaatay horumarinta fanka.Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta, Mudane Cabdulqaadir Xuseen Maxamed (Jaahweyn) ayaa yiri:

“Faadumo waxay nooga tagtay keyd faneed oo qiimo leh. Waxaan Alle uga baryeynaa inuu jannadii fardowsa ka waraabiyo, qoyskii iyo ehelkii ay ka tagtayna uu samir iyo iimaan ka siiyo.”

DHAMMAAD

Muqdisho 06 October 2011 (Somaligov Portal) : Dowladda Turkiga ayaa ballan qaaday in ay dalkeeda ku daaweyneyso dhaawacyadii dhacdadi naxdinta lahayd ee Hargaha iyo saamaha Shalay ka dhacday. warkaan oo dhameystiran halkaan ka aqri:



October 6, September 2011 (Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) :