Home Wararka Maanta News in English الاخبار باللغه العربية Office of the President Office of the Primier Office of the Speaker Attorney-General The NSS The Somali Police Universties Institutes & Colleges Contact Us Jobs Gov-Email Login The Ministriese-mail me

September 1, 2008
 
Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo mar kale codka Kalsoonida siiyay Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde

Isniin, September 01, 2008(Somaligov News): Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta shir ku yeeshay Xaruntooda KMG ah ee magaalada Baydhabo ayaa waxay mar kale codka kalsoonida siiyeen Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde.

Xildhibaannada ayaa intii aaney codka kalsoonida u qaadin Xukuumadda waxaa xaruntii shirka hareeyay buuq iyo sawaxan ka dhashay qaabka codka kalsoonida loogu qaadayo Xukuumadda (gacan-taag iyo qarsoodi), waxaana ugu dambeyntii la qaatay in codka kalsoonida uu noqdo qaab gacan taag ah.

Mudanayaasha Baarlamaanka oo si weyn looga dareemayay fikir kala duwanaasho ku saabsan mooshinka laga keenay Xukuumadda Federaalka ayaa hadana ugu dambeyntii waxaa uu mooshinkii ku soo gebageboobay in Xukuumadda ay Baarlamaanka ka heshay codka kalsoonida.

Waxaa xusid mudan in intii aan codka kalsoonida loo qaadin Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankii maanta ee Baarlamaanka isaga baxeen Xildhibaano u badnaa kuwii mooshinka ka soo diyaariyay Xukuumadda, kuwaasi oo sida la sheegay ka carooday qaabkii uu Guddoonka Baarlamaanka u guddoominayay Kulankii ay Mudanayaasha Baarlamaanka isugu yimaadeen.

Markii ay Xildhibaannada Baarlamaanka isku raaceen in gacan-taag ah loogu codeeyo Xukuumadda Federaalka ayaa wuxuu guddoonka Baarlamaanka go’aamiyay in si gacan-taag ah codka kalsoonida loogu qaado Xukuumadda, waxayna 191 Mudane  oo ka mid ahaa 200 oo Mudane oo kulankii maanta fadhiday ay codka kalsoonida siiyeen Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde, 7 Mudane waa ay diideen 2 Mudane oo kalena waa ay ka aamuseen cod-bixintaas.

Ugu dambeyntiina, Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo kalsooni-siinta Xukuumaddiisa kadib u waramayay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da waxaa uu sheegay in uu ku faraxsan yahay kalsoonida la siiyay Xukuumaddiisa, wuxuuna sheegay in ay kalsooni-siintaas ku dhiirigelineyso howsha uu hayo.

Ra’iisal Wasaaraha oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in uu Xildhibaanada baarlamaanka horay uga codsaday in ay saxaan haddii uu qaldan yahay, haddii uu waddo sax ah ku socdana ay taageeraan.

Dagaal saaka ka dhacay qeybo ka mid ah Wadada Warshadaha ee Magaalada Muqdisho

Isniin, September 01, 2008(Somaligov News): Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya, gaar ahaan xaafado ku teedsan Wadada Warshadaha ayaa saaka waxaa ka dhacay dagaal dhexmaray Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac iyo Xoogagga Maxkamadaha Islaamka oo ka soo horjeeday.

Dagaalka oo la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa wuxuu ka dhacay Xaafadaha Carafaad, Miisaanka Dhuxusha iyo nawaaxiga Garoonka Kubadda Muqdisho Stadium, waxaana xaafadahaas laga maqlayay rasaas xooggan oo ay labada dhinac isku ridayeen.

Dagaalka ayaa wuxuu qarxay kadib markii ay Xoogagga Maxkamadaha Islaamka oo ka soo horjeeda Dowladda Federaalka iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya ay weerar ku qaadeen fariisimo ay Ciidamadaas kaga sugnaayeen qeybo ka mid ah Wadada Warshadaha.

Khasaaraha dadka rayidka ah ka soo gaaray dagaalkaas ayaa aad u yar waxaana taas ugu wacan iyadoo goobaha uu dagaalka ka dhacya ay yihiin kuwo ay dadkii deganaa horay uga barakaceen.

Haddii aynu eegno khasaaraha dagaalkii saaka ka soo gaaray dhinacyadii dagaallamayna Afhayeenka Howlgallada Maxkamadaha Islaamka C/raxiin Ciise Caddow ayaa sheegay in ay dagaalkii saaka ku dileen 10 askari, halka uu sheegay in aan dagaalkaas dhinacooda wax khasaare ah ka soo gaarin.

Dhinaca Dowladda Federaalka weli lagama hayo wax war ah oo ku saabsan khasaaraha ka soo gaaray dagaalkii saaka ka dhacay qeybo ka mid ah Wadada Warshadaha ee Magaalada Muqdisho.

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa muddo labo sano ku dhow waxaa ka dhaca dagaallo dhexmara Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda, waxayna dagaalladaas magaalada ka dhigeen mid dadkii deganaa badankiis ay ka carareen

Magaalooyin ka tirsan Puntland oo aan maanta laga soomin

Isniin, September 01, 2008(Somaligov News):  Iyadoo maanta qeybo fara badan oo ka mid ah dunida Muslimka si isku mid  ah looga soomay yaa hadana waxaan maanta laga soomin Magaalooyin fara badan oo ka tirsan Maamulka DGPL.

Magaalooyinka aan laga Soomin ee ka tirsan Maamulka Puntland, waxaa ka mid ah Magaalada Gaalkacyo, Badhan iyo Dhahar sida ay soo sheegayaan dadka deegaanka  Magaalooyinkaasi.

Khilaafkaan dhinaca Soonka ah ee soo kala dhexgalay qaybo ka mid ah Shacabka  Puntland ayaa loo sababaynayaaa dhinaca Madaahibta, iyadoo dadka qaar ay sheegayaan in ay aragti ku Soomi doonaan.

Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan Magaalooyinka aan laga Soomin ayaa la rajaynayaa in maalinta berri ah ay ku soomaan si bilaa Shuruud ah, walaw laga yaabo in aanan la arag bisha barakaysan ee Ramadan.

Soonka sanadkan ayaa u  muuqda mid si aad ah ay isugu khilaafsan yihiin   Culumaa’udiinka Puntland, iyadoo arimaha la xiriira khilaafka soonka uu dhawr jeer oo hore uga soo dhacay Magaalooyin ka mid ah Puntland.

Dhinaca kale maanta oo Isniin ah kuna beegan 1 Semptember ayaa si aad ah looga soomay Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, iyadoo kulan uu Maamulka Gobolka ku qabtay xalay xarunta Gobolka uu ku iclaamay in ay soomaan shacabka ku dhaqan guud ahaan Magaalada Boosaaso.

Inkastoo aan Magaalooyin ka tirsan Puntland ka tirsan aan laga soomin ayaa hadana waxaa arimahaan ay imaanayaa xili waqtiyadii ugu danbaysay ay shacabka Puntland diyaar garaw ballaaran ugu jireen bishan Barakaysan

Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo mar kale codka Kalsoonida siiyay Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde

Isniin, September 01, 2008(Somaligov): Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta shir ku yeeshay Xaruntooda KMG ah ee magaalada Baydhabo ayaa waxay mar kale codka kalsoonida siiyeen Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde.

Xildhibaannada ayaa intii aaney codka kalsoonida u qaadin Xukuumadda waxaa xaruntii shirka hareeyay buuq iyo sawaxan ka dhashay qaabka codka kalsoonida loogu qaadayo Xukuumadda (gacan-taag iyo qarsoodi), waxaana ugu dambeyntii la qaatay in codka kalsoonida uu noqdo qaab gacan taag ah.

Mudanayaasha Baarlamaanka oo si weyn looga dareemayay fikir kala duwanaasho ku saabsan mooshinka laga keenay Xukuumadda Federaalka ayaa hadana ugu dambeyntii waxaa uu mooshinkii ku soo gebageboobay in Xukuumadda ay Baarlamaanka ka heshay codka kalsoonida.

Waxaa xusid mudan in intii aan codka kalsoonida loo qaadin Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankii maanta ee Baarlamaanka isaga baxeen Xildhibaano u badnaa kuwii mooshinka ka soo diyaariyay Xukuumadda, kuwaasi oo sida la sheegay ka carooday qaabkii uu Guddoonka Baarlamaanka u guddoominayay Kulankii ay Mudanayaasha Baarlamaanka isugu yimaadeen.

Markii ay Xildhibaannada Baarlamaanka isku raaceen in gacan-taag ah loogu codeeyo Xukuumadda Federaalka ayaa wuxuu guddoonka Baarlamaanka go’aamiyay in si gacan-taag ah codka kalsoonida loogu qaado Xukuumadda, waxayna 191 Mudane  oo ka mid ahaa 200 oo Mudane oo kulankii maanta fadhiday ay codka kalsoonida siiyeen Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde, 7 Mudane waa ay diideen 2 Mudane oo kalena waa ay ka aamuseen cod-bixintaas.

Ugu dambeyntiina, Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo kalsooni-siinta Xukuumaddiisa kadib u waramayay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da waxaa uu sheegay in uu ku faraxsan yahay kalsoonida la siiyay Xukuumaddiisa, wuxuuna sheegay in ay kalsooni-siintaas ku dhiirigelineyso howsha uu hayo.

Ra’iisal Wasaaraha oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in uu Xildhibaanada baarlamaanka horay uga codsaday in ay saxaan haddii uu qaldan yahay, haddii uu waddo sax ah ku socdana ay taageeraan.

|Home| |Wararka Maanta| |News in English| |الاخبار باللغه العربية| |Office of the President| |Office of the Primier| |Office of the Speaker| |Attorney-General | |The NSS| |The Somali Police| |Universties| |Institutes & Colleges| |Contact Us| |Jobs| |Gov-Email Login| |The Ministries|